24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Xasan Sheekh oo shaaca ka qaaday abaal Imaaraadka Carabta ay u galeen Somalia

0

 Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay madal loogu magac-daray Doodsan oo su’aalo lagu weydiinayey ayaa wax laga weydiinayey waxa uu kala socdo cilaaqaadka xumaaday ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta, sida Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta, sida Imaaraadka Carabta ayuusan ka dhaxeyn cilaaqaad wanaagsan, waxuuna khilaafku xoogeystay markii ay isku dhaxeen dalalka Khaliijka oo Soomaaliya ay garab istaag u muujisay dowladda Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay ku abaal dhacday dalalkii Carabeed ee Soomaaliya sida weyn u soo garab istagay markii ay liidatay.

“Dalkaan markii uu burburay, oo ganacsatadeenii ay hantidooda la carareen, nin kasta waxa uu magan-geliyo ka helay caasimadda Imaaraadka ee Dubai, shirkadeheena si ay aduunka ula macaamilaan waxaa laga diiwaan geliyey Dubai, maadaama sharciyaddii dalkeennu ay burburtay, Compony Soomaaliya ka jira oo macno leh oo aan Dubai xafiis ku laheyn ma jiro, Jaamacadaha ku yaalla dalka Imaaraadka boqolaal arday Soomaaliyeed ah ayaa dhigata,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxa uu sheegay intii uu talada dalka hayey in cilaaqaadka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu gaaray in Imaaraadku inta dhul naga siiyey Dubai, inuu hadana noo dhisay, si loo dejiyo safaaradda Soomaaliya, maadaama aysan Soomaaliya heysay xilligaas dhaqaale ay ku dhisato, kuna iibsato dhul.

Xasan Sheekh ayaa yiri, “Dowladda Imaaraadku inta na siisay dhul, ayey nooga dhistay guri laba dabaq ah, guri kale oo safiirku dego oo laba dabaq ah iyo hool weyn oo jaaliyadda Soomaaliyeed lagu kulmiyo, waxaan idiin tiri karaa niman dhakhaatiir ah oo dalka Imaaraadka u dhashay oo maanta Muqdisho ku daaweeya dadka Soomaaliyeed, waxay noo fureen isbitaal si bilaash ah loogu daaweeyo dadka Soomaaliyeed kuwooda ugu nugul.”

Waxuu intaas ku sii daray Xasan Sheekh, “Imaaraadku waxuu noo dhisay xero ay noogu tababareen qaar ka mid ah ciidamada aan maanta shinsaneyno, xero ay saraakiishu degaana horteeda ayey ka dhisayeen, iyadoo qabyo ah ayaa laga ceyriyey oo weli waa qabyo.”

Sidoo kale dalka Sacuudiga ayuu sheegay in xilliyo adag uu dadka Soomaaliyeed ka iibsaday xoolahooda, isla markaana kumanan shaqaale Soomaaliyeed ah ay hadda ka howlgalaan gudaha Sacuudiga, marar badana ay noo balan qaadeen inay nala gelayaan heshiis ay shaqa abuur ugu sameynayaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Anigu Carab cadaawad noo qabta, oo na dulmineysa, oo nagu taagan ma arkin, waxa naloo sheegayo waa been waxba kama jiraan, Masar maanta ardaydeena ayaa Jaamacadaha ka dhigta, saraakiisha maanta hoggaamisa militerigeena Masar ayaa wax soo bartay, war dadka laguma abaal dhaco, beena lagama sheego, borabagaandana laguma furo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Eritrea maxay noo qabatay? War dadka in caqliga laga xado maaha, Isaias Afwerki iyo dadkiisa reer Eritrea, Soomaaliya maxay u tareen? Anigaa idiin sheegayee midowgii Maxaakiimtii Soomaaliya ee ARS markii ay carareen ayey magan-geliyo siiyeen,  war maanta yaanala dhihin Afwerki iyo dalkisa Eritrea ayaa walaal ah oo Jabuuti ayaa cadaw ah.”

“Jabuuti maanta anagey nooga baahneed garab istaag oo cadawgooda Eritrea uu ciidamo iyo dhulba ka heystaa, yaa arkay Iskuul iyo isbitaal ay Eritrea noo dhistay? War dadka Soomaaliyeedow indhihiina fura, waxaa la isku deyaan in caqliga la idinka xadee” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 5-aad isku soo taagay xilka madaxweynaha Jabuuti

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Gelle ayaa markii shanaad ku dhowaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha ee dalkaasi.

