24.7 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Xog: Afar arrin oo Farmaajo ku qasbeysa inuu wada-hadal ka galo doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cadaadis xooggan ku saaraya saddexda madaxweyne goboleed ee taabicyiinta ah ee Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Guudlaawe inay billaabaan doorashada Aqalka Sare.

Si kastaba, waxaa xog ku heleynaa inay aad uga cago jiidayaan arrintan, sababtuna ay tahay cabsi ay ka qabaan inay dalka u horseedaan dagaa sokeeye.

Madaxweyne Farmaajo oo si kasta isugu dayey inuu dalka ka qabto doorasho aan wadar ogol aheyn ayaa waxaa muuqata in hadda iyo wixii ka dambeeya uu ku qasban-yahay in uu wadahadal ka galo doorashada Soomaaliya si loo dhaqaajiyo howlaha horyaalla dowlada iyo guud ahaan dalka.

Sida ay qabaan sharci yaqaanada iyo siyaasiin badan waxaa jiro daruufo Madaxweyne Farmaajo ku qasbaya inuu wadahadal ka galo doorashada Soomaaliya, islamarkaana sameeyo tanaasul si looga gudbo caqabadaha doorashada ku horgudban.

Daruufaha Madaxweynaha ku qasbabaya in uu heshiis galo ayaa kala ah

1- In muddo xileedkiisa uu dhamaad yahay oo ay ka harsan yihiin 25 maalmood oo kaliya, taasi oo macnaheedu yahay in firaaq awoodeed uu dalka ka dhici karo, haddii aan la helin heshiis deg deg ah.

2- In haddii uu dhamaado muddo xileedkiisa uusan yeelan doonin awood sharci oo uu ku meel mariyo go’aan walba oo xafiiskiisa laga soo saaro, taas oo keeni karta in wax badan uu ku waayo.

3- In uu jiro culeys badan oo dhanka beesha caalamka ah oo madaxweynaha la saaray muddooyinkii ugu dambeeyay, ayada oo beesha caalamka ay u sheegtay inaysan maal-gelin doonin doorasho aan wadar-ogol aheyn, waxaana qoraal shalay kasoo baxay ay ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada.

4- Cabsi uu ka qabo in uu sabab u noqdo qalalaaso dagaal ama rabashado dalka ka dhaca, islamarkaana uu sabab u noqdo in dalka ku laabto meeshii uu taagnaa 30 sano ka hor, xilli u ahaa Madaxweynihii loogu rajada wanaagsanaa burburkii kadib.

5- In madaxweyne goboleedyadii ku garabka ahaa ee uu isku haleynayey ay ka cago jiidayaan inay qabtaan doorasho aan wadar ogol aheyn, taasi oo markii hore uu qorshuhu ahaa.

Arrimahaan oo dhan  ayaa la aaminsan yahay in 10-ka maalmood ee soo aadan dalka u jiheyn doonaan heshiis ka roon midka hadda ee doorashada Soomaaliya, waxaana muuqata rajo ay qabaan mucaaradka iyo guud ahaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya.

Dhageyso: Daahir Geelle oo shaaciyey arrin yaab leh oo uu QOOR QOOR ku yiri

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu si marqaati leh u shaaciyey in uusan dhexdahxaad aheyn, hadda kadibna aan dhexdhaxaad lagu tilmaami karin.

“Runtii Madaxweyne Qoor Qoor waxaan ka rabnay inuu noqdo dhexdhaxaad, laakiin xalay waxa uu noo sheegay in uusan dhexdhaxaad aheyn isagu, marka dhexdhaxaadiye aan dhexdhaxaad aheyn waxaa hareer mari karta guusha, Axmed Qoor Qoor anagoo aad u xurmeyneyna waxa uu si marqaati leh noogu sheegay arrinta socota in uusan dhexdhaxaad ka aheyn, marka dadku waa inay nala fahmaan natiijada ka dhalan karta qof aan dhexdhaxaad aheyn markii uu wax dhexdhaxaadi tago,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Daahir Geelle oo la hadlay BBC ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyada markii ay la kulmeen ay uga jawaabi waayeen su’aal ay qabeen oo aheyd in doorashada bilaabayaan oo go’aankoodii ay ka dhabeynayaan iyo inay raadinayaan xal kale’.

“Waxaan la kulanay madaxweynayaasha seddax maamul goboleed, waxaan u sheegnay in maqnaashaha Jubbaland iyo Puntland ay qad casaana tahay oo lagama gudbaan ah, isla markaana loo baahanyahay in lagu dhaqaaqo tallaabo lagu wada qanacsan yahay,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku wargeliyeen ‘waan ka soconeynaa wax la yiraa in aan la iska yeeli doonin’ iyaguna ay u sheegeen inay xal kale raadinayaan oo go’aankoodii aysan ku dhaqaaqi doonin.

