24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Tacsi ku socota Danjire Maxamed Cali Ameeriko

0

Adeer Abuukar Sheekh Axmed Maataan iyo adeer Xamuu Caddey Sheekh Axmed Mataan iyo dhammaan faraca reer Sheekh Axmed Mataan, gaar ahaan reer Siid Axmed Sheekh Axmed Mataan oo kala ah Aba Cali Siid Axmed iyo xaaskiisa Amina Daa’uud Axmed, Jamiila Siid Axmed, Seynab Siid Axmed iyo Seygeeda Cabdi Maxamuud Geedi iyo Ruqiyo Siid Axmed, Reer Cumar Xuseen Jimcaale Juungal, gaar ahaan Cabdicasiis Cumar Xuseen Juungal, Abuukar Nuur Muudey, Lemon Cabdulle Sabriye, iyo Seygeeda Cabaas Cabdi Maxaa Ciise, Reer Maxamud Gacal, gara ahaan Baashi Maxamuud Gacal iyo xaaskiisa Fadumina Rooble, Jamiila Cariif iyo Seygeeda Joon Shaqaaq, Hindiya Cariif iyo syegeeda Xasan Dalfac, Sayid Caraaye, Abuukar Cariif, Reer Maxamed Cumar Afarx, iyo Reer Maxamed Xasan.

Dhammaan dadkaasi, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Danjire Maxamed Cali Ameeriko iyo Dhammaan Reer Cali Ameeriko ayaga oo uga tacsiyeynaya geerida Axmed Maxamed Cali Ameeriko, oo maanta ku geeriyooday dalka Canada. 

Waxay leeyihiin dhammaan Samir iyo ammaan allaha naga siiyo marxuumka, isagana jannada fardowsa ha ka waraabiyo. إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّ إِلَيْهِ رَاجِعُونَ‎

Xildhibaan Kenyan ah ‘oo ilaalada looga qaaday’ isku sawirka calanka Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya oo laga soo doorto Garissa, Canab Guure ayaa lagala noqday ilaalada kadib markii uu soo shaac baxday inay isku sawirto calanka Soomaaliya, iyo sawirka Farmaajo.

Canab ayaa sheegtay in saraakiil boolis ay sidoo kale hereeyeen gurigeeda kadib markii ilaalada laga qaaday, ayna halis geliyeen nafteeda.

Canab ayaa wacad ku martay inay adkeysan doonto islamarkaana iska caabin doonto dhammaan dhibaateynta iyo cabsi gelinta ay ku hayaan ciidamada amniga.

“Ilaaladii ayaa galabta layga qaaday, oo waxaa dib loogu yeeray sababo aan la caddeyn. Saraakiil boolis ayaa sidoo kale lagu arkay agagaarka gurigeyga. Xitaa haddii aad iga qaadeen ilaalada, Allah ayaa iga ilaalin doono waxyeelo kasta,” ayey Canab ku tiri qoraal ay maanta soo dhigtay facebook.

“Cidna ima cabsi gelin karto, imana qasbi karto. Waa la I heli karaa, waxaana la ii yeeri karaa waqti kasta oo toddobaadka ka mid ah, balse ma ogoli cabsi gelin iyo gacan maroojis. Kuma sugnin dal booliska awood leeyahay, Kenya waa dal madax-banaan.”

Ayada oo ka hadleysay sawirka muranka abuuray, ayey Canab sheegtay inuu ahaa mid sanadii 2018, bishii Ramadan, lagu qaaday safaaradda Soomaaliya ee Kenya, xilligaasi oo uusan jirin khilaaf u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya ayaa dhowaan xiriirka u jartay Kenya ayada oo ku eedeysay faro-gelin, hase yeeshee waxaa dadka qaar ay rumeysan yihiin in isku daygan uu yahay mid uu Farmaajo uu ku abuurayo xiisad siyaasadeed oo uu dalka ku geliyo qalalaase, si uu dib ugu dhigo doorashada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ciidamo dhoobtay magaalada Beled-Xaawo ee xuduudda labada dal, halka sidoo kalena Kenya ay ciidan gaysay Mandhera.

DF Soomaaliya oo war kasoo saartay ciidanka ay gaysay xuduudda Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay xiisadda ka taagan xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ee jooga magaalada Beled-Xaawo aysan amar u heysan inay xuduuda ka talaabaan, taasna ay dowladda Soomaaliya ku dadaalayso inay ka fogaato isku dhac wax u dhiba deris wanaagga labada dal.

Wasiir Dubbe oo la hadlay BBC ayaa sheegay in dowladda Kenya ay xuduuda ka wado abaabul hubeysan oo ay ugu tala gashay inay Soomaaliya ku soo daabusho, isagoo tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay taasi ku noqotay layaab.

