24.7 C
Mogadishu
Friday, July 24, 2026

Sawirro: Shariif oo si weyn loogu soo dhoweyey Garowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah Musharax u taagan madaxtinimada doorashada soo socota ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Sheekh Shariif iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka magaalada Garoowe madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Wafdiga uu hor kacayo Shariif ayaa waxa kamid ah Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, kuwaasi oo qeyb ka ah Shirweynaha Madasha aragti wadaaga Machadka Heritage, oo markii u horeysay lagu qabanayo magaalada Garoowe, waxaana looga hadlaya xaaladda dalka & doorashooyinka.

Magaalada Garoowe ayaa maalmihii u dambeeyay waxa kusii qul-qulayay madax badan oo iskugu jira dowladda federaalka, maamul goboleedyada, musharaxiinta mucaaridka iyo siyaasiyiin hore xilal muhiim ah uga soo qabtay dalka.

Shirweynahan ayaa lagu wadaa in maanta uu si rasmi ah uga furmo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaana ka qeyb-galaya, ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka, guddoonka labada aqal, xubno ka mid ah musharraxiinta mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka.

Xildhibaan Goodax Barre oo farriin hanjabaad ah u diray Villa Somalia (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa si kulul uga hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan uu galay xaalad cusub, taasoo uu ku sheegay inay Dowladda Federaalka go’aansatay in ay dadka reer Hiiraan u isticmaasho waxa uu ku sheegay farsamadii uu isticmaarka adeegsan jiray.

“Xaaladda Gobolka Hiiraan waxay gashay marxalad cusub, waxaa muuqata Dowladda Dhexe inay go’aan ku gaartay in ummadda aad loo caburiyo, inay go’aan ku gaareen in la isticmaalo farsamadii uu isticmaarka isticmaali jiray, oo ah bandow hala geliyo, cunnada halaga joojiyo, shaqada halaga joojiyo, dhaqaalaha halaga curyaamiyo. Waa waxa shalay Beledweyne ku bilowday, waa waxa shalay dadku ka mudaaharaaday, waa waxa aakhirka na dhaxalsiin doonto dhibaato intaan ka weyn, haddaan caqligu shaqeynin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay Hiiraan Online.

Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay in ay joojiso ciqaab wadareed uu sheegay in ay ku hayso dadka reer Hiiraan, haddii kalana aanay arrintan noqon doonin mid leeskaga haro.

“Xukuumadda Federaalka waxaa looga fadhiyaa in arrintaas ay ka waantowdo. Haddii dad ku dhinto waxaan la yiraahdo ciqaab wadareed ‘Sidee baa xuquuqdiina iyo maskaxdiina uga hadli kartaan, cunnadaa idinka joojinaa, cunaqabateenaa idinku waxaynaa’ haddii ay arrintu noqoto waxaan shaki ku jirin in arrintu aysan ku ekaan doonin Gobolka Hiiraan iyo Magaalada Beledweyne. Dad badanaa loo maxkamadayn doonnaa, dad badan ayay muddo dheer daba taagnaan doontaa waxa meeshaas ka dhacayaa” ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waa cunsuriyad, waa midab takoor in ummadda lagu cadaadiyo raashiinkii oo laga joojiyay, Beledweyne laga dhigo xabsi dusha ka furan, lagu xabadeeyo, dad-na ku dhinto waa waxaan leeskaga hareynin, masuuliyiinta sare ee wadanka iyagaa ka jawaabi doono. Haddii aad is leedihiin maxkamado kama jiraan wadanka gudahiisa waala hurda siiyay, waxaan hareynin ayay noqonaysaa. Wax aan harin oo mar walba lagu xisaabtamo ayay noqonaysaa. Waxaa haboon inta ay goori goor tahay inaad ka waantowdaan arrintaas.”

Hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Goodax ayaa ku soo aadaya, xilli Beledweyne uu ka socdo hawlgal lagu qabqabanayo dad lagu eedeeyay in ay soo abaabuleen bannaanbaxyadii toddobaadyo ka hor ka dhacay magaaladaasi, ee lagu diidanaa safar uu ku taggi lahaa Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Xog: Madax gobaleedyo u digay xubno ka tirsan gudiga lagu muransan yahay ee doorashada oo soo wacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xubnaha guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyin Qaranka ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxda Maamul Gobaleedyada aysan ka soo jawaabin fariimo loo diray laba jeer.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in fariimaha loo diray madaxda maamulada ay aheyd in ay guda galaan shaqada iyo in ay la shaqeeyaan guddiga, hase yeeshee labada jeerba wax jawaab ah ma helin.

Guddoomiyaha guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka Maxamed Xasan Maxamed ayaa la sheegay in uu si toos ah ula xariiray madaxweynayaasha qaar ee maamul gobaleedyada balse ay toos ugu sheegeen in uusan mar dambe soo wicin.

Caasimada Online wali ma helin madaxweynayaasha guddoomiyaha ku amray in uusan mar dambe soo wicin hase yeeshee wararku waxey sheegayaan in guddiga uu dhibkaan la wadaagay Madaxda dowladda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ay diidan yihiin guddigan, halka Qoor Qoor uu marba mowqif muujiyo, ayada oo aanu caddeyn mowqifka Guudlaawe, hase yeeshee waxaa guddigan si buuxda u taageersan Lafta-gareen.

Wararka aan helnay ayaa sheegayaa in guddiga culees badan uu la kulmayo islamarkaana ay socon la’yihiin jadwaladii ay soo saareen, sidoo kalane ay culeysyo kale la kulmayaan inay wax dhaqaajiyaan.

Waxaa xaaladda kasii daraya in inta badan xubnaha guddiga ay yihiin dhallinyaro daacad u ah dowladda, oo aan wax khibrad iyo saameyn siyaasadeed laheyn, islamarkaana xiriiro aan ku laheyn maamullada.

Qarax mar kale maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa barqnimadii maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka garoonka Cabdullahi Yuusuf oo ku yaalla gudaha magaaladaasi.

Ugu yaraan hal qof oo ahaa darawal gaari nooca iska roge ah ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo uu ku dhaawacmay qof kale oo rayid ah, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii qarax is-miidaamin ahaa uu ka dhacay gudaha Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Galmudug, kaas oo lagu dilay saraakiil iyo dad kale oo shacab ah.

Sawirro: Wasiir Beyle oo QM kala hadlay arrin la xiriirta doorashooyinka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa faah faahin ka bixiyey shir uu aaladda fogaan aragga kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, kaasi oo ay kaga wada hadleen dardar-gelinta hannaanka doorashooyinka ee dalka ee 2020 illaa 2021-ka.

Beyle ayaa si gaar ah Qaramada Midoobay kala hadlay qarashaadka ku baxaya doorashada dalka oo  intooda ugu badan ay bixineyso beesha caalamka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in laga wada shaqeeyo howlaha hagu Horumarinayo hannaanka dowladnimada.

“Waxa aan shir muhiim ah oo ku saabsan Qarashaadka ku baxaya Doorashooyinka Qaranka la yeelanay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, iyadoo ay shirka igu wehlinayeen qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dalka, waxaa naga go’an in aan si wadajir ah uga wada shaqeyno howlaha lagu Horumarinayo hannaanka Dowladnimada,”ayuu yiri wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa horey shaaciyy in qiyaas ahaan doorashada dalka ay ku bixeyso lacag dhan $40 Milyan oo 10%, una dhiganta 4 milyan laga rabo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halka inta kalena ay bixineyso beesha caalamka.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho isugu jirto tan baarlamaanka & madaweynaha, taas oo ay weli isku fahmi la’yihiin dowladda iyo mucaaradka dalka.

Guddoomiye Sanyare oo sheegay inuu ka towbad keenay gefkii ka dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa ka jawaabay fal-celintii ka dhalatay hadal dhawaan ka soo yeeray oo ahaa in ‘amni darro darteed uusan ku dukan masaajidda Aadaankooduna uu dhibayo’ isagoo aad u dhaleeceeyey culumada ku nool magaalada Gaalkacyo.

Qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa ka fal-celiyey hadalka guddoomiyaha, waxaana ka mid ahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo sheegay inuu ka naxay hadalka guddoomiye Sanyare, isagoo tilmaamay inuu meel ka dhac ku yahay diinta Islaamka.

