24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

R/W Rooble oo war kasoo saaray qaraxii Gaalkacyo ee uu maanta ka badbaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay garoonka Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo lagu soo dhoweynayey ra’iisul wasaaraha.

Qaraxan ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab, oo war rasmi ah ku sheegtay in qaraxa uu fuliyeey qof is-miidaamiyey oo ka tirsanaa ciidankooda, islamarkaana bartilmaameedka qaraxa uu ahaa ra’iisul wasaare Rooble.

Rooble ayaa qoraal soo saaray ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Saraakiishii qaranka iyo dadkii shacabka ahaa ee ku shahiiday falkii argagixisadu galabta ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan dhammaantood Alle uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeenna uu Samir iyo iimaan ka siiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falkan argagixisadu ay ku beegsadeen saraakiisha iyo dadka rayidka ah in uu ka fog yahay naxariista, diinta iyo dhaqanka suubban ee ummadda.

“Argagixisadii falkan geystay waxaan leeyahay, marnaba weerarradiinnu nama niyad jabinayaan, mana istaajinayaan geeddiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu jiraan nabad waarta iyo qarannimo xoog leh,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku duubnaadaan, una midoobaan cadowgan u diiddan nabadda iyo horumarka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale tacsi u diray qoysaska, ehelada shacabka iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee ku naf waayey qarixii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka geerida Taliyihii Qeybta 21-aad ee CXDS Janaraal Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Ciidanka Danab ee guutada 10-aad ee Ururka 16-aad Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, Duqii Hore ee Magaalada Gaalkacayo -Puntland- Marxuum Maxamuud Yaasiin Tumey, saraakiisha kale iyo halyeeyada u taagnaa nabadda, xasilinta iyo horumarka Gobolka Mudug.

Qaraxan, ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, oo ay ku jiraan saraakiil iyo mas’uuliyiin sare, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Puntland oo beenisay arrin laga faafiyey oo la xiriirta guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa bayaan kulul kasoo saaray war uu ku sheegay been abuur oo uu baahiyay telefishanka dowladda federaalka ee SNTV, midkaasi oo la xiriiray guddiyada doorashada lagu muransan-yahay.

Taliska ayaa beeniyay in kulan isbaraasho ah oo looga hadlayay Ammaanka doorashooyinka ay la qaateen guddiga doorashooyinka ee lagu muransan-yahay, kaasi oo ay sheegen in laga baahiyay SNTV oo ay maamusho Wasaarada warfaafinta Soomaaliya.

Bayaanka kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay inay tahay nasiib darro weyn arrinta uu ku kacay telefishanka qaranka, taasi oo qeyb ka ah been abuurka siyaasadeed ee xukuumadda Farmaajo ay ku eedeynayeen mucaaridka. 

“Xaqiiqdii waa nasiib daro weyn in loo isticmaalo telefishinkii dowladda Soomaaliyeed faafinta warar been ah oo siyaasadeed, taasna waxaan shaki ku jirin inay dhaxalsiinayso kalsooni ka bax iyo hoos u dhac sumcadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska ciidanka booliska Puntland.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “SNTV wuxuu baahiyay sawiro uusan ka dhex muuqan Taliye Cabdi Yare balse lagu been abuurtay magaciisa kadib markii lagu soo darey qoraalka lagu baahiyay bogga telefishinka.”

Arrinta ayaa markale dab kusii qabaneysa xiisada ka dhex aloosan madaxda dowladda iyo maamulka Puntland oo meel adag iska taagay guddiyada lagu muransan-yahay ee dowladdu gadaal ka riixeyso.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa arrintan xili ay dowladda federaalka Soomaaliya u raadineyso taageero meeqaam sarre leh guddiyada lagu muransan-yahay, hase yeeshe ay mucaaridku ka digeen in dhinaca la saaro guddi aan dhex-dhexaad aheyn.

Daawo: Shariif oo digniin culus kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, wuxuuna ka hadlay arrimaha taagan ee ku hareereysan siyaasadda Soomaaliya, ii xiisadda ka dhalatay ee ka taagan Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dalka uu ku jiro marxalad halis ah, isagoo dowladda dhexe ku tilmaamay mid ku fashilantay iney qabato doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Shariifka ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay dooneyso boob doorasho iyo in shacabka Muqdisho la dhibaateeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Xaalada dalka meel aan wanaagsaneyn ayay mareysaa, Waxaa ka digeynaa in dalkaan dib loo celiyo waa arrin sharciga iyo dowladnimada ka soo horjeeda in hab aan fiicneyn la adeegsado sida ciidan iyo dagaal,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Dowladda waxaa laga rabaa inay albaabadeeda furto, madaxeeda furto, ninkii yimid waa baxaa, nin kasta oo yimaada waa baxaa, tusaale uma baahnidiin waa buuxaan, kursiga haddii la joogayo nabad iyo sharaf halagu wada joogo, haddii laga tagayo nabad iyo sharaf looga tago, dadka ayagoo mucaarad iyo muxaafad sharciga inay ku wada joogaan la rabaa, haddii si kale isu qadarin waayaan sharciga waa inuu u dhaxeeyaa.”

