25.6 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Jadwalka doorashada oo fashil ku dhow mar labaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli muran xoogan iyo is jiid-jiid uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka, iyada oo mar labaad uu fashil ku dhow yahay jadwalkii ay horey u soo saareen guddiga doorashooyinka dalka.

Maanta oo ay ku beegan tahay 5-ta bisha Janaayo sanadka 2021-ka ayaa waaa la filayey in la qabto codsiyada musharraxiinta u taagan Golaha Aqalka Sare, sida ku cad jadwalka doorashooyinka oo sidoo kale 29-kii bishii la soo dhaafay uu is-bedal ballaaran ku yimid.

Sidoo kale waxaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ka jira dalka ayaa looga dalbaday inay soo gudbiyaan liiska xubnaha u tartamaya Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Doorashada Aqalka Sare ayaa ugu dambeyn loo asteeyey inay dhacdo 7-14 Janaayo, balse weli uma muuqato in la qaban karo, maadaama ay ka harsan tahay labo cisho, islamarkaana aan la diiwaan-gelin musharraxiinta u taagaan xubinimada Aqalka Sare.

Dhinaca kal Villa Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu dadajinayo qabashada doorashadan, si loo dhaqan-geliyo jadwalka ka soo baxay guddiga weli lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka, waxaana haatan gudaha magaalada Muqdisho ku sugan madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo taageersan dowladda dhexe.

Si kastaba waxaa weli halkeedii ah cabashada ay musharraxiinta mucaaradka ka muujinayaan hannaanka doorashooyinka iyo guddiyada ka shaqeynaya intaba.

Qoor Qoor oo Muqdisho kula kulmay James Swan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta gudaha magaalada Muqdisho kula kulmay danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa labada mas’uul waxa ay uga wada-hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Qoor Qoor & Swan ayaa si gaar ah diirada u saaray sida dadaalada loogu jiro habsami u socodka arrimaha doorashooyinka iyo xalinta tabashooyinka ka jira.

“Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka qaranka iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Qoor Qoor oo Garoowe ka soo laabtay ayaa dadaal xoogan ugu jiro sidii la’isugu soo dhoweyn lahaa dowladda dhexe iyo musharraxiinta mucaaradka oo isku hayo hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka oo markale dib uga sii dhacaya waqtiga loo asteeyey.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, iyada oo dooda ugu adag ay ka taagan tahay guddiyada doorashada.

James Swan oo balan-qaad la xiriira xiisada Beledweyne u sameeyey Cali Guudlaawe iyo General Mukhtaar

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa saacadihii lasoo dhaafay xaaladda cakiran ee gobolka Hiiraan kala hadlay wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Jeneral Mukhtaar iyo madaxweynaha cusub ee HirShabeelle Cali Guudlaawe.

Danjire James Swan ayaa mas’uuliyiintaas kula xariiray qadka Internet-ka, waxayna ka wadahadleen xal u helidda khilaafka hareeyey maamulka cusub HirShabeelle, gaar ahaan xiisadda ka jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Kulamada uu James Swan la qaatay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sida la sheegay aad loogu gorfeeyey tallaada ugu haboon ee lagu soo afjari karo xiisadda salka kuheysa diidmada madaxda cusub ee maamulka HirShabeelle ee ka taagan gobolka Hiiraan.

Intii ay socdeen kulamadaas James Swan ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada uu leeyahay wadahadal dhex-mara dhammaan daneeyayaasha siyaasadda HirShabeelle, si loo helo dib u heshiisiin dhab ah.

Sidoo kale James Swan ayaa madaxweynaha iyo wasiirka u balan qaaday in Qaramada Midoobey ay diyaar u tahay inay taageerto dadaalladaas lagu xalinayo khilaafka ka jira HirShabeelle.

Tan iyo markii maamulka HirShabeelle loo doortay madaxweyne Cali Guudlaawe waxaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ka socday dhaq-dhaqaaqyo lagu diidanyahay maamulkaas, iyadoo mararka qaar ay magaalada ka dhaceen dibadbaxyo rabshado watay.

Go’aanka ugu adag oo ay qaateen reer Beledweyne ayaa ahaa in Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe uusan tegin magaaladaas, halka isaguna uu doonayo in lagu caleemo saaro.

Doorashadii Cali Guudlaawe ee HirShabeelle kadib, waxaa Hiiraan laga aas-aasay jahbad hubeysan oo saldhigeeda ugu weyn uu yahay deegaanka Ceel-Jaalle, waxaana hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Abuukar Xuud oo aad u diidan madaxda cusub ee maamulkaas.

Is-barbar dhig: Yaa shaqo iyo tayo badnaa baarlamanka 10-aad iyo midkii 9-aad?!

0

Baarlamaanka 10-aad oo labo aqal ah, waxaa uu sameysmay iyada oo baarlamaanka federaalka ah 9-aad oo hal aqal ahaa uu qabtay shaqooyin badan, rajo weyn ayaa laga qabay iney dhameystiraan arrimo ay ku jiraan dastuurka, garsoorka, diiwaangelinta dadweynaha, jinsiyadaha iyo qaar kale, laakin nasiib darro hawlahaasi lama qaban.

Haddaba, Goobjoog News waxaa isbardhig ay ku sameysay shaqadii labada baarlamaan ay ku ogaatay in baarlamaankii 9-aad uu ka shaqo iyo tayo badnaa baarlamaanka 10-aad.

