25.1 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Maxaa ka jira arrinta Axmed Madobe uu shaaciyey ee la xiriirta hubka DF Somalia?

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dowladda dhexe si dadban ugu eedeeyay iney hub faraha ka saartay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku xoogan gudaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo khilaafkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay dowladda dhexe dib u holaciyay ayaa sheegay iney hadda ka hor rasaas ay Al-Shabaab ka qabsadeen baaris ku sameeyeen isla markaana ay noqotay mid ay leedahay dowladda dhexe.

“Dagaal ayaan kula jirnay Al-Shabaab, waxaa ka go’ay rasaasta qoriga BKM, maalin gudaheed ayey kula yimaadeen, rasaastii baan qaadnay, waxey noqotay rasaastii ay dowladda lasoo dagtay, ileen rasaasta waa la aqriyaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Garowe.

Axmed Madoobe wuxuu si adag u sheegay ineysan jirin amni qaran oo laga wada hadlo, taas badalkeedana ay cadaw isku noqdeen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waxaana xusid mudan in Jubbaland iyo dowladda dhexe ay wali isku hayaan arrinta gobolka Gedo.

Isagoo ka hadlayay heshiisyadii la gaaray wuxuu carabka ku dhuftay inaan waxba laga hirgalin heshiiskii amniga qaranka ee la galay.

Axmed Madoobe wuxuu ku baaqay in marka hore laga heshiiyo arrimaha siyaasadeed ka hor inta aan laga hadlin arrimaha amniga qaranka.

Askari ka tirsan ciidamada DF oo dil iyo dhaawac ka geystay Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu saacadihii la soo dhaafay dil iyo dhaawac ka geystay degmada Beledxaawo ee gobolkaasi oo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.

Askariga ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, gaar ahaan hooyo, wiil ay dhashay iyo darawalkii waday.

Rasaasta uu furay askariga ayaa waxaa ku dhintay darawalkii waday mootada, halka ay dhaawacmeen hooyada iyo wiilka ay dhashay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in gacanta lagu dhigay askarigii ka dambeeyey falkaasi, kadib markii ay si deg-deg ah goobta ku gaareen ciidamada ammaanka.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi waxyeelada loogu geystay dadka rayidka ah.

Beledxaawo ayaa waxaa ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka waday gudaha degmadaasi.

Ciidanka Danab oo nolosha ku qabtay xubno Shabab ah

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada kumaandooska Danab ayaa lagu soo warramayaa in howl-gallo qorsheysan ay ka sameeyeen gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah dhaq-dhaqaaqayadaasi looga sameeyey deegaanada Buur-Heybe, Jiira-Koolow, Durdurow, Saaxweyn & Yaq-Doomaar.

Saraakiil ka tirsam ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 16-aad ee Danab ayaa sheegay in howl-galladaasi ay ku soo qab qabteen rag ka tirsan Al-Shabaab, mootooyin ay isticmaali jireen iyo agab ciidan, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay cagta mariyeen xarumo muhiim ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyn halkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa ciidamada huwanta ay kordhiyeen howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Baay & Bakool.

Daawo: Cabdi Xaashi oo weerar ku qaaday madaxda aysan caruurtu u joogin dalka

0

Garowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha waqtigu ka dhamaaday ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi oo hadal ka jeediyey shirkii galabta lagu soo gabagabeeyey magaalada Garowe ayaa ku dheeraaday ka hadalka dowladnimo Soomaaliyeed oo taaba gasha, isagoo soo qaatay gabayo iyo murti kale oo dadka uu ku guubaabinayo.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in madaxda Soomaalida uu ku yaryahay mid ilmihiisu ay dalka ka joogaan, isagoo su’aal geliyey sida ay ugu turayaan ilmo kale.