Ismaaciil Cumar Geelle oo xalay ka qeyb-galayey dood ka baxeysay Tvga qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxa uu sheegay inuu ka qeyb ka yahay tartanka doorashada lagu wado inay dhacdo bisha April ee sanadka soo socdak ee 2021-ka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabkiisa ay ka codsadeen in markale uu isku soo taago xilka madaxweynaha, isaguna uu aqbalay, sida uu hadalka u dhigay.

Geelle afar jeer ku guuleystay xilkan, iyada oo ay ugu dambeysay sanadkii 2016-kii, walow ay doorashadaas dood ka keeneen xisbiyada mucaaradka ee Jabuuti.

Go’aanka uu ku dhowaaqay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee ku aadan ka qeyb-galka doorashada ayaa sidoo kale hadal heyn weyn ka dhex abuuray bulshada Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa xilkan markiisii ugu horreysay waxaa loo doortay 9 bishii April ee sanadkii 1999-kii, waxaana uu xukunka hayaa muddo 21 sano ah.

Ciidamo badan oo la dhigay waddooyinka GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Puntland ayaa lagu soo warramayaa in saaka ciidamo dheeraad ah ay dhigtay xaafado ka tirsan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyaga oo halkaasi ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus.

Ciidamada oo isugu jira milateri, boolis iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF-ta ayaa la dhigay waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo cusub ka bilaabeen xaafadaha ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howl-galladan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa goobaha ganacsiga, isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Saraakiisha ammmaanka Puntland weli faah faahin kama bixin baaritaanadaasi oo u jeedkooda lagu sheegay kuwa lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaaladaasi.

Si kastaba Jimcihii la soo dhaafay ayey aheyd markii weerar is-maadiin ahaa uu ka dhacay koonfurta Gaalkacyo, kaas oo lagu dilay saraakiil sar sare iyo dad shacab ahaa

Sawirro: BIIXI oo safar deg deg ah ku gaaray JABUUTI

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka safar deg deg ah ugu amba-baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, iyada oo si weyn loogu soo dhoweeyey gudaha magaalada caasimada ah ee dalkaasi.

Safarkan ayaa waxaa Muuse Biixi ku wehlinaya wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa inta uu joogo uu wadanka Jabuuti kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono arrimaha siyaasadda & qodobo kale oo muhiim ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo si kooban looga hadlay socdaalka Muuse Biixi ayaa waxaa lagu sheegay inuu salka ku hayo arrimo ku aadan danaha, xiriirka & iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Biixi & Geelle ay ka wada-hadli doonaan arrimo ku aadan dib u soo celinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Si kastaba socdaalkan ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyada oo dhowaan madaxweynaha maamulka Somaliland uu booqasho ku tegay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay madaxda sare ee wadankaasi.

Sawirro: DF Soomaaliya iyo mucaaradka oo laga dhex billaabay dhex-dhexaadin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la kulmay xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah, oo uu hogaaminayay guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax.

Kulanka aya waxaa ay uga wada hadleen caqabadaha weli ku hor gudban doorashada 2020/2021 iyo sidii xal loogu heli lahaa, si dalka uu u gado galo doorashooyinka

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in hogaanka ururada bulshada rayidka ay Midowga Musharixiinta ka codsadeen in ay dhex-dhexaadin ka sameeyaan caqabadaha arrimaha doorashooyinka ee taagan.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in Midowga Musharixiinta ay soo dhoweynayaan doorka dhex dhexaadinta ee ay qaateen ururada bulshada rayidka.

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax oo kulanka kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in kulankan uu bilow u yahay dhex dhexaadin ay ka galayaan caqabaha jira iyo arimaha lagu muransan yahay ee guddiga doorashooyinka, isagoo xusay in ay la kulmi doonaan madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka si xal iyo heshiis loo dhan yahay looga gaaro doorashada Soomaaliya 2020/2021.

Kulankan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo waqtiga la qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada dalka uu sii dhamaanayo, dowlada federalkana ay ku mashquushay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka kala dhexeeya dalka Kenya.

‘Jabhada Soomaalida ah ee dowladda Kenya ka dhistay’ Mandheera oo lagu kacay

0

Mandera (Caasimada Online) – Shacabka iyo mas’uuliyiinta magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ku kacay ciidamo Soomaali ah oo halkaas ku sugan, kuwaasi oo horey dowladda Soomaaliya ay ugu sheegtay “jabhad ay dhistay” Kenya.

Guddoomiyaha golaha SUPKEM ee Mandera, Cabdulmajiid Khaliif Maxamed ayaa markii u horeysay shaaciyey in dacwad ka dhan wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan ay u gudbiyeen dowladda Kenya, gaar ahaan madaxweyne Kenyatta.

