26.2 C
Mogadishu
Friday, July 24, 2026

Xaaladda Beledweyne oo kacsan iyo howlgal ka dhan ah Jeneral Xuud oo bilowday

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah ay ka jirto gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi oo dhacay bartamaha dalka Soomaaliya.

Dadka magaalada ayaa saaka ku soo waabariistay ciidamo fara badan oo lagu soo daadiyey waddooyinka iyo xaafadaha qaar ee magaaladaasi..

Ciidamada oo isugu jira kuwa dowladda federaalka iyo AMISOM ayaa howl-gallo ballaaran ka bilaabay halkaasi, iyaga oo go’doomiyey magaalada oo dhan.

Sidoo kale ciidamada ayaa xabsiga dhigay in ka badan illaa 50 qof oo u badan dhalinyaro iyo dad kale oo la shaqeynayey jabhadda uu hoggaamiyo Janaraal Abuukar Xuud, sida afhayeenka jabhaddaasi oo lagu magacaabo, Cabdiraxmaan Xuubey.

Waxaa sidoo kale maanta Beledweyne ka dhacay dibad-bax ay dhigeen qaar ka mid ah dadka deegaanka, kaas oo looga soo horjeedo dowlad goboleedka HirShabelle.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen dadka dhigayey dibad-baxyada, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaaawacyo.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan shaqaaqadaasi.

Xaaladda Beledweyne ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid aad u kacsan, waxaana magaalada ka jiray xiisad u dhexeysa HirShabelle & Janaraal Xuud oo si weyn iga biyo diidan in magaaladaasi uu tego madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullahi Guudlaawe.

Gudiga doorashada ee lagu muransan yahay oo dalab culus hordhigay maamullada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Doorashada Dowladda Soomaaliya ee lagu muransan yahay ayaa shaaciyey inay foomamka Doorashada iyo habraacyada u kala direen maamul Goboleedyada.

Guddigan oo jadwal degdeg dhowaan soo saaray si loo qabto doorashada Aqalka Sare ayaa qoraal kasoo baxay xalay saqdii dhexe kadib ku sheegay inuu dowlad Goboleedyada ka codsaday inay bilaabaan diiwaan gelinta iyo qabashada araajida musharixiinta Aqalka Sare.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ee 2020/21 isagoo tixraacaya faafinta rasmiga ahayd ee dhaqan galinta doorashada isla markaasna ahmiyad wayn siinaya dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka ayuu u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare,” Sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga.

“Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday Dowlad Goboleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diwaangalinta iyo qabashada araajida musharixiinta Golaha Aqalka Sare. Guddiga wuxuu garawsan yahay baaxadda howsha hortaala iyo waajibaadka loo igmaday, wuxuu ku boorriyey mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo xor iyo xalaal ah,” ayaa lagu sii daray qoraalka Guddiga.

Maamul Goboleedyada taageersan qorshaha Doorashada ee Madaxweyne Farmaajo ayaa laga sugayaa inay ku dhiiradaan oo ay bilaabaan doorashada Aqalka Sare, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed rajo laga qabo inuu bilaabo doorashada Aqalka Sare.

Sheekh Umal oo jawaab ka bixiyey hadal naxdin leh oo kasoo yeeray mas’uul reer Puntland ah (Daawo)

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur oo maalmo ka hor ka hadlayey amniga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay ka go’een in salaadda ay ku dukadaan masaajidda, isagoo eedeyn la xariirta amniga u jeediyey culumada magaalada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in culumada masaajidda Gaalkacyo aysan khudbada uga hadlin dhacdooyinka ka jira magaalada.

“Maalintii guddoomiyihii aniga iga horeeyey la qarxiyey oo dad badan oo aniga ehelkeyga ah isku meel lagu laayey, Jimcihii ku xigay waxaan dhageystay khudbadda masaajidkii ii dhawaa, waxuuna Sheekhii uga hadlay ‘Tarabiyatu awlaad,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdiladiif Muuse.

Waxa uu sheegay in Sheekh laga rabay todobaadkaas wixii magaalada ka dhacay inuu ku qaato khudbadda.

“Culumada waxaan u sheegayaa masaajidda kaligiin ku dukan meysaan ama waan xireynaa ama Shabaab waan la wada dirireynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale guddoomayaha ayaa sheegay in culumada uu horay ula kulmay, isla markaana uu u sheegay in masaajidku uusan ‘waxaba ugu fadhin oo Adinkiisuna uu dhibo’ sida uu sheegay, isagoo tilmaamay in masaajidda ay xiri doonaan ama si nabad ah ay ugu wada dukan doonaan.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland waxaa ka jawaabay Sheekh Maxamed Cabdi Umal, waxuuna hadalkaas iyo sacabkii shacabka goobtaas fadhiyey ku tilmaamay mid laga naxo.

