24.7 C
Mogadishu
Friday, July 24, 2026

ILHAAN CUMAR oo sharaf dhac ku tilmaantay tallaabo uu qaaday Donald Trump

0

New York (Caasimadda Online) – Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay cafiska Madaxweyne Trump u sameeyay afarta ilaaliye ee kamidka ahaa shirkadda calooshood u shaqeystayaasha ee Blackwater, kuwaasi oo looxukumay dilka 14 qof oo rayid Ciraaqiyiin ahaa.

“Sannadkii 2007, afar qandaraaslayaal Blackwater ah ayaa rasaas ku furay isgoyska dadku ku badan yihiin ee magaalada Baqdaad, halkaas oo ay ku dileen 14 qof oo rayid ah oo reer Ciraaq ah,” ayay Ilhaan kusoo qortey barteeda Twitter-ka kadib war-saxaafadeedka kasoo baxay Aqalka Cad.

Xildhibaanadda ayaa hadalkeeda intaas ku dartey: “Toddobaadkan, Donald Trump wuxuu siiyay cafis shuruud la’aan ah. Tani waxay sharaf dhac ku tahay dalkeenna iyo ku dhaqanka sharciga.”

Ilhaan oo Mareykanka ku gashay qaxooti ahaan markii qoysaskeeda uga qaxeen Soomaaliya sababo ku aadan colaada ka jirtay ayaa sheegtay in talaabada Trump ay dureyso farqiga dilka saxda ah iyo kan ola-kaca-ah.

Shaqsiyaadka uu saamaxay Trump ayaa ahaa qandaraaslayaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Falka ay ku laayeen muwaadiniinta Ciraaq ee uu ku jiro cunug yar wuxuu dhacay 2007-dii.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal waqtigaa ka akdhowaa goobta, waxaa dhacdadaas ku dhaawacmay 17 kale oo meesha joogay.

Qareenada difaacaya ragga ayaa ku dooday in ay rasaasta rideen kadib markii ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen kooxaha kacdoonka Ciraaq.

Nicholas Slatten oo lagu helay dil darajada koowaad ayaa lagu xukumay xabsi daa’in bilaa cafis ah. Dacwad oogeyaashu waxay sheegeen inuu isagu ahaa qofkii koowaad ee xabadda riday iyadda oo aan la daandaansan.

Paul Slough, Evan Liberty iyo Dustin Heard ayaa lagu xukumay dil toogasho ah sanadii 2014 kadib dacwad mudo bilo qaadatay ka socotay maxkamada federaalka ee Washington.

Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad oo lagu shaaciyay cafiska madaxweynaha 22-kii bishii Diseembar ayaa lagu sheegay in go’aanka uu ku yimid taageero ballaaran oo dhinaca shacabka ah, waxaana intaa raacisay in raggaasi ay leeyihiin “taariikh dheer oo ay Qaranka ugu adeegayeen”.

Xog: Qoor Qoor oo shuruud ku xiray fulinta QORSHAHA cusub ee DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 26-kii bishan oo ku beegnayd Sabtidii waxaa lagu balansanaa in xarumaha dowlad goboleedyada dalka ay ka bilaabato diiwaan gelinta musharaxiinta golaha Aqalka Sare oo ku eg 29-ka bishan, sida ku cad jadwalka uu dhawaan soo saaray guddiga lagu muran sanyahay ee doorahada.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynaha Galmudug uu ka biya diiday in maamulkiisu uu hadda gudaha galo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka.

Qoor Qoor ayaa shalay gaaray Garoowe, halkaasi oo uu uga qeyb gelayo shir looga hadlayo arrimaha doorashada, kaas oo ay isugu imaanayaan inta badan dhinacyada isku haya doorashada dalka, sida madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka iyo golaha midowga musharaxiinta mucaaradka ah.

Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay in Villa Somalia ay cadaadis ku saartay in uusan ka qeyb gelin shirkaas, taas bedelkeedna uu maamulkiisu dedejiyo doorashada xubnaha golaha Aqalka Sare ka soo gelaya deegaanada Galmudug.

Hasa yeeshee Qoor Qoor ayaa iska diiday dalabka dedejinta ah ee Villa Somalia, waxuuna ku adkeystay in go’aanadiisa uu ku saleyn doono wixii la isku afgarto ee kasoo baxa shirka ka dhici doona Garowe.

Maalmihii dambe madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, waxayna gaareen heshiisyo ay ka mid ahaayeen inay xal u raadiyaan khilaafka ka taagan doorashada, taasi oo macnaheedu yahay in haddii uu Qoor Qoor guda galo doorasho uu jebinayo heshiiskaas.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu amray in la qabto doorashada dalka, ayada oo lagu billaabyo xildhibaanada Aqalka Sare, xilli aan weli xal laga gaarin tabashooyinka ay qabaan maamullada qaar iyo mucaaradka.

