24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Muddo xileedkii sharciga ee BF Somalia oo maanta ku eg

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta taariikhdu waa 27-ka Decemer, waxaana soo dhamaaday muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad ee Federaalka Soomaaliya, waana afar sano ka hor maalintii la dhaariyay labada aqal oo wadajir.

27-kii December 2016 ayaa si wadajir ah loo dhaariyay xildhibaanada golaha shacabka iyo kuwa aqalka sare, waxeyna aheyd markii ugu horreysay uu dalka yeeshay laba aqal.

Dalka wuxuu galayaa xaalad cusub maadaama aan wali la isku raacin hanaanka doorasho ee dalka uu galaayo, mana cada xilli la heli doono Baarlamaankii 11-aad ee badali lahaa midka wakhtigiisa dhamaaday.

Iyadoo ay taasi jirto hadana gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa kalfadhigii ugu dambeeyay sheegay in xildhibaanada ay xilka sii heyn doonaan ilaa maalinta la dhaarinaayo midka badalaya ee 11-aad.

Wuxuu intaas ku daray si aysan firaaqo dastuuri ah u dhicin iney kursiga kusii fadhin doonaan waana sida ku qoran dastuuraka.

Muddo xileedka oo ka dhamaado Baarlamaanka labada aqal wuxuu kusoo beegmayaa xilli khilaaf siyaasadeed oo xoogan uu hareeyay doorashooyinka, sidoo kalana wali ma aysan ansixin golaha shacabka miisaaniyadda 2021 oo ay dowladda soo gudbisay.

Dhanka kale Baarlamaanka maanta wakhtigiisa dhamaanayo wuxuu ku fashilmay saddex qodob oo muhiim ah: (Dhameystirka dastuurka si afti dadweyne loogu qaado, la xisaabtanka xukuumadda iyo doorasho qof iyo cod ah).

Al-Shabaab ‘oo laga dilay’ SARAAKIIL muhiim ah iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo tiradooda lagu sheegay afar qof ayaa toogasho lagu dilay, kuwaasi oo ku dhuumaleysanayey Kaymaha Boni ee Gobolka Lamu, sida ay shaaciyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka difaaca Kenya (KDF) oo ay soo xigatay warbaahinta Kenya.

Ciidamada difaaca Kenya ayaa subaxnimadii maanta waxay weerar ku qaadeen goob ay ku dhuumaaleysanayeen dagaal-yahanada Al-Shabaab, kadib markii ay kor u kacday cabsida laga qabo in Al-Shabaab ay weeraro ka fuliso ismaamulkaas xiliga ciida Kirishtaanka.

Howl-galka weerarkan ayaa sidoo kale waxay ciidamadu kusoo qabteen shaqsi kale oo lala xiriirinayo kooxda, waxayna gacanta ku dhigeen qalab isgaarsiineed oo ay isticmaalayeen ragga ay toogteen askartu iyo xamuul faro badan.

KDF ayaa howl-galadan uga jawaab celinaysa weerar ay dhawaan dagaal-yahaanada shabaab ay afduubteen Kaaliyaha madaxa qeybta deegaanka Gumarey ee ismaamulka Wajeer, kadibna ay dileen, iyaga oo madaxiisa dhigay waddo dhinaceeda.

Ma jiro war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo la xiriira arrinta, marka laga imaado sheegashada ciidamada dowladda Kenya ee ay soo warisay warbaahinta dalkaas.

Muddooyinkii dambe ayaa waxa amni darro xoogan ka jirtay deegaanada Waqooyi-barri Kenya iyo Waqooyiga Lamu oo xuduud la leh Soomaaliya, halkaasi oo weeraro iyo dilal ka fuliyaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Muxuu ku saabsan yahay kulanka maanta ee beesha caalamka iyo DF Somalia?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho iyadoo ajandaha kulankaan uu yahay ka wadahadalka lacagta ku baxeysa doorashada soo socota.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa xaqiijiyay in kulanka uu ku saabsan yahay in looga hadlo lacagaha ku baxaya doorashada, waxaana si hordhac ah loo sheegay iney tahay 40 Malyan oo Doolar.

Dowladda Soomaaliya waxey sheegtay iney kaliya bixin karto kaliya lacag dhan 4 Malyan oo Doolar halka dhameystirkeeda ay la kaashaneyso beesha caalamka.