“Dowladda Kenya waxay wadaa abaabul xoog leh oo ah jabhad hubeysan, taasi waa nasiib darro runtii, waa arrin aan qaada weynay, xiriirka diblomaasiyadeed ha iska go’naado, laakiin in awood militeri la isticmaalo oo jabhado la hubeeyo, taasi nasiib darro ayey noola muuqataa,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in jabhadaas uu hoggaaminayo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan wasiirka aminga Jubbaland oo uu ku tilmaamay nin baxsad ah oo ay dowladdu aad u doon-dooneyso, sida uu sheegay.

“Dadka deegaanka oo dhan waa ay ogyihiin, Kenya waxay adeegsaneysaa nin xabsiga Muqdisho ka baxsaday oo la yiraahdo Cabdirashiid Janan, ninkaas ayey u uruuriyeen ciidan, waxayna rabaan inuu xuduuda ka soo tallaabo, taasi ma qarsoona dadka deegaanka ayaa og, anagaa og, ciidamada xoogga ee xuduuda ku suganaa og, waa wax la wada arkayo ciidan la abaabulayo ma ahan wax qarsoomaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Wasiir Dubbe waxa uu sheegay in dowladda Kenya ay tallaabadaan qaaday markii uu xumaaday xiriirka labada dal, isla markaana ay sii xoojineyso faro-gelintii ay markii horeba ku eedeysay dowladda Soomaaliya.

“Anaga mar kasta waxaa naga go’an nabadda iyo deris wanaagga, marnaba ma dhaceyso inta ciidan Soomaaliyeed xuduuda ka gudbaan, inay Kenya fidno ka dhex abuuraan, waan cadeynayaa suurta gal ma ahan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed inay xuduuda ka gudbaan, waxaa naga go’a inaan ilaalino amniga, wadanoolaashaha iyo deris wanaagga,” ayuu yiri wasiir Cusmaan Abuukar Dubbe.

War maanta ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madax-banaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Dhankiisa wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa ka hadlay eedeynta dowladda federaalka Soomaaliya ay u jeedisay dhigeeda Kenya oo ay ku eedeysay inay xuduuda labada dal ka aas-aaseyso jabhad weerarro uga fulisa gudaha Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in jabhad uu ka abaabulayo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay haatan ciidamadiisu ku suganyihiin duleedka magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, sidoo kale waxa uu sheegay in Jubbaland aysan waxaba ka khuseyn go’aanka ay dowladda Soomaaliya xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay dowladda Kenya.

Sababta uu u joogo duleedka Beled-Xaawo waxa uu ku sheegay inay ka dambeyso sidii uu u difaaci lahaa dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Gedo, kuwaas oo uu sheegay inay “dhibaataynayso dowladda federaalka Soomaaliya.”

JANAN oo si yaab leh uga hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya iyo ciidanka uu ku haysto xuduudda

0

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa ka hadlay eedeynta dowladda federaalka Soomaaliya ay u jeedisay dhigeeda Kenya oo ay ku eedeysay inay xuduuda labada dal ka aas-aaseyso jabhad weerarro uga fulisa gudaha Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan oo la hadlay BBC ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in jabhad uu ka abaabulayo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay haatan ciidamadiisu ku suganyihiin duleedka magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

“Meeshan waxaa ku sugan ciidamo iyo shacabkii aan mas’uulka ka ahayn oo dhiban, isla markaana dhibaato dhac, boob iyo waxyaabo xaqiiqiyan bani’aadanimada aad ugu fool xun lagu hayo…degmadan Beled-Xaawo ee aan hadda duleedkeeda degganahay 05-03-2011-kii, ayaan cadow ka qabsanay. Haddana cadow kale ayaa haysta ayaan dhihi karaa, markaad u fiirsato sida shacabka loola dhaqmayo,” ayuu yiri wasiir Janan.

Janan ayaa sheegay in Jubbaland aysan waxaba ka khuseyn go’aanka ay dowladda federaalka Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay dowladda Kenya.

Sidoo kale Cabdirashiid Janan waxa uu sheegay in isaga iyo ciidankiisu ay joogaan duleedka magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, isla markaana uu halkaas  u joogo sidii uu u difaaci lahaa danta dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Gedo, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaataynayso dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhoobley waa magaalo Soomaaliyeed oo dowlad goboleedka Jubaland ka tirsan, ciidamadayada ayaana jooga. Haddii taa ay ciidamo ka yimaadaanna kama duwana ciidanka ka imaanaya magaalada Muqdisho oo diyaaradaha lagu soo qaadayo oo shacabka Soomaaliyeed ee reer Jubbaland ee gobolka Gedo lagu dhibaateynayo muddada dheer,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdirashiid Janan.

