24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

R/W Rooble oo amar deg deg ah ka bixiyey Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg-deg ah gacanta loogu soo dhigo dableydii ka dambeysay dilka saraakiishii ka tirsanaa ciidamada xooga dalka, xili uu kulan la qaadanayey Madaxda maamulka Galmudug iyo hey’adaha amniga maamulkaas.

Rooble ayaa sheegay in Saraakiishii 9-kii bishan lagu dilay degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ay ahaayeen geesiyaal u adeegayay bulshadood, isla markaana ay dileen dad arxan laawayaal ah oo diidan horumarka socda.

Waxa uu balan qaaday in dowladda federaalka ay gacan weyn ka geysan doonto baarista kiiskaasi oo maalmihii u dambeeyay ay wadeen guddi uu u magacaabay madaxweyne Qoor-Qoor iyo laamaha amniga Galmudug, si sharciga loo horkeeno dadka ka dambeeyay falkaas.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga magaalada Dhuusamareeb ayaa kulamo kala duwan la qaadanayay madaxda maamulkaas, isaga oo la kulmay golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada-shaqeynta Galmudug kala dhexeyso dowladda federaalka, horumarka iyo arrimo kale.

Rooble ayaa lagu wadaa in marka uu soo afmeero kulamada kala duwan ee uu la qaadanayo madaxda maamulka Galmudug uu bilaabi doono kormeero uu ku tagayo deegaano ka tirsan Galmudug, si uu ugu kuur galo xaalada deeganada maamulkaas.

Midowga musharraxiinta oo digniin culus ka soo saaray hub loo soo wada DF Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xubnaha midowga musharraxiinta xilka madaxweynaha ee 2021-ka ayaa waxa lagu sheegay inay walaac xoogan ka qabaan hub ay sheegeen in 16 illaa 18 -ka bishan loo soo wado Soomaalya.

Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in hubkaas oo ay la socoto saanad milatari ay qorsheyneyso inay Muqdisho keento dowladda Turkiga.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa sheegay in ay si gaar ah uga walaacsan yihiin xilliga lagu soo aadiyey hubkan, maadaama Soomaaliya ay galeyso doorashooyin.

“Golohu wuxuu ka walaacsanyahay xaddigan hub iyo rasaas ah ee dalka ku soo qulqulaya waqtigan xasaasiga ah ee Doorashada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale golaha ayaa intaasi sii raaciyey “Sidaa darteed shaki kuma jiro in isla ciidamadan Haramcad iyo hubka ka imaanaya Turkiga loo adeegsan doono afduubka doorashooyinka soo socda,”

Ugu dambeyn musharraxiinta mucaaradka ayaa ka dalbaday dowladda Turkiga inay dib u dhigto keenista hubkaan, illaa inta laga gudbayo marxalada kala guurka & doorashada.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madasha Midowga Murashixiinta Madaxweynaha wuxuu si aad ah uga walaacsan yahay hub iyo saanad milateri oo dowladda Turkiga qorsheyneyso in ay u soo gaarsiiso qeybta Haramcad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waqtigan xasaasiga ah, Goluhu wuxuu ogaaday in diyaarad Milatari oo laga leeyahay dalka Turkiga oo la yiraahdo TUAF767 lagu wado inay magaalada Muqdisho keento 1,000 G3 Machine Guns iyo 150,000 oo xabadood inta u dhexeysa 16 ilaa 18 December 2020.

Golohu wuxuu garwaaqsanyahay ahmiyada tababarka iyo kor u qaadista ay u leeyihiin laamaha amaanka ee Soomaaliya, hadana golohu wuxuu ka walaacsanyahay xaddigan hub iyo rasaas ah ee dalka ku soo qulqulaya waqtigan xasaasiga ah ee Doorashada.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu horey ugu adeegsaday ciidamada Haramcad xoog ku muquunin iyo ku shubasho doorashooyinka gobolada, sidaa darteedna shaki kuma jiro in isla ciidamadan Haramcad iyo hubka ka imaanaya Turkiga loo adeegsan doono afduubka doorashooyinka soo socda. Sababtaas awgeed, Goluhu wuxuu ka codsanayaa dowladda Turkiga inay dib u dhigto waqtiga keenista hubka aan soo sheegnay illaa laga gaarayo doorashada 2020/21. Waxaan ku rajo weynahay in aad naga aqbali doontid codsigan tixgelin na doontid.

Cumar Filish oo arrin kale la xiriiriyey dibad-baxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa si adag uga hadlay dibad-baxyadii rabashadaha watay ee shalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, isagoo la xiriiriyey inay ka dambeeyeen kuwo u adeegaya dowlada Kenya.

Cumar Filish ayaa sheegay in dibad-baxyadaasi laga lahaa dano gaar ah, islamarkaana ay ka qeyb-qaateen dad indhaha soo duubtay oo ‘u adeegaya Kenya’, kana xun go’aankii ay gabi ahaan Soomaaliya xiriirkii diblomaasiyadeed ugu jartay xukuumadda Nairobi.

“Mar haddii dadkeenii uu noqday kuwo u jilicsan cadawga, kuwo annaga naga mid ah oo ayaga ay leeyihiin ayaa rabshado bilaabay, Waxaan baraha bulshada ku arkay kuwo Indhaha uu u duuban yahay, waana kuwo u adeegaya Kenya,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in wax laga xumaado ay tahay in la burburiyo waddooyinka laamiga ah ee dhowaan la dhisay, si loo hormariyo Muqdisho.

“Waxaan indhaheyga ku arkay laamigii bilo kahor aan dhisnay oo taayaro waaweyn lagu gubayo, wadadii aad codsateen in la idin dhiso oo hada dhismaheedu socdo, idinkood u jeeda qaar yar oo aan waxba ogeyn inay taayaro ku shidaan wadada, waa taas cabsida aan qabo” ayuu yiri guddoomiye Cumar Maxamed Maxamed (Cumar Finish).

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay gudaha caasimada ay ka dhaceen dibad-baxyo watay rabshadooo looga soo horjeeday madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

‘Kulanka Doha’ oo sare usii qaadaya tuhunadii laga qabay Kheyre iyo Guuleed

0

Doha (Caasimada Online) – Warbaahinta Mustaqbal ee Muqdisho, oo soo xiganeysa ilo-wareedyo, ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynahii hore Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka mid ah midowga musharaxiinta madaxtinimo ee Soomaaliya ay ku kulmeen magaalada Doha.

Mustaqbal Media ayaa sheegtay inay daalacatay faahfaahinta safarka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Khayre, ayna ka ogaatay inuu ku jiray safar Doha ah,

Sida warbixinta lagu sheegay, Kheyre ayaa safar qarsoodi ah ku tagay Ruushka, wuxuuna uga sii gudbay dalka Qatar oo ay kulamo qarsoodi ah ku wada qaateen Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxaana kulanka ku wehliyay sida la sheegaay saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Guuleed oo si la mid ah Kheyre, xubin ka ah midowga musharxiinta ayaa isna safar aan la shaacin waxa uu ku tagay Nairobi, kaddibna waxa uu uga gudbay Doha si uu ugu biiro kulamada xasaasiga ah ee ka furmay.

Haddii ay sax yihiin warbixinada Mustaqbal, oo ah warbaahin xogteeda lagu kalsoon yahay, waxay arrintan sare usii qaadeysa tuhun xooggan oo horey loo qabay oo ku saabsan in labadaan musharax aysan ka fogeyn madaxweyne Farmaajo iyo dowladda Qatar iyo Fahad Yaasiin.

