24.9 C
Mogadishu
Friday, July 24, 2026

Mahdi Guuleed iyo Khayre oo ku kulmay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa xalay kulan gaar ah magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal kula yeeshay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre.

Kulanka oo ahaa mid is xog-wareysi ah ayaa yimid kadib markii uu Mahdi Guuleed booqasho ku tegay hoyga uu Khayre ka dagan yahan gudaha magaaladaasi.

Labada mas’uul oo muddo soo wada-shaqeeyey, islamarkaana ahaa saaxibo ayaa ka wada-hadlay arrimaha dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Sidoo kale Mahdi Guuleed iyo Khayre ayaa kulankooda oo saacado badan qaatay ku soo qaaday arrimaha doorashooyinka dalka iyo sida looga gudbi karo caqabadaha hortaagan.

Waa kulankii ugu horreeyey ee dhex-mara ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo Musharrax Xasan Cali Khayre, tan iyo markii la riday ra’iisul wasaare Khayre.

Si kastaba labadaan mas’uul ayaa Garoowe u tegay ka qeyb-galka shirka sanadlaha ah ee madasha aragti wadaaga ee uu soo qaban qaabiyey Machadka Heritage.

Fiqi oo ku gacan seyray raali-galintii Basmo, dalab cusubna diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa ganafka ku dhuftay raali-gelintii ay Basma Caamir ka bixisay gefkii ay kula kacday xulka Galmudug.

Fiqi ayaa sheegay in hadalka ay raali-gelinta ka bixisay Basmo uu ahaa mif gef ah, isla markaana lidi ku ahaa ujeedadii tartanka ciyaaraha loo qabtey, taasi oo ku qotontay is-dhexgal bulsho iyo walaaltinimo.

“Hadalka gabadhan (Basmo) waa mid gef ah oo u muuqda inuu liddi ku yahay ujeedadii tartanka cayaaraha loo qabtey oo ah isdhexgal Bulsho iyo walaaltinimo, iyo in 90-ka daqiiqo ee cayaartu socoto loo daayo hadalada taageerada ah ee aan xanafta laheyn,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu yiri “Gobolka Banaadir reer Galmudug cidna kama xigsan karto, xaafadaha ay sheegtey in badan oo kamid ah waxaa deggan dad kasoo jeeda Galmudug. cayaartoyda Galmudugna meesha ay tagayaan ama ay joogayaan ayaga ayaa xor u ah oo ma ahan mid ayada ay go’aankeeda leedahay ama wax laga weydiinayo.”

Waxa uu si kulul u dalbaday in Basmo ay hadalkaas ka bixiso cudur daar u dhigma qaabkii hadalada gefka ahaa ay u tiri, si loogu qanco raali-gelinteeda.

“Anigoo ixtiraamaya Maamo Basmo, haddana waa in ay si lagu qanci karo oo u dhiganta qaabkii hadalada gefka ah ay u tiri uga cudurdaarataa hadalkeedan,” ayuu yiri ugu dambeyntiina Fiqi.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir, Basmo Caamir ayaa raali-gelin ka bixisay hadalkaas oo ay shalay ka sheegtay guusha ay tartanka ciyaaraha ka gaareen xulka gobolka Banaadir.

Basmo ayaa sheegtay inay ka awood badatay xamaasada guusha uu gobolkeedu qaaday, taasina ay keentay inay u gefto ciyaartoydii Galmudug oo rigoore kaga badiyay xulka Banaadir.

“Raali-gelin ayaan ka bixinayaa hadalkii ahaa ‘ciyaartooyda xulka Galmudug waxay ku laabanayaan’ waxaa i qaaday xamaasada Koobka ay hanteen Xulka G.Banaadir, Ma qaldame waa alle,” ayey tiri.

Hadalka Basmo ee ay ku weerartay xulka Galmudug ayaa hadal hayn badan dhaliyey, gaar ahaan baraha bulshada, kaasi oo looga hadlay siyaabo kala duwan.

Ciidamada Sudan ‘oo dib u qabsaday’ dhammaan dhulkii ay ka haysatay Ethiopia

0

Khartoum (Caasimada Online) – Sudan ayaa Khamiistii sheegtay inay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta dhammaan dhulka Sudan ee ku yaalla xuduudda, kaasi oo ay deganaayeen beeraley Ethiopian ah, kadib toddobaadyo isku dhacyo ah.

Ethiopia ayaa dhankeedana ku eedeysay deriskeeda inay ciidamo usoo dirtay dhulkan, si ay weeraro uga fuliyaan.

Xiisaddan ayaa ka dartay wixii ka dambeeyey markii dagaal uu ka qarxay gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, taasi oo horseeday in inka badan 50,000 oo qof oo Tigray ah ay usoo qaxaan Sudan.

Sabtidii, Sudan ayaa sheegtay inay qabsatay inta badan dhulkan, hase yeeshee aysan si buuxda gacanta ugu wada dhigin. Si kastaba, Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibedda Sudan, Omar Gamareldin ayaa shir jaraa’id ku sheegay Khamiistii inay hadda si buuxda u qabsadeen dhulka.

Wada-hadallo u dhaxeeyey labada dal ayaa burburay toddobaadkii tegay.
Saraakiisha Sudan ayaa sheegay in Ethiopia aysan si rasmi ah muran uga keenin dhulkan, hase yeeshee hadallada saraakiisha Addis Ababa ayaa taas burinaya.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Talaadadii, ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Dina Mufti wuxuu ku sheegay in Sudan ay ciidamo usoo dirtay dhulka Ethiopia.

Hase yeeshee waxaa taas ku gacan seeray madaxa golaha madax-banaanida Sudan Jeneral Abdelfattah al-Burhan.

“Sudan kama tallaabin kamana tallaabi doonto xuduudaha caalamiga ah, kumana xadgudbi doonto deriskeena Ethiopia,” ayuu yiri General Abdelfattah al-Burhan oo Khamiistii ka hadlay munasabadda maalinta xoriyadda Sudan.

Reuters

Guuleed oo si cajiib ah uga jawaabay hadalkii Mahdi Guuleed ee ‘guriga cad’

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyinihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Guuleed oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa ka jawaabay hadal uu maalin ka hore Mahdi Guuleed ka sheegay shirweynaha Garoowe.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage ka sheegay inay muhiim tahay in waxkasta oo ku saabsan doorashada lagu heshiiyo, isla markaana ay xukuumada diyaar u tahay dhaqan gelinta heshiiskii lagu gaaray Muqdisho.

