26.3 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Xog: Axmed Madoobe iyo Deni oo ku guul darreystay laba arrin oo ay qorsheeyeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Sababta ay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubaland iyo Mucaaradka ay madaxweyne Qoor Qoor ugu ogolaadeen inuu dhex dhaxaadiyo iyaga iyo dowladda ayaa la ogaaday in ay aheyd laba ujeedo oo culus.

Sida aan ka soo xiganahay mas’uuliyiin sar sare, maamulladaan iyo Mucaaradka ayaa Qoor Qoor u arkayay nin dhow oo ay ka soo wareejin karaan dhinac Villa Somalia ama ugu yaraan uga keeni kara dantooda waxaana muuqata in labadii qodobba aysan hirgelin, oo ah kala fogeynta Qoor Qoor iyo Madaxda dowladda ama helista tanaasulka dowlada ee muranka doorashooyinka.

Siyaasiinta mucaaradka ah ee Musharaxiinta, Madaxweyne Deni, Axmed Madoobe iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku heshiiyay in marka hore la kala dhantaalo saddex maamul ee taabacsan Madaxweyne Farmaajo, waxaana qofka ugu dhow loo arkayay Qoor Qoor oo dib u gurasho sameeyay lamana oga qorshaha xiga ee Mucaaradka.

Haddii mucaaradka, Jubaland, Puntland, Cabdi Xaashi, iyo Qoor Qoor dhinac noqon lahaayeen waxay dhankooda u leexin laheyd miisaanka siyaasadda dalka, balse taas ma dhicin.

Waxaa muuqato in ay sii adkaatay xaalada Soomaaliya ee dhanka doorashooyinka islamarkaana wax kasta laga filan karo daganaanshaha Soomaaliya haddii aan la helin tanaasul dhanka siyaasiinta ah.

Maxay doorashadii Jawaari ka sheegeysa fashilka ku yimid jadwalka doorashada?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta oo kale Afar sano ka hor 11- Jannaayo 2017, kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada baarlamanka 10-aad ayaa loogu doortay Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inuu noqdo gudoomiyaha Golaha Shacabka .

254 xildhibaan oo xiligaasi goobjoog aheyd kulanka ayaa u kala codeyay musharixiinta kala ah:

1- Idiris Daqtar
2- Xildhibaan Cabdifataax Geesey
3- Cabdirashiid Maxamed Xidig  .
4- Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

254- xildhibaana ee kulanka soo xaadirtay ayaa waxa ay 141- ka mid ah codka ay siiyeen Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, taas oo ka dhigtay in uu ku guuleeysto Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka 10-aad.

Laba sano kadib, 9-kii bishii afaraad 2018, madaxweyne Farmaajo, oo doonayey in meesha laga saaro la-xisaabtanka baarlamanka ee xukuumadda ayaa abaabulay mooshin xilka looga qaadayo Jawaari, taasi oo keentay in Jawaari uu xilka iska casilo.

Maanta Afar sano kadib dalka kama muuqato doorasho leysla ogol yahay oo ay u dhan yihiin saamileeyda Siyaasadda, iyadoo uu dhamaatay muddo xileedka Dastuuriga ah ee Baarlamaanka Labadiisa Aqal.

Waxaana markii labaad fashilmay jadwalkii aysoo saareen gudiyada doorashada, kaas oo lagu xusay in 05-ta bishaan la soo gudbiyo Liisaska musharixiinta Aqalka sare , doorashada aqalka sarena ay ka bilaabato dalka 7-bishaan oo ku beegneyd maalinamada khamiista ah ee isbuuci ina dhaafay.

Guddiyo aan lagu qanacsanaeyn, Khilaafka dowladda dhexe iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland oo aan xal laga gaarin , Murashixiinta oo Tabasha qaba iyo Arima kale oo badan ayaa isku biirsanaya doorashooyinka aan la aqoon waqtiga la qabanayo.

Daawo: Xasan Sheekh oo beeniyey arrin la sheegay in mucaaradku qorsheynayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kalena kamid ah midowga musharixiinta mucaaridka ayaa markii u horeysay beeniyay inay mucaaadka ay qorsheynayaan inay ka hortagaan inay dhacdo doorasho kahor 8-da Febraayo, si waqtiga uu uga dhaco Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inaysan marnaba qeyb ka noqoneyn dib u dhac ku yimaada dalka, isagoona meesha ka saaray in musharaxiinta mucaaridka ay diyaar u yihiin dagaal, isla markaana ay ‘si kas ah’ u gaarsiinayaan in xiligeeda ku dhici weydo doorashada.

