25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Axmed Madoobe oo qarka u saaran kacdoon ciidan oo degaanka laga abaabulay

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada online, ayaa Xaqiijinaya in hogaamiyaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu qarka u saaranyahay kacdoon ciidan oo ka dhan ah maamulkiisa.

Kooxdii labaad oo ka tirsan ciidamada gaarka u tababaran ee Jubaland, ayaa sameeyay amar diido bareer ah, amarkaas oo ka soo baxay madaxtooyada magaalada Kismaayo ee maamulks Jubaland.

Ciidamadaan amar diidada sameeyay ayaa lagu amray in ay soo qabtaan ciidan ku dhow 60 askari oo ka gadooday Jubaland, kuwaas oo la wareegay degaano kamid ah gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dhaxgashay ciidamada Jubaland islamarkaana laga cabsi qabo in maamulkaasi uu wajaho kacdoon ciidan oo taalada looga qaadayo Axmed Madoobe.

Lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doono hase yeeshee waxaa taagan walaac laga qabo kacdoon ciidan oo ka bilaawda kismaayo iyo degaanada kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal toos ah iyo mid xeeladeysan ku haysa Axmed Madoobe, si ay uga tuurto awoodda maamulka Jubaland, uguna beddesho qof taageersan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Wasaarada maaliyadda oo billowday in mushaarka ay ka jarto shaqaalaha KMG ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ay bilaawday qorshe mushaarka looga dhimayo shaqaalaha ku meel gaarka ah ee dowladda Soomaaliya.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa, in wasiirka maaliyadda uu dalbaday in 20% laga jaro shaqaalaha, waxayna arrintaasi ay muran xoogan ka dhax dhalisay golaha wasiirada.

Arintaan ayaa bisha October lagu billaabi doonaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta soomaaliya oo ah kuwa ugu badan ee wasaaradaha dowladda.

Wasiirada warfaafinta soomaaliya, gaar ahaan wasiirka iyo wasiir ku xigeenka ayaa la sheegay in arintaan ay isku khilaafeen islamarkaana aad looga dareemayo gudaha wasaaradda.

Lama oga sababta keentay in mushaarka shaqaalaha aan rayidka aheyn looga jarayo mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Shaqaalaha ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya oo aan ka yareyn 2 kun ayaan qaadan mushaar ku filan, waxaana gunno ahaan loo siiyaa lacag u dhaxeyso, 150$ ilaa 300$ oo dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: DF oo baasaboorka diblomaasiga kala noqotay xubno oo ka mid yahay Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa baasaboorka diblomaasiga kala noqotay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Mas’uuliyiinta ay ay dowladda ka kansashay ee Jubbaland ayaa waxaa ku jira wasiiro, xildhibaano iyo xubno kale oo xiriir dhow la leh Axmed Madoobe. Tirada xubnaha baasaboorka lagala noqday ayaa lagu warramay inay tahay 8 mas’uul.

Wararka qaar ayaa sheegaya xubnaha ay dowladda baasaboorkooda baabi’isay uu ka mid ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Tallaabadaan oo kamid ah waxyaabaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Axmed Madoobe ayaa si xooli ah u socotay tan iyo markii ay dowladda ay amartay inay Diyaradaha Kismaayo u socdo soo maraan Magaalada Muqdisho.

Xiriirka Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubbaland ayaa xumaaday kadib markii uu Axmed Madoobe magaalada Kismaayo ku qabtaday doorasho aysan raali ka aheyn dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Tan iyo markii uu khilaafka labada dhinac bilowday, dowladda dhexe ayaa qaaday dhawr tallaabo oo ay ku cadaadineyso maamulkaas.

Tallaabooyinka ay qaaday ayaa waxaa kamid ah in la joojiyey duulimaadyadii tooska u tagi jiray Kismaayo iyo 3 Maalin oo guud ahaan la joojiyey duulimaadyadii tagi jiray Magaaladaas.

