26.5 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Ilhan Cumar: Trump xilka isagaa iska qaadayo marka la fiiriyo khaladaadkiisa

0

New York (Caasimadda Online) – Dadka sida adag u dhalleeceeya Trump waxay ku eedeynayaan in uu awoodda xilka madaxweynaha u adeegsaday in uu ku handado Ukraine, si ay u soo saaraan macluumaad dhaawaca sumcadda ninka siyaasadda ay ku loollamayaan ee Joe Biden, oo ka tirsan xisbiga Dimuquraaddiga.

Qorshaha la doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne Donald Trump ayaa la sheegay in uu ka yimid madaxda sare ee xisbiga dimuqraaddiga, waxaana afhayeenka aqalka Kongreska, Nancy Pelosi ay sheegtay in Madaxweynaha uu la kulmaa isla xisaabtan dhab ah.

Ilhaan Cumar oo ah xubin ka tirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Trump uu isaga xilka iska qaadayo marka loo fiiriyo khaladaadka uu sameeyey sida ay hadalka u dhigtay.

Ilhaan oo wareysi dheer siisay Telefishinka CNN ayaa sheegtay in xil ka qaadista Trump loo marayo dhanka Sharciga, waxayna madaxweynaha ku eedeysay inuu jabiyey Sharciga Mareykanka.

” Waxay u muuqataa inuu Madaxweynaha sharciga ka sareeyo marka loo fiiriyo dhacdadaan” ayey tiri.

Waxay ugu dambeyn sheegtay inay ka go’an tahay sidii loo sii wadi lahaa qorshahaan xilka looga qaadayo Trump, iyadoo caddeysay in Afhayeenka aqalka Kongreska Nancy Pelosi ay ka go’an tahay sidi xilka looga qaadi lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska New York
[email protected]

Qarax saraakiil lala eegtay oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan gudaha Caasimada, ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Miino, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala bartilmaameedsaday gaariga oo ahaa nooca raaxada, xilli uu marayey dalcadda Taleex degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ugu yaraan illaa saddex askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen illaa labo qof oo kale oo shacab ah, kuwaas oo agdhawaa meesha ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lala geetay ay la socdeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda oo ku aadan qaraxaasi, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mid ka mid ah raggii Gaas uu u bixiyey 12-ka ‘Midowga Shayaadiinta’ oo jawaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh ayaa si adag u dhaliilay Buug uu Cabdiwali Gaas ku aflagaadeeyay mas’uuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay Cabdiraxmaan Faroole, mid kamid ah bud-dhigeyaashii Puntland.

Buuga ayaa waxaa lagu soo qaadey rag uu u bixiyey ‘Midowga Shayaadiinta’ wuxuuna is-barbardhig ku sameeyay xukuumadiisa iyo kuwii kale ee ka horeeyay.

Xoosh ayaa markii uu Buuga arkay xiriir la sameeyay Gaas. Cabdiwali wuxuu qirtay in uu Buugu isagu leeyahay, wuxuuse qiil ka dhigtay ‘gedaal buu ka fiican yahay’. Hase ahaatee, warkaa “ima anficin,” ayuu yiri Cali Yuusuf.

“Waxaa la yiraahdaa beenlowga waxaa sira beenta oo xusuustaa yar; beelow xusuus yari ayaa sirdha [sirta] ayaa la yiraahdaa,” ayuu tibaaxay, isaga oo raaciyey: “Wuxuu yiri ‘Cali baa lasoo xiriiray Maxamed Cabdiraxmaan buu qadka soo geliyay si qarsoodi ah’ dabeecadaas maba aqaano, tiknoolajiyad ahaan”.

