24.9 C
Mogadishu
Friday, July 10, 2026

Guddoomiyaha baarlamanka HirShabelle oo is-hortaagay doorashada kadib markii DF ay diiday baasabooro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Sida ay ilo wareedyo kala duwan u xaqiijiyeen Caasimada Online guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle Cabdixakiin Luqmaan ayaa hakiyay magacaabida xubnaha guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sababta uu Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan u hakiyay soo magacaabidda guddigaas ayaa la sheegayaa inay la xiriirto baasaboorka Diblomaasiga oo loo diiday xildhibaanada baarlamaanka HirShabeelle.

Sida aan xogta ku heleyno guddoomiyaha oo ka xarooday tallaabadaas ayaa uga jawaabay tallaabadaan uu ku diidan yahay inuu soo magacaabo guddiga doorashada xubnaha Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay HirShabeelle.

Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka ayaa weli laga sugayaa inay soo magacaabaan guddiyo xildhibaano ah oo qaban doona doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Horay waxaa guddiyadaan u soo magacaabay guddoomiyeyaasha baarlamaanada Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Waxaana lagu wadaa in doorashada Aqalka Sare uu berri bilaabo dowlad goboleedka Jubbaland.

Xog: Fartaag iyo Iftiin Xasan Baasto oo lala tartansiinayo darawal gaari iyo seedi

Kismaayo (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Jubaland uu Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftiin Xasan Baasto u madax baneeyay inay keensadaan xubno la tartama oo ay ku kalsoon yihiin. 

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Senator Fartaag uu keensaday darwalkii gaarigiisa, halka Senator Iftiin Xasan Baasto uu keensaday wiil la dhashay xaaskiisa, kaas oo uu Senator-ka u diray waxbarasho dibadda ah. 

Maxamed Cumar Geedi oo ka tirsanaa Golihii Wasiirada ee dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud haddana ku sugan Kismaayo islamarkaana kamid ah dadkii doonayay in ay la tartamaan Iftiin Xasan Baasto ayaa xaqiijiyay in uu keensaday seedigiis. 

“Iftiin Baasto waxaa la tartamaya seedigiisa Yacquub Ibraahim Ismaaciil, oo la dhashay xaaskiisa Khadiijo Ibraahim Ismaaciil, waana cadaalad darro weyn,” ayuu u sheegay warbaahinta Muqdisho. 

Sidoo kale ilo wareedyo kale ayaa Caasimada Online u sheegay in Senator Fartaag uu isagana keensaday darwalkii u waday gaarigiisa. 

Labadaan masuul ayaa safka hore kaga jiray shaqsiyaadkii Axmed Madoobe ku garab siiyay dagaalkii adkaa uu la galay madaxweyne Farmaajo, waxaana xusid mudan in Fartaag ay isku beel yihiin madaxweynaha.

Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kaga duwan midda golaha shacabka in madax goboleeedyada ay awood buuxda u leeyihiin inay go’aamiyaan cidda musharax noqoneysa. 

Daawo: “Wiilkeena saldhiga Howlwadaag lagu dhex dilay, kabahiisa ayaana lagu aasay”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada marxuum Cabdishakuur Muxiyadiin Iimaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wiilkooda lagu dhex dilay saldhiga Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, kadibna laga qaatay hantidiisi gaarka aheyd.

Ehellada marxuumka ayaa sheegay in markii hore uu Taliyaha saldhiga Howl-wadaag uu xabsiga dhigay Cabdishakuur Iimaan, markii dambena uu ku dhex dilay, ayada oo macal kabihiisi lala aasay, sida ay sheegen.

“Wiil shaqeysanaya oo Bajaaj wata inta lasoo qabto oo meel amni ah la keeno oo ku dhinto, anaga oo Xamar buuxna haddana la qaado oo duugo wax la aqbali karo maaha. Hay’addaha uu khuseeyo waxaa ka codsaneyna in arrinkaas gacan bir ah ku qabtaan,” ayuu yiri mid kamid ah Ehellada marxuumka ee la hadlay warbaahinta.

“Waxaa codsaneyna in cadaalad uu helo (Cabdishakuur), waxaa ka rabaa dhamaan hay’addaha ay khuseyso oo uu ugu sareeyo Taliye Xijaar in cadaalad la imarsiiyo, waan idinka sugaa, waxaan idinka rabnaa in cadaalada iisoo de-dejisaan ama dhahdaan wax cadaalad ah idinma hayno.”

Sidoo kale waxay sheegen in Cabdishakuur si sharci daro ah ay usoo qabteen ciidan ka tirsan saldhiga Howl-wadaag, xili uu ku shaqeysanayay Bajaajtiisa, islamarkaana lagu dhex dilay saldhigaas, ayada oo mas’uuliyada dilkaas dusha u saaray saraakiisha sare ee saldhiga Howl-wadaag.

Caasimada Online, si madax-banaan uma xaqiijin karto qaabka uu u dhacay dilka Cabdishakuur iyo cida ka dambeysay, marka laga imaado xogta ay bixiyeen ehellada marxuumka.

