24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Sudan oo ciidan dhoobtay xuduudda Ethiopia ‘kadib weerar lagu soo qaaday’

Khartoum (Caasimada Online) – Sudan ayaa ‘xoojin militari muhiim ah” u dirtay xuduudda Ethiopia, waxaa sidaas sheegtay warbaahinta dowladda, maalmo kadib markii ciidamada ay halkaas kusoo weerareen ciidamo Ethiopian ah.

Askarta ayaa waxaa lagu daadgureeyey xuduudda bari ee magaalada Al-Fashaqa, halkaasi oo ah goobta ay isku dhacyada ka dhaceen, islamarkaana ah dhul ay sheegato Sudan balse ay haystaan beeraley Ethiopian ah.

Goobtan ayaa sidoo kale xuduud la leh gobolka Tigray oo dhowaan ay ka dhaceen dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda Ethiopia iyo kooxda TPLF.

“Ciidamada Sudan waxay kusii siqayaan jiidda hore ee Al-Fashaqa si ay dib ugu qabsadaan dhulka la xaday, islamarkaana fariisimo uga dhigtaan khadadka caalamiga ah,” waxaa sidaas tiri wakaaladda wararka Sudan ee SUNA.

Ciidamada Sudan ayaa sheegay in askartood ay habeenkii Talaadadii “soo weerareen ciidamada iyo maleeshiyo Ethiopian ah oo ku sugan dhulka Sudan.”

Warbaahinta Sudan ayaa sheegay in afar askari lagu dilay islamarkaana 27 kale lagu dhaawacay weerarka, inkasta oo ciidamada asyan xaqiijin warbixinadan.

Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok, oo toddobaadkii tegay booqday Addis Ababa, ayaa dhiggiisa Ethiopia Abiy Ahmed kala hadlay calaameynta xuduudda labada waddan.

Addis Ababa ayaa isku dayday inay yareyso ahmiyadda isku dhacan, waxayna sheegtay in dhacdadan aysan helis ku aheyn xiriirka labada dal.

AFP + VOA

Waqooyiga Muqdisho oo caawa ciidamo badan lagu daadiyay iyo xiisad ka taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo aad u hubeysan oo ah kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caawa lagu arkayaa degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo qeybo kamid ah Cabdulcasiis, ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidankaan ay isku ballaariyeen xaafadaha qaar ee degmooyinkaas, waxaana la beegsanayaa askarta Milateriga ka tirsan iyo kuwa kale ee hubeysan.

Saraakiisha ayaa kala ah Cusmaan Xaadoole, Maxamuud Axmed Masdile, Abuukar Boonow iyo Maxamed Cusmaan Joorre.

Si rasmi ah looma oga ujeedka ciidankaan hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in ay raadinayaan ciidamo shalay ku dagaalamay degmooyinka Kaaraan iyo qeybo kamid ah Cabdulcasiis, oo ka tirsan militariga.

Shacabka degmooyinkaas ayaa sheegay in caawa ay waqti hore xaroodeen dadka degaanka,  islamarkaana la xiray goobaha ganacsiga iyadoo la dareemayo jawi cabsi ah.

Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdulcasiis ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal culus oo ay ku dhinteen ugu yareen 10 qof oo isugu jira shacab iyo dhanacyadii dagaalamay, kaasi oo dhex-maray laba ciidan oo ka wada tirsan militariga.

Arrintan ayaa imaneysa ayada ciidamo isugu jira Nabadsugid, Boolis iyo Millateri ay sidoo kale xalay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ka sameeyeen qorshe ay doonayeen inay ku weeraraan saraakiisha horkacayey ciidankaasi, si loo soo xiro, hubkana looga dhigo, balse ay ku fashilmeen.

Saraakiisha iyo ciidankii dagaalamay oo laba dhinac kasoo kala jeeday ayaa markii ay ka war-heleeen qorshaha dowladda isku dhinac noqday, waxayna ay u baxsadeen dhanka duleedka bari ee magaalada Muqdisho.

‘Dhalinyaro ay Kenya dagaal gelineysay ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga’

0

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka xoogga dalka ee dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa faahfaahin ka bixiyey wararkii u dambeeyey ee xiisadda ka taagan xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Korneyl Rufle ayaa sheegay inay isu-soo dhiibeen ciidamo ka tirsanaa jabhad uu sheegay in Kenya ay ka aas-aastay xuduuda labada dalka, sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay magaalada Mandheera.