Dowladda Soomaaliya waxey diyaarisay qorshe siyaasadeed ku wajahan raadinta lacagta ku baxeysa doorashada, waxeyna kulanka maanta dooneysaa iney kala hadasho Beesha Caalamka sidii ay uga heli lahaayeen ballan qaad ku saabsan bixinta lacagaha taageerada ah ee la rabo in lagu maareeyo arrimaha doorashooyinka.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle wuxuu si cad u qeexay lacagaha ku baxaya doorashada sida loo maareynaayo, wuxuuna qiray in lagu bixin doono tababar la siinayo ergooyinka, cunnooyinka hawlwadeenada, safaradda guddiyada doorashada heer maamul goboleed iyo heer federaal, goobaha ay dagayaan xubnaha guddiga iyo Xafiisyada.

Horaantii bishaan ayey Beesha Caalamka soo bandhigtay qorshaha taageerada Soomaaliya kadib markii ay ka hadleen Shirka Madasha Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka.

Kheyre iyo siyaasiyiin kale oo miisaan siyaasadeed leh oo ku wajahan Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe Xarunta maamulka Goboleedka Puntland waxaa ku sugan wufuud kala duwan oo intooda badan shalay gaartay, halka maanta la filayo in ay gaaraan mas’uuliyiin kale oo lagu martiqaaday ka qaybgalka kulankaas.

Guddoomiyaasha Golaha Shacabka & Aqalka Sare, Xildhibaanno, Senataro, Musharixiin iyo shaqsiyaad kale ayaa shalay gaaray, xalay kulamo gaar gaar ah ayay la qaataan Madaxda DG Puntland & kuwo kale oo dhexdooda ay yeesheen.

Maanta waxaa lagu wadaa in Magaaladaas ay tagaan Wufuud kala duwan sida Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo wakiil ka ah Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafuudaas ayaa saakay ka socota garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Ujeedka socdaalka wafuudaas ayaa salka ku haya ka qeyb galka shir looga arrinsanayo xaaladda guud ee dalka, sida doorashooyinka, dhamaystirka dastuurka kumeel gaarka ah iyo arrimo kale.

Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Kismaayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe oo ay ku sii qulqulayaan inta badan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Maamulkiisu ku faraxsan yahay martigelinta shirkaan oo muhiim u ah xaaladda dalka & khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Doorashada dalka.

Deni oo shaaciyey ujeedo qarsoon oo laga leeyahay banaan-baxiii Garoowe

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si caro leh uga hadlay banaanbaxiii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay magaalada Garoowe,  isaga oo sheegay inay ka dambeeyaan dad sano siyaasadeed leh.

Deni waxaa uu sheegay in cabashada bulshada iyo banaanbaxa rabshadaha  watay ee  Garoowe ka dhacay in uusan ahayn mid la xiriira diidmada lacagta iyo sarifka balse uu ahaa mid Puntland lagu sumcad dilayo.

Saciid Deni ayaa arrintaan ku eedeeyey inay ka dambeeyaan dad ka faa’idaysanaya dareenka bulshada isla markaana dano siyaasadeed iyo arrimo kale ka leh.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu garanayo shakhsiyaadka ka dambeeyo rabshadahaan isla markaasna ay dhawaan is bari doonaan iyaga iyo Shacabka.

Wuxuu si cad u sheegay in rabashadahaan lagu soo aadayey shirweynaha ka dhacayo Magaalada Garoowe oo ay ka qeyb galayaan  Madax Soomaaliyeed, Siyaasiyiin, Musharaxiin madaxwayne iyadoo ay xusid mudan tahay in shirkaan laga soo wareejiyey dalka Jabuuti oo markii hore lagu qaban jiray.

Madaxwaynaha Puntland oo wajigiisa laga dheehan karay carro xoogan ayaa inta badan hadalkiisa wuxuu ahaa hanjabaad la xiriirta in uu tallaabo ka qaadayo dadkii ka dambeeyey oo uusan marna bulshada u sheegin cidda ay yihiin iyo wax cadaynaya danaha  Siyaasadeed ee ay ka leeyihiin arrintaan.

Hadalka Saciid Deni ayaa kusoo aadayo xilli Shalay ay banaanbaxyo rabshado wato ka dhaceyn qeybo kamid ah deegaanada maamulka Puntland, waxayna dadkii banaanbaxayey sheegay inay ka xun yihiin amaro kasoo baxay maamulkaas.

Xog: Maxaa ka dhaqan galay jadwalkii doorshada ee billaabanayey 26-ka bishan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay oo ay taariikhdu aheyd 26-ka December dowladda federaalka Soomaaliya waxay u asteysay inay bilaabato diiwaan-gelinta murashaxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliya, sida ku cad jadwalkii dhawaan ka soo baxay guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka.