Kheyre iyo Guuleed ayaa marar badan warbixino laga faafiyey lagu sheegay inay kala yihiin qorshayaasha B, C ee Qatar iyo Fahad, haddii laga adkaado Farmaajo ama doorashada uu ku haro wareegga koowaad.

Arrintan ayaa xitaa keentay in Guuleed uu bixiyo wareysi aan lagama maarmaan aheyn oo ku saabsan xiriirka kala dhaxeeya Fahad Yaasiin, wuxuuna sheegay in Fahad “ay yihiin saaxiibo” balse ay siyaasadda ku kala aragti duwan yihiin.

Kheyre marnaba ma beenin xanta laga qabo, waxaana tuhunka laga qabo sii xoojiyey in marar badan oo uu helay fursado uu hadallo ku jeediyey uu marnaba toos u dhalleeceyn madaxweyne Farmaajo si la mid ah musharaxiinta kale.

Caasimada Online oo la xiriirtay labada xafiis ee labada musharax, uma suurta-gelin inay jawaab ka hesho.

DF oo shaacisay hal arrin oo KENYA ka hor-taagan inay aqoonsato Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey sababta ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay dowladda Kenya.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq, oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in xadgudubyo badan oo Kenya ay kula kacday madax-banaanida Soomaaliya, kadib ay uga dacwoodeen urur goboleedka IGAD, isagoo sheegay in Kenya ay u muujisay in aysan diyaar u aheyn wada xaajood ay la gasho Soomaaliya.

“Markii aan u yeeranay danjireheenii Nairobi, kadib waxaan qaadnay tallaabooyin diblomaasiyadeed, kuwaas oo ay ka mid tahay inaan la xariirnay IGAD iyo AU, balse Kenya ma aysan qaadan haba yaraatee inay Soomaaliya cabashadeeda kala furto wada-xaajood,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Kenya waa deriskeena waana jecelnahay inaan lahaano xiriir ku saleysan is ixtiraam iyo wax wada qabsi, balse Kenya arrintaas kama suurabin.”

Wasiirka oo la hadlay VOA ayaa wax laga weydiiyey waxa ay Soomaaliya uga cabaneyso Kenya, waxuuna sheegay inay hayaan xadgudubyo badan oo ay ku kacday Kenya, kuwaas oo taariikheysan una qoran dowladda Soomaaliya.

“Arrimahaas waa arrimaha aan rabno markii miis lasoo wada fariisto, inaan soo hor dhigno Kenya,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si adag uga soo hor jeedo in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi lagu casuumo Nairobi, isla markaana wax yaabaha ay Soomaaliya ka gadooday ay tallaabadaasi ka mid tahay.

“Arrinkaas waa arrin aan ka soo hor jeedno faro-gelinta aan ka hadlayno ayey qeyb ka tahay, Kenya hadii maanta sharciga iyo axdiga wadamada Afrika ay baal-mari karto weyba aqoonsan laheyd Somaliland, laakiin waa ay ku dhawaatay oo buun-buuninta la siiyey soo dhaweynta Muuse Biixi, waxay tilmaan u tahay, sida dalkeenna weerarka loogu yahay, berrina wax diidaya ma leh in gobol kale oo Soomaaliyeed ay Kenya sidaas u maamuusto,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Xog: Sidee DF ku heshay xogta qorshaha goobaha dibad-baxyadii Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay banaanbax la sheegay in looga soo horjeedo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ka qabsoomay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Goobaha ay banaanbaxyada ka dhaceen waxaa ka mid ah dagmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Cabdicasiis, iyadoo lasoo wariyay iney banaan baxyadaas ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Khsaraaha ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay si arxan-darro ah u rasaaseeyeen shacab muujinayey aragtidooda ku aaddan xaaladda dalka iyo ismari waaga ka taagan qabsoomidda doorashooyinka.

Inkasta, oo dad badan ay ka qeyb-galeen dibad-baxyada, haddana waxaa la rumeysan yahay inay intaas kasii badnaan lahaayeen, hase yeeshee banaanbaxyo ka dhici lahaa qaar ka mid ah dagmooyinka kale ee gobolka Banaadir ayaa baaqday.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ciidamada booliska iyo kuwa nabad-sugidda ay ka war heleen xogta ku saabsan goobaha abaabulka uu ka socdo, taasina ay keentay in ciidamo fara badan halkaas la geeyo, si loo baajiyo dibad-baxyadii degmooyinka qaarn.

Dowladda federaalka ayaa marar badan sidan oo kale ugu guuleysatay inay hesho xogta goobaha dibad-baxyada, ugana hortagtay, ayada oo aysan caddeyn cidda ku dhex jirta abaabulayaasha ee bixisay xogta.

Inkastoo la leeyahay dadka ku qornaa abaabulka banaanbaxyadaas waxey maalmaha soo socda isku dayi doonaan mar kale, hadana dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay mar kale isku dayi doonto inay ka hortagto.

Golaha Midowga Musharaxiinta mucaaridka ayaa war-murtiyeed kulul kasoo saaray rasaastii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku fureen dadweynihii banaan-baxa ka dhigayey qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa rasaastii ay ciidanka dowladda Federaalka ahi sida arxan darrida ah ugu fureen shacabka Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu mudaharaadayey magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Musharaxiinta mucaaridka ayaa sidoo kale waxay shacabka ugu baaqeen inay sii wadaan banaan-baxyada ka dhanka ah xukuumadda uu majaraha u hayo Farmaajo, iyagoona balan-qaaday inay qeyb ka noqon doonaan dibad-baxyada soo socda.

Mucaaradka oo Kenya kula kulmaya A/Madoobe iyo Deni 

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in todobaadka soo socda ay kulan gaar ah magaalada Nairobi ku yeelan doonaan musharraxiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa intiisada badan diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegay in dhinacyadaasi ay si gaar ah uga wada-hadli doonaan dooda ka taagan dhismaha guddiyada doorashada ee 2020/21.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka u dhexeeya xubnaha midowga musharraxiinta, Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, kadib ay dhinacyadaasi shir gaar ah la yeelan doonaan xubnaha beesha caalamka, si ay ugu gudbiyaan tabashooda ay qabaan.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaan weli soo magacaabin guddiyada doorashada ee heer dowlad goboleedyadooda, iyaga oo shuruud ku xiray in marka hore la xaliyo khilaafka ka taagan doorashada iyo arrinta ciidanka dowlada ee gobolka Gedo.

Si kastaba kulankan ee ay yeelan doonaan dhinacyadan, islamarkaana ka dhacaya Nairobi ayaa ku soo aadaya, xilli Soomaaliya ay xiriirkii u jartay dowladda Kenya.

Sawirro: Rooble oo ballan-qaad u sameeyey Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku joogo magaalad Dhuusamareeb ayaa kulan la yeeshay golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada-shaqeynta Galmudug kala dhexeyso iyo arrimo kale.

