24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Uhuru iyo Muuse Biixi oo heshiis gaaray iyo Kenya oo ogolaatay qodobo xasaasi ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliland, Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa war-murtiyeed ka kooban 10 qodob kasoo saaray wada-hadallo ay ku yeesheen magaalada Nairobi kadib markii Kenya ay casuumad rasmi ah u fidisay madaxweynaha Somaliland.

War-murtiyeedka wadajirka ah ayey labada madaxweyne ku sheegeen inay dib u xaiiqjinayaan sida xooggan oo ay uga go’an tahay inay sii dheereeyaan xiriirka saaxiibtinimo ee Kenya iyo Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu yiri “labada madaxweyne waxay xuseen, ayaga oo aad ah ugu qanacsan, in iskaashiga ka dhexeeya Kenya iyo Somaliland uu salka ku hayo mabaadi’ iyo qayim ay wadaagaan oo ujeedkoodu yahay kobcinta nabad waarta, xasillooni, koritaan joogto ah, iyo barwaaqo wadaag ah. Ayada oo ay quseyso arrintan, waxay ballanqaadeen inay xoojiyaan, oo ay sii dheereeyaan iskaashiga u dhexeeya Kenya iyo Somaliland.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray, in labada hoggaamiye ay wada hadalladooda diiradda ku saareen ballaarinta xiriirka ganacsi, sare u qaadaista wada-shaqeynta xagga duulimaadyada, oo ay ku jirto ogolaanta duuliimaadyo toos ah oo u dhaxeeya Nairobi iyo Hargeysa, iyo ka wada-shaqeynta horumarinta beeraha, xoolaha, waxbarashada, tamarta iyo iskaashiga dekedaha Berbera iyo Mombasa.

Labada madaxweyne ayaa isku raacay jadwal ay ku fulinayaan qodobo dhowr ah oo ay ku heshiiyeen, waxaana ugu weyn, in Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ka hor dhammaadka bisha March ee 2021, ayada oo Somaliland-a ay casriyeyneyso xafiiskeeda xiriirka ee Nairobi, isla waqtigaas.

Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa billaabeysa duulimaadyada tooska ah ee Hargeysa iyo Nairobi, ka hor bisha March ee 2021, sida ay ku heshiiyeen.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale ogolaatay in saraakiisha sare ee Somaliland oo ku jira liis horey loo go’aamiyey, islamarkaana dokumentiyada safarka ee Somaliland ugu safraya Kenya ay Visa-ha ku codsan karaan online, islamarkaana garoonka lagu siinayo marka ay yimaadaan, taasi oo fulinteeda ay billaabaneyso kahor bisha March 2021.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale xaqiijiyey inay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta amniga iyo xasilloonida gobolka, si ay taasi ugu ogolaato shacabka inay raadsadaan horumarka dhaqaalaha bulshada iyo xasilloonida.

“Ayada oo ay quseyso arrintan, labada hoggaamiye waxay isla qireen in Somaliland ay sanado badan aheyd nabad iyo xasillooni, taasi oo ku timid sida ay uga go’an tahay mabaadi’ida dimoqraadiga ah iyo aasaasidda hay’ado dowladeed oo adag. Kenya iyo Somaliland waxay sii wadi doonaan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta nabadda iyo xasilloonida, iyo raadinta barwaaqo wadaag ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sidoo kale sheegeen in saraakiil sare oo ka kala tirsan labada dowladood ay u xil-saareen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hab loo hormarin karo heshiiska guud ee iskaashiga qodobo ay ka mid yihiin xiriirka labada shacab, ganacsiga iyo maal-gelinta, la-dagaalanka argagixisada iyo dambiyada dhinaca internet-ka, waxbarshada, iyo qodobo kale.

VOA

Kenya oo jawaab ka bixisay go’aanka Somalia, qaaday tallaabo aan laga fileynin

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa ka jawaabtay go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay, waxayna qaadday tallaabo ay sheegtay inay xal ku raadineyso.

Afhayeenka dowladda Kenya, Cyrus Oguna ayaa sheegay in Kenya ay dhistay guddi ay u xil saartay inuu raadiyo xallinta khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya ee keenay in Muqdisho ay gebi ahaan xiriirka u jarto Nairobi.

Sida ay sheegtay warbaahinta Kenya, afhayeenka dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegay in labada dal ay “xiriir dhow wadaageen sanadihii la soo dhaafay” ayna muhiim tahay in xirriirkaas la ilaaliyo.

“Wadahadallo ayaa soconaya si xiriirka labada dal uu ugu soo noqdo mid caadi ah,” ayuu yiri Oguna, oo ka hadlayey xiisadda cusub ee labada dal.

“Waxaa jira guddi loo xilsaaray eegidda arrimaha soo kala dhex galay labadan dal ee wadaaga taariikhaha badan,” ayuu ku daray afhayeenka.