Doorashada Aqalka Sare ayaa la sheegay in ay ka billaaban doonto magaalada Baydhaba, kadibna lagu cadaadin doono madaxda Galmudug iyo HirShabelle, si ay ugu xijiyaan Dhuusamareeb iyo Jowhar, waxaana magaalooyinkaas qaarkood la geyn doonaa ciidan kale oo dheeraad ah.

Jadwalka doorasho ayaa dhigaya in xildhibaanada Aqalka Sare la doorto 30-ka bishan illaa 6-da Janaayo, waxaana xog ay heshay Caasimada Online ay sheegeysaa in maamulka Koonfur Galbeed uu billaabi doono.

Miisaaniyadda G/Baanadir oo la kordhiyey xilli aan wax adeeg loo qaban shacabka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa saxiixay Miisaaniyadda cusub ee gobolka Banaadir, waxaana kulan ka qeyb galay Guddoomiye ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Gobolka iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir. Waxaa sidoo kale ku sugnaa Taliyaha ciidamada Boooliska Soomaaliyeed.

Miisaaniyadda sanadka 2021 ayaa noqoneysa $36,857,503.00, iyadoo ay ansixiyeen 62 ergo oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir heer degmo iyo heer Gobol.

29-kii Disembar ee sanadkii hore ayaa shir sidan oo kale ah lagu sheegay in lagu ansixiyey Miisaaniyadda sanadka 2020 ee Dowladda Hoose taasoo ahayd $32, 977,123, laakiin ma jirin xisaab xir la sameeyay.

Maamulka Gobolka Banaadir oo aan lahayn Gole degaan oo la soo doortay, madaxdiisuna ku timaado magacaabidda Madaxweynaha Soomaaliya ayaanay jirin cid og halka ay ku baxdo lacagta soo gashee ay canshuur ahaanta uga qaadaan shcabka iyo isla xisaabtan midna, waana hay’adda kaliya ee miisaaniyadeeda ay ansxiyaan Madaxda iyo shaqaalaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud ayaa saxiixay Miisaaniyadda sanadka 2021 uu ku howlgeli doono Maamulkiisa.

Miisaaniyadda sanadkan 2021 ayaa ku korortay illaa afar milyan, waxaana miisaaniyadda sanadkii 2020 ay aheyd $32,977,123.

Sase ahaatee Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa warbixintii sanadka 2019 ee dhowaan soo baxday wuxuu ku caddeeyay in dhaqaalaha Gobolka Banaadir kasoo gala Dekadda Muqdisho ee ku dhaca Akoonada (717 iyo 1007) ee Maamulka Gobolka Banaadir laga bixiyay lacag dhan US $1,713,213, taasoo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wax adeego bulsho ah oo la taaban karo u qaban shacabka Muqdisho oo dhaqaalaha ugu badan uu maamulka ka helayo.

R/W ROOBLE oo farriin u diray mucaaradka + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeedba inay is dejiyaan, diyaarna uu u yahay inuu la fariisto cid kasta oo cabasho ka qabta geedi-socodka arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Ra’iisal Wasaaraha oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ayaa yiri “Waxaan diyaar u ah inay yimaadaan qof kasta oo daneynaya ama cabasha qaba, oo aan cabashadooda xaliyo, haddii ay ahaan laheyd doorashada, mid guud iyo mid gaar ahaaneydba.”

Waxa uu intaa ku daray “Sidaa darteed shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa is dejiya, aniga oo masuul ka ah xukuumadda, Ra’iisal Wasaarahana ka ah waxaan idin sheegayaa inaan diyaar u ahay inaan qof kasta qaabilo, kalana hadlo wixii caqabad ah ama cabasho ah ay dareemayaan inay jirto.”

Rooble ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu yeeray inay is dejiyaan, isla-markaana uu xafiiskiisa u furan yahay cid kasta oo tabasho ka qabta arrimaha doorashooyinka.

“Sidoo kale waxaan leeyahay dadka walaalahayaga oo tabaya ama qaba cabasho ku saabsan arrimaha doorashada in uu u furanyahay xafiiskeyga, albaabkeyga iyo wejigeyga, diyaarna aan u ahay inaan idin qaabilo. Anigoo diyaar u ah sidoo kale cabashadiina inaaan tixgeliyo, idinkala fadhiisto oo aan xal waara ka gaarno, waxaan leeyahay is dejiya.” Ayuu yiri Rooble.

Hadalka ka soo yeeray Rooble ayaa ku soo aadaya, xilli Golaha Midowga Musharaxiinta ay Arbacadii si weyn uga horyimaadeen Jadwalka Doorashooyinka Xildhibaanada Labada Aqal, ee ay soo saareen Guddiyada Doorashooyinka ee lagu muransan yahay.

