25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

KHAYRE oo si qarsoodi ah Muqdisho ugula kulmay WAFDI ka socday KENYA

0

Muqdisho (Caasmida Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan qarsoodi ahaa oo xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre uu la qaatay wafdi ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo shalay soo gaaray Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhexmaray Ra’iisul wasaaraha, kaaliyaha wasiirka arrimaha Dibadda Kenya, Ababu Namwamba, agaasimaha nabadda iyo amniga ee wasaaradda, John Kilonzi iyo Danjiraha Kenya ee Soomaaliya Gen. (Rtd) Lucas Tumbo.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka lagu soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin xiriirka sii xumaanaya ee labada dal iyo kiiska Badda.

Ababu Namwamba ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ki yiri “Wada hadal ayaa la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan ka wada hadalnay arrimaha labada dhinac oo dan u ah Kenya iyo Soomaaliya.”

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda, gaar ahaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo ku aadan shirkaasi.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aan wanaagsaneyn, kaas oo ka dhashay kiiska Badda oo ay haatan dawacdiisu hor taallo ICJ.

Lama oga kulankan qarsoodiga ah waxa hadda ku soo beegay, iyadoo xiisada labada dal ay tahay mid kacsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gulufka Muqdisho: DF oo wajaheysa halis ay ayada gacmaheeda ku keensatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa ka bilaawday guluf siyaasadeed oo xoog leh, kaas oo ka dhan ah qorshaha dowladda Soomaaliya ee madaxda qaranka dalka ku maamulaan.

Gulufkaan siyaasadeed waxaa hormuud u ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana qayb ka ah wasiiro daaha gadaashiisa ku sugan iyo Xildhibaano ka tirsan 2-da gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Isbaheysi siyaasadeed oo shalay looga dhawaaqay Muqdisho, kaas oo ay ku mideysan yihiin inkabadan 10 Xisbi, ayaa durba walaac ka abuuray xafiisyada dowladda Soomaaliya.

Villa Somalia ayaa la sheegay in looga yeeray hoggaamiyaal Xisbiyo, kuwaas oo la dhacsan dowladda Soomaaliya islamarkaana gaashaan u ah Xukuumadda waxaana la filayaa in maalmaha soo socda arintaan ka hadlaan.

Durba waxaa bilaawday warar sheegaya in Xisbiyada la dhacsan Xukuumadda ay billaabeen qorshe ay sharci darro uga dhigayaan Isbaheysigii shalay looga dhawaaqay Muqdisho.

In Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed hogaamiyaan xisbiyo siyaasadeed waa fariin muujineysa in dowladda Soomaaliya ay wajaheyso culeesyo siyaasadeed kuwii ugu adkaa muddo 3 sano kadib.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ma aheyn mucaarad dowladda dhaliila ama sameeyo shirar ka dhan ah waxaase la’aaminsan yahay in dowladda ay sabab u noqotay in uu sii kordho mucaaradkeeda.

Dhamaan dadka aan la dhacsaneen shaqada dowladda, waa siyaasiin ay fogaysay kuwaas oo qaarkood ku jira hay’adaha dowladda Soomaaliya, sida Baarlamaanka iyo kuwa kale oo ku sugan daaha gadaashiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Saciid Deni oo shaaciyey sababta uu u diiday shirka madasha iskaashiga Somalia

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey sababta uu maamulkiisa u qaadacay shirka madasha iskaashiga ee ka socda magaalada Muqdisho.

Siciid Deni ayaa sababta ay Puntland uga qeyb geli weysay shirkaasi ku sheegay in aan laga talo gelin, islamarkaana ay ajandaha shirka ku arkeeyn kaliya baraha bulshada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka war hayaan Warsaxaafadeedka laga soo saari doono shirkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa soo hadal qaaday khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in maamulkiis uu diyaar u yahay wadahadal.

“Waxaan fahmayaa in dada aan wax ka ogeyn waxa jira ay aqbalaan wixii loo sheego,waxaan diyaar u nahay inaan dowladda federaalka la furno wada-hadallo Toos loo daawado si Bulshada u ogaato wixii aan isku heyno loona xaliyo ayuu yiri.” Deni.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Puntland iyo Jubbaland ay qaadaceen shirka madasha iskaashiga Soomaaliya, kaas oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 50 dowladood, waxaana diirada lagu saarayaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo cadaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

U daacad ahaanshaha Villa Somalia ee Lafta-gareen oo gaartay heer aan la fileyn

Baydhaba (Caasimada Online) – Waxay aheyd xaalad la filayay in magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay iyo guud ahaan Koonfur Galbeed Soomaaliya ay noqdaan degaano ka mamnuuc ah shirarka siyaasadeed ee dowladda looga soo horjeedo, balse dad badan ayaan aaminsaneyn in uu heerkaan gaari doono.