Haddaba, halkan hoose ka akhriso isbarbardhig la xiriira labada baarlamaan ee dhanka ansixinta sharciyada, qaraarrada, heshiisyada caalamiga ah, miisaaniyadaha, la xisaabtanka xukuumadda, matalaadda iyo arrimo kale.

Baarlamaanka 10-aad:

Sida aan sheegnay  baarlamaanka 10-aad waxaa uu ka koobanyahay labo aqal(golaha shacabka iyo aqalka sare), xubnihiisana waa ay ka badnaayeen baarlamaankii 9-aad oo ahaa hal aqal iyo 275 xildhibaan halka 10-aad lagu daray aqalka sare oo 54 Senator ah.

Haddaba, si la mid ah madaxweynaha 2017-kii la doortay ee Farmaajo, baarlamaanka 10-aad waxaa laga filayey waxqabad adag gaar ahaan:

  • Dhameystirka dib u eegista Dastuurka.
  • Dhameystirka Shuruucda Federaalka ah.
  • Matalaadda Dadweynaha.

Arrimaha horyaalay waxaa ugu muhiimsanaa oo kale: Sharciga doorashada, sameynta maxkamad dastuuri ah, diiwaangelinta dadweynaha, jinsiyadaha iyo wixii la mid ah, laakin arrimahaas marka laga reebo midka doorashada inta kale lama qaban, taa badalkeeda waxaa la ceyriyey guddoomiyihii golaha shacabka, waxaa meesha ka baxday wada shaqeyntii labada aqal, baarlamaankii waxaa la wareegay xukuumadda federaalka ah, oo awooddii wiiqday taasi oo meesha ka saartay la xisaabtankii iyo xisaab xirradii laga rabay.

Halkii baarlamaanka 9-aad uu xoogga saaray dhismaha sharciga la xiriira dhismaha hey’adaha federaalka ah, kuwa guddiyada kala duwan ee dastuuriga ah iyo heshiisyada caalamiga ah ee tiirarka dowladnimada, baarlamaanka 10-aad waxaa uu xoogga saaray kheyraadka iyo arrimo keenay khilaaf siyaasi ah oo ay labada heer ee DF ku kala tageen, loona arkay daneysi iyo boob.

Dhanka sharaciyada, baarlamaanka 10-aad waxaa uu ansixiyey 26 sharci oo in badan oo ka mid ah ay soo bilaabeen baarlamaankii hore, waxaa uu madaxweynaha saxiixay oo kale 6 heshiis oo caalami ah halka la soo saaray wax ka yar 10 qaraar.

Sharciyada ka gudbay ee uu madaxweynaha ansixiyey waxaa ugu muhiimsanaa marka laga soo tago heshiistada caalamiga waxaa ka mid ahaa:  isgaarsiinta, naafada, musuqa, batroolka, doorashooyinka, dhakhliga, Ilaalinta hidda dhaqameedka & mdka dabiiciga, Hindise-sharciyeedka Maamulka Maaliyada (PFM)  , Wax Ka Badelka Sharciga Furdooyinka, dib u eegista sharciga saxaafadda, Sharciga Istaatistikada Soomaaliyeed , Sharciga  Duulista Rayadka ee Hawada, H/Sharciyeedka Jaangaynta iyo Tayo dhawrka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo weli Farmaajo la yaalla: Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aaan muuqan, Hindise Sharciyeedka Leelitirka siyaasiyiinta Soomaalia, Hindise-sharciyeedka Hawlgabka & Xaqsiinta Ciidamada, Hindise Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka, Wax ka badalka Sharciga Xisbiyada Siyaasadda, Heshiiska  waxbarshada ee Soomaliya iyo Turkig iyo qaar kale.

Miisaaniyadaha: Dhanka miisaaniyadaha, baarlamaanka 10-aad waxaa ay meelmariyeen 9 miisaaniyadeed iyo hal xisaab xir sanadeed. Waxaa xusid mudan in labada aqal arrimaha ay isku khilaafeen ay ka mid aheyd ansixinta miisaaniyadda.

Guryaha Baarlamaanka 10-aad:

Dowladda Turkiga iyo hey’adaheeda ayaa taageeray labada aqal, Aqalka sare waxaa ay siiyeen dhisme cusub halka ay ballaariyeen dhismihii Villa Hargeisa oo haatan si KMG ah uu golaha shacabka ugu shaqeeyo inta ay ka dhisayaan aqalkii weynaa.

Matalaadda Shacabka:

Baarlamaanka 10-aad waxaa ku adkaatay matalaadda shacabka, oo inta badan marka laga reebo Puntland inta kale waxaa yar xildhibaannada dib ugu laaban karay sababo amni, iyada oo inta badan aan dhaafin caasimadda.

Baarlamaanka 9-aad(2012-2016):

Baarlamaanka oo ahaa midkii federaalka ahaa oo ugu horeeyey waxaa uu qabtay hawllo badan oo markaasi horyaallay sida: Xeer hoosaadka, Barnaamijka sharcidejinta, Tayo-kobcinta xafiiska guddoomiyaha, Sare u qaadista sugidda ammaanka, Dib u eegista dastuurka, Qaab-dhismeedka iyo shaqaale-u-yeelista xafiiska adeegga baarlamaani, Xiriir abuuris, wartabinta bulshada iyo wacyigelinta, Xafiiska deegaannada doorashooyinka, Kaabayaasha iyo dhismoyaal, Waaxda barista shuruucda, Adeegga wartabinta, isgaarsiinta iyo tecknolijiyadda casriga ah ICT iyo maareynta xogta.

