24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Booliska Australia oo toogtay wiil Soomaali ah + Sababta

0

Canberra (Caasimada Online) – Booliska gobolka Queensland ee dalka Australia ayaa maanta aroortii hore bartamaha magaalada Brisbane ku toogtay wiil Soomaali oo da’diisa lagu sheegay inuu ahaa 22-jir.

Raage Maxamed Caabi, oo ah wiilka ay dileen booliska gobolka Queesland ayaa hore u wajahayey dacwado aan cadeymo buuxa loo helin, sida uu sheegay aabaha dhalay wiilkaas oo wareysi siiyey idaacada VOA-da laanteeda Af-Soomaaliga.

Booliska toogtay ayaa qiil uga dhigtay falkaasi inuu Raage halis geliyay naftooda, kadib markii ay sheegen in uu midi ku hubeysnaa xiliga ay tooganayeen askartu.

Aabaha dhalay Raage ayaa sheegay in wiilkiisa uu hore cadaadis xoogan kala kulmi jiray ciidamada booliska, kuwaasi oo sanad hore maxkamad ugu soo taagay eedeymo xagjirnimo oo aan markhaatiyaal ku filan loo helin.

“Markay booliska istaajiyeen dib ayuu uga durkay, si uusan ugu muuqan Nin iyaga la dagaalamaya, balse iyaga ayaa ku durkay oo xoog ku muquuniyay kadibna waxa dhacday toogashada,” ayuu yiri Aabaha dhalay wiilka oo ka waramaya sidey wax u dhaceen.

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray sheegashada booliska ee u horseeday inay dilaan wiilkiisa, oo aheyd in toogashadu timid kadib markii uu weerar mindi ah ku qaaday Raage Maxamed.

Booliska Australia ayaa hore u xiray wiilkan maanta la toogtay, kaasi oo lagu soo eedeyay inuu qorsheynayay inuu ku biiro kooxaha argagixisada, isla markaana uu u safro dalka Soomaaliya si uu qeyb uga noqdo dagaal-yahanada Al-Shabaab.

“Madaxweynow dalka waa timid, waad uga dartay ee ha uga sii darin” + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online)Wasiirkii hore ee warfaafinta, Daahir Maxamuud Geelle oo haatan ah musharax madaxweyne oo kamid ah midowga musharaxiinta mucaaridka ayaa si adag uga hadlay ciidamo ay dowladda ku daadisay aaga mucaaridka iyo jidadka magaalada Muqdisho.

Musharax Daahir ayaa  eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu sheegay in dowladiisu ay caburisay shacabka, iyada oo beegsi gaar ahna ku haysa siyaasiyiinta mucaaradka.

Waxa uu xusay in ujeedka ka dambeeya in dowladda Farmaajo ay waddooyinka xirto tahay sidii dalka ay dalka uga abuuri laheyd qalaalase siyaasadeed iyo degenaansho la’aan, sida uu hadalka u dhiagy

“Magaalada Muqdisho waxa ku cusub dhacdo aad u qalafsan oo waa arrin dowladda Soomaaliya ciidamo jidad ku goyso, iyada oo arrinkaasi uga jeeda qal-qal siyaasadeed iyo daganaansho la’aan ka abuurto dadka nolosha lagu sii dhibay,” ayuu yiri.

“Madaxweynow dalka waad timid, waad uga dartay ee ha uga sii darin markale,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle oo xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Madaxweyne ma dhihi doontid maalin-kaad xilka ka dagi doontid dalka qalalaaso siyaasadeed kama jiraan, mid amni kama jiro, mucaarado siyaasaded oo dalka igula noolaan waayay oo dibadda jiro ma ay jirto”.

Ugu dambeyntiina waxa uu Taliyeyaasha ciidanka ugu baaqay inaysan u hogaansamin amar kasta oo ka dhan ah xuquuqda shacabka, isagoo carabka ku adkeeyay in “xuquuqda muwaadiniinka oo lagu xad-gudbo ay ka mudan tahay xuquuqda madaxweynaha oo lagu xad-gudbo”.

“Amarka qaldan lama fuliyo ayaan leeyahay taliyeyaasha ciidamada, ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Daahir Maxamuud Geelle wuxuu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay u soo samreen dhibaatooyin kala duwan iyo in la helo dowladnimo.

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyada oo lagu soo daadiyey isgoysyada muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda Askar ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Si kastaba, xaaladda Muqdisho ayaa ahed maanta mid kacsan, iyada oo maalin ka hor ay ka dhaceen dibad-baxyo rabshada watay oo sababay dhimasho & dhaawac, waxaana jira dhaq-dhaqaaqyo is-diidan oo dhinacyada dowladda iyo mucaaridka.

Musharaxiinta mucaaradka oo digniin soo saaray, kadib ciidamo la dul-dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha midowga musharraxiinta ee u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ayaa ka hadlay ciidamo saaka la dul-dhigay qaar ka mid ah guryaha ay dagan yihiin musharraxiinta ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Qoraalka ka soo baxay musharraxiinta mucaaradka ayaa marka hore lagu cambaareeyey tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya iyo in waddooyinka laga xiro shacabka.

Sidoo kale musharraxiinta ayaa uga digay madaxweynaha Soomaaliya inuu ka waan-toobo daan-daasi ay sheegeen inuu ku hayo siyaasiyiinta mucaaradka.

Musharraxiinta ayaa markale ka digay in ciidamada ammaanka dalka loo adeegsado u jeedooyin siyaasadeed oo laga leeyahay dano gaar ah, iyaga oo ugu baaqay ciidamada in aan sidoo kale loo adeegsan caburinta iyo dhibaateynta dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn golaha musharraxiinta ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyad darro kasta oo ka timaada daan-daansigan uu qaadayo madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, xilli saaka ciidamo dheeraad ah la soo dhoobay waddooyinka qaar, gaar ahaan xaafadaha ay dagan yihiin inta badan musharraxiinta, sida Laami yaraha Zoobe, wadada Ceel Qalaw, Macruuf, Soomaali Airline iyo sidoo kale jid-cade walba ee ka soo bilowda oo dhaca dhanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

 

 

Ciidamo lagu hareereeyey xaafadaha musharaxiinta iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saaka lagu arkay ciidamo dheeraad ah oo la soo dhoobay waddooyinka qaar, gaar ahaan xaafadaha ay dagan yihiin inta badan musharraxiinta xilka madaxweynaha ee 2021-ka.