Caburin, handadaad iyo Xarig joogto ah ayey wajahayaan shacabka ku nool Baydhabo ee aan la dhacsaneen qorshaha dowladda Soomaaliya ee xaalada dalka.

In kabadan 10 qof, oo isugu jira siyaasiin, saxafiyiin iyo qaybaha kale ee Bulshada ayaa hada Baydhabo ugu xiran hadalo ay dowladda uga soo horjeedaan oo ay Baydhabo ka sheegeen iyo kuwa abaabulayay shirar lagu taageerayo Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale qaar kamid ah dadka xiran ayaa loo heestaa qoraalo ay ku dabaceen bogga ay ku leeyihiin Facebook, halka qaarkoodna loo xiray sawir ay saarteen Profile-ka Facebook-gooda, sawirkaas oo ah Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur.

Dhinaca kale magaalada Baydhabo iyo Guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa u muuqda in ay gacanta u galeen koox ka amar qaadata Villa Somalia, waxaana Golaha Wasiirada, Xildhibaanada, iyo Saraakiisha Ciidamada lagu amray in aysan Warbaahinta ka hadli karin fasax la’aan.

Tani waxay aheyd rabitaanka dowladda Soomaaliya waana sababta ay u gelisay malaayiin lacag ah xiligii ay socotay doorashadii Koonfur Galbeed, sanadkii hore ee 2018.

Si kastaba, marnaba lama fileyn in u daacad ahaanshaha Villa Somalia ee madaxweyne Lafta-gareen ay gaarto heer xitaa qoraallada facebook la kormeero.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faysal Cali Waraabe: Naftii Siyaad Barre ayaa gashay Farmaajo kadib markii uu…

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlaya Sawir uu Farmaajo uu la galay Korneyl Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaano ‘Korneyl Tuke’.

Korneyl Tuke, oo ahaa Sarkaal horey uga tirsanaa ciidamadii militariga ee Xukumaddii Maxamed Siyaad Barre, ayaa maxkamad Mareykanka ku taal ku heshay inuu uu dad rayid ah ku dilay magaalada gabiley ee deegaanada Somaliland

Guddoomiye Faysal ayaa kulankaasi uu Farmaajo la qaatay Kornayl Tuke ku tilmaamay mid uu ku dheel-dheelayo dadweynaha reer Somaliland, maadama uu sawir la soo galay shaqsi ay maxkamadi ku heshay inuu xasuuqay dad reer Somaliland ah.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dib u soo nooleynayo Siyaad Barre, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Wuxuu markii hore xoogiisa saaray inuu Somaliland Curyaamiyo isagoon lahayn awood uu ku curyaamiyo, Maantana Tuke oo dadka nolosha ku gubayey(inuu Farmaajo sawir la soo galo) waxay ina tusaysaa laba Arrimood”.

“Mida koowaad waxa weeyaan innaga ayuu innagu dheel-dheelayaa oo uu leeyahay waxaad tihiin ma jirto, ta labaad, wuxuu ku dheel-dheelayaa Raggii isagoo 21 Maalmood joogay doortay ee yidhi Madaxweyne noqo, kuwaasi oo uu haddana Shalay u diidayey inay Kismaayo tagaan, markaa Dadka aan jirin waa labadeenaa qolo, Dadkeenii baa la xasuuqay”.

Wuxuuna intaas kusii daray Faysal Cali “Farmaajo waxa gashay naftii Siyaad Barre, wuxuuna leeyahay waanu soo noqonay oo waanu idin ciqaabi doonaa”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaleeceyn weyn kala kulmay Siyaasiyiin caan ah iyo baraha bulshadaba, sawirkaasi uu la soo galay Korneyl Tuke, taasi oo dad badan u arkaan in uu Farmaajo dib u xan-xanteynayo boogaha dadkii uu xasuuqey kornaylku.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

Xidig oo si kulul uga hadlay kiiska nabaddoon u xiran maamulka Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xidig oo sheegta in taageerayaashiisa ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland ayaa cambaareyey xarigga Nabadoon Cabdi Colow oo maalintii labaad u xiran maamulka Axmed Madoobe.

Xidig ayaa sheegay in Nabadoon Colow uu ka mid yahay xubnaha isbedalka doonka Jubbaland, islamarkaana uu si aad ah u dhaliili jiray Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xariggiisa uu sharci darro yahay, islamarkaanay qoraalkan ay gaarsiiyeen UN-ka, dowladda federaalka iyo dhammaan hey’adaha ay khuseyso.

“Nabadoon Abdi Olow oo kamid ah Nabadoonada ree Jubaland ee u ololeeya isbedelka sida xoogana u dhaliila maamulkii hore ee Jubaland :Qoraal ayaan gaar siinay xafiiska xuquuqul insaanka ee UN, Taliska booliska Jubaland, Dowlada Federaalka iyo Dhamaan heyadaha ay khuseyso ayuu yiri.” Xildhibaan Xidig.