“Dhalinyaradii sida afduubka ah lagu abaabulay Mandheera, hal horin ayaa saakay soo fakatay, illaa 45 nin ayaa nasoo gaartay saacadihii u dambeeyey, kuwaas oo iska soo dhiibay magaalada Beled-Xaawo iyo deegaanka Soofka,” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in aysan ka wal-walin dagaal dhex mara ciidamada Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in hadii la is fara saaro ay ciidamada Soomaaliya kalsooni badan ku qabaan inay guulo soo hoyn karaan.

“Waxaan inkugu bishaareynayaa in diyaarado iyo taangi Afrikaan leeyahay aanaa ka baqeyn oo rag ku filan aan nahay, iyadoo qof kasta oo Soomaali ah aanaa ka maarmin hiilkiisa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Korneyl Rufle.

Waxa uu sheegay in hiigsiga ciidanka xoogga dalka ee Gedo ku sugan uu yahay inay qabsadaan aagga Raas-kambooni, gaar ahaan halka xad beenaadku uu badda ka galo, halkaas oo ah deegaanada ay maamusho Jubbaland.

Afhayeenka ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo ayaa sidoo kale aad ugu mahadceliyey dadka Soomaali Kenyaanka ah ee ku nool magaalada Mandheera oo aad ugu dhow magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

“Waxaan u mahad celinayaa dadka degan Mandheera oo muujiyey Soomaalinimo dhab ah, waxaan ku farxad gelinayaa inay ciida ay ku noolyihiin ay mulki u leeyihiin, mida la gumeystana aanaa hadda duulaan ku aheyn, hadda aduunku waa horumaraye inaad qalinkiina xornimada ku heshaan ayaan rajeynayaa, laakiin Kenya daan daansiga ay nagu heyso markaan fiiriyey waxay u muuqataa gobolka NFD inuu xoroobi doono” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Korneyl Rufle.

Hoos ka Daawo

Midowga Afrika oo war ka soo saaray xiisadda ka dhex oogan Kenya iyo Soomaaliya

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat oo kamid ah madaxdii ka qeyb gashay furitaanka shirka madaxda urur goboleedka IGAD ayaa ka hadlay xiisada xoogan ee ka dhex aloosan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xiligan loo baahan yahay in si deg-deg ah loo xaliyo khilaafka diblumaasiyadeed ee labada dal, isagoona walaac ka muujiyey xiisada horseeday in dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jarto xukuumadda Nairobi.

Mahamat ayaa labada dhinac ka dalbaday inay furaan wada-hadal wax looga qabanayo arrimaha taagan, xili labada madaxweyne ay maanta ku kulmeen magaalada Jabuuti, taasi oo ay ka shaqeeyen madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya. 

“Xiisaddii dhawaan dhexmartay Kenya iyo Soomaaliya oo ah laba waddan oo deris ah taas oo sababay in uu go’o xiriirkii diblomaasiyadeed ayaa ah arrin walaac weyn ku ah Midowga Afrika. Sidaa awgeed, waxaan jeclaan lahaa in labada dal aan ka codsado in ay furaan wada-hadal ujeedadiisu tahay in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed iyo in aan ka codsado urur goboleedka IGAD in labadani dal ay arrintaas ku dhiiri-geliyeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu madaxda ku bahoobay IGAD ka dalbaday inay qeyb ka noqdaan xal u helida xiisada Kenya iyo Soomaaliya oo gaartay meeshii u sareysay, tan iyo markii ay dowladda federaalka u jartay xiriirkii diblumaasiyadeed, kadib markii ay Kenya ku eedeysay inay faro-gelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha dalka.

Labada madaxweyne ayaa maanta waxaa isu keenay oo kulankooda goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo isku dayaya inay xaliyaan xiisadda ka dhex oogan.

Kulanka ay maanta yeeshen madaxda Soomaaliya iyo Kenya ayaa hordhac u yahay kulan guud oo isla maanta yeelanayeen dhammaan madaxda IGAD.

Dowladda federaalka ayaa dhowaan dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay IGAD, taasi oo ka dhigeysa in ajendaha shirka madaxda ku bahoobay uu qeyb ka noqonayo xiisada ka dhex aloosan Kenya iyo Soomaaliya.

Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Saddex qof ayaa Axadda maanta ah ku dhimatay markii bambo meel looga tagay ay ku qaraxday caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa, sida ay ku warameyso wakaaladda wararka ee dowladda.