“Anaga tallo xumo iyo hoog kama talino, dadka ka talin lahaana maahin, dalkaan meesha uu u jihaysan lahaa, 8 Feb in la gaaro cida xilka haysa ayaa mas’uul ka ah ani kama ahi,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Xasan ayaa si weyn ugu dhaliilay dowladda oo uu sheegay inay diidan tahay dhaqan-gelinta heshiiskii doorashada ee ay madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku gaareen magaalada Muqdisho.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka ay isku dayeyso inay boob ku sameyso doorashada dalka, kadib markii ay ciidamo hor leh u daabushay qeybo kamid ah dalka, taasi oo uu si adag uga digay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in musharaxiinta mucaaridka aysan diidaneyn in si sax ah loo bilaabo hanaanka diiwaan-gelinta, taasi oo haddii ay sababto dib u dhac u hogaansamayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Wax socdaa rabnaa, doorashadii oo si sax ah ku socota rabnaa, haddii doorashadii oo socota ay nala dhaafto 8 Feb, waaba socotaa ee ma anaga ka dhex qeylin karna, waa ku dhex jirnaa markaas,” ayuu yiri ugu dambeyntiina Xasan Sheekh Maxamuud.

Midowga musharaxiinta ayaa iyagu hore uga biyo diiday in hal maalin ay kadib dhacdo doorashada, iyada oo hadalka Xasan Sheekh u muuqdo tanaasul cusub oo ay ku rabto in doorasho wada-ogol ah ay dalka ka dhacdo, taasi oo la ogeyn sida ay uga fal-celin doonto dowladda.

Israel oo hubkeeda difaaca gantaallada heegan gelisay iyo weeraro laga cabsi qabo

0

Tel Aviv (Caasimadda Online) – Maamulka Isreal ayaa ka cabsi qaba in weerar lagu soo qaado, sidaas darteed dhanka koonfureed waxey geysay gantaallada difaaca sida ay soo wariyeen warbaahinta maxaliga ah.

Sida xogta lagu helay, wadooyinka magaalo xeebeedka dhanka koonfureed ku taalla ee Eilat ayaa lagu arkay habka difaaca Patriot ee dhexda ka qabta gantaalalda ballistic, iyo habka Iron Dome ee ka hortaga gantaallada riddada gaaban.

Warbaahinta waxey warisay in maamulka Israel ay cabsi xoog leh ka qabaan in weerar uga yimaado dowladda Islaamiga ah ee IRAN, kuwaas oo wali ka careysan dilkii loo geystay hogaamiyahoodii dhanka sirdoonka ee Jeneral Qassem Soliemani.

Iran waxey markaas ku dhawaaqday iney sameyneyso aargoosi, dilkii janaraalka waxaa kasoo wareegatay muddo hal sano ah, sidaas darteed maamulka Yahuudda tan iyo bilowgii sanadkaan waxey difaac uga jireen weeraro ay kaga cabsi qabeen IRAN.

Sidoo kale ilo wareedyo kale ayaa sheegay in cabsi baahsan ay heyso Maamulka Isreal maadaama xiisadda gobolka ay kacsan tahay, waxeyna sugayaan dhaarinta madaxweynaha cusub ee mareykanka Joe Biden oo ku beegan 20-ka bishaan.

Dowlada federaalka oo cafis u fidisay dhallinyaro ‘ay soo hubeysay’ dowladda Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Maxamed Tahliil Biixi oo haatan ku sugan magaalada Beledxaawo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay cafis u fidisay dhalinyarada ay hubeysay Kenya ee haatan ku sugan dhinaca magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Taliye Biixi ayaa ugu baaqay dhalinyaradaasi inay dib ugu soo noqdaan magaalada Beledxaawo, isaga oo u ballan qaaday in dowladdu ay ka war heyn doonto.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay waalidiinta dhalinyaradaas inay dib ugu soo celiyaan deegaankooda, si loo bad-baadiyo mustaqbalkooda.

“Annaga diyaar uma nihin in dagaal aan galno, ma dooneyso in dhalinyarada Soomaaliyeed uu cadawgu iska hor keeno, Waalidiin ayaad tihiin ee lasoo baxa dhalinyaradiina waana cafis cid qabsaneyso ma jirto, xitaa haddii ay doonayaan kamid noqoshada ciidanka Dowladda in aan ku biiriyo oo aan tababarno,” ayuu  yiri taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay qof walba waajib ku tahay difaacida madax banaanida dalka iyo jiritaaka qaranimada Soomaaliyeed.

