25.6 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Wararkii ugu dambeeyey qaraxyo ka dhacay Mudug

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe qaraxyo xoogan laga maqlay deegaanka Bacaadweyne ee gobolkaasi.

Qaraxyada oo ahaa labo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu burburiyey Ceel Biyood ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in falkaasi ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo la sheegay inay qaraxyo ku xireen Ceel Biyoodkaasi.

Ceel-ka la qarxiyey ayaa muhiim u ahaa qoysas badan oo ku nool deegaankaasi iyo tuulooyinka u dhow, maadaama ay yihiin xoolo dhaqato.

Bacaadweyne ayaa waxaa marar badan ka dhacay dagaallo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyaga oo beegsada xarumaha ciidamada huwanta ah.

Mareykanka oo dib ula baxay markabkii uu Somalia usoo diray kadib isbedel yimid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa isbedel deg-deg ah ku sameysay go’aanka uu Markabka Mareykanka ee lagu magacaabo USS Nimitz uu kusii joogi lahaa meelo kamid ah biyaha Soomaaliya, xili uu Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxayo dalka.

USS Nimitz ayaa waxa dib looga celinaya biyaha Soomaaliya, sida lagu sheegay amar kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga dowladda Mareykanka oo markii hore usoo fasaxday imaanshaha Soomaaliya.

Markabka oo ah nooca diyaaradaha qaada ayaa markii hore waxa uu qorshuhu ahaa inuu gacan weyn ka geysto howl-galka Bariga dhexe ee Mareykanka, si uu caawimaad dhanka Hawada ah u siiyo ciidamada Mareykanka ee howl-galada wada.

Amarkan cusub ayaa lagu tilmaamay inuu qeyb ka yahay oo uu ku yimid daabulitaanka Ciidamada Mareykanka iyo cabsi la xiriirta in xukuumadda Iiraan ay fuliso weerar aargoosi ah oo la xiriira dilkii uu Mareykanka u geystey hoogaamiyaheedii Qaasim Suleymaani.

Madaxweynaha kasii dagaya xilka Mareykanka, Donald Trump ayaa hore u amray in ciidamada Mareykanka ee ka jooga Soomaaliya laga soo saaro, kuwaasi oo loo daabuli doono dalalka Kenya iyo Jabuuti, oo ay ka fulin doonaan howl-galadooda qaarada Afrika.

Ciidamada laga saarayo Soomaaliya ayaa waxay kor u dhaafayaan ku dhawaan 700 Askari, kuwaasi oo badanaa dowladda iyo ciidamada Soomaaliya ka caawin jirey dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare oo soo saaray digniin deg deg ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare ee Ciidanka qalabka sida, Maxamuud Axmed Xasan Dalab oo maanta xilka la wareegay, ayaa markii u horeysay digniin culus u direy ciidanka dowladda.

Digniinta guddoomiyaha cusub oo si toos ah ugu socotay ciidanka dowladda Soomaaliya ee ka howl-gala Saldhigyada, ayaa waxa uu faray inay marka hore hubin iyo sugid soo mariyaan dadka ay soo qabtaan ka hor inta aysan usoo gudbin maxkamadda.

“Talisyada Saldhigyada waxaa looga baahan yahay hubin iyo sugida dadka ay soo qabtaan ka hor inta aysan u soo gudbin Maxkamada Ciidanka Qalabka sida” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sarre ee ciidanka qalabka sida.

Sidoo kale waxa uu xusay in looga baahan yahay talisyada saldhigyada booliska inay hubiyaan oo eegaan galka iyo marqaatiyada dadka lasoo qabtay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in hanaanka dacwd gudbinta ay usoo maraan nidaam waafaqsan sharciga dalka u yaalla.

Guddoomiyaha cusub ayaa ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo heli lahaa adeeg cadaaladeed oo siman, isla markaana ay ku qancaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed iyo bahda ciidanka qalabka sida.

Dalab ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha maxkamadda sarre ee ciidanka qalabka sida, wuxuuna sheegay inuu  isbedelo tayeysan ku sameyn doono hanaanka cadaalada.