Rooble oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn boggaadiyey shaqooyinka u qabsoomaya golaha wasiirada Galmudug, isaga oo kula dar-daarmay inay laba jibaaraan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Sidoo kale wuxuu balladan qaaday in xukuumaddiisa ay gacan weyn siin doonto Galmudug, si ay uga gubto caqabadaha heysta maamulkaasi.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu booqdo deegaano kale oo ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa Rooble wuxuu waday safaro uu ku kala bixinayey xarunta dowlad goboleedyada ka jira dalka, isaga oo booqday magaalooyinka Baydhabo iyo Garoowe oo uu u tegay arrimo la xiriira xalinta muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku ridday rag dilal ka geystay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka oo Arbaco ah xukun adag ku ridday rag ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo horey dilal qorsheysan uga geystay gudaha magaalada Muqdisho.

Raggan oo lagu kala magacaabo Cumar Aadan Maxamed & Cabdulle Axmed Muudey ayaa lagu soo eedeeyey dilal ay u geysteen saraakiil ka tirsanaa ciidanka dowladda.

Sidoo kale xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in raggan13-kii bishii November ee 2019-kii ay si wadajir ah u dileen marxuum Cali Cabdulle Maxamed oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale ku eedeysay labada nin ee la xukumay dilka marxuum Cabdullahi Axmed Hilowle oo isna ka tirsanaa Ciidamada ilaalada degaanka ee Xamar.

Intaasi kadib guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in raggan ay qirteen dambiyada lagu soo eedeeyey, sidoo kalena loo helay markhaatiyaal ku caddeeyay dacwadda dilka ah ee lagu soo oogay, sidaas daraateedna, wuxuu ku dhowaaqay in lagu xukumay dil toogasho ah.

Ugu dambeyn guddoomiye Shuute ayaa tilmaamay in xukunsanayaasha ay heystaan fursad kale oo ay rafcaan ku qaadan karaa muddo ku siman illaa 30 cisho.

Tallaabbooyin caynkee ah ayaa u bannaan KENYA?

0

Dowladda Soomaaliya aya xiriirki oo dhan u jartay dariskeeda Kiinya. Tani ayaa daba socotay xiriirka oo ay hoos u dhigtay iyadoo Kiinya ku eedeesay faragalin qaawan iyo ku meeraysi danaha Soomaalida. Haddaba qormadaan waxaan ku eegi doonnaa waxa u bannaan ee Kiinya ay samayn karto si ay uga aargoosato Soomaaliya ama ugu yaraan Soomaaliya ugu qasabto inay mowqifkeeda baddasho.

Akhriste ogow qormadu kuma saabsana xaq ahaanshaha go’aanka dowladdu qaadatay. Sidoo kale kuma saabsana inay tahay waqti ku habboon in tallaabbo noocaas ah la qaado. Waxaan ka mid ahay dadka qabo waqtiga lagu beegay dood badan in la galin karo iyo inuu jiray waqti kaga habboonaa oo Soomaalidu filaysay jawaab noocaan ah balse aysan dowladdu qaadin. Goortaas qormadaan ayaa ka qoray sababta ay dowladdu uga gaabsatay. Halkaan waxaan kaliya oon ku eegaynaa bal inay jiraan jidad u furan Kiinya oo shacabkeenna iyo dalkeenna uga aarsan karto.

Maaddaama aan nahay dal burburay oo si xun u jabay dadkeennu wuxuu aaminay in dal walba naga adag yahay dunida oo dhanna aan u baahannahay. Taasi waxay keentay in markii dowladdeenna iyo mid kale is qabtaan aqoonyahankeenna iyo siyaasiyiinteennu dhawaaqaan ilaa dad weynaha loo sawiro inuu qiyaamihi nagu dhici doono. Goortii uu xumaaday xiriirki Imaaraat iyo soomaaliya shacabka waxaa la galiyay cabsi weyn oo ah inuu jeenanka ka go’i doono. Goortaas waxaan qoray middaan oo aan ku tilmaamay inay guushu raacday Soomaaliya Imaaraat oo duulaysanna duurarka wareegi doono. Maanta sidii oo kale baan idin leeyahay Kiinya wax weyn oo dhib ah oo laga fishaa ma jiraan sababaha soo socdo awgood.

Dunida maanta laba awoodood ayay isku maquunisaa marki la joogo dagaalka aan xabbadda ahayn. Kan hore waa isu socodka dadka. Dad adduunka ku nool waa mid aad igu xiran oo dano badan oo is-waydaar ah ka dhaxeeyaan. Dalalka qaar ayaa loo qabaa baahi dheeraad ah oo dadka aysan marnaba ka baaqsan karin inay aadaan. Tusaale, dalka Maraykanka ciqaabta koowaad oo uu ku dal uu doonayo inuu la dagaalo ku qaado waa diidmada fiisayaasha dadka u socdaalaya dalkiisa. Wuxuu ogyahay in dalkiisa muwaadiniinta dalka ay is ahyaan aad ugu baahan yihiin. Sidaas darteed diidmada dal-ku-galka wuxuu keeni in muwaadiniinta loo diiday ay dalkooda cadaadis ku saaraan in xal loo helo xiriirka Marayakanka tasoo dalkaas ku qasabto inuu la heshiisyo Maraykan aqbalana dalabaadka uu rabo.

Awoodda noocaas ah Kiinya waa ay leedahay oo dalalka Afrika loogu baahi badan yahay ayay kow ka tahay. Laakiin awooddaas maahan mid lagu dabbaqi karo Soomaaliya. waayo horay ayay u saarnayd ciqaabta noocaas ah. Sidii ay dowladdu u burburtay Soomaalidu dulli iyo ihaano ayay kala kulmaysay aadidda Kenya. Fiise wado ama ha wadan bahdil iyo laaluush ayuu ku qasbanaa qofka Soomaaliga. Waxaan halmaamayn bishii 12’aad 2009’ki goor aan Mandera bas ka raacay anoo wato baasaboor Galbeed ah. Baska waxaa nala saarnaa xildhibaan Soomaali oo sito baasabor dublamaasi. Meel walba oo aan istaagno waxaa laga qaadayay laaluush. Ugu danbayn waxaa lagula dagay Wajeer isbaaro taal oo wax walba inta la sameeyay laga furfuri waayay nin Soomaali ku hadlayay laakiin boolis Kiinyaan ah. Ogow xildhibaankaan fiise sharci uu kusoo qaatay ayaa u saaran baasaboorka. Kaliya waxa lagu haystay waa sidee dhulka ugu safraysaa adoo dublamaasi ah taasoo uusan jirin sharki diidayo. Waad garan kartaa shacabka caadiga ah waxay la kulmaan mar haddii kuwii watay baasaaboor la isku xurmeeyo sidaas loo galayo.

awoodda labaad waa cunoqabatayn dhaqaale, gaar ahaan alaabaha soo dago. Alaabahaan ayaa canshuurta lagu badiyaa ama gabi ahaanba la diidaa si loo ciqaabo ganacsatada dalkaas taasoo keento inay dowladdooda cadaadis ku saaraan inay la heshiiyaan dalkaas ay u iib geeyaan alaabahooda. Dalalka awooddaas isticaamo waxaa ugu badan Maraykan oo dunida oo dhan suuq u ah iyo Shiine oo si adag ugu isticmaalay Ustareeliya.