Mar uu soo hadal qaaday ciidamada lasoo buux dhaafiyay agagaarka xaafadda ay dagan yahiin musharaxiinta, Shariif ayaa ciidamada dowladda ugu baaqay inaan loo adeegsan waxyaabo ka baxsan sharciga,

Dhanka kale madaxweynahii hore wuxuu si adag ula hadlay madaxda dowladda, isla markaana digniin u diray, isagoo sheegay ineysan sharciga ilaalin doonin hadii ay ayaga ilaalin waayaan.

Ugu dambeyntii Sharifi Sheekh Axmed wuxuu sheegay in xafiiska madaxtooyada Soomaaliya lagu joogo sifo sharci ah, qof walba uu leeyahay wakhti uu kaga baxo xafiiska.

Sawirro: Waa maxay ujeedka safarka Mursal ee Baydhaba?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Barlamanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa si weyn ugu soo dhaweyay wafdiga uu hogaaminayo Mursal garoonka Baydhabo, madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, labada gole ee maamulkaas iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mursal ayaa waxa safarkiisa ku wehlinaya xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka, isla markaana ay tahay deegaan dootashadoodu magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Mursal iyo xubnaha kale ayaa ka qeyb gali doona munaasibad ka dhaceysa magaalada Baydhabo, taasi oo ah sanad guuradii labaad ee madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku aadan maalinta barri ah.

Sidoo kale waxa la filayaa in xildhibaanada uu horkacayo guddoomiye Mursal ay olole ka bilaaban deegaanadaas, maadama ay muddo kooban ka harsan tahay muddo xileedkooda dib u doorasho.

Safarkan ayaa imanaya xili ay meel xasaasiya mareyso xiisada ka dhalatay doorashada soo socota, taasi oo ay ku muransan yihiin hanaankeeda madaxda dowladda dhexe iyo musharaxiinta mucaaridka.

Itoobiya oo $250,000 ku dooneysa madaxda TPLF

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Itoobiya ayaa markii u horeysay shaacisay qorshe ay ku rabto inay si deg-deg ah ugu soo gacan dhigto madaxda maamulka TPLF,  kadib markii ay balan qaaday abaalmarin kumanaan dollar ah.

Ciidamadda Qaranka Itoobiya oo war soo saaray ayaa ku dhawaaqay inay dul dhigeen hogaamiyaha TPLF,  Debretsion Gebremichael lacag dhan 10-milyan oo lacagta Itoobiya ah, isla markaana u dhiganta in ka badan 255-kun oo dollar, taasi oo la siin doono ciddii soo sheegta xog ku saabsan Debretsion.

General Asrat Denero oo ah madaxa warbaahinta ee ciidanka ayaa damaanad qaaday inay lacagtaas kumanaanka doollar ah ay siin doonaan qofkii soo sheega macluumaad u sahlaya inay gacanta kusoo dhigaan.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay dhawaan xukuumadda Abiy Axmed ku dhawaaqday inay ku raad-joogto hogaamiyeyaasha TPLF oo ka firxaday gobolka Tigray oo caasimadiisa Mekelle ay si buuxda ula wareegen ciidamada federaalka.

Madaxda TPLF ayaa ilaa hadda si rasmi loo ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen, marka laga reebo hogaamiyaha kooxdaasi oo fariimo hanjabaad ah warbaahinta caalamka u mariya xukuumadda Abiy, oo wada howl-galo gacanta loogu soo dhigayo.

Debretsion Gebremichael ayaa balan qaaday inay wadayaan dagaalka ilaa inta ay ka dhimanayaan, maadama uu ku doodayo inay xukuumadda Abiy tahay cadow kusoo duulay gobolkiisa.

Si kastaba, dagaalka Itoobiya ee toddobaadyada socday ayaa u muuqda mid uu xoogiisu joogsaday, kadib markii ciidamada Millaterigu la wareegen caasimada gobolka Tigray ee Mekelle oo ay hore gacanta ugu hayeen madaxda TPLF.

Qiimaha lagu iibiyo hubka fudud ee MUQDISHO oo gaaray halkii ugu sarreeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Suuqyada magaalada Muqdisho ee sida sharci darada iyo qarsoodiga loogu kala iibsado hubka,  ayaa qiimihii ugu sarreeyay lagu kala iibsanayaa hubka inta la og yahay taariikhda burburkii dowladnimadii Soomaaliya kadib.

Baaris ay sameysay Caasimadda Online, oo ay ku booqatay suuqyada lagu kala iibiyo hubka,  ayaa waxaa u suuragashay inay ogaato qiimaha hubka la kala siisto, waxaana qoriga AK-47 oo ah qori aad u fudud oo ah midka Soomaalida adeegsato xiligaan uu gaaray qiimihii ugu sareeyay abid.

