24.4 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Musharaxiinta oo beesha caalamka u gudbiyey hab cusub oo loo qaban karo doorashada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta madaxweynaha ayaa soo qoraal u diray beesha caalamka, kaasi oo turjumaya xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo sida xal loogu heli karo is-mari waaga baahsan ee ka jira doorashada Soomaaliya.

Midowga waxey warqadan ay beesha caalamka u direen ku faah-faahiyeen qaabka ugu wanaagsan ee doorashada loo qaban karo, waxaana ugu horreysa in doorashada lagu qabto kaliya hal magaalo si looga gudbo is qabqabsiga ka taagan qabashada Doorashada Soomaaliya ee 2021.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu xusay in loo baahan yahay guddi doorasho oo dhammaan dhinacyada ay quseyso ay ku qanacsan yihiin iyadoo lagu sheegay qoraalka in goluhu uu diyaariyay xubnaha guddiga farsamo ee laga saarayo guddiga.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa Beesha Caalamka ka qalbaday in gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi loo daayo liiska xubnaha gobollada waqooyi, islamarkaana ay kulmaan guddoomiyaha iyo oday dhaqameedyada kasoo jeeda Somaliland ayna soo xulaan guddiga farsamada ee doorashada xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, laguna qabto doorashada labada gole ee xildhibaanada Somaliland Xalane iyadoo ammaankana ay sugayaan ciidamada AMISOM..

Waxey intaas raaciyeen iney hayaan liiska xubnaha ay doonayaan in laga saaro guddiga lagu muransan yahay oo ay dowladdu soo saartay, waxeyna arrimahaan imaanayaan xilli ay dowladda ku dhawaaqday in doorashada la guda gali doono iyadoo ay jiraan tabashooyin badan oo doorashada ku gadaaman.

Ugu dambeynta Midowga Musharixiinta ayaa ku baaqay in si looga hortago in doorashada waqtigeeda ay dib uga dhacdo la qabto kulan ay isugu yimaadan Dowladda Dhexe, madaxda Maamul Goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda dalka.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO

 

Waa kuwee 8-da magaalo ee uu Farmaajo doonayo inuu doorashada ka billaabo?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka doorashada Soomaaliya ee 2021 ayaa waxaa soo baxayo xog ku saabsan sideed Magaalo oo uu madaxweyne Farmaajo doonayo inuu ka bilaabo doorashada aqalka sare iyo midda aqalka hoose.

Sida ay xogta ku heleyso shabakadda Caasimada Online, madaxweyne Farmaajo ayaa qorsheenayo inuu si deg deg ah howlaha doorashada laba Aqal uga billaabo 8 magaalo oo ku kala yaalo maamulada Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

Magaalooyinka la filayo in doorashada uu ku qabto Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kala ah:

  1. Dhuusamareeb
  2. Galkacyo
  3. Jowhar
  4. Baladweyne
  5. Baydhabo
  6. Baraawe
  7. Banaadir
  8. iyo Gedo.

Arritan ah in doorashada la guda galo ayaa imaaneysa saddex maalin uun kadib markii madaxa fulinta ee xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay iney shadaqa socon-doonto.

Shir jaraaid uu 9-kii bishan qabtay ra’iisalwasaaraha ayaa lagu yiri “Xukuumadda federaalka waxaa ay go’aansatay in la gudagalo hirgelinta doorashooyinka si aan waqti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed, loogana fogaado wax weliba oo carqaladeyn kara fulinta heshiiskii dorashada lagu gaaray magaalada Muqdisho 17-kii Setembar 2020.”

Go’aanka kasoo baxay Xukuumadda ayaa waxaa ka hor yimid midowga Musharixiinta oo sheegay in arrintaan ay dalka u horseedi karto dhibaato siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqdo inuu ka dhaga adeegayo baaqyada uga imaanayo musharixiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Madaxweyne goboleedkii ugu horreeyey oo la filayo inuu billaabo doorashada

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, kadib kulamo uu uga qeyb-galay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Lafta Gareen, kadib laabashadiisa Baydhabo uu si rasmi ah u guda-geli doono maamulkiisa doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayaa horey loogu qorsheeyey inay noqoto maamulkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada dalka, gaar ahaan tan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa qeyb ka ahaa qorshaha ku dhawaaqista ee hirgelinta doorashooyinka ee looga dhowaaqay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, xilli uu weli jiro khilaafka ka taagan hanaanka doorashooyinka ay wado dowladda dhexe.

Sidoo kale Lafta Gareen ayaa qaatay door dhex dhexaadin ah, isaga oo la xiriiray hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland, balse weli ma jirto arrin la’isla meel dhigay.

Villa Soomaaliya ayaa isku dayeysa sidii doorashada dalka ee 2021-ka looga bilaabi lahaa saddexda maamul goboleed ee Koonfur Galbeed, HirShabelle & Galmudug.

