24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Cali Yaxye: Soomaalida haddii wax la qabanayo waa dadka ugu dambeeya ee la soo xasuusto + Sawirro

0

Cali Yaxye Sheekh Cali Cibaar, wuxuu safka hore kaga jiraa shaqsiyaadka magac & maamuuska ku dhex leh  bulshada Soomaalida ee ku dhaqan Nederlands, waana aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay ururo [local] ah iyo kuwa caalami ah. 

Cali Yaxye, waa aasaasaha & isu-duwaha hay’adda Nabadda [Yahye Foundation]. Waraysi uu siiyey shabakadda Somnieuws, wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladda Soomaalida, waxaana waraysigiisu  u dhacay siddatan:- 

Su’aal: Halkee ayeey marayaan howlihii hay’adda Nabadda Yaxye Foundation.? 

Cali Yaxye: Koox waxgarad ah, oo isu tegay ayaa  muddo sii horeysay  isku howlay in ay gogol xaar u noqdaan hirgelinta hay’ad u qalanto magacii walaalkeey C/qaadir Yaxye oo ahaa aasaasihii &  agaasimihii hay’adda cilmi baarista iyo wadatashiga ee magaceeda loo soo gaabiyo CRD. Waxaa laga dooday  hay’ad noocee ah ayeey noqoneysaa.? Maadaama C/qaadir uu ahaa shaqsi taariikhda Ummadda Soomaaliya baal dahab ah kaga qornaa. Waxaa la isla soo qaaday  aragtiyo kala duwan, dadka qaar waxay soo jeediyeen maadaama uu ahaa nin nabadda & xasiloonida u ololayn jiray in si magaciisu ugu dhex noolaado quluubta dadka Soomaaliyeed in hindisaha lagu daro wax raasumaal u noqon kara taariikhdaasi, wixii talo la rog-rogaba waxaa la iswaydiiyay; ma waxaan culayska saarnaa siyaasadda, ma dhaqaalaha, mise dhinaca wacyigelinta bulshadda, waxaa la isla gartay in  hay’addaasi ay xoogga saarto waxbarashada, waxaan ka walaacsanayn mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed ee aan tahli karin ama heli karin fursad waxbarasho, waxaan damaanad qaad u sameynay kun caruur ah inaan ka caawino waxbarashada, waxayna caruurtaasi ka kala imaanayaan Magaalooyinka Soomaalida, Magaalooyinka qaarkood 100, kuwa 50, waxaan u qaybinay hadba sidii ay inoola muuqatay.

Ujeeddadu waxay ahayd, inaan ummadda ku baraarujino, oo aan hurdada ka kicino, oo aan dhahno waxbarashadu waa dariiqa ugu wanaagsan ee lag soo saari karo bulsho xor ka ah jahliga, waxaa la isku afgartay in sameeyo wax loogu magac-daray [beesha nabadda], waxaaa ka dhashay beel nabadeed, beeshaas waajibaadkeeda ugu culus waxay noqonaysaa dhiiragelinta waxbarashada.

Su’aal: Saameyn intee la’eg ayuu ku yeeshay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Nederlands cudurka Covid19.?  

Cali Yaxye: Covid19 waa cudur saf-mar ah oo adduunka gilgilay, haddii aan Soomaalida dalkan ku dhaqan nahay waxaa markii hore nagu yaraa fahamka aan fahamsanahay, dowladdu waxay samaysay intii karaankeeda ah sidii loo xakamayn lahaa cudurka, ururka Hirda oo ka mid ah ururada Soomaalida wuxuu sameeyey wacyigelin; Teeda kale, haddii aad barbar dhigto Soomaalida mushtamacyada kale ee dalkan nala dagan waxaa muuqata in xaga geerida aan ka yar nahay.

Su’aal: Dad badan waxay qabaan in Soomaalidu aysan helin wacyigelintii loo baahnaa, taasi ma kuu muuqataa.? 

Cali Yaxye: Marka loo eego qowmiyadaha kale ee dalkan ku dhaqan Soomaalida xaga abaabulka & wacyigelinta waxaan nahay mushtamaca ugu liita, way jiraan ururo Soomaali ah oo dedaalay, bulshadana farriimo caafimaadkooda   muhiim u ah gaarsiiyay, waxaan aaminsanahay in laftooda culeysyo badan dul saaran yihiin, waayo  wax walba oo yimaada si degdeg ah jawaab kagama bixin karaan, dhinaca kale, Dowladda dhexe ee Holland, ama Gemeetiyaasha waxaad moodaa in Soomaalidu haddii wax la qabanaayo dadka ugu dambeeya ee la soo xasuusto ay noqonayaan, sababtuna waxay tahay nambarkeena ayaa aad u yar. Tusaale ahaan Magaalada aaan daganahay ee Rotterdam waxay ka mid tahay magaalooyinka haddii ba aysan ahayn Magaalada 1-aad ee ay degan yihiin Soomaalida ugu badan, sidaas oo ay tahay tirada Soomaalida waxaa lagu qiyaasaa 2000 ilaa 2,500  ma ahan  nambar la sheegi karo, waxaan ku dhex milmeynaa boqolaalka kun ee kale ee ajnabiga ah, dadka qiimeynta sameynaya waxay fiirinayaan nambarka, marka dhaliisha ururada kale laguma dhaliilo karo dowladda laftigeedu kaalin ayeey ku leedahay.

Su’aal: Dalkan, ururo & hay’ado Soomaalidu leedahay ayaa ka jira, dallada FSAN ka sokow in ay tahay dallad ay ku middeysan yihiin ururada ugu badan, haddana waa dallada keliya ee dowladda dalkan ay kala soo xiriirto arrimaha Soomaalida quseeya, sidoo kale waxaa jira Hirda oo safka hore kaga jirta ururada “active” ka ah, dhinacyadaasi ma leeyihiin wada-shaqayn ay isaga kaashanayaan arrimaha xasaasiga ah.?

