24.7 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Shirka Golaha Wasiirada oo maanta baaqday + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dib u dhac aan la shaacin waxa sababay ayaa ku yimid shirkii la filayey inay maanta yeeshaan golaha wasiirada xukuumadda federaalka  Soomaaliya, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa loo diray farriimo gaar ah, iyada oo lagu war-geliyey baaqashada shirkaan oo ahaa mid la wada sugayey oo aad isha loogu hayey.

Shirka todobaadlaha ah ee golah wasiirada ayaa maanta qorshuhu ahaa in lagu ansixiyo illaa 15 safiir oo ay dowladda federaalka ah u direyso qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Magacaabista safiirada ayaa waxaa ka timid dood adag, iyada oo Khamiistii la soo dhaafay kulankii golaha wasiirrada Soomaaliya la hor geeyey liiska 12 safiir si loo ansixiyo, balse dib ayaa loogu celiyey wasaaradda arrimaha dibadda oo markii hore soo gudbisay liiskaas.

Sidoo kale wasiirrada qaar ayaa dood adag ka keenay in la ansixiyo liiska safiiradaas, iyagoo ku dooday in aan la soo waafajin nidaamka awood qeybsiga ee 4.5.

Si kastaba magacaabida safiiradan ayaa ku soo aaday, xilli dalka uu ku jiro marxalad adag oo kala guur ah oo Soomaaliya ay isku diyaarineyso doorashooyinka 2021-ka.

Sawirro: Swan oo gaaray Baydhabo xilli Lafat-gareen uu doorasho qorsheynayo

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan & wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

James Swan iyo wafdigiisa oo ay qeyb ka yihiin madax ka socotay hay’adaha kala ah IOM iyo OCHA ayaa kulan Albaabada u xiran yihiin waxa ay la yeesheen madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada-hadleen xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ay ka mid yihiin gargaarka iyo saamaynta ka dhalatatay Ayaxa.

Safarka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli halkiisii yahay is mari-waaga doorashada ee u dhexeeya  dowladda & mucaaradka

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada taabacsan dowladda dhexe, iyada oo la filayo inay billowdo doorashada, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana arrimahan ay ku soo beegmayaan, xilli ay dowladdu ku dhowaaqday hirgelinta doorashooyinka dalka.

Luxembourg iyo Midowga Yurub oo bah-dilay Pompeo

Luxembourg (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa baajiyey safar u uku tegi lahaa Yurub, kadib markii wasiirka arrimaha dibedda Luxembourg iyo saraakiisha Midowga Yurub ay diideen inay la kulmaan.

Saraakiisha Yurub ayaa qaadacay Pompeo maalmo kadib markii burcad taageersan madaxweyne Trump ay qabsadeen xarunta Congress-ka, taasi oo ah weerar aan horey u dhicin oo lagu qaaday dimqoraadiyadda Mareykanka, kana yaabiyey hoggaamiyeyaasha caalamka.

Pompeo, oo ah xulufo aad ugu dhow Trump, ayaa doonayey inuu Jean Asselborn kula kulmay dalka Luxemburg oo ah dal yar balse ah hodan muhiiim u ah gaashaanbuurta NATO, kahor inta uusan hogaamiyeyaasha Yurub kula kulmin magaalada Brussels, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.

Safarka Pompeo ee Luxemburg ayaa la baajiyey kadib markii saraakiisha ay ka cago jiideen inay ballan saacadeed u qabtaan. Safarka Brussels ayaa sidoo kale la baajiyey.

“Hogaamiyeyaasha Yurub waxay ceeb u arkeen la kulanka Pompeo kadib rabshadihii Arbacadii tagtay ka dhacay Washington,” waxaa sidaas yiri diblomaasiyiin Yurub ah oo la hadlay Reuters.

Trump ayaa taageerayaashiisa ku dhiiri-geliyey inay ku xoomaan Aqalka Capitol Hill oo ay ka socotay ansixinta doorashadii Joe Biden ee xilka madaxweynaha Mareykanka, taasi oo Trump uu diiday inuu aqbalo in looga adkaaday.

