24.8 C
Mogadishu
Friday, July 24, 2026

Muxuu Macallimuu ka yiri xilki shalay loo magacabay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Ibraahim Macallimuu oo uu shalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay afhayeenka xukuumadda federaalka ayaa ka hadlay xilkaasi cusub ee loo magacaabay, kadib war qoraal ah oo uu maanta soo saaray.

Macallimuu oo ka mid ahaa bahda warbaahinta dalka, sidoo kalena ahaa xoghayaha guud ee ururka isutaga Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa soo dhoweeyey xilkaas loo magacaabay, isaga oo marka hore u mahadceliyey R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in saxaafadda iyo siyaasadda aysan kala fogeyn, islamarkaana uu ka shaqeyn doono waajibaadka shaqada loo igmaday.

“Saxaafadda iyo siyaasadda kalama foga oo jaamacadaha qaar sanadaha hore wey isla socdaan, suxufiyiin badan ayaa ugu dambeyn ku dhamaada siyaasadda, aniguna ka mid baan noqday,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan horumarka dalka iyo danta guud ee dadka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka aqriso:-

Alla ayaa mahad leh. Waxa aan halkan si xushmad iyo qaddarin leh ugu mahad celinayaa Reysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble oo ii magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo La Taliye Sare ee Warfaafinta.

Waxa aan Eebe ka baryayaa in uu howshaas ii u fududeeyo ,waxaan sidoo kale u mahad celinayaa dhamaan intii soo dhaweysay.

Tan iyo 1995-kii waxa aan la shaqeynayay hey’ado caalami ah oo isugu jiray kuwa samafal iyo kuwa warbaahineed dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ,marka hadii Eebe qaddaro inta ka dhiman waqtigeyga inshallah waxa aan ka shaqeyn doonaa dowladnimada .

Saxaafadda iyo Siyaasadda kalama foga oo jaamacadaha qaar sanadaha hore wey isla socdaan ,suxufiyiin badan ayaa ugu dambeyn ku dhamaada siyaasadda,aniguna ka mid baan noqday.

Alla aan ka barino in dalkeenna uu inoo nabadeeyo .Colaad in ku filan waan soo aragnay .Inshallah aan si wadajir ah uga shaqeyno danta dadkeenna.

Allah ayaa badbaade leh ee haigu shartiro howshan uu RW Rooble ii magacaabay .

Macalimuu

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen A/Madoobe, Cabdi Xaashi iyo musharraxiinta?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan xalay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ku dhex-maray xubno ka tirsan Midowga Musharraxiinta, madaxweynaha Jubbaland, guddoomiyaha aqalka sare, xildhibaanno iyo senataro ka soo kala jeeda Jubbaland iyo Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan muranka ka taagan doorashooyinka dalka oo dhinacyadaasi ay ka muujinayaan walaac xoogan, iyaga oo diidan hannaanka ay dowladda ku wajaheyso doorashooyinka.

Afhayeenka midowga musharraxiinta Ridwaan Xirsi Maxamed oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey kulankaasi, isaga oo shaaciyey inay dhinacyada kala duwan ee kulanka isugu yimid ay kulmisay duruufta ka dhalatay doorashada dalka ee 2020/2021.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka wada-hadleen labo qodob oo kaliya oo ay horey walaac uga muujiyeen, kuwaas oo kala ah hab maamulka guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi iyo sidoo kale ciidamada dowladda dhexe ay ku heyso gobolka Gedo.

Ugu dambeyn Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay, haddii aan xal mideysan laga gaarin dooda ka taagan doorashada inay meel dheer ku sii dhaceyso rajada ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan in dalkan uu horay u sii socdo, si loo sii hormariyo.

Si kataba mas’uuliyiintan kala duwan ee Garoowe ku shiray ayaa magaaladaasi u tegay ka qeyb-gala madasha aragti wadaaga ee sanadlaha ah oo looga hadlayo xaalada dalka.

