24.8 C
Mogadishu
Friday, July 24, 2026

Booliska Minneapolis oo toogtay wiil Soomaali ah – Sidee wax u dhaceen?

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay wiil Soomaali ah, taasi oo horseeday dibad-baxyo.

Booliiska ayaa la sheegay inay rasaas oogan ku fureen gaari uu watay ninkaasi oo marayayey Minneapolis oo ka mid ah magaalooyinka ay ku badan yihiin Soomaalida.

Taliyaha ciidamada Booliiska ee Minneapolis oo ka hadlay dilka muwaadinkaasi Soomaaliyeed ayaa sheegay in gaariga uu watay ay ciidamada kaga soo dhacday rasaas kadibna ay iyaguna rasaas ugu jawaabeen, waxaana kaddib isla goobta ku geeriyooday ninkaasi Soomaaliga ahaa oo aan ila iyo hadda la shaacin magaciisa.

Sidoo kale taliyaha Booliiska ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay  natiijada beri soo bandhigi doonaan.

Waxaa sidoo kale goobta lagu dilay muwaadinkaaasi Soomaliyeed oo ah wadada Siger iyo leg-street isugu soo baxay dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo aad uga xumaaday dilka maruumka, iyaga oo dalbanayey in uu cadaalad helo.

Si kastaba dilkan ayaa qeyb ka noqonaya toogasho muddooyinkii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhaceysay magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi Mareynkanka.

Mahdi Maxamed Guuleed oo raali-gelin buuxda siiyey musharraxiinta mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo khudbad ka jeedinayey shirka madasha aragti wadaaga ee maalintii labaad ka socda Garoowe ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Mahdi Guuleed ayaa marka hore raalli-gelin buuxda ka bixiyey hadalkii uu horey u sheegay ee ahaa inay ku aadkaan doonaan wareega koowaad ee doorashada 2021-ka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in hadalkaasi uu xal ka siinayo musharraxiinta mucaaradka ee ka qeyb-galaya doorashada soo socota.

“Waxaan rabaa in aan shiweynahaan uga faa’iideysto in aan raalligelin ka bixiyo hadal aan horay u iri oo ahaa: wareegga koowaad ayaa lagu kala baxayaa. Arrintaas xaal iyo raalligelin ayaan ka bixinayaa. Musharraxiiney raalli ahaa. Ha baqanina,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tartanka doorashada uu noqon doono mid furan oo ay u sinnaan doonaan dhinacyada ka qeyb-galaya doorashada.

“Wareegii koobaad xaal baa laga bixiyay. Garoonku waa i noo wada furan yahay ee soo diyaargarooba” Mahdi Guuleed,” ayuu sii raaciyey.

Raalli-gelintan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo horey midowga musharraxiinta mucaaradka ay uga fal-celiyeen hadalka Mahdi Guuleed oo tusaale u soo qaatay doorashooyinkii qaar ee maamul goboleedyada dalka sida, magaalooyinka Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Jowhar.

Ciidamada DF Somalia oo weeraro culus ka fuliyey Basra iyo deegaano kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xooga dalka ayaa howl-galo qorsheysan ka fuliyay saacadihii lasoo dhaafay deegaano badan oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howl-galkan ayaa xoogiisu waxa uu ka dhacay Walamooy, Xaansholey, Basra, iyo daniga Baaloow, waxaana lagu baacsanayey xubno ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanadaas.

Ciidamada ayaa howl-galkan ku bur-buriyey fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, sida uu sheegay Taliye Cabdullaahi Mustafe Cali, oo hogaaminayay howl-ka ciidamada.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen inay dhibaatada Shabaab ka dul qaadan dadkii ku noola deegaanadaas, kuwaasi oo dhib badan kala kulmi jiray dagaal-yahanada kooxdaas, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka deegaanada howl-galka laga sameeyay waxay ahaayeen kuwo u dhibanaa Al-Shabaab, dadka deegaankuna aad bey ugu farxeen ciidamada dowladda ee deegaanadooda howl-galka ku tegay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu balan qaaday inay howl-galadaas sii soconayaan ilaa inta Shabaab laga saarayo deegaanada hoostaga Balcad, kuwaasi oo qaarkood ay gacanta ku hayaan.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan fuliya howl-galo lagu beegsanayo dagaal-yahanada Shabaab, waxayna ka sheegataa howl-galadaas guulo hor leh, oo inta badan aysan ka jawaabin kooxda Al-Shabaab.

Xiisadda Hiiraan oo dareysa – Maxaa dhacay maanta?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta markale ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo HirShabelle.

Dibad-baxayaasha oo isugu jiray haween iyo dhalinyaro ayaa isugu soo baxay xaafadda Xaawo-Taako oo ka tirsan magaaladaasi.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ka soo horjeeday xarigga dad taageersan Janaraal Xuud oo maalmo ka hor lagu xir xiray saldhigga Booliiska Beledweyne.