“Xaalku hadda waxa uu marayaa ‘Ninkaa guriga cad degan ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo niman odayaal ah oo leh war xiligii waa kaa dhamaadee meesha ka soo bax’ yaa u gar-naqi doona?,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

“Si looga baxo guriga cad, inaan ka heshiino soo maaha? Guriga cad sidii loogu sii jiri lahaa, inaan ka heshiino soo maaha? Soo xalku kuma jiro in albaabka laga galo, oo aan daaqadda laga soo gelin?.”

Cabdikariin Guuleed oo daba socda hadalka Mahdi ayaa sheegay inay lagama maarman tahay in Farmaajo uu xilka kusii joogo doorasho wada-ogol ah, taasi oo uu markii hore xilka uu hadda hayo ku koray.

Waxa uu usoo qaatay sheeko faneed cajiib ah, taasi oo uu ku sheegay inaysan marnaba ka aqbaleyn Farmaajo inuu isku dhagooleyo mucaaridka oo iyagu raba inay dhacdo doorasho lamid  ah midii uu madaxweynaha hadda talada haya uu ku yimid.

“Xaaji Mahdiyow odeygu meesha nidaam ayuu ku galay, hadduu isku kaya dhagooleynayo laga yeeli maayo,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Waxa uu intaas kusii daray “Marxalada maanta lagu jiro waxa lagama maarman ah in looga gudbi si habsmi leh oo wada-ogol ah oo dhamaanteen aan raali ka wada nahay.”

Hadalladan ayaa imanaya xili aan heshiis rasmi ah laga gaarin khilaafka muddooyinkii dambe ka taagna doorashada soo socota oo muddo kooban inaga xigto, taasi oo weli si rasmi ah hanaankeeda loo gudo galin.

Raggii Balanbale ‘ku diley’ saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo lasoo qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xooga dalka ayaa gacanta kusoo dhigay rag lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen dilal loo geystay Saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka.

Howl-gal qorsheysan oo ciidamadu fuliyeen ayaa waxa lagu soo qabtay 2 Nin oo lagu eedeeyey inay bishii December ee sanadkii dhamaaday Saraakiisha ciidanka ku dileen wadada isku xirta Balanballe iyo Guriceel.

Sidoo kale waxa howl-galkaas lagu qab-qabtay dad kale oo tiradooda la shaacin, kuwaasi oo sida la tuhusan yahay gacan ku dhiigleyaasha u fudeydiyay dhuumaaleysigooda, tan iyo markii ay fuliyeen falkaas.

“Howl-galka oo ahaa mid gaadmo ah, laguna baacsanayay raggii falka ka danbeeyey ayaa waxaa loo adeegsaday gawaarida nooca ay shacabku adeegsadaan sida Baroobakas  iyo Nooha-da,” ayuu yiri Sarkaal la hadlay Caasimada Online.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa haatan lagu raad joogaa kuwo kale oo isla goobta hawl-galku ka dhacay ka baxsaday, markii ay ka war heleen howl-galka”.

Howl-galkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamadu heleen xog la xiriirta ragga dilka geystay ee ay soo qabteen, kuwaasi oo muddooyinkii dambe ay ku raad-joogeen.

Ciidamada ayaa ragga ay soo qabteen horgeyn doona maxkamadda, si loogu maxkamadeeyo dilka ay u geysteen Saraakiisha ciidanka.

Saraakiisha ciidanka xooga dalka ayaa hore u balan qaaday inay gacanta kusoo dhigi doonaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay falkaas, si cadaalada loo horgeeyo, waxayna u muuqata in howl-galadan ay qeyb ka yihiin balan-qaadyadaas.

Guriga safiirka Mareykanka ee Israel oo loo iibiyey qorshe siyaasadeed yaab leh

Tel Aviv (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa guriga safiirkeeda ee magaalada Tel Aviv ku iibisay inka badan 67 milyan oo dollar, bishii July, sida ku cad diiwaan Israeli oo rasmi ah.

Xogtan cusub ayaa mar kale ifineysa iibinta guriga oo muddo ay sir badan ku hareereysneyd.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa iibka xaqiijisay bishii September, hase yeeshee waxay diiday inay shaaca ka qaado qiimaha iyo qofka iibsaday guriga oo ku yaalla xeebta Tel Aviv, aag ay degan yihiin dadka lacagta leh.

Wargeyska ganacsiga ee Israel ee Globes ayaa qofka iibsaday guriga ku sheegay Sheldon Adelson, oo ah taajir Yahuudi Mareykan ah, oo si weyn u taageera madaxweyne Trump iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Wakiil u hadlay Adelson ayaa sheegay in bilyaneerka uusan ka hadleyn arrintan.

Lacagta 67 milyan ayaa ka dhigeysa in gurigan uu yahay kii ugu qaalisanaa ee abid lagu iibiyo Israel. Kaaliyayaasha xubnaha Congress-ka Mareykanka ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay inay eegayaan haddii iibkan uu u hoggaansamay sharciga.

Iibka ayaa xoojinaya go’aanka muranka dhaliyey ee Trump uu safaaradda Mareykanka uga soo raray Tel Aviv, kuna keena Jerusalem 2018-kii, markaasi oo uu Jerusalem u aqoonsaday caasimadda Israel.

Iibinta ayaa ku adkeyneysa madaxweynayaasha Trump ka dambeeyey inay ka laabtaan go’aankiisa, dibna ugu celiyaan safaaradda magaalada Tel Aviv, sababto lacagta tirada badan ee ku baxeysa.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa cambaareeyey go’aanka Trump, balse waxa uu sheegay inuusan beddeli doonin.

AP + VOA

Basmo Caamir oo raali-gelin ka bixisay hadal ay ugu geftay xulka GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir, Basmo Caamir ayaa raali-gelin buuxda ka bixisay hadal ay shalay ka sheegtay guusha uu xulka gobolka Banaadir ka gaaray tartanka ciyaaraha ee ka socday Muqdisho.

Basmo ayaa sheegtay inay ka awood badatay xamaasada guusha uu gobolkeedu qaaday, taasina ay keentay inay u gefto ciyaartooydii Galmudug oo uu rigoore kaga badiyay xulka Banaadir.