Cabdulmajiid ayaa sheegay in shacabka magaalada Mandera ay badankooda dalbadeen in magaalada laga saaro ciidamada uu wato Wasiir Janan, kuwaasi oo ay sheegen inay saldhigyo ka sameysteen beero ay leeyihiin dad shacab ah oo ku yaal duleedka magaaladaas.

Golaha muslimiinta ee Kenya ee loo soo SUPKEM laanteeda Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa iyada oo ka duuleysa arrintaasi waxay cabasho ka dhan ah Janan u gudbisay dowladda Kenya, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha.

“Dowladda ayaan warbixinteenna u gudbinnay maamulkana wuxuu noo sheegay inuu arrinkan madaxweynaha u gudbin doono, waxaana aaminsannahay inay codsigeena tixgelin doonan, muddo 48 saacadood gudahood ah inay Janan ka saran ayaan doonaynaa,” ayuu yiri Cabdulmajiid oo la hadlay BBC-da.

Guddoomiye Cabdulmajiid ayaa carabka ku adkeeyay inay rabaan in dowladda Kenya ay si deg deg ah uga saari doonto magaaladaas Wasiir Janan iyo ciidamadiisa oo ay ku eedeynayaan tacadiyo ka dhan ah dadka deegaanka.

Shacabka Mandera ee gudbiyay cabashada oo isugu jira cuqaal, culimo iyo haweenka magaalada ayaa si rasmi ah maanta cabashadooda u hor dhigeen mas’uulka dowladda dhexe wakiilka ugu ah deegaankaas, kaasi oo gaarsiinaya madaxweynaha Kenya.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xili uu dhawaan Cabdirashiid Janan uu sheegay in isaga iyo ciidankiisu ay joogaan duleedka magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay in jabhad uu ka abaabulayo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

‘Xiisada gobolka Gedo ceeb ayey ku tahay FARMAAJO’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay Doodsan Forum ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo ee dowlad-goboleedka Jubbaland, taasi oo la xiriiriyay siyaasad xumo arrimaha gudaha ee dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in xiisadaasi aysan wax eed ah ku laheyn madaxda Jubbaland, hase yeeshee lagu qasbay inay Kenya megan-galaan, kadib markii ay meesha ka baxday wax uu ugu yeeray “inay meesha ka baxday Isku haynta iyo isku-isku-wadka dalka.

“Annagu markii aan lahayn Axmed Madoobe waa madaxweyne, dadka reer Jubbaland quluubtooda ayaan ka shaqeyneynay si aysan u cararin oo aysan Kenya uga soo jeesan, waa ka keeneynay, Jubbaland dhismaheeda iyada oo xaafadda Karin la yiraahdo ee Nairobi looga hadlo oo shirkeedu ka socdo ayaan anigu imid xafiiksa September-2012, madaxdii joogtay in aan Wada-hadalno oo ay Xamar noogu yimaadaan waa diideen, in aan u tagno oo aan meeshooda ku wada-hadalno waa diideen, waxa aan weydiinay waxa ay rabaan, waxay doorteen in aan dibadda ku wada-hadalno, sidaas ayaan kalsoonida ku soo dhisnay si tartiib ah” ayuu yiri.

Waxa uu eedeynta u weyn ee xiisada gobolka Gedo dusha u saaray siyaasad xumada arrimaha gudaha ee dowladda Farmaajo, maadama uu sheegay inay ku fashilmeen hirgelinta xasilooni siyaasadeed oo uu wadanku gaaro.

Sidoo kale waxa isku xir u sameeyey caqabadaha ka dhalan kara taabba-gelinta hannaanka dhismaya ee Federaalka Soomaaliya, Qaabka ay u socoto siyaasadda arrimaha gudaha ee Dalka iyo sababaha horseeda in fara-gelinta teeda xun ay ku dhacdo Waddanka, taasi oo uu tusaale u soo qaatay in saraakiishii hoggaamineysay ciidanka xoogga dalka ee galay dagaalkii 1977 dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya ay u carareen Itoobiya, kaddib markii ay xumaatay siyaasadda arrimaha guduhu iyada oo taasina horseedday 30 sano oo colaad ah.

Waxa uu muujiyey heerka uu gaaray xiriirka iyo wadas-haqeynta dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland oo uu sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe uu kamid ahaa Madasha hoggaanka Qaranka (National Leadership Forum) isla markaana labadii bilba mar soo booqan jiray caasimadda, sidaasna waxa ka sinnaa dhammaan madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Waddanka.

