24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Waa kuma amiirka la gartay ee ka tirsan Al-Shabaab ee u tallaabay dalka Kenya?

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Dadka deegaanada Amuma iyo Hemey ee ismaamulka Gaarisa ayaa dareemaya cabsi weyn kadib markii tobaneeyo ka tirsan dagaalyahanadan Al-Shabaab ay kasoo talaabeen xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Dagaalyahanada Al-Shabaab waxey inta badan weeraro ka geysataan gudaha Kenya, waxaana heegan la galiyay Booliska ku shaqada leh xoojinta ammaanka ismaamulka Gaarisa.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw waaxaha ammaanka ayaa wargeyska Daily Star u sheegay in gudaha Kenya uu soo galay Mowliid Cabdi Xuseen oo ka yimid Somaliya, waxaana la sheegay inuu ka khudbeeyay mid ka mid ah masaajidda maxaliga ah ee deegaanka, isagoo sheegay inuu sii wadi doono weerarada ka dhanka ah dadka reer Kenya.

Warbixinada ay booliska baahiyeen ayaa lagu sheegay iney saddex waddo isticmaaleen dagaalyahanada oo tiradooda lagu khiyaasay 40, kuna hubeysnaa qoryaha AK47 iyo PKM.

Booliska waxey fahamsansan yahiin in kooxda gudaha usoo gashay Kenya ay durba qorshe leeyahiin, isla markaana ay calaameysteen bartilmaameedyo ay ka mid yahiin xarumaha anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta Kenya iyo xerooyinka baaritaanada, sidoo kalana cabsi ayaa laga qabaa iney wadooyinka wax ku aasaan.

Rono Buunei oo ah taliyaha booliska ismaamulka Gaarisa ayaa sheegay iney xoojinayaan ammaanka deegaanka, isla markaana ay isku dayi doonaan iney baajiyaan hawlgallada ay damacsan yahiin kooxaha ay ugu yeereen argagixisada.

Al-Shabaab waxey caan ku noqdeen iney weeraro ka geystaan gobolada ismaamulka Somalida, waxeyna bartilmaameedsadaan ciidamada Kenya iyo sidoo kale shirkadaha ay sida gaarka ah u leeyahiin muwaadiniinta Kenya.

Kenya oo shaacisay qaab cusub oo ay uga hortageyso weerarada Al-Shabaab

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Saraakiil katirsan Booliiska Kenya ayaa Warbaahinta gudaha dalkaas u sheegay in ilaalo gaar ah loo sameeyay dadka isaga kala gudba Magaalooyinka ay ku badan yihiin weerarada Al-Shabaab ee dalkaas.

Waxa ay sababtu ku tilmaameen in aysan dadku ka baaqan Karin socdaalka joogtada ah gaar ahaan dhammaadka sanadka oo ay aadaan dadka kiristaanka ah meelo gaar ah oo ka baxsan Deegaannada ay ku nool yihiin.

Sidaas awgeed waxa ay Dowladda Kenya ayaa sheegtay in mas’uuliyad ka saaran tahay sugidda ammaankooda loona xilsaaray Ciidamo si gaar ah u ilaaliya gawaarida ay ku safrayaan si meesha looga saaro cabsida ay ka muujiyeen weerarada Jid galka ah ee Shabaab.

Kenya ayaa sheegtay in maanka ay ku heyso weerarkii Jimcaha ka dhacay Deegaan katirsan Wajeer, isla markaana Al-Shabaab ay wateen Guddoomiyihii Deegaanka Gummarey sida ay hadalka u dhigeen.

Dowladda Kenya ayaa todobaadkii hore sheegtay in 40-xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen dalkaas, waxaana ay soo jeediyeen laamaha ammaanka in feejignaan laga galo weeraro ay fulin karaan Raggaas.

Al-Shabaab oo toogasho iyo gacan goyn ka geystay Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay xukunno kala duwan ka fuliyey deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe oo ay maamulaan.

Cabdullahi Cabdi Cusmaan oo 47-sano jir ahaa ayey Al-Shabaab ku toogteen fagaare ku yaalla deegaanka Koonya-Barrow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Nin sheegtay Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ayaa dadkii la isugu keenay fagaaraha ay toogashadu ka dhacday waxuu ka hor sheegay, in marxuum Cabdullahi Cabdi Cusmaan lagu helay dil uu kol hore u geystay nin lagu magacaabi jiray Macalin Aways Arboow Maxamed.

