27.2 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Midowga musharaxiinta oo u jawaabay Qoor Qoor iyo kulan deg deg ah oo dhacaya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor inuu ka been sheegay waanwaantii uu waday ee la xiriirtay arrimaha doorashada.

“Waxaan la yaabnay inuu yiraahdo jawaab ayaan ka weynay, muddo saddex cisho ah inuu tashi nagula soo laabto ayey aheyd, jawaab sax ah oo nooga timid Qoor Qoor ma jirto,” ayuu yiri afhayeenka Midowga Musharaxiinta.

Afhayeenka wuxuu sheegay ineysan suuragal aheyn boob lagu sameeyo doorashada, islamarkaana ay tahay wax aan qurux badneyn in dowladda Soomaaliya ay qaadato go’aan aan loo dhameyn.

Wali wax xal ah lagama gaarin arrimaha doorashooyinka dhan walba, guddiga lagu muransan yahay, arrimaha gobolka Gedo iyo xubnaha wakiilada Somaliland, balse dowladda waxey ku dhawaaqday in doorashada horay loogu socon doono.

Hadalka kasoo yeeray Midowga Musharaxiinta ayaa imaanaya kadib markii Qoorqoor uu shir jaraa’id ku shaaciyay inuu wax jawaab ah ka waayay madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka, taasna ay ku qasabtay inuu wax ka qaato go’aanka horay loogu wadayo doorashada.

“Waxaan rabaa inaan idiin caddeeyo in wali aysan wax jawaab ah kasoo bixin madaxda Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta kale iyadoo ay madaxda qaranka sameeyeen tanaasul,” ayuu yiri Qoor Qoor, oo madaxtooyada Soomaaliya ay u adeegsaneyso inuu muuqaal xun ka bixiyo mucaaradka

“Dowlad Goboleedka Galmudug waxey isku dayday intii ay awooday in dalka laga hirgaliyo doorasho heshiis lagu wada yahay, waqti kalana yaan laga lumin dalka,” ayuu yiri mar kale Qoor Qoor.

Dhanka kale caawa waxaa loo ballamay inay shir deg deg isugu yimaadaan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxeyna ka hadli doonaan go’aanka kasoo yeeray dowladda oo uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

CC Shakuur oo shaaciyey ‘qorshaha’ FARMAAJO ee ciidankii maanta la daabulay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, ahna musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cambaareeyay tallaabada ay dowladda Soomaaliya ciidanka ugu daabushay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook, ayaa sheegay in arrintaan uu ku dhaqaaqay madaxweyne Farmaajo ay caddeyn u tahay inuu rabo doorasho boob ah, islamarkaana ay tahay arrintii ay beesha caalamka horey uga digeen.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Ciidanka Haramcad ee Madaxweyne Farmaajo uu maanta Beledweyne ka dejiyey iyo kuwii ka horeeyey ee uu Dhuusamareeb iyo Gedo geeyey waxay daliil cad u yihiin damaciisa doorashada boobka ah. Waxay kaloo cadayn u tahay in uu diidan yahay wadahadal iyo is faham laga gaaro is marin waaga doorashooyinka.

Ruux walba oo isku daya in uu qayb ka noqdo in Farmaajo dalka loo afduubto oo doorasho boob ah loo qabato, xilkii uu doono ha hayo, deegaankii uu doono ha ka soo jeedo, qabiilkii uu doonana magaciisa ha ku hadlo wuxuu halis ku yahay danta iyo amniga qaranka Soomaaliyeed, diiwaanka taariikhdana meel madow buu ka gelayaa. Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed in aan meel uga soo wada jeesano kuwa doonaya in ay dalka naga duminayaan.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa soo gaaray shalay magaalada Muqdisho, waxaana jirta dood ku hareereysan doorashadii uu kusoo baxay, kulankii uu madaxweyne Farmaajo la qaatay kadib waxaa xigtay in ciidamo loo daabulo Hiiraan oo aheyd halkii laga diiday markii lagu doortay Jowhar.