Daacishta Soomaaliya oo laba u kala jabtay iyo dagaal culus oo ka dhex qarxay

0

Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo deegaanada buuraleyda ee Maamulka Puntland ayaa sheegayo inuu halkaas dagaal culus ku dhex maray Kooxda Daacish ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya kadib markii ay u laba qeyb u kala jabeen.

Khilaafka soo kala dhex galay Kooxda gacan saarka la leh kooxda la magacdey Dowladda Islaamka ee ka howlgasha wadamo ay kamid yihiin Suuriya iyo Ciraaq ayaa salka ku hayo cidda hoggaanka u qabaneyso maadaama uu xanuunsanayo hoggaamiyahooda Cabdulqaadir Muumin kaasoo kasoo goostay Kooxda Al-Shabaab.

Hoggaamiyaha Daacish horayna uga mid ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska ayaa lasoo sheegayaa inuu la xanuunsanayo cudurka Sakorta oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhigay mid kusoo aruuray sariirta.

Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, dagaalka oo ka dhacay Buuraha Calmiskaad ayaa waxaa ku dhintay illaa 3 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha dagaalamay ee Daacish dhexdooda ah sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya weli kama aysan hadlin dagaalka iyo khilaafka ka dhex qarxay, waxayna arrintaan kusoo aadeyso muddo yar kadib markii ay kooxda ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Daacish ayaa weeraro badan iyo dilal ka geysatay gudaha Soomaaliya, waxayna inta badan dagaalyahaneeda ku sugan yihiin deegaanada Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa buuraleyda ah.

BF oo maanta meel-mariyay heshiisyo caalami ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shcabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga oo ka dhacay magaalada Muqdisho ku ansixiyey heshiisyo caalami ah, kaasi oo mudaneyaasha goluhu cod aqlabiyad ah ugu codeeyeen.

Kulankan oo uu shir gudoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka, Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa uu ajendihiisu ahaa, akhrinta 1-aad ee saddexda heshiis ee kala ah; Qaramada Madoobay, Midowga Afrika iyo Carabta ee la dagaalanka iyo ka hortagga Musuq-maasuqa iyo weliba akhrinta 2-aad ee Hay’addaha aan Dawliga Ahayn (NGO) iyo akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Qaxootiga.

Mudaneyaasha golaha shacabka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiiska Qaramada Midoobey, kaasi oo ay u codeeyeen 146 mudane, halka uusan jirin wax diiday ama ka aamusay codeyntaasi.

Sidoo kale xildhibaanada golaha ayaa meel-mariyay heshiisyada Midowga Afirka iyo Carabta ee la dagaalanka & ka hortaga musuq-maasuq, kaasi oo ay u codeeyen 145 mudane, waxaana diiday labo mudane, halka uu hal mudane ka aamusay.

Golaha ayaa waxa kale oo uu dib u dhigay akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga ahayn ee (NOGO-ska), halka uu akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Qaxootiga. 

Wasiirka cadaalada iyo arrimaha Garsoorka, C/qaadir Maxamd Nuur oo goobjoog ka ahaa kulankaas ayaa waxa uu mudaneyaasha golaha uga mahad-celiyay ansixinta ay maanta sameeyen.

Golaha oo muddo xileedkiisu uu dhamaaday ayaa weli si KMG ah usii haya, xili uu weli muran xoogan ka taagan yahay doorashooyinka dalka oo ay qeyb ka tahay mida golaha shacabka.

DF oo sheegtay in la qabtay lacag ka timid Imaaraadka Carabta iyo raggii waday

0

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan xuduuda u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag siday lacag ay sheegeen in laga keenay dalka Imaraadka Carabta.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa tirada dadka la qabtay ku sheegay inay ahaayeen laba nin iyo lacag ay wateen, inkastoo aysan sheegin tirada lacagta gacanta lagu dhigay.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Beled-Xaawo oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in lacagtaan la doonayay in lagu carqaladeeyo doorashooyinka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Cabdullahi Cabdi ayaa sheegay in heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada ammaanka ee ka howlgala dhulka xuduuda ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan wax walba oo khal khal gelinaya amniga dalka.

