24.9 C
Mogadishu
Friday, July 10, 2026

Dowlada oo soo bandhigtay saraakiil Al-Shabaab ka tirsanaa oo isa-soo dhiibay

0

Guriceel (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku soo dhiibeen saraakiil ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab..

Saraakiisha ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen ciidanka dowladda ee howl-gala Aaga u dhexeeya Guriceel iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Xubnaha isisoo dhiibay ayaa la sheegay in lagu wareejiyey Madaxda Barnaamijka qaran ee dhaqan celinta maleeshiyadka DRP ee Galmudug.

Saraakiishaan oo lagu kala magacaabo Maxamed Nuur Bare iyo Mowliid Cumar faarax  (Ciro) ayaa sheegay in ay ka tanaasuleen Al-Shabaab, iyagoo Codsaday in la cafiyo.

Sidoo kale saraakiisha soo goostay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan Al-Shabaab isla markaasna ay qeyb ka noqdaan qorshaha Al-Shabaab looga saarayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Labadaan xubnood ee ka soo goostay kooxda Al-Shabaab ayaa xusey in kadib markii ay arkeen dhibaatada iyo xasuuqa kooxdaasi ku heyso Shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay isaga soo baxaan.

Gaashaanle sare Cabdulaahi Cabdi Raage oo ka tirsan saraakiisha NISA ee Galmudug iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Cartan ” Gasaawe” oo qayb ka ah saraakiisha Qaybta 21-aad oo soo dhaweeyay xubnahan Al-shabaab kasoo tagey ayaa sheegey in ragaan ay xiriir lasoo sameeyeen saraakiisha ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay inay isisoo dhiibaan.

Ciidamada xoogga iyo kuwa Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka waday deegaano hoostaga maamulka Galmudug, iyagoona la wareegay goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen.

Howlgalka ugu xooggan ayaa wuxuu ka socdaa Gobolka Mudug, halkaas oo Al-Shabaab laga saaray deegaano  dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen bilooyinkii ugu dambeeyey, waxayna ciidamada Dowladda ku wajahan yihiin Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Barakac ka socda gobollada Amhara iyo Tigray ee Ethiopia iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ilaa 5 kun oo qaxooti Ethiopian ah ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ka gudbaan xadka Sudan, sida uu sarkaal ka tirsan dowladda Sudan u sheegay wakaaladda wararka AFP.

Tani ayaa ah mowjaddii ugu danbeysay ee dadka isaga cararaya colaadda ka socota gobollada Tigray iyo Amhara ee dalka Itoobiya, kuwaas oo kasii daray toddobaadyadii tagay.

Horraantii toddobaadkan ayaa waxaa xadka ka gudbay ilaa 3 kun oo qaxooti Ethiopian ah, taasi oo tirada qaxootiga reer Ethiopia ee ku sugan Sudan ka dhigeysa ku dhowaan 60,000 oo qof.

Sarkaalkan u hadlay dowladda Sudan ayaa sheegay in roobab mahiigaan ah oo da’ay xuduudka ay sababeen in wabiga mara xadka kala qeybiya labada dal uu fataho halkaasina ay saddex qof oo Ethiopian oo isku dayayay in ay u gudbaan dhanka Sudan ku qarriqmeen.

Dagaalka ka socda gobolka Tigray ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof, iyadoo 400,000 oo qofna uu ku riixay gaajo.

AFP + VOA

DEG DEG: Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalad Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in uu ka dhacay qarax xoogan, kaasi oo oo lala eegtay gaari Bus ah oo ay saarnayeen Ciyaartooy.

Ciyaartoyda saarna Buska ayaa waxay ahaayeen kooxda JCCI oo ka dhisan magaalada Kismaayo, sida ay ilo xogogaal ah u sheegen Caasimada Online.

Gaariga uu qaraxu haleelay ayaa gebi ahaanba gubtay, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Waxaa goordhoweyd gaaray goobta Qarax uu ku haleelay gaariga Laamaha amaanka iyo kooxaha gurmadka deg deg ah oo ayagu bilaabay samata-bixinta ciyaartooyda.

Wixii faah-faahin ah isha ku hay Caasimada Online.

Yaa doorashada madaxweyne ku tashanaya codadka afarta Senator ee maanta la doortay?

Kismaayo (Caasimada Online) – Afarta Senetor ee ugu horreeyey xubnaha Aqalka sare ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo, ayada oo doorashadoodu ay durba billow u noqotay loolanka doorashada madaxweynaha ayada oo muujisay cidda ku xisaabtami doonta codadkooda.

Inkasta oo ay tartameen Senatarro, haddana waxaa si dadban sidoo kale u tartamayey musharaxiinta madaxweynaha oo mid kasta dagaal uu ugu jiro inuu soo saarto xildhibaano codadka siiya.

Laba ka mid ah Senetarrada oo kala ah Iftin Xasan Baasto iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa xubno firfircoon ka ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyneihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha 2021.

Senator Ilyaas Bedel Gaboose, oo ahaa guddoomiyihii gobolka Jubada Hoose ayaa sidoo kale lagu warramay inay saaxiib dhow yihiin madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale xog ay heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijineysa Cabbdirisaaq Maxamed Cusmaan uusan aragti ahaa ka fogeyn xisbiga UPD.