Oguna ayaa sheegay in aanay ka aar-gudan doonin Soomaaliya, isla markaana aanay qaadi doonin tallaab la mid ah tii ay qaaday Soomaaliya ee ay xiriirka ugu jartay.

“Waxaan nahay ummad sareysa, ma sameyn karno wax la mid ah wixii ay Soomaaliya sameysay, haddaan sidaa yeelno waxay u muuqaneysaa aar-gudasho, waxaan u ogolaan doonaan inay arrintan la wareegaan IGAD iyo Comesa,” ayuu yiri Cyrus Ogona oo maanta Warbaahinta kula hadlayay magaalada Nairobi

War xalay saqdii dhexe ka soo baxay xukuumadda Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray dublamaasiyiinta Kenya ka jooga Soomaaliya in ay dalka uga baxaan muddo 7 maalmood gudahood ah halka kuwa Soomaaliya lagu amray in ay dalkooda dib ugu so laabtaan, ayada oo Soomaaliya ay sheegtay inay xiriirka u jartay Kenya.

Wasiirka warfaafinta dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta dowladda ka hadlay ayaa sheegay in dawladda Soomaalia ay qaadatay go’aankan, si ay uga jawaabto xadgudubyada siyaasadeed iyo faragelinta qaawan ee Kenya ku hayso madaxbannaanida Soomaaliya.

Kulamada Muuse Biixi ee Nairobi oo loogu muujiyey taageero ‘madax-banaani’

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland oo maalmihii u dambeeyay booqasho ku joogay caasimada dalka Kenya ee Nairobi, ayaa waxa uu kulan la qaatay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaas, ahna Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Mudane Raila Odinga.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira amniga iyo hormurka labada dhinac, waxaana taageero loogu muujiyey madax-banaanida Somaliland, sida uu sheegay madaxweynaha Somaliland oo qoraal ku baahiyay bartiisa twitter-ka.

Waxa uu imanaya kulanka labada mas’uul xili uu xalay Munaasibad casho sharaf ahayd uu Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Kenya u sameeyay wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland oo maalintii saddexaad ku sugan dalkaasi.

Raila Odinga oo hadal ka jeediyay munaasibadaas ayaa sheegay in labada dhinac ay wadaagan xiriir soo jireen ah, isagoon garab istaag u muujiyey madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, oo iyadu sheegata inay ka go’day Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland ayaa uga mahad celiyay Raila Odinga iyo Madaxweynaha dalka Kenya, Mudane Uhuru Kenyatta sida niyad-samida leh ee ay u muujiyeen xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya.

Booqashada uu madaxweyne Biixi ku joogo Nairobi ayaa imanaysa xili uu sii xumaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii ay dowladda federaalka ku eedeysay xukuumadda Nairobi inay ku kacday faro-gelin ka dhan ah arrimaha gudaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay Kenya, ayada oo sheegtay in dhammaan diblomaasiyiinteeda kala soo baxeyso daalka Kenya, waxayna ku amartay inay kuwa Kenya dalka uga baxaan toddoba maalmood gudahood, oo ka billaabata 15-ka December.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa madaxbannaanideeda qarannimo ee uu dammaanad qaadayo xeerka iyo qaanuunka caalamiga ah, gudanaysana waajibka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta midnimada, qaranimada iyo xasilloonida dalka waxa ay go’aansatay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Dowladda Kenya.”

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u yeeranaysaa dhammaan diblomaasiyiinteeda ka jooga Kenya in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, waxayna ku amraysaa kuwa halkan ka jooga Dowladda Kenya in ay dalka kaga baxaan muddo 7 maalmood ah oo ka bilaabaysa 15-ka Diseembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka.

DAGAAL maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb iyo khasaaraha ka dhashay

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay iska hor imaad hubeysan oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu dhexmaray ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in hal askari uu halkaas ku geeriyooday, sidoo kalana laba askari ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Lama oga sababta dhabta ah ee keentay iney ciidamadaas ku dagaalamaan gudaha magaalada caasimadda ah, iyadoo aysan jirin wali hadal kasoo yeeray masuuliyiinta dhanka amaanka ee maamulka Galmudug.

Galmudug waxaa ku sugan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shalay galinkii dambe halkaas gaaray, wuxuuna kulamo la qaadan doonaa madaxda maamulkaas.

Iska hor imaadka ayaana kusoo beegmaya xilli saacado kooban uu ra’iisul wasaare Rooble ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Inkasta oo magaalada Dhuusomareeb ay maamulaan ciidamo taabacsan dowladda federaalka iyo Axmed Qoor Qoor, haddana weli waxaa jira ciidan daacad u ah Ahlu-Sunna oo ku dhex jira kuwa dowladda.

Mahad Salaad oo weeraray madaxweyne Farmaajo, kadib dibad-baxyada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda kacsanaanta ah ee maanta ka jirta gudaha magaalada Muqdisho, kadib dibad-baxyo ka dhacay.