Mar kale awooddaas Kiinya way leedahay. Waa suuqa ugu weyn bariga Afrika waana dalka ugu dhaqaalaha badan gobalka. Laakiin, suuqaas iyo dhaqalaahaas Soomalidu iyadoo Soomaali ah wax kuma laha. Ma jirto alaab Soomaaliya ka tagto oo Kiinya la geeyo sifo sharci ah. Wixii naga aado waxay ku galaan suuq-madow iyo kontarabaan. Xiriir xumaado iyo mid wanaagsanaadaba ganacsiga noocaan wuu socon. Sidoo kale waxaan jirin ganacsato Soomaaliyeed oo ganacsi ku leh Kiinya kuwaas oo dowladdaasu ay cadaadis saarto ama ku amarto inay dalka ka baxaan.

Soomaalida aad maqashay ee maalin walba lagu leeyahay dhibbaa gaari iyo Kenya ayay ku hodmeen maahan Soomaali indhaha caalamka iyo kan Kiinya toona. Dhammaan waa dad haysto jinsiyado aan Soomali ahayn. Sideey u badan yihiin waa Kiinyaan la xuquuq ah Uhuru Kenyata iyo Aadan Barre Ducaale sidaas darteed ma jirto saamayn ay u keeni karto xiriirka soomaaliya ay jartay hadduusan Ilaahay awooddooda ka qarin.

Waxaa soo raaco qurba-joogta iyo qoyayska noqday ee dalkaas dagay qaarna hanti ka tabcadeen. Dadkaan iyaguna waxay sitaan dhalashooyin ree Galbeed. Tusaale, haddii gabar haysato baasaboor Maraykan ah hantideeda la qaato ama lagu amro inay dalka ka baxdo Soomaaliya lalama hadale waxaa farriin adag loo diray Maraykan, jawaabtana isagaa laga sugi.

Waxaa soo raaco oo had iyo goor la sheegaa qaxootiga nus malyuunka ah ee dagan Kenya. Dadkaan xeerar caalami ah ayay ku hoos jiraan. Waxaa dalkaas ku hayo hayado caalami ah oo bixiyo noloshooda iyo caafimaadkooda. Kiinya waxay ku heshaa adduun badan oo wajiyo badan kaga so galo qaxatootigaas. Horay way isugu dayday inay saarto laakiin danteeda gaarka ah iyo duruufo kale ayaa u diiday ee marnaba uguma aysan danayn Soomaalida.

Haddaba maxaa laga filan karaa inay qaaddo Kiinya. Waqtiga hadda la joogo hadal macaan iyo waji furan ayay kaga jawaabi. Sababtu waa in dalku doorasho galayo labo bil gudahood isbaddalna uu dhici karo. Waa tabtii Buutin uga jawaabay go’aanki Oboma 2016 doorashadi Taraam bil ka hor. Buutin wuxuu filayay in Taraam soo bixi doono marka wixii lagu sameeyay waxba kama uusan soo qaadin maaddaama uu ogaa inuu Taraam wax ka baddali doono waxna hagaajin doono. Kiinya sidaas oo kale ayay naawilaysaa in ruxuu Farmaajo baddalo uu wax walba sidoodi hore ksuoo celin doono. war kale se waa haddii Farmaajo soo laabto.

Haddii ay taasu dhacdo Kiinya, wax badan ayaa ku adkaan. Marka hore waxaa laga qabsaday ururkii IGAD ee Soomaaliya lagu maquunin jiray. Awal ururkaas waxaa loo isticmaali jiray dhibaataynta Soomaliya iyo Eritareeya, Maanta ururkaasu wuxuu u adeegayaa labadii dal ee awal lagu dhibi jiray. Itoobiya oo awal ahayd libaaxa markii uu wax eego loo hoggaansamo oo ay dhici lahayd inuu Soomaaliya ku qasbo waxaysan rabin ayaa maanta magan u ah Soomaaliya iyo Eritareeya. Dalkaan danbe oo dadku intiisa badan ay fahansanyn sababta uu Farmaajo ugu dhawaaday ayaa maanta u muuqdo awoodda Bariga Afrika. Itoobiya maanta waxay ku tiirsansanay ciidamada Afarwaaqi. Taas ayaa keeni inaysan Kiinya helin taagero gobalka ah.

Sidoo kale, waxaysan heli doonin taageero gudaha dalkeeda ah maaddaama shacabkeedu baahi badan u qabaan xiriirka Soomaaliya. Qaadka ka sakow, ilaa 20 kun oo Kiinyaan ayaa ka shaqeeyo Soomaaliya. Dadkaasu cabsi ayay caawa ku jiifaan dowladdoodana waxay ka filayaan in ay shaqadooda badbaadiso. Cadaadiska shacabka ayaa keeni inay Kiinya dadaal badan galiso inay xal hesho.

Waxaa suuragal ah inay ku dhiirrato laba tallaabo oo kala horreeyo. Tan hore, waa xiridda xawilaadaha oo ah halka Soomaalidu jeenanka ka hesho. haddii ay taasu dhacdo soomaalida dhib ayaa gaari laakiin waa mid waqti aad u gaaban looga gudbi karo laakiin Kiinya dhibaato weyn ku ah. waayo xawilaaduhu waxay u guuri dalka ugu dhow oo oggolaado inay nabad uga shaqaystaan. uba badan inay Xamar soo dagaan. Laakiin kiinya waxay ku waayo malaayin lacag ah iyo shaqaale badan taasoo sii kordhin doonto cadaadiska shacabka. Marka taasu waa qar iska tuurnimo haday samayso.

waxaa xigi karta kana sii waallisan inay awood ciidan isticmaasho. Ciidankaan ayaa qabsan karo Jubbaland oo Gedo ay ka kow tahay. Haddii ay taasu dhacdo waxay furaha guusha si fudu ku siisay soomaaliya oo awalba lahayd Kiinya waa duullaan dhul iyo bad doon ah. Sidaa darteed Kinya uma fiurna jidad badan oo ay ku aarsan karto.

Waxaa kaloo la filan karaa in Beesha Caalamka ee dowladda Soomaaliya masruufto Kiinyana guri u tahay ay raadiso xal lagu soo afjaro mugdigaan. Inay Soomaaliya cadaadis saaraan ayaa dhici karo laakiin in loo hoggaansamo waxay ku xiran tahay hadba sida Kenya isaga dhigto mid nadiif ka ah arrimaha lagu eedeeyay.

Warki oo kooban Soomaaliya waa dal isaga lagu dul noolyahay oo dhammaan dalalku dano kale duwan ka leeyihiin laakiin iyadu aysan wax dan ah oo macno leh uga xirnayn kuwa iyada doonayo. Sidaa awgeed ciddii la dagaasho iyadaa khasaari iyaduna awalba agoon iyo rajo ayay ahayd oo wax ka lumayaa ma jiraan!

Ibrahim Aden Shire – Waxaad kala xiriiri kartaa [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Biixi oo ka hadlay inuu jiro xiriir ka dhaxeeya safarkiisa iyo xiisadda DF iyo Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa markii u horeysay ka hadlay inuu socdaalkiisa Kenya uu dabo socdo xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya, xili ay dowlada federaalka ku eedaysay xukuumadda Nairobi faro-gelin ka dhan ah arrimaha gudaha.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya booqashada uu ku joogo Nairobi iyo khilaafka DF iyo Kenya oo gaaray meeshii u sareysay.

“Soomaali ayaynu nahay, annagu waxaan isu qabnaa in aan nahay kuwii Soomaali meel ay joogtaba wax tari lahaa mooyaane aan wax yeeleyn iyo bani`aadamka kaleba,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad uu ku maamuusay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaas, ahna Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Mudane Raila Odinga.

