26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Somaliland oo shir caalami ah uga qeyb gashay Uganda

Kampala (Caasimada Online) ―  Somaliland ayaa kamid noqotay xubnaha ka qeyb galaya shir ka furmay caasimada dalka Uganda ee Kampala, kaasi oo ay isugu imaadan ‘Baarlamaanka dalalka barwaaqo sooranka’.

Shirkan ayaa waxa sanad walba ka soo qeyb-gala dalalka Barwaaqo sooranka oo ay sanadkan kamid noqonayso xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Shirka dalalka barwaaqo sooranka ayaa waxa Somaliland ku matalayey, isla markaana wafdigeeda hogaaminayey Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha wakiilada Somaliland, Axmed Yaasiin.

Waxa sidoo kale kamid ahaa wafdigaasi Somaliland, Guddoomiyaha arrimaha dibeda ee golaha wakiilada, Axmed Nuur Kijaandhe, Xoghayaha guud ee golaha, C/risaaq Siciid Ayaanle iyo Xildhibaan Maxamed Waabeeye.

Wafdigaasi Somaliland uga qayb-galayey shirkaasi, ayaa waxa ku marti-qaaday Madaxweynaha dalka Uganda, Yuweri Musefeni, isagoona casuumad balaadhan u sameyay madaxda ka socday dalalkaasi barwaaqo sooranka ee ka qeyb-galayey shirkaasi baarlamaanka Barwaaqo sooranka.

Waxa sidoo kale xusid mudan in Wafdigan Somaliland ku matalayey shirkan, ay kulan la yeesheen maalintii Arbacadii Wasiirka arrimaha dibad Uganda, Sam Kuteesa, iyagoona kala hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac.

Shirkan ka furmay caasimada dalka Uganda ee Kampala, ayaa waxa uu noqonaya shirkii 64-aad ee ay yeeshaan Baarlamaanada dalalka barwaaqo sooranka, iyadoona ay noqoneyso markii koowaad ee dalka Ugand marti-galiyo shirkaasi muddo laga joogo 52-sano.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Sacuudiga oo sabab yaab leh usoo diiday danjiraha ay Somalia u magacowday

0

Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sucuudiga ayaa diiday in ay warqadaha Safiirnimo ka guddoonto Cabdxakiin Xasan Ibraahim Ashkir, oo loo magacaabay Safiirka dowladda Soomaaliya ee boqortooyada Sucuudiga, Danjirahaha ayaan shaqo-gelin sidii loo magacaabay 3 bil kahor .

Inkastoo Sucuudigu aaney si rasmi u shaacin diidmadiisa, hadana waxaa laga dheehan karaa inuu u cuntami waayay shaqsiga Safaarada loo magacaabay Sida Sharciga Geneva ee Diblomaasiyadu dhigayo oo ah in Saddex bil Safiirkii aan laga gudoomin warqdaihiisa ay lamid tahay in la iska diiday.

Ashkir waxaa xilkaasi 29-kii May u magacaabay Madaxweyne Farmaajo, isagoo xiligaasi ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana magacaabistiisa ay qeyb ka eheyd isbedel dowladda la damacsaneyd iney ku sameyso hoggaanka Safaaradaha.

15-kii June, ayaa si rasmi ah loo gudbiyay warqadihiisa Safiirnimo, waxeyna mudada 90-ka cisho ku ekeyd 15-kii bishan September, waxaana ka soo wareegatay mudada uu sharciga siinayay mudo 13 maalin ah.

Xubno ka tirsan howlwadeenada Safaarada Soomaaliya ee wadankaasi Sucuudiga ayaa sheegay in diidmada Xukuumada Riyadh ay salka ku heyso tuhun ay ka qabaan in Ambassador Ashkir laga urinayo xiriir qoto dheer oo kala dhexeeya dowladda Qatar, si gaar ah Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo cilaaqaad dhow la leh reer Doxa.

Wararku waxa ay kaloo sheegayaan in xitaa dowladda Sucuudiga ay iska diiday in ay aqbasho xubno loo magacaabay Qunsuliyada Soomaaliya ee magaalada Jeddah, xubnihii hore Qunsuliyada uga shaqeynayay waxaa amray in ay dalka deg deg ku soo galaan Ra’iisul Wasaare Khayre.

Balse waxaa jiray xubno cusub oo boosaskaasi loo magacaaba, kuwaasoo ay ku adkaatay iney helaan Fiisaha iyo aqbalaadii ay ku howlgali lahaayeen, taasoo keentay in ay Muqdisho iska joogaan oo ay u dhexeeyaan Wasaarada arrimaha dibadda iyo madaxtooyada,iyagoo soo dhega dhageeyay halka xaaladooda ay mareyso.

Ashkir ayaa lagu beddelay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, kaas oo xilka  Wasiirnimo iska casilay kaddib markii uu sheegay in ay kala aragti duwanaadeen madaxda hadda talada dalka heysa.