Ma jiro illo wareedyo madax banaan oo xaqiijinayo sheegashada saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, dowladda Imaaraadka Carabta weli kama aysan hadlin sheegashada kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya iyo waxa ka jira lacagtaan la sheegay in gacanta lagu dhigay.

Ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Jubaland ayaa Caasimada Online u sheegay in sheegashada ay qeyb ka tahay isku day shacabka lagu kicinayo, ayada oo laga faa’iideysanyo naceybka ay u hayaan Imaaraadka, taasi oo qeyb ka ah ololaha doorashada madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya sidaan oo kale sheegtay in bishii April ee sanadkii 2018-kii ay gacanta ku dhigtay lacag ay Dowladda Imaaraadka Carabta kasoo dajisay Garoonka Diyaaradaha  Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo keentay inuu xumaado xiriirka labada dalka, waxayna Imaaraadka Carabta joojisay tababaradii ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya, ayada sidoo kale xirtay Isbitaal si lacag la’aan ah dadka loogu daweyn jiray oo ku yaallay magaalada Muqdisho.

Hoos ka dhageyso wareysiga Taliyaha

Weerar ka dhacay Hiiraan iyo xiisada gobolka ka taagan oo kasii dareysa (Aqriso)

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay weerar dhabo gal ah ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Maleeshiyaadka ayaa lagu soo warramayaa inay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu marayey inta u dhexeysa degmooyinka Matabaan & Beledweyne.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ka mid ah rakaabkii la socday gaariga la rasaaseeyey.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kooxaha ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka dilka ah iyo dhaawaca kadib.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xiriira aano qabiil oo ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka gobolka iyo HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa wada howl-gallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi, si cadaaladda loo horkeeno.

Dagaal ka dhacay Baay iyo Shabab oo guul ka sheegtay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhashay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhiyo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku lee yihiin degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu halkaasi ka dhacay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray labada dhinac.

Kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saaratay dagaalkan ayaa guullo ka sheegatay, waxaana ay shaacisay inay dishay ugu yaraan illaa afar askari oo uu ku jiro sarkaal sare oo ay magaciisa ku soo koobtay Garuun, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intaasi ku dartay inay hub ku furteed dagaalkaasi iyo weerarka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha lagu diriray ku sugan ciidamada huwanta oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.

Aqri: Wararkii u dambeeyey shirka ka furmaya Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dib u dhac ayaa markale ku yimid shirka madasha aragti wadaaga ee uu soo qaban qaabiyey Machadka Hiratage, kaas oo lagu waday inuu saaka ka furmo gudaha magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in dib u dhacan oo noqonaya kii labaad ay sababeen arrimo farsamo, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay

Shirka oo ka dhacaya xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe ayaa la qorsheynayaa in galabta ama beri uu si rasmi ah uga billowdo halkaasi.

Shirweynahan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka, guddoonka labada aqal,xubno ka mid ah musharraxiinta mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka.

Madasha aragti wadaagga oo qaadan doonto saddex cisho ayaa waxaa sanadkan diirada lagu saarayaa sidee 2025 looga bixi karaa Kumeel gaarnimada iska socota?, si dalka u helo Dastuur dhameystiran, doorasho qof iyo cod iyo nidaam federaal oo shaqeynaya.

Sidoo kale madaxda ka qeyb-galeysa shirkan sanadlaha ah oo isugu jiroi mucaarad iyo muxaafad ayaa xalay yeeshay kulamo hordhac ah oo isku wareysteen dhinacyadaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale adkeeyey ammaanka magaalada Garoowe oo la ciir-ciireysa mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeyb-galeysa shirkaasi.

Waa sanadkii ugu horreeyey madasha aragti wadaagga sanadlaha ah ee Machadka Hiratage lagu qabanayo gudaha dalka, iyada oo markii hore lagu qaban jiray Jabuuti.

Xog: Guddiga doorashada ee heer gobol oo dib ugu laabanaya deegaanadooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in bisha Janaayo ee sanadka cusub ay xubnaha guddiga doorashooyinka ee heer dowlad gobaleed dib ugu laabanayaan degaanada amaba maamullada ay ka yimaadeen.