Sidoo kale waxaa la xiray Wasiirkii Amniga Dowladda Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Cadaadiska Dowladda ayaa sababay inay baaqato Xaflad Caleema saar ah oo uu Axmed Madoobe ku qabsan rabay Magaalada Kismaayo kadib markii ay Dowladda xayirtay madaxdii kasoo qeyb geli laheyd Xafladaas oo uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sheek Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyey iyo shirweyne maanta ka furmaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa saaka si weyn u xoojiyey amniga magaalada Muqdisho oo uu maanta ka furmayo shirweyne caalami ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaalya oo la soo dhoobay inta badan gudaha magaalada ayaa xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Caasimada.

Sidoo kale ciidamada ayaa dib u celinaya gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyadoona shacabka ay u adeegsanayaan cagahaooda.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo shirka iskaashiga Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 50 dowladood.

Shirkan oo socon doonto muddo 2 cisho ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda iyo Cadaaladda.

Waa markii ugu horreysay oo uu shirkan ka dhacayo gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo markii hore lagu qaban jiray dalka dibaddiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Xukuumada Somaliland oo amar cusub ku soo rogtay gobol;ada Awdal iyo Selel

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta soo saartay amar ay ku hakinayso dhamaanba sharciyeynta dhul-beereedka gobolka Selel iyo degmada Lughaya ee gobolka Awdal

Axmed Muumin Seed, Wasiirka horumarinta beeraha Somaliland ayaa soo saaray wareegtadaasi lagu mamnuucayey sharciyeynta dhul-beereedka, isagoona Mas’uuliyiinta iyo laamaha amaanka goboladaasi ku amray inay dhaqan galiyaan wareegtadan.

Wasiirka ayaa waxa uu wareegtadiisaasi ay si gaar ah ugu socotay Guddoomiyeyaasha gobolada Awdal iyo Selel, isla markaana uu ku wargeliyay in gebi ahaanba la joojiyey dhamaan sharciyeynta dhul-beereedka goboladaasi, ilaa iyo amar dambe oo ka soo baxa wasaaradiisa.

Wareegtada wasiirka oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Caasimada Online, oo si gaar ahna ugu socotay Madaxda goboladaasi, ayaa waxa la filayaa inay daba socoto xiisado coladeed oo ka taagan deegaanadaasi.

Deegaanadaasi uu wasiirku ka mamnuucay sharciyeynta dhul-beereedka ayaa waxa maalmihii u dambeeyay ku muransanaa beelo wada daga, kuwaasi oo muran beereed xoogani ka dhaxeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Somaliland oo shaqadii ka cayrisay qareeno shaaciyey arrin ka jirta garsoorka

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta shaqo joojin ku sameysay saddex qareen oo ka howl-gala magaalada Hargeysa.

Dr. Cali Suudi Diiriye, Guddoomiyaha rafcaanka ee gobolka Marood-jeex ayaa wareegto uu soo saaray maanta waxa uu shaqadii qareenimo ka hakiyay saddex looyar oo dhowaan warbaahinta ka sheegay cadaalada darada baahsan ee ka jirta Maxkamadaha Somaliland.

Saddexdan looyar ee shaqada laga joojiyey ayaa waxay kala yihiin: Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan, Daahir Maxamed Faarax iyo Maxamed Cali Careef, kuwaasi oo guddoomiyuhu ku eedeyay inay Maxkamadaha ka faafiyeen warar been abuura oo borobagaando ah.

Wareegtada uu gudoomiyuhu shaqada kaga joojinayey ayaa waxa kale oo lagu sheegay in saddexdaasi looyar aysan ku shaqeyn karin mihnadoodii qareenimo ee ay kaga howl-gali jireen Maxkamada Somaliland.

