26.9 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

CC Shakuur oo 3 ujeedo ka leh taageerada dhaqaale ee uu weydiistay shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah musharax Madaxweyne ayaa shacabka Soomaaliyeed weydiisay in loogu tabaruco lacag uu ku galo tartanka doorashada Soomaaliya.

Muuqaal uu iska soo duubay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu baahiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in uu u baahan yahay lacag uu ku galo tartanka doorashada Soomaaliya, si looga maarmo gacan hoorsiga shisheeyaha iyo maalgelinta dowladaha kale, kuwaas oo ugu dambeyn saameyn ku yeesha go’aanada dowladda iyo guud ahaan siyaasadda Soomaaliya.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku qasabtay inuu taageero weydiisto bulshada Soomaaliya, taas oo aan wali dhicin taariikhda Soomaaliya balse caadi ka tahay dunida kale ee hormartay.

Hogaamiyaha Wadajir ayaa la aaminsan yahay inuu tallaabadan ka damacsan yahay saddex ujeedo oo kala ah.

1- Inuu isaga weeciyo eedaha loo jeediyay dhowr jeer oo hore taasi oo taageerayaasha dowladda ku sheegaan inuu xariir la leeyahay Kenya iyo Imaaraadka Carabta islamarkaana ay siiyaan taageero lacageed.

2- In uu ku raadinayo magac islamarkaana uu noqdo siyaasigii ugu horeeyay ee taageero dhaqaale weydiistay shacabka isagoo musharax ah, taasi oo muujineysa inuu yahay hoggaamiye dadka ku xiran.

3- Iyo In uu uga hormaro siyaasiin kale oo qorshahaan la aaminsan yahay in ay damacsanaayeen ku dhawaaqista qorshahaan oo kale, waxaana siyaasiintaas la aaminsan yahay inuu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Saacadihii la soo dhaafay ayaa aad loogu hadal haayaa baraha bulshada ee Internet-ka iyo goobaha la isugu yimaado ee Muqdisho codsigii musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaas oo ahaa inuu u baahanyahay lacag uu ku galo tartanka doorashada Soomaaliya.

Uganda oo qaar kamid ah ciidankeeda kala baxeysa Soomaaliya kadib xaalad cusub oo soo wajahday

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa si toos ah u sheegay inuu Soomaaliya kasoo bixinayo qaar ka tirsan ciidamada dalkaas ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Musaveni ayaa sheegay inay soo wajahday xaalad adag oo u baahan in laga gudbo inta lagu guda jiro howlaha sugidda amniga Doorashooyinka ka dhacaya gudaha dalkaas 14 January, sidaas darteedna ay lagama maarmaan noqotay inay soo bixiyaan qaar ka tirsan ciidamadooda ee ku sugan gudaha Soomaalya.

Wuxuu sheegay in duruufo amni ay ku qabsatay inay qaar ka tirsan ciidamadooda kala soo baxaan Soomaaliya , isagoo xusay inay ciidamadaas si gaar ah u ilaalin doonaan doonaan Amniga Guud ee Caasimadda daka Uganda ee Kambala.

“Xubnaha Mucaaradka waxay ku hanjabeen inay gubayaan kaalimaha shidaalka ee Kampala. Waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo inaysan jirin cid gubaysa Kampala, ”ayuu yiri Museveni.

Cabsida la xiriira dhinaca amniga ee dalka Uganda ayaa timid wixii ka dambeeyay markii uu dhacay dhawaan iska horimaadyo maalmo socday oo u dhaxeeyay taageerayaasha mucaaradka, kadib markii Boolisku xireen Musharax Madaxweyne ahna Muusikiistaha Caanka ah ee lagu Magacaabo Robert Kyagulanyi.

Dowladda Uganda ayaa ah dowladda ugu badan ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada ku howlgalla Magaca AMISOM, iyaga oo Ciidamada dowladda ka taageeraya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Madaxda ugu sareyso ee midowga Africa kama aysan hadlin go’aanka ay Uganda Soomaaliya uga saareyso qaar ka tirsan ciidamadeeda, sidoo kalana Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin.

Gudaha Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo kor u dhaafaya illaa 17 kun oo askari oo qeyb ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, waxayna ciidamadaas ka kala yimaadeen Uganda, Burundi, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia.

YUUSUF GARAAD oo soo bandhigay intuu ka yaqaan weriye Axmed Cabdinuur

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ay mudo dheer soo wada shaqeeyeen Weriye Axmed Cabdinuur oo galabta ku geeriyooday dalka Ingiriiska ayaa si kooban uga warbixiyey taariikhdiisa.

Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aad uga naxay geerida Axmed Cabdi Nuur oo muddo dheer ay ka soo wada shaqeeyeen BBC Soomaali iyo warbaahinta Qaranka.

“Axmed wuxuu ahaa weriye caan ku ah warbaahinta Qaranka, Radio Muqdisho oo uu wararka iyo Sportiga caan ku ahaa iyo Teleifishinka Qaranka oo uu midkood ahaa labadii weriye ee ugu horreeyay ee u kaltami jiray akhrinta wararka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Yuusuf Garaad.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Markii iigu horreysay ee aan barnaamij idaacad ka akhriyo wuxuu ahaa labadii weriye ee aan la akhriyay midkood. Mar ayuu noqday weriyaha Madaxweynaha Soomaaliya ka hor dagaallada. Waxay ahayd markii uu saaxiibkii Cawke oo ahaa weriyaha Madaxweynuhu uu shil baabuur galay oo gacan ka jabay.”