Guddiga heer dowlad gobaleed ee ka kooban min 11-ka xubnood ayaa la filayaa in ay tagaan Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in ay qaban qaabin doonaan doorashada xubnaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah xubnaha guddiga ee heer dowlad gobaleed ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya la hadleen maamulada qaar islamarkaana lagu wargeliyay in ay shaqo bilaabaan, islamarkaana ay soo bixi doonaan guddiyada.

Si kastaba, waxaan caddeyn sida wax u dhici doonaan marka xubnahan laabtaan,  ayada oo inta badan madax goboleedyada aysan dooneyn inay gudo galaan doorasho aan raali lagu wada aheyn, si gaar ah kuwa Galmudug iyo HirShabelle.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa in guddigaan ay wajahayaan dhibaatooyin oo dhanka maamuladooda ah iyo xubnaha mucaaradka ee diidan doorashada Soomaaliya.

Guddiga heer federal ee lagu muransan yahay ayaa mar labaad soo saaray jadwal cusub oo doorasho oo ka billaabanayey 26-kii December, balse durba ku guul-darreystay inuu dhaqan galo.

Qoraal maanta kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in waqtiga la garsiiyey ilaa 5-ta Janbaayo iyadoo toddobaad lagu daray.

“Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5-ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021,” ayaa lagu yiri War-saxaafadedeka Guddiga

 

Waa kuma xoghayaha cusub ee joogtada xafiiska R/W ee maanta la magacaabay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilkii ka qaaday Xoghayaha Joogtada ee xafiiska ra’iisal wasaaraha Cabdirisaaq Caato, isaga oo xilkaas u magacaabay Dr. Maxamed Ibraahim Nuur.

Xilka Xoghayaha joogtada ee xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa markii hore waxa si kumeel gaar ah u hayay Cabdirisaaq Caato, oo isla maalmo gudahood markii xilkaas loo magacaabay laga qaaday, haddana dib loogu soo celiyey.

Dr. Maxamed Ibraahim Nuur oo ku cusub saaxada siyaasada, balse aad loogu yaqaano dhanka waxbarashada iyo tacliinta sarre ayaa xilkaasi la wareegi doona, kadib markii maanta lagu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Hoos ka aqriso taariikhda Xoghayaha cusub

Dr. Maxamed Ibraahim Nuur waa aqoon yahan haysta shahaadada PhD, waana cilmi-baare iyo aqoon-yahan leh in ka badan 15-sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan baridda iyo cilmi-baarista.

Waxa uu cilmi baaris qoto dheer ku sameeyay dhaqaalaha Soomaaliya, wuxuuna dhaqaalaha ka haysta shahaadada u sareysa ee PhD, taasi uu ka qaatay 2015-kii University Sains Malaysia.

Sidoo kale waxa uu shahaadooyinka Bachelor-ka iyo Master-ta ka qaatay jaamacada SIMAD iyo International Islamic University Malaysia (IIUM), kuwaasi oo ka diyaariyey  Maamulka iyo Dhaqaalaha.

Waxa uu sanado badan shaqooyin kala duwan kasoo qabtay jaamacada SIMAD, isaga oo ugu dambeyntiina ka gaaray gudomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada  jaamacada.

Waxa kale oo uu la-taliye sare ka noqday Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka, taasi oo ilaa iyo hadda uu ka tirsanaa.

Waxa uu sidoo kale noqday la-taliyaha arrimaha hormarinta dhaqaalaha ee madaxweynaha Koonfur Galbeed, mudane Cabdicasiis Lafta-Gareen, oo ilaa iyo hadda yahay, wuxuuna door weyn ka qaatay arrimaha Dhaqaalaha iyo maaliyada ee maamulkaas.

BF oo sanado badan ku kordhiyey muddo xileedka guddiga Xaliimo Yarey

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ayaa maanta mudo kordhin u sameeyey guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kaas oo waqtigiisu ku ekaa bisha July ee sanadka 2021-ka.

