24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Sidee ayuu noqonayaa habka qandaraas bixinta shidaalka dalka Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed Ibraahim Cali Xuseen ayaa markii ugu horeysay si faahfaafaahsan uga hadlay habka loo qeybinayo qandaraas bixinta shidaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hey’adda Batroolka ayaa shaaciyey in guddigooda uu ku howlan yahay sidii ay shirkadaha uga dhaadhacsiin lahaayeen sidii ay ugu dhiiran lahaayeen maalgashiga Soomaaliya maadaama uu sheegay in shirkadaha ay qabaan cabsi ku aadan xaaladaha ammaanka iyo siyaasadda dalka.

Ibraahim ayaa sheegay in su’aalaha ugu badan oo ay weydiinayaan Shirkadaha maalgelinta Batroolka sameeyo ay tahay sida ay ugu kalsoonaan karaan dhaqaalaha ay gelinayaan Soomaaliya & sida uu dib ugu soo laaban karo.

“Habka Qandaraas bixinta waa mid ku saleysan hab hufnaan ah oo ay u siman yihiin shirkadaha, annaga mas’uuliyad ayaa na saaran, waxa aan dooneynaa heshiis ummadda Soomaaliyeed u cuntama oo aan sii jiidano Shirkadaha, iyaga oo la weydiinaya ammaanka & siyaasadda Dalka,” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Ibraahim ayaa sheegay in sababta shidaalka loo soo saarayo ay tahay sidii dadka Soomaaliyeed looga saari lahaa faqriga iyo shaqo la’aanta sida uu hadalka u dhigay.

“Ujeedada ugu weyn ee aan usoo saareyno Shidaalka Soomaaliya waa in faqriga & shaqo la’aanta dhalinyarada laga baxo, waxaa naga go’an in Ummadda Soomaaliyeed uga faaiideystaan hab ka duwan Dowladaha qaar oo ka baahan,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha hey’adda ayaa xusay in shirkadaha maalgashado shidaalka ay intoo badan hantidooda geliyaan wado kale oo shidaal laga helo kuwaas oo amni ahaa iyo siyaasad ahaanba ka fiican Soomaaliya.

Farmaajo oo hal sabab dib ugu dhigay ansixinta wax ka bedalka dastuurka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo soo saaray xeer madaxweyne ayaa dib u dhigay ansixinta wax-ka-beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Sababta ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay maadaama la galay xilligii doorashada, islamarkaana  ay sii dhammaaneyso muddada xil-haynta barlamaanka 10aad, ayna bilaabanayso muddo xileedka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa baarlamaanka 11-aad u gudbiyey qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen guddiga madaxa bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka.

“Iyadoo aan waxba loo dhimeyn Qodobka 136aad ee Dastuurka KMG, Madaxweynuhu waxa uu dib-u-dhigay ansixinta dib-u-eegista Dastuurka, waxa uuna Baarlamaanka 11aad u gudbiyey qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, ansixiyeenna Guddiga La Socodka BFS, iyadoo ay la socoto warbixin faah-faahsan, habraaca ansaxinta Dastuurka KMG iyo qabyo-qoraalkii 3-aad ee Dastuurka KMG, si loo dhameystiro looguna ansixiyo muddada Xilhaynta Baarlamaanka 11aad.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in xeerkan uu saxiixay madaxweynaha uu dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Diseembar 2020-ka, waxaana sidoo kale  la baabi’iyey sharciga iyo xeer kasto oo ka soo horjeedo arrinkan.

Si kastaba go’aankan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu warbixin ka dhageystay guddiga la-socodka dib-u-eegista iyo hirgalinta Dastuurka, guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgalinta Dastuurka iyo wasiirka Dastuurka, taas oo ku saabsanayd arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Sawirro: Deni iyo Qoor Qoor oo shir xasaasi ah ku leh magaalada GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa haatan shirweyne waxa ay ku leeyihiin waqooyiga magaaladaasi, kaas oo ay goob joog yihiin mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul iyo xildhibaano ka socda dowladda dhexe.

Shirkan oo looga hadlayo iskaashiga Puntland iyo Galmudug ayaa goor dhow ka billowday xarunta Madaxtooyada Puntland ee waqooyiga Gaalkacyo.

Inta uu socda shirka ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saarayaa arrimaha amniga, is-dhexgalka bulshada iyo horumarrada kale.

Sidoo kale Siciid DENI & Qoor Qoor ayaa shirkooda ku soo qaadi doono xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan muranka weli ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.

Gaba-gabada shirkan ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in laga soo saaro war-murtiyed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan labada dhinac.

Shirweynahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Jimcihii la soo dhaafay weerar is-miidaamiin ahaa oo saraakiil iyo shacab lagu dilay uu ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Abshir Kaaraan oo wacad ku maray jawaab ka dhan ah Korneelkii soo weeraray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa galabta weerar culus ku qaaday xarunta maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyagoo halkaas ku dilay seddax askari oo ka tirsanaa booliska Soomaaliya, isla markaana qaatay qoryahoodii, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud (Abshir Kaaraan) oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday degmadiisa ay ka dambeeyeen saraakiishii dhawaan uu dagaalku ku dhex maray gudaha degmadaas oo hadda is baheystay.