Sidoo kale Al-Shabaab waxay fagaare ku yaalla degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe gacantiisii Midig uga jareen wiil dhalinyaro ah oo 18-sano jir ah.

Wiilkaas waxaa lagu magacaabaa Mukhtaar Muxidiin Maxamed, waxayna ku eedeeyeen inuu jabsaday Dukaan, kadibna uu kala baxay lacag iyo Mindi.

Lacagta lagu eedeeyey wiilkaas inuu kala baxay dukaanka ayaa dhan 2600 oo shilin Soomaali ah, waxayna Al-Shabaab ku xukumeen inuu dib u bixiyo lacagtaas, iyagoo ka jaray gacandiisii Midigta.

Al-Shabaab deegaanada ay dalka ka maamulaan waxay ka geystaan dilal ay intooda badan ku fuliyaan fagaare ay dad badan isugu keenaan, waxayna inta badan dadka ay dilaan ku eedeeyaan basaasnimo iyo xatooyo, taas oo cabsi badan ku abuurtay dadka ku nool deegaanada ay dalka ka joogaan xiligan.

Maamulka Jubaland oo ka digay qorshe cusub oo ay sheegeen in DF ay waddo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ay u baacsaneyso dhigeeda Kenya uu yahay, mid lagu baneysanayo dhibaateynta dadka reer Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Maxamuud Sayid Aadan oo wareysigan siiyey Idaacadda VOA ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeeyey inay si khaldan u adeegsanayaan awoodii dowladnimada Soomaaliyeed, isla markaana arrinta gobolka Gedo ka socota ay tahay ‘Qaranka Soomaaliyeed oo is burburinaya.’

“Madaxtooyada Jubbaland walaac badan ayey ka qabtaa waxa gobolka Gedo ka socda, runtii ma ahan wax aan anagu dooranay, waa fidno laga hurinayo Xamar oo ay mas’uuliyadeeda leeyihiin niman khaas ah oo shaarka dowladda xirtay, kuwaas oo aan ku dhaqmin xeerka iyo dastuurka mudda Soomaaliyeed ay ku heshiiday, arrinta Gedo muddo sanad ah ayey nala gaartay, dhibaato bini’aadanimo ayeyna wajahayaan dadka gobolka Gedo ku nool,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa eedeynta dowladda Soomaaliya ay u jeedisay dowladda Kenya ee ah inay garab siineyso Jubbaland oo jabhad uga aas-aaseyso gudaha dalkeeda waxa uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn oo garashada dadka Soomaaliyeed loogu gefayo, sida uu sheegay.

“Runtii waa eedeyn aan sal iyo raad laheyn toona laheyn oo garashada dadka waxgaradka ah loogu gefayo, dowladda Kenya iyo tan Itoobiyaba, waxaan leenahay xuduud dheer, waxaan nahay dalal deris ah, labada dowladoodba Soomaaliya waxay ka kaalmeeyaan dhanka ammaanka, wax intaas ka dheer oo Kenya ay Soomaaliya ku heyso ma jiraan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Isagoo sii hadalkiisa sii watay ayuu yiri, “Eedeynta ka soo yeertay dowladda federaalka waa mid lagu baneysanayo in lagu dhibaateeyo dadka deegaankan ku nool, waa eedeyn lagu isticmaalayo hantida iyo awooda Soomaaliyeed oo dadka madaxda loo yahay qaar lagu dhibaateynayo.”

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in uusan isku leyn ciidamo Soomaaliyeed, isla markaana aan la barakicin dad Soomaaliyeed, xalkuna uu ku jiro in gacanta Jubbaland lagu soo celiyo gobolka Gedo.

Hoos ka dhageyso wareysiga

 

Ciidamada DF Soomaaliya oo weerar ku qaaday guriga sarkaal la raadinayo (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya xalay ka fuliyeen guri uu magaalada Muqdisho ka degan yahay sarkaal ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Sarkaalkaas waxaa lagu magacaabaa G/Sare Maxamuud Maxamed Nuur Masdile, waxaana lagu sheegay sababta loo weeraray gurigiisa in lala xariirinayo dagaal maalinka hor ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex-maray degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir,

Ciidamadii xalay u dhacay guriga sarkaalka ayaa lagu eedeeyey inay geysteen khasaare badan oo isugu jira naf iyo maal, isla markaana ay halkaas ka kaxeysteen dad aan waxba galabsan.