“Waxaan shacabka Soomaaliyed gaar ahaan Dadka kasoo jeeda Deegaanada Galmudug & Xulka Galmudug iyo Maamulkoodiiba aan ka raali-gelinayaa hadalkii hafatka ahaa ee aan Warbaahinta la wadaagay,” ayey tiri Basmo.

Waxa kale oo ay hadalkeeda sii raacisay “Raali-gelin ayaan ka bixinayaa hadalkii ahaa ‘ciyaartooyda xulka Galmudug waxay ku laabanayaan’ waxaa i qaaday xamaasada Koobka ay hanteen Xulka G.Banaadir, Ma qaldame waa alle”.

Hadalka Basmo ee ay ku weerartay xulka Galmudug ayaa hadal hayn badan ka dhaliyay baraha bulshada, kaasi oo looga hadlayay siyaabo kala duwan.

Basmo ayaa markii shalay lasoo gaba-gabeeyay ciyaaraha gobolada ee uu ku guuleystay xulka Banaadir ayaa waxay tiri “Sida aad ogtihiin ciyaartooyda Banaadir waxay ku shaqeeyeen is-xilqaan, waxba looma balan qaadin, Dalka ayay leeyihiin Magacaas iyo caasimada iyo calankaa ayay ilaalinayeen.”

“Ciyaartooyda loo balan qaaday Turkiga hada Cadaado ayay ku laabanayaan, laakiin iyagu magaalada Muqdisho ayey toban iyo todobadeeda degmo ku dalxiisaayaan.”

Salaadiin ku shiray Muqdisho oo shuruud ku xiray in lagu qabto doorashada 2021

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Salaadiinta Beelaha Soomaaliyeed oo shir ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, Doorka Salaadiinta iyo Maqaamka Muqdisho ee aan weli wax tallaabo ah laga qaadin.

Salaadiinta ayaa shirkooda kadib saxaafadda la hadlay, waxayna sheegeen in xilligan oo doorasho la gelayo aysan suuragal ahayn in maqaamka Muqdisho aan meel saarin, iyadoo aan metelaad lahayn caasimadda.

Salaadiinta ayaa dalbaday in la fuliyo 13-kii xubnood ee Aqalka Sare laga siiyey gobolka Banaadir, kuwaasi oo uu ansixiyey baarlamanka, balse uusan saxiixin madaxweyne Farmaajo.

“Soomaaliya oo maanta doorasho aadeysa …Dad 3 milyan ka badan doorasho la’aan ma dhici karto…Doorashada Soo socota ee 2021 ee dhaceysa Bulshadu halkan joogta waxay idinka fadhidaa inay ka qeyb galaan 13-kii qof ee loo ansixiyey, Bulshaduna ma aqbali karo in Xamar lagu qabto Doorasho aysan iyagu qeyb ka ahayn,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Dhinaca kale Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa shirka ka sheegay inay waajib u tahay inuu wax ka raadiyo maqaamka Muqdisho.

“Dadka ugu horeeya oo raadinaya maqaamka Muqdisho ayaan ka mid ahay, cidda diidan waxaan leeyahay waxay ku fiican tahay kugu san iyo kugu san.. Sharafta aan ku leeyahay ama Karaamada aan ku helo Gobolka Banaadir meelaha aan ka imid kama helo,” ayuu yiri Boqor Burhaan.

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharci muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee 2021 oo ay hore u soo ansixisay Golaha Xukuumadda Federaalka, ayna meelmariyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Waxaa xusid mudan in Miisaaniyadda aan loo gudbin Aqalka Sare ee Baarlamaanka, oo madaxweynaha ay is-hayaan taasi oo ah ku tumasho dastuuri ah, balse nasiib darro aysan jirin cid wax ka qaban karta.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa Miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey, iyagoona ku ansixiyey cod aqlabiyad leh.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad ka turjumeysa baahiyaha ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida.

Xasan Sheekh iyo Mursal oo isku khilaafay waxa dhacaya kadib 8-da Febraayo

0

Garowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha waqtigiisu dhamaaday ee shacabka Maxamed Mursal oo ka mid ah martida ka qeyb geleysa shirka ka socda magaalada Garowe ayaa la weydiiyey marka la gaaro ‘8-da Febraayo 2021-ka maxaa dhacaya?’

Mursal ayaa ku jawaabay in aysan dhaci doonin wax ka duwan wixii dhacay sanadkii 2016-kii, xilligaas oo dowladdii Xasan Sheekh ay bilo dheeraad ah ku darsatay mudadeedii xil-heynta.

“8-da Febraayo wixii 2016-kii dhacay ayaa dhacaaya, waad la socoteen baarlamaankii xilgaas waqtigiisu waxuu ku ekaa bishii 8-aad, waxayna shaqeynayeen ilaa bishii 12-aad, madaxweyne Xasan Sheekh-na lix bilood ayuu sii joogay xukunka, waxuuna ku joogay sharci lambar 20 oo isagu uu saxiixay, marka 2016-kii sidii uu ahaa Xasan ayuu 2021-ka ahaa nayaa Farmaajo,” ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabay su’aashaas ayaa sheegay in uusan ku raacsaneyn jawaabta uu bixiyey guddoomiye Maxamed Mursal, isla markaana ay wax badan kala fursado duwanyihiin labada xilli doorasho.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in bishii October ee sanadkii 2016-kii ay socotay doorashada kuraasta baarlamaanka dalka, halka maanta oo sanadkii 2020 uu dhamaaday aysan weli bilaaban doorashada baarlamaanka.

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada dalka ayaa dhawaan shaaciyey in 5-ta bisha Janaayo la soo gaba-gabeynayo diiwaan gelinta senatarrada u tartamaya golaha Aqalka Sare, isla markaana lasoo gaba-gabeynayo 14-ka bisha Janaayo, iyadoo wixii intaas ka dambeeyana la guda gelayo doorashada xildhibaanada golaha shacabka, waa hadii uu hir-galo jadwalka guddigaas oo marar badan uu dib u dhac ku yimid.

