25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan DF oo ku baaqay in la gargaaro dadka GEDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro, xildhibaanno, aqoonyahanno, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa manta isugu yimid kulan gaar ah ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadlayeen xaaladda abaareed ee ku habsatay gobolka Gedo.

Masuuliyiintan ayaa baaq u diray dowladda Federaalka Soomaaliya, beesha caalamka iyo hay’adaha gar-gaarka bixiya, iyagoona ka codsaday in la gar gaaro shacabka reer Gedo oo muddooyinkii la soo dhaafay ay haysatay abaaro ku habsatay dadkii iyo duunyadii ku dhaqnaa halkaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal, ayaa ka dhawaajiyey in dadka daga Gobolka Gedo ay u baahan yihiin gar-gaar bani’aadannimo, maadaama ay soo food saartay xaalad aad u liidata.

“Waxa ugu horreeya ee loo bahaan yahay waxa ay tahay in dadkaan ay haysto abaarta foosha xun in lala gaaro biyo dhaamin si ay u noqoto dhiig joojin, waxaana sidoo kale baaq u dirayaa Jaaliyadda Soomaliyeed u ku dhaqan dalka dibaddiisa ee ka soo jeeda Gedo in gar-gaarkan ay qayb wayn ka qaataan” ayuu yiri wasiir Hilaal.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim, ayaa sidoo kale sheegay in ka wasaarad ahaan gacan muuqata ay ka gaysan doonaan dhibaatada ka jirta Gobolka Gedo, gaar ahaan dadka ka soo barakacay guryahooda ee ku dhibaataysan deegaanno hoos taga Gedo.

“Dadkaan dhibaataysan waxay u baahan yihiin in qof kasta waxa uu awoodo in uu soo la gaaro, dadkan waxa haysata waxaa ka mid ah calool xanuun oo ceelashii biyahooda ayaa is baddalay”, ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim.

Daahir Carab oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliya ayaa sheegay in cod dheer ay ugu sheegayaan dowladda Soomaaliya in dadkaas ay la gaaraan gar-gaar isugu jira raashin iyo biyo dhaamin, maadaama dadku ay dhibaato haysato dadka daga deegaannada uu ka kooban yahay Gedo.

Xildhibaan Carab ayaa madasha ka yiri “Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Gar-gaarka bixiya iyo cid kasta oo wax ka qaban karta dhibaatada haysata dadka daga gobolka Gedo waxaan ku baaqayaa in ay la gaaraan biyo dhaamin iyo sidoo kale raashin ay cunaan”

Saddexdii sano ee la soo dhaafay gobolka Gedo waxaa kaa taagnaa Abaaro salfatay dadkii iyo duunyadii waxayna baaq u direen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ganacsatada shirkadaha iyo hay’adaha caalamiga ah iyo cid kasta oo ka jawaabi karta baaqooda.

Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland oo lagu xanibay garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii laba jibaartay cadaadiska ay ku heyso Maamulka Jubbalanad, waxaana garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho lagu xayiray Agaasimayaal ka tirsan Maamulkaas.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa Galabta Garoonka lagu xayiray Agaasimayaasha Cadaaladda, Gaarsoorka, Waxbarashada iyo Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Maamulka Jubbalanad.

Agaasimayaashaan oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa doonayey inay dib ugu laabtaan Magaalada Kismaayo balse sida aan xogta ku helnay waxaa loo sheegay inaysan aadi karin Kismaayo.

Diyaaradii ay raaci lahaayeen Agaasimayaasha ayaa Galabta ka tagtay, waxaana si cad loogu sheegay inaysan u safri karin Magaalada Kismaayo, waxayna arrintaan qeyb ka tahay cadaadiska lagu hayo Maamulka Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qabsaday Doorasho aysan raali ka aheyn Dowladda Dhexe.

Cadaadiska lagu hayo Jubbaland ayaa sii badanayo tan iyo markii 31-kii August 2019 Garoonka Muqdisho lagu xiray Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan kaasoo lagu eedeeyey inuu galay dambiyo ka dhan ah Bini’aadanimada.

Dhawaan ayey aheyd markii Dowladda Soomaaliya ay joojisay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray Magaalada Kismaayo inkastoo Shalay dib loo fasaxay, waxaana taas kasii horeysay Xayiraad la saaray Diyaaradihii tooska u tagi jiray Kismaayo oo lagu qasbay inay soo maraan Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay ku tumaneyso Sharciga isla markaasna ay si qaldan u adeegsaneyso awoodda Dowladnimada, wuxuuna sheegay inuu qaadan doono go’aano culus haddii aysan Dowladda Dhexe joojin cadaadiska ay ku heyso maamulkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoomiye Iimaan Cadow Kaarshe oo aad ugu dhow Axmed Madoobe oo lagu qabtay garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda naga soo raaya garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas lagu hayo guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo Iimaan Cadow Kaarshe, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku sugan garoonka.