Arrintan ayaa ka dhiggan in xubnaha Afarta ah ee maanta soo baxay ay aasaas u yihiin codadka uu Xasan Sheekh ku tashanayo doorashada la qorsheeyay October, inkasta oo afar cod aysan waxba goyn, oo boqolaal cod ay tahay inuu diyaarsado Xasan Sheekh.

Qeybta hore ee tartanka doorashada u dhaxeysa musharraxiinta miisaanka culus ayaa waxaa lagu kala garan doonaa soo awoodda soo saarista xildhibaannada labada aqal ee ka tirsan taageerayaashooda, halka musharraxiinta aan rajada badan lahayn ay sugi doonaan xodxodashada xildhibaannada soo baxa, taa oo aan u muuqan in ay wax ka baddaleyso miisaanka doorashada.

Doorashada maanta ayaa sidoo kale muujineysa sida ay isugu dhow yihiin Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, ayada oo ay muuqato in madaxweynaha Jubaland uu ugu abaal-gudayo madaxweynihii hore ee dalka, dagaalkii uu u galay markii uu cadaadiska xooggan kala kulmayey Villa Somalia.

Laba Senator oo kuraastoodii ku lumiyey khilaafkii Axmed Madoobe iyo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafkii adkaa ee mudada badan ka dhex aloosna dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa horseeday in laba ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ay lumiyaan kuraastooda.

Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow), oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ayaa si rasmi ah maanta u waayey kuraastooda kadib markii laga waayey liiskii uu 27-kii bishaan soo gudbiyey Axmed Madoobe, ee maanta Kismaayo lagu doortay

Axmed Xaashi iyo Faadumo Gariyow oo ayagu ku kala fadhiyay kuraasta kala ah; UH0033 iyo UH019 ayaa waxaa kuraastooda u tartamay mudaneyaal cusub oo maanta Kismaayo lagu doortay.

Kursiga UH0033 ayaa waxa ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Axmed Xaashi Maxamuud, waxaana maanta ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, oo ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaake Maxamed Cabdi, oo la tartamay.

Axmed Xaashi Maxamuud ayaa xiligii uu taagnaa khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland la saftay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo si weyn isku hayeen Axmed Madoobe, taasi oo keentay inuu daaqadda ka baxo.

Sidoo kale waxaa kursigeeda lumisay Faadumo Xassan Adam (Gariyow) oo ayaduna afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay kursiga tirsigiisu yahay UH019, waxaana maanta kursigaasi ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, oo ka adkaaday Xaliimo Jaamac Maxamed.

Faadumo ayaa ka mid aheyd xubnihii sida weyn u taageersanaa madaxweyne Farmaajo ee dagaalka la galay Axmed Madoobe, taasi oo maanta ay heshay natiijadeeda.

Sida ay ogaatay Caasimaa Online, Axmed Madoobe ayaa liiska musharaxiinta uga reebay Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow) kadib markii ay kala saftaan Farmaajo xiligii uu ka dhaxeeyay khilaafkii adkaa ee mudada badan taagna.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale kuraasta Aqalka Sare ku abaal-mariyey mudaneyaal si weyn uga garab siiyay dagaalkii adkaa ee uu la galay madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo qaarkood ay isku beel yihiin madaxweynaha.

Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kaga duwan midda golaha shacabka in madax goboleeedyada ay awood buuxda u leeyihiin inay go’aamiyaan cidda musharax noqoneysa, marka laga reebo kuraasta Somaliland, oo ayagu soo xulaan odayaasha dhaqanka.

Daawo: Xasan oo ka hadlay doorashadii Kismaayo, soo saaray baaq deg deg ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Afar kamid ah Senator-da ay Jubbaland ku leedahay Aqalka Sare, isagoona ugu baaqay dowlad goboleedyada kale inay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashooyinka.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii si weyn u bogaadiyay madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa, maadama ay noqdeen dowlad goboleedkii u horeeyay ee billaabay hirgelinta doorashada 2021-ka.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa in dalka ka billaabatay doorashadii 2021-ka. Waxaa u hambalyeynayaa oo bogaadinayaa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo runtii ku dhiiraday oo billaabay doorashadii muddada dheer soo jiitameysay, waxaa leeyahay madaxweyne hambalyo waxaa billowday wixii aheyd in la billaabo, dhowr maalmood dib u dhac ha ku jiro laakiin waa billowday,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray Senator-dii maanta kusoo baxay doorashadaas, isagoona qabsoomida doorashada ku bogaadiyey guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland iyo xildhibaanada maamulkaas.

“Waxaa u hambalyeynayaa Senator-da Afarta ah ee maanta la doortay, waxaa leeyahay dhamaantiin hambalyo waxaa tihiin Senator Soomaaliyeed, xilka iyo mas’uuliyada la idiin doortayna Ilaahay ha idiin fududeydiyo. Waxaa rajeynayaa in afarta sano ee soo socoto aad u gaari doontaan go’aamo dhaxal-gal ah.”

Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntiina waxa uu dowlad goboleedyada kale ee dalka ugu baaqay inay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka, islamarkaana ay mas’uuliyad iska saaran dar-dar gelinta howlaha horyaala.

“Dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada waxa uu mugdi gelinayaa sharciyadda hay’adaheena dastuuriga.”

Hoos ka daawo muuqaalka Xasan Sheekh

Afar Senator oo kusoo baxay doorashadii Kismaayo iyo arrimo yaab leh oo ka dhacay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhinaca Jubbaland, taasi oo ay goobjoog ka ahaayeen guddiga hirgelinta doorashooyinka.

Doorashada maanta oo aheyd mid xasaasi ah, islamarkaana billow u aheyd doorashada Aqalka Sare, ayaa kusoo baxay Afar Senator, halka ay ku tartamayeen 9-xubnood, ayada oo qaar kamid ah soo bixistooda ay hore u baahisay Caasimada Online, kadib markii ay heshay xog ku aadan u gacan gelinta kuraastaas oo uu sameeyay Axmed Madoobe.

Kursiga Koowaad ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Iyaas Gabboose iyo Maxamed Axmed Sayid, halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo kamid ahaa musharixiintii horey loo shaaciyey uusan ka qeyb-gelin tartanka doorashada ka dhacday Kismaayo.

Maxamed Axmed Sayid ayaa helay 17 cod, halka Iyaas Bedal Gabboose uu helay 55 cod, waxaana sidaas uu ku noqday Senatorkii 1-aad ee loo doortay Aqalka Sare.

Kursiga Labaad ayaa waxaa ku tartami lahaa Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac, hase yeeshe waxaa tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac, waxaana u codeysay 71 mudane, wuxuuna sidaas Fartaag ku noqdo Senator-ka labaad ee kusoo baxa doorashada.

Kursiga Saddexaad ayaa waxaa ku tartamay Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, waxaana 59 cod ku guuelystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan halka Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay 12 cod.

Kursiga Afaraad ayaa sidoo kale waxaa ku tartami lahaa Ibraahim Yacquub iyo Iftiin Xasan Iimaan Baasto, hase yeeshee Ibraahim Yacquub ayaa tanaasuley, waxaana sidaas ku hantay Iftiin Xasan Iimaan Baasto oo cod gacan taag ah ku noqdo Senator-kii Afaraad ee ku guuleysta kursigaas.

Arrimaha yaabka leh ee ka dhacay doorashada maanta ka qabsoomtay magaalada Kismaayo ayaa aheyd in badanaa ay musharaxiinta qaarkood tanaasuleen, halka qaarkood hore looga sii shaqeeyay in cod aqlabiyad ah kusoo baxaan.

Caasimada Online ayaa hore u baahisay xog ay heshay oo sheegaysay in Madaxweynaha Jubaland uu Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftiin Xasan Baasto u madax baneeyay inay keensadaan xubno la tartama oo ay ku kalsoon yihiin.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Senator Fartaag uu keensaday darwalkii gaarigiisa, halka Senator Iftiin Xasan Baasto uu keensaday wiil la dhashay xaaskiisa, kaas oo uu Senator-ka u diray waxbarasho dibadda ah.

Sidoo kale ilo wareedyo kale ayaa Caasimada Online u sheegay in Senator Fartaag uu isagana keensaday darwalkii u waday gaarigiisa.

Labada Nin ee ay keensadeen Fartaag iyo Iftiin ayaa u tanaasulay, waxayna sidaas ku heleen cod aqlabiyad ah oo ay uga mid noqonayaan Senator-da cusub ee Aqalka Sare.

Labadaan masuul ayaa safka hore kaga jiray shaqsiyaadkii Axmed Madoobe ku garab siiyay dagaalkii adkaa uu la galay madaxweyne Farmaajo, waxaana xusid mudan in Fartaag ay isku beel yihiin madaxweynaha.

Sawirro: Rooble iyo Boris Johnson oo saddex qodob oo muhiim ah ka wada hadlay

0

London (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo boooqasho ku jooga magaalada London ayaa caawa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson, oo ay ka wada hadleen saddex qodob.

Rooble ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku yiri “Waxaan London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada.”

Rooble ayaa sheegay inuu Johnson kala hadlay saddex qodob oo kala ah: –

1- Xoojinta xiriirka labada dal.
2- Arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka.
3- Horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka Soomaaliya.

Rooble ayaa sheegay in Britain ay ka mid tahay “Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh xiriir soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah dowlad dhiska dalkeenna.”

Goor sii horreysay, ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Xoghayaha arimaha dibadda ee dalkaas, Dominic Raab.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Rooble ayaa sidoo kale kala hadlay xoghayaha Britain la dagaalanka argagixisada iyo doorashooyinka dalka oo ay midda Aqalka Sare si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.

Intii uu socday kulanka waxa uu Ra’iisul wasaraha uga mahad-celiyay dowladda UK taageeradeeda kala joogsi laheyn ee ay siiso dalkeena Soomaaliya, midaasi oo leh dhinacyo kala duwan.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo gooni-gooni ah oo uu Ra’iisul wasaaraha ka wado magaalada London ee dalka Britain, kuwaasi oo uu la yeelanayo madaxda kala duwan ee dowladda UK iyo Mas’uuliyiin kale.

