24.9 C
Mogadishu
Friday, July 10, 2026

Maxaa ka jira warqadda la sheegay in danjire Baale uu ka qoray wiilka Injineer Yariisow?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey, Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale) ayaa si adag u beeniyay inuu qoray warqad lagu daabacay baraha bulshada oo canaan iyo digniin loogu jeediyay Maxamed Cabdiraxmaan Cumar oo ah Xoghayaha koowaad ee Ergada Joogtada ee Qaramada Midoobay.

Qoraalka uu beeniyay Danjire Baale oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada ayaa waxaa ku qornaa “hadalo gef ku ah” shaqada iyo shaqsiyada Wiilkii uu dhalay marxuum Yariisoow, ayada oo lagu sheegay in Maxamed uu ka hor-yimid jiheynta Baale.

“Dabeecadaada waxay si taban u waxyeeleysay waxqabadka shaqsiyadaada iyo wada-shaqeynta kooxeed mudadii koobneyd ee joogtay howl-galka, waxaan ka niyad jabay howshaada, waxaad caadi ahaan dhaqankaaga iska indho tirtaa tilmaamahayga,” ayaa lagu yiri qoraalka uu beeniyay Danjire Baale.

Danjiraha ayaa iska fogeeyay waraaqda loogu gefay Maxamed Cabdiraxmaan Cumar, isagoona sheegay in laga been abuurtay saxiixa ku yaala waraaqdaas oo toddobaadyadii u dambeeyay si weyn loogu baahiyey baraha bulshada.

“Warqadaan waxaa ku arkay Social Media, saxiixa ku yaala meesha ma dhihi karo waa keyga, dad baa sameeyay, wuxuu u eegyahay saxiix meesha lagu dhajiyey oo lasoo gooyay, waana beeninayaa warqadaan,” ayuu yiri.

“Xiriirkeena (Maxamed Cabdiraxmaan Cumar) aad ayuu u fiican yahay, waa wada-shaqeynayna, waana nin caqli badan, markaa waxaa rajeynayaa in uu noqdo Diblumaasi fiican.”

Maxamed Cabdiraxmaan Cumar oo ah Wiilka duqii hore ee Muqdisho ee la khaarajiyey marxuum Eng. Yariisoow AUN, ayaa waxa jagada uu hadda hayo loo magacaabay 4 November 2019-kii.

Norway miyaa madaxweyne Farmaajo taallo uga dhiseysa garoonka Stadium Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal hayn xooggan ayaa ka dhalatay qoraal uu barta twitter-ka soo dhigay Wakiilka Hay’adda Taageerada Caalamiga ee Norway ee NIS u qaabilsan Soomaaliya Qaasim Gaaboow Ducaale oo lagu sheegau inay taallo u dhisayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka oo markii dambe laga saaray Twitter-ka ayuu wakiilka ku sheegay in taalladda madaxweyne Farmaajo laga dul dhisi doono dusha sare ee qeybta shakhsiyaadka muhiimka ah (VIP) ee Stadium Muqdisho.

“Waa madaxweynaha Jamhuuriyada. Hada weliba Taala ayaan uga dhiseynaa meesha VIP-da korkeeda – seriously (Waa iga dhab),” ayuu yiri Qaasim Gaaboow.

Saraakiil ka tirsan hay’adda NIS oo mar dambe la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qoraalka uu ahaa mid kaftan ah oo aan loogu talo-gelin, islamarkaana aysan jirin taallo ay Norway ay dhiseyso.

Sidoo kale, safaaradda Norway ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay twitter-ka ku sheegtay inay been tahay in Norway ay taallo u dhiseyso madaxweyne Farmaajo.

Hay’adda NIS oo Soomaaliya mashaariic badan ka fulisay waxay maamushaa deeqo inta badan ka yimaada dowladda Norway iyo qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub oo deeqaha ay Soomaaliya ku bixinayaan soo mariya.

Muwaadiniin badan ayaa horey baraha bulshada kaga falceliyay adeegsiga kooxda olelaha madaxweyne Farmaajo ee shaashadda Stadium Muqdisho oo si joogta ah loogu soo bandhigo sawirkiisa oo weyn xilliyada ay socdaan ciyaaraha. Dayactirka garoonkan waxaa gacan ka geystay hay’adda NIS.

“Shaashadda garoonka Stadium Mogadishu ee loogu talo galay in saacadda iyo natiijada ciyaarta lagala socdo ayaa mararka qaar la soo saaraa Sawirka Farmaajo” ayuu Twitter-ka ku soo qoray Cabdullaahi Axmed oo ku lifaaqay sawir arrinkan muujinaya.

M/Yurub oo lacagta ka jaray ciidanka Kenya ee Somalia kadib qiyaameyn yaab leh

0

Nairobi (Caasimada Online) – Midowga Yurub (EU) iyo la-hawlgalayaashooda Caalamiga ah ayaa in ka badan kala bar dhimay dhaqaalihii ay ku bixin jireen ciidamada Kenya ee Soomaaliya u jooga la dagaalanak argagixisada Al-Shabaab.

Dhimista dhaqaalaha uu ku sameeyay Midowga Yurub ayaa waxaa loo sababeynaa qiyaano ay sameysay dowladda Kenya, oo qaar kamid ah ciidamadeeda si qarsoodi ah ugala baxday Soomaaliya, balse weli lacag uga qaadaneysa Midowga Yurub.

