24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Xiisada dagaal ee xuduudda Soomaaliya iyo Kenya oo abuurtay walaac hor leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ciidamo faro badan u dirtay magaalada xadka ku taala ee Beled-Xaawo, iyada oo ciidamo ka socda Jubbaland oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Kenya ay ku sugan yihiin magaalada u dhow Kenya ee Mandhera.

Xiisada diblumaasiyadeed ee ka dhex aloosan Kenya iyo Soomaaliya ayaa walaac laga muujinayaa inay gacan ka hadal isku badasho, kadib markii ay dowladda federaalka ku eedeysay Kenya inay xadka ka abaabuleyso jabhad hubeysan.

Senator Maxamed Macalin Maxamuud oo metala Ismaamulka Mandhera ayaa waxa uu sheegay in dadkiisu aysan marnaba u dulqaadan karin xiisada xun ee ka dhalatay xiriirka go’ay ee Kenya iyo Soomaaliya.

“Ma daneyneyno sida Xaaladdu ay u muuqato, dagaal dhex-mara labada dhinac waa mid dhibaato ku ah dadkeena, waxaa halis galaya noloshooda, Waxa aan ognahay Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya oo u muuqda mid aan wanaagsaneen labadii maalmood ee lasoo dhaafay” ayuu yiri.

Senatarka ayaa sheegay in wel-welka ugu weyn ee heysta dadka uu ku metalo kursiga uu yahay abaabulka socda iyo xiisada labada dal oo kasii dartay, taasi oo ku tilmaamay “mas’uuliyadd daro la sameynayo”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Boqolaal kamid ah dagaal-yahanada xulufada la ah wasiirka arimaha gudaha Jubbaland, Cabdirashiid Janan ay ku sugan yihiin magaalada Madhera mudo bilo ah

Waxa kale oo uu ciidamada Janan ku eedeyay inay weerar ku qaadeen deegaano xadka ah, halkaas oo ay ku dileen tobaneeyo, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in loo naxo Shacabka Ismaamulkaas oo uu sheegay inaysan u dulqaadan Karin in dushooda lagu dul dagaalamo sida uu hadalka u dhigay Senator Maxamed Macalin Maxamuud.

Xiisada labada dal ayaa mareysa meel xasaasiya, iyada oo falan-qeeyayaashu rumeysan yihiin in isku dhac kasta oo dhexmara Kenya iyo Soomaaliya laga dareemi doono meel ka baxsan xuduuda labada waddan.

“Waxaan arkeynaa in ciidamo badan kusii socdan xadka, aaga oo dhan way saameyn doonta Kenya keliya maaha!, waxaan rumeysanahay inaan u baahanay in aan xal diblomaasiyadeed u helno khilaafkan oo gaaray meel sarre, maadama xadka lasoo dhoobay xoogag, taasi oo muujinaysa heerka cadaawada” ayuu yiri George Musamali oo madax ka ah Xarunta Maareynta Khatarta ee Afrika.

Arrintan ayaa imaneysa maalmo un kadib markii Shacabka iyo mas’uuliyiinta magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ay ku kaceen ciidamada Wasiir Janan, kuwaasi oo horey dowladda Soomaaliya ay ugu sheegtay “jabhad ay dhistay” Kenya.

Dowladda Kenya ayaa hore loogu gudbiyay dalab ku aadan in deegaanka laga saaro ciidamada Janan, hase yeeshe majirto jawaab ay ilaa hadda ka bixisay cabashada shacabka iyo mas’uuliyiinta Mandhera.

Musharaxiinta mucaaradka oo ku wajahan GAROOWE

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa saacadaha soo socda ku sii jeeda qaar ka mid ah xubnaha musharraxiinta mucaaradka, iyada oo haatan qaban-qaabo xoogan & u diyaar garow laga dareemayo magaaladaasi.

Musharraxiinta tegaya Garoowe ayaa waxaa horkacaya siyaasiga caanka ah ee Daahir Maxamuud Geelle oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka qaar ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka socdaalka musharraxiinta uu yahay ka qeyb-galka shirweyne la sheegay in magaaladaasi uu uga furmayo midowga musharraxiinta iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo doorashooyinka dalka.

Sidoo kale xubnaha musharraxiinta mucaaradka ee Garoowe tegaya ayaa kulamo iyo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan ololahooda ka bilaabayo halkaasi.

Daahir Maxamuud Geelle oo faah faahin ka bixinayey socdaalkiiisa ayaa yiri “Waxaan ku wajahanahay magaalada Garoowe muddada aan joogo waxaan la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ka qaybgali doonaa dood cilmiyeedyo iyo barnaamijyo kale oo aan aragtidayda siyaasadeed ku soo bandhigaayo. Waxaa iga go’an inti suuragal ah in aan qof walba oo Soomaali ah rugtiisa ku gaaro,”.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa weli ah mid aad u cakiran, waxaana meel fog kala joogo mucaaradka iyo dowladda oo isku hayo hanaanka doorashooyinka dalka.

Erdogan oo ka carrooday go’aan ay dhowaan gaartay maxkamada sare ee Yurub

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa si kulul uga hadlay xukun ay soo saartay Maxkmadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha (ECHR), kaasi oo ay xukuumadda Ankara ku fareysay in si deg-deg xabsiga uga sii deyso siyaasi caan ah oo Kurdish ah.

Erdogan ayaa si caro leh uga hadlay xukunkaasi, isagoona sheegay in ECHR ay difaacdo xuquuqda argagixisada oo keliya, kadib markii uu Demirtas oo ah ninka ay maxkamada dalbatay in lasii daayo u xirtay Ankara arrimo la xiriira argagixisanimo.

Selahattin Demirtas ayaa Erdogan waxa uu sheegay inuu mas’uul ka ahaa dhimashada tobanaan qof, intii uu socday dibadbax dhacay shan sano ka hor, xili uu hadal u jeedinayay xildhibaanada baarlamaanka ee xisbigiisa. 

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale ku eedeeyey Demirtas inuu xiriir la leeyahay koox sharci-darro oo Kurdish ah.

Demirtas oo ah siyaasi caan ah oo Kurdish ah ayaa wajahay 142-sanno oo xabsi ah, taasi oo ku muteystay falal la xiriira argagixiso, oo ay ku eedeysay xukuumadda Ankara, hase yeeshe uu iska beeniyay eedahaasi.

Selahattin Demirtas ayaa waxa uu hoggaamiye ka ahaa xisbiga labaad ee ugu weyn Turkey ee loo yaqaano HDP, ka hor inta aan xabsiga loo taxaabin bishii November ee sanadkii 2016-kii, wuxuuna labo mar madaxtinimada kula tartamay madaxweyne Erdogan.

Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha ee magaalada Strasbourg ayaa maalintii Talaadada soo saartay xukun ay ku sheegtay inuu sharci darro u xiran yahay Demirtas muddo afar sanno ah, isla markaana lagu xad-gudbay xuquuqdiisa asaasiga ah, iyada oo dalbatay in si deg-deg ah loo sii daayo.