Gaas, kahor inta aan 8-dii Janaayo 2014-kii loo doortay madaxweynaha Puntland, ayaa wuxuu soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

“Ragga uu u bixiyey 12-ka uu yiri ‘Midowga Shayaadiinta’ wuu sii fogaadey oo abkooda ayuu gaarey…nimankaasi waa niman reer Nugaaleed ah…oo tiradooda maba aqaani oo tiruu sheegay isagu…waan maleynayaa in ragaasi oo aan anigu kamid ahay oo akhyaar ah oo odayaasha meeshaas ah oo xag cibaado, akhlaakh, xag mas’uuliyadeed niman qiima gal ah…laakiin garan kara ninka xun ee isaga oo kale nooca uu yahay ah oo doonayo in uu ku kaarto baxo oo xumaanta uu leeyahay diiradda ku saara halkaas,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

10-kii bishii June 2011-kii, kadib codsi ka yimid Gaas isaga oo Kampala ku sugan, Senator Faroole oo haatan kamid ah Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka, ayaa Cabdiwali ku taageeray inuu noqdo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

“Aniga oo Qardho maraya ayuu ila soo hadlay wuxuu igu yiri ‘Cabdiraxman Faroole igala hadal Farmaajo ra’iisul wasaare buu ii wadaa’ Faroole oo Jabuuti jooga ayaan la hadlay wuuna ogolaadey, sidaasi ayaana ku dhameeyay, abaal bey ahayd oo aan u galay,” ayuu sharcidejiyaha ku daray hadalkiisa.

“Abaal-laawe”

“Ragga kale oo uu xusay, Shayaadiinta uu ku sheegay, laakiin qiimigooda dadka kale og-soon yahay, waxaan ogaa oo aan anigu kamid ahaa lacag 100-kun oo dollar ah in aanu siinay oo jeebabkeena aanu uga qaaraanay, waqti uu lahaa doorashaaan gelayaa…abaal la’aanta marka waa lagu yaqaanaa, as-raarta beenta ahna waa lagu yaqaanaa…Farmaaijhii boosas-kaasi keenay iyo Faroole-iyo kuli waxa uu ugu abaal-guday waa lagu yaqaanaa…marka ninkii wanaag u gala xume ayuu ugu abaal-gudaa, as-raarkana waa yaqaanaa,” ayuu daba dhigay xildhibaan Xoosh.

“Waa ninka baarlamaanka dhexdiisa lacagta uu sameeyay oo la yiri ‘lacagtan ma sameyn’ oo uu yiri ‘gacantiina ayaan ku arkay’ waa ninka intii shaqaalihii ay soo istaageen yiraahdeen ‘mushahar ma aanan qaadan oo caan ah’ oo isaga markaa Garowe dabaqyo ka dhisanayey oo hadda uga dhisan yihiin Gaalkacyo, Washington, lahaa ‘shaqaaluhu mushahar buu qaatay’ asraar noocaas ah aniga ahaan waa qofkii ugu horeeyay oo meel lasoo istaaga mas’uul noocaas ah,” ayuu mudanaha hoosta ka xariiqay.

“Isbarbardhigii baan wadaa…waqtigii uu joogay iyo waqtigii kale….wuxuu sii daayay argagixisadii jeelasha ku xirneyd…wuxuu sii xoojiyey oo uu heshiis la galay argagixisadii kale ee beeraha joogtay, illaa iyo ay baadeen ganacsatadii…wali lama arag Puntland…xiligiisii maraakiib deeq ah oo masaakiinta loogu talogalay uu yiri xulufo aktiisa ‘isoo iibsha’ oo ganacsatadii laga wada iibiyey oo kuli bakhaarada lawada dhigi jiray,” ayuu yiri Xoosh.

“Waxayno aragnay in madal kasta uu tago wax been ah oo aan daacad ahayn oo dadka meesha uu jooga uu ku qacinayo in uu sheego sidii markii Canada uu tago uu yiri ‘Puntland faqiiriin baa isugu soo haray iyo dadaan aqoon lahayn’ tii Dubai oo uu yiri ‘Puntland waa gabar fiicanoo [laakiin] aal-ku-luusteyaal baa guursadey’ odayaashii soo xukumay [Puntland] nin been sheegay kuma jirin; nin faanaana kuma jirin; nin khaladaadka suuqa lehna kuma jirin; nin-nin u gefaya nin-nin wax ka sheegaya kuma jiirn,” ayuu xusay.