Wakaaladda ayaa warisay in qaraxu uu ka dhacay deegaanka Lideta oo u dhow bartamaha caasimadda, iyadoo intaa ku dartay in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof ayna ku dhaawacmeen shan kale.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi muddo lix toddobaad ah ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada federaalka iyo ururla TPLF, laakiin ma jirto wax tilmaamaya in uu xiriir ka dhexeeyo qaraxa iyo colaadda gobolkaasi.

“Waxaa socda baaritaan la xiriira qaraxa, shacabkana waa lala wadaagi doonaa marka uu baaritaanku dhamaado,” ayay wakaaladdu warisay.

Tan iyo markii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay 4-tii November duullaanka ku qaadday gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray, waxaa jiray dhowr qarax oo yar yar oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Booliska federaalka ayaa ku eedeeyay qaraxyada qaar kooxda TPLF, laakiin ma aysan keenin caddeymo ay ku taageerayaan sheegashadooda.

Reuters + VOA

Mahad Salad oo sawir 2016 ahaa soo bandhigay kadibna ku weeraray FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu yahay “dagaal-ooge soo daahay.”

Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada aan taageersaneyn siyaasadda Villa Somalia ayaa qoraalkiisa ku xasuusiyay madaxweyne Farmaajo in sanadkii 2016 ay qabsan jireen taageerayaashiisa banaan-baxyo aan cidina qolo gaar ah ugu leexin, ayaga oo welia hubeysan.

Qoraalkiisa oo uu la socda sawir 2016 ah ayuu ku sheegay xildhibaanka sidoo kale in Gen. Caanood oo ay qaraabo yahiin madaxweynaha inuu sugayay amnigiisa, sidaas darteedna aysan cidina u leexin qabiil gaar ah.

Sidoo kale Mahad Salaad wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Farmaajo uu hadda banaan-baxyada jira ku sifeeyay qaab qabiil, wuxuuna qoraalkiisa kusoo dhameeyay in Farmaajo yahay Dagaal-ooge soo daahay, isla markaana ka shisheeyo kaligitaliye.

QORAALKA MAHAD SALAAD HALKAAN KA AKHRISO:

FARMAAJO WAA DAGAAL-OOGE SOO DAAHAY

Farmaajo shalay isagoo Baasuuke iyo BKM sita ayuu sidaan u bannaanbixi jiray 2016-kii.

Cabdi Billeyaal tuuteysan oo Gen. Caanood ilmo adeer yihiin uu watana waa waardiyeen jireen. Cid qabiil habel ayaad tahay ama qoriga maxaad u sidataa tirina majirto.

Farmaajo maanta wuxuu leeyahay qabiil ayaad tihiin, Bastoolad ma qaadan kartaan, bannaambaxna ma qaban kartaan. Kaligitaliye intaan waa ka caqli badanyahay ee Farmaajo waa DAGAAL-OOGE SOO DAAHAY

Hon. Mahad Salad

DF oo ciidamo hor leh ka dejisay GEDO iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku daabushay ciidamo hore leh, xili ay weli taagan tahay xiisada kala dhaxeysa maamulka Jubbaland.

Ciidamada laga dejiyay Gedo ayaa lasoo warinayaa inay iskugu jiraan Millateri iyo qaar kamid ah Koofiya casta madaxtooyada, kuwaasi oo ku hubeysan hubka fudud iyo gadiidka dagaalka.

Waxa hogaaminayo ciidamada laga dejiyay Gedo taliye lagu magacaabo Liibaan Xasan Cali, sida ay ilo xogogaal ah u sheegen warbaahinta gudaha.

Arrintan ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dab kusii qabaneysa xiisada ka taagan gobolkaas ee kala dhaxeysa maamulka Jubbaland oo hore u dalbaday in ciidamada dowladda ee ku sugan laga saaro.

Dowladda federaalka ayaa iyadu weli kusii madax adeygaysa gacan ku haynta gobolkaas, iyada oo ciidamada dambe ay uga dari karaan xaalka gobolka, maadama ay Jubbaland iclaamisay is difaac dagaal oo ka dhan ah dowladda federaalka.

Xiisada Gedo ayaa dhowr jeer oo hore laga soo saaray baaqyo nabadeed, hase yeeshe waxa markasta fashil kusoo gaba-gabooba dejinta xiisadaas oo uu wada-hadalkeeda shuruud uga dhigay madaxweynaha Jubbaland saarista ciidamada dowladda.

Waxa kale oo xiisadan qeyb ka noqoneysa carqaladaha ku gadaaman in doorashada soo socota ay ku qabsoomto waqtigeeda, xili ay mucaaridku qaadaceen guddiga doorashooyinka ee lagu muransan-yahay oo xaalad cakiran ka abuurtay dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru oo la kulan siiyey

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Jabuuti ayaan sheegaya in ay isa soo hor fariisteen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta oo halkaas ku wada sugan.