“Waxaa nagu dhacday dhibaato ay ku tala galeen rag la yaqaano oo saraakiil ah… dhacdadaas illaa seddax askari oo ilaalada degmada ka mid ahaa ayaa nooga dhimatay, waxaana falkaas ka dambeeyey saraakiishii maalin dhaweed ku dagaalantay degmada Kaaraan,” ayuu yiri Guddoomiye Abshir Kaaraan.

Waxa uu sheegay in raggaas ay la xisaabtami doonaan warbixintoodana ay madaxda ka sareysa u gudbiyeen, isagoo tilmaamay in ciidamadii soo weeraray ay aad u hubeysnaayeen oo ay wateen gaadiid dagaal, balse uusan garaneyn sababta ay u soo weerareen degmada.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in weerarka ka hor uu fashilmay kulan la sheegay in saraakiisha qaar ay la yeelan rabeen guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan.

Ciidanka Militeriga ah ee weerarka fuliyay waxaa la sheegay inay ka amar qaataan Korneel Maxamuud Maxamed Masdile, oo 20-kii bishaan gurigiisa ay weerareen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, oo doonayey inay soo qabtaan.

Korneel Masdile ayaa lagu eedeynayaa inuu ku lug lahaa dagaalkii maalmo ka hor ciidamo kawada tirsan militeriga ku dhex maray degamada Kaaraan, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10-qof, balse mar uu la hadlay warbaahinta waxuu iska fogeeyey eedeyntaas.

Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa laba habeen ka hor u dhacay  guriga G/Sare Maxamuud Maxamed Nuur Masdile oo ku yaalla degmada Kaaraan, waxayna halkaas ka soo xireen askar ku sugneyd guriga iyo qaar ka mid ah dhalinyaradii ku nooleyd guriga salkaalka,

Sidoo kale mar la wareystay qaar ka mid ah dadkii habeenkaas ku sugnaa guriga Korneyl Masdile waxay sheegeen in loola dhaqmay si aan habooneyn oo loo geystay jir-dil, dhac iyo burburin iyo xarig.

Intaas Korneyl Masdile oo si adag uga hadlay weerarkii lagu qaaday gurigiisa ayaa yiri, “Duulaan argagixiso ayuu ahaa, waayo aniga taliskayga looma sheegin, cid ii wacday oo aan ka diiday ma leh, waaran lama wadin, sidaas darteed wixii ka dhasha dowladda ayaa ka masuul ah. Waan ka filayay weerar, balse ma moodeyn inuu sidaan u dhacayo, waxaana ii muuqata in dad gaar ah la beegsanayo iyo in dalka u baahan yahay xoreyn, waana xoreyn doonnaa”.

Hoos ka dhageyso Abshir Kaaraan

Weriye Dulyar oo la xiray kadib wareysi uu ka qaaday Jeneral ku kacsan dowladda

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa caawa lagu xiray Weriye Cabdulqaadir Maxamed Faarax Dulyar, oo maalin ka hor howlo shaqo u tagay magaaladaas. Isagoo ka tegay Muqdisho.

Dulyar ayaa duleedka magaaladaas ku soo wareystay Jeneraal Abuukar Xuud oo hoggaaminaya jabhad ka soo hor jeeda jiritaanka madaxda cusub ee maamulka HirShabeelle.

Amarka lagu xiray Weriye Dulyar waxaa la sheegay inuu ka yimid madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Jeneraal Xuud ayaa qeybo ka mid ah wereysigaas ku sheegay inuu qurbaha uga yimid inuu badbaadiyo nololsha dadka reer Hiiraan oo uu sheegay inay talada u hayaan dad uu ku tilmaamay ‘dhiig miirato.’

Dulyar ayaa weydiiyey Jeneraal Xuud sababta uu u dagaal gelinaayo dhalinyarada reer Hiiraan, iyadoo ilmihiisu ay ku noolyihiin dalka Canada oo nolol fiican ay ku heystaan.

“Hiiraan madax badan ayaa isku bedeshay hal maalina danahooda lagama shaqeyn, ninka hadda dhahaya madaxweyne ku xigeen ayaan ahay afar goor auu ku soo noqday gobolkaan, wixii yaallana isagaa qaatay kaligiis, wax uu ka fekeray oo dan u ah reer Hiiraana ma jiraan, maantana meeshaan inta soo istaago ayuu naleeyahay madaxweyne ku xigeen ayaan ahay, say ku dhaceysaa?,” ayuu yiri Jeneral Xuud.

Waxa uu sheegay sababta uu Hiiraan u tegay ay tahay inuu dadka baro inay ka maqantahay xuquuqdoodii aas-aasiga aheyd.

“Uma imaan dadka in la dilo, laakiin waxaan u imid tuugada inaan ka qabto, dadkooda waxbartayna maamulka loogu dhiibo” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Hoos ka Daawo

Musharaxiinta oo Farmaajo ku calaameeyey ‘qaswade’ soona saaray baaq culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyey go’aanka ay guddiga lagu muransanyahay ee  doorashada ay ku iclaamiyeen jadwalka doorashooyinka heer Federaal.