Isha: Mustaqbal Radio

Boostada Somalia oo dib loo soo nooleynayo iyo dal si u buuxda u ballan-qaaday

0

Geneva (Caasimada Online) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si rasmi ah uga codsaday Boostada Turkiga inay gacan ka geystaan sidii loo soo nooleyn lahaa boostada dalkeena oo gebi ahaanba ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Wasiirka oo magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Maamulka ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), ahna Guddoomiyaha Boostada Turkiga, Md. Kenan Bozgeyik, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dawladda iyo shacabka Turkiga taageerada hiil iyo hooba leh ay la garab taagan yihiin Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed tan iyo markii 2011-kii uu dalkeena yimid Madaxweynaha xilligan ee dalkaas, Md Rajab Dayib Erdogan.

Wasiirka ayaa sheegay in waaya-aragnimada iyo kalsoonida ay Shacabka Soomaaliyeed ku qabaan waxqabadka ay ku dhiirrigelisay inay codsigaas u soo gudbiyaan, isagoo intaasi ku daray inuu rajeynayo in Boostada Turkigu wax kala qabato sidii loo soo nooleyn lahaa adeeggaas oo muhiim u ah dhaqaalaha dalka, gaar ahaan waxyaabaha dalka ka dhoofaya.

Guddoomiyaha Boostada Turkiga ayaa ballanqaaday inay Soomaaliya kala shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa boosto casri ah, oo ka faa’iideysata waaya-aragnimada iyo xiriirka Diyaaradda Turkigu ay la leedahay adduunka. Si looga mira-dhaliyo arrimahan waxay labada wafdi magacaabeen guddi farsamo oo ka soo shaqeeya sidii iskaashi buuxa uu u dhexmari lahaa labada boosto.

“Waan ku guuleysanay inaan ku soo noqono masraxa UPU oo nalaga qaado cuna-qabateynta, isla markaana aan codeyno markii ugu horreysay burburka ka dib. Laakiin in boostada dibedda loo diro waa hawl aad iyo aad u culus oo u baahan qalab, aqoon iyo isku-xirka adduunka, kuwaas oo aan looga maarmin walaalaha Turkidu inay naga caawiyaan,” ayuu yiri Wasiir Cashuur oo intaasi ku daray in ay xoogga saarayaan sidii adeeggan loo soo celin lahaa.

“Isgaarsiinta ka dib boostadu waxay noo tahay mudnaanta 2aad, waayo waa fududeeyaha ganacsiga internet-ka (ecommerce), fududeynta adeegyada maaliyadda iyo in dadweynaha loo soo dhoweeyo adeegyada dawladda (egovernment). Waxaan dooneynaa inaan dhisno boosto casri ah oo adduunka kala qabsata meesha uu haatan marayo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Soomaaliya oo diiday inay saxiixdo heshiis muhiim u ah ururka IGAD + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa diiday inay saxiixdo xeer  is dhexgal ah oo uu garwadeen ka yahay urur goboleedka IGAD.

Xeerkan oo ay soo diyaariyeen waddamada ku bahoobay IGAD ayaa la xariira isu socodka dadka xoolo dhaqatada ah ee dalalka xubnaha ka ah ururkaasi.

Wakiil dowladda Soomaaliya uga qeyb galay shir ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa diiday inuu qalinka ku duugo heshiiskaasi, wuxuuna sheegay in dowladdu ay u baahan tahay fursad, si ay arrintan la tashi ugala soo sameyso maamullada dalka.

Sidoo kale waxaa xeerkan diiday inay saxiixdo dowladda Itoobiya oo iyadana ah dowlad federaal ah.

Labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dalbaday in la siiyo fursad dheeri ah, si ay wada tashi uga soo sameeyaan xeerkaasi.

Haddii la saxiixo xeerkan oo ay ku jiraan 32 qoodob oo b xasaasi ah ayaa u ogolaanaya dhammaan Xoolo dhaqatada waddamada IGAD in  ay u roob raaci karaan dalka uu roobka iyo daaqa xoolaha ka jiro, iyagoo ka gudbi kara xuduuda shuruud la’aan.

Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ugu dambeyn la siiyey muddo labo bil ah, si ay uga soo fakiraan xeerkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faarax Macalin oo shaaciyey in ganacsatada Soomaalida ay ka wareegeen KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macalin oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in inta badan ganacsatada Soomaalida, maalqabaneeda iyo Qurbe joogta ay ka wareegeen dalka Kenya, una wareegeen dalalka Itoobiya iyo Turkiga.

Faarax Macalin ayaa shaaciyey in 50,000 oo Qoys oo Soomaali ah ay deganaansho rasmi ah ka heleen gudaha dalka Turkiga, kuwaas oo markii hore ku noolaa Kenya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ganacsato iyo maalqabeeno badan oo Soomaali ah u wareegsadeen dhanka dalka Itoobiya oo ay ka bilaabeen howlahooda ganacsi.

Siyaasiga Faarax Macalin ayaa in arrintan u sababeeyey siyaasad xumada wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo uu aad u dhaliilay.