Hoos ka daawo Rooble

Sawirro: Axmed Madoobe oo gaaray Garoowe + Ujeedka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Axmed Madoobe oo ka amba-baxay Kismaayo ayaa waxaa garoonka Garoowe ku soo dhoweeyey dhiggiisa Puntland Deni & mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Ujeedka safarka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa la xiriira ka qeybgalka shirka madasha aragti wadaaga ee Machadka Heritage, kaas oo oo looga hadlayo sidee 2025 looga bixi karaa Kumeel gaarnimada iska socota?, si dalka u helo Dastuur dhameystiran, doorasho qof iyo cod iyo nidaam federaal oo shaqeynaya.

Sidoo kale waxaa hada Garoowe ku sugan madaxweynaha Galmudug, guddoonka labada aqal, qaar ka mid ah musharraxiinta mucaaradka oo iyana ka qeyb-galaya shirkaasi.

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in magaaladaasi ay gaaraan mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale.

Shirka madasha aragti-wadaagga ee sanadlaha ah ayaa ku soo aadaya, xilli haatan uu dalka ka jiro khilaaf xoogan oo ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka.

Mahad Salaad oo weeraray xubnaha Hawiye ugu jira DF ee taageersan Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka, doorashooyinka 2021 iyo muddo xileedka baarlamaanka oo shalay ku ekaa.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay in 40 cisho oo kaliya ay u hartay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, islamarkaana aanu weli dalka u jiheyn doorasho, wuxuuna weerar ku qaaday xubnaha Hawiye ee taageersan madaxweynaha.

“Maanta ayay ku egtahay muddo xileedka Goleyaasha Barlamaanka. Duqa Farmaajo ahna 40 cisho ayaa ka hartay muddo xileedkiisa. Doorasho la isla ogolyahay iyo daruuftii lagu qaban lahaa ilaa hada midna nooma muuqato,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in Villa Somalia, gaar ahaan madaxweynaha uu  damacsan yahay inuu kaligiis isku caana shubo, dalkana uu geliyo qalalaase xoogan.

“Farmaajo wuxuu yaqiinsaday doorasho xor iyo xalaal ah in uusan Madaxweyne mar labaad ku noqon karin. Sidaas daraadeed wuxuu go’aansaday in uu keligiis isku caano shubo ama dalka geliyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray madaxda Villa Somalia, wuxuuna yiri “Lama yaabani Farmaajo oo waa nin garasho siyaasadeed ka arradan, guulwadeyaal sii luminayana ay hareerahiisa buuxaan. Lkn waxan waydiin lahaa NACAMLEYAASHA HAWIYE EE HAREERIHIISA DHOOBAN, ma sidaan ayay dan moodeen mise marka Farmaajo dalka iyo dadka dagaal geliyo, diyaaradna ka raaco ayay rakaabka diyaaradiisa kamid noqon doonaan?!”

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, iyada oo weli uu is mari-waa u dhexeeyo dowladd  iyo mucaaradka ka taagan yahay doorashooyinka dalka.

Ubax Maxamed Yaxye oo la kufsaday, kadibna la gowracay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta duleedka degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka meydkeeda laga helay Ubax Maxamed Yaxye oo saacadihii lasoo dhaafay ka maqneyd reerkeeda.

Marxuumadda ayaa la waayey gelinkii dambe ee shalay, kadib markii ay duleedka degmadaasi ka doontay qoryo ay dab ku shidato, sida sheegeen ilo deegaanka ah, balse barqanimadii maanta ayaa meydkeeda laga helay isla duleedka magaalada Caabudwaaq.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in ka hor dilka marxuumadda loo geystay fal kufsi ah, kadibna la gowracay.

Ubax oo lahayd uurka ilmo saddex bilood ah ayaa ku nooleyd xaafadda Ammaano oo ka tirsan degmada Caabduwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa haatan bilaabay baaritaan ku aadan dhacdadaasi, iyaga oo sidoo kale baadi goob ugu jira raggii ka dambeeyey falkaasi arxan darrada ah.

Dhacdadan ayaa argagax weyn ku reebtay dadka deegaanka oo maanta si aad ah u hadal haya falka dilka iyo kusfiga ah ee loo geystay marxuumad Ubax Maxamed Yaxye.

Ma’ahan dhacdadani mid ugub ah, iyadoo meelo kala duwan oo dalka ka mid ah ay siyaabo kala duwan uga dhaceen falal arxan darro ah, waxaana ugu dambeeyey dhacdadii Xamdi Maxamed Faarax oo dil iyo kufsi loogu geystay magaalada Muqdisho e caasimada Somalia.

