25.1 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Galmudug oo arrin xasaasi ah u xirtay mas’uul sare

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa goordhoweyd xabsiga dhigay guddoomiyaha deegaanka Ceel-dheere, Cabdullaahi Cabdiraxmaan Raage (Xaduur), kadib markii uu geystay weerar ka dhan ah Taliyaha ilaalada koontaroolada, Dhame Cabdi Yare.

Ciidamada booliska maamulkaas ee ka howl-gala magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay guddoomiyaha kasoo qabteen deegaanka uu maamulo ee Ceel-dheere oo kamid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Guddoomiye Xaduur ayaa lasoo warinayaa in loo haysto inuu u gacan qaadey oo uu weerarey Taliyaha Ilaalada Koontaroolada, Dhamme Cabdi Yare.

Xiisada labada mas’uul ayaa salka ku haysa sida la sheegayo kadib markii xilka laga qaadey Maxamed Axmed maxamuud oo ahaa Taliyihii hore ee Booliiska Ceel-dheere, iyadoo xilkaas loo magacaabey Faarax Geele Xiireey oo xilka kala wareegay mas’uulkii hore.

Majiro weli wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug iyo laamaha amniga oo ku aadan xariga ay saaka ciidamada boolisku kula kaceen guddoomiye Xaduur iyo khilaafka labada mas’uul ee midkood uu sababay xarigiisa.

Jeneraal Xuud oo weerar ku qaaday Cali Guudlaawe, dalbadey-na arrin cusub

Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo hogaamiya Jabhda kasoo horjeeda maamulka cusub ee HirShabeelle ayaa markale weerar xoogan oo afka ah ku qaaday madaxweynaha cusub ee maamulkaas, Cali Guudlaawe oo ku tilmaamay shaqsi lasoo dirsaday.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay in Cali Guudlaawe uu soo dirtay madaxweyne Farmaajo, isla markaana uusan aheyn shaqsi qiimo leh oo hankiisa ku koray kursiga u sareeya ee maamulka HirShabeelle.

“Cali Guudlaawe waa cunug uu soo dirsaday Farmaajo oo nin qiimo leh maaha, waxaan arrinta HirShabeelle kala hadlaya dowladda federaalka oo asaga keensatay,” ayuu yiri Jeneraal Xuud oo wareysi ku bixiyey duleedka Beledweyne.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Cali Guudlaawe ku sifeeyay cunug lasoo dirtay oo ay ka dambeeyso dowladda federaalka, isla markaana uusan u aqoonsaneyn madaxweynaha HirShabeelle.

Waxa uu xusay in uu ku gacan seyray dalab uga yimid dowladda oo ahaa inuu tago magaalada Muqdisho, si xal looga gaaro tabashooyinkiisa, kaasi oo uu ubandhigay wasiirka arrimaha gudaha oo dhawaan socdaal ku tagay HirShabeelle, isla markaana la kulmay Jeneraalka.

Waxa kale oo uu si cad u sheegay inuusan marnaba ogolaaneyn in uu u safro Muqdisho si uu kulamo ula qaato madaxda dowladda, balse uu goobtiisa ku sugayo madaxda sarre ee qaranka, si xal kama dambeysa ah looga gaaro xiisada maamulka HirShabeelle oo kasii dartay.

Xuud ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in xiisada HirShabeelle uusan wada-hadal ka geli doonin, ilaa inta madaxda dowladda federaalka ee maamulka cusub dhistay ay asaga ugu yimaadaan goobta uu ka jabhadeynayo.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay cirka isku sii shareertay xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan ee u dhaxeysa ciidmada dowladda federaalka iyo jabhada uu hoggaamiyo Jeneraal Xuud, iyada oo dhowr mar uu dagaal ku dhex-maray duleedka magaalada Beledweyne.