Pompeo ayaa cambaareeyey rabshadihii Capitol Hill-ka hase yeeshee wax tixraac ah kuma sameyn beenta Trump iyo inuu taageerayaashiisa kiciyey.

Isaga oo ka yaabay rabshada ayaa wasiirka arrimaha dibbeda Luxemburg, Asselborn waxa uu Trump ugu yeeray “dambiile” iyo “qaswade siyaasadeed”.

Muxuu ka dhigan yahay qoraalka beesha caalamka ee doorashada Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha Caalamka ayaa Talaadadii war qoraal ah kasoo saartay arrimaha Soomaaliya, waxeyna walaac ka muujiyeen is-mari-waaga ka jira hirgalinta hanaanka doorashada ee horay loogu heshiiyay.

17-kii September waxaa dhacay heshiis ay wada gaareen dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, waxaana la isla jiheeyay hannaan doorasho oo lagu wada saxiixan yahay iyadoo laga soo saaray war murtiyeed.

Beesha Caalamka waxey sheegeen in heshiiskii lagu gaaray Muqdisho uu kaliya yahay kan lagu dabaqi karo arrimaha doorashooyinka.

Muddada xil heynta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ka hartay wax ka yar 30 maalmood, walina la iskuma fahimin habka loo bilaabay doorashada, waxaana gaabiska uu ka yimid maadaama wali aan la isku fahmin wadada saxda ah ee loo marayo doorashooyinka.

Jibriil Aw Maxamed oo ah macalin wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Mareykanka ayaa wax laga weydiyay qoraalka beesha caalamka waxa uu ka dhigan yahay.

“Ujeedadu waxey tahay inaan heshiiska dib loo furin oo aan loo noqonin habkii 2016, sidaas ayaa ku cad warqadda, waxaana jirta in maamullada qaar ay doonayaan in hal magaalo wax lagu doorto,” ayuu yiri Jibriil.

Mar wax laga weydiiyay sida la isku waafajin karo dhaqan galinta heshiiska iyo xalinta tabashooyinka hadda jira, wuxuuna yiri: “Waxyaabaha uu heshiiska dhigayo in sidooda loo hayo ayey doonayaan Beesha Caalamka, balse waxyaabaha farsamada ah sida guddiga lagu muransan yahay waa wax la badali karo hadii dood ka timaado, balse arrimaha lagu heshiiyay oo ah magaalooyinka la dhigayo kuraasta ee labada ah waa in la dhaqan galiyo maadaama heshiiska ay ku jirtay”.

Halkaan ka dhageyso wareysiga oo dhameysitran

 

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Galinsoor iyo xaaladda oo aad u kacsan

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xaalad kansanaan ah laga dareemayo magaalada Gelinsoor ee gobolkaasi, kadib markii ay isku fadiyeen ciidamo ka tirsan Galmudug oo gadoodsan.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inay labo jidgooyo ka sameysteen halkaasi, iyaga celinaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan oo dhowaan tababar loogu soo xiray xerada Dhanka-Roone ayaa sheegay inay ka cabanayaan mushaar la’aan heysata.

Sidoo kale ciidamada ayaa ku goodiyey inay magaalada u kala xirnaan doonto, inta ay ka helayaan mushaaraadkooda xuquuqdooda.

Dhaq-dhaqaaqa ay wadaan ciidamada ayaa sidoo kale sameyn ku yeeshay gaadiid fara badan oo haatan ku xayiran gudaha Gelinsoor, kuwaas oo ah kuwa safar ah.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda Galmudug oo ku aadan xiisada ka taagan magaalada Gelinsoor iyo gadoodka ay ka sameeyeen ciidamada maamulkaasi.

Inta badan ciidamada Galmudug ayaa gadood & dhaq-dhaqaaqyo culus ka sameeya magaalooyinka maamulkaasi, iyaga oo ka cabanaya mushaaraad & daryeel la’aan.

Jadwalka doorashooyinka dalka oo mar kale fashilmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jadwalka doorashooyinka, gaar ahaan kan Golaha Aqalka Sare ayaa markale fashilmay, sababo la xiriira khilaafka weli ka jira dalka.