Al-Shabaab oo fagaare ku toogtay Maxamed Sidiiq

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay toogasho ku dileen Maxamed Sidiiq Xuseen oo ay ku eedeeyeen inuu ahaa Sixiroole, sida ay shaacisay maxkamad hoostagta kooxdaasi.

Fagaaraha lagu toogtay marxuumka oo ku yaalla deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne fara badan.

Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab oo goobta ka aqriyey xukunka dilka ah ee lagu fuliyey ninkaasi ayaa sheegay inuu qirtay dambiga lagu soo eedeeyey, islamarkaana uu dhibaato weyn ku hayey qeybaha kala duwan ee bulshada, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddo sanad ah uu ku shaqeysanayey Sixirka, si uu dadka ugu dhibaateeyo.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa deegaanada ay gacanta ku hayso ee koonfurta iyo bartamaha dalka ka fulisa xukuno u badan dilal toogasho ah.

Si kastaba ragga ay toogashada ku fulisay Al-Shabaab ayaa u badan kuwo ay ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin u shaqeeya dowladda Soomaaliya iyo dalalka shisheeye.

Dowlada Itoobiya oo digniin cusub u dirtay ururka ONLF

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay tirtireen shahaadada xisbinimadooda, kuwaasi oo kamid ahaa xisbiyada siyaasada ee ka jira dalkaas oo hore aqoonsi u haystay.

Xisbiyada la tirtiray ayaa la sheegay inaysan buuxin shuruudaha jiritaankooda, taasi oo keentay in guddiga doorashooyinka Itoobiya uu gebi ahaanb meesha ka saaro.

Guddiga ayaa sidoo kale digniin u diray 12 Xisbi oo ay sheegtay inay ka dhiman yihiin shuruudihii loo baahna, iyada oo digniin u dirtay inay sida uga dhaqsaha badan usoo buuxiyaan, ka hor inta aan laga gaarin go’aan.

Xisbiyada digniinta loo diray ayaa waxa kamid ah ururka caanka ah ee ONLF ama Jabhadda xoraynta Ogaadeeniya – (Ogaden National Liberation Front), kaasi oo waayi kara xisbinimadiisa haddii uusan buuxin shuruudaha ka dhiman, sida uu sheegay guddigu.

Sidoo kale waxa kamid ah xisbiyada la tirtiray ee uu guddigu sheegay inaysan buuxin shuruudihii looga baahna laba xisbi oo ka jira deegaanka Soomaalida, kuwaas oo kala ah; Xisbiga Waddaniga ah ee Soomaalida – (Somali Patriotic Party: SPP) iyo Xisbiga Midowga Dimuqraaddiga ah ee deegaanka Soomaalida – (Somali Regional Democratic Union: SRDU).

Guddiga ayaa waxa kale oo ay ku dhawaaqeen liiska 40 xisbi oo ay sheegen inay buuxiyeen shuruudaha xisbinimo, kuwaas oo safka hore kaga jiro xisbi siyaasadeedka cusub ee uu dhawaan aas-aasay ra’iisal wasaare Abiy Axmed ee lagu magacaabo xisbiga Barwaaqada – (Prosperity Party: PP).

Liiskan ayaa sidoo kale waxa kasoo dhex muuqday hal xisbi oo Soomaalidu ay leedahay oo lagu magacaabo ‘Xisbiga dimuqraaddiga ah ee Soomaali galbeed – (Western Somali Democratic Party).

QARAX xooggan oo ruxay magaalada Nashville ee dalka Mareykanka (Warbixin)

0

Nashville (Caasimada Online) – Qarax weyn ayaa ruxay waddo inteeda badan marneyd oo ku taalla bartamaha magaalada Nashville ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka, kaasi oo waxyeeleeyey dhismooyin, islamarkaana dhaawacay saddex qof.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in qaraxan uu ahaa ku talo-gal, waxaana hadda baaritaanka kiiskan hoggaaminaya FBI-da.

Afhayeenka booliska Nashville Don Aaron ayaa sheegay in booliska loogu yeeray toogasho la sheegay inay aagga ka dhaceysay, qiyaastii 6-dii aroornimo, hase yeeshee ma jirin wax astaamo ah oo muujinayey toogasho dhacday.

Saraakiisha ayaa markii ay yimaadeen goobta arkay baabuur laga shakiyey, waxayna waceen cutubka halisaha qaabilsan, hase yeeshee intii ay sugayaan ayuu gaarigii qarxay.

Khubarada amniga ayaa rumeysan in wicitaanka uu ahaa mid been abuur ah oo la doonayey in booliska la isugu keeno goobta, si kadib loogu qarxiyo.

Aaron ayaa sheegay in saddex qof loo qaaday isbitalka, inkasta oo midna aysan xaaladiisa halis aheyn. Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale dhowr qof loo kaxeeyey xarunta booliska si su’aalo loo weydiiyo, balse ma bixin faah-faahin.

Kiiska ayaa waxaa la wareegay FBI-da, maadaama ay tahay hay’adda federaalka ee qaabilsan ficillada qaraxyada iyo argagixisada.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ka muuqda burbur xooggan, waxaana “nasiib wanaag” lagu tilmaamay in saddex qof oo kaliya uu dhaawac fudud kasoo gaaray qarax sidan u weyn.

Qof deris la ah goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay inuu maqlay wax u eg bam aad u weyn, oo ay la noqotay “in dunidu dhammaatay”.

Kiiskan ayaa weli wararkiisa isa soo tarayaan waxaana idinla soo socodsiin doonnaa wixii kusoo kordha, Insha Allah.

Warar ka cusub KHILAAFKA dalalka Somalia iyo Kenya

0

Dowladda Jabuuti oo loo xil saaray inay hakiso sii xumaashada khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa wafdi xaqiiqo raadin ah u dirtay xadka labada dal ee magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera.

Tallaabadaas waxay ku timid shirkii madaxda urur Goboleedka IGAD ee maalintii Isniinta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Jabuuti, kaasoo ay isku arkeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo qiratay in cadaadis lagu saaray in ay aqbasho dib u dajinta xiisadda, ayaa sheegtay in ay dalbatay in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro xadka, kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland laga soo abaabulay gudaha Kenya, ayna ku sugan yihiin xadka Mandheera ee dhinaca kale.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa warbaahinta u sheegay in wafdi ka socda Jabuuti – oo isugu jira diblomaasiyiin iyo saraakiil ciidan loo diray xadka kala qeybiya Beledxaawo iyo Mandheera, si ay xaaladda ugu soo kuur galaan.

Kooxdaas ayaa laga dhowrayaa inay xog kula noqoto Jabuuti, iyadoo halkaas laga sii amba qaadi doono dadaalka iyo tallaabada xigta.

Dhawaan ayuu wasiirku sheegay in dowladdiisa loo xil saaray qaboojinta xiisadda u dhaxeysa labada dal ee dariska ah.

“Waxaan aaminsan nahay in Jabuuti ay door ka ciyaarto nabadda iyo xasiloonida gobolka. Shirkii ugu dambeeyay IGAD ee ka qabsoomay Jabuuti ayaa arrintaas lagu soo hadal qaaday waana la isku waafaqay. Waxaan sii wadi doonnaa inaan dajinno xiisadda ka taagan gobolka,” ayuu yidhi wasiirka.