“Madaxda Soomaalida, imisa ayey caruurtoodu dalka joogtaa?… waxaan filayaa madaxda caruurtoodu ka maqan tahay ee dalka aan joogin in aysan u tureyn kuwa kale ee danta kursigooda ay waxay doonaan u sameynayaan,” ayuu yiri guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale goobta ka akhriyey gabay uu sheegay inuu tiriyey Abwaan Soomaaliyeed oo noo tilmaamaya qaninimada dalkeenna, oo sida uu sheegay aanaa warba u geyn.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa aad ugu mahad celiyey shacabka iyo madaxda dowlad goboleedka Puntland oo marti geliyey shirkan oo ah mid sanadle ah, isla markaana uu soo agaasimay Machadka Heritage.

Hoos ka Daawo

Khasaare ka dhashay weerar caawa ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hor dhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar la sheegay inuu fuliyey nin ku hubeysnaa Bamo gacmeed oo caawa ka dhacay fariisin ay askar ka tirsan booliska Soomaaliya ku leeyihiin suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Weerarkaas ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in la toogtay ninkii fuliyey.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa toogtay ninkaas oo la aaminsanyahay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii uu bambada nooca gaanta laga tuuro ku weeraray goob ay ku sugnaayeen.

Ilaa laba qof oo shacab ah iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarka uu fuliyey ninkaas oo markii dambe la dilay.

Ciidamada ayaa rasaas furay markii lagu weerar bam gacmeedka, balse dad ku sugnaa goobta ayaa sheegay in ninka oo baxsad ah ay mar dambe toogteen dhalinyaro dharcad ah oo ku sugnaa agagaarka isgoyska Howlwadaag.

Meydka askari Shabaab ka diiday inuu u tago oo lasoo dhigay xaafad Muqdisho ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee waxaa xaafadda Sanca dhinaca degmada Shibis ee Gobalka Banaadir lagu arkay meydka Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo ay maalmo ka hor u waceen Al-Shabaab lana sheegay inuu ka diiday u tagistooda.

Askarigaan ayaa la sheegay inuu muran kala dhaxeeyay dad ay isku haysteen hanti, halka wararka qaarna ay sheegeen in ay ka dacwoodeen dad lacag ku lahaa kadibna uu sheegay in uusan isku aamin karin Al-Shabaab.

Koox isku sheegtay xafiiska garsoorka Al-Shabaab ayaa askariga ugu yeeray inuu yimaado gobalka Shabeellada Hoose, balse waxa uu sheegay in uusan u imaan karin cabsi uu ka qabo aawgeed.

Askarigaan oo la aaminsan yahay in laga soo watay xaafad kale ayaa lagu dilay Isgoyska Sanca dhinaca degmada Shibis, waxeyna dadka degaanka is weydiiyeen arrintaan oo cabsi badan ku abuurtay.

Ilaa hada ma jirto cid faah faahisay hase yeeshee Al-Shabaab ayaa si weyn Muqdisho ugu dhibaateeyo dadka diida amaradooda, haddii ay yihiiin shacab, ganacsato ama ciidan.

Daawo: Saciid Deni oo soo jeediyey arrin ku saabsan heshiiskii 17-ka September

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo khudbad ka jeediyey gabagabada shirkii madaxsha aragti wadaagga ee ka dhacay magaalada Garowe ayaa baaq u diray madaxda dowaldda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Baaqa madaxweyne Deni ayaa ku qotomay in la isugu yimaado shir kale oo la mid ah kii 17-kii September , si buu yiri xal looga gaaro khilaafka ragaadiyey doorashooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin marti gelinta shirkaas, hadii goob kale lagu qabanayana ay diyaar u yihiin inay tagaan oo ka qeyb galaan.

“Waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha in la isugu yimaado shirkii 17-kii September lagu heshiiyey oo kale, hadii Garowe lagu qabanayo diyaar ayaan u nahay, hadii meel kale lagu qabanayana diyaar ayaan u nahay, laakiin muhiimadu waa in la xaliyo waxa taagan,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay nabad geliyada ku fara adeygaan oo doorasho aysan dhaafin iftiinka nabadda ee haatan u soo baxaya.

“Waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inaan fidno colaadeed la kicin, waxa la isku hayo waa doorasho – doorashaduna waa wax sanduuq lagu rido, kaambeynkuna waa hadal, qori boos uma banana saan filaayo, marka anigu waxaan qabaa qoryaha waa weyn in la iska dhigo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.

Waxa uu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Qoor Qoor ay dhawaan magaalada Gaalkacyo ka bilaabeen iskaashi uu sheegay in haatan uu meel fiican u maraayo, isla markaana uu faa’iido u ahaa shirkan ka dhacay magaalada Garowe.

“Aniga iyo madaxweyne Qoor Qoor shirkii Gaalkacyo ka dhacay shaqa badan ayaan dusha u ridanay meel fiican ayey noo mareysaa oo shirarkan Garowe ka dhacay fursad ayey noo ahaayeen, oo habeen iyo maalin shirar kale ayaa socda oo la isugu soo dhawaanayo, markan anaga oo kala meteleyna dhinacyada doorashada isku haya waxaa rajo weyn ku qabnaa in wax kasta oo jira la iska qancin doono,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Hoos ka Daawo

FARMAAJO oo xil sare u magacaabay sarkaalkii uu feeri gaaray Darboweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Liibaan Cali Yarow ayaa xil ka qaadis lagu sameeyey.

Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa loo magacaabay Maxamuud Axmed Xasan (Dalab), oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa loo dalacsiiyey darajada Gaashaanle Sare ka hor inta aan xilka loo magacaabay.

Maxamuud Axmed ayaa horey usoo noqday wasiirka Ganacsiga Xukuumaddii uu Ra’isul wasaaraha ka ahaa Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Mudane Dalab ayaa ayaa ka tirsanaa taliska Booliska, wuxuuna horey ula soo shaqeeyey maxkamaddii badbaadada ee uu guddoomiyaha ka ahaa Jen. Maxamuud Geelle Yuusuf.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Liibaan Cali Yarow ayaa waxaa xilkaan loo magacaabay 23 September ee sanadkii 2014 xilligaas oo uu madaxweyne dalka ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamuud Axmed Xasan (Dalab) ayaa waxaa si aad ah loogu xusuustaa inuu ahaa nin isaga oo ka hadlay xaflad ka dhacday Muqdisho uu dharbaaci gaaray Muxudiyadiin Darboweyne oo kasoo jeeda Muqdisho, kadib markii Dalab uu sheegay hadal uusan Darboweyne oo ku saabsan maqaamka Muqdisho. Hoos ka daawo dhacdadaas.

Aqriso: War-murtiyeed ka kooban afar qodob oo laga soo saaray shirka Garoowe

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Magaaladda Garoowe ee Caasimadda dowlad-goboleedka Puntland waxaa maanta oo sabti ah lagu soo geba-gabeeyay shirka Madasha aragti Wadaaga ee Machadka Heritage, kaas oo socday muddo Saddex Cisho ah.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay oo 4 qodob oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya waxa ayna kala yihiin:-

1) Dhameystirka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya

Madasha ayaa bogaasiday dadaalada ay sameeyeen Wasaaradda Dastuurka Soomaliya & guddiyada Madaxa bannaan ee Arrimaha Dastuurka, kuwaas oo sameeyay daraasado qiimo leh soona bandhigay qodobo xasaasi ah oo la xiriira Dastuurka.

2) Arrimaha taabagelinta Nidaam federaal oo dhameystiran

Madasha ayaa dareen ka muujisay kala ragti duwanaanshaha soo noq nqoday ee ka dhaxeeya labada Heer ee dowladda, Madashu waxaa ay garawsatay dhameystirid la’aanta qodobada federaaleynta ay sabab u tahay khilaafka, waxaana ay ku baaqeen qodobo xal u noqon kara.

3) Arrimaha Amniga Qaranka

Madasha waxaa ay bogaadisay Ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab & Daacish, hayeeshee waxaa ay ka xun tahay in aan la dhaqan gelin heshiiskii amni ay gaareen dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada, kaas oo lagu saxiixay Bishii May ee sanadkii 2017 Magaalada London.