Jadwalkan oo uu soo saaray guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka 2021-ka ayaa markale dhaqan-gelin waayey, iyadoo maanta oo ay tahay 14-ka January la filayey in la soo gaba-gabeeyo doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo jadwalkii ugu dambeeyey lagu caddeeyey inay dhaceyso 7 illaa 14-ka bisha January ee sanadkan 2021-ka.

Waa jadwalkii labaad ee dhaqan-geli waaya, iyada oo sababta ugu weyn ay tahay khilaafka ka taagan guddiga iyo tabashada laga muujinayo hannaanka doorashada.

Is-bedalka ku yimid jadwalkii hore ayaa waxaa sabab looga dhigay, kadib dalab ka yimid madaxweynaha Galmudug, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka dalka.

Dhanka kale illaa iyo hadda guddigu ma sheegin sababta markale dib u dhigtay jadwalkoodii labaad ee fashilmay, iyada oo waqtiguna uu yahay mid gabaabsi ah.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xukuumadda Soomaaliya ay ku dhowaaqday hirgelinta doorashooyinka dalka, waxaana halkeedii ah tabashada ay weli muujinayaan midowga musharraxiinta mucaaradka iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Dalalka Sudan iyo Ethiopia oo qarka u saaraan dagaal

Addis Ababa ( Caasimadda Online) – Waxaa sare usii kacayaa xiisadda ka dhex oogan dalalka Suudaan iyo Itoobiya ee salka ku haysa dhul ku yaalla xuduudda, ayada labada dhinac ay isku jeedinayaan eedeymo ku saabsan cidda gar-darran.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxay sheegtay in ciidamada Suudaan oo hubeysan ay kasoo tallaabeen xadka, islamarkaana ay qabsadeen beero, sidoo kalena ay dhaceen hanti.

Afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda, Dina Mufti ayaa sheegay in xadgubkaas uu horseeday in dagaal uu ka dhex qarxo xudduudka labada dal inkasta oo ay socdaan wadahadallo lagu xallinayo arrintaas.

Dhinaca kale, Suudaan ayaa dhaleeceysay Itoobiya, waxa ayna sababta xiisadda taagan ku tilmaantay dandaansi ay maleeshiyaad Itoobiyaan ah ka wadaan deegaanka Al-Quraysha oo dhaca bariga.

Wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan ayaa ka codsatay beesha caalamka inay soo farageliyaan xaaladda isla markaana ay dhaleeceeyaan ‘koox hubeysan oo kasoo jeedo gobolka Amxaarada’

Iskudhaca labada waddan ee hadda taagan wuxuu ku saabsan yahay dhulka loo yaqaanno Al-Fashaqa, halkaas oo ah meesha uu gobolka Amhara ee waqooyiga-galbeed uga yaalla Itoobiya uu xadka kala wadaago gobolka Gedaref ee dalka Suudaan.

Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha. Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal. Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer kaas oo dhan 750 kiilo mitir.

Toddobaadkan ayay aheyd markii mas’uuliyiinta Suudaan ay sheegeen in 6 qof oo rayid ah ay dileen ciidamo Itoobiyaan kaddib markii ay weerar ku qaadeen halkaas.

Xarun ay lahaayeen Al-Shabaab oo duqeyn lagu burburiyey + Khasaaraha

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Africa ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo ay diyaaradahooda shalay gelinkii dambe ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska Mareykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday xarun ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd deegaanka Buulo-Falaay oo hoostaga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Africom ayaa shaacisay in duqeyntan lagu burburiyey dhismaha xarunta Al-Shabaab ee ay beegsadeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Sidoo kale Africom ayaa intaasi ku sii dartay in weerarkan lagu dilay mid ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi.

“Duqeynta ka dhacday Buulo fuulaay, waxay muujineysaa go’aankeenna waxayna hoos u dhigeysaa awoodda Al-Shabaab ee hanjabaadda Soomaaliya iyo deriskeeda, waxaan qorsheyneynaa in aysan jirin meel ammaan ah oo ay ku dhuuntaan Al-Shabaab,”.

Ugu dambeyn Africom ayaa hoosta ka xariiqday in weerarkaasi dhanka cirka ah ay kala kaashadeen ciidamada Soomaaliya, islamarkaana aanu jirin khasaare soo gaaray rayidka.