Si kastaba, safarka Muuse Biixi ayaa imanaya xili uu meel xun gaaray khilaafka ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo Kenya, kaasi oo keenay in Soomaaliya ay xiriirka diblumaasiyadeed si rasmi ah ugu jarto Kenya.

Go’aanka Soomaaliya ee xiriirka ugu jartay Kenya ayaa isaguna kusoo aadaya xili uu Muuse Biixi booqasho dhowr maalmood ah ku joogo magaalada Nairobi, midaasi oo dowlada federaalku u aragto “inay Kenya weli kusii madax adeygayso faro-gelinta arrimaha gudaha”.

Xiriirka Shiinaha iyo Somalia iyo ififaalaha mustaqbalka

0

Hordhac

Shiinuhu waxa uu kow ka yahay dalalka sida baaxadda weyn ee weliba xawliga ah dhaqaalihiisa iyo saamayntiisa siyaasadeed isu soo taraysay sannadihii la soo dhaafay. Dalka Shiinaha, ka sokoow inuu yahay dalka koowaad ee adduunka ugu dadka badan, haddana waxa ay dowladdiisu ku guulaysatay inay dhidibbada u taagto dhaqaale xooggan oo ku salaysan warshadayn casri ah oo baahsan iyada oo ka faa’idaysanaysa awoodda shaqaale ee ay leedahay isla markaana xoogga saaraysa horumarinta teknaloojiyadda loo adeegsado waxsoosaarka. Taas ayaa sababtay in Shiinuhu uu noqdo waddanka labaad ee ugu awoodda badan adduunka marka laga fiiriyo saamayntiisa dhaqaale,midda siyaasadeed iyo tan diblomaasiyadeed.

Soomaaliya iyo Shiinuhu waxa ay leeyihiin xiriir ganacsi oo soo-jireen ah oo ka soo bilawday Qarniyadii Dhexe. Waxa la sheegaa in Soomaaliya ay wakhtigaas Shiinaha u dhoofin jirtay noocyada kala duwan ee ugaadha sida Geriga, Fardaha, Dameer-farawga, Fooxa iyo badeecooyin kale taasi oo Soomaaliya ka dhigtay mid kamid ah dalalkii ugu horreeyay ee xiriir la yeesha Shiinaha.

Waxa sidoo kale la xusaa in dhulmareenkii caanka ahaa ee reer Muqdisho ee Saciid uu u safray dalka Shiinaha qarnigii 14aad markaas oo dhulka Shiinaha ay ka talinaysay Boqortooyadii reer Yuan isaga oo safarkaas uga sheekeeyay dalmarkii Ibnu Batuuta markii ay ku kulmeen dalka Hindiya. Sidaasi si lamid ah, dibloomaasigii iyo dhulmareenkii reer Shiine ee Zheng He ayaa la sheegaa inuu isla wakhtiyadaaas booqday magaalooyinka Soomaaliyeed ee Muqdisho, Saylac, Marka iyo Berbera.

Bar-bilawgii xiriirka rasmiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha

Ka dib markii ay Soomaaliya heshay madaxbannaanida, waxa ay kamid noqotay waddamadii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah la yeesha dalka Shiinaha. Xiriirkaas ayaa Soomaaliya u fududeeyay inay ku guulaysato mashaariic tiro badan oo ay dowladda Shiinuhu maalgelisay, dalkana ka hirgelisay. Mashaariicdaas kala duwan waxa ugu caansan Istaadiyamka Qaranka ee Soomaaliya (Istaadiyam Muqdisho), Cisbitaalka weyn ee Banaadir, Tiyaatarka Qaranka, Biya-xireenno iyo mashruucii ugu weynaa oo lagu dhisay waddada dheer ee isku xirtaa gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta dalka oo ilaa hadda miraheeda la mahadiyo.

Taas beddelkeeda, Soomaaliya waxa ay si xooggan ugu ololaysay in Shiinuhu helo jagada ay ku leedahay Qaramada Midoobay iyada oo dadaalkaas ka miradhalisay.

Ka dib markii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991, waxa meesha ka baxay xiriirkii tooska ahaa isla markaana rasmiga ahaa marka laga reebo xiriirka ganacsi oo u dhexeeyay labada shacab. Sidaas oo ay tahay, dalka Shiinuhu si toos ah uma soo faragelin gudaha Soomaaliya oo ay dalalka caalamku ku loolamayeen iyada oo dhinac kasta garab siinayo cidda ay danahooda ka dhex arkaan. Shiinuhu waxa uu muddadaas ka qayb-qaatay gargaarka loo fidinayay shacabka Soomaaliyeed ee ay masiibadu ku habsatay.

Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ee hadda

Wakhtigan la joogo, Soomaaliya iyo Shiinuhu waxa ay leeyihiin xiriir dibloomaasiyadeed oo fiican iyada oo ay labada dhinacba isdhaafsadaan diblomaasiyiin iyo safaarado ka shaqeeya xoojinta xiriirka labada dhinac. Shiinuhu waxa ay si joogto ah ardayda Soomaaliyeed ugu taageeraan deeqo waxbarasho iyada oo tirada ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadaha Shiinaha wax ka barta ay gaarayaan in ka badan 1,300 sida laga soo xigtay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Qin Jian. Sidaasi si lamid ah, labada dhinac ayaa leh xiriir qotodheer oo ganacsi iyada oo ay ganacsatada Soomaaliyeed dalka Shiinaha ka soo dhoofsadaan noocyada kala duwan ee badeecadda. Waxa xusid mudan, in Soomaaliya aanay dhinaceeda dalka Shiinaha u dhoofin badeecad la sheegi karo taasi oo ganacsiga u dhexeeya labada waddan ka dhigaysa mid aan dheellitirnayn.

Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed waxa la gudboon inay arrintan wax ka qabtaan iyada oo la fududaynayo heshiisyo ganacsi oo dalka Shiinaha loogu dhoofinayo baddeecadda kala duwan ee dalkeenna sida hilibka, kalluunka iyo noocyada macdanta ee kala duwan.

Muqtaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha

Soomaaliya waxa ay sannadkii 2018 si rasmi ah ugu biirtay Hindisaha “China’s Belt and Road Initiative (BRI) kaasi oo ah qorshe ballaaran oo ay dowladda Shiinuhu ku doonayso inay dalal badan oo u badan qaaradda Aaasiya iyo Afrika ka hirgeliso mashaariic lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalkaas si loo kordhiyo isu-dhawaanta iyo isku-xirnaanta dhaqaale. Soomaaliya waxa ay door laxaadle ka ciyaari kartaa mashruucaas iyada oo ka heli karta maalgelin mug leh oo lagu dhisayo kaabayaasha kala duwan ee dhaqaalaha dalka sida dekedaha iyo waddooyinka.

Soomaaliya waxa ay wax badan ka baran kartaa dalalka deriska la ah sida Itoobiya iyo Kenya oo si weyn u mahadiyay maalgashiga kala duwan ee uu dalka Shiinuhu ka hirgeliyay dalalkaas, taasi oo wax weyn ka qaadatay koboca dhaqaale ee waddamadaas. Soomaaliya haddii ay la timaaddo qorshe dhammaystiran oo lagu soo jiidanayo maalgashiga Shiinaha, waxa hubaal ah in ay taasi saami fiican ku darsanayso dib-u-dhiska dhaqaalaha qaranka. Waxaase muhiim ah, in si taxaddar leh looga fekero qorshahaas iyada oo aan lagu dhacayn dabinka daymaha ee ay dalal badan oo Afrikaan ah ku dhaceen taasi oo hadhaw saamayn taban ku yeellan karta dalka.