Khilaafka labada dal ee dariska ah ayaa la rajeynayaa in ugu dambeyn sida uu qorshuhu yahay lagu soo afjaro dadaal ay sameynayaan dalalka IGAD.

Madaxda IGAD, oo ka kooban Jabuuti, Itoobiya, Soomaaliya, Kenya, Suudaan, Suudaanta Koonfureed, Uganda iyo Eritreya (oo aysan hadda xubinimadeeda shaqeyneynin) ayaa Isniintii isku waafaqay in arrinta Soomaaliya iyo Kenya lagu dhammeeyo IGAD gudaheeda.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay walaac xooggan oo laga qabay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay ku dagaallamaan xadka u dhaxeeya Beledxaawo iyo Mandheera.

Waxaa lagu soo warramay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo geysay magaalada Beledxaawo, halka ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland ay iyaguna dhinaca kale ku sugnaayeen, iyagoo taageero ka heysta milatariga Kenya.

21-kii bishan ayuu Magaalada Mandheera ka dhacay mudaharaad nabadeysan oo lagu dalbanayay in aan colaad loo soo jiidin shacabka deegaanka, kaddib markii ay cabsi xooggan dareemeen bulshada ku dhaqan halkaas.

Abiy Ahmed oo ogolaaday in la qabto doorasho iyo xilliga oo shaaca laga qaaday

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa qaban doonta doorashada baarlamaanka 5-ta June ee sanadka 2021, sidaasina waxaa Jimcaha maanta ah sheegay guddiga doorashooyinka qaranka.

Go’aankan ayaa imanaya iyada oo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu isku dayayo in uu joojiyo rabshadaha siyaasadeed iyo qowmiyadeed ee dhimashada badan dhaliyay ee ka dhacay dhowr gobol.

Xisbiga Prosperity ee uu Abiy Ahmed aas aasay sanad ka hor, ayaa wajahaya caqabado uga imanaya xisbiyada ku abtirsada qowmiyadaha ee sii xoogeysanaya kuwaasi oo doonaya awood dheeri ah oo ay u helaan gobolladooda.

Doorashooyinkan ayaa la filayey inay dhacaan bishii August ee 2020, hase yeeshee waxaa dib u dhigay Abiy Ahmed, isaga oo qiil ka dhiganaya cudurka Coronavirus.

Dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika waxa uu leeyahay nidaam federaal ah iyo 10 dowlad goboleed, oo in badan oo ka mid ah ay ka dhex jiraan muranno xuduudeed.

Gobolka Waqooyiga ee Tigray, kumanaan dad ah ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen, 950,000 oo qofna ay ka barakeceen guryahoodii tan iyo markii uu dagaalka u dhexeeyay xoogagga gobolka iyo dowladda federaalka uu qarxay 4-tii November.

Tigray ayaa bishii September si iskeed ah u qabatay doorashadeeda, iyadoo ka dhega adeegaysa dowladda federaalka, oo ku tilmaamtay doorashadaasi mid sharci darro ah.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in jadwalka taariikhda sanadka soo socda ee codbixinta aysan ku jirin doorasho ka dhacda gobolka Tigray.

Waxa uu guddigu sheegay in ay ku dhawaaqi doonto taariikhda doorashada gobolkaasi ka dhaceysa marka uu maamulka KMG ah ee gobolkaasi loo dhisay xilligii ay colaaddu socotay uu awood u yeesho in ay xafiisyada doorashooyinka ka hirgeliyaan halkaasi.

IMAARAADKA Carabta oo qirtay arrin hadal hayn ka abuurtay dalka PAKISTAN

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Diblomaasiga ugu sarreeya Imaaraadka Carabta ayaa Isniintii si shaacsan u qirtay xayiraad aan sharaxaad laga bixin oo la saaray dadka dalkaasi kasoo booqanaya Pakistan, taasi oo hadal badan ka abuurtay Pakistan.

Wakiilada dhinaca socdaalka ee gooya tikidhada ayaa sidoo kale sheegay in xayiraaddan lagu beegsanayo in ka badan 10 dal oo kale muslimiin ah, ayada oo uu jiro tuhun ku saabsan in arrintan loo sameeyey Israel darteed.

Kadib kulan uu la yeeshay dhiggiisa Pakistan, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan waxa uu sheegay “in dhowaan hakin ku-meel gaar ah lagu sameeyey soo saarista Visa-ha sababo la xiriirka cudurka COVID-19,” sida ay werisay wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM.

Ma uusan sharxin sababta loo hakiyey Visa-ha horey loo bixiyey, taasi oo lama filaan ku noqotay dad badan oo doonayey inay soo galaan dalkaas.

Visa-ha la hakiyey ayaa lagu beegsaday dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Lebanon, Kenya, Iran, Syria, Afghanistan iyo Yemen, waxayna arrintan timid ayada oo ay billaabatay inay dalkaas soo galaan dalxiisayaal ka socda Israel, kadib xiriir dhex maray labada dal.

Saeed Mohammed, oo ka shaqeeya shirkadda socdaalka ee Arabian Nights Tours ee Dubai ayaa sheegay in heerka ogolaanshaha Visa-ha qoysaska ka imanaya dalka Pakistan ay sare u kacday toddobaadyadii tegay.

Si kastaba, waxa uu sheegay in Visa-ha dadka dhallinyarada ah ee aan xaasaska aheyn aan loo ogleyn inay dalkaas soo galaan, taasi oo sare u qaadday tuhun la xiriira in go’aankan uu salka ku hayo arrimo amni.

AP

Daawo: Shacab dibad-bax ka dhigayay Muqdisho oo maanta rasaas lagu furay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa daqiiqado ka hor si weyn ugu faafay baraha bulshada Muuqaalka dad dhigaya banaanbax oo iskugu jira haween iyo dhalinyaro oo lagu furay rasaas, iyada oo xabsiga loo taxaabay wariyeyaal duubay banaanbaxaas.

Banaanbaxan oo ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan isgoyska Banaadir ayaa waxa dadweynihii banaanbaxayay rasaas ku furay Nin hubeysan oo dhar ah, kaasi oo la sheegay in uu ka tirsan yahay ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxay ciidamada amaanka ay xabsiga dhigeen ilaa labo wariye oo ka tirsan idaacada Goobjoog, sida uu goordhoweyd xaqiijiyey maamulka idaacadu.

Tallaabadan ayaa waxa si kulul uga hadlay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka, isagoona wax laga xumaado ku tilmaamay in la beegsado shacab banaanbax dhigaya.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii Nabadsugida waxay magaalada ku soo daayeen rag hubaysan oo dharcad ah oo jidka u taagan caburrinta shacabka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray “Ninkaan xabada ku ridaya dhalinyarada dibad baxaysa ciidankooda ayuu ka mid yahay. Haddii ay xabadeeyaan dibad bax nabadadeed maxaa diidaya in la iska difaaco. Waa waajib wadani ah iyo mid Diini ah in Diktatoorka la iska qabto inta uusan xoogaysan ee uu tabarta yaryahay.”