Waxa kale uu intaasi ku daray inuu hoos u dhacay dhaqaalihii dowladda Kenya ka heli jirtay Soomaalida, taas oo uu xuusay inuu sanad ka hor ka digay.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa hoos u dhac ballaaran laga dareemayey ganacsiga Soomaalida ee Nairobi, kaas oo sanadihii la soo dhaafay dhulka galay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Ismaaciil Cumar Geelle oo war kasoo saaray xiisadda DF Somalia iyo Jubbaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Ismaaciil Cumar Geelle oo u warramay VOA ayaa sheegay in dowladdiisu ay aad uga xun tahay khilaafka ka dhex aloolsan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in khilaafkan uu cuuryaaminayo horumarka dowladninada iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Geelle ayaa intaasi ku daray in Jabuuti ay ka qeyb qaadaneyso xalinta xiisadda siyaasadeed ee haatan u dhexeysa labada dhinac.

“Fadhigii Soomaaliya waan ka qeybgalnay, waana ku caddeenay halkaa, sida arrinku dhanka wanaagga ugu socdo, dhanka soo kabista ugu socod annaga kama harin kama aanu hareyno, maxaa yeelay garab buu innaga inoo yahay” ayuu yiri madaxweynuhu.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland inay muujiyaan isu tanaasul, una turaan danta guud ee dalka.

Khilaafkan oo ka dhashay doorashadii dib loogu doortay, Axmed Madoobe ayaa sii xoogeystay, kadib markii ay dowladdu xayiraad ku soo rogtay duulimaadyada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Dibindaabyadii UHURU iyo rogaal celintii FARMAAJO

Shirweynaha QM oo ah madasha ugu weyn diblomaasiyadda caalamka, ayaa September 24, 2019 si rasmi ah uga furmay magaaladda New York. Shirka waxaa ka qeybgalay hoggaamiyeyaal ka kala socoda ilaa 193 waddan oo xubno ka ah golaha iyo marti sharaf ka timid daafaha dunida.

Ma aha markii ugu horeysay ee madax Soomaaliyeed ka qaybgasho shirweynaha QM, hase yeeshee, madashaan waxay kaga duwan tahay kuwii ka horreyay, iyadoo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu la hortegay dunida – hoggaan ku raad joogta siyaasad xasilloon, hiigsanaysa horumar dhaqaale, u baahan taakuleyn amni iyo iskaashi caalami ah.

Shir sanadeedka waxaa dib loogu eegi doonaa yolalkii caalamiga ahaa ee la isku raacay 2015kii ee la xiriiray “Dib-u- xoojinta dadaallada wadajirka ah ee dabargoynta saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.”

Kulanku wuxuu kusoo beegmay, xilli dunida walwal ka hayo xiisadaha ka ololsan Bariga Dhexe iyo midda fog, taas oo ay dheer tahay khilaafaadka kacsan ee Kashmir ee u dhaxaya India iyo Pakistan, burburka wadahadalada Mareykanka iyo Taliban, dhul balaarsiga Israa’iil, dagaalka lagu hoogay ee Yemen, iyo burburinta midnimada ummadda Soomaaliya.

Intaas waxaa dheer, in Maraykanka iyo Shiinahu isku hayaan dagaal ganacsi oo saameyn ku yeeshay dunida inteeda kale, halka dalka Ingiriisku uu la jahawareersan yahay Brexit. Haddana, qof kasta wuxuu ka hadlayay wax ka qabadka cimilada marka laga reebo Washington.

Dhanka kale, goobta waxaa ka socoto diblomaasiyad fara badan. Dadka qaarkii ayaa ka walwalsanaa habka wafdiga Kenya iyo kan Soomaaliya, oo in muddo ah wajigabax dhexyaalay, ay u kulmi doonaan. Hase yeeshee, arrintaas waxaa fududeyay Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdifataax Al Siisi, oo haatan ah Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Madax badan ayaa ku dadaalaysa sidii ay u meelmari lahaayeen ajendayaashooda, inkastoo shirka laga sugayo xoojinta siyaasad fursad shaqo u abuurto dhallinyarada, xalliso colaadaha iyo khilaafaadka halista ah ee caalamka, kobciso dhaqaalaha, ilaaliso xuquuqda aadanaha, mideysana dadaallada lagu wajahayo dhimista saboolnimada.

Shirkii saddex geesoodka ahaa ee September 24, 2019 uu qaban qaabiyay Madaxweyne Cabdifataax Al Siisi ee dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa is faham leh ku dhammaaday.

Hase yeeshee, tuhun wuxuu ka dhashay qoraal ay Wasiiradda Arrimaha Dibedda Kenya, Marwo Monica Juma soo dhigtay barteeda twitterka oo ay ku tiri “Kenya waxay soo dhoweeneysaa kulankan koowaad oo ah tallaabo loo qaaday jihada saxda ah. Kenya waxay mar walba rumeysneyd, ayna sii wadeysaa inay ku baaqdo in wada-xaajoodyadu ay yihiin habka ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka Afrika loogu heli karo xal Afrikaan;” (VOA – September 26, 2019).