4) Arrimaha doorashooyinka dalka

Madasha waxaa ay soo dhaweyneysaa geedi-socodka siyaasadeed ee doorashooyinka ee kasoo bilawday dhuusamareeb 1, 2, iyo Saddex kuna dhamaaday 17-kii Bishii Setember Villa Soomaaliya, hayeeshee Madasha ay ka walaacsan tahay kala aragti duwanaanta ka taagan hirgelin la’aanta Heshiiska.

Ugu dambeyn Madasha ayaa waxaa ay u mahad celisay Maamulka Puntland iyo Shacabka sida diiran oo ay u soo dhaweeyeen ka qeyb-galayaasha Madasha aragti Wadaaga ee Machadka Heritage iyo Madaxda machadka Heritage sida ay u soo agaasimneen Shirkaan.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya, guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka, Saddex kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada, xubno kamid ah Midowga Musharixiinta, Urrurada Bulshada rayidka & xubno kale.

Hoos Ka Akhriso Qodobada warmurtiyeedka oo fah faahsan

 

 

 

 

 

Turkey oo shaacisay tirada dadka looga dilay iyo kuwa loogu dhaawacay qaraxii duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga ayaa war kasoo saartay qaraxii Maanta ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi oo dhaca inta u dhexeysa wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

War kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyey in qaraxaas lala eegtay shaqaale iyo Injineero Turkish ah oo ka shaqeenayey dhismaha jidka laamiga ah ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Bayaanka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen Afar Qof oo uu ku jiro Sarkaal Turkish ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Afar qof oo kale oo turki ah.

“Aad ayaan uga murugeysan nahay inaan maqalno warka sheegayo in aroortii hore ee saaka weerar argagixisanimo lagu  qaaday shaqaale ka tirsan shirkad laga leeyahay Turkiga, kaasoo keenay dhimashada 4 qof, uuna ku jiro muwaadin Turkiga u dhashay, waxaana si dhow ula soconaa xaaladda dhawaac soo gaaray 4 muwaadin oo u dhashay Turkiga,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay cambareeyneyso falkaasi qaraxa ahaa ee lagu weeraray Injineeradooda u shaqeynayay Shacabka Soomaaliyeed, waxayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda sheegtay inay sii wadi doonaan garab istaagooda wadanka ay saaxiibada yihiin ee Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab oo dusha u ridatay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegtay inay weerareen saraakiil caddaan ah oo ku sugnaa duleedka Muqdisho, ayna dileen sarkaal Turkiga u dhashay, kuna dhaawaceen qaar kale.

“Dhimashadu waa sarkaal Turkish ah iyo dhaawac soo gaaray laba kale,” ayay ku sheegeen qoraalkooda iyaga oo intaasi raaciyay in ay dileen labo ka mid ah askarta Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Dowladda Faderaalka ah gaar ahaan laamaha amaanka wali kama hadlin weerarka, ku dhowwaad 10 qarax ayaa la soo wariyay in ay ka dhaceen wada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye 4-tii sano ee ugu dambeysay, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in lagu joojiyo dhismaha waddada.

Dhismaha wadada oo bilaabatay 2018, waxaa maal-galinaya Dowladda Qatar iyada oo  la joojiyay sanadkii hore ka dib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dilay dad ku dhow 90 qof, oo ay ku jireen Laba shaqaale Turki ah 28 Desember 2019, inkastoo dib loo bilaabay.

Halkaan hoose ka akhriso bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo ku qoran luuqadda Ingiriiska.

 

Dhismooyin ay Shabaab ku sugnaayeen oo la weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa sheegay inay 1-dii bishan fuliyeen laba duqeyn oo ka dhacay Soomaaliya.

Qoraal maanta kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in labada duqeynba lala beegsaday laba dhismo oo ay kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

AFRICOM ayaa sheegtay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso in duqeymaha ay burburiyeen labada dhisme, balse weli ay socoto qiimeyn dhameystiran. Illaa iyo hadda lama sheegin haddii jiraan khasaare nafeed oo halkaas ka dhashay.