“Mar kale wuxuu noqday Madaxa Xafiiska Wararka iyo ka dib, Madaxa Radio Muqdisho. Wuxuu noqday weriye BBC uga soo warrama Muqdisho qaar ka mid ah xilliyadii ay ugu colaadda badnayd, ka dibna xarunta BBC Bush House iyo Broadcasting House ee London ayuu sannado badan ka shaqeeyay,” ayuu qormadiisa ku yiri Yuusuf Garaad oo 14-sano madaxa ugu sareeya ka soo ahaa BBC Somali.

Kumuu ahaa Axmed Cabdinuur?

Allaha u naxariistee Axmed Cabdinuur wuxuu magaalada Ceelbuur ku dhashay sanadkii 1955-kii.

Waxa uu wax ku bartay magaalada Muqdisho oo uu uga baxay dugsigii Macallin Jaamac, kadibna wuxuu dhigtay Jaamacaddii Lafoole.

Sanadkii 1982-kii ayuu ku biiray Radio Muqdisho, kadibna wuxuu ka mid noqday raggii ugu horreeyay ee lagu billaabay telefishinka Qaranka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayuu uga soo warrami jiray Iddaacada BBC, waxuuna mar ka sheekeyey waxyaabihii uu la kulmay intii uu Muqdisho uga waramayey BBC.

“Waqti adag ayay ahayd, waayo magaaladu waxay u qaybsanayd waqooyi iyo koofur oo ay kala xukumayeen hoggaamiye-kooxeedyo aad isaga soo horjeeday. Dalkana sharci iyo kala dambayn kama jirin waqtigaas, BBC-duna waxay ahayd isha keliya ee laga heli karo warar Soomaaliyeed oo sax ah,” ayuu yiri Axmed Cabdinuur mar uu ka sheekeynayay taariikhdiisii shaqo ee BBC-da, xilligii uu ka fariistay shaqada sanadkii 2019-kii.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Siyaasiyiinta qaar ama taageerayaashooda ayaa hanjabaad ii soo diri jiray sida ‘waan ku dilaynaa’ marka ay dhibsadaan warbixinta aan sii daayay, waayo waxay rabaan in warka loo dhigo sida ay iyagu jecel yihiin. Mid ka mid ah ayaa maalin igu canaantay ‘horta maxaad warka u baraxdaa waxa aan kuu sheegay oo keliya maad sheegtid’ Aad ayaan uga taxaddari jiray waxa aan idaacadda ka sheegayo, waxaana iska ilaalin jiray inaan xiriir dhow oo gaar ah la yeesho dhinacyada siyaasadda isku haya midkood.”

IRAN oo xariga TRUMP ku wargalisay hay’adda Interpol

0

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Islaamiga ah ee Iran ayaa xariga madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump mar kale ku wargelisay hay’adda Booliska caalamiga ah ee Interpol.

Afhayeenka garsoorka xukuumadda Iran Gholamhossein Esmaili ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay hay’adda Interpol ka codsatay in la xiro Donald Trump iyo saraakiil kale oo mareykan ah.

Afhayeenka wuxuu sheegay in xubnahaas ay u aqoonsadeen iney ka dambeeyeen dilkii Janaraalkii muhiimka u ahaa dowladda Iran ee Qassem Suleimani kaas oo sanadkii hore lagu dilay dalka Ciraaq.

3-dii January sanadkii 2020 ayey aheyd markii diyaarado aan duuliye laheyn ay garoonka diyaaradaha magaalada Baqdad ku duqeeyeen janaraalkii ugu awoodda badnaa dalka Iran.

Qassem wuxuu sidoo kale hogaan u ahaa siyaasadda sirdoonka dibadda ee dalka Iran, wuxuuna ahaa xubin firfircoon oo ay ku tiirsaneyd xukuumadda Islaamiga ah ee IRAN.

Dilka loo geysaty Janaraalka muhiimka u ahaa xukunka dowladda Islaamiga ah ee Iran waxaa loo arkay mid aan sharci aheyn ama aan sabab laheyn, waana tan keentay iney tallaabadaan qaadaan.

Bartamahii sanadkii hore ayey aheyd markii xukuumadda Iran ay soo saareen warqad lagu xirayo saraakiil ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga dalka Mareykanka iyo xulufada aqalka cad, balse wali wax ka suuragalay ma jiraan.

Muddo hal sano ah ayaa laga joogaa dilka Janaraalka, waxaana jiray in Iran ay ballan qaaday iney aargudan doonto, iyadoo ay taasi jirto ayey markii labaad codsadeen in la xiro madaxweynaha talada kasii dagaya ee dalka Mareykanka.

Donald Trump ayaa la filayaa inuu bishaan January baneeyo xafiiska aqalka cad, waxaana kursiga ku fariisan doona Joe Biden oo doorashadii sanadkii dhamaaday la qabtay kaga guuleystay, waxaana la leeyahay waxaa jirta fursad sahli karta in Iran ay eedeymahaas ku ciqaabaan madaxweynaha sii socda.

Qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo ay ka soo baxayaan warar kala duwan.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta Soomaaliyeed oo ku socdaalayey wadadaasi oo isku xirto isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka ee magaalada Muqdisho

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof oo ahaa wade mooto Bajaaj ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo ay dhaawacmeen 5 askari oo ka mid ah ciidamada qaraxa lala eegtay.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa caasimada ka dhacayey qaraxyo nooca miinada ah, iyadoo midkii ugu dambeeyey uu habeen hore ka dhacay wadada 21 October ee degmada Waabari, kaas oo lala eegtay gaariga Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali.

Rooble iyo CC Shakuur oo war kasoo saaray kulankii ay caawa yeesheen + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraallo ka soo kala baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa faahfaafin looga bixiyey kulan uu Ra’iisul wasaaruhu la yeeshay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ahaa mid uu dalbaday Ra’iisul wasaaruhu ayaa ka dhacay xafiiskiisa, waxaana diiradda lagu saaray khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka wada hadlay qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka la xiriira arrimaha doorashada iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhami xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo niyad jab ku ah shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka laga soo saaray kulankaas.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu kulankaas wakiil uga ahaa golaha uu ka tirsan yahay ee Midowga Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale xaqiijiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto dhammaan siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha doorasha dalka, si uu uga dhageysto talooyinkooda, loona sii ambaqaado qabsoomidda doorasho loo dhanyahay,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalkan oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna qoraal uu ka soo saaray kulanka uu la yeeshay Ra’iisul wasaare Rooble, waxa uu sheegay inay uga wadahadleen khilaafka doorashada, isla markaana uu balan qaadyo u sameeyey.

“Waxaan maanta xafiiskiisa kulan ku yeelanay Raysalwasaaraha Dawlada Federaalka ah, mudane Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan ka wada hadalnay tabashada doorashooyinka ee la xariira guddiyada, arrinta Somaliland iyo Gedo. Wuxuu balanqaaday in uu diyaar u yahay xalinta tabashooyinka iyo xaqiijinta doorasho si nabad ah oo daahfurnaan leh ku dhacda. Waxaan kaloo ka wada hadalnay xorriyada ololaha doorashooyinka oo ay ka mid yihiin kulamada dadwaynaha iyo dibadbaxyada iyo laga wada shaqeeyo xasiloonida dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri CC Shakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xubin ka ah golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo aad u diidan hanaanka ay dowladda federaalku u hir-gelineyso arrimaha doorashada dalka, waxaana la sheegay in kulankaan ay iyagu u soo wakiisheen.

Xogta rasmiga ee guddiga doorashada heer gobol ee loo diray Koonfur Galbeeed

Baydhaba (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha guddiga doorashada ee heer dowlad gobaleed islamarkaana ka socda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa Caasimada Online u faah faahiyay sababta rasmiga ah ee loo geeyay Baydhaba.

Xubnaha guddigaan ayaa sheegay in ka hor inta aysan ka bixin magaalada Muqdisho ay la kulmeen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen islamarkaana uu u sheegay in ay ku laabtaan Baydhaba, balse aysan qaban wax shaqo ah ilaa laga heshiiyo doorashada Soomaaliya.

Dadka aan la hadalnay ee guddigaan ka tirsan ayaa sheegay in lagu wargeliyay in ay sii dagaan Baydhabo islamarkaana ay diyaar sii noqdaan inta heshiis laga gaarayo doorashada Soomaaliya si markaas ay durba u shaqa galaan.

Sidoo kale Xubnaha Guddiga ee aan la hadalnay ayaa loo sheegay in ujeedka loo diraayo uu yahay in lagu cabsi geliyo Musharaxiinta Mucaaradka iyo in la eego tallaabada ay qaadayaan haddii guddiyada dib loogu celiyo degaanadooda si doorashada loo qabto.

Arrintaan ayaa u muuqata in guddiyada kale ee Maamul Gobaleedyada Galmdudug iyo HirShabeelle ay dib ugu laaban doonaan degaanadooda si ay usii dagaan islamarkaana loo tijaabiyo talaabada ay qaadi karaan Mucaaradka oo aad u diidan doorashada Soomaaliya.

Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa la rumeysan yahay inuu yahay madaxweyne goboleedka ugu daacadsan ee saddexda madaxweyne goboleed ee ka amar qaata Villa Somalia, islamarkaana aanu marnaba kusoo hadal celin.

Sawirro: Wasiiru-dowlihii madaxtooyada Soomaaliya oo isku sharxay madaxweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali ibraahim (Baqdaadi), ayaa isku soo sharaxay xilka madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiir Baqdaadi waa waayo arag siyaasadeed oo soo qabtay xilal kala duwan, isagoo kasoo billaabay agaasimenimo kadibna ka mid ahaa baarlamaanka muddo 12 sano ah, halkaasi oo uu xubin ka ahaa guddiyo kala duwan.

Wuxuu sidoo kale kasoo mid noqday Golaha Wasiirada, isaga oo soo noqday wasiirka awqaafta, wasiiru dowlaha cadaaladda, wasiiru dowlaha madaxtooyada, wasiir ku-xigeenka waxbarashada.

Baqdaadi ayaa ah aqoonyahan haysta shahaadada Master-ka ee takhasuska Fikirka Islaamka.

Baqdaadi ayaa saaxiib dhow la ahaa madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu wax kasoo dhisay xilligii doorashadiisa, wuxuuna kadib u noqday garab isaga gacan ka gaystay inuu ka gudbiyo marxalado badan oo xasaas ahaa.

Xaaladaha siyaasadeed ayaa Baqdaadi uu gacan ka gaystay inuu madaxweynaha ka caawiyo qaboojintooda ayaa waxaa ka mid ah xasaradihii ka dhashay Qalbi Dhagax, iyo is-casilaadii Jawaari.

Wuxuu sidoo kale door ka cayaaray dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa is-sharaxidda wasiirku u arko inay culays wayn ku tahay madaxwaynaha, iyo inuu lumiyey garab muhiim ah oo saamayn wayn leh.

Barnaamij siyaasadeedkiisa waxa uu ku soo koobay sideed qeybood oo muhiim u ah dalka, kuwaas oo kale ah: Xasilooni siyaasadeed, xasilooni amni, sareynta sharciga, harumarinta nidaamka cadaaladda ee dalka, la-dagaalanka musuq-maasuqa, horumarinta adeegyada bulshada, horumarinta dhaqaalaha dalka, cilmi-baaris iyo tiknoolojiyad horumarsan.

Musharax Baqdaadi waxaa lagu tilmaamaa shakhsi adeegsada diblumaasiyad, siyaasiyiintana ku dhex leh saamayn iyo ixtiraam, kana soo jeeda qoys taariikh ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed oo ahlu diin ah, kana qeyb qaatay faafinta diinta.

Weriye AXMED CABDINUUR oo maanta geeriyooday

0

Mid ka mid ah wariyeyaashuu rug-caddaaga ahaa ee ugu caansanaa laanta Afsoomaaliya ee BBC-da ayaa ku geeriyooday magaalada London ee waddanka Ingiriiska.

Axmed Cabdinuur, oo Soomaalidu ay si weyn magaciisa iyo codkiisaba u yaqaanneen ayaa u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida ay noo xaqiijisay xaaskiisa.

Warka ku saabsan geeridiisa ayaa aad uga nixiyay guud ahaan shaqaalaha BBC-da, gaar ahaan asxaabtii ay isla soo shaqeeyeen iyo kuwii uu tusaalaha lagu daydo u ahaa.

Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.

Horaantii sanadkii 2019-kii ayuu ka fariistay shaqada BBC Soomaali, maadaama ay laanta Afsoomaaliga barnaamijyadeedii London oo dhan usoo wareejisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaan idin soo gudbineynaa waayihiisa weriyennimo intii uu la joogay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC iyo waxyaabihii u la soo kulmay intii uu saxaafadda ku soo jiray.

Muqdisho ayuu uga soo warrami jiray iddaacada, wuxuuna ka sheekeynayaa waxyaabihii uu la kulmay intii uu ka shaqeynayay magaaladaasi.

”Waqti adag ayay ahayd, waayo magaaladu waxay u qaybsanayd waqooyi iyo koofur oo ay kala xukumayeen hoggaamiye-kooxeedyo aad isaga soo horjeeday. Dalkana sharci iyo kala dambayn kama jirin waqtigaas, BBC-duna waxay ahayd isha keliya ee laga heli karo warar Soomaaliyeed oo sax ah”.

Siyaasiyiinta qaar ama taageerayaashooda ayaa hanjabaad ii soo diri jiray sida “waan ku dilaynaa” marka ay dhibsadaan warbixinta aan sii daayay, waayo waxay rabaan in warka loo dhigo sida ay iyagu jecel yihiin. Mid ka mid ah ayaa maalin igu canaantay “horta maxaad warka u baraxdaa waxa aan kuu sheegay oo keliya maad sheegtid”. Aad ayaan uga taxaddari jiray waxa aan idaacadda ka sheegayo, waxaana iska ilaalin jiray inaan xiriir dhow oo gaar ah la yeesho dhinacyada siyaasadda isku haya midkood.

Waxaa kaloo dhibaato ahayd sidii wararka lagu heli lahaa iyadoo isgaarsiintii dalku burburtay markii ay dhacday dowalddii milateriga 1991-dii.

Marka aad warka diyaarisana waxaa dhib ahayd sidii aad u soo diri lahayd sababtoo ah Internet iyo telefoonka gacanta ma jirin waxaa keliya oo la adeegsan jiray telefoonka guriga oo tayadiisu aanay aad u wanaagsanayn. Codadka iyo waraysiyada waxaan ka shidi jiray rikoor markaas ayaan telefoonka saari jiray si studio London loogu duubo.

Wuxuu u soo wareegay xafiiska Nairobi

Si dhaqso ah ayaan ugu soo caanbaxay shaqada fiican ee Muqdisho aan ka qabtay wuxuuna madaxii laanta, Maxamed Cabdullaahi ii fidiyay fursado aan ku sii horumaro sida tababarro aan London u imid iyo inaan marmar si ku-meel-gaar ah uga shaqeeyo xafiiska Nairobi oo berigaas uu joogay Allaha u naxariistee Axmed Maxamed (Taajir) oo keliya.

Intii aan xafiiskaas ka shaqeynayay waxaa dhacay qaraxyadii Al-Qaacida ku qaadday safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daresalam. Keligey ayaa waqtigaas xafiiska joogay, waayo Axmed London ayuu ku maqnaa. Idaacad kasta oo baxaysa war ayaan u soo diri jiray.

Kaddibna xafiiska London

Markii dambena, sanadkii 2000 London ayaa shaqo laga iga siiyay, muddo sanad iyo bar ah dabadeedna waxaan qaatay fasax lacag la’aan ah. Labo sano kaddib ayaan BBC-da ku soo laabtay wixii waqtigaas ka dambeeyayna London ayaan ka shaqeynayay marna weriye madax bannaan ayaan ahaa marna shaqaale rasmi ah.

Shaqada London qudheedu ma sahlanayn, waayo shaqaale yaraan ba’an ayaa na soo martay. Waxaa jirtay beri aan keligey qaban jiray shaqooyinka soo saare, tebiye, war akhriye iyo farsamayaqaan oo weliba xilli habeen ah si barnaamijka subaxii u baxo.

Muddadaas dheer ee aan saxaafadda gudaha iyo tan caalamka ku soo jiray, laga soo bilaabo 1982, waxyaabaha is-beddelay waxaa ka mid ah: qaabka dadku u fekero, waagii aan warbaahinta dowladda Soomaaliya ka shaqayn jiray lama oggolayn in su’aal adag la weydiiyo madaxda sare, hase yeshee kuwa maanta jooga fursaddaas ma haystaan waayo wax adag iyo wax aan jirin intaba waa la weydiiyaa.

Kaalinta haweenka ee ka qayb galka hawlaha warbaahinta ayaa iyaduna si weyn isu-beddeshay oo tiradoodu aad u korortay.

BBC waa hay’ad aad u wanaagsan marka la eego qaddarinta shaqaalaheeda iyo ka go’naashaha inay dhegeystayaasheeda siiso warar run iyo dhexdhexaad ah.

Axmed Cabdinur ayaa BBC-da la shaqeynaayay ku dhowaad 25 sano.

Xigasho: BBC SOMALI

Xog: Cabdi Xaashi oo lagu qanciyay afar xubnood

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, afar xubnood oo ka socda dhanka guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu dari doonaa guddiga doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi oo ay dowladda horay u magacowday.

Ilaha xogta siiyay Caasimadda Online waxey intaas ku dareen in is fahamkaan lagu gaaray magaalada Garowe, oo ay ku shireen dhinacyada isku haya arrintan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Guuleed ayaa kulan ku yeeshay Garowe intii uu socday shirkii ay soo qaban qaabisay hay’adda Heritage, waxaana lagu gaaray is fahamka ah in afar xubnood la siiyo Cabdi Xaashi laguna daro guddiga hadda.

Cabdi Xaashi wuxuu horay si cad uga soo horjeestay guddigii ay dowladda magacowday, isagoo ku dooday inuu yahay qofka ugu sarreeya ee matalaya dadka kasoo jeeda gobollada waqooyi isla markaana uu xaq u leeyahay inuu soo xulo guddiga doorashada, balse sida la tabinayo waxaa lagu qanciyay in afar xubnood loogu daro guddiga.

Sida muuqata guddiga ay dowladda magacowday ee qaabilsan Doorashada Xildhibaannada Gobollada Waqooyi wey shaqeyn doonaan maadaama is faham laga gaaray.

Guddiga doorashada heer Federaal oo ay dowladda magacowday aan lagu wada qanacsaneyn, waxaana si cad uga hor yimid dhammaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu wax ka badalo qaabka loo wado guddiyada doorashada kadib cadaadis uga yimid beesha Caalamka iyo musharixiinta.

Maxa tahay arrinta dib u dhigtay heshiiskii la filayey ee DF iyo shirkadaha shidaal?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa uu dib u dhac ku yimid heshiis lagu waday in ay Dowladda Soomaaliya la saxiixato laba shirkadood, si ay sahmin shidaal, baaris iyo qodisba uga sameeyaan dalka.

Heshiiska shidaalka oo dorraad illaa shalay la fillaayay in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay, ka dib markii ay soo baxeen arrimo aan lagu sii tala-gelin.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskan la galeysay labada shirkadood oo dibadda laga leeyahay, laguna kala magacaabo Coastline iyo Liberty.

Madaxda labada shirkadood oo maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta dib uga dhoofay, sida ay wararku sheegayaan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in khubaro ka tirsan Baanka Adduunka ay walaac ka muujiyeen inaan heshiiska loo marin xeerka qandaraasyada lagu bixiyo, dowladana ay dib isugu laabatay, si la isku waafajiyo shuruucdaas iyo hannaankii la rabay in loo maro.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Axadii si weyn uga horyimid heshiiska la fillayay in Dowladda Federaalka ay Magaalada Muqdisho kula saxiixato shirkadahaasi shisheeye.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sababeeyay sababta ay u diidan yihiin heshiiska uu Golaha Midowga Musharaxiinta sheegay in ay Dowladda Federaalka dooneyso inay la gasho labaasi shirkadood.

“Walaaca noo muuqdo wuxuu yahay, xog waxaan helnay in Wasaaradda Batroolka ee Dowladda Federaalka ay dooneyso inay heshiis la gasho laba shirkadood, heshiiskaasoo la xiriira ruqsad siin ay ku bixineyso ruqsad baaris shidaal lagu sameynayo dalka meelo ka mida, arrintaasaa walwal iyo walaac weyn aan ka qabnaa, saasaana ku soo saarnay qoraalka aan la wadaagnay dadka Soomaaliyeed iyo shirkadihii ay arrintaan quseysay, intaba,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Sharciyada shidaalka iyo hannaankiisa ma dhameystirna, sidaad la socotaan sharciga wadaagga khayraadka weli lagama heshiinin, sharciga canshuuraha la xiriira wixii ka soo baxa khayraadka dabiiciga weli ma dhameystirna, sharciga iibka shidaalka isna ma dhameystirna. Marka sharciyadii la xiriiray shidaalka hay’adda waad la socotaan xukuumaddii xil gaarsiinta Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed uu sii haayay ayaa lagu ansixiyay oo sharci darro ayay ahayd oo ma haysanin xukuumadaas kalsoonida Baarlamaanka.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka oo dhan iyo habla gua wado uu yahay sharci-darro, sida uu sheegay.