Guddoomiye Cabdiladiif Muuse oo wareysi siiyay BBC ayaa cudur daar ka bixiyey hadalkaas, balse waxa uu sheegay inuu dhibsaday qaabka loogu soo gudbiyey khaladkiisa.

“Qofka muslimka ah hadii lagu dhaho, ‘khalad baad gashaye toobad keen’ wax dhibaato ah kuma ahan, waxay u tahay ammaan, towbaduna waa qeyb ka mid ah ammaanta dadka muslimiinta ah iyo in Alle loo noqdo, cid kasta oo kuu sheegta inaad Alle u towban celisana waa laga aqbalaa, salaadaba markii aad ka baxdo waxaa lagu billaabaa astaqfirullah,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiladiif Muuse.

“Wixii khalad ah oo aniga iga dhacay, oo ku khaldamidda diinta ah ama carrabka wax iga raacay waxaan uga towbad keenayaa Alle sababtoo ah nin muslim ah baan ahay” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Sheekh Umal uu aad u qadariyo, balse ay aheyd inuu gaar ugu sheego inuu qaldamay isagoo aan warbaahinta u marin, sidoo kalena uu ka aqbalay soo jeedintoodii isaga iyo culumada kale ee ka fal-celisay hadalkiisii.

“Sheekha waa nin culimo ah, ixtiraam baana u hayaa, nasteexaduna waxay ku jirtaa in qofku isagoo aan sharaftiisa wax loo dhimin jirkiisana la danqin wax loo sheego, si uu warkaaga kaaga qaato. Waxaa igu filneyd inuu igu dhaho khalad baa kaa dhacay ee ka laabo, waana aqbalay isaga iyo culimada kalena waan ka maqlay waana cudur daartay” Ayuu yiri Guddoomiye Sanyare.

Guddoomiyaha oo 21-kii bishan December ka hadlayey xaflad lagu caleema saarayey guddoomiyaha koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa yiri “In aanan masaajidka ku tukanin waa sababta dad badan aysan u aadin oo ah in masaajidka laga baqayo oo aan la gali karin amni darro awgeed.”

Dad badan ayaa dhibsaday hadalka guddoomiyaha, gaar ahaan qaabka uu uga hadlay arrinta masaajidda, waxaana maalmihii lasoo dhaafay si weyn loogu hadal-hayey baraha bulshada.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ahaa culumadii ka fal-celisay hadalka guddoomiye Sanyare ayaa yiri,“Hadalka noocaas ah iyo dhiiranaanta noocaas iyo indha-adeyga noocaas ah oo ruux Muslim ah oo Alle iyo aakhiro rumeysan uu ku hadlaayo oo haddana baraha bulshada lasoo galiyay oo dadku wada dhageysanayaan waa arrin runtii naxdin leh.”

Sawirro: Geelle iyo Axmed Madoobe oo kulmay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Siyaasiga Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta ayaa gudaha magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland kulan gaar ah kula qaatay madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Musharrax Daahir Maxamuud iyo madaweyne Axmed Madoobe oo Garoowe u tegay ka qeyb-galka madasha aragti wadaaga e Machadka Heritage ayaa waxa ay ka wada hadleen xaalada dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo marxaladda kala guurka ah.

Sidoo kal labada mas’uul ayaa kulankooda si gaar ah diirada ugu saaray sidii looga gudbi lahaa caqabadda ka taagan doorashada, gaar ahaan guddiyada doorashooyinka dalka.

Geelle oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Jubbaland doorka uu ku leeyahay dowladnimada dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Garoowe ayaa waxaa maanta ka furmaya shirweyne u dhexeeya qaar ka mid ah madaxda dowlad gboleedyada dalka, dowladda dhexe iyo mucaaradka, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan sida looga gudbi karo marxaladda adag ee lagu jiro.

Si kastaba dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa haatan isku haya doorashooyinka, waxaana weli dalka ka jira khilaaf ku aadan sida loo wajahayo doorashada.