Dagaal lagu dilay 50 qof oo ka dhacay dalka Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida iyo kuwa is-maamulka Canfarta ee dalka Itoobiya, kaas oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ayaa yimid, kadib kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Canfarta ay weerar gaadmo ah ku qaadeen deegaanka Dan-lahelay ee gobolka Siti ee DDS oo ay ku laayeen shacab iyo sidoo kale ciidamo ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale weerarka kadib ayaa lagu soo warramayaa inay deegaanka gaareen gaaree ciidamada Liyu-Booliiska ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana halkaas markale ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan geystay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyeen ugu yaraan illaa 50 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmen tiro kale oo intaasi ka badan.

Ma jiro weli wax hadal oo ka soo baxay is-maamulka deegaanka Soomaalida & kuwa Canfarta ee dalka Itoobiya oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana  weli is hor fadhiyaan labada ee ciidan dagaalamay, iyadoo sidoo kale laga cabsi qabo in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Maxaa xiga dhammaadkii muddo xileedka BF Somalia?

0

Waxa dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay ka taagnaa Soomaaliya muran siyaasadeed oo ku salaysan goorta iyo qaabka loo qabanayo doorashada baarlamanka iyo madaxtooyada Soomaaliya oo lagu waday in ay qabsoonto bilowga sannadka 2021.

Walow ay siyaasiyiin mucaarad ah oo musharaxiin u badani aad u durayeen xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay ku eedaynayeen in aanay ilaa haatan u heellanayn in ay si hufan u qabato doorashadaas, eeddaas oo ay si adag gaashaanka ugu daruurtay xukuumaddu ayaa waxa kale oo jira in maamul goboleedyada dalka qaarkood aanay weli soo magacaabin xubnihii ku meteli lahaa gudida doorashooyinka qaranka ee shirkii Dhuusamareeb la iskula meel dhigay in la dhiso.

Doodahaa iyo kala duwanaanshahaa aragtiyaha siyaasadeed oo weli taagan, ayaa haatanna waxa dhici karta in muran kale oo hor lihi bilaabmo. Sababtuna waxa weeyi in muddo xileedkii shacriga ahayd ee dastuurku u cayimay labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya 27 Diisember 2020 ku ekeyd.

Arintaas ayaa ah ta laga yaabo in dad badani wax iska weydiiyaan sida xalku noqon doono maadaama oo sida muuqata ay u badan tahay in doorashadii la filayey aanay ku qabsoomi doonin goortii lagu waday duruufaha jira awgood.

Waxa kale oo dhici karta in dad badan oo aan aad uga dheregsanayn qawaaniinta lagu dhisay baarlamanka iyo jaan goynta muddo xileedkiisuba ay su’aalo badan iska weydiin karaan sida wax noqonayaan iyo in uu baarlamanku sii shaqayn karo iyo in kale.

Arimahaas ayaa u baahan hubsiimo waafi ah si faham cad oo aan siyaasad ku dhisnayn shacabku uga helaan hannaanka arimahan loo furdaamin karo iyo aragtida sharci ee dastuurka ku salaysan ee xadidaysa muddo xileedka baarlamanka iyo waxa dhici kara mar hadii mudadii sharcigu u cayimay ay haatan dhamaatay.

Muddo xileedka dastuuriga ah ee baarlamanka Soomaaliya waa afar sannadood, waxaana sharcigu dhigayaa in marka gole xilka haya mudadiisu dhamaatoba la soo doorto kii bedeli lahaa.

Hadba su’aasha ugu weyn ee ka guuxaysa maaka qof kasta oo arimahan danaynaya ayaa ah: Ma sii shaqayn karaa baarlamanka Soomaaliya mar hadii muddo xileedkiisii dhamaatay? Maxaa xal ah hadii aan weli la qaban doorashadii baarlamanka oo aanu ilaa haatan jirin baarlamankii bedeli lahaa kan mudadiisii dhamaatay?

Su’aalahaas waxa ka jawaaba garyaqaan Cabdirisaaq Nuux Xasan, waxaanu yidhi:

“Baarlamaanka waa run wakhtigiisu maanta ayuu ku ekaa, laakiin waxaa jirta qodobka 60 dastuurka ku meel gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo hore u qorayey in mudada baarlamaanka inay ku eegtahay afar sannadood. Qodobkaasi wuxuu qorayey mudada xil haynta baarlamanka federaalka Soomaaliya waa afar sannadood, qodobkaasi Amendment baa lagu sameeyey baarlamaankaan baarlamaankii ka horeeyey baa wax ka bedelay iyadoo laga cararayey in meesha vacuum ama madhnaan soo baxdo. Waxaanay u bedeleen mudada baarlamaanku waa afar sano baarlamaankaana wuxuu shaqada sii haynayaa inta laga soo dooranayo baarlamaan kale. Marka baarlamaanka wakhtigiisii ma dhicin ilaa baarlamaan kale oo la soo doortay uu bedelo waxay ahaanayaan baarlamaan care-taker ah ama xil gaadhsiin ah.”