Soomaalidii caanka ahaa ee sanadkii tagay u dhintay xanuunka Coronavirus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu dhamaaday sanadka 2020-ka oo uu dunida saameyn ba’an ku yeeshay xanuunka coronavirus, waxaa gudaha Soomaaliya iyo meelo kale oo adduunka ka tirsanba ku geeriyooday Soomali badan oo caan ahaa. Waxaan dib u milicsaneynaa Allaha u naxariistee qaar ka mid ah dadkaasi oo u dhintay xanuunka Covid19.

April

Nuur Cadde

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), oo Soomaaliya ka soo noqday Ra’isalwasaare muddadii u dhaxeysay Nofember 2007 illaa Febraayo 2009 ayaa 1-dii April ee sanadkan 2020 wuxuu isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ugu geeriyooday cudurka Covid19.

Nuur Cadde wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho 2-dii Febraayo 1938-kii. Waxaa lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay shirweynihii dib u heshiisiinta Jabuuti ee sanadkii 2009-kii ee lagu dhisay dowladdii wadaagga aheyd ee uu qaybta ka ahaa isbahaysigii dib u xoreynta ee fadhigiisu ahaa magaalada Casmara ee dalka Eritrea.

Xudeydi

Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) wuxuu ahaa abwaan, heesaa, laxamiiste caan ku ahaa kabanka waxaana uu ku muteystey magaca “Boqorkii Cuudka”.

Wuxuu 8-dii April 2020 cudurka Covid19 ugu geeriyoodey isbitaal ku yaalla magaalada London oo in muddo ah uu ku jiray.

Xudeydi wuxuu ku dhashay magaalada Berbera 15-kii April 1928-kii, waxaana la aasay 15-kii April 2020, oo aheyd maalintii uu dhashay.

Xudeydi ka sakow kabanka uu caanka ku noqday, heesaha uu qaaday iyo kuwa uu allifay, waxaa kale oo lagu xusuustaa sidii uu suugaanta ugu dhiirigalin jiray halgankii xornimo doonka ee ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo uu gacan siiyey xornimo doonkii Jabuuti.

Biriq

Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) wuxuu ahaa ciyaartooy caan ka ahaa Soomaaliya, una ciyaari jiray naadigii Batroolka, ka hor intii aanu u soo guurin Ingiriiska oo uu soo galay 1992-kii.

Biriq wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne sanadkii 1961-kii, wuxuu ka mid ahaa laacibiintii gobolka Hiiraan u matali jiray ciyaaraha gobollada.

Biriq wuxuu inta badan ka ciyaari jiray garabka midig, isagoo isku dabooli jiray lambarrada 7, 8, ilaa 11.

Wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii kalsoonida badan lagu qabay ee usoo ciyaaray xulka qaranka Soomaaliya.

In muddo ahba, Biriq wuxuu Laanta af-Soomaaliga ee BBC-da kala qayb gali jiray barnaamijyada falanqeynta cayaaraha sida tebinta tooska ah.

Waxaa kale oo uu ku lahaa mehrad ganacsi xaafadda Harlesden ee degmada Brent ee Waqooyiga Galbeed ee magaalada London.

Wuxuu ahaa shakhsi aad uga dhex muuqday bulshada Soomaaliyeed ee London oo uu xubin firfircoon ka ahaa.

Baana Cali

Injineer Baana Cabdalla Cali wuxuu ahaa mid ka mid ah xiddigihii kubadda koleyga Soomaaliya, isla markaana udub dhexaad u ahaa dib u soo nooleynta kubadda koleyga Soomaaliya.

Wuxuu ahaa madaxa xiriirka dibadda iyo suuqeynta ee xiriirka kubadda koleyga Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu xubin ka ahaa xiriirka ciyaaraha basketball-ka Afrika.

Baana Cabdalla marka laga tago kubadda koleyga wuxuu xubin firfircoon ka ahaa jaaliyadda Soomaalida ee UK. Wuxuu cudurka Covid-19 ugu geeriyoodey London 28-kii April.

Baana Cali oo shahaadada Injineeriyada ka qaatay Jaamacad ku taalla London ayaa sidoo kale u shaqeyn jiray waaxda gaadiidka London, gaar ahaan qaybta tareennada.

September

Mursal

Isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayuu weriyihii rugcaddaaga ahaa ee Cabdulqaadir Maxamed Mursal 31-kii September ugu geeriyooday xanuunka coronavirus, sida ay BBC-da u xaqiijisay gabadhiisa.

Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Mursal wuxuu sanadkii 1953-dii ku dhashay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu inta badan waxbarashadiisii iyo noloshiisa ku soo qaatay.

Cabdulqaadir Maxamed Mursal muddo ka badan 40 sano ayuu ku soo dhex jiray warbaahinta. Wuxuu ahaa farshaxaniiste, qoraa, ruwaayad sameeye iyo farsamayaqaan raadiyaha ah.

Wuxuu ka soo shaqeeyay wargeyskii Xiddigta Oktoobar, isagoo qoraallo ku qori jiray. Waxaa kaddib loo qaatay farshaxaniiste hibo leh isagoo sawir gacmeedyo ku daabici jiray wargeyska. Sida ay sheegeen qara ka mid ah dadkii ay isla soo shaqeeyeen wuuxu ahaa qofkii ugu horreeyay ee bilaaba sawir-gacmeedyada kuna daabaca wrageys, isagoo xaaladda uu dalka ku jiro hadba ku muujin jiray.

Wuxuu soo noqday madaxii Radio Muqdisho. Waxaa lagu xusuustaa inuu raadiyaha isbeddel weyn ku sameeyay, wuxuu ku soo kordhiyay Tafsiirka Qur`aanka Kariimka, iyo Aadaanka Salaadda oo ka bixi jiray raadiyaha.

Waxaa kale ii soo saari jiray wargeyskii Dalka. Wuxuu ka soo shaqeeyay oo uu xilal ka soo qabtay Radio Iqra, Frontier FM, raadiyihii IRIN ee wakaaladda wararka bani`aadannimada u qaabilsaneyd Qaramada Midoobay iyo Raadiyaha Arrimaha Bani’aadannimada Ergo.

Sanadkii 2014-kii oo uu u wareegay dalka Maryekanka, wuxuu halkaas ka aasaasay idaacadda KALY, Codka Soomaalida Mareykanka oo uu markii ugu dambeysay madax ka ahaa.

Mursal wuxuu ka tegay labo xaas iyo 11 carruur ah, kuwaas oo haatan ku nool dalka Mareykanka.