“Goluhu wuxuu tillaabadan u arkaa billowgii boobka Doorashada heer qaran taasoo uu madaxweynuhu ugu bareerayo abuuris xasarad siyaasadeed oo lagu burburinayo nidaamka dimoqraadiga oo udub dhaxaad u ah xasilooni siyaasadeed ee dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka ka soo baxay Musharaxiinta ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweyne Farmaajo ayaa dhagaha ka furaystay talooyinka golaha, qaybaha kala duwan ee shacabka iyo beesha caalamka ee ku baaqaya in xal laga gaaro ismarin waaga ku aaddan maamulka doorashooyinka, wuxuuna go’aansaday in uu qabsado doorasho uu kaligii tartame iyo garsoore ka yahay.”

Qoraalkan ayaa loogu digay madaxda Dowlad Goboleedyada in ay ku kadsoomaan qabashada doorashooyinka aan la isku raacsaneyn, “Taas oo ay hubanti tahay in ay horseedayaan xasillooni darri ka dhalata deegaannada ay maamulaan oo ah kuwo u nugul xasillooni darrida.”

“Goluhu wuxuu dusha ka saarayaa Madaxweyne Farmaajo eedda natiijadii taban ee ka dhalata qabashada doorasho aan la isku raacsaneyn,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta.

Ugu danbayn warkan ka soo baxay midowga musharaxiinta ayaa lagu yiri, “Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedyada, bulshada rayadka ah iyo beesha Caalamka in ay qaswade u aqoonsadaan Madaxweyne Farmaajo, meelna looga soo wadajeesto, si wadajir ahna looga hortago ficillidiisa gurracan ee halista gelinaya nabadda iyo xasilloonida dalka.”

Ciidamada musharaxiinta oo la wareegay agagaarka KM4 iyo amniga Hotel Afrik

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Midowga Musharaxiinta ayaa caawa la wareegay agagaarka Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho, iyo sugidda amnigiisa, halkaasi oo uu caawa ka dhacay shir xasaasi ah oo ay lahaayeen.

Ciidamada oo sugayey ammaanka Musharaxiinta ayaa xiray wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan eeriyada isgoyska KM4, waxaana gaadiid dagaal oo ay wateen la dhigay wadada aada dhanka garoonka diyaaradaha.

Ciidamada ayaa dadka iyo gaadiidka u diidayey inay isticmaalaan wadooyinka soo gala Hotelka, waxayna arrintan ku soo aadeysaa iyadoo dhawaan ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay hor istaageen xaflad uu Hotelkaas ku dhigan lahaa Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah musharaxiinta.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in musharaxiinta ay ka war heleen suurta-galnimada ah in dowladda ay ciidan usoo dirto hotelkaas, islamarkaana ay isku daydo inay joojiso kulanka musharaxiinta.

Shirka caawa ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xal u helidda xilligan kala guurka ah, xaalada siyaasadeed ee dalka, iyo jawaab ka dhan aheyd jadwalka doorasho ee ay saareen guddiga ku xiran dowladda waxaana ka soo qeyb galaya qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Ciidamada Korneel Masdile oo soo weeraray Muqdisho, qabsadayna xarun degmo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 4 askari oo boolis ah ayaa ku dhintay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxaana laga qaatay hubkii ay wateen kadib markii ay weerar kusoo qaadeen ciidamo Milateri ah oo ay ishayaan dowladda federaalka.

Ciidanka Milateriga ah ayaa sidoo kale galay guriga guddoomiyaha degmada Kaaraan (Abshir Kaaraan) iyo xarunta degmada Kaaraan, waxaana la sheegay inay ka waayeen Abshir Kaaraan.

Ciidankaan Milateriga ah ee weerarka fuliyay oo wata gaadiidka dagaal iyo ciidan badan ayaa ka amar qaata Korneel Maxamuud Maxamed Masdile, oo 20-kii bishaan gurigiisa ay weerareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, oo doonayey inay soo qabtaan.

Ciidanka booliska ee ku sugnaa xarunta degmada Kaaraan ayaa ka cararay xarunta, ayada oo muddo kooban ay qabsadeen kuwa Masdile. Ciidankan Korneel Masdile ayaa hadda dib uga gurtay xarunta, waxayna ku laabteen oo ay isku fidiyeen xaafado ka mid ah Kaaraan.

Ciidanka weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale la sheegay in ay kor ka ilaalinayeen ciidamo kale oo ka amar qaata saraakiil kale oo ay dowladda baadi goobeyso, kuwaas oo lagu magacaabo Cusmaan Xaadoole iyo Abuukar Boonow.

Arrintaan ayaa la xariirto qulqulatooyin maalmahan ka taagnaa waqooyiga Muqdisho, iyo isku day ay dowladda dooneyso inay kusoo qabato afar sarkaal, kuwaas oo haysta ciidan iyo hub badan.

Xaaladda degmada Kaaraan ayaa hadda qasan waxaana ka taagan cabsi xoogan.
Saraakiishaan ka tirsanaa Milateriga Soomaaliya ee maanta weerarka soo qaaday ayaa wata gaadiid dagaal, ciidan iyo hub farabadan, waxaana laga cabsi qabaa inay kusoo faafaan degmooyin kale.

Korneel Masdile ayaa hore u sheegay inuu ka aarsan doono kadib weerarkii gurigiisa ay ku qaaday dowladda, isagoo sidoo kale sheegay in dalka u baahan-yahay dib u xoreyn ka dhan ah dowladda oo uu ku eedeeyay sharci ku tumasho.