Guddiga ayaa 23-kii bishan soo saaray jadwalka doorashada soo socota ee 2020-2021-ka, gaar ahaan kan Aqalka Sare iyo golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana jadwalkaas ku xusan in 26-ka ilaa 29-ka December ay is diiwan geliyaan xubnaha u tartamaya golaha Aqalka Sare.

Xubno ka tirsan guddiga doorashada ee heer federaal ayaa sheegay inay madaxda maamul goboleedyada u direen warqadaha diiwaan-gelinta, hab raacyada doorashada iyo hannaanka lacagaha lagu bixinayo.

Sidaas oo tahayna illaa hadda ma muuqato cid iska diiwaan gelisay caasimadaha dawlad goboleedyada dalka oo ah halka ay ka dhici doonaan doorashooyinka xubnaha golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Xubnaha guddiga ee soo saaray jadwalkan shalay dhaqan geli waayey metelaad kuma lahan dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo weli diidan hannaanka ay doorashada u maamuleyso dowladda federaalka.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo wafuud ay hoggaaminayaan ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, sidoo kale xubno ka socda midowga musharaxiinta mucaaradka ah ayaa gaaray halkaas, waxaana ka bilaabanaya wadahadal ku aadan arrimaha doorashada dalka.

Erdogan: Waa jeclaan lahaa xiriirka Yahuudda balse hal sabab ayaan u sameyn karin

0

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa jeclaan lahaa inuu wanaajiyo xiriirka ay la leeyahiin Yahuudda iyadoo ay jirto hadal heyn ku gadaaman xiriirka ay dowladaha Islaamka la yeelanayaan Maamulka Israel.

Erdogan wuxuu doonayaa in wadahadallada dhanka sirdoonka ee Israel ay sii socdaan, balse wuxuu kasoo horjeestay siyaasadda Yahuudda ee ku aadan Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Turkiga ayaa saxaafadda la hadlay markii laga soo baxay Salaadda Jimcaha, wuxuuna sheegay ineysan marnaba aqbali karin falalka ay Israel ka wado dhulka reer Falastiin.

“Siyaasadda Falastiin waa khadkeena cas, suuragal maahan inaan aqbalno falalka naxariis daradda ah oo ay Israel ka wado dhulka Falastiin,” ayuu yiri Erdogan.

Iyadoo ay taasi jirto hadana madaxweynaha wuxuu doonayaa inuu wanaajiyo xiriirka dhanka sirdoonka ee kala dhaxeeyay maamulka Israel.

Turkiga wuxuu noqday wadankii ugu horreeyay ee aqoonsaday Israel marka laga hadlo wadamada Muslimka ah, sanadkii 1949-kii ayeyna aqoonsadeen, wixii markaas ka dmabeeyay waxey ku wada noolaayeen xiriri wanaagsan oo dhan walba ah.

Si kastaba Turkiga wuxuu jaray xiriirka Yahuudda sanadkii 2010 kadib markii ciidamada Israel ay dileen 10 qofood oo isku dayay iney gar-gaar gaarsiiyaan Falastiiniyiinta iyadoo ay jirtay xayiraad ay maamulka Yahuudda dhan walba ka saareen dadka reer Falastiin.

Xiriirka labada dal ayaa lasoo celiyay sanadkii 2016, balse mar kale ayuu xumaaday sanadkii 2018, iyadoo Turkiga uu si joogto ah u cambaareeyo falalka ay dowladda Israel ka sameyso daanta galbeed.

Musharaxiinta: “Waxaa bilowday fulinta hanjabaadii afar sano la jeedinayey”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay ka soo saaray kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxay si adag ugu cambaareeyeen tallaabadii shalay lagu rasaaseeyey dad shacab ah oo dhigayey banaanbax ka dhan ah madaxweyne Farmaajo.

“Golaha midowga musharaxiinta waxuu si kulul u cambaareynayaa falkii foosha xumaa ee shalay ciidamo ka tirsan booliska iyo Nabad sugidda ay ku xabadeeyeen dhalinyaro si nabad ah u dhigayey mudaharaad ay ra’yigooda ku cabirayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay golaha.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray, “Waxay shacabka Soomaaliyeed daawadeen dhalinayaro si nabad ah u mudaharaadaya iyo askari dharcad ah oo xabado ku ridaya gabdho ka mid ahaa dibadbaxayaasha, iyadoo kadib hablihii si khasab ah xabsiga loogu taxaabay.”