P/Land oo joojisay doorasho lagu qaban lahaa Galkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa amar ku bixiyey in lajoojiyo doorasho lagu qaban lahaa gudaha magaalada Gaalkacyo, kadib muran xoogan oo hareeyey doorashadaasi.

Sanyare ayaa faray guddoomiye ku xigeenka Gaalkacyo inuu joojiyo doorashadaas oo ka dhici laheyd deegaanka Wadajir oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah.

Warqad ka soo baxday xafiiska Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa waxaa lagu sheegay in deegaankaasi uu yahay mid isataraatiiji ah, islamarkaana loo baahan yahay in marka maamul loo sameynayo loo maro waddo sax ah, si looga baaqsado xasiloono darro.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay maamulka Gaalkacyo inuu wada-tashi geliyo doorashadaasi, si xal looga gaaro muranka ka dhashay.

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday shacabka in laga wada-shaqeeyo xasiloonida gobolka iyo sidoo kale nabad-gelyada guud ee deegaanka.

 

 

Madaxda rugta ganacsiga oo ku gacan seeray, sharci darrana ku tilmaamay go’aankii DF + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Rugta Ganacsiga iyo warshada Soomaaliyeed ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabadii ay maanta ku kala dirtay wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, kadib kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen.

Wasaaradda garacsiga Soomaaliya ayaa maanta kala dirtay maamulkii rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed, waxayna si ku meel gaar ah loo magacaabay xubno kala metelaya shirkadaha waaweyn ee dalka.

“Shantii sano mar ayaa la doortaa hoggaanka sare ee maamulka rugta ganacsiga, waxaana doorta ganacsato, wasaaraduna goobjoog ayey ka noqotaa, wasiirku waa uu ku deg degay warqadda ka soo baxday xafiiskiisa,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenja rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Cabdullahi Aadan.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee wasaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Cabdi Abshir Dhoore ayaa sheegay in wax lala yaabo uu yahay warka ka soo yeeray wasaaradda ganacsiga.

“Waa nasiib darro in sanad kasta aan ka jawaabno warqad uu soo saaray wasiir aan seddax bilood shaqeyneyn, waa culeys cusub oo sharci ah…waxaan ka codsaneysaneynaa xafiiska ra’iisul wasaaraha in arrinkaas si dhab ah loo baaro oo la raadiyo waxa wasiirka ku sababay tallaabadaas, waa markii seddaxaad oo rugta ganacsiga sidaan oo kale loola dhaqmay,” ayuu yiri Cabdi Abshir Dhoore.

Wareegtadii lagu kala diray xubnahan ee maanta ka soo baxday xafiiska wasiirka ganacsiga ayaa Cabdullahi Nuur Cusmaan oo ka tirsan Hormuud loogu magacaabay guddoomiyaha rubga, halka Cabdiweli Maxamuud Warasme iyo Cali Xasan oo ka kala socda Somtel iyo Almoha General Trading sida ay u kala horeeyaan laga dhigay guddoomiye ku xigeenno.

Maamulkan oo ah mid ku meel gaar ah ayaa loo qabtay inay muddo 60 cisho ku qabtaan doorasho.

Hoos ka Daawo

Qarax dad badan lagu laayey oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in duleedka magaalada Kismaayo qarax miino lagula eegtay gaari ay la socdeen dad safar ahaa oo ka baxay magaalada.

Dadkaas oo gaarayey todoba qof ayaa la socday hal gaari, waxaana la sheegay in dhamaantood ay ku geeriyoodeen qaraxaas.

Gaariga ay la socdeen dadkaas ee qaraxu haleelay waxaa la sheegay inuu ka baxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, isla markaana uu ku sii jeeday magaalada Dhoobley ee isla gobolkaas.

Qaraxaas oo sida la sheegay noociisu ahaa miino wadada la geliyey ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxaysa tuulo lagu magacaabo Taabto iyo magaalada Dhoobley oo gaarigaasi uu u socday.

Dhamaan dadkii la socday gaarigaas ayaa geeriyooday, waxaana ku jiray ilmo yar oo lix bilood jir ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen ehellada dadka lagu laayey qaraxaas.