Labada madaxweyne ayaa waxaa isu keenay oo kulankooda goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo isku dayaya inay xaliyaan xiisadda ka dhex oogan.

Kulanka ay Abiy iyo Geellee isugu keeneen labada Madaxweyne ayaa lagu dhex dhexaadinayaa khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal, kadib markii ay Soomaaliya xiriirka u jartay Kenya, kuna eedeysay faro-gelin.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in kulankan uu hordhac u yahay kulan guud oo goordhow dhex mari doona dhammaan madaxda IGAD.

Ujeedka kulanka kooban ee Farmaajo iyo Uhuru ayaa ah habsami u socodka shirka guud ee Madaxda IGAD dhex maraya in aanu saameyn khudbadaha xasaasiga ah ee ay jeedinayaan labada Madaxweyne.

Dowladda federaalka ayaa dhowaan dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay IGAD, taasi oo ka dhigeysa in ajendaha shirka madaxda ku bahoobay uu qeyb ka noqonayo xiisada ka dhex aloosan Kenya iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale, kahor kulankaas ayaa kulan gaar ah waxa uu dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ku wada sugnaa dalkaas.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxa looga wada-hadlay xaaladada gobolka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee labada dal, sida ay sheegen ilo xogogaal ah.

Abiy iyo Farmaajo oo uu ka dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo qoto dheer ayaa waxa lasoo warinayaa inay sidoo kale ka wada-hadleen dagaalka Tigreyga iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dalalka IGAD.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la wadaagay Abiy cabashada ay ka qabaan dowladda Kenya, oo Soomaaliya ay xiriirka u jartay.

Lafta-gareen oo u muuqda inuu beddelayo mowqif siyaasadeedkiisii hore

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa ka hadlay khilaafka madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ee la xiriirta xiisada ka taagan gobolka Gedo.

Lafta-gareen oo muddo ahaa saaxiibka ugu dhow ee Villa Somalia, marka ay noqoto madax goboleedyada, islamarkaana ku raaca wax kasta, ayaa muujiyey isbeddel dhex-dhexaadnimo iyo inuu doonayo inuu xaliyo khilaafka jira.

Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa sheegay in uu door weyn ka qaadan doono dejinta xiisadaas, isagoona xusay in madaxweyne Axmed Madoobe uu kala shaqeyn doono sidii ay Jubbaland ugu soo noqon laheyd sideedii hore, taasi oo ka dhigan in Gedo dib loogu celiyo maamulka Jubbaland.

“Waa kala shaqeynayaa nabadda iyo sidii Jubbaland teedi ku soo noqon laheyd, dadkaas walaalaha ahna nabad ku wada noolaan lahaayeen, uma baahna maanta dad walaala ah oo xabad isku ridaya oo la yiraahdo ciidan baa soo socda” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxa uu intaas kusii daray “Intii hore ayaa nagu filan, waxaan jecelnahay inay nala qaadan doonaan, anaga reer Koonfur Galbeed ahaan ayaa isku xilqaami doona”.

Hadalka Lafta-Gareen ayaa u muuqda mid uu ku beer laxawsanayo madaxweyne Axmed Madoobe oo meel adag iska taagay xiisada gobolka Gedo, oo gacanta ku hayaan ciidamo ay geysay dowladda federaalka ee hogaanka u hayo madaxweyne Farmaajo.

Jubbaland ayaa shalay soo saartay qoraal ay ku sheetay in markan ay diyaar u tahay inay is-difaacdo ayada oo ku eedeysay madaxweyne Farmaajo iyo NISA inay colaad ka hurinayaan gobolka.

“Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay aad uga xuntahay xaaladda murugsan ee muddada dheer ka jirtay gobolka Gedo, taasoo cadeyneysa in Madaxweynaha Soomaaliya iyo hay’adda Nabad sugidda oo isticmaalaya magaca Qaranka Soomaaliyeed iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed in ay colaad kaga abuureen gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, arrintaas oo muddo sanad ah taagneyd,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jubaland ayaa sheegtay in dowladda federaalka ay iska indho tirtay go’aano is-daba joog ah oo ay beesha caalamka kasoo saareen, oo loogu baaqayey inay qaboojiyaan xiisadda gobolka, iyadoona xustay in cawaaqib xumada ka dhalata xaaladaas ay mas’uuliyadeeda dusha ka saaran tahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee waqtigiisu dhammaadka yahay.

