26.9 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

SAWIRRO: Maxaa xalay ka dhacay VILLA SOMALIA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabadda Xiritaanka Tartanka Kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, isaga oo sheegay in tartankan uu kor u qaaday is-dhexgalka, walalnimada iyo midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin nabadda, xasilloonidda iyo horumarka dalkeenna, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka xagjirnimada iyo maandooriyaha, joojinta Tahriibka iyo qabyaaladda.

“Dowladdu si ay u hirgeliso Qorsheyaasha Qaran ee horumarinta ciyaaraha waa in qeybaha kala duwan ee bulshada ay doorkooda ka qaataan. Xukuumadda waxaan ku adkeynayaa in ay xoojiso isdhexgalka bulshada, taas oo ay ugu horreeyaan ciyaaraha Kubadda Cagta”.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradaha Ciyaaraha Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Ciidamada Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, dadaalkii ay ku bixiyeen qabsoomidda Tartankan ka turjumaya hor u socodka dalkeenna.

“Waxaa muuqata rajo ku aaddan in aan dib u soo ceshan karno maqaamkii iyo heerkii aan ka joognay ciyaaraha heer Gobol iyo her qaaradeedba, taasna waxaa caddeyn inoo ku filan ciyaartooyda dhallinyarda ah ee inta Koobku uu socday soo bandhigay farsamada, dabeecad wanaagga iyo xirfadda sare”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyay dhammaan Kooxihii ka soo qeyb galay tartanka, iyada oo billado la guddoonsiiyey Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir oo qaaday Koobka iyo Xulka Galmudug oo xaqiijiyey kaalinta labaad.

Munaasabadda Xiritaanka Tartanka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir waxa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo masuuliyiin ka socday Goleyaasha Dowladda.

Xog: Xasan oo ku guuleystay inuu hor-istaago qorshe ay wadday Villa SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee dalka, ayaa qaaday talaabooyin waxgal ah, kuwaas oo sababay in dowladda Soomaaliya ka laabato go’aankii ay ku saxiixi rabtay xaraashka shidaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu la hadlay madaxda Shirkadaha isku dayay in ay heshiiskaas galaan iyo sidoo kale dowladaha laga leeyahay.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la hadlay wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya, Bankiga Adduunka iyo IMF, isaga oo u sheegay in haddii heshiiskaas la saxiixo uu dhankooda ka saameyn karo maadaama Soomaaliya ay wali ku jirto hanaan deen cafin ah.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ugu dambeyn uu mira dhalay dadaalkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee uu ku diidanaa heshiiska Shidaalka Soomaaliya, kaas oo halis weyn ku ah dalka xiligaan la joogo, islamarkaana shirkadahan ay ka laabteen.

Heshiiskan ayaa la aaminsan yahay in dowladda ay ka heli laheyd malaayiin lacag ah oo ay ku gasho doorashada Soomaaliya. Ceelashaan shidaalka ayaa laga qodi rabay xeebaha magaalooyinka Hobyo iyo Baraawe waxaana heshiiskaas uu la damacsanaa in la saxiixo Isniintii toddobaadkaan.

Al-Shabaab iyo shacab uu dhex-maray dagaal culus

0

Bacaadweyn (Caasimadda Online) – Deegaanka Bacaadweyn ee ka tirsan gobolka Mudug waxaa xalay ku dagaalamay dadka deegaaka iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo weerar soo qaaday.

Sida ay sheegayaan wararka halkaas ka imaanaya, xiisadda ayaa timid kadib markii ay deegaano hoos yimaada Bacaadweyn isku aruursadeen dhalinyaro kasoo horjeeda dagaalyahanada Al-Shabaab.

Inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac iyo dadka shacabka ah, hadana dadka deegaanka oo Caasimadda Online la hadlay waxey sheegeen iney barakaceen iyadoo ay maqlayeen daryanka madaafiicda labada dhinac ay isku adeegsanayeen.

Dadka deegaanka Bacaadweyn iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dhawr jeer horay u dagaallamay kadib markii ay dadka ka dhaga-fureysteen amarada bixinta lacago ay weydiisteen dagaalyahanada.

Dagaalyahanada Al-Shabaab waa kuwa ku xoogan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana dhacay dhawr dagaal oo ay dadka deegaanada qaar kaga hor yimaadeen, waxaana ugu badan gobollada dhexe.

Israel oo war kasoo saartay dabintii la sheegay inay u dhigtay madaxweyne Trump

Tel Aviv (Caasimada Online) – Sarkaal Israeli ah ayaa ku gacan seeray oo “wax aan macno laheyn” ku qeexay hadal kasoo baxay wasiirka arrimaha dibedda Iran oo sheegay in Israel ay isku dayeyso inay Mareykanka ku qiyaameyso dagaal uu la galo iran.

Israel ayaa aheyd midd u baahan inay ka feejignaato weerar ay suurta-gal tahay in Iran ay qaado sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dilkii Qassem Soleimani, oo Mareykanka ay sanad ku hor ku dileen weerar drone ah, waxaa sidaas raadiyaha Kan u sheegay wasiirka tamarta Israel, Yuval Steinitz.