Cali Yaxye, Ururada dalkan ka jira mas’uuliyad wayn ayaa saaran, runtii inta ii muuqata way dadaalaan,  ummaddoodu iyaga ayeey fiirsanayaan, oo wacyigelin iyo xuquuq ku leeyihiin, dhaliisha ugu weyn ee aan u hayo waxay tahay wada-shaqaynta ayaan ku xunahay, aniga marka laga soo tago hay’adda Yaxye waxaan aasaasay xafiis shaqo oo magaciisa la yiraa maanta, wuxuu dadka ka caawinayaa shaqadda iyo waxbarashada, waxaan samaynay mashruuc wacyigelin dhanka shaqada ah,  waxaa jiray mashruuc  xaga caafimaadka ah oo ay na siisay Gemeentiga,  kuna saabsan caafimaadka gaar ahaan dadka qaba xanuunka maskaxda ama isku buuqa, dad Soomaali ah ayaa siineynay tababar 24 usbuuc soconaya, dadka aan siinay oo ahaa 41 Soomaali ah waxay ka kala yimaadeen  2 xaafadood oo kala duwan, wacyigelin guud ayaan siinay runtii howshaasi waxay noqotay mira-dhal, hasse ahaatee annaga Soomaalida waxaa innagu badan kuwa badan oo xanuunkaasi qaba haddana aan is ogeyn ama qarsanaya. Ururka Maanta isaga oo dhinaciisa isku dayaya in wixii khibrad ah ee uu leeyahay uu Soomaalida la wadaago wuxuu gacan wada-shaqayn ah ka dalbaday Cali Waare & Faadumo oo madax ka ah FSAN & Hirda, dhowr jeer na waan kala hadlay Cali Waare & Faadumo Faarax inaan mar is raadsano kana wadahadalno wixii suurtagal ah, arrintaas culeys weyn baa naga saaran, wax hal urur lagu eedi karo-na ma ahan. 

Su’aal: Ma jiraa wada-shaqeyn ay leeyihiin ururada Soomaalida, tusaale ahaa: qofka Soomaaliga ah ee Magaaladan Rotterdam dagan ee in la caawiya doonaya, halkuu abaarayaa.?

Cali Yaxye: Ururada  waaweyn ee dalkan ka jira FSAN ayaa kaalinta 1-aad ku jirta,  ururada kale ee caalamiga ah  ama waddanka gudihiisa ka howlgala waxaa ka mid ah Hirda, dadka Soomaalida baahida 1-aad ee ay qabaan waxay tahay  ururada shaqeeya in ay magaalooyinka ay ka dhisan yihiin in ay Soomaalida u abuuraan jawi suurtagal ka dhigi karaa in ay wax qabsadaan, ama ka faa’ideystaan fursadaha laga heli karo Magaalooyinkaas, dadku isku xawaare ma noqon karaan waxaa jira dad Soomaali ah oo u baahan talo & hagid, haddii ay helaana wax qabsan kari lahaa, waxaa jira tuulooyin ama magaalooyin aysan jirin bulshada ku dhaqan cid caawisa oo ururo ama hay’ado aysan ka jiran, haddana waxaa u soo baxa qof dadkaasi ka mid ah oo laga soo hirto, waxaa ALLE mahadiis ah haddii aan Soomaali nahay waxaan nahay dad is caawiya. waxaa caawiya dad  ururo ahay ee bulshada 

Su’aal: Maxaad adigu FSAN kaga mid noqon wayday, oo aad bannaanka uga joogtaa.? 

Cali Yaxye: Waqtigii Fariimoos uu guddoomiyaha ka ahaa FSAN dhowr jeer ayuu ila soo xiriiray oo igu yiri na soo farageli, sidaas si la mid ah  Xuseen Khadiib oo isna Guddoomiye noqday wuxuu iga dalbaday inaan ku soo biiro,  isla sidii waxaa iigu soo celiyey Cali Waare, aniga saddexdooda waxaa ka balanqaaday igana dhab ah in wixii aan ku kordhin karo aan ku kordhiyo oo aan marna ba khibradeyda hagran  ha ahaato talo ama tusaale intaba,   anigu waxaan leeyahay hami ah in intii aan tahli karo aan dadkayga wax u qabto,   dalkan aan joogo maalin walba 30 ilaa 50 qofood ayaa isoo waca, mid banaankaa la soo dhigay, hooyo tarjubaan u baahan, qof  social-ka ay cayrta ka joojiyeen, qof isbitaal joogaa oo i leh dhaqaatiirtii ayaan rabaa inaad igaga tarjuntid, marka waxaan is iri mar walba oo aad wax sameysid, bulshada shaqo fiican ayaa u haysataa, anigu qiimaheygu wuxuu ku xiran yahay sida aan ahay, sababta aan mas’uuliyad kale  u qaadi waayey waxay tahay waxqabad inta  aan hayo ayaa igugu filan. 

Su’aal: Haddii ururada ama hay’adda Soomaalida aad talo siin lahayd, maxay taladaasi noqon lahayd.? 

Cali Yaxye: Ururada waaweyn waxaan kula talin lahaa, ururka inuu marka hore dadka uu metelaayo waxa uu ugu maqan yahay inuu ka dhaadhiciyo. Dadka Soomaalida ah ee aan metelayno waa inaan xiriir fiican la leenahay, wixii aan ugu maqanahayna ay ogyihiin, mar walbana in ay waajib innagu tahay inaan la fadhiisano oo aan ogaano waxa aan isla wada qaban karno & wixii naga suurtageli kara, taas ayaa muhiim ah. Aniga Cali ah waa inaan kala gartaa wax aan milkiyad u leeyahay iyo wax ay bulshadu leedahay oo  aan shaqaale ama qaadun ka ahay. 

Su’aal: Cali Yaxye, bacdamaa aad in muddo ah aad ka mid ahayd dadka hormuudka u ah mushtamacaaga Soomaalida, maxaa lagugu xasuusanayaa marka aad howlaha ururada ka fadhiisato.?