“Madax bannaanida dhuleed kuma xirna Dowlad ama shaqsiyaad balse waa dan guud oo waajib ku ah, maadaama la badali karo Dowladda, lama badali karo Calanka, Dhulka & Nidaamka, sidaas awgeed waa muhiim in la ilaaliyo dalka oo la difaaco,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Soomaaliya ay horey ugu eedeysay Kenya inay jabhado ku hubeyneyso dhanka magaalada Mandera, si ay u soo weeraraan Beledxaawo.

Xog: Maxaa kasoo baxay kulankii mucaaradka iyo saddexda madax goboleed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa xalay kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, kulankaas oo ka dhacay hotelka Decale, ee madax goboleedyada ay degan yihiin.

Kulanka ayaa looga hadlay is-mari waaga ka taagan doorashada iyo go’aankii xukuumadda ee ahaa in doorashada la guda galayo, taasi oo Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdcasiis Lafta-gareen ay qeyb ka ahaayeen.

Ilo-wareedyo ku dhow kulanka ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne gobleedyada ay ballan-qaadeen inay mar kale xal raadin doonaan kahor inta aan la guda gelin qabashada doorashada.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ay ka dalbadeen in Midowga Musharaxiinta ay u soo gudbiyaan magacyada xubnaha ku jira guddiyada doorashada lagu muransan yahay ee ay cabashada ka keeneen.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen Midowga Musharaxiinta inay la hadlaan Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, si ay usoo magacabaan Guddiyada doorashada ee aanay weli soo gudbin, si howlaha kala taagan la isugu soo dhoweeyo.

Wararka ayaa sheegay in si gaar ah uu madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen qaatay door ku saabsan xalka arrimaha cakiran iyo inuu raadiyo dhinaca maqan.

Sawirro: QM oo billowday kulamo xal loogu raadinayo muranka ka jira doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Balal Cismaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan xaaladda cakiran ee dalka iyo muranka ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

James Swan oo dusha sare kala socday dhaq-dhaqaaqyada ka socda Muqdisho ayaa haatan billaabay dadaallo xal raadin ah oo la’isugu soo dhoweynayo dhinacyada doorashooyinka, gaar ahaan dowladda, Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada-hadlay waxa ka dhalan kara go’aankii hirgelinta doorashada ee ay ku dhowaaqday xukuumadda Soomaaliya.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sidoo kale lagu sheegayt in labada dhinac ay ka arrinsadeen xoojinta iskaashi wadaagga, kordhinta kaalmooyin waxtar leh oo ah mid bani’aadannimo iyo horumarin iyadoo la taageerayo barnaamijyada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee arrimaha doorashooyinka.

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa marba marka dambeysa ka sii dareysa, iyada oo weli kulamo iska soo horjeedo ay ka socdaan magaalada Muqdisho.

Afar qodob oo muujiyey QOOR QOOR-ka dhabta ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo loo arkayey inuu dhex dhexaad ka noqon karo amaba ka yahay muranka doorashada Soomaaliya ayaa shalay ku dhaqaaqay 4 qodob oo muujiyay in uusan dhex dhexaad aheyn.

Waxyaabaha dhex dhexaadnimadiisa meesha ka saaray ama ahaa qaladaad waxaa kamid ah.

1 – In uusan dib ugu laaban oo uu mar kale la kulmin dhinacyadii uu warka ka soo qaaday ee tabashada qabay, sida Puntland, Jubaland iyo Mucaaradka, islamarkaana uusan la wadaagin wixii uu lasoo kulmay guul iyo guul darraba. Qoor Qoor wax warbixin ah kuma soo celin Mucaaradka kadib markii uu ka soo qaaday saddex qodob oo ay dalbadeen oo ku saabsan doorashada, waxaana qodobadaas ka diiday dhinaca dowlada, oo markii dambe ku qasabtay inuu ka been sheego, una jeediyo eedda dhanka mucaaradka.

2 – Haddii ay sax tahay inuu ka war-sugayey mucaaradka, Axmed Madoobe iyo Deni oo aysan kusoo laaban, sida uu sheegay, waxay aheyd inuu marka hore taas bulshada la wadaago, si ay u arkaan cidda qaldan kahor inta uusan qaadan go’aan uu kula safanayo dowladda, inkasta oo markii horeba uu la safnaa, balse hadda uu si toos ah u cadeystay.

3 – Haddii uu ku guul darreystay dedaalkiisa xal raadinta, haddiiba uu raadinayey, waxay aheyd inuu dib ugu laabto Galmudug, halkaasna ka sheego wixii uu la kulmay, halkii uu hadlay isagoo barbar taagan garab ka mid ah dhinacyadii uu dhex dhexaadka ka ahaa.