Qiimaha AK-47 ayaa xiligaan la kala siisanayaa qiimo dhan 2,000 dollar, halkii bilooyin ka hor uu ka ahaa 1,100 dollar, waxaa sidoo kale qiimaha la kala siisto qoriga daran-dooriga u dhaca ee PKM ee Soomaalida u taqaan “Daba-miishaar ama Dabajeex” ayaa qiimihiisa laba jibaarmay, waxaana la kala siisanayaa 15,00 dollar, halkii markii hore uu ka ahaa 8,000 dollar.

Sare ku kaca ku yimid qiimaha hubka ayaa loo aaneynayaa xiliga la guda galay ololaha doorashada iyo xiisadaha ka dhashay, iyadoo ganacsatada hubka iibisa ay tilmaameen in si xad-dhaaf ah hubka looga iibsanayo, taasoo u sabab ah sare u saca hubka fudud.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sare uga sii kacaya cabsida laga qabo in madaxweyne Farmaajo uu isku dayo inuu awood ciidan uu xukunka kusii haysto, islamarkaana qaban waayo doorasho xalaal ah, ayada oo waqtigiisa uu ku eg yahay 7-da Febraayo.

Arrintan ayaa kusoo aadeysay ayada oo sidoo kale boqolaal askari ay soo galeen magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka yimid degaano ku yaalla gobalka Shabeellada Dhexe iyo xaafado ka mid ah Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidankaan ay habeenadii la soo dhaafay soo galayeen Muqdisho waxayna dagaan ilaa 3 fariisin oo ku yaalla waqooyiga Muqdisho.

Maleeshiyada soo galay Muqdisho oo aad u hubeysan ayaa la sheegay in ay wataan gaadiidka dagaalka iyo hub culus iyo mid fududba ilaa haddana lama oga cidda ay sida rasmiga ah uga amar qaataan.

Maxaa looga hadlay kulankii dhex-maray ODAYAASHA Cadaado iyo R/W Rooble?

0

Cadaado (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku sugan magaalada Cadado ee dowlad goboleedka Galmudug, wuxuun wali wata socdaalkiisii uu ku marayay qeybo ka mid ah gobolada dhexe.

Rooble wuxuu kulan wadatashi ah la qaatay waxgaradka degmada Cadaado, wuxuuna kaga maha celiyay sida ay hormuudka ugu yihiin nabadeynta iyo isku tashiga iyo isku duubnida bulshada Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu ku booriyay odayaasha dhaqanka iyo madaxda dowlad goboleedka Galmudug iney xoojiyaan arrimaha lagu xalinaayo tabaashooyinka iyo dhibaatooyinka qaar ee ka jira deegaanka.

Sidoo kale RW Rooble wuxuu ku baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo hay’addaha kala duwan ee maamulka Galmudug si loo xaliyo tabashooyinka taagan.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horreysay socdaal ku maraya gobollada dalka tan iyo markii xilka loo doortay, wuxuuna soo maray Puntland ka hor inta uusan soo gaarin Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta safar ka ah Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Jimce ah uu socdaal ugu baxo dalka Jabuuti, xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay kacsan tahay.

Madaxweynaha ayaa Jabuuti uga qeyb galaya shir madaxeedka ururka IGAD, kaasi oo looga hadlayo xaalada gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, oo dhowaan ay qabsadeen ciidamada Abiy Ahmed ay dagaal ugala wareegeen ururka TPLF.

Shirkaas ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doonaa ashtako ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya, oo ay ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyo tallaabadii dhowaan dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk ayaa Axadii booqasho ku tagay Addis Ababa, waxaa uu sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya isku raaceen shir degdeg ah oo looga hadlayo dhibaatada ka jirta Tigray.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa 13-kii bishan sheegtay “in ayada oo

Laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka Kenya ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Mudane Cabdalla Xamduuk, uu shir madaxeed ku qabanayo Jabuuti 20 December.”

Safarka Farmaajo ee Jabuuti ayaa imanaya ayada oo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Muqdisho ay qasan tahay, kadib markii ciidamada dowladda shalay hareereeyeen xaafadaha ay degan yihiin musharaxiinta mucaaradka.

Sidoo kale, ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa xalay joojiyey xaflad lagu taageerayay Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow oo lagu qaban lahaa Hotelka Afriik oo ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid go’aansatay inay caburiso oo ay cadaadiso musharaxiinta, waxaana laga digayaa in tani ay horseedi karto isku dhacyo iyo magaalada ay ka dhacaan dagaallo.

SACUUDIGA oo dhaqaaq cusub ka billaabay gobolka

0

Asmara (Caasimada Online) – Dowladda boqortooyada Sacuudiga ayaa wafdi balaadhan u dirtay dalka Eritrea, kaasi oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Faisal bin Farhan Al Saud.

Wafdiga ayaa waxa si meeqaam sarre leh loogu soo dhaweeyay caasimada dalkaas ee Asmara, iyada oo lasii gelbiyay dhanka qasriga madaxtooyada oo uu ku qaabilay Madaxwaynaha Eritrea, Isaias Afwerki.

Kulanka labada dhinac ayaa waxa looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta arrimaha geeska, iyaga oo ku heshiiyey inay si wada-jir ah u sameeyaan guddi fulisa qorshayaasha labada xukuumadood.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxay madaxweyne Afwerki la wadaageen salaan ay uga sideen boqorka Sucuudiga boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud iyo dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Mohammed bin Salman.