Ciidamadan ayaa lagu soo warramayaa inay isku hareereeyeen xaafadaha u dhow Hotel Jaziira oo saldhig u ah hoggaamiyeesha mucaaradka dalka.

Meelaha lagu arkay ciidamadaas oo ah kuwa Haramcad ayaa waxaa ka mid ah Laami yaraha Zoobe, wadada Ceel Qalaw, Macruuf, Soomaali Airline iyo sidoo kale jid-cade walba ee ka soo bilowda oo dhaca dhanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Xaafadahaasi waxaa intooda badan degan musharraxiinta, sida madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mudane Xasan Cali Khayre iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Dhinaca kale xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah golaha shacabka ayaa si adag uga hadlay arrintaasi iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee maanta laga dareemayo M/Muqdisho.

Mahad Salaad ayaa hoosta ka xariiqay inuu ciidankaas u diray guryaha musharraxiinta madaweyne Farmaajo, islamarkaana uu isagu qaadi doono mas’uuliyaddeeda.

“Ciidamada Farmaajo saakay u diray guryaha musharaxiinta cawaaqib xumada ka dhalata mas’uuliyadeeda isaga ayaa qaadi doona,”ayuu yiri Mahad Salaad.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa sababta ku sheegay in la doonayo in laga hortago xuska 17-ka December oo ah markii uu dhacay wararkii lagu qaaday xarunta Xisbiga Wadajir, sanadkii 2017-kii, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa sanadkii labaad oo shacabka Muqdisho waddooyinka laga xiro, iyadoo laga hortegayo xuska 17 December. Waxaa ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in xuska lagu qabanayo, wadda kastana waa la xiray,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli inta badan musharraxiinta mucaaradka ay ku sii jeedaan magaalada Nairobi oo ay shir kula yeelan doonaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka.

CC Shakuur oo arrin kale la xiriiriyey xirnaanshaha waddooyinka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadlay xirnaashaha jidadka Muqdisho oo ay saaka ku soo waabariisteen shacabka ku dhaqan caasimada, kadib markii lagu soo daadiyey ciidamo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay inay tahay sanadkii labaad oo la xirayo jidadka, iyada oo laga hortegayo xuska 17-kii December oo ah markii uu dhacay wararkii lagu qaaday xarunta Xisbiga Wadajir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamo badan la dhigay goob-kasta oo lagu tuhmayo in lagu qabanayo barooq-diiqda dadkii lagu dilay weerarkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa sanadkii labaad oo shacabka Muqdisho waddooyinka laga xiro, iyadoo laga hortegayo xuska 17 December. Waxaa ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in xuska lagu qabanayo, wadda kastana waa la xiray,” ayuu yiri C C Shakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Madaxweyne Farmaajo isaga ayaa amray xasuuqa, islamarkaana diiddan xusuusta iyo baroordiiqda. Xusku wuu dhacayaa ee Madaxweyne shacabka waddooyinka u fur,”

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta loo xiray waddooyinka ay tahay in maanta la qabanayo dibad-bax lagu taageerayo dowladda, sidoo kalena laga cabsi qabo inuu dhaco mid kale oo looga soo horjeedo madaxweynaha & dowladdiisa.

Si kastaba ha’ahaatee Muqdisho ayaa wajaheysa xaalad adag iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Xog: Ciidan badan oo soo galay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa magaalada Muqdisho soo galay boqolaal askari, kuwaas oo ka yimid degaano ku yaalla gobalka Shabeellada Dhexe iyo xaafado ka mid ah Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidankaan ay habeenadii la soo dhaafay soo galayeen Muqdisho waxayna dagaan ilaa 3 fariisin oo ku yaalla waqooyiga Muqdisho.

Maleeshiyada soo galay Muqdisho oo aad u hubeysan ayaa la sheegay in ay wataan gaadiidka dagaalka iyo hub culus iyo mid fududba ilaa haddana lama oga cidda ay sida rasmiga ah uga amar qaataan.

Qaar ka mid ah ciidanka oo illaa tobaneeyo gaaraya ayaa Talaadadii lagu arkay dibad-baxyadii ka dhacay Muqdisho ee dowladda looga soo horjeeday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay ku yimaadeen dalab dhanka mucaaradka ah, islamarkaana la sheegay in ay lagu ilaalin doono dhaq dhaqaaqyo ay maalmahaan Muqdisho ka billaabi doonaan Mucaaradka, kuwaas oo sheegay in ay u cabsadeen ammaankooda.

Mucaaradka ayaa horey Jeneral Indha-Cadde iyo Jeneral Koronto ugu magacaabay inay sugaan amnigooda, mana cadda haddii ciidankan ay qeyb ka yihiin arrintaas.

Magaalada Muqdisho ayaa u muuqato in ay lugaha sii galeyso colaad iyo isku dhacyo, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladda ay intaan ka sii adkaato, haddii aan xal deg deg ah laga gaarin qabashada doorashada.

Maxay tahay sababta maanta loo xiray jidadka Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Askar ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu soo daadiyey isgoysyada muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Sidoo kale ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa baabuurta dadweynaha, kuwa gaarka loo leeyahay iyo mootooyinka ka celinayo waddooyinkaasi.

Dadweynaha ayaa sidoo kale maalaya caagahooda, si ay u gaaraan goobaha ay rabaan, iyada oo xirnaashaha jidadkaan ay si weyn u saameysay dadka dhacabka ah.

Wararka ayaa sheegaya in sababta loo xiray waddooyinkaasi ay tahay qabashada dibad-bax lagu taageerayo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kaas oo mar dambe la hakiyey iyo sidoo kale mid kale oo lacag cabsi qabo inay dhankooda dhigaan xubnaha mucaaradka.

Si kastaba xaaladda Muqdisho ayaa ah mid kacsan, iyada oo maalin ka hor ay ka dhaceen dibad-baxyo rabshada watay oo sababay dhimasho & dhaawac.

Masar oo DF Soomaaliya ka dalbatay saldhiga militari oo laga dhisayo Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa dooneysa inay dib u hagaajiso xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya, si ay saldhig militari uga sameysato dalka, islamarkaana uga hortagto saameynta Turkiga ee Soomaaliya, waxaa sidaas weriyey wargeyska Al-Monitor.

Wafdi ka socda dowladda Masar, oo uu hoggaaminayey kaaliyaha wasiirka arrimaha dibedda Masar ee arrimaha Afrika Sherif Issa ayaa 6-dii December soo gaaray Muqdisho, oo ay kula kulmeen wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirizaaq.