Hadaba kol hadii ay arintu sidaa tahay oo uu jiro qodobkaa dastuuriga ah ee wax laga bedelay ee dhigaya in baarlamankan haatan muddo xileedkiisii dhamaatay xilka sii haynayo, is weydiintu waxay tahay awood ma u leeyahay in baarlamankani sharciyo meel mariyo oo wixii xeerar ah ee ka soo baxaa noqdaan kuwo fulaya oo ay tahay in lagu dhaqmo?

Garyaqaan Cabdirisaaq Nuux Xasan ayaa su’aashaa ka jawaabaya waxaanu qabaa in ay jawaabta oo gaabani tahay haa, waxaanu ku sababeeyey sidatan:

“Haa, haa oo sida saxda ah ayay u shaqaynayaan. Xagee ku dhici kartaa baarlamaanna ahow shaqona ha qabanin? Wixii shaqo ah ee loo baahnaa way qabanayaan, hadii miisaaniyaddii aan weli la ansixin way ansixin, waxa alla wixii sharciyo ah ee horyaal oo qabyo u ah oo teeram inay ku soo dhameeyaan ahaa wixii u sii dhimanaa way dhamaystirayaan oo caadi bay u shaqaynayaan.”

Faysal Waraabe oo dalab xasaasi ah u jeediyay Geelle, kadib safarkii Biixi ee Jabuuti

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa markii ugu horeysay ka hadlay safar uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku tagay dalka Jabuuti, isagoona sheegay arrin uga muhiimsan qaabkii ay xukuumadda Jabuuti usoo dhaweysay Muuse Biixi.

Faysal ayaa sheegay inaysan macno buuran u sameynayn in madaxweynahooda loo dhigo roog cas, isla markaana loo dhiibo ubaxyo, balse taasi badelkeed ay ka jecel yihiin in xukuumadda Jabuuti ku dhiirato taageerada qadiyada Somaliland ee gooni-goosadka.

Waxa uu madaxweynaha Jabuuti ka dalbaday inuu ka marqaati kaco madax-banaanida Somaliland, isagoo fagaarayaasha caalamiga ka sheegaya inay Somaliland tahay dal jira oo ka madax-banaan Jahmuuriyada Soomaaliyada, hase yeeshe aan weli helin aqoonsi caalami ah.

“Waxaan arkayey Madaxweynaheena oo Jabuuti tagay, Qadiifad loo dhigay, Ubaxna loo dhiibay, Annagu waxaanu Ubaxaa ka jeclayn Ismaaciil (Madaxweynaha Jabuuti) oo kalmad wanaagsan noo yidhaahda oo ah inaanu dal ahaan jirnay, oo Wallo-weyntan uu u tagayo ee aan jirin uu ku yidhaahdo Dalkani dal idinku soo biiray buu ahaa oo 4.5-ka aad sheegaysaan muu jirin”.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Geelle u jeediyay inuu dowladda federaalka oo uu saaxiib dhow la yahay uu ka dhaadhiciyo in Somaliland aysan qeyb ka aheyn hanaanka 4.5-ka, oo ay tahay dal jira, horena u jiri jiray, sida uu hadalka u dhigay.

“Ismaaciil waxaanu leenahay sidii aanu kuugu shaqaynay ee aanu halganka kuugu galnay noogu shaqee, jaarnimada eeg, Gacalnimada eeg, Taariikhda eeg, Cadaaladda eeg” ayuu ugu dambeyntiina yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

HirShabelle oo fashilisay qarax iyo raggii watay oo lagu qabtay JOWHAR

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka HirShabelle ayaa xalay howl-gallo lagu xaqiijinayey amniga ka sameeyey magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca gudaha magaaladaasi.

Inta uu socday howl-galkan ayaa waxa ay ciidamadu isku fidiyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada ayaa howl-galladaasi ku soo qab qabtay saddex nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, xilli ay ku sugnaayeen xaafadda Hantiwadaag.

Saddexda qof ee la qabtay ayaa watay qarax miino iyo bistoolad, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka ciidamada nabad sugida ay qarxiyeen miinada, iyada oo aan geysan wax khasaare ah.

Sidoo kale shaqsiyaadka gacanta lagu soo dhigay oo lagu xiray saldhigga Booliiska Jowhar ayaa waxaa haatan ku socda baaritaano dheeraad ah.

Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii xildhibaan ka tirsan HirShabelle lagu dhaawacay qarax miino oo ka dhacay maqaaxi ku taalla bartamaha magaaladaasi.