 Baarlamaanka 9-aad iyo Arrimaha Sharci Dejinta:

  1. Dib u eegis, laalid, waxka badalka dastuurka qodobka 60aad, 67aad, 136aad iyo 138aad ee dastuurka.
  2. Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay 21 sharci oo uu ugu horeeyo xeerhoosaadka golaha shacabka
  3. Golaha shacabka waxaa uu soo saaray 42 qaraar.
  4. Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 9 Miisaaniyad iyo xisaabxir sanadeed
  5. Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 6 heshiis
  6. Golaha shacabka  waxaa uus sameeyay la-xisaabtan iyo su’aalo weydiin xukuumaddaiyo saraakiisha dowladda ah

Villa Hargeisa: Baarlamaanka 9-aad 2017-kii kahor waxaa uu Villa Hargeisa ku lahaa 2 hool shirar, labo ka mid ah waxaa ku shiri karaan 150 qof halka midka kale  30 qof ku shiri kareen, masjid, maqaayad, xafiiska guddoomiyaha, ku xigeenka koobaad, 2aad, xafiiska madaxa guddoonka, waaxda ICT, waaxda shuruucda, hab maamuusta iyo warbaahinta, habdhowrka baarlamaanka….iyo xafiisyo kale.

Shaqaalaha Baarlamaanka: Baarlamaanka 9-aad waxaa uu u yimid 53 shaqaale ah oo keliya, markii uu tagayey waxaa joogay ilaa 311 howlwadeen iyo 89 ka mid ah ay yihiin Haween.

Matalaadda shacabka: Xildhibaannada baarlamaankii 9-aad waxaa ay tageen ilaa 15 gobol kuwaas oo kala ah: Awdal, Togdheer, Sool, Sanaag, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose, Bay, Bakool, Gedo iyo Jubada hoose.

Baarlamaankaas waxay sameeyeen ilaa 213 booqasho, waxaa sidoo kale jirtay ilaa 58 warbixin iyo Xildhibaanno koox koox ah oo markii ay soo noqdeen warbixin soo gudbiyay.

Madaxda Soo Booqatay baarlamaanka 9-aad:

  • Guddoomiyaha Baarlamaanka Djabuti: Mudane Idiris Arnaud Ali
  • Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Turkiga Mudane Axmed Davutoglu
  • Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta: Mudane Axmed Maxamed Al-Jarwaan
  • Madaxweyne ku xigeenka dalka Ciraaq: Mudane Iyaad callaawi

Isbar-badhigga labada aqal marka laga soo tago, guddoomiyihii la ceyriyey ee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa uu ahaa khabiir wax ka qoray dastuurka lagu dhaqmo ee KMG ah, inta ka badan 50 sano ku jiray nidaamka dowliga ah oo madax soo ahaa, una soo joogay isbadallada halka Maxamed Mursal uu xildhibaan ka noqday baarlamaankii 8-aad iyo midka 10-aad, saddex wasaaradood, safiir iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo.

W/D: Abdiaziz Ahmed Gurbiye

Somaliland oo kumanaan dollar ku bixisay qorshe ay ka waddo baraha bulshada

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa sanadkii dhamaaday ee 2020-kii ku bixisay baraha bulshada lacag dhan 70-kun oo dollar-ka Mareykanka, kaasi oo lagu fulinayo ‘Difaacidda danaha Somaliland ee baraha bulshada’, sida uu shaaciyay wargeyska Somaliland Chronicle.

Warbixinta ay daabacday waraabinta Somaliland Chronicle ayaa lagu sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay sanadkii tagay dad gaar ah ku naas-nuujisay difaacida baraha bulshada, taasi oo qeyb weyn ka qaadatay aamusinta qaar kamid ah warbaahinta gudaha.

“Sannadkii dhamaaday Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland waxay lacag gaareysa 70,000 dollar ku bixisay ‘Difaacidda danaha Somaliland ee baraha Bulshada,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Sidoo kale waxay shaacisay in lacagtaas qeybteeda u badan la siiyey warbaahino internet, si aan loo daabicin wax lidi ku ah Somaliland, halka lacagta inteeda kalena la siiyey shaqsiyaad faro ku tiris ah oo baraha bulshada ka difaaca xukuumadda.

“Arrintani maaha dedaalka kaliya ee ay xukuumada Somaliland iyo wasiir Koore ay ku doonayaan inay saxaafadda ku hoos keenaan gacanta dowlada,” ayaa ugu dambeyntii lagu yiri warbixinta Somaliland Chronicle oo soo xiganeysa ilo-wareedyo muhiim ah.

Xukuumadda Somaliland ayaa sanadihii dambe ku howlaneyd sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd warbaahinta madax-banaan, kuwaasi oo ay u adeegsaneyso danaheeda gaarka ah iyo qadiyada ay ku doodo ee madax-banaanida.

Xiisada ka dhalatay wiil Soomaali ah oo lagu toogtay Minneapolis oo kasii dartay

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnessota ayaa waxa ka billowday banaan-baxyo xoogan, kaasi oo looga soo horjeedo wiil Soomaali ah oo dhawaan booliska ay magaaladaas ku toogteen.

Dadka banaan-baxa dhigayay oo u badnaa Soomaali ayaa waxa ku wehlinayay dad kale, kuwaasi oo muujinayay sida ay uga xun yihiin toogashada loo geystay wiilka Soomaaliga ah, isla markaana cadaalada la marsiiyo booliska fuliyay toogashadaas.