Waaxda maaliyadda ee dalka Kenya ayaa kal hore meel ku sheegi weysay in ka badan 23 milyan oo dollar oo uu dalkaas ka helay Midowga Yurub, si loogu maal-geliyo ciidamadiisa qeybta ka ah la dagaalka Al-Shabaab, sida ay daabacday warbaahinta Kenya.

Xukuumadda Kenya ayaa shalay baarlaamanka u sheegtay in howl-galka Midowga Afrika ay ka heshay 4.5 bilyan oo lacagta Shilingka Kenya ah, mudadii 12-ka billood, marka loo eego bartilmaameedkii hore ee ahaa SH8.5 bilyan.

Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Keyna oo ayaguna dhankooda baaris ku sameeyay sababta ka dambeysa dhimista dhaqaalihii ay ciidamadooda ka heli jireen beesha caalamka, ayaa sheegay inay tahay ka bixitaanka ciidamadooda qeybo kamid ah Soomaaliya.

“Lacagta la helay waxay ku saleysneyd tirada ciidamada dhabta ah ee la keenay Soomaaliya. Bishii Luulyo, 2018, tirada ciidamada ayaa markii dambe la dhimay.”

Lacagtii uu Midowga Yurub siin jiray ciidamada Kenya ee la dagaalamaya Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ayaa bishii hore laga jaray 66 boqolkiiba oo ah in ka badan 45 milyan oo dollar.

Arrintan ayaa si rasmi ah u dhaqan-gashay sanad maaliyadeedka cusub ee bilowgii bishaan July, maadaama ay soo dhowaatay taariikhda la qorsheynayo in ay ka baxaan Soomaaliya taas oo ay hogaaminayso Qaramada Midoobay, sida ay qoreyso qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jabuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

Guddi ka kooban saddex dhinac oo loo magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan bil lagu la’yahay gacanta Hay’adda NISA, sida ay sheegeen qoyskeeda ayaa maanta waxay dowladda u magacowday Guddi khubaro ah oo baara kiiska maqnaashaheeda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa saddex Sarkaal oo ka kala tirsan Xafiiska Xeer Ilaalinta, Booliska iyo Nabad-sugida u magacaabay baarista kiiska Ikraan Tahliil.

Xeer Ilaaliyahay ayaa sidoo kale faray Taliska NISA iyo cidkasta oo ay quseyso arrintaas inay si dhow ula shaqeeyaan Saraakiisha loo magacaabay kiiskeeda, si loogu xaqiijiyo cadaalada.

Magacaabista guddiga baaraya kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxa uu imaanaya kadib markii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta uu aqbalay furashada Gal-dacwadeed ay kal hore gudbiyeen ehelka Ikraan oo muddo ka badan bil la la’yahay.

Arrinta Ikraan ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayey, maadama ay aheyd Sarkaal muhiim ah oo ka tirsan NISA, islamarkaana ay ku maqan tahay gacantooda, sida ay warbaahinta u sheegen eheladeedu.

Axmed Madobe oo shaaciyey musharaxiinta Aqalka Sare + Xilliga doorashadu dhaceyso

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo ku socda Guddoomiyeyaasha guddiga heer federaal iyo dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa lagu shaaciyey liiska musharaxiinta qeyb kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Jubaland laga soo dooranayo.

Nuqul kamid ah waraaqdaas oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxa uu madaxweyne Axmed Madoobe ku gudbiyey Liiska Musharaxiinta 4 Kursi, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 9 xubnood, iyo sida ay u tartami doonaan, waxayna kala yihiin:

1- Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac.
2- Xalimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cismaan
3- Ilyaas Badal Gaboose, Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaarke Maxamed Cabdi
4- Ibraahim Yacquub Ismaaciil iyo Iftin Xasan Iimaan.

Kuraasta 4-ta ah ee uu maanta gudbiyey madaxweynaha Jubbaland ayaa waxay kamid yihiin 8 Kursi oo ay Jubbaland ku leedahay Aqalka Sare, waxaana weli dhiman liiska musharaxiinta 4 kursi oo kale.

Jubbaland ayaa noqonaya maamulkii u horeeyay ee gudbiya qeyb kamid ah Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, xili uu maanta Guddiga maamulka doorashada heer dowlad-goboleed ee Jubbaland uu soo saaray Jadwal cusub.

Guddiga ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka bisha July u dejiyay in lagu shaaciyo magacyada Musharaxiinta iyo Jadwalka, midaasi oo ku eeg in 6:00pm ka hor lagu soo wada gudbiyo liiska musharaxiinta.

Sidoo kale waxa uu guddiga Jadwalka cusub ee uu maanta soo saaray ku sheegay in diiwaan-gelinta, qabashada codsiyada iyo shubitaanka Khidmooyinka ay bilaaban doonaan maalinta berri ah oo taariikhdu tahay 28-ka bisha July.

Sida uu dhigayo Jadwalka ay maanta soo saareen Guddiga maamulka doorashada heer dowlad-goboleed ee Jubbaland in hadal Jeedinta Musharaxiinta iyo Doorashadooda ay qabsoomi doonto maalinta Khamiista ah.