Sacuudiga ayaa qorsheynaya in uu saameyn ku yeesho gobolka, iyada oo dhaq-dhaqaaqyadan la fahamsan yahay inay qeyb ka noqonayaan tartanka siyaasadeed ee geeska ay ugu loolamayaan wadamada carabta.

Dowladda Turkigu ma waxa ay taageereysaa ololaha doorashada FARMAAJO?

0

Dhowr tallaabo oo is xigay oo amni, siyaasad iyo diblomaasiyadba isugu jiray oo ay qaadday dowladda Turkigu labadii toddobaad ee la soo dhaafay ayaa abuuray shaki weyn oo ah in Turkishku ay taageerayaan madaxweynaha uu xilligiisu sii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

La-kulanka guddiga lagu muransan yahay ee doorshada

Safiirka Muqdisho u fadhiya dowladda Turkiga Mehmet Yılmaz ayaa noqday diblamaasiga kaliya ee ku dhiirraday la kulanka guddiga doorashada ee lagu muransan yahay ee qabyada ah ama kala dhimman, taas oo loo fasirtay inay ka dhigan tahay aqoonsi iyo in dowladda Turkigu qayb ka tahay muranka la xiriira doorashada Soomaaliya ee 2021.

Tallaabada ay qaadday safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdihso ayaa u muuqata mid si cad uga hor imanaya go’aanka beesha caalamka ee ah in xal wadar-oggol ah laga gaaro habraaca iyo maamulka doorashada ka hor inta aan guddiyo la magacaabin.

Midowga Musharrixiinta oo intooda badan Turkida u arka dal dhexdhexaad ka ah siyaasadda Soomaaliya, xiriir wanaasanna la leh qeybaha kala duwan ee Saamileyda siyaasadda Soomaaliya ayaa qoraal diginin ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen sida ay uga xun yihiin tallaabada Safaaradda Turkiga oo diblomaasiyiin Soomaali iyo Turkish ah u arkaan mid qar iska xoornimo ah oo dhaawaceysa danaha Turkiga Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Cemalettin Kani Torun, danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray “Wax aan ka rejeynayaa madaxweyne Farmaajo in uu muujiyo biseylkii siyaasadeed ee ay muujiyeen madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh doorashooyinkii 2012 iyo 2016, Soomaaliya waxa ay u baahan tahay tanaasul iyo isugaraabid ee uma baahna kala adkaansho.

Hubeynta Ciidanka Haramcad xilliga doorashada:

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters, dowladda Turkiga ayaa qorsheynaysa inay ciidanka Haramcad ugu deeqo 1000 qori oo ah nuuca boobayaasha ah iyo 150,000 oo rasaas ah, kuwaas oo la filayo in dalka la keeno 18-ka December 2020.

Qoraal cabasho oo xambaarsan cabsida laga qabo in hubkaasi geysto haddii uu dalka yimaada ayaa midowga musharixiintu waxa uu u diray safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho. Midowga musharixiinta ayaa ka codsaday Turkiga hakinta shixnaddan hubka ah inta waddanku ka baxayo xaaladda adag iyo khilaafka ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

 Ciidanka Gorgor:

Guutada Gorgor oo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka ee Turkigu ka taageero dhinacyada tababarka iyo qalabeynta kuna tababartay xerada Turkisom ayaa qeyb weyn ka noqotay muranka doorshada, taasina waxa ay soo shaacbaxday markii xukuumaddu geysay gobolka Gedo, kadibna guutada Gorgor ay dagaal ku qaadday ciidanka dowlad goboleedka Jubaland, iyada oo gacanta Jubaland ka saartay gobolka Gedo.

Dhanka kale horraantii December 2020 dowladda Federaalka ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug waxa ay u daabushay 3 diyaarad oo siday boqollaal ka tirsan ciidanka Gorgor. Sababta xukuumaddu ay Dhuusamareeb ugu daabuleyso ciidanka waxa ay wasiiro ka tirsan Galmudug ku sheegeen  inay tahay arrin la xiriirta doorashada.

Ammaanka Musharrixiinta:

Ciidanka Haramcad ee ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Turkiga ka taageero tababarka, tayeynta iyo saanadda ayaa isna ku lug leh muran la xiriira doorashada, sidaasna waxa sheegay xubno ka tirsan musharaxiinta oo jidadka gala xarumahooda maanta la duldhigay ciidan.

Haddaba dhammaan dhacdooyinkaasi waxa ay shaki iyo mad-madow gelinayaan dhex-dhexaadnimada Turkiga ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, sidaas oo kalana waxa ay su’aal dul dhigayaan siyaasadda dhib la’aanta ee ay ku dhaqanto xukuumaddu Turkiga.

