28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawirro: Shirka golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay arrimo xasaasi ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Jubbaland oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee maamulkaasi.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyey Madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo diirada lagu saaray amniga, dastuurka, dib u dhaca ku yimid xafladddii caleema saarka iyo arrimo kale.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa ugu horreyn ka dooday xaalada ammaanka deegaanada Jubbaland, iyadoona golaha amniga heer dowlad goboleed laga dalbaday inay soo gudbiyaan habraaca cusub ee sugida nabadgalyada, taas oo ay ku shaqaynayaan hay’adaha nabad gelyada maamulkaasi.

Waxa kale oo guluhu warbixin ka dhageystay wasaaradda dastuurka, taas oo la xiriirta hanaanka dib u eegista dastuurka qabyada ah ee dalka.

Sidoo kale golaha wasiirada Jubbaland ayaa ka dooday dadaalka wasaaradda arimaha gudaha maamulkaasi ay ku bixinayso sidii loo soo gabagabeyn lahaa dhammaan tabashooyinkii ka dhashay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo.

Arrimaha kale ee shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah dib u dhicii ku yimid xafladdii caleema saarka ee Axmed Madoobe oo lagu waday in shalay la qabto.

Golaha ayaa sheegay in wakhti kooban kadib la qaban doono, islamarkaana dhowaan magaalada Kismaayo ay soo gaari doonaan marti sharaf kala duwan .

Ugu dambeyn golaha ayaa ka hadlay xariga wasiirkooda amniga, Cabdirashiid Janan oo weli u xiran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo faray hay’ada garsoorka Jubbaland in arintaasi ay ku bixiyaan dadaal dheeri ah oo lagu soo deynayo wasiirkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo 
[email protected]

Qatar oo war ka soo saartay khilaafka dhinacyada isku haya siyaasadda Somalia

0

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay ka gudbaan khilaafyada, kana wada shaqeeyaan sidii horey loogu dhaqaajin lahaan hanaanka siyaasadda dalka, loo xoojin lahaa dadaallada dib u heshiisiinta qaranka, loola dagaalami lahaa musuq-maasuqa, sare loogu qaadi xuquuqda aadanaha iyo xoriyadaha aas-aasiga.

Qatar ayaa sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo dhammaan saaxiibada Soomaaliya inay mideeyaan dadaalladooda si ay taageero farsamo iyo mid maaliyadeed u siiyaan horumarinta hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay soo dhoweeneyso soo gaba-gebeynta iyo talooyinka ku jira warbixinta khabiirka madax banaan Bahame Tom Nyanduga uu ka diyaariyey xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in inkasta oo waxa ugu muhiimsan ee argagixisada ay beegsaneyso ay yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliya, haddana dowladda federaalka ay ku guuleysatay inay guulo dhowr ah ka gaarto arrimaha amniga, siyaasadda, bani aadamnimada iyo xuquuqda aadanaha.

La-taliyaha waaxda xuquuqda aadanaha ee wasaaradda arrimaha dibedda Qatar Dr. Turki Al Mahmoud ayaa ku baaqay in la ilaaliyo guulahan, islamarkaana laga shaqeeyo sidii loogu gudbi lahaa wejiga xiga.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in 27-ka October ay marti-gelin doonto kulanka heer wasiir ee kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Soomaaliya.

Dr. Turki Al Mahmoud ayaa xusay in dowladda Qatar ay dib u xaqiijineyso sida ay uga go’an tahay inay xushmeyso madax banaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya, islamarkaana ay garab istaagto dadka Soomaalida, ayna sii wadi doonto taageerada ay siisso dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Doha
[email protected]

Xaalad bani’aadannimo oo jirta qeybo ka mid ah Gedo

0

Garbahaarey (Caasimadda Online) – Dad u badan Haween iyo Caruur oo ka barakacay duqaymaha diyaaradaha ay wadaan ciidamada Kenya Gobolka Gedo & Abaaraha ayaa gaaray gaaray magaalooyinka Baardheere, Ceelwaaq & Garbahaarrey.

Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan halkaasi ay isaga barakaceen guryahoodi, kaddib markii ay soo food saartay xaalad Banii’aadanimo oo aad uliidata.

