26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Sheekh Shariif oo heshiis awood qeybsi dhex dhigay Xawaadle iyo Abgaal

Jowhar (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle iyo dhamaan duubabka dhaqanka HirShabeelle ay go’aan ka gaareen dooddii ka taagneed cidda madaxweyne ka noqoneyso HirShabeelle.

Dad kala duwan oo aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay beesha Xawaadle ku qanceen in caasimada HirShabeelle loo celiyo Hiiraan,  islamarkaana afartii sanaba mar qaataan Madaxweynaha HirShabeelle, waxaana sidoo kale taas ogolaaday Cali Guudlaawe iyo duubabka dhaqanka.

Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa odayaasha dhaqanka iyo Madaxweyne Sheekh Shariif u sheegay, in markii ay baarlamaanka ka gudbaan doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, sidoo kalane la dhiso xukuumad heysata codka baarlamaanka, ay golaha wasiirada ay baarlamaanka horgeyn doonaan mooshin caasimadda looga dhigayo degmo ka tirsan gobalka Hiiraan.

Siyaasiin, Ugaaska Beesha Xawaadle, guud ahaan odayaasha dhaqanka ee HirShabeelle iyo Cali Guudlaawe ayaa heshiiskaan wada ogolaaday. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in lala wadaagay islamarkaana uu taageray go’aankaan.

Arrintaan ayaa meesha ka saareysa mugdigii iyo mad-madowgii ka jiray HirShabeelle ee dhinaca hogaanka ah, kadib dood Jowhar iyo Muqdisho ka taagneed bilooyinkii la soo dhaafay.

Si kastaba, ma cadda in baarlamanka ogolaan doonaan in dastuurka wax laga beddelo si caasimadda HirShabeelle looga raro Jowhar, waxaana suurta-gal ah in wax walba isbedelaan marka la doorto Guudlaawe.

Waxaa sidoo kale meesha ku jirta sida Guudlaawe ku aqbali doonin inuu ku shaqeeyo magaalo uu dareemayo in deegaan ahaan looga xooggan yahay.

JOE BIDEN oo ku hormaray gobolka Pennsylvania iyo waxa ay ka dhigan tahay

Philadelphia (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa qabtay hoggaanka tirada codadka gobolka muhiimka ee Pennsylvania, waxaana iska cad inuu noqon doono madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka.

Gobolkan ayaa leh 20 cod oo ka mid ah kuwa loo yaqaan Electroral Collage ee lagu hanto xilka madaxweynaha, wuxuuna ku filan yahay inuu Biden ka dhigo madaxweyne.

Biden ayaa hadda leh 253 cod, wuxuuna gobolka gaarsiin doonaa 273. Musharaxa madaxweynaha noqonaya ayaa u baahan 270. Tani macnaheedu wuxuu yahay in Biden uusan u baahneyn gobollada kale ee aan weli go’aanka laga gaarin.

Gobolka Pennsylvania ayaa waxaa weli ku harsan codad u badan kuwa Dimoqraadiga, waxaana la filayaa in Biden uu badankood ku guuleysto, taasi oo ka dhigeysa inaysan jirin rajo uu Trump ugu guuleysan karo gobolkan.

Qabashada hoggaanka Pennsylvania ayaa macnaheedu yahay in Rajada Donald Trump ee doorashada madaxweynaha Mareykanka ay dhammaatay, waxaana kasoo xirmaya albaab kasta oo fursad ah, ayada oo ay u badan tahay in maanta doorashada lagu kala baxo.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, oo Trump la loolamaya, ayaa goor sii horreysay si lama filaan ah u qabtay hoggaanka codadka gobolka Georgia, taasi oo aan marnaba la fileyn ka hor doorashada.

Gobolada  aan weli la go’aamin ayaa kala ah; North Carolina oo uu hoggaaminayo Trump, iyo Pennsylvania, Arizona iyo Nevada oo uu ku horreeyo Joe Biden.

Gobolka Pennsylvania waa gobolka uu ku dhashay Joe Biden, gaar ahaan magaalada Scranton.

R/W ABIY AHMED oo war isbeddel ah kasoo saaray dagaalka gobolka Tigray-ga

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta isku dayey inuu hoos u dhigo cabsida laga qabo dagaal lagu hoobto oo ka dhaca gobolka Tigray ee dalkaas, oo ciidamada militariga ay howlgal ka billaabeen.

Abiy ayaa sheegay in howlgalka militari ee gobolka Tigray uu leeyahay ujeedooyin xaddidan.

“Howlgallada ciidamada difaaca federaalka ee ka socda waqooyiga Ethiopia waxay leeyihiin hadafyo kooban oo lagu guuleysan karo – in lasoo celiyo amarka iyo kala dambeynta dastuuriga ah, lana ilaaliyo xuquuqda dadka Ethiopia ee ah inay ku noolaan nabad meel kasta oo ay dalka ka joogaan,” ayuu Abiy ku yiri qoraal usoo dhigay Twitter.

Hadalladiisa ayaa yimid kadib markii militariga ay shalay ku dhowaaqeen inay dagaal kula jiraan xisbiga TPLF ee hoggaamiya gobolka Tigray-ga kadib bilo ay xiisad u dhaxeysay gobolkaas iyo dowladda federaalka.