Mukhtar Ghobashy, oo ah ku-xigeenka madaxa Xarunta Carbeed ee Daraaasaadka Siyaasadda, ayaa wargeyska Al-Monitor u sheegay in Masar ay aad uga walaacsan tahay saameynta iyo ku dhex-milanka Turkey ee Soomaaliya.

“Nasiib darro, sanadihii dhowaa, dalal Turkiga uu ka mid yahay ayaa awood u yeeshay inay ku dhex-milmaan Soomaaliya, ayaga oo siinaya gargaar, taasi oo u suurta-gelisay inay saldhig militari ka dhistaan Muqdisho, 2017-kii. Taas darteed, Masar waxaa qasab u ah inay hagaajiso xiriirkeeda Soomaaliya, si ay taas miisaan ugu hesho,” ayuu yiri Mukhtar Ghobashy.

Ghobashy ayaa sheegay in wafdiga Masar laga yaabo inay intii lagu guda jiray safarkooda Muqdisho ay kala hadleen dowladda federaalka in Qaahira ay saldhig militari ka sameysato Muqdisho.

Ma cadda waxa ay dowladda ka yeeli doonto arrintaas, hase yeeshee dalalka Turkey iyo Qatar oo saameyn xooggan ku leh dowladda federaalka ayaa la rumeysan yahay inaysan sinnaba u ogolaan doonin saldhig ay Masar ka sameysato Muqdisho.

Odayaal ka socda shacabka Muqdisho oo ‘ku fashilmay inay la kulmaan’ Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabaddoon Cabdiraxmaan Maxamuud Cilmi Dacay oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu qaabili diiday qaar kamid ah waxgaradka Muqdisho, si ay ugala hadlaan muranka doorashada iyo xiisada ka taagan Muqdisho.

Nabadoon Dacay ayaa sheegay in ay hore usoo arkeen mucaaradka islamarkaana ay kala hadleen xaaladda dalka, balse ay ku guul dareysteen in ay la kulmaan Madaxweyne Farmaajo si ay kala hadlaan xaaladda dalka.

“Mucaaradka waan la kulanay laakiin madaxweynaha waan heli weynay muddo dheerna waan raadinay waxaa noo soo baxday in uusan rabin in lala kulmo,” ayuu yiri Nabadoon Dacay oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta madaxweynaha u diiday kulankan. Xubno ka tirsan Villa Somalia oo ka hadlay Caasimada Online ayaa ku gaabsaday “Madaxweynaha ma qaabili karo qof kasta oo kulan soo codsada.”

Magaalada ayaa shalay waxaa ka dhacay dibad-baxyo ay dhigeen qaar ka mid ah shacabka magaalada oo looga soo horjeeday madaxweynaha, halkaasi oo ciidanka ay ku rasaaseeyeen shacabka.

Cabsi weyn ayaa ka jirta Muqdisho waxaana la sheegayaa in ay shacabka wajahayaan xaalad baqdin ah. Ma jirto wax dadaal ah oo socda kuna saabsan sidii xal loogu heli lahaa arrimaha ka taagan dalka ee ka dhashay doorashada Soomaaliya.

Ma laga yaabaa in DF ay amarto in ciidamada Kenya ay ka baxaan Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan xiriirka diblumaasiyadeed ay ugu jartay Kenya, kaasoo sidoo kale ku amray diblumaasiyiinta Kenya kaga sugan Soomaaliya inay todoboo maalmood gudahood dalka ugu baxaan, kuwa Soomaaliyeedna ee ku sugan Kenya inay dalkooda kusoo laabtaan mudo shan maalmood ah.

Go’aankaan ay gaartay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in la qaatay iyada oo dowladda ay ka duuleyso, gudaneysana waajibaadka madaxbannaanideeda qarannimo, xeerka iyo qaanuunka caalamiga ah, ee dastuuriga ah ee ilaalinta midnimada, qaranimada iyo xasilloonida dalka.

Hase ahaatee, waxaa dad badan is-weydiinayaan sababta go’aankaan deg dega ah ee xilliga kala guurka ah kusoo beegay iyadoo Soomaaliya fooda u saaran tahay xiliga doorashooyinka iyo waqtiga kala guurka.

Dad badan ayaa go’aanka dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya shaki badan ka muujiyay, iyadoo la og-yahay in madaxdweynaha xiligaan ololahiisii doorasho ay kasoo billowdeen magaalada Nairobi iyo sababta xiligaan caddow ugu tilmaamo, taas cagsigeedana uu xiligaas Itoobiya u arkay caddow, hadase ah walaalka iyo saaxiibka Soomaaliya ee koowaad.

Marka sharci ahaan la eego, side u muuqataa dal ciidamadiisa ku sugan yihiin gudaha dalka uu xiriirka u jaray, iyadoo la og yahay in Kenya la nooshahay dallada Amisom.

Ciidamada Kenya waxay ku joogaan mas’uuliyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa, saas darteedna Farmaajo ma hubna inuu awoodi karo inuu soo jeediyo tallaabo kasta ee ciidanka Kenya looga saari karo Somalia.

Kenya iyo Somalia waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer iyo xad beenaad dhiriirkiisa lagu sheego 800km ayaa haddana dhinaca kale waxay labada dhinac wadaagaan is-dhex gal aan caadi aheyn ee dhinac walbo leh.

Ganaciga iyo xiriirka bulsho ayaa waxay yihiin kuwo aan looga maarmi karin xiriirka labada dal.

Inkastoo la og yahay cilaaqaadka Kenya ay la leedahay dhowr dal oo Somalia kale ah sida Tanzania iyo Ugandha ayaa Kenya waxay xumeysaa isdhex-galka ay dalalkaasi la leedahay.

Waa la hubaa Farmaajo inuu kaga faa’iideysanayo xiriirka go’ay arrimo shaqsi ah, xiriirna la leh dib u doorashadiisa. Danta madaxweeynaha waxay gashay danaha xiriirka caalamiga ah iyo mabaa’diida siyaasadda qaranka.

Bal eeg arrimaha ay ahayed in madaxweynaha xoogga saaro ee laga gaabiyey.

1- Mas’uuliyadiisa koowaad waxay aheyd in uu Somalia ka dhigo dal nabad ah, lagana tirtiro argagixisada caalamiga.

2- In la dhameystiro dastuurkii qaranka, lana abaabulo afti qaran ee lagu ansixinaayo hirgelinta dastuurka.