Waxay cod dheer ku dalbanayeen dadkii isugu soo baxay waddooyinka Minneapolis in si deg deg ah cadaalada u helaan qoyska Doolaal Ciid, sidoo kalena aysan dib usoo laaban fal noocaas oo kale.

Dadweynaha oo wajiyadooda laga dheehan karayey qaabka ay uga xun yihiin toogashada wiilka Soomaaliga ah ayaa balan-qaaday inaysan wadooyinka ka tageyn ilaa inta wax laga qabto dilkaas, isla markaana ay sii wadayaan banaan-baxaas.

Dilka loo geystay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa saameynta uu reebay aad looga dareemay magaalada Minneapolis, waxaana dadweynuhu maalintii saddexaad ay dhigayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan dilkaas.

Doolaal B. Ciid, oo ahaa 28 jir ayaa Arbacadii ku dhintay rasaas ay booliska ku fureen isagoo ku dhex jira gaarigiisa, kaddib markii lagu joojiyay meel u dhow kaalin shidaal iyo meherad gawaarida lagu dhaqo.

Goobtaas ayaa wax ka yar hal meyl u jirta meeshii ay booliska Minneapolis bishii May ku dileen George Floyd, oo ahaa nin madow ah.

Dad goob joogeyaal ah iyo booliska ayaa markii hore sheegay in Doolaal uu isaga markii hore xabbad ku billaabay booliska, kuwaa oo iyagana markii dambe toogtay oo halkaa ku dilay.

Sacuudiga oo xayiraaddii saarneyd ka qaaday Qatar

0

Doha (Caasimada Online) – Waxaa la shaaciyey in guulo waaweyn laga gaaray wadahadalladii uu Mareykanku gadaal ka riixayey ee mudooyinkii dambe u socday dowladaha Qatar iyo Sacuudiga oo ku kala tegay khilaafkii adkaa ee ka dhex qarxay wadamada Khaliijka.

Bishii July ee sanadkii 2017-kii afar dal oo Sacuudigu u horeeyey ayaa go’doomin dhan walba ah ku soo rogay dalka Qatar, balse arrintaas waxaa la shaaciyey in heshiis hor dhac ah laga gaaray, isla markaana berri lagu kala saxiixa doono dalka Sucuudiga.

Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa laga soo xigtay in Talaadada berri ah heshiis rasmi ah oo colaadaasi lagu soo afmeerayo lagu kala saxiixa doono dalka Sacuudiga.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, sarkaalkan oo aan magiciisa la sheegin ayaa si rasmi ah u sheegay in khilaafkaas hadda xal laga gaaray, wax walbana ay ku soo laaban doonaan sidii ay ahaayeen sanado ka hor.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Kuweyt Axmed Naasir Al-Sabaax ayaa dhinaciisa xaqiijiyay in heshiis rasmi ah laga gaaray go’doomintii mudada sanadaha ah lagu hayey dalka Qatar, kaas oo madal wayn lagu saxiixi doono saacadaha soo socda.

Dawladaha Sacuudiga, Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa xayiraad diblomaasiyadeed, mid ganacsi iyo safarba ku soo rogay dalka Qatar bishii July ee sanadkii 2017-kii.

Xilligaas waxay ku eedeynayeen dowladda Qatar inay taageerto argagixisada, balse Qatar ayaa iska diiday eedahaas, waxayna sheegtay in xayiraadahaas lagu cuuryaaminaayo dhaqaalaheeda iyo madax-banaanideeda.

Markii go’doonka la geliyey Qatar waxay garab istaag ka heshay dowladda Turkiga oo aad uga hortimid daan-daansiga ay ku hayeen dalaalka kale ee Khaliijka, waxayna dalkaas yare e hodanka ah geysay ciidamo ka difaaca saaxiibadiisii hore ee Khaliijka.

Sidoo kale dowladaha sida weyn u garab istaagay Qatar waxaa ka mid ahaa Iraan oo ay siyaasad ahaan arrimaha Bariga Dhexe isku aragti ka yihiin Turkiga.

Tan iyo waqtigaas diyaaradaha Qatar ma istcimaalaynin hawada wadamada go’doomiyey, sidoo kalena xuduudaha dhinyada dhulka iyo badda ay la wadaagto la isagama gudbi karin.

Hogaamiyaasha wadamadan carbeed ee Khaliijka ayaa lafilayaa inay Talaadada berri ah ku shiraan Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ka dhici doono shir sanadle ah, kaas oo la filayo in lagu shaaciyo heshiis lagu soo afjarayo khilaafka Qatar iyo Sacuudiga.

Daawo: Ganacsato maamulkii la kala diray ku eedeysay inay lunsadeen malaayiin dollar

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaaf adag oo soo kala dhex galay rugta ganacsatada Soomaaliyeed, kaas oo soo shaac baxay markii ay wasaaradda ganacsigu kala dirtay maamulkii hore ee rugta, isla markaana magacaawday guddi doorasho ku qabta 60-cisho gudahood ah.

Qaar ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn Muqdisho ayaa maanta isugu yimid kulan ay ku taageereen go’aankii ay wasaaraddu ku kala dirtay maamulkii hore ee rugta ganacsatada, iyagoo ku eedeeyey musuq maasuq culus.

Ganacsatadan oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa lacag dhan $16 milyan (Lix iyo toban milyan oo dollar) ku eedeeyey inay lunsadeen xubnihii maamulka u ahaa rugta ganacsatada ee la kala diray.