“Nin kasta oo Soomaali ah oo carara oo xudduudda ka gudba oo cid kale oo dibadda ah megangala ama kaalmo iyo xoog ha u doonta!, qof kale oo Soomaali ah ayuu ka cararayey isakama caashaqin iskamana jeclaan! Malyanka qof ee Qaxootiga u tegey Kenya daxiis uma aadan Kenya, Soomaali kale dowlad ha ahaado ama si kale ha u xoog badnaaee eryaya ayaa xuduudda ka gudbiyey”,

Waxa uu hoosta ka xariiqay in dhammaan Dowlad-goboleedyada aysan jirin dowlad-goboleed aanay tabasho ka taagneyn dhexdeeda, shaqada madaxda dalka ayuu ku tilmaamay xallinta tabashadaas, iyaga oo adeegsanaya sida ugu suura-galsan oo aan ahayn xoog oo ku sheegay in uusan xal u ahayn arrinta gobolka.

“Qof Soomaali ah maanta waa raacdeyn kartaa! Laakiin berri isaga oo intii ka caro iyo xanaaq badan ayuu kuu imaanayaa oo weliba ay u badan tahay isaga oo shisheeye wata, arrinta Gedo Wadahadal in lagu dhammeeyo oo Wada-hadal laga galo ayaan qabaa, waa gobol katirsan Jubbaland” ayuu yiri

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda federal-ku inay dhahdo Jubbaland kama tirsana oo annaga ayaa ka talineynaa suuragal ma aha!, Sababta Maamulka Jubbland doorashada ka dheceysa Garbahaareey aanay u maamuli Karin oo DG Galmuudg u maamuli karto midda ka dheceyso Galkacyo, oo DG KGS u maamuli karto midda ka dheceysa Baraawe yaa ii sheegi kara sharciga ay arrintaasi dugsan tahay”.

“Dowladdu waxa ay dumineysaa Dowlad-goboleed jira o dhisan, waxa ayna ku xumeyneysaan cilaaqaadkeena dibadda, dowladdu dib ha uga fiirsato madaxweynaha si gaar ah ayay u sii taabaneysaa, ceeb ayayna ku sii tahay isaga”.

Xiisada ka taagan gobolka Gedo ayaa qeyb ka ah arrimaha waaweyn ee la rumeysan yahay inay ka dhaqaaqi laayihiin hanaanka doorashooyinka ee hore loogu heshiiyey magaalada Muqdisho, iyada oo sidoo kale taagan tahay arrinta guddiyada doorashada ee lagu muransan-yahay.

Sawirro: Nin watay boorso qaraxyo looga shakiyey oo lagu qabtay GURICEEL

0

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ayaa maanta Magaalada Guriceel ku xiray nin dhalinyaro ah, oo la socday gaari rakaab ah, wax yar uun ka dib markii uu gaarigaasi yimid magaalada.

Ciidamada Booliska oo ninkaasi aad mooddo in ay xogtiisa si gaara ah u socdeen ayaa si gooniya ula baxay, iyagoona baaritaan ku sameeyay boorso iyo bac madow, oo agab uu ku watay.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in ninkaasi la tuhmay in walxaha qarxa uu wado, balse laga waayay, markii la baaray agabkii uu watay.

Ciidamada Booliska ayaa ninka dhalinyarada ula dhaqaaqay Saldhigga Booliska ee Guriceel, si halkaasi su’aalo loogu weydiiyo.

Ma cadda sababta ay Ciidamada Booliska u kaxeysteen ninkaasi, haddii aan walxaha qarxa laga helin boorsadii uu watay.

Saraakiisha Booliska iyo Maamulka Guriceel ayaan weli ka hadlin waxa lagu haysto ninkaasi, inkastoo la fahamsan yahay inaanu deegaanka ahayn.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa maalin ka hor sheegay in dagaal-yahanada Al Shabaab ay culeys soo saareen deegaanada Galmudug.

Mareykanka oo si rasmi ah u billaabay hawl-galka Octave Quartz ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in xeebaha Soomaaliya uu soo gaaray markabka dagaal ee diyaaradaha xambaara ee USS Makin Island ARG.

Markabkaan Mareykanka leeyahay ayaa qeyb ka noqon doona hawlgalka lagu daadgureynayo ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya, ee loogu magac daray OCTAVE QUARTZ.