Hoos ka daawo muuqaalka

ROOBLE oo kulan deg deg ah la qaatay guddigii ka hor-yimid liiska Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan deg deg ah la qaatay Guddiga uu dhawaan u magacaabay u ololeynta iyo xaqiinta qoondada haweenka ee 30% oo ka horyimid liiska xubnaha musharaxiinta Golaha Aqalka Sarre ee uu shalay shaaciyey Axmed Madoobe.

Kulanka oo u qabsoomay habka fogaan aragga ayaa waxaa looga hadlay saluugii guddoomiyaha guddigaas ay ka muujisay tirada haweenka ah ee ku jirtay 9 xubnood ee uu shaaciyay maamulka Jubbaland.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horeyntii Guddiga ku bogaadiyey howsha loo igmada ee xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, midaasi oo qeyb ka heyd heshiiskii doorashada ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa intii uu socday kulankaas waxa uu faray Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Goleyaasha BFS inay si dhow ula shaqeeyaan madaxda dowlad goboleedyada, si meesha looga saaro dhalleeceyn xiligan ka timaada doorashaa boobsiiska ah ee Goleyaasha labada aqalka, oo maamulkii u horeeyay uu qabanayo doorashada Aqalka Sare.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha ku dardaarmay xubnaha guddiga inay wada-shaqeyn dhow la yeeshan Guddiyada doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo bulshada rayidka.

Kulanka uu Rooble la yeeshay Guddigaan ayaa imanaya saacado un kadib markii uu Guddoomiyaha guddiga ay saluug ka muujisay in hal gabar oo kaliya ay kasoo dhex-muuqato musharaxiinta u tartamaya afarta kursi ee uu maamulka Jubbaland shaaciyey musharaxiintooda.

“Hadda waxaa saluugeynaa soo saarista musharraxiinta waayo waxaan aragnay sideed musharraxiin oo lasoo saaray oo hal gabar oo kaliya ay ku jirto. Waxba kama qabno in hal gabar ay kasoo baxdo afarta kursi, afarta kalena ay hal gabar kasoo baxdo,” ayey tiri Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Si kastaba, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka dalka, ayada oo cabasho kasta lagu xalinayo is-faham, wuxuuna walaacan imaanaya xilli haatan la guda-galayo doorashada Aqalka Sare, taasi oo ugu horeyn lagu qaban doonaa magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Koox xanibtay waddada isku xirta Jabuuti iyo Addis-Ababa

Adds-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Gobolka Soomaalida Ethiopia Mustafa Muhumed Omer ayaa maanta sheegay in la xanibay waddo muhiim ah iyo qad tareen ganacsi oo halbowle ah, oo isku xira magaalada Addis Ababa iyo dekedda magaalada Jabuuti, waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka Reuters.

Waddadan ayaa ah midda la mariyo inta badan badeecadaha la gaarsiiyo 110-ka milyan ee qof ee ku nool dalka Ethiopia. Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto xanibaadda la sheegay in lagu sameeyey waddada.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo mas’uuliyiinta Jabuuti ayaan sidoo kale wax jawaab deg eg ah laga helin.

Madaxweyne Mustafa Muhumed Omer ayaa sheegay in waddada iyo qadka tareenka ay xanibeen koox dhallinyaro ah oo ka dibad-baxaya weerar dhacay Sabtidii.

Dowladdiisa ayaa sheegtay Talaaddii in maleeshiyo ka tirsan gobolka deriska la ah ee Cafarta ay weerareen magaalo ay degan yihiin Soomaali, oo ay bililiqeysteen, xilli uu dib usoo cusboonaday muran xuduudeed ka dhaxeeya labada dhinac.

“Waxaan ka shaqeyneynaa inaan furno qadka tareen iyo waddada maanta,” ayuu madaxweyne Mustafa u sheegay Reuters oo uu farriin qoraal u diray. “Waxaan wada-xaajood kula jirnaa dhallinyarada iyo dadka,” ayuu ku daray.

REUTERS + VOA

FAHAD YAASIIN oo aqbalay xil ka-qaadistii Cabdullaahi Kulane, nin kalena ku bedalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa magacaabay madaxa shaqaalaha ee hay’adda NISA, kadib markii uu madaxii hore xil ka qaadis ku sameeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Fahad Yaasiin ayaa madaxda cusub ee shaqaalaha NISA u magacaabay Cabaas Yacquub oo bedalaya Cabdullaahi Kulane oo dhowaan xilkaasi uu ka qaaday ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale Cabaas ah ayaa ah sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka, wuxuuna ahaa madaxa maamulka, maaliyadda iyo tiknoolijiyadda ee NISA.

Sida ogaatay Caasimada Online magacaabistan ayaa timid, kadib kulan gaar ah oo dhex-maray Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo, iyaga oo ka tashaday tallaabadii Rooble, kadibna  isku afgartay in la magacaabo ma’suul cusub ee bedala Cabdullaahi Kulane.

Cabaas ayaa sidoo kale ah ninka loo badinayo inuu noqon doono ku simaha agaasimaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, marka uu xilka banneeyo Fahad Yaasiin ‘oo la rumeysan yahay’ inuu doonan doono kursi xildhibaanimo afarta sano ee soo socoto.