Shiinuhu waxa uu kamid yahay dalalka iska indhatira faragelinta iyo ka qayb-qaadashada xasaradaha ka alloosan gudaha dalalka kale balse keliya xoogga saara sidii ay dal walba ula yeelan lahaayeen iskaashi dhaqaale oo laga macaasho dheef iyo nafci waara. Sidaasi awgeed, Soomaaliya waxa la gudboon inay sii xoojiso xiriirka ay Shiinaha la leedahay iyada oo aan isla markaasna ka dheeraanaysa inay lug ku yeelato loollanka u dhexeeya labada quwadood ee Maraykanka iyo Shiinaha kaasi oo ku salaysan in midba midka kale maquuniyo siyaasad iyo dhaqaale ahaanba.

Ugu danbayntii, waxa dhawaan labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinuhu u dabbaaldegayaan 60-guurada xiriirka rasmiga ah ee u dhexeeya labada waddan kaasi oo ay tahay in looga faa’idaysto sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada shacab si loo unko xiriir laba-geesood ah oo ku salaysan is-ixtiraam iyo ganacsi dheellitiran oo ay labada dowladood iyo labada shacabba si buuxda mirihiisa u gurtaan.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Gabar Somali ah oo ka qeyb gashay tijaabada tallaalka Covid-19 gobolka Alberto

0

Alberta (Caasimadda Online) – Sahra Kaahiye, oo ah gabadh Soomaali ah oo ka howlgasha isbitaal ku yaala magaalada Alberta ayaa noqotay qofkii ugu horreeyey ee ka soo jeeda Alberta ee qaata talaalka Covid-19.

Sahra ayaa sheegtay in qaadashada talaalkan ay u ahayd mid taariikhi ah .

“Markaan subixii soo kacay ma filaynin inaan noqdo qofka kowaad ee Alberta ka qaata talaalka covid-19,” Ayey tiri.

Shaqaalaha caafimaadka ee labada magaala ee ugu waaweyn gobolka ayaa ugu horreyn qaadanaya talaalkan cusub ee cudurka coronavirus.

Sahra ayaa sheegtay in cirbaddan ay la mid tahay kuwa kale ee caadiga ah, balse aysan dareemin wax culays ama xanuun ah.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay rajaynayso in madaxa midowga haweenka iyo carruurta Soomaalida ay tusaale u noqon doonto si ay u ogaadan in daawadan ay tahay mid aanan khatar lahayn meel walbana mar dhaw laga heli doono.

Wasiirka amniga oo war kasoo saaray dibad-baxyadii Muqdisho, digniin culusna diray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo ka hadlay banaanbaxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay soo abaabuleen dad wax magarato ah, isagoo tilmaamay in lagu wax-yeeleynayey amniga.

Waxa uu sheegay in ciidamadii Qaranka oo u taagan inay ka hor tagaan dad is qarxinaya in lagu soo abaabulay dad wax magarato ah, oo sida uu sheegay qoryo wata.

“Dad wax magarad ah oo jidadka lasoo tubay iyagoo qoryo wata, taas macneheedu waa in ammaankii lagu soo duulay, in colaad la abuuray, in ciidanka ammaanka shaqadiisii la dhantaalay, in bulshadii dhibaato loo geystay, waxii rabshado ahaay ee dhacay waan ka tacsiyadeyneynaa,” ayuu yiri.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Wixii dhacay waxaa mas’uuliyadeeda iska leh oo arrintaas dusha saaranaya dadka lagala talinaayo isu-imaadyada noocaas ah oo laga yaabo xataa in qof is qarxinaaya uu isku soo dhex tuuro,” ayuu yiri wasiirka amniga dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay inay ka digayaan in arrintii maanta oo kale ay mar kale soo noqoto, isla markaana la wada ilaaliyo nabadda bulshada.

“Iyadoo ciidankii u taagan yahay inuu ilaaliyo bulshada nabadeeda, in dad kale ay soo abaabulaan wax mudaharaad lagu sheegay oo nabadii dhaawacaya oo rabshado abuur ah,  lama arag weli dad banaanbaxaya oo BKM lagu hor sido, waa wax ugub nagu ah, wax aan yeeli doono inay nagu soo laabtaana maaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Xundubey.

Hoos ka Daawo

DF oo kasoo dabacday mowqifkii ay ka taagneyd guddiyada doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka qeyb-galay munaasibad ka dhacday Tiyaatarka Qaranka ayaa tanaasul ka muujiyey mowqifka xukuumadda ee ku aadan guddiyada doorashada ee lagu muransan-yahay.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in wax ka bedel lagu sameeyo guddiyada doorashooyinka ee sida weyn uga hor-yimaadeen musharaxiinta mucaaridka oo iyagu u arka mid dhinac u xaglinaya.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in bedel lagu sameyn karo xubnaha guddiga doorashada lagu muransan yahay qof ama labadii qof ee dareen laga qabo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in arrintan ay qaadanayaan uga dan leeyihiin sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ku gadaan doorashooyinka, isla markaana ay dalka uga dhici laheyd doorasho ku qabsoomto waqtigeeda.

Ugu dambeyntiina waxa ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka ugu baaqay maamul goboleedyada inay fuliyaan heshiiskii doorashada ee ay magaalada Muqdisho kula saxiixdeen madaxda sarre ee dowladda federaalka.

Go’aankan cusub ayaa imanaya xili ay musharaxiinta mucaaridka cadaadis xoogan xukuumadda ku saarayeen in wax laga bedelo guddiyada doorashooyinka ee lagu muransan-yahay, iyaga oo dhawaana magacaabay guddi cusub oo doorasho, kaasi oo ay sheegen in dalka uu ka qabanayo doorasho loo dhan yahay.

Mahdi Guuleed oo weeraray Kenya, shaaciyeyna ‘arrin ay ku cadaadisay’ Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in Kenya ay ku soo qaaday Soomaaliya duulaan soo xarka goostay, faro-gelin qaawan iyo qalqal gelin amni, sida uu sheegay.

“Waxaad ogeydeen markii dadka Soomaaliyeed ay isku dayeen inay la soo baxaan kheyraadkooda in markii la isugu tegay shirkii London ay nagu fureen dood cusub, oo ay bilaabeen inay dhulkeena ku murmaan, oo ay badeena ku murmaan, oo ay yiraahdaan waa xadgudub dhuleed, taasna waa duulaan,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Waxa uu sheegay in hadda ka hor uu maadxweyne Farmaajo tegay Nairobi si meesha looga saaro wixii khilaaf ah oo jiray, balse wax yar kadib markii la gaaray heshiiskaas xildhibaano Soomaliyeed lagu bahdilay garoonka diyaaradaha Kenya, taasina ay uur ku taallo ku noqotay Soomaaliya.

“Intaas waxaa dheereed burburin dhaqaale iyo hanta dadweyne, sida taawarrada iyo qalabka kale ee shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya oo ciidanka Kenya uu burburiyey, sidoo kale waxay ka baxeen goobo istaraatiiji ah, si cadawga loogu logo dadkeena,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Mahdi.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay intaas muujineysay dulqaad, si loo xajiyo wada noolaashaha shucuubta Geeska Afrika, balse Kenya ay sii waday cadaadiskeeda xad-dhaafka ah.