Cali Yaxye:  Berri ama maanta haddii ay tii ALLE ii timaado xasuus waxaa iigu filan haddii ay i dhahaan “Cali Yaxye nin miskiin ah oo gacanta u taagay ayuu soo istaajiyey ma jirto wax intaas igaga qiima badan” ma doonayo in cilmi ama wax kale la igu soo xasuusto, waxaa igu filan inaan ahaa bini’aadam wanaagsan [good human being].

Doon ay saarnaayeen muhaajiriin Afrikaan ah oo ku degtay mediterranean-ka

0

Tunis (Caasimada Online) – Dowladda Tuniisiya ayaa sheegtay in la helay Maydadka 20-ruux oo Tahriibayaal ah, halka Kooxaha Gurmadka ay ku howlan yihiin raadinta Dad kale oo aan nolol & geeri lagu heyn, balse gurmadka baadigoobkoodu socdo.

Doonyaha ilaalada xeebaha ee Tunisia ayaa meydadka ka soo saaray magaalo xeebeedka Sfax ee bartamaha Tunisia maalintii Khamiista.

Waxaa weli socda baadigoob loogu jira ugu yaraan 20 qof oo kale oo wali la la’yahay, halka shan qofna la soo badbaadiyay.

Doonta oo ay la socdeen dad tiradooda lagu qiyaasay 45 qof ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, waxaana ay doonayeen in ay gaaraan dalka Talyaaniga.

Doonida oo uu culeys badan saarnaa isla markaana xaaladdeedu liidato, ayaa waxaa soo food saaray dabeylo xoog leh oo laga yaabo inay ka qeyb qaateen degitaankeeda, afhayeenka ilaalada qaranka Cali Ayari ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP.

Dowladda Tunisia Ma aysan sheegin dhalashada Tahriibayaashaan Afrikaanka ah ee doonta la degtay, waxaana lagu wadaa in marka ay soo gaba-gabeeyaan howlgalka raadinta dadka maqan in ay soo gudbiyaan dalalka ay kasoo kala jeedaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tuniisiya ayaa sheegtay in ay qabatay in ka badan 8,581 oo dalkaas u tagay in ay kasii tahriibaan intii u dhaxeysay Janaayo Bilawga 2020 ilaa September 2020.

Kumanaan muhaajiriin ah ayaa sanad walba iskudaya in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka si ay ugu sii gaaraan Yurub, iyadoo qaybo ka mid ah Tunisia iyo Libya ay yihiin goobo muhiim ah oo ay ka baxaan dadka muhaajiriinta ah ee naftooda halliga.

Qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ayaa ka soo jeeda waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika kuwaasi oo ka cararaya dhibaatada dhaqaale iyo dhibaatooyinka dalalkooda ka jira.

Tirada socdaalada muhaajiriinta ee ka imaan jiray Tunisia ayaa hoos u dhacday tan iyo sanadkii 2011, kadib markii xukunka laga tuuray xukuumadii kacaanka ee hogaamiyihii hore ee dalkaas Zine al-Abidine Ben Ali.

Kooxaha loo yaqaan Magafayaasha Liibiya oo lacago badan ka qaata dhalinyarada Tahriibka u tagta Waddankaan dhaca Waqooyiga Afrika ayaa dhibaatooyin kale u geysta Tahriibayaasha, taasi waxa ay keentay in marino kale ay day-daydaan kooxaha lacagaha badan ka hela Tahriibinta dadka.

Golaha wasiirada oo shaaca ka qaaday qorshe ay ciidanka DF u joogaan xadka Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee maanta ayaa looga hadlay ciidamada ay dowladda federaalka gaysay gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Beledxaawo ee ku teedsan xuduudda Kenya.

Golaha Wasiirada ayaa sheegay in ciidamadaas ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga soohdinta, oo ka socda aagga Mandheera iyo Beledxaawo.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale sheegay in aaggaas ay jabhado abaabulan ay weerarro qorshaysan ka geystaan, inkasta oo weli aysan jirin dhacdooyin si madax-banaan loo soo xaqiijiyey oo halkaas ka dhacay, kuwaasi oo ay fuliyeen jabhadda ay sheegtay dowladda.

Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu yiri “Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey Golaha xaaladaha amni ee dalka, xiligan lagu jiro doorashooyinka iyo howgallada lagu xaqiijinayo amniga sohdinta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan aagga Beledxaawo iyo Mandheera, halkaas oo jabhado abaabulan ay weerarro qorshaysan ka geystaan.”

Maamulka Jubaland ayaa horey ugu eedeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ciidamada qaranka u adeegsanayo inuu ku burburiyoi maamulkaas, isaga oo ku teegeeraya qabiilkiisa.

Ciidanka la geeyey xuduudda ayaa qeyb ka ah xudunta muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayada oo dowladda federaalka ay ku eedeysay Kenya inay Mandheera ku hayso “jabhad” uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan.

Wasiirka arimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xalay si rasmi ah u shaaciyey in wafti ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Djibouti oo iskugu jirra diplomaasiyiin iyo saraakiil sare oo milatari ay usoo direen Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in wafdigan ay soo qiimeyn doonaan xaaladda soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmooyinka Belad Xaawo iyo Mandheera, oo ay xiisado ka oognaayeen maalmahan.

In wafdi loo diro xuduudda ayaa qeyb ka aheyd shuruud ka timid dowladda federaalka markii ay madaxda IGAD ku kulmeen Jabuuti, halkaasi oo looga hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Daawo: CABDI XAASHI oo shaaciyey tallaabo halis ah oo uu qaaday FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Madaxweyne   Farmaajo ku eedeeyay inuu maanta ku dhaqaaqay tallaabo halis gelinaysa jiritaanka hey’addaha dastuuriga ah ee dalka, isla markaana uu doonayo in dalku uu burburo.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabadii uu maanta madaxweyne Farmaajo ku saxiixay dib u dhigista, ansixinta wax-ka-beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shaqadaas loogu tala galay labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana uu madaxweynuhu si baal marsan shuruucda dalka uu u saxiixay go’aankaas.