Xilka qaadista lagu sameeyey mas’uulkaasi iyo taliyaha nabad sugida ee garoonka Aadan Cadde ayaa daba socotay xanibaad la saaray mas’uuliyiin ka socotay gobolka Gedo, taas oo sidoo kale ka hortimid amarkii socdaalka garoomada ee uu horey u soo saaray Rooble.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isagu ah mas’uulka ugu sarreeya maamulka doorashada ayaa tallaabadan lagu boggaadiyey, waxaana sidoo kale soo dhoweeyey musharraxiinta mucaaradka.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana la guda-galayo doorashooyinka Soomaaliya, iyada oo lagu horreyn doono soo xilista xildhibaanada cusub.

Guddigii uu magacaabay Rooble oo ka horyimid liiska musharraxiinta JUBALAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga uu dhowaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay u ololeynta  iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, ahna guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliya, Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa ka hadashay liiska xubnaha musharraxiinta Golaha Aqalka Sare ee Jubbaland.

Batuulo ayaa ka hortimid sideeda xubnood ee uu shalay soo saaray Axmed Madoobe, waxayna sheegtay inay saluug ka muujinayaan in hal gabar oo kaliya ay kasoo dhex-muuqato musharraxiinta u tartamaya afarta kursi ee la shaaciyey musharraxiintooda.

“Hadda waxaa saluugeynaa soo saarista musharraxiinta waayo waxaan aragnay sideed musharraxiin oo lasoo saaray oo hal gabar oo kaliya ay ku jirto,” ayey tiri Marwo Batuulo.

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Waxba kama qabno in hal gabar ay kasoo baxdo afarta kursi, afarta kalena ay hal gabar kasoo baxdo,”.

Ugu dambeyn waxay ugu baaqday madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) inuu dib ugu laabo liiskaas, isla-markaana uu kusoo daro gabar kale, si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee 30% ee horey heshiiska looga gaaray.

“In kursiga Xaliimo laga reebo ninka la tartamaya ee lagu bedalo gabar kale ayaan codsaneynaa,” ayey markale tiri Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Guddigan ee uu maalmo ka hor magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla-markaana ay soo dhoweysay Qaramada Midoobay ayaa ujeedka loo aas aasay wuxuu yahay inuu ka shaqeeyo ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, si maamul goboleedyada cadaadis loogu saaro inay xubnaha soo saaraan ay ku jiraan kuwo haween ah.

Waalaca soo wajahay guddigan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan la guda-galo doorashada Aqalka Sare, waxaana ugu horreyn lagu qaban doonaa magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

TPLF: Ma jirto cid na hor-istaagi karta xitaa roobka, waxaan gaari doonaa Addis

Addis Ababa (Caasimada Online) – Afahayeenka fallaagada TPLFee la dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadooda ay kusii siqayaan jiha kasta isla markaana aysan jirin cid hor istaagi karta xitaa roobka.

“Ciidamadeena waxay kusii siqayaan jiha kasta, ma jirto cid na hor joogsan karto xitaa roobka” ayuu yiri Getachew Reda farriin uu soo dhigay Twitter-ka.

Waxaana Itoobiya ka socdaa abaabul ka dhan ah TPLF xilli uu dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas.

Qaramada Midoobey waxay ku baaqday in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo shacabka ku nool Tigray.

Waxa ay arrintan daba socotaa digniin dhawaan soo baxday oo ah in 400 oo kun oo qof oo ku nool gobolka Tigray ay wajahayaan xaalad macluul ah oo halis ah, kaddib muddo 9 bilood ah uu dagaal halkaasi ka socday.

Su’aasha lais weydinaya waxay tahay goormaa xal nabadeed loo heli doonaa dagaalka Tigray?

Muddo 9 bilood ah ayaa laga jooga tan iyo markii ay dagaallada ka bilowdeen gobolkaas.

Dagaalka wuxuu ku bilowday markii dowladda ay qaaday howlgal ay ku tilmaantay dib usoo celinta kala dambeynta kaas oo isu baddalay dagaal xooggan oo lala galay fallaagada TPLF.

Labada dhinaca guulo ayay sheegayaan xilli ay u muuqato in dagaalka uu sii baahayo.

“Dagaalyahanada TPLF waxay sheegeen inay gaari doonaan Addis Ababa halka dowladda ay sheegtay inay ciribtiri doonto TPLF” ayuu yiri weriyaha BBC ee Addis Ababa Kalkidan Yibeltal.

Waxaa jirtaa cabsi ah in dagaalka uu ku baaho gobollada kale ee deriska ah.

Itoobiya waxaa haatan ka socdaa abaabul iyo ciidan urursi ay wadaan maamulada kaas oo ka dhan ah TPLF.

“Waxaan hadda aragnaa abaabulka ciidan ay wadaan maamulada, TPLF waxay horraan sheegtay in weeraro ay ku qaadeen gobollada Amxaarada iyo Canfarta” ayuu yiri Yibeltal.

Daawo: Suldaanka beesha Mareexaan oo ka digay qorshe uu QOOR QOOR fulin rabo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Bayle Cumar Daad, oo ah Suldaanka beesha Mareexaan oo Madaxwayne Farmaajo uu ka dhashay, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu u kala eexday beeshiisa, isagoo fariin u diray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoor Qoor.