Maydadka dadkaas ayaa caawa la geeyey degmada Dhoobley oo markii hore ay u socdeen, waxaana la sheegay in halkaas lagu aasi doono.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, welina kama hadlin mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland.

Daawo: Nin lagu eedeeyey kufsigii iyo gowracii Ubax Maxamed Yaxye oo la qabtay

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Taliyaha saldhiga booliska degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud Dhamme Farxaan Xuseen Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baaritaano dheer kadib ay soo qabteen ninkii gabadha xaamilada ah ku kufsaday duleedka Caabudwaaq kadibna gowracay.

Taliyaha ayaa sheegay in halka uu falkaasi ka dhacay ay ka raaceen raadka ninka dilay gabadha, kadibna ay uga daba tageen gurigiisa.

“Kabihii uu watay ayuu tuuray, raadkiisa ayuu iska daba wareejiyey, kadibna guriga hooyadiisa ayuu galay, markaan raadkiisa ka raacnay meeshii uu gabadha ku kufsaday, guriga hooyadiis ayuu galay, ugu dambeyna waan ku guuleysanay inaan soo qabano,” ayuu yiri Taliyaha saldhigga booliska degmada Caabudwaaq Dhamme Farxaan Xuseen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in baadi goobka ninkaas ay qeyb ka qaateen ehelladiisa, haatana cadaaladda la hor geyn doono.

Meydka Ubax Maxamed Yaxye oo lahayd uurka ilmo saddex bilood ah ayaa laga helay duleedka degmada Caabudwaaq iyadoo gowracan, waxayna ehelladeedu sheegeen in dilka ka hor la kufsaday.

Sanadihii dambe dalkeena waxaa ku soo badatay ficillada ah in la kufsado haweenka kadibna la dilo, waxayna falalkii u dambeeyey ka dheceen magaalooyinka Caabduqwaaq, Gaalkacyo, Burco, Boosaaso, Garowe, Beled-Xaawo, Luuq, Muqdisho iyo magaalooyin kale.

Hoos ka Daawo Taliyaha iyo ehellada gabadha 

Axmed Macallin FIQI oo digniin culus diray (Aqriso)

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug, xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay dadka aada deegaanada ay gacanta ku hayaan dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo badanka u doonta garsoor.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in cid kasta oo u safarta degaanada ay maamulaan Al-Shabaab ee la hadasha aysan marnaba kusoo noqon doonin degaanada Galmudug, isaga oo ku hanjabay in wasaaradiisu tallaabo adag ka qaadi doonto.

Waxa kale oo uu amar ku bixiyey in muddo todobaad ah isku soo diiwaan-geliyaan Xarunta Nabadsugida magaalada Gaalkacyo dadka aaday degaannada ay maamulaan Al-Shabaab ee la soo kulmay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la maxkamadeyn doono dadka ka madax adeyga amarada wasaarada, isagoona faray laamaha amniga Galmudug inay xiraan dadka aaday goobaha ay joogaan Al-Shabaab ee u hogaansami waaya awaamiirtan.

Wasiir Fiqi ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in la mamnuucay in hubka sharci darro ah lagu dhex wato magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ka digay in askari bilaa direys ah uusan qori ku dhex qaadan karin magaalada.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu dhawaan qarax xoogan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay soo badanayaan dadka garsoorka u doonta deegaanada Shabaabka, kuwaasi oo inta badan ku andacooda in garsoorka dalka uusan u shaqeyn sidii la rabay.

DF oo go’aan xasaasi ah ka gaartay sida ay Guudlaawe ku gayneyso Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad bandow uu saaran yahay xaafadaha qaar ee magaalada Beladweyne kadib marki lagu daadiyay ciidan Soomaali iyo Amisom ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta uu mar kale isku dhac dhaxmaray ciidanka Janaraal Xuud iyo ciidan ka tirsan Milateriga Soomaaliya inkastoo uusan jirin khasaare ka dhashay.

Guri kasta oo ku yaalla xaafad ka mid ah Beladweyne waxaa la sheegayaa in la dhigay ciidan Itoobiyaan, Jabuutiyaan iyo kuwa Soomaali ah, waxaana ka sii daraya xaaladda kacsan ee magaalada.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in awood ciidan ku geyso gobalka Hiiraan Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseeen Cali Guudlaawe, kadib markii ay ka quusatay waan waantii.