October

Cali Khaliif Galaydh

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galaydh ayaa 8-dii Oktoobar ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in Cali uu u dhintay fayraska korona.

Hase yeeshee, ehellada marxuumka ayaa codsaday in dib loo baaro waxa geeridiisa sababay.

Barfasoor Galaydh wuxuu ku dhashay magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool, 15-kii bishii October ee sanadkii 1941-kii, halkaasoo uu ku soo qaaday qeybihii hore ee noloshiisa dhallaannimo iyo waxbarashadiisa aasaasiga ah.

Cali Khaliif wuxuu door weyn kasoo ciyaaray siyaasadda Soomaaliya, tobannaankii sano ee lasoo dhaafay.
Dhowr sano kaddib markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayuu si weyn uga soo dhex muuqday saaxada siyaasadda.

1980-kii ilaa 1982-kii wuxuu soo ahaa Wasiirkii Warshadaha ee dowladdii kacaanka, oo uu madaxweyne ka ahaa – Alle ha u naxariistee -Maxamed Siyaad Barre.

Ka hor inta aan loo magacaabin xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sanadkii 2000, wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii lagu yagleelay shirkii Carta.

13 bilood markii ay dhisneyd xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa, xildhibaannada baarlamaanka ee xilligaas ayaa kala noqday codka kalsoonida.

20-kii bishii August ee sanadkii 2012-kii, Cali Khaliif wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii loo doortay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, oo uu ilaa hadda ka mid ahaa ka hor geeridiisa.

Sanadkii 2014-kii, Cali Khaliif waxaa loo doortay madaxweynaha maamulkii la magac baxay Khaatumo ee gobollada Sool iyo Sanaag.

Doorasho dhacday bishii August ee sanadkaas ayuu uga guuleystay Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho Sheel), oo ahaa musharrax kula tartamayay xilka madaxweynaha Khaatumo.

In muddo ah ayuu u ololeynayay inuu maamulkiisa aqoonsi uga helo dowladihii tan iyo xilligaas soo maray Soomaaliya, hase yeeshee uma suuragalin.

December

Cabdi Cali Bacalwaan

Waxaa 23-kii bishan December dalka Jarmalka uu ku geeriyooday fannaanka Cabdi Cali Bacalwaan, oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay halkaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in fannaanku uu qabay xanuunnada neefmareenka ku dhaca isla markaana uu u biirsaday xanuunka safmarka ah ee covid-19.

Cabdi cali Bacalwaan ayaa ka mid ahaa tiirarkii kooxda qaranka ee Hoballada Waabari. Mar uu wareysi siinayay mid ka mid ah warbaahinta, sanadkii hore ayaa wuxuu yiri “Qaran dumay qalfoofkii ka haray inaan ahay” ayaan dareemaa markaan soo xusuusto heerkii uu fanku gaaray”.

Bacalwaan mar uu wareysi siinayay mid ka mid ah warbaahinta Soomaalida wuxuu sheegay inuu fanka soo galay sanadkii 1965, isagoo kaalinta koowaad ka galay tartan faneed lagu qabtay magaalada Muqdisho. Wuxuu ku biiray kooxdii Xoogga Dalka, isagoo markii dambe ka mid noqday Hoballada Waaberi oo safka hore kaga jirtay fankii Soomaalida.

ISHA: BBC

Heegan loo galay weeraro laga cabsi qabo inay kooxda Al-Shabaab qorsheeneyso

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Saraakiisha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in aad loo adkeeyay amaanka magaalooyinka waaweyn kadib markii ay heleen xog ku saabsan in dagaalyahanada Al-Shabaab ay qorsheynayaan iney weeraro argagixiso ka sameeyaan gudaha Kenya inta lagu jiro maalmaha ciida masiixiga.

Warbaahinta maxaliga ah ee dalka Kenya ayaa baahiyay in ciidamo fara badan oo booliis ah la geeyay qaar ka mid ah wadooyinka magaalooyinka, heegan ayaa la galiyay si ay amaanka u sugaan, waxeyna arintani imaaneysaa xilli maanta ay tahay maalintii ugu horreysay sanadka cusub.

Dhawaan ayey aheyd markii gudoomiyaha magaalada Mombasa (Nelson Achoki) uu sheegay in suuragal ay tahay in magaalo xeebeedka uu masuulka ka yahay ay wajahdo weeraro kaga yimaada dagaalyahanada Al-Shabaab eek u xoogan gudaha Soomaaliya.

“Aad ayaan u adkeynay ammaanka magaalada Mombasa, gaar ahaan garoomada iyo sidoo kale meelaha loo dukaameysi tago” ayuu yiri Nelson Achoki.

Magaalooyinka waaweyn ee Kenya ayaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq ciidan, kuwaas oo ka feejigan weeraro lagu soo qaado, waxaana lasii daayay fariimo bulshada lagu farayo iney ka feejignaadaan halista maadaama ay heleen xogo la xiriira magaalooyinka lagu wajahan yahay.

Al-Shabaab waxey weeraro ka fuliyaan gudaha Kenya, inkastoo ay ku xoogan yahiin gudaha Soomaaliya, hadana weerarkii ay ku qaadeen Westgate Mall ayaa loogu xusuus badan yahay iyo sidoo kale midkii kale oo ay ku qaadeen jaamacadda Gaarisa.

Dhacdooyinka ugu weynaa ee ka dhacay Somalia 2020

0

Soomaaliya waxay la kulantay sanadkii tegay ee 2020 caqabado badan oo ay kamid yihiin siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo musiibadii Coronavirus, waxaan soo qaadan doonaa kuwoodii ugu saameynta badnaa.

Siyaasadda.

February 2, 2020: Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa loo doortay Madaxweynaha Galmudug, halka madaxweyne ku xigeenka Galmudug uu noqday Cali Daahir Ciid.

July 25, 2020: Baarlaamnaka Soomaaliya ayaa mooshin qafla ah xilka uga qaaday Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo muddo saddex sano iyo bar ah xilkaas hayay.

September 17, 2020: Madaxda Soomaalida ayaa ku heshiiyay doorasho dabdan oo dalka ka dhacda 2020/2021.