Qoor Qoor oo sheegay inuu gacan kasoo taagay Deni, A/Madoobe iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay inuu kari waayay Axmed Madoobe, Saciid Deni iyo musharaxiinta mucaaradka, taasna ay qasab ka dhigtay inuu isaga haro waanwaantii uu ka waday xal u helidda arrimaha cakiran ee doorashooyinka.

Qoor Qoor, oo ku sugan Muqdisho kana hadlayay shir jaraa’id oo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku shaaciyay inaan la lumin doonin wakhti kale, islamarkaana doorashooyin la aadi doono, ayaa sheegay inuu wax jawaab ah ka waayay Axmed Madoobe, Saciid Dani iyo musharaxiinta mucaaradka markii uu hordhigay saddex jawaab oo uu Farmaajo ka waday.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu sheegay inuu mar walba doonayay in la meelmariyo heshiiskii 17-kii September ay gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, balse go’aankii dowladda markii uu dib ugu celiyay siyaasiyiinta iyo labada madaxweyne aysan wax jawaab ah wali siinin.

“Waxaan rabaa inaan idiin caddeeyo in wali aysan wax jawaab ah kasoo bixin madaxda Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta kale iyadoo ay madaxda qaranka sameeyeen tanaasul,” ayuu yiri Qoor-Qoor, oo madaxtooyada Soomaaliya ay u adeegsaneyso inuu muuqaal xun ka bixiyo mucaaradka

“Dowlad Goboleedka Galmudug waxey isku dayday intii ay awooday in dalka laga hirgaliyo doorasho heshiis lagu wada yahay, waqti kalana yaan laga lumin dalka,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Axmed Qoor Qoor wuxuu kula biiray Guudlaawe, Cumar Filish iyo Lafta-gareen inaan loo joojin khilaafyada jira, islamarkaana horay loogu socdo arrimaha doorashooyinka, waxaana maanta ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Qoor Qoor oo markii horeba ay madaxweyne ka dhigtay Villa Somalia ayaa hadda gacan weyn ka gaysanayaa inuu dalka geliyo dagaallo sokeeye.

DF oo beenisay warar looga faafiyay baraha bulshada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warar maalmahii lasoo dhaafay looga faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay iney shirkado ajnabi ah la galayaan heshiis shidaal qodis ah.

Wararka horay loo faafiyay waxey sheegeen in laba shirkadood ma’suuliyiintooda ay soo gaareen magaalada Muqdisho si ay heshiis ula galaan dowladda Soomaaliya, labada shirkad ayaa lagu kala sheegay Liberty Petroleum iyo Coastline Exploration oo horay loo oran jiray SOMA OIl & GAS.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in aysan jirin xilligaan shirkado heshiis shidaal qodis lala saxiixday, sidoo kalena lala saxiixanayo.

Wasiirka oo shir ajraaíd warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in masuuliyiin ka socda shirkadaha ay yimaadeen magaalada Muqdisho, balse heshiis walba la marsiin doono hab sharci ah

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay inaan la saxiixi doonin heshiis aan la isku raacsaneyn, maadaama ay dhibaatooyin badan ka imaan karaan.

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa dhawaan shaaciyay inay xog ku heleen in dowladda Soomaaliya ay heshiis Shidaal qodis ah la galeyso shirkadaha Liberty Petroleum iyo Coastline, taas oo culeys uu ku noqonayo howlaha deynta Cafinta Soomaaliya ee socda.

Rooble iyo 3 madaxweyne goboleed oo ku dhowaaqay go’aan la xiriira doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku dhowaaqay go’aan culus oo la xiriira doorashooyinka dalka, kadib kulan uu la qaatay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo duqa Muqdisho.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sidii loo bilaabi lahaa doorashada, loogana gudbi lahaa khilaafka xoogan ee ka taagan dalka.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu ay go’aansatay in la guda galo hir-gelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marar badan uu waqti iyo dadaal ku bixiyey sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka taagan doorashooyinka, iyada oo la tixgelinayo dhinacyada ka soo horjeeda dowladda federaalka ee tabashada ka muujinayo hanaanka doorashada dalka.