Dadkaan oo u badan haween iyo caruur ayaa intooda badan isaga soo barakacay Deegaannada Deeraq, Faxfaxdhuun, Daarusalaam, Ceel-Raam, Koolbaay, Buusaar & Cowsqurun oo ka kala tirsan Degmooyinka Baardheere, Garbahaarrey & Beledxaawo ee Goboka Gedo, waxayna lug ku tageen magaalada Baardheere oo qiyaastii u jirta 250km halkii ay daganaayeen.

Barakacayaashan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay ka soo hayaameen Xaalado Abaareed & duqaymaha diyaaradaha Kenya ay ka gaystaan qaybo ka mid ah gobolka Gedo, waxayna intaas ku dareen in laga laayey xoolihii ay dhaqan jireen, sidoo kalena laga jaray Isgaarsiintii ay ku tiirsanayd noloshooda.

Mid ka mid ah dadka barakacayaasha ah ayaa yiri “Waxaa ka soo barakacnay nmabar koow deegaano kala duwan, anagoo ah dadwaynaha ku nool gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanka Deeraq, fax-faxdhuun, Daarusalaam Ceel-Raam, Koolbaay, Buusaar ayaa ka soo kala qaxnay. Dadkaas oo gaaraya 3000, illaa 4000 oo qoys lug ayaana ku soo galnay Baardheeere”.

Hooyooyin la hadlay saxaafadda ayaa intaas ku daray “Baardheere waxaa nagu haysata guri la’aan shalay ayaa u dambsay roob ayaa da’ayey ilmihii iyo dumarkii waa la isku qoyey, bac ma leh, wax lagu seexdo ma leh, guri la galaayo ma leh, dhibkaas ayaa na haysta allaha naga bad baadiyee”.

Geesta kale waxgaradka iyo odoyaasha ku dhaqan qaybo ka mid ah gobolka Gedo, ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka ee Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan dadka loola soo gaaro gar-gaar banni’aadanimo, xilli saddexdii sano ee la soo dhaafay gobolka Gedo ay haysatay abaaro ku habsatay dadkii duunyadii ku dhaqaneed halkaasi.

Wararkii ugu dambeeyey haweeney sayigeedii ku toogatay degmada Hobyo

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa ku warramaya in maanta dhacdo murugo leh ay ka dhacday degmada Hobyo ee gobolkaasi, kadib markii Haweeney ka mid ah dadka deegaanka ay toogasho ku dishay Sayigeedii.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cali Geeri, kaas oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ee ka howlgasha Galmudug.

Wararka ayaa sheegay in dilka askarigan uu sababay khilaaf ka dhashay arrimo la xariira Qoys, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Haweeneyda dilka geysatay oo goobta ka baxsatay ayaa la sheegay in dilka marxuumka ay u adeegsatay Qoray AK47 ah oo uu isagu  lahaa.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hobyo iyo Galmudug oo ku aadan dilkaasi.

Dhacdadan oo ah mid argagax leh ayaa waxaa haatan si aad ah looga hadal hayaa magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug, iyo guud ahaan deegaanada Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Guddoomiye Mursal oo ka hor-yimid amar horey uga soo baxay ku-xigeenkiisa

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qaatay go’aan ku saabsan inuu shaqada u fasaxo Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka.

Guddigaan ayaa waxaa horey u kala diray Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo soo saaray waraaq.

Guddoomiye Mursal ayaa shaqada u fasaxay Guddigaan oo horey loo sheegay in kala diray taasoo ay ka dhalatay muran badan.

Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa dood badan ka dhax dhaliyay fadhiga Baarlamaanka sifoo kale waxay mudo maalmo walaac ah geliyeen xukuumada kadib markii ay ku eedeeyeen musuq maasuq.

Faah-faahin: Qarax maanta Muqdisho lagula beegsaday Injineero Turkiga u dhashay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay qarax Xooggan.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Soobe oo hadda loo bixiyey 14 October, wuxuuna ahaa qarax xooggan oo laga maqlayo qeybo kamid ah Muqdisho.

Qaraxa ayaa wuxuu ahaa mid gaari lagu xiray oo la qarxiyey xilli uu marayey Isgoyska Soobe.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa Miino lagu dhejiyay Gaari nooca aan xabada Karin ee loo yaqaano Bilad Buruuf oo uu watay Ingineer Turki ah oo ka shaqeenayey Dhismaha Jidka Muqdisho iyo Agoogye.