Nabadoon Cabdi Colow oo heysta dhalashada dalka Canada aya habeen hore gurigiisa waxaa kala baxay ciidanka Jubbaland, kuwaas oo ku xiray xabsi ku dhow hoygiisa.

Tan iyo markii ay dhacday doorashadii muranka dhalisay ee dib loogu doortay Axmed Madoobe waxaa gudaha magaalada Kismaayo ka taagnaa xiisado u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo garabka macaaradka oo si weyn u dhaliilsan maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

 

Sawirro: XAAF oo ku biiray shirka madasha iskaashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo markii hore diidanaa shirka madasha iskaashiga Soomaaliya ayaa ugu dambeyn maanta ku biiray shirkaasi oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo galay maalintiisii labaad ayaa waxaa sidoo kale maanta tegay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo lagu wado inuu xiro shirkaasi.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galaya guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish, Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Waare.

Madasha iskaashiga oo sanadkan markii ugu horreysay lagu qabanayo Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay in ka badan 50 dolwadood oo daneeya arrimaha Somalia.

Intiisa badan kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo cadaaladda.

Gagabagada shirka oo galabta la soo xiri doono ayaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed ay isku raacsan yihiin dhammaan xubnaha ka qeyb galaya shirkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxkamadda ciidamada oo xukuntay askari dil ka geystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa saaka xukun adag oo dil toogasho ah ku riday askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo horay askari kale ugu dilay gudaha magalaada Muqdisho.

Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari.

Baaritaanka Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa qaatay waqti dheer maadaama xilliga uu dhacca geysanayay ay aheyd xilli dambe oo habeen ah, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta usoo gudubtay Eedda eedeysanaha  20-kii July Sanadkan.

Xilligaaas ayuu Codsaday Xafiiska In loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Xafiiska oo wixii xilligaas ka dambeeyay isku howlay aruurinta Xogta la xiriirta sida ay wax u dhaceen ayaa  ugu dambeyn codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Sedaxda bishii ina dhaaftay ee September.

24-kii September ayaa loo ballamay fadhiga Maxkamadda waxaana ugu horreynba  loo jeediyaya eedeysane Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen eed ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalab Sida, waxaana eedeysanaha la weydiiyay jiritaanka eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa fursad loo siiyaya   soo bandhigidda Cadeymaha la xiriira Qodobada ay kusoo eedeeyeen oo ka koobnaa Dil iyo Dhac.

Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor aqriyay Qiraalka eedeysanaha uu ka qoray Garsoorka Ciidamada Qalabka  Sida kaas oo  uu eedeysanaha ku cadeystay in xilliya kala duwan uu  dhac ka geystay degmada  Waabari, waxa ay sidoo kale fadhiga Maxkamadda  xafiiska Xeer Ilaalinta horkeeneen Dhibane uu eedeysanaha ka qaatay Teleefoonkiisa gacanta.

Wax yaaba kale oo ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta waxaa kamid ah intii ay socotay dhageysiga dacwadda laba markaati oo iyagana ka marag kacay in Eedeysanaha uu xabado ku furay Ilaaladii Boliiska iyo dhibanaha taasi oo ugu dambeyn sababtay Geerida Ex. Dalbe Boliis Jamaal  Abuukar Jiinow.

Cadeymaha kale ee la horkeenay Maxkamadda waxaa kamid ah Qorigii uu dhacca ku  geystay oo nuuciisu ahaa AK-47, Sawirka Marxuumka iyo Warqadda dhakhtarka ee cadeynta Dhimashada.

Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta Qodobada ay kusoo eedeeyeen maadaama eedeysanaha uu caadeystay dhacca dadweynaha iyo u bareeridda in uu nolosha dhaafiyo mid kamid ah ciidamada loogu tala galay in ay ilaaliyaan xuquuqda Shacabka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in  Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen uu  iska difaacayay xabado ay kusoo rideen Ciidamada Boliiska, Sidoo kale uusan ku tala gelin dilka Marxuumka, waxa ayna Garsoorayaasha weydiisteen in laga qaado diyo.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan kasoo saartay Eedda loo heysto Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur  Xuseen waxa ayna ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Ex Dable Boliis  Jamal Abuukar Jiinow sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku eg 30-cisho xukunka Kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso: Warqaddii uu Axmed Madoobe u diray Farmaajo iyo 7-dii qodob ee ku qornaa

0

Kismaayo (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay xaafiiska Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa looga hadlay shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyo mowqifka uu ka taaganyahay maamulka Jubbaland.

War-saxaafadeedka oo lagu cadeeyay in ay ogyihiin Ra’iisul Wasaare Kheyre, guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa lagu socod siiyay Madaxweyne Farmaajo, kaas oo Axmed Madoobe uu uga cudur-daartay casuumaad uu sheegay in ay uga timid madaxweyne Farmaajo.