Hadalka Janan ayaa imaneysa ayada oo dowldda federaalka Soomaaliya ay maanta sheegtay inay “si dhaw ula socoto abaabulka militari ee ay dowladda Kenya maalmahan ka waddo aagga Mandera iyada oo hubeynaysa jabhad ay si sharci darro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasillooni darro looga abuuro gudaha Soomaaliya.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa intaas ku dartay inay ogaatay in ciidamada Kenya “ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado” magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla.

Jubaland iyo mucaaradka Soomaaliya ayaa horey ugu eedeeyey madaxweyne Farmaajo inuu abuurayo xiisad aan lagama maarmeyn ahayn, si uu dagaalka Kenya uga dhigto olole doorasho, ayaga oo is-weydiiyey sababta uusan Kenya ugu dhiidhin afar sano oo uu kursiga fadhiyey ee hadda un uu ugu soo baraarugay.

Barakac ka bilowday Beled-Xaawo iyo xiisad dagaal oo ka tagan xuduudda

0

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu ka billowday barakac ay sameynayaan qaar ka mid ah Shacabka ku nool degmadaas, xilli ay xiisad dagaal ka taagan tahay magaalada.

Qaar ka mid ah shacabka oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan inay dushooda ku dagaalamaan ciidamada dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Gedo iyo ciidamada Wasiir Janan iyo kuwo kale oo ku sugan dhanka xuduudda ee Kenya.

Xaafada degmada Beled-Xaawo ee laga barakacay ayaa waxaa kamid ah xaafadaha Qansax Barwaqo, Xashawe iyo Dhabad, kuwaas oo la sheegay in dadka badi ay ka barakacayaan

Dad ku sugan degmada Beled-Xaawo ayaa sheegay in Gudaha degmada iyo dhinaca magaalada Mandheera ee Kenya lag dareemayo abaabul dagaal, gaar ahaan halka ay ku sugan yihiin ciidamadii horay looga saaray Beled-Xaawo ee Jubaland.

Xiisada dagaal iyo barakaca ka billowday degmada Beled-Xaawo ee Gedo ayaa imaneysa ayada oo dowldda federaalka Soomaaliya ay maanta sheegtay inay “si dhaw ula socoto abaabulka militari ee ay dowladda Kenya maalmahan ka waddo aagga Mandera iyada oo hubeynaysa jabhad ay si sharci darro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasillooni darro looga abuuro gudaha Soomaaliya.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa intaas ku dartay inay ogaatay in ciidamada Kenya “ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado” magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla.

Jubaland iyo mucaaradka Soomaaliya ayaa horey ugu eedeeyey madaxweyne Farmaajo inuu abuurayo xiisad aan lagama maarmeyn ahayn, si uu dagaalka Kenya uga dhigto olole doorasho, ayaga oo is-weydiiyey sababta uusan Kenya ugu dhiidhin afar sano oo uu kursiga fadhiyey ee hadda un uu ugu soo baraarugay.

W/Q: Anab Mohamed Omar, Peace activist

Jubaland oo ku dhowaaqday is-difaac, weerar culusna ku qaaday Farmaajo iyo NISA

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubaland ayaa qoraal ay kasoo saartay xaaladda gobolka Gedo ku sheegtay in markan ay diyaar u tahay inay is-difaacdo ayada oo ku eedeysay madaxweyne Farmaajo iyo NISA inay colaad ka hurinayaan gobolka.

“Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay aad uga xuntahay xaaladda murugsan ee muddada dheer ka jirtay gobolka Gedo, taasoo cadeyneysa in Madaxweynaha Soomaaliya iyo hay’adda Nabad sugidda oo isticmaalaya magaca Qaranka Soomaaliyeed iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed in ay colaad kaga abuureen gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, arrintaas oo muddo sanad ah taagneyd,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jubaland ayaa sheegtay in dowladda federaalka ay iska indho tirtay go’aano is-daba joog ah oo ay beesha caalamka kasoo saareen, oo loogu baaqayey inay qaboojiyaan xiisadda gobolka.

Waxay intaas ku dartay in taa beddelkeed ay dowladda ciidan hor ku daabushay gobolka.

“Waxa nasiib darro ah in maalmihii la soo dhaafay ay Dowlada Federaalku hub iyo ciidan kusii daabulayeen gobolka Gedo, taasoo ujeeddadooduna tahay in ay dadka deegaanka ka dhex abuuraan dhibaatooyin iyo dagaallo sokeeye,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dowlad Goboleedka Jubbaland iyadoo xeerineysaa Qaranimda iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, mas’uulna ka ah amniga gudaha deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in cidkasta oo khal-khal iyo deganaansho la’aan ka abuureysa deegaanadda Dowlad Goboleed-ka Jubaland si mideysan ay isaga difaaceyso iyadoo kaashaneysa shacabkeeda,” ayey tiri Jubaland.