Si kastaba xaaladda dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana weli walaac muujinaya midowga musharraxiinta ee ka qeyb-galaya doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay ciidamada lagu soo bandhigay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ciidamo abaabulan oo la sheegay inay ka hor tegayaan in doorasho aan loo dhameyn lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo soo saaray war qoraal ah ayaa ka hadlay arrimaha ciidamadaas oo si aad ah muuqaalladooda lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka

Al-Cadaala ayaa ugu horreyn sheegay in ciidamadaasi aysan aheyn kuwo ka soo horjeeda doorashooyinka dalka, isaga oona been abuur ku tilmaamay arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in muuqaalka la soo bandhigay aan hadda la duubin, islamarkaana ciidamada ka soo muuqday aysan aheyn kuwo falaago ah.

“Muuqaalka maalmahaan la wareejinayay ee lagu sheegay Ciidamo kasoo horjeeda Doorashada waa been abuur aan Sal iyo raad lahayn. Muuqaalka la isticmaalay ma aha mid hadda laduubay Ciidamada ka muuqdana ma aha falaago” ayuu yiri Al-Cadaala.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay warbaahinta iyo dadka kale ee wax faafiya in ay ka fiirsadaan farriimaha ay la wadaagayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda been abuurka ah.

“Waxaan ugu naseexaynayaa Warbaahinta iyo Dadka wax faafiya in laga dhawrsado been abuurka nuucaan oo kale ah,” ayuu mar kale yiri wasiir ku xigeenku.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in muuqaalka la baahiyey uu gaf weyn ku yahay ciidamada iyo shacabka, islamarkaana loo baahan yahay in aan la hurin colaad aan jirin.

“Waa ku gaf Qaranka, waa ku gaf Ciidamada, waana ku gaf Shacabka Soomaaliyeed. Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo saacadihii u dambeeyey muqaalka ciidamo abaabulan lagu baahiyey Internet-ka, kuwaas oo saraakiisha hoggaamineysa ay ku goodiyeen inay tallaabo qaadi doonaa haddii la qabto doorashooyin hal dhinac ah.

QOOR QOOR oo beddalay go’aankiisii doorashooyinka, kuna dhowaaqay arrin kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo wareysi siiyey laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa ka hadlay go’aamadii ugu dambeeyey ee uu qeybta ka ahaa ee laga gaaray qabashada doorashooyinka, kadib shirar ka dhacay Muqdisho.

Qoor Qoor oo cadaadis xoogan iyo eedeyn la kulmay, kadib go’aaminta hirgelinta doorashada ayaa shaaca ka qaaday in dalka aysan ka dhaceyn doorasho hal dhinac ah oo ay ka maqan yihiin maamullada Jubbaland & Puntland, isaga oo shegay ay muhiim tahay in xal waara laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee dalka, si loo fuliyo heshiiskii Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin meel lagu talo gooyey in labadaasi maamul laga saaro doorashooyinka ka dhacaya dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho aan laga qeyb galeyn, doorashada waa lagu heshiiyay in laga wada qeyb galaa sax ah, haddii ay jirto tabashooyin waa in la xaliyo, doorasho Puntland iyo Jubbaland ka hareen ama ay ka maqan yihiin sabab ma jirto, mar walba tabashooyinkii jira in la xaliyo oo doorashada waajib tahay in laga qeyb galo” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa eedaha loo jeediyay ku tilmaamay kuwa siyaasadeysan oo dano gaar ah laga leeyahay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan xukuumadda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqaday in la guda-galayo doorashada, si waqtiga haray looga faa’iideysto, iyada oo isla shirkaas jaraa’id uu madaxweyne Qoor Qoor ka sheegay in uu jawaab ka waayay madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland & Musharraxiinta mucaaradka.

Dagaal u dhaxeeya ciidanka DF iyo kooxo hubeysan oo xalay ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad kooban oo xalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku dhex-maray ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysan.

Iska hor imaadka oo muddo kooban socday ayaa ka dhacay xaafadda Soos ee degmada Heliwaa, kadib markii ay rag hubeysan weerareen bar koontarool oo ku taalla halkaasi.

Weerarka kadib ayaa waxaa igay is-rasaaseyn dhex-martay labada dhinac, waxaana lagu soo warramayaa in khasaaraha uu ku kooban yahay dhinacyada diriray oo kaliya.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weerarka kaddib sameeyey baaritaano dheeraad ah oo ku aadan raggii ka dambeeyey falkaasi, balse ma jirto wax faah faahin oo illaa haatan ay ka bixiyeen laamaha ammaanka dhacdadaasi iyo howl-gallada ka dambeeyey.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya isku socdka dadka iyo gaadiidka wadada isku xirta isgoysyada Ex-koontarool Balcad, Soos, ilaa Suuqa Xoolaha.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah oo ka dhan ah askarta dowladda ee ku sugan caasimada.