Dadka dhigayey dibad-baxa oo waddooyinka qaar ku gooyey dhagaxaan ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah HirShabelle.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta tagay, kuwaas oo isku dayey inay kala eryaan dibad-baxayaasha, iyadoo markii dambe uu sii xoogeystay banaanbaxa.

Xaaladda ayaa hadda aad u kacsan, waxaana meelaha qaar lagu arkayaa ciidamada ammaanka oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii dibad-baxyo rabashado watay ay ka dhaceen Beledweyne, kadib markii ay isku dhaceen shacab careysan iyo ciidamada amniga ee magaaladaasi.

Daawo: Axmed Madoobe oo bixiyey xogta hub culus ‘oo ku jira’ gacanta dowladda

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Garowe uga qeyb galaya Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee uu soo qaban-qaabiyey Machadka Heritage ayaa si qota dheer uga hadlay arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo dhismaha ciidamada.

Axmed Madoobe ayaa shaaciyey ballamo ay uga baxday dowladda federaalka, kuwaas oo ku aadana sidii loo dhisi lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo AMISOM kala wareega ammaaka dalka.

Waxa uu sheegay in shirkii madaxda amiga Qaranka ee Baydhaba ka dhacay sanadkii 2018-kii lagu heshiiyey in deg deg loo dhiso ciidamo Qaran oo ay qeyb ka yihiin18-kun oo askari oo militery tayeysan ah, kuwaas oo amniga dalka kala wareega AMISOM.

“Shirkii Baydhaba ee 2018-kii, waxaan ku heshiinay ciidan amni Qaran oo tiradiisa la cayimay in la dhiso, kuwaas oo loo kala dhigay 32-kun oo boolis iyo daraawiish heer federal iyo heer dowlad goboleed ah, waxaan ku heshiinay dhismaha ciidan xoogga dalka Soomaaliyeed ah oo ka kooban 18-kun oo askari oo tayeysan, hadii balantaas aan fulin laheyn oo ciidankaas aan dhisi laheyn, waan hubaa AMISOM dariiqii ay ku timid ay ku bixi laheyd,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isagoo sii hadalyey ayuu yiri, “Culeyska Shabaab nagu hayo ma ahan mid kartidooda ku yimid ee waa ducfi iyo shaqo xumo anaga naga timid, umana diyaarsanin waxa aan ka hadleyno inaan ka run sheegno.”

“Intii uu xafiiska joogay Xasan Cali Kheyre, waxaan gaarnay heshiis ahaa in ciidamada dowlad goboleedyada loo aqoonsado ciidanka amniga Qaranka, oo daraawiishta maamullada la siiyo mid la mid ah xuquuqda kuwa NSA, sida qalabka iyo hubka.”

Waxuu intaas ku sii daray, “Xiligaas waxaa dowladda u timid 80-kunteenar oo hub ah, oo loogu tala galay in Shabaab lagula dagaalamo, balse taasi ma dhicin ee illaa hadda dalabkii uu ku yimid hubkaas weli xafiiskii Xasan Cali Kheyre ayuu yaallaa, dabcan ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku wareegay, madaxweynahaa la weydiinayaa oo Mahdi Guuleed ayaa la weydiinayaa.”

“Balantii halkaas ayey ku dhamaatay, marka dagaalka Shabaab ma noqon in aan galno ee waxuu noqday mid anaga nagu eg, oo dowladda federaalku ay leedahay halkaan ayaan fadhineynaa ee orda Shabaab iska dhiciya, iyaguna ay ku mashquuleen wax aysan maanta ku jirin maslaxada dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay in Jubbaland aysan dowladda federaalka taakulo ciidan ka helin wixii ka dambeeyey 2016-kii, markaas oo Xasan Sheekh uu qoryo iyo rasaas siiyey, isagoo xusay in ciidamada daraawiishta Jubbaland ay haatan ku suganyihiin in ka badan 42-goobood oo xataa AMISOM aysan la joogin, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda madaxda dowladd federaalka ay Jubbaland ku soo weerareen ciidamo ay u soo tababareen dowlado shisheeye, iyagoo fiirsanaya masaalix u gaar ah.