Jubbaland oo fashilisay qarax lagu dili rabay ganacsade

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada nabad sugida dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay inay ka hortageen qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray mid ka mid ah ganacsatada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal ka soo baxay hay’adda nabad sugida Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay xalay fiidkii hore hore fashiliyeen qaraxaasi, islamarkaana lagu guuleystay in laga furo gaariga, isaga oo aan geysan wax khasaare ah.

“Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubaland ayaa Fiidnimadii xalay fashilisay Miino nooca Gaadiidka lagu dhajiyo ah oo lagu xiray gaari uu lahaa mid kamid ah ganacsatada Magaalada Kismaayo. Waxaana lagu guuleystay in laga furo miinadii iyada ooo aan waxba soo gaarin gaarigii,” ayuu lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA ee Jubbaland.

Sidoo kale hay’adda ayaa u mahadcelisay dadkii shacabka ee la shaqeeyeen ciidamada ammaanka, islamarkaana la soo wadaagay xogta qaraxaasi la fashiliyey.

Kismaayo ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey si gaar ah loogu beegsanayey ganacsatada, iyadoo laamaha amniga ay dhankooda wadaan baaritaan dheeraad ah.

Rooble oo beesha caalamka siiyey mowqif la xiriira qabashada doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir gaar ah la qaatay wakiillada iyo safiirrada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, kaas oo looga hadlayey dar-dar gelinta hir-gelinta hanaanka doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulankaas ka sheegay in xukuumadiisa ay ka go’antahay qabashada doorasho si nabdoon dalka uga dhacda, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu la fariisto cid kasta oo cabasho ka qabta habka ay u dhaceyso doorashadu.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa inay is dejiyaan aniga oo masuul ka ah xukuumadda federaalka, waxaan idiin sheegayaa in aan diyaar u ahay inaan qof kasta qaabilo oo aan kala hadlo wixii cabasho ah oo ay dareemayaan,” ayuu yiri R/Wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay in musharaxiinta cabashada ka qaba doorashada uu diyaar u yahay inuu la fariisto oo uu wax ka qabto tabashadooda, xafiiskiisuna uu u furanyahay.

“Walaalaha yaga cabashada ka qaba doorashada, waxaan u sheegayaa inuu u furanyahay albabaabkeyga, diyaarna aan u ahay inaan xal waara ka gaarno cabashadiina, waxaan idin leeyahay is dejiya, looma baahna in xasarad dadka lagu kicinaayo la abuuro, aan wada dhowrno shacabka reer Muqdisho iyo hantidooda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Rooble.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka ee ku xiran Villa Somalia ay soo saareen jadwal doorasho, balse illaa iyo hadda aysan jirin cid dhaqan-gelisay.

Hoos ka dhageyso

Xog: Xildhibaanada BF oo muddo hal sano ah loogu kordhiyay aqoonsiyadooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in muddo hal sano ah loogu kordhiyay kaararka aqoonsiga oo sanadkan dhammaadkiisa ka dhacay baarlamaanka.

Xildhibaaanada aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in taariikhda ID Cards-kooda oo ku ekaa 27-ka December ee sanadkaan, xiligaas oo ah markii la dhaariyay sanadkii 2016-kii.

Dad badan ayaa is weydiinaya mar haddii kaararka aqoonsiga jiritaankooda lagu daray hal sano oo dheeraad ah, intee ayey sii joogi doonaan xildhibaanada?

Inkastoo waqtiga baarlamaanka dhamaaday ayaa haddana dhowaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in ay sii jiri doonaan illaa laga helo baarlamaan beddala.

Iyadoo uu dhamaaday waqtiga baarlamaanka ayaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo asna waxaa u harsan 43 maalin walina ma jirto doorasho la isku raacsan yahay oo dalka loo jihiyeeyay.

Marka madaxweynaha xilka ka dhammaado ayaa laga cabsi qabaa in dalku xaalad halis ah galo, ayada oo mucaaradka aysan wixii markaas ka dambeeya Farmaajo u aqoonsan doonin madaxweynaha, islamarkaana kula loolami doonaan wax walba.

CC Shakuur oo si kulul uga hadlay dadkii dibad-baxayey ee maanta la rasaaseeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo soo saaray war qoraal ah ayaa si adag uga hadlay xaaladda adag ee  magaalada Beledweyne iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee maanta ka jira magaaladaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyey in marka hore uu cambaaraynayo falal uu sheegay in lagu caburinayo shacabka reer Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ciidamada AMISOM in aan loo adeegsan dano gaar ah, gaar ahaan in lagu meel-mariyo danaha madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Waxaan canbaaraynayaa falalka lagu caburrinayo codka shacabka reer Hiiraan. Waxaan ugu baaqayaa ciidamada AMISOM, iyo kuwa Itoobiya in ay ka fogaadaan adeegsida awooda lagu meelmarinayo danaha gaarka ee Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri.

Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in wax laga xumaado ay tahay in la rasaaseeyo dad shacab ah oo dibad-baxaya, isaga oo tilmaamay in arrintan ay tahay danbi hirgalay intii uu xukunka hayey madaxweyne Farmaaj, sida uu ku sheegay qoraalka uu soo saaray.

“Shacab dibad baxaya oo la xabadeeyo waa danbi hirgalay intii uu xukunka hayey Madaxweyne Farmaajo. Shacabka Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in Ciidanka AMISOM ay ka amar qaataan Madaxweynaha,” ayuu sii raaciyey CC Shakuur.

Ugu dambeyn wuxuu Alle uga baryey inuu caafimaad deg-deg ah siiyo dadkii maanta ku dhaawacmay dibad-baxayadii ka dhacay magaalada Beldweyne ee la rasaaseeyey.

“Waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu u booga dhayo dadkii shacabka ee ku dhaawacmay xabadihii ciidanka ay ku rideen dibad baxayaasha,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalin ka hor nin hubeysan uu dad shacab ah oo dhigayey dibad-bax ka dhan ah madaxweynaha uu ku rasaaseeyey magaalada Muqdisho.

Puntland oo digniin adag soo saartay xilli xiisad culus ay taagan tahay (Aqriso)

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa digniin culus kasoo saaray banaan-bax rabshado wata oo shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasi oo uu hogaanka maamulkaas ku tilmaamay mid laga leeyahay dano gaar ah.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari, Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan dadka dhigaya banaan-baxyada rabshadaha wata ee wadooyinka muhiimka ah ku gubay taayirada.

Waxa uu carabka ku adkeeyay inaysan marnaba aqbaleyn in dad dhigaya banaan-bax ay waxyeelo u geystaan laamiga, isla markaana ay fowdo iyo bur-burin ku sameeyaan goobaha Ganacsiga.

Taliyaha ayaa sheegay in dadka banaan-baxa dhigayay ay soo abaabuleen dad shar-wadayaal ah oo doonaya inay dalka burbiriyaan, isagoona faray in ciidamada amniga ay gacanta kusoo dhigaan cid kasta oo fowdo iyo waxyeelo gaarsiineysa dalka.

“Ciidamada Booliska waxay ku amran yihiin inay gacanta ku dhigaan tallaabana ka qaadaan qofkii laami guba si sharciga loola tiigsado” ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Taliyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in dadweynaha dhigayey banaan-baxyada ay ku jiraan dad uu ku sheegay “nabad-diid”, isla markaana laga soo abaabulo meelo kale.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa xili uu banaan-baxii shalay madaxweynaha Puntland ku tilmaamay mid ay soo abaabuleen gacmo shisheeya, kadib markii ay banaan-baxayaal careysan ay shalay dhulka dhigeen boorar uu ku dhagaan sawirka Deni.

Is-rasaaseyn maanta mar kale ka dhacday Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya ayaa ka soo baxaya is-rasaaseyn xoogan oo goordhoweyd ka dhacday Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, taasi oo u dhaxeysay ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka.

Is-rasaaseyntan ayaa waxay dhex-martay ciidamada Booliska iyo kuwa Millateriga ee dowladda, kadib markii ciidamo millateri ah oo watay mootooyin ay rasaas kor u rideen, midaasi oo keentay in labada ciidan uu iska hor-imaad dhex-maro.

Ciidamad booliska ee ku sugnaa isgoyska Ex-Koontarool ayaa ka shikiyey rasaasta ay fureen ciidamada millateriga, iyada oo is-rasaaseynta labada dhinac ay muddo socotay, sida ay Caasimada Online u sheegen dad goobjoog ah.

Xiliga uu iska hor-imaadkan dhacayay ayaa waxa gebi ahaanba mashquul ahaa isgoyskaas, taasi oo uu hakad galiyay is-rasaaseynta labada dhinac.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in is-rasaaseyntaasi ay ku dhaawacmeen ilaa inta la xaqiijiyey lix qof, oo afar kamid ah yihiin shacab, halka labada kalena ay ahaayeen ciidanka millateriga ee ugu horeyntii rasaasta furay.

Waxa gebi ahaanba hadda degan xaalada guud ee Isgoyska, kadib markii ay goobta iskaga baxsadeen ciidamada millateriga ahaa ee markii hore furay rasaasta, isla markaana sababay iska hor-imaadka labada dhinac.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay wajaheysay iska hor-imaadka noocan oo kale ah ee dhexmara ciidamo ka wada tirsan dowladda,  kuwaasi oo inta badan ay waxyeelo kasoo gaarto shacabka

Sawiro: Qoor Qoor oo gaaray Garowe + Ujeedka safarkiisa

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Qoor Qoor iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey dhiggiisa Puntland, Siciid Cabdullahi Deni & mas’uuliyiin kale.