Lagactaas waxay sheegeen inay ugu tala galeen dhismaha wadooyinka magaalada Muqdisho, balse aan hadda meel lagu sheegin, waxayna guddiga cusub ka dalbadeen inay qabtaan doorasho deg deg ah, si la isula xisaabtamo.

Guddoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif oo ka mid ahaa xubnihii warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan xubnaha cusub ee loo soo magacaabay inay 60-ka cisho ee soo socota doorasho guud qabtaan.

Sidoo kale guddoomiye Xasan Mire ayaa sheegay in 12-kii sano ee lasoo dhaafay aysan rugta ganacsada Soomaaliyeed laheyn maamul fadhiya, sida uu hadalka u dhigay.

“12-kii sano ee u dambeysay metelaad sax ah ma laheyn ganacsatadu, dadkuna waa ka niyad jabeen rugta ganacsiga, maalin kasta nin ganacsade ah siduu uga baxaayey, waxaa ku soo haray ragga ay wasaaraddu kala dirtay, waxaana meesha ka baxay nidaamkii iyo kala dambeyntii rugta” ayuu yiri Xasan Mire.

Sidoo kale Xasan Mire ayaa sheegay in guddoomiyaha ururrada bulshada rayidka Tahliil Shaatax uu ku qaldanaa markii uu yiri ‘rugta ganacsigu waxay ka mid tahay ururrada bulshada rayidka’.

Hoos ka Daawo

Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku riday askari dil ka geystay Beled-Xaawo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysay dacwadda Cumar Aadan Xuseen oo loo heysto dilka Marxuum Abuukar Saalax Xareed Cadow oo 5-tii bishii May sanadkii hore ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobalka Gedo.

Cumar Aadan  ayaa lagu eedeeyey in xilli ay taagneed kala aragti duwanaasho soo kala dhex gashay ciidamo ka kala tirsan booliska iyo militeriga Soomaaliya ee ku sugan Beled-Xaawo uu xabad ku dhuftay Marxuum Abuukar Saalax oo ahaa wade mooto Bajaaj. Sida ay xeer ilaalintu ka hor sheegtay maxkamadda.

“Maragyada Maxkamadda joogay ayaa u sheegay Garsoorayaasha in ay jirtay dhacda ay isaga soo horjeedeen Ciidan Boliis ah iyo Kuwa ka tirsan xoogga Dalka laakiin aan xabad la isku furin. Balse Cumar uu Marxuumka ku amray in uusan ka Fogaanin Qalalaasha dhici karay oo uu sababay is hortaagga Ciidamada u dhexeeyay markii uu isku dayayne in uu Meesha ka Cararo uu Cumar Marxuumka ku amaray in uusan dhaqaaqi karin, kadib dhaqaaqa Marxuumka ayuu xabad ku dhuftay taasi oo sababtay in uu u geeriyoodo Marxuumka,” ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday Maxkamadda.

Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dooday in Cumar uu gabaad ka dhigtay ‘nin miskiin ah oo ku xamaalan jiray Moota Bajaaj’ sidoo kalena uu carqaladeeyey xaalada ammaan ee goobta, isagoo maxkamadda ka dalbaday in la marsiiyo ciqaab adag.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn maanta go’aamisay in dil toogasha ah lagu xukumo Cumar Aadan Xuseen, taas oo ah khisaasta Marxuum Abuukar Saalax Xareed Cadow, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sidoo kale sheegay in xukunsane Cumar Aadan Xuseen  uu haysto fursad uu ku dalban karo racfaan muddo ku siman 30-cisho.

DF oo dib u dhigtay saxiixa xirmooyinka shidaalka dalka kadib arrimo soo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u dhac ku yimid munaasabaddii lagu saxiixi lahaa qodista shidaalka Soomaaliya, taasi oo ka dhici laheyd madaxtooyada Soomaaliya, sida ay maanta xog ku heshay Caasimada Online.

Munaasibaddan ayaa waxa lagu saxiixi lahaa xirmooyin shidaalka (Blocks), kuwaas oo ku kala yaala Xeebaha degmooyinka Hobyo iyo Baraawe, ee hoos taga maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed. 

Waxa lagu waday inuu Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed uu heshiiskan u saxiixo labo shirkadood oo lagu kala magacaabo Liberty, iyo Coastline Exploration Petroleum oo horay loo oran jiray Soma Oil and Gas.

Shirkada Coastline ayaa waxaa hadda madax ka ah Cabdullaahi Shiikhey oo ah nin ku xeeldheer arrimaha qandaraasyada shidaalka, islamarkaana ah ninka haya malafka shidaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa goobjoog ka noqon lahaa Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed, hase yeeshe waxay xiligii loo balansanaa ee maanta dib uga dhacday sababo lagu sheegay culeyso dhanka habraacyada loo marayo saxiixa heshiiskaas.

Waxa lagu wadaa in munaasibada lagu saxiixayo xirmooyinkaasi shidaal ay u dhacday maalinta berri ah, kadib markii xalinta caqabadaha ku gadaaman loo saaray Guddi uu hoggaaminayo Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Beyle. 