Abiy ayaa u muuqda inuu hoos u dhigayo xiisadda, xilli ay sii kordhayaan baaqyada beesha caalamka ee ku aadan wada-hadallo dhex-mara labada dhinac.

Waxa uu yiri “dowladda waxay muddo bilo ah si dulqaad leh isugu dayeysay inay si nabdoon u xalliso khilaafka kala dhaxeeya gobolka Tigray, waxaan isku daynay dhex-dhexaadin, dib u heshiisiin iyo wada-xaajood.”

“Dhammaan waa ay guul-darreysteen sababtoo ah isla weynida iyo madax adeegga TPLF. Tii ugu dambeysay waxay dhacday markii TPLF ay weerareen Taliska Waqooyi ee fadhiggiisu yahay Tigray,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Arbacadii sheegay inuu inuu ciidamada militariga amray inay jawaab ka bixiyaan “weerar” xisbiga maamula gobolka Tigray ee TPLF ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

TPLF waa ay beeniyeen inuu wax weerar ah dhacay, waxayna Abiy ku eedeeyeen inuu sheekadaas abuuray, si uu qiil ugu helo inuu ciidamada militariga ku daabulo gobolkaas.

Joe Biden oo si lama filaan ah u qabtay hoggaanka gobol sanado badan Jamhuuri ahaa

Atlanta (Caasimada Online) – Rajada Donald Trump ee doorashada madaxweynaha Mareykanka ayaa daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa sii xumaaneysa, waxaana kasoo xirmaya albaab kasta oo fursad ah, ayada oo ay u badan tahay in maanta doorashada lagu kala baxo.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, oo Trump la loolamaya, ayaa si lama filaan ah u qabtay hoggaanka codadka gobolka Georgia, taasi oo aan marnaba la fileyn ka hor doorashada.

Joe Biden ayaa waxyar un ka badan kun cod ka horreeya Trump, ayada oo tirinta codadka gobolkaas ay gebo-gebo tahay.

Gobolka Georgia ayaan u codeyn musharax madaxwene oo Dimoqraadi ah tan iyo 1992-kii, markaasi oo uu ku guuleystay Bill Clinton, waxaana wixii markaas ka dambeeyey uu ahaa gobol Jamhuuriga ku xooggan yihiin oo la isku halleyn karo.

Haddii Biden ku adkaado gobolka, ma jirto hab uu Trump doorashada ugu guuleysan karo, xitaa haddii uu ku guuleysto dhammaan gobollada kale ee harsan ee aan weli la go’aamin cidda hanatay.

Guusha Georgia ayaa Biden siin doonta 269 cod, waxaana haddii Trump uu ku guuleysto dhammaan gobollada kale uu heli karaa 269, taasi oo go’aanka doorashada u gacan gelineysa Aqalka Wakiilada, oo ay maamulaan Dimoqraadiga. Guusha doorashada ayaa u baahan 270.

Gobolada kale ee aan weli la go’aamin ayaa kala ah; North Carolina oo uu hoggaaminayo Trump, iyo Pennsylvania, Arizona iyo Nevada oo uu ku horreeyo Joe Biden.

Joe Biden, wuxuu hadda leeyahay 253 cod, halka Donald Trump uu ka haysto 214 cod.

Maxaa iska beddali doona go’aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel haddii laga guuleysto?

Riyadh (Caasimada Online) – Mas’uul hore uga tirsanaa dowladda Sacuudiga ayaa saadaaliyay ineysan waxba iska badali doonin go’aankii uu Donald Trump ku ogolaaday inuu Qudus ugu aqoonsado caasimadda Yahuuda, haddii looga adkaado doorashada Mareykanka.

Turki Al-Faisal, oo mar soo noqday madaxa mukhaabaraadka Sacuudiga, wuxuu aaminsan yahay in Joe Biden, haddii loo doorto madaxweynaha Mareykanka uusan beddeli doonin  go’aankii Trump ee Qudus, iyo sidoo kale kii buuraha Golan Height ee Syria lagu siiyey Israel.

Amiirka wuxuu hadalkaan kasoo yeeray isagoo ku sugan Imaaraadka Carabta, wuxuuna wali aaminsan yahay in Falastiiniyiinta aysan waxba usoo kordhineyn isbadalka ka dhaca dalka Mareykanka iyo haddii Joe Biden uu kusoo baxo xilka.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dowladaha carabta ay aaminsan yahiin in Joe Biden uu uga roonaan doono Trump dadka reer Falastiin, balse isaga aysan taas u muuqan, wuxuuna qabaa in wadadii Trump uu raaci doono.

Inkastoo ay dunida Muslimka ah aad u cambaareysay arrintaas, hadana Donald Trump wuxuu caasimadda Yahuudda u aqoonsaday Qudus sanadkii 2017, sidoo kale madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday wuxuu hirgaliyay heshiis uu ugu yeeray midka qarniga.

Wuxuu isku soo dhaweeyay qaar ka mid ah wadamada Carabta iyo Yahuudda, maadaama uu ka shaqeeyay heshiisyo diblomaasiyadeed oo ay Yahuudda la yeeshaan Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo dalka Suudaan.

Dadka reer Falastiin aad ayey arrintaan u cambaareeyeen, balse imaatinka Joe Biden wax isbadal ah inuu ka imaanayo uma arko amiir Turki Al-Faisal.