Guddiga lagu mursan yahay ee doorashooyinka oo soo saaray jadwal doorasho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ee lagu muransan-yahay ayaa soo saaray jadwalka doorashada soo socota ee 2020/21, gaar ahaan kuwa aqalka sare iyo golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa shaaciyey in diiwaan-gelinta musharaxiinta doorashada aqalka sare ay bilaabaneyso 26-ka bishan December, iyaga oo fursad lix cisho ah siiyey sidii ay madaxda maamulada dalka kusoo saari lahaayeen liiska musharaxiinta, taasi oo ku eeg isla 29-ka bishan.

Qoraalka ay soo saareen guddiga ayaa lagu sheegay in lasoo hormarinayo doorashada xildhibaanada golaha aqalka sare oo ay qabanayaan baarlamaanka dowlad goboleedyada dalka, sida ku cad habraaca doorashada iyo heshiiska golaha wada-tashiga qaran.

Sidoo kale waxay sheegen guddigu in 31-ka bishan December ilaa 6-da Janaayo ee sanadka cusub ee 2021 ay kusoo dhameystiri doonaan doorashada kuraasta golaha aqalka sare

“Guddiga isagoo tix raacaya qoddobada heshiiska 17-kii September 2020, wajibaadkiisa shaqo ee uu Golaha wada-tashiga qaran siiyeyna gudanaya si ay dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, wuxuu maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka December shaacinayaa taariikhda rasmiga ah ee doorashooyinka aqalka sare iyo golaha shacabka ay dhacayaan” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen guddiga.

Waxa kale oo lagu yiri “Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed waxay sidoo kale 7-da Janaayo 2021 guda galayaan diiwaan-gelinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshda rayidka ah ee ka qeyb galaya xulista ergooyinka doorashada kuwaas oo lagu faah-faahiyay shuruudahooda habraacyada doorashada”.

Guddiga ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dhamaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka inay si hufnaan leh uga wada qeyb qaataan tartanka doorashada, iyagoona soo jeediyay in kor-joogayaasha gudaha iyo dibedda ay qaataan doorkooda ku aadan la socoshada sida doorashooyinka u dhacayaan, si loo xaqiijiyo hufnaanta hanaanka doorashada dalka.

“Waxaan rajeynaynaa in beelaha Soomaaliyeedna ay kaalintooda ka qaataan howlaha doorashada, xulista ergooyinka iyo ka qeyb-galka tartanka kuraasta labada aqal, iyada oo laga fogaanayo dhamaan wixii khilaafaad keeni kara.

Arrintan ayaa imanayesa xili uu meel sarre marayo khilaafka ka dhashay doorashada ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka oo iyagu gebi ahaanba qaadacay guddiga maanta ku dhawaaqay jadwalka doorashadal, waxyna uga sii dareysa xiisada ka dhalatay doorashada.

Filish oo soo saaray digniin, kuna baaqay arrin laga digay oo la xiriirta mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Benaadir, Cumar Maxamuud  Maxamed (Filish) oo sidoo kale ah duqa caasimada, ayaa si adag uga hadlay dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka ee ku aadan xiisada ka dhalatay arrimaha doorashooyinka oo xiligan xaalada cakiran ka abuuray dalka.

Guddoomiye Filish ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aysan xiligan awoodi karin fowdo iyo kicin dadweyne, hase yeeshe loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo nabad-gelyada caasimada.

Sidoo kale waxa uu xubnahaas ku sifeeyay kuwo diidan dowladnimada Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in shacabku uu kala hortago kacdoon ka dhan ah, taasi oo hore looga digay.

“Shacabka gobolka Banaadir, iyaga ayaa laga rabaa inay jawaab ka bixiyaan hadallada kasoo yeeraya kuwa diidan dowladnimada ee dhahaya waxaa loo laabanayaa 1991-dii, waxaa loo baahan yahay in shacabku uu dhar-baaxyo xoogan ku dhufto kuwaas doonayo in la dumiyo dowladnimada la haysto,” ayuu yiri.

Filish ayaa hore sidan oo kale u sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan mucaaridka hadey isku dayaan inay xasilooni daro amni abuuraan, isagoona shacabka ugu baaqay xiligaas in la dilo mucaaradka, taasi oo uu dilkooda qiil uga dhigtay Aayado qur’aan ah oo jira Suratul Axzab.

Guddoomiyaha oo u muuqda mid si weyn uga carooday dhaq-dhaqaaqyada mucaaridka iyo siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin ka wadaan magaalada Muqdisho, ayaa muddooyinkii dambe ku dhawaaqayey hadalo qatartooda leh, kuwaasi oo ay cawaaqibtooda ka digeen musharaxiinta mucaaridka.

Maxaa looga hadlay kulankii Muuse Biixi iyo Geelle?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo saaka gaaray dalka Jabuuti ayaa galinkii dambe ee maanta kulan la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo markii hore u fidiyay martiqaadka booqashadiisa.

Kulanka ayaa looga hadlay danaha labada dhinac, adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti iyo isku socodka arrimaha bulshada, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay madaxtooyada Somaliland.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay arrimaha amaanka iyo la socodka arrimaha nabdgelyada mandaqada, maadama ay Somaliland dalka Jabuuti la wadaagto xuduud dhuleed balaadhan.