Iimaan Cadow Kaarshe ayaa waxaa laga reebay diyaarad u socotay magaalada Garbahaarey oo uu garoonka ka raaci lahaa, waxaana u yimid ciidamada amniga oo siiyey warqad ay u ku qoran yihiin amaro sheegayo in laga doonayo saldhig ku yaalla garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in Iimaan Cadow hadda lagu hayo laguna wareysanayo saldhiggaas, mana cadda waxa lagu haysto ee duulimaadka loogu reebay.

Iimaan Cadow Kaarshe ayaa ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo dowladda ay dagaal siyaasadeed xooggan kula jirto, waxaana ay u badan tahay in tani ay qeyb ka tahay dagaalkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa 31-kii August 2019 waxay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka qabatay wasiirka amniga Jubaland, kaasi oo lagu xiray magaalada Muqdisho wuxuuna illaa iyo hadda ku jira xabsiga hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA.

Go’aankii ay dowladda Soomaaliya ugu qasabtay dhammaan duulimaadyada tegaya iyo kuwa kasoo baxay Kismaayo inay soo maraan Muqdisho, ayaa u sahlay in xubno badan oo ka mid ah maamulka Axmed Madoobe ay soo maraan Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kumanaan ka tirsan ciidanka Saudi Arabia oo u gacan galay jabhadda Xuutiyiinta

0

Jeddah (Caasimada Online) – Jabhadda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday inay nolosha ku qabteen kumanaan ka tirsan Ciidanka Sacuudiga, kaddib weerar xooggan ay ku qaadeen goob ku dhow xuduuda labada dal.

Afhayeen u hadlay Xutiyiinta ayaa BBC-da u sheegay in 3 guuto oo ka tirsan ciidamada Sacduudiga ay is dhiibeen.

Waxa uu sheegay in kumanaan ciidan la qabtay qaarkalana la dilay, hase yeeshee saraakisha Sacudiga weli ma aysan xaqiijin sheegashada Xutiyiinta.

”Howlgalkan ayaa ahaa kii ugu weynaa oo nooociisa ah tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Xutiyiinta iyo xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo”, ayuu yiri afhayeenka.

Gaashaanle Yahiya Sarea ayaa sheegay in ciidamada Sacuudiga uu soo gaaray ”khasaare nafeed iyo mid hubka ah ahba”.

”Dhamaan ciidamada la qabtay ayaa waxay ka soo muuqan doonaan Telefishinka Al Masirah ee ay maamulaan Xutiyiinta”, ayuu yiri Yahiya Sarea.

Xutiyiinta ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen Weerarradii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee 14-kii bishii Sebteembar lagu qaaday xarumaha saliidda ee Sacuudiga.

Haseyeeshee waddamada baritaara Sacuudiga ee Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa weerardaasi ku eedeeyay inay ka dambeysay Iran, balse Iran ayaa beenisay eedeymahaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
[email protected]

Somaliland oo go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiska wariye COLDOON

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar aanu helayno ayaa sheegay in Wariye Cabdi Maalika Muuse Coldoon maanta la horkeenay Maxkamada racfaanka Somaliland, taasi oo go’aan kama dambeysa ka gaareysay kiiska loo haysto wariyaha.

Coldoon ayaa maanta markii la horkeenay maxkamada, waxa dib loogu ayiday un xukunkii hore ee 3-sano iyo lixda bilood ahaa, kaasi oo hore loogu xukumay wariye Coldoon.

Waxa sidoo kale xusid mudan in aanay fadhiga maxkamada ee maanta aysan ka soo qeyb-galin qareenadii u doodayey wariye Coldoon iyo qoyskiisaba, kuwaasi oo hore uga qeyb gali jiray fadhiyadii hore.

Maxkamadan maanta la horkeenay Coldoon ayaa aheyn mid aan hore loo sii shaacin, isla markaana aysan ka warhayen qareenadii u doodi jirey wariyaha iyo qoyskiisaba.

Coldoon ayaa dhowaan waxa lagu soo eedeyay, isla markaan loo xukumay, gaf la sheegay in uu kula kacay Mas’uulka ugu sareeya Somaliland, Muuse Biixi iyo Iskuul lagu magacaabo Abaarso, oo ku yaala duleedka Hargeysa, kaasi oo gacanta ku hayaan shaqsiyaad u dhashay Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Fiqi oo reer Somaliland raali gelin ka siiyey sawirkii uu ‘ugu gefay’ FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) ―  Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madaxda iyo bulshada reer Somaliland ka raali-geliyay talaabo uu ku kacay Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu umada reer Somaliland uu maalmo murugo leh soo xasuusiyay kadib markii uu kulan uu la qaatay, isla markaana uu sawir la soo galay Korneyl Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaano ‘Korneyl Tuke’.