Warbaahinta Dalsan ayaa maanta booqatay guriga la weeraray ee G/Sare Maxamuud Masdile, waxayna reerkiisu sheegeen in loola dhaqmay si aan habooneyn oo loo geystay jir-dil, dhac iyo burburin iyo xarig.

“Anagoo iska jiifna oo dumar u badan ayaa gurigeena loo soo dhacay, waa nala handaday, taleefanadii iyo qalabkii kale ee guriga noo yiilay waa nalaga qaatay, wax naloo reebtay ma jiraan, wiilashii walaaleheena ahaa waa la ka xeystay,” ayey tiri haweeneyn ka mid ah dadkii ku sugnaa guriga sarkaalka la weeraray oo Dalsan TV la hadashay.

Iyadoo sii hadleysay ayey sheegtay in ragga laga soo kaxeysatay guriga uu ku jiray seygeeda, markii ay saakay tagtay saldhigga degmada Kaaraana loo sheegay in aan dadkaas saldhigga la keenin, isla markaana aysan garaneyn illaa hadda, halka la geeyey raggii xalay ay ciidamada ammaanku ka soo xireen guriga G/Sare Masdile.

Hoos ka Daawo warbixinta

DF oo shaacisay cadaadis ay saartay IGAD iyo arrin ay soo ogolaatay (Daawo)

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo kamid ahaa wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee ku sugan magaalada Jabuuti ayaa sheegay in IGAD ay cadaadis xoogan ku saareyso inay xaliso xiisada Kenya.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo afmeermay shirkii madaxda IGAD ayaa waxa uu sheegay in madaxda ku bahoobay ururka IGAD ay dowladda Soomaaliya cadaadis ku saareen sidii xiisada kala dhaxeysa Kenya loogu xalin lahaa golahaas, iyada oo la dejinayo xiisada.

“Madaxda IGAD waxay aad cadaadis ugu saareen Soomaaliya in arrinta Kenya uu noqdo mid lagu xalliyo IGAD dhexdeeda, oo uu noqdo mid laga gaaro wada-hadal iyo is afgarad oo halkaas arrimaheena ku xallino, tallaabada ugu horeysa ay tahay in xaalada la dejiyo iyo xiisadda, Soomaaliya taas waa ogolaatay, laakiin waxaan ku xirnay shuruud ah in loo saaro guddi arrimaha ay Soomaaliya ka ashtakooneysay,” ayuu yiri.

Waxa uu xusay in madaxda IGAD ay ka ogolaadeen in la dejiyo xiisada oo xiligan mareysa meel sarre, tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay, kadib markii ay ku eedeysay faro-gelin ka dhan ah qaranimada.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay dalbadeen in guddi loo saaro xiisada ka soo cusboonaneysa xadka Kenya, oo uu sheegay in xukuumadda Nairobi ay halkaas ku abaabushay maleeshiyaad jabhado ah oo hubeysan, wuxuuna shaaciyey in IGAD ogolaatay in loo diro guddi xaqiiqo raadin ah.

Wuxuu dabacsanaan badan ka muujiyey mowqifkii adkaa ee dowladda federaalka ka taagneed xiisada Kenya, kadib cadaadiska uga yimid madaxda IGAD oo ay dowladda federaalka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya.

Hadalkan ayaa imanaya xili maalintii shalay aheyd magaalada Jabuuti lagu kulansiiyay madaxda labada dal, kaasi oo goob joog ka ahaayeen madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo iyagu isku keenay, si xal looga gaaro xiisada labada dal.

DF oo maanta ciidamo hor leh oo geysay gobolka Gedo – Halkee ka yimaadeen?

0

Garbahaarey (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ciidamo hor leh geysay gobolka Gedo, waxaana diyaarad looga dajiyay garoonka diyaaradaha magaalada Doolow.

Wararka laga helayo ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha magaalada Doolow uu xiran yahay, islamarkaana kaliya loo qoondeeyay iney dagaan ciidamada ay dowladda Soomaaliya kasoo daabuleyso magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in saddex diyaaradood ay maanta ka dageen Doolow. kuwaas oo waday ciidan iyo saanad, sidoo kale saxaafadda ayaa loo diiday iney gudaha u galaan garoonka isla markaana ay sawiro ka qaadaan.