Donald Trump oo qabtay shir jaraa’id oo ka yaabiyey dadweynaha Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay qabtay shir jaraa’id oo ka yaabiyey dadka Mareykanka, isaga oo billaabay weerar xun oo uu ku faafiyey eedo aan wax caddeymo ah loo hayn oo ah in laga xadayo guusha doorashada Mareykanka.

“Waxay isku dayayaan inay xadaan doorashada,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Aqalka Cad, laba maalmood kadib markii ay soo dhammaatay codeynta doorashada.

Isaga oo aan wax caddeymo ah soo bandhigin, islamarkaana aan weriyayaasha u ogolaan inay su’aalo weydiiyaan, ayaa Trump wuxuu qaaday tallaabo aan caadi aheyn, oo ay kaga soo yeereen erayo aan taariikhda horey looga maqal madaxweyne Mareykan.

Waxa uu yiri in Dimoqraadiga ay isticmaalayaan “codad sharic-darro ah, si ay doorashada u xadaan.”

“Haddii aad tiriso codadka sharciga ah, si fudud ayaan u guuleysanayaa,” ayuu yiri. “Waxay isku dayayaan inay ku shubtaan doorashada. Mana ogolaan karno inay taas dhacdo.”

Cabashada Trump ayaa la xiriirta codadka doorashada ee lagu soo diray boostada, kuwaasi oo dadka qaar ay ka doorbideen inay codadkooda ka dhiibtaan goobaha doorashada.

Dad badan ayaa doortay inay codadkooda soo diraan sanadkan, ayaga oo ka walaacsan cudurka Coronavirus oo dalka Mareykanka ku dilay in ka badan 230,000 oo qof.

Si kastaba, maadaama Trump uu isku dayey inuu hoos u dhigo halista coronavirus, islamarkaana uu taageerayaashiisa u sheegay inaysan codadka kusoo dirin boostada oo ay toos u dhiibtaan, codadka boostada ayaa badankood ah kuwa Dimoqraadiga.

Sidoo kale, codadka lasoo diray ayaa tirinta lagu billaabay kadib kuwii tooska loo dhiibtay, waxaana dhacday kadib in gobollo badan oo uu ku horreeyey Trump, maadaama codadka maalinka doorashada ay ku badnaayeen taageeryaashiisa, kadib laga daba yimid ama laga hormaray markii la tiriyey kuwa lasoo diray.

Qeylo-dhaanta Trump ayaa timid ayada oo gobollo badan oo weli aan la go’aamin cidda ku guuleysatay ay u muuqdaan kuwa u janjeera dhanka Joe Biden.

Biden, oo 77 jir ah, ayaa hal ama laba gobol un u baahan si uu ugu guuleysto doorashada, ugana saaro Aqalka Cad Trump oo 74 jir ah.

Intee le’eg tahay awoodda militari ee gobolka Tigray oo ay is-hayaan Abiy Ahmed?

Mekelle (Caasimada Online) – Dagaalka dowladda federaalka Ethiopia iyo gobolka Tigray ayaa galay maalintii saddexaad inkasta oo weli si xooggan uusan u socon.

Diyaaradaha dagaalka dowladda waxay xalay duqeeyeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, ayaga oo beegsaday bartilmaameedyo aan illaa iyo hadda la ogeyn.

Diblomaasiyiinta iyo taxliiliyayaasha siyaasadda gobolka Geeska Afrika, ayaa rumeysan in dagaalkan uu noqon doono mid uusan si sahal ugu guuleysan Abiy Ahmed, sababtoo ah gobolka Tigray-ga, inkasta oo uu yahay mid ka mid ah gobolllada ugu dadka yar dalka, haddana waa mid ka mid ah kuwa ugu awoodda badan ciidan ahaan.

Isaga oo la hadlayey taleefishinka Tigray, ayaa madaxweynaha gobolka Debretsion Gebremichael waxa uu yiri “Tigrayga waxay haystaan awood ay ku burburiyaan cadowga fog iyo kuwa soke, iyo kuwa ku istaagga nabadda ee dagaalka ku iclaamiya dadka Tigrayga.”

Hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa sheegtay in marka la isku daro militariga, ciidamada sida militari ahaanta u tababaran iyo maleeshiyada, uu gobolka Tigray haysto 250,000 oo askari.

Waxaa intaas dheer in hoggaanka gobolka ee ay is-hayaan Abiy Ahmed ay haystaan taageerada buuxda ee shacabka gobolka oo dhan lix milyan oo qof, oo diyaar u ah inay u dagaalamaan.

Sidoo kale, Taliska Waqooyi ee ciidamada federaalka Ethiopia, oo fadhiggoodu yahay gobolka Tigray, ayaa haysta nus ka mid ah dhammaan ciidanka dowladda, islamarkaana hoggaankooda waa saraakiil Tigray ah.

Tigray ayaa ah gobol ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan aad u hormaray muddaadkii ka badneyda 20-ka sano ee uu dalka hoggaaminayey Meles Zenawi oo Tigray ahaa, ayaga oo ka faa’iideystay kheyraadka dalka ee ay gacanta ku hayeen.

Sidaas darteed, ICG waxay sheegtay in dagaalka uu noqon doono mid lagu hoobto oo ay adkaan doonto in lagu kala adkaado.