Xiisada ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa xiligan mareysa meeshii u sareysay, xili ay muddo kooban ka harsan tahay doorashooyinka dalka oo xaalad cakiran ka abuurtay Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda dagaal ee ka taagan xadka Somalia iyo Kenya

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo culus oo iska soo horjeedo laga dareemayo xaduuda dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wadaan magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandera oo ka kala tirsan labada dal.

Wararkaayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey dowladda Soomaaliya ciidamo badan ay geysay degmada Beledxaawo, kuwaas oo ka yimid dhinaca magaalooyinka Luuq iyo Duulow, si ay ugu biiraan, una xoojiyyaan ciidamada ku sugan halkaasi.

Sidoo kale Kenya ayaa dhankeeda dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul xoogan ka wada dhinaca magaalada Mandera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo iyana lagu arkayo diyaarado dagaal, gaar ahaan nooca Helicopter-ka ah oo joog hoose ku duulaya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ee ku dhaqan xadka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Dhanka kale Maxamed Axmed Caraaye oo ah guddoomiye ku xigeenka magaalada Mandhera ayaa sheegay in xaaladda ay si adkaaneyso, islamarkaana shacabka ku nool labada magaallo ay saameyn ku yeesheen dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan labada dal.

Caraaye oo BBC-da la hadlay ayaa ugu baaqay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya inay wada-hadal u ku dhameeyaan xiisada u dhexeysa labada dowladood.

“Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta inay isku noqdaan oo xiriirka labada dal dib u soo celiyaan, wixii dhib jira wada hadal lagu xaliyo, awalba xuduuda waa xirnaa, balse waa la isu gudbi jiray xaalada waa sii adkaaneysaa,”ayuu yiri.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maanta dalka Jabuuti uu ka furmayo shirka Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo khilaafka u dhexeeya Soomaaliya & Kenya.

Al-Shabaab oo ‘nolosha ku qabtay’ mas’uul ka tirsan dowladda KENYA (Warbixin)

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo markale dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo ka dhacay deegaanka Gumarey oo hoostaga magaalada Wajeer uu xigay dagaal u dhexeeyey ciidanka Kenya & Al-Shabaab.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen inay muddo kooban la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Gumarey, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen guddoomiyihii deegaankaasi oo Soomaali ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse ciidamada Kenya ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka billaabay duleedka magaalada Wajeer, kuwaas oo ay baadi goobayaan raggii fuliyey weerarkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ammaanka Kenya oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro culus oo khasaare geysta ka fuliya gudaha wadanka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Isku day la doonayey in lagu soo xiro saraakiil ciidan oo ku fashilmay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inuu fashilmay qorshe ay xalay dowladda Soomaaliya kusoo qaban laheyd saraakiil ku lug lahey dagaal shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Isku daygan ayaa yimid kadib markii taliska Militeriga Soomaaliya uu u yeeray saddex ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, iyo sarkaal ka tirsan ciidanka Minishiibiyada ee dowladda Hoose.

Saraakiisha loo yeeray ayaa la aaminsan yahay in ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan Kaaraan iyo Cabdicasiis, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof oo shacab iyo dhinacyadii dagaalamay ah.

Xubnaha loo yeeray ayaa kala ah:- Cusmaan Xaadoole iyo Masdile oo isku dhinac ah, iyo Abuukar Boonow iyo Joorre oo iyagana isku dhinac ah, islamarkaana ka kala tirsan Milateri iyo Minishiibiye.

Si kastaba, Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in saraakiishan ay ogaadeen in qorshaha uu yahay la xiro balse ay diideen amarka taliska xoogga dalka.

Ciidamo isugu jira Nabadsugid, Boolis iyo Millateri ayaa kadib xalay waxay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ka sameeyeen qorshe ay doonayeen inay ku weeraraan saraakiisha, si loo soo xiro, hubkana looga dhigo.

Si kastaba, saraakiisha iyo ciidankii dagaalamay oo laba dhinac kasoo kala jeeday ayaa markii ay ka war-heleeen qorshaha dowladda isku dhinac noqday, waxayna ay u baxsadeen dhanka duleedka bari ee magaalada Muqdisho

Ciidankii dowladda ee hareereeyay xaafadaha Kaaraan ayaa dib isaga soo laabtay, markii ay ku fashilmeen isku daygii la doonayay in lagu soo xiro saraakiishii ciidamadii dagaalamay.