Waxaa lagu sheegay qoraalka Jubbaland in madaxweynaha Jubbaland uu Farmaajo uga mahad celinayo marti qaadkiisa ku aadan kasoo qeyb galka shirka ka socda Muqdisho, iyadoo war-saxaafadeedka lagu cadeeyay todoba qodob oo ay Jubbaland ku diidayso ka qeyb galka shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya.

Todobada qodob oo ay sheegtay Jubbaland in ay u cuskaneyso diidmada ka qeyb galkeeda shirka ayaa kala ah:

1 – Shuruucdii dalka u taalay oo si barer ah loogu tumanayo.

2 – Ka tala geli la’aan dhanka Ajandaha ah iyo doorkii maamul goboleedyada oo maqan, taas oo ay eheyd in laga wada shaqeeyo inta aan la gaarin waqtiga shirka.

3 – Wada shaqeyn la’aan wiiqday howlihii dalka iyo laamaha heerarka kala duwan ee dowladnimada dalka.

4 – Iyadoo shirkii Brussels qodobadii kasoo baxay aan wali la fulin, aysana sax aheyn shirar aan go’aamadooda la fulineyn.

5 – Hoggaanka sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya uu ku fashilmay isku wadida dadka iyo dalka, lumiyayna kalsoonidii saamileydii siyaasadda.

6 – Jiritaan la’aan golayaal lagu lafaguro arimaha masiiriga ah ee dalka.

7 – Iyadoo aanay jirin hey’adihii awooda u lahaa kala saaridda wixii xeerar ah ee la isku qabsado sida maxkamadda dastuuriga ah ee dalka.

“Sidaa darted mudane madaxweyne, maadaama ay jiraan sababaha kor ku xusan isla markaana aan marar badan ka dignay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii aan xal loo helin arimahaas, waxaa nasiib darro ah in maanta ay saameyn toodu muuqato”ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalka caawa kasoo baxay xaafiiska Madaxweynaha Jubbaland.

Caasimada Online
Xaafiiska Kismaayo
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay taliye ku-xigeenka ciidanka booliska

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa beddalay Taliye Kuxigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Siciid Axmed Kadiye.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta laamaha ammaanka ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo caawa oo Talaado ah 01-da, Oktoobar 2019.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo wafdi u direysa caleemo saarka Axmed Madoobe

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa wafdi u direysa magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland si ay uga qeyb galaan caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe, sida uu shaaciyay Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay xukuumada Muuse Biixi u diyaarisay Wafdi ka kooban lix xubnood, si ay uga qeyb galaan caleema saarka Axmed Madoobe.

Faysal Cali ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay garab taaganyihiin maamulka Axmed Madoobe, isla markaana ay hambalyeenayaan waxkasta oo ay qabsadaan.

Faysal Cali Waraabe ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey inay caleema saarkaasi u tagayaan sidii ay u socod-siin lahaayen qadiyada Somaliland ee gooni isu-taagooda, isagoona xusay in wafdigoodu ay diyaar ahaayeen mar hore, balse ay saameysay hakintii duulimaadyada Kismaayo ee DF Soomaaliya.

“Waanu diyaar gareynay ilaa lix reer Somaliland ah ayey tikidhadooda diyaar yihiin, oo rabay inay baxaan 25-kii bishan, balse dib u dhacay, waana la tagaya” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Wuxuuna intaas kusii daray “Soomaaliya waa qabaa’il waana 4.5, waa in aynu ka sameysano meelo yar oo qadiyadeena, waanuna ka hadleyna oo saaxiibo ayaanu ka sameysaneynaa, anaguna waxaan u tageyna qadiyadayada”.

Somaliland ayaa u aragta fursad wanaagsan oo danaheeda kaga faa’iideysan karto khilaafka xoogan ee ka dhex aloosan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee ka dhashay dib u doorashada Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

GUULEED oo caddeeyey mowqifkiisa ku aadan madasha looga dhowaaqay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Galmudug iyo wasiirki hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa soo dhoweeyey madal siyaasadeedka cusub ee maanta looga dhowaaqay magaalada Muqdisho.

Madasha Xisbiyada Qaran (Forum for National Parties) oo maanta dhidibada loo taagey, ayaa waxaa ku jira xisbiyo ay ka mid yihiin UPD, Himilo Qaran, Wadajir, Ileys iyo kuwa kale.
Guuleed ayaa qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay ku yiri “Waxaan soo dhaweynaa dhaq-dhaqaaq waliba oo dhiira-galinaya nabadda iyo dimuqaraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya ka hana qaaday  ayadoo ay jirto shaki weyn oo laga qabo qabasoomidda doorasho leh hufnaan iyo hanaan wadar-ogol ku salaysan oo dhacda sanadka 2021da.”