A/Madoobe oo war kasoo saaray doorashadii Kismaayo iyo waxa ay ka dhigan tahay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada goboleed Jubaland, Axmed Madoobe ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Senator-da ka imaanaya Jubbaland ee Aqalka Sare, oo uu sheegay inay ka dhigan tahay in dalka u jiheystay doorasho.

Axmed Madoobe ayaa doorashada Afarta Senator ee ka dhacday Kismaayo ku tilmaamay “Guul weyn oo taariikhi ah”, kadib muddo badan oo khilaaf ka taagna doorashooyinka dalka.

“Alle weyne ayaa mahad leh. Waxaan maanta gaarnay guul weyn oo tariikhi ah inagoo dalkeena ka saarnay hubanti la’aantii ku saabsanayd doorashada ee aanu mudo kusoo jiray,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray Afarta Senator ee kusoo baxay doorashadii maanta, isagoona uga mahad-celiyay dhamaan guddiyada doorashooyinka, guddoonka iyo xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland kaalinta ay ku lahaayeen qabsoomida doorashooyinka dalka.

“Waxaan u hambalayaynayaa xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalkeena iyo Jubalandba lagu soo doorto doorashadan afartii sanaba mar dalkeena laga qabto.”

“Waxaan u mahad celinayaa dhamaan guddiyada Doorashooyinka, Gudoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo dhamaan cid walba oo kaalin ku lahayd billowga qabsoomida dorashooyinkan waxtarka weyn u leh himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo kabashada dalkeena ee dhinacyada Dowlad dhiska iyo hormarka.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland in doorashada maanta ka dhacday Kismaayo ay ka dhigan tahay mid xaqiijinaysa in dalka uu doorasho aaday, kadib heshiiskii ay madaxdu ku gaareen Muqdisho.

“Waxay tani ka dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, iyadoo qeybaha kale ee dhimana aan ku rajo weyn nahay inay xilliga ugu dhow qabsoomaan.”

Waa kuma Ilyaas Gaboose, Senator-ka u guuleystay kooxda is-beddal-doonka?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyey ee la doortay baarlamaanka 11-aad ee federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid.

Ilyaas waxaa uu sidoo kale noqonayaa xubin ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah Nabad iyo Nolol.

Haddaba, waa kuma Goboose?

Ilyaas Badal Gaboose , waa shakhsi aad ugu dhow madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,  oo in muddo ah waxaa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha iyo gacantiisa mudig.

Waxaa uu Kismaayo ku dhashay 1963-dii, hoose dhexe waxaa uu ku bartay Kismaayo halka sare uu ku dhameeyey Xamar ilaa jaamacad ku dhigtay deeq waxbarasho.

Shaqo ahaan, dowladdii Cabdulahi Yusuf waxaa ay ka dhigtay guddoomiya Jubada hoose, waxaa uuna muddadii dambe ahaa ganacsade iyo nin weyn galangal ugu leh arrimaha siyaasadda Jubbaland iyo la taliyaha madaxweyne Madoobe.

Mar uu maanta la hadlay baaralamaanka Jubbaland waxaa uu sheegay inuu doonayo wax ka badalka nolosha iyo soo celinta qarannimada, in reer Jubbalabd dib u heshiisiin loo furo, keenista xuquuqaha ka maqan xildhibaannada Jubbaland iyo arrimaha amniga.

Waxaa sidoo kale baxay, oo markii 2-aad Senatornimo ku guuleystay Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah nabad iyo nolol iyo madaxweyne Farmaajo.

Waa kuma Fartaag?

Senator  Cabdullahi Fartaag oo sidoo kale Jubaland matalayey 4-tii sano ee lasoo dhaafay, kana tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah, waxaa ahaa dadkii ugu cadcadaa ee mucaardka ku ahaa Farmaajo isaga oo xataa May 10, 2020-kii loo diiday inuu u safro Kismaayo.

Haddalada Senatorka waxaa ka mid ahaa” Madaxweynaha Iyo kooxdiisa iyaga ayaa isku soo koobay talada dalka.”

Senator Fartaag ayaa sidoo kale ka mid ah xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan sheikh Maxamuud, isagoo sidoo kale ah xubin fir fircoon oo ka tirsan isbadal doonka 2021.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye

Qoys degganaa magaalada Ceelwaaq oo gurigooda lagu qarxiyey + Khasaaraha

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaas oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac intaba.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay guri ku yaalla gudaha magaaladaasi, waxaana ay waxyeelo kasoo gaartay dad isku qoys ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhimatay Hooyada reerka, sidoo kalena ay dhaawacmeen wiil ay dhashay iyo sidoo kale Seygeeda.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa qaraxaasi oo uu khasaaraha kasoo gaaray dadkaasi shacabka ah, islamarkaana ahaa isku qoys.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuw ammaanka oo gurmad u fidiyey qoyska ay waxyeelada kasoo gaartay miinada kula qarxday gurigooda.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan saraakiisha laamaha ammaanka ee ka howl-gala degmada Ceelwaaq.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana sidoo kale dadka ay dhaawacyada soo gaareen la geeyey goobaha caafimaadka ee magaaladaasi.