Si kastaba, dhawaan unbey aheyd markii xilkaan loo magacaabay guddoomiye Dalab, kaasi oo uu hore u hayn jirey Liibaan Cali Yarow.Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sarre oo digniin hor leh direy

Ma haboon tahay in xilligan ay DF gasho heshiis shidaal?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Muqtaar Ibraahim oo u warramay BBC-da ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qorshaha shidaal qodista ee ay haatan wado dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowaan dib u dhigtay saxiixa xirmooyinka shidaalka ee dalka.

Maxamed Muqtaar ayaa marka hore shaaca ka qaaday in xilligan aysan Soomaaliya geli karin heshiis shidaal, islamarkaana lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah.

“Runtii waqti u fiican oo Soomaaliya ay heshiis shidaal geli karto ma’aha dhowr arrimood dareereed,” ayuu yiri wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay labo arrimood oo kala ah:- dhaqaalaha adduunka, gaar ahaan sicirka shidaalka oo hadda aad u hooseeya Covid-19 dartiis iyo siyaasadda Soomaaliya oo aan fadhin, islamarkaana lagu jiro waqti kala guur ah & doorashooyin.

Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta xukuumada fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Muqtaar Ibraahim ayaa soo jeediyey inay haboon tahay in arrimaha shidaal qodista iyo heshiisyada la galayo loo daayo dowladda cusub ee imaan doonta.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in labada shirkadood ee heshiiskan doonaya ee kala ah Liberty iyo Coastline Exploration Petroleum oo horay loo oran jiray Soma Oil and Gas ay yihiin shirkado yar yar, oo aan laheyn waayo aragnimo dheer marka loo eego kuwa kale ee ka shaqeeya arrimaha shidaal qodista, gaar ahaan in laga soo saaro badda.

Sawiro: Shabaab oo caleemo saaray suldaanka beesha Jareer ee Jubbooyinka

0

Jamaame (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa xaflad caleemo saar ah deegaanka Booriini ee duleedka ka ah dagmada Jamaame ugu sameysay Suldaan cusub oo ay u sameeyeen beelaha Jareer ee daga gobollada Jubbooyinka.

Suldaanka cusub ee beelaha Jareer ee daga Jubbooyinka waxaa lagu magacaabaa C/raxmaan Cali Cabdi.

Xafladda lasoo agaasimay waxaa lagu qabtay geesta wabiga Jubba, waxaana suldaanka cusub lagu soo dhaweeyay Kitaabka Qur’aanka kariimka, qoray AK47 ah iyo sidoo kale gaari aan nuuciisa la sheegin.

Al-Shabaab ayaa badanaa doorta Nabadoonno iyo Salaadiin taageersan kuwaas oo ay u dhiibaan talada beelaha Soomaalida oo ay deegaanadooda ku xoogan yahiin.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegay in doorasho loo galay Suldaanimada isla markaana uu kusoo baxay Cabdiraxmaan Cali Cabdi.

Kulan u socda R/W ROOBLE iyo CC SHAKUUR + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in hadda uu shir gooni ah u socdo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulankaas oo ah mid ay albaabadu u xiranyihiin ayaa waxaa la sheegay in labada masuul ay uga wadahadlayaan hannaanka doorashooyinka iyo tabashooyinka ka jira.

Shirkan oo hadda ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa soo bilowday salaadii makhrib ee caawa kadib, welina waa uu socdaa.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu wakiil ka yahay golaha ay ku mideysanyihiin Midowga Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la sheegay in kulankan uu dalbaday Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhowaan sheegay inuu la fariisanayo cid kasta oo tabasho ka qabta arrimaha doorashada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xubin ka ah golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo aad u diidan hanaanka ay dowladda federaalku u hir-gelineyso arrimaha doorashada dalka.

Faahfaahin: Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi. Kaas oo lala beegsaday gaariga afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe, xilli uu mararyey wadada 21-ka October, gaar ahaan agagaarka isgoyska Afisyooni.