Waxay sidoo kale sheegeen in qiimeynta ay muujineyso in dad shacab ah aysan waxba ku noqon duqeymaha.

“Ficilkan wuxuu caddeyn u yahay inaan sii wadeyno ballan-qaadyada aan u sameyneyo Soomaaliya iyo saaxiibadeena gobolka,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howlgallada ee AFRICOM, Maj. Gen. Joel Tyler.

“Waxaan joogteyn doonnaa hababka iyo rabitaankeena ah inaan weerarno shabakadda argagixisada ee Al-Shabaab marka ay lagama maarmaan noqoto, si aan u ilaalino gobolka, iyo ugu dambeyn dalkeena,” ayuu yiri.

Weerarkan ayaa imanaya ayada oo ciidamada Mareykanka ee gaaraya 700 oo askari ay billaabeen inay ka baxaan Soomaaliya, taasi oo dhalisay cabsi ah in laga yaabo in tallaabadan ay wiiqdo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Kenya oo qaadeysa tallaabo ay diiday DF kadib markii ay ku biirtay golaha ammaanka

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa dooneysa iney ka shaqeyso qorshe liiska waxa loogu yeero Argagixisada ee Qaramada Midoobay loogu darayo kooxda Al-Shabaab ee ku xoogan Soomaaliya, taasi oo halis weyn ku noqon karta shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliya.

Warbaahinta maxaliga ah ee Kenya ayaa sidaas baahiyay iyadoo maanta ay dowladda Kenya u bilaabaneyso mudada labada sano ah oo ay ku fadhineyso kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ku mataleyso bariga Afrika.

Kenya waxey dooneysaa in Al-Shabaab lagu daro liiska argagixisada, wuxuuna ujeedka guud yahay iney la dagaalanka kooxdaan ay u adeegsato qorshayaal kale oo badan oo ka dhan ah Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda tallaabada Kenya, waxaana sababta ay tahay ayada oo la rumeysan yahay in Kenya ay arrintan u adeegsan karto inay ku beegsato shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliya, oo ay ku dari karto liiskaas, taasi oo halis ah.

Madaxweynaha Kenya uu qorsheynayo in damacooda ku aadan arinkaan ay hor dhigaan golaha ammaanka ee qaramada midoobay ka hor inta uusan dhamaan muddo xileedkooda ay ku matalayaan kursigaas geeska Afrika.

Kenya waxey kursigaan kaga guuleysatay Jabuuti, waxeyna Geeska Afrika matali doontaa sanadaha 2021 iyo 2022, soo jeedin walba oo dhankeeda ka timaada waxey u baahan tahay in loo bandhigo dalalka shanta ah ee joogtada ah: Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska.

Si kastaba Kenya waxey dhibaato badan ku qabaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida maadaama ay weeraro ka fuliyaan gudaha wadankooda, waxaana dhacda iney mararak qaar afduub ka sameeyaan.

Sanbaloolshe oo shaaciyey in hub badan laga saaray madaxtooyada + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida Soomaaliya, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka hadlayey shirka madasha aragi wadaagga ee Garoowe ayaa soo hadal qaaday arrimaha ciidamada iyo ammaanka guud ee dalka.

Sanbaloolshe ayaa marka hore ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay siyaasadeysay amniga dalka iyo dhismaha ciidamada Qaranka.

Taliyihii hore ee NISA, sidoo kalena haatan ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo hubka culus ee lagu taageeray loo dhiibay saraakiil gaar ah, kuwa kalena laga ilaaliyey, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in todobaadkii la soo dhaafay dhismaha madaxtooyada laga saaray hub uu sheegay in loo qeybiyay dad shacab ah.