“Labada madaxweyne ayaa yeeshay kulan muhiima oo ay kaga wada hadleen danaha labada dal, adkaynta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dhinac iyo isu-socodka arrimaha bulshada. Waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaatay sidii horeba ay labada dhinac isaga kaashan jireen ka war haynta iyo la socodka arrimaha nabadgelyada mandaqada,” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada.

Madaxweynaha Somaliland ayaa inta uu joogo wadanka Jabuuti waxa uu kulamo gooni-gooni ah la qaadan doono madaxda sare ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono arrimaha siyaasadda & qodobo kale oo muhiim ah.

Socdaalkan ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyada oo dhowaan madaxweynaha Somaliland uu booqasho ku tegay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay madaxda sare ee wadankaasi oo ay wada gaareen heshiis.

Maxaa ka jira in Somaliland malaayiin dollar ku iibsatay safarka Eisenhower Mkaka?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda dalka Malawi, Mr. Eisenhower Nduwa Mkaka oo horaantii toddobaadkan socdaal ku tagay magaalada Hargeysa ayaa markii u horeysay ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan safarkiisa Somaliland.

Mkaka oo la hadlay Onjezani Kenani, oo ah wariye caan ka ah dalkaas ayaa waxa uu beeniyay warar badan oo laga faafiyey socdaalkiisa Somaliland, wuxuuna sheegay inaysan jirin diyaarad qaas ah oo uu qaaday Hargeysa, balse uu raacay diyaarada Ethiopia.

“Mudane Mkaka wuxuu socdaal xaqiiqo raadis ah ku joogaa Somaliland, sida taariikhda ku cad wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland waligeedba ahayd dal madax-bannaan oo xoriyadiisa helay 26 june 1960. Maalintii ku xigtay ee 26 june baarlamaankooda ayaa u codeeyay inay ku biiraan Soomaaliya oo uu Talyaanigu xukumayay, xorriyaddeedana qaadatay 1 july 1960,” ayuu yiri Wariye Kenanni oo soo xiganaya Mkaka.

Wasiir Mkaka ayaa waxa uu ujeedka safarkiisa Hargeysa ee caasimada Somaliland ku sheegay mid xaqiiqo raadin ah, kadib markii xukuumadda Somaliland ka dalbatay dalkiisa Malawi inay ka taageerto qadiyada madax-banaanida Somaliland.

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in xukuumadda Malawi aysan weli ka qaadan mowqif rasmi ah oo ku aadan qadiyada Somaliland, isla markaana ay weli wado wax uu ugu yeeray “xaqiiqo raadis dheeraad ah”.

Warbaahinta gudaha ee dalka Malawi ayaa baahisey in Mkaka uu diyaarad gaar ah oo dalkaas laga leeyahay ku gaaray Somaliland, iyada oo sheegtay in Hargeysa u tagay sidii uu nafsad ahaantiisa u heli lahaa lacag malaayiin doolar oo xukuumadda Somaliland ku siineyso sidii ay xiriir ula sameysan laheyd Malawi, taasi oo uu beeniyay.

“Wuxuu halkaas u aadayaa si uu lacag u helo, in badan oo ka mid ah isaga ayaa qaadanaya iyo saaxiibbo kale oo dowladda ku jira. Taasi waa mid run ah. Ugu dambeyn waxaa na loo sheegi doonaa in Malawi ay xiriir diplomaasiyadeed la sameysatay Somaliland,” ayaa lagu yiri warbixino ay daabaceen warbaahinta Malawi.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Malawi, Eisenhower Mkaka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Sabtidii booqasho ku tagay Somaliland, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, wuxuuna noqonayaa mid kamid ah mas’uuliyiintii ugu sareysay ee booqda Somaliland tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Mr. Eisenhower Mkaka oo sanadkaan gudahiisa la magacaabay ayaa durba dhaq-dhaqaaqyo waa weyn sameeyay, waxa ugu weyn ee lagu xasuusan doono waxey tahay inuu noqday wadankii ugu horreeyay Afrika ah ee xiriir dhow la sameysta Yahuudda.

Mkaka ayaa sidoo kale sheegay in safaaradda Malawi ay Israel ku leedahay ay u rarayso magaalada Qudus ee dhulka Falastiin, sidoo kalana wuxuu taageero weyn u muujiyay sheegashada dalka Marocco ee saxaraha galbeed.

Wasiirka wuxuu usoo tallaabo qaaday Geeska Afrika isagoo doonaya inuu wada-xaajood la sameeyo maamul doonaya inuu ka go’o Soomaaliya inteeda kale, mana ahan wadankii ugu horreeya ee xukuumadda Somaliland uu isku dayo inuu xiriir diblomaasi la sameeysto.

Dagaal duleedka Muqdisho ku dhex-maray ciidamada DF iyo maleeshiyo beeleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal la isku adeegsaday hubka fudud  iyo kuwa culus ayaa wuxuu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan xeebeedka Jaziira oo dhacda duleedka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dagaalka oo dhowr jeer oo kala duwan ka dhacay halkaas ayaa wuxuu u dhaxeeyey maleeshiyo hubeysan oo u abaabulan hab beeleed iyo ciidamo ka tirsan kuwa booliska Dowladda Soomaaliya.

Sababta dagaalka keentay ayaa lagu sheegay inay tahay muran ka dhashay qaad la sheegay in si sharci darro ah looga soo dajiyey xeebta Jazeera, kaasoo laga keenay dalka Kenya.