Hoose ka aqriso wareegtada uu soo saaray  Guddoomiyaha rafcaanka ee gobolka Marood-jeex

DF oo shaacisay tirada DALALKA ay ku casuuntay shirka berri ee MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay shir heer caalami ah oo Talaadada batito ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Shirka Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho markii ugu horeysay ka furmaya 1-da bisha nasoo aadan ee October, waxuuna socon doonaa ilaa 2-da October oo ku beegan maalinta Arbacada.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ay soo dhawaynayso shirka caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya, oo horay loogu qaban jiray qaar ka mid ah dalalka reer Yurub, waxaana lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda in ay ka qeyb galayaan wakiillo ka socda in ka badan 50 dowladood.

“Shirkaan, oo soconaya muddada labada maalmood ah, waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda, Cadaaladda, ku qabashada shirka ee magaalada Muqdisho, wuxuu tusaale cad u yahay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulaha wax ku oolka ah uga soo hoysay siyaasadda arrimaha dibadda iyo horumarada kala duwan ee ay ku tallaabsatay” ayaa lagu yiri.

Warka caawa kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay sii laba jibaarto dadaalada lagu hormarinayo dadka iyo dalka Soomaaliya, waxayna ugu baaqeysaa shacabka Soomaaliyeed in ay qayb libaax ka qaataan xasilinta iyo dib u dhiska dalkooda hooyo”.

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

[email protected]

Fiqi oo shaaciyay ‘arrin shaki ah’ oo ku jirta warqadii DF ee kiiska Ciise Tarabuun

0

Muqdisho (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay warqad ay soo saartay Wasaaarada warfaafinta DF Soomaaliya, taasi oo ay ku bayaanineysay kiiska Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaan ‘Ciise Tarabuun’.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay inay shaki badan abuureyso sida ay wasaarada cadaalada Soomaaliya ay ugu aamustay bayaaninta kiiskaasi, midaasi oo badalkeeda ay war ka soo saartay Wasaarada Warfaafintu.

Hoos ka aqriso qoraal uu arrintaasi kaga hadlayo Xildhibaan Fiqi oo uu bartiisa Facebook soo dhigay:

“Warka wasaaradda warfaafinta iyo kan wasiirka Amniga oo ka wada tirsan xukuumadda isla xisaabtanka neceb waxaa u dhexeeya farqi weyn.

Sida wasiirka amnigu u sharxayo ninka uu ku tilmaamay madaxa amniyaadka Muqdisho isla markaana caddeeyey halisnimadiisa iyo warqadda wasaaradda Warfaafinta oo hawshii hey’adaha cadaaladda aad moodo in ay faraha la gashey, waxaa ka muuqda isku dhexyaaca hey’adaha dawladda iyo faham-darrada kaalimaha ay kala leeyihiin.

Eedaysane waxaa lagu fasixi karaa ayadoo la raacayo sharciga dalka loona marayo hey’adaha cadaaladda dalka u qaabilsan. maxkamadaynta eedaysane, xukunkiisa, sii dayntiisa iyo bixinta mugdi kasta oo kiiska eedaysanahaas la xiriira waxaa caddaynteeda looga fadhiyaa hey’adaha cadaaladda boos kuma lahan wasaaradda Warfaafintu kiis la xiriira cadaalad.

Warqadda wasaaradda warfaafintu waxay sii calwisay shakigii la qabey meeshii ay uga Dan laheyd In ay daweyso, laguma qanci karo warqadaas aan macnaha weyn laheyn ee degdegta lagu soo saaray, hey’adaha cadaalada ayaa looga fadhiyaa kala cadeynta ninkii wasiirka amnigu ku tilmaamay madaxa amniyaadka qaabka sharciga ah ee lagu daayey ee aan waxba looga soo qaadin qayladhaantii iyo bishaaradii uu wasiirka Amnigu ugu bishaareeyey shacabka soo qabashadii madaxa amniyaadka MUQDISHO”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

Reer Hargeysa oo si weyn uga jawaab celiyay ‘hadalkii loogu gafay reer MUQDISHO’