Si kastaba maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa kordhoyey howl-gallada milatari ee ay ka wadaan koonfurta dalka.

Dowladda KENYA oo war kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ee Mandheera

0

Nairobi (Caasimada Online) – Booliiska Kenya ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay dagaalyano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen gaari Bas ah oo ka ambabaxay magaalada Mandera, kuna sii jeeday dhinaca magaalada Nairobi ee caasimada wadankaasi.

Weerarka oo ahaa mid dhabagal ah ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray ciidamada galbinayey gaarigaas iyo raggii weerarka qaaday.

Qoraalka ka soo baxay Booliiska ayaa waxaa lagu sheegay in gaariga ay la socdeen illaa 25 qof, islamarkaana ay dhamaantood nabad qabaan.

Sidoo kale Booliiska ayaa sheegay inay ku raadjoogaan ragga ka dambeeyey oo ay tilmaameen inay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya.

“Dhamaan Ciidamada waa ay nabad qabaan iyo dadkii saarnaa Gaariga baska ah, kuwii na soo weeraray waxaa ay u soo gudbeen dhanka xaduudka Soomaaliya waana ku raad joognaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Kenya.

Sidoo kale ciidamada Booliiska ayaa intaas ku sii daray “Baska wuxuu ku wajahnaa Takaba. Isaga oo 30 KM dhanka Galbeed kaga beegan boosteejada wuxuu arkay laba gaari oo 500 mitiri u jirta wuxuuna hoos u dhigay xawaaraha baabuurka. Kalkii dambe waxaa rasaas lagu soo furay dhanka darawalka gaariga,”.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fuliya gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi.

Aqalka Wakiilada dalka Mareykanka oo u codeeyey xil-ka-qaadista TRUMP

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta u codeeyey in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump, taasi oo Trump ka dhigeysa madaxweyne ugu horreeyey taariikhda Mareykanka ee laba goor lagu soo oogo dacwad xil-ka-qaadis.

Trump ayaa lagu eedeeyey inuu kiciyey kacdoon rabshadeysan oo ka dhan ah dowladda markii taageerayaashiisa ay Arbacadii, 6-dii Janaayo, si rabshado leh ay ku galeen Aqalka Congress-ka Mareykanka ee Capitol Hill.

Xil-ka-qaadista Trump ayaa waxaa u codeeyey dhammaan xubnaha dimqoraadiga iyo 10 ka mid ah xubnaha Jamhuuriga.

Si kastaba, Trump oo xilka ka degaya 20-ka Janaayo, ayey u egtahay inaan ka hor laga xayuubin doonin, sababtoo ah Aqalka Senate-ka oo ay tahay inuu ansixiyo xil-ka-qaadistan ayaa fasax ku jira wuxuuna soo laaban doonaa 19-ka Janaayo. 

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Senate-ka, Mitch McConnel oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa diiday baaq kaga yimid dimoqraadiga oo ahaa inuu kulan deg deg ah isugu yeero Senate-ka.

Halka kiis dacwadeed ee xil-ka-qaadista Trump loo cuskadada ayaa ah “hurinta kacdoon rabshadeysan oo ka dhan ah dowladda”, waxaana sal looga dhigay khudbad uu jeediyey kahor inta aanay taageerayaashiisa ku xoomin Capitol Hill-ka. 

Khudbaddaas ayaa Trump wuxuu mar kale ku celiyey beentiisa ah in doorashada la xaday, wuxuuna taageerayaashiisa ugu baaqay inay u u dareeraan Aqalka Congress-ka.

Rabshadihii ka dhacay Capitol Hill-ka ayaa waxaa ku dhintay shan qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo boolis ah.

Xog ka cusub kiiska 15-ka safiir ee dooda qabyaaladeed ka dhex-abuuray G/Wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in kulanka Khamiislaha ah ee berri ay yeelanayaan golaha wasiirrada xukuumadda

Soomaaliya la hor geyn doono ansixinta 15 safiir oo cusub.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in maalinta berri ah, kulanka golaha wasiirrada la horgeyn doono liiska safiirradaas cusub, si ay u ansixiyaan.