Cabdiraxmaan ayaa dadweynaha ugu baaqay in meel looga soo wada-jeesto tallaabooyinka noocan ah oo uu sheegay inuu ka dambeeyo madaxweyne Farmaajo oo ku sifeeyay “Diktatoori tabar yar oo aan weli xoogeysan”.

Maaha markii u horeysay ee ciidamada amaanka ay rasaas u adeegsadaan dadweyne dhigaya banaanbax, hase yeeshe waxa ku cusub in ciidamo dhar cad oo hubeysan loo adeegsado banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda iyo Farmaajo.

Ciidamada Abiy oo dilay 40 qof, xireyna mas’uul sarre iyo xiisad xoogan oo taagan

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Millateriga dowladda federaalka Itoobiya ee uu hogaamiyo Abiy Axmed ayaa weerar ku dilay 40 Nin oo lagu sheegay inay ku lug lahaayeen xasuuq ka dhacay gobolka Benishangul-Gumuz, sida ay baahisay warbaahinta ku hadashay afka dowladda.

Dadka badan ee la dilay ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen weerar bahalnimo ah oo lagu dilay 100 qof oo ay ku jiraan caruur, kaasi oo lagu gubay guryahoodii xili ay hurdayeen, isla markaana qaarkood la toogtay, halka kuwa kalena toorey lagu dilay.

Ciidamada Millateriga Itoobiya ayaa raggaas ku dilay howl-gal ay ugu magac dareen “ugaarsiga kuwii weerarka soo qaaday”, sidoo kale waxay la wareegen oo gacanta ku dhigeen hub ay ka mid yihiin qaanso iyo waran.

Maleeshiyaad aan haybtooda la aqoon ayaa weerar ka fuliyay gobolka, maalin un kadib markii Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed uu booqday gobolkaas, iyada oo dowladda ka gaabsatay inay faah-faahin dheeriya ka bixiso 40 Nin ee ay dileen ciidamada Millateriga.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xukuumadda Abiy ay xabsiga dhigtay Wasiir ku-xigeen dowladda ka tirsan oo ka mid ah shan qof oo ay dowladda la xiriirisay qalalaasaha ammaan ee ka taagan gobolka.

Afhayeen u hadlay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya ee xiriirka la leh dowladda oo u waramay idaacada BBC-da ayaa sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay habeenimo xili dambe ah weerar ka fuliyeen gobolka galbeedka dalkaas ku yaalla ee Benishangul-Gumuz.

“Waxay weerareen tuulo iyadoo dadkii ay hurdaan ayay guryahoodii dab qabadsiiyeen, sidoo kale dad rayid ah ayay toogteen oo ay dileen,” ayuu yiri Aaron Maasho.

Sidoo kale hay’addaha xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey weerarkaas, iyaga oo dalbaday in deg-deg loo baaro, isla markaana cadaalada la hor keeno dadkii ka dambeeyay ee fuliyay falkaas oo ay ku tilmaameen mid arxan darro ah.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay dalka Itoobiya ka taagan tahay xiisad xoogan, iyada oo muddooyinkii dambe wajaheysay qalaalase siyaasadeed oo baahsan, mid isir naceyb ku saleysan iyo mid diimeed.

Shariif Xasan oo sheegay in aysan aqbali karin laba arrin ‘oo uu isku rabo’ Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shariif Xasan shiikh Aadan, oo isna horay u soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, iminkana ka mid ah musharrixiinta ku jira Midawga Musharrixiinta ayaa sheegay in xilligiisii maalmaha loo tirinayey haddana ay iyaguna Farmaajo u tirinayaan maalmaha.

“Haddii doorasho inta la isku dhiibo, la isku beddelo la ogolaan waayo, wixii hore u soo dhici jiraa dhacaa, taa iyada dhibaato waayo. Markaa madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaan leennahay ayaan dhawyad sidii lagu doortay wuu og yahay.”

Isagoo sii hadlayo ayuu yiri  “Madaxweynaa loo doortay waa loo bannaan baxay, markaa maantana waxaan ka rabnaa sidii oo kale inuu tartamo haddii uu guulaysto waa loo bannaan baxaa, haddii tartanka ku guulaysan waayo waa in uu sidii labadii madaxweyne kale ee ka horraysay gacanta u qabteen uu isna gacanta u qabtaa laga rabaa.”

Shariif Xasan ayaa dhanka kale sheegay in aanay suuragal noqon doonin in madaxweynuhu keligii doorashu abaabusho isla mar ahaantaana qabsado.

“Hadii se uu yiraahdo anaa dheelaa, anaana garsoore noqonaa, dadka ila dheelayaana anaa keensanaaa, ma shaqaynayso! Waxaan leennahay annaga ciyaartooy isaga ka fiican inay la ciyaaraan aan rabnaa, ee madaxweynuhu ciyaartooydu ha ogolaado, shacbka Soomaaliyeedna sidaa garsoore ha noogu noqdaan. Lakiin hadduu yidhaahdo ani keligay baa dheelaa, meel ay ka shaqaynayso ma jirto.”

Hadalka kasoo yeeray Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa qeyb ka noqonayo baaqayada loo dirayo madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyey inuu ka shaqeenayo doorasho uu isaga mar kale kusoo baxo.

Wasiir Janan: “Waxaan ugu baaqayaa madaxweyne FARMAAJO inuu is-casilo“

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur  Janan oo boqolaal askari kula hadlaayay duleedka degmada Beledxaawo ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyaha NISA in ay faragalinta ka daayaan gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya degmooyinka gobolka Gedo ay diyaarado ku geyntay ciidamo ay sheegtay in ay yihiin kuwo la dagaallamaya Kenya laakiin u jeedada laga leeyahay ay tahay in lagu caburiyo shacabka Gedo.

Wasiir Janan ayaa sheegay in wixii dhibaato ah oo ka dhasha ciidankaas ay mas’uuliyadooda qaadi doonaan Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in meeshii uu degaan ahaan uu kasoo jeeday uu ciidamo ku qabsanaayo.

Ugu dambeyntii waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha in uu iscasilo, oo uu qaato talooyinka uga imaanaya bulshada Soomaaliyeed si uusan dalku u burburin.

“Farmaajo ilma adeer baan nahay waxaan kula talinayaa in uu is casilo oo dalka dhaafo qaatana talada musharixiinta in dalka laga qabtana kaalin ayaan ka qaadanayaa aniga iyo ciidankeyga,” ayuu yiri wasiir Janan.

Hadalka wasiir Janan ayaa imaanaya xili dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan ay dhawaan geysay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

DF oo laba arrin hor-dhigtay Korneel Saneey Cabdulle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay laba qodob hordhigtay Korneel Saneey Cabdulle oo maleeshiyaad badan ku heesta duleedka Waqooyi ee Muqdisho.

Qodobada la hordhigay Korneel Saneey Cabdulle ayaa kala ah.

1- Inuu soo qabto saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo kasoo horjeeda dowladda federaalka, kuwaas oo lagu eedeeyay dagaal ka dhacay degmadooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis ee Muqdisho.

2- Haddii uusan soo qaban karin inuu soo xarooda isaga iyo ciidankiisa, islamarkaana uu wada-hadal la galo dowladda Soomaaliya, oo isaga qudhiisa ay is-hayaan kadib markii ay kala tageen muddo fog kahor.