4 – In uusan marnaba soo bandhigin qodobada loo soo dhiibay ee dhanka mucaaradka ah iyo kuwa tanaasulka ka sameeyeen madaxda qaranka, haddiiba sida uu wax u sheegay ay u jiiraan, si ay shacabka ugu qancaan, una ogadaan cidda xalka diidan.

Dadka ku xeel dheer arrimaha dib u heshiisiinta ayaa qaba in qodobadaas ay meesha ka saareen rajadii laga qabay Madaxweyne Qoor Qoor, islamarkaana ay cadaatay inuu dhinac raacsan yahay xili markii hore shakigaas laga qabay.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo diray farriin la xiriirta doorashooyinka 2021-ka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka oo uu weli ka taagan yahay muran Xoogan.

Boqorka ayaa sheegay inuu bilaabay dadaallo ku aadan, sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka ka jira dalka, islamarkaana uu la kulmay madaxda  Jubbaland & Puntland oo uu kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa mad-madowga ka jira doorashooyinka dallka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada madaxweyne ay ka aqbaleen in laga wada hadlo khilaafaadka jira ee ka dhashay hannaanka a dowladda u wajaheyso doorashada.

“Waxaa nasiib wanaag ah inaan labada madaxweyne aan si gaar ah ugala hadalanay, waxaa ay ballan qaadeen in ay diyaar u yihiin sidii ay wax u qabsoomi lahaayeen, wixii madmadow ah ee jirana sidii meesha looga saari lahaa, ra’iisalwasaaha laftirkiisa teleefan ayaan iskula hadalnay,” ayuu yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray madaxda Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay u turaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

“Runtii waxaan leeyahay mas’uuliyiinta Soomaalida haddii ay yihiin dowlad goboleedyada madaxweynayaashooda ama haddii ay dowladda federaalka tahay madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha dhammaantiin mas’uuliyad ayaa idin saaran,  inta idin saaranna waad u dhaarateen illaahey kitaabkisa ayaad ugu dhaarateen inaad umaddaas maslaxadooda aad  ka shaqeynaysaan Illahey waa idin waydiinayaa, umaddaas aad u shaqenaysaan allah hortii,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in daacad laga noqdo arrimaha doorashooyinka, si waqti yar ee la heysto loogu qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay.

“Sida ugu dhaqsiyaha badan uguna wanaagsan oo doorasho ku qabsoomi karto inaad ku qabataan doorashada, Beesha caalaka oo marweliba nala garabtaagan sidii Soomaali ay arrimahooda ay u fududeyn laheyd  waxaan leeyahay inta beesha caalamka aysan idin soo farogashan  farqigi idiin dhexeeya dhameystira,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo xukuumadda Soomaaliya ay go’aansatay in la hir-geliyo doorashada, iyadoo weli aan xal rasmi ah laga gaarin khilaafka ka jira dalka.

Qorshaha ka dambeeya in Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Guudlaawe la dejiyo Decale

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in madaxda dowlad goboleedyada HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug la dejiyay hotelka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sidoo kale ammaanka madaxda dowlad goboleedyadan ayaa waxaa la wareegay ciidamo ka tirsan nabad-sugidda iyada oo la xaddiday dhaq-dhaqaaqooda muddada ay ku sugan yihiin Muqdisho.

Saddexda madaxweyne goboleed ayaa guryo ku leh magaalada Muqdisho, kuwaasi oo inta badan ay degaan marka ay caasimada yimaadaan, balse taasi ma dhicin xilligan.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in madaxtooyada Soomaaliya ay xubnaha ku cadaadisay inay degaan hotelka Decale, halkaas oo sidoo kale ay degan yihiin guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka.

Tallaabadaan ayaa la aaminsan yahay in madaxweyne Farmaajo uu kaga golleeyahay la socoshada dhaq-dhaqaayada kulamada madaxweynayaashan iyo in aysan gelin kulamo aan ahayn kuwa ay Villa Somalia oggoshahay, haddii ay galaana ay yihiin kuwa laga war-hayo.

Decale Hotel oo ku yaalla gudaha Aden Cadde Airport ayaa waxaa leh shirkad Turkshii ah oo ay xiriir dhow leeyihiin madaxweyne Farmaajo.

Daawo: Ciidamo ka hor-tagaya doorasho aan loo dhameyn oo lagu soo bandhigay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo bandhigay muuqaallo muujinaya in duleedka magaalaa Muqdisho la soo dhoobay ciidamo abaabulan oo la sheegay inay ka hor tegayaan in doorasho aan loo dhameyn lagu qabto magaalada Muqdisho.