Laba qof ayaa la sheegay inay qaraxaasi ku dhaawacmeen oo u dhashay Turki, waxaana gaariga lahaa Ingineerkii dhisayey wadada Afgooye iyo Muqdisho.

Waa markii labaad oo la qarxinayo Ingineerada Turkiga ah ee dhisayo Jidka u dhaxeeyo Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgelineyso Dowladda Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowladda Soomaaliya oo faah-faahisay kulankii dhex maray Farmaajo iyo Uhuru

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku kulmay magaalada New York, oo ah goobta uu ka socdo shirka Golaha Guud ee QM.

Kulankan ayaa waxa fududeeyey madaxweynaha Masar Cabdifataax Asiisi, oo hadda haya xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Villa Somalia ayaa sheegtay in kulankaas “la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.”

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku tiri “Kenya waxay soo dhoweeneysaa kulankan koowaad oo ah tallaabo loo qaaday jihada saxda ah. Kenya waxay mar walba rumeysneyd, ayna sii wadeysaa inay ku baaqdo in wada-xaajoodyadu ay yihiin habka ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka Afrika loogu heli karo xal Afrikaan.”

Haddaba, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa idaacadda VOA-da waxa uu faah-faahin ka siiyey kulankii labada madaxweyne iyo waxyaabaha uu madaxweyne Farmaajo kusoo qaadayo khudbadiisa QM.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Xigasho: VOA

Uhuru oo khudbadiisa QM dalab culus oo ku saabsan badda ugu gudbiyey Farmaajo

0

New York (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay Kenya sii wadi doonto sidii xal saaxiibtinilo loogu heli lahaa muranka Xuduudka Badda ee Somalia iyo Kenya.

Khudbadii uu ka jeediyey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayuu u soo qaaday muranka Xuduudka Badda ee Kenya iyo Somalia, wuuuna sheegay in dowladda Kenya ay sii wadi doonto inay wadahadalka ay la yeelaneyso dowladda Federaalka Somalia, una dadaaleyso in xal waara oo saaxiibtinimo loo helo khilaafka xuduudka Badda ee labada dal u dhaxeeya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go’aankii Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee 3-dii September ay Somalia iyo Kenya ugu yeereen inay labada dal waanwaan ku xaliyaan muranka xuduudka Badda, wuxuuna Uhuru isku dayey inuu xeerka Q/Midoobay u cuskado xalka ugu wanaagsan ee khilaafyada labada dal lagu xalin karo inuu yahay wadahadal.

“Waxaan rajo weyn ka qabnaa in dowladda Federaalka Soomaaliya aqbali doonto, diyaarna u tahay raadinta xal waara oo lawada aqbali karo loo helo muranka Xuduudka Badda..” ayuu hadalkiisa ku yiri Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Kenyatta oo hadalkiisa sii wato waxaa uu ku daray In UNka uu Sidoo kale qabo wada hadalka “Sida aan ognahay dastuurka UNka waxaa uu doorbidayaa In wada hadal lagu dhameeyo wixii muran ah, sidoo kale UNka waxaa uu qabaa in xad badeedka dalalka loo sameeyo qaab saxiibtinimo ah”.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KHUDBADDA MADAXWEYNAHA KENYA EE ARRIMAHA SOOMAALIYA

Mr. President,

In the same spirit, my administration continues to reach out to the Federal Republic of Somalia in an effort to find an amicable and sustainable solution to the maritime boundary dispute between us. In this regard, I welcome the decision of the African Union Peace and Security Council of 3rd September 2019 that urges both parties to engage.

As we all know, the UN Charter privileges the use of negotiation as the most preferred mechanism for settlement of disputes. Similarly, the United Nations Convention on the Law of the Sea provides for the delimitation of maritime boundaries between states amicably. It is in this normative framework that informs Kenya’s call for the resolution of this dispute through negotiation.

We remain hopeful that the Federal Government of Somalia will be amenable and committed to the search for a mutually acceptable and sustainable solution to this dispute.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Saciid DENI: “Hawada Somalia maahan DUKAAN uu qof leeyahay”

0

Boosaaso (Caasimadda Online) – Madaxwaynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xayiraadda Dowladda Somalia ay saartay  Jubbaland ay tahay sharci-darro, isla markaana  baalmarsan dastuurka dalka iyo awooda uu siinaayo Maamul Goboleedyada .