Mahad Salaad ayaa marka hore wax laga xumaado ku tilmaamay in dad shacab ah oo dhigaya dibad-bax nabadeed loo adeegsado ciidan iyo rasaas nool-nool.

Sidoo kale wuxuu intaasiku daray in tani ay muujinayo in madaweyne Farmaajo uu ka quustay in kursiga uu mar labaad ku heli karo xeelad iyo xod-xodasho siyaasadeed.

“Shacab sacabooley ah oo si nabad ah u banaanbaxaya in loogu jawaabo Dabamiishaar (BKM), Dhashiike iyo Baasuuke (RPG) waxay ka tarjumaysaa in Farmaajo ka quustay in kursi uu ku heli karo xeelad iyo xodxodasho siyaasadeed, una jihaystay in uu wax ku goobo boob, bililiqo iyo dhiig la daadiyo,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Ugu dambeyn wuxuu tacsi u diray ehellada dadkii shacabka ahaa ay waxyeelada ka soo gaartay shaqaaqooyinkii maanta ka dhacay caasimada.

“Waxaan u tacsiyeynayaa shacabka aan waxaba galabsan ee maleeshiyaadka Farmaajo ku soo aruuriyay Muqdisho maanta xasuuqeen. Intii dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ahna Allaha u boogo dhayo. Aamin,” ayuu sii raaciyy.

Eedeynta xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku soo aadeysa, iyada oo maanta dibad-baxyo looga soo horjeedo dowladda lagu qabtay waqooyiga magaalada Muqdisho.

Iska hor imaad ka dhacay magaalada Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa is-rasaaseyn khasaare geysatay oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka oo ka dhacay agagaarka isgoyska Fagax ayaa waxa uu u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo muddo kooban dagaalamay.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo Booliis ah oo kala dareerinayey dad dhigayey dibad-bax looga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamo kale oo milatari ah oo ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacantay iska hor imaadkaasi, kuwaas oo ah dhammaan dad shacab ah.

Xaaladda ayaa haatan u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac laga dareemayaa xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhanka waqooyi ayaa waxaa maanta ka dhacay banaan-baxyo looga soo horjeedo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed C/lahi Farmaajo.

Sawirro: Dibad-baxyo looga horjeedo Farmaajo oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay dibad-baxyo looga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dibad-baxyadan oo ay ka qeyb-galeen dadweyne u badan dhalinyaro ayaa saaka ka billowday xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dadweynahan ayaa ku qeylinayey erayo ay ka mid yihiin ‘ha dhoco madaweyne Farmaajo’ waa Kali-taliye iyo erayo kale oo ay ku cabiraan dareenkooda.

Xaaladda ayaa aad u kacsaneyd, iyada oo dibad-baxayaasha ay taayaro ku gubeen qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah.

Sidoo kale wararka dibad-baxayaasha oo loo adeegsaday rasaas, ayaa markii dambe lala eryey, kadib goobahaasi ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Rasaasta ayaa lagu soo warramayaa inay geysatay khasaare u badan dhaawacyo, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Dhinaca kale waxaa waddooyinka qaar lagu soo daadiyey ciidamo dheeraad ah oo loogu tala-galay inay ka hortagaan dibad-baxyadaan oo ahaa kuwa horey loo sii qorsheeyey.

Ciidamada oo intooda badan ku sugan Waddada Maka Al-Mukarrama ayaa hakiyey dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, iyada oo ay dadku isticmaalayaan cagahooda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo looga hadlayey doorashooyinka dalka.

Xog: Qoor Qoor oo cabsi xoogan ay soo wajahday – Maxaa ka socda Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa waxa soo food saartay cabsi xoogan oo ku aadan in xubnaha mucaaridku ay qaadaan tallaabo ka dhan ah, sida ay Caasimada Online u sheegen ilo xog-ogaal ah.

Qoor-Qoor ayaa ka wal-walsan in xildhibaan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug loo soo dhex-maro, kuwaasi oo muddooyinkii dambe kulamo kala duwan la qaadanayay siyaasiyiin miisaan culus, oo uu ku jiray ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo sidoo kale ah musharax madaxweyne.

Mucaaridka ayaa dhawaan si adag uga hor-yimid guddiyada doorashooyinka oo uu xubno kamid ah soo magacaabay madaxweyne Qoor-Qoor oo la sheego inuu gacan saar hoose la leeyahay madaxda sarre ee dowladda federaalka, xubnahaasi oo ay la xiriiriyeen inay ku jiraan saraakiil ka tirsan NISA iyo Villa Somalia.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale waxay habeen hore kulan casho sharaf ah la qaateen madaxweyne Farmaajo oo isagu dareensan culeyska ay mucaaridku saarayaan, oo meesha ka saari kara madaxweyne Qoor-Qoor.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaanada kula dar-daarmay inay ilaaliyaan wada-jirka umadda Galmudug, isla markaana ay sii laba jibaaraan waajibaadkooda shaqo, si Galmudug ay u gaarto horumar.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo kala duwan la qaadanayay musharaxiinta mucaaridka oo iyagu ku gacan seyray hanaanka ay dowladda u wado arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Shiinaha oo doonaya inuu Soomaaliya kusoo daro mashruuca BRI

0

Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinpiing ayaa Isniintii sheegay inuu diyaar u yahay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kala shaqeyeo xoojinta wada-shaqeynta labada dal.