Jubaland sheegtay in cawaaqib xumada ka dhalata xaaladaas ay masuuliyadeeda dusha ka saaran tahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee waqtigiisu dhammaadka yahay.

Hoos ka aqriso qoraalka Jubaland

Afhayeenka Al-Shabaab oo war kasoo saaray qaraxii Gaalkacyo iyo qorshahooda

0

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta si faah-faahsan uga hadashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Afhayeenka ciidamada xarakada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab oo ka hadlay weerarkaas ay ku dileen saraakiisha ciidanka, ayaa sheegay in ujeedka weerarkaas uu ahaa in lagu dilo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Weerarka ayaa ka dhacay goob uu ra’iisul wasaaraha rabay inuu tago, waxeyna dhibaatada soo gaartay saraakiil meel ku aruursanaa, oo qeyb ka ahaa sugidda amniga.

“Ujeedka weerarka wuxuu ahaa in lagu dilo ra’iisul wasaaraha,” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab oo warbaahinta afkooda ku hadasha u sheegay inuu guuleystay qaraxii halkaas ka dhacay.

14 qof oo ka kooban saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21-aad, askar kale, iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka in ka badana ay ku dhaawacantay.

Saraakiisha ku dhimatay weerarkan ayaa waxaa laga xusi karaa Taliyihii Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Kumaandooska Danab ee Qaybta 21aad, Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan, Taliye Kuxigeenkii Kumaandooska Danab, Marsha Mire, Sarkaal kale oo ka tirsanaa Qaybta 21aad, laguna magacaabi jiray Axmed Baaraaf, Duqii hore ee Magaalada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin Tumey iyo dhawr askari oo kale.

Xog: DF oo laba sabab u baajisay munaasabaddii weyneyd ee December 20

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, waxaa sanadkan dabaal dagyo waa weyn loo sameyn doonin aas-aaska ciidanka booliska Soomaaliya oo ku beegan 20-ka bisha 12-aad ee sanad kasta.

Booliska Soomaaliya ayaa la aas-aasay December 20, 1943-dii, waxayna sanadkaan u dabaal dagayaan 77 sano guuradii ka soo wareegtay maalintaas oo aheyd ka hor xorriyadda Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sheegay in sanadkaan aysan jirin munaasabado waa weyn iyo dabaal dagyo, balse la filayo in la qabto isu imaatin kooban ama kulan aan weyneyn, kaas oo ay ka qeybgeli doonaan mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Sababta aan sanadkaan loo qaban doonin dabaal dagga ayaa lagu sheegay in laba arrin oo kala ah.

Cabsi dhanka amaanka oo ay muujiyeen ilo sirdoon oo muhiim ah, kuwaas oo sheegay in ay jiraan shaqsiyaad iska soo dhigay booliska Soomaaliya oo damacsan ay in ay fuliyaan weeraro Ismiidaamin ah.

Iyo sababta kale oo lagu sheegay in mashquulka siyaasadeed oo jira iyo khilaafka doorashada aysan suurta gelin karin in la qabto dabaal dagyo maadaama magaalada Muqdisho uu ka jiro culeys weyn oo arintaas ah.

Wali ma jiro war sugan oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo Booliska oo xaqiijinaya in guud ahaanba la joojiyay dabaal daga iyo sababta loo joojiyay,  waxaana munaasabada ka dhiman saacado kooban.

Sawirro: Wasiirka Arrimaha dibadda dal Afrikan ah oo yimid Hargeysa + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Malawi, Eisenhower Mkaka ayaa maanta soo kaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, isaga oo booqasho rasmi ah ay uga billaabatay Somaliland.

Eisenhower ayaa noqonaya mid ka mid ah ma’suuliyiintii ugu sarreysay ee booqda Somaliland, oo ku dhawaad 30-sano ka hor ku dhawaaqday iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse aan helin aqoonsi caalami ah.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiska ku qaabilay wefti uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Malawi, Mudane Eisenhower Nduwa Mkaka oo safar shaqo ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay xidhiidhka labada Somaliland iyo Jamhuuriyadda Malawi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Muuse Biixi.
Sidoo kale, waxa kulanka lagu lafo-guray sidii ay labada dhinac u samaysan lahaayeen xidhiidh qoto dheer.
Muuse Biixi ayaa weftiga warbixin guud ka siiyey horumarka iyo isku tashiga Somaliland, isagoo xusay in shacbiga Somaliland aanu Afrika iyo caalamka toona ka helin wixii ay xaqa u lahaayeen oo ah aqoonsi buuxa, madaama ay buuxiyeen shuruudihii dawladnimo ee looga baahna, sida lagu sheegay qoraalka.