Washington ayaa maleeshiyada Iran ay taageerto ku eedeysa weeraro joogto ah oo lagu qaado xarumaha Mareykanka eee Iraq, oo ay ka mid tahay safaaradda Mareykanka. Si kastaba, ma jirto koox la ogyahay inay Iran taageerto oo sheegatay mas’uuliyadda.

Sabtidii, Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa ku booriyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuusan ku dhicin “dabinta” qorshe uu tuhusan yahay in Israel ay ku billaabeyso dagaal, ayada oo weerareysa ciidamada Mareykanka ee jooga Iraq.

“Warbixino sirdoon oo cusub oo ka imanaya Iraq ayaa sheegaya in wakiilo Israeli ah ay qorsheynayaan weeraro ka dhan ah Mareykanka, taasi oo madaxweyne Trump siineysa cudur-daar uu dagaal ku billaabo,” waxaa sidaas yiri Zarif oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

“Ka feejignow dabintan, Trump, rasaas kasta si xun ayey dib ugu soo laaban doontaa,” ayuu yiri Zarif.

Steinitz ayaa sheeegay in hadallada Zarif ay muujiyeen in Iran, kadib cunaqabteeno xooggan oo Mareykanka uu saaray sababo la xiriira barnaamijkeeda Nukliyeerka, aj wajaheyso cadaadiis xooggan, gaar ahaan cadaadis dhaqaale iyo mid amni qaran.

“Waa maqalnaa macno darrada Zarif ee ah in Iran ay billaabeyso weerar argagixiso oo ka dhan ah Mareykanka – Tani xaqiiqdii waa nacasnimo dhameystiran,” ayuu Steinitz u sheegay Kan Radio.

“Hase yeeshee dhinaca kale, waa astaan diginin ah – Digniin ah in Iran ay beegsaneyso Israel, ayna raadineyso cudurdaar ay ku weerarto Israel, sidaas darteed waxaan u baahannahay inaan sida ugu weyn u feejignaano,” ayuu yiri.

Reuters

Waa maxay ujeedka safarka uu madaxweyne Guudlaawe ku yimid MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxeyna aheyd markii ugu horreysay uu soo gaaro caasimadda tan iyo doorashadii uu kusoo baxay ee ka dhacday Jowhar.

11-kii November 2020 ayey aheyd markii loo doortay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, balse caqabado badan ayaa ku hor gudban, maadaama qaar ka tirsan deegaanadiisa laga diiday doorashadii uu ku guuleystay.

Caasimadda Online waxey heshay xog ku saabsan safarka uu Cali Cabdullaahi Xuseen ku yimid magaalada Muqdisho, taasoo laba qeyb loo kala saaray, walow hal qeyb ay tahay tan ugu weyn ee keentay caasimadda.

Xogta aan helnay waxey sheegeysaa in madaxda dowladda dhexe ay u yeertay si ay uga wada xaajoodaan caqabadaha hortaagan xukuumadiisa lagu dhisay Jowhar, maadaama laga diiday gobolka Hiiraan.

Inkastoo uusan miisaan badan ku laheyn arrimaha doorashooyinka, isla markaana guddiga doorashooyinka ee Hirshabelle uu magacaabay madaxweynahii ka horreeyay, hadana waxaa la sheegayaa inuu kulamo la qaadan doono madaxweyne Farmaajo, xildhibaanada labada aqal ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabelle iyo sidoo kale qaar ka tirsan Beesha Caalamka si uu u xoojiyo arrimaah doorashooyinka looga hadlaayo.

Doorashooyinka wali waxaa ku gudban waxyaabo badan wakhtigana wuu sii dhamaanayaa iyadoo madaxweyne Farmaajo muddo xileedkiisa uu kaga haray 30 maalmood.

Hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo xalay weerar lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in 7-dii bishan ay weerar duqeyn ah ka fuliyeen deegaanka Saaxa Weyne ee gobolka Baay.

AFRICOM ayaa sheegtay in qiimeyn horudhac ah ay muujienyso in duqeynta ay ku dhinteen shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal bartilmaameedku ahaa.

AFRICOM ayaa intaas ku jartay in illaa iyo hadda aysan jirin dad shacab ah oo la ogyahay in duqeyntaas ay waxyeelo kasoo gaartay.

“Weerarka waxaa lala beegsaday hoggaamiyeyaal Shabaab ah oo la yaqaan, kuwaas oo fududeeyey maal-gelinta, hubka, dagaal-yahanada iyo qaraxyada. Mid ka mid ah wuxuu ku lug lahaa weerar horey loogu qaaday ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida,” waxaa sidaas yiri General Dagvin Anderson oo ka tirsan AFRICOM.

“Inaan sii wadno kala dhantaalka Al-Shabaab annaga oo adeegsaneyna weeraro joogto ah, waxay muujineysaa inaan weli sii wadno ballan-qaadyada aan u sameynay saaxiibadeena,” ayuu yiri.