In kastoo laga tashaday hadda oo aan looga fadhin wax howl doorasho ah, hadana guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka dastuurka dalku waxa uu dhigayaa in mudo xileedkiisu yahay 6-bilood, markii ay ka dhamaatana aan loo cusbooneysiin karin.

Qodobka 9-aad, farqaddiisa 1-aad ee dastuurka dalka oo ka hadlaya mudada xil-heynta guddiga ayaa dhigaya “Mudada xil-heynta guddiga doorashooyinka Qaranka waa hal xilli oo dhan 6-sano oo aan la cusbooneysiin karin.”

Dad badan waxay is weydiinayaan sababta guddigan oo ay u harsantahay lix bilood, isla markaana arrintiisa uu go’aan ka gaari karo baarlamaanka dambe ee 11-ad looga gaarsiiyey mudo kordhinta.

Lix sano oo kale ayaa maanta loogu daray guddigan oo ay hoggaamiso Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxaana la sheegay in arrintaas ay u ololeynayeen xildhibaano siyaasad ahaan aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Xaliimo Yarey ayaa la sheegay inay si hoose waayahan ugu ololeynaysay in guddigeeda waqtiga loo kordhiyo, inta aan la kala dirin baarlamaankan 10-aad ee waqtigu ka dhamaaday oo aad ugu dhow Villa Somalia.

Kulankii maanta loogu codeeyey guddigan waxaa soo xaadirtay 145-xildhibaan, kuwaas oo dhamaantood u codeeyey in guddiga ay hoggaamiso Xaliimo Yarey lix sano waqtigiisa loogu  kordhiyo, sidoo kale waxaa kulankii maanta si aqlabiyad leh loogu ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021-ka.

Xog: Korneel Saney Cabdulle iyo DF maxaa dhex-maray?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha ee Internet-ka aad loogu hadal haayaa warar sheegaya in Korneel Saneey Cabdulle uu la heshiiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online oo la hadashay saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in Korneel Saneey uusan baxsad ka aheyn dowladda Soomaaliya, balse uu jiro khilaaf, islamarkaana uu weli taliye ka yahay mid ka mid ah guutooyinka ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa in aysan jirin wax heshiis hoose ah oo ciidamo soo wareejin ah oo dhaxmaray dowladda Soomaaliya iyo Korneel Saneey Cabndulle.

Saneey Cabdulle ayaa boqolaal askari, gaadiid dagaal iyo ciidan badan ku heesta duleedka waqooyi ee Muqdisho, waxaana la sheegaa inuu dhowr jeer diiday wareejinta ciidankaas.

Ciidan ka tirsan Gor-Gor ayaa saacadihii la soo dhaafay ku sugnaa duleedka degmada Kaaraan, waxeyna dadka degaanka iyo Muqdisho ka dhax dhalisay hadal heyn badan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidankii Gor-Gor ee la geeyay duleedka Kaaraan ay hadda fariisin ka sameysteen Xerada Maslax ee duleedka Muqdisho gaar ahaan duleedka degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan ciidankaas weerar ku heyn Saneey Cabdulle balse ay howlgal gaar ah halkaas ku tageen, kadibna dib uga laabteen fariisin kale oo ay ka sameysteen duleedka Muqdisho.

Rooble oo xil u magacaabay Maxamed Ibrahim Macallimu

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu goordhoweyd Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa kamid ahaa bahda warbaahinta dalka, gaar ahaan waxa uu ka tirsanaan jiray idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu u magacaabay  Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Xilkan ayaa noqonayaa mid cusub, iyada oo ay xusid mudan tahay inuusan jirin xukuumaddii Xasan Cali Kheyre oo la bilaabatay muddo xileedka madaxweynaha hadda talada haya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wareegtadan ayaa noqoneysa midii labaad ee uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliyada, Maxamed Xuseen Rooble uu isla maanta xil muhiim ku magacaabo, iyada oo galinkii dambe ee maanta Maxamed Ibraahim Nuur uu u magacaabay xoghyaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Rooble ayaa u muuqda mid dar-dar cusub ka bilaabay xafiiska labaad ee u sareeya dalka, tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana muddo kooban ay ka harsan tahay muddo xileedka xukuumadda.

