26.3 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Axmed Madoobe oo ka jawaabay go’aankii Rooble iyo arrintii uu Qoor Qoor ‘ka been sheegay’

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka digey in doorasho hal dhinac ah dalka ay ka dhacdo, waxana uu ku baaqay in shir la isugu yimaado oo la wadahadlo.

Isagoo ka hadlayay magaalada Kismaayo oo uu dib ugu laabtay maanta ayuu sheegay inay nasiib darro tahay inaysan dowladda Federaalka waxba ka qaban caqabadihii soo baxay wixii ka dambeeyay markii la saxiixay heshiiska Doorashada 17-ka September oo muddo badan laga aamusnaa.

Waxa uu Madaxweyne Axmed Madoobe ka digey in dad gaar ah la yiraahdo doorasho qabta, islamarkaana la diido in la wada-hadallo, kuwaas oo uu ula jeeday Maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Koofur Galbeed.

“Waxaan ka digayaa in farriimo aan jirin la is weydaarsado, doorashadana la yiraahdo hebel iyo hebelow qabta…hebel iyo hebel oo bannanka ka jooga waxaa ka imaan kara waan garaneynaa, Soomaaliya haddii ay xamili karto anaa iri iyo keli-talis ma aysan burburteen, maxaa diidaya in la isu yimaado..?” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa caddeeyay in markii la isugu tegay magaalada Garowe ay shirar dhex mareen saddex madaxweyne maamul Goboleed, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare oo ay wehliyaan Mushariixinta qaarkood, ayna isla garteen in xal loo helo saddex caqabad oo hortaagan Doorashada.

“Qoor Qoor anagoo sugeyna inuu nagu soo laabto ama shir la qabto, ayaan maqalnay waa la aqbalay heshiiskii, jawaabna waa laga waayey dhinaca kale…waxaan ku talinayaa mas’uuliyaddu dadku ma wada raaceyso.. waxay taabaneysa dadka mas’uuliyadda haya ee ha la isu yimaado,” ayuu yiri Axmed Madoobe .

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xaalada gobolka Gedo waxana uu sheegay inuu diyaar u yahay in la fuliyo heshiiskii September 17 ee Muqdisho balse la isku fahmi la’ yahay qaabkii loo fulin lahaa.

“Waxan diyaar u nahay inaan qabano doorasho,waana ina la abuuraa qaab aan uga qaban karno doorasho Garbahaareey maamul kama jiro amni kama jiro, waa in Maamul Goboleedka loo daayo doorashada,” ayuu yiri.

Hadalka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa imaanayo xilli shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku dhawaaqay in Xukuumadiisa ay qaban doonto doorashada isla markaasna aan loo xayirnaan doonin maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale hadalka Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa ka hor yimid dhammaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, waxayna ku baaqeyn in shir deg deg ah la isugu yimaado si looga tashto aayaha dalka.

Muuse Biixi oo sameeyay isku shaandheyn ballaaran iyo wasiiro ay siibtay (Aqriso)

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhoweyd waxa uu soo saaray wareegto uu ku sameeyay isku shaandheyn balaadhan, taasi oo xilalkii kaga qaaday Mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa, kuwaasi oo isugu jira wasiiro, kuxigeeno iyo agaasimayaal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumada, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 12-xubnood.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Hinda Jaamac Xirsi Maxamed
Wasiirkii Hore ee Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Ku: Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray)
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Cali Xuseen Nuur Beegsi
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
Ku: Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
Ku:  Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
Ku: Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf
Agaasimihii Guud ee hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ku: Xuseen Xaaji Xasan Guuleed
Guddoomiyihii hore ee Guddida Tacliinta Sare
Ku: Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Ku: Maxamed Xasan Sheekh Muumin
Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Tacliinta Sare

Marwo iyo Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen.

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey:  La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Saleebaan Warsame Guuleed Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda
2. Mustafe Godane Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
3. Siciid Axmed Jibriil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
4. Axmed Cali Maax Warsame Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
5. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
6. Rooble Cabdi Muuse Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha
7. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
8. Farxiya Maxamed Cabdiraxmaan Daahir Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-geshiga
9. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka
10. Mukhtar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta
11. Aamina Xuseen Maxamuud Jaamac Agaasimaha Guud ee Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda
12. Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur Agaasimaha Guud ee Guddida Doorashooyinka Qaranka

Xog: Kulan xasaasi ah oo hadda ka socda Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa martiqaad qado ah u sameeyay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha saddexda maamul goboleed ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle.