400 oo SHACAB Soomaali ah oo lagu xasuuqay Ethiopia iyo dagaal culus oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta oo maanta dib uga qarxay dalka Itoobiya, kadib markii maamulka Cafarta ay xasuuqeen dad gaaraya 400 oo qof oo Soomaali ah.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa haatan wuxuu ka socdaa duleedka magaalada Garba Ciise oo ku taalla wadada dheer ee isku xirta wadamada Itoobiya iyo Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyo xoolo dhaqato Soomaali ah iyo sidoo kale maleeshiyaad ka soo jeedo dhanka deegaanka Canfarta.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dhawaaqa rasaasta si xoogan looga maqalayo magaalada & agagaarkeeda, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayaa sidoo kale daba socda mid kale oo todobaadkii hore ka dhacay aagga haatan lagu dirirayo, waxaana ku dhintay Soomaali fara badan.

Wasiir ku xigeenka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Maxamed Rooble Maxamuud oo u warramay VOA ayaa shaaciyey in qiyaastii 350 illaa 400 oo qof la dilay, isla-markaana magaalada ay la wareegeen Canfarta, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka gudaha ku jira ee aan la xiriirnay waxay innoo sheegeen dad illaa 350 qof illaa 400 u dhexeeyo in lagu dilay halkaasi,” ayuu yiri Maxamed Rooble Maxamuud oo ah wasiir ku xigeenka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Si kastaba dagaalka labada dhinac ee haatan dib u bilowday ayaa kusoo aadaya, xilli shalay maamulka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya uu shaaciyey inuu difaaci doono dadka Soomaalida ah ee deggan aagga magaalada Garba Ciise iyo deegaannada kale ee ku dhow.

Iran oo gacanta ku dhigtay hawl-wadeenno ka tirsan sirdoonka Mossad iyo hub

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa Talaadada maanta ah sheegtay in ciidamadeeda amniga ay xireen shabakad u shaqeyneysay Israel, islamarkaana ay qabatay keyd hub ah oo la doonayey in loo adeegsado xasillooni darro ka dhalatay biyo la’aan oo dalkaas ka jirta, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda.

Iran ayaa inta badan cadowgeeda dibedda sida Israel, Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ku eedeysa inay qalalaase ka abuurayaan dalka, ayaga oo hurinaya dibad-baxyo iyo rabshado.

Warka maanta kasoo baxay dowladda ayaa yimid ayada oo ku dhowaad laba toddobaad ay dalka ka socdaan dibad-baxyo looga cabanayo biyo yari, oo badankeed ka jirta koonfurta galbeed ee Iran, kuwaas oo isku rogay siyaasad kuna faafay qeybo kale.

Mas’uuliyiinta ayaa ku eedeeyey mucaarad hubeysan inay huriyeen isku dhacyo intii ay socdeen dibad-baxyada. Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ciidamada amniga ay rasaas ku fureen dibad-baxayaasha.

“Howlwadeeno ka tirsan Mossad ayaa doonayey inay qalabkan u isticmaalaan dibad-baxyada magaalooyinka iyo dilal,” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan Wasaaradda Sirdoonka, oo ay soo xigatay warbahainta dowladda, isaga oo ula jeeda hay’adda sirdoonka Israel.

Hubka la qabtay ayaa waxaa ku jira bistoolado, bam gacmeedyo, qoryo iyo rasaas, sida uu sheegay sarkaalka oo aan la magacaabin, oo intaas ku daray “Qaar ka mid ah kuwan waxaa loo adeegsaday in lagu huriyo isku dhacyo intii ay socdeen dibad-baxyada.”

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Israel.

REUTERS + VOA

Xog: Madaxweyne Farmaajo iyo mid ka mid ah saraakiishii ugu dhowaa oo is-khilaafay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxii xasilinta amniga gobalka Bakaal Kooke uu khilaaf soo kala dhaxgalay, ayna xumaatay kalsoonidii ka dhaxeysay.

Saraakiil xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaafka uu soo jiray bilooyinka la soo dhaafay waxaana Bakaal Kooke laga soo wareejiyay gobalka Gedo, iyadoo howlgal loogu diray gobalka Shabeelalda Dhexe.

Bakaal Kooke oo ay qabiil ahaan is-xigaan Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii Axmed Madoobe kula dagaalay gobalka Gedo, iyadoo markii dambana uu Bakaal kamid noqday saraakiil loo diiday in ay gaaraan Gedo.

Taliye Bakaal Kooke ayaa markii ugu dambeysay Madaxweyne Farmaajo u sheegay in gobalka Gedo uusan ku hagaagi doonin sida hadda wax-loo wado, isagoo sheegay in madaxweynaha uu kaliya wax la rabo beeshiisa oo aan daganeyn Gedo balse degta Galgaduud.

Wixii markaas ka dambeeyay ayaa la sheegay in Bakaal Kooke iyo ciidan ka tirsan NISA howlgal loogu diray degmada Balcad, kaasoo la sheegay in muddo bilooyin ah socon doono balse waxaa jirtay in laba jeer uu ka mid noqday mas’uuliyiin reer Gedo ah oo laga soo celiyay garoonka Muqdisho.

Arrintan ayaa muujineysa in Madaxweyne Farmaajo uu la dagaalay dhammaan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii Axmed Madoobe kula dagaashay gobalka Gedo. Shaqsiyaadka lagu jisaaray waxaa kamid ah, Bakaal Kooke, Macalimuu oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii gobolka iyo dhamaan guddoomiyaashii degmooyinka gobalka Gedo iyo saraakiil kale.