Magaalada ayaa ku jirta xaalad colaadeed waxeyna qarka u saarantahay inuu ka dhaco dagaal Sokeeye iyadoo ay isa soo tarayaan qeyla dhaanta waxgaradka.

Cali Guudlaawe oo la doortay bishii November ayaan weli la caleemo saarin, sababtuna waxay tahay dowladda federaalka oo dooneysa in lagu caleemo saaro Beledweyne, hase yeeshee waxaa taas kasoo horjeedda beesha Xawaadle oo ka mid ah beelaha degan magaalada.

Dowladda UK ‘oo ka qeyb-qaadaneysa’ mashruuc cusub oo laga billaabay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Benaadir, Cumar Maxamuud  Maxamed (Filish) oo sidoo kale ah duqa caasimada, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarka iyo mashaariicda caasimada, iyada oo si gaar ah labada mas’uul isku dul taagay mashruuca xal u helida khilaafaadka xasilinta iyo nabadeynta.

Amb. Ben Fender ayaa si rasmi ugu dhawaaqay intii uu kulanku socday inay taageero balaadhan ka geysanayaan mashruuca nabadeynta bulshada caasimada, taasi oo uu wado gobolka Benaadir.

Labada mas’uul ayaa isku raacay inay si wada-jir ah uga wada shaqeeyan fulinta mashruucan, kaasi oo looga dan leeyahay inuu nabad waarta ka abuuro caasimada iyo guud ahaanba gobolka.

“Waxaan maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda ingiriiska  u qaalbilsan Soomaaliya Ben Fender waxaan kawada hadalnay hormarinta caasimadda Muqdisho iyo xal u helidda xasilinta unuga nabadenta Magaalada Muqdisho,” ayuu yiri guddoomiye Filish oo qoraal kooban kasoo saaray kulanka.

Wafdi ka socda DF oo ka degay Garoowe iyo ujeedka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mahadi Maxamed Guuleed Khadar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Mahdi iyo Wafdigiisa ayaa waxa goordhoweyd si balaadhan caasimada Puntland ee Garoowe ugu soo dhaweeyay madaxweynaha maamulkaas, Saciid Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada ee gole ee dowlad goboleedka Puntland.

Wafdigan ayaa waxa uu qeyb ka noqonaya wafuud kala duwan oo hore ugu sugnaa magaalada Garoowe, kuwaasi oo ka qeyb-galaya Madasha aragti wadaaga ee Machadka Heritage oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka, dhameystirka Dastuurka iyo qodobo kale.

Machadka Heritage ayaa madashan markii ugu horeysay ku qabanaya Garoowe, iyada oo hore loogu qaban jiray dalka Jabuuti, waxaana ka qeyb-galaya Madax isugu jirta Muxaafad iyo Mucaarad.

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Garoowe madax kale oo lagu casuumay madashaasi, iyada oo amniga magaalada si weyn loo sii adkeeyay.

Garoowe ayaa xiligan marti-gelinaysa wafuud badan oo iskugu jira Mucaarid iyo Muxaafid, kuwaasi oo ka wada qeyb-galaya madasha uu soo agaasimay machadka Heritage.

Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Gedo (Faah-faahin)

0

Ceelwaaq (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Kenya oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus kusoo qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin degmada Ceelwaaq oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland.

Dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac ayaa si weyn looga maqlayey qeybo ka mid ah magaalada iyo tuulooyinka ku dhow, sida ay goob joogayaal xaqiijiyeen.

Illaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo  khasaaraha ka dhashay dagaalkaas maadaama inta badan Saldhigyada Ciidamada aan loo dhawaan Karin.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Kenya intii uu dagaalka socday ay rideen tiro hoobiyeyaal ah, kuwaas oo ku dhacay duleedka degmada Ceelwaq, inkasta  oo aysan geysan wax khasaaro ah.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo kama hadlin dagaalka ka dhacay degmada Ceelwaaq, waxaana lagu soo waramayaa in Maanta Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waxaad kaga bogan doontaan wararkeena soo socdo Inshaa Allah.