“Ma waxay naga dhaadhicinayaan 5-KM oo ciidamada dowladda oo dhan la isugu geeyey ayaa xuduuda aan la leenahay Kenya oo dhan 700 KM laga difaacayaa? Markaasbaa shacabka loo sheegayaa waxbaa la xoreynayaa iyo Kenya ayaa loo dhacay,” ayuu yiri.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in uusan difaaceyn Kenya, “Waxaan ahay Soomaali, waligeyna jinsiyad kale ma qaadan… anagoo xuduudaas dheer la leh Kenya, waxaan qaadan weynay inaan qunsuliyad ka furano Nairobi… marka dowladdu waxay isku qaladay waxa aan xaqa u leenahay iyo waxa naga reeban, Badda ayaana ka hadlin oo xuduuda ayaana ka hadlin oo ima khuseyso, marka wixii iyaga iyo Kenya ka dhaxeeya inay ka hadlaan iyaga ayey u taalla ee yeysan derbiyo kale ku wareegin” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe.

Hoos ka Daawo

Xoghayaha guud ee QM Guterres oo ergey cusub usoo magacaabay Somalia

0

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Anita Kiki Gbeho oo reer Ghana ah inay noqoto ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Ms. Gbeho ayaa xilkan kala wareegeysa Raisedon Zenenga oo reer Zimbabwe ah oo loo magacaabay kaaliyaha xoghayaha guud iyo isku duwaha howlgalka ee xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Libya (UNSMIL).

António Guterres ayaa uga mahad-celiyey Raisedon shaqadii iyo dadaalkii ee uu ku tabarucay shaqada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Gbeho ayaa leh in ka badan 25 sano oo khibrad ah oo ku saabsan qorshaynta istiraatiijiyadeed, isku dubaridka iyo maaraynta arrimaha siyaasada, horumarka iyo arrimaha bini’aadanimo ee QM.

Shaqooyinka ay horey usoo qabatay waxaa ka mid ah sameynta xiriir siyaasadeed iyo istiraatiijiyad heer sare ah oo lala yeesho mas’uuliyiinta qaranka, hay’adaha gobolka ee dalal ay ka mid yihiin Angola, Cambodia, Iraq, Namibia, Sudan iyo Somalia.

Tan iyo bishii May 2018, Ms. Gbeho waxay aheyd ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee howlgalka isku dhafka ah ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Darfur (UNAMID), halkaas oo ay ku hogaamisay horumarinta iyo hirgelinta istiraatiijiyadda kala guurka.

Ms. Gbeho waxay haysataa shahaadada Bachelor of Arts ee Cilmiga Bulshada iyo Daraasaadka Afrika oo ay ka qaadatay Jaamacadda Gobolka ee New York iyo Master-ka ee Xiriirka Caalamiga ee Jaamacadda Ghana.

Waxay ku dhalatay magaalada Accra ee dalka Ghana, Ms. Gbeho waxay leedahay hal gabar.

KHEYRE oo ka digay arrin dhici karta haddii aan lagu heshiis doorashada dalka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo haatan ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada 2021-ka ayaa khudbad xasaasi ah waxa uu ka jeediyey madasha aragti wadaaga ee Garoowe.

Khayre ayaa khudbaddiisa kaga hadlay arrimaha ammaanka, dhammeystirka Dastuurka, doorashooyinka iyo yagleelidda nidaam federaal oo shaqeynaya.

Ugu horreyn wuxuu shaaca ka qaaday in Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyey ay ku tallaabsatay horumarro la taaban karo, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan loo baahan yahay in loo istaago ka gudbista marxalada masiiriga ah ee hadda lagu jiro.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la joogo xilli muhiim ah oo u baahan in laga fakiro mustaqbalka Soomaaliya iyo sida ay noqon karto sanadaha soo socda.

“Sida looga gudbo xaalada taagan ayaa waxaa ay ka turjumeysaa halka aan u socono iyo in la helo dowladnimo hana qaado, balse hadii laga gudbi waaya ay dhici karto in 30 sano oo kale la joogo meesha aan hadda joogno,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Musharrax Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku goday in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yiiin a ka dhabeynta hamigooda dowladnimo.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo muranka ka taagan, isaga oo shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in xal mideysan laga gaaro doorashada, si looga baaqsado qalalaase ka dhaca dalka.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha deyn cafinta oo uu tilmaamay in guullo muhiim ah laga gaaray wejigii koowaad, isaga oo xusay inay sababtay in lagu guuleysto dib u so celinta wada shaqeyntii Soomaaliya kala dhaxeysay Hey´adda lacagta aduunka (IMF), Bankiga aduunka(WB), Bangiyada horumarinta, Hey’adda ceymiska maalgashiga dowliga ah (MIGA), Hey´adda maalgashiga caalamka ee IFC iyo Hey´adda horumarinta caamaliga ah ee (IDA).

Rag hubeysan iyo hubkooda oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa saaka howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ciidamadu waxa ay ku soo qabteen rag hubeysan oo lagu sheegay inay ahaayen burcad dhac ka geysaneysay degmadaasi.