“Waxaan is iri ninkan ma culumo gooni ah ayuu ka hadlayaa? laakiin markaan dib u sii dhageystay hadalkiisa culumada oo dhan ayuu ka hadlayaa, marka hadalka noocaas ah oo qof muslim ah uu ku dhiiraday oo sidaas baraha bulshada loogu faafiyey oo hadana qof masuul ah uu ka soo yeeray, waa arrin runtii aad iyo aad looga naxo,” ayuu yiri Sheekh Umal.

Sheekh Umal oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in Guddoomiye Cabdiladiif hadii uu awood u leeyahay uu albaabada isugu dhifan lahaa masaajidda magaalada, sida madaxweynaha Faransiiska Macron oo kale.

Hoos ka Daawo hadalka guddoomiyaha oo kooban iyo Jawaabta Umal oo ku xigta

Xog: DF oo amar yaab leh kusoo rogtay shirkadaha daabacaadda ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in dowladda Soomaaliya ay amar dul dhigtay shirkadaha daabacaadda ee ka jira magaalada Muqdisho.

Amarkaan la dul dhigay shirkadaha ayaa tilmaamaya in aan la daabici karin boorar ay ku qoranyihiin sawirrada iyo erayo lagu diidan yahay ama lagu beegsanayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, haddii ay daabacaanna ay la kulmi doonaan ciqaab adag.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in amarkaan ay bixiyeen mas’uuliyiin kamid ah hay’adaha ammaanka, waxaana looga hortagayaa banaanbaxyada Madaxweynaha Soomaaliya looga soo horjeedo ee ka socda Muqdisho.

Qaar kamid ah dadkii Jimcihii banaanbaxa ka dhigay Muqdisho oo maanta xabsiyo laga sii daayay ayaa warbaahinta u sheegay in shirkadaha boorarka ay u diideen daabacada boorarka ka dhanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaga oo cabsanaya.

Dibad-baxyada looga soo horjeedo madaxweyne Farmaajo ayaa kusii kordhaya Muqdisho, xilli waqtigiisa uu dhammaad yahay, waxaana looga dalbanayaa inuu dalka ka qabto doorasho xalaal ah oo wadar ogol ah.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dibad-baxyada ay sare usii kici doonaan maalmaha soo socda, taasi oo dowladda ku qasabtay inay qaado tallaabo ay ku caburineyso dibad-baxayaasha, ayada oo u adeegsaneysa hab kasta.

Madaxweyne FARMAAJO oo go’aan cusub ka gaaray qabashada doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu amray in la qabto doorashada dalka, ayada oo lagu billaabyo xildhibaanada Aqalka Sare, xilli aan weli xal laga gaarin tabashooyinka ay qabaan maamullada qaar iyo mucaaradka.

Doorashada Aqalka Sare ayaa la sheegay in ay ka billaaban doonto magaalada Baydhaba, kadibna lagu cadaadin doona madaxda Galmudug iyo HirShabelle inay ku xejiyaan Dhuusamareeb iyo Jowhar, waxaana magaalooyinkaas qaarkood la geyn doonaa ciidan kale oo dheeraad ah.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in go’aanka ay laba maalmood kahor qaateen Guddiga doorashada heer federal ee lagu muransan yahay ee ay kusoo saareen jadwal doorasho uu salka ku hayo amarka madaxweynaha, oo inta badan xubnaha guddigan ay yihiin taageerayaashiisa.

Jadwalka doorasho ayaa dhigaya in xildhibaanada Aqalka Sare la doorto 30-ka bishan illaa 6-da Janaayo, waxaana xog ay heshay Caasimada Online ay sheegeysaa in maamulka Koonfur Galbeed uu billaabi doono.

Sidoo kale, waxa uu jadwalka dhigayaa in doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose lagu soo geba-gebeeyo 9-ka illaa 28-ka Febraayo. Jadwalka kuma qorna xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo ah ninka ugu daacadsan ee ku xiran Villa Somalia, ayaa lagu amray inuu qabto doorashada, si uu waddada ugu furo Qoor Qoor iyoi Cali Guudlaawe oo weli shaki iyo cabsi qabda.

Rajadii ugu dambeysay ee dowladda ay ka qabtay in sida ay wax u rabto u socdaan ayaa ku dhimatay Garoowe, kadib markii Saciid Deni uu diiday inuu soo magacaabo guddiga doorashada ee heer gobol, taasi oo keentay in Farmaajo uu qaato go’aankan.

Qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda iyo dad kale oo xog ogaal ah ayaa arrintaan ku tilmaamay Ismiidaamin siyaasadeed oo weyn, islamarkaana sababi karta halis badan oo dib u dhac ah iyo dagaal.

Muddo xileedkii sharciga ee BF Somalia oo maanta ku eg

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta taariikhdu waa 27-ka Decemer, waxaana soo dhamaaday muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad ee Federaalka Soomaaliya, waana afar sano ka hor maalintii la dhaariyay labada aqal oo wadajir.

27-kii December 2016 ayaa si wadajir ah loo dhaariyay xildhibaanada golaha shacabka iyo kuwa aqalka sare, waxeyna aheyd markii ugu horreysay uu dalka yeeshay laba aqal.

Dalka wuxuu galayaa xaalad cusub maadaama aan wali la isku raacin hanaanka doorasho ee dalka uu galaayo, mana cada xilli la heli doono Baarlamaankii 11-aad ee badali lahaa midka wakhtigiisa dhamaaday.

Iyadoo ay taasi jirto hadana gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa kalfadhigii ugu dambeeyay sheegay in xildhibaanada ay xilka sii heyn doonaan ilaa maalinta la dhaarinaayo midka badalaya ee 11-aad.

Wuxuu intaas ku daray si aysan firaaqo dastuuri ah u dhicin iney kursiga kusii fadhin doonaan waana sida ku qoran dastuuraka.

Muddo xileedka oo ka dhamaado Baarlamaanka labada aqal wuxuu kusoo beegmayaa xilli khilaaf siyaasadeed oo xoogan uu hareeyay doorashooyinka, sidoo kalana wali ma aysan ansixin golaha shacabka miisaaniyadda 2021 oo ay dowladda soo gudbisay.

Dhanka kale Baarlamaanka maanta wakhtigiisa dhamaanayo wuxuu ku fashilmay saddex qodob oo muhiim ah: (Dhameystirka dastuurka si afti dadweyne loogu qaado, la xisaabtanka xukuumadda iyo doorasho qof iyo cod ah).

Al-Shabaab ‘oo laga dilay’ SARAAKIIL muhiim ah iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo tiradooda lagu sheegay afar qof ayaa toogasho lagu dilay, kuwaasi oo ku dhuumaleysanayey Kaymaha Boni ee Gobolka Lamu, sida ay shaaciyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka difaaca Kenya (KDF) oo ay soo xigatay warbaahinta Kenya.

Ciidamada difaaca Kenya ayaa subaxnimadii maanta waxay weerar ku qaadeen goob ay ku dhuumaaleysanayeen dagaal-yahanada Al-Shabaab, kadib markii ay kor u kacday cabsida laga qabo in Al-Shabaab ay weeraro ka fuliso ismaamulkaas xiliga ciida Kirishtaanka.

Howl-galka weerarkan ayaa sidoo kale waxay ciidamadu kusoo qabteen shaqsi kale oo lala xiriirinayo kooxda, waxayna gacanta ku dhigeen qalab isgaarsiineed oo ay isticmaalayeen ragga ay toogteen askartu iyo xamuul faro badan.

KDF ayaa howl-galadan uga jawaab celinaysa weerar ay dhawaan dagaal-yahaanada shabaab ay afduubteen Kaaliyaha madaxa qeybta deegaanka Gumarey ee ismaamulka Wajeer, kadibna ay dileen, iyaga oo madaxiisa dhigay waddo dhinaceeda.

Ma jiro war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo la xiriira arrinta, marka laga imaado sheegashada ciidamada dowladda Kenya ee ay soo warisay warbaahinta dalkaas.

Muddooyinkii dambe ayaa waxa amni darro xoogan ka jirtay deegaanada Waqooyi-barri Kenya iyo Waqooyiga Lamu oo xuduud la leh Soomaaliya, halkaasi oo weeraro iyo dilal ka fuliyaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Muxuu ku saabsan yahay kulanka maanta ee beesha caalamka iyo DF Somalia?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho iyadoo ajandaha kulankaan uu yahay ka wadahadalka lacagta ku baxeysa doorashada soo socota.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa xaqiijiyay in kulanka uu ku saabsan yahay in looga hadlo lacagaha ku baxaya doorashada, waxaana si hordhac ah loo sheegay iney tahay 40 Malyan oo Doolar.