Shalay ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan geysay gobolka Gedo, waxaana la sheegay in ciidamada la geeyay qaarkood ay yahiin ciidamo cusub oo lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ay isku khilaafsan yahiin arinta gobolka Gedo, waana xaalad ku gudban doorashooyinka dalka maadaama maamulka Axmed Madoobe ay shuruud ka dhigeen ka bixitaanka ciidamada Dowladda ee gobolka.

Wafti kale oo heer sare ah oo ka socda dal African ah oo tegay Hargeysa + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu xafiiskiisa madaxtooyada ku qaabilay wafdi balaadhan oo ka socday dalka Koonfur Afrika, kaasi oo uu hogaaminayay Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah mas’uul sare oo ka tirsan xisbiga ANC ee haya talada dalkaas.

Kulankan oo ahaa mid horudhac u ah kulamo ay wada qaadan doonaan mas’uuliyiinta ka socda Koonfur Afrika iyo kuwa Somaliland ayaa waxa looga hadlay xaalada Somaliland iyo arrimaha horumarinta.

Madaxweynaha ayaa warbixin dheer ka siiyey wafdiga marxaladaha ay soo martay Somaliland iyo dadaalka ictiraaf raadinta, maadama ay ku doodo inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Waxa Madaxweynaha kulankaa ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha dibeda, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere).

Sidoo kale waxa Mr Mhlekwa ku wehlinayay safarkan Mr Abner Mosaase, Mr. Malose Ramashala iyo Mr Allen Magumbi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay la kulmayey mas’uuliyiin Afrikan ah, isaga oo horanta toddobaadkan qaabilay Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Malawi, Eisenhower Mkaka oo socdaal ku tagay magaalada Hargeysa.

Eisenhower ayaa noqonaya mid kamid ah ma’suuliyiintii ugu sarreysay ee booqda Somaliland oo ku dhawaad 30-sano ka hor ku dhawaaqday iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse aan helin aqoonsi caalami ah.

Somaliland ayaa iyadu dadaal badan ku bixineysa sidii ay dalalka Afrika uga dhaadhicin laheyd qadiyada ay ku doodo ee madax-banaanida, waana arrinta u weyn ee madaxda xukuumaddu kala hadasho madaxda socdaalka ku taga Somaliland.

IGAD oo war cusub kasoo saartay muranka ka taagan doorashada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeed kasoo baxay shirkii madaxda IGAD ay shalay ku yeesheen magaalada Jabuuti ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay xal u helaan muranka ka taagan qabashada doorashooyinka.

Doorashooyinka Soomaaliya ee orey loogu heshiiyey ayaa waxaa hakad uu ku yimid jadwalkii lagu qaban lahaa, kadib markii qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo mucaaradka ay diideen guddiyada doorashada ee ay dhisay dowladda dhexe.

Qoraalka madaxda IGAD ayaa lagu soo dhoweeyey heshiiskii 17-kii September ay hogaamiyeyaasha federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ka gaareen doorashooyinka federaalka.

“Golaha Madaxda IGAD isaga oo xusaya ahmiyadda hirgelinta heshiiska, waxa uu ugu baaqay dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah federaalka, iyo saamileyda kale, inay ku xalliyaan khilaaf kasta oo la xiriira maamulka doorashada iyada oo loo marayo kalsooni iyo hab lagu ilaalinayo muhiimadda hanaankii geeedi socodkii Dhuusamareeb iyo heshiiska 17-ka Sebtember 2020 ee ku saabsan hanaanka doorashada ee isbedelka lagu sameeyey, si doorasho waqtigeeda ku dhacda oo ay wada aqbalaan dhammaan Soomaalida loo qabto,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxda IGAD ayaa sidoo kale soo dhoweeyey guulaha ay ciidamada ammaanka Soomaaliya, ayaga oo ay taageerayaan AMISOM, ka gaareen xakameynta iyo la-dagaalanka Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale ammaanay dib u billaabisata wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna bogaadiyey doorka ay hogaamiyeyaasha gobolka ka cayaareen marti-gelinta iyo fududeynta wada-hadalladaas.