Muuse Biixi oo shaaciyey arrin uu uga faa’iideysanayo xiriirka ay DF u jartay Kenya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo Arbacadii dib ugu soo laabtay caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa, kadib booqasho dhowr maalmood ah oo uu ku tagay dalka Kenya, ayaa ka hadlay go’aanka dowlada federaalka xiriirka ugu jartay Kenya.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay inay arrintaasi u tahay fursad fiican, isla markaana kor u qaadeysa dadaalada ictiraaf raadinta Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyada Soomaaliya.

“Waxay inoo fureen albaab wanaagsan, albaab dhib yar oo citiraafku ku imanayo, 54-ta dowladood ee Afrikaba maalinba mid ayaan u tagaynaa, iyagana waa u jarayaan, anagana waan badeli doonaa, aniga saas baan u arkaa” ayuu yiri.

Muuse Biixi ayaa ku doodaya inay bedeli karaan dal kasta oo dowladda federaalka xiriirka u jarto, isaga oo xusay inay dhamaan dowladaha Afrika ay la sameysan doonaan xiriir wanaagsan oo ku qasba DF inay xiriirka u jarto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in heshiiska Nairobi ay kula gaareen xukuumadda Kenya uu yahay midkii u horeeyay oo rasmi ah oo ay la galaan Kenya, kaasi oo ay labada dhinac kasoo saareen war-murtiyeed wada-jir ah.

Ugu dambeyntiina waxa uu guul ku tilmaamay heshiiska ay la galeen Kenya oo dhaqan galaya kadib marka ay qabsoomto doorashada Soomaaliya, oo xiligan uu ka taagan yahay muran xoogan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay Kenya u jartay xiriirkii diblumaasiyadeed, iyada oo ku eedaysay faro-gelin ka dhan ah arrimaha gudaha, waxaana xiligaasi magaalada Nairobi ku sugnaa madaxweyne Muuse Biixi.

Boko Haram oo sii deysay boqolaal caruur iskuuley ah

0

Legos (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen maamulka gobolka Katsina, boqollaal caruur iskuuley ah oo todobaadkii hore laga afduubtay iskuul caruurta lagu xanaaneeyo oo ku yaalla waqooyi galbeed Nigeria ayaa lasii daayay.

Afhayeen u hadlay gudoomiyaha gobolka ayaa xaqiijiyay in lasii daayay 344 arday oo la afduubtay, wuxuuna sidoo kale sheegay iney caafimaad qabaan.

Weerarka lagu afduubtay caruurtaan waxaa sheegtay kooxda Islaamiyiinta ah ee Boko Haram kuwaas oo la sheegayo iney qaar ka mid ah caruurta wali gacantooda ku jiraan.

Qoraalka lagu xaqiijiyay sii deynta caruurta ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo gudbiyay Kastina isla markaana ay la midoobi doonaan waalidkooda saacadaha soo socda.

Faahfaahin dheer lagama bixin sheekada dhabta ah ee arintaan, balse maamulka guud ee Gobolka wuxuu sheegtay iney arintaan tahay mid ah ka shaqeeyeen.

Cabdikariim Guuleed oo baaq deg-deg ah kasoo saaray qaraxa Gaalkacyo, sheegay arrin loo xaqiijiyey

0

aalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweyne ee Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxii xooganaa ee saacad ka hor ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Cabdikariin Guuleed ayaa ugu horeyntii si kulul u cambaareeyay weerarka bahalnimada ah, isagoona sheegay in khasaaro badan uu ka dhashay qaraxaasi oo ay ku naf waayeen dad badan oo isugu jira dadweyne iyo mas’uuliyiin.

Waxa uu ilaahay uga baryay inuu shaafiyo dadkii ku dhaawacmay, halka kuwa ku naf waayey qaraxaas ilaahay uga dalbay inuu ku galado naxariistiisa.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in gurmad deg deg ah loo fidiyo bulshada reer Gaalkacyo oo wajahaya xaalada adag, isagoona sheegay in feejignaan dheeriya la muujiyo xiligan uu dalku marayo marxalada cakiran.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdikariin oo dhameystiran

Waxaan si adag u cambaareynaya weerarka ismiidaaminta ah ee goordhow ka dhacay magaaladda Gaalkacyo. Xiriiro aan la sameeyay magaaladda waxaan ku xaqiijiyay in khasaaruhu badanyahay. 

Allaha u naxariisto walaallihii qiimaha badnaa ee ku dhintay weerarkaas bahalnimada ah, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo.

Waxaan ku baaqaya in gurmad deg deg ah loo fidiyo bulshada reer Gaalkacyo oo ku sugan xaalad adag, sidoo kalana waa in dhexdoodu isu gurmadaan. Waxaan kaloo bulshada ugu baaqaya foojignaan dheeri ah maadaama dhagarta cadowgu ay badantahay xilliyadan oo kale.

Amniga dalku waa baahi weyn, oo u baahan shaqo badan, aragti togan, iskaashi iyo in mudnaan la siiyo, si loo helo xasilooni waarta oo damaanad qaadi karta badbaadada muwaadiniinta.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil sare oo ku dhintay qaraxii magaalada Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya kasoo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo saacado ka hor ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee qeybta maamulka Galmudug, xili uu isla maanta gaaray magaaladaasi Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay irida hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise oo ay ka socotay munaasibad lagu soo dhaweynayay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble, oo isagu laftigiisu ku soo wajahnaa goobtaas, hase yeeshe uu dhacay ka hor inta uusan tagin

Waxa ka dhashay qaraxaas khasaaro badan oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho, iyada oo ila hadda la xaqiijiyey in uu qaraxaas ku dhintay duqii hore ee Gaalkacyo ee qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay.