Al-Shabaab oo joojiyay shir ka dhici lahaa Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay oo ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa Caasimada Online u sheegay in laga joojiyay shir ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen ganacsatada, kuwaas oo damacsanaa in ay soo dhaweeyaan kala diristii Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

Shirkan ayaa 29-kii bishii hada dhamaatay ee December la damacsanaa in lagu qabto hoteelka Seytuun ee Suuqa Bakaaraha, waxaana sidoo kale la diiday inta badan hoteellada Muqdisho in ay mart-geliyaan.

Si rasmi ah looma oga sababta ay Al-Shabaab ugu diideen ganacsatada Muqdisho in ay taageeraan kala dirista Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, hase waxaa la sheegayaa in Al-Shabaab ay si weyn u taageersanayaaneen Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo 28-kii isla bishaas la-kala diray.

Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inaysan dooneyn inu dhaqan galo amarka dowladda, ayada oo isku aragta inay ka awood iyo saameyn badan tahay dowladda, marka ay noqoto ganacsiyada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Rugta Ganacsiga kala dirtay islamarkaana ay ujeedka tahay in dib u habeen ballaaran lagu sameeyo Rugta oo sanadihii ugu dambeeyay khilaaf culus ka dhax jiray.

Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa hore u xiray masuuliyiin sare oo ka tirsan Rugta Ganacsiga Gobalka Banaadir. kuwaas oo la sheegay in ay Al-Shabaab ku taliyeen in loo magacaabo xilalka ay hayaan.

Puntland oo ‘ka hortegtay’ weeraro ay damacsaneyd kooxda Daacish + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Saraakiisha ammaanka ee Puntland ayaa faah faahin ka bixiyey howl-gallo ay labadii maalin ee la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaarn ee PSF-ta maamulkaasi ka sameeyeen dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay ciidamadu ka hortegeen weeraro ay damacsaneyd in kooxda Daacish ay ka fuliso deegaanada Cal Miskaat, Timirshe, Tuurmasaale, Il, Camayra & Legunle oo ay ku sugan yihiin ciidanka Puntland.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Daacish ay cabsi gelin joogto ku heyso dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi, balse ciidamadu ay soo dhoweeyeen dadkaasi.

“Dadka degaanka iyo reer guuraaga aaggaas oo ay Daacish cabsi iyo culays ku hayaan ayaa uga mahadceliyey ciidamada PSF hawlgallada Daacish ka dhanka ah ee ay sida joogta ah uga fuliyaan aaggaas si ay dadka degaanku ugu noolaadaan xorriyad amni,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxay ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.

Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in dagaalyahanada kooxda Daacish ay isku uruursanayeen deegaanada ay ciidamadu howl-galka ka sameeyeen, balse ay fashiliyeen weeraro ay damacsanayeen, kadib markii ay macluumaad ka heleen dadka deegaanka.

Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan dhulka buuraleda ah ee gobolka Bari, iyaga oo ka soo abaabula weerar ka dhaca deegaanada maamulka Puntland.

Sawirro: Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ‘laga baadi goobayo’ Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka sameeyey gudaha magaalada Jowhar ee caaismada maamulka HirShabelle.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi.

Ciidamada ayaa lagu arkayey waddooyinka iyo xaafadaha, iyaga oo gaaf wareegaya, islamarkaana wada baaritaano la xiriira sugida ammaanka.

Saraakiisha horkaceysay howl-galladaasi ayaa sheegay inay baadi goobayaan xubno ka tirsan kooxda Al-shabab oo falal Amni darro ah ka fulinaya caasimadda Hirshabelle.

Sidoo kale saraakiisha ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee ka howl-gala halkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Jowhar oo ka mid ah magaalooyinka loo asateeyey doorashooyinka ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo & dilal qorsheysan.

 

Yaa bixiyey amarka garoonka Aadan Cadde ee ay DF ku beegsatay madaxdii hore iyo musharaxiinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay amar cusub oo ka dhan ah hubka lala galo garoonka diyaaradaha, kaasi oo saameyn weyn ku yeelanayana ilaalada madaxdii hore ee dalka iyo musharaxiinta mucaaridka.

Amarkan ayaa waxa uu si toos ah uga soo baxay Ra’iisal wasaare Rooble, kaasi oo ay fulinteeda amartay Wasaarada amniga, iyada oo tixraaceysa amarka ra’iisal wasaaraha dalka.