Walow la saadaalinayey in Kenya, oo kaashanaysa madaxda dalalka Koonfur Afrika, ay duulaan dibloomaasiyad ku soo qaadi doonto Soomaaliya, si loo oggolaysiiyo inay dib uga soo laabto dacwada, haddana Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad oo la hadlay idaacadda VOAda ayaa sheegay in dowladda Kenya ay soo weydiisatay Mudane Al-Siisi inuu la kulansiiyo Soomaaliya.

Cabdalla Jaylaani oo wax ka qora siyaasadda gobolka ayaa aaminsan “in ujeeddada Kenya heshiiska ka leedahay ay tahay, (1) inay tusto maxkamada ICJ sawir qaldan, (2) in Soomaaliya aysan weydiisan Golaha Ammanka QM in laga qaado ciidamada Kenya mas’uuliyadda nabad ilaalinta dalka, iyo (3) inaysan lumin maareynta Jubbooyinka si danaheeda ugu ilaalsato.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo qorshahaas ka duulaya ayaa madaxda iskugu timid shirweynaha QM u sheegay inuu dadaal lixaad leh ugu jiro sidii muranka xuduudda badda ee dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya loogu xalin lahaa wadahadal. Khubarada siyaasadda Geeska Afrika gorfeeya  ayay u muuqata in Kenya ay lug u laaban tahay.

Warar xog’ogaal ah ayaa sheegay, in Kenya la soo xiriirtay Madaxtooyadda Soomaaliya si toos ah inta aysan soo helin Mudane Al-Siisi, balse Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo la taliyeyaashiisu waxay diideen in Kenya ay la yeeshaan wadahal toos ah, ilaa ay ka oggolaato in garta maxkamadda ICJ loo daayo.

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Mudane Uhuru Kenyatta kaga dambeyay khudbad ayaa yiri “Soomaaliya maadaama ay tahay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay ayna qayb ka tahay una hoggaansan tahay Sharciga Maxkamadda Caalamiga ah, waxa ka go’an inay ka dhur sugto dhammaadka hannaanka xalka garsoorka” (Sonna – September 27, 2019).

Diblomaasiyaddu ma aha hawl ku kooban dowlad-ka-dawlad, hoggaamiyayaasha iyo danjireyaasha waxay leeyihiin door muhiim. Waxaan laga maarmaarmaan ah in had iyo jeer heegan loo yahay la kulanka cid aad dan ka leedahay iyo mid aadan ka lahaynba.

Sida muuqata, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo bedelay khudbadiisii asalka ahayd, waxuu isticmaalay istrateejiyad uu ku muujinayo xaqiiqda diblumaasiyadda Uhuru Kenyatta la daba joogo Soomaaliya, markii uu caalamka tusay inuu ka been sheegay is fahamkii New York.

Falanqeeyaasha siyaasadda gobolka, waxay rumaysan yihiin in madaxda Kenya sii wadi doonaan dadaalkoodda ku aadan inay Soomaaliya ku qanciyaan in kiiska badda lagu xalliyo maxkamadda la’aan. Balse, Kenya waxaysan weli ma fahmin dhaqanka iyo dareenka dadka Soomaaliyeed, marka ay timaado wadaniyadda.

War iyo dhammaantiis, inta cududda Soomaali ay qaybsan tahay, waxaa shaki ku jirin in shisheeyaha uu hunguriyayn doono dalka (bad iyo beri). Xigmad Soomaaliyeed ayaa odhanysa “Walaalo Colloobay, Waraabe Iskama Celshaan.”

W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qassim

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

FARMAAJO oo ballan qaad culus u sameeyey Somalida ku nool dalka Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo weli ku sugan dalka Mareykanka ayaa ballan qaad u sameeyey Soomaalida ku dhaqan gudaha dalkaasi.

Farmaajo oo ka hadlayey munaasabad xarigga looga jarayey dhismo cusub oo safaaradda Soomaaliya ee Washington looga iibiyey Mareykanka ayaa sheegay inuu booqan doono gobollada ay Soomaalidu ku badan tahay, gaar ahaan kuwii sida aadka ah looga taageeray barnaamijkiisii Qaaraan Qaran.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carab baabay deegaanada uu booqanyo, kuwaas oo kala ah Minnesota, Ohio, Taxes, Virginia iyo Toronto Canada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in  loo kala hormarinayo sidii ay u kala taageereen waagii uu ololaha doorashada ku jiray ee uu ururinayay lacagtii uu ugu magaca daray Qaaraan Qaran.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in booqashadaasi uu fulin doono marka uu soo gabagabeeyo safarka uu hadda ku joogo Mareykanka, islamarkaana marka uu Muqdisho yimaado markale dib ugu laaban doono deg deg Mareykanka.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Mareykanka ayaa ah midkii ugu horreeyey ee uu ku tago dalkaasi, tan iyo markii loo dootay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

 

Haweeney 80 jir ahayd oo lagu dilay suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saaka kooxo hubeysan ay ka geysteen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay haweeney 80 jir aheyd oo ku ganacsan jirtay gudaha Suuqaasi.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa magaceeda lagu soo koobay Xadiyo, taas oo iibin jirtay Shaax, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogaal ah.

Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa marxuumadda ku toogtay waddada labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyagoona goobta isaga baxsaday.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta ka dambeysa dilka Haweeneydaasi, basle waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyey halkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in haweeneydani oo korineysay caruur agoon ah ay horay uga shaqeyn jirtay nadaafadda dhismaha madaxtooyada.

Dilka haweenedan da’da ah ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad gelyada oo muddooyinkii dambe ka dhacayey gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Farmaajo oo xariga ka jaray dhisme ay iibsatay safaarada Somalia ee USA

0

Washigton DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabnimadii jimcaha, 4:00 pm xilliga saacadda bari ee Mareykanka xariga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka.

Dhismahan oo ku yaalla Address-ka, 1609 22nd St NW, Washington, DC 20008, ayaa waxaa dhowaan iibsaday Soomaaliya, wuxuuna horey u ahaa safaaradda Columbia ee Mareykanka.

Waxaa furitaanka dhismaha, oo ku yaalla bartamaha Washington DC, xariga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka yimid magaalada New York oo uu uga qeyb-galay shirkii golaha guud ee QM.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay Soomaaliya inay safaaradda ugu dambeyn degan tahay guri ay leedahay dowladda Soomaaliya, kadib tobaneeyo sano oo ay deganeyd dhisme kiro ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa muujiyey dadaallada ay dowladdu ku bixineyso soo celinta qabkii iyo sharafkii dadka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen caalamka, haatanna la qorsheynayo si la mid ah tallaabadaan in dowladda ay u dhammeystiri doonto dhismaha iyo dayactirka Safaarado kale oo Soomaaliya ay ku leedahay dalal kale.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Diblomaasiyiinta Soomaaliya ee Washington in ay si siman ugu adeegaan, si dhowna uga warqabaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin, muhiimna ay tahay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

Waa markii ugu horreysay ee safaaradda Soomaaliya ee Washington ay degto dhisme  ay Soomaaliya leedahay. Waxaa horey u jiray guriga safiirka.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected] 

Lafta-Gareen oo awooddii ka qaaday xildhibaanada K/Galbeed amarna dul dhigay

0

Baydhaba-(Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu amray in aysan wax mooshin ah ka keeni karin xukuumadda Cabdicasiis Lafta-Gareen, kaddib kulan maanta la iskugu yeeray.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo maanta hooyga uu ka daganyahay magaalada Baydhaba qada sharaf ugu sameeyay dhamaan xildhibaanada maamulka ayaa ku amray in ay shaqadooda si ku meel gaar ah u sii wataan maadaama uu dhamaaday waqti xileedkoodii, mudadaasna aysan isku howli karin mooshin ka dhan ah xukuumadda.

Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed oo uu dhamaaday waqtigii xilheyntooda ayaa muddoyinkii dambe ku howlanaa raadinta in loo sameeyo waqti kordhin, waxaana ola-olaha lagu raadinayay waqti kordhintooda hormuud ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Cabdulqaadir Shariif Shiikhunaa Maye.

Xukuumadda Soomaaliya oo markii horaba meesha geysatay Lafta-Gareen ayaa la sheegay in ay kasoo horjeesatay in waqtiga loo kordhiyo xildhibaanada maamulkaas, sida Caasimada Online ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada maanta tagay guriga Lafta-Gareen.

Xildhibaanada ayaa waxa ay noo sheegeen in markii ay dooranayeen Lafta-Gareen ay xukuumaddu u balan qaaday in iyaga waqtiga loo kordhinayo oo aan lasoo xuli doonin xildhibaano kale, balantaas oo hadda u muuqata mid looga baxay.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa Madaxweyne Lafta-Gareen waxa uu Baydhaba ka waday kulamo looga arinsanayo sidii loo soo xuli lahaa xildhibaano cusub, kulamadaas oo uu la yeelanayay odayaasha dhaqanka ee beelaha dega deegaanada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online

Xaafiiska Baydhaba

[email protected]

Ismaaciil Cumar Geelle oo war kasoo saaray loolanka kala dhaxeeya Kenya + Cod

0

New York (Caasimada Online) – Madaweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay tartanka ay dawladdiisu kula jirto dawladda Kenya eek u aaddan kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobey.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dawladood aysan wanaagsanayn in uu u xumaado sabab la xiriirta tartanka kursigaas ee ay ku tartamayaan

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu cambaareeyay qaar ka mid ah wadamadii ka tirsanaa Midowga Afrika kuwaas oo Kenya ugu codeeyay 21-kii bishii August in ay ku guulaysato kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey.

Geelle ayaa sheegay in dawladda Jabuuti aysan wali tanaasulin oo ay sugayso in ay Golaha Ammaanka ugu tartanto

Hadalkan oo uu ku sheegay madaxweynuhu wareysi uu siiyay VOA laanteeda ku hadasha Afka Soomaaliga ayaa noqonaya ki ugu horeeyay ee uu kaga hadlo kursigaas oo ay Kenya kula tartamayso dawladdiisa.