Sida dad goob joogayaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray ciidamadii dagaalamay iyo dad Shacab ah.

Inta la xaqiijiyey dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 5 qof oo qaar ka tirsan ay yihiin dad Shacab ah halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeyn.

Dawladda Soomaaliya ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ay ka soo saartay dagaalkan, waxaana meeshii lagu dagaalamay la wareegay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay Qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya, waxaana ilaa hadda si dhuumaaleysi ah looga soo dajiyaa xeebaha u dhow magaalada Muqdisho.

Xog: Ujeedka kulanka dhex maraya Deni iyo Qoor-Qoor

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in saacadaha nagu soo aadan ay ka amba-baxaan magaalada Garoowe, kuwaasi oo socdaal ku tagi doona magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Deni iyo xubnaha ku wehlinaya safarkiisa oo u badan golihiisa wasiiradiisa ayaa waxay kulamo kala duwan Gaalkacyo kula qaadan doonaan madaxda Galmudug, gaar ahaan madaxweynaha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadli doona xaaladaha kasoo cusboonaanaya gobolka Mudug iyo khilaafka sii xoogeystay ee doorashooyinka oo uu madaxweyne Deni meel adag iska taagay, kadib markii ka biyo diiday guddiga doorashada ee lagu muransan-yahay.

Sidoo kale waxay mas’uuliyiinta labada maamul diirada saari doonaan xaalada amni xumo ee kasoo korartay gobolka Mudug, taasi oo falal argagax leh ka geystaan dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Safarkan ayaa imanaya xili uu dhawaan qarax xoogan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasi oo ay ku geeriyoodeen mas’uuliyiin, saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobtaas oo ay ka socotay munaasibad lagu soo dhaweynayay ra’iisal wasaaraha dalka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hore ugu fashilmay waan-wan uu ka dhex waday madaxda maamulada dalka iyo kuwa dowladda federaalka, si meesha looga saaro xiisada ka dhalatay guddiga doorashooyinka, lamana oga in kulanka uu wax ka bedeli doono qorsheyaashii hore uga fashilmay.

Sawirro: Ciidamadii ay DF geysay xuduudda Beled-Xaawo oo hub loo qeybiyey

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Ciidamo nooc cusub ah oo isniintii ay dowladda Soomaaliya ka dejisay garoonka Doolow ee Gobolka Gedo ayaa loo qeybiyey hub, waxaana loo daabulay degmada Beledxaawo ee Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamadan oo dareyskoodu ka duwan yahay ciidamada kale, isla markaana ku lebisan dhar cagaaran ayaa wararku sheegeen inay yihiin ciidamadii qarsoodiga ahaa ee lagu soo tababarray dalka Eritrea, waxaana warar kala duwan kasoo baxeen waxa ay ciidamadaasi yihiin iyo qeybta ay hoostagaan.

Hub cusub oo isugu jira qoryaha AK-47, BKM iyo Garneylo ayaa loo qeybiyey ciidamadan, waxaana la geeyay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ee Beledxaawo oo ay ka howlgeli doonaan.

Xiisada ka taagan degmada Beled-xaawo ayaa waxaa la sheegayaa inay qarka u saaran tahay inuu dagaal ka qarxo, waxaana dhanka degmada Mandhere ee xuduudka Kenya abaabul dagaal ka wada Ciidamo uu wato C/rashiid Janan.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo shirkii IGAD ee dalka Jabuuti lagu heshiisiiyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, oo dib u soo celinaya xiriirkoodii diblomaasi.

Xayiraddii DF Soomaaliya oo Kenya ku qasabtay inay waddamo kale u weecato

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda ganacsiga Kenya ayaa shaacisay inay qorsheynayso inay suuqa dhoofinta qaadka u rarto saddex dal oo cusub, xili ay beeraleyda dalkaas ay quus ka muujiyeen suuqii ugu weyna ee Soomaaliya, oo xiisada xoogan kala dhaxeyso xukuumadda Nairobi.

Xoghayaha guud ee wasaaradda, Johnson Weru ayaa sheegay inay wasaaradu qorsheynayso inay qaadka Kenya u dhoofiso dalalka Jabuuti, Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congi iyo Mozambique, kadib cadaadis xoogan oo ay qaadleyaasha Kenya saareen dowladda.

Weru ayaa kulan la qaatay dhamaadka toddobaadkii hore wafdi ganacsato ah oo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Meru Kiraitu Murungi, kuwaasi oo walaac ka muujiyey suuq xumada soo food saartaya ganacsada qaadleyda.

“Waxaan helnay codsi ka yimid beeraleyda waxaana la shaqeyn doonnaa adeegeena diblomaasiyadeed si aan wada-hadal ula furno Jabuuti, DR Congo, Mozambique iyo wadamada kale ee Africa. Maamulka gobolka waa inuu abaabulaa beeraleyda si ay uga shaqeeyaan shuruucda wadamada aan la ganacsanayno” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in hirgelinta suuqyda cusub ay soo dhamaan doonaan bisha Maarso ee sanadka soo socda, kadib marka ay wasaaradu ka keento warbixino.

Wasaaradda Ganacsiga ee Kenya ayaa qorsheyneysa inay raadiso seddex suuq oo cusub oo loo dhoofiyo khaatka iyadoo khilaaf diblomaasiyadeed uu dib u dhac ku yimid soo kabashada suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Ganacsatada Kenya ayaa tan iyo markii dowladda federaalka ay joojisay Qaadka wajahayey suuq xumo weyn, iyaga oo sheegay inay waayeen kumanaan kun oo doolar maalintii kasoo geli jirtay qaadka ay usoo dhoofiyaan dalka.