“Waxa dhan ayaa (kow) sharci darro ku dhisan, (Labo) waxaan sharki weyn ka qabnaa xilliga lagu soo aadiyay, iyadoo dhawr iyo afartan maalmood ay ka harsan tahay xilka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in la yiraahdo shirkado shidaal ayaa heshiisyo lala gelayaa waqtiga aadka u kooban ee ka dhiman muddo xileedkii Madaxweynaha iyo Hay’adaha Dastuuriga, Baarlamaanka tiisiina ay dhammaatay. Waxaan u aragnaa maslaxo qaas ah oo ololaha doorashada lagu gelaayo inay tahay, hantina looga raadinayo shirkadahaasi. Marka anaga walwalkaasaa qabnaa, waana ka digeynaa, Madaxweynahana qoraalaa u dirnay, shirkadaha arrintaas raba inay galaana qoraalaa u dirnay,” ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo la hadlay BBC.

Waa maxay sababta uu mas’uulkan Soomaaliyeed uga cudur daartay inuu booqday dalkiisa Somalia?

0

Victoria (Caasimadda Online) – Sharmaake Dubow oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Victoria ee dalka Canada ayaa raaligelin ka bixiyay booqasho uu fasaxiisa sanadkii tagay ee 2020 ku tagay Soomaaliya.

Bartiisa bulshada ayuu soo dhigay bayaan ka turjumaya raaligelintiisa, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu u hogaansamayo habraaca caafimaad ee maxaliga ah, wuxuuna hadalkiisa gadaal ka raaciyay inuu dhawr jeer maray tijaabooyin caafimaad.

Inkastoo baaritaanno kale la marin doono xildhibaanka hadda wuxuu ku sugan yahay magaalada Vancouver oo uu karantiil ku yahay, muddo laba todobaad ayuuna halkaas baaqi kusii ahaan doona.

Sharmaake Duubow wuxuu ka mid yahay dhawr siyaasi oo jabiyay xeerka xayiraadaha safarka ee loogu talagalay in looga fogaado xanuunka dunida dhibaateeyay ee Covid19, sida ay warbaahinta gudaha baahiyeen badankood siyaasiyiinta wey iska casileen xilka ay hayeen walow Sharmaake uu raaligelin bixiyay.

Sharmaake si toos ah ayuu u sheegay inuusan dooneyn inuu iska casilo xilka, isla markaana uu sii wadi doono adeegga uu u hayo deegaanka uu matalo, wuxuuna sheegay in markii ugu horreysay muddo ku dhaw 30 sanadood uu tagay Soomaaliya.

Sharmaake isagoo dareensan inuu qaatay go’aan aan fiicneyn ayuu hadana ku adkeystay inuu xilkiisa sii haayo, waxaana cajiib ah inuu kursigaan ku guuleystay sanadkii 2018 isagoo kaliya muwaadin Canadian ah noqday sanadkii 2017.

Turkiga oo soo gudbisay codsi ku aadan dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye kadib qaraxii ka dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan looga hadlay sida laga yeelayo weerarada lagu bartilmaameedsado Muwaadiniinta Turkida ah ee Soomaaliya ku sugan gaar ahaan Howlwadeennada ku howlan dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye oo dhowr jeer lagu qarxiyay.

Diblumaasiga ugu sareeya Turkiga ayaa Talaadadii la kulmay Milkiilaha shirkada En-Ez ee qaadatay mashruuca ay bixisay Dowladda Qadar ee dib loogu dhisayo laamiga 30-ka KM ah ee ka baxa Caasimadda Dalka kuna xira Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mevlut Cavusoglu ayaa fadhiga uu la yeeshay Hidayet Zorlu oo ah Milkiilaha Shirkadda Turkiga ee ku guuleysatay Tartanka loo galay cidda qaadaneysa dib u dhiska wadadaan oo ah qayb kamid ah kaalmada taageeraha ah ee Xukuumadda Dooxa ay siisay dhiggeeda Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa dalbatay in uusan joogsan mashruuca lagu dhisayo laamiga xiriiriya Muqdisho & Afgooye oo laga dhisay ku dhawaad 20 KM, waxaana xusid mudan in Xukuumadda Ankara ay ku waysay Injineero & howlwadeenno kale oo la shaqeyneysay, halka kuwo kale ay dhaawacmeen.

Xukuumadaha Muqdisho & Ankara ayaa cambaareeyay qaraxii ugu dambeeyay oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa Sabtidii 2-da Janaayo 2021 ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ku dhintay kuna dhaawacmay Howlwadeenno & askar ilaalo u ahayd, mas’uuliyadda waxaa dusha saaratay Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay dadaallada Qoor Qoor ee doorashada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulamo xal raadin ah oo saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ku dhex-maray madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo looga hadlay xaaladda dalka.

Wararka ayaa sheegaya in madaweynaha Soomaaliya uu aqbalay dadaalladii uu waday Qoor Qoor oo ergo ka ahaa madaweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Labad dhinac oo yeeshay kulamo is xig-xigay, islamarkaana uu qeyb ka ahaa taliyaha NIA Fahad Yaasiin ayaa diirada lagu saaray caqabadaha ka jira doorashooyinka dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa la’isku afgartay in arrinta gobolka Gedo la xalliyo ka hor doorashada, sidoo kalena la bilaabo dib u heshiisiin labada dhinac ah.