“Waxaan marar badan ku celceliyay in ay albaabadaydu u furan yihiin cid walba oo tabasho qabta, aanna diyaar u ahay had iyo jeer inaan tixgeliyo aragtiyada kala duwan ee la xiriira fulinta heshiiskii doorashooyinka iyo habraacyadii lagu heshiiyay.” ayuu yiri.

Rooble ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in horey loo sii socdo, islamarkaana la xoojiyo dowlad dhiska iyo horumarka dalka.

Dhankiisa madaweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa xusay in dadaal badan uu ku bixiyey isku soo dhowaanshaha dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland, balse aysan weli wax jawaab ah ka soo noqon Axmed Madoobe iyo Deni oo si weyn uga soo horjeedo hannaanka ay wax u socdaan.

”Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo in wali aysan wax jawaab ah kasoo noqon saaxiibadayda Puntland iyo Jubaland dhexdhexaadintii aan halkan u imid iyo natiijadii wanaagsanayd iyo tanaasulkii ay ii muujiyeen Madaxda Qaranka”. ayuu yiri Qoor Qoor.

Si kastaba go’aanka ay maanta ku dhowaaqday xukuumadda Rooble ayaa u muuqda mid uga sii dari kara muranka doorashooyinka, maadaama weli musharraxiinta mucaaradka ay ku dhagan yihiin guddiyada doorashada dalka oo kalsooni la’aan ay ka muujinayaan.

← Back

Thank you for your response. ✨

FAROOLE oo hal arrin uga digay maamulada la safan DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Faroole oo haatan ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dooda weli ka taagan doorashooyinka dalka.

Faroole ayaa ugu horreyn sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay in doorashada aysan xilligeeda kadib marin, si looga baaqsado qalalaase hor leh oo yimaada.

Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa sidoo kale kula taliyey madaxda Koonfur Galbeed iyo HirShabelle in aysan noqon kuwa loo taliyo, balse ay qaadaan waddada saxda ah, si loo bad-baadiyo dalka, la’iskuna soo dhoweeyo dhinacyada isku haya doorashooyinka.

“Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle waxaan ku waaninayaa in aysan noqon dad loo taliyo,” ayuu yiri Mr. Faroole.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inuu uga digayo Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle in dowladda dhexe ay u boobaan kuraasta xildhibaanada baarlamaanka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu weli is mari-waa ka taagan yahay doorashooyinka dalka ee 2021-ka oo ay isku hayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, musharraxiinta mucaaradka, maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Siciid Deni oo shaaciyey in doorasho qof iyo cod ah uu ka ka qabanayo Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo hadal ka jeedinayey munaasabad loogu dabaal dagayey sanadkii labaad markii loo doortay xilkan ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maamulkiisa iyo horumarada uu gaaray.

Siciid Deni ayaa marka hor khudbaddiisa ku xusay waxyaabaha laga qabtay dhinacyada amniga, maaliyadda, arrimaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in haatan maamulkiisa uu qorsheynayo inuu qabto doorasho deegaan oo qof iyo cod ah, taas oo ay ku tartamayaan 10 urur siyaasadeed.

Madaxweynaha Puntland ayaa carabka ku dhuftay in llaa saddex degmo laga qaban doono doorashadaasi oo noqoneyso tii ugu horreysay oo nooceeda ah.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tani ay caddeyn u tahay horumarka ay Puntland ka gaartay dimuquraadiyadda iyo nidaamka xisbiyada badan.

Puntland oo da’ahaan ka weyn dowlad goboleedyada kale ayaa sanadihii u dambeeyey ku tallaabsaneysay horumar dhinacyo kasta leh oo uu ugu muhiimsan yahay dib u dhiska.