September 18, 2020: Madaxweyne Farmaajo ayaa Maxamed Xuseen Rooble oo ahaa nin siyaasadda ku cusub u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

September 26, 2020: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa aqbalay heshiiska doorashooyinka ee 17 Sebtember gaareen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

October 19, 2020: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay golaha wasiirada cusub, wuxuu soo magacaabay ilaa 26 wasiir oo ay ku jiraan xubno horey uga tirsanaa xukuumaddii hore.

November 11, 2020: Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ayaa loo doortay Cali Cabdullaahi Guudlaawe, halka ku xigeena noqday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

December 3, 2020: Baarlamaanka Puntland ayaa xasaanadda ka qaaday 8 xildhibaan.

December 15, 2020: Dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ayaa gabi ahaanba u jartay xiriirkii dublamaasiyadeed ee ay al laheyd dalka Kenya.

December 30, 2020: Waxaa markii ugu horreysay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Garowe lagu qabyay madasha aragti wadaaga Heritage oo ka soo qeybgaleen dad ku dhow 500 oo qof oo isugu jira madaxda Soomaaliya, mucaaradka iyo marti sharaf kale.

Amniga

March 25, 2020: Dabley hubeysan ayaa 8 qof oo howlwadeeno caafimaad ah afduub iyo dil ugu geystay tuulada Gololey oo hoostagta degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

March 29, 2020: Waxaa magaalada Gaorwe qarax ismiidaamin ah lagula eegtay guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), wuxuuna u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray, mas’uuliyadda qaraxaas waxaa sheegtay ururka Al-shabaab.

May 17, 2020: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa lagu dilay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur iyo saddex kamid ah ilaaladiisii, waxaana mas’uuliyada qaraxa sheegatay Al-shabaab.

August 16, 2020: Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay weerar Al-Shabaab ku qaadeen huteelka Elite ee Muqdisho, halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen booliska Soomaaliya.

September 11, 2020: Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin iyo qof kale ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay meel ku dhow masaajid qadiimi ah oo ku yaala magaalada Kismaayo, sidoo kale qaraxaas waxaa ku dhaawacmay ilaa 6 qof.

September 17, 2020: Dabley hubaysan ayaa 6 wadaad ku dilay tuulo lagu magacaabo Koogaar oo ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

November 17, 2020: Qof bam isku soo xiray ayaa isku qarxiyay makhaayadda Gelato Divino oo ah goob jalaatada lagu iibiyo oo ku taalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho, 7 qof oo dhilinyaro u badan ayaa ku geeriyooday, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 10 qof.

December 9, 2020: Dabley hubeysan ayaa weerar dhabo-gal ah oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cagfaroge oo u dhaxeeya Balanbal iyo Guriceel ku dushay ilaa 7 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Dowladd Federaalka Soomaaliya.

December 18, 2020: Qarax ismiidaamin ahaa oo ay ku dhinteen mas’uuliyiin u badan saraakiil ciidan ayaa ka dhacay afaafka hore ee garoonka kubbadda cagta Cabdullaahi Ciise ee koonfureed magaalada Gaakacyo, halkaas oo hadal ka jeedin lahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Qaraxaas waxaa ku geeriyooday Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari), Taliyiyihii Ciidamada danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan, Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali iyo Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo- Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Dhaqaalaha

Guud ahaan dhaqaalaha Soomaaliya sanadkii tegay ee 2020 si la mid ah dunida waxaa ku yimid hoos u dhac ka dhashay xayiraado lagu xakameynayo faafida cudurka Coronavirus iyo canshuurihii badeecooyinka qaar oo la khafiifiyay. Sidoo kale waxaa mar istaagay dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee ku xirnaa dalka dibaddiisa.

4 Ra’iisul Wasaare hore oo geeriyooday

July 12, 2020: Waxaa geeriyooday Xasan Abshir Faarax, oo ahaa Ra’iisul Wasaare Soomaaliya intii u dhaxeysay November 12, 2001 ilaa November 8, 2003.

April 1, 2020: Waxaa geeriyooday Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ooo ahaa Ra’iisul wasaarihii dowladdii ku-meel garaka aheyd ee Soomaaliya, intii u dhaxeysay November 2007 iyo February 2009.

October 8, 2020: Waxaa geeriyooday Cali Khaliif Galeydh oo Ra’iisul Wasaare ka noqday dowladdii ku meel gaadhka ahayd ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, intii u dhaxeysay October 8, 2000 ilaa October 28, 2001.

November 18, 2020: Waxaa geeriyooday Cumar Carte Qaalib oo Ra’iisul Wasaare Soomaaliya ahaa intii u dhaxeysay January 24, 1991 ilaa May 1993.

Coronavirus

March 16, 2020: Qofkii ugu horreeyay oo qaba caabuqa Coronavirus ayaa laga helay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, wuxuu ahaa muwaadin ka yimid dalka dibadiisa.

April 8, 2020: Qofkii ugu horreeyey ayaa gudaha dalka Soomaaliya ugu geeriyooday caabuqa Coronavirus, wuxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo 58 jir ah, kaas oo ku geeriyooday Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Guud ahaan Soomaaliya waxaa sanadkii tegay 2020 laga diiwaangeliyay 4,714 kiis oo Covid-19, waxaana cudurkaas u dhintay 130 qof inta la ogyahay.

December 31, 2020: Ugu danbeyna dhacdadii ugu danbaysay ee sanadkii tegay waxay ahayd xulka kubbadda cagta gobolka Banaadir oo ku guuleystay tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee 2020, markii ay ciyaartii kamadambaysta gool kulaadyo uga adkaadeen xulka Galmudug.

DF oo si adag uga hadashay weerarkii dadka badan lagu laayey ee ka dhacay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa aad loogu camaareeyey weerarkii ay kooxda Xuutiyiinta ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadan, xilli uu ka soo degayey ra’iisul wasaaraha dalka Yemen iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerar seddex qaraxyo ah lagu beegsaday shalay gelinkii dambe oo Arbaco ahayd (30 December) gegidda diyaaradaha ee Cadan ee Jamhuuriyadda Yemen, kaasi oo sababay geerida iyo dhaawaca tobaneeyo ruux oo rayid ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay xaqiijinaysaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay garab taagantahay Dowladda iyo Dadka aanu walaalaha nahay ee Yemen, waxa ayna tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehellada dhibanayaasha, iyadoo caafimaad-qab degdeg ah u rajaysay kuwa ku dhaawacmay.”