Dhinaciisa, wasiirka arrimaha dibedda ee Malawi waxa uu madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqay sida milgaha iyo sharafta leh ee dalka loogu soo dhaweeyey, waxaanu madaxweynaha soo gaadhsiiyey salaan uu uga siday madaxweynaha dalka Malawi.

Kulankaa waxa madaxweynaha ku wehelinaayey, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, arrimaha gudaha, horumarinta maaliyadda, iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhinaca weftigana waxa wasiirka ku wehelinaayey la-taliyaha madaxweynaha Malawi, Mr. Martin Tom iyo William Bambi oo ka tirsan waaxda arimaha dibada ee Afrika iyo Bariga Dhexe ee Malawi.

Mr. Eisenhower Mkaka oo sanadkaan gudahiisa la magacaabay ayaa durba dhaqdhaqaaqyo waa weyn sameeyay, waxa ugu weyn ee lagu xasuusan doono waxey tahay inuu noqday wadankii ugu horreeyay Afrika ah ee xiriir dhow la sameysta Yahuudda.

Mkaka ayaa sidoo kale sheegay in safaaradda Malawi ay Israel ku leedahay ay u rarayso magaalada Qudus ee dhulka Falastiin, sidoo kalana wuxuu taageero weyn u muujiyay sheegashada dalka Marocco ee saxaraha galbeed.

Wasiirka wuxuu usoo tallaabo qaaday Geeska Afrika isagoo doonaya inuu wadaxaajood la sameeyo maamul doonaya inuu ka go’o Soomaaliya inteeda kale, mana ahan wadankii ugu horreeya ee maamulka Somalilanad xiriir diblomaasi la sameeya.

Lama oga sababta rasmiga ah ee wasiirka keentay Hargeysa, balse waxaa la sugid doonaa haddii Malawi ay qeyb ka noqoto wadamada qunsuliyadaha ka furtay halkaas.

Ciidamo mar kale maanta ku dagaallamay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh geystay ayaa ka dhacay xaafado ka tirsan dagmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana ku dagaalamay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Sida la sheegay dagaalka wuxuu dhexmaray ciidamo militari ah oo dagmada ku sugan iyo ciidamo uu watay Cismaan Xaadoole oo mar soo noqday gudoomiyaha dagmada Balcad iyo sidoo kale sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay joore, wuxuuna dagaalka ka dhacay agagaarka Kawaan Barri ee degmada Kaaraan.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa kala gaaray labadii ciidan ee dagaalamay iyadoo dad goobjoogayaal ah ay Caasimadda Online u sheegeen in dagaalka uu salka ku hayo dhul halkaas ku yaalla oo la isku qabsaday.

Dadka deegaanka waxey sheegeen in muranka dhulka uu maalmahaanba jiray, balse aysan fileyn inuu dagaal ku qabsan doono xaafadooda iyadoo khasaaro dadka shacabka ah kasoo gaaray dagaalkaas uu jiro.

Wali wax war ah kama soo bixin laamaha ammaanka dagmada Kaaraan iyo kan gobolka Banaadir iyadoo dagaalada ciidamada dowladda ka wada tirsan ku dhexmara Muqdisho uu mudooyinkii dambe sii badanayay.

Galmudug oo shaacisay xog la xiriirta qaraxii Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Onlinme) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Galmudug, Mudane Axmed Shire Falagle oo ka mid ah mas’uuliyiintii ka bad-baaday qaraxii is-miidaaminta ee shalay ka dhacay koonfurta Gaalkacyo ayaa faah faahiyey qaraxaasi.

Wasiir Falagle oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in xilliga uu dhacayey qaraxa uu ku sugnaa gudaha garoonka kubadda cagta ee Cabdullahi Ciise oo ay ka dhacday is-miidaaminta, looguna talagalay in lagu soo dhoweeyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ugu horreyn wasiirka ayaa ka ka sheekeeyey sida ay wax u dhaceen, isaga oo shaaca ka qaaday in qaraxa uu dhacay waxyar ka hor, xilli la sugayey in garoonka ay soo galaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

“Walaahi jawiga annagoo gudaha ku jirno oo si fiican dadku calamada u ruxayaan Lambarkana aad u badnaa, loona dhag taagayo albaabka laga soo galo garoonka ee soo gelitaanka ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa halmar aynu maqalnay jug nagu dhow oo qarax ah, kadibna ciidamada banaanka joogay xabado ayey fureen,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in saraakiisha lagu laayey qaraxaasi ay ku jireen gudaha garoonka, balse markii dambe ay u soo baxeen garoonka banaankiisa, si ay u kala hagaan baabuurta, una soo dhoweeyaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya & madaxweynaha Galmudug, wuxuuna xusay in uu soo dhex-galay qof isa soo miineeyey.