Suldaanka ayaa Qoor Qoor uga digay inuu fuliyo rabitaanka Farmaajo inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka, waxuuna shaaciyey in Farmaajo uu gadaal ka riixayo qorshe doorashada looga reebayo gabar u sharaxan Senator.

“Gabadha la yiraahdo Deeqo Xuseen Mire waxay u sharaxan tahay Senator, waxaa la rabaa in laga reebo tartanka doorashada, xildhibaanada Mareexaan waxaa Galmudug laga soo doortaa kuwa metelaya jufooyinka kala ah Wagardhac iyo Raada-miir, afartii sano ee la soo dhaafay kursiga Senatorka waxaa ku fadhiyey Raada-miir, maanta Wagardhac ayaa iska leh, Farmaajo waxa uu yiri Raada-miir ayaa hadana leh kursiga, gabadhaasna waxa uu amray in laga reebo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee Galmudug,” ayuu yiri Suldaan Bayle.

Suldaanka beesha Mareexaan ayaa Madaxweyne Qoor Qoor uga digay inuu godob ka galo jufada Wagardhac ee beesha Mareexaan oo doorashada uu ka reebo gabadhaas.

“Qoor Qoorow dadku waa Soomaali, waana 4.5 beeshaada Saleebaan ee Habargidir iyo beesha Wagardhac ee Mareexaan waa dagaaleen, waana heshiiyeen ee maanta adigu kiis haka gelin Wagardhac oo doorashada ha ka reebin gabadha la yiraahdo Deeqo Xuseen Mire oo ah musharax Senator, liiska ma soo geleyso oo qori mayo oo Farmaajaa sidaas igu yiri hadaa dhahdo waa godob,” ayuu yiri Suldaan Beyle Suldaanka beesha Mareexaan.

Sidoo kale waxa uu uga digay in beeshiisa uu u soo jiido godob noocaas ah, “Qoor Qoorow Madaxweynaa tahay, anigaan Suldaan Beyle ah ayaa ku soo doortay ee Farmaajo kuma soo dooran, anagaa madaxweyne noo tahay ee godob hana gelin, gabadhaas hadey rabto doorashada yeysan ku guuleysan ee adigu liiska ku soo dar,” ayuu yiri Suldaanka beesha Mareexaan Suldaan Bayle Cumar Daad.

Xildhibaan shaaciyey in loo adeegsaday sirdoonka dalka Itoobiya – Yaa ka dambeeya?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo ka mid ah xildhibaanada Somaliland ee ka soo baxay gobolka Sool, kana tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa eedeyn culus u jeediyey xukuumadda maamulkaasi ee Muuse Biixi Cabdi.

Mustafe ayaa shaaca ka qaaday in isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ay xukuumadda Somaliland ‘u adeegsatay’ sirdoonka Itoobiya, si loo xiro.

Xildhibaanka ayaa sheegay in shan nin oo ka tirsan sirdoonka Itoobiya ay ka qabteen maqaayad ku taalla Addis Ababa, isla-markaana saldhiggii uu dhowaa ay geeyeen.

“Shalay aniga oo fadhiya kafateeriya Gaarisa la yidhaa ayay 5 nin oo katirsan sirdoonka Itoobiya ii yimadeen, waxay igu yidhaahdeen soo kac, waxan ku idhi waaran maad wadataan, waxay igu yidhaahdeen mayee saldhiga ayaanu kuugu sheegi waxanu kaa rabno” ayuu yiri xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo ka tirsan xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggaasi ay ahaayeen ciidan lasoo adeegsday, heybtoodana la garanayo, isla-markaana uu ku jiray nin reer Jigjiga ah.

“Ciidan sirdoon ah oo lagu shaqaysanayo ayay ahaayeen, haybtoodiina waala garanaya oo nin reer Jigjiga ah ayaa ku jiray, saldhiga ayay i geeyeen suunkii iyo kabihiina way iga saareen, mobiladiina way iga qaadeen, kii Soomaaliga aha baa igu yidhi dollar ayaad waddanka soo galise danbigaaga iska qiro” ayuu markale yiri Xildhibaan Mustafe Axmed.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dood dheer, kadib raggii ka socday sirdoonka dalka Itoobiya ay shaaciyeen in arrintan ay ka dambeyso Somaliland, isla-markaana ay u soo martay dhinaca safaaradda wadanka Itoobiya, sida uu xildhibaanka hadalka u dhigay.

“Markii lala hadlay waxa soo baxday in ay ahayeen niman halkan laga waday, ninkii Soomaaliga aha ayaa la hadlay sirdoonka Itoobiya waxayna ku yidhaahdeen ninkaa anagu mahaysane dowladiisa ayaa haysata, wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ayaa safaarada usoo martay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Xildhibaan Mustafe Axmed.

Si kastaba weli ma jirto wax jawaab ah oo ay Somaliland ka bixisay eedeynta ka timid Xildhibaankan, waxaana ka dhashay hadal heyn xoogan, maadaama Mustafe Axmed Cabdulalahi uu ka tirsan yahay xisbiga Kulmiye, isla-markaana laga soo doortay Sool.