Xi Jinping ayaa hadalkan sheegay ayada oo labada madaxweyne ay is-dhaafsadeen farriimo isu hambalyeyn ah oo lagu maamusayo sanad-guuradii 60-aad ee ksoo wareegtay markii labada dal ay sameysteen xiriir diblomaasiyadeed.

Madaxweyne Xi ayaa sheegay inuu doonayo inuu Soomaaliya kala shaqeeyo sidii ay qeyb uga noqon lahayd barnaamijka dhaqaale ee Belt and Road Initiative (BRI) ee isku xiraya Shiinaha iyo 70 dal oo kale, si ay uga faa’iideystaan labada dal.

Hadalka Xi ayaa imanaya ayada oo labada dal ay dhowaanahan isu muujiyeen garab istaag kadib markii laba gobol oo ka kala tirsan oo kala ah Taiwan (China), iyo Somaliland (Somalia) ay sameysteen wax ay ugu yeereen xiriir diblomaasiyadeed.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa labaduba markaas kadib soo saaray qoraallo xooggan oo midba mid kale uu ku xaqiijinayo sida uu ilaalinayo madax-banaanida iyo qaranimada midka kale, waxayna cambaareeyeen tallaabooyinka Somaliland iyo Taiwan.

Maxaa ka dhalan kara go’aanka ay Soomaaliya xiriirkii ugu jartay Kenya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay saq-dhexe ku dhawaaqday inay gabi ahaan xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya, iyada oo amartay in todobaad gudihiisa ay diblumaasiyiinta dalkaasi uga baxaaan Soomaaliya.

Haddabada maxaa ka dhalan kara go’aanka ay Soomaaliya xiriirkii ugu jartay Kenya?

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka falan-qeeye arrimaha gobolka, islamarkaana u warramay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyey go’aanka ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale waxa ka dhalan kara.

Ugu horreyn Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabada ay qaaday dowladda federaalka ah, islamarkaana ay xiriirkii ugu jartay Kenya.

Samatar ayaa shaaca ka qaaday in arrinta dhacday aysan ka imaan doonin wax guul ah, islamarkaana loo baahnaa in caqliga & cilmiga la maalo, sida uu hadalka u dhigay.

“Nasiib darro ayey ila tahay in maanta Kenya iyo Soomaaliya ay xiriirkii diblomaasiyadeed ay jabiyaan oo dowladda Soomaaliduna ay arrintaasi billowday wax guul ah oo ka imaan doonana aniga runtii ma arkayo, marka caqliga iyo cilmiga la maalo waaye marka waa ayaan darro weeye arrinta socota.” ayuu yiri Professor Samatar.

Sidoo kale waxa uu iftiimiyey waxa ka dhalan kara go’aankan, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya aysan xilligan u diyaarsaneyn dagaal milatari iyo mid siyaasadeed, wuxuuna intaasi ku daray in wax dan ah aysan ugu jirin arrintan.

“Wadan haddii uu doonayo inuu gaashaan sameysto, isaga gaashaanku labo arrin ayuu noqon karaa ama waa in mid ciidan uu noqdaa ama mid siyaasadeed. Maanta waxaa weeye Soomaali ciidan ma heysato, barnaamij siyaasadeed oo dadkeedii dhami isku ogol yihiin oo dowlad ay ku daba-socdaana ma jirto, marka waxaa weeyaan wax Soomaali dhibaato u keena mooyaane wax weyn lagama dheefi doono arrintan iminka meesha ka dhacday.” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in kaliya Kenya looga guuleysan karo in dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay midoobaan, si loo helo isku duubni.

“Haddii la doonayo in Kenya la’iska caabiyo horta dadkaada isku duub marka ugu horreysa, marka labaadna ka dhaadhici siyaasiyiinta iyo wixii la caala maala in meel loo wada maro,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey, Professor Cabdi Ismaaciil Samatar.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo meeshii ugu xumaa uu gaaray khilaaafka xoogan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo horey u kala rartay safaaradaha.

DF Soomaaliya oo xiriirka diblomaasi u jartay Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Kenya, ayada oo ku eedeysay xadgudubyo joogto ah oo ay ku sameyneyso madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhammaan diblomaasiyiinteeda kala soo baxeyso daalka Kenya, waxayna ku amartay inay kuwa Kenya dalka uga baxaan toddoba maalmood gudahood, oo ka billaabata 15-ka December.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa madaxbannaanideeda qarannimo ee uu dammaanad qaadayo xeerka iyo qaanuunka caalamiga ah, gudanaysana waajibka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta midnimada, qaranimada iyo xasilloonida dalka waxa ay go’aansatay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Dowladda Kenya.”