Xubno muhiim ah oo ka tirsan taliska Milateriga Soomaaliya, iyo kuwa ku dhow Korneel Saney, ayaa Caasimada Online u sheegay in Korneel Saneey uu diiday dhamaan qodobadadii la hordhigay.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ballan qaad lacageed iyo mid darajo xilba u ballan qaaday Korneel Saneey, hase yeeshee uu dhamaanba ka diiday.

Saraakiisha ay dowladda Soomaaliya dooneyso Cusmaan Xaadoole, Maxamuud Maxamed Masdile, Abuukar Boonow iyo Maxamed Cusmaan Joorre, oo dhammaantood isku beel ah kana soo jeeda beesha Wacbuudhan Abgaal, gaar ahaan Mataan Cabdulle, Maxamed Muuse, iyo Daa’uud.

Korneel Saney ayaa isna kasoo jeeda beesha Harti-Abgaal.

Saneey Cabdulle oo ah Korneel ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa sanado ka hor dagay duleedka waqooyi ee Muqdisho, waxa uuna halkaas ku heestaa ciidamo badan iyadoo ay magan u yihiin dad badan oo dowladda ka soo cararay.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kusii kordhaya saraakiisha militari ee ka goosnaya, xilli dalka uu sii galayo marxalad kala guur, ayna ka taagan tahay xiisad la xiriirta doorashada.

Midowga Musharaxiinta oo si weyn usoo dhoweeyey tallaabo uu qaaday Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhoweeyay tallaabo uu qaaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ku saabsan khilaafka ka taagan doorashada dalka.

Deni iyo Qoor Qoor oo Khamiistii ku kulmay Gaalkacyo ayaa qoraal ay soo saareen waxa uu qodob ka mid ah u dhignaa “Dowladaha Galmudug iyo Puntland waxay markasta diyaar u yihiin dadaal kasta ee loo dhan yahay ee lagu gaari karo hirgalinta doorashada 2020/2021. Sidaa darteed ayadoo la dhawrayo heshiiskii lagu gaaray 17kii September 2020 Magaalada Mogadishu, Dowladaha Galmudug iyo Puntland waxay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen dhinacyada ku kala aragtida duwan hanaanka qabsoomidda doorashada.”

Musharixinta ayaa qoraal ay soo saareen kusoo dhaweeyay dadaal ay sheegeen in Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ku doonayaan xallinta khilaafka hannaanka maamulka doorashooyinka dalka.

“Goluhu wuxuu hoggaanka labada dawlad goboleed ku ammaanayaa xilka ay sida gaarka ah iskaga saareen xal u raadinta ismari waaga ku xeeran hirgelinta doorashooyinka dalka. Wuxuuna Goluhu si gaar ah u bogaadinayaa Madaxweyne Qoor-Qoor oo ka dhabeeyey fulinta is-afgaradkii bilowga ahaa ee dhexmaray isaga iyo Golaha,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta.

“Goluhu Musharixiinta wuxuu madaxda dowlad goboleedyada ugu baaqay inay kaalin wanaagsan ka qaataan xal u helista khilaafka maamulka doorashooyinka heer federaal ee 2020/21, isagoo uga digay isku day walba oo lagu carqaladeynayo dadaalka labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland, iyo qabashada doorasho aysan heshiis ku ahayn saamilayda siyaasadeed ee dalka.”

Qoor Qoor ayaa la rumeysnaa inuu ka mid ahaa madaxweyne goboleedyada sida gaarka ah ugu dhow Villa Somalia.

CC Shakuur oo shaaciyey qorshe uu FARMAAJO la damacsan-yahay madaxda maamul goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ee u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ayaa madaxweyne Farmaajo u jeediyay eedeymo culus oo la xiriir doorashooyinka.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu qorsheynayo in uu madaxda dowlad goboleedyada u adeegsado boobka doorashada, taasi oo uu sheegay inuu ku tashanayo si uu markale ugu soo laabto xilka ugu sareeya dalka.

“Farmaajo wuxuu ku tashanaya Dowlad goboleedyada qaar oo doonayo inay doorashada u boobaan iyo in anaga oo tagaan in la boobo doorashada walaalaheena Somaliland, hadii uusan Puntland & Jubbaland heysan doorashada hanoo daayo anaga iyo Shariif Xasan ayaa ku tartameeynee.”

Sidoo kale waxa uu ku baaqay inay shacabka Soomaaliyeed sameeyaan banaan-baxyo ay uga soo horjeedan hanaanka doorashada, isagoona carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la iska saaro Farmaajo, oo uu sheegay inuu diidan yahay doorasho wada ogol ah.

Madaxweynaha dalka ayaa saaxiib dhow la ah qaar kamid ah madaxda maamulada dalka, kuwaasi oo mucaaridku ay ka qabaan dareen ah inuu u adeegsado qorshaha ay ku sheegen “boobka doorashada”, xili ay guddiyada lagu muransan yahay ee doorashadu ay soo saareen jadwalka aqalka sarre iyo golaha shacabka.

Guddiga lagu muransan-yahay ayaa shalay shaaciyey in diiwaan-gelinta musharaxiinta doorashada aqalka sare ay bilaabaneyso 26-ka bishan December, iyaga oo fursad lix cisho ah siiyey sidii ay madaxda maamulada dalka kusoo saari lahaayeen liiska musharaxiinta, taasi oo ku eeg 29-ka isla bishan.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isagu qeyb ka ah musharaxiinta walaaca xoogan ka qaba inay dhacdo doorasho hal dhinac ah, taasi oo loo adeegsanayo madaxda maamulada dalka qaarkood iyo beelaha siyaasiyiinta mucaaridku ee ku jira xukuumadda.

Odowaa oo madaxweyne FARMAAJO usoo jeediyey in uu qaado tallaabadan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Odowaa, xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran, oo ahna mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa ka horyimid tallaabo uu shalay qaaday madaxweyne Farmaajo, taasi oo uu dib ugu dhigay ansixinta wax-ka-bedelka Dastuurka KMG ah ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xeer madaxweyne ku ansixiyey arrinkaas, taasi oo uu sabab uga dhigay inay tahay maadaama la galay xilligii doorashada, isla markaana ay sii dhamaaneyso muddada xil-haynta barlamaanka 10-aad, ayna bilaabanayso muddo xileedka Barlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan awood u laheyn wax ka badel dastuur, maadama uu xusay in awooda sharci dajinta iyo wax ka bedelka dastuurku uu leeyahay baarlamaanka.

Waxa uu tallaabadan ku tilmaamay mid uu madaxweyne Farmaajo ku caadeystay jabinta iyo ku tumashada dastuurka, oo uu sheegay in uu bilaabay ku tumashada dastuurka tan iyo markii uu xilka la wareegay, sida uu hadalka u dhigay.