“Aragtiyo waan is dhaafsanay, laakiin isma aanaa qancin ee waxbaan isla soo dhaweynay, Cabdicasiis Lafta Gareen ayaan ku niri xiriir sameey oo la xariir maamullada maqan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay la kulmeen ay ka balan qaadeen in go’aankoodii ay dib ugu laabanayaan, isla markaana ay la xariirayaan madaxda maamul goboleedyada maqan ee Jubbaland iyo Puntland.

Hoos ka dhageyso

R/W Rooble: “Haweiye 12.5% ayey Soomaaliya ka yihiin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisuul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in beesha uu ka dhashay ee Hawiye ay tiro aad u yar ka yihiin Soomaaliya.

Rooble oo habeen hore hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay suxufiyiin iyo qaar kamid ah madaxda warbaahinta ayaa yiri “Qabaa’ilka labada ah ee Galmudug iyo HirShabeelle kasoo jeeda oo aan aniga ka dhashay waxay siyaasadda Soomaaliya ka matalaan 12.5% oo kaliya, balse waxay isku muujiyaan in ay siyaasadda hoggaamiyaan, looma joojinaayo.” 

Ra’iisul wasaaraha oo caro xooggan ay wejigiisa ka muuqatay ayaa inta badan kulanka oo saddex saacadood qaatay uga hadlayay dhaliisha beesha Hawiye illaa uu tibaaxay in mushkilladda Soomaaliya ay iyagu yihiin.

Ma cadda sababta uu Rooble u beegsaday beeshiisa, hase yeeshee waxaa loo macneyn karaa in inta badan musharaxiinta mucaaradka ah ee ay is-hayaan dowladda ay kasoo jeedaan beesha Hawiye.

Waxaase xusid mudan in khilaafka doorashada uusan aheyn mid u dhaxeeya kaliya dowladda iyo musharaxiinta balse ay sidoo kale qeyb ka yihiin maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

Rooble ayaa sidoo kale weeraray oo “tuugo” ku tilmaamay madaxweynayaashii hore ee dalka ee iminka u tartamaya xilka madaweynaha isaga oo raaciyay in ay doonayaan inay dalka “qalalaase” u horseedaan.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya iyada oo muran xooggan iyo welwel uu dhaliyay go’aankii ay xukuumaddiisa shaacisay ee ahaa in la qabanayo doorasho ay ka maqan yihiin dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

Taliye Maxamed Dheere oo qarax lagu dhaawacay

0

Baardheere (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen duleedka degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmadaas, halkaas oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada fuliyey howl-galladaasi uu hoggaaminayey taliyaha ururka 49 aad guutada 10 aad qeybta 43 aad ee Xoogga dalka Gaashaanle dhexe Maxamed Dheere lala eegtay qarax miino, xilli ay ku sii jeedeen deegaanada ay howl-gallada ka sameeyeen.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaariga taliyaha oo uu dhaawac ka soo gaaray miinada qabsatay gaarigiisa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Xoogga ay sii wateen dhaq-dhaqaaqyadooda, iygaga oo burburiyey saldhigyo Al-Shabaab ay ku laheyd halkaasi.

Saraakiisha milatariga ayaa sidookale shaaca ka qaaday in howl-galladaasi ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay meydkiisa soo bandhigeen.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada milatari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, si deegaanada ay hesyaan looga saaro Al-Shabaab.

SHIR muhiim ah oo maanta ka furmay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka sanadlaha ah ee Garsoorka dalka, kaasi oo ay ka qeyb galayaan hay’addaha cadaalada heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan ayaa waxa diirada lagu saari doona qodobo ay kamid yihiin xal u helida Musuq-maasuqa, Fulinta xukunada, Been abuurk iyo qoddobo kale, sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka.

Sheekh Saalax Ibraahim Dhiblwaale, oo ah garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare, sidoo kalena ah Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka ayaa carabka ku adkeeyay in shirkan uu door muhiim ah ka qaadanayo tayeynta Garsoorka.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ah  Hay’addaha Garsoorka Mas’uuliyiinta qeybta ka ah oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Guddoomiyaha maxkamadda sare, Guddiga Cadaaaladda iyo Garsoorka ee Baarlamaanka, Maxkamadaha gobolka Banaadir, Xafiiska Garyaqaanka iyo Xafiiska hanti dhowrka guud ee qaranka.