Socdaalka Muuse Biixi ee Jabuuti oo meesha ka saaray arrin lix sanno taagneyd

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Sanado badan kadib waxa dhawaan si rasmi ah dib loogu furayaa isku socodka shacabka iyo gaadiidka xadka uu dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti oo arrimo amni u xirnaa sanadihii u dambeeyay.

Dowladda Jabuuti ayaa 2014-kii  gebi ahaanba xirtay xadka ay la leedahay Somaliland, kadib markii uu xiliga dalkaas ka dhacay qarax, iyada oo dadka ku safraya ay kala kulmi jireen culeys xoogan.

Isbedel-kan ku yimid xadka ee lagu laalay go’aankii hore ee Jabuuti ayaa imanaya kadib markii labada madaxweyne ee Somaliland iyo Jabuuti ay ka gaareen is-afgarad, kadib booqasho maalmo qaadatay oo uu ku tagay Muuse Biixi dalka Jabuuti.

Xadka lixda sanno xirnaa ayaa waxa dhibaato badan kala kulmi jiray ganacsatada iyo dadka shacabka, maadama markii hore loo diidi jirey iney xadka ka gudbaan dhammaan gaadiidka ka yimaada deegaanada Somaliland.

Baabuurta dadweynaha iyo kuwa xamuulka ayaa dhaafi jirin xadka Somaliland iyo Jabuuti, waxaana agabka iyo rakaabka lagu wareejin jiray gawaari kale oo u sii gudbisa gudaha Jabuuti, midaasi oo hada meesha ka baxday.

“Waxaan madaxweynaha Jabuuti iyo xukuumadiisaba uga mahad-celineynaa in dhibaatadii ka jirtay xadka la dhameeyay” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay xadka labada dhinac ee dib la isugu furay.

Somaliland ayaa sanadihii udambeeyay xiriir wanaagsan la laheyd dalka Jabuuti, waxayna leeyihiin iskaashi dhanka amaanka ah oo keenay in xadka labada dhinac dib la isugu furo, kadib muddo lix sano ah oo uu xirnaa.

Mid kamid ah nabadoonada ugu caansan Muqdisho oo maanta qarax lala eegtay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax aad u xooggan ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaasoo dhawaqiisa laga maqlay inta badan xaafadaha ka tirsan Magaalada.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaariga Xildhibaan hore ahna nabaddoon caan ka ah Muqdisho, Muxudiin Xasan Afrax, xilli uu marayay agagaarka Xarunta degmada Kaaraan gaar ahaan meel u dhow Garoonka Kubadda Cagta ee qoobdooro.

Sida ay dad goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen Caasimadda Online, qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal askari halka laba kalana ay ku dhaawcmeyn, waxayna askarta dhammaantood ahaayeen ilaalada Muxudiin.

Marka qaraxa lala eeganayey gaariga ayaa waxaa la xaqiijiyey inuusan saarneyn Xildhibaan hore Muxudiin Xasan Afrax.

Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Kaaraan aya tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka askariga iyo kuwa dhaawacmay, waxana sidoo kale la sheegay inay sameeyeen howlgal dad lagu qabqabtay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanayo qaraxyada miino ee dhulka lagu Aaso iyo kuwa Gawaarida lagu xiro kadib markii ciidamada Dowladda ay Al-Shabaab ka hor istaageen inay gawaarida qaraxyada laga soo buuxiyo soo geliyaan gudaha Magaalada Muqdisho.

Xizbullah oo ugu dambeyn gacanta ku dhigtay hub ay ka cabsi qabtay ISRAEL

0

Beirut (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in kooxdiisa ay hadda haysato laba laab tirada gantaallada la hago ee ay haysatay sanad ka hor, islamarkaana isku dayo ay Israel kaga hortageysay inay hubkaas helaan uu fashilmay.

Hassan Nasrallah, oo wareysi siiyay taleefishinka saldhiggiisu yahay Beirut ee Al-Mayadeen, ayaa sheegay in kooxdiisa ay awood u leedahay inay weerarto meel kasta oo ka mid ah Israel iyo dhulka la haysto ee Falastiin.