Ujeedka Faransiiska uu ka damacsan yahay Kenya iyo saameynta Turkey & Somalia

Arbacadii September 30, 2020 ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kula kulmay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron magaalada Paris. Safarka oo ku soo beegmay xilli Covid-19 uu dunida aafeyey ayaa  ahaa mid ujeeddo badan leh oo ay Faransiiska iyo Kenya ku kala saxiixdeen heshiisyo maalgelin gaarayay 1.6 bilyan yuro si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

Bishii March 2019kii ayaa Macron socdaal ku kala bixiyay dalalka Jabuuti, Itoobbiya iyo Kenya taas oo warbaahinta ku tilmaamtay mid looga gol lahaa ka hortagga saameynta Shiinaha ee gobolka, balse u muuqdo in loogu gogolxaarayay saameynta Faransiisku ee Bariga Afrika.

Socdaalkaas Macron waxuu Uhuru kula saxiixday heshiisyo gaaraya ilaa 2 bilyan yuro ($2.27 bilyan) oo ay ka mid ahayd 200 malyan yuro oo uu Faransiisku ku ilaalinayo xeebta iyo badda Kenya xilli muran ka taagan yahay xuduudda badda Soomaaliya iyo Kenya, shirkadiisa Total-na ay ka mid tahay shirkadaha shidaalka sida sharci darrada ah uga baarayo aaga badda Soomaaliyeed. 

Si lama filaan ah, shirkii Caalamiga ee Dhaqaalaha Buluugga ah (Sustainable Blue Economy) ee lagu qabtay Nairobi, ayaa dowladda Faransiiska kula saxiixtay Kenya Iskaashi Amni oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Comoros, Djibouti, Madagascar, Mauritius iyo Seychelles, balse shaki geliyay Soomaaliya.

Walow ay ka jiraan dhinaca Badweynta Hindiya fursado iskaashi oo aan la inkiri karin, haddana Faransiisku waxuu rabaa inuu muujiyo cududiisa badeed taas oo leh cabsideeda. Iskaashiga amniga ee uu la yeeshay dalalka gobolka  waa dariiq uu ku xukumayo marinnada badda ee u dhexeeya Gacanka Beershiya (Persian Gulf), Badda Dhexe (Mediterranean Sea) ilaa Badweynta Hindiya.

Xiriirka ganacsi ee Faranssiska iyo Kenya waa mid sii kordhaya sannad waliba. Faransa waa waddanka 14aad oo Kenya ay badeeca kasoo iibsato oo u badan makiinado culus, dawo iyo qalabka qurxinta, iyo beeraha, iwm. Maalgashiga Faransiiska wuxuu ahaa laba sano ka hor (2017) kudhawaad 500 malyan Yuro, halka mugga ganacsiga isla sannadkaas 171 milyan Yuro (Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransa, Dossiers Pays, Kenya).

Dhinaca kale, Faransiisku waxuu si cad u doonayaa inuu Shiinaha kula tartamo qayb ka mid ah maalgashiga dhismaha kaabayaasha sida ka muuqata heshiisyada dhawan ay Kenya ku kala saxiixdeen “Elysee Palace” oo ah madaxtooyada rasmiga ah ee Faransiika.

Paris waxay malgashiga kordhaya ee Beijing iyo Ankara u aragtaa inay caqabad weyn ku yihiin saameynteeda qaaradda, gaar ahaan “Franc Zone,” oo aan hore lagula tartami jirin. Shirkadahooda waxay raadinayaan sidii ay u kordhin lahaayeen iskaashiga Ankara kaddib markii ay arkeen in xiriirka Turkiga ee qaaradda Afrika uu sii kordhayo.

Sanadkii 2019ka ganacsiga Turkiga ee Afrika waxuu gaaray 26 bilyan oo doolar, halka ganacsiga Shiinaha ee 2018kii lagu qiyaasay 150 bilyan yuro.

Si kastaba ha ahaate, Faransiisku waxuu wajahayaa tartan sii kordhaya mana u sahlana sidii uu dalalka Afrika ugu qancin lahaa inay kala shaqeyaan maalgashi si uu u ilaalsado doorkiisa xilli Mareykanku, Shiinaha, Turkiga iyo kuwo kale ay u soo bandhigayaan kor u qaadidda xasilloonida iyo maalgashiga barwaaqeynta qaaradda, gaar ahaan Bariga Afrika.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Ciidanka DF iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay gobolka Galgaduud + Khasaaraha

0

Dhusamareb (Caasimadda Online) – Ciidanka Dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaano hoos taga gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan warbixino laga helayo halkaas.

Goobjoogayaal ayaa Caasimadda Online u sheegay in dagaalka uu ka bilowday deegaanka Bulacle ee ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana dhacay iska hor imaad uu ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Dadka deegaanka waxey noo sheegeen in wali dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayaan la maqlayo, sidoo kalana aan la ogaan karin khasaaraha ay is gaarsiiyeen labada dhinac iyo midka soo gaaray dadka rayidka ah.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Galmudug ayaa bilaabay hawlgallo ay ku beegsanayaan Al-Shabaab kuwaas oo weerar ku qaaday madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo kasoo duulayay garoonka Ugaas Nuur.

Dagaalyahanada Al-Shabaab waxaa lagala wareegay deegaano hor leh ka hor inta uusan bilaaban dagaalkaan, waxeyna dhacdooyinkaan kusoo aadayaan xilli ciidamada Booliska Soomaaliya laga doonayo iney sugaan ammaanka goobaha doorashooyinka.