Khamiistii la soo dhaafay kulankii golaha wasiirrada waxaa la hor geeyey liiska 12 safiir si loo ansixiyo, balse dib ayaa loogu celiyey wasaaradda arrimaha dibadda oo markii hore soo gudbisay liiskaas.

Wasiirrada qaar, gaar ahaan kuwa soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa dood adag ka keenay in la ansixiyo liiska safiiradaas, iyagoo ku dooday in aan lasoo waafajin nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya ee 4.5-ta.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kulankaas ka go’aamiyey in wasaaradda arrimaha dibaddu dib ula laabato liiska safiiradaas, balse Khamiista berri ayey wasaaraddu golaha hor keeni doontaa liiska 15 xubnood oo safiirro cusub loo sharciyeynayo, sida aan xogta ku helnay.

Magacaabida Safiiradan ayaa ku soo aaday, xilli muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo ay ka dhiman tahay dhowr iyo labaatan cisho, waxaana arrintaan ku geedaaman shaki badan.

Dad badan ayaa qaba in magacaabidda safiirradaan cusub loo adeegsanayo olole siyaasadeed, maadaama xubnaha qaar ee safiirrada loo magacaabayo ay ka yimaadeen qaar ka mid ah dowlad goboleedyada taageersan dowladda federaalka.

Magacaabidan haddii ay dhaqan gasho, waxaa la filayaa inay galaafan doonto safiirro hadda xilal ka haya dalal ay ka mid yihiin Ruushka, Pakistan, Hindiya, Kenya, Mareykanka, Koofurta Sudan, Itoobiya iyo Sudan, kuwaas oo boosaskooda ku weynaya hannaanka awood qeybsiga ee beelaha Soomaaliya.

Illaa 60-cisho ayey ku qaadan kartaa aqbalaadooda dalalka loo dirayo safiirradan cusub.

CC Shakuur oo shaaciyey kharashkii uga soo xarooday taageerayaashiisa + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo bandhigay kharashka ay ugu taba-ruceen dadka taageersan xisbigiisa Wadajir, tan iyo markii uu si toos ah taageerada u weydiistay.

5-tii bishan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa iska soo duubay muuqaal uu shacabka ku weydiidanayo inay siiyaan kharash uu ku galo doorashada.

Muuqaal kale oo uu maanta iska soo duubay Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ku sheegay in lacag dhan 50-kun oo dollar ay soo gaartay, taas oo dadka taageersan ay ku soo shubeen akoonadii iyo lambarradii uu soo bandhigay.

“Tdobaad ka hor ayaan dadka Soomaaliyeed ka codsanay inay na taageeraan, dadka Soomaaliyeed si togan ayey uga jawaabeen baaqeenii, markii aan fiirinay bangiyadii iyo lambaradii waxaa noo soo xarootay lacag dhan $50,000 (Konton kun oo dollar), waan u mahad celineynaa dadkii nagu taageeray lacagtaas,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka Daawo

Shan qof oo GALGADUUD loogu gaystay dil la xiriira saraakiishii horey loo dilay

0

Balambal (Caasimada Online) – Deegaanka Xersi Lugey oo qiyaastii 7-KM u jira magaalada Balambal ee gobolka Galgaduud, waxaa galabta hal goob lagu dilay shan qof oo shacab ah, iyadoo laba kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Dadkaas oo ku sugnaa hal guri oo ku yaalla deegaankaas waxaa soo weeraray rag hubeysan, kuwaas rasaas huwiyey guriga ay ku jireen ragaas, waxaana goobta ku geeriyootay shan nin, halka laba kale oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah loola cararay degmada Gurceel.

Magacyada ragga maanta la dilay ayaa kala ah: 1- Gaarane Cawil Samatar, 2- Cabdi Xirsi Carab Kaahiye, 3- Cabdiyare Maxamed Ow Faarax, 4- Cadaawe Xirsi Lugey, 5- Ibnu Calidhere Xirsi Cawaale.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo falkan ka hadlay ayaa sheegay in dhacdadaan ay daba joogto tii bishii hore lagu laayey saraakiishii ciidanka xoogga dalka.