Dowladda Soomaaliya waxey sheegtay iney kaliya bixin karto kaliya lacag dhan 4 Malyan oo Doolar halka dhameystirkeeda ay la kaashaneyso beesha caalamka.

Dowladda Soomaaliya waxey diyaarisay qorshe siyaasadeed ku wajahan raadinta lacagta ku baxeysa doorashada, waxeyna kulanka maanta dooneysaa iney kala hadasho Beesha Caalamka sidii ay uga heli lahaayeen ballan qaad ku saabsan bixinta lacagaha taageerada ah ee la rabo in lagu maareeyo arrimaha doorashooyinka.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle wuxuu si cad u qeexay lacagaha ku baxaya doorashada sida loo maareynaayo, wuxuuna qiray in lagu bixin doono tababar la siinayo ergooyinka, cunnooyinka hawlwadeenada, safaradda guddiyada doorashada heer maamul goboleed iyo heer federaal, goobaha ay dagayaan xubnaha guddiga iyo Xafiisyada.

Horaantii bishaan ayey Beesha Caalamka soo bandhigtay qorshaha taageerada Soomaaliya kadib markii ay ka hadleen Shirka Madasha Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka.

Kheyre iyo siyaasiyiin kale oo miisaan siyaasadeed leh oo ku wajahan Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe Xarunta maamulka Goboleedka Puntland waxaa ku sugan wufuud kala duwan oo intooda badan shalay gaartay, halka maanta la filayo in ay gaaraan mas’uuliyiin kale oo lagu martiqaaday ka qaybgalka kulankaas.

Guddoomiyaasha Golaha Shacabka & Aqalka Sare, Xildhibaanno, Senataro, Musharixiin iyo shaqsiyaad kale ayaa shalay gaaray, xalay kulamo gaar gaar ah ayay la qaataan Madaxda DG Puntland & kuwo kale oo dhexdooda ay yeesheen.

Maanta waxaa lagu wadaa in Magaaladaas ay tagaan Wufuud kala duwan sida Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo wakiil ka ah Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafuudaas ayaa saakay ka socota garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Ujeedka socdaalka wafuudaas ayaa salka ku haya ka qeyb galka shir looga arrinsanayo xaaladda guud ee dalka, sida doorashooyinka, dhamaystirka dastuurka kumeel gaarka ah iyo arrimo kale.

Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Kismaayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe oo ay ku sii qulqulayaan inta badan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Maamulkiisu ku faraxsan yahay martigelinta shirkaan oo muhiim u ah xaaladda dalka & khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Doorashada dalka.

Deni oo shaaciyey ujeedo qarsoon oo laga leeyahay banaan-baxiii Garoowe

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si caro leh uga hadlay banaanbaxiii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay magaalada Garoowe,  isaga oo sheegay inay ka dambeeyaan dad sano siyaasadeed leh.

Deni waxaa uu sheegay in cabashada bulshada iyo banaanbaxa rabshadaha  watay ee  Garoowe ka dhacay in uusan ahayn mid la xiriira diidmada lacagta iyo sarifka balse uu ahaa mid Puntland lagu sumcad dilayo.

Saciid Deni ayaa arrintaan ku eedeeyey inay ka dambeeyaan dad ka faa’idaysanaya dareenka bulshada isla markaana dano siyaasadeed iyo arrimo kale ka leh.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu garanayo shakhsiyaadka ka dambeeyo rabshadahaan isla markaasna ay dhawaan is bari doonaan iyaga iyo Shacabka.

Wuxuu si cad u sheegay in rabashadahaan lagu soo aadayey shirweynaha ka dhacayo Magaalada Garoowe oo ay ka qeyb galayaan  Madax Soomaaliyeed, Siyaasiyiin, Musharaxiin madaxwayne iyadoo ay xusid mudan tahay in shirkaan laga soo wareejiyey dalka Jabuuti oo markii hore lagu qaban jiray.

Madaxwaynaha Puntland oo wajigiisa laga dheehan karay carro xoogan ayaa inta badan hadalkiisa wuxuu ahaa hanjabaad la xiriirta in uu tallaabo ka qaadayo dadkii ka dambeeyey oo uusan marna bulshada u sheegin cidda ay yihiin iyo wax cadaynaya danaha  Siyaasadeed ee ay ka leeyihiin arrintaan.

Hadalka Saciid Deni ayaa kusoo aadayo xilli Shalay ay banaanbaxyo rabshado wato ka dhaceyn qeybo kamid ah deegaanada maamulka Puntland, waxayna dadkii banaanbaxayey sheegay inay ka xun yihiin amaro kasoo baxay maamulkaas.