Korneyl Tuke, oo ahaa Sarkaal horey uga tirsanaa ciidamadii miltariga ee Xukumaddii Maxamed Siyaad Barre, ayaa bilihii u dambeeyay waxa mar ku socotay dacwad uu ku soo oogey qof reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Farxaan Taani Warfaa, kaasi oo sheegay inuu jirdil iyo toogasho u gaystay.

Fiqi ayaa gaf weyn u arka talaabadan uu qaaday madaxweyne Farmaajo, isagoona hoosta ka xariiqay in uu reer Somaliland dib u damqinayo sawirkaasi, oo uu ku sheegay in uu madaxweynuhu la soo galay shakhsi ku eedeysan xasuuq iyo dambiyo dagaal.

“Waxaan magaca umadda Soomaaliyeed raalli gelin uga siinayaa walaalaheen reer Somaliland oo Madaxweyne Farmaajo uu dib u damqiyey dareenkooda soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa ka dib Markii uu sawir la soo galey shakhsi ku eedaysnaa dambiyo dagaal iyo xasuuq dad Soomaaliyeed” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaleeceyn weyn kala kulmay baraha bulshada, sawirkaasi uu la soo galay Korneyl Tuke, kaasi oo dad badan u arkaan in uu Farmaajo dib u xan-xanteynayo boogaha dadkii uu xasuuqey kornaylku.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

Xildhibaan Abuukaate oo su’aal ka keenay lacagtii uu Farmaajo ka sheegay USA

0

Muqdisho Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aalo ka keenay khudbaddii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay xafladdii uu xariga uga jarayay safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka, taas oo uu sheegay madaxweynuhu in ay dowladda Soomaaliya iibsatay dhismaha safaaradda

Xildhibaan Abuukaate ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in madaxweynaha uu weydiin lahaa kharashii ku baxay duminta maamul goboleedyada dalka.

“Waxaan dhageystay Madaxwene Farmaajo oo qudbad kajeedinaayo xaflad Xariga looga jarayay dhisme ee Yeelaneeso Safaarada Somalia ee USA Taas uu ku Sheegay Inee  Lacagta Dhismahaas Lagugaday Uu ka keenay Lacagihii Raisalwasaarayaasha Lagu Ridi jiray oo uu Beeqaamiyay Taas Oo Keentay in Loo iibiyo safaarada Dhismahaas, waxaan weydiin lahaa Madaxweynaha Lacagihii Malaayiinta ahey oo uu Kubur biriyay maamul gobaleedyada Hirshabeelle,K/Galbeed,Puntland,Gobalka Banaadir, Galmudug, haddana Lagu Burburinaayo Jubbaland  iyo kuwa soo socdaba” ayuu ku yiri qoraalkiisa xildhibaanku.

“Hadaba Lacagaaas ayada Hadii la beeqaamin lahaaa Intee Dhisme ee Noo iibin laheyd Ama Adeeg Bulsho Noogu Qabsoomi Laheyd?”ayuu kusoo gaba gabeeyay su’aalihiisa Xildhibaanku.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Ciidamada Amisom oo qarax lagula eegtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Africa ee AMISOM goor dhow lagula eegtay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi, xilli ay marayeen agagaarka isgoyska Soos degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamadaasi, kaas oo uu burbur xoogan soo gaaray.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan, taas oo ay ka dhalatay waxyeelo u badan dhaawac.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana dib u furmay dhaq dhaqaaqa waddada uu qaraxu ka dhacay.

Inta badan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda  ayaa qaraxyo lagu weeraray, xilliyada ay marayaan xaafadaha Soos iyo Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdihso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

Xildhibaanada Galmudug oo ku dhowaaqay go’aan iyo tallaabo xasaasi ah.!!

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada uu dhamaaday waqtigii xilheyntooda ee baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay dhawaan ku dhawaaqayaa kudlad ay ugu magacdareen badbaadada Galmudug.

Xubnahaan oo sheegay in ay kor u dhaafayaan 30 xildhibaan ayaa sheegay in wixii ka dambeeya Axada barito ay ku dhawaaqi doonaan gole badbaado oo ay sheegeen in ay ku badbaadinayaan maamulka Galmudug.

Xildhibaanadaas oo hadda ku sugan Dhuusamareeb ayaa ka cabanaya fara galin ay sheegeen in maamulkaas ay ku heyso dowladda federaaka Soomaaliya, oo adeegsaneysa xildhibaanada federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Galmudug.

Maalmaha nasoo aadan ayey sheegeen xubnahaas in ay dooranayaan guddoomiye iyo ku-xigeen, waxaana hadda guddoomiye ku meel gaara u ah xildhibaan Shaacir Sheegow oo aad ugu dhaw hoggaamiyaasha Ahlu-Sunna oo uu ka mid ahaa xildhibaanadii ay kula biireen Galmudug.

Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada ku howlan dhismaha kudladaas ayaa Caasimada Online u sheegay in ay taageero buuxda ka heystaan hoggaanka Ahlu-Sunna gaar ahaan Macalin Maxamuud iyo Sheikh Shaakir.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Sawirro: Oomaar oo heshiis cusub ku saxiixay Canada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar) oo la Hadley warbaahinta isagoo ku sugan dalka Canada ayaa sheegay in heshiis muhiim ah ay la galeen madax ka socotay dalka Cumaan,kuwaasi oo qeyb ka ahaa shirka Caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ee (ICAO).

Wasiir Oomaar oo uu wehliyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Waxay Heshiis is afgarad ah la galeen wafdiga Hay’ada Duulista Hawada ee Saldanada Cumaan,waxayna isku afgarteen isku socodka duulimaadyada Labada dal iyo Horumarinta Arrimaha duulimaadka rayidka (Civil Avation) ee labada dal.

Heshiiskaasi ayaa wuxuu bar bar socday Shirkii uga socday wadamada adduunka ee xubnaha ka ah Hay’adda Duulista Hawada ee Caalamka (ICAO) Magaalada Monterial ee Dalka Canada,kaasi oo galay wejigiisii labaad oo ah doorashada qeybaha 1aad iyo 2aad wadamada xubinta ka noqonaya guddiga joogtada ah ee 3da sano ee soo socota.

Soomaaliya waxaa shirkaais u matalayay mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) iyo wafdigiisa ayaa markii ay codeyntu dhamaatay ka dib waxa ay kulamo gooni gooni ah la yeesheen qaar kamid ah wafuudii dowladaha caalamka uga qeybgashey shirkaasi Caalamiga ah,isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya dalalkaasi.

Wafuudda uu la kulmay Wasiir Oomaar ayaa waxaa ay kala yihiin Wadamada Germany, Saudi Arabia, Turkey, South Africa, Qatar, Malaysia iyo Urur goboleedyada Duulista Hawada ee Jaamacada Carabta (ACAO) iyo kan Africa ee AFCAC.

Shirkan oo ahmiyad gaar ah u leh Dawladda Federaalka Soomaaliya ayey Mas’uuliyiinta Dawladaha Caalamka waxay bogaadiyeen sida Hufnaanta leh oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u hanatay Maamulidda Hawadeeda,taasi oo ay ku mutaysatay in ay Madaxda Dawladaha bogaadin u muujiyaan Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiir Oomaar iyo dadkii kala shaqeeyey ee Wasaaradiisa,oo dadaalkooda aan hagarta laheyn lagu gaarey Guusha maanta la hantay.

Guusha ugu weyn ayaa ah in Soomaaliya ay hataan si rasmi ah u maamuleyso hawadeeda,muddo ka badan 25 sano kadib,tan iyo burburkii,taasi oo ku timid dadaal ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Geelle oo war cusub ka soo saaray wada-hadalada DF Somalia iyo Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) ― Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele ayaa maanta ka hadlay wada-hadala Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, oo muddo badan hakad ku jira.

Ismaaciil Cumar Geelle oo u warramayey VOA ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada-hadaladaasi, isagoona sheegay inuu filayo inay dhawaan dib u bilaaban doonaan.

Madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in wada-hadaladaasi uu qeyb ka noqon doono Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, isla markaana ay dib u amba qaadi doonaan wada-hadalada labada dhinac.

Geelle ayaa waxa kale oo uu ka hadlay iskaashiga dalalka gobolka, isagoona hoosta ka xariiqay muhiimada uu leeyahay iskaashigaasi, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Anaga xagayaga rajadu way badan tahay waxaana dhex jooga  Raysal wasaaraha Itoobiya”.

“Wada-hadaladaana dhawaan inan dib u ambo qaadno, laakiin imika wax iska hor imaad ah cabasho aan leenahay ama aan doonayno inaanu muujinaa majirto. Wada-hadalkana waan ku rajo weynahay dharaar aan dheerayn inaan soo saarno dhankii toosnaa inaan u dhaqaaqno”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii dee anaga lanaga maarmayo waxba kama qabno laakiin iskaashiga ama is dhexgalka ama wax wada qabsiga waxa asaas u ah dhaqaalaha, waxaan dee anagu ku horraynaa dhaqaalahaasi anaga oo garanayna inaan dadka isku socodkooda uu gadhwadeen u yahay dhaqaalaha”.

“Dhaqaalaha inaan ka bilawno horumarin badan ayaanu ku samaynay waanaga tareen samaynay waanaga maarsooyinkii ballaadhinay waanaga igaad dib u xarakaynay taas badda aad sheegayso mid wayn oo uu markaynku wado ayaa jirta iyo sucuudiga iyo waddamada khaliijka, kaana waan ku dhex jirnaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

Wasiir ka tirsan xukuumada MUUSE BIIXI oo lagu soo eedeyay musuq-maasuq

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin “Dheeg” oo kamida Xildhbaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Wasiir ka tirsan xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Biixi wuxuu ku eedeyay musuq-maasuq baahsan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu wasiirka Caafimaadka Somaliland uu dhisanayo labo fooq, kuwaasi oo uu la xiriiriyay in uu ku dhisanayo xatooyada xoolaha shacabka Somaliland.