Weerarkii ugu dambeeyey ayaa imanaya ayada oo Mareykanka uu billaabay inuu Soomaaliya ka saaro ciidanka ka jooga, oo lagu qiyaasay 700 oo askari, kadib amar kasoo baxay madaxweyne Donald Trump.

Fursadda ay heshay Kenya ma u isticmaali kartaa inay ku beegsato Soomaaliya?

Jimcihii January 2, 2021 waxaa si rasmi ah u bilaabmay muddadii labada sanadood ahayd (2021-2022) ee Kenya ay xubin aan joogto ahayn ka noqon lahayd Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (QM). Kenya waxay June 18, 2020 kaga guuleysatay Jabuuti hal cod ka kor tirada ugu hooseysa ee laga doonayay in xubin hesho, taas oo u dhiganta saddex dalool labo meel codka 193 dal oo xubin ka ah QM.

Golaha Amniga QM waa madal culus oo dhinacyo badan leh oo awoodaheedu ay ka mid yihiin howlaha nabad ilaalinta iyo cunaqabateynta caalamiga ah. Goluhu waxuu ka kooban yahay 15 xubnood oo 5 ka mid ah ay yihiin xubno joogta ah oo leh diidmada qayaxan ee “Veto.” Halka 10 xubnood oo kale loo qaybiyay qaaradaha addunka, sanadwalbana 5 ka mid ah loo tartamo.

Kenya inay mar seddexaad ku fariisato kursiga Golaha Amniga QM kuma imaan aqbal calaami ah, oggolaasho mug leh oo ay kala timid dalalka Midowga Afrika, amase kalsooni gaar ah oo ay ka haysato gobolka Geeska iyo Bariga Afrika.

Haddaba su’aashu waxay tahay Kenya ma waxay mudnaanta siin doontaa siyaasadeeda cadaawaada leh ee ka turjumeyso danaheeda gaarka ah mise waxay u tanaasuli doontaa hormarinta nabadda iyo amniga gobolka?

Dunida ma mooga in Kenya ay carqalad ku tahay xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya. Shirkii IGAD waxaa lagu soo bandhigay inay si joogta ah ugu xadgudubto Axdiga QM iyo kan Midowga Afrika. October 2011, Kenya ciidamadeedu waxay xoog ku soo galeen gayiga Soomaaliya. Markii Golaha Amniga ee QM ku dareen AMISOM waxay muujisay dhaqan horror ah oo ilaa maanta ay cawaaqibteeda taagan tahay.

Dhaqanka Kenya ma cusba, balse sagaal sanadood kaddib December 15, 2020 in Soomaaliya ay xidhiidhkii diblomaasiyadda u jarto waxay kashiftay wajiga foosha xun ee ay ku wajahayso Muqdisho iyadoo weliba ka mid ah ciidamada AMISOM. 

Waxaa hubaal ah in Kenya lagu tijaabin doono in madasha Golaha Amniga aysan u beddelin masrax siyaasadeed oo ay siyaasiyiinteedu ku ciyaaraan munaafaqnimo si ay u luggooyaan dib u soo kabashada dowladnimada Soomaaliya. 

Sidaas daraadeed, waxaa laga filayaa Kenya inay ugu yaraan daahfurnaan dheeri ah ku gudato waajibaadkeeda, gaar ahaan hawlaha cunaqabataynta Soomaaliya. Dhalanteedka ah in Muqdisho lagu bahdilo cunaqabatayn aan xaq ahayn amase lagu laqdabeyo qarannimadeedu siyaasiyiin caada-qaatayaal ah waa wax aan miro waxtar leh u dhali doonin labada dal ee dariska ah. Kenya ha filato inay had iyo jeer ka heli doonto Soomaaliya inta ay gashato.

Caabuqa safmareenka ah iyo hoos u dhaca dhaqaalaha adduunka waxay muujiyeen in dowlad qur ah aysan si wax ku ool ah uga gudbi karin dhibaatooyinkaas, iskaashiga dhinacyada bandanna uu yahay lagama maarmaan. Sanadkan 2021, waxuu noqon karaa sanadkii is-ixtiraamka iyo xasillinta xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya. Caabuqa Covid-19 waxuu soo bandhigay fursad lama filaan ah oo labada dal laga filan karaa inay ku xallin karaan caqabadaha horyaal. 

Haddii fursaddani ay lunto oo ay Kenya joojin waydo siyaasadda cadaawaha ah ee soo noqnoqanaya, markaas Soomaaliya uma dulqaadan doonto ku xadgudubyada sharciga caalamiga ah, waxayna diyaar u tahay in wixii aysan aqbali karin uga jawaabto go’aamo adag oo calaami ah. 