Arrinta u weyn ee saxiixa maanta dib u dhigtay ayaa la xiriirta qaabka loo waafajinayo heshiiskan arrimaha deyn cafinta ee shuruuda Hey’adda IMF, waxaana arrintaas loo saaray 

Sidoo kale dib u dhacan ayaa imanaya xili ay musharaxiinta mucaaridka ka digeen qatarta ka dhalan karta saxiixa xirmooyinka shidaalka, isla markaana uu gabaabsi yahay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

Puntland oo is-hortaagtay qorshihii Sheekh Rusheeye ee magaalada Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Sheekh ku caan baxay inuu dad u badan haween isku soo aruuriyo, qur’aan ku saaro, biyana ku rusheeyo ayaa la amray in shaqada laga joojiyo isagoo ku sugan magaalada Galkacyo.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Puntland (Cabdiladiif Muuse Nuur) ayaa bixiyay amar lagu joojinayo hawlaha uu magaalada Galkacyo u yimid Sheekh Rusheeye oo gayiga Soomaalida aad caan uga ah.

Amarka uu gudoomiyaha bixiyay waxaa raacsan in shaqada laga joojiyo ilaa inta la isaga imaanayo lana baarayo arinta.

Shalayto ayey aheyd markii Sheekh Cabdulxaaq Rusheeye uu soo galay magaalada Galkacyo dhinaca Puntland waliba isagoo ay la socdeen kolonyo baabuur ah ay ku jiraan booyado la sheegay iney ku jiraan tahliil dadka lagu qur’aan saaro.

 

Safiirkii UK ee Soomaaliya oo xilka laga qaaday xilli uu ku milmay muranka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa maanta ku dhawaaqday inay Soomaaliya usoo magacowday Safiir cusub, kaasi oo bedeli doona Safiirkeedii hore ee dalka, Amb. Ben Fender.

UK ayaa waxay dalka Soomaaliya usoo magacowday haweenay lagu magacaabo Kate Foster, taasi oo si rasmi uga howl-geli doonta Soomaaliya.

War kasoo baxay dowladda UK ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in horaanta bisha labaad ee sanadkan cusub Ambassador Ben Fender loo wareejin doono xil kale oo muhiim ah.

Ambassador Ben Fender ayaa muddo ku dhow labo sanno ku magacownaa safiirka UK ee Soomaaliya, isaga oo dhaq-dhaqaaqyo badan ka fuliyay tan iyo markii xilkaas loo magacaabay 30-kii bishii Janaayo ee sanadkii hore ee 2019-ka.

Dowladda Ingiriiska marnaba ma shaacin mansabka loogu bedeli doono Ben Fender midka Soomaaliya, balse waxay kusoo koobtay inay u wareejin doonto xil kale oo diblumaasiyadeed.

UK ayaa kamid ah dalalka beesha caalamka ah ee sida weyn u taageera dowladda Soomaaliya, hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya inaysan la dhicin shaqada Ben Fender ee Soomaaliya.

Ben Fender ayaa toddobaadyadii tegay aad ugu dhex-milmay siyaasadda Soomaaliya, isaga oo taageero u muujiyey guddiga doorashada Soomaaliya ee lagu muransan yahay, taasi oo dowladdiisa aysan la dhicin.

Fender ayaa la arkayey isaga oo kulamo badan iyo tababaro kala qeyb qaadanaya guddigan, taasi oo kasoo horjeeda siyaasadda dhex-dhexaadnimo ee dowladdiisa ee dhinacyada isku haya Soomaaliya.

Laba shirkad oo maanta shidaalka Soomaaliya loogu saxiixayo Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba shirkadood ayaa la filayaa in maanta loo saxiixo qodista shidaalka Soomaaliya, ayada oo kulan arrintaas ku saabsan uu ka dhacayo madaxtooyada Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Heshiiskan ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shirkadaha qotista shidaalka, waxaana goobjoog ka noqon doona madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen.

Sababta labadan madaxweyne looga casuumay kulanka ayaa lagu sheeegay inay tahay in xirmooyinka shidaalka (Blocks) ee la bixinayo ay ku kala yaallaan Xeebaha degmooyinka Hobyo iyo Baraawe, ee hoos taga Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Labadan deegaan ayaa ka mid ah meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah oo horrey sahmin shidaal looga sameeyay, kuwaas oo la tuhmayo inuu shidaal ku jiro.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in labada shirkadood ee loo saxiixayo shidaalka Soomaaliya ay kala yihiin Liberty, iyo Coastline Exploration Petroleum, oo horay loo oran jiray Soma Oil and Gas.

Shirkada Coastline ayaa waxaa hadda madax ka ah Cabdullaahi Shiikhey oo ah nin ku xeeldheer arrimaha qandaraasyada shidaalka, islamarkaana ah ninka haya malafka shidaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ay shalay ka digeen in khatarta ka iman karta heshiisyo qarsoodi ah oo lagu bixinayo shidaalka Soomaaliya.

Xog: is-faham horudhac ah oo lagu gaaray kulamadii ka socda magaalada Garowe

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed ka socdeen caasimada Puntland ee Garoowe, kuwaasi oo u dhaxeeyay madaxda dowladda federaal, kuwa maamulada dalka iyo musharaxiinta mucaaridka, oo ay ka dhex aloosan tahay xiisada doorashada.

Madaxda ayaa markii hore maagalada Garoowe u tagay ka qeyb-galka Madasha aragti wadaaga ee Machadka Heritage, taasi oo dhalisay in si fool ka fool ah isku hor-fadhiistaan, isla markaana ka wada-hadlaan caqabadaha ku gadaaman doorashada soo socota.

Wararka ayaa sheegaya in kulamadii u dambeeyay ee Madaxda ku dhex-maray Garoowe looga gaaray is-faham la xiriir isku soo dhawaanshaha muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka, oo meelo kala fog ay kala taagnaayeen.