Qoraalkan waxaa lagu sheegay in askarta dowladdu ay u muuqdaan kuwo fulinaya hadalladii ka soo yeeray madaxweyne farmaajo iyo madaxda kale, sida guddoomiyaha gobolka Banaadir oo u hanjabay musharaxiinta iyo cid kasta oo ku dhaqaaqda tallaabo aysan raali ka heyn madaxda dowladda federaalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay cudur daar ka bixiyaan weerarkii lagu qaaday gabdhihii banaanbaxayey si deg deg ahna sharciga loo hor keeno kuwii falkaas geystay, shacabkana u cadeeyaan mowqifkooda ku aadan xoriyadda hadalka, kulamada dadweynaha iyo isu soo baxa shacabka,” ayaa lagu qoraalkan.

Ugu dambeyntii golaha midowga musharaxiinta ayaa ururrada bulshada rayidka, guddiyada xuquuqul insaanka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, odayaasha dhaqanka, culumada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ugu baaqay inay falkaas ka dhiidhiyaan, kana soo saaraan war cad oo lagu cambaareynayo.

Xog: Qorshe lagu weerari lahaa saraakiisha ku sugan duleedka Xamar oo baaqday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay baaqday qorshe la damacsanaa in lagu weeraro saldhigyo ciidan oo ku yaalla duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo aan ka amar qaadan dowladda federaalka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Haramcad ayaa Caasimada Online u sheegay in amarkan uu ka yimid madaxda sare ee dowladda inkasta oo ay diideen inay si gaar ah u magacaabaan.

Xubnaha la amray in la weeraro ayaa kala ah: Korneel Saneey Cabdulle, Korneel Maxamuud Maxamed Masdile, Cusmaan Xaadoole, Abuukar Boonow iyo Joorre, kuwaas oo deegaansanaya xaafado dhaca duleedka degmada Kaaraan ilaa qeybo badan oo kamid ah gobalka Shabeelada Dhexe.

Dhammaan saraakiishan ayaa kasoo jeedan beesha Abgaal waxayna haystaan boqolaal ciidan, gawaari dagaal iyo hub fara badan, waxayna kasoo horjeesteen dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa raggan u aragto qeyb weyn oo kamid ah xoogga au ku tashanayaan mucaaradka iyo in ay gabaad u yihiin shaqsiyaadka ay dowlada rabto in ay soo qabato, kuwaas oo ka soo jeeda beesha Abgaal.

Haddii weerar lagu qaado saraakiishan waxaa laga cabsi qabaa in dagaalka uu ka bato inta la filayo islamarkaana uu wajiyo kale yeesho. Saakay ayaa duleedka Kaaraan waxaa u baxay 12 Cabdi Bile kuwaas oo aan ilaa hada soo noqon waxeyna dadka dagan degmadaas ay sheegeen in ay joogaan xaafado ku dhow Isbitaalka Keysaney ee Muqdisho.

Ciidanka ay wataan saraakiisha oo aad u badan darteed ayaa la rumeysan yahay inay adkaan doonto in dowladda ay wax la taaban karo halkaas kala soo laabato.

Xog: Al-Shabaab oo joojiyay dhismaha garoon uu kasoo dagi lahaa Cali Guudlaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in xarkada Al-Shabaab ay joojiyeen dayactirka garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada.

Garoonkaan oo la isticmaali jiray xilligii dowladii Dhexe ee Maxamed Siyaad Barre ayaa ku yaalla xaafada Howlwadaag ee magaalada Beladweyne, waxaana gudaha Beladweyne looga yaqaanaa Biitaale.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dayactirka garoonkaan uu amray madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, si uu uga soo dago maadaama Garoonka Ugaas Khaliif ay diideen koox Jabhad ah, oo uu hogaamiyo Jeneraal dowladda kasoo horjeeda ee lagu magacaabo Xuud.

Sidoo kale dhismaha garoonkaan ayaa waxaa xoog geliyay guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle oo ay beeshiisa dagto xaafadaas iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo ku beele ah guddoomiyaha.

Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa u hanjabay shaqaalaha iyo shirkadii dhismaha waday, waxeyna arrintaas ay sababtay in shaqadii socotay ay istaagto.

Al-Shabaab waxey hore u joojiyeen dhismaha Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyada HirShabeelle oo laga bilaabay Jowhar.

Guudlaawe ayaa doonaya in lagu caleemo saaro magaalada Beeldweyne, taasi oo beesha Xawaadle ay diidan tahay, mana cadda illaa iyo hadda sababta uu magaaladan ugu dheggan yahay.