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u yeeranaysaa dhammaan diblomaasiyiinteeda ka jooga Kenya in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, waxayna ku amraysaa kuwa halkan ka jooga Dowladda Kenya in ay dalka kaga baxaan muddo 7 maalmood ah oo ka bilaabaysa 15-ka Diseembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u aragto shacabka Kenya inuu yahay shacab jecel nabadda iyo wada noolaashaha shucuubta gobolka, ayna kala dhaxayso shacabka Soomaaliyeed xiriir qotodheer oo ku dhisan deris wanaag iyo wax wada qabsi. Balse hoggaanka maanta ee Dowladda Kenya uu ka shaqeynayno kala fogeynta labada shacab ee dan-wadaagta ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay u gaartay go’aankan si ay uga jawaabto xad-gudubyada siyaasadeed iyo fara-gelinta qaawan ee isdaba joogga ah ee muddoonyinkii ugu dambeeyey ay dowladda Kenya Ku haysay madax-banaanida dalkeenna.

“Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay xaqiijinaysaa madaxbanaanida, qaranimada iyo midnimada ummadda soomaaliyeed si waafaqsan Dastuurka dalka, shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah. Wax gorgortan ahna haba yaraatee Dowladdu kama gelayso xorriyadda, madaxbanaanida iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii dowladda Kenya ay dalkeeda ka casuuntay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo Isniintii Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul Wasaare ROOBLE dalka ma badbaadin karaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida muuqato waxaa fashilmay heshiiskii iyo jadwalkii doorashada Soomaaliya, mana muuqato dadaalo socdo oo lagu badbaadin karo doorashada Soomaaliya, kadib markii dowladda federaalka ay ku adkeysatay inaysan wax ka qaban cabashooyinka jira.

Dad badan ayaa ka walaacsan xaalada dalka waxaana la is weydiinayaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dalka ka badbaadin karo fowdo iyo qalalaase ka dhashay doorashada lagu muransan yahay.

Waxaa soo dhamaaday kalsoonidii Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale ee gobollada. Sidoo kale waxaa Farmaajo ka kalsooni dhigay mucaaradka iyo dad badan oo sama doonayaal ah.

“Rooble 60 cesho ayaa la raadinayay, mana lahan awood iyo madaxbanaani uu dalka ku badbaadiyo,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cali Caana-nuug oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.

Maxamed Maxamuud Cadde, oo ah aqoonyahan iyo weriye hore oo ka tirsan BBC-da ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inuu qaato doorkiisa badbaadada dalka maadaama aysan jirin kalsooni lagu qabi karo Madaxweyne Farmaajo.

“Ma jirto qof maanta aaminaya Farmaajo, waxaan leeyahay Roobloow dalka maanta badbaadi, doorkaaga qaado,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cadde oo la hadlay Caasimada Online.

Cabdi Barre Yuusuf oo ka tirsan Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaba in Maxamed Xuseen Rooble fariin loo soo dhiibay uu la tagay Garowe, sidaas oo kalane uu la tagi doono Dhuusamareeb, islamarkaana uusan waxba soo kordhin doonin.

“Saaxiibkeey Rooble waxaa loo soo dhiibay fariin qoran wax kama badali karo mana ku dari karo, laakiin waxaan leeyahay haddii aadan badbaadin karin dalkaan dumintiisa yaan laguu adeegsan,” ayuu yiri.

Maxamed Xuseen Rooble oo socdaalkiisa xal raadinta ka bilaabay Garowe ayaa ku guul dareystay qorshihii uu u baxay waxaana ka soo daray khilaafkii doorashada Soomaliya.

Sababta ugu weyn ee fashilka Rooble ayaa lagu sheegay inuusan lahayn awood uu go’aan ku qaato, balse laga soo amrayey Villa Somalia.

Ciidamo badan oo la dhigay jidadka Muqdisho + sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu soo daadiyey jidadka muhiimka ah, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Sidoo kale ciidamadaas oo ah kuwa Booliis ah ayaa gaadiidka ka celinaya jidadka, taas oo keentay in shacabka ay isticmaalaan cagahooda, si ay u gaaraan meelaha ay rabaan.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah qeybo badan oo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, jidadka soo gala degmooyinka Xamarjajab, Waabari & isgoyska Jubba.

Wararka ayaa sheegaya in jidadkaasi loo xiray, si looga hortago banaabaxyo la sheegay in la qorsheeyey in maanta ka dhacaan Muqdisho, kawaas oo looga soo horjeedo dowladda.