Sidoo kale waxa qaraxa ku dhintay Taliyihii Qaybta 21-aad ee Ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen. Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari), Taliyihii Ciidanka Danab Qaybta Galmudug Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aaden, iyo Taliye ku-xigeenkii ciidanka Danab ee Gaalkacyo Marsho Mire oo isaguna ku sugnaa goobtaasi.

Sidoo kale, askar iyo dad shacab ah ayaa la sheegay in dhimasho iyo dhaawac kala duwan ka soo gaaray qaraxaas oo lala beegsaday soo dhoweynta Ra’iisul wasaare Rooble oo Galabta soo gaaray Gaalkacyo gaar ahaanna dhinaca Koonfurta Gaalkacyo.

Qaraxa ayaa dhacay xili ay garoonka ka socotay soo dhaweynta Ra’iisal wasaaraha, iyada oo ay ku wada sugnaayeen saraakiil, mas’uuliyiin iyo dadweyne badan oo qeyb ka ahaa soo dhaweyntaasi.

Mana jiro ilaa hadda war kasoo baxay dowladda federaalka, maamulka Galmudug iyo laamaha amniga oo ku aadan qaraxa galinkii dambe ee maanta ruxay magaalada Gaalkacyo.

Qarax ka dhacay goob lagu soo dhaweynayay Rooble

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee qeybta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay irida hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise, xili lagu soo dhaweynayay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Rooble oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa deegaanada Galmudug. 

Qarax oo ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn nooca uu ahaa ayaa haddana waxa soo baxaya warar sheegaya inuu ahaa mid uu isku soo xiray naftii halige, waxaana ka dhashay khasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Garoonka uu afaafkiisa hore ka dhacay qaraxa ayaa waxa lagu waday in lagu soo dhaweeyo Ra’iisal wasaare Rooble oo saacadihii u dambeeyay ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo. Rooble kuma sugneyn goobta markii uu qarax dhacay.

Waxa kacsan xaalka magaalada, waxaana la maqlayaa dhawaaqa rasaas xoogan oo ka dhaceysa goobta qaraxa uu ka dhacay oo ay ku sugnaayeen dadweyne ka qeyb qaadanayey soo dhaweynta Rooble.

Faah-faahin dheeriya goordhow naga filo oo isha ku hay Caasimada Online.

Video: Mustaf Dhuxulow oo si kulul uga jawaabay falkii ay caawa ku kaceen ciidamada DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ah musharax madaxweyne ayaa ka hadlay xaflad ay caawa ka hor istaageen ciidamada ammaanka, taas oo lagu taageerayey musharaxnimadiisa, isla markaana sida uu sheegay ay soo abaabuleen dhalin yaro taageersan isaga.

Xafladaas ayaa ka dhci laheyd Hotelka Afriik oo ku yaalla agagaarka Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, balse waxa uu sheegay in markii ay bilaaba rabtay ay joojiyeen ciidamo isugu jiray booliska iyo Nabad sugid oo halkaas gaaray.

Mustaf Dhuxulow ayaa arrintaas toos ugu eedeeyey Taliska hey’adda Nabad sugidda, isagoo sheegay inuu la xariiray Taliska guud ee NISA, balse ay u cadaatay in ku talagal looga hor istaagay kulankaas lagu taageerayey.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin waxay soo rogeen dhaqan cusub oo ah in lagu tunto sharciga dalka, dadka qaar waa handadeen, qaarna dhibaatooyin joogto ah ayey ku wadaan,” ayuu yiri Musharax Mustaf Dhuxulow.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Waxaa cad in aysan ogoleyn in dalkan ay doorasho ka dhacdo, waxaa cad in aysan ogoleyn in lala tartamo, waxaa cad inay rabaan in dalka ay ku heystaan xukun kali talisnimo ah, Farmaajo dalkan waa lagu soo dhaweyey, markii loo doortana qof uu xiro iyo qof uu handado ayuu ka dhigay dadkii.”

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu musharaxiinta ku wado caay iyo been abuur joogto ah, isagoo yiri, “Waxaa bilaawday qorsheyaal dadka madaxtinimada kula tartamaya uu kula dagaalamayo.”

“Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihiisa Nabad sugidda Fahad Yaasiin aan dalka iyo dadka lagu aamini karin, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay talo ka yeeshaan xaaladda dalka, sababtoo ah annagii madaxda aheyn oo dalka ka soo shaqeynay oo siyaasadda ku jirnay ayaa meel aan ka marno la’ nafteena ayaa maanta halis ku jirta, bal iska daa dadkii nataageerayee,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale waxuu sheegay Mustaf Dhuxulow in sidii loola dhaqmaayey dadkii mudaharaadayey ay muujineyso kali talisnimada madaxda dowladda, taas oo uu sheegay hadaan laga hor tegin inay dalka god ku ridi doonto.