Mahad Salaad: Ciidamada Farmaajo Doolow ka dejiyey horta Soomaali ma yihiin?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ka jira gobolka Gedo, gaar ahaan ciidanka ay shalay dowlada dhexe ee Somalia ka dajisay gobolkaasi.

Mahad Salaad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa marka hore shaki galiyey in ciidamadaasi ay Soomaali yihiin & in kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadaas ay muuqdaan kuwa hoggaamiyaha Eritrea ee Afawerki oo laga soo diray Asmara, sida uu hadalka u dhigay.

“Qolodaan Farmaajo Doolow ka dejiyay horta Soomaali ma yihiin. Mise waa walaalaha cusub ee Afawerki Asmara nooga soo diray?!,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada shalay dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan ku daabushay gobolka Gedo, kuwaas oo la geeyey xadka Soomaaliya & Kenya.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey xiisad xoogan oo u dhexeysa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay ka taagneyd halkaasi.

Xog: Afar sarkaal ciidan oo Muqdisho ku sameystay isbaheysi ka dhan ah DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afar ka mid ah saraakiisha ciidanka Soomaaliya islamarkaana Sabtidii min laba qof u hogaaminayay dagaal ka dhacay degmada Kaaraan ayaa isu tagay saacadihii dambe ee isla habeenkii Sabtida iyo shalay.

Afartan sarkaal ayaa kala ah Cusmaan Xaadoole, Maxamuud Axmed Masdile, Abuukar Boonow iyo Maxamed Cusmaan Joorre.

Saraakiishaan oo ay baadi goobeyso dowladda Soomaaliya ayaa isku biiriyay ciidankoodii dagaalamay, si ay isaga difaacaan ciidan damacsan in ay soo qabtaan saraakiishaan, ciidankaas oo ay soo dirtay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa habeen hore ciidankeeda gaarka ah u dirtay soo qabashada saraakiishaan, waxaana la sheegay in markii ay heleen xogtaas ay isku biiriyeen ciidankooda iyadoo ugu dambeyn la sheegay in ay kala galeen xaafado ku yaalla dhinaca waqooyi ee Muqdisho

Xaafadaha degmooyinka dhaca waqooyiga Muqdisho ayaa shalay illaa xalay laga dareemayaa jawi colaadeed, waxaana laga cabsi qabaa inuu dhaca dagaal dhinacyada u dhaxeeyo.

Ka sokow saraakiishan, waxaa jirta cabsi ah in haddii dowladda aysan ka tanaasulin arrintan ay horseedi karto in ciidan kale iyo shacab ku qabiil ah ay kacaan, kuna biiraan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalkii shalay dhacay iyo xiisad ka taagan waqooyiga Muqdisho.

Xog: Qaar ka mid ah dadkii abaabulay dibadbixii Xamar oo guryaha lagala baxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay banaanbaxii dowladda Soomaaliya looga soo horjeeday lagu qabtay Muqdisho, waxaa guryahooda lagala baxay xubno ka mid ah mucaaradka, oo abaabulay dibad-baxaas.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in la xiray dhowr qof ka mid ah dadkii soo abaabulay banaanbaxii mucaaradku qabteen iyo kuwa ugu cadcadaa banaanbaxaas, islamarkaana ka tirsan xubnaha mucaaradka ah.

Dadka la xiray ayaa gaarayaa in ka badan 5 qof, waxaana lagala baxay guryahooda iyadoo qaar kalane ay baxsad yihiin.

Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo kamid ah abaabulayaashii banaanbaxii mucaaradka ee ka dhacay Muqdisho ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray inuu ka badbaaday isku day dil.

“Alxmdlh waxaan ka badbaaday isku dal kadib markii gaari Cabdi bile ah rasaas igu furay anigoo ka soo baxay Timo jaro,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in dowladda Soomaaliya bilaawday in ay guryahooda ugu dhacdo dhalinyarada la shaqeyso mucaaradka iyo bulshada ka soo horjeedo.

“Xalay sagaal saac habeenimo ciidamadaa albaabada u garaacayay dad oo rabay inay guryaha kala baxaan oo xerxeraan, waa wixii aan dhayeynay oo daweyneynay, xalinay, ayuu yiri Xasan Sheekh, oo hadlay 15-kii bishan, maalin kadib dibad-baxyadii Muqdisho.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in inta badan dadkaas laga soo waayey guryaha, balse ay jiraan qaar la xiray.