“Hadda sitimaankii la soo dhaafay waxaan ognahay hub laga baxshay madaxtooyada oo dad shacab ah loo qeybiyey, marqaatigeeda annaga ayaa heyno,” ayuu yiri Sanbaloolshe

Siyaasiga caanka ah ee Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dhiliilay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ciidamada u kala saartay labo qeybood, isaga oo tilmaamay in ciidamada kooxda Al-Shabaab kula dagaalamaya gobolada Hiiraan iyo Shabeellooyinka loo yaqaano tuugo, halka kuwa kale ee ka yimid Gedo, Galdogob, Caabudwaaq, Buuhoodle iyo deegaano kalena loo yaqaano kuweenna.

“Nidaamka dhisida ciidamada ballantu waxaa ay aheyd in la isla ogaado, hayeeshee waxaa jira ciidamo aan la ogeyn oo loo diray Ereteriya, madaxweyne farmaajo markii uu imaanayey waxa uu ciidamada u kala saaray team-keena iyo tuugada,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey musharraxiinta mucaaradka ay ugu eedeeyeen dowladda dhexe inay ciidamada u adeegsaneyso arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka ee 2021-ka oo ay weli isku khilaafsan yihiin labada dhinac.

Rag hubeysan oo lagu qabtay howlgal ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaaliyeed ayaa xalay howl-gallo ka sameeyey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay rag hubeysan oo burcad ah, kuwaas oo dhac iyo dhibaatooyin kale ka geysanayey gudaha degmadaasi.

Maamulka degmada Heliwaa oo ka warbixiyey howl-galkan ayaa sheegay in lagu soo qabtay illaa saddex nin oo la sheegay inay dhaawac u geysteen dad shacab ah.

Sidoo kale maamulka ayaa sheegaya in raggaasi oo sidoo kale lagu soo qabtay hub iyo waxyaabaha maanka dooriya lagu xiray saldhigga Booliiska degmada, islamarkaana ay u gudbin doonaan laamaha amniga ee ku shaqada leh, si tallaabo adag looga qaado.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa beryahan dambe xoojiyey howl-gallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii sidan oo kale gacanta loogu soo dhigay rag burcad ah oo dhac ka geysanayey qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay duleedka Mudisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax is-miidaamiin ahaa oo maanta ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho & Afgooye, halkaas oo ay dhismo ka wadaan Injineero Turki ah iyo shaqaale kale.

Qaraxa oo uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Lafoole & Xaawo Cabdi, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada wadadaasi iyo ciidamada Booliiska Haramcad ee ku sugan wadadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ruuxa ay ka shakiyeen ciidamada ammaanka ayna ku fureen rasaas, balse uu qarxay marka uu ku soo dhowaaday.

Ugu yaraan labo ka mid ah ciidamada Haramcad ee ilaalinayey Injineerada ayaa dhintay, halka ay dhaawacmeen 3 ka mid ah shaqaalaha Turkiga iyo 4 ka tirsan askarta Haramcad.

Si kastaba ma’ahan markii ugu horreysay oo qarax lala eegto shaqaaladha iyo Injineerada dhismaha ka wada jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Sidee loo fuliyey qaraxii lagu dilay xildhibaan Khaliif?

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxay faah-faahin ka soo baxeysaa qarax xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo, oo lagu dilay Allaha u naxariistee Khaliif Haashim Nuur Geeddi oo ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland.

Gaari nooca raaxada oo uu lahaa oo qaraxa loogu soo xiray ayuu kula qarxay, xilli uu maraayay xaafadda Farjano, waana daqiiqado yar uun ka dib, markii uu ka soo baxay hoygii uu ka deganaa magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ku xirnaa kursigii uu ku fadhiyay Xildhibaanka, oo halkaasi ugu geeriyooday dhaawacyo culus oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Jugta qaraxa oo baqdin geliyay dadka deegaanka ayaa fiidnimadii horeba bilaabay in ay guryahooda ku xaroodaan.