Afhayeenka ayaa la sheegay in uusan la socon gaarigiisa markii qaraxa lala beegsaday, waxaana la soo werinayaa khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Afhayeenka booliska Sadiiq Doodishe oo qoraal kooban soo dhigay bariisa Facebook-ga ayaa yiri, “Caawa abaare 8:55 fiidnimo ayeey miino la dhigay wadada 21- Oct dhinaceeda argagixisadu la eegteen dad iyo gaadiid marayay oo uu ku jiro gaarigayga, walow xiligaas aanan la socon.”

Qoraalka Afhayeenka ayaa intaas ku sii daray, “Ilaahay mahadii cidna waxba kuma gaarin gaarigayga. Inkastoo dad wada marayay ay wax ka soo gaareen, ilaahay ha u booga dhayo qofkii wax ku noqday.  Argagixisadu nama cabsi gelin karto, nafteena horay ayaan uqidmeeynta ummadda ugu hibaynay, ajashuna ilaahay ayeey gacantiisa ku jirtaa.”

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof shacab ah oo wadada marayey uu ku geeriyooday qaraxaas, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo kale oo aan illaa hadda si rasmi ah loo ogaan inta ay dhanyihiin.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray qaraxa kadib, kuwaas oo hakad geliyey dhaq-dhaqaaqa wadada, waxayna halkaas ka sameeyeen baaritaano, aan ilaa hadda la shaacin cid lagu soo qabtay.

Xog: Farmaajo, Fahad, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen oo kulmay iyo rajo cusub oo jirta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynayaasha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed  Lafta Gareen iyo kan Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ay maanta kulamo gaar gaar ah Muqdisho kula yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Kulanka koowaad ayaa ka dhacay xarunta Taliska Nabad sugidda ee Habar-Khadiijo, waxuuna dhex-maray Qoor Qoor, Lafta Gareen iyo Fahad Yaasiin.

Dhinacyada ayaa kulankaas uga wadahadlay caqabadaha ka jira doorashada, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo iyo doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland.

Labadaas qodob ayaa ah caqabadaha ugu waaweyn ee hor taagan in la guda galo hir-gelinta hanaanka doorashada dalka.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa markii uu soo dhamaaday kulankaas ay la yeesheen Fahad Yaasiin kadib, waxay si wadajir ah ugu tageen Madaxweyne Farmaajo, iyagoo kala hadlay isla arrinta doorashada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa la sheegay inuu dadaal ugu jiro, sidii xal loogu heli lahaa khilaafka doorashada, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo iyo kuraasta xildhibaanada metelaya Somaliland.

Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan inay jirto raja ah, in madaxdu isugu yimaadaan kulan kale, si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafkan ragaadiyey doorashada dalka.

14 qodob oo xasaasi ah oo laga soo saaray shirweynaha Beelaha Hawiye (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka qabsoomay shirweynaha Beelaha Hawiye kaas oo ay kasoo qeybgaleen odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirka waxaa laga soo saaray war-murtiyeed lagu soo koobay xaaladda wadanka dhanka doorashooyinka, arrimaha amniga iyo xaaladda kala guurka, waxaana ku jira baaqyo loo diray madaxweyne Farmaajo.

Arrimaha ugu muhiimsan ee laga dhex heli karo war murtiyeedka waxaa ka mid ah in dowladda loogu baaqay iney qabato doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo xalaal ah iyo iney joojiso in saraakiisha ciidamada ay siyaasadda ku dhex lifaaqdo.

Halkaan ka Akhriso War-murtiyeedka:

1- In Beelaha Hawiye is cafiyaan, meelna uga soo wada jeestaan danahooda.

2- In degdeg la dhiso Gole Guurti oo taladu ka go’do.

3- In la dhiso Dowlad Goboleedka Banadir State iyo Guddi loo magacaabo dardar gelinta maamulkaasi,

4- Si loo badbaadiyo dalka waa in la qabto doorasho la isla ogol yahay oo ku dhacda waqtigeeda

5- In talada xal u raadinta Doorashada in laga qeyb geliyo dhamaan Saamileyda siyaasadeed sida dowladda, maamul Goboleedyada iyo mushirixiinta xilka Madaxweynaha si loo helo doorasho la isku racsan yahay.