“Laakiin wey ka waayeen ee wey soo xirxiri lahaayeen, haddana qaarbaa xirxiran oo ah ganacsato aan joogin meeshii lagu mudaaharaadeyay, kuwaas oo loo xirxiray maskaxda ayey kala jireen waa taageersanaayeen ay leeyihiin, war waxeaa horaa ugu soo noognay, waa wixii dalkaan uu ka yimid,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo ka digay inaan dib loo celin wixii laga yimid ee dalka heerkaan soo gaarsiisay.

Xasan Sheekh ayaa fariin adag u diray ciidamada dowladda ee loo adeegsanayo ka hortaga bannaanbaxyada shacabka fikraddooda kusoo bandhigayo sida nabadeed, isagoo tilmaamay in ciidamada ay yihiin kuwa ilaalinaya amniga shacabka ee ay u dhaarteen.

Kenya oo sheegtay ‘sabab aysan DF ciidankeeda uga saari karin’ Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ciidankooda qeybta ka ah Amisom ka saari karin Soomaaliya, xilli ay dowladda federaalka sidaas qorsheyneyso.

“Joogitaankeena Soomaaliya waxaa maamula heshiisyada Amisom,” ayuu yiri Col Zipporah Kioko, oo la hadlay wargeyska Daily Nation.

Sida uu sheegay Kioko, heshiiska dalalka ku tabaruca ciidamada Amisom ee loo yaqaan Troop Contributing Countries (TCCs), dalka mart-gelinaya ciidamada, si gaar ah ugama bixi karo heshiiska ay dalka ku joogaan ciidanka mid ka mid ah dalalkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu warramay inay qorsheyneyso inay dalbato in ciidanka Kenya ay dalka ka saarto kuna beddesho ciidam ka socda Eritrea, oo daacad u ah madaxweyne Farmaajo si ay ugu qabtaan Jubaland.

Muqdisho ayaa dhowaan Nairobi ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arirmaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashada, ayada oo u adeegsaneysa maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Ciidanka Kenya ayaa jooga Jubaland, waxayna taageero xooggan siiyaan Axmed Madoobe, taasi oo Villa Somalia dhowr mar kahor istaagtay isku day ay ciidamada Ethiopia ugu adeegsan laheyd inay u qabtaan Kismaayo.

Rag lala xiriirinayo qaraxii GAALKACYO oo la qabtay

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka oo labadii maalin ee la soo dhaafay howl-gallo ka waday koonfurta Gaalkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay rag looga shakiyey inay ku lug lahaayeen weerarkii jimcihii ka dhacay gudaha magaladaasi.

Ragga la soo qabtay oo watay gaadiid ayaa waxaa lagu xiray saldhiyo ay leeyihiin ciidamada nabad sugida ee ka howl-gala halkaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in haatan ay baaritaano dheeraad ah ku socdaan raggaasi looga shakiyey ku lug lahaanshaha qaraxii is-miidaaminta ee Gaalkacyo.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay dib ka faah faahin doonaan natiijada baaritaanada ay sameeyeen iyo ragga gacanta lagu soo dhigay.

Kadib weerarkaasi oo lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda iyo Galmudug ayaa waxaa Gaalkacyo looga dhowaaqay howl-gal jawaab u ah qaraxaasi.

Tan iyo wixii 18-kii bishaan December ayaa Gaalkacyo waxa ay gashay xaalad adag oo ka dhashay weerarkan oo lala beegasaday goob lagu soo dhoweynayey ra’iisul wasaaraha.

Senator Qodax oo afar sano kadib ku laabtay Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland waxaa maanta gaaray Senator Mustafe Qodax oo ka tirsanaa mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, balse dhowaan iska casilay xilkaasi, kadibna cafis weydiistay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Mustafe Qodax oo ka soo amba-baxay magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa afar sano kadib, si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Hargeysa.

Xildhibaankan ayaa shaqada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya isaga tegay, xilli uu dhammaad yahay muddo xileedka baarlamaanka labada aqal, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu dib ugu laabto Hargeysa oo ah magaaladii uu ku soo barbaaray.