Ciidamada Booliska ayaa baaritaano in doora-qaatay ka sameeyay goobtii uu qaraxu ka dhacay, iyagoona kolkii dambe halkaasi ka jiiday gaariga.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka lagu dilay Mudanaha Baarlamaanka Jubbaland ka tirsanaa. Shabaabku waxay sheegeen in Xildhibaanku uu ka mid ahaa xubnaha ku dhow dhow Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Dhanka kale qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam kaga tacsiyadeeyay geerida Xildhibaanka.

Qoraalka ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo Ku dhintay qarax ay gaarigiisa ku qarxiyeen kooxda argagixisada Al Shabaab. Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacabka Jubbaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid marxuumka, waxaana uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo qarabadii uu ka tagay.”

Isniintii ayay ahayd markii Hay’adda Nabad Suggida Jubbaland ay sheegtay in ay fashilisay weerar argagixiso, oo la doonayay in lagu dilo mid ka mida ganacsatada Magaalada Kismaayo, ka dib markii ay ka hortagtay qarax loogu xiray gaarigiisa..

Si kastaba ha-ahaatee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur ayaa noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay ee sanadkan ku baxa gacanta kooxaha argagixisada.

Idaacadda Al-Shabaab ee Andalus oo ‘la duqeeyey’ iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn cirka ah oo xalay laga fuliyey deegaanka Kuunya-Barrow ee gobolka Sh/Hoose.

Duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha duuliye la’aanta ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday xarun ay Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ku laheyd halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in burbur xoogan uu soo gaaray qalabka iyo dhismaha Idaacacadda, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale saraakiil ciidan ayaa sheegay in illaa afar gantaal lagu dhuftay xaruntaasi xalay fiidkii hore, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan oo gaaray Al-Shabaab.

Dhinaca kale war qooraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa looga hadlay weerarkaasi, iyada oo lagu sheegay in uusan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay duqeyntan, balse uu burbur xooggan gaaray qalabka Idaacadda Andalus ee xarunteeda Kuunya-Barrow.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda howl-galkan, iyada oo aysan ka hadlin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Dad ka carooday wiil Somali ah oo la toogtay oo isugu soo baxay Minneapolis

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka magaalada Minneapolis oo careysan ayaa isugu soo baxay goobta uu ka dhacay dil toogasho ah oo ay booliska magaaladaas u geysteen wiil Soomaali-Mareykan ah.

Doolaal B. Ciid, oo ahaa 28 jir ayaa Arbacadii ku dhintay rasaas ay booliska ku fureen isagoo ku dhex jira gaarigiisa, kaddib markii lagu joojiyay meel u dhow kaalin shidaal iyo meherad gawaarida lagu dhaqo.

Goobtaas ayaa wax ka yar hal meyl u jirta meeshii ay booliska Minneapolis bishii May ku dileen George Floyd, oo ahaa nin madow ah.

Dad goob joogeyaal ah iyo booliska ayaa markii hore sheegay in Doolaal uu isaga markii hore xabbad ku billaabay booliska, kuwaa oo iyagana markii dambe toogtay oo halkaa ku dilay.

Cabsida ugu weyn ee ay laamaha amniga ka qabeen isu soo baxa dadka deegaanka ayaa ahayd in arrintu ay isu baddasho dibadbaxyadii daba socday dilkii George Floyd, kuwaasoo gilgilay guud ahaan Mareykanka.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa booliska ka dalbaday in ay usoo bandhigaan muuqaalka kaamirada jirka ee duubtay dhacdada.

Taliska booliska magaalada ayaa shacabka u ballan qaaday in ay shaacin doonaan muuqaalka, iyagoo markii dambena sii daayay muuqaal hal daqiiqo ka yar oo laga arkayo sida ay wax u dhaceen.

Markii uu falkaas dhacay kaddib, ciidan boolis ah ayaa gaaray guriga qoyska uu wiilka la dilay kasoo jeedo, iyagoo ku qeyliyay carruur yar yar kaddibna waalidiintiisa u sheegay in wiilkooda uu dhintay, sida lagu qoray wargeyska Sahan.