Laba goobood ayaa dowlad goboleedka Galmudug laga dhigi doonaa kuraasta lagu tartami doono iyadoo Al-Shabaab ay gobollada dhexe durba ka bilaabeen qalqal galinta ku aadan amniga deegaanadaas.

Wixii kusoo kordha dib ayaad kala socon doontaan haduu eebe idmo.

Ku dhawaad 60 qof oo lagu dilay gudaha Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaanada Somaliland ayaa waxa lagu dilay 58 qof sanadkan aynu ku jirno gudihiisa, sida uu shaaciyey Taliska guud ee ciidamada Somaliland oo ka warbixinayay dilalkii u dambeeyay ee ka dhacay gudaha Somaliland.

Ku-xigeenka hoggaanka hawl-gelinta ciidanka Booliska, gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan oo warbixin ka jeediyay munaasibad lagu xusayay sanad guuradii 27-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka Booliska Somaliland, ayaa sheegay in dilalkaasi qaarkood loo hayo gacan ku dhiiglayaal ku eedeysan

Waxa uu xusay in ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen eedaysan.ayaashii ugu badnaa ee loo tirinayey inay ku lug lahaayeen dambiyadii dalka ka dhacay oo ay dilalka dadka iyo kufsigu safka hore kaga jiraan.

Gaashaanlaha ayaa sidoo kale sheegay in deegaanada Somaliland ay ka dhaceen falal badan oo la xiriira tacadiga jinsiga, kuwaasi oo tiradooda uu ku sheegay 161-kiis oo Kufsi ah, oo loo hayo 140 eedeysane oo kala duwan.

Somaliland ayaa inta badan lagu tiriyaa maamulada ugu amniga wanaagsan Soomaaliya, iyada oo walaac cusub ay abuurayso in muddo ku siman toban bilood ay gudaha deeganadaasi ka dhacaan dilal ku dhow Lixdan qof, inta la ogyahay.

Uganda oo tiro ciidamo kala baxday Somalia + Sababta

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Uganda ayaa tiro ciidamo ah kala baxday Soomaaliya kuwaas oo muddo hal sano ah ka tirsanaa ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada laga saaray Soomaaliya ee dib loogu soo dhaweeyay wadankooda waxaa tiradodoa lagu sheegay 2,100, waxaana xalayto lagu soo dhaweeyay Xarunta Tababbarka Howlgallada Taageerada Nabadda (PSO-TC) ee degmada Nakaseke.

ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada Difaaca Wilson Mbasu Mbadi ayaa soo dhaweeyay kaas oo ku hadlayay magaca abaanduulaha ciidamada difaaca, wuxuuna ku yiri: “Si sharaf leh ugu soo dhawaada dalkiina adinkoo nagu matalay qadiyadda Pan Africa ee Soomaaliya”

Dowladda Uganda waxey ciidamadeeda usoo dirtay Soomaaliya sanadkii 2007, waxeyna kusoo aadeysaa arintaan xilli la qorsheynayo in ciidamada Midowga Afrika ee hawlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya la saaro sanadka 2021.

Shalay ayey ciidamo hor leh soo gaareen Muqdisho kuwaas oo la sheegay iney sugi doonaan ammaanka doorashooyinka, balse qorshahaan ciidamada Uganda dib loogu celiyay wadankooda lama sheegin inuu qeyb ka yahay qorshaha lagu ballamay ee ciidamada shisheeye looga saarayo dalka.

SARAAKIIL shisheeye ah oo MUQDISHO u yimid arrin la xiriirta doorashada dalka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay soo gaaray ku dhawaad 150 askari oo u dhashay dalka Ghana, kuwaas oo ka miq noqonaya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Ciidamadaan waxey ka hawlgali doonaan sida la sheegaay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoo Booliska Soomaaliya ka saacidi doona sugidda amniga goobaha doorashooyinka.

Bayaan kasoo baxay AMISOM kadib markii ay ciidamada yimaadeen Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in loo gudbin doono magaalada Baydhaba, waxaana lagula dar-daarmay iney waajibaadkooda u gutaan sida ugu wanaagsan.

Imaatinka ciidamadaan ka qeyb noqonaya AMISOM wuxuu kusoo aadayaa xilli ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika la sheegay iney gudaha Soomaaliya isaga baxayaan sanadka 2021, balse ilaa iyo hadda ma muuqato saan-saan lagu fulinayo qorshahaas.

Mr. Baba Saanid Adamu oo ka mid ah masuuliyiinta ugu sarreysa ciidamada Midowga Afrika, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa ciidamada kula dar-daarmay iney si xirfad leh u gutaan waajibaadka saaran.

Dalka Soomaaliya ayaa galaya marxalad doorasho, waxaana qorshaha ahaa in bishaan ay bilawdaan doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyadoo lagu mashquulsan yahay hadda dhisidda maamulka Hir-Shabelle.

Xog: Wasiirka lala beegsaday qaraxii caawa ee Muqdisho iyo xaaladdiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax caawa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya Duraan Faarax Axmed.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgoyska KM-4, degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana ka badbaaday wasiirka iyo ilaaladii al socotay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka.

Nooca qaxaraas waxaa lagu sheegay miino wadada dhinaceeda la dhigay, waxaana la aaminsanyahay in bartilmaameedkiisu ahaa kololyadii gelbineysay wasiir Duraan.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxu dhacay markii ay gudbeen gadiidkii uu la socday wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo halkaas marayey.