“Aad ayaan u faraxsanahay, dareenkayga lama soo koobi karo,  muddo afar sano iyo bil ah oo aan ka maqnaa magaaladii aan ku barbaaray magaaladaydii Hargeysa caasimaddii Somaliland, inaan kusoo noqdo oo la igu soo dhoweeyo aad ayaan ugu faraxsanahay ,bahda saxaafadda iyo bahdii goloyaasha ee isoo dhoweeyey,” ayuu yiri Mustafe Qodax.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Dubai ayaan joogay muddo bil a, xilkii aan ka haayey Soomaaliya halkaas ayaa iskaga casilay xaflad lagu qabtay, halkaas aniga oo jooga ayaan cafis ka soo dalbaday, sidii ayaan ku imid wixii dambe waan isaga imaanaynaa, maanta runtii aad ayaan ugu faraxsananahay,”.

Waa xildhibaankii labaad oo ka tirsanaa dowladda federaalka, islamarkaana 60 cisho  gudahood cafis weydiista maamulka Somaliland, iyadoo bishii October ee sanadkan uu magaalada Hargeysa dib ugu laabtay Maxamed Cumar Carte oo horay u soo noqday ra’iisul wasaare ku xigeen iyo xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Diblomaasiyiintii safaaradda Somalia ee Kenya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa saaka dib ugu soo laabtay dhammaan diblomaasiyiintii Soomaaliya u joogay gudaha dalka Kenya.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa lagu soo dhoweeyey xubnahan oo isugu jiro  diblomaasiyiin, u qeybsanayaal iyo shaqaalaha hay’adda Socdaalka Soomaaliya.

Xubnahan ayaa fadhigooda waxa uu ahaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, balse waxaa dib loogu soo celiyey dalka, iyada o la fulinayo  amarkii dhowaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ahaa in muddo 7 cisho gudahood ay dalka kusoo galaan.

Sidoo kale waxaa gabi ahaan albaabada la’isugu soo laabay dhisamaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, sababo ku aadan xiriirkii go’ay ee labada dal.

Soomaaliya ayaa 15 kii bishan December xiriirkii diblomaasiyadeed u jirtay dhiggeeda Kenya oo ay ku eedeysay inay faro-gelin qaawan ku heyso arrimaheeda gudaha.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay kulan ku yeesheen dalka Jabuuti oo ay uga qeyb-galeen shirweynaha IGAD.

DF oo dacwad culus ka gudbineysa hay’adda cilmi baarista ee Sahan Reserach

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somalia, Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in xafiiskiisa uu soo gaba-gabeeyey baarista gal-dacwadeedka loo heysto hay’adda cilmi baarista ee Sahan.

Qoraal kooban oo uu xer ilaaliyaha soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay inay soo dhameystireen macluumaadka dacwadda loo heysto hay’addaasi.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in kiiskan ay dhawaan u gudbin doonaan maxkamadda gobolka Banaadir, si ay uga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa intaasi ku sii daray in aysan marnaba u dul-qaadan doonin in lagu xad-gudbo qaranimada iyo sharafka dalkeena Soomaaliya.

Sahan Research oo ah hay’ad caalami ah ayaa waxaa horey dalka uga mamnuucay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyada oo loo soo jeediyey eedeymo ay ka mid yihiin:-fal danbiyeedyao liddi ku ah qaranimada Soomaaliya, faragalinta siyaasadda, cuuryaaminta haylkalka dowladdnimo, faafinta siraha amniga dalka iyo eedeymo kale oo aad u culus.

Si kastaba waxaa hay’adan iska leh ninka lagu magacaabo, Matt Bryden oo madax ka soo noqday kooxda UN Monitoring Group ee wadamada Soomaaliya iyo Eritrea.

Waa maxay sababta dalalka qaarkood u mamnuuceen duulimaadyada dalka UK?

0

London (Caasimadda Online) – Koonfurta wadanka Ingiriiska waxaa ka dilaacay nuuc cusub oo Coronavirus ah, waxaana yimid walaac badan oo ay dalalka caalamka ka qabaan inuu usoo gudbo.

Matt Hancock oo ah xoghayaha caafimaadka Ingiriiska ayaa sheegay iney u caal waayeen xakameynta nuuca cusub ee COVID19, wuxuuna xanuunka usii gudbay wadamo ay ka mid yahiin Denmark iyo Netherland.