WASIIR FIQI oo war kasoo saaray weerarkii MUDUG

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul uga hadlay weerar ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Ugu horreyn Fiqi ayaa tacsi u diray ehellada dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay weerarkaasi oo ahaa mid qorsheysan, kana dhacay galbeedka gobolkaasi.

“Waxaan ka tacsiyadaynayaa Isla markaana cambaaraynayaa dilka ka dhacay shalay galab deegaanka u dhexeeya Goldogob iyo Saaxa-wanaag ee Galbeedka gobolka Mudug ee lagu beegsaday dad xoolo dhaqato ah ayna ku dhinteen 2 qofood, laguna dhaawacay qof kale,” ayuu yiri wasiirka amniga dowla goboleedka Soomaaliyeed Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu amray laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi dilka ah oo uu tilmaamay inuu fidno ka buurayo deegaanka.

Fiqi ayaa sidoo kale intaasi ku daray in sharciga la horkeeni doono raggii ka dambeeyey weerarkaas, si looga hortego falalka lagu beegsanayo dadka rayidka ah.

“Waa fidno cusub oo xasiloonida deegaanka iyo wada noolaasha dadka deriska leh lagu Qalaad-gelinayo, waxaan ku baaqaynaa in kooxdii danbigaas geysatay sharciga la horkeeno, baaritaan qoto dheerna lagu sameeyo xiriirka ka dhexeeya kooxaha deeganadaas mar walba dilalka ka geysta iyo argagixisada,” ayuu markale yiri wasiirka.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Eheladii iyo qaraabadii dhibbanayaashaas waxaan leenahay sabir iyo iimaan Allaha idinka siiyo”.

Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan illaa labo qof, halka mid kale lagu dhaawacay, waxaana loo sababeynayaa dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan gobolka Mudug.

Xog: Kooxda Farmaajo oo sharxeysa wasiirka arrimaha dibedda una wakiilatay Mudug

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo maalmahaan ku sugnaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa u sharaxan kursi kamid ah golaha shacabka oo deegaan doorashadiisu tahay gobolka Mudug.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa la sheegay in musharaxnimadiisa uu taageero xoog leh uga helayo kooxda ololaha doorashada u qaabilsan Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq ayaa tartan u geli doona mid kamid ah kuraasta beeshiisu ay ku leedahay golaha shacabka Soomaaliya.

Sida ay ku warantay warbaahinta Puntland Post, Wasiir Maxamed Cabdirisaaq waxuu kooxda ololaha dib u soo noqoshada Madaxweyne Farmaajo wakiil uga yahay gobolka Mudug.

Wasiirkan ayaa hoggaamin doona qorshe xildhibaanada gobolkaas ka soo gelaya baarlamaanka Soomaaliya loogu soo saarayo xubno taabacsan Madaxweyne Farmaajo, sida ay daaha ka qaadeyso xogtaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq oo ka mid ah siyaasiyiinta sida aadka ah ugu dhaw madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u gudbiyey dacwado ka dhan ah madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Ugu yaraan seddax jeer ayaa la sheegaa in Wasiir Maxamed Cabdirisaaq uu golaha ammaanka QM hor-geeyey dacwado ka dhan ah madaxda Puntland iyo Jubbaland, intii uu taagnaa khilaafkii doorashada Soomaaliya, madaama ay aad uga soo hor jeesteen damacii Farmaajo ee mudo kororsiga ahaa.

Maalin ka hor wasiirkaan oo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa kulamo la qaatay Isimada beeshiisa oo degta waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Loolan adag ayey kooxda ololaha Farmaajo kala kulmi doontaa inay saameyn ku yeelato xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee laga soo dooranayo Puntland, maadaama hoggaamiyaha maamulkaas ay aad siyaasadda isugu hayaan Farmaajo.

DF Somalia oo shaacisay horumarada laga gaaray doorashooyinka DALKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey horumarada illaa iyo hadda laga gaaray arrimaha doorashooyinka, tan iyo markii uu maamulkeeda la wareegay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warqad kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu soo koobay dhammaan waxyaabihii qabsoomay, illaa markii la billaabay wada-hadallada doorashooyinka, gaaraan ahaan wixii ka dambeeyey, markii la saxiixay heshiiskii doorashooyinka 27 bishii May ee sanada 2021.

Sidoo kale warqadan waxaa lagu soo badhigay horurmada laga gaaray doorashooyinka, iyada oo mid walba la caddeeyey taariikh ahaan xilliga la qabtay.

Xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in guulo badan la gaaray, sida saxiixa heshiiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha doorashooyinka, guddigii uu u magacaabay ra’iisul wasaaraha xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashada laga keenay, kulamadii Rooble iyo musharraxiinta oo iyana guullo waa weyn laga gaaray, guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad Goboleed iyo xalinta khilaafaadka iyo soo saarista jadwalka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa warqadan lagu soo qaaday dadaalladii dib u heshiisiinta ee gobolka Gedo iyo guddigii uu ra’iisul wasaaraha ee magacaabay ee loo diray magaalada Garbahaarey.

Halkan hoose ka aqriso:-

May 27 2021: Waxaa la saxiixay heshiiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha doorashooyinka.