Ku dhawaad 20-qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha Cadan oo ah magaalada labaad ee dalka Yemen ugu weyn, xiligaas oo ay ka soo degeysay dowladda cusub ee lagu soo dhisay Sacuudiga.

Qaraxyada ayaa dhacay iyadoo wasiirradu ay isku diyaarinayeen inay ka soo degtaan diyaaradda, waxuuna Ra`iisul Wasaare Maeen Abdulmalik Saeed sheegay in isaga iyo golihiisa wasiirrada ay badqabaan, balse dad badan ay goobta ku dhinteen.

Wasiirka Warfaafinta Moammer al-Eryani ayaa ku eedeeyay mucaaradka Xuutiyiinta inay ka dambeeyeen waxa uu ugu yeeray “falka argagixiso ee wuxuushnimada ah”

Yemen waxaa ragaadiyay dagaal soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2015-kii, markaas oo isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo ee dalalka Carabta ay bilaabeen howlgal militery oo lagula dagaallamayo kooxda Xuutiyiinta, laguna soo celinayo xukunka Madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi.

Daawo: Mahad Salaad oo fagaare ah ku raali geliyey Mahdi Guuleed iyo Dubbe

0

Garowe (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah martida shirka Madasha Aragti-wadaaga ee ka socda magaalada Garowe ayaa raali gelin ka bixiyey hadal uu horay u yiri oo jawaab uu uga dhigay hadalkii Mahdi Guuleed ee ahaa doorashada dalka wareega koowaad ayaan ku guuleysaneynaa.

Mahad Salaad ayaa xiligaas Mahdi Guuleed ugu jawaabay “Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa CIIRTAADA DHAME AYAA CAYDAADA YAQAANA. Waa nasiib daro Mahdi Gulled oo dad iyo duunyo ka arradan, shaqada kaliya ee Xamar uu u joogana ay tahay guulwadeynta Farmaajo iyo dullaynta dadka uu ka dhashay in uu caawa sidaas noogu daacdaacsado! Gulledow Xamar waxay caan ku tahay “KORISO, KIBRISO iyo KUFISO” waxaan ku leenahay NIMAAN KUU FURI DOONIN YUUSAN KUU RARIN. Farmaajo waa tagay ee dadkaaga haka dhex bixin.”

Isagoo hadalkaas raali gelinka bixinaayey ayuu yiri, “Saaxiibkey ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed waxuu yiri, arrintii wareega koowaad ayaan doorashada ku qaadeynaa waan ka cudur daaranaa, raali gelina waan ka bixinaa, xaalna waan ka dhiibaa. Anigana waxaan rabaa inaan raali gelina ka bixiyo xaalna ka dhiibo Ciirtii aan ku maah-maahay.”

Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in si lamid ah Mahdi Guuleed uu u raali geliyey wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe, oo isna mar uu hadal xanaf leh ugu jawaabay.

Mahad Salaad ayaa xiligaas yiri, “Wasiirka Warfaafinta Mr. Dubbe maalin dhawayd waxaan daawaday isagoo ku masalaya “ISLAAN WAALAN” siyaasiin ay isku hayb yihiin, sida Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Wasiir hore Maareeye, Ra’iisul Wasaare ku xigeen hore Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo kuwa kale. Markaan dhuuxay magaca Dubbe aniga ayaa kaligey isqanciyay. Inkastoo Wasiir Dubbe uusan ahayn qaangaar-siyaasadeed marka loo fiirsado nuxurka hadalkiisa iyo marxaladaan kala guurka ah ee dalku marayo. Magaca “Dubbe” Soomaalidu waxay u taqaanaa BURRIS, waana bir kuusan oo daab madaxa kula jira oo farsamayaqaanku ku garaaco biraha uu tumayo ama farsamaynayo.”

Mahad Salaad oo hadalkaas ka raali gelinaya wasiirka ayaa maanta waxa uu yiri, “Saaxiibkey wasiir Dubbe waan is wareysanay, oo ra’iisul wasaaraha waan isaga soo horeynay, markii aan qaraabo hadalnay raali ahaaw ayaan si gooni ah u iri, waana heshiinay.”

Daawo: CC Shakuur oo shaaca ka qaaday sababta uusan u tegin shirka Garoowe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka qeyb gelaayey dood cilmiyeed ay soo agaasintay hey’adda Xaqdhow oo looga hadlayey ‘xorriyatul qowlka iyo xilliga kala guurka ah’ ayaa wax laga weydiiyey sababta uu uga baaqday shirka ka socda Garowe.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Garowe ay jiraan dad ku filay, muhiimna aysan aheyn in hal meel la wada aado.

“Garowe in ku filanaa jirta, muhiim ma ahan in dadku hal meel ay wada aadaan, siyaasiyiin isugu jira mucaaradka, kuwa dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada-ba Garowe intii ku filan waa jirtaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur sheegay inuu Garowe uga baaqday sidii uu u waardiyeyn lahaa qaladaadka dowladda ka dhacaya.

“Anagu waxaan rabnaa inaan idinka idinla joogno, oo inla hadalno, oo dowladda aan waardiyeyno, hadii ay xadgudub sameyso aan u sheegno, marka meeshaan inaan joognaan rabnaa oo dowladda isha ku heyno, oo aan laga wada tegin goobta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Shirka Madasha Aragti-wadaaga ee Machadka Heritage ayaa maalinkii labaad ka socda magaalada Garowe, waxana ka qeyb galay inta badan musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Galmudug, waxaana lagu wadaa in gelinka dambe ee berri la soo gaba-gabeeyo.

Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray guusha gobolka Banaadir + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Tartanka Dowlad Goboleedyada Dalka oo ka socday Caasimadda Muqdisho intii u dhaxeysay 20-kii ilaa 31-dii bishan Diseembar 2020.

Madaxweynaha oo bogaadiyey Xulka Dowlad Goboleedka Galmudug oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah, ayaa tilmaamay in ciyaartooyda, Macalimiinta iyo Maamulka Kubadda Cagta ee Galmudug iyo Gobolka Banaadir ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran.