6- Shirweynaha wuxuu uga digayaa Madaxweynaha dowladda Federaalka cawaaqib xumidda ka dhalan karta fuquuqda iyo heyb sooca lagu hayo saraakiisha iyo ciidamada kasoo jeeda beelaha Hawiye.

7- In ciidamada qaranka laga qeyb galinaayo ku lug lahaanshaha loolanka siyaasadeed

8- Shirweynaha wuxuu uga digayaa shirkadaha Caalamiga ah ee Batroolka soo saara inaysan hehsiis la gelin dowladda watigeeduu dhammaaday, heshiisyadaasina aysan ka dhaqan geli doonin degaanada Beesha hawiye

9- In la joojiyo daandaansiga lagu hayo musharixiinta madaxweynaha ee kasoo jeeda Beesha Hawiye.

10- In lagu dhaqmo dastuurka dalka oo caddeynaya in ogolaansho la’aan la abaabuli karo, lagana qeyb geli karo bannaabaxyada nabadeed.

11- Shirweynaha wuxuu cambaareynayaa falkii lagu rasaaseeyay shacabkii bannaanbaxa nabadeed dhigayay, waxayna dalbadeen in askarigii rasaasta ku riday bannaanbaxayaasha la hor keeno maxkamad.

12- In Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi looga danbeeyo xulista xildhibananada Waqooyi

13- Haddii la gaaro muddada xil heynta ka horna la gaari waayo xal siyaasadeed in la dhiso Gole Qaran oo xilka sii haya muddada kala guurka.

14- In Dowladda ay joojiso qalalaasaha iyo isku dirka ay ka wado Gobolka Hiiraan.

Dowladda Talyaaniga oo soo faro-gelisay muranka ka taagan doorashada Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Talyaaniga ayaa billowday dadaallo ay xal ugu raadineyso muranka ka taagan doorashada Soomaaliya, xilli baarlamanka dalka uu waqtiga ka dhacay, madaxweynahana uu ku dhow yahay.

Safiir ku-xigeenka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Massimiliano Bertollo ayaa maanta Muqdisho kula kulmay guddiga lagu mursansan yahay ee Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Guddiga ayaa ka warbixinaya kulanka ayaa sheegay in laga wadahadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee horay loo qaaday waafaqsanna heshiiskii ay bishii September ee sanadkii hore gaareen dowladda dhexe iyo dowald goboleedyada.

Safiirka ayaa guddiga lagu muransan yahay u sheegay in Talyaaniga uu daneynayo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho la wada ogol yahay oo xor iyo xalaal ah, wuxuuna guddiga kula taliyey inay sidaas sameeyaan.

Dhanka kale gudoomiyaha guddiga Maxamed Xasan Cirro ayaa uga mahad celiyay dowladda Talyaaniga kaalinta ay kaga jirto taageerada la siiyo xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga waxey safiir ku xigeenka dowladda talyaaniga u sheegeen iney diyaar u yahiin hirgalinta doorasho loo siman yahay.

Kulankaan ayaa imaanaya xilli la filayo inuu dib u dhac ku yimaado jadwalkii doorashada ee lasoo saaray, sidoo kalana wali waxaa jirta in musharaxiinta xilka madaxweynaha aysan ku qanacsaneyn guddiga.

Arrimaha doorashooyinka iyo fulintooda wali waxaa saaran calaamad su’aal iyadoo muddo xileedka xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay uga hartay in ka yar 35 Maalmood.

Xog: Lafta-gareen oo billaabaya doorashada kadib markii la siiyey laba xil

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee lagu muransan-yahay ayaa bilaabay hirgelinta jadwalkii doorasho ee dhawaan qarka u saarna fashilka, kadib markii ay maanta xubno guddigaas kamid ah ka dageen magaalada Baydhabo.