Sidoo kale dadkii ku sugnaa goobta waxay kaloo noo sheegeen inay arkayeen gaari HILUX ah oo halkaas laga jiiday, kaas oo uu qaraxu haleelay, waxaana weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaxaraas caawa ka dhacay bartamaha caasimadda Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa inta badan fuliya qaraxyada noocaan oo kale ah, in kastoo aysan weli sheegan masuuliyadiisa, hadana marar badan ayey sidaan oo kale u beegsadeen gaadiid ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Militariga dalka Ethiopia oo si rasmi ah ugu dhowaaqay dagaalka Tigray iyo duqeyn ka billaabatay caasimadda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Militariga Ethiopia ayaa goordhow iclaamiyey inuu si rasmi ah u billowday dagaalka ay kula jiraan xisbiga maamula gobolka Tigray, xilli dagaalka uu galay maalintii labaad, islamarkaana ciidamo badan lasoo dhoobay xuduudda gobolka.

“Waddankeena wuxuu galay dagaal uusan fileyn. Dagaalkan waa mid ceeb ah oo aan ujeedo lahayn,” waxaa sidaas yiri Berhanu Jula, oo ah taliye ku-xigeenka ciidamada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa.

“Waxaan ka shaqeyneynaa in dagaalka uusan usoo gudbin bartamaha waddanka. Halkaas ayuu ku dhammaan doonaa, gobolka Tigray,” ayuu yiri Berhanu.

Daqiiqado kadib shirkaas jaraa’id ayaa diyaaradaha dagaalka dowladda waxay duqeeyeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, ayaga oo beegsaday bartilmaameedyo aan illaa iyo hadda la ogeyn.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeymahaas, iyo xaaladda guud ee magaalada Mekelle oo laga jaray isgaarsiinta.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Arbacadii sheegay inuu inuu ciidamada militariga amray inay jawaab ka bixiyaan “weerar” xisbiga maamula gobolka Tigray ee TPLF ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

TPLF waa ay beeniyeen inuu wax weerar ah dhacay, waxayna Abiy ku eedeeyeen inuu sheekadaas abuuray, si uu qiil ugu helo inuu ciidamada militariga ku daabulo gobolkaas.

“Waxa nalaga faafiyey waa dagaal cad, iyo qabsasho,” waxaa sidaas yiri madaxweynaha gobolka Tigray Debretsion Gebremichael oo maanta shir jaraa’id qabtay.

“Kani waa dagaal aan u galeyno inaan ilaalino jiritaankeena,” ayuu yiri.

Debretsion ayaa sheegay in dagaalka uu ka socdo galbeedka gobolka Tigray, islamarkaana ciidamada federaalka ay isku urursanayaan xuduudda gobollada deriska la ah ee Amhara iyo Afar.

Diblomaasiyiin ku sugan Addis Ababa ayaa sheegay inay u badan tahay inuu jiro khasaare labada dhinac ah, hase yeeshee saraakiisha Ethiopia shaaca kama qaadin.

Faah-faahin: Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax noociisa lagu sheegay Miinada wadada dhinaceeda la dhigay ayaa goor dhow ka dhacay meel u dhow isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari uu watay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya oo halkaas marayay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in wax khasaare ah uusan qaraxaas ka soo gaarin gaarigii lala damacsanaa iyo dadkii saarnaaba.

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna dad ka agdhow isgoyska KM-4 noo sheegeen in gaari HILUX goobta uu qaraxu ka dhacay laga jiiday.

Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan in dad goobta ka agdhawaa uu khasaare ka soo gaaray qaraxaas, balse weli lama xaqiijin karo inta uu dhanyahay.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online Insha Allaah.

Xog: Ciidamada Ethiopia oo bilaabay inay ka baxaan Gedo

Doolow (Caasimada Online) – Ciidamada Ethiopia ayaa billaabay inay ka baxaan gobolka Gedo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay iyo goobjoogeyaal u sheegeen Caasimada Online.

Xubno ka tirsan maamulka gobolka Gedo, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa Caasimada Online u sheegay in labadii maalmood ee tegay ay qaar ka mid ah ciidanka Ethiopia ee aan ka tirsaneyn Amisom ay ka baxeen gobolka.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inay arkeen ciidankan oo ka gudbaya xuduudda gobolka Gedo uu la wadaago Ethiopia.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay ciidamada Ethiopia uga baxayaan gobolka Gedo. Waxaan sidoo kale caddeyn tirada ciidanka baxay iyo kuwa ku haray gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya ee aan ka tirsaneyn Amisom.

Si kastaba bixitaankan ayaa imanaya ayada oo dalka Ethiopia ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed iyo gobolka Tigray-ga ee dalkaas.

Abiy Ahmed ayaa Arbacadii sheegay inuu ciidamada militariga amray inay jawaab ka bixiyaan “weerar” xisbiga maamula gobolka Tigray ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

“Ciidamadeena difaaca waxaan amray inay fuliyaan howl-gal lagu bad-baadinayo dalka. Waxaa laga gudbay diilintii ugu dambeysay ee caseyd. Waxaa ciidamada loo adeegsanayaa tallaabada kama dambeysta ah ee lagu bad-baadinayo shacabka iyo dalka,” ayuu yiri.

TPLF ayaa muddo ku dhow 30 sano xukumayey Ethiopia ka hor inta anau Abiy xukunka la wareegin sanaddii 2018.