Waxa kaliya ee loo ogolaaday iney hubka la geli karaan garoonka ilaalada madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharaxiinta mucaaridka ayaa markii hore iyagu marka ay ka duuliyaan garoonka la gala ilaalo hubeysan, kuwaasi oo qeyb weyn ka qaata sugida amnigooda, waxeyna arinta kusoo aadeysaa xilli wali uu taagan yahay khilaafka doorashada.

Go’aanka wasaaradda kasoo baxay ayaa lagu sheegay mid kor loogu qaadayo amniga garoonka Aadan Cadde iyo tixgelinta cabashooyin isdaba joog ah oo ka yimid maamulka garoonka oo ku saabsan ammaanka gudaha garoonka Muqdisho.

Wasaaradda ayaa laamaha amniga ee garoonka fartay in ciidamada la socda madaxdii hore ee dalka iyo musharaxiinta kale iyo hubkooda ay ku reebaan iriddaha hore ee laga galo garoonka sida Madina gate, Mariina Gate, iyo irdaha kale ee waaweyn ee garoonka.

Go’aankan ayaa uga sii dari kara xiisada xoogan ee ka dhex taagan madaxda dowladda iyo mucaaridka, iyada oo kusoo aadayo xili ay xaalad cakiran oo ka dhalatay hanaanka doorashada ay ka taagan tahay dalka.

Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay musharaxiinta mucaaridka oo hore dowlafda ugu eedeyay inay beegsi gaar ah ku hayso.

Xog: Qodob muhiim ah oo laga reebay bayaankii shirka Garowe kadib faro-gelinta DF

0

Garowe (Caasimadda Online) – Magaalada Garowe waxaa shalay lagu soo afjaray shirkii mudada yar ka socday halkaas oo ay soo qabanqaabiyeen machadka Heritage, balse bayaankii kasoo baxay shirkaas waxaa la sheegay in qodob muhiim ah aan lagu darin.

Ilo madax bannaan ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxdii shirka ka qeyb gashay ee masuulka ka ahaa dowladda dhexe ay ka biyo diideen gabi ahaanba in war-murtiyeedka shirka lagu daro in shir ay isugu yimaaadaan Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada si looga arinsado khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka iyo waxyaaba kale.

Arintaasi waxey sababtay in madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu si cod dheer ah ugu baaqo in la isugu yimaado mar kale shirweyne looga arrinsanayo waxyaabaha jira isla markaana lagu xalinayo khilaafaadka jira.

Waxyaabaha la isku soo hadal qaaday balse ay dowladda ka biyo diiday waxaa ka mid ah in wax laga badalo guddiyada doorashada, xulista xubnaha Baarlamaanka ee Somaliland, deegaan doorashooyinka iyo arrinka gobolka Gedo, walow la warinayo in dowladda dhexe iyo Jubbaland ay isku raaceen in qaab farsamo ah loo xaliyo arinka gobolkaas.

Inkastoo wakiiladii caalamka ee ka qeyb galay shirkii Somali Partnership ee Muqdisho ka dhacay sanadkii tagay ay ku baaqeen in si is-ogol ah lagu dhameeyo wax walba oo jira laga arrinsado xal u helidda arrimaha doorashooyinka hadana waxaad moodaa in dowladda dhexe ay ku adkeysaneyso go’aamadii ay horay u gaartay.

Wali lagama heshiin mana lagu wada qanacsana guddiga doorashada oo ay dowladda magacowday, waxeyna midowga musharaxiinta xilka madaxweynaha ku baaqeen in wax walba la waafajiyo dastuurka dalka isla markaana guddiga la magacaabay aysan aheyn wax loo qaateen ah.

Arrimaha doorashooyinka wali waxey u muuqdaan kuwa cakiran, dowladda mowqifkeeda wali wey ku adkeysaneysaa halka saamileyda siyaasadda Soomaalida aysan ku raacsaneyn intooda badan, waxaana isha lagu hayaa halka uu xaalka saldhigan doono bilaha soo soda.