Ceelwaaq ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo inta badan howl-gallo ballaaran ka sameeya gudaha degmadaas oo dhacda koonfurta dalka.

Aqriso Magacyada: Farmaajo oo dallacsiiyey 174 sarkaal balse ka reebay ciidankii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa weli wada ka aargudashada saraakiishii hoggaamineysay ciidankii ka horyimid damaciisii muddo kororsiga, kuwaas oo gudaha u soo galay caasimadda.

Caasimada Online ayaa ogaatay in madaxweyne Farmaajo uu dhawaan soo saaray dikreeto uu ku dalacsiiyey 174-sarkaal oo ka tirsan militeriga Soomaaliya, kuwaas oo sida la sheegay ah intii ku qanacsaneed in Farmaajo mudada kororsado.

Hase yeeshee waxaa liiskaan laga dhowray oo aan la dalacsiin dhammaan saraakiishii ciidanka xoogga dalka ee ka soo muuqatay halgankii loogu magac daray ‘Badbaado Qaran’ kaas oo looga hor tegay mudo kororsi laba sano ahaa oo qaar ka mid ah xildhibaanadii waqtigu ka dhamaaday ay 12-kii bishii Abriil u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.

Dalacsiintani waxay u muuqataa in Farmaajo uu uga aar gudanayo saraakiishii awooda ciidan uga hor timid mudo kororsigiisa.

Caasimada Online ayaa heshay warqad shan bog ah oo ka soo baxday xafiiska Farmaajo, taas oo ay ku qoran yihiin magacyada 174 sarkaal oo la dalacsiiyey, waxaana dikreetadaan lagu faray Taliyaha Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage in dalacsiintaan lagu abaalmariyey saraakiisha liiskaan ku xusan uu dhaqan geliyo.

Tallaabadaan waxay burisay heshiiskii ay horay u gaareen saraakiishii iyo siyaasiyiintii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo dhigayey in ciidanka aan loo kala eexan oo aan laga aar gudan ciidanka iyo saraakiisha Badbaado Qaran ee ka hor yimid damacii Farmaajo ee mudo kororsiga.

Ciidanka ay hoggaamiyaan saraakiisha laga reebay dalacsiintaan waa kuwa Al-Shabaab kula dagaalama gobollada ku hareereysan caasimadda Muqdisho ee Shabeellooyinka.

Hoos ka eeg liiska 174-ka sarkaal ee Farmaajo dalacsiiyey

Muxuu yahay khilaafka la xiriira Soomaaliya ee ka dhex qarxay dowlada Mareykanka?

Washington (Caasimada Online) – Sharci-dejiyayaasha ugu sarreeya xisbiga Dimoqraadiga iyo maamulka Biden ayaa waxaa ka dhex-qarxay khilaaf salka ku haya Soomaaliya, iyo sharciyadda uu maamulka weerar uga fulin karo Soomaaliya.

Xubnahan, oo aad uga horyimid duqeymihii ugu dambeeyey ee uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya, ayaa ku dooday in ficillada maamulka Biden ay wiiqayaan ballan-qaadkii madaxweynaha ee ahaa inuu beddeli doono ruqsadaha dagaalka ee waqtigoodu dhacay. 

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka, oo Soomaaliya ku beegsata kooxda Al-Qacida bah-wadaagta la ah ee Al-Shabaab, ayaa weerarkii ugu dambeeyey ugu cudur daaratay adeegsiga ruqsadda AUMF oo lasoo saaray 2001-dii, taasi oo lagu weerari karo kooxaha ka dambeeyey weerarkii Mareykanka lagu qaaday September 11, 2001.

Dimoqraadiga oo mar kasta ku dooda in ruqsadda 2001 aan lagu dabaqi karin weeraro dhacaya 20 sano kadib, ayaa sheegay in maamulka Biden uusan haysan ogolaansho uu ku weeraro Soomaaliya. 

“Waxa kooxda Biden ay sameynayaan ayaa la mid ah wixii aan ku aragnay saddexdii maamul ee ka horreeyey, hase yeeshee, aniga ahaan ilama waafaqsana ujeedooyinka Congress-ka,” waxaa sidaas yiri Senator Ben Cardin oo laga soo doorto gobolka Maryland, sidoo kalena xubin ka ah guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka. 

“Waxay ila tahay in madaxweyne Biden ay tahay inuu soo codsado ruqsad cusub oo uu ku adeegsado awood militari, islamarkaana uu aqoonsado ruqasadda 2001 ay tahay in la baabi’iyo,” ayuu ku daray.

Senator Tim Kaine oo laga soo doorto gobolka Virginia, oo Aqalka Cad kala shaqeynayey in la beddelo ruqsadda 2001 ee AUMF, lana soo saaro mid la jaanqaadi karta halista argagixiso ee xilliga, ayaa maamulka Biden ku booriyey inuu Congress-ka si deg deg ah ugu wargeliyo “ujeedooyinkiisa ka hortagga argagixisada iyo halisaha iminka.”