“Saraakiisha haatan meesha ku baaba’day banaanka ayey u yara baxeen, si ay baabuurta iyo madaxda u soo kala hagaan oo markii ay albaabka soo gaaraan ay si habsami leh shaqadooda u gutaan, marka qof isa soo miineeyey ayaa saraakiisha soo dhex-galay,’ ayuu sii raaciyey wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug.

Ugu dambeyn wuxuu tacsi u diray saraakiishii iyo dhammaan dadkii kale e ku dhintay qaraxaasi, isaga oo hoosta ka xariiqay inay haatan wadaan baaritaano dheeri ah.

Xaaladda Gaalkacyo ayaa maanta degan, waxaana bandow lagu soo rogay koonfurteeda, iyadoo sidoo kale lagu wado in dhaawacyada daran loo soo qaado magaalada Muqdisho.

DF Soomaaliya oo arrin halis ah ku eedeysay KENYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya uga digtay dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ciidamadeeda ka wadaan xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

War ka soo baxay dowladda federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in Kenya hub iyo maleeshiyaad ay ku soo daad gureysay magaalada Mandera, si ay duullaan ugu soo qaadaan magaalada Beled Xaawo oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Kenya inay hubeyneyso jabhado ay si sharci darro ah ugu marti gelisay dalkeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijineyso madaxbanaanideeda siyaasadeed, dhuleed iyo ilaalinta sharafkeeda.

Halkan ka Akhriso qoraalka:-

Dowldda Federaalka Soomaaliya waxay si dhaw ula socotaa abaabulka militari ee ay Dowladda Kenya maalmahan ka waddo aagga Mandera iyada oo hubeynaysa jabhad ay si sharci darro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasillooni darro looga abuuro gudaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogaatay in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga digeysaa Dowladda Kenya ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxayna mar kale ku celinaysaa in ay Kenya ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni darro saameyn ku yeelata amniga Gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kenya oo ku dhowaaqday tallaabo ay qaadeyso oo jawaab u ah Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale ka hadashay arrimo ku aadan xiriirkii go’ay ee Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan go’aankii ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee xiriirkii diblomaasiyadeed loogu jaray xukuumadda Nairobi.

Afhayeenka Kenya Col. Cyrus Oguna oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa shaaciyey tallabada ay qaadeyso dowladdiisa, kadib go’aankii Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in iyaguna ay cabashadooda u gudbin doonaan IGAD,COMESA iyo African Union.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin labo dal oo daris ah, islamarkaana ay dowladda federaalka ku deg-degtay go’aankeeda, sida uu hadalka u dhigay.

Col. Cyrus Oguna ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in aysan marnaba ka aarsan doonin Soomaaliya oo uu ku tilmaamay dal saaxib dhow la’ah Kenya.

“Dowlada Soomaliya waa ay deg degtay ma aheyn, Anagoo Walaalahood ah in ay xiriirka noo Jaraan, waxaan nahay  deris iyo Saaxiibo aan kala maarmin hadana kama aarsan doono balse waxaan Cabashadeena u gudbin doonaa IGAD,COMESA iyo African Union si naloo heshiisiiyo,” ayuu yiri afhayeenka dowladda Kenya Col. Cyrus Oguna.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu haatan meel xun marayo khilaafka u dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya oo horey u kala rartay safaaradaha, waxaana xiisada labada dal ay kulan ka yeelanayaan dalalka IGAD, kaas oo ka dhacaya wadanka Jabuuti.

Sidee ninkii fuliyey qaraxa Galkacyo ugu suurto-gashay inuu haleelo saraakiil sare?

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxay faah faahin ka soo baxeysaa weerar ismiidaamin ahaa, oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ismiidaaminta ayaa ka dhacday afaafka hore Garoonka Kubadda Cagta ee Cabdullaahi Ciise, xilli loogu diyaargaroobayay in lagu soo dhaweeyo wafdiga Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo galabta gaaray magaaladaasi.

Maadaama la baaraayay dadkii gelaayay Garoonka Cabdullaahi Ciise, ee doonaayay inay ka qayb qaataan soo dhaweynta wafdiga Ra’iisal Wasaaraha, ayuu qofkii isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay Saraakiil ka tirsaneyd Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo xilligaa ku sugnaa afaafka hore ee garoonkaasi.