“Awoodda sharci dajinta iyo in wax laga badalo dastuurka waxaa leh Baarlamaanka. Talaabada Madaxweynaha waxay qayb ka tahay kutumashada Dastuurka oo caaado iyo tilmaan lagu yaqaan u ahayd Farmaajo oo muddo xileeddkiisa gaba-gabo yahay,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii ay Madaxweynaha ka go’an tahay in laga badbaado firaaq dastuuri ah waxaa qasab ah in uu ka shaqeeyo in Baarlamaanku kulan deg-deg ah yeesho dabeetana, Wadanka laga samata bixiyo firaaq dastuuri ah. Sida uu sameeyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 9-aad iyada oo aan lagu tuman dastuurka iyo shuruucda dalka.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay xiligii madaxdu sida ay doonaan u dhaqmayeen oo aan lala xisaabtamayn, isagoona uga digay madaxweynaha arrinkaas oo uu sheegay in loo baahan yahay in loo maro wadadii saxda aheyd, maadam uu dalku leeyahay Dastuur.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wax-ka-bedel ku sameeyay Dastuurka dalka, iyada oo xeerkan uu saxiixay madaxweynaha uu dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Diseembar 2020-ka, waxa kale oo gebi ahaanba la baabi’iyey sharciga iyo xeer kasta oo ka soo hor-jeeda arrinkan.

Kenya ma waxay dowladda federaalka u adeegsatay culeyskeeda siyaasadeed?

0

Hammiga Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isbeddelay kaddib markii dalalka Geeska Afrika la horgeyay faraggelinta qaawan oo uu ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya. Shirkii IGAD ee maalintii Axadda December 20, 2020 ka furmay magaalada Jabuuti ayaa hoggaamiyayaasha dalalka gobolka u xilsaaray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, si ay ugu kala dab qaadaan labada dhinac.

Sida Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud Abuubakar uu warbaahinta u sheegay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa lagu cadaadiyay inuu xiisadda diblomaasiyadeed si hoose loo xalliyo.

Faragelinta dowladda Kenya waxay xadgudub ku tahay xeerarka aasaasiga ah ee sharuucda caalamiga ah. Madaxweyne Farmaajo waxuu fursad u helay inuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisulwasaare Abiy Axmed u bandhigto eedeymahiisa. Khilaafka labada dhinac laguma xalin karin hal fadhi waxaana wanaag loo arkay in waddamo kale ay miiska la soo fariistaan labada dhinac.

Ismaandhaafka u dhexeeya labada dal ee deriska ah ma aha wax cusub, balse Soomaaliya waxay u adkeysan la’dahay inay dhibbane u noqotay “xadgudub xad-dhaaf ah” oo aan laga fiirsan. Maalmo ka hor shirka Jabuuti, Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa soo dhigay bartiisa Twitterka in Kenya ay ku uruurinayso maliishiyado maxalli ah [Soomaaliyeed] aaga Mandheera ee ku yaal xuduudda labada dal ay wadaagaan.

Sida la sheegayo maliishiyoyinkaas waxaa taliye ka ah Cabdirashiid Xasan Cabdinuur “Janan” oo “masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha” (BBC 2.9.2019 iyo Amnesty Intl); waxaana taageera dowladda Kenya.

Sida la wada ogyahay Janan waa Wasiirka Amniga ee Axmed Maxamed Islaan “Madoobe,” wuxuuna ka yahay Xukuumadda Soomaaliya iyo Amnisty International baxsad ka fakaday xabsiga Muqdisho.

Dadka reer Mandhera oo ka cabanaya maliishiyayoyikaas ayaa xaqiijiyay in deegaanka ay ka jirto cabsi dhab ah. Xeeldheereyaasha amniga ayaa rumeysan in dhaqdhaqaaqa Kenya uu yahay iska caabbin diblomaasiyadeed oo loola dan lahaa in lagu helo xujo, si loola gorgorton Muqdisho. Labada waddan midkoodna ma awoodo inuu sababo isku dhac ciidan. 

Isagoo arrinta maleeshiyada Mandheera ka hadlayo Wasiirka Arrimaha Dibadda  Jabuuti  Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayuu yiri “Tan ugu culus uguna degdegta badan waxay ahayd mid ku saabsan jabhadda lagu soo abaabulay Kenya, sida aan annagu qabno, oo xuduudda dhinaceeda kale ku abaabulan, taasoo IGAD ay go’aan ku gaartay in guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro.”  Guddiga xaqiiqa raadis ah wuu tagay goobta xadka labada dhinacba dhawaanna wuxuu u war celin doonaa Jabuuti.

Soomaaliya waxay gudaggashay ololaha doorashada mana ka marna in madaxtooyadu maanka ku hayso inay u adeegsato muranka hab siyaasadeed. Waxaa mowqifkaas qaba masharrixiinta madaxweynenimada oo dhammaan eedda gebigeedba saaraaya Dowladda Farmaajo.

Balse sidaas haddii ay dhab tahay Madaxweyne Farmaajo wuxuu lumiyey fursad uu dacwada ku geyn kari lahaa Ururka Midowga Afrika si ciidamada Kenya dalka looga saaro, taas oo uu ku heli lahaa taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Ruuxa keliya oo musharrixiinta madaxtooyada ka midka ah oo eed saaray Kenya waa Xasan Sheikh Maxamuud oo yiri “martiggelintii Muuse Biixi ee Uhuru Kenyatta uu ku martihggeliyay aqallka madaxtooyada Kenya waa wax aan loo dulqaadan kari oo ku ah meel- ka-dhac madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya”.

Si kastaba ha ahaate, waxaa lala yaabban yahay in dacwadii aan si rasmi ah loogu soo qaadin warmurtiyeedka shirka. Waxaa la tuhunsan yahay in Jabuuti iyo Addis Ababa ay eeganayeen danahooda gaarka ah. Labada dalba waxay si weyn u danaynayaan inay xidhiidh wanaagsan la yeeshaan Kenya oo sanadka bilowgiisa ku biiri doonto Golaha Amniga ee Qaramada Midowbay.

Nasiibdarro, Kenya waxay gobolka, dalalka kale ee Afrika,  iyo adduunweynahaba ku leedahay culays ka weyn midka Soomaaliya. Waa midda kalliftay in Xukuumadaha Soomaaliya (Tii Xasan Sheekh Maxamuud iyo tan  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo) ay miciin ka doonaan Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ. Waxaa kaloo xusuus mudan in dowlahadaha Carabta qaarkood, sida Imaaraadka iyo Masar ay u janjeeraan dhinaca Kenya.

Kenya waxaa culays ku haya dhaqaalaha xayiran, kaas oo u muuqda dib u soo celintiisu inaysan dhawayn inta waxyaabaha dhaliyay xiisada meel laysla dhigayo. Waxaa lagu qayaasay in dakhliga Kenya ee qaadka Soomaaliya loo dhoofiyo uu ka badan yahay 14o milyan sannadkiiba (BBC News – 13/05/2020).

Casumaadda Mudane Muusa Biixi inkastoo ay dhan ka tahay casdaadis la saarayo Soomaaliya, dhanka kale waxay ka mid tahay dadaalka suuq-u-raadinta qaadka Kenya oo aan ku koobnayn Soomaaliland oo keliya, balse ay ku jiraan waddamo kale oo ay ka mid yihiin Jabuuti, Mozambiik- oo ay deggan yihiin jaaliyad reer Yaman oo fara badan, Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Kongo, iwm.