12 xubnood oo kamid ah guddiga doorashada ee lagu muransan-yahay ayaa gaaray caasimada maamulka Koonfur Galbeed, iyada oo la dejiyay xarunta Madaxtooyada maamulkaas.

Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, xubnaha guddigan ayaa Baydhabo u tagay sidii ay uga qaban lahaayeen maamulkaas doorashada Aqalka Sarre, taasi oo ka dhigaysa maamulkii u horeeyay ee lagu qabto doorashada lagu muransan-yahay.

Waxa weli uu khilaaf xoogan ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan hirgelinta heshiiskii doorasho ee 17-kii September ee sanadkii hore lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa daba socota heshiis hoose oo ay madaxda dowladda federaalka la galeen madaxweynha Koonfur Galbeed, sida ay ilo xogogaal ah u sheegen Caasimada Online.

Lafta-Gareen ayaa qabashada doorashada Aqalka Sarre oo bilow u noqoneysa hirgelinta doorasho ay dood ka taagan tahay uu ku bedeshay labo xil oo muhiim ah.

Waxa uu dhawaan madaxda dowladda federaalka u gudbiyay labo xubnood oo uu watay kuwaas oo loo kala magacaabay xilalka Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dr. Maxamed Ibraahim Nuur, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).

Xiisada cakiran ee ka dhalatay hanaanka doorashada dalka ayey arrintan uga sii dari kartaa, maadama ay hore uga digeen musharaxiinta mucaaridka qabashada doorasho aan loo dhameyn.

Cadaadiska ay waddo QM oo sii kordhay iyo Swan oo la kulmay Mahdi Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka oo xiligan xiisad hor leh ka abuuray dalka iyo arrimo kale oo la xiriira kaalmada Qaramada Midoobay.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diirada u saaray muranka doorashooyinka iyo sidii loo gaari lahaa xal kama dambeys ah oo ay ku qanacsan yihiin dhamaan saamileyda siyaasada.

James Swan ayaa saacadihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka waday kulamo gooni-gooni ah, kuwaasi oo uu la qaadanayay saamileyda siyaasada dalka.

Waxa uu mas’uuliyiintaas kala hadlayay James sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada, iyada oo uu ugu dambeeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor.

Sidoo kale waxa uu horey kulan ula qaatay ra’iisal wasaaraha dalka, dhamaantoodna waxa uu cadaadis ku saarayay in xal kama dambeys ah laga gaaro muranka doorashada.

Doorashada soo socota ee 2021-ka ayaa waxa hareeyay muran baahsan, iyada oo ilaa hadda aysan muuqan u diyaar garow dhab ah, xili muddo kooban ay ka harsan tahay.

Maxay isku raaceen Xasan Sheekh iyo SACIID DENI?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kalena kamid ah midowga musharixiinta mucaaridka oo weli ku sugan magaalada Garoowe ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Puntland, Saciid Deni.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha ku gadaaman, xili uu gabaabsi yahay muddo xileedka dowladda madaxweyne Farmaajo.

Labada mas’uul ayaa isku raacay inay muhiim tahay in meesha laga saaro khilaafka doorashooyinka, isla markaana la iskugu imaado shirweyne loo dhan yahay.

Waxay sida wad-jir ah usoo jeediyeen in si deg-deg ah shirweyne loo qabto, taasi oo looga arrinsanayo doorashada, si horey loogu socdo oo ay xiisada taagan ka dhalan dib u dhac.

Kulankan oo qeyb ka ah kulamo siyaasadeed oo maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, ayaa waxa looga arrinsanayey arrimaha doorashooyinka oo xiligan uu ka taagan yahay muran xoogan.

Madaxda dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka ayaa ku muransan hanaanka doorashada, taasi oo ay walaac xoogan ka muujiyeen beesha caalamka.

Labada dhinac ee iskaga soo horjeeda doorashada ayaa kala magacaabay guddiyo doorasho, midaasi oo god fog kusii rideysa in xal dhexe laga gaaro arrimaha doorashada, inkasta oo aan la ogeyn halka ay sal dhigan doonto.