Banaanbaxyadaas waxaa lagu soo warramayaa inay abaabulayaan musharraxiinta mucaaradka ah ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Si kastaba Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo looga hadlayey doorashooyinka dalka.

Xog: Dibad-baxyo xoog leh oo ka dhan ah DF oo maanta laga qorsheynayo Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in maanta oo Talaado ah la qorsheyey inay magaalada Muqdisho ka dhacaan bannaanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah hoggaanka dowladda federaalka.

Banaanbaxyadaas waxaa la sheegay inay abaabulayaan musharaxiinta mucaaradka ah ee u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas madaxweynaha haatan ku eedeeyey in uusan dooneyn in doorashada lagula tartamo.

Si gaar ah, waxay sheegeysaa xogta aan helnay in banaanbaxa maanta qorsheysan ay gadaal ka riixayaan xubnaha golaha midowga musharaxiinta oo ay ku bahoobeen musharaxiinta kuwooda ugu miisaanka culus ee dhanka siyaasadda.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Midowga Musharaxiinta ayaa sheegaya in bannaanbaxa uu ka dhici doono dhowr goobood oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la sheegay in hadii sidii loo qorsheeyey ay u dhacaan banaanbaxyadaas ay bilow u yihiin bannaanbaxyo xiriir ah oo maalmaha soo socda ka dhigi doona magaalada Muqdisho.

Ujeedka banaanbaxyadaas ayaa lagu tilmaamay mid lagu diidayo qorshaha Madaxweyne Farmaajo, oo sida la sheegay doonaya inuu dalka ka qabto doorasho hal dhinac ah oo uu maamulkiisu boobo.

Midowga Musharaxiinta iyo madaxda maamul goboleedyada qaar, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland ayaa marar badan oo hore aad u dhaleeceeyey hanaanka loo hir-gelinayo doorashada dalka, iyagoo sheegay in howlaha doorashooyinku ay u afduubanyihiin garabka madaxweyne Farmaajo oo kaliya.

Farmaajo ‘oo qorsheynaya’ tallaabo kale oo xasaasi ah oo lagu ciqaabayo Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in Kenya ay kusoo rogto xayiraado hor leh oo diblomaasiyadii haddii ay sii wado waxa ay ugu yeertay “faro-gelinta gudaha ee arrimaha doorashooyinka”, sida uu baahiyay The Standard.

Sida uu qoray wargeyska The Standard ee Nairobi, Madaxweyne Farmaajo ayaa qorsheynaya inuu dalka Soomaaliya ka ceyriyo ku dhawaad boqol kun oo Kenyan ah, kuwaasi oo shaqooyin kala duwan u jooga gudaha Soomaaliya.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu dhawaan ku dhawaaqi doonaa Kenya inay tahay cadow taasna waxay ka dhigan tahay in ka badan 100,000 oo qof inay si toos ah shaqadooda u waayi karaan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya iyo dowladdu waa inay xal u helaan sidii looga hortagi lahaa dhibaatadan,” ayaa lagu yiri warbixinta wargeyska, isaga oo soo xiganaya ilo xogogaal ah.

Xiriirka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa sii xumaaday kadib markii dhawaan ay dowladda federaalka ku eedeysay inay xukuumadda Nairobi ku hayso faro-gelin qaawan, isla markaana ay cadaadis ku saarayso qaar kamid ah madaxda dalka inay khilaaf ka abuuraan arrimaha doorashooyinka.

Dowladda federaalka ayaa toddobaadkii hore u yeeratay safiirkeedii Kenya, iyada oo ceyrisay safiirkii Muqdisho u fadhiyay xukuumadda Kenya, maadama ay sheegtay inay cabashooyin badan oo ka dhan ah madax-banaaninada Jamhuuriyada ka tirsaneyso xukuumadda Nairobi.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada ee dalka ayaa sidoo kale soo saartay in dalka Soomaaliya uusan soo geli karin qof sita baasaboor Kenyaanka, ilaa uu Safaaradaha Soomaaliya kasoo qaato dal ku-galka. Sidoo kale  Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku safraysa baasaboorka Dublamaasiga ah waxa lagu xirayl ogolaanshiyaha Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka ayaa xustay xiligaasi in go’aankan cusub ay ku fulinayso siyaasada dowladda federaalka ah, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo hagaajinta habka socdaalka dalka, xili ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya dhigeeda Kenya ku eedeysay faro-gal ka dhan ah arrimaha doorashooyinka.

Arrinta wargeyska uu banaanka keenay ayaa kusoo aadeysa xili uu meel xun gaaray xiriirka diblumaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya, hase yeeshe Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto sheegashada wargeyska ee ku aadan tallaabooyinka qorsheysan ee ka dhanka ah Kenya.

Daawo: R/W ROOBLE oo shaaca ka qaaday wixii uu kala soo kulmay Puntland

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta inta uusan kasoo ambabixin magaalada Garowe waxa uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii u qabsoomay intii uu ku suganaa magaaladaas ee uu wadahadalka kula jiray madaxda Puntland.