James Swan oo war kasoo saaray caqabadaha haysta doorashooyinka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waraysi uu bixiyay kaga hadlay caqabadaha ka taagan doorashooyinka ee Soomaaliya iyo xaaladihii sanadkan dhamaaday 2020 la soo maray, isaga oo ku baaqay in heshiis laga gaaro doorashoyinka dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sharaxaad looga bixiyay waxyaabaha uu James Swan kaga hadlay wareysigii uu bixiyay oo intiisa badan looga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Qaramada Midoobay.

“Soomaaliya waxa ay la kulantay 2020 caqabado badan, oo ay ka mid yihiin dhinacyada siyaasadda, amniga iyo bani’aadamnimada, iyo sidoo kale Musiibada COVID-19. Isla markaana, waxaa jiray astaamo horumar leh sida deyn cafinta iyo heshiiskii hoggaamiyeyaashu ay ka gaareen hannaanka doorashada ee sannadka 2020-2021. Waa muhiim in dareenka isu tanaasulka, iyo sidoo kale is afgarad iyo wadahadalladu, ay sii socdaan si loo ilaaliyo loona horumariyo guulaha la gaaray,” ayuu yiri Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“2021 wuxuu noqon doonaa mid muhiim u ah horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri. “Ammaanka, waxa uu ahaan doona mid ku wareega dowladda Soomaaliya oo iyada ayaa mas’uul ka noqon doonta; dhaqaalaha, waxa ay sii wadi doontaa dib u habeynta si ay u xaqiijiso faa’iidada buuxda ee ay ku guuleysatay ee  geeddi-socodka deyn-cafinta, xaaladda bani’aadamnimada, weli waxaa jira 5.2 milyan oo qof, oo ah qiyaastii saddex meelood meel dadka dalka ku nool, oo u baahan taageero. Iyo, dabcan, hanaanka doorashada ee doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha. Waxaan rajeynayaa inaan arko wadashaqeyn dheeri ah iyo is afgarad ka dhex dhaca madaxda Soomaalida ee arimahan muhiimka u ah Soomaaliya, iyo sidoo kale tallaabooyin adag oo la xiriira dimuqraadiyeynta dalka, oo ay ku jiraan xoojinta hay’adaha iyo aasaaska doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod ah’ sanadka 2024 -25.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wakiilku.

Wareysigan Mudane Swan waxaa lagu daabaacay majaladda Waaxda Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta.

Daawo: Sheekh Shariif oo jawaab kulul ka bixiyey ninkii bastooladda ku weeraray shacabkii dibad-baxayey

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa jawaabn kulul ka bixiyey dhacdadii nin ku hubeysan bastoolad uu shalay ku rasaaseeyey shacab gabdho u badnaa oo Muqdisho ka dhigayey banaanbax ka dhan ah madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sidoo kale cambaareeyey tallaabadii lagu xiray gabdhaha waday banaan-baxa, oo uu ku tilmaamay  inay tahay mid kasoo horjeeda dowladnimada, maadaama gabdhaha dushooda lagu riday rasaasta ay ahaayeen kuwo cabirayay fikirkooda oo aan wadan hub, islamarkaana falkaas loo qaadanayo in dowladda ay kasoo horjeedo in shacabka ay muujiyaan ra’yigooda.

Sheekh Shariif oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho  ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in meel fagaare ah maxkamad lagu saaro ninkii bistooladda u adeegsaday gabdho dibadbax dhigayay.

“Askarigii muuqaalka laga duubay ee la xaqiijiyay inuu ku kacay fal dambiyeedka, isagoo bistoolad ku haya gabdhaha, waa in sharciga la horkeeno,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Meel fagaare ah hala keeno, dadka u xiran dowladda ama ay ku daba joogto ee guryahooda ka raadineyso ha iska deyso.”

“Waxaan cod dheer ku sheegayaa inaan kasoo horjeedno caburinta dadka, dowladda yeysan u qaadan in laga cabsaday hadii laga aamusay, sharci ayaa lagu wada joogaa ee laguma wada joogo cabsi.”

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in haddii dowladda ay sii wado caburinta ay dadka heysto ay ka imaan karaan wax aan la fileyn, wuxuun sheegay inay dhiira-gelinayaa dadka banaanbaxyada doonaya inay ka dhigaan Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa ciidanka amniga dowladda federaalka iyo kuwa NISA uga digay in loo adeegsado in shacabka lagu dhigaateeyo, isagoo sheegay in arrintaas Ciidamada looga baahan yahay inay ka waan-toowaan.

Guddoomiyaha Aqalka sare iyo siyaasiyiin kale oo gaaray Garowe iyo ujeedka safarka

0

Garowe (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe, iyadoo ay la socdeen siyaasiyiin uu ku jiro musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Gelle.