“Anigoo ku hadlaaya magaca golaha Aqalka Sare, isla markaana gudanaaya waajibaadka  isaaran, waxaan halkaan ka cadeynayaa inuu madaxweynuhu ku dhaqaaqay jiritaanka dastuuriga ah ee hey’adaha dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo si ula kac ah u sameeyey xadgudubyada kala ah, hor istaagid xilgudashada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo u xilsaaran dib u eegista, wax ka bedelka dastuurka ku meel gaarka ah iyo qabashada afti dadweyne oo si kama dambeys ah loogu ansixiyo dastuurka dalka,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

“Sidaas darteed xeerka uu maadxweynuhu soo saaray waxuu baalmarsanyahay dastuurka KMG ah ee dalka, mana laha wax raad sharci ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha Aqalka Sare.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Go’aan kasta oo ku saabsan maareynta iyo ansixinta dib-u-eegista dastuurka waxaa si gaar ah ugu xil saaran labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, sida ku cad qodobka 63-aad (A) iyo qodobka 71aad (A) ee dastuurka KMG ah iyo habraaca dastuuriga ee ku qeexan cutubka 15-aad ee Dastuurka KMG.”

Qoraal maanta ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yiri, “Iyadoo aan waxba loo dhimeyn Qodobka 136aad ee Dastuurka KMG, Madaxweynuhu waxa uu dib-u-dhigay ansixinta dib-u-eegista Dastuurka, waxa uuna Baarlamaanka 11aad u gudbiyey qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, ansixiyeenna Guddiga La Socodka BFS, iyadoo ay la socoto warbixin faah-faahsan, habraaca ansaxinta Dastuurka KMG iyo qabyo-qoraalkii 3-aad ee Dastuurka KMG, si loo dhameystiro looguna ansixiyo muddada Xilhaynta Baarlamaanka 11aad.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna si adag uga hor yimid digreetada madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ka tallaabay sharciyaddiisa, isla markaana u dhacay tan baarlamaanka, isagoo ku eedeeyey in tallaabadaan uu ka damacsanyahay digtaatooriyad cusub, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka Daawo guddoomiye Cabdi Xaashi

Dhisme ay ku sugnaayeen xubno Al-Shabaab ah oo weerar culus lagu qaaday

0

Saakow (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ayaa maanta weerar duqeyn ah la beegsaday dhisme ay ku sugnaayeen dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab oo ku yaalla magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska AFRICOM.

AFRICOM waxay sheegtay in duqeyntaas ay burburisay dhismihii islamarkaana dagaal-yahano badan oo Shabaab ay carareen, ayada oo xaalad argagax leh ay abuurantay. Qoraalka laguma sheegin haddii ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso inay duqeynta aysan waxba ku noqon dad shacab ah.

“Dadaallada lagu kala dhantaalayo howlgallada cadowga, sidoo kalena lagula soconayo oo cadaadis lagu saarayo Al-Shabaab weli waa ay socdaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay AFRICOM.

Weerarkan ayaa imanaya ayada oo ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay billaabeen howlgalka Octave Quartz ee ay uga baxayaan Soomaalia kahor 15-ka Janaayo 2021, sida uu amray madaxweynaha xilka ka degaya Donald Trump.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka joogaa 700 oo askari oo badankood qabta howlo isugu jira tababarka ciidamada Danab ee Soomaaliya, iyo fulinta howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxaa hadda xeebaha Soomaaliya ku xiran Markab weyn oo Mareykanka uu usoo diray inay ciidankaas kasoo saaraan Soomaaliya.

Daawo: XASAN SHEEKH oo tallaabadii uu FARMAAKO qaaday ku qeexay ‘bilowga digtaatooriyad cusub’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si xoog leh uga hor yimid digreeto uu madaxweyne Farmaajo maanta soo saaray oo xeerineysay dhaqan-galka dastuurka KMG, xilli dastuurka uu muddo xileedkiisa uu la dhammaanaya muddo xileedka baarlamaanka 10aad.

Farmaajo ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku yiri “Iyadoo aan waxba loo dhimeyn Qodobka 136-aad ee Dastuurka KMG, Madaxweynuhu waxa uu dib-u-dhigay ansixinta dib-u-eegista Dastuurka, waxa uuna Baarlamaanka 11aad u gudbiyey qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka.”

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Farmaajo uu ka tallaabay sharciyaddiisa islamarkaana u dhacay tan baarlamanka.

Xasan Sheekh ayaa 12-kii bishan u diray madaxweyne Farmaajo iyo guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka qoraal uu ku xusuusinayo dhammaadka muddada dhaqangalka dastruurka iyo waddada loo marayo xeerintiisa si loogu wareejiyo baarlamaanka soo socda.

Xasan ayaa u arka in wax ka bedelka iyo nidaaminta waxyaabaha dastuurka la xiriira ay xaq u leeyihiin labada gole ee baarlamaanka oo wada jir ah, balse faragelinta madaxweynaha ay ka dhigan tahay billowga digtaatooriyad iyo burburinta nidaamka dimuqaraadiga ah.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow Villa Somalia ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha oo kulan la yeeshay guddoonka golaha shacabka uu ka codsaday inaan la qaban kulan guud oo uu golaha yeesho, isaga oo ka walwal qaba in ay ka soo baxaan waxyaabo kale oo ku saabsan doorashada oo ay kamid noqon karaan mowshin isaga ka dhan ah.

Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale waxa uu guddoonka labada gole ee baarlamaanka ugu baaqay in ay raacaan habraaca saxda ah ee howsha baarlamaanka isla markaana ay dastuurka ilaaliyaan.

Hoos ka daawo Xasan Sheekh

Galmudug iyo Puntland oo ku heshiiyey qodob la xiriira doorashada iyo qodobo kale

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo maanta shir ku yeeshay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga ka dhexeeya labada maamul.

Shirkan oo ay sidoo kale goob joog ahaayeen mas’uul kale oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano ka tirsan labada aqal ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, is-dhexgalka bulshada iyo horumarrada kale ee ka jira gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale waxa kulankan labada dhinac ay ku soo hadal qaadeen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Qodobada ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah:-

1- In labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug ay iska kaashadaan sugida Amniga degaannada Galmudug oo bilihii la soo dhaafay ay ka dhaceen falal Amni darro.