Waxa uu intaas ku daray “Si gaar ah waxaan u soo dhaweynaa Madasha Xisbiyada ee maanta looga dhawaaqay Muqdisho, waxaana la qabaa walwalka ay ka muujinayaan kartida iyo bisaylka madaxda dowladda ay u leedahay gardaadinta iyo qabashada doorasho hufan oo caafimaad qabta.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xisbiyada siyaasadeed ee dalka oo Muqdisho kaga dhawaaqay MADAL cusub

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa si rasmi ah Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Madal ay ku bahoobeen xisbiyo siyaasadeed oo kasoo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ay hormuud ka yihiin xisbiyada ay hoggaamiyaan madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in la sameeyey Midow Madal ah Isbaheysi siyaasadeed oo ka wada shaqeyn doonta sidii loo xoojin lahaa dimoqraadiyadda iyo xaqiijinta doorasho dalka ka dhacda 2020 – 2021.

Xisbiyada Midoobay ayaa kala ah:

1) Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Shiikh ee UPD

2) Xisbiga uu hoggaamiyo Shiikh Shariif ee Himilo Qaran

3) Xisbiga Horusocod oo ay hoggaaminayaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdiweli Cali Gaas

4) Iyo Xisbiga NDP oo ay hoggaamiso Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam oo horay u soo noqotau Ra’iisul Wasaare Kuxigeen iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda.

Madashan waxaa ka dhex muuqday xildhibaannada kasoo jeeda labada gole ee kala taageersan madaxweynayaashii hore waxaana looga dhawaaqay in qaab dhismeedka Madashada uu noqon doono hoggaanka sare ee Madasha oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha xisbiyada iyo Golaha xoghayeyaasha xisbiyada.

Madasha ayaa waxaa Afhayeen looga dhigay  Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ahaa xildhibaan hore.

Waxaa la sheegay inay socdaan wadahadallo Madasha lagu soo biirinayo xisbiyo badan oo qaarkood ka caga-jiideen, waxaana lagu wadaa in war-saxaafadeedyo kale ay soo baxaan.

Shirka looga dhawaaqay madashaan ayaa wuxuu Muqdisho ka socday muddo 3 Maalin ah waxaana Maanta lagu soo gabagabeeyey guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Zakiya oo shaacisay inta ay xirnaanayaan jidadka Xamar

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Booliska Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saaray jidadka xiran ee Muqdisho iyo inta maalin oo ay xirnaan doonaan.

Taliye ku xigeenka Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa qoraal ay barteeda Facebook kusoo qortay ku sheegtay inay Shacabka Soomaaliyeed dulqaad muujiyaan inta ay xiran yihiin jidadka Muqdisho oo loo xiray arrimo Ammaan.

Waxay Taliye ku xigeenka sheegtay in jidadka Muqdisho loo xiray Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya Somali Partnership Forum dartiis iyadoo xustay inay jidadka xirnaan doonaan inta uu shirkaan socdo.

” Wargelin; Shacabka G/Banadir waxaa si sharaf leh laga codsanayaa inay inoo dulqaataan intuu socda shirka caalamiga ah ee Somali Partnership Forum oo dartiisa loo adkeeyay isku socodka baabuurta magaalada. Waxaa idiin diyaarinay Ambulance gurmad dag dag ah idinku adeegno. Hadii aad u baahatid gurmad caafimaad dag dag fadlan wac 991 kana codso ciidanka boliiska. Hormarkeena waxuu ka dhashaa wadashaqeyntena” ayey tiri Zakiya.

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya Somali Partnership Forum oo Maanta Muqdisho ka furmay ayaa socon doono muddo laba Maalin, waxayna taas ka dhigan tahay in jidadka Muqdisho ay xirnaan doonaan Laba Maalin oo Maanta ka bilaabatay.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkan ay ka qeyb illaa 50 dowladood.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin dhowr ah, sababo ku aadan shirka labada maalmood ka socda magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

JUBBALAND oo war kasoo saartay shirka MUQDISHO

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Maamulka Jubbaland ee Hoggamiyo Madaxweynaha dib loo doortay Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka horyimid shirka Maanta Magaalada Muqdisho ugu Furmay Dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka.

Wasiirka Maaliyadda Jubbaland C/rashiid Jirre Qalinle oo Warbaahinta Maanta kula hadlayay Magalada Kismaayo ayaa sheegay in habka Maamulka Jubbaland shirkaasi loogu marti qaaday uu yahay mid qaldan,isla markaana aysan ka qeyb-galeen.

Waxaa uu sheegay in marka aysan jirin casuumaad rasmi ah oo loo soo diray Jubbaland,hayeeshee Baraha Bulshada kaliya ay ka arkeen casumaada Wasiirka Maaliyadda,hayeeshee ay aheyd in la casuumo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

“Marka Koowaad casuumaada la soo diray mid toos ah ma aheyn baraha bulshada ayaa ka aragnay, mida labaad Casuumaada Xafiiska ay ku habooneyd lama soo marsiin, Madaxweynayaal ayaa la casuumay, in Jubbaland la dhaho Wasiir baa la casuumay waa qalad oo la dhaho Wasiirka Maaliyadda la casuumay oo matali doono arrin sax ah ma ahan” ayuu yiri wasiir Qalinle.