9-kii bishii hore December ayaa meel aan ka dheereyn goobta maanta lagu dilay dadkan waxaa lagu weeraray saraakiil ka baxday Gurceel oo u socotay Balambal, kuwaas oo laga dilay lix nin, waxaana weerarkaas ka badbaaday seddax kale.

Wasiir Falagle oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku bexeen goobtii maanta lagu dilay dadkaas, isla markaana ay xooga saarayaan sidii loo soo qaban lahaa raggii geystay falkaas.

Degmada Balambal ee gobolka Galgaduud waxaa ka taagan dagaal beeleed bada dheeraaday, kaas oo u dhaxeeya beelo asal ahaan ka soo kala jeeda magaalooyinka Gurceel iyo Caabudwaaq, kuwaas oo ay ka soo kala jeedeen saraakiishii la laayey bishii hore iyo ragga maanta la dilay.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Falagle

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ethiopia Seyoum Mesfin ‘oo maanta la dilay’

Mekelle (Caasimada Online) – Ciidamada Ethiopia ayaa goor dhow shaaca ka qaaday in Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda dalkaas Seyoum Mesfin lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas.

General Tesfaye Ayalew, oo ah madaxa qeybta daad-gureynta ciidamada Ethiopia ayaa sheegay in Mesfin lala dilay madaxii hore ee abaabulka baarlamanka Ethiopia Asmelash Woldeselassie, iyo wasiirkii hore ee arrimaha federaalka Abay Tsehaye.

Ayalew ayaa sidoo kale sheegay in shan sarkaal oo kale oo rayid ah iyo saraakiil ciidan lagu qabtay howlgal ay ciidamada militariga fuliyeen, sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka Ethiopia.

Mesfin ayaa ahaa wasiirka arrimaha dibedda intii lagu guda jiray howlgalii ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen Soomaaliya 2006, xilligaasi oo ay kula dagaalameen maxkamadaha Islaamiga ah iyo shacabkii muqaawamada. Waxaa uu xilkan hayey 1991-kii illaa 2010-kii

Waxa uu mid ka mid ah xubnaha ugu dhow ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Meles Zenawi, ayada oo lagu sheegi jiray inuu ahaa maskaxda hagta. Labadaba waxay kasoo jeedeen qowmiyadda Tigray-ga.

Sawirro: Safiirada Qatar iyo Turkey oo si wadajir ah ula kumay Rooble + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar Mudane Mohmet Yelmez iyo Mudane Hassan Hamza oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal kala dhexeeya Soomaaliya.

Kulanka ayaa arrimaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgalisay dowladda Qatar, isla markaana fulineyso shirkad laga leeyahay Tdalka urkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dhabar adeyga howlwadeennada gacanta ku haya dhismaha waddada, isagoo uga tacsiyeeyay howlwadeennadii Turkida iyo Soomaalida ahaa ee ku geeriyooday falalkii argagixisadu ku doonayeen hakinta dhismaha waddadan muhiimka ah.

“Xilweyn ayay dowladdu iska saareysaa sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya waddadan, si aan loo dhibaateyn, argagixisaduna nagama horjoogsanayaan inaan dhammeystirno dhismaha waddadan halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimadda iyo gobolka Shabellaha Hoose,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Labada Danjire ee Turkey iyo Qatar ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista dhismaha waddadan iyo mashaariicda kale ee horumarineed ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Xog ku saabsan qarax ka dhacay suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxayo qarax maanta ka dhacay Suuqaha ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay xarun Ganacsi oo lagu magacaabo Waaya Arag Electronics oo ku taalla jidka Shirkadaha ee Suuqa Bakaaraha.

Qaraxa ayaa waxaa kasoo baxayo warar kala duwan oo ku saabsan waxa uu ka dhashay, wararka qaar ayaa sheegaya inuu qaraxa ka dhashay haan Gaas oo taalay iridda hore ee Xarunta, halka warar kalana ay sheegayaan inuu ahaa qarax lasoo dhigay iridda hore ee Waaya Arag Electronics.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goob joogayaal, qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ka tirsan Shaqaalaha Shirkadda Waaya Arag Electronics, sidoo kalana waxaa jiro khasaaro maaliyadeed.