Ma cadda waxa xiga, waxaana hadda saraakiishan iyo ciidankooda ay u muuqataa inaysan dib u aamini doonin dowladda.

Dadka qaar ayaa rumeysan in isku dayga lagu soo xiri lahaa saraakiishan uu ahaa tijaabo qorshe ay dowladda ku ogaaneyso sida ay ula tacaali laheyd saraakiisha iyo ciidamada qaarkood, haddii ay dhacdo inay kasoo horjeestaan dowladda haddii xaaladda siyaasadeed ee dalka ay farah ka baxdo.

Inta badan saraakiisha iyo ciidamada dowladda ayaa u badan beelaha Hawiye, gaar ahaan beesha Abgaal, waxaana jirta cabsi laga qabo in haddii madaxweyne Farmaajo uu xukunka ka dhammaado, iskuna dayo inuu awood kusii joogo, aysan aqbali doonin, ayna ka amar qaadan doonaan Sheekh Shariif.

Wasiirka amniga Soomaaliya oo ka digay hal arrin, kadib weerarkii GAALKACYO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xundubey Jimcaale oo u warramayey warbaahinta ayaa si adag uga hadlay amniga, kaddib weerarkii ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Xundubey ayaa ka digay isu imaatinada dadweynaha, wuxuuna soo soo jeediyey in la joojiyo, si looga fogaado waxyeelo culus oo ka dhalata weerarada Al-Shabaab.

Sidoo kale wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaluya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa intaasi ku daray inay muhiim tahay in laga fakiro amniga dadweynaha, islamarkaana aan meel la’isugu keenin, haddii aan la damaanad-qaadi karin amnigooda.

“Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan mas’uuliyiinta waxa aan u jeedinayaa in la joojiyo isu keenka Dadka si looga badbaadiyo naftii halige iyo qar iska tuur lagu dhibaateeyo, iyada oo amniga laga fikirayo oo aan la diidaneen isu imaad & in la kulmo in la joojiyo kulamada, haddii aan la hureyn la geeyo meelo ammaankooda la sugay,” ayuu yiri.

Wasiir Xundubey oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale tilmaamay in xilligan oo kale ay haboon tahay in dadweynaha farriinta loo dirayo loo marsiiyo warbaahinta.

“Duruufaha Amni & xaaladda dalka uu ku jiro iyada oo la dhaqangelinayo waxaa habboon in shacabka meeshii kulan la isugu keeni lahaa Warbaahinta in la gala hadlo oo codka lagu gaarsiiyo”. ayuu markale sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalin ka hor weerar is-miidaamin ah oo lagu laayey saraakiil iyo shacab uu ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan goob lagu soo dhoweynayey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xog: Dowladda Soomaaliya oo ciidan boqolaal ah ku dhex fasaxday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 8 kamid ah dhalinyaro dhowaan tababar usoo dhamaaday oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in la fasaxay laguna wargeliyay in ay diyaar ahaadaan xiligii loo baahdo.

Dhalinyaradaan ayaa qofkiiba la siiyay lacag dhan $500, waxaana laga reebay hubkii iyagoo loo sheegay in ay magaalada galaan, islamarkaana qofna uusan ka bixin Muqdisho, markii loo wacana ay diyaar ahaadaan.

“Numberkayga, midka waalidkeey iyo xaafadda aan daganahay ayaa layga soo qoray, lacag shan boqolna waa lay siiyay, waxaana laygu amray in aanan ka bixin Muqdisho, Numberkayga uusan marna damin, markii loo wacana tago halkii loogu ballamiyo, saacad kasta diyaar ahaaw ayaa nala dhahay,” ayuu yiri mid ka mid ah ciidankaas oo aan la hadalnay.

Lama oga sababta arrintan ka dambeysay hase yeeshee waxaa la filayaa in ay tahay wax la xariira xasilooni darrada iyo cabsida ka jirta Muqdisho ee la xariirta arrimaha doorashada Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa sheegay inay suurta-gal tahay in ciidanka loo adeegsado in lagu sii dhex daayo shacabka dhigaya dibad-baxyada ka dhanka ah Farmaajo, si ay ugu hanjabaan una joojiyaan.

Waxaa magaalada hadda ka jirta xiisad siyaasadeed oo laga cabsi qabo inay faraha ka baxdo oo ay horseeddo dagaal, xilli ay dowladda isku dayeyso inay awood ku maquuniso mucaaradka.