Daawo: Jeesow oo xog cusub ka bixiyey kiiska IKRAAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa mar kale ka hadlay kiiska gabadhii la waayey ee Ikraan Tahliil Faarax, isagoo sheegay in gabadhaas aysan weli ku heynin nolol iyo geeri, sidoo kale xildhibaanka ayaa soo dhaweeyey guddiga loo xil saaray baaritaanka kiiska Ikraan.

Xildhibaan Daahir Jeesow oo golaha shacabka ku metela beesha ay ka dhalatay Ikraan Tahliil ayaa sheegay in baadi goobka gabadhaas aysan marna ka fariisan, isagoo codsi hor leh u diray shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa shaaciyey in la qabtay nin soo wacay reerka gabadha, kaas oo sheegay in gabadhii uu meel ku ogyahay, balse markii lasoo qabtay oo la baaray uu noqday nin doonayey inuu been abuur madax furasho ku qaato.

“Saakay waxaan tegay saldhigga Xamarweyne, nin ku xiran ayaa la I tusay, kaas oo lasoo xariiray ehellada gabadha maqan, waxuu u sheegay inuu yahay askari, oo gabadhii uu meel ku ogyahay, laakiin ninka markii la baaray askari waa noqon waayey, waxuuna raadinaayey in lacag la siiyo oo tuugnimadaas oo kaliya ayuu damacsanaa,” ayuu yiri Daahir Jeesow.

Waxa uu sheegay in wararka aan la hubin ay ka fogaanayaan, isla markaana ay kalsooni ku qabi doonaan baaritaanka guddiga uu kiiskaas u magacaabay Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweynayaa guddiga loo magacaabay baaritaanka kiiska gabadhaas, waxaan ka codsanaa in kiiskaas ay si hufan u baaraan, arrinta Ikraan xanuun badan ayey nagu heysaa, nolol iyo geeri ilaa hada mid kuma heyno, saxna ma ahan in ilaa hadda hey’adaha amniga ay meel ku soo sheegi waayaan gabadhaas, taas wax aan sugeynay maaha, ee waa in ehelka gabadhaas ay cadaalad helaan,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Ikraan Tahliil Faarax waxaa la waayey 26-kii bishii hore ee Juun, xilligaas oo gaari laga leeyahay taliska NISA ay ka raacday banaanka hore ee xarunta Habar-Khadiijo, halkaas waayihii dambe ay ka howlgeleysay, eedeynta ugu badan waxaa loo jeedinayaa saraakiisha ugu sareysa NISA, balse illaa hadda xog saxan lagama gelin halka la geeyey Ikraan, nolosheeda ama geerideeda, toona.

Hoos ka daawo Xil Daahir Jeesow

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka SOOMAALIDA iyo Cafarta + Tirada dhimashada

0

 Garba Ciise (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaalka u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta oo markale kasoo cusboonaaday magaalada  Garba Ciise iyo sidoo kale deegaanada ku xeeran, waxaana xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkii ugu dambeeyey oo shalay dhacay ku dhintay ugu yaraan 40 qof, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Xiisada dagaalka ayaa weli ka taagan aagga magaalada Garba Ciise oo ku taalla waddada dheer ee isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti.

Dagaalladan ayaa sii xoogeystay, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Canfarta ay weerar ku qaadeen Soomaalida, waxaana la xasuuqay boqlaal qof oo xoolo dhaqato ah.

Maamulka dowlad deegaanka oo dhankiisa si adag uga hadlay xasuuqa Somaalida lagu hayo ayaa wacad ku maray inuu difaaci doono shacabka, kana hortegi doono Canfarta.

Sidoo kale waxaa haatan socda dhaq-dhaqaaqyo labada dhinac ah, iyadoo laga cabsi qabo inay markale dib qarxaan dagaallada u dhexeeya labada dhinac, uuna kordho khasaaraha.

Dhinaca kale dibad-baxyo loo soo horjeedo xasuuqa ay maleeshiyaadka Canafrta ku hayaan dadka Xoolo dhaqatada Soomaalida ah ayaa maanta ka dhacay deegaano ka tiirsan dowlad deegaanka Somaliida dalka Itoobiya, kuwaas oo ay ka qeyb-galeen boqolaal ruux.

Dibad-baxyada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ka kala dhaceenmagaalooyinka Jigjiga iyo Qabri-Dahar ee dowlad degaanka Soomaalida.

Si kastaba, dagaallada dhex-maraya qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta ee Itoobiya ayaa ah kuwa soo noq-noqday, waxaana ku dhintay boqolaal qof oo u badan dad rayid ah.

Israel oo ka baxday heshiikii ay la gashay Imaraadka iyo xiriirkooda oo halis ku jira

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Ilaalinta Deegaanka Israel Tamar Zandberg ayaa joojiyey fulinta heshiis weyn oo dhoofinta shidaalka ah, oo u dhaxeeya Israel iyo Imaaraadka Carabta, taasi oo halis gelin karta heshiiska curdunka ah ee labada dal. 

Heshiiskan oo yimid markii labada dal ay yeesheen xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah sanadkii tegay ayaa dhigayey in shidaalka Imaaraadka Carabta Markab lagu keeno dekedda Eilat ee Israel, kadibna dhuun shidaal halkaas ay ka qaado oo ay geyso Yurub,  ayada oo la marinayo dekedda Ashkelon. 