Sidoo kale waxaa is fahamka la gaaray qeyb ka ah in la kala bedasho kuraas muhiim ah, sida saddex kursi oo kala taalla magaalooyinka Garbahaarey iyo Kismaayo.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in xal horudhac ah laga gaaray muranka ka taagan doorashada xildhibaanada Gobolada Waqooyi ama Somaliland, iyada oo la’isku afgartay in is-bedal lagu sameeyo guddiyada uu muranka ka jiro.

Si kastaba waxaa laga war dhowrayaa jawaabta madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo haatan ku sugan Garoowe, si horey loogu sii amba qaado wada-hadallada.

Xog: Muudey oo culeysyo la saaray dartood isaga joojiyay shaqadii golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online xog ku heshay, waxaa culeysyo badan oo la saaray shaqada baarlamaanka isaga joojiyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Villa Somalia iyo Guddoomiye Mursal ay si-wadajir ah ugu sheegeen in aysan ku qabin kalsooni, islamarkaana uu abaabulay qorshe ay baarlamaanka ay go’aan uga gaarayaan mustaqbalka Soomaaliya maadaama uu waqtigooda dhamaaday, sidoo kalane uu khilaaf jiro.

Villa Somalia ayaa u sheegtay Guddoomiye Muudeey in ay heleen xog tilmaameysa inuu abaabulay Xildhibaano Mucaarad ah oo qorsheeyay diyaarinta Mooshin ay ugu magac dareen “Badbaado Qaran” kaas oo qorshaha ahaa in xilka laga qaado Madaxweynaha kadibna muddo kooban lagu qabto doorashada Soomaaliya, iyadoo kusime laga dhigayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa hadda haawanaya Xafiiskiisa waxa uuna fadhi u noqday shaqaalaha Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo dad kale, waxaana la sheegayaa inuu iska furan yahay, halka markii uu hore uu furaha isaga qaadan jiray.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu hada dalka ka maqan-yahay, kuna sugan yahay Nairobi, waxaana sidoo kale dhacday in isagoo joogo dalka islamarkaana maqanyahay guddoomiyaha uu shir guddoomiyay ku xigeenka 2-aad ee Mahad Cabdalla Cawad.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Guddoomiye Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey balse muddooyinkaan kama soo muuqan Warbaahinta iyo fadhiyada baarlamaanka isagoo maqan iyo isagoo joogaba.

Xukuumadda Puntland oo shaacisay inay bixineyso magta Nadiiro Faysal Shire

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee marxuumad Nadiiro Faysal Shire oo dhowaan lagu dilay magaalada Garoowe.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay bixineyso magta gabadhaasi yar oo 15 sano jir aheyd, islamarkaana u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ciidamada ammaanka Puntland dhowaan ku fureen dad dibad-baxaal ah oo ku sugnaa Garoowe.

Warqaddan ayaa lagu socod-siiyay wasaaradda Maaliyadda Puntland, islamarkaana la ogeysiiyay qoyska marxuumadda oo horey u dalbaday inay helaan cadaalad.

Sidoo kale waxaa qoraalka loogu caddeeyey ehellada marxuumadda in mas’uuliyadda ay la waregtay dowlad goboleedka Puntland.

Shalay ayey aheyd markii warsaaxafadeed ka soo baxay xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland, si adag looga hadlay dhacdadaasi dilka ah.

Wiil Soomaali ah oo wiil kale oo Soomaali ah arrin yaab leh ugu dilay Switzerland

0

Geneva (Caasimada Online) – Muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Fahad Shire Yasin ayaa lagu dilay magaalada Geneva ee dalka Switzerland sida wariyay wargeyska 20 Minuten ee kasoo baxa dalkaas.

Qoys deegaan ku ah magaalada Geneva ayey la xiriirta qisadaan, waxaana warbixinada la qoray lagu sheegay in ninka dilka geystay oo magaciisa lagu sheegay Mohamed Ahmed uu ka carooday in xiriir lala sameeyay xaas ay kala tageen oo afar caruur ah u dhashay.

Dilka waxaa loo adeegsaday Tooreey, sidoo kalana Mohamed wuxuu dhibaato soo gaarsiiyay xaaskiisii hore iyadoo hadda ay taallo mid ka mid ah isbitaalada magaalada Geneva.

Shaqsiga dilka geystay, sidoo kalana dhibaatada u geystay xaaskiisii hore waxaa da’diisa lagu sheegay 32-jir, wuxuuna u shaqeynayay shirkad cunnooyinka dadka ugu geysa guryaha.

Booliiska ayaa qabtay, waxeyna weydiin doonaan su’aalo la xiriira falka uu geystay iyadoo sharciga dalka Switzerland u yaalla uu yahay inuu wajaho xabsi inta u dhaxeysa shan ilaa sideed sano.

Sidoo kale muwaadinka wax dilay dhawaan ayuu soo galay dalka Switzerland wuxuuna wajahi doonaa musaafuris marka uu dhameysto xabsiga.

Daawo: Jeneraal Galaal oo farriin xasaasi ah u diray beelaha Hawiye + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen waxgaradka beelaha Hawiye oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku taliyey in Soomaaliya hoggaanka loogu dhiibo beelweynta Hawiye, isagoo shaaciyey sababta uu u yiri sidaas.

Waxa uu sheegay in beelweynta Hawiye ay ugu dad badantahay qoymiyadda Soomaaliyeed, isla markaana ay haatan ku haboonaa laheyd in hoggaaminta Soomaaliya looga dambeeyo Hawiye, sida uu hadalka u dhigay.