“Ma helin wax akhbaaraad ah oo soo jeedinaya in weeraradan ay lagama maarmaan u yihiin badbaadinta shaqaalaha Mareykanka, waxaana jeclaan lahaa inaan fahmo, haddii aysan sidaas jirin, waxa loo fulinayo,” ayuu yiri Kane.

Senator Chris Murphy oo isna laga soo doorto gobolka Connecticut ayaa yiri “Haddii aad weerareyso Soomaaliya, u imow congress-ka, oo hel ogolaansho. Haddii aad dooneyso inaad ku lug yeelato dagaallada Soomaaliya ee shanta sano ee soo socda, noo imow oo noo sharax sababta ay lagama maarmaan u tahay, oo naga hel ogolaansho.”

“Tani waa tusaale qaldan oo halis ah oo uu dejinayo maamulka,” ayuu yiri Murphy oo sidoo kale xubin ka ah guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka.   

Maamulka Biden ayaa Jimcihii lasoo dhaafay Soomaaliya ka fuliyey weerarkii labaad ee toddobaad gudihiisa ah kadib lix bilood oo uusan wax weerar ah ka fulin dalka. Labada weerar ayaa waxaa ansixiyey Jeneral Stephen Townsend, oo ah madaxda taliska ciidamada AFRICOM.

Dhinaca kale, xubnaha Jamhuuriga ayaa taageeray oo bogaadiyey duqeymaha uu fuliyey maamulka Biden. Jamhuuriga ayaa mar kasta u ololeeya in la ballaariyo awoodaha dagaalka ee madaxweynaha. 

“Uma maleynayo in madaxweynaha uu baahan yahay sharci uu meel-mariyo Congress-ka si uu beegsado argagixiso halis kusoo rogeysa Mareykanka, meesha ay doonaan dunida ha ka joogaan’e,” waxaa sidaas yiri Senator Marco Rubio oo laga soo doorto Florida, ahna guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibedda ee Senate-ka. 

KENYA oo war lama filaan ah kasoo saartay ciidamada ka jooga gudaha Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda dalka Kenya ayaa war cusub ka soo saartay ciidamadeeda ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ee jooga ee Soomaaliya, maadaama la gaaray xilligii bixitaankooda ee ay horay u shaacisay Qaramada Midoobay.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca wadanka Kenya Gen. Robert Kibochi oo wareysi siiyey Telefishinka dalkaasi ee KBC ayaa shaaca ka qaaday in haatan ciidamadooda aysan ka bixi doonin gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay sii caawinayaan Ciidamada Xoogga dalka.

Kibochi ayaa sababta ku sheegay in weli Soomaaliya ay ka jirto xasilooni darro, ayna sii wadayaan ciidamadooda howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in intii ay ka howl-galayeen Soomaaliya ciidamada Kenya ay guullo waa weyn gaareen, isla-markaana haddii ay ka baxayaan ay khasaarayaan guulihii ay horey u gaareen, sida uu hadalka u dhigay taliyaha guud ee ciidamada wadanka Kenya.

“Waxaan guulo ku gaarnay howlgalkeena Soomaaliya kama bixi karno in xaalladu deggan tahay maahane hadii kale guulihii aan gaarnay waa ay khasaarayaan” ayuu yiri taliyuhu.

Dhinaca kale wuxuu hadalkan kusoo aadayaa, iyada oo Ururka Midowga Yurub (EU) iyo la-howl-galayaashooda caalamiga ah ay in ka badan kala bar dhimeen dhaqaalihii ay ku bixin jireen ciidamada Kenya ee Soomaaliya u jooga la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab.

Dhimista dhaqaalaha uu ku sameeyay Midowga Yurub ayaa waxaa loo sababeeyey qiyaano ay sameysay dowladda Kenya oo la sheegay qaar kamid ah ciidamadeeda ay si qarsoodi ah ugala baxdaygudaha  Soomaaliya, balse weli lacag uga qaadaneysa Ururka Midowga Yurub.

Si kastaba Golaha ammnka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii March ee 2020-kii, meel-mariyay qaraar ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM uga baxayaan Soomaaliya bisha Decembar 2021, iyaga oo shaaciyey in amniga ay la wareegayaan ciidanka Xoogga dalka.

Xog: Axmed Madoobe oo Macalimuu ka bixiyay lacag looga haystay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa guddoomiyihii gobolka Gedo Cusman Nuur Xaaji oo caan ku ah magaca Macalimuu ka bixiyey lacag in lagu yeesho ay mas’uul ka aheyd intii uu ku sugnaa Muqdisho. 

Macalimuu ayaa horaantii toddobaadkan ka baxay magaalada Muqdisho kadib toddoba bil oo u uku xanibnaa, isaga oo sheegay inay NISA u diiday inuu ka dhoofo garoonka Aadan Cadde.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in hoteel ay dejisay dowladda Soomaaliya uu guddoomiye Macalimuu ku sheegtay lacag ku dhow 30 kun, kadibna ay diiday Villa Somalia in ay lacagtaas ka bixiso Macalimuu oo mar ay saaxiibo ahaayeen. 

Sida aan xogta ku helnay, Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu ayaa codsi u dirsaday Axmed Madoobe isagoo ka raali geliyay weerarkii uu ku qaaday maamulkiisa Gedo iyo hadallo uu ku duray, waxa uuna u ballan qaaday in uu gacantiisa soo gelin doono doorashada Garbahaareey. 