Wareys uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu sheegay in Hawada Soomaaliya aanay aheyn dukaan qof leeyahay, isla markaana ay tahay Hawo sharci ku dhisan oo sharci lagu maro.

Madaxweyne Deni oo kamid ah Madaxda lagu casuumay Xafladda Caleema saarka Madaxwaynaha Jubbaland balse ay saameysay xayiraada la saaray duulimaadyadii Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in mooqifkiisa aysan waxba iska badali doonin uuna ka qayb-gali doono Caleema saarka Axmed Madoobe.

“Runtii Hawada Soomaaliya ma ahan Dukaan qof leeyahay, waa hawo sharci ku dhisan oo sharci lagu maro oo qawaaniin caalami leh, aad baan uga xumahay ku xadgudub Dastuur inuu dhaco, suura galna ma ahan wax dastuurka dadka xaqa u siiyay qof ra’yi siyaasadeed qabi kara in xayiraad dadka iyo isu socodka loo saaro sax ma ahan arrin aan ku habooneyn dowladnimada iyo dadnimada”ayuu yiri Saciid Deni.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa difaacay Heshiiska Maamulkiisa la galay Shirkado laga leeyahay Imaaraadka Carabta, isagoo caddeeyay in mas’uuliyadda loo dhaariyay ay ka mid yahay inay hormar ka sameeyaan dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Waad ogsoontihiin, waxaa jira cadow badan oo aynu leenahay, cadowgeenu waa badanyahay, ha noqdo inay meel walba furimo inooga sameeyaan, dhinacyo badan waxaan kaga bixi karnaa inagoo wada-shaqayna, laamaha amniga la shaqayna noqona mid, taas ayaan kaga guulaysan karnaa,” ayuu yiri  Madaxweyne Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo hor leh ay geeyeen Magaalada boosaaso, islamarkaana ay sugayaan amniga Magaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG: Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon oo xilkii laga qaaday

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay illo wareedyo ku dhow Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, waxaa xilkii laga qaaday Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Xil ka qaadista Taliyaha oo howsheeda ay socotay muddo badan ayaa waxaa ugu dambeyntii lagu guuleystay in Saadaq Joon xilka laga qaado wax yar ka hor inta uusan Madaxweyne Farmaajo u raacin safarka New York.

Saadaq Joon ayaa lagala tashtay xil ka qaadista lagu sameeyey ka hor inta aan go’aanka la qaadan waxaana lagu qanciyey in xil kale loogu badalo.

Taliyaha ayaa loo soo jeediyey inuu kala doorto laba xil midkood oo kala ah:

1)  Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka

2) Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya

Saadaq Joon ayaa la sheegay sida aan xogta ku helnay inuu doortay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka.

Xil ka qaadistaan ayaa waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa marka uu Madaxweynaha kasoo laabto safarka uu ku joogo Magaalada New York ee Wadanka Mareykanka halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shirka Qaramada Midoobay.

Saadaq Joon ayaa xilka Taliyaha Booliska gobolka Banaadir hayey muddo 13 Bilood ah, waxayna Dowladda Soomaaliya u aragtaa inuu yahay nin muhiim ah oo aan looga maarmin arrimaha Ciidamada.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa la filayaa in loo magacaabo Mahad Koroow oo hadda hayo xilka Taliyaha Ciidanka ilaaliya Aqalka dowladda Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Erdoğan: QM waxay fiirsaneysaa dhulka la boobayo ee reer Falastiin

0

New York (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka hadlay Cadaalad darada iyo dhibaatooyinka ka jiro Adduunka xilli uu khubad xasaasi ah ka jeedinayey Shirka 74-aad ee Qaramada Midoobay Talaadadii Shalay aheyd.

“ Beesha Caalamka waxay lumineysaa awooddii ay u laheyd xal u helidda caqabadaha sida argaggixisannimada, Gaajada, Musiibada iyo isbedelka Cimilada” ayuu yiri Erdogan.