0

Hargeysa (Caasimada Online) ― Dadweynaha kala duwan ee ku nool magaalada Hargeysa ayaa si weyn oo carro leh uga jawaab celiyay hadal shalay ka soo yeeray maayirka caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Maayir Solteco ayaa sheegay in ‘Bisada ku nool magaalada Hargeysa ay ka nasiib badantahay qofka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho’, hadalkaasi oo si weyn uga horyimaaden shacabka magaalada Hargeysa, kuwaasi oo u arka maayirka mid ku howlan wax aan loo diran.

Qaar kamid ah dadweynaha Hargeysa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu Maayirku dayacay shaqadii caasimada, isla markaana uu ku hadaaqayo hadalo iyo wax aan looga joogin.

“Maayirkeenu wuxuu ka sheekeynayaa Muqdisho, wuxuuna lahaa ‘Bisada hargeysa joogta ayaa waxay ka nasiib badantahay qofka muqdisho jooga’ Maayir wataa shaqadaadii (Bilicda magaalada). waxaana ku leeyahay in aad muqdisho u jawaabto kumaanan dooran ee waxaanu ku dooranay in aad magaalada bilicdeeda noo hagaajiso” ayuu yiri mid kamid ah dadweynaha ku nool magaalada Hargeysa oo warbaahinta la hadlay

“Maayir bal waxaad u fiirsata hadalkaad laheyd maanta iyo biyaha caawa maraya Hargeysa gudaheeda ee weliba wadadii halbowlaha aheyd maraya, dadkii maatida ahaa iyo dadkii xanuusanayeyba dhamaantood halkaasey ku xayirnaayen maayir. Shaqadaadii waad dayacday adiga iyo golahaaguba, idinkoo waqtigiini dhamaaday ayaa hadleysan oo warbaahinta la taagantihiin dood aan la garaneyn” ayuu yiri isaguna mid kale oo shacabka kamid ah.

Waxayna intaas kusii dareen “Bisadaha looma diran Maayirka, waxa loo diray bilicda magaalada in uu ka shaqeeyo, maahanaa in Muqdisho laga sheekeyo ee waa in Hargeysa biyaheeda laga sheekeya”.

Hadalkan ka soo yeeray Maayirka caasimada Somaliland ee Hargeysa ee bulshada reer Hargeysa sida weyn uga jawaab celiyeen, ayaa sidoo kale waxa saacadihii la soo dhaafay si weyn looga jawaab celinayey baraha bulshada, iyadoona qaarkood u arkayeen Maayirka mid shaqadiisi gabay oo arrimo kale ku foogan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay (Daawo Sawirrada)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qayb-galay Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu ka qayb-galay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, shir saddex geesood ah oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Masar iyo Kenya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa dalalka Caalamka.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in wafdiga Soomaaliya ee ka qayb galay shirkan ay caalamka la wadaageen xaaladda dalka, iyagoo sidoo kale soo bandhigay mabaadi’da Dowladda ee arrimaha Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda.

“Wafdiga Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay ku guuleysteen in ay si cad u hordhigaan Madaxda Caalamka sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in arrinta dacwadda badda ee nagala dhexaysa dalka aan dariska nahay ee Kenya loo daayo Hay’adaha Garsooka Caalamiga ee Qaramada Midoobey.” Ayuu yiri Cabdinuur.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda diblumaasiyadeed ee dhismaha Safaaradda Washington ee ay Dowladdu halkaas ka hirgelisay u leedahay dalkeenna iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ciidamada Talyaaniga ee magaalada Muqdisho oo qarax culus lala beegsaday

0

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu ka dhacay Qarax xooggan oo laga maqlay inta badan Degmooyinka Muqdisho.