Macalimuu ayaa Axmed Madoobe ka codsaday in uu ka bixiyo lacagtaas islamarkaana uu ka shaqeeyo sidii uu Muqdisho kaga bixi lahaa. Maamulka hoteelkii daganaa guddoomiye Macalimuu ayaa dhankooda qiimo dhimis weyn u sameeyay guddoomiyaha maadaama ay muddo sugayeen lacagtooda. 

Villa Somalia ayaa diiday bixinta lacagta hoteelka oo ay markii hore ay iyadu dejisay balse kadib ay  khilaafeen Macalimuu 

Cusmaan Nuur Xaaji ayaa gobalka Gedo ka sheegay in soo bixitaankiisa uu door weyn ku lahaa Madaxweyne Axmed Madoobe wixii markaas ka dambeeyana uu maamulka Gedo hoos tagi doono Maamulka Jubaland, isagoo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Farmaajo. 

Suldaanka Mareexaan oo Hawiye u diray farriin la xiriita madaxweynaha cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Bayle Cumar Daad, oo ah Suldaanka beesha Mareexaan oo Madaxwayne Farmaajo uu ka dhashay, ayaa eedeyn badan kadib Farmaajo kula taliyey inuu isaga tago dalkaan iyo dadkaan uu godobta ka galay, oo mar dambe uusan isku soo sharaxin xilka.

Suldaan Beyle ayaa sidoo kale fariin u diray beelaha Hawiye, isagoo ka dalbaday inay la yimaadaan nin fiican oo madaxweyne Soomaaliyeed u qalma, waxuuna balan qaaday in beelaha Daarood ay Hawiye u gudi doonaan abaalkii ay u galeen markii ay la soo dhaweeyeen Farmaajo.

Suldaanka ayaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku eedeeyey in afartii sano ee xukunka uu joogay uu dhammaan umadda Soomaaliyeed la galay dagaal aan dhamaad laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Si gaar ah Suldaan Beyle waxa uu soo tiriyey magacyada 8-sarkaal oo Farmaajo ay isku heyb yihiin, kuwaas oo uu sheegay in shir qool si yaabo kala duwan loogu dhigay, kadib mudo ay la shaqeeyeen nidaamka Farmaajo.

“Farmaajow wax badan ayaan kula hadlay, waan kula tali jiray waana kula shaqeyn jiray, laakiin meel aan wax lagaala qaban karin ayey maanta mareysaa, umadda Soomaaliyeed waxaad la gashay dagaal aan dhamaad laheyn, ni dagaal ooge ahna cidna madax kama dhigan karto, waxaad kala dishay beeshii aad ka dhalatay ee Mareexaan, waxaad si gaar ah ugu hiilisaa Jufadaada, intii kalena dagaal ayaad ku heysaa, 8-Korneyl oo mid mid aan kuugu soo tirinayo ayaa amarkaaga lagu dilay,” ayuu Suldaanka Mareexaan Suldaan Bayle Cumar.

Sidoo kale Suldaankaan waxa uu kul cel-celiyey in Farmaajo uusan madaxweynaha Soomaaliya noqon karin, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii meesha looga wareejin lahaa.

“Farmaajow weli kaas abri maayee waxaan ku leeyahay inta aysan lacagtu kaa dhamaan, oo doorasho aadan isku soo taagin lacagtaada badbaadso, cid ku dooraneysa malahan, fadlan lacagtaada qaado isaga bax Soomaliya, umadda Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaan waxaa u baahanahay madaxweyne runlow ah, Farmaajo mid maaha Jufadiisa ayaa ka cabaadeysa,” ayuu yiri Suldaan Beyle.

Suldaanka oo si gaar ah fariin ugu diray beesha Hawiye ayaa yiri, “Beesha Hawiye oo hormuudka Soomaaliya ah oo Muqdisho noo fadhisa waxaan idin leenahay Farmaajo teg, ee adinka waxaan idinka rabnaa inaad keentaan nin u qalma madaxweyne, oo abaalkii aad shalay noo gasheen markii aad nala soo dhaweyseen Farmaajo aan idiin gudno, oo aan idinla soo dhaweyno oo aan la shaqeyno.”

Hoos ka Daawo

DF Soomaaliya oo shaacisay inay howlgal culus ku dishay 30 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gal qorsheysan oo saaka ciidamada milatariga ay ka fuliyeen duleedka degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha dalka.

Qoraal ka soo baxay taliska Ciidamada Xoogga dalka oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkan oo ka dhacay Ceelbacad lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, isla-markaana khasaare xoogan lagu gaarsiiyey.

Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in howl-galka ay qaadeen ciidamada lagu dilay ugu yaraan 30 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale taliska ayaa tilmaamay in howl-galkaasi oo ahaa mid ballaaran ay ka qeyb-qaateen shacabka deegaanka, taas oo keentay ‘jabka xoogan’ ee la gaarsiiyey Shabaab.