Ilo wareedyo ayaa Caasimadda Online u sheegay in shirkaan ka socda Villa Somalia looga hadlayo waxyaabahii kusoo kordhay arrimaha la isku mari la’yahay ee doorashada iyadoo shalay ay dowladda ku dhawaaqday in horay loo gali doono doorashooyinka isla markaana aan wakhti la lumin doonin.

Shirkaan wuxuu kusoo aadayaa ay ilo wareedyo kale sheegeen in caawa ay ballansan yahiin Midowga Musharaxiinta madaxweynaha iyo madaxweynayaasha saddexda maamul goboleed ee ku dhinac ah dowladda.

Tallaabada ay dowladdu qaaday shalay ee ay ku shaacisay in dalka doorasho aadayo waxey timid kadib markii Axmed Qoor Qoor oo muddooyinkii dambe waday waanwaan siyaasadeed uu ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka inuu wax jawaab ah ka waayay.

Si kastaba Qoor Qoor oo lagu tilmaamay inuu marin habaabinayo xalinta khilaafyada jira ayaa lagu eedeeyay inuu midowga musharaxiinta magac xumeeyay maadaama uu ka been sheegay sida uu ka dhawaajiyay Afhayeenka Midowga Ridwaan Xirsi oo shalay shir jaraa’id kaga jawaabay eedaha loo soo jeediyay.

Go’aanka ay dowladda qaadatay waxaa lagu sheegay mid qar iska tuur ah iyadoo ay jiraan waxyaabo badan oo wali ku gadaaman arrimaha doorashooyinka oo ay ka mid yahiin arrinta Gedo, Cabdi Xaashi, Guddiyada lagu muransan yahay iyo arrimo kale.

Dagaal culus oo ka socda Degmada WANLAWEYN

0

Walanweyn (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi goordhow ka bilaawday dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Maamulka degmada.

Dad ku sugan Walanweyn ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in dagaalka uu ka socdo Xaafada Muuri ee degmadaas, isla markaana uu u dhaxeeyo Ciidamo ay kala wataan guddoomiyaha degmada Walanweyn Maxamed Siidow Yaxye & Guddoomiye kuxigeenka  Arrimaha Bulshada ee dhawaan loo soo Magacaabay degmadaas.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii la isku sida dadka deeganka ay Caasimadda Online u sheegeen isbaaro la dhigay gudaha degmada.

Isbaarada ayaa la tilmaamay inuu dhigay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada wanla-weyne arrintaasi ayaa waxaa kasoo horjeestay guddoomiyaha degmada sida ay dadka inoo sheegeen.

Inta la ogyahay laba ruux ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay dagaalka hayeeshee aan la ogaan Karin qasaaraha dhabta ah maadaama dagaalka socdo.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada ee degmada Walanweyn Axmed Cabdi Maxamed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in uu soo weeraray guddoomiyaha degmada Walanweyn oo Ciidamo wato.

Cabdi Xaashi oo si kulul uga hadlay go’aankii DF, una jawaabay QOOR QOOR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa ka hadlay go’aankii doorashada ee ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya, isaga oona sidoo kale u jawaabay madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Ugu horreyn Cabdi Xaashi ayaa nasiib darro ku tilmaamay go’aanka xukuumadda ee qabashada doorashada, iyada oo aan weli xal rasmi ah laga gaarin doorashooyinka, gaar ahaan guddiyadeeda iyo arrinta gobolka Gedo oo ay isku hayaan dowladda & Jubaland.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha aqalka sare ayaa ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta, haddii la qabto doorasho aan hehsiis lagu wada aheyn.

“Wa nasiib darro weyn oo xukumaddu ku dhawaaqday in dalku doorasho galayo, iyadoo aan wali wax xal ah laga gaadhin tabashooyinka laga keenay guddiyada doorashada lagu muransan yahay, doorashada xildhibaanada ka soo jeeda gobollada Waqooyi, khilaafka ka taagan gobolka Gedo iyo arrimaha kale ee la xidhiida maamulka iyo habraacyada loo marayo doorasho laysku waafaqsan yahay oo dalka oo dhan isku mar ka dhacda,” ayuu yiri.

Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray, haddii la qabto doorasho dalka oo dhan aan laga qabaneyn in taasi ay dhabarjab ku noqoneyso midnimada dalka.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in wax laga xumaado ay tahay in Madaxweynaha iyo ra’iisul rasaaraha diideen in laga wada-hadlo khilaafka ka taagan, si xal looga gaaro.

Dhinaca kale guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa u jwaabay madaxweyne Qoor Qoor, wuxuuna yiri  “Anaga oo tixraqaceynoo shirkii jaraa’id oo ay shalay qabteen Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynaha Galmudug , waxaanu halkan ku Cadeeyneynaa in haba yaraatee aysan waxba kajirin hadalka Madaxwayne Qoor Qoor ee ah in naloo soo celiyey jawaab tanaasul ku jiro, shirkii Garoowe kadib majirto cid noola timid wax heshiis iyo wada hadal ah,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo shalay xukuumadda federaalka  Somalia ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay ku dhowaaqaday inay go’aan-satay qabashada doorashooyinka dalka ee 2021-ka, si aan dadka Soomaaliyeed looga lumin waqti kale.

Xog: Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen oo xalay kulmay iyo shaki soo galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in xalay kulan saacado qaatay ay hotelka Decale ay ku yeesheen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa yimid saacado kadib markii ra’iisul wasaare Rooble, oo ay garab taagan yihiin saddexdan madaxweeyne goboleed, uu ku dhowaaqay in dalka uu galayo doorasho hal dhinac ah.

Xubno ku dhow saddexda madaxweyne goboleed ayaa Caasimada Online u sheegay inay shaki badan ka qabaan go’aankii ay habeen hore qeybta ka ahaayeen ee lagu garaay in doorasho la qabto, islamarkaana ay doonayaan in xal la raadiyo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in sidoo kale ay doonayaan in marka hore ay kulamo la yeeshaan musharaxiinta mucaaradka, si gaar ahna madaxweynayaasha HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa arrintan aad u doonaya.

Qoor Qoor ayaa sumcaddiisa dilay markii uu ka been sheegay mucaaradka, isaga oo ku eedeeyey inaysan usoo gudbin jawaab uu ka sugayey, halka jawaabta isaga laga sugayey.

Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen ayaa rumeysan inaysan arrin wanaagsan u muuqan inay go’aan qaataan ayaga oo aan la hadlin mucaaradka. Guudlaawe, waxaa la doortay un laba bil ka hor, oo ma helin fursad uu kula kulmo mucaaradka, halka Lafta-gareen, inkasta oo uu aad ugu xiran yahay Villa Somalia uu doonayo inuu ugu yaraan isu muujiyo mas’uul xal raadinaya.

Illaa iyo hadda ma cadda tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan saddexdan madaxweeyne goboleed.

Weerar khasaare geystay oo xalay ka dhacay duleedka magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ay fuliyeen kooxo hubeysan ayaa waxaa lagu qaaday waaxda 1-aad ee Baariyow, xaafadda Galmudug ee deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay yihiin ciidamada ilaalinayay waaxda ayaa dhaawac soo gaaray iyo qof kale oo shacab ah, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale weerarka kadib ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tegay goobta, kuwaas oo sameeyey baaritaano dheeraad ah.

Wararka ayaa sheegaya inay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi, welina ma jiro wa hadal ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka iyo laamaha amniga intaba.

Garasbaaley ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qorsheysan oo geysta khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Khilaaf soo kala dhex galay Dabageed iyo CALI JEYTE

0

Beledweyne (Caasimadda Online) – Waxaa soo shaac baxay khilaaf culus oo soo kala dhex galay madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Khilaafka labadan masuul ayaa salka ku haya canshuurta gobolka, taas oo la sheegay in Yuusuf Dabageed uu ka dalbaday guddoomiye Jeyte inuu ku soo wareejiyo, balse guddoomiyaha ayaa ka biya diiday dalabkaas.

Sidoo kale Wararka naga soo gaarayo Magaalada Beldweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheega in ay halkaas ka jirto xiisad ka dhalatay gadood ay sameeyeen ciidamadii la sheegay inay kasoo goosteen General Xuud oo horey u shaaciyey inuu kasoo horjeedo Maamulka Hirshabelle.