Afhayeenkii hore ee Maamulka Galmudug, Maxamed Xasan Sahal oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in ninka is qarxiyay uu salaamay Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan, Taliyihii Kumaandooska Danab ee Qaybta 21aad, ilbiriqsiyo ka hor, intii aanu is qarxin.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ninkaasi ay is garanayeen Saraakiisha qaarkood, waana tan sahashay in si fudud uu ku soo dhex qaado, isla-markaana uu bartilmaameedsado xubnahaasi sar sare.

Inta la ogyahay toban qof oo u badan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21aad ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka in ka badana ay ku dhaawacantay.

Saraakiisha ku dhimatay weerarkan ayaa waxaa laga xusi karaa Taliyihii Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Kumaandooska Danab ee Qaybta 21aad, Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan, Taliye Kuxigeenkii Kumaandooska Danab, Marsha Mire, Sarkaal kale oo ka tirsanaa Qaybta 21aad, laguna magacaabi jiray Axmed Baaraaf, Duqii hore ee Magaalada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin Tumey iyo dhawr askari oo kale.

Sidoo kale waxaa jira tiro dad ah oo dhaawac ahaan loo geeyay goobaha caafimaadka, balse markii dambe ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Weerarkan ayaa damaashaadkii ka jiray Garoonka Cabdullaahi Ciise u bedelay mid jahwareer ah, iyadoona ay is dhex yaaceen boqolaalkii qof ee ku sugnaa garoonkaasi, sababo ku aadan iyagoo daryankii qaraxaasi ku argagaxay.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka uu dhiigga badani ku daatay ee ka dhacay magaalada bartamaha dalka dhacda ee Gaalkacyo.

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa cambaareeyay falkan argagixiso.

Dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilaa inaanay dersi ka kororsan qarax illaa qarax kale, xilli qaraxba qaraxa kale uu ka soo yeerayo dhawaq dadka argagax-gelinaya, marka aad eegto xubnaha muhiimka ahi ee ku dhimaneysa.

Mareykanka oo Soomaaliya usoo diray markab fulinaya howlgalka Octave Quartz

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markab weyn oo kuwa dagaalka ah usoo dirtay xeebaha Soomaaliya, xilli ay qorsheyneyso inay dhammaan cidiamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya, toddobaadyada soo socda.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyey in markabka USS Hershel “Woody” Williams, oo u shaqeeya sida saldhig militari oo kale, loo soo diray xeebaha Soomaaliya, si uu u taageero howlgalka loogu magac daray OCTAVE QUARTZ.

Howlgalka OCTAVE QUARTZ waa howlgalka ciidamada Mareykanka looga saaray Soomaaliya, ayada oo lagu gaynayo goobo kale oo ka tirsan Bariga Afrika, oo Jabuuti ay ka mid tahay.

Markabka USS Hershel “Woody” Williams ayaa la filayaa inuu xeebaha Soomaaliya kusoo gaaro laba toddobaad gudahood, ayada oo ciidamada Mareykanka ay qasab tahay inay ka wada baxaan Soomaaliya kahor 15-ka Janaayo 2021, sida uu amray madaxweyne Donald Trump. Trump ayaa xilka ka degaya 20-ka Janaayo 2021.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.

Inta badan ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ah ciidamada howlgallada gaarka ah, waxayna kala joogaan dhowr saldhig oo kala duwan oo ku yaalla dalka.

Illaa iyo hadda ma cadda tirada ciidamada Mareykanka ee laga soo saarayo Soomaaliya, hase yeeshee Waaxda Gaashaandhigga ayaa u muuqata inay soo jeedineyso in dhammaan ciidamada Mareykanka dib loogu meeleyn doono meelo kale oo Africa ka mid ah, iyo saldhigyo kale oo gobolka ah.

Kenya oo ciidan badan soo dhoobtay xuduuda Somalia

0

Mandhera (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh ka wada xuduudda Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari la wadaagto Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Kenya ayaa Jimcihii waxay is bedel ku sameysay Ciidamadii Booliska ee xuduudda ilaalin jiray, iyadoona ku bedeshay kuwo militari oo aad u qalabeysan.

Ciidamada ayaa la sheegay inay wataan gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, madaafiicda goobta iyo qoriga ridada dheer ee Altalariga, sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Halka loo yaqaano saddex geesoodka ee saddexda dal (Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya) kulmisa ayay Kenya soo dhoobtay kun iyo shan boqol oo askari, kuwaa oo sida la sheegay u badan askar militari ah, oo ka soo jeeda Gobolka Soomaalida Kenya degto ee NFD.