Hase yeeshee, heshiiska ayaa waxaa si aad ah uga horyimid kooxaha u dhaqaaqa ilaalinta deegaanka Israel, oo ku dooday in dhuuntan shidaalka ay waxyeello xooggan gaarsiin karto xeebaha Eilat. 

Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa ka digay in ka bixitaanka heshiiska uu keeni karo inuu go’o xiriirka labada dal. 

Saraakiisha Imaaraadka Carabta oo la hadlay wargeyska Israel Hayom ayaa sheegay in markii heshiiska la saxiixay sanadkii tegay la sameeyey dhammaan tijaabooyinka lagama maarmaanka ah ee dhanka deegaanka.

“Ka bixitaanka heshiiska wuxuu hoggaamin karaa in xiriiradii diblomaasi iyo kuwii ganacsi ee Imaaraadka Carabta iyo Israel ay meesha ka baxaan,” ayey ka digeen saraakiisha Imaaraadka. 

Saraakiisha Israel ayaa hadda isku dayaya inay Imaaraadka Carabta u sharxaan in dowladda cusub ee la wareegtay Israel ee beddeshay xukuumaddii Netanyahu ay u badan tahay waqti dheeri ah, oo ay xaaladda ku darasto. 

“Waa arrin halis ah sababtoo ah heshiiska waxaa ka baxay hal dhinac, oo ah Israel. Waxaan filaa in Imaaraadka ay fahasan yihiin in tani ay tahay dowlad cusub oo siyaasad gaar ah leh,” waxaa sidaas yiri Yoram Meital oo ah taariikhyahan Israeli ah.

Heshiiska ayaa haddii la fuliyo waxaa dakhli ballaayin dollar ah uu sanadkii kasoo geli ahaa labada dal.

Dagaal dib uga dhex-qarxay Azerbaijan iyo Armenia iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Yerevan (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca ee Armenia ayaa Maanta sheegtay in seddex ka mid ah ciidamadooda la dilay, laba kalena laga dhaawacay kadib iska hor imaadyo ay la galeen ciidamada Azerbaijani oo ka dhacay xadka ay wadaagaan labada dal ee hore uga tirsanaan jiray Midowgii Soofiyeeti.

Sidoo kale Wasaaradda Difaaca ee Azerbaijan ayaa sheegtay in laba ka mid ah shaqaalaheeda la dhaawacay Arbacadii Maanta.

Labada dal ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu bilaabay dagaalada. Azerbaijan waxay sheegtay in ciidamada Armenia ay rasaas ku fureen fariisimahooda ee ku yaala qaybta Kalbajar ee xadka. Milatariga Armenia ayaa sheegay in shaqaalahooda ay weerareen ciidamada Azerbaijan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Armenia waxay soo saartay bayaan ay ku sheegayso in “dhinaca Azerbaijan ay si ula kac ah u billawday xiisadda dagaalka,” Wasaaradda arrimaha dibedda ee Azerbaijan ayaa iyana dhankeeda sheegtay “mas’uuliyadda ka sii darista xaaladda iyo daandaansiga kale ee ku aadan soohdinta Armenia iyo Azerbaijaan waxaa gebi ahaanba leh hoggaanka militariga-siyaasadeed ee Armenia.”

Xiisadaha ka taagan xadka labadaan dalka ayaa soo taagneyd tan iyo bishii May, markaas oo Armenia ay ka mudaaharaaday wax ay ku tilmaamtay duulaanka ciidamada Azerbaijan ee dhulkeeda. Azerbaijan waxay ku adkaysatay in askarteeda la geeyay meesha ay u aragto inay tahay dhulkeeda oo ka tirsan meelaha xadka aan weli la calaamadin.

Ka dib isku dhacyadii Maanta, Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Azerbaijan waxay ku boorisay Armenia “inay joojiso daandaansiga milatari oo ay bilowdo wada xaajoodka ku saabsan xadeynta xuduudaha labada dowladood.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Armenia waxay wacad ku martay inay “u adeegsan doonto dhammaan qalabkeeda siyaasadeed iyo midkeeda militari si waafaqsan sharciga caalamiga ah” iyadoo ka jawaabeysa “adeegsiga Militari ee Azerbaijan ee ka dhanka ah midnimada dhuleed ee Armenia.”

In ka badan 6,000 oo qof ayaa la diley dayrtii la soo dhaafey kadib Lix toddobaad oo lagu dagaalamayey Nagorno-Karabakh, oo ku taal Azerbaijan dhexdeeda laakiin gacanta ugu jirtay xoogagga qowmiyadaha Armenia oo ay taageerayaan Ciidamada Dowladda Armenia.

Dagaalkaas ayaa wuxuu istaagay markii ay labada dhinac gaareyn heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka ahayd Ruushka oo bishii Nofeembar u oggolaaday Azerbaijan inay dib ula soo wareegto gacan ku haynta qaybo badan oo ka mid ah Nagorno-Karabakh iyo aagagga ku xeeran, oo ay gooni u goosadyadu taageerayeen Armenia ay gacanta ku hayeen in ka badan 25 sano.