Xildhibaanka oo maanta hadal ka jeedinayey xarunta golaha guurtida Somaliland, oo xildhibaanadu kaga doodayeen xaalada adeegyada Caafimaad ee Somaliland, ayaa arrintaasi kaga hadlay, wuxuuna yiri

“Wasiirkii caafimaadka ayaa laba Fooq oo dhaadheer dhisanaya, oo aan la odhanayn halkeed ka keentay Lacagtaa? innagu waxaynu nahay Guurti, waxaynu aragno ayaynu tilmaamaynaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Madaxweynaha waxaanu leenahay Madaxweyne goobtaa wax ka qabo, waxaanad tidhaahdaa dhakhaatiirta waxa Mushaharka laga siinayaa cashuurta dadka laga soo qaado ee qof buka oo Lacag laga qaadayaa ma jirto oo Bilaash Dadka ku siiya, waynu karaynaaye Daawadaa la iibsanayo ee aqallada laga dhisanayo Dadka hala siiyo”.

Sidoo kale waxa jira xildhibaan kale oo iyaguna ka deyriyay adeegyada caafimaad ee xarumaha dowlada, midaasi oo gacanta ku hayo wasiirka caafimaadka Somaliland.

Xildhibaanadaasi ayaa waxay dhamaantood isku raaceen inay wasaaradaasi shaqadeedii ka gaabisay, isla markaana aan Isbitaalka guud ee magaalada hargeysa oo kamid ah xarumaha caafimaad ee dowlada, aaan lagu tilmaami karin xarumo caafimaad oo dowladeed.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

Madasha U Abaal-Gud oo shahaado sharaf siisay shirkadda HORMUUD

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xaflad si heer sare ah loo agaasimay ayna ka soo qayb galeen Wasiirro, xildhibaanno, aqoonyahanno, Culimaa’udiin, ururka haweenka qaranka, ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom, waxaana kulankan soo qaban qaabiyey Madasha U Abaal-Gud oo matasha shacabka soomaaliyeed.

Shahaada sharafta ay heshay shirkadda Hormuud ayaa waxaa u gartay dadka Soomaaliyeed, waxayna noqotay shirkaddii ugu horrasay ee abaal-marin noocaan ah la siiyo, iyadoona Hormuud Telecom ku mutaysatay garab istaagga dadka Soomaaliyeed iyo u gar-gaaridda dadka dhibaataysan.

Martidii sharaftii ka soo qayb gashay xafladda ayaa mid mid u dul istaagay waxqabadka muuqda ay shirkadda Hormuud u qabatay dadkeeda, waxayna dhammaantood isku raaceen in Hormuud Telecom la garab istaago mar waliba ay taageero u baahato.

Batuulo Sh. Axmed Gaballe Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajisay in Hormuud Telecom ay mudan tahay in shacabkeeda ay shahaado sharaf noocaan ah u gartaan ay tahay arrin ku dayasho mudan, waxayna dhinaca kale xustay in Hormuud dhibaatooyinka ay ku hayaan ciidamada Kenya ay tahay wax aan laga aamusi Karin.

“Hormuud waa hanti Soomaaliyeed, marna kama aamusi doono in la bur buriyo Hantida Ummadda Soomaaliyeed, waa in aan garab istaagnaa markii ay inoo baahato”. Ayay tiri guddoomiyaha Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed Batuula Shiikh Axmed Gaballe.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Sidoo kale madasha ka sheegay in Hormuud tahay shirkad u dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed ayna u baahan in abaal-marinno sidaan oo kale ah ay shacabkeeda u gartaan.

“Shirkad Soomaaliyeed oo aan aqaanno waxa ay qabatay marqaatina ay ka yihiin shacabka Soomaaliyeed waaye Hormuud Telecom, waxaana leenahay Hambalyo mar labaad iyo mar saddexdaad” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Wasiiru dowlaha waxbarashada dowladda federaalka ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, ayaa dhinaca kale carrabka ku dhuftay in xukuumadda Soomaaliya ay marnaba raali ka noqon doonin bur-burinta lagu hayo xarumaha Isgaarsiinta Hormuud, isagoona dhinaca kale xusay in Hormuud ay tahay hanti qaran mar walbana loo baahan yahay in shacabka soomaaliyeed ay abaal-marin noocaan ah u gartaan dadka waxqbadkooda muuqdo sida Hormuud oo kale.