Sidoo kale waxa kulamadaas is-faham horudhac ah laga gaaray xiisada gobolka Gedo iyo doorashada xildhibaanada Somaliland ee dowladda federaalka, kuwaasi oo kamid ah arrimaha ugu waaweyn ee dhinacyada kala duwan isku khilaafsanaayeen.

Kulamo isdaba joog ah oo ay mas’uuliyiinta kala duwan ku qaateen Garoowe ayaa waxa loogu gogol xaadhay in dhinacyada ku muransan doorashada iyo dhamaan saamileyda siyaasadu ay iskugu yimaadaan kulamo xal looga gaarayo xiisada doorashada.

Dhinaca kale, dhamaan madaxdii ka qeyb-gashay munaasibada machadka Heritage ayaa iyaguna isku raacay in heshiis laga gaaro Arrimaha doorashada ka hor inta uusan dhamaan muddo xileedka Madaxda dowladda Soomaaliya.

Waxaa dhawaan la filayaa in madaxda dowladda federaalka, kuwa maamulada dalka iyo saamileyda siyaasada oo qeyb ka yihiin musharaxiinta mucaaridka ay kulan isugu yimaadaan, kaasi oo meesha looga saarayo muranka ka taagan doorashada.

Arrimahan oo dhan ayaa imanaya xili ay beesha caalamka ee taageerada maaliyadeed siisa dowladda federaalka Soomaaliya ay dhowr jeer ku baaqday in xal kama dambeys ah laga gaaro arrimaha doorashada, oo xiligan xaalad cakiran ka abuuray dalka.

Farmaajo iyo Laftagareen oo ka wada hadlay in la billaabo qabashada doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay madaweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Madaweyne Farmaajo iyo Lafta Gareen ayaa yeeshay wada-hadallo gaar ah oo saacado badan qaatay, kuwaas oo looga hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu kala hadlay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed sidii deg deg loo qaban lahaa doorashada aqalka sare, si loo dhaqan-geliyo jadwalkii dhowaan ka soo baxay guddiga weli lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa intaasi ku sii daraya in kulamadan uu ku soo biiri doono madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maanta ku soo jeeda magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu dadaal ugu jiro sidii loo qaban lahaa doorashada Aqalka Sare, si ay u dhaqna gasho jadwalka uu soo saaray Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaalka.

Koonfur Galbeed ayaa qorshuhu yahay inay noqoto maamulkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada aqalka sare, si loo dadajiyo doorashada oo uu weli muran ka taagan yahay.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu weli halkiisii yahay khilaafkaka taagan doorashada oo ay walaac xoogan ka muujinayaan midowga musharraxiinta.

Midowga musharaxiinta oo ka horyimid amarkii ay dul-dhigtay dowladda Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa si weyn uga soo soo horjeestay go’aankii shalay ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee lagu mamnuucay hubka lala galo garoonka Aadan Cadde, marka laga reebo madaxda dalka.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku hadlayey magaca & afka musharraxiinta mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday in aan la aqbali karin go’aankaasi oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid hal dhinac ah oo  loogu darnaanayo iyaga, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u waramay VOA ayaa sheegay in la doonayo in qatar la geliyo amnigooda, mar hadii ay madaxdu ilaalo la galayaan garoonka, iyagana laga reebayo.

“Haddii ay amniga garoonka isku aamini waayeen anaga miyey na gelinayaan meel Qatar ah?,” ayuu yiri musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in aysan macquul aheyn in madaxda dowladda kaliya loo ogolaado hub iyo ilaalo, islamarkaana iyaga laga dhigo kuwa beylaha oo la beegsan karo.

“In anaga nala yiraahdo garoonka hubka lama galeeysaan, Madaxda sarena waa ay isku aamini waayeen amniga garoonka oo waa ay la galayaan taasi maahan wax macquul ah oo aan aqbaleyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiashakuur.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dowladda dhexe iyo mucaaradka isku hayaan hanaanka doorashooyinka dalka oo weli uu ka taagan yahay is mari waa aad u xoogan.

Al-Shabaab oo shaaciyey magacyada iyo sawirrada raggii fuliyey weerarkii lagu qaaday saldhiga Manda Bay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay magacyada iyo muuqaallada raggii fuliyey weerarkii 5-tii Janaayo 2020 lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee deegaanka Manda Bay ee dalka Kenya.

Ragga ay magacyadooda iyo muuqaalladooda baahiyeen Shabaabka ayaa kala:-

1 – Moulana Faruq Moulana (Ahmed Al-Muhajir), hoggaamiyihii kooxda una dhashay dalka Yeman.
2 –
Abubakar Al-Muhajir, oo u dhashay dalka Tanzania.
3 – Cali Maxamed Cali (Qudama Al-Muhajir), oo kasoo jeeda dalka Ethiopia, kana soo jeeda qabiilka Burj, balse ku dhahsay kuna barbaaray magaalada Nairobi.
4 – Cabdilwali Muhammad Ibrahim (Moallim Omar) iyo , oo kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool, islamarkaana ahaa taliye ku-xigeenkii kooxda weerarka fulisay.
5 – Adam Iman Yusuf (Abdulkariim Alansari), oo kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale baahisay codka amiirka xarakada Al-Shabaab Axmad Cumar Abu Cubayda oo uu kaga hadlay weerarkaas. Lama shaacin taariikhda la duubay codkaas.