Arrintan waxay ku soo aadeysaa iyadoo maanta musharaxiinta kale ee mucaaradka ah ay sheegeen in ciidamo la duldhigay guryaha ay Muqdisho ka deganyihiin, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Soobe iyo garoonka Aadan Cadde oo badankood ay deganyihiin.

Hoos ka Daawo Mustaf Dhuxulow

Wasiirka Amniga oo amar siiyey ciidamada xilli ay xiisad ka kacsan tahay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa mar kale ka hadlay xaalada ammaan ee magaalada Muqdisho iyo xirnaashihii jidadka ee saacadihii lasoo dhaafay, isagoo shacabka reer Muqdisho uga tacsiyadeeyey wixii dhib ahaa oo ay kala kulmeen laamaha ammaanka.

Wasiir Xundubey ayaa sheegay in cabashooyin badan ay uga yimid shacabka Soomaaliyeed ee laga xiray wadooyinka, balse waxa uu sheegay in qorshahooda uusan aheyn in dadka la dhibo.

“Ciidamada amaanka habeen iyo maalin waxay u taaganyihiin sugidda amniga, laakiin waxaa dhici karta in dad danahoodii ama sidii ay wax u rabeen ay u dhici waayeen, cabashooyin badan ayaa nasoo gaaraya, dadka qaarkood waxay gaari waayeen goobahoodii ama dad xanuunsan ayey jidadkii ka xirmeen, balse dowladdu inay dadka dhibto qorshaheeda maaha, u jeedkeenu waa in amaanka la sugo oo kaliya,” ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ciidamada ammaanka kala dardaarmay dadka shacabka ah, isagoo xasuusiyey in qof kasta uu ka soo qaado ehelkiisa oo kale, islamarkaana uu xasuusnaado inuu yahay qofkii uu u taagnaa qoraxda iyo qabowga.

“Ciidamada ammaanka waxaan amrayaa inay u turaan shacabka, isla markaana ay u fududeeyaan wadooyinka dadka da’da ah ama safarka ah, mar walba waa loo sheegaa taas, hadana waan ku celinayaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Isaga oo sii hadlaayey ayuu yiri, “Wax kasta oo soo gaaray bulshada Soomaaliyeed waan ka tacsiyeynayaa, waana ka raali gelinayaa, madaxda sare iyo wasaaradda amnigu waxay isku ogyihiin in ammaanka la ilaaliyo, shacabkana loo turo.”

Sidoo kale waxa uu aad ula dardaarmay dadka wax u gudbiya bulshada, sida warbaahinta madaxa-banaan iyo dadka isticmaala baraha bulshada, waxuuna ka codsaday in dadka ay la wadaagaan wixii aan wax u dhimeyn xasiloonida amniga Qaranka, isla markaana ay ka fogaadaan been abuurka iyo kicinta bulshada.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u sheegayaa, in qof kasta oo wax qoraya ama barnaamij soo gudbinaya, iyada kala sooci karta wixii saxan iyo wixii qaldan, waxaana ka codsanayaa in ammaanku yahay waxa kaliya ee aan soo dhisanay oo aan maanta heysano, oo aan mucaarad iyo muxaafid ku xineyn, oo cid timid iyo cid tegeysa aan ku xirneyn oo aan u soo rafaadnay una soo dhimanay” ayuu yiri Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey.

Hoos ka Daawo

Ciidamada DF oo joojiyey kulan uu caawa qabsanayey musharax madaxweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow oo caawa ah joojiyey xaflad lagu taageerayay Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow oo lagu qaban lahaa Hotelka Afriik oo ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4.

Musharax Mustaf Dhuxulow ayaa xaqiijiyey in kulanka ay ciidamada dowladda amreen in la joojiyo waxyar un kahor markii uu billaaban lahaa, ayada oo ay qaban qaabadiisa ay socotay tan iyo shalay.

Mustaf Dhuxulow ayaa ku eedeeyay Ciidanka Nabad-Sugidda Qaranka inay ka dambeeyeen is hor-taagga lagu sameeyay kulankaas, wuxuuna intaas ku daray in amarka uu bixiyay Taliska Nabad-Sugidda.

Dhanak kale, warar aan helnay ayaa sheegaya in Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow uu goordhow qaban doono shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo tallaabada looga joojiyay kulanka lagu taageerayey.

Kulanka la baajiyey ayaa imanaya ayada oo sidoo kale ciidamada dowladda maanta lagu hareereeyey xaafadaha degan yihiin musharaxiinta mucaaradka ee ku dhow agagaarka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid go’aansatay inay caburiso oo ay cadaadiso musharaxiinta, waxaana laga digayaa in tani ay horseedi karto isku dhacyo iyo magaalada ay ka dhacaan dagaallo.

Safiirkii hore ee Turkiga oo fariin culus u diray Farmaajo kadib ciidankii maanta lagu hareeyey musharaxiinta

0

Ankara (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, Kamaaluddiin Kani Turan ayaa markii u horeysay ka hadlay muranka doorashooyinka oo maalmihii u dambeysay xiisad xoogan ka abuuray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Kamaaludiin Kani oo ka fal-celinaya wadooyinkii ay saaka xireen ciidamada dowladda, iyo ciidamada lagu hareeyey musharaxiinta mucaaradka ayaa ku baaqay in la sameeyo tanaasul, maadama uu sheegay in xiligan Soomaaliya aysan u baahneyn iska hor imaad iyo qalaalase siyaasadeed.

“Waxaan rajeynayaa in Madaxweyne Farmaajo muujin doono biseyl (dabacsanaan) lamid ah tii ay muujiyeen Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud doorashooyinkii 2012 iyo 2016” ayuu ku yiri Kamaludiin qoraal uu ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

Kamaludiin oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Turkiga, ayaa waxa uu hore u soo noqdey Safiirkii Turkiga ee Soomaaliya xilligii Dowladdii kumeel gaarka aheyd.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ay saaka ciidamo ku daadisay wadooyinka muhiimka ah ee caasimada, taasi oo dadweynaha ku qasabtay inay saacado badan u lugeeyaan goobaha ay rabeen, maadama laga celinayay gawaarida waddooyinkaas .

Sidoo kale waxa uu ku soo aadaya xili mucaaridka walaac badan ka qabaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweyne Farmaajo iyo hanaanka ay dowladda u wado doorashooyinka, midaasi oo keentay in dalka uu yeesho labo guddiyo doorasho oo soo kala magacaabeen xukuumadda iyo mucaaridka.

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan qeyb ka aheyd bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen dalalka beesha caalamka, kaasi uga soo horjeesteen guddiyada doorashooyinka ee lagu muransan-yahay, inkasta oo  uu Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yilmaz uu taageero balaadhan u muujiyey guddigaas.

Xasan oo shaaciyey dad ay guryahooda kala baxday DF, digniin culusna diray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada amniga oo amar ka haysta madaxda sare ee dowladda ay ku dhaqaaqeen in xili saq dhexe ah ay guryahooda ugu dhacaan dad lagu bartilaameedsanayo inay ka qeyb galeen bannaanbixii daraad ka dhacay Muqdisho ee looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

“Xalay sagaal saac habeenimo ciidamadaa albaabada u garaacayay dad oo rabay inay guryaha kala baxaan oo xerxeraan, waa wixii aan dhayeynay oo daweyneynay, xalinay, ayuu yiri Xasan Sheekh, oo hadlayey shalay, maalin kadib dibad-baxyadii Muqdisho.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in inta badan dadkaas laga soo waayey guryaha, balse ay jiraan qaar la xiray.

“Laakiin wey ka waayeen ee wey soo xirxiri lahaayeen, haddana qaarbaa xirxiran oo ah ganacsato aan joogin meeshii lagu mudaaharaadeyay, kuwaas oo loo xirxiray maskaxda ayey kala jireen waa taageersanaayeen ay leeyihiin, war waxeaa horaa ugu soo noognay, waa wixii dalkaan uu ka yimid,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo ka digay inaan dib loo celin wixii laga yimid ee dalka heerkaan soo gaarsiisay.

Xasan Sheekh ayaa fariin adag u diray ciidamada dowladda ee loo adeegsanayo ka hortaga bannaanbaxyada shacabka fikraddooda kusoo bandhigayo sida nabadeed, isagoo tilmaamay in ciidamada ay yihiin kuwa ilaalinaya amniga shacabka ee ay u dhaarteen.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dowladda in lasii daayo dadka xirxiran ee dowladda xabsiyada u dhigtay bannaanbaxyadii dhacay awgood.

“Dowladda ha ka timaado dadka ay xoogga iyo qasabka ay ku hayso, dalkaan laguma heyn karo xoog, dadkii shalay jidadka taagnaa waa kuwii shalay soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo jidadka u taagnaa, afkooda ayeyna ka sheegeen in shalay kuwii Farmaajo soo dhoweeyay ay ahaayeen, waxan leeyahay madaxweynoow dadku waa dadkaada, shalayna kuma necbeen kumana jecleyn, maantana kuma necbana, madaxweynahoodihii ayaa weli tahay, 54 maalmood ayaa kuu hartay adiga ha ka cararin sida qaanuunka iyo xeerka qabo ku maareey,” ayuu yiri Xasan Sheekh, madaxweynihii hore.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan garan karin sabab uu u kala qeybinaayo dowlad goboleedyada dalka oo qolo gooni ah uu usoo jeedanayo, qolo kalena u fogeynaayo, isagoo taasina uu ka digay isagoo tilmaamay in haddii caqliga shaqeyn in wadada uu ku socda madaxweyne Farmaajo meel ka xun in ay gaari doonto.

Ugu danbeyntii Xasan Sheekh ayaa ciidamada qalabka sida ugu baaqay in aan loo adeegsan wax aan sharciga waafaqsan, hadii kale ay soo laba kacleyntii boogtii horay loo dhayay.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60