Shirka HAWIYE oo furmay iyo Xaad oo ku dhowaaqay dhismaha maamul cusub

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirweynaha wadatashiga beelaha Hawiye ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirkaan ayaa horay loo sheegay in la diiday qabsoomidiisa, balse dib u dhac hal maalin ah kadib wuxuu qabsoomay maanta, waxaana furitaanka shirka si adag dowladda dhexe ula hadlay Maxamed Xasan Xaad.

Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa sheegay in dalka ay ka jirto xaalad adag isla markaana madaxweyne Farmaajo uu doonayo inuu qabto doorasho uu rabo inuu ku shubto, wuxuuna ugu baaqay inuu sameeyo wixii loo sameeyay.

“Madaxweyne Farmaajo waxaan ka rabnaa inuu qabto doorasho xalaal ah, waa in laga heshiiyo doorasho, xalaal noqoto, wadar la isla ogol yahayna ahaato, hadii intaas la waayo wixii ka yimaada madaxweynaha isagaa qaadaya masuuliyadda wixii ka yimaad,” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Dhanka kale Xaad wuxuu sheegay iney sameynayaan guddi soo dhisa maamul uu leeyahay gobolka Banaadir, isla markaana aysan aqbali hadda wixii ka dambeeya in cidda maamuleysa aan wareegto madaxweyne lagu magacaabin.

Nabadoonka wuxuu sheegay in shirkaan guddi maamul u dhisa Banaadir lagu dhisi doono isla markaana aysan Banaadir sidaan kusii shaqeyn karin.

DF oo dhaq-dhaqaaq ka billowday Gedo + Ujeedka

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada lugta ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Janaraal Maxamed Tahaliil Biixi oo socdaal ku maraya gobolka Gedo ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada dowladda iyo shacabka degmada Doolow.

Janaraal Biixi ayaa kala hadlay saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya, sidii ay u xoojin lahaayeen dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Sidoo kale wuxuu ujeedka socdaalkiisa ku sheegay dardar-gelinta howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan gobolkaasi.

“Ujeedka aan u bilaabay socdaalka Gedo, la kulanka Saraakiisha, Askarta & qaybaha kala duwan ee Bulshada waa ka shaqeynta xasiloonida, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Cadawga, qiimeynta howlgalada Ciidamada & ka xorreynta Nabad-diidka ah ee kala qob-qobay 8-da Degmo iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin Shacabka” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray shacabka gobolka Gedo, isaga oo ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan degmooyinka gobolkaasi.

“Waxaanu rajeyneynaa shacabka inuu gacan nagu siin doono sidii looga dul qaadi lahaa cadowgaas,” ayuu sii raaciyey taliyaha ciidanka Lugta Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan geysay gobolka Gedo ayaa muddooyinkii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday inta badan degmooyinka gobolkaasi, gaar ahaan deegaanada u dhow xuduuda dheer ee ay wadaagaan dalalka Soomaaliya & Kenya.

R/W Rooble oo la kulmaya musharaxiinta mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xal u raadinayo muranka ka taagan doorashooyinka ayaa bilaabayo kulamo xal raadin ah oo uu la qaadanayo musharaxiinta.

Rooble ayaa lagu wadaa in maanta kulan gaara oo qado ah la yeesho  siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah midowga musharraxiinta ee sida weyn uga soo horjeedo hannaanka ay dowladda federaalka ku wajaheyso doorashada.

Sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha waxaa kulankan intiisa badan diirada lagu saarayaa tabashada ay qabaan bahda musharraxiinta mucaaradka dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa kulanka dalbaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo doonayo in xal mideysan laga gaaro doorashooyinka dalka ee 2021.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey cadaadis kala kulmeysay beesha caalamka oo dalbatay in heshiis dhab ah laga gaaro doorashada.

Si kastaba musharraxiinta mucaaradka oo hadda intooda ku badan ku sugan Garoowe ayaa si weyn uga soo horjeedo guddiyada doorashooyinka dalka ee lagu dhowaaqay.