Wadamo badan ayaa joojinaya duulimaadyada kaga imaanaya wadanka Ingiriiska waxaana ka mid ah: Ireland, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Netherlands iyo Belgium

Wadanka talyaaniga wuxuu xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay nuuca cusub ee Covid19, qofka laga helay wuxuu kaga yimid wadanka Ingiriiska, sidoo kale wadanka Turkiga ayaa go’aan ku gaaray inuu si kumeel gaar ah u joojiyay duulimaadka kaga imaanaya UK.

Dhinaca kale dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday iney joojisay duulimaadyada ka imaanaya wadanka Ingiriiska.

Dad ku dhaw 2 Malyan oo qofood ayaa u geeriyooday xanuunka Covid19 tan iyo markii uu dilaacay, sidoo kalana ku dhawaad 100 Malyan oo qofood ayuu xanuunka haleelay iyadoo ay ka bogsatay 43 Malyan.

Saraakiil ka tirsan booliska Kenya oo qarax lala eegtay iyo wararkii u dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan kuwa Booliiska dalkaasi qarax nooca miinada ah lagula eegtay waddada xeebta ah ee gobolka Lamu, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Qaraxa ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen koox gaar ah oo ka tirsan qeybta ilaalada xuduudaha (BPU), sida uu warbaahinta uu sheegay taliyaha Booliska gobolka xeebta ah Gabriel Musau.

Sidoo kale wuxuu in taasi ku daraya in qaraxa ay ka bad-baadeen saraakiisha lala eegtay, islamarkaana uusan wax jirin wax khasaare oo ka dhashay halkaasi.

Gabriel Musau ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in kooxda ka dambeysay falkaasi inay ku fashilmeen isku daygooda, islamarkaana haatan lagu raad joogo.

“Khasaare lama soo sheegin. Way baxsadeen ka dib isku daygoodii waa uu dhicisoobay laakiin waan ku daba jirnaa,” ayuu yiri Musau.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday inay kordhin doonaan howl-gallada ka soda gobolka, si looga hortago weerarada ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

Si kastaba weerarkii u dambeeyey ayaa waxaA dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen duleedka WajeeR, iyaga oo ku burburiyey xarun isgaarsiineed oo ku taalla halkaasi.

Sudan oo ciidan dhoobtay xuduudda Ethiopia ‘kadib weerar lagu soo qaaday’

Khartoum (Caasimada Online) – Sudan ayaa ‘xoojin militari muhiim ah” u dirtay xuduudda Ethiopia, waxaa sidaas sheegtay warbaahinta dowladda, maalmo kadib markii ciidamada ay halkaas kusoo weerareen ciidamo Ethiopian ah.

Askarta ayaa waxaa lagu daadgureeyey xuduudda bari ee magaalada Al-Fashaqa, halkaasi oo ah goobta ay isku dhacyada ka dhaceen, islamarkaana ah dhul ay sheegato Sudan balse ay haystaan beeraley Ethiopian ah.

Goobtan ayaa sidoo kale xuduud la leh gobolka Tigray oo dhowaan ay ka dhaceen dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda Ethiopia iyo kooxda TPLF.

“Ciidamada Sudan waxay kusii siqayaan jiidda hore ee Al-Fashaqa si ay dib ugu qabsadaan dhulka la xaday, islamarkaana fariisimo uga dhigtaan khadadka caalamiga ah,” waxaa sidaas tiri wakaaladda wararka Sudan ee SUNA.

Ciidamada Sudan ayaa sheegay in askartood ay habeenkii Talaadadii “soo weerareen ciidamada iyo maleeshiyo Ethiopian ah oo ku sugan dhulka Sudan.”

Warbaahinta Sudan ayaa sheegay in afar askari lagu dilay islamarkaana 27 kale lagu dhaawacay weerarka, inkasta oo ciidamada asyan xaqiijin warbixinadan.

Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok, oo toddobaadkii tegay booqday Addis Ababa, ayaa dhiggiisa Ethiopia Abiy Ahmed kala hadlay calaameynta xuduudda labada waddan.

Addis Ababa ayaa isku dayday inay yareyso ahmiyadda isku dhacan, waxayna sheegtay in dhacdadan aysan helis ku aheyn xiriirka labada dal.

AFP + VOA


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60