“Markii tira koob la sameeyey waxaa la ogaaday in dadka Soomaaliyeed 38% ay yihiin Hawiye, waxaa ku xiga Isaaqa oo 25% ah, waxaa ku sii xiga Daaroodka oo 18% ka ah Soomaalida,” ayuu yiri Jeneraal Galaal.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Waxaad fiirisaan 38 iyo 18 tirada u dhaxeysa, marka dadka ugu badan waa Hawiyaha, sharciguna waxa uu qabaa in tirada badan ay wax hoggaamiso, marka waa in Hawiyuhu hoggaamiyaa Soomaalida.”

Waxa uu sheegay in Beesha Hawiye la yiraahdo ay tiro iyo tayaba leedahay, balse waayihii dambe ay wax ka jireen dhanka talada, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Inaan hormuud noqono Soomaaliweyn oo xuquuqdeenii raadsano, tii dadka kalena raadino, wax ka yari nama deeqaane, waxaan soo jeedinayaa inaan Soomaaliweyn ku raadino tiradeena iyo tayadeena intaba,” ayuu Jeneraal Galaal hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Muqdisho ay tahay magaalo adkeysi badan oo soo marti gelisay dhibaatooyin lixaad leh, isagoo soo jeediyey in Muqdisho loo aqoonsado inay tahay ‘magaaladii geesinimada’.

Hoos ka Daawo

CC SHAKUUR oo qaaday tallaabo yaab leh oo aan looga baran musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabduishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa taageero dhaqaale ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed, isagoo si toos ah bulshada uga dalbaday inay hiil iyo hoo’oba la garab istaagaan, si uu ugu guuleyso xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Muuqaal uu iska soo duubay siyaasigan ayaa qeybihiisa dambe lagu soo bandhigay akoonnada iyo lambarrada uu ku dalbanayo inay taakuladooda u soo mariyaan dadka doonaya hoggaamintiisa.

“Waxaan caawa si toos ah taageero u weydiisanayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibad, walaalayaal sida aad ogtihiinba ma jiro olole doorasho oo ka maarma garab istaaga dadkiisa, adduunka oo dhana waxaa looga dhaqmaa in dadka u tartamaaya xilka madaxtinimada ay taageero weydiistaan dadkooda,” ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabduishakuur ayaa sheegay inuu meesha ka saari doono caadada ah in dhaqaale doorashada lagu galo la weydiisto dal shisheeye, taas oo sida uu sheegay meesha ka saareysa in dalku qaato go’aano masiiri ah oo madax-banaan.

“Waxaa ayaan darro ah inay caado noqotay, in lagu faano taageero ajanebi iyo dhaqaale laga helo dowlado shisheeye,taas oo keentay in qof kasta oo xilka Soomaaliya ku soo baxa uu maxbuus u noqdo cidii taageerta go’aankeeda,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabduishakuur ayaa hadalkiisa ku sii daray, “Anagoo ka duuleyna inaan ka xorowno taageerada ajanebiga iyo gacan hoorsiga shisheeyaha, iyo in go’aankeena nalala yeesho, ayaan shacabka Soomaaliyeed waxaan weydiisaneynaa inay nagu taageeraan wax kasta oo ay noo awoodaan, si go’aanka iyo talada ay shacabka Soomaaliyeed u yeeshaan.”

Hoos ka Daawo

Boqorka Daarood oo soo dhaweeyay heshiiska…

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse boqorka beesha Daarood ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay ku heshiiyeen dalalka walaalaha ah ee Sacuudiga iyo Qatar; isagoo bogaadiyay tallaabada hordhaca ah ee furidda Xuduudaha cirka iyo dhulka ee labadaa dal.

Boqorka ayaa intaa ku daray war-murtiyeed uu soo saaray maanta kuna qornaa Afka-Carabiga “ waxaan bogaadin iyo mahad-celinba u dirayaa dowladda Kuwayd oo dadaal midho-dhal leh ka soo hooyday heshiisiintaan taarikhiga ah, waa mid baal dahabi ah ku qormi doonta oo la xusi doono.”

Boqorka waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in khilaafkii la dhameeyay. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in wixi khilaafkaan keenay gunta laga soo xalliyo, si ayan u soo laaban mar kale.

Wuxuu kaloo boqorku ugu yeeray – dowladihi kale ee qaybta ka ahaa go’doominta Qadar- in ay qayb ka noqdaan geeddi-socodka nabadeed ee lagu dhayayo boogihii ay keentay go’doomintu; kuna daydaan sucuudiga tubta wanaagsan ee qaaday.

Boqorku wuxuu u mahad celiyay dowladda Kuweyt wuxuuna ku amaanay dadaalladayda ay ku dhameeysay khilaafka u dhexeeyay Sucuudiga iyo Qadar, wuxuu Boqorku intaas raaciyay “ in ay amiirka Dowladda Kuwayt guddoonsiin doonaan Billad sharaf lugu maamuusayo kaalintii uu ka gaystay dib-u-heshiisiinta waalalaha xurgufta kala gaartay.”

Ma aha markii ugu horraysay ee uu boqor Burhaan arrinka gacanka Carabta ka hadlo, bishii June ee 2017-kii ayay ahayd markuu bayaan ka soo saaray hardanka gacanka Carabta, uguna baaqay dhinacyada dirirtu ka dhaxeyso gogol nabadeed oo ay beesha Daarood u fidisay.