Qaraxa oo loo maleenayo inuu yahay mid ismiidaamin ah ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Talyaaniga ee ku sugan Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada Talyaaniga oo marayey meel u dhow kuliyadda Jaalle Siyaad ee Jidka Warshaha.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayo inuu gubanayo mid kamid ah Gawaaridii ay wateen Ciidamada Talyaaniga oo kamid ah Ciidamada Midowga Yurub ee Soomaaliya u joogo inay tababar siiyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xaaf oo ka baxay heshiiskii DF, dibna usoo ceshtay mas’uuliyaddiisii Galmudug

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhowaaqay go’aan xasaasi ah oo xasarad cusub gelinaya maamulka Galmudug kadib markii uu ka laabtay heshiis uu la galay dowladda federaalka.

Xaaf ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray weerar culus ku qaaday dowladda, kuna sheegay inuu dib ula soo noqday wakaalashadii uu Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ugu dhiibay daadihinta geeddi socodka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug.

Xaaf ayaa go’aankiisa sabab uga dhigay in muddo gaaraysa 3 bilood ay Dowladdu natiijo lataaban karo aysan ka sameyn arrimihii dib uheshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug, isla markaana ay hakad galeen hawlihii Galmudug.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey dowladda Federaalka ah in aysan diyaar u ahayn in ay xalliso khilaafaadkii soo kala dhex galay Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo Galmudug, sidoo kale xal uhelidda tabashada Cadaado.

Qoraalka Xaaf ayaa lagu sheegay in sababaha uu go’aanka u qaatay ay sido kale qeyb ka tahay “Awood marooqsiga lagusameynayo beelaha iyo odoyaasha dhaqanka ee matala beelaha iyo kala qeybintooda, iyo tagrifalka lagu sameynayo wakaalashada Madaxweynaha Galmudug uu wakiishay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.”

Sidaas darteed, ayuu yiri Xaaf “Laga billaabo maantay oo ay taariikhdu tahay 29/09/2019, waxa uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug dib ula laabatay Wakaalashadii uu Wakiishay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta dowladda Soomaaliya.”

Xaaf ayaa sheegay inuu si deg deg ah usoo magacaabi doono Guddiyo loo wada dhan yahay oo ka shaqeeya arrimaha Dhab-uheshiisiinta, Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka ee Galmudug, wuxuuna ugu baaqan dhammaan Wasiirada Galmudug isugu yimaadaan deegaanka ugu dambeyn 10/10/2019, si loo dar dar galiyo hawlaha horyaala Dowladda. 

Hoos ka aqriso qoraalka Xaaf

Sawiro: Dahabshiil oo xarun weyn ka furtay Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya mudane Cabdi Casiis Lafta gareen iyo maamulaha Koonfurta iyo badhtamaha  ee shirkadda Dahabshil Goup mudane Xassan Cabdi Cawad ayaa goobjoog ka ahaa axaddii xaflad ay shirkadda Dahabshiil ku daahfurtay dhismaha ugu quruxda badan Baydhabo, iyada oo ay labada mas’uul xariga ka jareen.

Maamulka Shirkadda Dahabshiil oo arrinkaas kala hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dhismaha uu noqon-doono  xarunta guud ee shirkada ee Baydhabo isla markaana laga heli doonno dhammaan adeegyada shirkada Dahabshil Group sida adeegyada Bahabahil Bank ee maali gelinta waaweyn iyo kuwa yaryar,  sidoo kale adeegi xawaalada iyo isgaadhsiinti oo casriya sida Internetki guryaha iyo 4G sidoo kale 3G.

Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed oo goobta ka hadlay ayaa shirkadda Dahabshiil uga mahadceliyey kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka ay umadda somaliyeed kusoo kordhisay gaar ahaana dowlad foboleedka Koonfur Galbeed halka  gudoomiyaha baarlamaanka Cabdikadir Shariif Sheekuna Maye oo  isna khudbeeyey uu ka hadlay doorka ay hoggaamineed ee Dahabshil ay ka qaadatay horumarka KGS iyo Maalgelinta ay ka bixisay iyo sida ay kor ugu qaadayso ganacsiga KGS .