Xubnahaan waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin sar-sare oo ka mid ah maamulka.

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo siyaasiyiinta kale ee tagaya magaalada Garowe waxey ka qeyb gali doonaan shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Heritage oo 28-ka bishaan ka dhici doona magaalada Garowe.

Shirkaan waxaa looga hadlayaa xasilinta dalka amni ahaan, dhameystirka dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya, waxaana ka qeyb galaya sidoo kale qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, musharaxiinta mucaaradka iyo xubno kale.

Ammaanka magaalada Garowe aad ayaa loo adkeeyay, waxaana la filayaa inuu qabsoomo shirka ay ka qeyb galayaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, saamileyda siyaasadda Soomaalida iyo xubno kale.

Daawo: Dibad-bax xooggan oo ka dhacay Garoowe iyo sawirka DENI oo la fujiyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka Puntland ayaa maanta dibad-bax rabshado watay ka dhigay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee Garoowe ayaa ka cabanayey sicir bararka baahsan ee weli ka jira deegaanada maamulka Puntland.

Sidoo kale dadka dhigayey dibad-baxa ayaa dhulka soo dhigay, islamarkaana fujiyey sawirka madaxweynaha Puntland ee ku dheganaa bartamaha magaladaasi.

Mudaharaadkan ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo gaadiidka, iyada oo dibad-baxayaashu ay taayaro ku gubayeen jidadka muhiimka ah.

Qaar ka mid ah dadweynaha oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay xukuumadda Garoowe inay wax ka qabato sare u kaca dhanka sarifka oo shacabku ay sheegayaan in shilinka Soomaaliga uu aad u faro batay, taas oo keentay inuu laba jibaar ku dhowaado.

Saameynta ugu daran ee sicir bararka ka jira Puntland ayaa waxa uu ku yeeshay dadka dan-yarta ah, kuwaas oo noloshooda maalin laha ah uu kusoo galo shilinka Soomaaliga.

Si kastaba dibad-baxyada sii laba kac-leynaya ee Puntland ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu dhaqan-geli waayey amarkii madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ee ahaa in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii diida qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga ah.

Halkan hoos ka daawo muqaalka.

Aqriso: Jadwalka cusub ee doorashada lagu mursan yahay bilow illaa dhammaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ee lagu muransan-yahay ayaa 23-kii bishan soo saaray jadwalka doorashada soo socota ee 2020/21, gaar ahaan kuwa aqalka sare iyo golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa shaaciyey in diiwaan-gelinta musharaxiinta doorashada aqalka sare ay bilaabaneyso 26-ka bishan December, iyaga oo fursad lix cisho ah siiyey sidii ay madaxda maamulada dalka kusoo saari lahaayeen liiska musharaxiinta, taasi oo ku eeg isla 29-ka bishan.

Qoraalka ay soo saareen guddiga ayaa lagu sheegay in lasoo hormarinayo doorashada xildhibaanada golaha aqalka sare oo ay qabanayaan baarlamaanka dowlad goboleedyada dalka, sida ku cad habraaca doorashada iyo heshiiska golaha wada-tashiga qaran.

Sidoo kale waxay sheegen guddigu in 30-ka bishan December ilaa 6-da Janaayo ee sanadka cusub ee 2021 ay kusoo dhameystiri doonaan doorashada kuraasta golaha aqalka sare

“Guddiga isagoo tix raacaya qoddobada heshiiska 17-kii September 2020, wajibaadkiisa shaqo ee uu Golaha wada-tashiga qaran siiyeyna gudanaya si ay dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, wuxuu maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka December shaacinayaa taariikhda rasmiga ah ee doorashooyinka aqalka sare iyo golaha shacabka ay dhacayaan” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen guddiga.

Arrintan ayaa imanayesa xili uu meel sarre marayo khilaafka ka dhashay doorashada ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka oo iyagu gebi ahaanba qaadacay guddiga maanta ku dhawaaqay jadwalka doorashadal, waxyna uga sii dareysa xiisada ka dhalatay doorashada.

Haddaba hoos ka aqriso jadwalka doorashada billow illaa dhammaad

BEYLE oo beeniyey arrin uu Kheyre ka faafiyey dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u warramayey warbaahinta dowladda ayaa beeniyey hadal kasoo yeeray Kheyre, kana warbixiyey sida ay dhaqaale ahaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu diyaar garowday qabashada doorashooyinka soo socda ee dalka.

Beyle ayaa shaaciyey in lacagta ku bixeysa doorashada lagu qiyaasay illaa 40-milyan oo Dollar, islamarkaana ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo beesha caalamka.