May 30 2021: Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddi u magacaabay xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashada laga keenay.

May 31 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaabilay xubno ka socda Midowga Musharaxiinta oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore, si uu uga dhageysto cabashadooda iyo talooyin.

June 19 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Xalinta khilaafaadka.

June 29 2021: Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa soo saaray jadwalka arrimaha Doorashooyinka Dalka.

June 29 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiga dib u heshiisiinta Gedo.

July 5 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka oo uu kala hadlay hirgelinta, Amniga Doorashooyinka iyo taageerada laga doonayo.

July 7 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu socdaal 4 cisho qaatay ku tegay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey, si loo dhammeystiro dib u heshiisiinta Gedo.

July 21 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku dhawaaqay xalkii laga gaaray arrinta Gedo.

July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu kula dardaarmay inay dooraahada u maamulaan si hufan oo ka fog eex.

July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu isu keenay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, si loo xalliyo faraqa u dhexeeya ee doorashada kuraasta Gobollad Waqooyi.

July 25 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu magacaabay guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka 30% ee labada Aqal ee Baarlamaanka.

July 25 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu habka fogaan arragga kula shiray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo uu ku booriyay inay doorashada dedejiyaan, maadaama la gaaray xilligii lagu balamay in ay bilaabato.

Weerar lagu dilay shacab oo xalay ka dhacay MUDUG

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar ay maleeshiyaad hubeysan xalay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug, kaas oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Dhagxanya-cadde oo u dhow degmada Galdogob ee gobolka Mudug, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Maleeshiyaadka hubeysan oo goobta isaga baxsaday ayaa la sheegay inay mar qura rasaas ku fureen dadkaasi shacabka ah, xilli ay ku sugnaayeen hoygooda oo ku yaalla Galdogob.

Inta la xaqiijiyey weerarkan ku dhintay ugu yaraan labo qof, halka uu ku dhaawacmay mid kale, kaas oo haatan lala tacaalayo xaaladdiisa caafimaad.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday dadkaasi, balse wararka ayaa sheegaya in weerarkan uu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray deegaanka uu falkaasi ka dhacay, waxaana ay illaa iyo hadda wadaan howl-gallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyey dhacdadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana Dhagxanya-cadde laga dareemayaa xiisad xoogan oo ka dhalatay dilka loo geystay dadkaasi rayidka ah.

Mudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal  salka ku hayo aano Qabiil oo weli ka taagan deegaano dhaca gobolkaas oo ay marar kusoo noq-noqdeen dagaal beeleedyo.

 

Maxay ka wada-hadlayaan ROOBLE iyo dhiggiisa UK?

0

London (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayAa faah faahin ka bixiyey safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee London wuxuuna sheegay inuu ka qeyb-galayo shir looga hadlayo tayada waxbarashada Caruurta.

Macalimuu ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Rooble uu la kulmi doono dhiggiisa UK Boris Johnson iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda dalkaasi, Mr Dominic Raab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka wada-hadli doonaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo dadaallada ay wado xukuumadda Rooble ee ku aadan hirgelinta doorashooyinka.

“Muddada kooban ee uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku sugan yahay London waxa uu la kulmayaa Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson & Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Dominic Raab oo ay kawada hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka,” ayuu yiri.

Waxa kale oo kulankan lagu soo qaadi doonaa taageerada ay dowladda UK siiso Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku aadan xiriirka labada wadan.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada London wuxuu kulan duceedyo la qaadan doonaa madaxda ka soo qeyb-geleysa shirka ku saabsan sare u qaadista tayada waxbarashada caruurta ee ku dhaqan guud ahaan dunida.

Socdaalka Rooble ee London ayaa noqonayaa kiisii saddexaad ee ugu baxay dalka dibaddiisa, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Si kastaba, safarkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, dalkana uu ku jiro marxalad doorasho, isla-markaana uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyey ee doorashooyinka.

Muxuu Axmed Madobe kala hadlay guddiyadda loo xil-saaray doorashada? + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddiga hirgelinta doorashada dadban ee heer federaal & midka maamulkaasi, isagoo kala hadlay doorashada.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye Maxamed Xasan Maxamed (Cirro), waxaana intii uu socday shirkan diirada lagu saaray shaqooyinka labada guddi.

Ugu horreyn madaxweyne Axmed Madoobe ayaa warbixin ka dhageysatay guddiyadan, taas oo la xiriirta duruufaha iyo marxaladaha shaqo ee ay ku jiraan iyo sida ay ilaa hadda shaqadu u socoto.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada ay u dhici doonto qaab hufnaan leh oo xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale wuxuu ku amaanay guddiyada doorashooyinka ee haatan diyaar garowga wda shaqooyinka u qabsoomay maalmihii lasoo dhaafay ee la xiriira qabashada doorashada.

Ugu dambeyn madaxweynaha Jubbaland ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiyada doorashooyinka heer federaalka iyo kan maamulkaasi inay laba jibaaraan dadaalladooda, si markaasi loo guda-galo qabashada doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya.

Kulankan wuxuu ku soo aadayaa, xilli uu dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada xildhibaanada Aqalka Sare oo qorshuhu ahaa inuu bilowdo 25-kii bishan, balse waxaa haatan socda diyaar garowgii ugu dambeeyey, waxaana lagu horreysan magaalada Kismaayo oo lagu soo xuli illaa sideed kursi oo Jubbaland ay ku leedahay Aqalka Sare.