Guusha diblomaasiyadeed  ee Soomaalida kala soo hoyatay Jabuuti ayaa ah in gardarrada Kenya ay hadda caalamku indhaha ku hayo.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Howl-galo culus oo maanta laga billaabay GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa maanta aroortii hore bilaabay howl-galo balaaran oo lagu sugayo amaanka magaalada, isla markaana lagu baadi-goobayo maleeshiyaadka deegaankaasi ka geystay dilalka iyo qaraxyada.

Ciidamada ayaa baaritaano ku bilaabay xaafadaha magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka Galmudug, kuwaasi oo kasoo qab-qabtay boqolaal qof oo ay sheegen in baaritaano lagu sameyn doono.

Tallaabadan ayaa imaneysa xili ay shalay heshiis lagu xoojinayo amaanka wada gaareen madaxda Puntland iyo Galmudug, kadib markii uu dhawaan qarax ay ku dhinteen mas’uuliyiin, saraakiil iyo dadweyne badan uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada amaanka ayaa iyagu baaritaanada ku xoojinayo amaanka magaalada, iyada oo looga dan leeyahay in looga sifeeyo maleeshiyaadka khal-khalka amni ka wada gudaha magaaladaas, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal la hadlay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa Jimcihii hore ka dhacay qarax is-miidaamin ah goob uu booqanayey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen rooble, taasi oo xiligaasi ka socotay munaasibada soo dhaweyntiisu.

Qaraxaas ayaa waxa sheegtay kooxda Al-Shabaab, oo war rasmi ah ku sheegtay in qaraxa uu fuliyeey qof is-miidaamiyey oo ka tirsanaa ciidankooda, islamarkaana bartilmaameedka qaraxa uu ahaa ra’iisul wasaare Rooble.

Qaraxa oo xiligaasi ka dhacay garoonka Cabdullaahi Ciise ee ku yaalla dhinaca koonfureed ee magaalada, ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin sare.

Cali Yaxye: Soomaalida haddii wax la qabanayo waa dadka ugu dambeeya ee la soo xasuusto + Sawirro

0

Cali Yaxye Sheekh Cali Cibaar, wuxuu safka hore kaga jiraa shaqsiyaadka magac & maamuuska ku dhex leh  bulshada Soomaalida ee ku dhaqan Nederlands, waana aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay ururo [local] ah iyo kuwa caalami ah. 

Cali Yaxye, waa aasaasaha & isu-duwaha hay’adda Nabadda [Yahye Foundation]. Waraysi uu siiyey shabakadda Somnieuws, wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladda Soomaalida, waxaana waraysigiisu  u dhacay siddatan:- 

Su’aal: Halkee ayeey marayaan howlihii hay’adda Nabadda Yaxye Foundation.? 

Cali Yaxye: Koox waxgarad ah, oo isu tegay ayaa  muddo sii horeysay  isku howlay in ay gogol xaar u noqdaan hirgelinta hay’ad u qalanto magacii walaalkeey C/qaadir Yaxye oo ahaa aasaasihii &  agaasimihii hay’adda cilmi baarista iyo wadatashiga ee magaceeda loo soo gaabiyo CRD. Waxaa laga dooday  hay’ad noocee ah ayeey noqoneysaa.? Maadaama C/qaadir uu ahaa shaqsi taariikhda Ummadda Soomaaliya baal dahab ah kaga qornaa. Waxaa la isla soo qaaday  aragtiyo kala duwan, dadka qaar waxay soo jeediyeen maadaama uu ahaa nin nabadda & xasiloonida u ololayn jiray in si magaciisu ugu dhex noolaado quluubta dadka Soomaaliyeed in hindisaha lagu daro wax raasumaal u noqon kara taariikhdaasi, wixii talo la rog-rogaba waxaa la iswaydiiyay; ma waxaan culayska saarnaa siyaasadda, ma dhaqaalaha, mise dhinaca wacyigelinta bulshadda, waxaa la isla gartay in  hay’addaasi ay xoogga saarto waxbarashada, waxaan ka walaacsanayn mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed ee aan tahli karin ama heli karin fursad waxbarasho, waxaan damaanad qaad u sameynay kun caruur ah inaan ka caawino waxbarashada, waxayna caruurtaasi ka kala imaanayaan Magaalooyinka Soomaalida, Magaalooyinka qaarkood 100, kuwa 50, waxaan u qaybinay hadba sidii ay inoola muuqatay.

Ujeeddadu waxay ahayd, inaan ummadda ku baraarujino, oo aan hurdada ka kicino, oo aan dhahno waxbarashadu waa dariiqa ugu wanaagsan ee lag soo saari karo bulsho xor ka ah jahliga, waxaa la isku afgartay in sameeyo wax loogu magac-daray [beesha nabadda], waxaaa ka dhashay beel nabadeed, beeshaas waajibaadkeeda ugu culus waxay noqonaysaa dhiiragelinta waxbarashada.

Su’aal: Saameyn intee la’eg ayuu ku yeeshay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Nederlands cudurka Covid19.?  

Cali Yaxye: Covid19 waa cudur saf-mar ah oo adduunka gilgilay, haddii aan Soomaalida dalkan ku dhaqan nahay waxaa markii hore nagu yaraa fahamka aan fahamsanahay, dowladdu waxay samaysay intii karaankeeda ah sidii loo xakamayn lahaa cudurka, ururka Hirda oo ka mid ah ururada Soomaalida wuxuu sameeyey wacyigelin; Teeda kale, haddii aad barbar dhigto Soomaalida mushtamacyada kale ee dalkan nala dagan waxaa muuqata in xaga geerida aan ka yar nahay.

Su’aal: Dad badan waxay qabaan in Soomaalidu aysan helin wacyigelintii loo baahnaa, taasi ma kuu muuqataa.? 

Cali Yaxye: Marka loo eego qowmiyadaha kale ee dalkan ku dhaqan Soomaalida xaga abaabulka & wacyigelinta waxaan nahay mushtamaca ugu liita, way jiraan ururo Soomaali ah oo dedaalay, bulshadana farriimo caafimaadkooda   muhiim u ah gaarsiiyay, waxaan aaminsanahay in laftooda culeysyo badan dul saaran yihiin, waayo  wax walba oo yimaada si degdeg ah jawaab kagama bixin karaan, dhinaca kale, Dowladda dhexe ee Holland, ama Gemeetiyaasha waxaad moodaa in Soomaalidu haddii wax la qabanaayo dadka ugu dambeeya ee la soo xasuusto ay noqonayaan, sababtuna waxay tahay nambarkeena ayaa aad u yar. Tusaale ahaan Magaalada aaan daganahay ee Rotterdam waxay ka mid tahay magaalooyinka haddii ba aysan ahayn Magaalada 1-aad ee ay degan yihiin Soomaalida ugu badan, sidaas oo ay tahay tirada Soomaalida waxaa lagu qiyaasaa 2000 ilaa 2,500  ma ahan  nambar la sheegi karo, waxaan ku dhex milmeynaa boqolaalka kun ee kale ee ajnabiga ah, dadka qiimeynta sameynaya waxay fiirinayaan nambarka, marka dhaliisha ururada kale laguma dhaliilo karo dowladda laftigeedu kaalin ayeey ku leedahay.