Maamulka degmada Dayniile oo faah faahin ka bixiyey baaritaanadaasi ayaa sheegay in ragga la soo qabtay ay gaarayaan illaa saddex qof, islamarkaana gacanta lagu dhigay, iyaga oo xillgaas dhac ka geysanayey waaxda Halgan oo ka tirsan degmadaasi.

Ragga gacanta lagu dhigay ayaa sidoo kale watay mooto Bajaaj iyo qoray AK47 ah oo ay ku dhacayeen dadka deegaanka, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta degmadaasi.

Sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda ayaa sheegay in raggan lagu daba joogay, islamarkaana ay maalmahan dhibaato ka wadeen magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa caasimada ku soo badanayey falalka ammaan dari sida, dhaca oo inta badan xilliyada habeenkii ah loo geysto dadka shacabka ah.

Axmed Madoobe iyo Mahdi Guuleed oo kulan yeeshay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah magaalada Garoowe kula yeeshay ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka ayaa ka dhacay hogya uu Garoowe ka dagan yahay Mahdi Guuleed, kadib markii uu booqasho iyo salaan ugu tegay madaxweyne Axmed Madoobe.

“Waxaa hoyga aan ka daganahay caasimadda Puntland ee Garoowe igu soo booqday M/weyne Axmed Maxamed Islaan (Axmed-madoobe),” ayuu yiri MahdiGuuleed .

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka Soomaaliya ee uu weli muran ka taagan yahay.

Mahdi Guuleed iyo Axmed Madoobe ayaa Garoowe u tegay ka qeyb-galka shirka madasha aragti wadaaga oo maanta galaya maalintiisa, kaas oo looga hadlayo xaalada dalka.

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, iyada oo Jubbaland ay ka mid tahay dhinacyada tabashada ka muujinayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Shabaab oo weerar kale ka fuliyey Kenya + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa markale weerar khasaare geystay ka fuliyey gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Shiir oo hoostaga magaalada Mandera ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada weerarka qaaday ay muddo kooban la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.

Sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka, iyaga kadib isaga soo baxay halkaasi.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay inay gubeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Safaricom ku laheyd deegaanka Shiir ee gobolka Waqooyi Bari.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliiska Kenya oo ku aadan weerarkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fuliya deegaanada ku yaalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya & Kenya.

Sawirro: Shirka GAROOWE oo galay maalintii labaad

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe waxaa maalintii labaad ka socda shirka sanadlaha ah ee madasha aragti wadaagga oo looga hadlayo xaaladda dalka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaaa soo agaasimay machadka cilmi barista ee Heritage, iyada oo diirada lagu saarayo sida looga gudbi karo KMG-nimada daba dheeraatay sanadka 2025-ka, xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka

Waxaa shirka ka qeyb-galaya dowladda federaalka, qaar ka mid ah maamul goboleedyada, musharraxiinta, ururada bulshada rayidka & marti sharaf kale.

Sidoo kale waxa la filayaa in maanta madax kale ay khudbado ka jeediyaan madasha, kuwaas oo ka hadlayo xaaladda cakiran ee dalka iyo horumarrada Soomaaliya.

Dhinacyada kala duwan ee ka qeyb-galaya shirweynaha ayaa sidoo kale yeeshay kulamo duceedyo looga hadlayo marxaladda kala guurka ah ee haatan lagu jiro

Waa sanadkii ugu horreeyey madasha aragti wadaagga sanadlaha ah ee Machadka Hiratage lagu qabanayo gudaha dalka, iyada oo markii hore lagu qaban jiray Jabuuti.

 

Daawo: Axmed Madoobe oo shaaciyey hal arrin oo uu Gedo uga tanaasuli karo

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo galabta hadal ka jeediyey Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage oo ka furmay Garowe ayaa si qota dheer uga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida doorashada, dastuurka, awood qeybsiga iyo xoreynta dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalku ay ka baxday balantii laga yeeshay doorashada dalka, isagoo dhinacyadii ku wehliyey heshiiskii laga gaaray doorashada ku eedeeyey inay ka gaabiyeen daba galka balan qaad looga sameeyey arrinta gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay in markii hore uu diidanaa in heshiiskaas la galo iyadoo aan la xalin arrinta gobolka Gedo, balse dhinacyadii kale ay ku qanciyeen in taas gaar loo xali doono ee hadda tan guud xal laga gaaro.

“Intii uusan dhicin heshiiskii doorashada, waxaan ku iri dhinacyadii shirka nimanyahay waxaan rabaa inaan meeshan ka baxo, waxaa la I yiri walaalow anagaa geleyna gartaas oo kaala shaqeyneyna in Gedo laguu soo celiyo ee hadda danta guud aan xal ka gaarno.”