Waxaa uu sheegay in aanay waxba ka qabsoomin waxyaabihii lagu heshiiyay shirarkii hore ee ka dhacay London sanadkii 2017 iyo kii ka dhacay Brussels sanadkii hore 2018, isagoo intaa ku daray in shirka SPF ee ka furmay Muqdisho aanu ogeyn waxa lagu heshiin karo iyadoo aan loo dhammeyn oo maamul goboleedyadii oo idil aanay ka qeyb galeyn.

Si kataba hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Maamliyadda Maamulka Jubbaland ee ku aadan inay qaadaceen Shirka Madasha Iskaashiga ee Muqdisho ka furmay ayaa kusoo aadaya xilli Puntland dhankeeda ay qaadacday Shirkaaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Shir xasaasi ah oo ka socda Muqdisho iyo isbaheysi cusub oo lagu dhowaaqayo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shir xasaasi ah ayaa iminka ka socda guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo ay leeyihiin xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhammaan guddoomiyayaasha xisbiyada siyaasadda ee ugu miisaanka culus dalka.

Shirkan ayaa qeyb ka ah shirar saddexdii maalin ee ugu dambeeyey Muqdisho ka socday, oo ay yeelanayeen qaar ka tirsan madaxdii dalka soo maray iyo Xisbiga Siyaasadda ee Soomaaliya.

Madaxda kulamadaas u socday ayaa isku raacay in la dhiso isbaheysi Siyaasadeed ama Kudlad siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadeed, kaasi oo la filayo in maanta lagu dhowaaqo.

Xisbiyada kudladaas ku midoobay ayaa kala ah Wadajir, Himilo Qaran, UPD, Ilays iyo kuwa kale, waxaana la filayaa in bayaan wadajir ah ay soo saari doonaan.

Midowga Xisbiyadaan ayaa waxay u muuqdaan inuu yahay mid loogu diyaar garoobayo Doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo 2020/21.

La soco wixii kasoo kordho kulankaas oo la filayo in saacado kadib lasoo gabagabeeyo.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xariga Cabdirashiid Janan oo bil jirsaday – Maxaa ka socda daaha gadaashiisa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin Axad ah, 1-da September 2019, ayay ahayd markii uu si rasmi ah u soo shaac-baxay in Cabdirashiid Janan, wasiirka Amniga Jubbaland laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Qabashadiisa ayaa timid markii diyaaradaha tegaya/kana soo baxaya Kismaayo lagu amray in ay soo maraan Muqdisho. Janan oo ka yimid Doolow ayaa la sheegay inuu kusii jeeday Addis Ababa, magaala madaxda Itoobiya.

Booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saacado kadib shaaciyey in Janan “loo haysto dambiyo culus” isla markaana baaritaano la xiriira eedeymahaasi ay ku sameyn doonan kadib cadaaladda [maxkamad] uu wajihi doono.

Maamulkiisa oo fal-celinta koowaad shaki geliyay xaqiiqadda ayaa kadib aad u cambaareeyay falka lagula dhaqaaqay mas’uulkan xasaanadda huwan, waxayna ku sifeeyeen qabashadiisa “afduub baalmarsan dastuurka dalka”.

Xariga Janan oo bil-jirsaday ayaa holac kusii shiday khilaafka siyaasadeed ee Villa Soomaaliya iyo Kismaayo kaasoo salka ku haya madaxtinimadda Axmed Madoobe iyo doorashadda dowlad goboleedkaas.

Bil kadib maxaa daaha gadaashiisa ka socda

Sidda ay dhigayaan shuruucda caalamka iyo midka dalka u yaala, muwaadinka waxaa waajib ah in muddo ku suntay 24-saacadood maxkamad lagu soo taago ama dacwad lagu soo oogo laga bilaabo marka lasoo xiro.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo soo dhaweysay xariga Janan kuna eedeysay “dambiyo caalami ah” ayaa codsatay in si degdeg ah loo maxkamadeeyo.

Bil kadib, laamaha ammaanka federaalka wali si rasmi ah ma aysan u shaacin dacwad ka dhan ah Janan si lamid ah maxkamad lama soo taagin, taasi oo wariyeyaasha ama dadweynaha ay ka qeybgaleen.

Iskaba daa in dacwad lagu soo oogo, xeer-ilaalinta qaranka ayaa bishii April ee sanadkan ku dhawaaqday in Janan aanan loo haysan wax dacwad ah, isla markaana lagu waayey eedeymihii loo haystay.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa Villa Soomaaliya lasoo sameysay xiriiro dhowr ah si ay faah faahin dheeraad ah uga heshay sababta lagu haysto Janan, oo kamid ah wasiiradda ugu muhiimsan dowlad goboleedkaas.