Ugu dambayn Cabdixakiim Xasan Idow oo ka mid ah maamulka sare ee shirkadda Hormuud Telecom oo guddoomay shahaado sharafta ayaa xusay in garashada Shacabka soomaaliyeed shahaado noocaan ah siiyaan Hormuud ay tallaabo wanaagsan, waxa uuna u mahad celiyey dadkii u gartay shahaadadaan, iyo sidoo kale madasha U abaal-Gud oo xafladda soo qaban qaabisay.

Guddoomiye Cabdixakiim Xasan ayaa dhinaca kale khubadiisa ku soo qaatay qaar ka mid ah waxqabadka shirkadda Hormuud isagoona yiri “Hormuud Telecom waxay qayb wayn ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha, waxayna sidoo kale shaqo abuur u samaysay in ka badan 30,000 Kun shaqaale ah, waxaana ganacsiyada soomaaliyeed ku maal-galinnay in ka badan 15 Million dollar.”

Waa markii ugu horraysay ay dadka soomaaliyeed shahaahdo sharaf noocaan ah u gartaan shirkad ganacsi oo ka jirta gudaha dalka Soomaaliya, taas oo lagu abaal-mariyey kaalinta muuqata ay ka gaysatay garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyo u hiillinta dadka tabaalaysan ay xil iska saartay shirkadda Hormuud Telecom.

DF oo ku dhowaaqday in xayiraaddii duulimaad laga qaaday Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa caawa ku dhowaaqday inay si rasmi ah u fasaxday duulimaadyadii Kismaayo, kaddib markii todobaadkii hore ay xayiraad saartay.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Aadan Isaaq Cali oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladdu fasaxday duulimaadyadii rayidka ahaa, kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo, sida uu yiri.

“Kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo dowladda federaalka waxay fasaxday duulimaadyadii rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in iminka ka dib ay duulimaadyada magaalada Kismaayo lamid noqon doonaan duulimaadyada kale ee ka hawlgala magaalooyinka kale ee dalka.

Tani ayaa ku soo aadaya, xilli xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ay maalmahihii la soo dhaafay ku xanibnaayeen magaalada Kismaayo.

Hay’adda Duulista Hawada Somaliya ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in si ku meel gaar ahi loo joojiyay duulimaadyadii taggi jiray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, muddo saddex maalmood ah.

Si kastaba, waxaa weli qasab ah in duuliimaadyadii Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee dalka iyo kuwii dibedda iyo Kismaayo ay soo maraan magaalada Muqdisho. 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadaive.com 

Prof. Cali Khaliif Galayr: “Somaliland waxay qarka u saaran tahay kacdoon”

0

Hargeysa (Caasimadda Online) – Cali Khaliif Galayr oo horey usoo qabtay xilal kala duwan oo ay ugu dambeysay xilkii madaxweynimo ee Maamulkii la magac baxay Khaatuma State ayaa ka dhawaajiyey inay Somaliland halis ugu jirto Kacdoon.

Cali Khaliif ayaa hadalkaan ka sheegay shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo ahaa Furitaanka shirka Golaha dhexe oo ka furmay Hargeysa.

Galeyr ayaa xusay inay Somaliland qarka u saaran tahay kacdoon Dhallinyaro isagoo sii raaciyey in haddii aan wax laga qaban la is waydiin doono halka uu ku dambeeyo Masiirka Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Cali Khaliif ayaa yiri “Ma dooneyno Somaliland ay leedahay hal Reer balse waxaa u baahanahay Somaliland la wada leeyahay” .

Wuxuu Maamulka Somaliland ku eedeeyey inaysan wax tixgelin ah siin dhallinyarada kasoo qallin jabiyo Jaamacadaha, wuxuuna sheegay inay taas keentay inay ku dhammaadaan Badda sida uu hadalka u dhigay.

Cali Khaliif oo maalmihii dambe eedeyn u jeedinayey Maamulka Somaliland ayaa ka xumaaday inay Somaliland fullin weysay heshiiskii ay wada galeen Sanadkii 2017 markaas oo uu Cali ogolaaday inuu meesha ka saaro Maamulkii Khaatumo State.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo dhalleeceyn xooggan kala kulmay sawir uu la galay Colonel TUKE

0

New York (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa inta badan Baraha Bulshada qabsaday dood ku aadan Sawir uu Madaxweyne Farmaajo la galay Yuusuf Cabdi Cali Tuke oo Maxkamad ku taalla Mareykanka ay ku eedeysay xasuuq dad Soomaaliyeed oo ku sugnaa Gibilay Somaliland xilligii Siyaad bare.

Madaxweynaha ayaa Cambaareyn kala kulmay sawirkaas, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo bulshadda isticmaasha baraha bulshada ayaa Madaxweynaha aad ugu dhaliilay in maanta uu kiciyay dareenka Ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay gacanta maamulkii Milatariga.