Ugu dambeyntii, waxaa xafladda ka hadlay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdi Casis Lafta-gareen  isaga oo ugu horayn Dahabshil uga mahadceliyay inay Baydhabo ka dhistay dhismihii ugu quruxda badnaa,  sidoo kale uu soo dhoweeyay adeega Microfinance ee ganacsiyada yaryar kor loogu soo qaadayo.

Shirkadda Dahabshiil oo ka tirsan shirkadaha ganacsi ee ugu weyn dalka ayaa waddo isbalaarin xoogan, iyada oo mar walbo deegaannada dalka geysa adeegyo ay dadka ka faa’idaan, ugana kaaftoomaan safar dheer.

Sawirrada Xarunta Dahabshiil ee Baydhabo

Sawirro: Howlgallo lagu soo qab qabtay dad badan oo laga sameeyey Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidamada amniga xalay ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa baarayey gaadiidka  qeybihiisa kala duwan iyo dadweynaha, si loo xoojiyo nabad gelyada.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay  ku dhowaan 20 qof oo u badan dad dhalinyaro ah.

Waxa kale uu intaas ku daray in haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana la sii deyn doono cid aan dambi laheyn.

Muddooyinkii dambe ammaanka Boosaaso ayaa laga deyrinayey, iyadoona cabasho ay ka soo yeeray shacabka magaaladaasi.

 

 

Soomaali badan oo lagu laayey dhulka ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey Soomaalida iyo Canfarta uu ka dhacay halkaasi.

Dagaaalka ayaa yimid, kadib markii koox ka tirsan Canfarta ay weerar gaadma ah ku soo qaadeen Soomaali xoolo dhaqato ah oo ku sugneyd deegaanka Alaale oo hoostaga maamulka Jigjiga.

Ugu yaraan 14 Qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in deegaanka Alaale ay la wareegeen Canfarta, halkaas oo horay ugu sugnaayeen xoolo dhaqato.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo la xariira dagaalkaasi.

Xaaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona xiisad u dhexeysa Soomaalida iyo Canfarta laga dareemayo halkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Cali Mahdi, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh?

0

Muqdisho-(Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta hooyga uu ka daganyahay magaalada Muqdisho waxa ay ku booqdeen madaxweynihii iyaga ka horeeyay ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Kulan saacado qaatay oo ay ku yeesheen seddaxdaas madaxweyne guriga Cali Mahdi ayaa waxaa la sheegay in ay uga hadleen xaaladda guud ee dalka iyo xayiraadii dhawaan garoonka diyaarada Aadan-Cadde loogu geystay Shariif Sheikh Axmed, xili uu ku wajahnaa magaalada Kismaayo oo uu uga qeyb gali lahaa caleemo saarka madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa kulankaas walina lama shaacin wax kasoo baxay oo ay si wada jir ah u soo saareen seddaxdaas masuul.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka socday kulamo kala duwan oo looga hadlaayay xaaladda Siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo ay wadeen siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, waxeyna kulamaan xoogeysteen wixii ka dambeeyay xayiraadii lagula kacay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Farmaajo iyo Beyle yaa runta sheegaya? Halka laga keenay LACAGTA lagu iibiyey safaaradda USA

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa dhawaan xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington.

Waxaa tan iyo furitaankii Xarunta Cusub ee Safaaradda Soomaaliya soo badanayey hadallada is khilaafsan ee kasoo yeerayo madaxda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayey Xafladda furitaanka ayaa sheegay in lacagta lagu iibiyey Safaaradda ay tahay mid ay aruurisay Dowladda Soomaaliya, isagoo ku kaftamay inay aruuriyeen lacagihii ay madaxdii hore u isticmaali jireen inay isku ridaan sida uu hadalka u dhigay, inkasta oo taas naftigeed ay madaxweynaha kusoo celineyso su’aal ah: miyaanay ahayn lacagtii dowladda tii lagu riday Jawaawi, Shariif Xasan, Xaaf?