DF oo ciidamo ka dajisay Beledweyne + Ujeedka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ciidamo badan ka dajisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saddex diyaaradood lagu geeyey garoonka Ugaas Khaliif, iyada oo laga qaaday Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle iyo kan gobolka Hiiraan ayaa askartaasi oo wata hubkooda ku soo dhoweeyey gudaha magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Haramcad ay xoojin doonaan howlaha sugida amniga doorashada kuraasta xildhibaannada ee dhowaan ka dhici doono Beledweyne.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Booliiska Haramcad ay fariismo ka sameysteen garoonka Kubadda Cagta Laqanyo Stadium ee ku yaalla deegaanka Ceel-Jaalle oo dhaca duleedka bari ee magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa saaka si aad ah u hadal haya ciidamadan, waxaana magaalada laga dareemayaa jawi ka duwan midkii hore.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Beledweyne ka taagnaa xiisad u dhexeysa HirShabelle & Janaraal Xuud oo si weyn uga soo horjeeda Cali Guudlaawe.

Axmed Madoobe oo shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay in doorashada la billaabo

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay in dalka laga billaabo qabashada doorashada, xilliga ugu horreeya ee ay ku dhici karto.

Axmed Madoobe ayaa hadalkan sheegay isaga oo xalay ka hadlayay magaalada Garoowe oo lagu qabtay munaasabadda sanad guurada labaad ee kasoo wareegtay doorashadii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inaysan jirin isaga iyo cid kaleba oo ku fakartay ama ku fakareyso in doorashada ay sii jiitanto.

Isaga oo ka hadlayay arrinta gobolka Gedo, oo la rumeysan yahay inay tahay mid ka mid ah caqabadaha hortaagan in doorasho la qabto, ayaa Axmed Madoobe waxa uu sheegay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay arrintaan ka wada hadli karaan oo aan loo baahneyn safiirada la isu dirayo, isagoo ku taliyay in shir la isugu yimaado.

“Khilaafka ka jira Gedo madaxweynow adiga ayeysan sharaf kuu aheyn, yeysan kugu dhicin suuro ah in madaxweynaha uu is xajisiinayo gobolkaas oo dan gaar uu ku leeyahay, waa mid saameyn ku yeelaneysa dowladnimadaada iyo madaxtinimadaada, haddii arrintaada gobol ku koobnaato waxaa kugu adkaaneysa in aad gobollada kale xukunto, haddii caqabado jiraan waa wax u baahan in laga wada hadlo oo la isu yimaado,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor inuu si shaacsan u sheegay arrimo ay ka wada hadleen.

“Waxaan aad ugu talinayaa in shir la isugu yimaado, waxaa leeyahay saaxibkey Qoor Qoor waxaan isu sheegnay inuu kor u sheego, warka hoose meesha ka baxo, oo warar la isla dhex wareegayo ee laga hadlayo kuraas kuwa Gedo yaalla iyo kuwa halkaas yaalla, kuraasta waxaa is ka leh qabaa’il xildhibaan u sharaxan, guddi ayey leeyihiin, nidaam loo maraa jira  oo odayaal ay qeyb ka yihiin,” ayuu yiri.

Wararkii ugu dambeeyey shirarkii Villa Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Soomaaliya waxaa saacadihii ugu dambeeyey ka qabsoomay kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, kuwaas oo dhammaan looga hadlayey xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Shirarkan oo soo billowmay shalay ayaa la’isla gaaray xalay saq-dhexe, iyada oo diirada lagu saaray sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka e 2021-ka.

Kulanka ugu horreeya ayaa wuxuu dhex-maray madaxweynaha, taliyaha NISA iyo madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, iyada oo si gaar ah looga wada-hadlay sidii loo bilaabi lahaa qabsoomida doorashada dalka ee 2021-ka.

Sidoo kale waxaa jira kulan kale oo isna xalay saq-dhexe ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kaas oo uu ku soo biiray guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish iyo madaxda maamul goboleedyada kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dhinacyadaas ay ka wada-hadleen xal u helida doorashooyinka iyo sidii loo guda geli lahaa, si loo fuliyo jadwalka cusub.