Daawo: ROOBLE oo u baxay SAFAR dalka dibaddiisa ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, halkaas oo uu uga qeyb galayo shir caalami ah.

Shirka uu Ra’iisul Wasaaraha uga qeyb gelayo London ayaa waxaa looga hadlayaa sidii sare loogu qaadi lahaa “tayada waxbarashada carruurta” sida lagu sheegay qoraal goordhaw ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada carruurta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha lagu sheegay in Rooble uu kulan la qaadan doono dhigiisa dalka Ingiriiska, Boris Johnson.

Inta uu Ra’iisal Wasaaraha ku sugan yahay dalkaas waxa kale oo uu kulamo docoodyo kala duwan la qaadan doono Madax iyo Mas’uuliyiin kale oo ayaguna qeyb ka ah shirkaasi caalamiga ah.

Hoos ka daawo Afhayeenka xukuumadda Macalimuu

La-taliyaha Farmaajo oo ka degay KISMAAYO – Ma hir-galay qorshihii Farmaajo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegaya in maanta uu garoonka diyaaradaha Kismaayo ka degay Cabdi Cali Raage oo ah shaqsi si weyn ugu dhow madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Safarka Cabdi Cali Raage ayaa imaanaya kadib markii uu Ra’iisal wasaare Rooble soo saaray amar dhigaya in qofna laga celin karin garoomada dalka, taasi oo maalmo ka hor dhaqan galkiisa xilalkii uga qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.

Cabdi Raage oo sidoo kale ah Musharax u taagan xilka xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa dhowr jeer cadaadis hor leh kala kulmay maamulka Jubbaland, oo horraantii bishaan diyaarad uu saarna ka celisay garoonka Kismaayo.

La-taliyaha madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayuu maamulka Jubbaland ku eedeyay qal-qal gelinta amniga maamulkaas iyo abaabulo ka dhan ah.

Caasimada Online ayaa kal hore baahisay in go’aanka uu Rooble xilka kaga qaaday labada sarkaal, si gaar ahna Kulane Jiis ay guul-siyaasadeed dadban oo gadaal kasoo bixi doonta u tahay madaxweyne Farmaajo, taasi oo maanta si shaacsan u soo baxday.

Xog lagu kalsoon yahay oo xiligaas ay Caasimadda Online ka dhex heshay kooxda arrimaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo ayaa xaqiijisay in tallaabada xil ka qaadista Kulane Jiis ay tahay qorshe uu Farmaajo ka leeyahay Jubaland iyo Puntland, ra’iisul wasaare Rooble-na uu arrintaas qeyb ka yahay.

Ujeedada arrintaas ka dambeysay ayaa aheyd in lagu cadaadiyo Axmed Madoobe, oo dhammaan kooxda ololaha doorashada Farmaajo ka xirtay albaabka laga galo Kismaayo ee garoonka diyaaradaha, islamarkaana dadweynaha loo tusiyo mid ka hor imaanaya geedi socodka heshiiska doorashada haddii uu ka hor imaado amarka Rooble.

Ra’iisal wasaaraha oo u gogal xaaraya safarka Cali Raage ayaa maalmo ka hor xilkii ka qaaday Kulane Jiis oo Guddoomiyihii hore ee Gedo ka hor-istaagay in uu ka dhoofo garoonka Muqdisho, taasi oo lagu xoojinayo amarka ah “in qofna aan laga celin karin garoon ku yaala dalka.”

Xog: Cayaar siyaasadeedka cusub ee dib u dhigeysa doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa mar kale dib u dhacday kadib markii uu fuli waayey jadwalkii cusbaa ee doorashada ee dhigayey in doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ay billaabato 25-ka July, oo ku beegneyd Axaddii.

Marka laga reebo khilaafka ka taagan guddiga doorashada ee xildhibaanada waqooyi, ma jirto caqabad siyaasadeed kale, oo maamul goboleedyada ka hor-istaagtay inay qabtaan doorashada.

Iska daa in doorasho ay qabtaan’e, maamul goboleedyada qaarkood ayaan xitaa dhisin guddiyadii baarlamanada u qaabilsanaa qabashada doorashada Aqalka Sare.

Hase yeeshee, sida ay ogaatay Caasimada Online, qabashada doorashada ayaa markan wajaheysa caqabad cusub, oo ah cayaar siyaasadeed u dhaxeysa beesha caalamka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, taasi oo salka ku haysaa lacagta ku baxeysa doorashada.

Sida ay Caasimada Online xogta ku heshay, beesha caalamka ayaa diiday inay bixiso lacagta ku baxeysa doorashada oo gaareysa illaa 40 milyan oo dollar, ayada oo ku xirtay shuruud ah, in marka hore lasoo geba-gebeeyo doorashada Aqalka Sare.

Lacagtaas ayaa waxaa dowladda federaalka laga rabaa kaliya inay bixiso afar milyan, halka inta soo hartay, oo ah 36 milyan laga sugayo beesha caalamka.

Walaaca beesha caalamka ayaa ah, in haddii ay lacagta bixiso ay suurta-gal tahay in siyaabo kale loo adeegsado, oo doorasho lagu qaban waayo, ayada oo qiil ka dhiganeysa dib u dhacyada aan xisaabta laheyn ee horey ugu hareeyey doorashada.

Waxay sidoo kale beesha caalamka qabtaa, in doorashada Aqalka Sare aysan u baahneyn wax qarash ah, ama haddii ay u baahan tahayna aysan aheyn wax badan, maadaama xildhibaanada Aqalka Sare ay soo dooranayaan xildhibaanada maamul goboleedyad, oo ah kuwa iminkaba jira, islamarkaana shaqeeya.

Aragtida beesha caalamka ayaa ah, in qarashka ugu badan uu ku baxayo xildhibaanada golaha shacabka, oo ay soo dooranayaan ergo u baahan in la isku keeno, hoteello la dejiyo, la tababaro, islamarkaana muddo la biilo.

Sidaas darteed, wakiilada beesha caalamka waxay ku doodayaan, inay lacagta fasixi doonaan doorashada Aqalka Sare kadib.

Dhankoodana, madaxda maamul goboleedyada ayaa qaarna ku doodaya inay wajahayaan dhaqaale xumo baahsan, halka qaarka kalen ay ka cabsi qabaan in haddii ay lacagta jeebkooda ka bixiyaan, aan dib loogu soo celin doonin.

Mamaul goboleedka kaliya ee illaa iyo hadda ay si buuxda uga go’an tahay qabashada doorashada Aqalka Sare ayaa ah Jubaland, oo dano siyaasadeed gaar ah ka leh qabashada doorashada.

Axmed Madoobe ayaa doonaya inuu doorashada Aqalka Sare kusoo geba-gebeeyo bishan July gudaheed, si uu ugu xoojiyo sharciyaddiisa.

Qoraal 14-kii July 2020 kasoo baxay dowladda federaalka, ayey ku sheegtay inay Axmed Madoobe ugu aqoonsatay madaxweynaha ku-meel gaarka ah ee Jubaland, muddo laba sano ah oo ka billaabaneysay bishii August 2019, oo aheyd markii la doortay.

Axmed Madoobe ayaa ku gacan seeray qoraalkaas kasoo baxay Villa Somalia, isla maalinkii ay soo saartay, kuna tilmaamay mid sharci-darro ah, oo aan quseyn.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa rumeysan, in Axmed Madoobe weli uu qabo walaac la xiriira arrintaas, islamarkaana haddii waqtigaas la gaaro isaga oo aan doorasho qaban ay muran cusub gelin karto awoodda uu ku qabanayo doorashada.

Waxaa taas dheeri, in maamulka gobolka Gedo ee taabacsan Villa Somalia uu shaaca ka qaaday inay maamul cusub u dhisayaan Jubaland marka la gaaray bisha August ee soo socota, tani oo muujineysa in Villa Somalia ay xiisad cusub ka shaqeyneyso.

Guddoomiyaha gobolkaas ee ku xiran Villa Somalia Axmed Buule Canjeex, oo wareysi siiyey BBC-da, ayaa sheegay in muddo xileedka Axmed Madoobe uu ku eg yahay bisha August, kadibna ay dadka gobolka dhisan doonan maamul cusub, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka ay dhammaato muddada xilka Axmed Madoobe) ma jirto cid naga hor istaageyso in aan aayaheena ka tashano, waana go’aan ay gaareen dadka deegaanada Jubaland, dal iyo diba, waa la isku xiran yahay. Guddiyo ayaa la sameystay sidii gogoshaas ay ku meel mari lahayd,” ayuu yiri Axmed Buule.

“Ha u gudbiyo laakin, Axmed muddadiisa 20-ka bisha siddeedaad ayay ku ektahay, hal maalina cid ugu dari karta ma leh, ciddi howshaas damacdana waxay diyaar u tahay dhibaatada dhulkaas ka dhacdo in iyaga la weydiinaayo,” ayuu sii raaciyey.

Dib u dhacyada aan dhammaadka laheyn ee doorashada, ayaa waxaa ku raaxeysanaya madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo hadda galay bishii lixaad ee uu kursiga ku fadhiyo isaga oo aan sharciyad heysan.

Sida muuqata, Farmaajo waxa uu ugu yaraan heli doonaa hal sano oo dheeri ku ah muddo xileedkiisa oo dhammaaday 7-dii Febraayo, 2021. 

Warbixintan oo muuqaal ah hoos ka daawo

“Ganacsadihii lacag siiya Al-Shabaab waa in la toogto” – Amar culus oo lasoo saaray

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa markii u horeysay soo jeediyay arrin xasaasi ah oo la xiriirta lacagaha ay hesho Al-Shabaab iyo howlaha sugida Amniga ee ka socda deegaanadaas.

Cabdiladiif oo hadda booqasho ku jooga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxa uu soo jeediyay inaysan marnaba Ganacsatadu siin argagixisada lacago baad ah oo ay isku bad-baadinayaan, halka lacagahooda lagu gumaadayo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay in lacagaha ay ganacsatadu siiyan Al-Shabaab iyo Daacish ay sii dhiiri-geliso falalka arxan darada ah ee lagu laynayo shacabka, islamarkaana ay ganacsatadu qeyb ka tahay falalkaas, maadama ay lacagta u badan baxshaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Al-Shabaab laba meel ayay lacag badan ka helaan waa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho iyo kuwa Magaalada Boosaaso, waa in Ganacsatada ay si deg-deg ah u diidaan lacagtaas oo ay u fariistan, una midoobaan arrintaas,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdiladiif.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in la toogto ganacsade kasta oo la ogaado in uu lacag siiyo argagixisada, ama’se la maxkamadeeyo, si looga waantoobo arrintaas oo dhibaato weyn ku ah dalkeena.