Xog: Maxaa ka dhaqan galay jadwalkii doorshada ee billaabanayey 26-ka bishan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay oo ay taariikhdu aheyd 26-ka December dowladda federaalka Soomaaliya waxay u asteysay inay bilaabato diiwaan-gelinta murashaxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliya, sida ku cad jadwalkii dhawaan ka soo baxay guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka.

Guddiga ayaa 23-kii bishan soo saaray jadwalka doorashada soo socota ee 2020-2021-ka, gaar ahaan kan Aqalka Sare iyo golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana jadwalkaas ku xusan in 26-ka ilaa 29-ka December ay is diiwan geliyaan xubnaha u tartamaya golaha Aqalka Sare.

Xubno ka tirsan guddiga doorashada ee heer federaal ayaa sheegay inay madaxda maamul goboleedyada u direen warqadaha diiwaan-gelinta, hab raacyada doorashada iyo hannaanka lacagaha lagu bixinayo.

Sidaas oo tahayna illaa hadda ma muuqato cid iska diiwaan gelisay caasimadaha dawlad goboleedyada dalka oo ah halka ay ka dhici doonaan doorashooyinka xubnaha golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Xubnaha guddiga ee soo saaray jadwalkan shalay dhaqan geli waayey metelaad kuma lahan dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo weli diidan hannaanka ay doorashada u maamuleyso dowladda federaalka.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo wafuud ay hoggaaminayaan ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, sidoo kale xubno ka socda midowga musharaxiinta mucaaradka ah ayaa gaaray halkaas, waxaana ka bilaabanaya wadahadal ku aadan arrimaha doorashada dalka.

Erdogan: Waa jeclaan lahaa xiriirka Yahuudda balse hal sabab ayaan u sameyn karin

0

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa jeclaan lahaa inuu wanaajiyo xiriirka ay la leeyahiin Yahuudda iyadoo ay jirto hadal heyn ku gadaaman xiriirka ay dowladaha Islaamka la yeelanayaan Maamulka Israel.

Erdogan wuxuu doonayaa in wadahadallada dhanka sirdoonka ee Israel ay sii socdaan, balse wuxuu kasoo horjeestay siyaasadda Yahuudda ee ku aadan Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Turkiga ayaa saxaafadda la hadlay markii laga soo baxay Salaadda Jimcaha, wuxuuna sheegay ineysan marnaba aqbali karin falalka ay Israel ka wado dhulka reer Falastiin.

“Siyaasadda Falastiin waa khadkeena cas, suuragal maahan inaan aqbalno falalka naxariis daradda ah oo ay Israel ka wado dhulka Falastiin,” ayuu yiri Erdogan.

Iyadoo ay taasi jirto hadana madaxweynaha wuxuu doonayaa inuu wanaajiyo xiriirka dhanka sirdoonka ee kala dhaxeeyay maamulka Israel.

Turkiga wuxuu noqday wadankii ugu horreeyay ee aqoonsaday Israel marka laga hadlo wadamada Muslimka ah, sanadkii 1949-kii ayeyna aqoonsadeen, wixii markaas ka dmabeeyay waxey ku wada noolaayeen xiriri wanaagsan oo dhan walba ah.

Si kastaba Turkiga wuxuu jaray xiriirka Yahuudda sanadkii 2010 kadib markii ciidamada Israel ay dileen 10 qofood oo isku dayay iney gar-gaar gaarsiiyaan Falastiiniyiinta iyadoo ay jirtay xayiraad ay maamulka Yahuudda dhan walba ka saareen dadka reer Falastiin.

Xiriirka labada dal ayaa lasoo celiyay sanadkii 2016, balse mar kale ayuu xumaaday sanadkii 2018, iyadoo Turkiga uu si joogto ah u cambaareeyo falalka ay dowladda Israel ka sameyso daanta galbeed.

Musharaxiinta: “Waxaa bilowday fulinta hanjabaadii afar sano la jeedinayey”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay ka soo saaray kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxay si adag ugu cambaareeyeen tallaabadii shalay lagu rasaaseeyey dad shacab ah oo dhigayey banaanbax ka dhan ah madaxweyne Farmaajo.

“Golaha midowga musharaxiinta waxuu si kulul u cambaareynayaa falkii foosha xumaa ee shalay ciidamo ka tirsan booliska iyo Nabad sugidda ay ku xabadeeyeen dhalinyaro si nabad ah u dhigayey mudaharaad ay ra’yigooda ku cabirayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay golaha.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray, “Waxay shacabka Soomaaliyeed daawadeen dhalinayaro si nabad ah u mudaharaadaya iyo askari dharcad ah oo xabado ku ridaya gabdho ka mid ahaa dibadbaxayaasha, iyadoo kadib hablihii si khasab ah xabsiga loogu taxaabay.”