Qoor Qoor ayaa sidoo kale u gudbiyey madaxweynaha & ra’iisul wasaaraha farriin uu ka siday madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, iyaga oo ka aqbalay, balse waxaa weli  jawaab kama dambeys ah laga sugayaa Axmed Madoobe iyo Deni.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa weli cakiran, iyada oo haatan kulamo socda la’isku dayayo in xal waara looga gaaro khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Shabaab oo sheegatay dilka sarkaal Jabuutiyaan ah

0

Beledweyne (Caasimadda Online) – Gobolka Hiiraan, gaar ahaan dagmada Jalalaqsi, waxaa ka dhacay weerar ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada AMISOM ee halkaas ku sugan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinta taageerada u ah dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa baahiyay in sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM ee dowladda Jabuuti ay halkaas ku dileen dagaalyahanada, kaas oo ay durba magaciisa soo gudbiyeen.

Waxyaabaha kale oo ay baahiyeen waxaa ka mid ah in sarkaalkaas uu heystay darajada kabtan, magaciisana yahay (Cusmaan) iyo iney jireen dhaawacyo saddex ah oo diyaarad looga qaaday maanta.

Dhanka taliska ciidamada AMISOM wax war ah kama soo bixin oo la xiriira weerarkii xalay dhacay iyo sheegashaa warbaahinta taagerada u ah Al-Shabaab, balse dadka deegaanka waxey sheegeen iney xalay maqlayeen daryanka rasaas culus.

Danab oo burburiyey gaari lagu diyaarinayey qaraxyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-gallada oo ka dhacay agagaarka deegaanka Tooratoorow ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Gaashaanle Axmed Cabdulaahi Nuur (Beer-yare) oo ah taliyaha ururka 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa sheegay in howl-galladaasi ay ku burburiyeen gaari lagu diyaarinayey walxaha qarxa, kaas oo uu tilmaamay in lagu dhibaateyn rabay shacabka.

Sidoo kale Beer-yare ayaa intaasi ku sii daray inay nolosha ku soo qabteen saddex ka mid ah kooxda Al-Shabaab oo diyaarinayey qaraxaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan koonfurta & bartamaha Soomaaliya.

Madaxweyne Trump oo laga xiray cinwaankiisii Twitter

San Francisco (Caasimada Online) – Shirkadda Twitter ayaa si rasmi ah madaxweyne Donald Trump uga mamnuucday inuu dib dambe u adeegsado aaladdaas, ayada oo xanibtay cinwaankii uu bartaas ku lahaa.

Twitter ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay go’aankan qaadatay ayada oo ka cabsi qabta in Trump uu sii huriyo rabshado dheeri ah, laba maalin kadib markii taageerayaashiisa ay weerareen xarunta Congress-ka Mareykanka, halkaasi oo shan qof ay ku dhinteen.

Twitter ayaa sheegtay, in laba qoraal oo uu Trump bartaas soo dhigay kadib markii dib loo fasaxay cinwaankiisa oo la hakiyey 24 saac, ay ahaayeen kuwa loogu talo-galay in rabshado lagu dhiiri-geliyo.

Labadaas qoraal ayaa mid waxa uu Trump ku ammaanay dadkii fuliyey weerarka Congress-ka, oo uu ugu yeeray “Waddaniyiin Mareykan ah,” halka mid kale uu ku sheegay inuusan ka qeyb gali doonin calaamo-saarka madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

Twitter waxay sheegtay in qoraalka hore lagu ammaanay rabshad wadayaal, halka midka labaad ee ah “kama qeyb-galayo caleemo-saarka,” uu diray farriin ah in taageerayaashiisa ay weerari karaan, maadaama uusan isaga joogin.

Barta Trump ee Twitter ayaa waxaa ku xirnaa 88 milyan oo qof oo u badan taageerayaashiisa.

Go’aanka Twitter ayaa yimid saacado kadib markii shirkadda Facebook ay sheegtay inay Trump ka mamnuucday barta facebook iyo barta Instagram oo ay facebook leedahay. Waxaa sidoo kale Trump laga mamnuucay Snapchat.

Xanibaadda ay Twitter iyo shirkadaha kale ku sameeyeen ayaa ah diidmo taariikhi ah oo ka dhan ah madaxweyne u isticmaalay baraha bulshada caannimadiisa iyo inuu madaxweyne noqdo.

Xog: DF oo ogolaatay in wax laga beddelo guddiga doorashada dalka iyo liis laga sugayo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda federaalka ay ugu dambeyn ogolaatay in wax laga beddelo guddiga lagu muransan yahay ee doorashada, taasi oo caqabad ku noqotay in dalka ay ka dhacdo doorasho.