2- In ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne inay ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu soo dhoweyn lahaayeen dhinacyada ku kala aragtida duwan hannaanka qabsoomidda doorashada.

Madaxda labada maamul ayaa waxay isku raaceen danaha labada maamul, iyaga oo ku heshiiyey inay ka wada-shaqeeyan sidii ay iskugu soo dhaweyn lahaayeen dhinacyada ku kala aragtida duwan hanaanka doorashooyinka.

Madaxweyne Deni ayaa hore meel adag uga taagna hanaanka doorashada ay ku wado dowladda federaalka, iyada oo ay fashil kusoo dhamaadeen kulamo uu Garoowe kula qaatay ra’iisal wasaaraha dalka oo halkaasi u tagay dhex-dhexaadinta Deni iyo Farmaajo.

Si kastaba, waxa xiligan dalka ka taagan xiisada doorashada oo uu ka dhex aloosan yahay madaxda dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka oo iyagu qaadacay guddiga doorashooyinka lagu muransan-yahay oo xukuumaddu gadaal ka riixeyso.

DF oo qabatay shir deg-deg ah ku qabatay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gdaha Soomaaliya oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka qeyb galay kulan deg-deg ah oo looga hadlayey amaanka deegaanada Hir-Shabeelle, oo muddooyinkii dambe ka taagneyd xiisad xoogan.

Kulanka ayaa waxa shir gudoominayay Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabgeed, iyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya qeybta 27-aad, kuwa AMISOM ee ka socdo dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Waxa kulanka si wada-jir ah loogu falanqeeyay amniga guud ee gobolka Hiiraan, iyada oo saraakiisha ciidamda dowladda iyo kuwa AMISOM laga dhageystay warbixin la xiriirta amniga, iyaga oo xusay inay weli gacanta ku hayaan amniga gobolka.

Yuusuf Dabgeed, Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ugu baaqay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada inay dar-dar geliyaan howlaha sugida Amniga degaannada gobolka Hiiraan.

Kulankan ayaa imanaya xili ay deegaanada maamulkaas ka dhacayeen falal amni daro, iyada oo lagu dilay Beledweyne guddoomiye Xaafadeedyo iyo Ciidamo ka tirsan dowladda.

Sidoo kale waxa iyagu mararka qaar weeraro madaafiic ah iyo kuwa gaadmo ah ka fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo bartilmaameedsada xeryaha ciidamda dowladda iyo kuwa AMISOM ee magaalada Beledweyne ee xarunta maamulkaas.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo dalbaday in la joojiyo qabashada doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi & siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ayaa si wadajir ah u soo saaray warsafaaxadeed ay uga hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Ugu horreyn xubnaha gobollada waqooyi ee Somaliland ee soo saaray warqaddan ayaa ka soo horjeeday jadwalka ka soo baxay gudiga lagu muransan yahay ee doorashada.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in guddiyadan ay dowladdu ku magacawday wadatashi la’aan, islamarkaana ay u badan yihiin shaqaalaha dowladda, ciidanka, la taliyeyaasha iyo taageerayaal, sidaas daraadeedna aysan wax sharciyad ah u heysan inay qabtaan doorashada xildhibaannada ka soo jeeda gobollada waqooyi ama Somaliland.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in cida kaliya ee awoodda u leh inay qabato doorashadaas ay tahay guddiga doorashada oo ku yimid wadatashiga, islamarkaana uu magacaabay guddoomiyaha golaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Ugu dambeyn waxaa qoraalka ka soo baxay Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo siyaasiyiinta gobollada waqooyi loogu baaqay madaxda maamul goboleedyada musharraxiinta, siyaasiyiinta iyo ururada bulshada rayidka in la joojiyo qabashada doorashada, illaa inta laga gaarayo heshiis rasmi ah loogu wajahayo hannaanka doorashooyinka ee dalka.

Baaqan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay guddiga weli lagu muransan yahay ee doorashooyinka uu soo saaray jadwalka doorashada ee xildhibaanada labada aqal.

 

DF oo war kasoo saartay weerarkii lagu soo qaaday magaalada Muqdisho (Aqri)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Adan Cali (Duudishe) oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal khasaare geystay oo shalay ka dhacay xarunta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Saadaq Duudishe ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ka dambeeyeen rag burcad ciidan u yaal ah oo weerar ku qaaday ciidamo ku sugnaa xarunta degmadaasi.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in raggaasi ay qatar ku yihiin amniga qaranka, balse haatan lagu raad joogo, islamarkaana cadaaladda la horkeeni doono.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay dileen Ex- Dable Booliis Ciise Xasan Cismaan, iyo Dable Boolis Caamir Cabdullaahi Xiirey, ayna dhaawaceen qof kale oo shacab ah.

“Shalay 23-kii December abaare saddexdii galabnimo waxa ay burccad hubaysani soo weerartay xarunta degmada Kaaraan, halkaas ayeyna dileen qof shacab ah iyo laba xubnood oo ciidanka Booliska ka tirsan oo lagu kala magacaabi jiray EX Dable Ciise Xasan Cisman iyo Ex Dable Caamir Cabdullahi Xiireey ciidmadan ayaana shaqo maalmeed koodii qaranka ku jiray, hay’adaha ammaanka ayaana ku daba jira sharcigana ayaana horgeyn doona,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Adan Cali.

Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Somalia oo ay is hayaan dowladda ay weerareen xarunta degmada Kaaraan, waxaana ciidanka qaaday dagaalkaasi la sheegay inay ka amar qaataan Korneyl Masdile oo 20-kii bishaan gurigiisa ay weerareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya

Dibad-baxyo ka dhan ah FARMAAJO oo ka dhacay Muqdisho iyo dad loo xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska ayaa maanta xir-xiray qaar ka mid ah dadweyne dibad-bax ka looga soo horjeedo dowladda ka dhigay Muqdisho.