Abu Cubayda ayaa sheegay inuu si dhow ula shaqeeyay dhalinyarradan weerarka ku qaaday saldhigga Manda Bay, isagoo ku maanay inay tusaale yihiin dhalinyarrada kale, sida uu hadalka u dhigay.

Weerark Manda Bay ayaa waxaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, oo isugu jiray laba qandaraasle iyo askari ka tirsan ciidamada Mareykanka. Waxaa sidoo kale lagu dhaawacay askari kale oo Mareykan ah.

Kadib weeerarka dowladda Kenya ayaa sheegtay in la dilay shan dagaal-yahan oo ka tirsanaa kuwii weerarka soo qaaday islamarkaana la qabtay shan kale.

Moulana Faruq Moulana (Ahmed Al-Muhajir),
Abubakar Al-Muhajir, oo u dhashay dalka Tanzania
Cali Maxamed Cali (Qudama Al-Muhajir),
Cabdilwali Muhammad Ibrahim (Moallim Omar) iyo Adam Iman Yusuf (Abdulkariim Alansari), oo labadaba Soomaali ah.

Xundubey oo xaqiijiyey in ninkii bastooladda ula baxay shacab dibad-baxayey uu ka tirsan yahay ciidanka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay inuu ciidankeeda ka tirsan yahay nin toddobaadkii hore bastoolad ula baxay islamarkaana rasaaseeyey shacab Muqdisho ka dhigayey dibadbax ka dhan ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale, oo wareysi siiyey VOA ayaa xaqiijiyey in ninkaas uu ka tirsan yahay ciidamada booliska, islamarkaana uu ahaa ahaa dharcad.

Xundubey ayaa intaas ku daray in falkaas uu ahaa qalad dhacay, isla maalinkii ay dhacdadaas dhacdayna lasoo xiray ninka falkan ka dambeeyey, ayada oo uu hadda sugayo in la marsiiyo sharciga, sida uu hadalka u dhigay.

“Horta ogow ninka hadda aad ka warrameysaan islamarkii waa lasoo xiray, waa nin la yaqaan booliska ayuu ka tirsanaa, dharcad ayuuna xirnaa. Sharciga ayaa la marsiinayaa, sharcigana cid ka weyn ma lahan, qaladkana waa dhacayaa, cid kasta ayuu ka dhacayaa. Ninkaas waxaa laga qaatay go’aankii ku habboonaa,” ayuu yiri Xundubey.

Shacabka uu rasaaseeyey ninkan ayaa ahaa taageerayaasha xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna u badnaayeeen gabdho.

Dhinaca kale, Xundubey ayaa sheegay in dowladda aysan diidaneyn in dadka ay ra’yigooda cabiraan, balse ay doonayaan inay sugaan amniga, sababtuna ay tahay in dadka dibad-baxaya ay kusoo dhuuman karaan dad kale oo rabshado wada, sida uu hadalka u dhigay.

Hase yeeshee, waxaa taas beeninaya xaqiiqda ah in dowladda aysan marnaba beegsan shacabka dhigaya dibad-baxyada lagu taageerayo madaxweyne Farmaajo.

Xasan Cali Khayre iyo Qoor Qoor oo hal arrin isku raacay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland kulan gaar ah kula yeeshay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.

Labada mas’uul oo uu kulankooda qaatay saacad badan ayaa iska xog wareystay xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Sidoo kale waxa ay si gaar ah diirada u saareen sidii xal waara looga gaari muranka ka taagan guddiyada doorashooyinka iyo hannaanka loo wajahayo, taasi oo ay sheegeen inay isku raaceen inay ka wada shaqeeyaan.

Khayre oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey madaxweyne Qoor Qoor dadaallada uu wado ee ku aadan xal ka gaarista arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoor Qoor iyo Khayre ayaa Garoowe u tegay ka qeyb-galka shirkii madasha aragta wadaagga ee lagu soo gaba-gabeeyey gudaha magaaladaasi.

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah weli mid cakiran, waxaana meel fog kala joogo dowladda iyo mucaaradka oo isku hayo qabashada doorashada soo socota.

Galmudug oo arrin xasaasi ah u xirtay mas’uul sare

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa goordhoweyd xabsiga dhigay guddoomiyaha deegaanka Ceel-dheere, Cabdullaahi Cabdiraxmaan Raage (Xaduur), kadib markii uu geystay weerar ka dhan ah Taliyaha ilaalada koontaroolada, Dhame Cabdi Yare.

Ciidamada booliska maamulkaas ee ka howl-gala magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay guddoomiyaha kasoo qabteen deegaanka uu maamulo ee Ceel-dheere oo kamid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Guddoomiye Xaduur ayaa lasoo warinayaa in loo haysto inuu u gacan qaadey oo uu weerarey Taliyaha Ilaalada Koontaroolada, Dhamme Cabdi Yare.

Xiisada labada mas’uul ayaa salka ku haysa sida la sheegayo kadib markii xilka laga qaadey Maxamed Axmed maxamuud oo ahaa Taliyihii hore ee Booliiska Ceel-dheere, iyadoo xilkaas loo magacaabey Faarax Geele Xiireey oo xilka kala wareegay mas’uulkii hore.

Majiro weli wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug iyo laamaha amniga oo ku aadan xariga ay saaka ciidamada boolisku kula kaceen guddoomiye Xaduur iyo khilaafka labada mas’uul ee midkood uu sababay xarigiisa.