“Hambalyo dhammaan laacibiinta, Tababareyaasha, Garsooreyaasha, Taagereyaasha iyo guud ahaan bahda ciyaaraha Kubadda Cagta ee ka qeyb qaatay Tartanka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Dhammaan waxaa soo bandhigteen ciyaar wanaag, xirfad sare, biseyl iyo sida aad dalkeenna ugu matali kartaan fagaareyaasha caalamiga ah ee kubadda Cagta,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Daawashada ciyaarta waxuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku maamuusay qaar ka mid ah Xidigihii Kubadda Cagta ee tirsanaa Kooxihii tunka weynaa ee Horyaalka dalka ee Horseed, Jeenyo iyo Minishiibiyo.

Farmaajo ayaa bogaadiyey qabanqaabada iyo hannaanka maamulka Koobka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo si mugleh isaga kaashaday qabsoomidda tartankan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Ciidamadeenna Geesiyaasha ah ee habeen iyo maalinba u taagan amniga dalka, gaar ahaan inta uu socday Koobkan oo ay ka soo qeyb galeen dhallinyaro iyo masuuliyiin Soomaaliyeed oo ka socda Gobollada dalka.

Cabdiraxman Faroole oo ka hadlay tallaabadii uu qaaday madaxweyne FARMAAJO

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladda goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo qeyb ka ahaa madaxdii ka qeyb gashay madasha aragti-wadaaga Heritage ee ka furmay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay dastuurka KMG ah ee dalka.

Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa ugu horeyntii sheegay inay muhiim tahay in madaxweynuhu uu aqoonsado waxa uu xaqa u leeyahay iyo wuxuusan u laheyn, taasi oo u muuqata inuu kaga soo horjeedo tallaabo uu dhawaan qaaday madaxweyne Farmaajo, taasi oo uu wax ka bedel ugu sameeyay Dastuurka.

Waxa kale oo uu sheegay in isla xisaabtankii uu lumay, isagoona eedeyn culus u jeediyay xukuumadda oo golaha wasiirada kusoo dartay xildhibaano badan oo ka tirsan golaha shacabka, kuwaasi oo meesha ka saaray la xisaabta xukuumadda.

“Baarlamaanka raga ku jiray ee wasaaradaha kamid noqday waa inay mar wasaaradda ka codeyn, marka kalana aysan codeyn baarlaamka. Halna kama joogo dadka aan la hadleyno waa ayaga.”

“Markii ay hadlayeen (Guddoomiyaha golaha shacabka iyo ra’iisal wasaaraha) wixii sabcinayay waxay ahaayeen wixii xamar ka yimid uma aysan imaan in ay wax ka faa’iideystaan halkan ee waxay u yimaadaan inay sabciyaan xaqiiqada runta ahna waa intaa.”

Sidoo kale waxa uu soo bandhigay qodoba uu sheegay inay fure u yihiin dhameystirka dastuurka iyo sareynta Sharciga;

-In la helo madax xil kasta oo sharciga u hogaansanta
-In madaxweynaha uu waajibaadkiisu u guto sida dastuurka dhigayo
-In baarlamaanka uusan hoos tagin Madaxtooyada
-In xildhibaanada aysan ku milmin wasaaradaha

Isagoo dalbaday in la dhaqan-geliyo qodobka 134, farqadiisa labaad ee dastuurka ku meel-gaarka ah (Kaasoo xeerinaya dhismaha Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo waajibaadkiisa).

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uusan dastuurku waqtigiisu dhaceyn, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ku-meel-gaarnimada uu sii ahaan karo ilaa laga helayo habraac la isla ogyahay oo looga saarayo qabyo qoraalka.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Khamiista toddobaadkii hore soo saaray xeer madaxweyne oo uu dib ugu dhigay ansixinta wax-ka-beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Waxa xiligaas sababta lagu sheegay inay tahay maadaama la galay xilligii doorashada, islamarkaana  ay sii dhammaaneyso muddada xil-haynta barlamaanka 10-aad, ayna bilaabanayso muddo xileedka Barlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Banaadir oo qaaday koobka tartanka ciyaaraha gobollada ee ka socday MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tartanka ciyaaraha dowlad goboleedka dalka iyo gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo gaba-gabayeey magaalada Muqdisho, kaasi oo uu ku guuleystay xulka gobolka Banaadir.

Ciyaarta kama dambeysta ee tartankaasi oo soo afmeeratay goordhoweyd ayaa waxay labad kooxood soo bandhigeen daadal xoog leh iyo ciyaar wanaag, iyada oo markii hore ciyaartu ku dhamaatay barbaro 2-2 ah.

Rigoorayaal loo dhigay labada xul ayaa waxa guusha ku hantiyey xulka Banaadir oo dhaliyey 3-gool, halka dhigooda Galmuudg uusan dhalin gool, iyada oo rigoorayaal ciyaarta wax ka badeli lahaa uu qabtay gool hayaha xulka Banaadir, Hanad.

Tartankan maanta lagu soo afmeeray magaalada Muqdisho ayaa waxa hore ugu haray xulalkii ka socday dowlad goboledyada Hirshabelle,Koofurgalbeed, Puntland iyo Jubbaland.

Si kastaba, tartanka sanadkan ee maamulada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa lahaa xiiso gaar ah, iyada oo si weyn looga hadal hayey dal iyo dibedda, gaar ahaan ciyaartii maanta oo xamaasad gooni ah laheyd, maadama ay aheyd finalka tartanka.

Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay guddoomiye Mursal?

0

Garoowe  (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa maanta la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo xasaasiya, kuwaasi oo ku qotoma marxalada dalka uu marayo iyo  arrimaha doorashooyinka oo muran baahsan uu ka taagan yahay.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada-hadlay xiisada ka dhalatay doorashada ee u dhaxeysa madaxda dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka oo iyagu qaadacay guddiga doorashada ee gadaal ka riixayso dowladda.

Kulankaan ayaa sidoo kale qeyb ka ah kulamo saacadihii u dambeeyay ka socday Garoowe, kaasi oo ay labada mas’uul si gooni-gooni ah ula kulmeen madax kala duwan oo ka qeyb-gashay madasha aragti wadaaga ee Machadka Heritage oo markii u horeysay ka qabsoomtay caasimada Puntland ee Garoowe.

Waxa uu kusoo aadayaa xili ay meel xasaasi ah mareyso xiisada doorashada, taasi oo u dhaxeysa madaxda dowladda iyo mucaaridka, iyada oo labada dhinac ay kala magacaabeen guddiyo doorashada ka shaqeynaya.