Rooble ayaa sheegay in laba qodob uu xambaarsanaa qorshaha safarkiisa uu ku tegay Puntland, kuwaas oo kala ah, arrimaha doorashada oo khilaaf culus ka taaganyahay iyo howlihii caadiga ahaa ee xukuumadda iyo dowlad goboleedka Puntland oo sida uu sheegay u baahan in horay loo dhaqaajiyo.

“Qorshaha doorashada meel ayaan isla soo gaarnay, waxna waa noo dhiman yihiin, waxna bilaaw ayey noo ahaayeen, mar dhowna wixii noo dhimanaa waan dhameys tireynaa, shacabka Soomaaliyeed-na waxaan leeyahay is dejiya qalbiga kheyr u sheega, waa la guuleysanayaa, wax badan ayaa noo dhiman, wadadii dheereedna cagta waan saarnay,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale waxa uu sheegay howlihii caadiga ahaa ee xukuumadda ay reed socdeen wada xaajoodkii arrimaha hir gelinta doorashada ay kala galeen madaxda Puntland, isla markaana is faham laga gaaray arrimo ay ka mid tahay khilaafkii waxbarashada.

“Howlihii xukuumadda iyo xiriirradii ka dhaxeeyay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Puntland, sii xoojintooda wax badan ayaa nooga qabsoomay, sida waxbarashada, cadaaladda iyo dastuurka,” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo Ra’iisul wasaaraha ka sagootiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ayaa sheegay intii uu joogay Ra’iisul wasaaruhu inay fursad badan u heleen inay iska wareystaan xaaladda guud ee dalka.

Waxaa fashil ku soo dhamaaday wadahadalladii la xiriiray doorashada ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu maalmihii la soo dhaafay u joogay deegaanada Puntland, waxayna taasi kaliftay in Ra’iisul Wasaaruhu uu xalay ka baaqday xaflad casho sharaf aheyd oo madaxtooyada Puntland loogu sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gabal dhicii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka soo ambabaxay magaalada Garowe, halkaas oo uu ka soo raacay diyaarad, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, xubno ka kala tirsan goleyaasha Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho madaxda maamulka Galmudug, isla markaana uu kala hadlo arrimaha doorashooyinka dalka oo muran badani uu hareeyey.

Hoos ka Daawo

Ciidan iyo gaadiid dagaal oo maanta laga dejiyay Gedo

0

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qaaday tobaneeyo ka mid ah ciidanka Militeriga Soomaaliya, waxaana la geeyay degmada Belad-xaawo ee gobalka Gedo.

Saraakiil ka mid ah ciidanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidanka la qaaday ay la socdaan gaadiid dagaal oo gaashaaman iyo hub culus oo laga qaaday Muqdisho.

Si rasmi ah looma haayo tirada ciidanka la qaaday, hase yeeshee waxaa la sheegayaa in ay ku dhow yihiin 100 askari, gaadiid iyo hub culus iyo mid fudud.

Lama oga sababta ay dowladda Soomaaliya ciidanka dheeraadka ugu daabuleyso Gedo xili wali ay dood ka taagan tahay ciidankii ay geysay, oo Jubaland ay si xooggan uga cabatay.

Puntland iyo Jubbaland ayaa diidan ciidanka dowladda ee ku sugan Gedo, waxeyna diidmadaas saameyn ku yeelatay doorashada Soomaaliya oo u muuqata in ay dib u dhacday markii loo eego jadwalkii ay soo saareen bishii September ee sanadkaan.

Dhinaca kale, ciidanka cusub ee ay dowladda gaysay xadka ayaa imanaya ayada oo xiisad ay ka dhex oogan tahay Soomaaliya iyo Kenya. Ciidamada labada dal ayaa si kooban waxaa horey uu dagaal ugu dhex-maray xuduudda.

GALMUDUG oo warbixin ka soo saartay baaritaanka saraakiishii la laayey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug, Cabdi Waayeel oo kamid ahaa guddigii dhawaan uu madaxweyne Qoor-Qoor u xil saaray baarista dilkii Balanbale loogu geystay Saraakiil ka tirsan xooga dalka, ayaa maanta ka warbixiyey falkaas.

Wasiiirka ayaa sheegay inay weli socdaan howl-gallada lagu baadi-goobayo dableydii fulisay dilkaasi, isagoona xusay inay bilaabeen dejinta xiisadii ka dhalatay dilkaasi oo 9-kii bishan ka dhacay degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Waxa kale oo uu xusay inay ka howl-galeen dejinta ehelada saraakiisha la dilay iyo ciidamadii ay ka tirsanaayeen, si looga baaqsado dagaal hor leh oo ka dhalata xiisada dilka saraakiisha.

Cabdi Waayeel ayaa carabka ku adkeeyay inay cadaalada hor keeni doonaan dadkii ka dambeeyay falkaasi, isagoona xaqiijiyey inay gacanta kusoo dhigeen dad lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen weerarka lagu dilay saraakiisha.