Tirada Al-Shabaab looga dilay weeraro lagu qaaday 7 dhisme oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa sheegay, in ayaga oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya, ay laba duqeyn ka fuliyeen Soomaaliya, kowdii Janaayo.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in labada duqeynba lala beegsaday dhismooyin ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay deegaanka Kuunyo Barrow. Taliska ayaa intaas ku daray in qiimeyn la sameeyeey ay muujineyso in duqeymahan lagu dilay saddex ka tirsan Al-Shabaab, mid kalena lagu dhaawacay.

AFRICOM waxay sidoo kale sheegeen in duqeymaha ay burburiyeen lix dhisme oo ay leeyihiin Al-Shabaab, mid kalena ay gaartay waxyeello.

“Qiimeynta hurhdaca ah ee taliska waxay muujineysaa inaysan jirin cid shacab ah oo lagu dhaawacay ama lagu dilay howlgalkan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay AFRICOM.

“Duqeymahan waxay si cad u muujinayaan sii socoshada ballan-qaadayad aan u sameyno Soomaaliya iyo saaxiibadeena gobolka,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howlgallada AFRICOM Maj. Gen. Joel Tyler.

Weeraradii ugu dambeeyey ayaa imanaya ayada oo Mareykanka uu billaabay inuu Soomaaliya ka saaro ciidanka ka jooga, oo lagu qiyaasay 700 oo askari, kadib amar kasoo baxay madaxweyne Donald Trump.

Laba qarax oo askar iyo shacab lagu dilay oo dhacay

Balcad (Caasimada Online) – Ugu yaraan seddex qof oo midkood askari yahay ayaa lagu dilay, lix askari oo uu ku jiro taliye ciidan-na way ku dhaawacmeen kadib laba qarax oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay bar-kontarol oo ku taalla degmada Balcad.

Dhawaqa qaraxa kowaad oo laga maqlay guud ahaan magaalada, sida ay sheegeen goob joogayaal. Qaraxa koowaad waxaa ku dhintay laba dhalinyaro oo ciidanka la joogay. Qaraxa labaadna waxa uu dhacay kadib markii dad badan ay kusoo xoomeen goobta.

Lix askari oo qaarkood dhaawacyadooda culus yahiin ayaa Muqdisho loo qaaday si loogu soo daweeyo, sidaasi waxaa VOA u sheegay ilo wareedyo diiday in magacooda la sheego.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Maalintii shalay ayaa qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degaanka Lafoole waxaa ku dhintay shan qof oo ay ku jiraan shaqaale u dhashay Turkiga oo waday dhisaha jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Dawladda Turkiga iyo tan Soomaaliya ayaa labaduba cambaareeyey weerarkaas oo ay sheegteen maleeshiyada Al-Shabaab.

Xigasho: VOA

DF oo is-hortaagtay shir ay Xamar ku yeelan lahaayeen odayaasha beelaha Hawiye

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa iney is hortaagtay shir weyn oo ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen maanta odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye.

Dadka u xil saarnaa qaban qaabada shirkaan ayaa warbaahinta u sheegay in hay’adaha dowladda la wadaageen qorshaha shirkooda, balse lagu gacan seyray, loona diiday iney shir ku qabsadaan mid ka mid ah hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sida ilo madax banaan ay Caasimada Online u sheegeen, inka badan 250 xubnood ayaa lagu casuumay shirkaan, waxaana ujeedkiisu ahaa in odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye uga hadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo sida xal lagu heli karo.

Inkasta oo ay jirto diidmada dowladda, hadana odayaasha dhaqanka ayaa weli waxey ku adkeysanayaan iney qabsadaan shirka iyagoo u arka xuquuq dastuuri ah oo ay leeyahiin, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli wasaaradda Amniga ay mamnuucday in qof aan madaxda sare ee dowladda aheyn aysan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho la gali karin hub.