Daawo: Xaaji Muuse Suudi oo weerar culus ku qaaday ROOBLE iyo Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senetor Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo ka hadalay khilaafka ka taagan doorashada dalka iyo go’aanka ay ku dhawaaqday xukuumaddu ayaa ka digay dagaal iyo khalalaase in dalka dib loogu celiyo.

Muuse Suudi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’aankaas uu ka soo yeeray laba nin oo sida uu sheegay isku beel ah, kuwaas oo kala ah Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Qoor Qoor.

“Doorasho Puntland iyo Jubbaland laga tegay, waqooyina qof ka wakiil ah uusan u taagneyn ayey ku dhawaaqday beesha Hawiye inay qabaneyso, afka in laga dhowro maaha, warkaas waxaan ka maqalnay Rooble iyo Qoor Qoor oo dadkii uu ka soo tegay ay ka soo daba qeyliyeen, oo yiraahdeen been ayuu naga sheegay,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Isaga oo sii hadlaayey ayuu yiri, “Ra’iisul wasaareheena anagu u maleyn meyn inuu Hiraab kaliya Ra’iisul wasaare u yahay, waxaan u maleyneynay Ra’iisul wasaare Soomaaliyeed, waa lagu ceymanaa ayaan is laheyn, balse laguma ceyman.”

Senetor Muuse ayaa ciidamada qaranka ugu baaqay in aysan iska burburin dalka, balse ay xisaabta ku darsadaan in Farmaajo uu mar un ka hor tegi doono.

“Ciidamow dalka ha iska burburinina oo dadkiina ha dilinina, anagu Fahad oo qori sita filan meyno, ee dadka qoriga qaadi karow qorigiina hoos u raaraciya, ogaadana amarka mid aan la qaadanbaa jira,” ayuu yiri Senetor Muuse Suudi Yalaxow.

Hoos ka Daawo

Trump oo wajahaya xil ka qaadis iyo dacwo xasaasi ah

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka, Donald Trump ayaa wajahaya qorshe xilka looga qaadayo ka hor inta uusan xilka wareejin, kadib tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday.

Aqalka Wakiilad Mareykanka ayaa ku dhawaaqay qorshahaas, kaasi oo uu afhayeenka aqalka Wakiilada la wadaagtay xildhibaanada aqalkaas, si xilka looga qaado madaxweyne Trump.

Nancy Pelosi, Afhayeenka Aqalka Wakiilada ayaa sheegtay in qorshaha xil ka xayuubinta Trump cod loo qaadi doono maalmaha soo socda, kaasi oo uu fulinayo madaxweyne ku-xigeenka dalkaas, Mike Pence.

Mike ayaa laga dalbaday in uu wax ka bedel ku sameeyo qodobka 25-aad ee dastuurka Mareykanka, kaasi oo u ogolaanaya in uu xilka sii hayo, midaasi oo fududeynaysa in aqalka cad laga saaro Donald Trump.

Trump ayaa wajahi doona eedeymo culus oo la xiriira kicin iyo kaalintii uu ku lahaa dadkii careysnaa ee gudaha u galay dhismaha Aqalka Congress-ka oo ay xiligaas ka socotay ansixinta guusha madaxweynaha cusub ee Mareykanka.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Donald Trump oo la xiriira qorshaha xilka looga qaadayo, tan iyo markii laga mamnuucay baraha bulshada, gaar ahaan barta Twitter-ka oo si weyn wax ugu qori jiray.

Trump ayaa u muuqda mid uu xaalku ku sii adkaanayo, kadib markii uu isku dayay sameynta wax lagu tilmaamay inay meel ka dhac ku yihiin dimuquraadiyada Mareykanka, tan iyo markii la shaaciyey guul-daradiisa doorashada.

Qoor-Qoor, Lafta-gareen & Guudlaawe oo ka walaacsan go’aan ay qeyb ka noqdeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii la soo dhaafay waxaa socday kulamo ay lahaayeen Madaxweynayaasha taabiyiciinta ah ee maamullada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo kala ah Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Mas’uuliyiintaan ayaa kulamada uga hadlay go’aankii qaraaraa oo ay qeybta ka noqdeen, kaasi oo ay xukuumada Soomaaliya kaga dhawaaqday Muqdisho islamarkaana ku shaacisay qabashada doorashada Soomaaliya iyadoon xal loo raadin tabashooyinka Jubbaland, Puntland, Cabdi Xaashi iyo mucaaradka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in dhinacyadaan isu sheegeen in go’aankii ay qeybta ka ahaayeen uu ahaa mid qaraar oo saameyn kara deganaanshaha maamulladooda iyo mustaqbalkooda hoggaamineed ee maamullada ay joogaan, haddii ay is-badasho xaalada doorasho ee Soomaaliya.

Kulamadan ayaa yimid markii ay xubnahan habeen hore la kulmeen mucaaradka islamarkaana sheegeen inay xal u raadin doonaa muranka doorashada, oo aysan guda geli doonin doorasho aan heshiis lagu wada aheyn.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inuu saddexda madaxweyne goboleed ee taabiciyiinta ah ku cadaadinayo inay billaabaan doorashada Aqalka Sare, balse ay weli shaki badan qabaan.