Dadweynahan oo isugu jiray haween iyo dhalinyaro ayaa isugu soo baxay qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarrama, gaar ahaan isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka oo goobta tegay ayaa kala eryey dibad-baxayaasha oo ku qeylinayey erayo ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kale ciidankaBooliiska ayaa xabsiga dhigay qaar ka mid ah dadkii ka qeyb-galayey dibad-baxa, kuwaas oo lagu xiray saldhigga Booliiska degmada Waabari.

Dibad-baxayaasha ayaa ka soo horjeeda hanaanka ay dowlada u wajaheyso doorashada, iyagoo ku qeylinayey ‘waxaan rabnaa doorasho xor iyo xalaal ah’ & erayo kale.

Banaan-baxan ayaa ku soo aadaya, iyada oo xalay Muqdisho ay shir ballaaran ku yeesheen musharraxiinta mucaaradka oo markale walaac ka muujiyey doorashada.

Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka jiray dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo dibad-baxyo wata rabshado, kuwaas oo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Xog: DF oo amartay in la weeraro ciidamo ku sugan laba jiho oo Muqdisho ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhaqan galay qeybtii ugu horreysay amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaas oo lala wadaagay saraakiisha amniga Soomaaliya, kaasi oo lagu beegsanayo saraakiil sare iyo ciidan ay wataan.

Amarkaan oo la soo saaray todobaadkii hore ayaa daba socday dagaalkii ka dhacay waqooyiga Muqdisho, waxa uuna ahaa in la weeraro ciidamo maleeshiyaad ah oo ku kala sugan degaanada Jaziira iyo Gubadley oo ku yaalla duleedyada Waqooyi iyo Koonfur ee Muqdisho.

Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa weeraray ciidan maleeshiyaad ah oo daganaa degaanka Jaziira, waxaana xigay in habeen hore uu dagaal kooban halkaas ka dhacay. Dagaal kale ayaa sidoo shalay ka dhacay deegaanka Jazeera, kaasi oo dhex-maray isla ciidamada booliska iyo ciidan beeleedkii xalay la weeraray.

Wali dowladda kuma dhiiran weerarka ciidanka ku sugan meelo badan oo ka mid ah waqooyiga Muqdisho, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay aad uga badan yihiin ugana hubeysan yihiin kuwa Jazeera.

Hase yeeshee, ciidanka ku sugan waqooyiga Muqdisho ayaa kahor inta aan lasoo weerarin waxay shalay soo weerareen degmada Kaaraan oo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadkaan la amray in la weeraro ayaa la sheegay in degaanada xeebta ah ay kala soo dagaan qaad badan oo laga keeno dalka Kenya, kaas oo hore dalka looga mamnuucay.

Arrimahaan ayaa magaalada Muqdisho aad looga hadal haayaa waxaana isa soo taraya cabsida laga qabo in dagaallada ka dhacaya duleedyada Muqdisho ay kusoo fidaan gudaha caasimada.

Labada ciidan ee ku kala sugan labada jiho ee weerarka loo qorsheeyey ayaa kasoo jeeda beesha Abgaal, gaar ahaan Wacbuudhan Abgaal, waxayna isugu jiraan Daa’uud, Mataan Cabdulle iyo Maxamed Muuse.

Jabuuti oo war cusub kasoo saartay xiisadda ka dhex oogan Somalia iyo Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa faah faahin ka bixiyey dadaallada ay dowladdiisu ugu jirro sidii loo heshiisiin lahaa Soomaaliya iyo Kenya oo haatan ay ka dhaxeyso xiisad aad u xoogan.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay xooga saari doonaan marka hore sidii loo soo celinaa lahaa xiriirkii labada dal, si meesha looga saaray khilaafka jira.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Jabuuti ay door weyn ka qaadan doonto qaboojinta xiisadan si nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalo gobolka.

“Waxaan aaminsan nahay in Jabuuti ay door ka ciyaarto nabadda iyo xasiloonida gobolka. Shirkii ugu dambeeyay IGAD ee ka qabsoomay Jabuuti ayaa arrintaas lagu soo hadal qaaday waana la isku waafaqay. Waxaan sii wadi doonnaa inaan dajinno xiisadda ka taagan gobolka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in beri oo Jimco ah ay Jabuuti ku wajahan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo isugu jiro saraakiil & diblomaasiyiin, kuwaas oo uu tilmaamay inay kormeeri doonaan xaduuda magaalooyinka Belebxaawo iyo Mandera.

“Barito waxaa dalka Jabuuti imaan doona wafdi heer sare ah oo isu jira saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin, kuwaasi oo ka imaan doona Soomaaliya, ujeeddada socdaalkoodana waxay ahaan doontaa in la qiimeeyo xaaladda xuduudda Belebxaawo iyo Mandheera. Tani waa howl ay dalka Jabuuti u igmadeen madaxda IGAD,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirku.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dhowaan dalka Jabuuti lagu kulansiiyey madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kadibna halkaasi uga qeyb-galay shirweyne ay yeesheen wadamada ku jira urur goboleedka IGAD oo looga hadlay arrimaha gobolka.

Kheyre oo shaaciyey waxa dhacaya haddii DF qabato doorasho aan lagu heshiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre, oo xalay khudbad ka jeediyay kulan ay Midowga Musahrrixiintu Muqdisho ku yeesheen, ayaa diginin xooggan ka bixiyey qorshaha doorasho ee ay waddo dowladda federaalka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa caddeeyay in lagu jiro xilli adag, lagana welwelsan yahay mustaqbalka dalka maadaama ay taagan tahay xaalad cakiran oo la xirrirta doorashada dalka.

Waxa uu ka jawaabayey go’aan shalay kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee lagu murasan yahay, kaasi oo ay ku dejiyaan jadwal doorasho oo ka billaabanay 26-ka bishan December, inkasta oo aysan caddeyn halka ay ka hirgelinayaan.