Odayaal ka socda Beesha Janan ayaa dhowr jeer tegay Madaxtooyadda Qaranka ee Muqdisho, iyaga oo doonaya in ay qaboojiyaan xiisadda isla markaana ay xorriyadiisa u soo celiyaan Wasiirka xiran.

“Xarig siyaasadeysan”

Injineer Cabdi Xuseen, wasiirka warfaafinta Jubbaland, ayaa warbaahinta u sheegay in xariga Janan uu yahay mid siyaasadeysan, wuxuuna ka digay cawaaqib xumo ka timaada.

Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland, ayaa sheegay in Janan lagu haysto “burburi Jubbaland” soo jeedintaasi oo ka timid dowladda Farmaajo, “balse uu ka diiday”.

Warar xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in xukuumadda federaalka ay shuruud uga dhigtay sii deynta Wasiir Janan dhowr arrimood oo ay kamid tahay in dib loogu laabto doorashadda Jubbaland ee qabsoontay 22-kii August.

Dhowr illo wareed ayaa GO u dusiyey in Wakiiladda Beesha Caalamka ay bilaabeen waan-waan ay ku kala dhex-gelayaan Jubbaland iyo dowladda federaalka, isku daygaas oo natiijadiisa aysan wali kala caddeyn.

Talaabooyinka dowladda kadib xariga Janan

Kadib qabashadda Janan, mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan maamulka Kismaayo ayaa “lagu cusriyeyadeeyay looguna hanjabaday” madaarka Aadan Cadde, talaabadaas oo qayb ka ah cadaadiska dowladda saareyso Jubbaland.

Xayiraad dhanka socdaalka ah taasoo sii xumeysay xaaladaha bini’aadanimo ee ka jira degaanadda Jubbaland ayay kusoo rogtay Kismaayo xili Axmed Madoobe uu ka digay sii socoshahada “go’doominta maamulkiisa”.

Go’aankan ayaa la sheegay in ujeedkiisu ahaa baajinta caleema saarka Axmed Madoobe loo qorsheeyay 26-ka September balse ay dib uga dhacday.

Madaxweynihii 7aad ee dalka, Sheekh Shariif Axmed, ayaa laga hor-istaagay in uu u socdaalo Kismaayo si uu kaga qeybgalo munaasabadaas. Talaabadan ayaa aad loo cambaareeyay waxaana lagu sifeeyay “xadgudub dastuuri ah”.

Xisbiyo iyo siyaasiyiin ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay “hub siyaasadeed u adeegsaneyso” maamulka hawada dalka, waxayna ku tartarsiiyeen in ay ka baaqsato “falalka dhaawacaya midnimadda Umadda”.

Warbixinadda kale ayaa qeexaya in dowladda federaalka ay qaar kamid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa Jubbaland oo ay ku jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano, waxay kala laabatay Baasaboorada diblumaasiga.

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, Iimaan Cadow Karshe oo Muqdisho ugu sugan howlo caafimaad iyo shaqooyin, ayaa laga celiyay garoonka, isaga oo loo diiday in uu ka dhoofo Shilinka.

Xigasho: Garowe Online

Shirka madasha oo furmay iyadoo ay ka maqan yihiin Jubbaland iyo Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya ayaa goor dhow si rasmi ah uga furmay gudaha magaalada Muqdisho.

Shirka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa daah-furay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya in ka badan wakiilo ka socda 50 dowladood, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qaar ka mid ah madaxda maamullada dalka.

Wararka ayaa sheegaya in shirka oo haatan furmay aysan ka qeyb galeynin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Siciid Deni ayaa qaadacday shirkan, halka Axmed Madoobe aysan dowladdu ka casuumin shirkaasi, maadaama uu kala dhexeeyo khilaaf ka dhashay doorashadii lagu doortay.

Shirka iskaashiga Soomaaliya oo ah mid heer caalami ayaa soconaya maanta iyo beri, iyadoona diirada lagu saarayo Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda iyo Cadaaladda.

Waa markii ugu horreysay oo shirkan lagu qabanayo gudaha magaalada Muqdisho, iyadoona horay loogu qaban jiray dalalka qaaradda Yurub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

DENI oo shuruud la xariirta Axmed Madoobe ku xiray ka qeybgalka shirka madasha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa qaadacay shirweynaha caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya, kaas oo maanta ka furmaya magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Deni ayaa shuruud adag ku xiray ka qeyb galka shirkan, isagoona dalbaday in lagu casuumo Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland, Axmed Madoobe.

Shirkaasi ayaanan lagu casuumin, Axmed Madoobe, balse Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladdu ay shirka ku marti qaaday wasiirka Maaliyadda Jubbaland.

Sidoo kale waxaa shirkan ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, kuwaas oo xiriir wanaagsan la leh dowladda dhexe, halka Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo dhowaan ku dhawaaqay inuu ka baxay heshiiska uu la galay dowladda ay u badan tahay inuusan ka qeyb galin shirkaasi.