“Waxaad ka war-qabtaan in walaalkeen Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland ay saartay culeys xad-dhaaf ah, kuna cadaadiyeen inuu dood cusub ka keeno heshiiskii uu wax ka saxiixay ee doorashada Soomaaliya, markii ay Kenyaanku Alamtara soo dhaafeen, waxaa khasab nagu noqotay inaan safiirkeenna u yeerano xiriirka diblomaasiyadeedna aan si rasmi ah ugu dhawaaqno inaan u jarnay,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Waxa uu sheegay in dacwad dheer ay dowladda Soomaaliya u dirtay IGAD, isla markaana gar-naqsi uu hoggaamin doono madaxweyne Farmaajo uu ka dhici doono dalka Jabuuti.

“Meel fagaare ah maalin dhaweed madaxweyne ku xigeeka Kenya waxa uu ka sheegay inay Soomaaliya u soo dirsan doonaan owr tiraale siyaasadeed, si iyaga uu ugu adeego, waxyaabahaas oo dhan hadaan Soomaali nahay diidnaybaanu leenahay. Waxaan leenahay Afrikaay daya Kenya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Mahdi Guuleed.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in Soomaaliya ay khibrad weyn ka heysato colaad ka dilaacda Geeska Afrika iyo dal gudihiis, sidaas darteed ay nabadda door bideyso mar kasta.

Hoos ka Daawo

Dibad-baxyadii Muqdisho oo madaxweyne Farmaajo ka baajiyey munaasabad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka ka baaqday munaasabad la filayay inuu ka qeyb-galo oo ka dhaceysay Tiyaatarka Qaranka, kadib markii ay magaalada Muqdisho ka bilowdeen banaanbaxyo looga soo horjeedo.

Madaxweynaha oo qorsheynayey in uu ka qeyb-galo munaasibadaasi ayaa ka baaqday xilli ay Ciidanka Madaxtooyada ay xireen illaa Isgoyska Daljirka Dahsoon, si loo sugo amaanka goobtaas, maadama uu qorshuhu ahaa inuu tago madaxweynaha.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururada Haweenka iyo wasaaradda haweenka ayaa lagu taageerayay Qoondada Haweenka ee golayaasha Baarlamaanka, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii doorashooyinka.

Waxa munaasibadaasi ka qeyb galay bedelka madaxweynaha,  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo guddoonka golaha shacabka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa maanta ka dhacay dibad-baxyo looga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo uu hogaankeeda hayo madaxweyne Farmaajo.

Dibad-baxyadan oo ay ka qeyb-galeen dadweyne u badan dhalinyaro ayaa saaka ka billowday xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxayna dadweynuhu ku qeylinayey erayo ay ka mid yihiin ‘ha dhoco madaweyne Farmaajo’ waa Kali-taliye iyo erayo kale oo ay ku cabiraan dareenkooda.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saaka aad u kacsaneyd, waana sababta u weyn ee madaxweynaha ugu gooyey munaasibada oo taageero loogu muujinayay in Haweenka qeyb weyn ka qaatan siyaasada, gaar ahaan Qoondada Haweenka ee golayaasha Baarlamaanka.

Beesha caalamka oo qoraal kulul kasoo saartay xiisadda doorashada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa qoraal xasaasi ah kasoo saartay xiisadda siyaasadeed iyo muranka doorashada Soomaaliya, waxayna dalab usoo jeedisay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka oo dhameystiran.

Bayaan wadajir ah oo ka soo baxay saaxiibada beesha caalamka ee ku saabsan baahida loo qabo wadahadalka ka dhex socda madaxda Soomaaliyeed

Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee dhowaa la qabtay ayaa u suurtagelisay dhammaan dhinacyada ku lugta lahayd inay si furan isu weydaarsadaan fikradaha ku saabsan arrimaha hadda ka socda dalka iyo in lagu heshiiyo Xayndaabka Isla-xisaabtanka Labada Dhinac ee 2021, kaas oo dejinaya arrimaha waaweyn ee mudnaanta leh ee siyaasadda loo dhan yahay, amniga iyo cadaaladda, iyo arrimaha bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Hase ahaatee, saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka * waxay weli si qotodheer uga walaacsan yihiin isafgaranwaaga hadda ka taagan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka 2020/21. Waxaa sidoo kale loo baahanyahay wadahadal iyo heshiis dheeri ah sida loo xaqiijin doono qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee guddiyada, ergada dhexdooda, iyo kuraastaba.

Isafgaranwaagaas ayaa u baahan in lagu xalliyo qaab ixtiraamaya heshiiskii siyaasadeed ee 17-kii bishii Sebtembar iyo hab-maamuusyada hirgelinta ee ay wada saxiixdeen madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) 1dii bishii Oktoobar. In la billaabo hannaan is barbar socda ama in la isku qasbo guddiyada maareynta doorashada ee lagu muransan yahay ee aan buuxin shuruudihii lagu heshiiyey waxay wiiqeysaa sharcinimada hanaanka doorashada waxayna abuureysaa xasillooni darro.

Sidaa darteed, waxaan mar kale ku celinaynaa baaqii aan u jeedineyno madaxda Dowladda Federaalka iyo DXF inay si deg deg ah dib u kulmaan ayna la xiriiraan saamilleyda kale si loo xalliyo tabashooyinka ku saabsan maareynta geedi socodka doorashooyinka iyadoo lagu xallinayo isafgarad wadar ogol ku dhisan si ay dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda, daah furnaan, oo kalsooni lagu qabo oo oo ay wada aqbalaan dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka. Si taas loo gaaro, waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ah inuu isugu yeero kulan ay madaxdu isugu yimaadaan magaalada Muqdisho ka dib booqashooyinka uu hadda ku marayo Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka.

Waxaan diyaar u nahay inaan taageero siino guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleedba marka wadahadalka lagu xallinayo khilaafka ka taagan xubnaha ay ka kooban yihiin si guul leh lagu soo gabagabeeyo. Daahfurnaan iyo niyad sami oo lagu hirgeliyo geeddi-socodka doorashooyinka sida ku xusan xeerarka lagu heshiiyay ayaa sido kale muhiim noqon doona.

Waxaan sidoo kale carrabka ku adkeyneynaa in kulammada joogtada ah ee madaxda Federaalka iyo kuwa DXF inta lagu gudajiro howlaha doorashada iyo sii wadida dareenka niyad samida ah ee Dhuusomareeb ee isu tanaasulka ah ay gacan ka geysan doonto in howlaha doorashada ay ku sii socdaan wadada saxda ah. In kulamada noocan ah ee madaxda laga dhigo kuwo habaysan waxay gacan ka geysan doontaa ka hortaga dib u soo noqoshada ismariwaaga siyaasadeed ee daba dheeraaday. Si taas loo gaaro waxaan ku boorinaynaa dhinacyada inay xusuustaan ballanqaadyadii lagu sameeyay Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee hoos imanaya Xayndaabka Isla-xisaabtanka Labada Dinac ee 2021 ee lagu ballanqaaday hannaan doorasho oo nabadgelyo ah oo ku saleysan wadahadalka hadda socda, iyo in la dejiyo qaab wadahadal laga yeesho geeddi-socodkan oo kulma ugu yaraan hal mar bil kasta.