“Taasi waxay keentay inaan qaatay in aan shirkii joogo oo ra’yigeyga u gudbiyey si furan oo xalaal ah, saaxiibadey markii aan la dhameeyey midii aniga ila jirtay, nin kasta tii asaga la jirtay ayuu ka baxay, hal qof dib iima soo dhihin garoortaadu waa imisa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay in Garbahaarey ay ku jirtay labada goobood ee loo asteeyey in Jubbaland ay doorashada ku qabato, “Mawaxaan xaq u leeyahay in Garbahaarey la igu soo celiyo oo doorashada ka dhaceysa aan maamulo? Mise waxaan xaq u leeyahay in la iyiraahdo Axmed balantii waa ka baxay maamullada kalena ay laba-laba goobood doorashada ku qabsadaan,” ayuu yiri.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Madaxweynuhu waa musharax oo doorasho ayuu ku jiraa 16-ka kursi ee gobolka Gedo haduu qaadanayo, maan doorashadan dhibka badan iska deyno ee qaadano xisbigii hanti wadaaga kacaanka Soomaaliyeed oo doorashada madaxweynaha ugu baarakeyno?”

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in hadii aan gacantiisa lagu soo celineyn gobolka Gedo oo doorashada Garbahaarey ka dhaceysa uusan maamuleyn in maamullada kale lala simo oo iyaguna ay mid hal magaalo madaxweynaha uga tagaan doorashadana ku qabsadaan hal magaalo sidiisa oo kale.

“Waxaan maanta diyaar u ahay, oo aana qarineyn saaxiibadey maamullada kale, min hal magalo inay ka tagaan oo madaxweynaha la siiyo, aniguna aan Gedo ka tago oo aan madaxweynaha siiyo, hadii kale waxay noqoneysaa in saaxiibkey Axmed Qoor Qoor uu laba goobood oo Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo kala ah uu doorashadiisa ku qabsado, anigana la I yiraahdo Gedo meel kale ayaa lagu xaliyey ee Kismaayo ku ekaaw,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Axmed Madoobe.

Hoos ka Daawo

Mahdi: Farmaajo sidii guriga cad looga saari inaan ka wada-hadalno soo maaha?

0

Garowe (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hadal ka jeediyay Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage oo galabta ka furmay magaalada Garowe ayaa ka hadlay seddax qodob oo kala ah dastuurka dalka, federaalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Mahdi Guuleed ayaa ugu horeyn sheegay in dastuurka KMG ah uu yahay hagaha aas-aasiga ee jiritaanka iyo kala dambeynta sharciyadda dalka, isla markaana uu yahay heshiis wax wada ogol ku saleysan muhiimna ay tahay in loo qalab qaato dhameystirkiisa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalku ay dhankooda diyaar u yihiin dhaqan gelinta heshiiskii laga gaaray doorashada dalka.

“Heshiisyadii aan wada galnay ku dhaqankooda iyo toos-toosintooda waa wax inoo wada yaalla. Xaalku hadda waxa uu marayaa ‘Ninkaa guriga cad degan ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo niman odayaal ah oo leh war xiligii waa kaa dhamaadee meesha ka soo bax’ yaa u gar-naqi doona?,” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Isagoo sii gadlayey ayuu yiri, “Si looga baxo guriga cad, inaan ka heshiino soo maaha? Guriga cad sidii loogu sii jiri lahaa, inaan ka heshiino soo maaha? Soo xalku kuma jiro in albaabka laga galo, oo aan daaqadda laga soo gelin?.”

Mahdi Guuleed ayaa u mahad celiyey xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka oo shalay ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021-ka.

“Miisaaniyadaas waxaa ku jirtay tan doorashada, taasina waxay idin tuseysaa, sida dowladda federaalka ay uga go’antahay inay doorashadu dhacdo, xiligeedana ay ku dhacdo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Mar uu ka hadlayay arimaha federaalka waxa uu tilmaamay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya ay qaadatay uu yahay mid ku saleysan isku soo dumidda shanta maamul goboleed, caasimadda iyo Somaliland, si buu yiri ay dalka uga hir gasho dowladnimo dhameystiran.

“Tan iyo lixdankii waxaa dadka Soomaaliyeed maankooda ku qunfulnaa dowlad Soomaaliyeed oo xoog badan oo Wajeer iyo Wardheer u heeseysa, marka nooca federaalka ee aan qaadaneyno waxa uu u baahanyahay inaan abla-ableyno, si dowladnimadeenu ay u saldhigto,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Daawo: Taliyaha booliska oo digniin culus soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa farriin amniga la xiriirta u diray taageerayaasha xulalka Galmudug iyo gobolka Banaadir ee berri ka qayb galaya daawashada cayaarta kama dambaysta ah ee koobka dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Taliyaha ayaa faray dhalinyarada daawashada cayaarta uga imaanaya degmooyinka magaalada Muqdisho inay ilaaliyaan nidaamka loo dajiyey sugista amniga, lana shaqeeyaan ciidamada booliska, oo uu sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay nabadgalyo ugu dhici laheyd cayaartu.