Afar ka mid ah shirkadaha Muqdisho oo galay heshiis ka dhan ah SHACABKA

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Afar ka mid ah shirkadaha duulimaadka ee ka hawlgala magaalada Muqdisho ayaa ku heshiiyay iney sare u qaadaan qiimaha tikidhada ee gobolada dalka iyo duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi.

Caasimada Online ayaa heshay nuqul ka mid ah heshiiska ay gaareen afarta shirkadood oo ay ku saxiixan yahiin wakiilo ka socda shirkadahaas, waxaana muuqata in aad sare loogu qaaday qiimaha tikidka duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi.

Shirkadaha ayaa ku heshiiyay in qofka weyn ee doonaya inuu ka safro Muqdisho una safro Nairobi uu bixinayo 260$ halka caruurta ay bixinayaan 230$, waana qiimo saa’id ah maadaama markii hore uu ahaa 140$.

Wakiilada ka socda shirkadaha ku heshiiyay qiimo kordhinta oo kala ah: Daallo Air, Salaam Air, Freedom Air & Premier Air ayaa arrimahaan kala hadlay wasiiradda gaadiidka ee dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland, waxeyna markaan doonayaan iney arintaan ka dhaadhiciyaan maareyayaasha garoomada iyo Wakiilada hay’adda Duulista Hawada.

Shirkadahan ayaa sidoo kale ku heshiiyey in ay kordhiyaan qiimaha Tikit-ka lagu raaco diyaaradaha u kala goosha gudaha dalka iyaga oo go’aamiyey in ay joojiyaan tartanka u dhexeeya ee dhinaca qiimaha iyo adeegga, sidaas awgeed waxa ay ku heshiiyeen hal diyaarad oo keli ah ay tagto maalinkii halkii ay laba ilaa saddex diyaarad geli jireen duulimaad maalinkii.

Sida ay sheegeen madax kamid ah hay’adaha duulimaadka Soomaaliya, Shirkadaha Jetways, Paf, iyo Silver Stone oo fadhigoodu yahay Kenya kana mid ah Shirkadaha ugu waaweyn ee  Soomaaliya ka Kireeya diyaaradaha ayaan illaa hadda kordhin  Qiimaha ay shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliya uga Kireeyaan diyaaradaha, hase yeeshee Daallo Air, Salaam Air, Freedom Air & Premier Air ayaa go’aansaday in ay qalaiyeeyaan Qiimaha Tikit-ka si ay u sameeyaan Faa’iido badan.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada, Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo hay’adda Duulista rayidka ayaan weli ka hadal heshiiska lagu kordhinayo Qiimaha Tikit-ka diyaaradaha iyo sida ay shirkaduhu u abuurayaan Jawi Monopoly ama tartan la’aan ah kaas oo halis ku ah ganacsiga duulimaadka Waddanka.

Qorshe kala ayaa soo ifbaxay oo ay heshiis ku noqdeen afartaan shirkadood taasoo ah iney ka maarmaan tartankii u dhaxeyn jiray ee dhanka qiimaha isla markaana maalintiiba ay baxdo hal shirkad taasna ay kaa saacidi karto iney sare u qaadaan duulimaadka gobolada dalka.

Lama oga qiimaha saxda ah oo ay sare u qaadeen tikidhada gobolada dalka, balse heshiiska ayaa ka dhigan iney ka maarmayaan tartankii dhanka qiimaha ee mar walba u dhaxeyn jiray maadaama ay ugu yaraan saddex shirkadood maalintii duulimaad wada sameyn jireen.

CC Shakuur oo beeniyay arrin uu sheegay Xundubey

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa beeniyay hadal uu warbaahinta u sheegay wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale, kaas oo ahaa in la xiray ninkii bastooladda ula baxay shacab dibad-baxayey.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u warramayay idaacadda VOA-da qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay inaan la xirin shaqsigaas, wuxuuna intaas ku daray iney jimcahii ku arkeen aagga madaxtooyada.