Qoraalka lasii daayay ee qiraalka arrintaan ayaa lagu sheegay in markabka ay la socdaan ciidamo dheeraad ah, kuwaas oo ilaalin doona hawlgalka daad-gureynta, iyadoo la rabo in laga fogaado qalqal galinta hawlaha bixitaanka.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, kaas oo dhawaan xafiiskiisa baneyn doona, ayaa horey u amray in lasoo saaro ciidamada ka jooga Soomaaliya oo lagu qiyaaso 700 askari, waxaana la sheegay ineysan jirin cid fasax u siisay iney halkaas ka hawlgalaan.

Soomaaliya waxaa ku sugan kumanaan askar ah kuwaas oo matalaya dalal kala duwan, dhamaan waxey ka mideysan yahiin la dagaallanka dagaalyahanada Al-Shabaab oo aan wali u muuqan kuwa laga adkaaday.

Si kastaba hawlgalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ka jirto marxalad kala guur ah, sidoo kalana aan wali la isku raacin hanaanka doorashooyinka dalka oo mudadiisa ay sii dhawaaneyso.

Xasan Sheekh oo sheegay tallaabo ay qaaday dowladda Kenya oo uu diidan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay marti ku ahaa madal loogu magac-daray Doodsan oo su’aalo lagu weydiiyey ayaa ka hadlay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo tallaabada ay qaaday Kenya ee ku wajahan Somaliland, balse dowladda Soomaaliya ay ku qaldaneed inay xiriirka u jarto dowladda Kenya, oo uu sheegay inay deris muhiim ah u tahay Soomaaliya.

“Waxaa inaan fahano u baahan anagu ma aanaa dooran inaan deris la noqono Kenya, iyaguna ma dooran inay nala dersaan, balse maanta laba arrin ayaa noo furan anaga iyo Kenya, inaan cadaawad iyo lugooyo iskula noolaano oo taasi siyaasad noo ahaato iyo inaan kuwada noolaano nabad, deris wanaag iyo iskaashi, taas dambe ayaana door bidayaa anigu,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Kenya iyo anaga dhaqaaleheena iyo ammaankeena ayaa isku xiran, hal milyan oo qof dad Soomaaliyeed oo ka badan ayaa magan-geliyo u jooga, kumanaan kale oo Soomaali ahna ganacsi ayey u joogaan magaalo kasta oo dalka Kenya ka tirsan, marka anagoo sidaas ugu dhex nool, waxaan cilaaqaad fiican aheyn nagama mudna Kenya.”

Waxa uu sheegay in dhaqaalaha Kenya ay mar burburiyeen dadkii Soomaaliyeed ee dalka ka cararay markii ay colaaduhu ka qarxeen, balse aysan jirin wax saameyn leh oo ay Kenya noo geysatay markii la fiiriyo taan u geysanay.

“Nolol iyo shacab wanaagsan ayaa naga jira, xigmad tilmaameysa in cilaaqaadka anaga iyo Kenya uu xumaado ma jirto, waxyaabo badan waa ku kala ra’yi duwanaa karnaa, tusaale anigu kuma raacsani Kenya sida ay u wajahday arrinta Somaliland, lamana qabo, ilamana qumana, laakiin taas meeshii adduunyadu ku dhamaaneysay maaha, wax kasii weyn oo iyagu ay dhibsanayeen ayaa na dhex maray, cilaaqaadkeenuna ma go’in,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh hadalkiisa ku sii daray, “Kenya waxay ku dacwootaa hadii Soomaaliya ay nooga guuleysato dacwadda badda, khatar ayaan ku jirnaa, iyagoo dareenkaas qaba, hadana dadka Kenyaatiga ah cilaaqaadka nooma jarin ee diblomaasiyadda inay nagula macaamilaan ayey go’aan ku gaareen.”

Itoobiya oo si lama filaan ah uga hadashay heshiiska Kenya iyo Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii u horeysay ka hadashay socdaalkii uu dhawaan madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ku tagay caasimada dalka Kenya ee Nairobi, halkaas oo heshiis ku wada gaareen labada dhinac.

Itoobiya ayaa sheegtay in heshiiska ay wada gaareen Somaliland iyo Kenya uu kor usii qaadayo xiisada Nairobi iyo Muqdisho, iyada oo si gaar ah usoo qaadatay qoddob ku jiray heshiiskaasi oo dhigayay in Kenya ay qunsuliyad ka furato Hargeysa.

“Kenya waxay qunsuliyad ka furan doontaa Somaliland, taas oo u ololaynaysa aqoonsi caalami ah, siina kordhinaysa is-faham-waaga u dhaxeeya dowladda jaarka ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri Warbixinta toddobaadlaha ah ee ay wasaarada arrimaha dibedda Itoobiya kasoo saarto falanqeynta gobolka.