3- In dalku yeesho axsaab siyaasadeed ee leh ujeedooyin qaran, kana madaxbanaan qabyaalada ee firqooyinka diiniga ah iyo goboleysiga, iyadoo dalkana laga hirgelinaayo doorashooyin siyaasadeed oo ku dhisan xur ah, xalaalna ah.

4- In la sameeyo maxkamaddihii dastuuriga iyo golaha adeega garsoorka qaranka.

5- In culeys la saaro wada hadalka Somaliland si xal looga gaaro midnimada iyo wada jirka qaranka.

6- In la qeexo aayaha siyaasaddaha qaranka, ma federaal baa mise waa awoodo kale, lagana gudbo habka awood qeybsiga qabiilka ku dhisan.

Arrimahaasi kor kusoo sheegnay Farmaajo hal qodob oo uu ka qabtay ma jiro, waxayna caddeynaysaa inuu ku fashilmay mas’uuliyadii qaranka ee loo igmaday.

Cali Muhiyaddiin Cali – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

R/W Rooble oo $200,000 u ballan qaaday Cabudwaaq

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo caawa ku sugan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddu ay dhisi doonto garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Caabudwaaq ka sheegay in $200,000 (Labo boqol oo kun oo Dollar) ay xukuumaddu ku bixineyso dhismaha wajiga labaad ee garoonka diyaaradaha magaalada Caabudwaaq.

Bulshada reer Caabudwaaq ayaa horay si isxilqaan ah ugu dhistay 3-KM oo qeyb ka ah garoonka diyaaradaha magaalada ee hadda loo balan qaaday in lasii ballaarinayo.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo galabta booqday garoonka diyaaradaha Caabudwaaq ayaa ku amaanay bulshada reer Caabudwaaq dadaalka ay ku dhisteen wajiga koowaad ee garoonka magaalada.

“Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ballan qaaday in dowladdu kaalin hormuud ah ka qaadan doonto dhismaha garoonkan oo muhiimmad gaar ah u yeelanaya Caabudwaaq, Galmudug iyo Guud ahaan dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Caabudwaaq, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda faraca Jaamacadda iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug.

Maxaa ka jira warka Kenya kasoo yeeray ee ah in DF ay ciidan dhoobtay xuduudda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo, Cabdirashiid Cabdi Xasan “Caroog” ayaa markii u horeysay ka hadlay in ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya la geeyay xadka u dhow magaalada Mandheera, xili ay dowladda federaalka xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Kenya.

Guddoomiye Caroog ayaa sheegay in uusan jirin dhaq-dhaqaaq cusub oo ciidamada dowladda ka bilaabeen xadka, isagoona xusay in xaalka gobolka uu dagan yahay, isla markaana aan laga dareemeyn xiisada labada dhinac.

“Gobolku wuu daggan yahay, wuu xasilloon yahay, wax dhaqdhaqaaq ah oo ka jira ma laha, dadku way nabad qabaan, wax aan kuleyl iyo abaaro ahayn oo hadda laga cabanayana ma jiraan. Magaalada Beledxaawo amni ahaan way daggan tahay, ganacsigu wuu kala socdaa, wax xiisad ah oo la dareemayana ma jirto gabi ahaanba,” ayuu yiri Guddoomiye Caroog oo la hadlay BBC-da.

Sidoo kale waxa uu beeniyay in ciidamo dheeriya la geeyay xadka, sida ay shalay ku warameen qaar kamid ah warbaahinta Kenya oo sheegtay in xadka u dhow Mandheera ay dowladda federaalku geysay ciidamo dheeriya oo millateri ah.

“Ciidamada horay ayey u joogeen, waxayna wateen waajibaad qaran oo laga sugayo, laakiin wax hadda cusub iyo dhaqdhaqaaq milatari ma jiro. Ciidamada hadda halkan jooga aad bay ugu filan yihiin khatar kasta oo dibadda uga timaada.”

Tan iyo shalay waxa aad loo hadal hayey arrintaasi oo ay shaaciyeen qaar kamid ah warbaahinta Kenya, oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan dowladdooda, hase yeeshe uu waxba kama jiraan ku tilmaamay guddoomiye Caroog, xili aysan ka hadlin saraakiisha taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Xiisada Soomaaliya iyo Kenya ayaa kasii dartay, kadib markii ay dowladda federaalka sheegtay inay xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Kenya, maadama ay ku doodeyso inay faro-gelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha dalka.

DF oo amar cusub kusoo rogtay diblomaasiyiinta ka jooga magaalada Nairobi

0

Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhaw ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray diblomaasiyiinta dowladda Soomaaliya ka jooga Nairobi inay muddo 5 cisho gudahood ah dalka dib ugu soo laabtaan.

Wasaaradda ayaa amarkaan cusub ku sababeysay inuu adkeyn u yahay keedii hore ee todobada cisho loogu qabtay diblomaasiyiinta Soomaaliya ka jooga dowladda Kenya, kuwaas oo haatan mudadii loo qabtay ay u harsantahay shan maalmood.

“Dhamaan diblomaasiyiinta, u qeybsanayaasha, iyo shaqaalaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee ka howlgala safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaa lagu war-gelinayaa inay mudo shan maalmood gudahood ah ku soo galaan gudaha dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Maadaama dowladda Soomaaliya ay ku amartay diblomaasiyiinta inay dalka uga baxaan todoba maalmood, isla markaana ay waajib tahay in diblomaasiyiinta Soomaalida ah ay iyaguna mudadaas ku soo galaan gudaha dalka.”

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda waxuu ku soo aadayaa iyadoo qoraal maanta ka soo baxay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi lagu yiri, “Iyadoo la fulinayo go’aanka dowladda, waxaa la hakiyay dhammaan adeegyadii safaaraddu bixinaysay, qof kasta oo baasaboor dalbaday ama sugayay waxaan ogaysiinaynaa in uu soo doonto ugu dambeyn maalinta Khamiista ah.”

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay ku heyso faro-gelin arrimaha gudaha ah, waxayna gabi ahaanba jartay xiriirkii ka dhaxeeyay labada dal, balse 20-ka bishan ayaa lagu balansanyahay in madaxda urur goboleedka IGAD ay labada dal ku dhexdhaxaadiyaan shir ka dhacaya dalka Jabuuti.