Intii uu xukunka hayey Abiy, hogaamiyayaasha Tigray ayaa si joogto ah uga cabanayey in si aan caddaalad aheyn loola beegsaday dacwado la xiriira musuq-maasuq, laga eryey xilal badan oo sare, islamarkaana dusha laga saaray mas’uuliyadda dhibaatooyinka dalka ka jira.

Xiisadda labada dhinac ayaa kasii dartay horranatii sanadkan markii dowladda ay dib u dhigtay doorahsooyinkii dalka, ayada oo qiil ka dhiganeysa cudurka Coronavirus, taasi oo ay ka hor-yimaadeen TPLF.

Rooble oo war ka soo saaray shirkii banbaxa wasiirada ee MUQDISHO ka dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa war ka soo saaray shirkii Banbaxa golaha wasiirrada oo galabta lasoo gabagabeeyey, kaas oo hotel ku yaalla garoonka Aadan Cadde seddax maalin ka socday.

Arrimihii ugu waaweyn ee shirkaas looga hadlay waxaa ka mid ahaa, doorka wasaarad kasta ay ku leedahay hir-gelinta heshiisyadii iyo habraacyada doorashooyinka dadban ee lagu wado inay dalka ka dhacaan sanadkan 2020/2021, xeer-hoosaadka golaha wasiirrada, arrimaha caddaaladda iyo sugidda amniga guud, gaar ahaan kan doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday shirkaas dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, arrimaha dib u habaynta dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo u diyaargarowga hadii uu soo laba-kacleeyo Coronavirus.

“Waxaa kale oo looga faa’idaystay banbax howlleedkan dhamaystirka qorshaha 100-ka maalmood ee Xukumadda iyo axdiga balanqaadka howl-fulineed ee wasaarad walba la gashay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xukuumadda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, “Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada la dagaalanka musuq maasuqa, in doorashooyinka 2020/2021 u dhacaan si hufan oo cadaalad ku salaysan iyo in la dhowro qoondada 30% ee haweenka. Waxaa kale oo la isla gartay in laga shaqeeyo khariidada doorashooyinka Qof iyo Cod ee 2021-2025.”

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble waxa lagu sheegay in “Xukuumaddu balan-qaaday in fulinta arrintan ay qayb muhiim ah ka tahay Barnaamijka Xukuumadda, si looga baaqsado dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka afar sano kadib, si aan mar kale loogu laaban doorashooyin dadban.”

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhamaan xubnaha golihiisa wasiirrada faray in uusan hakad ku imaan addeegyada wasaaraduhu u hayaan bulshadda, inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Ugu dambeyntii qoraalka laga soo saaray shirkii Banxaba ee Muqdisho ka socday seddaxdii maalmood la soo dhaafay waxaa lagu sheegay in qodobadii diiradda lagu saaray uu ka mid ahaa barnaamijka dhab u heshiinsiinta dalka iyo wax ka qabashadda tacaddiyada loo geysto haweenka iyo caruurta.

Seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay oo shirkaas uu ka socday hotel ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaa xirnaa inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana adkaatay xaaladda dadka ku nool magaalada, maadaama inta badan jidadkii yar yaraa ee magaalada ay biyo fariisteen, kuwii waaweynaana ciidamada dowladdu xirteen.

 

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Farmaajo iyo Rooble u gudbiyey guddi doorasho balse kadib maxaa dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa magacaabay xubno cusub oo gobollada Waqooyi ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.

Warqad kasoo baxday xafiiska Cabdi Xaashi ayaa lagu magacaabay afar xubnood oo qeyb ka noqonaya guddiyadaasi, kuwaasi oo uu ugudbiyey ra’iisal wasaare Rooble, balse uusan qaadan oo uu ka reebay guddigii uu ku dhawaaqay.

Xubnaha uu magacaabay guddoomiyaha golaha aqalka sarre ayaa loo gudbiyey ra’iisal wasaaraha maalmo ka hor inta uusan ku dhawaaqin guddiga cusub, taasi oo keentay in maanta uu Cabdi Xaashi ka hor-yimaado guddiga cusub ee ku dhawaaqay Rooble.

Cabdi Xaashi ayaa ku doodaya in Somaliland ama gobolada waqooyi aysan mateli doonin xubnaha ay soo xushay xukuumadu, isagoona warqad ‘diidmo’ ah maanta u gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya.

“Marka aan la tashaday Madaxda, salaadiinta, siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedka beelaha gobollada waqooyi ee Somaliland ee soo jeediyay magacaabista xubnaha guddiyada doorashada dadban ee 2020/21 ay iyagu u madax-banaanadaan, si lamid ah xubnaha guddiyada kale ee ka imanaya dowladaha xubaha ka ah dowladda federaalka, isla markaana la tix-geliyo habracyadii meel-marka ahaa ee lagu galay doorashadii dadbaneyd ee ka dhacday dalka sanadkii 2016-ka. Waxaan go’aansaday in aan magacaabo guddigan” ayuu ku yiri waraaqdiisa magacaabista.