Sababta ay ciidamadaan ku xareysnaa xerada Lama-Galaay u gadoodeen ayaa lagu sheegay inay tahay ballan ka bax ay ka tirsanayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Jeneraal Mukhtaar oo muddooyinkii dambe ka shaqeenayey xalinta khilaafka ka taagan dhismaha Maamulka cusub ee Hirshabelle.

Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa mugdi soo galeyso, waxayna Dowladda Dhexe halkaas geysayo ciidamada booliska gaarka u tababaran ee Haramcad, iyadoo laga cabsi qabo in magaalada ay marti u noqoto dagaal.

General Xuud iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa ku sugan duleedka Magaalada Beldweyne, wuxuuna sheegay inuu raadinayo xaq uu sheegayo inuu ka maqan yahay Gobolka Hiiraan.

Farmaajo oo tijaabo ahaan u adeegsaday R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay faah-faahinta kulan ka dhacay Villa Somalia kahor inta uusan ra’iisul wasaare Rooble ku dhowaaqin in dowladda ay guda galeyso doorashada.

Kulankan oo ay galeen madaxweyne Farmaajo, taliyiha Nabad-Sugidda, guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa waxaan goobjoog ka aheyn ra’iisul wasaare Rooble.

Kulankan oo xilli dambe lagu gaaray ayaa markii uu soo gaba-geboobay, waxaa xafiiska ra’iisul wasaaraha la isugu yeeray kulan kale oo muddo kooban socday, ujeeddaduna ahayd in ra’iisul wasaaraha lagu war-geliyo go’aanka la gaaray.

Kaalinta ra’iisul wasaare Rooble ee go’aanka iyo maamulka doorashada ayaa aad u kooban, waxaana la rumeysan yahay madaxweyne Farmaajo u adeegsanayo Rooble kuna tijaabinayo go’aanada khatarta ah ee laga yaabo in dib looga laabto, si eedda ay xukuumadda u qaadato, oo aysan ugu soo leexan madaxtooyada..

Labada hadal ee ay jeediyeen Madaxweyne Qoor Qoor iyo Rooble ayaa qeyb ka ahaa waxyaabihii ka soo baxay kulankaas, iyada oo markii la duubay iyo xilliga la baahiyay ay u dhaxeysay 11 saacadood oo la sugayay ogolaanshaha madaxweynaha, oo si shaqsi ah u daawaday muuqaalka qeybna ka qaatay tifaftirka.

Qorshahan ayaan aheyn mid cusub, waxaana madaxweyne uu marar badan go’aano halis ah uu sidan oo kale ugu adeegsaday ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, kadibna isaga un ka laabtay, uguna muuqda inuu xal doon yahay. Xilligii doorashdii madaxweynaha Jubaland August 2019, xukuumadda Kheyre ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegtay in dowladda Federaalka ah aysan aqoosaneyn natiijada doorashada Jubalanad, balse June 2020 ayuu madaxweyne Farmaajo shaaaciyay in uu oqoonsaday madaxweynenimada Madoobe.

Caasimada Online ayaa fahansan in madaxweyne Farmaajo uu isa siinayo fursad uu wadahadal kula geli karo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe islamarkaana uu cadaadis ku saari karo, waana taas sababta uusan hadal uga tegin ee uu Rooble ku noqday ninka lagu tijaabiyey xiisadda kacsan ee doorashada.

Sidoo kale madaxweynayaasha dowlad goboleedyada xulafada la ah iyo duqa Muqdisho ayaa qeyb ka noqday qorshaha madaxweyne Farmaajo adeegsanayo, iyada oo aysan jirin cid kale oo wadahadal furi karta kadib go’aankii xalay.

Wafdi ka socda Kenya oo imanaya MUQDISHO iyo ujeedka socdaalkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa la filayaa inay maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, ayada oo la isku dayayo in la dhameeyo khilaafka u dhaxeeeya labada dal.

Labada dal ayaa waxaa u billaaban doona wada-hadallo ay garwadeyn ka tahay IGAD oo lagu dhameynayo xiisadda ka dhex oogan kadib markii Soomaaliya ay xiriirka u jartay Kenya, ayada oo ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha dalka, taasi oo Kenya ay beenisay.