Ciidanka XDS iyo shacabka ku dhaqan Degmada Buulabarde oo iskaashanaya ayaa waxay weerar ku qaaden kooxda Nabad diidka Alshabab oo ku sugnaa degaanka Ceelbacad oo dhanka bari kaga beegan degmada Buulabarde, Ciidanka ayaa halkaas ku dilay 30 dagaalyahan,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa agagaarka degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab ee ku aadan howl-galkaas ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyey sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Aqalka Sare ee maanta ka dhaceysa Kismayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeeyey ee ku aadan doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, taas oo saacadaha soo socda ka dhaceyso magaaladaasi.

Xildhibaanada Jubbaland, xubnaha guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed iyo heer federaal ayaa ku sii qul-qulaya goobta ay ka dhaceyso doorashada Senetarada cusub.

Illaa sagaal xubnood ayaa ku tartamaya doorashadan, kuwaas oo u sharraxan afar kursi oo ka mid seddeeda Senator ee Aqalka Sare ka soo galaya dhinaca maamulka Jubbaland.

Musharraxiinta sagaalka ah oo ay mid ka mid ah tahay Haweeney ayaa sidoo kale khudbadahooda maanta u jeedin doono golaha wakiilada Jubbaland, kadibna waxaa bilaabaneysa codeyta doorashada, si loo soo xulo Senatorada cusub ee Jubbaland.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana magaalada iyo koonaheeda ku sugan ciidamada ammaanka oo wada howl-gallo amniga lagu xaqiijinayo.

Jubbaland ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maamullada kale ee ka jira dalka ayaa sidoo kale looga fadhiyaa inay dadajiyaan qabashada doorashada, maadaama uu jiro dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada ee Aqalka Sare

Si kastaba, doorashada Soomaaliya ayaa soo martay marxalado kala duwan, waxaana ugu dambeyn heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Sanatorkii ugu horreeyey ee Aqalka Sare ee 2021 oo lagu doortay Kismaayo + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhinaca Jubbaland, waxaana doorashada goobjoog ah guddiga hirgelinta doorashooyinka.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartmaya illaa sagaal musharrax oo mid ka mid ah ay tahay gabar, kuwaas oo ku loolamaya afar ka mid ah sideeda Senator ee ay Jubbaland ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Iyaas Gabboose iyo Maxamed Axmed Sayid, halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa musharixiintii horey loo shaaciyey uusan ka qeyb gelin tartanka doorashada ka dhacday Kismaayo.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa shaaciyey in musharrax Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 cod, halka Iyaas Bedal Gabboose uu helay 55 cod, waxaana sidaas uu ku noqday Senatorkii 1-aad ee loo doortay Aqalka Sare.

Ilyaas Bedal Gabboose ayaa horey u soo noqday guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Sidoo kale waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada saddexda kursi ee kale, taas oo isla maanta lagu qabanayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Doorashadan waxaa goobjoog ah guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal iyo sidoo kale kan xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Jubbaland ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska hanti-dhowrka oo lacagta ka dhimay maamulka gobolka Banaadir + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad ka soo baxday xafiiska hantidhowraha guud ee Qaranka ayaa wasiirka maaliyadda Soomaaliya lagu faray inuu hakiyo lacagta boqolleyda ah ee la siiyo hey’ado ka mid yihiin, Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Bangiga horumarinta ganacsiga Soomaaliya, halka la faray inuu dhimo lacagta ay boqoleyda ah ee wasaaraddu siiso Bangiga Dhexe ee dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

“Sida aad la socoto miisaaniyadda Soomaaliya waxan ay isugu jirtaa deeq dibedda ka timaada iyo dakhliga gudaha oo soo kobcaya, balse aan weli gaarin heer la isku haleyn karo inuu daboolo ama looga maarmo deeqaha dibedda. lyadoo la tixgelinaayo beekhaaminta  miisaaniyadda dowladda, lana hubinaayo in inta yar ee ku jirta gacanta dowladda loo isticmaalo adeegyada muhiimka u ah nolosha muwaadinka iyo kobcinta awoodda dowladnimada, ayaa waxaan kugu wargelinayaan in laga billaabo 1-da Agoosto, 2021. La hakiyo bixinta lacagta boqolleyda  ah ee la siiyo.”

1 – Bangiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya.
2 – Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

Sidoo kale warqadaan ka soo baxday xafiiska hantidhowraha guud ee dowladda ayaa wasaaradda maaliyadda looga dalbaday inay dhinto bixinta lacagta boqoleyda ah ee la siiyo Bangiga Dhexe maamulka gobolka Banaadir, waxaana loo kala qorsheeyey.

1 – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya in laga dhigo lacagta la siiyo boqolkiiba  hal barkiis (0.5%)
2 – Maamulka Gobolka Banaadir in laga dhigo lacagta la siiyo boqolkiiba  Toban (10%).

“Arrintaan ayaa dib u qiimeyn lagu sameyn doona, iyadoo talo ay kasoo saari doonaan hey’adaha dowladda Soomaaliye eek u shaqada leh. Sidaas darteed waxaan ka rajeynayaa wasaaradda maaliyadda in arrinkaan la dhaqan geliyo, lana fuliyo,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska hantidhowraha oo ku socday wasiirka maaliyadda.