“Waxaan magaca umadda Soomaaliyeed raalli gelin uga siinayaa walaalaheen reer Somaliland oo Madaxweyne Farmaajo uu dib u damqiyey dareenkooda soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa ka dib Markii uu sawir la soo galey shakhsi ku eedaysnaa dambiyo dagaal iyo xasuuq dad Soomaaliyeed” Xildhibaan Fiqi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Xeerbeegti Maraykan ah ayaa dambi ku heshay Kornayl Yusuf Cabdi Cali oo ku magac-dheer Kornayl Tuke, isaoo la sheegay inuu jirdil gaystay xilligii uu socday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya

Kornaylka ayaa maalmihii ugu dambeeyay taxi wade ka ahaa gobolka Virginia ee dalka Maraykank, ka hor intaan shaqadaas laga joojinin.

Konrnayl Tuke ayaa waxaa dacwo ka gudbiyay Farxaan Taani Warfa, oo sheegay inuu jirdil iyo toogasho u gaystay

Waxaa lagu xukumay inuu bixiyo magdhaw gaaraya 500,000 oo doollar.

Haddaba waa Kuma Kornayl Tuke?

Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter.

Wuxuu dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan la yirahdo Somaliland.

Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa la sheegay inay dhaceen sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay.

Kornaylkan Soomaaliyeed ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah oo loogu geystay Magaalada Gabilay.

Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Tuke wuxu kamid noqday saraakiil sar sare oo qoxootinimo isaga dhiibay wadamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo kadib ogaatay in loo haysto eedeymo la xariira gobood fallo.

Kornaylka ayaa waxaa uu u wareegay wadanka Maraykanka, kadib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabood falada loo haystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo Visa ama dal ku gal usoo dirtay markii ay heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2006.

Xaaskiisa ayaa sidoo kale loo haystay ka been sheegidda qaabka ay ku tagtay Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska New York
[email protected]

Imaaraadka Carabta iyo QM oo ka wada- hadlay arrin ku saabsan SOOMAALIYA

0

New York (Caasimadda Online) – Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa Qaramada Midoobay kala hadlay xaaladda Siyaasadeed iyo midda amni ee Dalka Soomaaliya ku jiro.

James Swan oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Anwar Gargash.

Wakaaladaha Wararka ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa faafiyey inay labada Mas’uul ka wada hadleen Amniga iyo Xasiloonida Soomaaliya.

Anwar Gargash ayaa Mr. James u xaqiijiyey in Imaaraadka ay tixgelineyso muddo xilliyeedka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

James ayaa Bishii May loosoo magacaabay Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kadib markii ay Dowladda Soomaaliya Ceyrisay ergeygii hore ee Heysom kadib markii ay ku eedeysay inuu faragelin ku sameeyey Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah Dowladaha saameynta ku leh Soomaaliya, waxayna dhawr jeer faragelin ku sameysay Arrimaha Soomaaliya, iyadoo heshiisyo aysan Dowladda Dhexe ka warqabin la saxiixatay qaar ka tirsan Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maamulo qaar ka tirsan Dekaddaha iyo Garoomda Diyaaradaha ee Soomaaliya ku yaal iyadoo aysan jirin xiriir wanaagsan oo kala dhaxeeyo Dowladda Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska New York
[email protected]

Halkee laga bixiyay lacagta lagu iibiyey SAFAARADDA Soomaaliya ee Washington?

0

New York (Caasimadda Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa faahfaahin ka bixiyay Dhaqaallaha ku baxday dhismaha Safaarada cusub ee Dowladda Soomaaliya ay ku yeelatay Magaalada Washinton.

Wasiirka waxaa uu sheegay lacag dhan Afar Milyan iyo Saddex boqol oo dollar in ay ku baxday dhismaha Safaaradda.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagta lagu iibiyey dhismaha laga bixiyey Miisaaniyadda xukuumadda Federaalka ah ee sanadkan 2019, gaar ahaan ku noqoshadda oo ay wasaaradu ku soo dartay.

Dhismaha Safaaradda oo ay iibsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horey u lahaa Colombia, waana dhismo ka kooban dhowr Dabaq oo ku yaalaa aagga ay ku xooggan yihiin Safaaradaha wadamada waaweyn ee Caalamka.

Lacagtaan ayuu sheegay in Sanadyadii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya ay aruurin ugu jirtay,islamarkaana lacagta ay bixisay Wasaarada Maaliyadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xalay xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudnaanta dowladdu ay siinayso soo celinta maaqaamka dalkeennu uu ka lahaa caalamka.

Sida wararku sheegayaan, Qorshaha labaad ayaa noqonayaa in dhismeyaal loo iibiyo midkood howlgalada diblumaasiyadeed ee Koonfur Afrika iyo sidoo kale Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska New York
[email protected]

Somaliland oo shir caalami ah uga qeyb gashay Uganda

Kampala (Caasimada Online) ―  Somaliland ayaa kamid noqotay xubnaha ka qeyb galaya shir ka furmay caasimada dalka Uganda ee Kampala, kaasi oo ay isugu imaadan ‘Baarlamaanka dalalka barwaaqo sooranka’.