Ciidamada Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu Qaraxa ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan ku aadan waxa uu ahaa qaraxaan inkastoo laamaha ammaanka aysan weli warbixin soo saarin.

Xog: Lafta-Gareen oo ku fashilmay dalab uu hordhigay Axmed Madoobe iyo Deni

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa xiriir dhanka telefoonka ah la sameeyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, oo si weyn uga soo horjeeda hanaanka doorashada.

Lafta-gareen oo shalay ku laabtay Baydhabo ayaa bilaabay dhex-dhexaadinta dhinacyada isku khilaafsan doorashada, midaasi oo uu hore ugu fashilmay madaxweynaha Galmudug, Qoor-Qoor.
Sida ay ilo xogagaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ka dalbaday  inay soo magacaabaan guddiyada doorashada Hheer dowlad goboleed, kadibna laga wada-hadlo xal u helista khilaafka doorashada.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa durba diiday dalab uu Lafta Gareen usoo gudbiyey oo ahaa inay marka hore soo magacaabaan guddiyada doorashada kadibna la galo xalka khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Dhexe.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa si cad ugu sheegay Lafta Gareen in aysan soo magacabeyn guddiyada doorashada illaa xal laga gaaro muranka Doorashada sidoo kalana ay Dowladda Soomaaliya ciidamada kasoo celiso Gobolka Gedo.

Waxaa xusid mudan in dalabka uu Lafta-gareen u gudbiyay labada madaxweyne uu hore madaxweyne Deni uga diiday ra’iisal wasaare Rooble, xili uu socdaal ku tagay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Waanwaanta Lafta-gareen oo timid markii uu meesha ka baxay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa u muuqata mid aan natiijo kasoo bixi doonin, iyadoo ku bilaabatay qodobo hore loogu fashilmay.

Muranka la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa weli taagan, waxaana dhowr jeer fashilmay isku dayo la doonayay in lagu xaliyo,waxaana xubnaha Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay si cad uga soo horjeesteen guddiga doorashooyinka dadbadan oo ay sheegeen  inay kujiraan Xubno ka tirsan NISA & Shaqaalaha dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo mudada xil heyntiisa ay uga dhiman tahay wax ka yar bil ayaa weli ka dhaga adeegaya baaqyada uga imaanayo midowga Musharixiinta oo ah inay dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.

 

Cumar Filish oo oo lagu soo wareejinayo shaqo ay horey u haysay wasiir Fowsiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka caafimaadka, Fowsiya Abuubakar Nuur iyo xubno ka tirsan waasaradda caafimaadka Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxa diirada lagu saaray sidii gobolka Banaadir loogu soo wareejin lahaa gacan ku haynta maamulka caafimaadka, kaasi oo ay hadda gacanta ku hayso Wasiir Fowsiya.

Ujeedka kulankan oo ahaa sidii loo daadejin lahaa adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada oo ay bixiso Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, ayaa waxay dhiseen guddi labo geesood ah.

Guddiga cusub ee Wasaaradda caafimaadka iyo gobolka Banaadir ay dhiseen ayaa waxay ka wada shaqeyn doona sidii gobolka Banaadir loogu soo wareejin lahaa Maamulida Xarumaha Caafimaadka ee ku yaala gobolka Banaadir.

Wasiir Fowsiya oo kulankaas ka hadashay ayaa sheegtay in guddiyada labada dhinac ay xooga saari doonaan sidii bishan gudaheeda xarumaha caafimaad ugu wareejin lahaayeen maamulka gobolka Banaadir, oo uu horkacayo Cumar Filish.

Sidoo kale guddoomiye Filish oo ka hadlay kulankaas ayaa isaguna sheegay in qorshahan ay kula wareegayaan caafimaadka uu wax badan ka bedeli doono tayada caafimaadka ee gobolka.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in maamulka gobolka Banaadir uu isbedel wax ku ool ah ay ka sameyn doonaan caafimaadka dalka oo wajahaya xaalado kala duwan.

Maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa dhamaadka bishan wada saxiixan doona heshiiskan loogu wareejinayo gobolka maamulka xarumaha caafimaad.