Wuxuu Qaramada Midoobay ku eedeeyey inay ku guuledareystay inay qaado tallaabooyin wax looga qabanayo dhibaatooyinkaas.

“Dunidu way illowday Qaxootiga Siiriya iyo kuwa Aylan Kurdi si dhakhso ah,” ayuu yiri Erdogan, isagoo ku booriyey hoggaamiyeyaasha Adduunka inay taageeraan qorshaha la soo jeediyay ee aag nabdoon laga dhisi doono Syria.

“ Waan daabuli karnaa tirada Siiriyaanka si amaan ah, si dalkooda loogu celiyo 3 milyan hadii wadada nabada loo dheereeyo ee  khadka Deir el-Zor-Raqqa, waxaan ugu baaqayaa xubnaha Qaramada Midoobay inay taageeraan dadaalada Turkiga ee sugida amniga ee Idlib Syria, ” ayuu yiri madaxweynaha.

Erdogan oo ka hadlayey dagaalka Israa’iil iyo Falastiin ayaa Qaramada Midoobay ku eedeeyey inay ka jiifatay arrintaas isla markaasna horteeda lagu boobay dhulkii ay lahaayeen dadka Reer Falastiin.

Wuxuu Qaramada Midoobay horteeda kusoo bandhigay boobka lagu hayo dhulka reer Falastiin iyo halkii ay markii hore kala joogeen Israa’iil iyo Falastiin sanadkii 1967.

Wuxuu ku baaqay in si deg deg ah Falastiin loogu dhiso dowlad loo dhan yahay isla markaasna xuduuda Israa’iil iyo Falastiin lagu soo celiyo sidii ay aheyd sanadkii 1967 meeshana laga saaro in Qudus tahay Caasimadda Israa’iil.

Khudbadda Erdogan oo aad u dheereyd ayaa noqotay mid xamaasad ka dhex dhalisay shirka Qaramada Midoobay, wuxuuna noqday hoggaamiyaha kaliya ee sida dhabta ah uga hadlay dhibaatada lagu hayo dadka Muslimiinta ah.

Caasimada Online
Xafiiska New York
[email protected]

Xog: Ciidamada Somaliland oo dhaawacay muwaadin ay dhulkiisa ka xoogeen

0

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidamada booliska Somaliland ay dhaawac culus u geysteen muwaadin ay dhulkiisa xooga kaga qaadayeen.

Ciidamadaasi oo ka tirsanaa kuwa Somaliland ayaa rasaas ku furay nin lagu magacaabo Cali Aw Maxamed Jaamac, kadib markii uu diiday in uu dhulkiisa dajiyo dad ay ciidamada boolisku ay ka soo rareen xero ay daganayeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen qoyska muwaadinka dhaawaca culus loo geystay.

Dhaawacan culus ee ay ciidamadu u geysteen Cali ayaa imanaya kadib markii uu si weyn uga hor-yimid dalabka ay ciidamadu ku rabeen in dadkaasi ay dhulkiisa dajiyaan, kaasi oo ku yaala Koonfurta magaalada Hargeysa.

Ninkan iska leh dhulka ay ciidamadu dadka dajinayeen iyo weliba qoyskiisa ayaa diidmo adag kagala horyimida ciidamada, midaasi oo sababtay inay ciidamadu furaan rasaas sababtay in Cali lagu sameeyo qaliin culus oo saacado dhowr ah qaatay.

Qoyska Cali Aw Maxamed ayaa qaylo dhaan iyo baaq u soo jeediyay Mas’uulka ugu sareeya xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi, iyagoona ka dalbaday in laga soo gaaro ciidamada rasaasta ugu adeegsanaya dhulkooga.

Ilaa iyo haddana ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Xukuumada Somaliland iyo laamaha am oo ku aadan iska hor-imaadkan sababay dhaawacaasi culus.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Farmaajo oo ka qeyb-galay soo dhoweyn uu TRUMP u sameeyey madaxda dunida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xaaskiisa Zeynab Cabdi Macalin ayaa ka qeyb galay kulan soo dhoweyn ah oo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u sameeyey madaxda caalamka.

Kulanka uu Farmaajo ka qeyb-galay ayaa ahaa mid guud oo Donald Trump u sameeyay dhammaan madaxda ka qeyb gashay kulanka 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee New York, maadaama dalkiisa ay ku taallo xarunta QM.

Kadib kulanka ayaa Trump waxa uu sawirro mid mid ula galay dhammaan madaxdii ka qeyb-gashay oo Farmaajo uu ku jiro.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay sawirka Madaxweyne Farmaajo iyo Xaaskiisa oo la sawiran Donald Trump iyo Xaaskiisa, kaasi oo lagu baahiyey barta Facebook ee Villa Somalia.

Madaxda ka qeyb gashay kulanka soo dhoweynta ah ee Trump uu sameeyey waxaa sidoo kale ka mid ahaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinta berri lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Kulanka Qaramada Midoobey, taasoo noqoneysa tii u horeysay oo isagoo Madaxweyne ah uu fadhiga Golaha ka jeediyo.

Farmaajo oo wada-hadalkii Kenyatta ku daray shuruud la xiriirta Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog dheeri ah ka heleysa kulankii xalay magaalada New York ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ee looga hadlay soo celinta xiriirka labada dal iyo muranka badda.

Kulankaas oo uu soo agaasimay madaxweynaha Masar, Abdifatah Al-Sisi oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa yimid xilli ay Soomaaliya horey uga diiday ururka Midowga Afrika in kiiska badda looga hadlo meel aan ahayn maxkamadda caalamiga ah.

Si kastaba kulanka ayaa lagu soo qaaday arirmaha badda, balse Villa Somalia waxay sheegtay in madaxweynaha ku adkeystay in labada dal ay kiiska badda u daayaan maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, balse laga heshiiyo arrimaha kale, taasi oo la isku raacay.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in markii kulanka uu furmay, in shuruudda koowaad ee madaxweyne Farmaajo hordhigay Kenyatta ay ahayd in marka hore Kenya ay faraha kala baxdo arrinta Jubaland, islamarkaana meesha ka saarto Axmed Madoobe, kadibna madaxweyne uu u furan yahay inuu wada-hadal ka galo arrinta badda.

Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuu ka meer-meeray, islamarkaana Farmaajo u sheegay in kiiska Axmed Madoobe uusan u fududeyn sida la moodo, uuna saameyn xooggan ku leeyahay gudaha dalka Kenya, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan wafdiga la socda madaxweynaha

Waxyaabaha walaaca uu ka muujiyey Kenyatta ayaa waxaa ka mid ah in Axmed Madoobe ay taageerayaan siyaasiyiin awood ku leh siyaasadda Kenya oo ku beel ah, ayna adag tahay inuu qaato go’aan ka dhan ah Axmed Madoobe.

Si kastaba Kenyatta ayaa ogolaaday in guddiga ay isku raaceen labada dal in la dhiso, ay kasoo talo bixiyaan arrintan.

Ma cadda in Farmaajo ogolaan doono inuu wada-xaajood ku dhameeyo muranka badda, haddii Kenyatta ogolaado rabitaankiisa ah in Axmed Madoobe meesha laga saaro, hase yeeshee xubno wafdigiisa ka mid ah oo kulanka fadhiyey ayaa Caasimada Online u sheegeen inay la-yaabeen in madaxweynaha uu kiiska badda ku xiro dagaalka uu kula jiro Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Imaaraadka Carabta oo la wareegtay garoonka Boosaaso iyo hogaanka PISA

0

Boosaaso (Caasimadda Online) – Khilaafkii u dhexeeyay imaaraadka Carabta iyo Puntland ayaa u muuqda mid la xaliyay kadib markii Puntland ay ogolaatay inay fuliso dalabyo ay wadatay Imaaraadka Carabta, sidoo kalena Imaaraadka ay ballan-qaadeen mashaariic dhowr ah.

Waxyaabaha Imaaaraadka Carabta ku guuleysteen waxaa ka mid ah in sarkaal ay aad isugu dhow yihiin loo magacaabo Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA. Sarkaalkaas ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar Jeyte, waana xubin firfricoon oo aad ugu dhow sirdoonka Imaaraadka ee Soomaaliya.

Dikreetko ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa Mukhtaar Jeyte loogu magacaabay agaasimaha nabad sugida 20-kii bishaan, iyada oo la shaaciyay 22-kii bisha, taas oo kalsooni gelisay Imaaraadka.