Wiilka aabihiis, Bayle Adod Gelle, oo dhalay 11 carruur ah ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisuba ay argagax weyn kala kulmeen booliska markii ay gurigooda tageen.

“Cabsi xoog leh ayaan dareemay, waxaan u maleynayay in ay na dili rabaan boolisku,” ayuu Bale ku yidhi wareysi uu siiyay wargeyska Sahan.

Minneapolis ayaa ka mid ah magaalooyin badan oo ka tirsan Mareykanka oo dhibaato kala kulma qalalaasaha kusii badanaya tan iyo markii uu dillaacay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Laamaha amniga ayaa diiwaan galiyay ilaa 81 dil oo ka dhacday magaaladaas intii lagu guda jiray sanadkii 2020-ka, sida uu qoray wargeyska New York Times. Tiradaas ayaa ah isku darka tiradii labadii sano ee ka horreysay.

Qoor-Qoor oo sheegay inuu ka tanaasulayo darajada madaxweyne-nimada

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo kamid ahaa madaxda ka qeyb gashay shirweynaha Garoowe, ayaa waxa xalay madasha lagu weydiiyay su’aalo la xiriira nidaamka federaalka.

Qoor-Qoor oo ay garab fadhiyaan madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa waxa uu sheegay inay muhiim tahay in meesha laga saaro odhaahda “Madaxweyne” ee loogu yeero madaxda dowlad goboleedyada, si meesha uga baxdo madaxweynaasha badan ee Soomaaliya.

“Aniga waxaan aaminsanahay in laga tanaasulo ereyga “Madaxweyne” iyadoo la dhowrayo sharafta dowladda oo Soomaalida uma qalanto dhowr madaxweyne, taas oo wiiqeysaa qabkeenii iyo dowladnimadeena,” ayuu yiri.

“Waxaan qabaa in madaxweynuhu uu hal noqdo kuwa kalena magac kale loo raadiyo, kaasi oo wada-tashi ku imanaya.”

Qoor-Qoor ayaa tusaale u soo qaatay safar uu dalka dibadiisa ugu baxay, iyada oo madaxdii dalkaas u qaateen in madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ugu tagayo, taasi oo ay keentay wax uu ku sheegay “isgarab yaaca dalka ka jira.”

“Dal ayaan booqday, oo waxaa loo sheegay inuu madaxweynaha Galmudug imaanayo, laakin waxay u qaateen in madaxweynaha Soomaaliya uu imaanayo, markaan tagay ka dib ayaan u sheegay oo aan ku iri arrintu sidaa ma ahan, marka isgarab yaac iyo madaxweyneyaal badan dan nooma ah.”

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay inaysan Soomaaliya dan ugu jirin madaxweynayaal badan, isla markaana loo baahan yahay in arrinkaas wax laga bedelo iyada oo dib u sixid lagu sameynayo dastuurka dalka.

“Hadda tan dastuurka ayay ku qorantahay laakin waxaan qabaa in dib loogu noqdo oo wax laga baddelo,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ee Soomaaliya ayaa xiligan waxaa loogu yeera madaxweynayaal, taasi oo dad badan su’aal ka keenen sida madaxweyne loo dhihi karo qof gobol xukuma, inkasta oo uu jideynayo Dastuurka dalka ee KMG ah.

Al-Shabaab oo war ka soo saartay is-miidaamin ka dhacday duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, islamarkaana ay la beegsadeen saraakiil Turki ah & ciidamo.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay sarkaal Turki ah iyo labo askari oo ka tirsanaa ciidamada Haramcad, sida ay hadalka u dhigtay.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday saraakiil Turki ah oo ku sugnaa nawaaxiga Lafoole, dhimashu waa sarkaal Turki ah iyo dhaawac soo gaaray laba kale halka laba askari oo katirsan kooxda Ridada ay ku dhinteen camaliyadda” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxay kooxda Al Shabaab, laguna baahiyey baraha bulshad Internet-ka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laaamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore qaraxyo khasaare geystay la beegsaday Injineerada iyo shaqaalaha dhismaha ka wada jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.