Su’aal: Dalkan, ururo & hay’ado Soomaalidu leedahay ayaa ka jira, dallada FSAN ka sokow in ay tahay dallad ay ku middeysan yihiin ururada ugu badan, haddana waa dallada keliya ee dowladda dalkan ay kala soo xiriirto arrimaha Soomaalida quseeya, sidoo kale waxaa jira Hirda oo safka hore kaga jirta ururada “active” ka ah, dhinacyadaasi ma leeyihiin wada-shaqayn ay isaga kaashanayaan arrimaha xasaasiga ah.?

Cali Yaxye, Ururada dalkan ka jira mas’uuliyad wayn ayaa saaran, runtii inta ii muuqata way dadaalaan,  ummaddoodu iyaga ayeey fiirsanayaan, oo wacyigelin iyo xuquuq ku leeyihiin, dhaliisha ugu weyn ee aan u hayo waxay tahay wada-shaqaynta ayaan ku xunahay, aniga marka laga soo tago hay’adda Yaxye waxaan aasaasay xafiis shaqo oo magaciisa la yiraa maanta, wuxuu dadka ka caawinayaa shaqadda iyo waxbarashada, waxaan samaynay mashruuc wacyigelin dhanka shaqada ah,  waxaa jiray mashruuc  xaga caafimaadka ah oo ay na siisay Gemeentiga,  kuna saabsan caafimaadka gaar ahaan dadka qaba xanuunka maskaxda ama isku buuqa, dad Soomaali ah ayaa siineynay tababar 24 usbuuc soconaya, dadka aan siinay oo ahaa 41 Soomaali ah waxay ka kala yimaadeen  2 xaafadood oo kala duwan, wacyigelin guud ayaan siinay runtii howshaasi waxay noqotay mira-dhal, hasse ahaatee annaga Soomaalida waxaa innagu badan kuwa badan oo xanuunkaasi qaba haddana aan is ogeyn ama qarsanaya. Ururka Maanta isaga oo dhinaciisa isku dayaya in wixii khibrad ah ee uu leeyahay uu Soomaalida la wadaago wuxuu gacan wada-shaqayn ah ka dalbaday Cali Waare & Faadumo oo madax ka ah FSAN & Hirda, dhowr jeer na waan kala hadlay Cali Waare & Faadumo Faarax inaan mar is raadsano kana wadahadalno wixii suurtagal ah, arrintaas culeys weyn baa naga saaran, wax hal urur lagu eedi karo-na ma ahan. 

Su’aal: Ma jiraa wada-shaqeyn ay leeyihiin ururada Soomaalida, tusaale ahaa: qofka Soomaaliga ah ee Magaaladan Rotterdam dagan ee in la caawiya doonaya, halkuu abaarayaa.?

Cali Yaxye: Ururada  waaweyn ee dalkan ka jira FSAN ayaa kaalinta 1-aad ku jirta,  ururada kale ee caalamiga ah  ama waddanka gudihiisa ka howlgala waxaa ka mid ah Hirda, dadka Soomaalida baahida 1-aad ee ay qabaan waxay tahay  ururada shaqeeya in ay magaalooyinka ay ka dhisan yihiin in ay Soomaalida u abuuraan jawi suurtagal ka dhigi karaa in ay wax qabsadaan, ama ka faa’ideystaan fursadaha laga heli karo Magaalooyinkaas, dadku isku xawaare ma noqon karaan waxaa jira dad Soomaali ah oo u baahan talo & hagid, haddii ay helaana wax qabsan kari lahaa, waxaa jira tuulooyin ama magaalooyin aysan jirin bulshada ku dhaqan cid caawisa oo ururo ama hay’ado aysan ka jiran, haddana waxaa u soo baxa qof dadkaasi ka mid ah oo laga soo hirto, waxaa ALLE mahadiis ah haddii aan Soomaali nahay waxaan nahay dad is caawiya. waxaa caawiya dad  ururo ahay ee bulshada 

Su’aal: Maxaad adigu FSAN kaga mid noqon wayday, oo aad bannaanka uga joogtaa.? 

Cali Yaxye: Waqtigii Fariimoos uu guddoomiyaha ka ahaa FSAN dhowr jeer ayuu ila soo xiriiray oo igu yiri na soo farageli, sidaas si la mid ah  Xuseen Khadiib oo isna Guddoomiye noqday wuxuu iga dalbaday inaan ku soo biiro,  isla sidii waxaa iigu soo celiyey Cali Waare, aniga saddexdooda waxaa ka balanqaaday igana dhab ah in wixii aan ku kordhin karo aan ku kordhiyo oo aan marna ba khibradeyda hagran  ha ahaato talo ama tusaale intaba,   anigu waxaan leeyahay hami ah in intii aan tahli karo aan dadkayga wax u qabto,   dalkan aan joogo maalin walba 30 ilaa 50 qofood ayaa isoo waca, mid banaankaa la soo dhigay, hooyo tarjubaan u baahan, qof  social-ka ay cayrta ka joojiyeen, qof isbitaal joogaa oo i leh dhaqaatiirtii ayaan rabaa inaad igaga tarjuntid, marka waxaan is iri mar walba oo aad wax sameysid, bulshada shaqo fiican ayaa u haysataa, anigu qiimaheygu wuxuu ku xiran yahay sida aan ahay, sababta aan mas’uuliyad kale  u qaadi waayey waxay tahay waxqabad inta  aan hayo ayaa igugu filan. 

Su’aal: Haddii ururada ama hay’adda Soomaalida aad talo siin lahayd, maxay taladaasi noqon lahayd.? 

Cali Yaxye: Ururada waaweyn waxaan kula talin lahaa, ururka inuu marka hore dadka uu metelaayo waxa uu ugu maqan yahay inuu ka dhaadhiciyo. Dadka Soomaalida ah ee aan metelayno waa inaan xiriir fiican la leenahay, wixii aan ugu maqanahayna ay ogyihiin, mar walbana in ay waajib innagu tahay inaan la fadhiisano oo aan ogaano waxa aan isla wada qaban karno & wixii naga suurtageli kara, taas ayaa muhiim ah. Aniga Cali ah waa inaan kala gartaa wax aan milkiyad u leeyahay iyo wax ay bulshadu leedahay oo  aan shaqaale ama qaadun ka ahay. 

Su’aal: Cali Yaxye, bacdamaa aad in muddo ah aad ka mid ahayd dadka hormuudka u ah mushtamacaaga Soomaalida, maxaa lagugu xasuusanayaa marka aad howlaha ururada ka fadhiisato.?

Cali Yaxye:  Berri ama maanta haddii ay tii ALLE ii timaado xasuus waxaa iigu filan haddii ay i dhahaan “Cali Yaxye nin miskiin ah oo gacanta u taagay ayuu soo istaajiyey ma jirto wax intaas igaga qiima badan” ma doonayo in cilmi ama wax kale la igu soo xasuusto, waxaa igu filan inaan ahaa bini’aadam wanaagsan [good human being].


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60