Nasrallah ayaa sheegay in markii ay Israel ugu hanjabtay Xizbullah, ayada oo usoo marineysa sarkaal Mareykan ah, inay weerereyso xarumo ku yaalla gobolka bari ee Bekaa, ay kooxdiisa ka digtay inay aargudan doonto.

Israel ayaa bilihii tegay walaac ka muujisay in Xizbullah ay dhiseyso warshad soo saarta gantaalada la hago.

Intii uu socday wareysiga, ayaa Nasrallah waxa uu sheegay inay jiraan arrimo badan oo kooxdan ku saabsan oo aysan Israel waxba ka ogeyn, sababtoo ah buu yiri “aad ayaa loo qariyaa.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in toddobaadyada xilka uga haray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay yihiin kuwa xasaasi ah, oo ay tahay in taxaddar leh loola macaamilo. Waxa uu Trump ugu yeeray “mid waalan oo carreysan.”

Nasrallah ayaa mar kale wacad ku maray in Iran iyo xulufadeeda ay ka aargudan doonaan dilkii taliyihii guutada Quds ee ciidamada ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Qassim Soleimani, kaasi oo Mareykanka ay ku dileen Iraq, sanad ka hor.

Rooble oo xilka ka qaaday xoghayihi joogtada xafiiskisa, magacaabayna mid cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilkii ka qaaday Xoghayaha Joogtada ee xafiiska ra’iisal wasaaraha Cabdirisaaq Caato, isaga oo xilkaas u magacaabay Maxamed Ibraahim Nuur.

Xilka Xoghayaha joogtada ee xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa markii hore waxa si kumeel gaar ah u hayay Cabdirisaaq Caato, oo isla maalmo gudahood markii xilkaas loo magacaabay laga qaaday, haddana dib loogu soo celiyey.

Maxamed Ibraahim Nuur oo ku cusub saxaada siyaasada ayaa dhawaan waxa uu la taliye sarre u ahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen, isaga oo hore uga mid ahaa barayaasha jaamacadaha magaalada Muqdisho.

Dr. Maxamed Ibraahim ayaa horey uga mid ahaa macalimiinta iyo Maamulka Jaamacadda SIMAD, wuxuuna dhawaan galay siyaasadda markii uu la taliye u magacaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxay kusoo aadeysa magacaabista uu sameeyay ra’iisal wasaaruhu iyada oo muddo kooban ka hartay muddo xileedka dowladda madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay jirto xiisad hor leh oo ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.

Tallaabada uu qaaday Ra’isul wasaare Rooble ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, waxaana lagu sheegay inay tallaabadaan tahay tii ugu horeysay ee geesinimo leh oo uu Ra’isulwasaaraha qaado tan iyo markii loo magacaabay xilkaan.

Gudiga doorashada ee lagu muransan yahay oo qirtay in jadwalkoodu shaqeyn waayey

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Doorashada heer federaal ee lagu muransan yahay ayaa shaaciyey inuu mar kale dib u dhac ku yimid xilligii loo qabtay inay billaabato doorashada Aqalka sare.

Maanta ayaa la qorsheeyay inay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ay soo saaraan liiska Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare, balse qoraal kasoo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee lagu muransan yahay ayaa lagu sheegay in waqtiga la garsiiyey ilaa 5-ta Janbaayo iyadoo toddobaad lagu daray.

“Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5-ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021,” ayaa lagu yiri War-saxaafadedeka Guddiga.

Guddiga ayaa qarxiyey xiriir dhex maraymadaxweynaha Galmduug, waxayna war-saxafadeedkooda ku qoreen: “Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.”

Arrintan ayaa u muuqata mid si kulatagal ah loogu beegsaday Madaxweynaha Galmudug oo magaciisa Guddigu shaaciyey, kadib markii uu dhowaan war-saxaafadeed wadajir ah lasoo saaray Madaxweynaha Puntland, kaaso lagu dalbaday in xal loo helo khilaafka ka taagan Doorashada.