Shacbiga walaalaha ah waxay rajaynyaan in xubinnimada Golaha Amniga ee Kenya ay ka dhex abuurto labada dal ee dariska ah kalsooni si loo xalliyo caqabadda siyaasadeed, dhaqaale iyo amni. Waxa madaxda Kenya laga rajaynayaa waa is-faham iyo is-qaddarin si wax loo qabto xiisadaha salka ku haya faraggelinta siyaasadda gudaha Soomaaliya.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Ansixinta 12 safiir oo cusub oo maanta dood qabiil ka dhex abuurtay G/Wasiirrada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Khamiislaha ahaa ee golaha wasiirrada Soomaaliya waxaa maanta la hor geeyey liiska 12-safiir, si looga ansixiyo golaha, balse dood adag ayaa ka dhalatay xubnihii ku qornaa liiskaas oo la sheegay inay u badnaayeen hal beel.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa golaha hor keenay liiska ay ku qornaayeen magacyada 12-kaas xubnood si wasiirrada looga ansixiyo safiirnimadooda.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubnaha ku jira golaha wasiirrada ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag uga hor yimaadeen in cod loo qaado xubnahaas, iyagoo ku dooday in magacaabidooda aan la waafajin nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5.

“Mudane Ra’iisul Wasaare waxaan halkaan kuugu soo gudbinayaa soo jeedin magacaabis Danjireyaal ka howl geli doona dibadda, si loo dhameystiro danaha Diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay caalamka, Mudane Ra’iisul wasaare waxaan kaa codsanayaa in laga ansixiyo golaha,” ayaa lagu yiri qoraalka ay wasaaradda arrimaha dibadu ku dalbaneysay in loo ansixiyo xubnaha loo waday danjireyaasha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shir guddoominayey kulankii maanta ayaa go’aamiyey in wasiirka arrimaha dibedda uu dib ula laabto liiska xubnahaas ay ansixintoodu dooda ka dhex abuurtay golaha, isla markaana lasoo waafayo hanaanka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

12-ka xubnood ee liiskooda dib loo celiyey ayaa kala ah,

1 – Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir
2 – Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Cabdulqaadir Axmed Kheyr
3 –Abshir Xasan Abshir oo ah wiil uu dhalay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka
4 – Liibaan Sheekh Mohomud
5 –Cabdullahi Axmed Jomo
6 – Ilyaas Sheekh Cumar Abuukar
7 –Xasan Cabdi Daa’uud
8 –Sahro Xasan
9 –Saalim Moo Hagi
10 –Cali Maxamed Maxamuud
11 –Yoonis Yaasiin Xaashi
12 – Cilmi Faarax Nuur

Xubnahaan ayaa la sheegay inay u badanyihiin hal beel, taas oo dhalisay dooda ah in magacaabidooda aan la waafajin nidaamka awood qeybsiga dalka ee afar dhibic shan (4.5).

Golaha Wasiirada Somalia oo maanta ansixiyey hinside sharciyeed muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay, xaaladda guud ee amniga dalka, Xanuunka Safmarka Karoona, warbixinno ku saabsan safarro shaqo oo wasiirro ka tirsan Xukuumadda ay ku tageen gudaha dalka iyo dibeddiisa, ansixinta hindise sharciyeedka Xajka iyo hindise sharciyeedka Habka maktabadaha Soomaaliyeed.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siisay xaaladaha amniga iyo Howlgallada xasilinta dalka, waxayna tilmaameen in guud ahaan ciidamadda qaranku ay u diyaar san yihiin sidii loo sugi lahaa amniga xiligan dalka ay ka dhacayso doorashooyinka.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed doorkooda xasilinta dalka oo muhiim u ahaa horumarka laga sameeyey amniga.

Wax ka badelka Hindise sharciyeedka habka maktabadaha Soomaaliyeed oo soo gudbisay wasaaradda waxbarashada ayay goluhu ansixiyeen, iyadoo sidoo kale la meel mariyey Hindise sharciyeedka arrimaha Xajka oo Wasaaradda Diinta iyo Owqaaftu ay golaha u soo gudbisay.

Golaha ayaa warbixin faah faahsan oo ku saabsan laba kaclaynta caabuqa karoona ka dhageystay wasaaradda Caafimaadka oo ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, lagana fogaado wax walba oo ka qeyb qaadan kara faafitaanka xanuunkan.

Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Wasaaradda Caddaaladda oo safarro shaqo ugu maqnaa dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ayaa golaha uga waramay guulaha laga gaaray safarkooda.

Mahad Salaad: Shantan sifo iyo dhaqan ayey ka siman yihiin Farmaajo iyo Trump

Muqdisho (Caasimada Online)    Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isbar-bar dhig ku sameeyay madaxweynaha Mareykanka ee xilka kasii degaya, Donald Trump iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay in Farmaajo iyo Trump ay iska shabahaan dhanka kursi jaceylka iyo kali talisnimada, isla markaana doqonimo u arkaan doorasho xor ah iyo xukun isku dhiibka si nabdoon, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku xusay in labada hogaamiyo ay isku haystaan inay ka caqli badan yihiin dadka oo dhan, jecel yihiina taageerada indho la’aanta ah.

Hoos ka aqriso qoraalka uu Farmaajo iyo Trump isbar-bar dhiga ugu sameeyay Mahad.

Dhaqanka Siyaasadeed iyo Sifooyinka Farmaajo iyo Trump ka simanyihiin:

1. Hal Xisbi ayay ka wada tirsanaayeen, Doorasho xor ah iyo xukunka oo si nabad ah la isugu dhiibana doqonimo ayay u arkaan. Kursi Jacaylka iyo Kaligii Taliyenimaduna waa u sii dheertahay.

2. Dadka oo dhan in ay ka caqli badanyihiin ayay isku heystaan, in wax laga sheegana dambi ayay u arkaan, shar iyo kheyr wixii ay la yimaadaana in lagu taageero ayay jecelyihiin.

3. Dadka taageera waxay u badanyihiin CARUUR IYO CAAMO aaminsan sheekooyin khurraafi ah oo aaminsan in ay yihiin Owliyo Ilaahey iyaga u soo diray, hadii aan la adeecina balaayo aan la arag oo la maqal dalka iyo dadka ku dhacayso, dibna loo noqonayo boqolaal sano.

4. Qabyaaladeynta, kala qaybinta bulshada, dadkoo qowmiyado iyo qolo qolo la isugu diro iyo kuwa xididka la ah oo awoodda dowladnimo lagu naasnuujiyo.

5. Labadoodaba waxa loo dhiibay dal dimuquraadi ah oo si nabad ah xukunka la isugu dhiibo, maanta waxa laga dhexlayaa dal qowmiyad iyo qabiil qabiil qoorta iskula jira, hay’adihii dowlada laga aamin baxay, haybadii dowladnimadana ay burburtay!

Maraykanku waa dal hay’ado dowladeed oo sal adag u dhisanyihiin, lkn Farmaajo hada waxa uu ka shaqaynayaa nidaamka dowladeed curdunka ah ee noo dhisan in uu naga dumiyo, dalka iyo dadkana dagaal sokeeye ku qasbo, kadibna diyaarad ka raaco!

Hon. Mahad Salad

Xog: Maxaa dhacay kulankii CC Shakuur iyo R/W Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa billaabay kulamo siyaasadeed uu la qaadanayo Musharaxiinta Mucaaradka ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna 24-kii saac ee la soo dhaafay la kulmay laba Musharax oo kala Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdinaasir Maxamed Cabdulle.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ka hor inta uusan Cabdiraxmaan Cabdishakuur la kulmin Ra’iisul Wasaare Rooble uu jiray kulan dhanka Taleefonka ah oo ay wada-qaateen Xubno kamid ah Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wararka aan helnay ayaa sheegeysa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay Golaha u wakiisheen inuu ka qeyb galo kulankaas maadaama aysan badankood ku sugneyn Muqdisho, islamarkaana ay la wadaageen qodobada muhiimka ah ee doorashada Soomaaliya iyo aragtidooda.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa la sheegay in Cabdiraxmaan ay ku kalsoon yihiin markii loo eego go’aankiisa kaga aadan qabsoomida doorasho hufan oo dalka ka dhacda. Sidoo kale waa hogaamiyaha ugu miisaanka culus ee ka tirsan Golaha oo hadda ku sugan Muqdisho inkastoo la sheegay in ay jiri doonaan kulamo kale oo lala yeelan doono xubna kale oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay labadooduba shaaciyay in ay kawada hadleen doorashada Soomaaliya islamarkaana ay wadaageen aragtidooda ku aadan qaabka loo dhaqan gelinayo doorashada Soomaaliya.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in jiho rasmi ah yeelato doorashada Soomaaliya maadaama waqtiga dowladda ka harsantahay muddo 30 maalmood oo kaliya.

Guddoomiye Cumar Filish oo soo saaray digniin cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Benaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo sidoo kale ah duqa caasimada, ayaa si adag uga hadlay qashinka lagu soo daadiyo waddoyinka muhiimka ah.

Guddoomiye Filish oo maanta ka qeyb-galay munaasabad xariga looga jarayay dhismaha Bulaacad uu maamulka ka hirgaliyay inta isku xirta isgoyska KM4 ilaa dekadda Qalalan ayaa si ada uga digay qashinka lagu shubayo waddooyinka caasimada.

Waxa uu sheegay in qashinka lagu shubayo waddooyinka ay qeyb weyn ka qaadaneyso nadaafad darrada ka jirta Caasimadda.

Wuxuuna uga digay bulshada inay qeyb ka noqdaan nadaafad darada ka jirta caasimada, isagoona ku baaqay in laga wada-shaqeeyo bilicda magaalada.

Hadalka Guddoomiye Filish ayaa kusoo aadaya xili qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho ay ka muuqdaan nadaafad darro baahsan, iyada oo indhahagu qabanayaan qashin ku quban.