Khayre ayaa shacabka Soomaaliyeed xasuusiyay dhibaatooyinka ay reebaan doorashooyinka lagu shubto, doorasho la’aanta iyo go´aan walba oo masiiri ah, oo aan si miyir qabta oo taxadar leh loo maamulin, kuwaasi oo uu sheegay inay dhaawacayaan soo kabashada dowladnimada, saameynna ku yeelanayaan mustaqbalka ummadda iyo nolosha bulshada.

“Haddii aanay Soomaalida ku heshiin nidaamka doorashada ka hor inta aysan dhicin doorashada, kuma heshiin doonaan natiijada kasoo baxda doorashada iyo guud ahaan wadaagga dowladnimada dalka,” ayuu yiri Kheyre.

“Haddii la qabto doorasho aan wadar ogol lagu wada aheyn, waxaa ka dhalan doonta dalka dowlad aan laysla ogolayn. Dowlad aan la isla ogoleyna waxay dhalisaa siyaasad qal-qal dhalisa, siyaasadda qal dhalisana waxay dumisaa dalka.”

“Waxaa caawa dhacaya waa wixii aan ka digayey markii aan xukunka kasoo tegayey. Waxaan qarka u saaranahay inay naga hallaabaan wixii aan soo dhisnay,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Hoos ka daawo Kheyre

Nin Tiyaatarka isku qarxin rabay oo xog cajiib ah bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu baahiyey bayaan ka soo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Xasan Cabdullaahi Aadan oo qorsheynayey inuu isku qarxiyo Tiyaatarka Qaranka ayaa lagu qabtay isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, isaga oo wata jaakadda qaraxda.

“Diifta ka muuqatay darteed ayay ciidamada amniga uga shakiyeen, waxayna dhalisay baaris kadib, in laga dhex helo boorsadiisa Jaakadda qaraxda, isla xilligaasi ayay ciidamada amniga u gacan geliyeen hoggaanka barista hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Baaritaan dheer kadib Xasan Cabdullaahi Aadan waxa uu qirtay in mudo sanad ka badan uu ka tirsanaa Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay maxkamadda ciidamada.

Cabdullaahi Aadan oo la qabtay bishii June ee sanadkan ayaa sanadkii 2018-kii Al-Shabaab uga biiray deegaanka  Buur-Dhuxunle ee gobolka Bakool, waxaana looga dhaadhiciyey inuu is qarxiyo deegaanka Ugunji oo u dhow deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maxkamadda.

Maalin ka hor inta aan la qaban ayaa eedeysane Cabdullahi la geeyey dhismaha Tiyaatarka Qaranka, si uu isugu qarxiyo, balse intii uu u soo socday ayuu fashilmay qorshihiisii is-qarxinta, kadib markii lagala degay gaari BL ah, xilli uu magaalada Muqdisho ka soo gelaayey dhanka koofureed.

“Eedeysane Xasan Cabdullaahi Aadan ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in u jeedkiisu ahaa inuu isku Qarxiyo meel loogu sheegay in ay tahay xarun ay degan yihiin Ciidamo Dharcad ah, laakiin tilmaanta uu bixiyey ayaa Muujineysa in u jeedkiisu uu ahaa Tiyaatarka Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in Xasan Cabdullaahi Aadan lagu xukumay Xabsi Daa’in. Isla markaana uu mudo 30-cisho ah xukunkaas uga furanyahay racfaan.

Xildhibaan Mahad Salaad: Laba Maxamed wada siman

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa madaxweyne Farmaajo si weyn ugu dhaliilay inuu hub faro badan ka dejiyay degmada Beledxaawo ee Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo dhawaan la geeyay ciidamo nooc cusub ah.

Hubkan cusub oo isugu jira qoryaha AK-47, BKM iyo Garneylo ayaa loo qeybiyey ciidamo badan oo maalintii Isniintii ay dowladda federaalka ka dejisay garoonka Doolow ee gobolka Gedo.

Mahad Salaad ayaa sheegay in xiligan loo baahneyn in hub laga dejiyo Gedo, wuxuuna ku tilmaamay qorshe cusub oo madaxweyne Farmaajo ku naasnuujinayo Qoys gaar ah hubkii iyo hantidii Qaranka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hubkaasi ay mudneyd in qeyb kamid ah laga dejiyo Galmudug, si ay iskaga xoreeyso buu yiri Al-Shabaab, oo maalmihii u dambeeyay ay faro ba’an ku hayeen dagaal yahanada Al-Shabaab.

Ciidamada loo qeybiyay hubka oo dareyskoodu ka duwan yahay ciidamada kale ayaa waxay ku lebisan yihiin dhar cagaaran, iyada oo ay soo baxayaan warar sheegay inay yihiin ciidamadii qarsoodiga ahaa ee lagu soo tababaray dalka Eritrea.

“Hubka Farmaajo maalin walba Gedo u daabulayo Galmudug muu wax ka siiyo Shabaabka ha isaga xoraysee. Qoys hubkii iyo hantidii Qaranka lagu naasnuujiyo Soomaali horay ayay u soo aragtay, lamana mahdin ee Maxamed Farmaajo haloo sheego!” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray “Labo Maxamed maalmahaa u kala duwan, magacoo la badasho iyo maqsuudkana ka wada siman!”.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay dowladda federaalka ay hub badan ka dejisay gobolka Gedo, halkaas oo loogu qeybiyay Ciidamo nooc cusub ah oo horey u geysay deegaankaas, kuwaasi oo loo sii daad-gureeyay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ee Beledxaawo oo ay ka howl-geli doonaan.

Weerar lagu dilay 100 qof oo ka dhacay dalka Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in galbeedka dalkaasi lagu dilay in ka badan 100 qof, kadib markiii ay koox dabley ah oo aan weli heyntooda la aqoonan ay weerar ka geysatay gobolka Benishangul-Gumaz.

Guddiga xuquuqul insaanka ee wadanka Itoobiya ayaa sheegay in weerarkan uu si gaar ah uga dhacay tuulada Bekoji, halkaas oo lagu laayey dad badan oo rayid ah.

Warka ka soo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in dadka qaarkood la toogtay,  halka kuwa kalana lala dhacay toorey, qaar kalena la gubay.