Toddobaadyada soo socda, waxaan ku hanweynahay inaan la shaqeyno Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah si loo hormariyo go’aannada kale ee muhiimka ah ee ka soo baxay Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee u baahan dabagal degdeg ah. Kuwaas waxaa ka mid ah ilaalinta guulaha laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka doorashada ka hor, wadatashiyo laga yeesho dejinta qorshe hawleedka tubta doorashooyinka 2024/25, saxiixidda hindise sharciyeedka hanti-dhawrka, dhammaystirka Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, iyo u diyaar-garowga shirweynaha dhisidda ciidamada ee la qorsheeyay in la qabto bisha Janaayo 2021.

Inta lagu gudajiro muddadaas, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyayaasha inay ka waantoobaan hadal kasta ama fal kasta oo abuuri kara xiisado ama hurinta rabshado.

*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Sweden, Switzerland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Musharaxiinta oo war culus kasoo saaray shacabkii lagu rasaaseeyey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Golaha Midowga Musharaxiinta mucaaridka ayaa war-murtiyeed kulul kasoo saaray rasaastii ay dowladda federaalka Soomaaliya maanta ku fureen dadweynihii banaan-baxa ka dhigayey qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Golaha ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi oo ku tilmaamay mid arxan daro ah oo ay ciidamada dowladda federaalka ay ugu fureen shacabka Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu banaan-baxayay caasimada.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa rasaastii ay ciidanka dowladda Federaalka ahi sida arxan darrida ah ugu fureen shacabka Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu mudaharaadayey magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Golahu wuxuu mas’uuliyada eeddaas dusha kas saarayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah Maxamada Cabdullaahi Farmaajo oo ciidanka Gorgor, iyo Haramcad ee ay dowladda Turkiga tababrtay u adeegsaday caburinta shacabka mudaaharadaayey.”

Musharaxiinta mucaaridka ayaa falkaasi ku eedeeyay inuu ka dambeeyo madaxweyne Farmaajo, maadama banaan-baxaasi looga soo horjeeday madaxweynaha, oo xiligan dib iskugu soo taagay doorashada soo socota.

Qoraalka ayaa waxa lagu sheegay in rasaastii ay fureen ciidanka ay ku dhaawacmeen ilaa afar ruux, halka la xiray labo ruux oo kale, iyaga oo xusay in taliska ciidanka nabad-sugida iyo booliska gobolka Banaadir uu ku raad-joogo dadkii banaan-baxaasi ka qeyb-galay, sida lagu sheegay qoraalka.

Waxay si wada-jir ah u codsadeen musharaxiinta mucaaridka in si deg-deg ah loo sii daayo dadka loo xiray banaan-baxii maanta, isla markaana la joojiyo wax ay ku sheegen “baacsiga lagu hayo dadkii dibad-baxa ka qeyb-galay”.

“Goluhu wuxuu uga digayaa ciidanka inay qaataan amarka lagu xabadaynayo shacabka walaalahood iyo waalidoontood ah, waana in ay xusuusnaadaan in muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo ay ka harsan tahay oo keli ah 54-maalin”.

Musharaxiinta mucaaridka ayaa sidoo kale waxay shacabka ugu baaqeen inay sii wadaan banaan-baxyada ka dhanka ah xukuumadda uu majaraha u hayo Farmaajo, iyagoona balan-qaaday inay qeyb ka noqon doonaan dibad-baxyada soo socda.

Ugu dambeyntiina waxa qoraalka lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu diidan yahay in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana la dhigo dibad-baxyo iyo kulamo nabadeed, taasi oo ay sheegen inay ka hor imaneyso dastuurka dalka iyo qiyamka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.

Uhuru iyo Muuse Biixi oo heshiis gaaray iyo Kenya oo ogolaatay qodobo xasaasi ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliland, Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa war-murtiyeed ka kooban 10 qodob kasoo saaray wada-hadallo ay ku yeesheen magaalada Nairobi kadib markii Kenya ay casuumad rasmi ah u fidisay madaxweynaha Somaliland.

War-murtiyeedka wadajirka ah ayey labada madaxweyne ku sheegeen inay dib u xaiiqjinayaan sida xooggan oo ay uga go’an tahay inay sii dheereeyaan xiriirka saaxiibtinimo ee Kenya iyo Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu yiri “labada madaxweyne waxay xuseen, ayaga oo aad ah ugu qanacsan, in iskaashiga ka dhexeeya Kenya iyo Somaliland uu salka ku hayo mabaadi’ iyo qayim ay wadaagaan oo ujeedkoodu yahay kobcinta nabad waarta, xasillooni, koritaan joogto ah, iyo barwaaqo wadaag ah. Ayada oo ay quseyso arrintan, waxay ballanqaadeen inay xoojiyaan, oo ay sii dheereeyaan iskaashiga u dhexeeya Kenya iyo Somaliland.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray, in labada hoggaamiye ay wada hadalladooda diiradda ku saareen ballaarinta xiriirka ganacsi, sare u qaadaista wada-shaqeynta xagga duulimaadyada, oo ay ku jirto ogolaanta duuliimaadyo toos ah oo u dhaxeeya Nairobi iyo Hargeysa, iyo ka wada-shaqeynta horumarinta beeraha, xoolaha, waxbarashada, tamarta iyo iskaashiga dekedaha Berbera iyo Mombasa.

Labada madaxweyne ayaa isku raacay jadwal ay ku fulinayaan qodobo dhowr ah oo ay ku heshiiyeen, waxaana ugu weyn, in Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ka hor dhammaadka bisha March ee 2021, ayada oo Somaliland-a ay casriyeyneyso xafiiskeeda xiriirka ee Nairobi, isla waqtigaas.

Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa billaabeysa duulimaadyada tooska ah ee Hargeysa iyo Nairobi, ka hor bisha March ee 2021, sida ay ku heshiiyeen.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale ogolaatay in saraakiisha sare ee Somaliland oo ku jira liis horey loo go’aamiyey, islamarkaana dokumentiyada safarka ee Somaliland ugu safraya Kenya ay Visa-ha ku codsan karaan online, islamarkaana garoonka lagu siinayo marka ay yimaadaan, taasi oo fulinteeda ay billaabaneyso kahor bisha March 2021.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale xaqiijiyey inay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta amniga iyo xasilloonida gobolka, si ay taasi ugu ogolaato shacabka inay raadsadaan horumarka dhaqaalaha bulshada iyo xasilloonida.

“Ayada oo ay quseyso arrintan, labada hoggaamiye waxay isla qireen in Somaliland ay sanado badan aheyd nabad iyo xasillooni, taasi oo ku timid sida ay uga go’an tahay mabaadi’ida dimoqraadiga ah iyo aasaasidda hay’ado dowladeed oo adag. Kenya iyo Somaliland waxay sii wadi doonaan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta nabadda iyo xasilloonida, iyo raadinta barwaaqo wadaag ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sidoo kale sheegeen in saraakiil sare oo ka kala tirsan labada dowladood ay u xil-saareen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hab loo hormarin karo heshiiska guud ee iskaashiga qodobo ay ka mid yihiin xiriirka labada shacab, ganacsiga iyo maal-gelinta, la-dagaalanka argagixisada iyo dambiyada dhinaca internet-ka, waxbarshada, iyo qodobo kale.

VOA


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60