Xog: Dowladda oo sii deysay fanaankii sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay iyo xubno ka mid ah bahda fanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay xorriyadiisa dib usiisay Abshir Gaarane Axmed oo bishii Janaayo ee sanadkii hore warbaahinta ka sheegay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab. 

Abshir Gaarane oo sidoo kale ka tirsanaa Kooxda Fanka ee maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka soo muuqday isagoo sheegaya inuu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2013-kii, islamarkaana uu qaabilsanaa aruurinta arrimaha dhaqaalaha ama canshuuraha, waxa uuna markaaa u xirnaa hay’adda NISA. 

Abshir Gaarane ayaa lagu arkay Muqdisho toddobaadyo ka hor balse waxaa la sheegay in muddo bilooyin ah uu banaan joog yahay, sidoo kale waxaa jira tuhun laga qabo in lagu daray ciidamada ilaalada shacabka ee dharcadka ah isagoo ka baxay bahdii fanka. 

Dad xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in wiilkaan, oo ay isku beel yihiin madaxweyne Farmaajo, in sii deysamadiisa uu wax ka ogaa Madaxweynaha kadib markii ay dhowr jeer u tageen odoyaal ku beel ah oo ka socday qoyska Gaarane. 

Abshir Gaarane Axmed ayaa xarigiisa kadib la waayay warkiisa iyadoo ay xusid mudantahay in aanan la geynin Maxkamad si loo baaro amaba loo hubiyo waxyaabaha uu sheegtay iyo eedaha loo jeediyay. 

Ma cadda illaa iyo hadda sida ay ku timid sii deyntiisa, wuxuuna ka mid yahay kiisad sidan oo kale ay dad ay dowladdu xirtay, haddana kadib la iska sii daayey ayada oo aan dacwado lagu soo oogin.

Dowladda Mareykanka oo ku dhowaaqday boqolaal milyan oo la siinayo Soomaalida

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday ku dhowaad 200 milyan oo dollar oo ah kaalmo dheeraad ah oo loogu talo-galay shacabka Soomaaliya, oo muddo wajahayey dhibaatooyin ay ka mid yihiin cunno yari, rabshado iyo daadad iyo abaaro soo noqnoqday. 

Kaalmadan oo ah 199 milyan oo dheeri ah oo oo lasoo marinayo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID iyo Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa tirada guud ee kaamlmada uu sanadkan Mareykanka ugu talo-galay shacabka Soomaaliya ka dhigeysaa 408 milyan oo dollar. 

War-saxafaadeed uu soo saaray afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu caawin doono ku dhowaad lix milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar bani’adannimo.

Dadkan ayaa waxaa ku jira saddex milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo qiyaastii 500,000 oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.

“Maal-gelintan cusub waxay kaalmo cunno iyo nafaqo deg deg ah, biyo nadiif ah oo ay cabaan, nadaafad, hoy, waxbarasho iyo daryeel caafimaad siin doontaa shacab wajahaya caqabado ka dhashay dagaallo iyo xaalad deegaan oo sii xumaaneysa,” ayuu yiri Ned Price. 

Price ayaa sheegay in Mareykanka uu yahay dalka deeqda ugu weyn siiya Soomaaliya iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee gobolka ku sugan.

Afhayeeenka ayaa intaas ku daray in Mareykanka uu weli ka walaacsan yahay baahida bani’aadannimo ee sii kordheysa, wuxuuna deeq bixiyayaasha caalamka ku booriyey inay ku tabarucaan jawaabaha caalamiga ah ee laga bixinayo iyo taageerada lagu badbaadinayo nolosha.

Maamulkii ugu horreeyey oo bilaabay diiwaan-gelinta musharraxiinta Aqalka Sare

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyey ee bilaaba qabashada doorashada Aqalka Sare, kadib markii shalay madaxweynaha Jubbaland uu soo saaray musharraxiinta u tartameysa afar ka mid ah sideeda kursi ee maamulkaasi.

Jubbaland ayaa sidoo kale maanta oo ay ku beegan tahay 28-ka July billowday diiwaan-gelinta xubnaha musharraxiinta, waxaana haatan ku howlan guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ee maamulkaas oo garab ka helaya kan doorashada ee heer federaal.

Sidoo kale Jubbaland ayaa shaacisay in doorashada Aqalka Sare ay dhaceyso beri isla-markaana lasoo dooran xubnihii ugu horreeyey ee Senatorada cusub, waxaana qorshuhu yahay in lasoo doorto illaa 4 Senator oo ka mid ah xubnaha ka imaanaya Jubbaland.

Dhanka kale waxaa Kismaayo maanta ku wajahan wafdi uu hoggaaminayo Cabdullaahi Abyan Nuur oo ah guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dalka.

Guddigan ayaa Kismaayo u tegaya ka qeyb-galka doorashada Aqalka Sare ee beri ka dhaceyso halkaasi, si ay goob joog u noqdaan doorashada Senetarada cusub.

Jubbaland oo mar ka mid ah aheyd muumallada sida weyn uga soo horjeeday dowladda dhexe, isla-markaana diidanaa hannaanka u wajaheyso doorashada ayaa hadda hoggamineyso maamullada kale, si loo qabto doorashada xildhibaanada labada Aqal.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad doorasho, kadib markii heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho is jiid-jiidkii siyaasadeed ee muddada ka taagnaa doorashada.