Ilhan Omar oo shaacisay in Trump uu masuul ka yahay dhimashada aabaheed

0

Washington (Caasimada Online) – Ilhan Omar ayaa ku eedeysay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump “in dayacaad dambilenimo ah” oo uu sameeyey ay mas’uul ka tahay dhimashada aabaheed, oo cudurka COVID-19 u geeriyooday.

Ilhan oo wareysi siisay taleefishinka MSNBC ayaa tiri “aabahay iyo 300,000 oo shacab ah ayaa noloshooda waayey sababtoo ah dayacaad halis ah oo dambiilenimo ah oo ay sameeyeen Trump iyo maamulkiisa.”

“Aabahay waxa aheyd inuu halkan nala joogo maanta. In badan oo ka mid ah xubnaha qoysaskeena waxay ahayd in maanta halkan nala joogaan, balse nalama joogaan sababtoo ah waxaan leenahay hogaamiyeyaal aan kala jeclen noloshooda,” ayey tiri.

“Madaxweynaha illaa iyo maanta dhibic naxariis ah uma muujin dadkii geeriyooday. Illaa iyo hadda ma qirin khasaaraha ba’an ee in badan oo naga mid ah aan dareemeynoa” ayey hadalkiisa kusii dartay.

Ilhan Omar ayaa taageertay qoraal uu soo saaray agaasimaha aqlabiyadda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka, Jim Clyburn oo sheegay inuu helo caddeymo muujinaya in maamulka Trump uu faro-gelin siyaasadeed ku sameeyey Xarunta Maareynta Cudurada ee CDC, taasi oo la xiriirtay cudurka COVID-19.

“Waan ku raacsanahay Clyburn. Balse waa inaan sameynaa intan ka badan. Waa in la baaraa oo la maxkamadeeyaa kuwa mas’uulka ka ah dhimashooyinkan,” ayey tiri.

Ilhan Omar aabaheed ayaa 15-kii June 2020 u dhintay cudurka COVID-19, isaga oo 67 sano jir ah.

“Daan-daansiga ka socda Muqdisho wixii ka yimaada waxa mas’uuliyaddeeda leh madaxweyne FARMAAJO”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cismaan Xasan Cilimi, oo ah guddoomiyaha xisbiga Kulan, ayaa si adag uga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee maalmihii u dambeeyay taagna iyo tallaabooyinka ay qaaday dowladda federaalka.

Guddoomiye Cismaan ayaa sheegay in daan-daansi cad tahay in iridihii iyo jidadkii musharaxiinta la xiro, isla markaana laga hor istaago inay kulmaan taageerayaashooda.

“In irdihii iyo jidadkii murashaxiinta la xiro, oo loo diido taageeryaasha iyo dadkii u imaan jiray waa daandaansi iyo caburin,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Kulan, Cismaan Xasan Cilmi.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in waxkasta oo ka dhasha daan-daansiga iyo caburinta ka dhanka musharaxiinta mucaaridka uu madaxa u ridan doono madaxweyne Farmaajo oo uu ku eedeeyay inuu ka dambeeyo.

“Waxa mas’uuliyadeeda qaadaya daan-daansiga ka dhanka ah mucaaridka, madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri.

Maalmihii u dambeeyay waxa sarre u kacday xiisada doorashada ee ka dhex aloosan madaxda dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka, kadib markii ay dowladda qaaday tallaabooyin ka dhan mucaaridka.

Waxa kale oo xusid mudan in ciidamada booliska iyo kuwa Nabadsugida ay dhowr habeen ka hor ay is hortaag ku sameeyen munaasibad taageero loogu muujinayay musharax madaxweyne Mustafa Dhuxulow oo ka qabsoomeysay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, is-diidooyinka siyaasadeed ee labada dhinac ayaa xiisad hor leh ka abuuray caasimada, xili uusan si rasmi ah u fulin habraacyada doorashada soo socota oo muddo kooban inaga xigto.

Madaxweyne Farmaajo oo ballan-qaadyo u sameeyey booliska Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war ka soo saaray maalinta aas-aaska e ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa marka hore ugu hambalyeeyey sarreeyeyaasha, saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, bableyda 77- sano guurada ka soo wareegtay aasaaskii ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa Booliiska Soomaaliyeed ku sifeeyey inuu yahay astaan qaran iyo midnimo oo u taagan xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale in ciidamada Booliiska ay naftooda u huraan  xasilloonida dalka si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan dalkooda.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa Astaan qaran iyo midnimo, waxa ayna u taagan yihiin xaqiijinta amniga dalka si dadkeennu ay nabad iyo xasillooni ugu noolaadaan, sidaas awgeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ku garab istaagan gudashada waajibaadkooda qaran,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale wuxa uu ballan qaaday madaxweynaha Soomaaliya in Booliiska Soomaaliyeed ay heli doonaan xuuqaad gaar ah, sida kor u qaadidda tababarradooda, joogteynta iyo kordhinta mushaarkooda, iyada oo la hirgeliyey hannaan askari kasta uu si toos ah ugu helaayo xuquuqdiisa.