Sawirro: Shariif oo si weyn loogu soo dhoweyey Garowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah Musharax u taagan madaxtinimada doorashada soo socota ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Sheekh Shariif iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka magaalada Garoowe madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Wafdiga uu hor kacayo Shariif ayaa waxa kamid ah Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, kuwaasi oo qeyb ka ah Shirweynaha Madasha aragti wadaaga Machadka Heritage, oo markii u horeysay lagu qabanayo magaalada Garoowe, waxaana looga hadlaya xaaladda dalka & doorashooyinka.

Magaalada Garoowe ayaa maalmihii u dambeeyay waxa kusii qul-qulayay madax badan oo iskugu jira dowladda federaalka, maamul goboleedyada, musharaxiinta mucaaridka iyo siyaasiyiin hore xilal muhiim ah uga soo qabtay dalka.

Shirweynahan ayaa lagu wadaa in maanta uu si rasmi ah uga furmo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaana ka qeyb-galaya, ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka, guddoonka labada aqal, xubno ka mid ah musharraxiinta mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka.

Xildhibaan Goodax Barre oo farriin hanjabaad ah u diray Villa Somalia (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa si kulul uga hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan uu galay xaalad cusub, taasoo uu ku sheegay inay Dowladda Federaalka go’aansatay in ay dadka reer Hiiraan u isticmaasho waxa uu ku sheegay farsamadii uu isticmaarka adeegsan jiray.

“Xaaladda Gobolka Hiiraan waxay gashay marxalad cusub, waxaa muuqata Dowladda Dhexe inay go’aan ku gaartay in ummadda aad loo caburiyo, inay go’aan ku gaareen in la isticmaalo farsamadii uu isticmaarka isticmaali jiray, oo ah bandow hala geliyo, cunnada halaga joojiyo, shaqada halaga joojiyo, dhaqaalaha halaga curyaamiyo. Waa waxa shalay Beledweyne ku bilowday, waa waxa shalay dadku ka mudaaharaaday, waa waxa aakhirka na dhaxalsiin doonto dhibaato intaan ka weyn, haddaan caqligu shaqeynin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay Hiiraan Online.

Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay in ay joojiso ciqaab wadareed uu sheegay in ay ku hayso dadka reer Hiiraan, haddii kalana aanay arrintan noqon doonin mid leeskaga haro.

“Xukuumadda Federaalka waxaa looga fadhiyaa in arrintaas ay ka waantowdo. Haddii dad ku dhinto waxaan la yiraahdo ciqaab wadareed ‘Sidee baa xuquuqdiina iyo maskaxdiina uga hadli kartaan, cunnadaa idinka joojinaa, cunaqabateenaa idinku waxaynaa’ haddii ay arrintu noqoto waxaan shaki ku jirin in arrintu aysan ku ekaan doonin Gobolka Hiiraan iyo Magaalada Beledweyne. Dad badanaa loo maxkamadayn doonnaa, dad badan ayay muddo dheer daba taagnaan doontaa waxa meeshaas ka dhacayaa” ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waa cunsuriyad, waa midab takoor in ummadda lagu cadaadiyo raashiinkii oo laga joojiyay, Beledweyne laga dhigo xabsi dusha ka furan, lagu xabadeeyo, dad-na ku dhinto waa waxaan leeskaga hareynin, masuuliyiinta sare ee wadanka iyagaa ka jawaabi doono. Haddii aad is leedihiin maxkamado kama jiraan wadanka gudahiisa waala hurda siiyay, waxaan hareynin ayay noqonaysaa. Wax aan harin oo mar walba lagu xisaabtamo ayay noqonaysaa. Waxaa haboon inta ay goori goor tahay inaad ka waantowdaan arrintaas.”

Hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Goodax ayaa ku soo aadaya, xilli Beledweyne uu ka socdo hawlgal lagu qabqabanayo dad lagu eedeeyay in ay soo abaabuleen bannaanbaxyadii toddobaadyo ka hor ka dhacay magaaladaasi, ee lagu diidanaa safar uu ku taggi lahaa Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).