Shirka iskaashiga Soomaaliya oo ah mid heer caalami ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya in ka badan 50 dowladood oo ka mid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Arrimaha looga hadlayo shirkan oo markii hore lagu qaban jiray dalalka Yurub ayaa waxaa ka mid ah Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda iyo Cadaaladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Iimaan Cadow Kaarshe oo weli ku xayiran Muqdisho iyo ujeedkiisa oo la ogaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, Iimaan Cadow Kaarshe oo sheegay in maalmahanba uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho oo uu hawla caafimaad u joogay ayaa BBC-da u xaqiijiyay in loo diiday in uu ka dhoofo caasimadda.

Guddoomiye Iimaan ayaa sidoo kale sheegay in uu hawlo u joogay Muqdisho oo ay kamid yihiin sidii uu dowladda, xildhibanaada iyo waxgaradka uga la hadli lahaa abaaraha ka jira magaaladii uu ka yimid ee Garbahaarey, wuxuuna intaa raaciyay in laga soo celiyay garoonka diyaaradda ee Aadan Cadde.

“Waa run, in garoonka la iga celiyay, waxaa dhacday markii aan garoonka galayay in wiilal askar ah ii diidaan in aan diyaaradda raaco, oo ay iga soo celiyaan, waxay ay ii sheegen oo dembi ah oo aan galay oo i qanciyana wali ma hayo, haddii aan iri yaa I heystana waxay igu yiraahdeen anagu waxaan nahay xafiiska nabadsugida ee garoonka, amarkana waxaa nalaga siiyay xafiiska naga sareeya ee nabadsugida, in aad bixin oo bixitaanka aadan u fasaxnayn baa la nalagu amray ee Magaalada ku noqo”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in uu isku dayay in uu ogaado cida heysata, balse wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda uusan garaneyn sababta loo xayiray, kiiska loo heysto iyo cida ka dambeysa arrintan lagu sameeyay.

Walaaca uu qabo guddoomiyaha

Guddoomiye Iimaan Cadow oo aan xirneyn, balse lagu xanibay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qofka la xiri karo, oo xeerka iyo sharciga uu qabo, balse ay tahay in laga qanciyo sababta loo xiray.

“Xorriyadeyda, safarkeygii iyo mas’uuliyadeydii aan hayay intaba in lagu xadgudbay ayaa ii muuqata, nabadgelyadeydii iyo noolasheydii aysan ahayn mid caadi ah oo khatar ay tahay, oo dharkeygii iyo boorsadeydi hadda aan heysanin oo aan garaneynin halka ay jiraan”, ayuu sii raaciyay gudoomiye Iimaan Cadow.

BBC-da ayaa la xiriirtay dowladda Soomaaliya, si ay wax uga weydiiso xayaraadda uu sheegay guddoomiyaha Garbaharey, balse nooma aysan suurtagelin in aan wax jawaab ah ka helno.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo mamaulka Jubaland ee ka dhashay doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Kismayo ayaa sii kala fogeeyay labada dhinac, waxaana taas ay keentay in dowladda federaalka ay xayiraad kusoo rogto duulimaadyada taga Kismayo, inkastoo haatan ay tagaan oo go’aankaas ay dowladda ka laabatay.

Mar guddoomiyaha Garbaharey wax laga weydiiyay in xayiraadiisa ay arrintaas la xiriirto, maadaama uu ka tirsan yahay dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxaa uu sheegay in inkastoo uu ka tirsan yahay maamulka Jubaland, hadana khilaafka ka dhaxeeya federaalka iyo Jubaland uusan isaga garsoore ka ahayn, balse uu yahay mas’uul Jubaland ah oo wixi khalad oo u dhaxeeya dhinacyada ay tahay in lagu xaliyo nidaamka, dastuurka iyo goleyaasha barlamaanka.

“Aniga muwaadin ummad shaqo u haya oo shaqadiisa iyo xafiiskii uu u socday ayaan ahay, marka cudur daar uma noqon karto waxa ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka in aniga la I xanibo”, ayuu raaciyay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda fedeeraalka ee Soomaaliya ay mas’uul ka tirsan maamulka ay is-hayaan ee Jubaland ay falkan oo kale ay ku sameyso oo waxaa guddoomiyaha ka horeeyay wasiirkii amniga ee Jubaland, Cabdirashiid Janan oo haatan ku xiran Magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa horay shaacisay inay xabsiga dhigtay Cabdirashiid Janan, wasiirka amninga ee Jubaland oo ay sheegtay in loo haysto “dambiyo culus” oo uu galay. Balse Jubbaland ayaa dhalleeceysay xiritaankiisa, kuna tilmaantay mid siyaasadeysan.

Hay’adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa iyaduna horay u sheegtay in Cabdirashiid Janan “looga shakisan yahay in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha”.

Xigasho: BBC