Ujeedka safarka madaxweynaha Galmudug ayaa la xiriira ka qeyb-galka madasha doodaha ee machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo Garoowe, kaas oo ajandihiisu yahay sidee 2025 looga bixi karaa Kumeel gaarnimada iska socota?, si dalka u helo Dastuur dhameystiran, doorasho qof iyo cod iyo nidaam federaal oo shaqeynaya.

Sido kale waxaa shirkan ka qeyb-galaya guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo musharraxiinta mucaaradka ee doorashada 2021-ka.

Shirka madasha aragti-wadaagga ee sanadlaha ah ayaa ku soo aadaya, xilli haatan uu dalka ka jiro khilaaf xoogan oo ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka.

 

DF Soomaaliya oo ciidamo horleh geyneysa 11 magaalo iyo qorshaha ka dambeeya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay ciidamo gaar ah u diyaarisay sugida amniga doorashooyinka, kuwaasi oo qeyb ka ah qorshaha amni ee ay dajisay xukuumaddu.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya, Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay inay dejiyeen qorshaha amniga doorashooyinka, iyaga oo gacan ka helaya qaar kamid ah maamulada dalka, xili uu muran xoogan ka taagan yahay doorashada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in 11 magaalo oo dalka ah ay u diyaareen ciidamo gaar ah oo lagu wado inay ka dhacaan doorashooyinka lagu muransan yahay ee soo socda.

Qorshaha amniga doorashada waa la dajiyay, waana la isku raacay,waxaa Xamar la iskugu keenay dadka ay qusayso{Maamul Goboleedyadda} waa laga wada fariistay qorshe la isku ogyahay ayaana la dajiyay,” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ee Soomaaliya.

Wuxuu intaasi ku sii daray in la diyaariyey dhaqaalihii ku bixi lahaa ciidamadaasi, islamarkaana ay meel fiican mareyso howsha sugida amniga.

“Ciidamo loogu talagalay ayaa la diyaariyay , dhaqaalihii loogu talagalay ayaa la diyaariyay, meel feecan ayay wax marayaan,” ayuu sii raaciyey Farxaan Cali Axmed.

Waxa uu xusay in ciidamadaas ay isugu jiri doonaan kuwa dowladda federaalka iyo kuwa kale oo laga soo xushay ciidamada AMISOM, oo iyagu hore u sheegay in kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan sugida amniga doorashooyinka.

Qorshayaasha uu shaaca ka qaaday wasiiru dowlaha ayaa kusoo aadaya xili uu muran xoogan ka taagan yahay hanaanka ay dowladda u wado doorashada, iyada oo ay qaadaceen musharaxiinta mucaaridka guddiyada dowladda u wada arrimaha doorashooyinka ee lagu muransan-yahay.

Xiisada doorashooyinka ayaa jahwareer iyo walaac xoogan ka abuurtay dalka, iyada oo ay xiligan muuqan in dalka ka dhacdo doorasho wada-ogol ah, maadama ay labada dhinac kala magacaabeen guddiyo doorasho oo kala taabacsan.

Xaaladda Beledweyne oo kacsan iyo howlgal ka dhan ah Jeneral Xuud oo bilowday

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah ay ka jirto gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi oo dhacay bartamaha dalka Soomaaliya.

Dadka magaalada ayaa saaka ku soo waabariistay ciidamo fara badan oo lagu soo daadiyey waddooyinka iyo xaafadaha qaar ee magaaladaasi..

Ciidamada oo isugu jira kuwa dowladda federaalka iyo AMISOM ayaa howl-gallo ballaaran ka bilaabay halkaasi, iyaga oo go’doomiyey magaalada oo dhan.

Sidoo kale ciidamada ayaa xabsiga dhigay in ka badan illaa 50 qof oo u badan dhalinyaro iyo dad kale oo la shaqeynayey jabhadda uu hoggaamiyo Janaraal Abuukar Xuud, sida afhayeenka jabhaddaasi oo lagu magacaabo, Cabdiraxmaan Xuubey.

Waxaa sidoo kale maanta Beledweyne ka dhacay dibad-bax ay dhigeen qaar ka mid ah dadka deegaanka, kaas oo looga soo horjeedo dowlad goboleedka HirShabelle.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen dadka dhigayey dibad-baxyada, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaaawacyo.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan shaqaaqadaasi.

Xaaladda Beledweyne ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid aad u kacsan, waxaana magaalada ka jiray xiisad u dhexeysa HirShabelle & Janaraal Xuud oo si weyn iga biyo diidan in magaaladaasi uu tego madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullahi Guudlaawe.