Guddoomiye Xaliimo Yareey: Dowlad aan Xalane laga xukumin aan sameysano

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannan ee doorashooyinka dalka oo hadal ka jeedisay Shirka Sanadeedka Garsoorka 2021 oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa sheegtay in aysan jirin Hay’addii u xilsaarneed ilaalinta Dastuurka.

Guddoomyea Xaliimo Yarey waxa ay sheegtay in dalka dhibaatooyin kala duwan uu soo maray ilaa markii dambe la diyaariyay dastuus qabyo ah oo u baahan in la dhammeysto, shaqadaasna ay tahay mid ay qabaneyso Hay’adda u xilsaaran oo aan dhisneen.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Yarey waxa ay soo jeedisay in qadarin uu u baahan yahay Dastuurka oo muddo lagu soo meel maray, balse waxa ay farta ku tilmaamtay in aan laga maarmin dhismaha Hay’adda qaadaneysa mas’uuliyadda oo kala qabaneysa marka uu muran yimaado.

“Dastuurka Dalka waa qabyo balse waa in sidaas lagu qadariyaa, haddii aan la ilaalineen waxa uu leeyahay horay uma soconeyno, hay’addii inoo ilaalin lahayd dastuurka ma jirto, Haykalkii kala hagi lahaa ee wax kala qaban lahaa haddii la waayo Soomaaliya meel uma socota, mindi mindi ku taag ayaa lagu jiraa haddii aan heysan wax aan heshiis ku nahay,” ayay tiri Xaliimo Yarey.

Waa ay sii hadashay Xaliimo Yarey waxa ay tiri “Dowlad Goboleedyada Dastuur ayay heystaan oo ay ku dhaqmayaan waana ku saxan yihiin, waxaa jira Dastuur Qaran ma is leeyihiin labada Dastuur, qoloba meel ayay u socotaa, haddii aan meel wax wada dhigan, meeshaas ciddii inoo ilaalin lahayd aan wada sameysan, waxa aan ku jirnaa waa been, qalad & Dambi, oday in uu wax xulo, anigaa kursigaan iska leh in la ii xiro waaye, waxa loo dagaalaa ee loo socdaa ma ahan in Kursigaas Ummada la dhigo ee waa in gooni la isku lahaysiiyo.”.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yarey ayaa soo jeedisay in la sameeyo Hay’adda ilaalisa dastuurka si meesha looga saaro is qabqabsiga jira oo aysan jirin meel lala aado & ciddii awoodda u lahayd in ay xaliso.

Ugu dambeyntii Xaliima Yarey ayaa sheegtay in dalkaan uu u baahan yahay dowlad aan Xalane laga xukumin.

Hadalka Guddoomiyaha Guddiiga Guddiga  Madaxa Bannaan ee doorashoyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muran xoogan uu kajiro doorashooyinka dalka oo aan weli heshiis laga gaarin.

R/Wasaare Rooble oo dardar-gelinta doorashooyinka u xil-saaray Cabdixakiin Ashkir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wasiiru dowlaha xafiiskiisa Cabdixakiin Xasan Ashkir u xil-saaray dardar-gelinta howlaha doorashooyinka ee la filayo inay dhowaan ka dhacaan dalka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waaa lagu sheegay inuu Askhir shaqeyn doono howlaha isku xirka iyo wada shaqeynta xukuumadda federaalka, dowlad goboleedyada iyo hay’adaha caalamiga ee dusha kala soconaya doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa warqaddan lagu sheegay inay muhiimadu tahay dhaqan-gelinta heshiiskii horey looga gooray doorashooyinka ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Soomaaliya oo horey ugu dhowaaqay hirgelinta doorashada ayaa dadaal badan ku bixineyso sidii loo bilaabi lahaa howlaha doorashooyinka oo uu muran ka jiro.

Musharraxiinta mucaaradka, maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa weli dhankooda tabasho ka muuijinayo hannaanka ay doorashooyinka ku wajaheyso dowladda dhexe.

Sikastaba xaaladda dalka ayaa ah mid cakiran, iyadoo beesha caalamkuna ay ku baaqday inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo doorashada iyo heshiiskii Muqdisho.