Wasiirka ayaa xusay in 10% oo u dhiganta 4 milyan oo Dollar ay bixinbeyso dowladda Soomaaliya, taas oo lagu caddeeyey miisaaniyadda 2021-ka.

“Lacagtaas ayaa loo qoondeeyey in lagu fuliyo hawlaha baaxadda leh ee doorashada, sida safarada gudiyada doorashada heer Federaal iyo heer dawlad goboleed, goobaha ay dagayaan, xafiisyada shaqada, tababarrada Ergada iyo gunooyinka hawl-wadeenada,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lacagahaasi aan loo adeegsan doonin si qaldan, islamarkaana kaliya lagu bixin doono qabashada doorashada.

“Ma jiri doonto lacag aan intaas ahayn in loo istcimaalo doorashada, mana dhici karto, wasiirku xitaa qasnadda dawladda lacag kama saari karo hanaanka maaliyadeed baa diidaya” ayuu sii raaciyey wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Ugu dambeyn wuxuu ka jaawabay eedeyntii ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ee aheyd in dowladda Soomaaliya laga jaray dhaqaalaha qaar ee ay ka heli jirtay saaxibada caalamka.

Wuxuu Beyle arrintaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan, isaga oo sidoo kale tilmaamay in aanu jirin dawlad ama hay’ad caalami ah oo Soomaaliya ka joojisay lacag ay siin jirtay sabab la xiriirta doorashooyinka ka dhacaya gudaha dalka.

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay maanta Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Allaha u naxariistee waxaa maanta gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu dilay marxuum Cabdi Siyaad Geeddi oo ka mid ahaa nabadoonada caanka ah ee Soomaaliyeed.

Nabadoonka ayaa xilliga la dilayey ku sugnaa suuqa Ariga ee degmada Dayniile, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Marxuum Cabdi Siyaad Geeddi ayaa ka mid ahaa ergadii soo xushay Baarlamaanka 10-aad ee haatan waqtigiisu sii dhammaanayo.

Wararka ayaa sheegaya in Nabadoonka ay toogasho ku dileen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo falka kadib goobta isaga baxsaday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, balse ma jirto illaa iyo hadda wax faah faahin oo laga bixiyey dilkaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa had iyo jeer beegsata odaayaasha dhaqanka ee wax kasoo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo horey loo dilay ergay aad u badan oo ka ka qeyb-galay soo xulida xildhibaanada labada aqal ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Xog: Maxaa xalay ka dhacay saldhigga degmada Waabari, maxaase ka jira in Jeneral Indhacadde uu weeraray?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xalay waxaa baraha bulshada qabsaday warar la xiriira in Janaraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo wata ciidan badan uu weeraray Saldhigga Booliska ee degmada Waabari.

Hase yeeshee, Caasimada Online oo la xariirtay Janaraal Indhacade iyo saraakiil ka tirsan degmada Waabari ayaa dhamaantood waxa u xaqiijiyeen in aysan jirin wax weerar ah oo degmadaas iyo meel kalaba ka dhacay.

Janaraal Indhacade ayaa Caasimada Online u sheegay inuu arrimo ugaar ah u tagay saldhigga, islamarkaana aysan jirin wax isku dhac, dood iyo muran ah oo dhaxmaray isaga iyo saraakiishii saldhigga ku sugneyd.

“Howl ii gaar ah ayaa u tagay saldhigga iyo CID mana jirto wax dhib ah oo dhacay waana been wararka layga qoray,” ayuu yiri Janaraal Indhacade.

Sidoo kale, saraakiil ka tirsan saldhigga degmada ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan jirin wax dhib ah oo dhacay, islamarkaana si caadi ah loogu adeegay Janaraalka markii uu halkaas tegay.

Dhinaca kale, warar madaxbanaan oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in Janaraal Indhacade uu saldhigga u tegay inuu damiin ku soo daayo dhowr qof oo dumar ah, kuwaas oo shalay lagu xiray saldhigga Waabari kadib markii ay ka qeyb-qaateen banaanbax ka dhacay Muqdisho.

Janaraalka ayaa saldhigga ka soo damiintay Haweenkaan oo u badan xigtadiisa, kuwaas oo Muqdisho ka dhigay dibadbax looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xiray ciidanka amniga Soomaaliya.