Xukuumadda Itoobiya ee uu hogaamiyo Abiy Axmed ayaa waxa uu xiriir saaxiibtinimo kala dhaxeeya dowladda federaalka, taasi oo keentay inay walaac ka muujiso heshiiska aan weli dhaqan gelin ee dhex-maray Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka uu xiriir diblumaasiyadeed kala dhaxeeyo Somaliland, inkasta oo uu meeqaamkiisi lumay tan iyo markii uu Abiy Axmed dhinaca saaray dowladda federaalka.

Somaliland ayaa dhawaan heshiis la saxiixatay dowladda Kenya, kaasi oo ay qalinka ku duugeen madaxda labada dhinac, waxa uuna dhaqan geli doona heshiiskaasi bisha March ee sanadka cusub, kadib marka ay dhacdo doorashada Soomaaliya ee lagu muransan yahay.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa iyagu si weyn usii kala fogaaday kadib markii ay xukuumadda Muqdisho xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Nairobi, hase yeeshe maalmihii u dambeeyay ayaa waxa socday dadaalo lagu dejinayo xiisada labada dhinac, iyada oo magaalada Jabuuti lagu kulansiiyay madaxda labada dal.

Dagaal mar kale dhex maray ciidamo ka wada tirsan DF

0

Marka (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xalay fiidkii hore ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku dhex-maray qeybo ka mid ah magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka, qeybta 14-ka October iyo kuwa NISA ee ka wada howl-gala gudaha magaallo xeebeedkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu yimid, kadib markii uu ciidamadaasi soo kala dhex-galay muran ka dhashay lacago ay isku maan-dhaafeen labada dhinac.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo askari ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Xaaladda ayaa saaka ah mid degan, balse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan is-rasaaseyntaasi.

Maalmihii la soo dhaafay xaaladda ammaan ee Marka ayaa aheyd mid degan, waxaana howl-gallo amni xaqiijin ah ka waday ciidamada ammaanka ee ka howl-galka halkaasi.

Ciidamada amniga Puntland oo gacanta ku dhigay rasaas badan iyo qaraxyo + Sawirro

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ka warbixiyey howl-gallo ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka maamulka Puntland ay ka sameyeen gudaha magaalada Boosaaso.

Taliyaha ayaa sheegay in howl-galladaas oo u jeedkoodu ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga ay ku fashiliyeen qarax la dhigay mid ka mid ah xaafadaha magaaladaasi.

Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen rasaas fara badan iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada oo lagu diyaarinayey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay xoojin doonaan baaritaanadooda, isaga oo shacabka ugu baaqay inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada deegaanka.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.

Mid ka mid ah wasiirada PUNTLAND oo is-casilay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Puntland, Mudane Maxamuud Xaaji Saalax ayaa ku dhowaaqay inuu iska casilay xilkaasi, isaga oo warqadda is-casilaadiisa u gudbiyey madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni.

Saalax ayaa ka dalbaday madaxweynaha Puntland inuu ka aqbalo is-casilaadiisa, wuxuuna shacabka iyo xukuumadda u rajeeyey nabad, barwaaqo iyo horumar.

Sidoo kale wuxuu sababta uu isku casilay ku sheegay inay isku fahmi waayeen isaga iyo madaxweyne Deni nidaamka shaqo ee wasaaradda Kalluumeysiga Puntland.

Wasiirku ma faah faahin is faham-waagaas soo kala dhex-galay isaga iyo madaxweynaha Puntaland iyo waxa uu salka ku hayo.

Si kastaba is-casilaadda wasiirka kalluumeysiga Puntlad ayaa ku soo aadeysa xilli muddooyinkii u dambeeyey uu khilaaf xoogan ka taagnaa xarunta wasaaraddaasi.

Meydka Cumar Aadan Buul oo la helay maalmo kadib markii laga afduubtay…

0

Wajeer (Caasimada Online) – Booliiska gobolka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay inay heleen maydka kaaliye degaan oo maalintii Jimcihii ay afduubeen maleeshiyaad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Booliiska Khorof Xaraar waxay sheegeen in la helay maydka Cumar Aadan Buul oo ahaa kaaliyihii saldhigga degaanka Gumarey oo hoos yimaada Khorof Xaraar.

Waxay intaas ku dareen inay egtahay in Cumar Aadan Buul lagu dilay meel ka baxsan halka lasoo dhigay maydkiisa oo u dhaxaysa Khorof Xaraar iyo Konton.