“Mala xirin, anagaa og, ma xirna, waxaan heynaa sawir uu jimcahii hor taagnaa madaxtooyada oo aan la wadaagnay madaxda dowladda, hadduu xiran yahay ha lagu qanciyo gabdhahii uu xabadda ku riday hana la tuso, warka wasiirka sax maahan, ma xirna hadii inta la xiro sharciga la marsiiyo waan ku qanceynaa,” ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xilli Wasiirka Amniga uu xaqiijiyay in shaqsigaas uu ka tirsan yahay ciidamada booliska, islamarkaana uu ahaa ahaa dharcad

Xundubey ayaa intaas ku daray in falkaas uu ahaa qalad dhacay, isla maalinkii ay dhacdadaas dhacdayna lasoo xiray ninka falkan ka dambeeyey, ayada oo uu hadda sugayo in la marsiiyo sharciga, sida uu hadalka u dhigay.

“Horta ogow ninka hadda aad ka warrameysaan islamarkii waa lasoo xiray, waa nin la yaqaan booliska ayuu ka tirsanaa, dharcad ayuuna xirnaa. Sharciga ayaa la marsiinayaa, sharcigana cid ka weyn ma lahan, qaladkana waa dhacayaa, cid kasta ayuu ka dhacayaa. Ninkaas waxaa laga qaatay go’aankii ku habboonaa,” ayuu yiri Xundubey.

Villa Somalia oo war kasoo saartay heshiiska dalalka Sucuudi Carabiya iyo Qatar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa markale looga hadlay arrimo ku aadan xiisada dalalka Khaliijka, gaar ahaan heshiiska horudhaca ah ee ay gaareen dowladaha Sucuudiga iyo Qatar.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu horreyn boggaadisay waan-waanta iyo dadaalka joogtada ah ee ay waddo Kuweyt, ee xalka horudhaca ah looga gaaray xiisadaasi.

Sidoo kale waxa ay Villa Soomaaliya soo dhoweysay bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta boqortooyada Sucuudiga iyo dowladda Qatar.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar,” ayaa lagu yiri warsaaafadeedkan.

Qoraalkan ayey sidoo kale ku sheegtay dowladda Soomaaliya inay muhiim tahay soo celinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah.

Ugu dambeyn Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday inay ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo iypo wax wadaqabsi

“Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah,” ayaa makale lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey go’aan dhex-dhexaadnimo ah uga qaadatay xiisada diblomaasiyaasadeed ee ka dhex aloolsan dalalka Sucuudiga iyo Qatar.

Jadwalka doorashada oo fashil ku dhow mar labaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli muran xoogan iyo is jiid-jiid uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka, iyada oo mar labaad uu fashil ku dhow yahay jadwalkii ay horey u soo saareen guddiga doorashooyinka dalka.

Maanta oo ay ku beegan tahay 5-ta bisha Janaayo sanadka 2021-ka ayaa waaa la filayey in la qabto codsiyada musharraxiinta u taagan Golaha Aqalka Sare, sida ku cad jadwalka doorashooyinka oo sidoo kale 29-kii bishii la soo dhaafay uu is-bedal ballaaran ku yimid.

Sidoo kale waxaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ka jira dalka ayaa looga dalbaday inay soo gudbiyaan liiska xubnaha u tartamaya Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Doorashada Aqalka Sare ayaa ugu dambeyn loo asteeyey inay dhacdo 7-14 Janaayo, balse weli uma muuqato in la qaban karo, maadaama ay ka harsan tahay labo cisho, islamarkaana aan la diiwaan-gelin musharraxiinta u taagaan xubinimada Aqalka Sare.

Dhinaca kal Villa Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu dadajinayo qabashada doorashadan, si loo dhaqan-geliyo jadwalka ka soo baxay guddiga weli lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka, waxaana haatan gudaha magaalada Muqdisho ku sugan madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo taageersan dowladda dhexe.

Si kastaba waxaa weli halkeedii ah cabashada ay musharraxiinta mucaaradka ka muujinayaan hannaanka doorashooyinka iyo guddiyada ka shaqeynaya intaba.