Midowga musharaxiinta oo si kulul u naqdiyey tallaabo uu qaaday safiirka Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ay ku midoobeen inta badan musharaxiinta mucaaridka ah ayaa maanta qoraal kasoo baxay waxa si weyn ugu cambaareeyeen Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz, kadib markii uu taageero u muujiyey guddiyada doorashooyinka ee lagu muransan-yahay.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay ka xun-yihiin taageerada iyo bogaadinta uu Safiirka Turkiga u muujiyey guddigaas, kaasi oo ay ku tilmaameen guddi aan sharci aheyn oo ay iska magacaabatay dowladda.

“Waxaa is burinaya bogaadinta Safiirka Turkiga ee guddiga sharci darada ah iyo inay dowladdiisu qeyb ka tahay war-murtiyeedkii beesha caalamka ee soo baxay 15/12/2020 kaasi oo tibaaxaya in Guddiga uu yahay mid dhinac ah, isla markaana aan buuxnin shruudihii lagu heshiiyey,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Turkiga ayaa qeyb ka aheyd qoraal ay si wada-jir ah usoo saareen beesha caalamka oo walaac xoogan looga muujiyey hanaanka doorashooyinka dalka, iyagoona saamileyda siyaasada ugu baaqay inay si deg-deg ah ugu kulmaan, si loo xaliyo tabashooyinka ka taagan doorashada.

“Waxaan diyaar u nahay inaan taageero siino guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleedba marka wadahadalka lagu xallinayo khilaafka ka taagan xubnaha ay ka kooban yihiin si guul leh lagu soo gabagabeeyo,” ayaa lagu yiri qoraal ay si wada-jir ah usoo saareen dalalka beesha caalamka oo uu qeyb ka ahaa Turkiga.

Musharaxiinta ayaa ugu baaqay dowladda Turkiga inay wax ka qabato tallaabada uu ku dhaqaaqay Safiirkooda Soomaaliya, isla markaana ay dhex-dhexaad ka noqoto arrimaha doorashada iyaga oo kala xigsaneyn madaxweyne Farmaajo iyo musharaxiinta kale ee loolanku kala dhaxeeyo.

Ugu dambeyntiina waxa uu Goluhu uga mahad-celiyay taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiga ee walaalaha nahay ay mar walba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalka Musharaxiinta ayaa imanaya xili ay walaac xoogan ka qabaan in madaxweyne Farmaajo uu sameeyo wax ay ugu yeeren “boob iyo ku shubasho doorasho”, isaga oo adeegsanaya awooda dowladda iyo qaar kamid ah saaxiibadiisa caalamka.

Doorashada Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa hareeyay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya dowladda federaalka, musharaxiinta mucaaridka iyo qaar kamid ah madaxda maamulada dalka, kaasi oo la fahamsan yahay inuu meesha ka saarayo doorasho xiligeed ku qabsoomta.

Hoos ka aqriso qoraalka

Safaarada Somalia ee Kenya oo war cusub soo saartay, farriina u dirtay Soomaalida

0

Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa isu diyaarineysa in albaabada loo xiro gebi ahaanba, waxeyna joojisay dhammaan adeegyadii ay u heysay dadka Soomaaliyeed ee dalkaas dariska ah ku sugan.

Xafiiska wuxuu soo saaray qoraal uu dadka ku ogeysiinayo iney fulinayaan go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya, kaas oo xiriirka diblomaasiyadeed ay ugu jartay Kenya, waxaana gabi ahaan la hakiyay hawlahii ay bulshada u heysay.

Dhamaan dadka Soomaaliyeed ee hawlaha looga hayay xafiiska safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa loo sheegay iney soo xaadiraan Khamiista si loogu wareejiyo documents-kooda.

“Iyadoo la fulinayo go’aanka dowladda, waxaa la hakiyay dhammaan adeegyadii safaaraddu bixinaysay, qof kasta oo baasaboor dalbaday ama sugayay waxaan ogaysiinaynaa in uu soo doonto ugu dambeyn maalinta Khamiista ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya.

Kenya waxaa ku nool Soomaali fara badan oo deegaan ka dhigay ama ganacsiyo ku leh, aad ayeyna u saameyn doontaa maadaama marin muhiim ah ay bulshada Soomaalida u aheyd halkaas.

Dadka Soomaalida ee ku nool Kenya ayaan heli doonin adeegyadii ay ka heli jireen xafiiska safaaradda Soomaalida ee dalkaas, lamana oga inta ay gaari karto saameynta ay dareemi doonaan shacabka halkaas ku nool.

Arinkaan wuxuu daba socdaa go’aankii ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jarta Kenya iyadoo ku eedeyneysa iney arrimaha siyaasadeed ee dalkaas ay soo faragaliyeen, gaar ahaan arrinta Jubbaland iyo sidoo kale taageerada musharaxiinta mucaaradka.

Shanta arrin ee uu khilaafka ugu weyn ka taagan yahay doorashada Soomaaliya

0

Kulankii beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho maalintii Isniinta ee 07/12/2020 waxaa culeyska ugu weyn lagu saaray hawlaha la xiriira doorashooyinka dadban ee lagu muransan yahay ee 2020.

Diblumaasiyiinta ka qeyb-gashay kulankaa waxay ku celceliyeen in la fuliyo heshiiskii ay madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu gaareen bishii Septmber 17, 2020. Sidoo kale, wakiilladii ka socday beesha caalamku waxay ku canaanteen madaxda iyo mucaaradka Soomaalida in doorashada dadban ay waqtigii loogu talagalay dhacdo, islamarkaasna mucaaradku aysan nidaamka ka bixin oo aysan nidaam kale samayn.

Runtii, waa ayaan darro weyn in iyadoo laga heshiiyey mabaadidii, haddana guddiyada garsooraya iyo hab-raacyada lagu hirgelinayo lagu kala tegay.

Maxaa la isku hayaa?

Dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyadu waxay saxiixeen heshiis ka kooban 15 qodob. Inta badan, qodobbada heshiisku waa waxyaalo mabaadi’ ah.

Tan ugu muhiimsan waa in la isla gartay in doorasho dadban oo la mid ah middii dhacday 2016 la aado. Waxa kaliya oo ay uga duwan tahay doorashadani tii kal hore waa in lagu heshiiyey in magaalo labaad lagu kordhiyo, ergada dooranaysa xildhibaan kastana la gaarsiiyo 101.

Haddaba, waxaa soo if-baxay shan qodob oo la isku-maandhaafsan yahay. Waxayna kala yihiin magacaabista guddiyada garsooraya doorashada, magaalada labaad, qoondada haweenka, nidaamka loo marayo doorashada xubnaha Soomaalilaand, iyo habka loo soo xulayo ergada dooranaysa xidhibaannada Aqalka Hoose.