Hoos ka aqriso xubnaha uu magacaabay Cabdi Xaashi:

1. Axmed Maxamed Sulaymaan: Guddiga doorashada
2. Cabdirisaaq Maxamed Cabdillaahi: Guddiga doorashada
3. Sulaymaan Caydiid Cusmaan: Guddiga xalinta khilaafaadka
4. Faadumo Cali Xuseen: Guddiga xalinta khilaafaadka

Warqadda Cabdi Xaashi ayaa labadii November loo diray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, si ay ugu soo diraan xubnaha ay soo gudbinayaan ee uga kala yimid maamul goboleedyada.

Hase yeeshee sida muuqata dhinac ayaa la isaga tuuray, waxaana laba maalin kadib oo ahayd 4-tii bishan uu ra’iisul wasaaraha soo saaray liiska guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka, ayada oo xubnaha Somaliland ay soo magacowday xukuumadda.

Si kastaba, arrintan ayaa dab kusii qabaneysa xiisada ka dhalatay doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi ee Somaliland, oo maalmihii u dambeeyay uu ka taagna muran xoogan oo u dhaxeeya xukuumada iyo guddoomiyaha golaha aqalka sarre.

Uhuru Kenyatta oo dalab cusub u gudbinaya DF, xilli ay u muuqato in laga adkaaday

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa la soo warinayaa inuu bilaabay dadaalo uu ku rabo in wada-hadal la galiyo xiisada kala dhaxeysa dowladda federaalka, gaar ahaan xayiraada saaran qaadkii ay Kenya usoo dhoofin jirtay Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta ayaa faray Wasiiriisa arrimaha gudaha inuu hormuud u noqdo wada-hadalo xal looga gaarayo xayiraada dowladda federaalku ay kusoo rogtay qaadka Kenya, maadama uu hoos u dhacay dhaqaalaha dalkiisu.

Wada-hadalladaasi ayaa waxa kale oo qeyb ka noqon doona Wasiirka Difaaca Kenya, monica Juma, Wasiirka arrimaha dibadda, Raychelle Omamo, wasiirka Ganacsiga Peter Munya.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa xooga saari doona sidii dowladda federaalka loola furi lahaa wada-hadalo lagu wiiqayo xayiraada qaadka, oo gudaha Soomaaliya laga mamnuucay tan iyo markii uu bilowday cudurka Coronavirus, iyada oo laga reebeyn xayiraadihii dib loo qaaday.

Raychelle Omamo, Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo tixraacaya amarkii Uhuru, aya kulan la qaatay ganacsatada qaadka Kenya, oo iyagu culeys badan dowladda ku saaray sidii dowladda Soomaaliya loogala hadli arrinkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in wada-tashi dowladda dhexdeeda ah, kaddib xal loo keeni doono arrinta xayiraadka qaadka, iyada oo dowladda dhigeeda ahna la furi doonta wada-hadalo looga hadlayo.

Ganacsatada qaadka Kenya ayaa iyaguna dhinacooda sheegay inay Maalin walba khasaaran lacag dhan Shan bilyan oo lacagta Kenyan ah, midaasi oo horseed u noqon karta gebi ahaanba inay joojigayaan ka ganacsiga qaadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadka hore ugu dartay xayiraado la soo rogay oo la xiriiray cudurka Coronavirus, inkasta oo xayiradahaasi la wada qaaday, haddana waxba iskama badalin xayiradii hore u saarneyd qaadka laga keeni jiray Kenya.

Xiisada Kenya iyo Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe mad-madow gelisay xiriirka labada dhinac, gaar ahaan midka ganacsi, iyada oo dhawaana ay dowladda Kenya ay xayiraad saartay in dalkeeda loo dhoofiyo dalagyo iyo alaab looga dhoofin jirey Soomaaliya.

QM oo war culus soo saartay dagaalka Ethiopia iyo Tigray

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa bayaan uu maanta kasoo saaray xiisada dagaal ee ka aloosan dalka Itoobiya, ayuu ku baaqay in xiisadaasi loo dejiyo qaab nabadeed.

Antonio ayaa walaac xoogan ka muujiyey xiisada cakiran ee ka taagan gobolka Tigreyga, kadib markii golaha wasiirada Itoobiya ay shalay ku dhawaaqeen in gobolkaasi lagu soo rogay bandow deg-deg ah.

Xoghayaha ayaa sheegay in xiligan lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo ka dhan ah xiisadaasi, midaasi oo lagu joojinayo dagaalka dowladda federaalka iyo gobolka Tigreyga.

Waxa kale oo uu sheegay in Qaramada Midoobey ay ka go’an tahay inay dowladda Itoobiya ku taageerto wada noolaanshaha nabadeed iyo hiigsigeeda mustaqbal wanaaga, si looga baaqsado dagaalo sokeeye.

Dowladda Itoobiya ayaa shalay ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogayo gobolka Tigreyga ee dalkaasi, xili uu isla shalay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu amray dagaal ka dhan ah maamulka TPLF, midaasi oo uga sii dartay xiisada labada dhinac,

Golaha wasiirada dowladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa kulankaasi ku go’aamiyey in xaalad deg-deg ah lagu soo rogo gobolka Tigreyga, taasi oo socon doona muddo lix bilood ah.

Waxa kale oo uu goluhu isla shalay amray in howl-galka ciidamada federaalka Itoobiya ee gobolkaasi uu hogaamiyo taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya.

Gobolka Tigreyga ayaa galay go’doon, maadama la jaray dhamaan isgaarsiinta iyo internet-ka, iyada oo lagu soo waramayo in halkaasi ay ka socdaan iska hor imaado culus oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulkaasi.