24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Dowladda oo ciidamo ka dajisay Dhuusamareeb iyo R/W Rooble oo gaaray

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee loo yaqaano Gor-Gor ayaa maanta laga dejiyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay horudhac u ahaayeen wafdiga ra’iisul wasaare Rooble oo halkaas kulamo kula qaadanaya maamulka uu hogaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacado kadib ciidankaas waxa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdigan oo ka yimid Garoowe ayaa waxaa garoonka diyaarahada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo xubno kale.

Rooble ayaa madaxda Galmudug kala hadli doono arrimaha doorashooyinka dalka ee la filayo ee lagu muransan yahay, hase yeeshee ma cadda haddii ay taas wax beddeli doonto maadaama markii hore ay Galmudug ku mowqif aheyd Villa Somalia.

Si kastaba, Qoor Qoor ayaa isku dayaya inuusan qaadan wax go’aano ah, ayada oo aan xal loo helin muranada taagan, wuxuuna wadaa dadaal uu ku dhex-dhexaadinayo dowladda iyo mucaaradka.

Rooble oo wajigabax kala soo laabtay maamulka Puntland markii lagu gacan seeray qodobadii uu ula tegay.

Ilo kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ciidamada la geeyay caasimadda Galmudug loogu talagalay iney sugaan amniga goobaha doorashooyinka, gaar ahaan kuraasta la dhigayo magaalada Dhuusamareeb.

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar culus oo 7 qodob ah dul dhigay ganacsatada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray xeerka ka hortagga Dabka, kadib markii dhowr jeer Magaalada Muqdisho uu ka kacay dab geystay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta u Akhriyay Xeerka uu soo saaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ka hortagga dabka ayaa lagu  amray ganacsatada iney Xeerkan dhaqan galiyaan.

Amarada kasoo baxay Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka kooban 7 qodob, kuwaas oo intooda badan ku socda Ganacsatada ku nool gobolkan Banaadir, waxaaa ay kala yihiin.

1- In dhamaan Goobaha Ganacsi & dhismooyinka waaweyn la faray inay qaataan qalabka looga hortago dabka ee loo yaqaano dab damiye noocyadiisa kala duwan, Qalabka digiinta dabka sheega iyo Shahaadada Dabka.

2- In maamulka gobolka Banadir ay u xulatay keenista qalabka dabka looga hortago waxyeelada dabka Shirkadda Som Fire protection, kadib markii Maamulka Gobolka Banaadir uu ku qancay tayada Qalabka.

3- Goobaha loogu talo galay ama loo asteeyay inay isticmaalaan Qalabkaan ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku sheegay, Dhamaan Shirkadaha waaweyn, kaalmaha Shidaalka, Maqaayadaha Waaweyn, Bangiyada, Moolasha Super, Marketyada , Garaashyada, Bakhaarada lagu iibiyo qalabka dhismaha noocyadooda kala duwan, dukaamada qalabka Electronicada ah, goobaha Waxbarashada, hoteelada, isbitaallada, Xafiisyada & xarumaha dowladda.

4- Waxaa la faray dhamaan goobaha ganacsiga inay qaataan Shahaadada dabka si loo mareeyo dabka tirada badan ee ka dhaca muqdisho, sidoo kalena laga maarmaan ay tahay inay heystaan  haamaha yaryar ee dabka lagu demiyo.

5- in laga bilaabo Maanta la mamnucay Ganacsiyada isku dhex Milan ee la isku dhex-gado waxyeelana isaga imaan karta, sida Shidaalka iyo wixii lamid ah.

6- Dhamaan qodobada an la soo sheegay hirgelintooda ayaa maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu u xilsaray waaxda gurmadka deg dega ah e dowladda Hoose ee Xamar.

7- In tallaabo uu ka qaadi doono Maamulka Gobolka Banaadir cid kasta oo ku xadgudubka xeerkaan iyo dhaqan gelintiisa.

Amarkaan kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaax illi sanadihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho goobo Ganacsi oo ku yaal iyo guryo qaarkood uu dab ka kacay, kaas oo geystay qasaaro nafeed & mid hantiyadeed intaba.

Mahad Salad: Caro iyo cunto la diido kuma jirto casharada siyaasadda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka fal-celiyey baaqashada ra’iisul wasaaraha ee munaasabaddii lagu sagootinayey iyo casho sharafta loogu sameeyay madaxtooyada Puntland, isagoo ka doorbiday inuu kormeero goobaha ay dadka isugu yimaadaan ee magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Ugu horreyn Mahad Salaad ayaa shaaca ka qaaday in caro iyo cunto la diido aysan ku jirin casharada siyaasadda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Caro iyo cunto la diido kuma jirto casharada siyaasadda Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Tallaabadan ayaa dad badan waxa ay ku tilmaameen inay tahay mid ku cusub dhaqanka siyaasadeed ee dalka.

Arrintan ayaa sidoo kale salka ku heyso is-mari waaga ka taagan doorashooyinka, iyada oo natiijo la’aan ay ku soo dhammaadeen kulamadii ra’iisul wasaaraha iyo Deni.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, iyada oo dooda ugu adag ay ka taagan dhismaha guddiga doorashooyinka dalka.

Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa isgoyska Fagax iyo wadada aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan dgmada Kaaraan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino, islamarkaana lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, xilli ay marayeen agagaarka masjidka Turkiga oo ku yaal halkaasi.

Ilo deegaanka ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in qaraxa, kadib ay rasaas xoogan fureen ciidamada AMISOM ee qaraxa lala eegtay.

Inta la xaqiijiyy ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay dhacdadaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen illaa 9 kale oo dhammaan dad shacab ah.

Xaaladda hadda degan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen FARMAAJO iyo xildhibaanada Galmudug?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Dhammaan mas’uuliyiinta ka qeyb-gashay kulanka ayaa mid mid khudbado uga jeediyey madasha, kuwaas oo ka hadlay marxaladda kala guurka ah iyo doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday sida looga gudbi kara culeesyada ka jira doorashada 2020/2021-ka oo uu u haatan ka taagan yahay muran xoogan.

Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey guddoonka iyo xildhibaanada Galmudug, siday ay ugudanayaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isaga oo kula dar-daamay inay sii laba jibaaraan, si Galmudug ay u gaarto horumar.

Ugu dambeyn guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in mudadii koobneyd ee uu shaqeynayey baarlamaanka inay u qabsoomeen shaqooyin fara badan, sidoo kalena ay ka qeyb qaadanayaan doorashada.

Si kastaba xildhibaanada Galmudug ee haatan jooga Muqdisho ayaa horey ula kulmay musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre oo olole xoogan ka wada caasimadda.

 

 

Ujeeddada safarka ra’iisul wasaare Rooble ee Garowe ‘waa hurinta’ qalalaasaha siyaasadda Soomaaliya

0

Labada arrimood ee laga sugayay Xukuumadda RW Maxamed X Roble oo heshay kalsoonida Golaha Shacbiga ee BF 24 Oktoobar 2020 waxay kala ahaayeen:

1. Ilaalinta habsami u socodsiinta hawl-maalmeedka dowladda federaalka. Ma jirin shaqo cusub ee laga rabay in Xukuumadda ku dhaqaaqdo waayo muddo xileedka dowladda waxaa ka dhimmanaa 3 bilood, waxaana la sugayay qabashada doorashada Barlamaanka Federaalka 33 maalmood gudahooda (27 Nofember), madaama muddo xileedka BF ku eg tahay 26 Disember 2020.

2. Dardargelinta qabashada doorashada dadban oo lagu heshiiyay 27 Setember 2020 ayadoo la raacayo heshiiska la isku raacay. Farqi weyn ayaa u dhexeeya heshiiska siyaasadeed iyo mabaadi’da guud ee doorashada dadban iyo hirgelinta heshiiska iyo mabaadi’dada doorasho dimoqradi ah. Waa in la hubiyo is waafaqsanaanta waxa heshiiska ku qoran ama aan ku qorneyn, haseyeeshe asaaska u ah doorasho loo siman yahay iyo ficillada dhabta ah ee lagu hirgelinayo ( agreed principles and implementation actions).

RW Roble wuxuu 1da Oktoobar 2020 soo saaray qoraal lagu faahfaahinayo habraaca hirgelinta heshiiska doorashada dadban. Wuxuu soo magacaabay Guddiga doorashada heerka federaalka, guddiga xallinta khilaafaadka doorashada, guddiga doorashada Xildhibannada Somaliland, iyo Guddiga doorashada Xildhibannada Gobolka Benadir.

Magacaabidda guddiyadaas waxaa ka soo baxay dhalliilo badan ( shaqaalenimo, ciidan, taagerayaal, xigaalo, saaxibnimo, sumcad la’aan, aqoon yari, Madaxbannaani la’aan), waxaana loo baahnaa in RW Roble degdeg wax uga qabto madaama uu asagu soo magacaabay. Dhalliilaha guddiyada doorashada ka sokow, waxaa jira labo arrimood oo muhiim u ahaa qabashada doorasho lagu kalsoonaan karo kuwaaso kala ahaa: Maamulka Gobolka Gedo oo la hoos geeyo DG Jubbaland oo uu ka mid yahay iyo xil ka qaadista Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasin oo lagu soo eedeyay inuu la wareegay maamulka doorashada taaso ah dambi dastuurka iyo sharciga Ciidammada dhigayo. Labadaas caqabadood waxaa ku soo kordhay qalalaasaha ka taagan DG Hirshabelle.

Gudaha iyo Dibeddaba waxaa laga dheregsan yahay fadeexadda, sumcad xumada, mas’uuliyad darrada ka dhacday shirkii Madasha Taagerada Soomaaliya ( Somalia partnership Forum) oo lagu qabtay Muqdisho 7 Disember 2020, kaddib Madaxweynaha JFS loo diiday ka qaybgalka shirka, isla markaana bannaanka la soo dhigay khilaafaadka curyaamiyay wax qabadkii dowladda federaalka muddo 3 sano ah, iyo arrimaha caqabadda ku ah qabashada doorasho xor iyo xalaal oo waqtigeeda dhammaad yahay.

Madaxweyne Farmajo oo tixgelinaya inuu yahay soomali waddani ah, damiir leh, xilkas ah, jecel dadkiisa iyo dalkiisa, dhegeystay ama daawaday wixii ka dhacay shirkii Madasha Taagerada Soomaaliya wuxuu 8 Disember 2020 Ummadda Soomaaliyeed u sheegi lahaa inuu iska casilay Xilka Madaxweynaha, kana codsan lahaa shacabka Soomaaliyeed inay aayahooda ka tashadaan. Nasiib darro ma dhicin.

RW Maxamed Roble wuxuu goostay inuu tago Puntland asagoo dhegeystay, waxna qaban eedihii DF loo jeediyay lagana sheegay fagaaraha Madasha shirka beesha caalamka oo soomali oo dhan markhaati ka aheyd, eedahaaso horey u soo jeediyeen Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BF, Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha, Bulshada Ra’yidka, iyo kooxo ka tirsan qaybaha bulshada Soomaaliyeed. Eedaha waxay ka dhasheen magacaabista guddiyada uu RW Roble mas’uulka ka ahaa. Sidaa darted, safarka RW Roble ku tagay wuxuu yahay waqti lumis, gardarro, iyo hurinta qalalaasaha siyaasadda Soomaaliya ka holceysa.

Kulanka dhexmaray RW Roble iyo Islam Ciise iyo Garaad Saleeban oo la rabay inuu ahaado mid gaar ah (private), waxaa goob joog ka ahaa xubno aan dowladda ka tirsaneyn iyo kuwo aan loo baahneyn inay goobjoog ka noqdaan. Ujeedada RW Roble ka lahaa kulaankaas warbaahinta loo furay waxay u eg tahay mid laga lahaa dan siyaasadeed.

Marka loo dhabbo-galo Xubnaha Wafdiga RW, dad badan waxay u fasireen in Madaxweyne Farmajo iyo Fahad Yaasin ilaalinayaan RW Roble oo ay adag tahay inuu ka soo baxo xilka Ra’iisul Wasaaraha laga rabo oo ah inuusan noqon dhaan-raac.

Wax ka qabashada qaladaadka, dhalliilaha, iyo shakiga ka taagan qabashada doorashada waa mas’uuliyad laga rabo RW Roble sida ku cad dastuurka kmg. Nasiib darro, afartii sano ee Madaxweyne Farmajo xilka hayay, waxaa lagu tuntay dastuurka kmg, kala lahaanshaha mas’uuliyadda iyo awoodaha hay’adaha dastuuriga, waxaana awoodii dowladda maroorsaday Madaxweynaha iyo Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasin, taaso keentay in RW Roble qabo, kuna qanacsan yahay inuu yahay adeegaha Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BF, Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha, DG Puntland iyo Jubbaland, Bulshada Ra’yidka, aqlabiyadda waxgaradka Soomaaliyeed waxay isku raaceen in loo baahan yahay in Madaxweyne Farmajo iyo Ra’iisul Wasaare Roble wax ka qabtaan arrimaha hoos ku qoran:

1. Inay aqoonsadaan in talada iyo turxaanbixinta hirgelinta doorashada ay ka dhexeyso Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka (National Consultative Council) oo ka kooban Madaxweynaha JFS, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha Golaha Shacbiga, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha DG.

2. Inay aqoonsadaan in guddiga doorashada heer federaal, guddiga xallinta khilaafaadka, guddiga doorashada xildhibannada somaliland, guddiga doorashada Xildhibannada gobolka Benadir xaaran yihiin, khilaafsan yihiin dastuurka kmg, habraaca hirgelinta heshiiska doorashada dadban, mabaadi’da doorasho xor iyo xalaal ah, ayna lagama maarmaan tahay in la beddelo, lana dhiso guddiyo cusub oo heshiis lagu yahay. Shuruudaha xubinnimada waxaa ka mid ah dhexdhexaadnimo, hufnaan, sumcad wanaagsan bulshada dhexdeeda, daahfurnaan, aqoon, xilkasnimo, waayo aragnimo, madaxbannani oo uusan ka tirsaneyn ciidammada, shaqaalaha dowladda, xigto aheyn ama taagere baraha bulshada (CBB).

3. Inay qalalaasaha Hirshabelle si degdeg ahna wax uga qabtaan si looga hortago dagaal sokeeye

4. In maamulka Gobolka Gedo loo daayo DG Jubbaland

5. Inay xaqiijiyaan ka qayb galka Mucaaradka hirgelinta doorashada iyo talada siyaasadda dalka.

6. Inay aqoonsadaan in muddo xileedka Barlamaanka Federaalka dhaammad yahay, dalkana ka jirin dowlad haysata sharciyadda dastuurka dhigayo oo ka imaaneysa shacabka Soomaaliyeed marka uu doorto Xildhibannada Barlamaanka Federaalka ee matalaya. Xilka Madaxweynaha waa inuu saamileyda siyaasadda kala tashado geedisocodka siyaasadda dalka, isla markaana hubiyo in maamulka dowladda waafaqsan yahay dastuurka, sharciga, iyo nidaamka xilgaarsiinta. Waa inay joogsadaan dhammaan shaqada dowladda aan ka aheyn howlmaalmeedka caadiga. Waxaa muhiim ah ilaalinta hantida qaranka ayadoo wixii dhaca lagula xisaabtamayo mas’uuliinta qaabilsan.

Barlamaanka Federaalka ma ansixin karo sharci cusub madaama ay u harsan tahay 14 maalmood. BF isma siin karo muddo xikeed ka badan 4 sano. Barlamaan aan shaqeyn 3 sano, ilaa maantana muran ka taagan yahay sharciyadda dhammaan sharciyadii uu ansixiyay oo intooda badan aan la marsiin Aqalka Sare, kuma marmarsiyoon karo maqnaanshaha Barlamaanka. Maamulka dowladda (public administration) ayaa jira. Saraakiisha maamulka dowladda ayaa shaqada wadeysa. Waa sharcidarro, booli, xaaraan in Xildhibannada BF qaataan mushaar marka u dhammaado muddo xileedkooda. Mushaarka waxaa laga bixinaya xoolaha dadweynaha.

Waxaa qoray Dr. Maxamud M Culusow

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DF oo qoraal ka dhan ah Kenya u gudbisay IGAD iyo go’aan ka soo baxay IGAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay qoraal ka dhan ah dowladda Kenya u gudbisay Ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk, oo ah shir guddoonka madaxda IGAD.

Lama soo bandhigin nooca qoraalka ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya, balse wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa twitter-keeda ku baahisay qoraalkii loogu soo jawaab celiyey Soomaaliya, kaas oo tilmaamaya in madaxda IGAD la isugu balamiyey shir todobaad kadib ka furmaya Jabuuti, oo arrintan looga hadlayo.

“Iyadoo laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka Kenya ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Mudane Cabdalla Xamduuk, Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Sudan ahna Shir-guddoonka Madaxda IGAD, ayaa Urur goboleedka IGAD waxa uu shir madaxeed ku qabanayaa Jabuuti 20 December,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Arrintaan waxay ku soo aadeysaa iyadoo maanta uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi safar ku tegay Nairobi, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Isniinta berri ah ay kulmi doonaan, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey Kenya ugu eedeysay faro-gelin ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, waxayna dalka ka ceyrisay safiirkii dalkaas, ayada oo u yeeratay safiirkeeda Nairobi.

Mid ka mid ah 14-ka masuul ee hantida dowladeed haystay oo dib usoo celiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Cabdullaahi Faarax Weheliye ayaa la shaaciyey inuu dib u soo celiyey gaari uu Hantidhowraha guud ee dalka horay uga dalbaday inuu ku soo celiyo gacanta dowladda.

14-masuul oo isugu jira wasiirro horay xilal looga qaaday iyo xildhibaano ayuu Hantidhowraha guud ee Qaranku shalay ka dalbaday inay gacanta hey’adihii ay ka qaadeen dib ugu celiyaan gaadiid ku maqan.

Xildhibaan Cabdullahi Faarax Weheliye ayaa noqday masuulkii ugu horeeyey ee fuliyey amarka Hantidhowraha Qaranka, waxuuna wasaradda arrimaha gudaha dib ugu celiyey, gaari Toyota HILUX ah.

“Waxan halkaan ku cadeynayaa in gaariga Toyota Hilux ah ee ku qornaa warqadda Hantidhowraha in wasaaraddu ku ogeyd wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Cabdullaahi Faarax Weheliye, waxuuna ku jiraa diiwaanka guud ee hantida wasaaradda, markuu arkay warqadda Hantidhowraha waxuu go’aansaday in gaarigaas uu dib ugu wareejiyo wasaaradda,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Qoraalkan waxuu ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana ku saxiixan Agaasimaha guud ee wasaaradda Cali Maxamed Cusmaan, “Hantidhowraha guud iyo cid kasta oo ay khuseyso waxaan u cadeyneynaa in gaarigaas lagu soo wareejiyey wasaaradda arrimaha gudaha,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xog: Madaxda Koonfur Galbeed oo Kheyre u diiday inuu tago Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu dhowaan ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Sababta uu Kheyre safarkaasi uga baaqday ayaa lagu sheegay kadib markii ay isku khilaafeen madaxda Koonfur Galbeed Soomaaliya imaanshihiisa Baydhaba, oo toddobaadyo ka hor ku beegneyd.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Lafta-gareen iyo Danjire Cali Saciid Fiqi oo ah guddoomiyaha baarlamanka ay isku fahmi waayeen in Xasan Cali Kheyre tago Baydhabo, waxaana diidanaa guddoomiyaha baarlamanka maamulkaas.

Si rasmi ah looma oga sababta uu guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed u diiday safarka Kheyre, hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in arrintaan ay la xariirta dalabka Villa Somalia oo cabsi ka qabta in Kheyre ay is arkaan odayaasha dhaqanka ee degaanka.

Xasan Cali Kheyre oo ah musharax Madaxweyne iyo dadka la shaqeeya kama aysan hadlin arrintan, waxayna ka gaabsadeen in ay xaqiijiyaan ama beeniyaan kadib markii aan la xariiro la sameynay xubno ka mid ah mas’uuliyiinta la shaqeeya Kheyre.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed SoomaaliyaCali Saciid Fiqi ayaa la sheegaa inuu yahay saaxiib dhow oo ku xiran Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, halka Cabdicasiis Lafta-gareen uu u dhowyahay Xasan Cali Kheyre oo uu ka tirsanaa xukuumadiisa.

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Kheyre laga yaabay inuu odayaasha Koonfur Galbeed kala hadlo kiiska Mukhtaar Roobow, kana raali-geliyo wixii kaga aadanaa dhankiisa, taasi oo sida la sheegay aysan dooneyn Villa Somalia, si arrintaas aanay dib ugu soo noolaan.

DF oo doorashada darteed u bedeshay taliyeyaashii booliska Galmudug (Xog)

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ee dowladda dhexe ayaa shalay badalay inta ugu badan taliyaasha ciidanka Booliska Galmudug ee degmooyinka, goballada iyo qeybta guud ee Booliska Galmudug.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in sababta loo badalay ay tahay arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya, iyadoo ay Villa Somalia ka faa’ideysaneysa qodob k amid ah war-murtiyeedkii ka soo baxay mucaaradka.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalbaday in Booliska Soomaaliya lagu wareejiyo sugida ammaanka doorashada Soomaaliya, islamarkaana aysan ciidanka ilaalinayo ka mid noqon Milateriga iyo kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Galmudug geysay Saraakiil Ciidan oo Booliska ka tirsan, islamarkaana ay ku qabto kalsooni buuxda si ay ugu soo boobaan ama rabitaanka Villa Somalia looga fuliyo Galmudug.

Xil ka qaadista iyo magacaabista saraakiisha Galmudug sababtii keentay wali lama shaacin waxaana jiray su’aalo ay saacadihii ugu dambeeyay is weydiinayaan siyaasiinta Muqdisho.

Xubnaha booliska ee la badalay ayaa lagu warramay inay ahaayeen kuwa aan kalsooni lagu qabin, islamarkaana aan hirgelin karin qorshaha doorashada ee Villa Somalia.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey in ay dadaal badan ugu jirto boobka doorashada Soomaaliya si dib loogu doorto Madaxweynaha hadda talada haye ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana jira digniino badan oo arrintaan ku saabsan oo la jeedinayo.

Magacyada saraakiil Al-Shabaab u qaabilsaneyd qaraxyada oo lagu dilay Jilib

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga, gaar ahaan kuwa Danab ayaa markale howl-gallo qorsheysan ka fuliyey degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Howl-gallada oo ay bar-bar socden duqeymo ayaa waxaa lagu dilay xubno sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa gudaha degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in howl-galladaasi ay ku dileen saraakiil Al-Shabaab u qaabilsaneyd qaraxyada, gaar ahaan jaakadaha qaraxyada iyo suumamka laysku xiro.

Magacyada saraakiisha la dilay ayaa waxaa lagu kala sheegay Muxsin Caliyow oo ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee Kenya iyo Maxamed Sheekh oo qaabilsanaa farsameynta jaakadaha iyo suumanka ay Al-Shabaab u adeegsadaan is-qarxinta iyo labo sarkaal oo kale, sida lagu sheegay warka ka soo baxay saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in u jeedka duqeymaha iyo howl-gallada ka socda Jubbooyinka ay tahay, sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab.

Dhowaan ayey aheyd markii duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey degmada Jilib lagu dilay ku dhowaad 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ku gubtay MUDUG + Khasaaraha

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya gaari ay la socdeen dad shacab ah oo saacadihii la soo dhaafay uu dab xoogan ku qabsaday qeybo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Gaariga oo ahaa Leyla Calaawi, islamarkaana sidday rakaab ayaa ka amba-baxay magaalada Muqdisho, isaga oo ku sii jeeday dhanka magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu qabsaday dab, xilli uu marayey deegaanka lagu Sadax Xiglo oo ka tirsan gobalka Mudug.

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay dhacdadaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen 5 kale oo dhamaan ka mid ah rakaabkii la socday gaariga gubtay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dabka uu ka dhex-dhashay gaariga, kadib markii uu kulu-laaday matoorka.

Dadka dhaawacyada ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ka geeyey isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Inta badan gawaarida isaga kala goosha Muqdisho iyo gobollada dhexe ayaa la kulma dhibaatooyin kala duwan oo ugu horreyso burburka jidadka ay maraan baabuurta.

Rooble oo u gooyey casho sharaf loogu sameeyey madaxtooyada Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa u gooyey xaflad casho sharaf sagootin ah oo loogu sameeyey Aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe, taasi oo ka yaabisay dadka Puntland.

Rooble ayaa taa beddelkeeda waxa uu booqasho ku tegay qaar ka mid ah goobaha dadweynaha ee Puntland.

Qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Rooble ku yiri “Waxaan caawa waqti la qaatay shacabka magaalada Garowe oo aan ugu tagay goobaha bulshadu ku kulmaan iyo xarumahooda ganacsiga. Waxaan kula dardaarmayaa in ay ilaashadaan nabadda iyo horumarka ay haystaan, ugana mahadceliyay soo dhaweyntii diirraneyd ee aniga iyo wafdigeyga.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Rooble uu xubno ku dhow u sheegay in haddiiba aysan heshiis siyaasadeed gaarin isaga iyo madaxda Puntland, aysan jirin sabab uu uga qeyb-galo xaflad casho sharaf ah.

Si kastaba, arrinta layaabka leh ayaa ah in Rooble uusan madaxda Puntland u sheegin inuusan ka qeyb-galeyn xafladda, islamarkaana uu gooyey xilli la sugayey, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Puntland u sheegeen Caasimada Online, taasi oo masu’uulyad iyo xushmad darro lagu qeexay.

Xafladda ayaa waxaa si kastaba ka qeyb-galay inta badan wafdigii wasiirada ahaa ee Rooble ku wehliya safarka Garoowe.

Dhinaca kale, warar ayaa sheegaya in Rooble laga soo amray madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho, laguna war-geliyey inuusan tegin xafladdaas, kadib markii uu hirgeli waayey qorshihii Puntland looga raadinayey heshiis aysan qeyb ka aheyn Jubaland.

Hoos ka daawo booqashada Rooble ee goobaha dadweynaha

Puntland iyo DF oo 3 qodob ka soo saaray khilaaf culus oo soo taagnaa laba sano

0

Garowe (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen dowladda federaalka iyo maamulka Puntland ayaa lagu shaaciyey in hadda heshiis laga gaaray khilaafkii dhanka waxbarashada, gaar ahaan shahaadada dugsiyada sare ee deegaanada Puntland.

Labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa taagnaa khilaaf culus oo saameyn badan ku yeeshay ardayda wax ku baratay deegaanada Puntland, kuwaas oo dowladda dhexe ay u diiday shahaadada dugsiga sare ee wasaaradda waxbarashada.

War-saxaafadeed ay si wadajir u soo saareen wasaaradaha waxbarashada dowladda federaalka iyo tan Puntland ayaa lagu sheegay in kulan ay yeesheen madaxda labada wasaaradood ay isku afgarteen labo qodob oo kala ah.

1 –In adayda Puntland ee dhamaysatay dugsiga sare loo fasaxay shahaadadii dugsiga sare ee federaalka oo laga heli doono xarunta wasaaradda waxbarshada Puntland iyo tan federaalka ee Muqdisho.

2 –In la isugu yimaado shirweyne looga arrinsanayo arrimaha waxbashada dalka, sida xeerka siyasadda iyo waxbarashada, dhismaha guddiga imtixaanka, manaahijta iyo kormeerka waxbarashada.

3 –Waxay labada wasaaradood isla qaateen in ardayda Puntland loo sii daayo shahaadada dugsiga sare ee heer federaal.

Puntalnd ayaa horay u diiday in deegaanadeeda lagu qaado imtixaanka wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka, taasna waxaa ka dhashay khilaaf labada dhinac ah iyo saameyn dhanka waxbarashada ah oo soo wajahday ardayda wax ku baratay deegaanada Puntland.

R/Wasaare Rooble oo isagoo Garowe ku sugan cabasho ka gudbiyay SACIID DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa cabasho xoogan ka gudbiyay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kadib markii ay fashil kusoo dhamaadeen wada-hadaladii saacadihii u dambeeyay uga socday Garoowe.

Ra’iisal wasaraha ayaa cabashada uu ka qabo madaxweyne Deni u gudbiyay Odayaasha dhaqanka Puntland oo uu magaalada Garoowe kula kulmay, sida ay ilo goobjoog ah u sheegen Caasimada Online.

Rooble ayaa lagu soo waramayaa inuu Salaadiinta iyo Isimada Puntland uga warbixiyey kulamadii ugu dambeeyay ee uu la qaatay Deni iyo caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskii doorashada ee magaalada Muqdisho lagu gaaray 17-kii September ee sanadkan 2020-ka.

Sidoo kale waxa uu odayaashada dhaqanka tabasho uga gudbiyay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo uu sheegay inay ku dhiman yihiin oo uu ka dhago adeygay magacaabista xubnihii guddiyada doorashooyinka, oo xiligeedii ay ka harsan tahay muddo kooban.

Deni ayaa waxa la sheegaya inuu shuruud uga dhigay magacaabida guddiga doorashooyinka, in marka hore xal rasmi ah laga gaaro arrinta ay isku hayaan dowladda federaalka ee ku aadan Gobolka Gedo iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada lagu muran yahay

Rooble ayaa ku dooday in dowladda federaalka ay ka go’an tahay inay doorashadu ku dhacdo waqtigeeda, isla markaana ay qaban doonaan haddii ay qeyb ka noqon waayan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, oo saluugsan hanaanka ay dowladda u wado arrimaha doorashooyinka.

Ugu dambeyntiina waxa uu Isimada iyo Salaadiinta Puntland ka dalbaday inay qaataan doorkooda dhaqameed, iyaga oo dhex-dhexaadinaya madaxweyne Deni, maadama uu fashil kusoo dhamaaday kulamadii uu kula qaatay magaalada Garoowe.

Ra’iisal wasaare ayaa magaalada Garoowe ee maamulka Puntland u tagay si uu u xaliyo khilaafka doorashooyinka, isla markaana uu waan-waan uga dhex sameeyo madaxda qaranka iyo kuwa maamulada dalka, xili ay hore heshiis ugu wada saxiixdeen Muqdisho.

Maamul goboleedkii ugu horreeyey oo isku dayaya inuu boobsiiyo doorashada xildhibaanada Aqalka Sare

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa iney horay ugu socoto qabashada doorashada guud ee dalka, iyadoo guddiyada ay magacowday uu muran weyn ka taagan yahay, islamarkaana ay ku gacan seereen saamileyda siyaasadda dalka.

Waxaa jira qaar ka mid ah dowlad goboleedyada oo taageersan qorshaha dowladda, waxaana hadda soo shaac baxday in mid ka mid ah maamul goboleedyada uu wado qorshe uu ku boobsiinayo qabashada doorashada Aqalka Sare, taasi oo kasii dari karta xiisadda siyaasadeed.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in maamul goboleedka Koonfur Galbeed uu wado qorshe ay ku dar-dargalinayaan doorashada xubnaha ay aqalka sare ee Baarlamaanka ku leeyahiin, una qabtaan sida ay dowladda rabto.

Maalmo kadib maamulka Koonfur Galbeed waxey u dabaal dagayaan sanad guuradii labaad ee markii la doortay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), taasoo ku beegan 19-ka December, waxaana u xigi doonta doorashada aqalka sare oo ay qaban doonaan, sida aan xogta ku helnay

Maamulka Koonfur Galbeed waa kan kaliya ee si cad u taageeray guddiyada ay dowladda magacowday, waxeyna sidoo kale noqon karaan maamulka qura ee ku shaqeeya nidaam aan wali la isku raacin hadii ay qabtaan doroashada sida xogta ay sheegeyso.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa kursiga uu ku fadhiyo waxaa ku daatay dhiig badan, ayada oo dowladda bishii December 2018 magaaladaas ku laysay shacab badan si Lafta-gareen looga dhigo madaxwene.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaan wali gudbin guddiyadooda doorashada iyadoo ay jiraan arrimo badan oo muran leh, waxaa sidoo kale cago jiid uu ka muuqdaa Galmudug iyo HirShabeelle.

Kenya oo war kasoo saartay booqashada Muuse Biixi ee Nairobi iyo qorshaheeda

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa ayaa goordhoweyd gaaray caasimada Kenya ee Nairobi, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyen Xoghayaha maamulka Sare ee Wasaarada Arimaha Dibada, Ababu Namwamba iyo Xoghayaha Wasaaradda Beeraha Kenya, Gatirau Munya.

Safarka madaxweyne Biixi ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo rasmi ah oo uu ku tago caasimada dalka Kenya ee Nairobi, tan iyo markii uu xilka qabta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Kenya.

War kasoo baxay xukuumadda Nairobi ayaa lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu maalinta berri ah la kulmi doono madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kuwaasi oo ka wada-hadli doona xiriirka labada dhinac, gaar ahaan arrimaha amniga iyo xiriirka ganacsiga.

Sidoo kale waxa qoraalka Kenya lagu sheegay inay Somaliland tahay saaxiibka muhiimka ah ee gobolka Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab, isla markaana ay kala hadli doonaan arrimaha “danaha ay wadaagan”.

“Xiriirka adag ee u dhaxeeya Kenya iyo Somaliland wuxuu xoojinayaa isdhex-galka amniga, dhaqaalaha iyo bulshada ee udhaxeeya labada dhinac. Somaliland waa saaxiibka muhiimka ah ee gobolka Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada iyo gaar ahaan Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraal ay Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ku daabacday bogeeda twitter-ka.

Waxa kale oo lagu xusay qoraalka Kenya inaysan xukuumadda Nairobi xiriir diblumaasiyadeed iyo dhaq-dhaqaaq siyasaadeed oo toos ah ku laheyn Somaliland oo iyadu ku dooda dal madax-banaani, taasi oo la rumeysan yahay inay iskaga fogeynayso faro-gelinta ay ku eedeysay dowladda federaalka.

“Kenya wax diblumaasiyadeed kuma lahan Somaliland, laakiin waxay aqoonsan tahay xasilloonida siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka waxayna dooneysaa inay xoojiso oo ay ballaariso ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada, iyo weliba sidoo kale maal-gashiga oo saldhig u ah iskaashiga horumarineed ee muddada fog ee gobolka.”

Safarka Muuse Biixi ee Kenya ayaa imanaya xili ay xiisad xoogan u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la fahamsan yahay in martiqaadka xukuumadda Nairobi ee Biixi uu yahay mid cadaadis lagu saarayo dowladda federaalka, oo iyadu toddobaadyadii dambe qaadeysay tallaabooyin ka dhan ah.

Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa hore Kenya ugu eedaysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha, oo ay cadaadis saareyso madaxda maamulada dalka, gaar ahaan hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe, isla markaana ay ku qasbeyso inuu ka baxo heshiis siyaasadeed oo uu la saxiixday dowladda faderaalka iyo madaxda kale ee maamulada dalka.

Dastuurka Soomaaliya oo dhacaya iyo Xasan Sheekh oo qoraal xasaasi ah u diray Farmaajo iyo guddoonka BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in dalka uu noqdo dastuur la’aan maadaama dastuurka KMG ah ee iminka shaqeeya uu la dhamaanayo muddo xileedka baarlamaanka 10-aad oo ku eg 27-ka December.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku socday madaxweyne Farmaajo iyo guddoonka baarlamaanka ayuu ku sheegay khatarta ay arrintan yeelan karto.

Xasan Sheekh ayaa ku taliyey “in labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay isugu yimaadaan kulan deg deg ah oo looga arrinsanayo dib-u-dhigista ansixinta kama dambeysta ah ee dastuurka KMG oo ay ugu gudbinayaan waajibkaas barlamaanka 11-aad ee 2021 iyo afti dadweyne oo loo qabto dastuurka – iyada oo aan waxba loo dhimeyn qodobka 36-aad, gaar ahaan faqradiisa 2-aad ee dastuurka KMG ah si looga badbaadiyo dalka xaaladda dastuur la’aanta ee ku soo wajahan maalmaha soo socda (ka hor dhamaadka bisha December, 2020) si waafaqsan qodobka 57-aad ee dastuurka KMG ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal kale oo uu bartiisa twitter-ka soo dhigay ayuu ku yiri: “Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in muddada dhaqangalka dastuurka KMG ah ay la dhamaaneyso muddo xileedka baarlamaanka 10-aad. Maadaama duruufaha jira owgood aysan suurtagal ahayn in dastuurka afti dadweyne lagu meel mariyo, waxaan madaxda ugu baaqay in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu xeerinayo oo looga hortagayo in dalku dastuur la’aan noqdo.”

Haddii dalka dastuur la’aan noqdo waxay horseedi kartaa xaalad halis ah, ayada oo ay istaagi doonaan dhammaan heshiisyada ay Soomaaliya kula jirto caalamka, sidoo kalena uusan jiri doonin sharci kala haga dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka uu Xasan Sheekh u diray Farmaajo, Cabdi Xaashi iyo Mursal

Baarlamaanka Carabta oo digniin culus kasoo saaray doorashada Soomaaliya

0

Qaahira (Caasimadda Online) – Baarlamaanka dalalka Carabta ayaa soo saaray digniin culus oo ku saabsan doorashada la filayo inay sanadka cusub ka dhacdo dalka Soomaaliya, ee weli muranka uu ka taagan yahay.

Bayaan kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa looga digay dalalka dariska la ah Soomaaliya iyo kuwa Gobolkaba ay faragelin ku sameeyaan doorashada Soomaaliya 2020-2021.

Bayaanka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta malaintii sabtida aheyd ayaa lagu yiri ”Diidmada dhammaan faragelinta ay qaar ka mid ah dalalka dariska la ah iyo qaar gobolka ah isku dayayaa iney carqaladeeyaan hawlaha doorashada la iskugu afgartay qaab dastuuri ah.”

Sidoo kale Baarlamaanka Carabta ayaa ku nuux nuuxsaday inay xoogga saarayaan amniga, midnimada, qarannimada iyo bedqabka dhul ee Soomaaliya iyo taageerada dalalka Carabta iyo beesha caalamka ee horumarinta iyo degenaashiyaha Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa ay baarlamaanka Carabta cambaareeyeen weerarkii ka dhacay caasimadda Muqdisho 27-kii November iyo dhammaan weerarrada dhacat bilaha November iyo December 2020 kuwaas oo dad badan ku dhinteen iyaga oo ku celiyey iney garabtaagan yihiin Muqdisho dagaalkeeda ka dhanka ah argigixisada.

Bayaanka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa kusoo aadayo xilli ay jiraan tuhun ku aadan faragelin ay doorashada Soomaaliya ku hayaan wadamo ku yaalo Qaaradda Africa iyo kuwa ka baxsan oo ay ugu horeeyaan kuwa Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay Kenya inay faro-gelineyso doorashada Soomaaliya, ayada oo usoo mareysa madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe

Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka xarunta dowladda hoose ee maamulka Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen illaa afar qof oo labo ka mid ah ay yihiin askar, halka labada kalena ay yihiin dad shacab ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga uu dhacayey qaraa uu gudaha xarunta ku jiray duqa Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, balse waxaa ay dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah askartiisa oo ku sugnaa banaanka xarunta.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaan goobta uu qaraxu ka dhacay isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee magaaladaasi.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60