Arrintan ayaa noqoneysa mid dowladda Kenya ay ku rabto inay ku yareyso cadaadiska uga imaanaya ganacsatada qaadka, oo suuqooda ugu weyn uu aha Soomaaliya oo xiligan xiisad xoogan kala dhaxeyso xukuumada Nairobi.

Soomaaliya oo laga cafiyey $69.9 MILYAN + Dalalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay heshiis cusub oo deyn cafin ah oo ay la saxiixatay dalalka England, Denmark & Netherlands.

Saddexdan dal ayaa Soomaaliya ka cafiyey qeybo ka mid ah lacagihii ay ku lahaayeen taas oo dhan illaa 69.9 milyan oo lacagta Dollerka Mareykanka ah.

Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan oo muhiim u ah u saxiixay wasiirka maaliyadda, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Saxiixaan ayaa daba socda go’aankii kasoo baxay shirkii dhacay 31-kii Maarso 2020 ee Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan, iyadoo heshiiska shirkaas qodob ka mid ah uu dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba gooni ula saxiixato inta uu ka saamaxay.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh ku bixisay arrimaha deyn cafinta dalka, iyada oo ku guuleysatay in laga cafiyo qaar ka mid ah deymihii lagu lahaa.

Sababta Turkiga ku qasbeysa ‘inay taageeraan’ ololaha doorashada Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taageerada ay Turkigu toddobaadyadii tegay u muujinayeen ololaha doorashada madaxweyne Farmaajo, ayaa laga yaabaa inay la xiriirto damaca Ankara kaga jira shidaalka Soomaaliya ee dhowaan la xaraashayo, waxaa sidaa sheegay aqoonyahan darsa siyaasadda Afrika iyo Bariga Dhexe.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa si ka duwandalalka kale ee beesha caalamka la kulmay guddiga lagu muransan yahay ee doorashada, si uu aqoonsi u siiyo, taasi oo ka carreysiisay mucaaradka.

Sidoo kale, Ankara ayaa qorsheyneysa inay hub usoo dirto booliska Haramcad, kuwaas dowladda federaalka ay horey ugu adeegsatay arrimo siyaasadeed, taasi oo mucaaradka ay ka digeen.

“Ayada oo la guda galayo doorasho qaran oo dhow, xilligii faro-gelinta dalalka shisheeye ayaa furantay,” waxaa sidaas yiri Jędrzej Czerep oo ah fallanqeeye sare oo ka tirsan Barnaamijka Afrika iyo Bariga Dhexe ee Machadka Arrimaha Caalamiga ah ee Polish (PISM).

“Turkey, oo tobankii sano ee tegay ahayd saaxiibka dhabta ah uguna muuqda ee Soomaaliya ee horumarinta iyo arrimaha bani’aadannimo, cayaarta hadda waa inaysan lumin booskeeda koowaad ka hor inta aan shidaalka Soomaaliya la kala qeybsan,” ayuu Jędrzej Czerep u sheegay wargeyska Arab News.

“Kahor xilliga doorashada, madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo wuxuu qaatay xaalad ah ‘inaan kuli helo iyo aan waxba heln’, si uu awoodda u adkeysto. Tani waxay saameysay dhex-dhexaadnimadii ciidamada ay Turkigu tababareen ee Gorgor iyo Haramcad,” ayuu yiri Czerep.

Sida uu sheegay Czerep, si ka duwan ciidamada Mareykanka uu tababaray ee Danab, oo la-dagaalama Al-Shabaab kaliya, Haramcad iyo Gorgor waxay noqdeen kuwa loo adeegsado mucaaradka iyo maamul goboleedyada.

“Geyntoodii Galmudug ee bishii Febraayo ayaa saameysay xaaladdii doorashada. Ciidankan Turkigu tababareen waxay isku dhaceen Ahlu-Sunna Waljamaca. Sidoo kale, gobolka Gedo, ciidanka Haramcad iyo Gorgor waxay la dagaalameen ciidamada maamulka Jubaland,” ayuu yiri.

Ankara kama aysan jawaabin dhalleeceynta ka timid mucaaradka Soomaaliya, hase yeeshee faro-gelinta siyaasadeed ee ay sameyneyso ayaa loo arkaa qamaar siyaasadeed, sababtoo ah haddii Farmaajo looga adkaado doorashada, waxaa ku adkaan doonto la macaamilka kuwa ay hadda colaadineyso, haddii midkood uu kusoo baxo xilka madaxweynaha.

Baarlamanka HirShabelle oo muddo kororsi sameystay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa wax ka bedal ku sameeyey muddo xileedka golaha baarlamaanka iyo madaxtooyada ee maamulkaasi.

Kulankan oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa waxaa guddoomiyey Dr. Cabdixakiim Luqmaan xaaji Muxumed oo ah guddoomiyaha golaha wakiilada ee HirShabelle.

Xildhibaanada ayaa dood kadib wax waxa ay ka bedal ku sameeyeen qodobada 33-aad iyo 50-aad ee dastuurka HirShabelle oo kahadlaaya muddada baarlamanka iyo madaxtooyada.