Qoraalkan waxaa lagu sheegay in askarta dowladdu ay u muuqdaan kuwo fulinaya hadalladii ka soo yeeray madaxweyne farmaajo iyo madaxda kale, sida guddoomiyaha gobolka Banaadir oo u hanjabay musharaxiinta iyo cid kasta oo ku dhaqaaqda tallaabo aysan raali ka heyn madaxda dowladda federaalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay cudur daar ka bixiyaan weerarkii lagu qaaday gabdhihii banaanbaxayey si deg deg ahna sharciga loo hor keeno kuwii falkaas geystay, shacabkana u cadeeyaan mowqifkooda ku aadan xoriyadda hadalka, kulamada dadweynaha iyo isu soo baxa shacabka,” ayaa lagu qoraalkan.

Ugu dambeyntii golaha midowga musharaxiinta ayaa ururrada bulshada rayidka, guddiyada xuquuqul insaanka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, odayaasha dhaqanka, culumada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ugu baaqay inay falkaas ka dhiidhiyaan, kana soo saaraan war cad oo lagu cambaareynayo.

Xog: Qorshe lagu weerari lahaa saraakiisha ku sugan duleedka Xamar oo baaqday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay baaqday qorshe la damacsanaa in lagu weeraro saldhigyo ciidan oo ku yaalla duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo aan ka amar qaadan dowladda federaalka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Haramcad ayaa Caasimada Online u sheegay in amarkan uu ka yimid madaxda sare ee dowladda inkasta oo ay diideen inay si gaar ah u magacaabaan.

Xubnaha la amray in la weeraro ayaa kala ah: Korneel Saneey Cabdulle, Korneel Maxamuud Maxamed Masdile, Cusmaan Xaadoole, Abuukar Boonow iyo Joorre, kuwaas oo deegaansanaya xaafado dhaca duleedka degmada Kaaraan ilaa qeybo badan oo kamid ah gobalka Shabeelada Dhexe.

Dhammaan saraakiishan ayaa kasoo jeedan beesha Abgaal waxayna haystaan boqolaal ciidan, gawaari dagaal iyo hub fara badan, waxayna kasoo horjeesteen dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa raggan u aragto qeyb weyn oo kamid ah xoogga au ku tashanayaan mucaaradka iyo in ay gabaad u yihiin shaqsiyaadka ay dowlada rabto in ay soo qabato, kuwaas oo ka soo jeeda beesha Abgaal.

Haddii weerar lagu qaado saraakiishan waxaa laga cabsi qabaa in dagaalka uu ka bato inta la filayo islamarkaana uu wajiyo kale yeesho. Saakay ayaa duleedka Kaaraan waxaa u baxay 12 Cabdi Bile kuwaas oo aan ilaa hada soo noqon waxeyna dadka dagan degmadaas ay sheegeen in ay joogaan xaafado ku dhow Isbitaalka Keysaney ee Muqdisho.

Ciidanka ay wataan saraakiisha oo aad u badan darteed ayaa la rumeysan yahay inay adkaan doonto in dowladda ay wax la taaban karo halkaas kala soo laabato.

Xog: Al-Shabaab oo joojiyay dhismaha garoon uu kasoo dagi lahaa Cali Guudlaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in xarkada Al-Shabaab ay joojiyeen dayactirka garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada.

Garoonkaan oo la isticmaali jiray xilligii dowladii Dhexe ee Maxamed Siyaad Barre ayaa ku yaalla xaafada Howlwadaag ee magaalada Beladweyne, waxaana gudaha Beladweyne looga yaqaanaa Biitaale.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dayactirka garoonkaan uu amray madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, si uu uga soo dago maadaama Garoonka Ugaas Khaliif ay diideen koox Jabhad ah, oo uu hogaamiyo Jeneraal dowladda kasoo horjeeda ee lagu magacaabo Xuud.

Sidoo kale dhismaha garoonkaan ayaa waxaa xoog geliyay guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle oo ay beeshiisa dagto xaafadaas iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo ku beele ah guddoomiyaha.

Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa u hanjabay shaqaalaha iyo shirkadii dhismaha waday, waxeyna arrintaas ay sababtay in shaqadii socotay ay istaagto.

Al-Shabaab waxey hore u joojiyeen dhismaha Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyada HirShabeelle oo laga bilaabay Jowhar.