Isla waqtigaas Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay $4.3 Milyan oo doollarka Mareykanka ah ku iibsatay dhismaha Safaarada cusub ee Soomaaliya ku yeelaneyso magaalada Washington.

Waxa uu sheegay in lacagta lagu iibiyey dhismaha laga bixiyey Miisaaniyadda xukuumadda federaalka ah ee sanadkan 2019, gaar ahaan ku noqoshadda oo ay wasaaradu ku soo dartay, wuxuuna hadalkaas noqday mid xoogaa ka duwan hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo.

Iyadoo uu jiro Khilaafkaas, ayuu haddan Wasiirka Maaliyadda Beyle sheegay hadal kale oo midkiisii hore kasoo duwan kadib wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Lacagta lagu iibiyey Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka bixisay Dowladda Qatar oo ah Dowlad saaxiib dhow la ah Dowladda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa keentay shaki badan oo ku aadan halka laga keenay lacagta lagu iibiyey Xarunta, waxaana jiro warar aan la xaqiijin oo sheegayo in qiimaha Safaaradda lagu iibiyey ay tahay 1.6 Million oo Dollarka Mareykanka ah halka Qasnadda Dowladda laga bixiyey lacag gaareyso ilaa 4.3 Million sida uu xaqiijiyey Wasiirka Maaliyadda.

Haddaba halkaan hoose ka daawo khilaafka hadalada Madaxweyna iyo Wasiir Beyle

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan DF oo ku baaqay in la gargaaro dadka GEDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro, xildhibaanno, aqoonyahanno, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa manta isugu yimid kulan gaar ah ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadlayeen xaaladda abaareed ee ku habsatay gobolka Gedo.

Masuuliyiintan ayaa baaq u diray dowladda Federaalka Soomaaliya, beesha caalamka iyo hay’adaha gar-gaarka bixiya, iyagoona ka codsaday in la gar gaaro shacabka reer Gedo oo muddooyinkii la soo dhaafay ay haysatay abaaro ku habsatay dadkii iyo duunyadii ku dhaqnaa halkaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal, ayaa ka dhawaajiyey in dadka daga Gobolka Gedo ay u baahan yihiin gar-gaar bani’aadannimo, maadaama ay soo food saartay xaalad aad u liidata.

“Waxa ugu horreeya ee loo bahaan yahay waxa ay tahay in dadkaan ay haysto abaarta foosha xun in lala gaaro biyo dhaamin si ay u noqoto dhiig joojin, waxaana sidoo kale baaq u dirayaa Jaaliyadda Soomaliyeed u ku dhaqan dalka dibaddiisa ee ka soo jeeda Gedo in gar-gaarkan ay qayb wayn ka qaataan” ayuu yiri wasiir Hilaal.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim, ayaa sidoo kale sheegay in ka wasaarad ahaan gacan muuqata ay ka gaysan doonaan dhibaatada ka jirta Gobolka Gedo, gaar ahaan dadka ka soo barakacay guryahooda ee ku dhibaataysan deegaanno hoos taga Gedo.

“Dadkaan dhibaataysan waxay u baahan yihiin in qof kasta waxa uu awoodo in uu soo la gaaro, dadkan waxa haysata waxaa ka mid ah calool xanuun oo ceelashii biyahooda ayaa is baddalay”, ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim.

Daahir Carab oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliya ayaa sheegay in cod dheer ay ugu sheegayaan dowladda Soomaaliya in dadkaas ay la gaaraan gar-gaar isugu jira raashin iyo biyo dhaamin, maadaama dadku ay dhibaato haysato dadka daga deegaannada uu ka kooban yahay Gedo.