21-kii December, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo kamid ahaa wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee tegay Jabuuti, halkaasi oo IGAD ay ku wada-hadalsiisay madaxda labada dal, ayaa sheegay in IGAD ay cadaadis xoogan ku saareyso Soomaaliya inay xaliso xiisadda Kenya.

IGAD ayaa wixii markaas ka dambeeyey wadday isku day lagu sii heshiisinayo labada dal, ayada oo wafdi xaqiiqo raadin ah, oo ka socday Jabuuti  u dirtay xuduudda labada dal.

Illaa iyo hadda ma cadda heerka wafdiga maanta imanaya Muqdisho, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya inay yihiin wafdi heer sare ah, waxaana lagu rajo weyn yahay in la dhameeyo xiisadda labada dal.

Shan arrin oo ka dhalan kara go’aanka ay dowladda ku qabaneyso doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madax goboleedyada ay maamusho Villa Somalia ayaa shalay ku dhowaaqay inay dalka ka qabanayaan doorasho aan la isla ogoleyn.

Tani waa tallaabo u muuqato in aan laga fikirin waxa ka dhalan doono islamarkaana basiin kusii qabaneysa daganaansho la’aanta siyaasadeed ee Soomaaliya iyo amniga oo aan markii horaba laheyn sal fadhiya.

Khubarada Siyaasada Soomaaliya ayaa isku raacsan in go’aanka dowlada uu yahay mid dalka ka abuuri kara dhibaatooyin sababi kara burbur iyo dagaalo sokeeye haddii aan la helin waddo midaan ka duwan oo ka timaada mucaaradka iyo beesha caalamka.

Go’aankaan waxaa ka dhalan karo dhowr tallaabo oo kala ah.

1- In dowladda Soomaaliya ay doorasho ka qabato maamullada taageersan, gobalka Gedo oo Jubaland oo dhan matali doono iyo Gobaka Banaadir, waxaana meesha ka bixi doonto Puntland halka markii horey ay maqneyd Somaliland.

2- In Haddii ay dowladda Soomaaliya Gedo ku qabato doorasho baarlamaan, inay dhici karto ay weerarto Jubaland islamarkaana uu halkaas dhiig ku daato.

3- In mucaaradka ay qaadaan talaabooyin looga falcelinayo go’aanka dowladda, sida inay ayagana doorasho qabtaan, islamarkaana dalka ka dhici karto xaalad gacan ka hadal ah ama dagaalo sokeeye ah.

4- In dalka uu yeesho dowlad aan la isla ogoleyn 20 sano kadib taas oo keeni karta in dowladaas ay shaqeyn weyso islamarkaana dib u dhac xoog leh yimaado.

5- Iyo in beesha caalamka ay qaadato go’aan kale oo ka madaxbanaan midka siyaasiinta Soomaalida Mucaarad iyo Muxaafad maadaama ay dhaqaalo badan ku bixisay soo kabashada Soomaaliya, go’aankaas oo aan ilaa hada la ogeyn nuuca uu noqon karo.

Si kastaba go’aanka ay qaadatay Xukuumada Soomaaliya ayaa u muuqdo mid uga sii dara kara xaalada Soomaaliya lamana oga sida ugu dambeyn ku dhamaan doonto is-mara-waayga siyaasadeed ee Soomaaliya.

KENYA oo duqeyn hor leh ka geysatay gobolka Gedo

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay gobolkaasi ay duqeymo dhanka cirka ah ka geysteen diyaaradaha dagaalka Kenya, iyada oo haatan laga helayo faah faahinodheeraad ah.

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa lala bartilmaameedsaday deegaanka Raaso-Ugaas oo ka tirsan gobolka Gedo, halkaas oo ay ku dhaqan yihiin dad xoolo dhaqato.

Illaa 7 gantaal ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaceen deegaankaasi, lamaga oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi.

Sidoo kale is-gaarsiinta deegaanka la duqeeyey ayaa aad u liidata, taas oo hoos u dhigtay in xog badan & macluumaad laga helo weerarkaasi.

Inta badan ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa weeraro xoogan ka fuliya gobolkaasi oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba duqeymaha diyaaradaha dagaalka wadanka Kenya ay fuliyaan ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah ee ku nool deegaanadaasi.