Booliisku waxay sheegeen in mas’uuliyinta baaritaanka wada ay weli joogaan goobta.

Kenya ayaa dagaal adag kula jirta maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab oo weerarro iskugu jira ku dhufo oo ka dhaqaaq, qaraxyo iyo kuwo gaadmo ah ka gaystay gobolka Waqooyi Bari.

VOA

Ciidamada Galmudug oo la dul dhigay amar culus, kadib qaraxii Gaalkacyo

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka amniga maamulka Galmudug ayaa maanta ka qabsoomay magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb, xili ay muddooyinkii dambe xiisad amni darro ay ka jirto deegaano ka tirsan maamulkaas.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan taliyeyaasha booliska, nabad-sugid, guddoomiyaha amniga caasimada iyo saraakiil kale ayaa waxa shir-gudoominayey madaxwayne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid.

Waxa diirada lagu saaray shirkan sidii loo xoojin lahaa amniga iyo xasiloonida caasimada iyo dhamaan deegaanada Galmudug, iyada oo saraakiisha amniga la faray inay kaalin muhiim ah ka qaatan sugida amniga shacabka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa amar ku bixiyey in ciidamada kala duwan ee maamulkaasi aan la arki karin iyaga oo bilaa direys ah, isla markaana qori ku wata gudaha caasimada maamulkaas ee Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxa faray inaysan qeyb ka noqon askartu abuurista waxkasta oo abuuray xasilooni darro iyo inay shacabka ku furaan xabado aan loo meel dayin.

Shirkan ayaa imanaya xili ay deegaano kamid ah Galmudug ay ka taagan tahay amni daro, iyada oo dhawaan magaalada Gaalkacyo ee qeybta maamulkaas uu ka dhacay qarax ay ku dhinteen Mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Galmudug ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay weeraro uga imaanaya kooxda Al-Shabaab, iyada oo deegaanada maamulkaas ay ciidamo isku dhafan ah ka wadaan hawl-gallo lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasiloonida maamulka.

Korneel Masdile: Dowladda sidaan u dhaqmeysa waa inaan dalka ka xoreynaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Maxamuud Axmed Masdile, oo ay habeen horegurigiisa weerareen ciidamo isugu jira Haramcad iyo Gaashaan oo ka tirsan NISA, ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa xadgudub islamarkaana wixii ka dhasha ay mas’uul ka tahay dowladda Soomaaliya.

Korneel Masdile, oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho, ayaa sheegay in gurigiisa laga afduubtay saddex askari iyo laba qof oo shacab ah, sidoo kalane laga qaatay hub iyo agabyo kale oo ciidan.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in la qalqal geliyay dadkii ku noolaa guriga, islamarkaana qatar loo galay in uu dagaal dhaco balse uu ku amray ciidankiisa in aysan dagaalamin.

“Duulaan argagixiso ayuu ahaa, waayo aniga taliskayga looma sheegin, cid ii wacday oo aan ka diiday ma leh, waaran lama wadin sidaas darteed wixii ka dhasha dowladda ayaa ka masuul ah,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed Masdile oo ka tirsan saraakiisha Milateriga Soomaaliya.

Korneel Masdile ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka filayay weerarkaan,  maadaama hore loo weeraray saraakiil kale iyo mas’uuliyiin siyaasiin ah.

“Waan ka filayay weerar balse ma moodeyn inuu sidaan u dhacayo waxaana ii muuqata in dad gaar ah la beegsanayo iyo in dalka u baahan yahay xoreyn, waana xoreyn doonnaa” ayuu yiri Masdile.

Isagoo sii hadlaya ayuu iska fogeeyay inuu ku lug lahaa dagaalkii dorraad ka dhacay waqooyiga Muqdisho, inkasta oo wararka ay sheegayaan in isaga iyo saddex sarkala oo kale ay ku lug lahaayeen.

Korneel Masdile waxa uu shaaca ka qaaday inay jiraan saraakiil kale oo sidaan oo kale loo beegsanayo.

“Kaligeey ma ahan laakiin dad kale oo saraakiil ah ayaa lagu raad joogaa balse wax aan col aheyn lagama faa’idayo,” ayuu yir Korneelka.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay amar ku bixiyeen soo qabashada afar Sarkaal oo saddex kamid ah ka tirsan yihiin Milateriga Soomaaliya, halka kan kalane uu ka tirsanyahay dowladda Hoose ee Xamar, kuwaas oo lagu eedeeyay ku lug yeelasha dagaal ka dhacay Muqdisho Sabtidii.