Waxaa uu socon doona shirkan muddo labo cisho ah, waxaana dadka ka qeyb galaya lagu sheegay in ka badan 300 oo qof, kuwaasi oo jsugu jira mas’uuliyiin, sharciyaqaano iyo khubaro dhanka Garsoorka ah.

Garsoorka Soomaaliya ayaa lagu tilmaama mid ku dhisan eex iyo musuq-maasuq, inkasta oo eedeyntaasi ay gaashanka u daruureen hay’addaha Garsoorka dalka.

Somaliland oo soo saartay digniin iyo dacwad ka dhan ah dad ku sugan Muqdisho

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay digniin adag kasoo saartay ciyaartooy kasoo jeeda deegaanadeeda oo ka qeyb-galay tartankii ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin ayaa sheegay in ciyaartoyda ka qeyb-gashay tartankii ka dhacay Muqdisho ay yihiin dambiilayaal qaran.

Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay dhalinyaradaas inay yihiin qaran dumis, maadama ay qaateen magac ka gedisan midka dalkooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Cdkasta oo reer Somaliland ah oo aan ku ciyaarin Magaca reer Soomaliland waa dambiile qaran dumis ah ilaa iyo inta uu cafis uga weeydiisanayo Madaxweynaha Somaliland” ayuu yiri agaasime C/rashiid Ceydiid.

Waxa uu xusay in liiska magacyada dhalinyaradii ka qeyb-gashay tartankii lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho ay u gudbiyeen Hay’adaha Amniga iyo Xeer ilaalinta Somaliland, si maxkamad loola tiigsado marka ay soo laabtaan.

Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, inkasta oo beesh caalamka u aqoonsan tahay dowlad goboleed ka tirsan Jamuuriyada.

Xukuumadda ayaa waxay inta badana xarig kula kacda shaqsiyadka caanka ah ee kasoo jeeda deegaanadeed ee u safra magaalada Muqdisho, iyada oo Somaliland ka mamnuucday siyaasiyiinta kasoo jeeda ee xillka ka haya dowladda federaalka.

Ciidamada GALMUDUG oo maanta qarax fashiliyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Galmudug oo howl-gallo ka sameeyey Dhuusamareeb ayaa fashiliyey qarax la doonayey in laga fuliyo magaaladaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu aasay goob fariisin u ah ciidamada ammaanka oo ku taalla bartamaha Dhuusamareeb, iyada oo laamaha amniga ay soo saareen.

Taliska Booliiska Dhuusamareeb oo ka warbixiyey howl-galladaas ayaa sheegay inay ka war-heleen qaraxa, islamarkaana ay fashiliyeen.

Sidoo kale wuxuu talisku intaasi ku daray in miinadaas la doonayey in lagu waxyeelo dadka shacabka ah.

Ciidamada Galmudug ayaa maalmihii u dambeeyey baaritaano dheeraad ah ka waday Dhuusamareeb iyo deegaanada ku xeeran, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Dhuusamareeb ayaa waxaa si wadajir ah uga howl-galada ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda oo alaaba baaritaano ka sameeya halkaasi.

Ilhaan Cumar oo mar kale weerar ku qaaday Trump

0

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa markale weerarka afka ah ku qaaday madaxweynaha dalkaasi ee laga guuleystay Donald Trump, iyada oo ku eedeysay rabshadihii u dambeeyey ee dhacay.

Ilhaan Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Trump uu geystay dambiyo badan muddada uu uu joogay xafiiska, sidoo kalena uu dhiiro-geliyey weerarkii dhismaha Capitol.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku sii dartay in Trump uu halis ku yahay dadka iyo dowladda Mareykanka, sida ay hadalkau dhigtay.

“Dembiyo badan ayaa lagu heystaa, laakiin kulligood waxay isugu imaanayaan in madaxweynaha uu la shaqeeyay uuna dhiirrigeliyay in dowladda la soo weeraro, inay ku dhintaan dad badan, inay noqotay in saacado dhan lala wareego US Capitol. Waxaan aaminsannahay madaxweynaha inuu halis ku yahay dadka iyo dowladda,” ayey tiri.

Ilhaan Cumar oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in xisbiga Dimuqraaddiga uu la imaan doono is-bedal xoogan oo nolol & horumar u horseedi doono dadka oo dhan.

“Rajadeenna way weyn tahay, Xisbiga Dimuqraaddiga keliya madaxweyne ma helayaan oo baarlamaanka guud ahaan annaga ayaa maamuli doonno, marka waxaan aaminsannahay in nolosha Soomaalida keliya maahee ee dadkoo dhan inay ay isbeddel ka dareemi doonaan. Waxaan rajeyneynaa in shaqo abuuris aan ka shaqyen doonno, in waaxda socdaalka sidii ay u shaqeyn jireen iyo si ka fiican ay u shaqeyn doonaan,”.

Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maanta la filayo in Aqalka Wakiilada Mareykanka uu ka doodo xilka qaadista Trump oo loo heystaa rabshadihii dhacay.

Itoobiya iyo Suudaan oo isu ciidamo aruursanaya iyo dagaal laga cabsi qabo

0

Khartoum (Caasimadda Online) – Xuduudda u dhaxeysa dowladaha Itoobiya iyo Sudan ayaa laga soo sheegayaa iney ka jirto saan-saan colaadeed maadaama warbaahinta maxaliga ah ee wadanka Sudan ay baahiyeen in labada dowladood ay ciidamo hor leh halkaas geeyeen.

Mid ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer leh dalka Sudan oo xiganaya ilo wareedyo uu ku kalsoon yahay ayaa sheegay in Itoobiya ay kumanaan askari geysay xuduudka labada dal iyadoo laga cabsi qabo inuu dhaco dagaal labada dowladood u dhaxeeya.

Wararka la helayo waxey sheegayaan in alfashqah oo ah aag ay dhawaan xoog ku qabsadeen ciidamada Sudan lagu arkay diyaarado dagaal oo ay leeyahiin Itoobiya oo ku gaaf wareegaya.

Gobolka xuduudda dhaca waxaa dagan amxaarada, waxaana la sheegay in shan dumar ah oo reer Sudan ah weerar dhuumasho ah lagu dilay inta lagu jiro bishaan, taasna ay sare u qaadeyso cabsida dagaal ee la filan karo.

Dowladda dhawaan talada la wareegtay ee Sudan ayaa ciidamo badan geysay labada gobol ee xuduudka la leh Eritrea iyo Ethiopia ee Alqadaarif iyo alkasalaha.

Dhulka ay militariga Sudan qabsadeen bishii lasoo dhaafay waa dhul xagga dhaqaalaha kaalin weyn ugu jiray ismaamulka amxaarada waxeyna xukuumadda ku cadaadinayaan in dhulkaas dib loo soo celiyo.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabab iyo dagaal-yahano uu wato oo ku biiray kooxda Daacish

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sarkaal ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab oo ay wehliyaan 20 dagaalyahan kale ayaa ku biiray kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Sida la baahiyay sarkaalkaan waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdulfatah Abu bakar Abdi oo loo garan ogyahay Mousa al Muhajir.

Inkastoo aan la ogeyn sababta xiligaan kusoo beegtay inuu ku biiro kooxda ugubka ku ah Soomaaliya, hadana sida ay xogo sirdoon shaaciyeen wuxuu ahaa sarkaal aad caan uga ah Al-Shabaab dhexdeeda.

Xogaha la baahiyay waxaa ka mid ah in sarkaalkaan uu muran xoogan ka dhex dhaliyay kooxda uu ku biiray, wuxuuna Al-Shabaab u qaabilsanaa bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii kooxda ISIS ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana la xasusutaa iney dhawr jeer ku dagaalameen labada kooxood qeybo ka mid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Somaliland oo dad u xirtay weerarkii Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood.

Weerarka oo lagu qaaday goob ay ka socotay diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha Somaliland ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 3 qof oo isugu jiro askar & shacab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland oo xalay howl-gallo ka sameeyey gudaha magaaladaasi ay xireen dad dhowr ah oo looga shakisan yahay weerarkaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dadka la soo qabtay ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan ku lug-lahaanshaha qaraxaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyada oo uu si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, dadka iyo gaadiidka.

Laascaanood ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan, iyada oo ay howl-gallo ka bilaabeen ciidanka Somaliland.

Beesha caalamka oo qoraal xasaasi ah ka soo saartay muranka DOORASHADA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka  ayaa lagu muujiyey walaac ay ka qabaan is-mari waaga ka taagan hirgelinta heshiiskii doorashada ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu ay gaareen 17-kii bishii Sebtember ee sanadkii hore.

Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka oo dhameystiran.

Muqdisho, 12 Janaayo 2021 – Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay aad uga walaacsan yihiin is-mari-waaga ka taagan hirgelinta hanaanka doorasho ee 17-kii Sebtember ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah. Waxaan ugu baaqaynaa saamilayda siyaasadeed ee sare inay muujiyaan hogaan iyadoo la tixgelinayo danta umadda iyo inay si dhakhso leh u xalliyaan arrimaha ka taagan hirgelinta iyadoo loo marayo isu-tanaasul, si loosii guda galo geedi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo u dhaca  sida ugu dhakhsiyaha badan. 

Saaxiibadu waxay ka mahad celinayaan dadaalladii lagu dhaqaaqay dhowaan. Gaar ahaan, waxay soo dhoweynayaan booqashadii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku tegay Galmudug iyo Puntland; wada hadalladii dhex maray madax sare oo badan oo Soomaaliyeed oo uu Garowe ku martigaliyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni; iyo xiriiradii uu sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor,” oo soo gudbiyay talooyinkii ka yimid Garowe unasoo gudbiyay madaxda DFS iyo xubnaha kale ee siyaasadda. 

Saaxiibadu waxay garwaaqsanyihiin in Heshiiska 17kii Sebtember ay ansixiyeen Dowladda Federaalka ah, dhammaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo labada gole ee Baarlamaanka, waxaana sidoo kale soo dhoweeyay musharaxiin badan oo u taagan xilka madaxweyne. In kasta oo saaxiibada iyo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka niyad jabeen in hanaankan uu aad uga hooseeyo doorashooyinka “qof-iyo-cod” ah, ayaa haddana heshiiska 17kii Sebtember wuxuu yahay aasaaska kaliya ee la aqbali karo in loo maro doorashooyinka 2021. Ma jiri karo dib-u-furid lagu sameeyo Heshiiska 17-kii Sebtember ama abuuritaanka hanaan kale ama mid barbar-socda.  Waxaa loo baahan yahay in is-faham ballaaran oo loo wada dhanyahay laga gaaro hirgelinta [heshiiskaas] si loo xaqiijiyo kalsooni lagu qabo geeddi-socodkan. Tani waa in ay la jaan-qaaddo ballan-qaadyadii lagu heshiiyay ee shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya. Saaxiibadu waxay soo dhaweynayaan dadaallo dardar-gelin leh oo sida ugu dhakhsiyaha badan loogu xalliyo arrimaha taagan, looguna soo gabagabeeyo is-faham la gaaro maalmaha soo socda, si ay doorashadu u bilaabato dabayaaqada bishan. 

Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan madaxda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan oo ay si buuxda u hirgeliyaan qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ku yeelanayaan baarlamaanka, sidii ay ugu ballanqaadeen heshiiska 17kii Sebtember.

Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku celinayaan in hanjabaad kasta ama adeegsiga rabshado aan la aqbali karin. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeynayaan ahmiyadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed xor ah oo furan kaas oo musharaxiinta ay awoodaan inay si nabad ah ku soo bandhigaan aragtiyadooda isla markaana ay warbaahintu awood u leedahay inay ku shaqeyso xayiraad la’aan.

Waa in la joogteeyo jawigii wadahadalka iyo isu-tanaasulka ku salaysnaa ee hor-seeday in la gaaro Heshiiska 17kii Sebtember si geedi-socodka doorashada horay loogu sii amba qaado. 

*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD),  Ireland, Talyaaniga, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay. 

Video: Bog facebook ah oo ku xiriirsanaa bogga guddiga doorashooyinka oo Xasan Sheekh lagu aflagaadeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Bog facebook ah oo ku xiriirsanaa bogga rasmiga ah ee guddiga doorashooyinka qaranka ee lagu muransan yahay ayaa lagu aflgaadeeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida aan ku muujin karno muuqaalka hoose.

Bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada waa www.doorashada2021.so, waxaa ku jira dhammaan macluumaadka ku saabsan xubnaha guddiga, shaqadiisa iyo ujeeddooyinka guddiga. Sidaas kale waxa ku jira wareegtadii lagu magacaabay guddiga, taas oo kasoo baxday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha November 2020.

Marka aad booqato ama soo gasho boggan oo wata domain-ka .so ee rasmiga ah oo guddigu ku faafiyo howl-maalmeedkiisa waxa aad arki kartaa dhammaan sawirrada xubnaha guddiga loogu tala-galay in ay maamulaan doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamanka ee sanadka 2021.

Qeybta hoose ee boggan ayaa waxaa ku jiray xiriirka bog facebook oo isla guddiga ah, oo marka aad click siiso, si toos ah kuu geynayey, waana halkaas meesha lagu soo qoray qoraal lagu aflagaadeeyey madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoraalka lasoo dhigay bogga facebook ayaa waxaa qoray nin lagu magacaabo Farxan Gurxan oo aan la aqoon waxa uu yahay.

Bogga facebook ah ee aflagaadada sameeyey ayaa waxaa markii dambe laga furay bogga www.doorashada2021.so kadib markii arrintan ay qabsatay baraha bulshada, hase yeeshee waxaan kahor ka duubnay muuqaalka hoose, si aan caddeyn ahaan ugu hayno.

Guddiga ayaa kadib qoraal ay soo dhigeen bog kale oo ay ku leeyihiin facebook ku sheegay in boggaas aflagaadada lagu sameeyey uusan aheyn midkooda oo uu yahay been abuur, hase yeeshee waxaa su’aal ah maxaa markiii hore ku xiray bogga rasmiga ah ee www.doorashada2021.so. 

Arrintan ayaa dhaawac weyn gaarsiineysa sumcadda guddiga, waxayna su’aalo weyn gelineysaa sheegashada dhex-dhexaadnimada ee guddiga.

Hoos ka daawo muuqaalka caddeynta.

Xog: Rooble oo ka hor-yimid kala diristii Rugta Ganacsiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyey inuusan raali ka aheyn kala dirista Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo horey wasiirka ganacsiga uu sheegay inuu kala diray.

Rooble oo xalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay warbaahinta madaxa bannaan, iyadoo agaasimayaasha warbaahinta ay su’aalo ka weydiiyeen xaaladda dalka, ayaa xubnihii halkaas joogay u sheegay in guddigaas aan la kala dirin, islamarkaana ay saxayaan qaladaadkii dhacay.

“Rugta ganacsiga lama kala dirin waana saxeyna warqaddi kasoo baxday wasiirka,” ayuu yiri Ra’iisul Rooble u sheegay weriyayaasha mar su’aalo laga weydiiyay tallaabadii laga qaaday guddiga.

Agaasimayasha qaar ayaa sidoo kale weydiyey Ra’iisal Wasaaraha arrimo kale oo ay ka mid yihiin doorashada dalka ka dhaceysa iyo doorka saxaafadda, iyo arrimaha mucaaradka saluugsan xaaladaha doorashooyinka.

Hadalka Ra’isal waaaraaha ayaa imanaya iyadoo dhawaan wasirkiisa Gabacsiga uu sheegay inuu kala diray Rugta Ganacsiga balse dadaalo socday ayaa la rumeysan yahay in la doonayo in arrrintaas looga laabto.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaaja iyo Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa kulamo la lahaa toddobaadyadii lasoo dhaafay hoggaanka sare ee Rugta Ganacsiga, si loo xalliyo tabashooyin la xiriira arrintaasi.

Rugta Gabacsiga ayaa muddo xiriir dhaw la laheyd dawladda, waxayna ay ka wada shaqeeyeen arrimaha canshuuraha deyn cafinta iyo kobaca dhaqaale ee dalka oo iminka maraya meel wanaagsan.

Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay xubno ka tirsan dowladda iyo mucaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle, Cali Cabdulahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya Iyo Musharaxiinta mucaaridka.

Cali Guudlaawe oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamadaas la qaatay Wasiirka Amniga gudaha, Xasan Xundubeey Jimcaale, Xildhibaan Cabduqaadir Carabow oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa kulankan qeyb ka ahaa Cali Maxamed Geed, oo ka mid ah mucaaradka islamarkaana ah Musharax madaxweyne, sidoo kalena hore usoo noqday ra’iisal wasaaraha dalka.

Kulankan ayaa waxa looga wada-hadlay xaalada guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo muddooyinkii dambe ay xiisad xoogan ka taagneyd hanaanka doorashada oo lagu tilmaamay mid hal dhinac ah.

Waxa kale oo diirada lagu saaray arrimaha ka taagan deegaanada HirShabeelle, gaar ahaan xiisada ka dhalatay doorashadii uu kusoo baxay madaxweynaha maamulkaas, Cali Guudlaawe.

Kulankan ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabeelle uu qeyb ka noqday qorshe ay dowladda federaalka ku rabto doorasho aan loo dhameyn, midaas oo si rasmi ah ugu dhawaaqay ra’iisal wasaaraha dalka.

Xiisada ka taagan hanaanka doorashada dalka ayaa kasii dartay kadib markii dowladda federaalka oo taageero ka helaysa maamulada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqday qabashada doorashada, midaas oo uu muran xoogan ka taagan yahay. 

Mandhera oo qarka u saaran inay hoos tagto Al-Shabaab

0

Mandheera (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Mandheera Cali Roba ayaa sheegay in Magaalada Mandheera ee dalka Kenya ay qarka u saaran tahay inay gacanta u gasho kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha oo wareysi siiyey Wargeyska The Standard ee ka soo ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku dhigtay maamul ahaan 50% waqooyi bari ee Kenya isagoo xusay inay qabsadeyn goobo istiraatiiji ah oo ka tirsan Gobolkaas.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in wax laga badalo qaabka loola dhaqmayo Al-Shabaab iyo dagaalka lagu jiro haddii kale ay taas keeni karto qatar weyn oo ka imaato kooxdaan awooda badan kusii yeelaneyso gudaha Kenya.

“Waxaa loobaahanyahay in wax laga badalo qaabka aan ula dhaqmeyno xaaladan, hadii kale, dhawaan waxaan hoos imaan doonaa xukunka argagixisada. Horeba, Al Shabaab waxa ay ku maamushaa in ka badan 60% Mandheera”

Isagoo sii hadlayo ayuu yiri “Walaalaha reer Kenya, waxaa laygu qasbay inaan si cad uga hadlo xaalada nabadgelyo xumo ee kajirta Woqooyi Bari Kenya, iyo gaar ahaan Degmada Mandheera” ayuu xusay Robo.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in kooxda ay Al-Shabaab ay gudaha magaalada Mandheera ka sameyso dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aan cabsi laheyn, wuxuuna xusay in ay hadda gaartay heer aan horey loo arag oo xad dhaaf.

“Dhibaato daran oo xagga amniga ah ayaa ka dhex jirta gudaha Gobolka Mandheera, taas oo ay sababtay dhaq dhaqaaq aan cabsida lahayn oo ay ku hayaan argagixisada gudaha gobolka. Xaaladdaani way ka sii xumaaneysay saddexdii bilood ee la soo dhaafay laakiin hadda waxay gaartay heerar aan horay loo arag”  ayuu yiri.

Cali Roba ayaa tilmaamay in kooxda Al-Shabaab ay lacago ay ugu magac dareyn Zakkat ka qaadaan dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool Magaalada Mandheera iyo deegaanada u dhow dhow.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa xusay in Al-Shabaab weerareen saldhigyo Boolis iyo xurumaha shirkadaha Isgaarsiinta gobolka Waqooyi Bari, haddana ay qarka u saaran yihiin inay xirmaan  dhamaan goobaha waxbarashada gobolka maadaama macalimiintii ay gobolka uga carareen amaan daro.

Musharaxiinta oo beesha caalamka u gudbiyey hab cusub oo loo qaban karo doorashada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta madaxweynaha ayaa soo qoraal u diray beesha caalamka, kaasi oo turjumaya xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo sida xal loogu heli karo is-mari waaga baahsan ee ka jira doorashada Soomaaliya.

Midowga waxey warqadan ay beesha caalamka u direen ku faah-faahiyeen qaabka ugu wanaagsan ee doorashada loo qaban karo, waxaana ugu horreysa in doorashada lagu qabto kaliya hal magaalo si looga gudbo is qabqabsiga ka taagan qabashada Doorashada Soomaaliya ee 2021.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu xusay in loo baahan yahay guddi doorasho oo dhammaan dhinacyada ay quseyso ay ku qanacsan yihiin iyadoo lagu sheegay qoraalka in goluhu uu diyaariyay xubnaha guddiga farsamo ee laga saarayo guddiga.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa Beesha Caalamka ka qalbaday in gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi loo daayo liiska xubnaha gobollada waqooyi, islamarkaana ay kulmaan guddoomiyaha iyo oday dhaqameedyada kasoo jeeda Somaliland ayna soo xulaan guddiga farsamada ee doorashada xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, laguna qabto doorashada labada gole ee xildhibaanada Somaliland Xalane iyadoo ammaankana ay sugayaan ciidamada AMISOM..

Waxey intaas raaciyeen iney hayaan liiska xubnaha ay doonayaan in laga saaro guddiga lagu muransan yahay oo ay dowladdu soo saartay, waxeyna arrimahaan imaanayaan xilli ay dowladda ku dhawaaqday in doorashada la guda gali doono iyadoo ay jiraan tabashooyin badan oo doorashada ku gadaaman.

Ugu dambeynta Midowga Musharixiinta ayaa ku baaqay in si looga hortago in doorashada waqtigeeda ay dib uga dhacdo la qabto kulan ay isugu yimaadan Dowladda Dhexe, madaxda Maamul Goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda dalka.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO

 

Waa kuwee 8-da magaalo ee uu Farmaajo doonayo inuu doorashada ka billaabo?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka doorashada Soomaaliya ee 2021 ayaa waxaa soo baxayo xog ku saabsan sideed Magaalo oo uu madaxweyne Farmaajo doonayo inuu ka bilaabo doorashada aqalka sare iyo midda aqalka hoose.

Sida ay xogta ku heleyso shabakadda Caasimada Online, madaxweyne Farmaajo ayaa qorsheenayo inuu si deg deg ah howlaha doorashada laba Aqal uga billaabo 8 magaalo oo ku kala yaalo maamulada Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

Magaalooyinka la filayo in doorashada uu ku qabto Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kala ah:

  1. Dhuusamareeb
  2. Galkacyo
  3. Jowhar
  4. Baladweyne
  5. Baydhabo
  6. Baraawe
  7. Banaadir
  8. iyo Gedo.

Arritan ah in doorashada la guda galo ayaa imaaneysa saddex maalin uun kadib markii madaxa fulinta ee xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay iney shadaqa socon-doonto.

Shir jaraaid uu 9-kii bishan qabtay ra’iisalwasaaraha ayaa lagu yiri “Xukuumadda federaalka waxaa ay go’aansatay in la gudagalo hirgelinta doorashooyinka si aan waqti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed, loogana fogaado wax weliba oo carqaladeyn kara fulinta heshiiskii dorashada lagu gaaray magaalada Muqdisho 17-kii Setembar 2020.”

Go’aanka kasoo baxay Xukuumadda ayaa waxaa ka hor yimid midowga Musharixiinta oo sheegay in arrintaan ay dalka u horseedi karto dhibaato siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqdo inuu ka dhaga adeegayo baaqyada uga imaanayo musharixiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Madaxweyne goboleedkii ugu horreeyey oo la filayo inuu billaabo doorashada

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, kadib kulamo uu uga qeyb-galay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Lafta Gareen, kadib laabashadiisa Baydhabo uu si rasmi ah u guda-geli doono maamulkiisa doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayaa horey loogu qorsheeyey inay noqoto maamulkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada dalka, gaar ahaan tan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa qeyb ka ahaa qorshaha ku dhawaaqista ee hirgelinta doorashooyinka ee looga dhowaaqay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, xilli uu weli jiro khilaafka ka taagan hanaanka doorashooyinka ay wado dowladda dhexe.

Sidoo kale Lafta Gareen ayaa qaatay door dhex dhexaadin ah, isaga oo la xiriiray hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland, balse weli ma jirto arrin la’isla meel dhigay.

Villa Soomaaliya ayaa isku dayeysa sidii doorashada dalka ee 2021-ka looga bilaabi lahaa saddexda maamul goboleed ee Koonfur Galbeed, HirShabelle & Galmudug.

Si kastaba xaaladda dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana weli walaac muujinaya midowga musharraxiinta ee ka qeyb-galaya doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay ciidamada lagu soo bandhigay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ciidamo abaabulan oo la sheegay inay ka hor tegayaan in doorasho aan loo dhameyn lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo soo saaray war qoraal ah ayaa ka hadlay arrimaha ciidamadaas oo si aad ah muuqaalladooda lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka

Al-Cadaala ayaa ugu horreyn sheegay in ciidamadaasi aysan aheyn kuwo ka soo horjeeda doorashooyinka dalka, isaga oona been abuur ku tilmaamay arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in muuqaalka la soo bandhigay aan hadda la duubin, islamarkaana ciidamada ka soo muuqday aysan aheyn kuwo falaago ah.

“Muuqaalka maalmahaan la wareejinayay ee lagu sheegay Ciidamo kasoo horjeeda Doorashada waa been abuur aan Sal iyo raad lahayn. Muuqaalka la isticmaalay ma aha mid hadda laduubay Ciidamada ka muuqdana ma aha falaago” ayuu yiri Al-Cadaala.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay warbaahinta iyo dadka kale ee wax faafiya in ay ka fiirsadaan farriimaha ay la wadaagayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda been abuurka ah.

“Waxaan ugu naseexaynayaa Warbaahinta iyo Dadka wax faafiya in laga dhawrsado been abuurka nuucaan oo kale ah,” ayuu mar kale yiri wasiir ku xigeenku.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in muuqaalka la baahiyey uu gaf weyn ku yahay ciidamada iyo shacabka, islamarkaana loo baahan yahay in aan la hurin colaad aan jirin.

“Waa ku gaf Qaranka, waa ku gaf Ciidamada, waana ku gaf Shacabka Soomaaliyeed. Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo saacadihii u dambeeyey muqaalka ciidamo abaabulan lagu baahiyey Internet-ka, kuwaas oo saraakiisha hoggaamineysa ay ku goodiyeen inay tallaabo qaadi doonaa haddii la qabto doorashooyin hal dhinac ah.