Askar ka tirsanaa ciidanka AMISOM oo qarax lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa faahin faahin dheeraad ah ka bixisay qarax ciidamadeeda ka tirsan howl-galka AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay agagaarka xadka dheer ee ay wadaagaan dalalka Soomaaliya & Kenya.

Qoraal ka soo baxay milatariga Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi qaraxa ah looga dilay ugu yaraan illaa afar askari, sideed kalena ay ku dhaawacmeen.

Kenya ayaa shaacisay in qaraxaas lala bartilmaameedsaday ciidamada, xilli ay ku safrayeen wadada dheer ee Dhoobley.

“Weli waan aruurineynaa macluumaadka, illaa iyo hadda, waxaan helnay warbixin xaqiijineysa dhimashada afar askari oo ka tirsan ciidanka difaaca Kenya ee lagu dilay weerarka. dhaawacyadu waxay gaari karaan sideed askari,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa sheegtay in askarta qaba dhaawacyada halista ah loo qaaday magaalada Nairobi, si loogu soo dabiibo xaaladooda caafimaad.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro jidgal ah ka fuliso deegaanada ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Soomaalida iyo Booranta waddanka Kenya

0

Nairobi (Caasimada Onlin (Caasimada Onlin) – Ugu yaraan todobo ruux ayaa ku dhintay isku dhacyo dhex-maray Soomaalida iyo Booranta ku dhaqan deegaanada u dhow magaalooyinka Wajeer iyo Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dadka dhintay oo u badan Soomaali ayaa ahaa rayid Xoolo Dhaqto ah, kuwaas oo laga hor istaagay dhul daaqsimeed ay leeyihiin.

Mas’uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegay in haatan xaaladdu ay aad u xun tahay, islamarkaana laga cabsi qabo dagaallo kale.

Sidoo kale waxa aymas’uuliyiintu ugu baaqeen dowladda Kenya inay wax ka qabato Booranta oo la sheegay in duulaan ku yihiin dhulka ay dagan yihiin Soomaalida

Dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanadaasi ayaa sidoo kale bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda, si aysan waxyeelo uga soo gaarin weeraradaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyadoo weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo magaalada Wajeer iyo deegaanada hoos yimaada ee dalka Kenya.

Guddiga KMG ee Rugta ganacsiga iyo warshadaha oo si toos ah u howl galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay isugu yimaadeen Guddiga KMG ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya uu dhawaan Magacaabay Wasiirka Ganacsiga Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in guddiga si deg deg ah u howl bilaabaan.

Guddiga KMG ee Rugta Ganacsiga shir ay yeesheen ayey uga wada hadleen sidii loo dar dar galin lahaa howlaha shaqo iyo waajibaadka horyaala, waxa ay sidoo kale guddiga kawada hadleen sidii loo dhisi lahaa maamul iyo nidaam hufan ay yeelato Rugta Ganacsiga.

 

 

Xasan Sheekh oo si adag uga jawaabay go’aankii DF, farriin culusna diray + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay shir jaraa’id oo ay caawa qabteen midowga musharaxiinta ayaa si kulul uga hadlay go’aankii maanta ka soo baxay xukuumadda federaalka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxdii dowlad goboleedyada ee maanta garab taagnaa ra’iisul wasaaraha aysan go’aankaas ku metelin dadkii iyo gobolladii loo doortay.

“Doorashada lagu dhawaaqay in la qabto suurta gal maaha oo midnimada dalkan ayey dhaawacee, walaaleheena uu ra’iisul wasaaruhu u weynaa ee maanta isla taagnaa, sida ay u dhaqmeen sax maaha, madaxdii qaar ayaa maqan oo la leeyahay waa laga tashanaa, kuwa kale ee maanta meesha taagnaana kuma metelaan dadkii shalay doortay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxa uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, K/Galbeed iyo HirShabeelle aan laga yeeleyn qorshahooda ah “Madaxweynaha ayaan kursiga u soo boobeynaa oo dadka anagaa soo gacan maroojineyna, taasi sax ma’ahan” ayuu yiri.