Waxaa arrintaas looga digay inay horseedi karto caafimaad darro iyo hoos dhac weyn oo ku yimaada bilicda caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Sawirro: R/W Rooble oo la kulmay musharaxii labaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay musharaxii labaad oo kamid ah midowga musharaxiinta mucaaridka ee sida weyn uga soo horjeeda dowladda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Xisbiga Gurmad Dr. Cabdinaasir Cabdulle Maxamed, oo ay ka wada-hadleen xallinta tabashooyinka arrimaha doorashada iyo dhowrista xasilloonida dalka.

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay siyaasiga Cabdinaasir Cabdulle Maxamed oo ka wada hadalnay arrimaha doorashooyinka, nabadgelyada iyo sidii dalka horumarkiisa wadajir loogu sii amba qaadi lahaa, waxaana is dhaafsanay tallooyin wax dhisaya, xafiiskeyguna waa furan yahay cid walba oo tabasho qabta,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Rooble oo war kasoo saaray kulankaas.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay wax walba oo tabasho ah in wada xaajood lagu dhameeyo, isagoona bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta u balan qaaday in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho ku dhacda waqtigeeda.

Waxa kale oo uu xusay in nabad-gelyada dalku ay tahay mas’uuliyad guud oo wada saaran siyaasi iyo shacab, loona baahan yahay in la wada ilaaliyo, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Rooble ayaa maalmihii u dambeeyay ku howlanaa xal u helida khilaafka doorashada ee u dhaxeeya xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo musharaxiinta mucaaridka oo muddooyinkii dambe meel gaaray meel sarre.

Kulankan ayaa noqonaya midkii labaad ee uu la qaato siyaasi ka tirsan midowga musharaxiinta, iyad oo uu shalay gelinkii dambe Madaxtooyada ku qaabilay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn uga soo horjeeda dowladda.

Waxa la filayaa in sidan oo kale maalmaha soo socda uu ula kulmo musharaxiinta madaxweynaha ee ka walaacsan hanaanka doorasho ee gadaal ka riixeyso dowladda.

Hindiya oo safiirkeedii Kenya usoo bedashay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee ANI.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Hindiya ayaa waxaa lagu sheegay in xilkaasi loo soo macaabay Dr Virander Kumar Paul oo bedalaya danjirihii hore ee dalkaasi Rahul Chhabra oo tan iyo December, 2018-kii wakiil uga ahaa Soomaaliya.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in safiirka cusub uu leeyahay waayo aragnimo dhinaca diblumaasiyadda ah, wuxuuna ka soo shaqeeyey dalalka Kenya, Romania iyo Moldova.

Dr Virander ayaa haatan ahaa safiirka Hindiya u jooga dalka Kenya, waxaana loo magacaabay bishii Augusto ee sanadkiii hore ee 2020-kii, iyada oo sababta loogu soo wareejiyey Soomaaliya lagu sheegay inay tahay inuu yahay waayo arag sii xoojin kara xiriirka iyo iskaashiga haatan ka dhexeeya labad dowladood ee Soomaaliya iyo Hindiya.

Sidoo kale waxay wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya shaacisay in safiirka cusub uu ka dagi doono Nairobi, halkaas oo uu horay ugu shaqeynayay safiirkii ka horreeyay.

Danjire Virander Kumar Paul ayaa sidoo kale la filayaa in todobaadyada soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu warqadaha aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Soomaaliya iyo Hindiya ayaa waxaa ka dhexeeya iskaashi & xiriir soo jireen ah oo dhinacyo kala duwan leh, sida caafimaadka, waxbashashada iyo adeegyo kale.

Yuu ahaa bartilmaameedka qarixii wadada Cabdiqaasim?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo qarax saaka aroortii hore ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, gaar ahaan wadada Cabdiqaasim oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta, xilli ay marayeen agagaarka dhismaha ay dhowaan ka guurtay safaaradda Qatar.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxan oo geystay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac intaba.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Hodan, Cabdikaafi Yuusuf Nuur oo wariyeyaasha kula hadlay goobta ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsanaa ciidamada Asluubta, halka qofka kale uu ahaa wade mooto Bajaajle oo marayey wadada uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Cabdikaafi oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la socday gaadiidka qaraxa lala eegtay, balse uu ka bad-baaday, wuxuuna tilmaamay in miinada ay qabsatay gaarigii ka horreeyey kan taliyaha oo ahaa baabuur Cabdi Bile ah.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadda qaraxaan, iyada oo shaacisay inuu si dirqi uga bad-badaay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, balse ay dileen qaar ka mid ah ciidamada ilaaladiisa ee la socday, sida ay hadalka u dhigtay.

Si kastaba waa sarkaalkii labaad ee ka bad-baado isku day dil ah, iyada oo oo habeen hore qarax kan la mid ah lala eegtay gaariga Afhayeenka ciidamada Booliiska oo marayey wadada 21 October ee degmada Waabari, walow uusan xilligaasi la socon baabuurka.