Dowladda Soomaaliya ayaa sii kordhineysa cadaadiska ay saareyso dhammaan dhinacyada ay u aragto inaysan ku aragti aheyn, taasi oo dadka qaar ay ku macneeyey billowda nidaamka kali-talisnimo.

Midowga musharixiinta oo ka digay heshiisyo qarsoodi ah oo ay wadaan madaxda DF iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa qoraal adag kasoo saaray heshiisyo qarsoodi ah oo ay sheegen in wasaaradda macdanta iyo batroolka dowladda federaalka ay la galeyso shirkado, kaasi oo la xiriira sahminta shidaalka.

Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxay si gaar ah ugu kala direen Madaxweynaha, Guddoomiyaasha Labada Gole, Xeer Ilaaliyaha Guud, Ra’iisul Wasaaraha, Hantidhowaha Guud, Xeer Ilaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboeledyada.

Golaha ayaa sheegay inay heleen xogo la xiriira heshiisyo ay wasaarada macdanta oo wakiil ka ah dowladda federaalku ay la galeyso shirkado laga leeyahay dalka dibediisa, kuwaasi oo sameynaya sahminta shidaalka, baaris iyo qodis wada socda, midaas oo halis weyn ku ah masiirka iyo umadda Soomaaliyeed, sida ay hadalka u dhigeen.

“Dowladda Soomaaliya & dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka waxay 5-tii Bishii June ee sanadkii 2018-kii  magaalada Baydhabo ku saxiixdeen heshiiskii wadaaga Kheyraadka Dabiigi ah, kaas oo dhigayay in heshiis walba oo la xiriira shidaal qodis, sahmin ama baaris uu noqdo mid daah furan lga dooday, la qiimeeyay, laguna heshiiyay ugu dambeyna lagu meel mariyay Golaha Shacbaka ka hor inta aan heshiiska la saxiixin, markaas heshiisyada qarsoodiga ah ee wasaarada macdanta iyo batroolku wuxuu ka hor imanaya xeerarka,” ayaa lagu yiri qoraalka Musharaxiinta.

Waxay si adag uga digeen in wasaaradda macdanta iyo batroolka dowladda federalku ay saxiixdo heshiisyadaas qarsoodiga ah, xili uu sii dhamaanayo muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka Midowga Musharaxiinta ayaa lagu xusay magacyada shirkadaha ay dowladda la galyso heshiisyadaas, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Liberty iyo Coastline.

Hoos ka aqriso qoraalka Musharaxiinta oo dhameystiran

DF oo soo saartay amar ka dhan ah madaxdii hore ee dalka iyo musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku wajahan musharaxiinta mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka kadib markii la joojiyay in hub lala galo gudaha garoonka diyaaradaha.

Amarkaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay inaan hub lala gali karin gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu shaaciyay in go’aankan uusan saameyn doonin madaxda sarre ee dalka, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Go’aankan ayaa waxa uu u muuqda mid ka dhan ah musharaxiinta mucaaridka oo iyagu marka ay ka duuliyaan garoonka la gala ilaalo hubeysan, kuwaasi oo qeyb weyn ka qaata sugida amnigooda, waxeyna arinta kusoo aadeysaa xilli wali uu taagan yahay khilaafka doorashada.

Wasaaraddu marnaba si guud uma mamnuucin hubka lala galayo garoonka, iyada oo go’aankan uusan hor istaageyn ilaalada hubeysan ee madaxda sarre ee dowladda la galaan gudaha garoonka.

Musharaxiinta xilka madaxtinimada iyo madaxdii horaba waxaa soo dhaweynayay ciidamo u gaar ah ama sagootin jiray markii ay ka baxayaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, balse laga bilaabo maanta suuragal ma noqon doonto maadaama ay amar ka dhan ah soo saartay wasaaraddda Amniga.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ah kan ugu mashquulka badan dalka, iyada oo amnigiisa ay gacanta ku hayaan ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan kuw dowladda iyo AMISOM.

Go’aankan ayaa uga sii dari karta xiisada xoogan ee ka dhex taagan madaxda dowladda iyo mucaaridka, iyada oo kusoo aadeysa xili ay xaalad cakiran oo ka dhalatay hanaanka doorashada ay ka taagan tahay dalka.

Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay musharaxiinta mucaaridka oo hore dowlafda ugu eedeyay inay beegsi gaar ah ku hayso.

Xog: Xubno xulufo la ah madaxweyne Farmaajo oo heshiis ku galay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Xog aan ka helnay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegeysa in kulamo si hoose loo yeeshay oo u dhaxeeyay mucaaradka iyo xubno ku jira dowladda Soomaaliya lagu gaaray heshiiyo hoose oo muhiim ah.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ay heshiis la galeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Heshiiskan oo ah mid is-afgarad, oo aan qorneyn ay dhinacyadu isku raaceen in dalka aysan ka qabsoomin doorasho aan heshiis lagu wada aheyn, taas oo ka hor imaneysay jadwalka cusub ee ay soo saareen guddiga lagu muransan yahay ee doorashada Soomaaliya.

Heshiiskaan oo dhaqangalkiisa billaaban doono maalmo kadib ayaa sidoo kale waxaa wax ka og Madaxweynayaasii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Aadan iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Marka laga soo kala laabto Shirka Garowe ee Puntland oo ay ka qeyb galeen madaxda dowladda Soomaaliya, madaxda Mucaaradka iyo kuwa maamul gobaleedyada dalka ayaa la filayaa in ay isbadasho guud ahaan siyaasadda Soomaaliya oo hada cakiran. 

Si kastaba, mucaaradka qaar ayaa weli qaba shaki ah in Mursan iyo Qoor Qoor ay yihiin rag aan la isku haleyn karin, islamarkaana aysan laheyn karti ay uga madax-banaanaadaan Villa Somalia, ayna u badan tahay in marka ay soo laabteen ay sidooda ku laaban doonaan.

Yaxye Maxamed oo isagoo kubad ciyaaraya geeriyooday

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe gudaha magaaladaasi uu ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah, xilli uu ciyaarayey kubad, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yaxye Maxamed, waxaana da’diisa ay aheyd 14 sano jir, sida ay sheegeen ehelladiisa oo meydka ka qaaday halkaasi.

Wararka ayaa sheegay in uu marxuum Yaxye Maxamed u dhintay wadno xanuun deg deg ah oo ku soo booday, intii ay socotay ciyaarta kubadda cagta ah.

Sidoo kale dhalinyarada ay banooniga wada ciyaarayeen Yaxye ayaa aad uga naxay geerida deg-dega ah ee ku timid marxuumka.

Dhacdadan ayaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, iyada oo isla saaka marxuumka lagu aasay Qabuuro ku yaalla magaaladaasi.

Sawiro: Rooble oo booqasho ku tegay xerada ciidamada Mareykanka ee Balidoogle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow booqasho ku gaaray xerada ciidanka Mareykanka ee ku taalla deegaanka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Rooble oo ay wehlinayaan wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa iyo saraakiil ciidan ayaa u kuur galaya howl-gallada ciidamada Danab iyo kuwa Mareykanka ee saldhigoodu yahay halkaasi.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay xerada waxa uu la kulmo doonaa saraakiisha ciidanka Mareykanka ee ku sugan halkaasi iyo kuwa Danab, isaga oo kala hadli doono dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu qiimeyn doonaa Rooble xerada Balidoogle oo tababaro gaar ah lagu siiyo ciidamada kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha’ahaatee booqashadan ayaa ku soo aadeysa, xilli dowladda Mareykanka ay qorsheyneyso in dhowaan ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha Soomaaliya, waxaana go’aankaasi horey ugu dhowaaqay madaxweynaha laga guuleystay ee Donald Trump.

Qoor Qoor oo hal arrin ka dalbaday musharraxiinta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ka hadlayey Garoowe ayaa soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dadaallada uu wado ee doorashooyinka.

Qoor Qoor ayaa shaaca ka qaaday in rajada ay ka qabaan doorasho nabad ah oo dalka ka dhacda ay tahay mid aad u sarreysa, islamarkaana ay ku dadaalayaan.