Sidoo kale maleeshiyaad taabacsan Maamulka Jubbaland oo laga kala keenay deegaanada Buurgaabo, Kudhaa iyo Raaskambooni ayaa xalay soo gaaray xadka, iyagoo markaasi taabacsan Kenya. Maleeshiyadan waxaa horkacaya Sarkaal lagu magacaabo Fanax, si dhowna loola xiriiriyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Ciidan uu hoggaaminayo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil oo ka soo ruqaansaday dhanka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sidoo kale soo gaaray xuduudda, iyagoona ku sugan qaybta Kenya.

Dhanka Soomalaiya waxaa xuduudda Degmada Beled Xaawo ku sugan Ciidanka Kumaandooska Gorgor iyo booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaa oo tiradooda lagu sheego dhawr kun oo askari.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa waxay ku soo aadayan, xilli maalmihii la soo dhaafay ay xiisad ku soo korortay xuduudda labada dal, iyadoo ay dadka deegaankuna ka baqdin qabaan in lagu dul dagaalamo.

Tani ayaa waxay imaaneysaa, iyadoo Isniintii ay Soomaaliya xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Dowladda Kenya, ka dib markii ay ku eedeysay in faragelin qaawan ay dalkeeda ku hayso.

Al-Shabaab oo burburiyey is-gaarsiin ku taalla KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ka fuliyeen duleedka magaalada Mandera oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku ekeeyeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Safaricom ay ku laheyd halkaasi.

Nyamboka Mound oo ah guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Mandera ayaa wariyeyaasha u sheegay in dagaalyahanadu ay cagta mariyeen xaruntaasi isgaarsiineed, bals wuxuu shaaciyey in weerarka uusan geysan wax khasaare nafeed ah.

“Xarun isgaarsiineed ayaa gebi ahaanba la burburiyay kadib markii dabley hubeysan ay soo weerareen,nasiib wanaag ma jiro cid wax ku noqotay.”ayuu yiri Nyamboka Mound.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ciidamada Booliiska Kenya ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fuliya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

 

Saraakiil Al-Shabaab ahaa oo howl-gal ‘lagu dilay iyo kuwa nolosha’ lagu qabtay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada sida gaarka ah u tababareen Danab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah degmada Jamaame oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu la beegsadeen xarumo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Carab Dheeg Axmed oo ah taliyaha ururka 5-aad ee guutada Danab ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inay howl-galkaasi ku khaarijiyeen ugu yaraan saddex sarkaal iyo 13 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ay nolosha ku qabteen illaa lix xubnood oo kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay cagta mariyeen, islamarkaana ay burburiyeen xarumo kala duwan oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

GAALKACYO oo bandow la geliyey iyo howl-gal ka socda

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada xasilinta gobolka Mudug ayaa lagu soo warramayaa inay bandow ku soo rogeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay hakad-geliyeen dhammaana dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada, iyaga oo ka bilaabay howl-gallo ballaaran.

Sidoo kale dadka ayaa lagu wargeliyay in inta ay socdaan baaritaanada in aysan ka soo bixin guryahooda, iyada oo ay ciidamadu dhex socdaan xaafadaha magaalada.

Ujeedka howl-galladaasi ayaa ahay sidii gacanta lagu soo dhigi lahaa dadkii wax ka abaabulay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay halkaasi.

Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in maanta Muqdisho loo soo qaado qaar ka mid ah dadka qaba dhaawacyada daran ee ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi.

Is-miidaaminta ka dhacday Gaalkacyo ayaa lala beegsaday goob lagu soo dhoweynayey ra’iisul wasaaraha, islamarkaana ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dad shacab ah.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas oo uu fuliyey ruu isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana halkaasu ku dhintay saraakiil sar sare iyo shacab.

Aqri: Magacyada iyo xilalka saraakiishii sar sare ee lagu dilay qaraxii GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo uu booqanayey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble.

Qaraxan ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab, oo war rasmi ah ku sheegtay in qaraxa uu fuliyeey qof is-miidaamiyey oo ka tirsanaa ciidankooda, islamarkaana bartilmaameedka qaraxa uu ahaa ra’iisul wasaare Rooble.

Qaraxa oo ka dhacay garoonka Cabdullaahi Ciise ee ku yaalla dhinaca koonfureed ee magaalada, halkaas oo la sheegay in uu ku wajahnaa Rooble, ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin sare. Dadka ku dhintay qaraxan ayaa waxaa ka mid ah:- 

1 – Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari).

2 – Taliyiyihii Ciidamada danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan.

3 – Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali.

4 – Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo- Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa xaqiijiyey geerida saraakiisha, waxaana uu guud ahaan ciidanka xoogga iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid saraakiisha iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay qaraxa.

Dhowaan ayay ahayd markii qarax uu ka dhacay Gaalkacayo, kaas oo lala eegtay xarun dowladdeed.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60