Afartan sarkaal ayaa kala ah Cusmaan Xaadoole, Maxamuud Axmed Masdile, Abuukar Boonow iyo Maxamed Cusmaan Joorre.

Soomaaliya iyo Turkey oo wada-hadallo cusub yeeshay

0

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Lütfi Elvan, iyaga oo ka wada hadlay arrimo muhiim u ah labada dowladood.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray, iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan is-badalka iyo dib u habeynta maaliyadda dalka.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sidii hore loogu sii wada lahaa taageerada maaliyadeed ee Turkiga uu siiyo dowladda feferaalka ah ee Soomaaliya.

Beyle oo qoraal soo saaray ayaa faah faahin ka bixiyey kulanka uu la yeeshay wasiirka maaliiyadda Turkiga oo uu sheegay inuu si hagar la’aan ah u garab istaagay Soomaaliya

“Sharaf ayay ii tahay in aan la kulmay  Mr Lütfi Elvan oo ah Wasiirka Maaliyadda dowladda Turkey oo si hagar la’aan ah inoo garab istaagtay, waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, sidii hore loogu sii wada lahaa iyo taageerada Maaliyadeed ee dowladda Turkiga,”ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Si kastaba ha’ahaatee Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, isaga oo ka caawiya dhinacyo dhowr ah, sida dhaqaalaha, caafimaadka iyo dib u dhiska ciidamada.

Waa maxay ujeedka kulanka musharaxiinta mucaaradka maanta uga socda Xamar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan uu shir xasaasi ah uga socdaa xubnaha Midowga Musharraxiinta ee 2021-ka..

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, siiba muranka ka taagan guddiyadeeda.

Sidoo kale waxa ay musharraxiinta mucaaradka ay kulankooda ku soo qaadi doonaan xaaladihii u dambeeyey ee soo kordhay, gaar ahaan dibad-baxyadii ka dhacay Muqdisho.

Waxaa sidoo kal shirka ka soo muuqday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo safar deg deg ahaa ugu baxay dalka Ruushka.

Midowga Musharraxiinta ayaa si weyn uga biyo diidan hannaanka ay dowladda dhexe ee federaalka ku wajaheyso doorooshooyinka dalka oo uu dib u dhac weyn ka muuqdo.

Shirkan ayaa ku soo aadaya, iyada IGAD ay ku baaqday in xal waara laga gaaro arrimaha doorashooyinka, si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.

Waa kuma amiirka la gartay ee ka tirsan Al-Shabaab ee u tallaabay dalka Kenya?

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Dadka deegaanada Amuma iyo Hemey ee ismaamulka Gaarisa ayaa dareemaya cabsi weyn kadib markii tobaneeyo ka tirsan dagaalyahanadan Al-Shabaab ay kasoo talaabeen xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Dagaalyahanada Al-Shabaab waxey inta badan weeraro ka geysataan gudaha Kenya, waxaana heegan la galiyay Booliska ku shaqada leh xoojinta ammaanka ismaamulka Gaarisa.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw waaxaha ammaanka ayaa wargeyska Daily Star u sheegay in gudaha Kenya uu soo galay Mowliid Cabdi Xuseen oo ka yimid Somaliya, waxaana la sheegay inuu ka khudbeeyay mid ka mid ah masaajidda maxaliga ah ee deegaanka, isagoo sheegay inuu sii wadi doono weerarada ka dhanka ah dadka reer Kenya.

Warbixinada ay booliska baahiyeen ayaa lagu sheegay iney saddex waddo isticmaaleen dagaalyahanada oo tiradooda lagu khiyaasay 40, kuna hubeysnaa qoryaha AK47 iyo PKM.

Booliska waxey fahamsansan yahiin in kooxda gudaha usoo gashay Kenya ay durba qorshe leeyahiin, isla markaana ay calaameysteen bartilmaameedyo ay ka mid yahiin xarumaha anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta Kenya iyo xerooyinka baaritaanada, sidoo kalana cabsi ayaa laga qabaa iney wadooyinka wax ku aasaan.

Rono Buunei oo ah taliyaha booliska ismaamulka Gaarisa ayaa sheegay iney xoojinayaan ammaanka deegaanka, isla markaana ay isku dayi doonaan iney baajiyaan hawlgallada ay damacsan yahiin kooxaha ay ugu yeereen argagixisada.

Al-Shabaab waxey caan ku noqdeen iney weeraro ka geystaan gobolada ismaamulka Somalida, waxeyna bartilmaameedsadaan ciidamada Kenya iyo sidoo kale shirkadaha ay sida gaarka ah u leeyahiin muwaadiniinta Kenya.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60