Ugu wuxuu ku bogaadiyey saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed doorkooda ku aadan xaqiijinta amniga iyo sidii loo xasilin lahaa guud ahaan dalka.

Shabaab oo ‘culeyskii ugu xooganaa saaray’ Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey xaaladaha ammaanka ee deegaanada maamulkaasi iyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciid ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay dagaalyahanada Al-Shabaab ay culeyskii ugu badnaa soo saareen gobollada Galgaduud & Mudug e bartamaha dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale tilmaaamay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay falal ammaan darri ah ka abuureen deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale Cali Daahir Ciiid ayaa intaasi ku sii daray in dagaalyahanada Al-Shabaab ay awoodooda ugu badan soo saareen Galmudug, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay ka yimaadeen dhanka maamullada Jubbaland iyo HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

“Awood badan ayey gobolkan soo saareen, iyaga oo gurmad ka helaayo illaa iyo Jubbaland illaa iyo HirShabelle wixii ka joogay inay soo gudbeenbaa xogta ku heynaa oo dhanka Galmudug ay soo aadeen,” ayuu yiri Cali Daahir Ciid.

Dhinaca kale wuxuu shaaca ka qaaday in Galmudug ay saameysay howl-gallo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey Al-Shabaab, islamarkaana ay sii laba jibaar doonaan.

“Howl-gallo ballaaran oo Galmudug ay sameysay aadbaa loo durrjiyey dhib badana wa ka soo gaaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalin ka hor weerar is-miidaamin ahaa ay Al-Shabaab ka fuliyeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudg, kaas oo lagu dilay saraakiil ciidan yo sidoo kale dad kale oo shacab ahaa.

Muuse Biixi oo ‘dalka’ kaliya ee aqoonsan Somaliland ka dalbaday tallaalka Covid-19

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka iskiis ugu dhawaaqay gooni isu-taaga ee Somaliland Muuse Biixi ayaa kulan uu magaalada Hargeysa kula yeeshay wafdi ka socday jaziiradda Taiwan iyo safiirkeeda u fadhiya Somaliland ka dalbaday inay gacan ka geysteen sidii Somaliland u heli laheyd tallaalka cudurka COVID-19 ee faraha ba’an ku haayo caalamka.

Muuse Biixi iyo wafdiga safiirka Taiwan ee Somaliland Ambassador Allen C. Lou ayaa si qoto dheer ugu wada hadlay xaaladda cudurka COVID-19 iyo arrimaha waxbarasho ee ardayda jaamacaddaha ka qalan jibyay, iyadoo kulankaasina la isla gartay in Taiwan ay taageero siin doonto ardayda Somaliland oo deeqo waxbarasho hada kadib u aadi doona Taiwan.

Safiirka ayaa balan qaaday in dowladdiisa uu la wadaagi doono sidii gacan loogu geysan lahaa in Somaliland ay hesho tallaalka COVID-19 kahor inta dalalka Africa lasoo gaarsiin.

Jaziiradda Taiwan ayaa dhawaan waxay aqoonsi aan caddeyn u muujisay maamulka Somaliland ee iskiis ugu go’ay Somalia inteeda kale, iyadoo mudo 30 sano ah dunida ka weysan wax aqoonsi ah. Taiwan oo Shiinaha uu sheego inuu yahay gobol ka tirsan ayaa waxaan aqoonsaneyn dalal badan.

Ganacsato Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay dalka KOONFUR AFRIKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii ay dil & dhaawac dalkaasi ugu geysteen ganacsato Soomaali ah.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu beesgaday muwaadiniintaasi Soomaaliyeed uu ka dhacay magalada Durban ee gobolka Kwazulu Natal ee wadanka Koonfur Afrika.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen labo kaleo oo dhammaan ah Soomaali.

Marxuumka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cilmi Dhagoole Xaashi, kaas oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in burcadda ka dambeysay falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib, iyadoo ay goobta gaareen ciidamada Booliiska.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa kuu sii badanayey Koonfur Afrika weerarada ka dhanka ah Soomaalida iyo boobka loogu geysanayo magaalooyinka dalkaasi.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60