“Berri waa maalinkii u dambeysay ee cayaaraha, waxaan dhalinyarada iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed ka codsaneynaa, in si deganaasho ah cayaaraha looga qeyb galo, oo nidaamka la dhowro, ciidanka booliskana la gacan siiyo,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Jeneraal Xijaar.

Taliye Xijaar ayaa ka codsaday daawadayaasha garoonka tagaya inay ilaaliyaan xasiloonida, cid walbana looga dambeeyo hawsha ay mas’uulka ka tahay, sida xiriirka kubadda cagta iyo laamaha ammaanka.

“Ciidanka berri wax ka maamulaaya cayaaraha, ee mas’uuliyiinta ku howlan cayaaraha la shaqeynaya, waxaan farayaa inay gacan siiyaan shacabka, oo aysan wax carqalad ah meeshaas ka dhicin,” ayuu ku soo gaba-gabeeyey hadalkiisa Taliya booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Hoos ka Daawo

Xasan oo sheegay ‘wadada kaliya’ ee xal looga gaari karo muranka doorashada

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  oo ka mid ah xubnaha ugu saameynta badan golaha Midowga Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay furitaanka Shirka Madasha Aragti wadaaga ee Machadka Heritage ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka iyo muranka ka jira doorashooyinka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahan yahay in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay muhiim tahay in mar kale ay isugu yimaadaan shir kale si xal looga gaaro khilaafka ragaadiyey heshiiskii horay looga gaaray doorashada.

“Waxaa la isla gaartay in la qaato doorasho ‘dadban’ heshiiskaas caqabado uu ka dhaqan geli waayey ayaa soo wajahay, laakiin weli waxaa furan fursad lagu badbaadi karo doorashada dalka,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Dhaqan gelinta heshiiskii la gaaray September waxa uu u baahan in dib looga wada xaajoodo oo laga toosiyo halka uu ka qaloocday, waa wadada kaliya oo aan maanta doorasho ku gaari karno.”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo isagu shirkaas furay ayaa sheegay in fursadan ay tahay mid muhiim ah, oo madaxdu ay ku yeelan karaan shirar doceedyo, xal looga gaaro wax badan oo hadda laga yaabo inuu madmadow ka jiro.

Shirkan Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage oo markii ugu horeysay sanadkan lagu qabanayo gudaha dalka gudihiisa, gaar ahaan magaalada Garowe, ayaa looga doodi doonaa, xasilinta dalķa, dhameystirka dastuurka, sidii loo gaari ahaa doorasho qof iyo cod ah sanadka 2025-ka iyo yagleelida nidaam federaal oo si rasmi ah dalka uga hir-gala.

Ciidamo ka tegay Muqdisho oo maanta ka degay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo badan ka dejisay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, kuwaasi oo ay dowladda dhexe u tababartay maamulka Puntland.

Ciidamadan ayaa lagu sheegay inay yihiin cutubkii u horeeyay ee Booliska Puntland, gaar ahaan laanta taraafikadda oo magaalada Muqdisho kusoo qaatay tobabar 5 bilood ah.

Taliyaha Ciidamada Booliska maamulka Puntland, Sareeye-guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa maanta garoonka Garoowe kusoo dhaweeyay ciidamadan, oo door weyn ka qaadan doona dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada booliska.

Taliye Cabdi Yare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamadan cusub door weyn ka qaadan doonaan shaqada sugida amniga, gaar ahaan hagida gaadiidka isticmaala gudaha magaalooyinka oo dhibaatooyin badan ka jiri jirtay, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntiina waxa uu taliyuhu u mahad-celiyay Taliska booliska dowladda federaalka Soomaaliya oo qeyb weyn ku lahaa inay ciidamadaas tababar heer sare ah ku qaataan magaalada Muqdisho.

Magaalooyinka Puntland ayaa muddooyinkii dambe laga dareemayay saxmada baabuurta, waxayna ciidamadan gacan ka geysan doonaan kala hagida iyo bad-qabka gawaarida isticmaaleysa waddooyinkaas.

R/W Rooble oo xil kale oo cusub magacaabay maanta

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalinkii labaad oo xiriir magacaabay xil cusub, isaga oo Maxamed Faarax Sabriye u magacabaay inuu noqdo agaasimaha cusub ee hab maamuuska xafiiskiisa.

Maxamed Faarax Sabriye ayaa maanta wixii ka bilowdo kamid noqonayo agaasimayaasha ka howlgala Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble. Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa mas’uulkaan cusub ku amray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo xil saaray.