Sida ay noo sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah, Lafta-gareen, Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa la filayaa inay arrinta sii jiid-jiidaan illaa 8-da Febraayo, ayaga oo rumeysan in wixii markaas ka dambeeya ay soo faro-gelin doonto beesha caalamka, taasi oo iyaga ka yareyn doonta cadaadiska.

‘Arrinta ay isku haleynayaan musharaxiinta mucaaradka ee xaqiijineysa in doorasho hal dhinac ah aan la qaban’

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ka ogaanay xubna sare oo ka tirsan Mucaaradka, gaar ahaan Golaha Midowga Musharaxiinta, waxaa jirta hal tallaabo oo ay ku heshiiyeen mucaaradka haddii ay xukuumadda ay qabato doorashada, sida ay sheegtay.

Xubnaha la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qodobka ay isku afgarteen Mucaaradku uu yahay in aysan dowladdu doorasho ka qaban lix magaalo oo kala ah Muqdisho, Jowhar, Beladweyne, Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellada Hoose, kuwaasi oo ay rumeysan yihiin in shacabka ku nool ay raacsan yihiin.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa sheegay in guud ahaan dhulka Hawiyaha iyo qeybo ka mid ah Koonfur Galbeed aysan xukuumadu wax tallaabo ah ka qaadi karin, islamarkaana ay sababi doonto qalalaase haddii lagu dhiirado fulinta go’aankii shalay.

Shacabka Muqdisho badankood ayaa aragti ahaan raacsan mucaaradka, Beledweyne waxaa hadda ka taagan qalaalse, kadib markii beesha ku xooggan ay dowladda isku qabteen doorashadii HirShabelle, Jowhar waxaa ku xoogan beesha Abgaal, lagamana sameyn karo wax aysan raali ka aheyn Xasan Sheekh iyo Shariif. Dhuusamareeb waxaa weli ku xoogan taageerayaasha Ahlu-Sunna nabadna kuma seexdo Qoor Qoor, Gaalkacyo lagama taageersana dowladda, halka Baraawe amnigeeda aan la isku haleyn karin.

“Sidee ayaa loo fulinayaa go’aanka xukuumada, ma xoog mise xeelad, taas ayaa u baahan in laga jawaabo sababtoo ah Madaxweyne Farmaajo cidna ka ogolaan meyso doorasho ka qaban maayo Garoowe iyo Kismaayo oo saami ahaan siyaasada ku matalo degaanada kalana waa ka qabanaa waana soo laabanaa,” ayuu yiri Prof. Cali Dhuux oo ka mid ah aqoonyahaanka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa waxaa sidoo kale hore u sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo caddeeyey in dowladda aysan doorasho ka qaban karin Muqdisho, oo taasi ay tahay riyo, waxaana hadda aad la isu weydiinayaa sida loo qaban doono doorashada Soomaaliya ee dowladdu ku dhowaaqday.

Weerar kale oo ka dhacay Kismaayo + Khasaaraha

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar markale ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa fiidkii hore ee xalay lagu qaaday fariin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin xaafadda Farjanno ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyey weerarkaasi ee bambada ku tuuray ciidamada inay goobta isaga baxsadeen falka kadib.

Ugu yaraan saddex qof oo mid ka mid ah yahay askari ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, iyada labada kale ay yihiin caruur ka agdhoweyd goobta uu weerarku ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weerarka kaddib howl-gallo kooban ka sameeyey xaafadda Farjanno, bals ma jiro weli wax faah faahin ah oo laga bixiyey howl-galladaas.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa magaallo xeebeedka Kismaayo ka dhacayey weeraro iyo dilal qorsheysan, waxaana weerarkii ugu dambeeyey oo ay sheegatay Al-Shabaab lagu dilay xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo ka tirsanaa baarlamaanka Jubaland.

SACUUDIGA oo taageero soo gaarsiiyey Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Xarun gargaar oo ay leeyahiin qoyska ka taliya boqortooyada Sacuudiga ayaa gar-gaar soo gaarsiiyay gobolo ka tirsan Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalkaas.

Hay’adda KSRelief ayaa soo gaarsiisay Soomaaliya 75 tan oo timir ah oo ay ugu talagaleen iney ka faa’iideystaan 56,250, waxeyna kaashadeen Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soogaabiyo OIC.

Gar-gaarkaan ka yimid boqortooyada sacuudiga ayaa la gaarsiiyay qeybo ka mid ah Jubbaland, halkaas oo ay ku sugan yahiin dad danyar ah oo u baahan in wakhtigaan oo kale la gaarsiiyo kaalmo beni’aadanimo.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay sawirada muujinaya gar-gaarkaan iyo sida looga fuliyay qeybo ka mid ah Jubbaland, waxaana ka faa’iideystay dadka danyarta ah oo isugu jira haween iyo caruur.

Boqortooyada Sacuudiga waxey ka mid tahay tiro dowlado ah oo deeqaha gar-gaar soo gaarsiinayay Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe.

Wada-hadallada xiisadda Itoobiya kala dhaxeysa Masar iyo Sudan oo lagu kala kacay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wada-hadalo u socday dowladaha Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa markale wajahaya guul-daro, xili ay sii xoogeysatay xiisada ka dhaxeysa ee biyo xireenka ay Itoobiya ka sameysay webiga Nile-ka.

Wada-hadal ay maalintii Axadii ku yeeshen madaxda saddexda dal khadka tooska ah ayaa lagu kala tagay, kaasi oo ay hogaaminaysay Midowga Afrika oo isagu xal u raadinaya xiisada Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

Wasiirada arimaha dibada iyo waraabka ee saddexda wadan ayaa kulan u socday toddobaadkan, kaasi oo noqonaya markii labaad ee isla toddobaad dhexdiisa ay dhinacyadaas ka wada-hadlaan khilaafkooda sanadaha badan soo jiitamayay ee biyo xireenka muranka badan ee Itoobiya ka wado webiga Nile-ka.

Kulankaas oo ajendihiisu ahaa sidii loo heli lahaa hanaan lagu heshiiyo, si loo soo koobo wada-hadalada saddexda wadan, isla markaana diirada loo saari lahaa buuxinta iyo ka shaqeynta biyo xireenka Grand Ethiopia Renaissance Dam” ayaa kusoo dhamaaday fashil.

“Waa lagu guul-dareystay kulankii Axadii in la helo g’aan horay loogu sii wado wada-hadallada, si meesha looga saaray kala duwanaanshaha ku saabsan sida loo soo koobayo wada-hadallada iyo hannaanka ee la xiriira geeddi-socodka gorgortanka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar.

Waxa kale oo qoraalkaas lagu yiri “Qaahira iyo Addis Ababa ayaa diiday soo jeedinta ay sameysay Suudaan.”

Bayaanka ayaa kusoo aadaya xili ay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya ay sidan oo kale ay sheegtay in Suudaan ay diiday soo jeedin ka timid Koonfur Afrika, taasi oo ku qotomtay in si gooni-gooni ah loola kulmo khubarada AU, ka hor inta aan ballaarin lagu sameyn doorka khubarada.

Xiisada ka taagan biyo xireenka Itoobiye ee Webiga Nile-ka ayaa sii xoogeysatay, iyada oo sanado badan ay saddexda wadan isku maandhaafsan yihiin gaarista heshiis rasmi ah oo lagu soo afjarayo, iyada oo ay fashil kusoo dhamaadeen dadaalo badan oo la xiriira arrintaas.

Askar ka tirsanaa ciidamada KENYA oo qarax lagu dilay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markalegobolkaasi qarax xoogan lagula eegtay gaari ay la socdeen ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howl-galka Midowga Afrika ee loo soo gaabiyo AMISOM.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa ciidamadaasi laka eegtay xilli ay ku socdaalayeen wadada isku xirta Dhoobleey iyo Hoosingow.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in miinadu ay la kacday mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ay wateen ciidamadaasi.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay kooxda Al-Shabaab waxaa qaraxaas ku dhintay ugu yaraan 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada milariga dalka Kenya ee KDF.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in askarta geeriyootay uu ku jiro sarkaal sare oo ay magaciisa ku soo koobtay Holland.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday.

Waa qaraxii labaad ee ay waxyeelo kala duwan ka soo gaareyso ciidamada Kenya ee ka dhacaya deegaanada u dhow xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya & Kenya.

Soomaaliya wakhtigan ma u baahan tahay madaxweyne kursiga isku dhajiya?

0

Soomaaliya waxay wado dheer usoo jeexday dib u hanashada dawladnimadii ay lahayd iyo ineey soo ceshato sharaftii iyo maqaamkii caalamka ay ku dhex lahayd.

Bur burkii dawladii Soomaaliya kadib dalku wuxu soo maray heerar kala duwan taas oo ahayd nidaam qori isu dhiib ah.

8 Febraayo 2017 ayay ahayd markii madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud xilka uu ku wareejiyay madaxweynaha hada talada haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taas oo caalamku ku amaaneen sida dimuqraadiyadda ah ee uu xilka ku wareejiyay una aqblay in laga guuleystay.

Soomaaliya iyada oo nidaamka dawladnimda ku cusub yahay ayay aqbashay in dawladnimadu qori isu dhiib tahay, Madaxweynihii ugu horeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan alle ha unaxariiste markii uu ka war helay in dadku saluugeen hogaamintiisa wuxu aqblay in dalka ay ka dhacdo doorasho aan wakhtigeeda la gaarin, dhacdadaas oo noqotay midii ugu horeeysay oo uu sameeyo madaxweyne African ah.

Bur burkii kadib culeysyo iyo dhibaatooyin la soo maray dalku wuxuu qaatay nidaamka federaalka ah, taas oo dad badan ay aaminsan yihiin in uu yahay mid aan ku habooneyn dalka wakhti xaadirkan, halka dad kalena ay aaminsan yihiin inuu yahay nidaamka saxda ah ee dawladnimadeenii dib usoo celin kara.

Sidoo kale Soomaaliya waxaa shirkii Carta ee Jabuuti kasoo raacay nidaamka 4.5 oo aan aaminsanahy inuu yahay nidaam aan cadaalad shuqul ku lahayn, kaas oo dad gaar ahna uyeelay mansab iyo maamuus halka kuwa kalena uu ka dhigay kuwo ka liita kuwii hore.

Sideedii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya madaxdii soo martay waxaa laga sugaayay in ay dalka ka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah taas oo caqabado badan ay ku xeeran yihiin suurta geli weydayna in nidaamkaa uu dalku ka qabsoomo.

Dalku hada wuxuu ku jira marxalad kala guur ah taas oo looga fadhiyo dawlada talada haysa in dalka ay hirgeliso nidaamkii ay talada kula wareegtay maadama aysan suuragal ahyn in ay qabato doorasho qof iyo cod ah.

Hadalka shalay kasoo yeeray Reysal Wazaaraha Soomaliya waxay u muuqata mid dawladnimad dalka dhaawac weyn u geysan kara, maadama nidaamka aan qaadanay uu meel ka dhac ku yahay hadalka kasoo yeeray Reysul Wazaaraha.

Anigu ma taageero maamulada dalka ka jiro ee dhinac boodaya dawlada dhexe, balse hadana waxaa lagu dhisay nidaam laysku af gartay sidaa daraaded hadanan lagu qanacsaneyn dib shirweyne kale haloo furo kaas oo meesha looga saarayo maamulada dalka.

Dawlada hada jirta waxay u muuqata mid habka ay doonto rabta inay u wajahdo nidaamka doorasho ee dalka, halka musharixiinta mucaaradka iyo qaar kamida maamul goboleedyada ay iyaguna rabaan in ay wax u dhacaan qaabka ay doonayaan taas oo xiisada cakiran kagasii daraysa.

Dalku wuxuu u baahan yahay masuul u shaqeeya ee aan ka shaqeeysan iskuna fahma inuu yahay adeegaha bulshada ee uusan ahayn mid mansab gaara haysta wuxuu doonana fala, masuul fahma in hadii ay ku qanci waayaan shacabka shaqada uu u hayo baneeya kursiga ee aan isku dhajin .

Dadka Soomaaliyeed wakhtigan waxay qabaan cabsi aad u weyn oo sababi karta in nidaamkii labaatanka sano laso dhisayay uu mugdi ku yimaado.

MAXAA LA GUDBOON MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MUCAARDKA ?

Madaxweyne Farmaajo waxaa la gudboon in uu dalka uturo taariikhdana ay u gasho in xiligaan adag uu qaatay go’aan mustaqbalka dambe ee dalka wax weeyn u tara, kaas oo ah in uu qabto nidaam doorasho oo ogol lagu wada yahay, sidoo kale mucaaradka waxaa la gudboon in ay joojiyaan abuurida xiisad dhibaato u keenta in dalkaan dib u laabto iyagoo og halka laga yimid iyo halka la hiigsanaayo.

MUSTAQBALKA SOOMAALIYA SIDEE AYUU U EGYAHAY?

Inta dadka Soomaaliyeed ay kala sareeyaan midna laandheere yahay midna laangaab inta dadka Soomaaliyeed qabyaaladu qaran kala weyntahay inta dadka Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in dawladnimo laga maarmi karo wey adag tahay in dalku hor usocod sameeyo.

Balse hadii taa badalkeedu dadku fahmaan in qabyaaladu qurun tahay oo dadku siman yihiin, in waxa ina wada mideeya ay tahay dawladnimada siyaasiguna uu inagu awr kacsan ee uu rabitaankeena ku shaqeeyo Soomaaliya cusub ayaa inoo dhalaneysa.

Dadka Soomaaliyeed waa dad dhaqan wanaagsan leh, hal meel ku wada hoyda hal meel wax ku wada cuna oo aan loo kala waramin wax wada qabsada, alle haka dhigo bulshada Soomaaliyeed kuwa fahma waxa ka maqan inay dawlanimada tahay allena isku xira.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Madaxweyne Farmaajo oo arrin xasaasi ah ku cadaadinaya Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku cadaadinaya Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada saddexda ah ee ku sugan magaalada Muqdisho inay dib ugu laabtaan xarumahooda ayna si dhaqso ah ku bilaabaan doorashada Aqalka Sare.

Kulan uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo saddexdan madaxweyne Maamul goboleed uuna goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare Rooble ayuu si toos ah uu ugu sheegay inay waajib tahay in la bilaabo doorashada Aqalka Sare kahor 8-da Febraayo ee sanadkan oo ku eg mudada xil haynta Madaxweyne Farmaajo.

Dad badan ayaa aaminsan in Saddexda madaxweyne maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed inuu si toos ah uu ugu lug lahaa Madaxweyne Farmaajo sidii loo dooran lahaa iyadoo haddana ay tahay mid laga sugayo inay abaalkaas u gudaan Madaxweynaha.

Hase yeeshee lama oga in Madaxweynayaashan ay ku dhaqaaqi doonaan sidii loo bilaabi lahaa doorashada Aqalka Sare iyadoo aysan ka dhacayn doorashada Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan qaar kamid ah guddiga doorashooyinka waxaana warar soo baxayay ay sheegayeen in magaalada Baydhabo ay noqon karto magaalada ugu horeysa ee lagu qabto doorashada Aqalka Sare.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo weliba Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka digey in la qabto doorasho hal dhinac ah oo aan la isku raacsanayn,horena beesha caalamka ee dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in la qabto doorasho loo wada dhan yahay.

Xigasho: Jowhar.com

Muuse Biixi oo farriin xasaasi ah u direy DF iyo mucaaridka, sheegayna arrin cajiib ah

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashada lagu muransan yahay ee dalka, isagoona farriin adag oo ka socota Somaliland u direy dowladda federaalka iyo midowga musharaxiinta.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay faraha kala baxdo arrimaha masiiriga ah ee Somaliland, isagoona ka horyimid xildhibaanada waqooyiga ee lagu doonanayo Muqdisho. 

Waxa kale oo uu sheegay inay gef tahay in mucaaridka iyo dowladda ay isku raacsan yihiin in Somaliland oo dal jira ah loo nisbeeyo dad uu sheegay inay ka dhex xoogsanayaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana lagu tilmaamo mas’uuliyiin matela Somaliland.

“Midowga mucaaridka ah ee Muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu Soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin Baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu xusay in Soomaaliya iyo Somaliland aysan col aheyn, xili uu kal hore ku tilmaamay dowladda federaalka inay tahay cadowga koowaad ee ay leedahay Somaliland, taasi oo hadalka madaxweynaha ka dhigaysa mid cajiib ah oo wax badan ka bedelaysa mowqifkiisi hore.

Sidoo kale waxa uu sheegay in siyaasiyiinta Somaliland kasoo jeeda ee jooga Muqdisho ay halkaas u tageen inay kasoo shaqaystaan, xoolahooda iyo maalka ay soo helaanna ay Somaliland kula soo noqdaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Halkan (Somaliland) Jaaliyad reer Soomaaliya ahi way joogtaa, laakiin arrimaha siyaasadda Somaliland masoo galaan, sababta aad qaranka Somaliland oo aad ogtihiin inaynu soddon sano kala maqnayn, kuwa tegeyna ee shaqo-tegeyna waxa ay lamid yihiin jaaliyadda Kenya joogta, ta Addis Ababa joogta, ta Jabuuti joogta iyo ta London joogta.”

Waxaa uu intaas kusii daray “Haddii ay ka shaqaysanayaanna dalkooda unbay usoo shaqaysanayaan, kuwaada ugu waaweyn ee ugu shaqada badanina, iyaga oo halkaas (Muqdisho) jooga oo Baarlamaan iyo wasiir baannu nahay leh bay halkanna (Somaliland) daaraha kasoo dhistaan”.

Madaxweynaha Somaliland ayaa inta badan dowladda federaalka Soomaaliya ku tilmaami jiray dal cadow ku ah jiritaanka Somaliland, isla markaana dagaal kula jirta aqoonsigeeda, inkasta oo uu maanta sheegay mid taasi ka gedisan.

DF oo faahfaahin ka bixisay HESHIISKII xirmooyinka SHIDAALKA ee baaqday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo u waramay idaacada VOA-da ayaa ka hadlay sababtii uu u baaqday heshiiskii dhawaan lagu saxiixi lahaa xirmooyin kamid ah Batroolka dalka.

Dowladda ayaa dhawaan labo shirkadood u saxiixi rabtay xirmooyin shidaalka (Blocks), kuwaas oo ku kala yaala Xeebaha degmooyinka Hobyo iyo Baraawe, ee hoos taga maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, hase yeeshe markii dambe la hakiyay.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed ayaa sheegay in heshiiskaas uu u baaqday arrimo farsamo, kaasi oo loo saxiixi lahaa labo shirkadood oo lagu kala magacaabo Liberty, iyo Coastline Exploration Petroleum oo horay loo oran jiray Soma Oil and Gas.

“Labada shirkadood waa kuwo xuquuq ku leh dalka oo hore loogu saxiixay xiligii madaxweyne Xasan Sheekh, dibna usoo raadsaday xuquuqdoodii, rabeyna in heshiis la saxiixano, arrimo farsamo unbaa dib u dhigay ee shirkadahaasi xuquuqdooda ayey ku leeyihiin Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Cabdirashiid.

Sidoo kale waxa uu sheegay in labadaas shirkadood ay xaquuq ku leeyihiin dalka, maadama uu ka dhawaajiyay in hore loogu saxiixay xiligii dowladii Xasan Sheekh, isla markaana ay soo raadsadeen xuquuqdoodii, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa ka war-wareegay bixinta faah-faahin intaas ka badan, xili ay soo baxeyso in heshiiskaas uu ku baaqday cadaadis ay midowga musharaxiinta ku saareen dowlada.

Waxa kale oo lasoo warinayaa in arrinta u weyn ee saxiixaas dib u dhigtay ay la xiriirto qaabka loo waafajinayo heshiiskan iyo arrimaha deyn cafinta ee shuruuda Hey’adda IMF, taasi oo si hoose guddi loogu saaray.

Heshiiskan baaqday ayaa kusoo aadaya xili uu dalku wajahayo doorasho lagu muransan-yahay iyo xiisado siyaasadeed oo la xiriira arrintaas oo walaac hor leh ka abuuray dalka.

Xog: Axmed Madoobe iyo Deni oo ku guul darreystay laba arrin oo ay qorsheeyeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Sababta ay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubaland iyo Mucaaradka ay madaxweyne Qoor Qoor ugu ogolaadeen inuu dhex dhaxaadiyo iyaga iyo dowladda ayaa la ogaaday in ay aheyd laba ujeedo oo culus.

Sida aan ka soo xiganahay mas’uuliyiin sar sare, maamulladaan iyo Mucaaradka ayaa Qoor Qoor u arkayay nin dhow oo ay ka soo wareejin karaan dhinac Villa Somalia ama ugu yaraan uga keeni kara dantooda waxaana muuqata in labadii qodobba aysan hirgelin, oo ah kala fogeynta Qoor Qoor iyo Madaxda dowladda ama helista tanaasulka dowlada ee muranka doorashooyinka.

Siyaasiinta mucaaradka ah ee Musharaxiinta, Madaxweyne Deni, Axmed Madoobe iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku heshiiyay in marka hore la kala dhantaalo saddex maamul ee taabacsan Madaxweyne Farmaajo, waxaana qofka ugu dhow loo arkayay Qoor Qoor oo dib u gurasho sameeyay lamana oga qorshaha xiga ee Mucaaradka.

Haddii mucaaradka, Jubaland, Puntland, Cabdi Xaashi, iyo Qoor Qoor dhinac noqon lahaayeen waxay dhankooda u leexin laheyd miisaanka siyaasadda dalka, balse taas ma dhicin.

Waxaa muuqato in ay sii adkaatay xaalada Soomaaliya ee dhanka doorashooyinka islamarkaana wax kasta laga filan karo daganaanshaha Soomaaliya haddii aan la helin tanaasul dhanka siyaasiinta ah.

Maxay doorashadii Jawaari ka sheegeysa fashilka ku yimid jadwalka doorashada?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta oo kale Afar sano ka hor 11- Jannaayo 2017, kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada baarlamanka 10-aad ayaa loogu doortay Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inuu noqdo gudoomiyaha Golaha Shacabka .

254 xildhibaan oo xiligaasi goobjoog aheyd kulanka ayaa u kala codeyay musharixiinta kala ah:

1- Idiris Daqtar
2- Xildhibaan Cabdifataax Geesey
3- Cabdirashiid Maxamed Xidig  .
4- Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

254- xildhibaana ee kulanka soo xaadirtay ayaa waxa ay 141- ka mid ah codka ay siiyeen Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, taas oo ka dhigtay in uu ku guuleeysto Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka 10-aad.

Laba sano kadib, 9-kii bishii afaraad 2018, madaxweyne Farmaajo, oo doonayey in meesha laga saaro la-xisaabtanka baarlamanka ee xukuumadda ayaa abaabulay mooshin xilka looga qaadayo Jawaari, taasi oo keentay in Jawaari uu xilka iska casilo.

Maanta Afar sano kadib dalka kama muuqato doorasho leysla ogol yahay oo ay u dhan yihiin saamileeyda Siyaasadda, iyadoo uu dhamaatay muddo xileedka Dastuuriga ah ee Baarlamaanka Labadiisa Aqal.

Waxaana markii labaad fashilmay jadwalkii aysoo saareen gudiyada doorashada, kaas oo lagu xusay in 05-ta bishaan la soo gudbiyo Liisaska musharixiinta Aqalka sare , doorashada aqalka sarena ay ka bilaabato dalka 7-bishaan oo ku beegneyd maalinamada khamiista ah ee isbuuci ina dhaafay.

Guddiyo aan lagu qanacsanaeyn, Khilaafka dowladda dhexe iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland oo aan xal laga gaarin , Murashixiinta oo Tabasha qaba iyo Arima kale oo badan ayaa isku biirsanaya doorashooyinka aan la aqoon waqtiga la qabanayo.