Guudlaawe ayaa doonaya in lagu caleemo saaro magaalada Beeldweyne, taasi oo beesha Xawaadle ay diidan tahay, mana cadda illaa iyo hadda sababta uu magaaladan ugu dheggan yahay.

James Swan oo war kasoo saaray caqabadaha haysta doorashooyinka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waraysi uu bixiyay kaga hadlay caqabadaha ka taagan doorashooyinka ee Soomaaliya iyo xaaladihii sanadkan dhamaaday 2020 la soo maray, isaga oo ku baaqay in heshiis laga gaaro doorashoyinka dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sharaxaad looga bixiyay waxyaabaha uu James Swan kaga hadlay wareysigii uu bixiyay oo intiisa badan looga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Qaramada Midoobay.

“Soomaaliya waxa ay la kulantay 2020 caqabado badan, oo ay ka mid yihiin dhinacyada siyaasadda, amniga iyo bani’aadamnimada, iyo sidoo kale Musiibada COVID-19. Isla markaana, waxaa jiray astaamo horumar leh sida deyn cafinta iyo heshiiskii hoggaamiyeyaashu ay ka gaareen hannaanka doorashada ee sannadka 2020-2021. Waa muhiim in dareenka isu tanaasulka, iyo sidoo kale is afgarad iyo wadahadalladu, ay sii socdaan si loo ilaaliyo loona horumariyo guulaha la gaaray,” ayuu yiri Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“2021 wuxuu noqon doonaa mid muhiim u ah horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri. “Ammaanka, waxa uu ahaan doona mid ku wareega dowladda Soomaaliya oo iyada ayaa mas’uul ka noqon doonta; dhaqaalaha, waxa ay sii wadi doontaa dib u habeynta si ay u xaqiijiso faa’iidada buuxda ee ay ku guuleysatay ee  geeddi-socodka deyn-cafinta, xaaladda bani’aadamnimada, weli waxaa jira 5.2 milyan oo qof, oo ah qiyaastii saddex meelood meel dadka dalka ku nool, oo u baahan taageero. Iyo, dabcan, hanaanka doorashada ee doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha. Waxaan rajeynayaa inaan arko wadashaqeyn dheeri ah iyo is afgarad ka dhex dhaca madaxda Soomaalida ee arimahan muhiimka u ah Soomaaliya, iyo sidoo kale tallaabooyin adag oo la xiriira dimuqraadiyeynta dalka, oo ay ku jiraan xoojinta hay’adaha iyo aasaaska doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod ah’ sanadka 2024 -25.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wakiilku.

Wareysigan Mudane Swan waxaa lagu daabaacay majaladda Waaxda Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta.

Daawo: Sheekh Shariif oo jawaab kulul ka bixiyey ninkii bastooladda ku weeraray shacabkii dibad-baxayey

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa jawaabn kulul ka bixiyey dhacdadii nin ku hubeysan bastoolad uu shalay ku rasaaseeyey shacab gabdho u badnaa oo Muqdisho ka dhigayey banaanbax ka dhan ah madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sidoo kale cambaareeyey tallaabadii lagu xiray gabdhaha waday banaan-baxa, oo uu ku tilmaamay  inay tahay mid kasoo horjeeda dowladnimada, maadaama gabdhaha dushooda lagu riday rasaasta ay ahaayeen kuwo cabirayay fikirkooda oo aan wadan hub, islamarkaana falkaas loo qaadanayo in dowladda ay kasoo horjeedo in shacabka ay muujiyaan ra’yigooda.

Sheekh Shariif oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho  ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in meel fagaare ah maxkamad lagu saaro ninkii bistooladda u adeegsaday gabdho dibadbax dhigayay.

“Askarigii muuqaalka laga duubay ee la xaqiijiyay inuu ku kacay fal dambiyeedka, isagoo bistoolad ku haya gabdhaha, waa in sharciga la horkeeno,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Meel fagaare ah hala keeno, dadka u xiran dowladda ama ay ku daba joogto ee guryahooda ka raadineyso ha iska deyso.”

“Waxaan cod dheer ku sheegayaa inaan kasoo horjeedno caburinta dadka, dowladda yeysan u qaadan in laga cabsaday hadii laga aamusay, sharci ayaa lagu wada joogaa ee laguma wada joogo cabsi.”

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in haddii dowladda ay sii wado caburinta ay dadka heysto ay ka imaan karaan wax aan la fileyn, wuxuun sheegay inay dhiira-gelinayaa dadka banaanbaxyada doonaya inay ka dhigaan Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa ciidanka amniga dowladda federaalka iyo kuwa NISA uga digay in loo adeegsado in shacabka lagu dhigaateeyo, isagoo sheegay in arrintaas Ciidamada looga baahan yahay inay ka waan-toowaan.