Warbaahinta gudaha ayaa tebisay in saraakiisha ciidamadaas ay ku goodiyeen inay tallaabo qaadi doonaa hadii magaalada Muqdisho ay dowladdu ka bilaawdo hir-gelinta doorasho aan heshiis lagu aheyn.

Waxaa lasoo bandhigay muuqaallada ciidamo, hub iyo gadiid dagaal oo lagu feyliyey duleedka magaalada Muqdisho, waxayna ragga hoggaaminaya ku goodiyeen inay gudaha u soo geli doonaan magaalada, hadii la isku dayo in la boobo doorashada dalka.

Arrintan waxay ku soo aadeysaa iyadoo shalay ay xukuumadda federaalku iclaamisay doorasho aan heshiis lagu aheyn, isla markaana aysan qeyb ka aheyn Jubbaland, Puntland iyo musharaxiinta kale, taas oo abuurtay walaac xoog leh oo isku geedaamay sii jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah siyaasiyiinta ka fal-celiyey ciidamadan lagu soo bandhigay duleedka Muqdisho ayaa sheegay wal-wal badan ay ku abuurtay marxaladan uu dalku ku jiro, isagoo eedeyn u jeediyey madaxweyne Farmaajo.

“Caawa waxaan daawaday muuqaalkaan laga soo duubay maleeshiyaad aad u hubeysan oo dhoolotus ku samaynaya duleedka Muqdisho, lehna doorasho aan heshiis lagu ahayn Muqdisho laguma qaban karo. Runtii wuxuu igu abuuray welwel aad u weyn jihada qaldan ee Madaxweyne Farmaajo dalkaan u wado,” ayuu yiri.

Qoraalka Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray, “Waxaanan iswaydiiyay Farmaajo ma ogyahay qatarta uu dalka u horseedayo iyo dhibaatada ka dhalan karta ficiladiisa Qaran Dumiska ah. Mise sidii adeerkiis ayuu soo baraarugi doonaa xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen, talada Villa Soomaaliya na meel kale laga agaasimayo?”

DAAHIR Geelle oo sheegay sababta aysan u shaacin liiska XUBNAHA NISA ee ku jira guddiyada doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta, Daahir Maxamuud Geelle oo haatan ah musharax madaxweyne oo kamid ah midowga musharaxiinta mucaaridka ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay arrimo xasaasiya.

Musharax Daahir ayaa ugu horeyntii madaxda dowladda ku dhaleeceyay qabashada doorasho aan loo dhamayn, taasi oo uu ku tilmaamay mid xoog lagu raadinayo, isla markaana la rabo in boob lagu sameeyo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa markii u horeysay uu shaaciyey sababta Midowga mucaaridka uu uga war-wareegayo soo bandhigida liiska xubnaha ay sheegen inay ka tirsan yihiin NISA ee ku jira guddiga lagu muransan-yahay, midaasi oo ay dalbatay dowladda federaalka.

Geelle ayaa sheegay in mas’uuliyad darro weyn ay tahay inay shaaciyaan magacyada xubno sirdoon ah oo ka tirsan NISA, maadama ay bartilmaameed u noqon karaa cadowga, sida uu sheegay.

“Arrintaas waa mas’uuliyad xumo in mukhaabaraad (NISA) ku jira (Guddiyada) aan soo bandhigno. ma waxaa nagala doonayaa mukhaabaraadka Soomaaliya ee shaqada adag haya ee gobollada cadowga ka howl-gala iyo magaalada inaan magacyadooda gudbino ama liiskooda warbaahinta ka sheegno,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Waxa uu intaas kusii daray “Dhalinyaradaas cadowga u loogi mayno, dowladda waa taqaan dadkii ay soo magacowday, iyadaana laga doonaya inay kasoo saarto.”

Ugu dambeyntiina waxa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in dowladda ay guddiga doorashada ka saarto xubnaha ay ka biyo diideen musharaxiinta mucaaridka, kuwaasi oo ay la xiriiriyeen Villa Somalia iyo hay’adda NISA.

Dagaal culus oo dhex-maray Soomaalida iyo Canfarta iyo wararkii ugu dambeeyay

Jig-Jiga (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa dagaal xoogan oo ka qarxay deegaano ka tirsan gobolka City ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu Booliska iyo kuwa Canfarta ee dalkaas.

Dagaalka  ayaa daba socda weerar ay ciidamada Canfarta ay dhawaan ku qaadeen tuulooyinka Gadhmalu, Mayran, Kaldhash ee galbeedka City ee deegaanka Soomaaliada, waxaana ka dhashay khasaaro xoogan.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa lasoo warinayaa inay ku geeriyoodeen ku dhawaan 8 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo kuw dhow 10 ruux, kuwaasi oo isugu jira dhinacyada uu dhex-maray dagaalkaasi.