“Madaxweynaha waxaan leenahay dalka inaad tiraahdo qaar waa laga maarmaa, qaarna ciidamo ayaan geysanaa oo xoog dadka iigu soo afduuba, nimankii loo doortay deegaanadaasna ay raali ku yihiin, dadka ka soo jeeda dowlad goboleedyadaas raali kama ahan arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay isku celinta dadkan Soomaaliyeed ee ka soo daalay kala fogaanshaha iyo kala shakiga, isla markaana madaxweynaha laga rabo in hadii uu xukunka sii joogayo uu dadka Soomaaliyeed isku haayo, hadii uusan sii joogina dadkii oo is heysta oo aan kala maqneyn uu wareejiyo.

“Aamusnaanta madaxda maamulladii maanta meesha joogay waxaa u arkeynaa inay dhaheen hanaloo keeno ciidamo aan doorashada ku dhacno madaxweynuhuna uu sidaas rabo, marka taasi waa khatar, midnimada dalka ayaa khatar ku jirta maanta,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hoos ka Daawo

Daawo: Rooble iyo Daahir Maxamud Geelle oo kulmay iyo GEELLE oo shaaciyey arrin ay is-dhaafsadeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Daahir Maxamuud Geelle oo ah musharax madaxweyne, isla markaana ka mid ah golaha midowga musharaxiinta.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharax Daahir Geelle ayaa kulan saacado qaatay yeeshay, waxayna ka wadahadleen muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Daahir Geelle Geelle oo si kooban uga hadlay kulankaas ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha casuumay, isla markaana ay is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan doorashada iyo xaaladda guud ee dalka sida uu sheegay.

“Waxaan rabaa inaan idinla wadaago galabta waxaan marti qaad ka helay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana ku soo booqaday xafiiskiisa, waxaan is dhafsanay aragtiyo ku aadan marxaladda kala guurka ah ee dalku ku suganyahay iyo hanaanka looga gudbi karo,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha waxaan is dhaafsanay aragtiyo aad iyo aad u kala durugsan, waxuu isoo gudbiyey dowladda aragtideeda ana aragtida musharaxiinta ayaan u gudbiyey, qadarin ayaan u hayaa Ra’iisul Wasaaraha.”

Kulankan ayaa ku soo aaday iyadoo maanta Ra’iisul wasaaraha oo ay garbihiisa taaganyiihiin Qoor Qoor, Lafta Gareen, Cali Guudlaawe iyo Cumar Filish uu ku dhawaaqay in la guda gelayo hir-gelinta doorashada dalka.

Musharaxiinta mucaaradka ah iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaan wax talo ah ku laheyn doorashada uu maanta ku dhawaaqay Rooble, waxaana haatan Hotelka Jaziira ka socda ay shir ay isugu yimaadeen musharaxiinta mucaaradka ah, kaas oo la filayo inay ka soo baxdo fal-celin ka dhan ah go’aankii maanta.

Hoos ka Daawo

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo xil ka qaadis wajahaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida y ogaatay Caasimada Online, dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay xilka ka qaado guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Il-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in marka hore qorshaha uu ahaa in Shuute xilka laga qaado isla maalintii xilka laga qaaday guddoomiyaha maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow. Hase yeeshee sababta loo shaacin waayay xilka qaadista Shuute ay tahay cabsi laga qabay inay saameyn ku yeelato qalalaasihii ka taagnaa waqooyiga Muqdisho, kaas oo si gaar ah u quseeyay dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil u dhashay beesha Abgaal.

Talooyinka dowlada loo jeediyay ayaa ahaa in mar haddii culeys la saaray Abgaal islamarkaana la baadi goobayo saraakiil u dhashay aysan macquul aheyn in la qaado tallaabo kale oo taabaneysa isla beeshaas, waana sababta keentay in dib loo dhigo maadaama uu ka soo jeedo Abgaal.

Hadda oo lagu guuleestay xal u helida arimaha Waqooyiga Muqdisho ayaa la filayaa in la shaaciyo xil ka qaadista Xasan Cali Nuur Shuute, oo raaci doono wadadii saaxiibkiis Liibaan Cali Nuur Yarow.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya waxay aheyd meesha kaliya oo ay ku dambeyso cadaalada Soomaaliya, waxaana Liibaan iyo Shuute dadka Muqdisho u heestaan haddii xilkaas ay baneeyaan in ay duntay maxkamadaas.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in sababta looga qaadayo ay tahay in ay kasoo horjeesteen go’aano ay wateen siyaasiin iyo dad xilal ka haayo dowladda oo la rabay in lagu dhibaateeyo saraakiil ciidan islamarkaana ay mas’uuliyiintaan sheegeen in aysan sax aheyn, waxeyna taasi keentay in xilalkooda ku waayaan.