Dad kasoo jeeda Somaliland oo afduub loogu geystay Sool

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay dad shacab ah ka afdtuubteen deegaanka Carrooley, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadka la afduubtay oo aan tiradooda la shaacin ayaa waxaa la sheegay inay kasoo jeedaan Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka Burco iyo Berbera ee maamulkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga la afduubanayey dadkaasi ay ka soo baxeen beeraha Xalin oo ku yaalla agagaarka degmada Taleex ee gobolka Sool.

Sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay dableyda hubeysan ee afduubka geysatay ayaa ‘waxa ay ku heyb-yihiin’ nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur oo mudo bil ah Somaliland ugu xiran Bebera, kadib markii uu warbaahinta ka dhaliilay maamulkaasi.

Waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaas, kuwaas oo ay wadaan ciidamada ammaanka, si loo baadi goobo kooxihii afduubka u geystay dadkaasi shacabka.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Somaliland ee ku aadan dhacdadaasi.

Xiisad ka dhalatay afduubka dadkaasi kasoo jeeda Somaliland ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay haatan ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolka Sool.

Daawo: Xasan Daahir oo la saftay Ilhaan Cumar, weerar culusna ku qaaday FIQI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa muuqaal uu iska soo duubay waxa uu uga hadlay baaqii Ilhaan Cumar ee ahaa in la hubiyo duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, si looga badbaadiyo dadka rayidka ah iyo jawaabtii hadalka Ilhaan uu ka bixiyey wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Xasan Daahir ayaa aad u dhaliilay jawaabtii wasiir Fiqi, isagoo yiri, “Waxaan la yaabay jawaabtii uu Fiqi ka bixiyey hadalkii ay gabadhaas Mareykanka joogta ku dalbatay in aan dadka la layn, war inaad hadalkaas wanaagsan ka hor imaato ma aheyn, qof ciil qaba oo cadawgiisa raadsanaaya ayaa dadkeena baabi’iyey.”

Waxa uu ku canaantay in isagoo careysan oo cadawgiisa raadsanaaya uu gabadhii danyarta u doodeysay uu hadalkeedii xumaan u fasiray, “Nin walaalkaa ah oo diin kula wadaaga, wadankana kula leh ayaad cadaw u raadsatay, gabadhiina waxay leedahay war dadka yaan la wada baabi’in, iyadoo kula qabta in nimankaas lala diriro, laakiin waxa gabadhu ilaalineyso inaad fahmi weyso waa cadaab, ‘Illaahow Fiqi oo kale hanagu badin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Daahir Aweys.

Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facbook-ga 24-kii bishaan waxa uu u jawaabay Senator Ilhaan Cumar, taas oo si adag uga hadashay duqeyntii Mareykanka uu ka fuliyey gobolka Mudug, isla-markaana dalbatay in baaris dhab ah  lagu sameeyo, haddii ay jiraan waxyeelo soo gaartay dad raydi ah.

“Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed. Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin,” ayuu yiri Fiqi.

Jawaabtii Wasiir Fiqi ee ku socatay Ilhaan Cumar ayaa intaas ku sii dartay, “Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Somalia sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday! Dumaashi dagaalka nala soo gal.”

Hoos ka daawo Xasan Daahir

Xog: Jacfar oo xoog kusoo deestay maleeshiyo ay ka qabteen ciidamada booliska

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa shalay isku dayay in uu xoog ku soo furto 11 nin oo ay habeen hore soo bandhigeen ciidamada booliska Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsanaa maleeshiyaad ka amarqaata guddoomiye Jacfar iyo Sarkaal lagu magacaabo Xasan Jaamici. 

Caasimada Online ayaa ogaatay in dood habeenkii oo dhan ka dhax taagneyd booliska, guddoomiye Jacfar iyo Xasan Jaamici oo Milateri ah inuu soo farogeliyay ra’iisul wasaare Rooble kadibna la amray in la sii daayo 11-kii nin iyo hubkooda. 

Maleeshiyaadka la soo bandhigay ayaa ahaa kuwii ciidamada dowladda kula dagaalamay Ex-Controol Afgooye ee Muqdisho, dagaalkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof. Sidoo kale Maleeshiyaadka ayaa intii lagu howlanaa soo qabashadooda waxaa ka dhintay laba qof. 

Rooble ayaa Guddoomiye Jacfar ku amray in uu ka samro labada qof ee ka dhintay balse si deg deg ah loogu soo celiyo hubkooda iyo dhallinyaradii kale sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah. 

Afhayeenka cusub ee booliska Soomaaliya ayaa habeen hore fiidkii hore u sheegay Warbaahinta in la soo qabtay koox burcad ah oo weerartay ciidamada ammiga ee ku sugnaa Ex-controol Muqdisho.

Afhayeenka ayaa xilligaas sheegay in booliska ay ku guuleystay inay weeraraan halkii ay ku dhuumaaleysanayeen ragii isku rasaaseeyey Ex Control, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen inta badan kooxdaas, qaar kalena weli lagu daba joogo.