Waxa kale oo lagu soo waramayaa in deegaanka uu dagaalka ka qarxay ay tageen ciidamo badan oo gurmad ah oo kasoo baxay magaalada Jigjiga, kuwaasi oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida.

Dagaalka ayaa laga cabsi qabaa inuu kusii fido deegaano ka tirsan gobolka, waxayna cabsi xoogan soo food saartay dadka deegaanada ay ku dul dagaalamayaan ciidamada labada dhinac.

Si kastaba, Majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida iyo Canfarta oo la xiriira dagaalkan sababsaday dhimashada dad badan ee ka socda gobolka City ee galbeedka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Weerar askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Balcad

0

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ka dhacay duleedka degmada Balcad, kaas oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka oo ahaa mid dhabagal ah ayaa waxaa lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya oo ku sugnaa halkaasi.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay inay ku dishay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in askartaas ay ka furatay qoryo iyo booshash ay wateen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Seddex askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Murtadiinta ayaa ku dhintay weerar kamiin ah oo ka dhacay duleedka Balcad laba qori iyo booshahna waa lagasoo qaniimeystay,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo ka bilaabeen weerarka kadib wadada xiriirka magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Ciidamada ayaa howl-galkooda ku baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkaasi, balse ma jirto wa faah faahin ah oo ay bixiyeen saraakiisha horkaceysay ciidankaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ka fuliso waddada dheer ee isku xirta labadaas magaallo oo muhiim ah isku socda deegaanada maamulka HirShabellle.

Shan qofood iyo gaari lagu afduubtay gobolka Hiiraan oo lagu daayey madax furasho

0

Maxaas (Caasimadda Online) – Waxaa lasii daayay shan qofood iyo gaari ay saarnaayeen oo dhawaan lagu afduubtay dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kadib markii waanwaan laga galay sababta keentay afduubka.

Laba beelood oo wada daga gobolka Hiiraan ayaa isku qabsaday dil horay u dhacay, waana sababta keentay in la afduubto shanta qofood ee lasii daayay, odayaasha labada beelood ayaa heshiis ka gaaray arrimaha jira taasna waxey sahashay iney xoriyadooda helaan dadkii la heystay.

Sida wararka halkaas ka imaanaya sheegayaan, waxey labada beelood ku heshiiyeen in mag laga bixiyo qofkii horay loo dilay, sidoo kalana xoriyadooda la siiyo shanta qofood ee la afduubtay.

Lacag dhan $40,000 (Afartan Kun Doolar) ayaa lagu heshiiyay in mag ahaan loo bixiyo si ay xoriyadoodana u helaan shanta qof ee loo afduubtay arintaas darteed.

Odayaasha dhaqanka labada beelood oo ay arintu ka dhaxeysay ayaana udub dhexaad u noqday xalinta arintii jirtay, waxaana jiray arrimo badan oo ka jira gobolka Hiiraan iyadoo halkaas laga diiday dowladdii lagu doortay Jowhar.

Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa loo doortay madaxweynaha Hirshabelle afarta sano ee soo socota kadib doorasho ka dhacday Jowhar, balse waa loo diiday inuu gaaro Hiiraan iyadoo la hordhigay shuruudo badan.

Itoobiya oo gacanta kusoo dhigtay saraakiil TPLF ah

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa weli howl-gallo ballaaran ka wada gobolka Tigray waqooyiga dalkaasi, halkaas oo ay dagaal kula galeen ciidamada weli daacadda u ah Jabhadda TPLF oo laga qabsaday meelo muhiim ah.

General Tesfaye Aylwe oo ah madaxa howlgelinta ciidanka Itoobiya ayaa faah faahin ka bixiyey howl-galladii ugu dambeeyey oo ka dhacay deegaanada buuraleyda ah.

Taliyaha ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen saraakiil sar sare oo ka tirsan TPLF, kuwa kalena ay dileen, sida uu hadalka u dhigay.

Tesfaye Aylwe ayaa intaasi ku sii daray in xubnaha ay soo qabteen oo gaaraya illaa todobo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee deegaanka Tigray Abay Woldu, Dr. Abraham Takese oo sidoo kale ahaa madaxweyne kuxigeenkii hore iyo Getachew Tafara oo ahaa madaxii xafiiska madaxweynaha ee nabadda iyo amniga deegaanka Tigray.

Sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in weli ay ku raad joogto saraakiil sar sare oo ka tirsan jabhadda TPLF, kuwaas oo uu ka mid yahay madaxweynihii Tigray.

Si kastaba xaaladda gobolka Tigray ayaa weli ah mid aad u adag, waxaana ka jiraan daruufo adag oo heysta ayaa dadka rayidka, in kastoo caaismadda Mekella iyo meelo kale oo muhiim ah ay la wareegeen ciidamada Itoobiya ee weerarka ku qaaday halkaasi.

Daawo: CC Shakuur oo sheegay in hal arrin darteed uusan Farmaajo u tartami karin madaxweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dood ka heenay sharciyadda uu madaxweyne Farmaajo ugu tartami karo doorasho aysan qeyb ka aheyn maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay wax ku qeybsato nidaamka 4.5, sidaas darteedna madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay in hadii aysan doorashada wax ku laheyn cidii uu ku metelayey awood qeybsiga, aysan jirin sabab uu uga qeyb gali karo doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynayaasha gobollada ee la leeyahay doorashada qabta waa kuwa Galmudug, K/Galbeed iyo HirShabeelle, iyo doorashada kuraasta walaaleheen Somaliland oo la rabo in anagoo taagan Muqdisho lagu dhaco, isku soo wadaduub Farmaajo intaas ayuu ku tashanayaa,” ayuu yiri CC Shakuur.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Farmaajo waxuu yiri Jubbaland iyo Puntland shaqa kuma lihi oo waan ka soconaa, hade Soomaali waa 4.5 ee xaalku haduu saas yahay, Farmaajo doorashada yuusan ka qeyb gelin, hanoo daayo doorashada haduusan Jubbaland iyo Puntland heynin, anaga iyo Shariif Xasan ayaa ku tartameyna.”

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Madaxweyne Qoor Qoor, Madaxweyne Lafta Gareen iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaan ka rabnaa doorasho dalkan laga qada qabto, oo loo simanyahay inay qeyb ka noqdaan, hadii uu madaxweyne Farmaajo diido anaga iyo Shariif Xasan ayaa ku tartameynee hanoo dhaafaan.”

Hoos ka Daawo

Kulan xasaasi ah oo hadda u socda mucaaradka iyo 3 madaxweyne goboleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda hotelka Decale oo u dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka furmay shir u dhaxeeya Golaha Midowga Musharaxiinta iyo madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Golaha ayaa saddexdan madaxweyne kala shiraya dhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyay ee doorashada ee ay qeybta ka noqdeen, kaasi oo lagu iclaamiyay doorasho hal dhinac ah.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ay bar-bar taagan yihiin saddexda madaxweyne ayaa shalay warbaahinta ka hor shaaciyey inay dowladda gudo gali doonto hir gelinta hanaanka doorashada, xili uu mucaaradku meel adag ka taagan yahay.

Kulanka Midowga musharaxiinta iyo saddexda madaxweyne ayaa waxa kale oo uu daba socdaa kulan uu xalay golaha mucaaridku uu digniin uga soo saaray dhawaaqa dowladda iyo kulamo xalay Qoor-Qoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe ku dhex-maray magaalada Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in xalay kulan saacado qaatay ay hotelka Decale ay ku yeesheen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa yimid saacado kadib markii ra’iisul wasaare Rooble, oo ay garab taagan yihiin saddexdan madaxweeyne goboleed, uu ku dhowaaqay in dalka uu galayo doorasho hal dhinac ah.

Xubno ku dhow saddexda madaxweyne goboleed ayaa Caasimada Online u sheegay inay shaki badan ka qabaan go’aankii ay habeen hore qeybta ka ahaayeen ee lagu garaay in doorasho la qabto, isla markaana ay doonayaan in xal la raadiyo.

Qoor-Qoor ayaa isagu sumcaddiisa dilay markii uu ka been sheegay mucaaradka, isaga oo ku eedeeyey in aysan usoo gudbin jawaab uu ka sugayey, halka jawaabta isaga laga sugayey, waxaana lagu wadaa in booskii waan-waanta kala wareegi doona Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe.

Kulankan ayaa imanaya xili ay meel xasaasiya mareyso xiisada doorashada oo ka dhex aloosan madaxda dowladda iyo midowga musharaxiinta, oo iyagu ka biyo diidan hanaanka doorashada.

Cali Dheere oo xukun ‘dil’ ah kasoo saarray guddoomiye Cabdiladiif Muuse Sanyare

0

Garoowe (Caasimada Online) – Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab, Cali Dheere ayaa markii u horeysay ka hadlay arrin uu dhawaan sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), midaasi oo ugu gefay masaajida iyo aaddanka.