Maamulka rugta ganacsiga Soomaaliya oo la kala diray

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa goordhow si rasmi ah loo kala diray maamulka rugta ganacsiga iyo warashadaha ee hadda jira iyada oo la magacaabay maamul kale oo ku meel gaar ah, sida ku cad go’aan kasoo baxay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Sababta waxaa lagu sheegay xaaladda cakiran ee ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed iyo in dib u habeyn lagu sameeyo rugta ayaa go’aanka la gaaray

Waxaa si ku meel gaar ah loo magacaabay guddoomiye, labo ku xigeen iyo 30 xubnood oo matalaya ganacsatada Soomaaliyeed.

Cabdullahi Nuur Cusmaan oo ka tirsan Hormuud ayaa guddoomiye laga dhigay halka Cabdiweli Maxamuud Warasme iyo Cali Xasan oo ka kala socda Somtel iyo Almoha General Trading sida ay u kala horeeyaan laga dhigay guddoomiye ku xigeenno.

Maamulka ku meel gaarka ah ayaa waxaa loo qabtay inay muddo 60 cisho ku qabtaan doorasho

 

Goorta la gaba-gabeynayo dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Mudane Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kormeer ku tegay dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka kala tiran gobollada Banaadir & Sh/Hoose.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in haatan uu gaba-gabo uu marayo dhismaha jidkaasi, islamarkaana la soo gaba-gabeyn doono muddo labo toddobaad gudahood ah.

Cumar Filish ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah inay ilaashadaan laamigaas loo dhisay oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka intaba.

Sidoo kale dhismaha waddan ayaa waxaa si aad ah u soo dhoweeyey shacabka, iyadoo laamigana loo dhisay laba qeybood oo ay isku dhaafi karaan gawaarida.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hadalkiisa sii watay ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan sidoo kale la bilaabi doono dhismaha wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo uu haatan ka muuqdo burbur aad u xoogan.

Si kastaba dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan dadaal badan ku bixineysa dhismaha waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo muddo fog burbursanaa.

Weerar kale oo Muqdisho ka dhacay iyo askar lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan illaa saddex qof ayaa maanta lagu dilay gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir, kadib markii ay rasaas xoogan ku fureen kooxo ku hubeysnaa bistoolado oo weerar gaadma ah ku qaaday dadkaasi.

Toogashada ayaa goor dhow ka dhacday agagaarka buundooyinka, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in saddexda qof ee la dilay ahaayeen askar ka tirsanaa ciidanka nabad sugida, gaar ahaan kuwa dhar-cadda ee loo yaqaano ilaalada shacabka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi, waxaana goor dambe goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Muddooyinkii la soio dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab.

Muxuu Cumar Filish ka yiri xiisadda ka taagan Kaaraan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa si adag uga hadlay isku dhacyada u dhexeeya ciidamada dowladda & iska hor imaadyadii u dambeeyey ee gudaha degmada Kaaraan.

Ugu horreyn guddoomiyaha oo ka hadlayey kulan lagu qabtay degmada Kaaraan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ciidamo ka wada-tirsan dowladda ay ku dhex dagaalamaan caasimada, isagoo u tacsiyeeyey ehelladii dadkii ku dhintay dagaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay leedahay awood ay uga hortagto iska hor imaadyadaasi, balse wuxuu ugu baaqay waxgaradka Muqdisho, gaar ahaan shacabka Kaaraan inay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkaasi, si looga baaqsado dagaal kale oo ka dhaca gudaha degmadaasi.

“Dowladdu awood ayay leedahay balse  diyaar uma ahan intay idinka idin jiirto inay u tagto wiilashiinna dambiga sameynaya nooga hormara oo la hadla wiilashiinana celiya si looga baaqsado dhibaato dalka ka dhacda,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xilligan aysan Soomaaliya u baahneyn dagaal iyo in fowdo la geliyo dalka oo haatan ka soo kabanayo burburkii horey u gaaray.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ay sii badanayeen isku dhacyada ciidamada dowladda, iyada oo weli ay xiisad ka taagan tahay Kaaraan.