Isku soo duub, xaqiiqda arrintan ayaa ah in Indhacade uu saldhiga si nabdoon ku tegay, si nabdoonna uu damiin uga ahaa una soo daayey dadka la xiray, mana jiraan wararka sheegaya inuu weeraray ama qabsaday.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin wararkii lagu baahiyay baraha bulshada ku kulmaan ee Facebook iyo dibadbaxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Cabdi Ganey oo xalay lagu dilay Muqdisho + sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay xalay kooxo hubeysan ka geysteen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dilka oo ay fuliyeen rag la sheegay inay ahaayeen burcad ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir, iyadoona loo geystay wiil dhalinyaro ahaa.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Ganey, kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay doonayeen inay marxuumka ka dhacaan mobile-ka gacanta, balse uu ka biyo diiday, taas oo keentay in rasaas ay u adeegsadaan, isaga oona isla goobta ku dhintay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dableydii ka dambeysay toogashadaasi ay goobta isaga baxsatay, waxaana goor dambe goobta gaaray ciidamada ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen dilkaasi iyo howl-gallada xigay ee ay sameeyeen ciidamada Booliiska.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mudddooyinkii dambe ku soo badanayey falalkala xiriira dhaca, iyada oo isa soo tareysay cabashada ka soo yeereysa dadweynaha.

Xiisada dagaal ee xuduudda Soomaaliya iyo Kenya oo abuurtay walaac hor leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ciidamo faro badan u dirtay magaalada xadka ku taala ee Beled-Xaawo, iyada oo ciidamo ka socda Jubbaland oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Kenya ay ku sugan yihiin magaalada u dhow Kenya ee Mandhera.

Xiisada diblumaasiyadeed ee ka dhex aloosan Kenya iyo Soomaaliya ayaa walaac laga muujinayaa inay gacan ka hadal isku badasho, kadib markii ay dowladda federaalka ku eedeysay Kenya inay xadka ka abaabuleyso jabhad hubeysan.

Senator Maxamed Macalin Maxamuud oo metala Ismaamulka Mandhera ayaa waxa uu sheegay in dadkiisu aysan marnaba u dulqaadan karin xiisada xun ee ka dhalatay xiriirka go’ay ee Kenya iyo Soomaaliya.

“Ma daneyneyno sida Xaaladdu ay u muuqato, dagaal dhex-mara labada dhinac waa mid dhibaato ku ah dadkeena, waxaa halis galaya noloshooda, Waxa aan ognahay Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya oo u muuqda mid aan wanaagsaneen labadii maalmood ee lasoo dhaafay” ayuu yiri.

Senatarka ayaa sheegay in wel-welka ugu weyn ee heysta dadka uu ku metalo kursiga uu yahay abaabulka socda iyo xiisada labada dal oo kasii dartay, taasi oo ku tilmaamay “mas’uuliyadd daro la sameynayo”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Boqolaal kamid ah dagaal-yahanada xulufada la ah wasiirka arimaha gudaha Jubbaland, Cabdirashiid Janan ay ku sugan yihiin magaalada Madhera mudo bilo ah

Waxa kale oo uu ciidamada Janan ku eedeyay inay weerar ku qaadeen deegaano xadka ah, halkaas oo ay ku dileen tobaneeyo, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in loo naxo Shacabka Ismaamulkaas oo uu sheegay inaysan u dulqaadan Karin in dushooda lagu dul dagaalamo sida uu hadalka u dhigay Senator Maxamed Macalin Maxamuud.

Xiisada labada dal ayaa mareysa meel xasaasiya, iyada oo falan-qeeyayaashu rumeysan yihiin in isku dhac kasta oo dhexmara Kenya iyo Soomaaliya laga dareemi doono meel ka baxsan xuduuda labada waddan.

“Waxaan arkeynaa in ciidamo badan kusii socdan xadka, aaga oo dhan way saameyn doonta Kenya keliya maaha!, waxaan rumeysanahay inaan u baahanay in aan xal diblomaasiyadeed u helno khilaafkan oo gaaray meel sarre, maadama xadka lasoo dhoobay xoogag, taasi oo muujinaysa heerka cadaawada” ayuu yiri George Musamali oo madax ka ah Xarunta Maareynta Khatarta ee Afrika.

Arrintan ayaa imaneysa maalmo un kadib markii Shacabka iyo mas’uuliyiinta magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ay ku kaceen ciidamada Wasiir Janan, kuwaasi oo horey dowladda Soomaaliya ay ugu sheegtay “jabhad ay dhistay” Kenya.

Dowladda Kenya ayaa hore loogu gudbiyay dalab ku aadan in deegaanka laga saaro ciidamada Janan, hase yeeshe majirto jawaab ay ilaa hadda ka bixisay cabashada shacabka iyo mas’uuliyiinta Mandhera.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60