“Waa in la marsiiyo dariiqa argagixisada ay dadka marsiiyan, waxaan jeclaan lahaa in cidii lagu ogaado in dariiqa ku toogataan, haddii ganacsato weyn lagu ogaado lacag waa in la toogta ama maxkamadeysaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku booriyey shacabka in loo midoobo la dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay gaancsatada ka waantowdo lacagaha ay siinayaan kooxahaaas, midaasi oo lagu leynayo dadkooda.

Ethiopia oo maanta leexisay duulimaadyadii garoonka Addis Ababa + Sababta

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa goordhoweyd soo saartay qoraal ay ku shaacineyso in duulimaadyadii Addis Ababa ee garoonka Bole International Airport la leexiyay, sababo la xiriiro isbedel xun oo dhanka cimilada ah.

Qoraal kooban oo ka soo baxay maamulka Shirkada ayaa lagu sheegay in duulimaadyadii aadayey garoonka Bole loo leexiyey garoomada ku dhow-dhow, oo aan si faah-faahsan loo cadeyn.

“Taxaddar dartiis, duulimaadyada ku wajahan Addis-Ababa ayaa loo weeciyey garoomo diyaaradeed kale oo ku dhow sababo la xiriiro cimilada aagga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Addis Ababa Bole International Airport,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines.

“Maadaama bad-qabku yahay ahmiyadeena koowaad, duulimaadyada aadayey Addis Ababa ayaa hadda ka dagaya garoomo diyaaradeed kale, waxayna ku laaban doonaan meeshii ay markii hore u socdeen markii cimiladu hagaagto. Wixii warar ah ee kusoo kordha duulimaadyada waan idinla socodsiin doonaa. Waxaan ka raali galineynaa macaamiisheenna sharafta leh dhibaatooyinka ka dhashay wax ka baxsan awooddeenna.”

Waxaa saacadihii u dambeeyay isbedel cimilo oo aad u sareeya uu saameeyay guud ahaan caasimada dalka Itoobiya, waxaana la arkayey cayryaamo aad u badan oo saameyn ku yeelatay is-araggii xitaa gaadiidka caadiga ah ee marayey jidadka magaalada.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in diyaarado saaka laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Bole ay ka dageen dalka Jabuuti, kadib markii ay u suurto-geli weyday inay ku dagaan garoonkaas oo muddo ku dul-wareegayeen.

Maxay tahay fadeexadda Pegasus ee hareysay madaxda Sacuudiga iyo Imaaraadka?

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa beeniyey eedeymo ku saabsan in madaxdooda ay software-ka ay sameyso Israel ee Pegasus u adeegsadaan inay ku jaajuusaan suxufiyiinta iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

War-saxaafadeed Khamiistii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta ayaa lagu yiri “Tuhunnada sheegaya in Imaaraadka Carabta uu ka mid yahay dalal dhowr ah oo lagu eedeeyey inay koor-joogteyn ku beegsadaan suxufiyiinta iyo shaqsiyaadka kale looma hayo wax caddeymo ah oo saldhig u noqon kara.”

Eedeymaha noocaas ah “waa been cad,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa Arbacadii iyana sheegtay in “sarkaal Sacuudiyaan ah uu beeniyey tuhunno dhowaan lagu sheegay warbaahinta oo ah in hay’ado iyo shaqsiyaad ka tirsan boqortooyada ay software-ka Pegasus u adeegsadeen inay kula socdaan taleefonada.” 

“Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in eedeymaha noocan ah ay yihiin kuwa been ah, islamarkaana siyaasadda boqortooyada aysan taageerin dhaqamada noocan ah.”

Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowlado dhowr ah oo lagu eedeeyey inay Pegasus u adeegsadeen inay kula socdaan dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka iyo kuwa dhaliila.

Xogtan ayaa lagu ogaaday 50,000 oo qof lagu beegsaday barnaamijka Pegasus oo loo dusiyey hay’ado xuquuqda aadanaha. 

Hay’adda xuquuqda aadanaha Amnesty International, kooxda Forbidden Stories ee fadhigeedu yahay Paris iyo warbaahin ay ka mid yihiin Washington Post, Le Monde, iyo The Guardian ayaa ka wada shaqeeyey in la taxliiliyo liiskan lana shaaciyo. 

Shirkadda Israel ee NSO iyo barnaamijkeeda Pegasus, ayaa awood u leh inay daaraan kaamirada ama mikrafoonka taleefonka, si ay u helaan xogta qofka ama u dhageystaan. 

Shirkaddan ayaa caalamka markii ugu horreysay uu kusoo baraarugay 2016, kadib markii loo adeegsaday in lagu jaajuuso mucaaraadka Imaaraadka Carabta.

“Software-ka NSO waa hubka ay doortaan dowladaha dadka caburiya si ay u aamusiyaan suxufiyiinta, u weeraraan una burburiyaan mucaaradka, oo ay halis geliyaan nolol badan,” waxaa sidaas yiri madaxa hay’adda Amnesty Agnes Callamard.