Guddoomiyaha Aqalka sare iyo siyaasiyiin kale oo gaaray Garowe iyo ujeedka safarka

0

Garowe (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe, iyadoo ay la socdeen siyaasiyiin uu ku jiro musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Gelle.

Xubnahaan waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin sar-sare oo ka mid ah maamulka.

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo siyaasiyiinta kale ee tagaya magaalada Garowe waxey ka qeyb gali doonaan shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Heritage oo 28-ka bishaan ka dhici doona magaalada Garowe.

Shirkaan waxaa looga hadlayaa xasilinta dalka amni ahaan, dhameystirka dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya, waxaana ka qeyb galaya sidoo kale qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, musharaxiinta mucaaradka iyo xubno kale.

Ammaanka magaalada Garowe aad ayaa loo adkeeyay, waxaana la filayaa inuu qabsoomo shirka ay ka qeyb galayaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, saamileyda siyaasadda Soomaalida iyo xubno kale.

Daawo: Dibad-bax xooggan oo ka dhacay Garoowe iyo sawirka DENI oo la fujiyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka Puntland ayaa maanta dibad-bax rabshado watay ka dhigay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee Garoowe ayaa ka cabanayey sicir bararka baahsan ee weli ka jira deegaanada maamulka Puntland.

Sidoo kale dadka dhigayey dibad-baxa ayaa dhulka soo dhigay, islamarkaana fujiyey sawirka madaxweynaha Puntland ee ku dheganaa bartamaha magaladaasi.

Mudaharaadkan ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo gaadiidka, iyada oo dibad-baxayaashu ay taayaro ku gubayeen jidadka muhiimka ah.

Qaar ka mid ah dadweynaha oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay xukuumadda Garoowe inay wax ka qabato sare u kaca dhanka sarifka oo shacabku ay sheegayaan in shilinka Soomaaliga uu aad u faro batay, taas oo keentay inuu laba jibaar ku dhowaado.

Saameynta ugu daran ee sicir bararka ka jira Puntland ayaa waxa uu ku yeeshay dadka dan-yarta ah, kuwaas oo noloshooda maalin laha ah uu kusoo galo shilinka Soomaaliga.

Si kastaba dibad-baxyada sii laba kac-leynaya ee Puntland ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu dhaqan-geli waayey amarkii madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ee ahaa in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii diida qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga ah.

Halkan hoos ka daawo muqaalka.

Aqriso: Jadwalka cusub ee doorashada lagu mursan yahay bilow illaa dhammaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ee lagu muransan-yahay ayaa 23-kii bishan soo saaray jadwalka doorashada soo socota ee 2020/21, gaar ahaan kuwa aqalka sare iyo golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa shaaciyey in diiwaan-gelinta musharaxiinta doorashada aqalka sare ay bilaabaneyso 26-ka bishan December, iyaga oo fursad lix cisho ah siiyey sidii ay madaxda maamulada dalka kusoo saari lahaayeen liiska musharaxiinta, taasi oo ku eeg isla 29-ka bishan.

Qoraalka ay soo saareen guddiga ayaa lagu sheegay in lasoo hormarinayo doorashada xildhibaanada golaha aqalka sare oo ay qabanayaan baarlamaanka dowlad goboleedyada dalka, sida ku cad habraaca doorashada iyo heshiiska golaha wada-tashiga qaran.

Sidoo kale waxay sheegen guddigu in 30-ka bishan December ilaa 6-da Janaayo ee sanadka cusub ee 2021 ay kusoo dhameystiri doonaan doorashada kuraasta golaha aqalka sare

“Guddiga isagoo tix raacaya qoddobada heshiiska 17-kii September 2020, wajibaadkiisa shaqo ee uu Golaha wada-tashiga qaran siiyeyna gudanaya si ay dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, wuxuu maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka December shaacinayaa taariikhda rasmiga ah ee doorashooyinka aqalka sare iyo golaha shacabka ay dhacayaan” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen guddiga.

Arrintan ayaa imanayesa xili uu meel sarre marayo khilaafka ka dhashay doorashada ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka oo iyagu gebi ahaanba qaadacay guddiga maanta ku dhawaaqay jadwalka doorashadal, waxyna uga sii dareysa xiisada ka dhalatay doorashada.

Haddaba hoos ka aqriso jadwalka doorashada billow illaa dhammaad