Afhayeenka ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid gef weyn ku ah Diinta, isagoona dagaal-yahanada Al-Shabaab amray inay dilaan Cabdiladiif Sanyare, oo guddoomiye ka ah gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Waxa uu faray in marka la dilo guddoomiya madaxa laga jaro, maadama uu ku sifeeyay shaqsi murtad ah oo sii kororsaday dambigii uu ku jiray, sida uu hadalka u dhigay.

“Nin baa Gaalkacyo ka hadlay murtad ah oo yiri ‘masaajida ha la xiro oo addinkooda ayaa i dhiba’ markaas murtadnimada ayuu sii kororsaday, waxaan mujaahidiinta ugu baaqayaa in ninkaas madaxa laga gooyo,” ayuu yiri Cali Dheere.

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in Sanyare uu siyaadsaday kufriga iyo gaalnimada uu dhex mushaaxayo, sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Al-Shabaab.

Guddoomiye Sanyare ayaa hore u sheegay in masjidku uusan agtiisa qiimo ka laheyn, isla markaana uu xirayo, maadama uu sheegay inuu aad u dhibo addinkiisu.

“Culimadii iyo odayaashii baan qado u sameeyay waxaan ku iri culimo-allaay soo masaajid ma ahan waxa aad ka hadlaysaan, aniga waxba iiguma fadhiyo addinkiisaa I dhiba, kumana tukado, ee ama aan misaajidka ku wada tukanno oo Shabaab dagaal diin been ah bay wadaanee taxriifka ka saxa ama masaajidda waa xirxiraynaa kuligeenna guryahaan ku tukanaynaa,” ayuu hore u yiri Sanyare.

Sanyare ayaa markii dambe ka cudur daartay hadalkaas, kadib markii ay si caro leh uga hadleen culimadda oo sheegay in arrintaas ay tahay gef iyo wax laga xumaado, midaasi oo si weyn ugu faaftay baraha bulshada.

Axmed Madoobe oo ka jawaabay go’aankii Rooble iyo arrintii uu Qoor Qoor ‘ka been sheegay’

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka digey in doorasho hal dhinac ah dalka ay ka dhacdo, waxana uu ku baaqay in shir la isugu yimaado oo la wadahadlo.

Isagoo ka hadlayay magaalada Kismaayo oo uu dib ugu laabtay maanta ayuu sheegay inay nasiib darro tahay inaysan dowladda Federaalka waxba ka qaban caqabadihii soo baxay wixii ka dambeeyay markii la saxiixay heshiiska Doorashada 17-ka September oo muddo badan laga aamusnaa.

Waxa uu Madaxweyne Axmed Madoobe ka digey in dad gaar ah la yiraahdo doorasho qabta, islamarkaana la diido in la wada-hadallo, kuwaas oo uu ula jeeday Maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Koofur Galbeed.

“Waxaan ka digayaa in farriimo aan jirin la is weydaarsado, doorashadana la yiraahdo hebel iyo hebelow qabta…hebel iyo hebel oo bannanka ka jooga waxaa ka imaan kara waan garaneynaa, Soomaaliya haddii ay xamili karto anaa iri iyo keli-talis ma aysan burburteen, maxaa diidaya in la isu yimaado..?” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa caddeeyay in markii la isugu tegay magaalada Garowe ay shirar dhex mareen saddex madaxweyne maamul Goboleed, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare oo ay wehliyaan Mushariixinta qaarkood, ayna isla garteen in xal loo helo saddex caqabad oo hortaagan Doorashada.

“Qoor Qoor anagoo sugeyna inuu nagu soo laabto ama shir la qabto, ayaan maqalnay waa la aqbalay heshiiskii, jawaabna waa laga waayey dhinaca kale…waxaan ku talinayaa mas’uuliyaddu dadku ma wada raaceyso.. waxay taabaneysa dadka mas’uuliyadda haya ee ha la isu yimaado,” ayuu yiri Axmed Madoobe .

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xaalada gobolka Gedo waxana uu sheegay inuu diyaar u yahay in la fuliyo heshiiskii September 17 ee Muqdisho balse la isku fahmi la’ yahay qaabkii loo fulin lahaa.

“Waxan diyaar u nahay inaan qabano doorasho,waana ina la abuuraa qaab aan uga qaban karno doorasho Garbahaareey maamul kama jiro amni kama jiro, waa in Maamul Goboleedka loo daayo doorashada,” ayuu yiri.

Hadalka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa imaanayo xilli shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku dhawaaqay in Xukuumadiisa ay qaban doonto doorashada isla markaasna aan loo xayirnaan doonin maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale hadalka Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa ka hor yimid dhammaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, waxayna ku baaqeyn in shir deg deg ah la isugu yimaado si looga tashto aayaha dalka.