Hoos ka dhageyso wareysiga Geelle

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cidda hor taagan dhismaha maamulka GALMUDUG loo dhisayo oo la shaaciyey

0

Dhuusamareen (Caasimadda Online) – Xildhibaannada  Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Galmududg ayaa lagu eedeeyay a in ay caqabad kuyihiin dhismaha maamulka Galmudug .

Waxaa isa soo taraya Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee eedeymaha u jeedinaya Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Waxaa hakad galay qorshihii ladoonayey  ee ahaa in ladhiso in  odayaaashii dhaqanka ee dooraan lahaa xilibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug ,kuwaas oo iyaguna lagu wado in ay doortaan madaxweynaha maamulkaasi uu yeelan doono 4 ta sano ee soosocota

Dib u dhaca kuyimid dadaalkii lagu doonayey dhismaha mamulkaas ayaa lagu eedeeyey in ay ugu weyntahay xilibaanada  labada aqal ee Baarlamaanka  Soomaalia kana soojeeda deegaanada maamulka Galmudug .

Xildhibaan Shaacir Sheegow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in la sameeyaa maamul cusub oo Galmudug leedahay, ay caqabad ku yihiin Xildhibaanada Labada Aqal ee Galmudug ka soo jeeda.

Xildhibaan Shaacir Sheegow ayaa qaba in Dowladda Somaliya ay dadaal iyo juhdiba ku bixinayso dhismaha Galmudug cusub, balse ay taasi ka dhaqaaqi la’dahay Xildhibaanada Galmudug laga soo doorto, sida uu yiri.

“Arrimihii Galmudug waa socdaan lama dhihi karo, waana hakadeen lama dhihi karo. Arrintu weli waa iska cakiran tahay, dib u heshiisiinta ka dib wax tallaab ah oo horey loo qaaday majirto, Guddigii Doorashooyinka ee la fillaayayna in la magacaabo weli lama soo magacaabin.” Ayuu yiri.

Waxaa dib u dhac uu kayimid qorshahiii ladoonayey in lugusoo dhiso maamulka  ay yeelato Galmudug oo loo dhan yahay, taasoo ay Dawladda Soomaaliyana ay dadaalo badan ku bixisay sidii loo hirgelin lahaa dhismaha dawlad loo dhan yahay ee Galmudug yeelato

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mamaulka Koonfur Galbeed oo mamnuucay shirarka ka dhanka ah DF Soomaaliya

0

Baydhabo (Caasimadda Online) – Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya ayaa bilaabay qorsho ka dhan ah ama ka hortegida shirarka Siyaasadeed ee mararka qaar lagu qabto deegaannada Maamulkaas,kuwaas oo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa sheegay in maamulka uusan marnaba ogolaan doonin in guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed lagu qabto shirarka siyaasadeed ee ka dhanka ah Dowladda Federaalka.

Waxaa uu ku wargeliyay dhamaan Maamulada degmooyinka uu gacanta ku haayo Maamulka Koonfur Galneed & Saraakiisha Ciidamada inay fuliyaan amarkaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaah gudaha,isla markaana aanb la ogolaan shirarka ka dhanka ah Dowladda Federaalka.

Wasiirka ayaa ku hanjabay inay qaswadayaal u aqoonsan doonaan ciddii qabato shir aan lagu soo wargelin Wasaaradda Amniga iyo tan Gudaha ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Go’aankaan ayaa imaanayo xilli maalmo ka hor ay Magaalada Baydhabo kulan ku yeesheen Odayaal iyo Siyaasiyiin Dowladda ku eedeeyey go’aankii ay ku xayirtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu kamid yahay maamulada ka jira dalka ee siweyn ula dhacsan siyaasada ee dalka ku maamulaan Madaxda Dowladda Federaalka marka loo eego Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo dhaliilsan Madaxda Dowladda Federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Sacuudiga oo ku hanjabay weerar ka dhan ah IRAN

Riyadh (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa sheegay in hadda ay u furan tahay tallaabooyin dhowr ah oo kamid tahay mid militari kaddib markii dhawaan weerar lagu qaaday xarumihii shidaalka, weerarkaas oo lagu eedeeyay Iiraan.

“Inkasta oo Sucuudiga uusan dooneyn dagaal, Iiraan ayaa lagala xisaabtami doonaa weerarkii diyaaradaha Drones-ka ay ku qaadeen xarumaha shidaalka”,ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda, Caadil Al Jubeyr.

Baaritaan uu Mareykanka soo saaray waxaa lagu sheegay in weerarka ay ka dambeeysay Iiraan.

“Waxaan eegi doona qaababka inoo furan hadda ee na horyaal, go’aan ayaan gaareynaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga oo la hadlayay BBC.

Waxaa uu intaas ku daray in ‘go’aankaas uu u yaallo Iiraan kaas oo ah inay kala doortaan dagaal iyo naceyb iyo in kale’

Iiraan waxay beenisay inay ku lug laheyd weerarka lagu qaaday xarumaha shidaalka ee Sucuudiga.