Daawo: Jeneral Galaal oo Hawiye hal arrin u weydiiyey guddoomiye Cabdi Xaashi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo magaalada Muqdisho uga qeyb galay shir ay isugu yimaadeen waxgaradka beelaha Hawiye, ayaa halkaas ka jeediyey talooyin dhowr ah, isagoo aad u amaanay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Jeneraal Galaal oo waxgaradka beelaha Hawiye ku bogaadinaayey inay xuquuqdooda raadsadaan ayaa sidoo kale u soo jeediyey inay dhowraan xuquuqda walaalahooda kale, isagoo si gaar ah uga dardaarmay guddoomiye Cabdi Xaashi.

“Golaha Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya waxaa guddoomiye ka ah nin la yiraahdo Cabdi Xaashi Cabdullahi, ninkaas waa nin wadani ah oo aan isagoo kale la arkin,” ayuu yiri Jeneraal Galaal.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri, “Saad ogtihiin waxuu u dhashay waqooyi, laakiin waqooyi kaliya kuma eka Cabdi Xaashi, markii la kala cararay isagu waa haray oo dalka kama cararin, marka Hawiye waxaan u soo jeedinayaa in ninkaas loo qanoosado Senator aan dhicin, oo aan ku xirneyn awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.”

Sidoo kale Jeneraal Galaal ayaa guddoomiye Cabdi Xaashi iyo ragga ku aragtida ah ugu  baaqay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan isu-raadinta Soomaaliweyn oo la isu keeno shanta Soomaaliyeed.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay dad badan ayaa maanta diyaar u ah in midnimadii la sugo, waxaad arkeysaa dad shalay aad uga soo hor jeeday midnimmada oo waqiiga Soomaaliya jiray, oo maanta soo noqday, dib u fekeray, isla markaana diyaar u ah in midnimadii la sugo,” ayuu yiri Jeneraal Maxamed Nuur Galaal.

Waxa uu sheegay inuu ka warhayo dhalinyaro iska abaabushay dalka Ingiriiska oo hal ku dhig ka dhigtay “Hadda iyo Midnimo” sidoo kalena ay jiraan warbaahin la baxday shanta Soomaaliyeed, taasna ay cadeyneyso sida dadka Soomaaliyeed ay u jecelyihiin midmimadooda.

“Waxaan maqlayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ay ka muuqato dib u feker xoog leh inuu ku jiro, maalin dhaweed markii uu tegay Kenya waxuu yiri, ‘anaga xuquuq waan raadsaneynaa, laakiin xuquuqdeena marna kuma raadineyno in Soomaali la karbaasho. Waxow kaloo yiri aniga nin iga Soomaali-san adduunka kuma noola” ayuu Galaal hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Jeneraal Galaal ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Somaliland Cigaal mar laga qoray inuu yiri, “Waxaan hubaa in Soomaali mar un isku soo noqaneyso.

Hoos ka Daawo

Congress-ka Mareykanka oo ansixiyey guushii Joe Biden

0

Washington (Caasimada Online) – Labada Aqal ee Golaha Congress-ka wadanka Mareykanka ayaa ugu dambeyn maanta ansixiyey doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi ee ay ku soo baxeen madaxweyne Joe Biden & ku xigeenkiisa Kamala Harris.

Congress-ka ayaa laalay diidmadii laga muujiyay codadka gobollada kala ah Pennsylvania iyo Arizon ee doorashada.

Mike Pence madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa guddoomiyey kulankan oo go’aan kama dambeys ah looga gaaray doorashada, isaga oo shaaciyey natiijada meel-marinta.

Go’aankan ayaa sidoo kale soo gaba-gabeeyey doodii dheereyd ee maalmahan ka taagneyd doorashadaMareykanka ee u dhexeysa Trump & Biden.

Sidoo kale inta ay socotay munaasabadda meel-marinta oo ay hareeyeen qalalaase xoogan ayaa qaadatay muddo ka badan 15 saacadood, iyada oo ugu dambeyn Golaha Congress-ka uu ansixiyey doorashada Joe Biden oo helay 306 cod, halka Trump uu helay 232 cod ergada codadka dhiibatay.

Dhinaca kale Trump oo qoraal soo saaray ayaa shaaciyey inuu aqbalay xil wareejinta, balse wuuxuu tilmaamay inuu sii wadi doono dagaalka uu ku diidan yahay doorashada.

“Inkastoo aan gebi ahaanba ka soo horjeedo natiijada doorashada, xaqiiqduna ay caddeyneyso, haddana xil wareejin ayaa dhici doonta 20-ka January,” ayuu ku yiri qoraalka.

Joe Biden ayaa ansixinta guushiisa, kadib xilka si rasmi ah ula wareegi doono 20-ka bishan January ee sanadka cusub ee 2021-ka.

Sawirro: Taageerayaasha Trump oo weeraray Congress-ka iyo toogasho ka dhacday

Washington (Caasimada Online) – Xaaladda Aqalka Congress-ka Mareykanka ee Capitol Hill ayaa caadi kusoo noqotay waxaana gacan ku heynteeda la wareegay ciidamada amniga, kadib markii ay saacado xoog ku haysteen burcad taageersan madaxweyne Donald Trump.