Xildhibaan Carab ayaa madasha ka yiri “Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Gar-gaarka bixiya iyo cid kasta oo wax ka qaban karta dhibaatada haysata dadka daga gobolka Gedo waxaan ku baaqayaa in ay la gaaraan biyo dhaamin iyo sidoo kale raashin ay cunaan”

Saddexdii sano ee la soo dhaafay gobolka Gedo waxaa kaa taagnaa Abaaro salfatay dadkii iyo duunyadii waxayna baaq u direen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ganacsatada shirkadaha iyo hay’adaha caalamiga ah iyo cid kasta oo ka jawaabi karta baaqooda.

Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland oo lagu xanibay garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii laba jibaartay cadaadiska ay ku heyso Maamulka Jubbalanad, waxaana garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho lagu xayiray Agaasimayaal ka tirsan Maamulkaas.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa Galabta Garoonka lagu xayiray Agaasimayaasha Cadaaladda, Gaarsoorka, Waxbarashada iyo Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Maamulka Jubbalanad.

Agaasimayaashaan oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa doonayey inay dib ugu laabtaan Magaalada Kismaayo balse sida aan xogta ku helnay waxaa loo sheegay inaysan aadi karin Kismaayo.

Diyaaradii ay raaci lahaayeen Agaasimayaasha ayaa Galabta ka tagtay, waxaana si cad loogu sheegay inaysan u safri karin Magaalada Kismaayo, waxayna arrintaan qeyb ka tahay cadaadiska lagu hayo Maamulka Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qabsaday Doorasho aysan raali ka aheyn Dowladda Dhexe.

Cadaadiska lagu hayo Jubbaland ayaa sii badanayo tan iyo markii 31-kii August 2019 Garoonka Muqdisho lagu xiray Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan kaasoo lagu eedeeyey inuu galay dambiyo ka dhan ah Bini’aadanimada.

Dhawaan ayey aheyd markii Dowladda Soomaaliya ay joojisay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray Magaalada Kismaayo inkastoo Shalay dib loo fasaxay, waxaana taas kasii horeysay Xayiraad la saaray Diyaaradihii tooska u tagi jiray Kismaayo oo lagu qasbay inay soo maraan Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay ku tumaneyso Sharciga isla markaasna ay si qaldan u adeegsaneyso awoodda Dowladnimada, wuxuuna sheegay inuu qaadan doono go’aano culus haddii aysan Dowladda Dhexe joojin cadaadiska ay ku heyso maamulkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoomiye Iimaan Cadow Kaarshe oo aad ugu dhow Axmed Madoobe oo lagu qabtay garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda naga soo raaya garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas lagu hayo guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo Iimaan Cadow Kaarshe, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku sugan garoonka.

Iimaan Cadow Kaarshe ayaa waxaa laga reebay diyaarad u socotay magaalada Garbahaarey oo uu garoonka ka raaci lahaa, waxaana u yimid ciidamada amniga oo siiyey warqad ay u ku qoran yihiin amaro sheegayo in laga doonayo saldhig ku yaalla garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in Iimaan Cadow hadda lagu hayo laguna wareysanayo saldhiggaas, mana cadda waxa lagu haysto ee duulimaadka loogu reebay.

Iimaan Cadow Kaarshe ayaa ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo dowladda ay dagaal siyaasadeed xooggan kula jirto, waxaana ay u badan tahay in tani ay qeyb ka tahay dagaalkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa 31-kii August 2019 waxay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka qabatay wasiirka amniga Jubaland, kaasi oo lagu xiray magaalada Muqdisho wuxuuna illaa iyo hadda ku jira xabsiga hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA.

Go’aankii ay dowladda Soomaaliya ugu qasabtay dhammaan duulimaadyada tegaya iyo kuwa kasoo baxay Kismaayo inay soo maraan Muqdisho, ayaa u sahlay in xubno badan oo ka mid ah maamulka Axmed Madoobe ay soo maraan Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]