Shuute wali waa guddoomiyaha maxkamad basle waxaa diyaarasan xil ka qaadistiisa sida ay noo sheegeen xog heynta gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Midowga musharaxiinta oo u jawaabay Qoor Qoor iyo kulan deg deg ah oo dhacaya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor inuu ka been sheegay waanwaantii uu waday ee la xiriirtay arrimaha doorashada.

“Waxaan la yaabnay inuu yiraahdo jawaab ayaan ka weynay, muddo saddex cisho ah inuu tashi nagula soo laabto ayey aheyd, jawaab sax ah oo nooga timid Qoor Qoor ma jirto,” ayuu yiri afhayeenka Midowga Musharaxiinta.

Afhayeenka wuxuu sheegay ineysan suuragal aheyn boob lagu sameeyo doorashada, islamarkaana ay tahay wax aan qurux badneyn in dowladda Soomaaliya ay qaadato go’aan aan loo dhameyn.

Wali wax xal ah lagama gaarin arrimaha doorashooyinka dhan walba, guddiga lagu muransan yahay, arrimaha gobolka Gedo iyo xubnaha wakiilada Somaliland, balse dowladda waxey ku dhawaaqday in doorashada horay loogu socon doono.

Hadalka kasoo yeeray Midowga Musharaxiinta ayaa imaanaya kadib markii Qoorqoor uu shir jaraa’id ku shaaciyay inuu wax jawaab ah ka waayay madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka, taasna ay ku qasabtay inuu wax ka qaato go’aanka horay loogu wadayo doorashada.

“Waxaan rabaa inaan idiin caddeeyo in wali aysan wax jawaab ah kasoo bixin madaxda Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta kale iyadoo ay madaxda qaranka sameeyeen tanaasul,” ayuu yiri Qoor Qoor, oo madaxtooyada Soomaaliya ay u adeegsaneyso inuu muuqaal xun ka bixiyo mucaaradka

“Dowlad Goboleedka Galmudug waxey isku dayday intii ay awooday in dalka laga hirgaliyo doorasho heshiis lagu wada yahay, waqti kalana yaan laga lumin dalka,” ayuu yiri mar kale Qoor Qoor.

Dhanka kale caawa waxaa loo ballamay inay shir deg deg isugu yimaadaan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxeyna ka hadli doonaan go’aanka kasoo yeeray dowladda oo uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

CC Shakuur oo shaaciyey ‘qorshaha’ FARMAAJO ee ciidankii maanta la daabulay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, ahna musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cambaareeyay tallaabada ay dowladda Soomaaliya ciidanka ugu daabushay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook, ayaa sheegay in arrintaan uu ku dhaqaaqay madaxweyne Farmaajo ay caddeyn u tahay inuu rabo doorasho boob ah, islamarkaana ay tahay arrintii ay beesha caalamka horey uga digeen.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Ciidanka Haramcad ee Madaxweyne Farmaajo uu maanta Beledweyne ka dejiyey iyo kuwii ka horeeyey ee uu Dhuusamareeb iyo Gedo geeyey waxay daliil cad u yihiin damaciisa doorashada boobka ah. Waxay kaloo cadayn u tahay in uu diidan yahay wadahadal iyo is faham laga gaaro is marin waaga doorashooyinka.

Ruux walba oo isku daya in uu qayb ka noqdo in Farmaajo dalka loo afduubto oo doorasho boob ah loo qabato, xilkii uu doono ha hayo, deegaankii uu doono ha ka soo jeedo, qabiilkii uu doonana magaciisa ha ku hadlo wuxuu halis ku yahay danta iyo amniga qaranka Soomaaliyeed, diiwaanka taariikhdana meel madow buu ka gelayaa. Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed in aan meel uga soo wada jeesano kuwa doonaya in ay dalka naga duminayaan.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa soo gaaray shalay magaalada Muqdisho, waxaana jirta dood ku hareereysan doorashadii uu kusoo baxay, kulankii uu madaxweyne Farmaajo la qaatay kadib waxaa xigtay in ciidamo loo daabulo Hiiraan oo aheyd halkii laga diiday markii lagu doortay Jowhar.