Magacaabistan ayaa noqoneyso middii sedexaad ee uu ra’isul wasaare Rooble sameeyo muddo laba maalin gudahood. Shalay ayey aheyd markii Ra’iisul wasaare Rooble uu Maxamed Ibraahim Macallimuu u magacaabay inuu noqdo afhayeenka Xukuumadda iyo sidoo kale la taliye sare oo dhanka warfaafinta ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa isla shalay Maxamed Ibraahim Nuur u magacaabay inuu nqodo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiskiisa.

Xilka Xoghayaha joogtada ee xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa markii hore waxa si kumeel gaar ah u hayay Cabdirisaaq Caato, oo isla maalmo gudahood markii xilkaas loo magacaabay laga qaaday, haddana dib loogu soo celiyey.

Maxamed Ibraahim Nuur oo ku cusub saxaada siyaasada ayaa dhawaan waxa uu la taliye sarre u ahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen, isaga oo hore uga mid ahaa barayaasha jaamacadaha magaalada Muqdisho.

Maamulka G/Banaadir oo soo saaray awaamiir cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu amaro culus kusoo rogay hay’addaha ka howl-gala degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya arrimaha Bulshada ee bixiya gar-gaarka bini-aadanimo.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir, ayaa lagu sheegay in hay’adahaasi oo isugu jira kuwa maxaliga iyo caalamiga ah aysan kasii shaqeyn doonin gudaha gobolka, haddii aysan buuxin amarada cusub.

“Dhamaan hay’adaha ka Shaqeeya arrimaha Bulshada aysan ka howl-gelli karin magaalada Muqdisho, iyaga oo aan warqad ruqso ah ka heysan xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir  inta uusan dhamaan Sanadka 2020,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Waxa kale oo lagu yiri “Hay’addii aan isku soo diiwaangelin Shaqooyinka u diyaarsan sanadka 2021 in aysan ka Shaqeyn doonin dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilabo horaanta sanadka 2021.”

Sidoo kale waxa lagu xusay wareegtada kasoo baxday maamulka gobolka in hay’addaha u hogaansami waaya amaradan aysan kasii shaqeyn karin gobolka, taasi oo dhaqan galeysa horaanta sanadka cusub ee 2021-ka.

“Kadib markii lagu arkay habka ay wax u maamulaan hay’adaha Bixiya Gargaarka ka Shaqeeeya arrimaha Bulshada degmooyinka Gobolka Banaadir in aysan aheyn wax ku haboon dadka la gaarsiinayo ayaan waxaan go’aansanay in jaangoon iyo nidaam ku sameeyno hay’ad kasta oo ka Shaqeeysa arrimo bulsho si ay u yaraato isbarbar yaaca ka jira markii ay timaado qeybin, xog arruurin ama qiimeyn,”

Arrintan ayaa maamulka gobolku ku macneeyay mid kor u qaadeysa isla xisaabtan hay’addaha ka howl-gala gobolka gaar ahaan kuwa ka shaqeeya arrimaha bulshada, kuwaasi oo ay sheegen inaysan si sax ah u howl-galin.

GALMUDUG oo shuruud ku xirtay nay ka qeyb-gasho cayaarta kama dambeysta

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Galmudug ayaa sheegay inuusan ka qeyb-gali doonin cayaarta finalka ee tartanka maamul goboleedyada haddii ay dib uga dhacdo maalinta Khamiista ah, kadib markii maanta la baajiyey.

Kulan ay Maanta yeesheen Wasiirka ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya, maamulka Gobolka Banaadir, xiriirka Ciyaaraha Kubadda cagta iyo Taliska Booliska ayaa lagu go’aamiyey waqtiga ay dhaceyso ciyaarta kama dambeysta ah ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Ciyaarta kama danbeysta ah ee dhex mareysa xulalka Galmudug iyo Gobolka Banaadir ayaa la shaaciyey inay dhici doonto Khamiista Berri, iyadoo lagu qaban doono Garoonka Eng. Yariisow ee magaalada Muqdisho.

Sababta ay ciyaarta dib ugu dhacday ayaa lagu sheegay burbur gaaray shabaqyadii Garoonka iyo qeybo ka mida garoonka markii rabshado ka dhaceen ciyaartii Gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed.

Xiriirka Kubadda Cagta ee Maamulka Galmudug ayaa ka hor yimid dib u dhigista aan lagala tashan ee lagu sameeyay ciyaartii maanta dhici lahayd.

Galmudug ayaa sheegtay inaysan ka qeyb geli doonin ciyaartaasi haddii laga dib dhigo Khamiista oo hadda loo qabtay inay dhacdo, waxayna ku andacoonayaan inaan marnaba lagala tashan wax ka badalka waqtigii la filayey inay cayaarta dhacdo.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga gudaha ee Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inay u baahan yihiin in loo fasiro sababta keentay dib u dhaca cayaarta.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Koobka Caawa laga sugayey in laga soo dajiyo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, wuxuuna sidoo kale sheegay inaysan aqbali doonin dib u dhac kale.