Kow: Madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu waxay sameysteen hab-raacyo aan dhameystirneyn, islamarkaasna waxay isku dayeen inay hirgeliyaan heshiiska ay gaareen.

Waxay soo magacaabeen guddiyo doorasho iyo kuwa xallinta khilaafaadka doorashada. Madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu waxay soo magacaabeen shaqaalahooda, saaxiibadood iyo qaraabadooda. Waxayna ku sababeeyeen in madaxdii joogtay 2016 ay sidaas oo kale yeeleen. Sidaas darteedna ay iyagana u bannaan tahay inay taageerayaashoodu garsooraan doorashada dadban ee 2020.

Taasi waxay keentay in kalsoonida oo awalba yareyd ay sii dhimato. Mucaaradku waxay kaga jawaabeen inay iyaguna cirka ku sii shareeraan mushkilada. Waxay sameeyaan guddi u gaar ah, waxayna ku hanjabeen inay nidaamka oo idilba ka baxayaan oo ay samaynayaan mid kale oo barbar-socda kan dowladdu hoggaaminayso.

Labo: heshiiska doorashada dadban wuxuu dhigayaa in maamul-goboleed kasta uu laba magaalo ku qabto doorashada dadban. Madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu waxay hab-raacyada qabyada ah ku sheegeen in loo asteeyey inay magaaalooyinka labaad noqdaan Garbahaarreey, Baraawe, Beledweyne, Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Haddaba waxaa soo baxay duruufo siyaasi ah, kuwa ah amni iyo kuwa farsamo ah oo ku xeeran sidii doorashada loogu qaban lahaa magaalada labaad. Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ku dooday inuusan maamulin gobolka Gedo intiisa badan. Wuxuuna codsaday in lagu soo wareejiyo gobolka Gedo maamulkiisa inta aysan doorasho ku qaban. Sidoo kale, waxaa soo baxay warar aan la xaqiijin oo sheegaya in maamulka Jubbaland iyagoo kaashanaya ciidamada Kenya ee jooga gobolka ay doonayaan inay magaalada Ceelwaaq u wareejiyaan doorashada.

Dowladda dhexe waa diidday arrinkaas. Welina waa ay taagan tahay mushkiladdaasi. Dhanka kale, waxaa su’aal la galinayaa tabarta ay dowlad-goboleedyadu u leeyihiin inay ku qaban karaan doorasho magaalo labaad. Taa waxaa wehliya xaaladda siyaasadeed ee kacsan ee ka taagan magaalooyinkaas ka sokow, helitaanka dhaqaalaha iyo ciidanka amniga ee looga baahan yahay si magaalooyinkan loogu qabto doorasho.

Saddex: heshiiska doorashadu wuxuu siinayaa awoodda soo xulista ergada dooranaysa xidhibaanka odey-dhaqameedka, bulshada rayadka iyo dowlad-goboleedka. Dad badani waxay u fahmeen qodobkaan in madaxdu ay doonayaan inay ku boobaan doorashada.

Waxaa la is-weydiinayaa haddiiba uu qabiil leeyahay kursiga maxaa dowlad-goboleed uu siyaasi hoggaamiyo iyo bulsho rayad ka galay ergada? Taas waxaa dheer inay jiraan odoyaal-dhaqameed ay siyaasiyiintu sameeyeen iyo musuq-maasuq badan. Waxaa kale oo jira kuwa meel ugu xareysan madaxda.

Haddana sidaa oo ay tahay, doorashooyinkii dadbanaa sanadihii 2000, 2004, 2012 iyo 2016 waxaa awoodda soo magacaabista xildhibaanka ama soo xulista ergada la siiyey odey-dhaqameedka. Waxaase xaqiiqo ah in laga bartay doorashooyinkii dadbanaa ee 2016 iyo kuwii ka danbeeyey ee gobollada ka dhacay dhaqan xun oo uu qof musharrax ah qoranayo odey-dhaqameed, ergo uu isagu leeyahay, dabadeedna uu keensanyo malxiis la tartama.

Afar: heshiiska doorashada ee baarlamaanku ansixiyey wuxuu kaga hadlayaa doorashada xildhibaannada Soomaalilaand laba qodob. Labadaa qodob waxay sheegayaan in doorashadu ka dhacdo Muqdisho iyo in ergo wadajir ah ay doortaan xubnaha aqalka sare.

Heshiisku kama hadlayo sida guddiyada garsooraya doorashada Soomaaliland lagu soo xulayo. Ha yeeshee, waxaa jira qodobbo ku jira hab-raacyada ay dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu isku raaceen oo awoodda magacaabista guddiyada siinaya xukuumadda. Waxaa go’aanka ka horyimid siyaasiyiin u hoggaaminayo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxay siyaasiyiintani ku doodayaan waa in uu Cabdi Xaashi magacaabo guddiga maaddaaama uu isagu yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare. Waxaa sii fogeeyey arrinkan markii murashixiinta madaxnimada raadinaya ay ku baaqeen in teendhada Afisyooni lagu qabto doorashada xubnaha Soomaalilaand ee labada aqal.

Shan: Ugu danbeyntii, heshiiska doorashada dadban wuxuu qorayaa ilaalinta qoondada haweenka oo ah 30% xildhibaannada. Waxaa la yaab leh inaan illaa iyo hadda aysan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyaduba sheegin hannaanka loo marayo ilaalinta qoondada haweenka. Mar waxaa la soo jeediyey in kuraasta ay hadda gabdhuhu heystaan loo gooyo oo ay iyagu ku tartamaan.

Haddiiba sidaa la yeelo gabdhuhu waxay yeelanayaan 24%. Weli waxaa ka maqnaanaya 6%. Waxaase jirta in madaxda dowladda dhexe iyo kuwa gobolladu ay qoondada haweenka u adeegsadaan hab siyaasadeed oo ay kula dirirayaan qolyaha ka soo horjeeda. Si kastaba ha ahaatee, weli lama oga hab-raaca lagu ilaalinayo qoondada haweenka.

Maxaa Lagu Xallin Karaa Khilaafka?

Waxaan rumeysanahay in waxa la isku hayo ay yihiin wax aad u sahlan, islamarkaasna heshiis degdeg ah laga gaari karo. Waase haddii ay madaxdu xal-doon yihiin. Waxaan qabaa inay madaxda dowladda dhexe iyo kuwa gobolladu dib ula noqdaan guddiyada ay magacaabeen, islamarkaasna ay la yimaadaan dad caddaalad iyo dhexdhexaadnimo laga dugsanyo.