Sidoo kale wuuu intaasi ku sii daray in loo baahan yahay isku dulqaadasho iyo in la sameeyo tanaasul, si looga gudbo marxaladda dag ee lagu jiro.

“Waqtigaan Doorashada oo waliba ay jirto kala duwanaashiyo yar oo heshiiskii doorashada ka dhex jira, fariimaha qaarkood aniga oo hubo in la dedaalay haddana waxa ay rabaan in dib loo dhigo oo fariimaha baxaya ay noqdaan kuwo dooroshada, isu dul qaadashada & isu tanaasulkeeda inta badan ka hadlaya,” ayuu yiri MW Qoor Qoor.

Dhinaca kale madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka dalbaday dhinacyada dhaliilsan hannaaka doorashada, gaar ahaan musharraxiinta mucaaradka inay dib u dhigaan farriimaha qaar ee is-dhaliilida, si looga gudbo caqabada jirta.

“Saaxiibada mararka qaar dhaliilaha waday waxa ay ula jeedeen in wax la qabto oo marnaba ulama jeedin wax dib u dhacaan, balse waxaa loo baahan yahan in dib loo dhigo Fariimaha qaar ee is dhaliilidda ah,” ayuu sii raaciyey madaxweyne Qoor-Qoor.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo inta badan mucaaradka iyo dowladda ay dhiliilo kala duwan isu mariyeen warbaahinta, waxaana weli halkiisii ah khilaafka doorashada.

Xog: Cumar Filish oo xilka ka qaaday taliska ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar kuna beddelay xigtadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa xilka ka qaaday taliyaha ciidanka Ilaalinta degaanka Xamar iyo ku xigeenkiisa, waxa uuna xilalkaas mid kamid ah u dhiibay nin ay yihiin qaraabo dhow.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Guddoomiye Cumar Filish uu xilka ka qaaday  Janaraal Cabdinaasir Indhaqarshe oo ah taliyaha ciidanka ilaalinta degaanka ee Xamar iyo ku xigeenkiisa Kornee Axmed Xuseen Mahdi, oo labadooduba muddo 30 sano ka tirsan ciidankaan.

Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa labada masuul uu xilka ka qaaday mid ka mid ah ku badalay nin ay qaraabo dhow yihiin oo lagu magcaabo Maxamuud Caraale Macow, kaasi oo ka awood badan taliyaha cusub oo asna lagu magacaabo  Maxamed Carabow Cali waxaana xusid mudan labada masuul mid kamid ah isla beeshiisa lagu badalay halka kan kalane lagu badalay beel kale oo ah beesha Cumar Filish.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir uu kaliya leeyahay soo jeedin balse uu xilka ka qaadista sameen karo Madaxweynaha. Iyadoo aan la marin wadadaas ayaa la sheegay inuu xilka uga qaaday uguna magacaabay duqa magaalada oo kaliya, maadaama duqa magaalada uu go’aankaan gaari karo.

Arrintaan ayaa muujineysa musuq iyo eex xoog leh oo gobalka ka jirta, waxaana socda abaabul ay wadaan xubno kamid ah dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah dhaqanka Soomaaliyeed oo arrintaan looga soo horjeedo.

Masar iyo Sudan oo heshiis galay xilli ay xiisadda Ethiopia kala dhaxeyso ka dartay

0

Khartoum (Caasimada Online) – Dalalka Sudan iyo Masar ayaa gaaray heshiis cusub, kaasi oo lagu xoojinayo iskaashi labada dhinac dhex-mara, gaar ahaan nabad galyada labada xukuumadood iyo gobolka guud ahaan.

Heshiiskan ayaa imanaya xili mudooyinkii dambe xiisad xoogan labada dal kala dhaxeysa Itoobiya, oo iyadu biyo xireen balaadhan ka sameysay wabiga Nile.

Labada dal ayaa iyagu u arka in mashruuca Itoobiya ee biyo xireenkaasi uu saameyn ku yeelanayo biyaha ay ka helaan wabiga, kaasi oo hoos uga dhacaya xadiga ay markii hore ka heli jireen.