Guddigan ayaa waxaa diiday qaar ka mid ah madax goboleedyada iyo mucaaradka dalka, ayaga oo sheegay inay ku jiraan shaqaale dowladeed iyo saraakiil ciidan, gaar ahaan kuwa ka mid ah sirdoonka.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in si caqabadda taagan looga gudbo ay dowladda ogolaatay in mucaaradka ay soo gudbiyaan magacyada xubnaha ku jira guddiga ee ay doonayaan in la beddelo.

Dowladda ayaa mucaaradka u qabatay inay saddex cisho kusoo gudbiyaan liiskan, waxaana ay ku eg tahay caawa, sida aan xogta ku helnay.

Mucaaradka ayaan weli gudbin liiskaas, mana cadda inay kusoo gudbin doonaan iwaqtiga ka harsan. Waxaan sidoo kale xitaa la ogeyn haddii la beddelo xubnaha ay doonayaan cidda lagu beddeli doono, taasi oo ay shaki weyn ka qabaan.

Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa Caasimada Online u sheegay inay tani u arkaan cayaar siyaasadeed cusub oo dowladda ay waddo.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa sare u kacay dadaallo ay wadaan qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada, si xal looga gaaro muranka doorashada.

Dowladda federaalka ayaa waxaa kasii dhammaanaya muddo xileedka. Baarlamanka ayaa muddo xileedkiisa ku ekaaa 27-kii December, waxaana madaxweynaha u haray kaliya hal bil, ayada oo waqtigiisa uu ku egyahay 7-da Febraayo 2021.

Sawirro: Shir heshiis buuxa lagu dhex-dhigay laba ka mid ah beelaha ABGAAL

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ayaa xalay lagu soo gaba-gabeeyay Shirka Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta beelaha Cabdalle Caroone iyo Celi Cumar, oo wada dega Degmada Cadale oo maalmihii u dambeeyay ka socotay magaaladaas.

Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Hussein ayaa goobjoog ka ahaa heshiiskaas, waxaana ka qeyb-galay gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ahna ku-simaha Gudoomiyaha, Siraaji Sheikh Isxaaq.

Sidoo kale waxa heshiiskaas taariikhiga ah qeyb ka ahaa Xubnaha Labada Gole ee Hirshabelle, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Nabadoonada iyo Waxgaradka labada beelood, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada iyo Mas’uuliyiin kale.

Cali Guudlaawe oo hadal ka jeediyay munaasibada heshiiskaas ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiskan, maadama uu xusay inuu ugu horeyntii uu fidiyay gogasha labada beelood ay ku gaareen is-afgaradka nabadeed.

“Gogoshaan oo aan fidiyay caawana aan goobjoog u ahaa Heshiiskan Taariikhiga ah ee saxiixdeen laga gaaray Nabadeynta Beelaha Walaalaha ah ee wada dega Degmada Cadale waa ii farxad waxaana marwalba ka shaqeyn doonaa oo aan horey u sii wadayaa dib u Heshiisiinta Bulshada aan hogaamiyo Insha Allah” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Beelaha heshiiska kala saxiixday ayaa muddo dheer ka dhex aloosneyd colaad ka jirtay degmd Cadale ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo deegaano ku dhow-dhow.

Waxa uu heshiiskan meesha ka saari doona dagaalo inta badan dhex mari jiray beelahaas, kuwaasi oo hore u sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac baaxad leh.

Deegaanada hoostaga Shabeelaha Hoose ayaa inta badan waxa ka dhaca dilal aanooyin qabiil ah oo muddo soo jiitamayay, waxaana lagu wadaa in heshiiskan uu arrintaas meesha ka saaro.

Kulan Villa Somalia uga socda Farmaajo, Qoor-Qoor, Lafta-gareen iyo Guudlaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda kulan kula leh Madaxtooyada Villa Somalia Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle.

Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, kulankan ayaa waxa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka oo xaalad cakiran ka abuuray dalka, xilli baarlamanka uu waqtiga ka dhacay, madaxweynahana ay u hartay bil kaliya..