Waxaa jira dad badan oo culumo iyo bulsho rayad leh oo u garsoori kara dadka ku tartamaya kuraasta. Waxaa habboon in kursi kasta uu tartan ka dhaco oo aysan noqon murashax wata odeygiisa, ergadiisa iyo manxiiskiisa.

Waxaan qabaa in la samayn karo arrinkan. Sidoo kale, maaddaama ay tabartu yar tahay, waqtiguna gaaban yahay, waxay u muuqataa inay lama-huraan noqon doonto in doorashada dadban ee 2020 ay ka dhacdo maamul-goboleed kasta hal magaalo.

Waxaa ila quman in heshiis siyaasadeed ay gaaraan siyaasiyiinta ka soo jeeda Soomaalilaand. Mar haddiiba ay qasab tahay in la baadi-goobo dad dhex-dhexaad u noqon kara dadka ku tartamaya xilalka, waxaa habboon in garabyada iska-soo horjeedaa ay ka heshiiyaan hab-raacyada iyo cidda u garsooreysa. Waa joogaan wax-garad ka garnaqi kara arrinka.

Ma qabo in xukuumadda ama guddoomiyaha Aqalka Sare midkoodna uu go’aan si gaar ah uga gaaro. Taasi waxay noqoneysaa ku-shubasho. Dhanka kale, qoondada haweenka waxaan ku talinayaa in madaxda dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyadu ay soo bandhigaan waddada loo marayo.

Waxaan rajeynayaa inaan siyaasad ahaan la iskugu adeegsan oo si wanaagsan looga baaraan-dego. Marka ay timaaddo soo xulista ergada, waxaan ku talinayaa in qabiilka iyo odeygiisa la isku daayo oo laga saaro doorka bulshada rayadka iyo dowlad-goboleedka soo xulista ergada. Dabcan, waan fahamsanahay in xaalka oday-dhaqameedyo badan uu yahay Allow-sahal. Way fiicnaan lahayd in dadweynuhu ay dooranayaan dadka matala. Laakiin maanta halkaas ma joogno.

Ugu dambeyntii, waxaan rajeynayaa in aan mar kale loo baahan canaanta Beesha caalamka iyo tusaalooyinka quursiga ah ee diblumaasiyiinta. Fiicnaan lahaydaa in madaxda Soomaalidu gartaaan inuusan harin waqti la isku dhibo ama lagu ficiltamo.

Marka la soo koobo, waxa la isku hayaa waa sameynta hab-raacyo (process) loo siman yahay iyo magacaabista guddiyo dhexdhexaad ah oo u garsoora kooxaha tartamaya. Haddii intaas la sameyn waayo sidee la rabaa in lagu maamulo doorasho ay dadka oo dhan codeynayaan? Waxaan ku dhiirrigelinayaa inay xusuustaan madaxda Soomaalidu dhibaatooyinkii ka dhashay doorasho lagu takri-falay iyo dimoqraadiyad la dumiyey halka ay gaarsiiyeen dalka iyo dadka.

Sida dhacday hadda ka hor, waa inaysan madaxdu khilaaf siyaasadeed ku xallin xoog aysan lahayn iyo qasab. Waana inaysan madaxda dowladdu u adeegsan ololahooda doorashada hey’adaha amniga, garsoorka iyo dhaqaalaha dalka waayo taasi waxay dhaawici doontaa sharciyadda hey’adahaas. Sidoo kale, waa inay mucaaradku joojiyaan kicinta xamaasad dadka. Xalku waa dhaw yahay ee yaan la fogeyn. WAR HOOY KA JOOGA.

Afyare Cabdi Cilmi waa Bare Sare oo ka Tirsan Jaamacadda Doha ee Qatar.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sarkaal Shabaab ah oo loo maxkamadenayo qorsheynta weerar la mid ah kii 9/11

0

Washington (Caasimada Online) – Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa dacwado la xiriira ficillo argagixiso iyo inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab kusoo oogtay Cholo Abdi Abdullah, oo ah muwaadin u dhashay dalka Kenya.

Cabdullah ayaa waxaa lagu soo oogay lix fal-damiyeed oo aragagixisanimo, oo ay ku jiraan inuu u shaqeynayey urur argagixiso oo ajnabi ah (Al-Shabaab), iyo inuu shirqoolay inuu afduubto diyaarad, si uu Mareykanka ugu fuliyo weerar la mid ah kii 9/11.

Abdullah ayaa bishii July 2019 waxaa dalka Philippines loogu xiray eedeymo la xiriira dambiyo gudaha ah oo uu galay, waxaana 15-kii December loo soo masaafuriyey Mareykanka, si loogu maxkamadeeyo dacwadda lagu soo oogay.

“Sida la tuhmayo, Abdullah waxa uu isaga oo qeyb ka ah shirqool ay hagayeen hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, dalka Philippine ku qaatay tababar la xiriira sida loo duuliyo diyaaradaha, isaga oo doonaya inuu afduubto diyaarad ganacsi kadibna ku dhufto dhisme ku yaalla Mareykanka,” waxaa sidaas yiri sii-hayaha xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee Manhattan, Audrey Strauss.

Dacwadda ayaa waxaa lagu xusay in Abdullah, oo uu hagayo taliye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, uu u 2016-kii u safray dalka Philippines, halkaasi oo intii u dhaxeysay 2017 illaa 2019 ku qaatay tababar la xiriira si loo duuliyo diyaaradaha, kadibna uu ka gudbay imtixaanka duuliyenimo si uu helo shatiga.

Waxa uu sidoo kale sameeyey cilm-baaris la xiriirta hababka diyaraadaha ganacsi loo afduubto, iyo sida loo helo dal-ku-galka Mareykanka, sii uu u fuliyo weerarka uu qorsheeyey, sida lagu sheegay dacwadda.

Lixda kiis dacwadeed ee lagu soo oogay Abdullah oo ah 30 jir ah, ayaa kala ah; shirqoolka taageero uu siiyo urur argagixiso (Al-Shabaab), shirqoolka inuu dilo muwaadiniin Mareykan ah, shirqoolka burcadnimo diyaaradeed, shirqoolka burburinta diyaarad iyo shirqoolka fulinta fal argagixiso oo ka gudbaya xuduudaha qaran.