Heshiiskaan ayaa sidoo kale cadaadis hor leh saaraya dowladda Itoobiya, oo iyadu ka madax adeygtay inay wada-hadal geliso mashruuceeda biyo-xireenka oo tijaabadiisi hore bilaabay.

Lama oga qaabka uu xukuumadda Addis Ababa ka yeeli doono heshiiskan iyo kaalinta uu ku yeelan doono muranka biyo-xireenka oo labada dowladood uu xiligan kala dhaxeeyo Itoobiya.

Sudan ayaa Khamiistii sheegtay inay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta dhammaan dhulka Sudan ee ku yaalla xuduudda, kaasi oo ay deganaayeen beeraley Ethiopian ah, kadib toddobaadyo isku dhacyo ah.

Xiisaddan ayaa ka dartay wixii ka dambeeyey markii dagaal uu ka qarxay gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, taasi oo horseeday in inka badan 50,000 oo qof oo Tigray ah ay usoo qaxaan Sudan.

Sabtidii, Sudan ayaa sheegtay inay qabsatay inta badan dhulkan, hase yeeshee aysan si buuxda gacanta ugu wada dhigin. Si kastaba, Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibedda Sudan, Omar Gamareldin ayaa shir jaraa’id ku sheegay Khamiistii inay hadda si buuxda u qabsadeen dhulka.

Wada-hadallo u dhaxeeyey labada dal ayaa burburay toddobaadkii tegay.
Saraakiisha Sudan ayaa sheegay in Ethiopia aysan si rasmi ah muran uga keenin dhulkan, hase yeeshee hadallada saraakiisha Addis Ababa ayaa taas burinaya.

Maxaa ka jira arrinta Axmed Madobe uu shaaciyey ee la xiriirta hubka DF Somalia?

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dowladda dhexe si dadban ugu eedeeyay iney hub faraha ka saartay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku xoogan gudaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo khilaafkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay dowladda dhexe dib u holaciyay ayaa sheegay iney hadda ka hor rasaas ay Al-Shabaab ka qabsadeen baaris ku sameeyeen isla markaana ay noqotay mid ay leedahay dowladda dhexe.

“Dagaal ayaan kula jirnay Al-Shabaab, waxaa ka go’ay rasaasta qoriga BKM, maalin gudaheed ayey kula yimaadeen, rasaastii baan qaadnay, waxey noqotay rasaastii ay dowladda lasoo dagtay, ileen rasaasta waa la aqriyaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Garowe.

Axmed Madoobe wuxuu si adag u sheegay ineysan jirin amni qaran oo laga wada hadlo, taas badalkeedana ay cadaw isku noqdeen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waxaana xusid mudan in Jubbaland iyo dowladda dhexe ay wali isku hayaan arrinta gobolka Gedo.

Isagoo ka hadlayay heshiisyadii la gaaray wuxuu carabka ku dhuftay inaan waxba laga hirgalin heshiiskii amniga qaranka ee la galay.

Axmed Madoobe wuxuu ku baaqay in marka hore laga heshiiyo arrimaha siyaasadeed ka hor inta aan laga hadlin arrimaha amniga qaranka.

Askari ka tirsan ciidamada DF oo dil iyo dhaawac ka geystay Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu saacadihii la soo dhaafay dil iyo dhaawac ka geystay degmada Beledxaawo ee gobolkaasi oo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.

Askariga ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, gaar ahaan hooyo, wiil ay dhashay iyo darawalkii waday.

Rasaasta uu furay askariga ayaa waxaa ku dhintay darawalkii waday mootada, halka ay dhaawacmeen hooyada iyo wiilka ay dhashay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in gacanta lagu dhigay askarigii ka dambeeyey falkaasi, kadib markii ay si deg-deg ah goobta ku gaareen ciidamada ammaanka.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi waxyeelada loogu geystay dadka rayidka ah.

Beledxaawo ayaa waxaa ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka waday gudaha degmadaasi.