Guddoomiye Cabdixakiin ayaa marka hore faah faahiyey qodobada dastuurka ee mudan in wax ka badalka lagu sameeyo , iyadoona kadib xildhibaanada ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen in mudo xileedka baarlamaaanka iyo madaxtooyada oo laga dhigo 5 sano.

Illaa 66 xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaa diiday saddex mudane, halka uu ka aamusay 1 xildhibaan, sida uu shaaciyey guddoonka sare ee baarlamaanka.

Muddo xileedka hay’adaha dastuurka ee HirShabelle ayaa markii hore ahaa afar sano, iyada oo hadda laga dhigay 5 sano, kadib codsi ka yimid madaxweynaha cusub ee Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe oo ku soo baxay doorashadii dhowaan ka dhacday Jowhar.

Si kastaba arrintan ayaa waxaa looga gol-leeyahay si loo kala leexiyo doorashada dowladda federaalka iyo tan HirShabelle oo isku aadayey sanadihii u dambeeyey.

Xasan Sheekh oo shaaca ka qaaday abaal Imaaraadka Carabta ay u galeen Somalia

0

 Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay madal loogu magac-daray Doodsan oo su’aalo lagu weydiinayey ayaa wax laga weydiinayey waxa uu kala socdo cilaaqaadka xumaaday ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta, sida Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta, sida Imaaraadka Carabta ayuusan ka dhaxeyn cilaaqaad wanaagsan, waxuuna khilaafku xoogeystay markii ay isku dhaxeen dalalka Khaliijka oo Soomaaliya ay garab istaag u muujisay dowladda Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay ku abaal dhacday dalalkii Carabeed ee Soomaaliya sida weyn u soo garab istagay markii ay liidatay.

“Dalkaan markii uu burburay, oo ganacsatadeenii ay hantidooda la carareen, nin kasta waxa uu magan-geliyo ka helay caasimadda Imaaraadka ee Dubai, shirkadeheena si ay aduunka ula macaamilaan waxaa laga diiwaan geliyey Dubai, maadaama sharciyaddii dalkeennu ay burburtay, Compony Soomaaliya ka jira oo macno leh oo aan Dubai xafiis ku laheyn ma jiro, Jaamacadaha ku yaalla dalka Imaaraadka boqolaal arday Soomaaliyeed ah ayaa dhigata,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxa uu sheegay intii uu talada dalka hayey in cilaaqaadka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu gaaray in Imaaraadku inta dhul naga siiyey Dubai, inuu hadana noo dhisay, si loo dejiyo safaaradda Soomaaliya, maadaama aysan Soomaaliya heysay xilligaas dhaqaale ay ku dhisato, kuna iibsato dhul.

Xasan Sheekh ayaa yiri, “Dowladda Imaaraadku inta na siisay dhul, ayey nooga dhistay guri laba dabaq ah, guri kale oo safiirku dego oo laba dabaq ah iyo hool weyn oo jaaliyadda Soomaaliyeed lagu kulmiyo, waxaan idiin tiri karaa niman dhakhaatiir ah oo dalka Imaaraadka u dhashay oo maanta Muqdisho ku daaweeya dadka Soomaaliyeed, waxay noo fureen isbitaal si bilaash ah loogu daaweeyo dadka Soomaaliyeed kuwooda ugu nugul.”

Waxuu intaas ku sii daray Xasan Sheekh, “Imaaraadku waxuu noo dhisay xero ay noogu tababareen qaar ka mid ah ciidamada aan maanta shinsaneyno, xero ay saraakiishu degaana horteeda ayey ka dhisayeen, iyadoo qabyo ah ayaa laga ceyriyey oo weli waa qabyo.”

Sidoo kale dalka Sacuudiga ayuu sheegay in xilliyo adag uu dadka Soomaaliyeed ka iibsaday xoolahooda, isla markaana kumanan shaqaale Soomaaliyeed ah ay hadda ka howlgalaan gudaha Sacuudiga, marar badana ay noo balan qaadeen inay nala gelayaan heshiis ay shaqa abuur ugu sameynayaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Anigu Carab cadaawad noo qabta, oo na dulmineysa, oo nagu taagan ma arkin, waxa naloo sheegayo waa been waxba kama jiraan, Masar maanta ardaydeena ayaa Jaamacadaha ka dhigta, saraakiisha maanta hoggaamisa militerigeena Masar ayaa wax soo bartay, war dadka laguma abaal dhaco, beena lagama sheego, borabagaandana laguma furo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Eritrea maxay noo qabatay? War dadka in caqliga laga xado maaha, Isaias Afwerki iyo dadkiisa reer Eritrea, Soomaaliya maxay u tareen? Anigaa idiin sheegayee midowgii Maxaakiimtii Soomaaliya ee ARS markii ay carareen ayey magan-geliyo siiyeen,  war maanta yaanala dhihin Afwerki iyo dalkisa Eritrea ayaa walaal ah oo Jabuuti ayaa cadaw ah.”

“Jabuuti maanta anagey nooga baahneed garab istaag oo cadawgooda Eritrea uu ciidamo iyo dhulba ka heystaa, yaa arkay Iskuul iyo isbitaal ay Eritrea noo dhistay? War dadka Soomaaliyeedow indhihiina fura, waxaa la isku deyaan in caqliga la idinka xadee” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60