Waxaa la filayaa in maanta uu horyimaado Robert W. Lehrburger oo ah garsoore ka tirsan maxkamadda federaalka ee magaalada Manhattan.

Maamul goboleed cusub oo laga qorsheynayo Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimdda Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee xukuumadda Soomaaliya Janeraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa wali ku mashquulsan xal u helidda doodda ka dhalatay doorashadii HirShabelle, isaga oo ku sugan magaalada Beledweyne.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamo uu hogaaminayo Janaraal Xuud ay ka hor yimaadeen in magaalada Beledweyne uu soo gaaro madaxweynaha la doortay ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Wasiirka wuxuu kulamo saacado badan qaatay la yeeshay Janaraal Xuud oo ay wehliyaan odayaasha dhaqanka magaalada Beledweyne, waxaana warar ay Caasimada Online ka heleyso ilo madax banaan ay sheegayaan in wali xal loo heli la’yahay arrimo badan oo ku saabsan doorashadii HirShabelle ee dhawaan qabsoontay.

Wasiirka ayaa si kasta oo uu isugu dayey waxa uu ka dhaadhicin waayey beeshiisa inay maamulka Cali Guudlaawe aqbasho, waxaana ay soo hordhigeen shuruudo ay adag tahay in la fuliyo, kuwaasi oo uu ku gacan seeray inuu soo qaado.

Janaraal Xuud oo ah hogaamiyaha maleeshiyaadka kasoo horjeeda maamulka la dhisay ayaa sheegay iney muddo ku kooban 15 cisho ay ku dhisi doonaan maamul ay ugu magac dareen Hiiraan State, isla markaana ay ka go’i doonaan maamulka HirShabelle.

Beesha Jeneral Xuud ayaa aaminsan in la hareer maray habkii awood qeybsida beeleed ee markii hore lagu dhisay maamul goboleedka HirShabelle, oo madaxweynaha ay ka heleen.

Maamulka cusub ee Jeneral Xuud uu ku hanjabay ayaa haddii uu ka dhabeeyo waxay sii fogeyn doontaa xalaadda HirShabelle, oo markii horeba ay qastay dowladda Soomaaliya oo madaxa isku gelisay beelaha dega gobolka.

R/W Rooble oo amar deg deg ah ka bixiyey Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg-deg ah gacanta loogu soo dhigo dableydii ka dambeysay dilka saraakiishii ka tirsanaa ciidamada xooga dalka, xili uu kulan la qaadanayey Madaxda maamulka Galmudug iyo hey’adaha amniga maamulkaas.

Rooble ayaa sheegay in Saraakiishii 9-kii bishan lagu dilay degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ay ahaayeen geesiyaal u adeegayay bulshadood, isla markaana ay dileen dad arxan laawayaal ah oo diidan horumarka socda.

Waxa uu balan qaaday in dowladda federaalka ay gacan weyn ka geysan doonto baarista kiiskaasi oo maalmihii u dambeeyay ay wadeen guddi uu u magacaabay madaxweyne Qoor-Qoor iyo laamaha amniga Galmudug, si sharciga loo horkeeno dadka ka dambeeyay falkaas.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga magaalada Dhuusamareeb ayaa kulamo kala duwan la qaadanayay madaxda maamulkaas, isaga oo la kulmay golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada-shaqeynta Galmudug kala dhexeyso dowladda federaalka, horumarka iyo arrimo kale.

Rooble ayaa lagu wadaa in marka uu soo afmeero kulamada kala duwan ee uu la qaadanayo madaxda maamulka Galmudug uu bilaabi doono kormeero uu ku tagayo deegaano ka tirsan Galmudug, si uu ugu kuur galo xaalada deeganada maamulkaas.

Midowga musharraxiinta oo digniin culus ka soo saaray hub loo soo wada DF Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xubnaha midowga musharraxiinta xilka madaxweynaha ee 2021-ka ayaa waxa lagu sheegay inay walaac xoogan ka qabaan hub ay sheegeen in 16 illaa 18 -ka bishan loo soo wado Soomaalya.

Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in hubkaas oo ay la socoto saanad milatari ay qorsheyneyso inay Muqdisho keento dowladda Turkiga.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa sheegay in ay si gaar ah uga walaacsan yihiin xilliga lagu soo aadiyey hubkan, maadaama Soomaaliya ay galeyso doorashooyin.

“Golohu wuxuu ka walaacsanyahay xaddigan hub iyo rasaas ah ee dalka ku soo qulqulaya waqtigan xasaasiga ah ee Doorashada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale golaha ayaa intaasi sii raaciyey “Sidaa darteed shaki kuma jiro in isla ciidamadan Haramcad iyo hubka ka imaanaya Turkiga loo adeegsan doono afduubka doorashooyinka soo socda,”

Ugu dambeyn musharraxiinta mucaaradka ayaa ka dalbaday dowladda Turkiga inay dib u dhigto keenista hubkaan, illaa inta laga gudbayo marxalada kala guurka & doorashada.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madasha Midowga Murashixiinta Madaxweynaha wuxuu si aad ah uga walaacsan yahay hub iyo saanad milateri oo dowladda Turkiga qorsheyneyso in ay u soo gaarsiiso qeybta Haramcad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waqtigan xasaasiga ah, Goluhu wuxuu ogaaday in diyaarad Milatari oo laga leeyahay dalka Turkiga oo la yiraahdo TUAF767 lagu wado inay magaalada Muqdisho keento 1,000 G3 Machine Guns iyo 150,000 oo xabadood inta u dhexeysa 16 ilaa 18 December 2020.

Golohu wuxuu garwaaqsanyahay ahmiyada tababarka iyo kor u qaadista ay u leeyihiin laamaha amaanka ee Soomaaliya, hadana golohu wuxuu ka walaacsanyahay xaddigan hub iyo rasaas ah ee dalka ku soo qulqulaya waqtigan xasaasiga ah ee Doorashada.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu horey ugu adeegsaday ciidamada Haramcad xoog ku muquunin iyo ku shubasho doorashooyinka gobolada, sidaa darteedna shaki kuma jiro in isla ciidamadan Haramcad iyo hubka ka imaanaya Turkiga loo adeegsan doono afduubka doorashooyinka soo socda. Sababtaas awgeed, Goluhu wuxuu ka codsanayaa dowladda Turkiga inay dib u dhigto waqtiga keenista hubka aan soo sheegnay illaa laga gaarayo doorashada 2020/21. Waxaan ku rajo weynahay in aad naga aqbali doontid codsigan tixgelin na doontid.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60