“Maanta cayaartii kama danbaysta aheyd ee xulalka Galmudug iyo Banaadir dhexmari laheyd yaa noo fasiri kara sababta dib loogu dhigey? Yaase lahaa awoodda dib u dhigista? Xiriirka kubadda cagtu waa in uu jawaab u helaa arrinkaan!.!Koobka caaway waxaa laga sugayey caasimadda Galmudug, dib u dhac intaa ka badan lama aqbali karo iyo wararka kale ee la sheegayo!,” Axmed Macalin Fiqi- Wasirka Amniga Galmudug

Saraakiisha ciidanka Danab oo walaac ka muujiyey isku day siyaasadeed laga yaabo inay sameeyaan madaxda DF

0

Muqdisho (Casimada Online) – Ayada oo ciidamada Mareykanka ee tababaray ay Soomaaliya ka baxayaan, ayaa sarkiisha Danab ee hadda iyo kuwa hore, waxay cabsi ka muujinayaan in madaxda dowladda Soomaaliya ay u adeegsadaan faro-gelin siyaasadeed.

“Markii hore, haddii dowladda ay isku daydo inay faro-geliso Danab, oo ay u adeegsato siyaasad macno darro ah, Mareykanka ayaa ahaa kuwa dhihi jira ‘Maya ,joojiya,’” waxaa sidaas Washington Post u sheegay Axmed Cabdullaahi Sheekh, oo ahaa taliyihii Danab ee 2016 illaa 2019.

“Taasi waxay aheyd shuruudda Mareykanka ay ku xireen inay billaabaan tababarkeena, oo aheyd inaan noqon doonin kuwa siyaasadeed. Taas la’aanteed, xitaa ma awoodeen inaan difaacno dowladdeena,” ayuu yiri.

Axmed iyo saraakiisha kale ayaa sheegay in, inkasta oo hadda aysan socon faro-gelin baaxad weyn oo siyaasadeed oo lagu sameynayo ciidankan ka kooban 1,150 askari, haddana ay muuqdaan xaalad taas keeni kara,

Sarkaal ka tirsan Danab, oo fadhiggiisu yahay magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay sumcadda ciidanka, tan iyo markii uu soo baxay warka ah in ciidamada Mareykanka ay baxayaan.

“Cabsideena ugu weyn ayaa ah inaan lumino sumcadeenaa. Aaminaadda ay shacabka nagu qabaan ee ah inaan dalka u dagaalameyno ee aan u dagaalameyn siyaasi, taas oo ah awooddeena ugu weyn. Haddii aan taas lumino, waxba ma dhaanto musiibo,” ayuu yiri sarkaalkan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, si aysan u beegsan madaxda dowladda federaalka.

Wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji kama jawaabin codsi la xiriira inuu ka hadlo walaacan.

Taliye Christina Gibson oo ah afahyeenka AFRICOM ayaa sheegtay “in Mareykanka uusan jari doonin xiriirkooda Danab, islamarkaana ay u diyaariyeen qorsheyaal tababar oo kale.”

Cabsida saraakiisha Danab ayaa imaneysa ayada oo xiisadda siyaasadeed ee dalka ay sii kordheyso, islamarkaana ay soo muuqanayaan loolan iyo beegsi qabyaaladeed.

Ayada oo doorashada dalka ay soo dhowdahay, ayaa madaxweyne Farmaajo waxaa lagu eedeeyey inuu beddelay saraakiil sare, oo xitaa uu ku jiro ra’iisul wasaarihiisa, si uu sare ugu qaado qorshihiisa dib u doorashada.

Sarkaal kale oo ka tirsan Danab, oo isna codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheeegay inuu ka cabsi qabo in hoggaanka ciidankan sidoo kale la beddeli karo.

Tan iyo markii xilka laga qaaday Axmed Cabdullaahi Sheekh 2019, waxaa xilka uga dambeeyey saddex taliye oo kale, waxaana uu sheegay in sababta ay tahay dano siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo kuma cusba inuu ciidanka u adeegsado danihiisa siyaasadeed iyo kuwa qabiil. Wuxuu sidan oo kale u adeegsaday ciidamada Haramcad iyo Gorgor oo Turkiga uu tababaro, kuwaasi oo loo isticmaalay maamullada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Ayada oo Mareykanka ka hortaagnii in sidoo kale uu kuwa Danab u adeegsado ay meesha ka baxayaan, gar ayey u leeyihiin in saraakiisha ay walaac qabaan.