Puntland ayaa sidoo kale ogolaatay in Garoonka Diyaaradaha Boosaaso lagu wareejiyo maamulkiisa iyo amaankiisa shirkad ay mas’uul ka yihiin Imaaraadka Carabta, ayada oo Imaaraadkana ay maal-gelinayaan mashruuc lagu ballaarinayo garoonkaas.

Magaalada Boosaaso, waxaa ku sugnaa labadii Berri ee u dambeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta kuwaas oo daba joogay fulinta dhammaan qodobada ay daneynayaan.

Xubno ka soo jeeda qoyska Madaxweyne Deni oo lagu kala magacaabo Xasan Deni, Mahad Deni iyo Cabdi Rabi ayaa si weyn gadaal uga riixaya fullinta qorshaha Imaaraadka Carabtu ka leeyahay Puntland.

Imaaraadka Carabta ayaa faragelin toos ah ku heyso Soomaaliya, waxayna heshiisyo aan sharci aheyn la gashaa Maamul Goboleedyada iyadoo aysan ka war heyn Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

Kenya oo war kasoo saartay kulankii Uhuru iyo Farmaajo – “Xalka aan rabno waa kan”

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa war kasoo saartay kulankii magaalada New York ku dhex-maray madaxweynaha dalakas Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee looga hadlay muranka badda ee labada dal.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku muujisay inay ku faraxsan tahay in ugu dambeyn ay dhacday sidii ay Kenya dooneysay ee ahayd in Midowga Afrika uu arrintan xaliyo.

“Kenya waxay soo dhoweeneysaa kulankan oo ah kii koowaad, waana tallaabo horey loogu qaaday jihada saxda ah. Kenya waxay mar walba rumeysneyd, ayna sii wadi doontaa inay ku baaqdo in wada-hadalladu ay yihiin habka ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka Afrika loogu heli karo xal Afrikaan ah” Ayey tiri.

Wada-hadallada Farmaajo iyo Uhuru ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi, oo sidoo kale goobjoog ka ahaa kulanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday in ururka Midowga Afria uu dhex-galo labada dal, ayna dooneyso in lagu kala baxo maxkamad. Si kastaba ma cadda sababta uu Farmaajo u beddelay mowqifkii hore ee Soomaaliya, inkasta oo Villa Somalia ay sheegtay in Farmaajo u sheegay Uhuru in kiiska maxkamadda sidii loo daayo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Odayaasha K/Galbeed oo sheegay in xayiraadda uu Farmaajo saaray Shariif ay caddeyn u tahay hal arrin

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo maanta shir ku yeeshey magaalada Baydhaba ayaa aad u canbaareeyey talaabadii madaxweyne Farmaajo uu xayiraadda ku saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Odayaasha Koonfur Galbeed ayaa Shariif Sheekh Axmed ku tilmaamay oday Soomaaliyeed oo nabaddoon ah, aadna u dulqaad badan, waxayna tallaabada uu Farmaajo qaado ku qeexeen mid caddeyn u ah “sida uu u abaal-dhacay”, sida ay hadlaka u dhigeen

“Waa nasiib darro aad u weyn in Farmaajo uu ka xishoon waayo ninkii isaga Mareykanka ka keeney oo ra’iisul wasaare ka dhigey” ayey yiraahddeen odayaasha Koonfur Galbeed.

Odayaasha ayaa sheegay in dhaqanka Farmaajo uu shabaho mid horey loo arkay. “Tani waxay caddeyn u tahay in Farmaajo uu rabo inuu dalkaan ku hoggaamiyo wixii shaley ay Soomaali isku dagaashey lagamana yeelaayo taasi” ayey yiraahdeen odayaasha.

Dhinaca kale, odayaasha Koonfur galbeed ayaa sheegey inay ka aqbaleen raali gelintii uu madaxweyne Shariif u sameeyey reer Koonfur Galbeed, ugana mahad-celinayaan.

Jubbaland oo shaacisay sababta dib loogu dhigay caleemo-saarka A/Madoobe

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Maamulka Jubbaland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay dib u dhacday Xafladdii lagu caleema saari lahaa Madaxweynaha dib loo doortay ee Maamulkaas Axmed Madoobe kadib war saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xafladda dib loo dhigay muddo kooban oo aan la cayimin, waxaana Xafladda lagu waday inay dhacdo 26 Bishaan oo ku beegan Maalinta Berri ah.

Jubbaland ayaa sababta loo baajiyey Xafladda ku sheegtay kadib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya is hor istaag ku sameysay wufuudii lagu casuumay Xafladda taasoo ay ku tilmaamtay inay tahay mid sharci darro ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xariyaad dheeri ah oo dhanka hawada ah waxa ay kusoo rogtay magaalada Kismaayo, iyadoo sheegtay in mudo seddax maalmood ah aysan wax diyaarad ah ka dagi karin magaalaada Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa xayirtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif oo doonayey inuu u dhoofo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Jubbaland, waxayna arrintaas keentay inay kasoo horjeestaan dhammaan qeybaha kala duwan ee Siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Uhuru oo Farmaajo uga guuleystay shuruudo ay ku jiraan ajendaha kiiska badda

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu dambeyntii u hoggaansamay ajendaha iyo cadaadiska dalka Kenaya ee ahaa in wada hadal kasta oo labada dhinac ah ay qeyb muhiim ah ka noqoto muranka badda.

Kulan ay dowladda Kenya u soo martay midowga Afrika iyo guddoomiyeheeda Cabdifitax Al-sisi ayaa xalay magaalada New York, xarunta Qaramada Midoobey ku dhexmaray madaxweyneyaasha Farmaajo iyo Kenyatta, iyaga oo ka hadlay muranka badda, xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka.

Ilo ku sugan magaalada New York iyo Shirka jimciyadda Qaramada Midoobey ayaa xaqiijiyey in Kenya ay maalmahan raadineysay la kulanka wafdiga Soomaalida laakin Muqdisho ayaa shardi ka dhigtay in ajendaha laga saaro arrinta muranka badda, taasi oo sida muuqata Kenya ayaa guuleystay, oo ajendaha kiiska badda waxaa uu qeyb ka ahaa kulanka ama arrimihii looga hadlay miiska.

In ajendayaasha wada hadalka labada dal uu qeyb ka noqdo muranka badda waa guul ay Kenya gaartay, waxaa kale oo dhici karta in Nairobi ay xalay Farmaajo kala hadashay codsi cusub oo todobaadkan ay u dirtay maxkamadda ICJ oo ah in mar kale dib loo dhigo dhageysiga dacwadda oo balantu tahay November 4, Kenyaanku waxaa ay qabaan in waqtigu ku yar yahay.  Maxkamadda ICJ ayaa dib dhigtay dhageysi lagu waday bishan September hadana waxaa laga yaabaa iney mar kale sii dib dhigto.

Dhinaca kale, bogga Villa Somalia ayaa daabacay in la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.

In la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray.

In kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas oo la isku waafaqay, sida hadalka loo dhigay.

In laga dhawrsado wax walba oo keeni kara in ay sii kala fogaadaan shucuubta gobolka, dadaalladana la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah.

Isha: Goobjoog News

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida oo qarax lagula eegtay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in maanta qarax xoogan kolonyo uu la socday guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Nuur Shuute lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddada waddada jaayga ee degmada Kaxda.

Qaraxa ayaa ka dhashay Miino la dhigay waddada dhinaceeda, taas oo lala bartilmaameedsay gaadiidkan oo ka yimid dhanka gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ay heleyso Caasimada Online ayaa sidoo kale intaas ku daraya in guddoomiyaha uu ka badbaaday qaraxaasi, walow uu jiro khasaare kale oo ka dhashay.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa saddex qof oo labo ka mid ah ay yihiin askar, halka ruuxa kale uu yahay shacab.

Sidoo kale wuxuu burbur xoogan soo soo gaaray mid ka mid ah gawaaridii galbineysay gudddoomiyaha, kaas oo uu lahaa xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada, Buulle.

Xasan Cali Nuur iyo Shuute iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa ka yimid saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Saliini, halkaas oo uu dhowaan ka dhacay weerar lagu dilay askar badan oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga dowladda federaalka Soomaaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo ku aadan qaraxaas oo noqonaya kii 2-aad oo isla maanta ka dhaca Muqdisho, iyadoo saaka ciidamo kale qarax lagula eegtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen 3 Askari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]