“Waxay ahaayeen Saraakiisha la dilay kuwo u shaqeynayay Qaranka, waxaana ku howlanahay sidii aan cadaalada u horkeeni laheyn dadkii ka dambeeyay dilkooda,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhawaan guddi u magacaabay dilka Saraakiisha, iyagoona kaalin mug leh ka qaadanaya baaritan lagu sameyn doono weerarkaasi oo ka dhacay degmada Balanbal.

Maalintii Arbacadii ee 9-kii bishan ayaa waxa maleeshiyaad hubeysan oo haybtooda la garaneyn ay degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud ku dileen Lix sarkaal oo ka tirsan ciidamada xooga, waxaana bilowday tan iyo markii uu dhacay dilkaas howl-galo lagu beegsanayo dadkii ka dambeeyay falkaas.

DF oo amar cadaadis ku ah musharaxiinta kusoo rogtay garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar cadaadis ku ah musharaxiinta mucaraadka kusoo rogtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Hay’adaha Amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa xayiraad kusoo rogay ineysan garoonka gudaha u gali karin dadweynaha soo dhaweynta u tagaya garoonka, waxaana sidoo kale laga mamnuucay kooxaha Fanka iyo Barbaarta Gaashaaman.

Amarka maanta kasoo baxay dowladda, ayaa waxaa lagu fuliyay musharax madaxweyne Cabdi Xabiib Yaasiin oo noqday musharaxii ugu horreeyay ee la kulma amarkaan, kaas oo dhigaya in dadka oo dhami laga mamnuucay iney gudaha u galaan garoonka.

Musharax Cabdi Xabiib Yaasiin ayaan loo ogolaan in gudaha garoonka lagu soo dhaweeyo, taas badalkeeda dadka oo dhami waxey ku sugeen banaanka garoonka, wuxuuna baaq u diray madaxda dowladda kadib dhacdada.

“Waan ogsoonahay iney jallaafooyin jireen, sidoo kalana la diiday inaad gudaha usoo gashaan garoonka si aad iisoo dhaweysaan, waan ka xumahay iney taasi idinku dhacdo, balse dadka masuulka ka ah arrintaan wakhtigeeda ayey uga jawaabi doonaan,” ayuu yiri Cabdi Xabiib Yaasiin.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in amarkan loo soo rogay in laga hortago dadweynaha badan ee taageerada siyaasadeed gudaha garoonka ugu muujiyo musharaxiinta mucaaradka.

Amarkan ayaa sida aan xogta ku helnay saameyn doonin madaxda dowladda federaalka, gaar ahaa madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaaraha iyo guddoonka baarlamanka.

Dowladda Kenya oo war ka soo saartay kulankii Uhuru iyo Muuse Biixi + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta qaabilay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay booqasho rasmi ah ku tagay dalkaasi.

Aqalka Madaxtooyada Kenya ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo labada dhinac dan u ah. Madaxtooyada Kenya waxay sheegtay in kulan labaad uu dhexmari doono labada dhinac maalinta Talaadada ee berrito ah, si wada-hadallada loo soo gabagabeeyo.

Kenya ayaa sheegtay shalay inaysan joogitaan diblomaasiyadeed ku lahayn Somaliland balse ay garawsan tahay deganaanshaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka, ayna danaynayso inay hormariso, ayna ballaariso baayac-mushtarka iyo maalgashiga.

Kenya waxay sheegtay n Somaliland ay muhiim u tahay Geeska Afrika marka ay noqoto la dagaalanka argagixisada gaar ahaan Al-Shabaab.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo wareysi siiyey idaacada BBC-da ayaa sheegay in safarka Biixi uu wax xiriir ah la laheyn xiriirka sii xumaaday ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo xukuumadda Nairobi, islamarkaana khilaafka Muqdisho iyo Nairobi uusan wax saameyn ah ku yeelaneyn Somaliland.

Waxa uu sheegay in labada mas’uul kadib ay labada dhinac wada gaari doonaan heshiis uusan si cad u faah-faahin, balse uu sheegay inuu la xiriiro arrimo salka ku haya danaha labada dhinac.

Faratoon ayaa xusay in wada-hadaladaasi aysan qeyb ka aheyn arrimaha qaadka oo la ogyahay inay dowladda federaalka joojisay, isagona hoosta ka xariiqay in qaadka Kenya uu markiisa horeba si caadi ah u tagi jiray deegaanada Somaliland.

Kulanka Biixi iyo Kenyatta ayaa imanaya xili ay cirka isku sii shareertay xiisada Kenya iyo Soomaaliya, iyada oo dhawaan xukuumadda Muqdisho ay ku eedaysay inay Nairobi ku hayso faro-gelin gudaha ah, isla markaana ay cadaadis saareyso qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60