“In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay weerar dab iyo toogasho isugu jira oo ay geysteen rag hubaysan waa barigii Arbacada”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.

Sidoo kale isbitaallada ayaa waxaa sidoo kale la dhigay in ka badan 30 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, sida uu sheegay Kal-kaaliye caafimaad oo ka tirsan xarun maxalli ah.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli gobolka ay ka dhacday mashaqadaasi ee Benishangul-Gumaz uu maalin ka hor booqday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Dhacdadan ayaa noqoneysa tii ugu dhimashada ballaarneyd oo mar kaliya laga geysto gobolkaasi ama guud ahaan dalka Itoobiya.

Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Jarmalka ku geeriyooday fannaankii weynaa Cabdi Cali Bacalwaan oo tiir u ahaa fanka Soomaaliyeed.

Geerida fannaanka ayaa waxaa warbaahinta u xaqjiiyey qaar ka mid ah helladiisa, wuxuuna ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Mainz ee dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya inuu fannaanka u geeriyooday cudurka safmarka ah ee Coronavirus oo weli fara ba’an ku haya caalamka.

Bacalwaan wuxuu ahaa heesaa, mu’allif iyo weliba laxamiiste, iyadoona laxannadiisa uu ka mid ahaa midka uu saaray heesta caanka a ee Afrikaay Huruooy.

Sidoo kale wuxuu ka tirsanaa fannaaniintii ciidanka Xoogga dalka la oran jiray ee uu madaxda u ahaa Cismaan Askari Aadan Xuseen ka hor dowladdii Kacaanka.

Dad isku qoys ah oo isku laayey duleedka Warsheekh

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in shalay halkaas ay dilal iyo dhaawacyo isugu geysteen dad isku ehel ah oo ku murmay Goof ka dhaxeeyey.

Dhacdadaas ayaa si gaar ah uga dhacday deegaan lagu magacaabo Caloolweyn oo u dhaxeeya degmooyinka Warsheekh iyo Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana halkaas lagu dilay seddax qof, halka seddax kalena la dhaawacay.

Dadka geeriyooday waxaa ka mid ah haweeneyn, waxayna dadka ku diriray dhulkaas ahaayeen ilmo adeer, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey maamulka degmada Warsheekh.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Warsheekh Hiraabe Maxamuud Maxamed oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in deegaanka uu is hor imaadkaasi ka dhacay ay gaareen xubno ka socday maamulkooda, guddoomiyaha Balcad, odayaal dhaqan iyo ciidamada ammaanka.

Guddoomiye Hiraabe ayaa sheegay in ciidamadu ay bilaabeen howlgal lagu soo qabanayo dadkii baxsaday ee dhacdadaas ku lugta lahaa.

“Waxaan ku suganahay tuulo lagu magacaabo Caloolweyn, wiilal walaalo ah oo meeshaan isku dilay ayaan ku soo baxnay, dadka deegaanadaan qoryo ayey heystaan hadii ay murmaana xabado ayey isku furaayaan, marka arrinta dadkaan waxay ka bilaabatay muran dhul, kadibna qoryo ayey isu-soo qaateen, laba nin iyo gabar ayaa goobta lagu dilay, dhaawacuna waa seddax, ilmo adeerna waaye dadka is dilay,” ayuu yiri Hiraabe Maxamuud.

Guddoomiye ku xigeenka Warsheekh Hiraabe Maxamuud waxa uu sheegay inay hadda ku dadaalayaan sidii ay u soo qaban la haayeen dadkii dilka geystay ee baxsaday, si aysan u sii xumaan xaaladda dadkaas oo uu sheegay inay ahaayeen ilmo adeerro ku diriray dhul ka dhaxeeyey.

8-dii bishii November ee sanadkan ayey aheyd markii koox hubeysan ay Hooyo umul aheyd iyo laba carruur ah oo ay dhashay ku dishay duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo dhaawacay Hooyo kale iyo ilamay ay dhashay, waxuuna falkaas salka ku hayey aano qabiil.

Sidee ayuu noqonayaa habka qandaraas bixinta shidaalka dalka Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed Ibraahim Cali Xuseen ayaa markii ugu horeysay si faahfaafaahsan uga hadlay habka loo qeybinayo qandaraas bixinta shidaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hey’adda Batroolka ayaa shaaciyey in guddigooda uu ku howlan yahay sidii ay shirkadaha uga dhaadhacsiin lahaayeen sidii ay ugu dhiiran lahaayeen maalgashiga Soomaaliya maadaama uu sheegay in shirkadaha ay qabaan cabsi ku aadan xaaladaha ammaanka iyo siyaasadda dalka.

Ibraahim ayaa sheegay in su’aalaha ugu badan oo ay weydiinayaan Shirkadaha maalgelinta Batroolka sameeyo ay tahay sida ay ugu kalsoonaan karaan dhaqaalaha ay gelinayaan Soomaaliya & sida uu dib ugu soo laaban karo.

“Habka Qandaraas bixinta waa mid ku saleysan hab hufnaan ah oo ay u siman yihiin shirkadaha, annaga mas’uuliyad ayaa na saaran, waxa aan dooneynaa heshiis ummadda Soomaaliyeed u cuntama oo aan sii jiidano Shirkadaha, iyaga oo la weydiinaya ammaanka & siyaasadda Dalka,” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Ibraahim ayaa sheegay in sababta shidaalka loo soo saarayo ay tahay sidii dadka Soomaaliyeed looga saari lahaa faqriga iyo shaqo la’aanta sida uu hadalka u dhigay.

“Ujeedada ugu weyn ee aan usoo saareyno Shidaalka Soomaaliya waa in faqriga & shaqo la’aanta dhalinyarada laga baxo, waxaa naga go’an in Ummadda Soomaaliyeed uga faaiideystaan hab ka duwan Dowladaha qaar oo ka baahan,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha hey’adda ayaa xusay in shirkadaha maalgashado shidaalka ay intoo badan hantidooda geliyaan wado kale oo shidaal laga helo kuwaas oo amni ahaa iyo siyaasad ahaanba ka fiican Soomaaliya.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60