Kulankan ayaa daba socda kulamo ay hore u yeeshen madaxweyne Farmaajo, Qoor-Qoor iyo Lafta-gareen, waxaana maanta kusoo biiray madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, oo markii ugu horreysay soo gaaray Muqdisho, tan iyo markii la doortay.

Doorashada Soomaaliya ee soo soocta ayaa waxaa ka taagan muran baahsan, kaasi oo u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka, mushaxiinta mucaaridka iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada oo kasoo horjeeda hanaanka doorashada.

Waxa uu imaanaya kulankan xili uu Madaxweyne Farmaajo uu wajahayo culeyso xoogan oo dhanka mucaaridka iyo beesha caalamka oo ku aadan doorasho wada-ogol ah, ayada oo muddo xileedkiisa ay ka hartay oo kaliya hal bil.

Sidoo kale waxa uu kulankan kusoo aadayaa xili ay dhawaan qorsheynayaan guddiga lagu muransan yahay ee doorashada oo gadaal ka riixeyso dowladda inay doorashada labada aqal ka bilaabaan deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Trump oo war cusub kasoo saaray weerarkii Congress-ka, ku dhawaaqay arrin cusub

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka ee xilka kasii dagaya, Donald Trump ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu xilka wareejiyo, kadib markii ay fashil kusoo dhamaadeen xeeladihiisi u dambeeyay.

Trump ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo maalin ka hor laga mamnuucay, ayaa markii u horeysay muujiyay sida uu uga careysan yahay rabshadihii maalintii arbacadii ka dhacay xarunta Kongareeska oo ay xoog ku galeen taageerayaashiisa.

Waxaa uu sheegay in dibad-baxayaashii galay xaruntaas ay meel uga dhaceen dimuqraadiyadda uu ku faano Mareykanka.

Trump ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay inuu diyaar u yahay “xil wareejin sharciga waafaqsan”, waxaana uu xusay in Madaxweynaha cusub la caleema saari doono 20-ka bisha Janaayo, sidii hore loogu balansanaa.

Waxa kale oo uu ku baaqay in la sameeyo wax uu ugu yeeray “dib u heshiisin”, midaasi oo lagu tirtirayo xanaftii ka dhalatay doorashadii Joe Biden.

Hadalka Trump ayaa imanaya saacado un kadib markii xildhibaanada labada aqal ay ku baaqeen in xilka laga xayuubiyo ka hor inta uusan wareejin, kadib dhacdooyinkii abaabulnaa.

Mareykanka ayaa diiwaan-geliyay dhiilo bar madow ah, taasi oo ay ku kaceen taageerayaasha Trump oo uu gadaal ka riixayay, kadib markii ay xoog ku galeen xarunta Koongareeska oo xiligaas ay ka socotay meel-marinta guusha Biden.

Munaasabaddaas meel-marinta oo ay hareeyeen qalalaase xoogan ayaa qaadatay muddo ka badan 15 saacadood, iyada oo ugu dambeyn Golaha Congress-ka uu ansixiyey doorashada Joe Biden oo helay 306 cod, halka Trump uu helay 232 cod ergada codadka dhiibatay.

Cabdi Xaashi oo war kasoo saaray xubnaha la sheegay in laga siiyey G/Doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa gaashaanka u daruuray wararka ay warbaahinta tabiyeen ee ku saabsan in lagu heshiiyay guddiga doorashooyinka wakiilada Somaliland.

Cabdi Xaashi oo u warramay mid ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ayaa beeniyay in afar xubnood laga siiyay guddigaas aan wali heshiiska lagu aheyn balse ay dowladda dhexe magacowday, balse wuxuu xaqiijiyay iney siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi ku heshiiyeen intii ay joogeen magaalada Garowe iney wada xaajood ka yeeshaan khilaafka jira.

Cabdi Xaashi wuxuu si cad u beeniyay in xubno laga siiyay guddiga soo xulaya xubnaha ay Baarlamaanka labada aqal ku yeelanayaan gobollada waqooyi.