Kooxda Xuuthiyiinta ee taageerada ka hela Iiraan ayaa sheegatay inay ka dambeeysay weerarka.

Arbacadii, xoghayaha arrimaha dibadda ee Iiraan, Mike Pompeo wuxuu weriyeyaasha u sheegay in Mareykanka uu doonayo in heshiis nabadeed lala galo Jahmuuriyadda Islaamiga ee Iiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
[email protected]

Xog: Oomaar oo billaabay hab gaadiidka Muqdisho uu lacag badan uga sameynayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaadiidka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar, ayaa heshiis ganacsi oo ku kacaya dhaqaale xoog leh la galay laba xarun oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xarumahaan oo kale ah, mid caafimaadka gaadiidka lagu baaro iyo mid lagu baaro caafimaadka wadayaasha gaadiidka, ayaa dadweynaha ku soo rogay lacago xad dhaaf ah.

Dadka doonaya in ay sameestaan shatiga iyo kuwa doonaya in ay cusbooniistaan Buugga gaariga, ayaa qasab looga dhigay in ay soo maraan, xarun lagu baaro caafimaadka gaadiidka oo lagu magacaabo Daacad Car Care.

Xaruntaan ayaa baaritaanka ku sameyneysa lacag dhan 25$, waxaana baaritaanka kadib hadii cilad yar lagu arko ay waajib tahay in gaariga la cilad bixiyo, xataa hadii uu ku shaqeyn karo ciladaasi.

Sidoo kale goob lagu baarayo caafimaadka wadaha gaariga ee la siinayo Leesinka, ayaa laga furay gudaha Wasaaradda, waxaana baaritaanka qofka lagu qaadanayaa lacag ku dhow 25$.

Qofkii aan warqad ka heysan labadaan xarun, wasaaradda gaadiidka Soomaaliya uma ogola in loo cusbooneysiiyo Buugga iyo in la siiyo Leesin, waxaana sidoo kale hadii uu dariiqadaasi soo maro u soo dheer lacagtii kale oo lagu qaban lahaa adeegga uu doonayo qofka soo codsaday.

Qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay qabay walaac xoog leh oo arrintaan ku saabsan mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo la xariirta cabashada dadweynaha.

Inta badan wasaaradaha dowladda federaalka ayaa mar walba la yimaada mashruucyo ay ku xaqiijin karaa inay lacag dheeri ah kusoo gasho, ayaga oo qandaraasyo siinaya shirkado lacagta ay wada qeyb-sadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo mowqifkiisa ku aadan kiiska badda u caddeeyey QM

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbaddii uu u jeediyey golaha guud ee QM waxa uu qeyb ka mid ah kaga hadlay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Farmaajo ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay dooneyso in muranka badda ay xalkiisa gaarto maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ, oo iminka kiiskaas uu horyaallo.

Waxa uu sheegay in wada-xaajoodyada Kenya ee arrintan ku saabsan ay noqdeen kuwa aan miro dhal ahayn, sidaas darteedna, xalka ugu dambeeya ay tahay inuu nqodo kan maxkamadda.

Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in Soomaaliya ay u hoggaansami doonto go’aan kasta oo ay maxkamadda ka gaarto kiiskan.

Farmaajo ayaa sheegay in kulankii uu habeen hore la yeeshay Uhuru Kenyatta ay isku raaceen in xiriirka labada dal la wanaajiyo islamarkaana arrinta muranka badda loo daayo maxkamadda ICJ.

Hadalka Farmaajo ayaa yimid ayada oo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu khudbaddii uu u jeediyey QM ku sheegay in Kenya ay dadaal xooggan ku bixineyso sidii muranka dhinaca xuduudda badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya loogu xalin lahaa wada xaajood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Shirka golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay arrimo xasaasi ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Jubbaland oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee maamulkaasi.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyey Madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo diirada lagu saaray amniga, dastuurka, dib u dhaca ku yimid xafladddii caleema saarka iyo arrimo kale.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa ugu horreyn ka dooday xaalada ammaanka deegaanada Jubbaland, iyadoona golaha amniga heer dowlad goboleed laga dalbaday inay soo gudbiyaan habraaca cusub ee sugida nabadgalyada, taas oo ay ku shaqaynayaan hay’adaha nabad gelyada maamulkaasi.

Waxa kale oo guluhu warbixin ka dhageystay wasaaradda dastuurka, taas oo la xiriirta hanaanka dib u eegista dastuurka qabyada ah ee dalka.

Sidoo kale golaha wasiirada Jubbaland ayaa ka dooday dadaalka wasaaradda arimaha gudaha maamulkaasi ay ku bixinayso sidii loo soo gabagabeyn lahaa dhammaan tabashooyinkii ka dhashay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo.

Arrimaha kale ee shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah dib u dhicii ku yimid xafladdii caleema saarka ee Axmed Madoobe oo lagu waday in shalay la qabto.