Aqalka ayaa waxaa ka socotay ansixinta doorashada Mareykanka, taasi oo haddii la dhameystiro si rasmi ah Joe Biden uga dhigi laheyd madaxweynaha cusub ee Mareykanka, isaga oo kadibna xilka la wareegi lahaa 20-ka Janaayo.

Hase yeeshee kumanaan ka mid ah taageerayaasha Trump ayaa magaalada Washington ka sameeyey dibad-bax ay ugu magac dareen “Jooji Xatooyada,” ayaga oo ku doodaya in guusha doorashada laga qiyaamay, waxayna kadib weerareen Aqalka Capitol Hill.

Taageerayaasha oo kumanaan ah, ayaa jebiyey xeendaabkii Aqalka Capitol Hill kadib markii ay isku dhaceen booliska ilaalinayey. Booliska ayaa isku dayey inay ku kala cayriyaan sunta dadka ka ilemysiisa hase yeeshee waa ay ku guul-dareysteen.

Saacadihii ay haysteen xarunta, waxay burburiyeen qalabkii, waxay jeex-jeexeen dokumentiyadii, ayaga oo sidoo kale xubnaha Congress-ka ku qasbay inay naftooda la baxsadaan.

Booliska Capitol Hill ayaa sidoo kale toogtay haweeney ka mid ah taageerayaasha Trump ee galay xarunta, taasi oo saacado ay dhaawac aheyd kadib geeriyootay.

Waxaa sidoo kale lagu warramay in la helay laba bom oo aan qarixin, inkasta oo aysan caddeyn in laga helay gudaha xarunta ama dibedda.

Burcaddan ayaa waxaa soo abaabulay Trump oo weli ku adkeysanaya inaan looga adkaan doorashada madaxweyne, inkasta oo marino badan oo uu maray, oo uu ku beddeli lahaa natiijada doorashada aysan miro dhalin.

Waa markii ugu horreysay taariikhda inta la xusuusto ee xarunta Capitol Hill ay la wareegaan dad carreysan. Waa maalin mugdi ah oo soo bartay taariikhda dimoqraadiyadda Mareykanka.

Dagaallo culus oo xalay ka dhacay degmada Afgooye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen gudaha degmada Afgooye ee gobolkaasi, iyaga oo beegsaday fariisimo ciidan.

Weerarada oo ahaa kuwa saddex jiho ah ayaa waaa xigay dagaallo toos ah oo dhex-maray raggii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraradooda ku ekeeeyey saddex koontarool oo ku kala yaalla Buundada weyn, Mukayga iyo Haanta Dheer.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaallo qaatay saacad ka badan ay ka dhaceen halkaasi, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi iyo dagaallada xigay intaba.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay magaalada Afgooye iyo duleedka.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeararo gaadmo ah ku qaada degmada Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jirta magaalada Muqdisho.

CC Shakuur oo 3 ujeedo ka leh taageerada dhaqaale ee uu weydiistay shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah musharax Madaxweyne ayaa shacabka Soomaaliyeed weydiisay in loogu tabaruco lacag uu ku galo tartanka doorashada Soomaaliya.

Muuqaal uu iska soo duubay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu baahiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in uu u baahan yahay lacag uu ku galo tartanka doorashada Soomaaliya, si looga maarmo gacan hoorsiga shisheeyaha iyo maalgelinta dowladaha kale, kuwaas oo ugu dambeyn saameyn ku yeesha go’aanada dowladda iyo guud ahaan siyaasadda Soomaaliya.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku qasabtay inuu taageero weydiisto bulshada Soomaaliya, taas oo aan wali dhicin taariikhda Soomaaliya balse caadi ka tahay dunida kale ee hormartay.

Hogaamiyaha Wadajir ayaa la aaminsan yahay inuu tallaabadan ka damacsan yahay saddex ujeedo oo kala ah.

1- Inuu isaga weeciyo eedaha loo jeediyay dhowr jeer oo hore taasi oo taageerayaasha dowladda ku sheegaan inuu xariir la leeyahay Kenya iyo Imaaraadka Carabta islamarkaana ay siiyaan taageero lacageed.

2- In uu ku raadinayo magac islamarkaana uu noqdo siyaasigii ugu horeeyay ee taageero dhaqaale weydiistay shacabka isagoo musharax ah, taasi oo muujineysa inuu yahay hoggaamiye dadka ku xiran.

3- Iyo In uu uga hormaro siyaasiin kale oo qorshahaan la aaminsan yahay in ay damacsanaayeen ku dhawaaqista qorshahaan oo kale, waxaana siyaasiintaas la aaminsan yahay inuu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Saacadihii la soo dhaafay ayaa aad loogu hadal haayaa baraha bulshada ee Internet-ka iyo goobaha la isugu yimaado ee Muqdisho codsigii musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaas oo ahaa inuu u baahanyahay lacag uu ku galo tartanka doorashada Soomaaliya.