Shirkan ayaa waxa sanad walba ka soo qeyb-gala dalalka Barwaaqo sooranka oo ay sanadkan kamid noqonayso xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Shirka dalalka barwaaqo sooranka ayaa waxa Somaliland ku matalayey, isla markaana wafdigeeda hogaaminayey Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha wakiilada Somaliland, Axmed Yaasiin.

Waxa sidoo kale kamid ahaa wafdigaasi Somaliland, Guddoomiyaha arrimaha dibeda ee golaha wakiilada, Axmed Nuur Kijaandhe, Xoghayaha guud ee golaha, C/risaaq Siciid Ayaanle iyo Xildhibaan Maxamed Waabeeye.

Wafdigaasi Somaliland uga qayb-galayey shirkaasi, ayaa waxa ku marti-qaaday Madaxweynaha dalka Uganda, Yuweri Musefeni, isagoona casuumad balaadhan u sameyay madaxda ka socday dalalkaasi barwaaqo sooranka ee ka qeyb-galayey shirkaasi baarlamaanka Barwaaqo sooranka.

Waxa sidoo kale xusid mudan in Wafdigan Somaliland ku matalayey shirkan, ay kulan la yeesheen maalintii Arbacadii Wasiirka arrimaha dibad Uganda, Sam Kuteesa, iyagoona kala hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac.

Shirkan ka furmay caasimada dalka Uganda ee Kampala, ayaa waxa uu noqonaya shirkii 64-aad ee ay yeeshaan Baarlamaanada dalalka barwaaqo sooranka, iyadoona ay noqoneyso markii koowaad ee dalka Ugand marti-galiyo shirkaasi muddo laga joogo 52-sano.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Sacuudiga oo sabab yaab leh usoo diiday danjiraha ay Somalia u magacowday

0

Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sucuudiga ayaa diiday in ay warqadaha Safiirnimo ka guddoonto Cabdxakiin Xasan Ibraahim Ashkir, oo loo magacaabay Safiirka dowladda Soomaaliya ee boqortooyada Sucuudiga, Danjirahaha ayaan shaqo-gelin sidii loo magacaabay 3 bil kahor .

Inkastoo Sucuudigu aaney si rasmi u shaacin diidmadiisa, hadana waxaa laga dheehan karaa inuu u cuntami waayay shaqsiga Safaarada loo magacaabay Sida Sharciga Geneva ee Diblomaasiyadu dhigayo oo ah in Saddex bil Safiirkii aan laga gudoomin warqdaihiisa ay lamid tahay in la iska diiday.

Ashkir waxaa xilkaasi 29-kii May u magacaabay Madaxweyne Farmaajo, isagoo xiligaasi ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana magacaabistiisa ay qeyb ka eheyd isbedel dowladda la damacsaneyd iney ku sameyso hoggaanka Safaaradaha.

15-kii June, ayaa si rasmi ah loo gudbiyay warqadihiisa Safiirnimo, waxeyna mudada 90-ka cisho ku ekeyd 15-kii bishan September, waxaana ka soo wareegatay mudada uu sharciga siinayay mudo 13 maalin ah.

Xubno ka tirsan howlwadeenada Safaarada Soomaaliya ee wadankaasi Sucuudiga ayaa sheegay in diidmada Xukuumada Riyadh ay salka ku heyso tuhun ay ka qabaan in Ambassador Ashkir laga urinayo xiriir qoto dheer oo kala dhexeeya dowladda Qatar, si gaar ah Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo cilaaqaad dhow la leh reer Doxa.

Wararku waxa ay kaloo sheegayaan in xitaa dowladda Sucuudiga ay iska diiday in ay aqbasho xubno loo magacaabay Qunsuliyada Soomaaliya ee magaalada Jeddah, xubnihii hore Qunsuliyada uga shaqeynayay waxaa amray in ay dalka deg deg ku soo galaan Ra’iisul Wasaare Khayre.

Balse waxaa jiray xubno cusub oo boosaskaasi loo magacaaba, kuwaasoo ay ku adkaatay iney helaan Fiisaha iyo aqbalaadii ay ku howlgali lahaayeen, taasoo keentay in ay Muqdisho iska joogaan oo ay u dhexeeyaan Wasaarada arrimaha dibadda iyo madaxtooyada,iyagoo soo dhega dhageeyay halka xaaladooda ay mareyso.

Ashkir ayaa lagu beddelay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, kaas oo xilka  Wasiirnimo iska casilay kaddib markii uu sheegay in ay kala aragti duwanaadeen madaxda hadda talada dalka heysa.

Isha: Mustaqbal Radio