Golaha ayaa sheegay in wakhti kooban kadib la qaban doono, islamarkaana dhowaan magaalada Kismaayo ay soo gaari doonaan marti sharaf kala duwan .

Ugu dambeyn golaha ayaa ka hadlay xariga wasiirkooda amniga, Cabdirashiid Janan oo weli u xiran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo faray hay’ada garsoorka Jubbaland in arintaasi ay ku bixiyaan dadaal dheeri ah oo lagu soo deynayo wasiirkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo 
[email protected]

Qatar oo war ka soo saartay khilaafka dhinacyada isku haya siyaasadda Somalia

0

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay ka gudbaan khilaafyada, kana wada shaqeeyaan sidii horey loogu dhaqaajin lahaan hanaanka siyaasadda dalka, loo xoojin lahaa dadaallada dib u heshiisiinta qaranka, loola dagaalami lahaa musuq-maasuqa, sare loogu qaadi xuquuqda aadanaha iyo xoriyadaha aas-aasiga.

Qatar ayaa sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo dhammaan saaxiibada Soomaaliya inay mideeyaan dadaalladooda si ay taageero farsamo iyo mid maaliyadeed u siiyaan horumarinta hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay soo dhoweeneyso soo gaba-gebeynta iyo talooyinka ku jira warbixinta khabiirka madax banaan Bahame Tom Nyanduga uu ka diyaariyey xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in inkasta oo waxa ugu muhiimsan ee argagixisada ay beegsaneyso ay yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliya, haddana dowladda federaalka ay ku guuleysatay inay guulo dhowr ah ka gaarto arrimaha amniga, siyaasadda, bani aadamnimada iyo xuquuqda aadanaha.

La-taliyaha waaxda xuquuqda aadanaha ee wasaaradda arrimaha dibedda Qatar Dr. Turki Al Mahmoud ayaa ku baaqay in la ilaaliyo guulahan, islamarkaana laga shaqeeyo sidii loogu gudbi lahaa wejiga xiga.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in 27-ka October ay marti-gelin doonto kulanka heer wasiir ee kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Soomaaliya.

Dr. Turki Al Mahmoud ayaa xusay in dowladda Qatar ay dib u xaqiijineyso sida ay uga go’an tahay inay xushmeyso madax banaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya, islamarkaana ay garab istaagto dadka Soomaalida, ayna sii wadi doonto taageerada ay siisso dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Doha
[email protected]

Xaalad bani’aadannimo oo jirta qeybo ka mid ah Gedo

0

Garbahaarey (Caasimadda Online) – Dad u badan Haween iyo Caruur oo ka barakacay duqaymaha diyaaradaha ay wadaan ciidamada Kenya Gobolka Gedo & Abaaraha ayaa gaaray gaaray magaalooyinka Baardheere, Ceelwaaq & Garbahaarrey.

Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan halkaasi ay isaga barakaceen guryahoodi, kaddib markii ay soo food saartay xaalad Banii’aadanimo oo aad uliidata.

Dadkaan oo u badan haween iyo caruur ayaa intooda badan isaga soo barakacay Deegaannada Deeraq, Faxfaxdhuun, Daarusalaam, Ceel-Raam, Koolbaay, Buusaar & Cowsqurun oo ka kala tirsan Degmooyinka Baardheere, Garbahaarrey & Beledxaawo ee Goboka Gedo, waxayna lug ku tageen magaalada Baardheere oo qiyaastii u jirta 250km halkii ay daganaayeen.

Barakacayaashan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay ka soo hayaameen Xaalado Abaareed & duqaymaha diyaaradaha Kenya ay ka gaystaan qaybo ka mid ah gobolka Gedo, waxayna intaas ku dareen in laga laayey xoolihii ay dhaqan jireen, sidoo kalena laga jaray Isgaarsiintii ay ku tiirsanayd noloshooda.

Mid ka mid ah dadka barakacayaasha ah ayaa yiri “Waxaa ka soo barakacnay nmabar koow deegaano kala duwan, anagoo ah dadwaynaha ku nool gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanka Deeraq, fax-faxdhuun, Daarusalaam Ceel-Raam, Koolbaay, Buusaar ayaa ka soo kala qaxnay. Dadkaas oo gaaraya 3000, illaa 4000 oo qoys lug ayaana ku soo galnay Baardheeere”.

Hooyooyin la hadlay saxaafadda ayaa intaas ku daray “Baardheere waxaa nagu haysata guri la’aan shalay ayaa u dambsay roob ayaa da’ayey ilmihii iyo dumarkii waa la isku qoyey, bac ma leh, wax lagu seexdo ma leh, guri la galaayo ma leh, dhibkaas ayaa na haysta allaha naga bad baadiyee”.

Geesta kale waxgaradka iyo odoyaasha ku dhaqan qaybo ka mid ah gobolka Gedo, ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka ee Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan dadka loola soo gaaro gar-gaar banni’aadanimo, xilli saddexdii sano ee la soo dhaafay gobolka Gedo ay haysatay abaaro ku habsatay dadkii duunyadii ku dhaqaneed halkaasi.