“Waxaan maqlay in afar xubnood la iga siiyay guddiga doorashada, waxba kama jiraan mana garan karo meesha ay ka keeneen,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuusan jirin wali kulan ay siyaasiyiinta goboolada waqooyi ka yeesheen is qab-qabsiga ka jira doorashooyinka, wuxuuna hadalkiisa kusoo aadayaa xilli la sheegay in lagu qanciyo inuu aqbalo guddiga lana siiyay xubno gaaray afar.

Doorashooyinka dalka waxaa ku gudban dhawr arrimood oo ay ka mid yahiin xulista wakiilada Somaliland, arrinta gobolka Gedo, guddiga doorashooyinka heer federaal oo aan la isku raacsaneyn iyo arrimo kale.

Xog: Farmaajo oo dalbaday in loo kala dhex-baxo isaga iyo Axmed MADOOBE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxtooyada Galmudug, ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu codsaday in loo kala dhax-baxo isaga iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Qoor Qoor ayaa maalmihii ugu dambeeyey waday dadaallo uu isugu keenayo dhinacyada, si loo xaqiijiyo in dalka ay ka dhacdo doorasho, wuxuuna ku guuleystay inuu arrinta meel wanaagsan gaarsiiyo.

Wuxuu sidoo kale isku dayey inuu wada-hadalsiiyo madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, hase yeeshee Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in loo kala dhaxbaxo isaga iyo Madaxweynaha Jubaland si ay uga wadahadalaan arrimaha gobalka Gedo oo qeyb ka ah waxyaabaha ay u xayirantahay doorashada Soomaaliya.

Warkan ayuu Madaxweyne Farmaajo ku yiri Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale taliyaha hay’adda NISA.

Ka sokow labada madaxtooyo, xildhibaano ku dhow dhow Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa sidoo kale Caasimada Online u xaqiijiyey xogtan.

Wararka aan helnay ayaa sheegay in dalabkaan uu yimid kadib markii inta kale ee doorashada la isla fahmay basle qodobkaan uu aad u adkaaday taasina ay keentay in Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in loo madaxbaneeyo arimaha gobalka Gedo isaga iyo Madaxweynaha Jubaland.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono balse waxaa taagan cabsi laga qabo in xaaladda doorashada Soomaaliya ay sii adkaato haddii aan la helin tanaasul iyo is qadarin madaxda dhaxdooda ah.

SAWIRRO: Maxaa xalay ka dhacay VILLA SOMALIA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabadda Xiritaanka Tartanka Kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, isaga oo sheegay in tartankan uu kor u qaaday is-dhexgalka, walalnimada iyo midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin nabadda, xasilloonidda iyo horumarka dalkeenna, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka xagjirnimada iyo maandooriyaha, joojinta Tahriibka iyo qabyaaladda.

“Dowladdu si ay u hirgeliso Qorsheyaasha Qaran ee horumarinta ciyaaraha waa in qeybaha kala duwan ee bulshada ay doorkooda ka qaataan. Xukuumadda waxaan ku adkeynayaa in ay xoojiso isdhexgalka bulshada, taas oo ay ugu horreeyaan ciyaaraha Kubadda Cagta”.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradaha Ciyaaraha Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Ciidamada Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, dadaalkii ay ku bixiyeen qabsoomidda Tartankan ka turjumaya hor u socodka dalkeenna.

“Waxaa muuqata rajo ku aaddan in aan dib u soo ceshan karno maqaamkii iyo heerkii aan ka joognay ciyaaraha heer Gobol iyo her qaaradeedba, taasna waxaa caddeyn inoo ku filan ciyaartooyda dhallinyarda ah ee inta Koobku uu socday soo bandhigay farsamada, dabeecad wanaagga iyo xirfadda sare”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyay dhammaan Kooxihii ka soo qeyb galay tartanka, iyada oo billado la guddoonsiiyey Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir oo qaaday Koobka iyo Xulka Galmudug oo xaqiijiyey kaalinta labaad.

Munaasabadda Xiritaanka Tartanka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir waxa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo masuuliyiin ka socday Goleyaasha Dowladda.