Hoos ka daawo muuqaalka 

Kenya oo dar-dargelinaysa xafiiskii ay ka furaneysay magaalada HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Kenya ayaa dar-dargelin balaadhan ku bilowday furashada xafiiskeeda caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyadoona todobaadkii hore Somaliland u soo dirtay diblomaasiyiin Kenyan ah.

Wafdigan Kenyanka ah oo ka koobna saddex xubnood ayaa Somaliland u imaaday sidii ay u indho indheyn lahaayeen meelaha ugu haboon ee ay dowladda Kenya ka furan karto xafiiskeeda magaalada Hargeysa iyo daraaseyn ku aadan furashada xafiiskaasi.

Wafdigan oo aysan wax war ah ka soo saarin dowladda Kenya iyo Somaliland, ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland.

Kenya ayaa dhowr goor oo hore sheegtay inay xafiis diblomaasiyadeed ka furanayso magaalada Hargeysa, laakiinse waa markii u horaysay ee ay caasimada Somaliland ee Hargeysa u soo dirto wafdi u socda indho indheyn iyo u howlgalida furashada xafiiskaasi Kenya ee Hargeysa.

Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa xafiisyo diblomaasiyadeed iyo wakiilo ku leh dalal kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Turkiga, Djibouti iyo Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Boqor Burmadow oo weerar culus ku qaaday Muuse Biixi

0

Hargeysa (Caasimada Online) ― Boqor Cismaan Buurmadow oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay xiisada colaadeed ee mudooyinkii dambe ka soo cusboonaaneysay deegaanada Ceel-Afweyn.

Boqor Buurmadow ayaa gebi ahaanba gaashanka u daruuray in uu lug ku leeyahay colaada deegaanka Ceel-Afweyne ee xukuumada Biixi ay dhowr jeer oo hore ula xiriirisay xiisadaasi.

Buurmadow ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Biixi, aysan daacad ka aheyn daminta xiisada colaadeed ee ka soo noq-noqota deegaanadaasi, isagoona dusha u saaray colaada mudada badan ka taagan deegaanada Ceel-Afweyn.

Boqor Cismaan Buurmadow oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Waxaan leeyahay labada ardaa ee walaalaha ah ee ehelkana ah ee meesha ku wada-hadlaya, anigoo afkooga ku wada-hadlaya, weyna fadhiyaan guurtidii Suldaan dhawal iyo garaad Jaaamac, iyo raggii arrinkayaga galayba, waxaanan leeyahay reer Somaliland arrinkaa waxa ka dhiman intii dowladda”.

“Marka aynu wax ku heshiino fulintiisa dowladda ayey ka bixi laadahay, waxayna ka fuli laadahay dhinacooda, waxaana jirra kuwo aan dowladda saddex jeer u dhiibnay oo inaga haya, haddana ay soo deyso oo suuqa dhexdiisa wax ku dilay baa jira”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Hadii aysan dalka dowladi ka jirin Ceel-Afweyn aad garaneysan baa tikniko lagu dhex wataa, oo magaalada hub lagu dhex wataa, magaalo yar bey xasilin laadahay dowladu, waxaana dalka haysata dowlad daciifa”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo la wareegay ammaanka xarunta gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta dowladda hoose ee Xamar ee uu ku shaqeeyo guddoomiya maamulka gobolka Banaadir ayaa caawa amnigeeda si buuxda loogu wareejiyay ciidamo si gaar ah u taba baran.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa xog ay heshay Caasimada Online waxa ay sheegaysaa intii uu hayay xilkaan in uu ka shaqaynayey sidii uu u xulan lahaa ciidamo uu ku aamino amnigiisa.

Ciidamada caawa la wareegay ammaanka xarunta gobolka Banaadir ayaa ka tirsan booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwo loo yaqaano Birmadka, waxaana dhawaan tababar gaar ah loogu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.

Xaruntaan ayaa qarax ka dhacay 24-kii bishii July waxaa lagu dilay Allaha u naxariistee guddoomiyihii kan ka horeeyay Cabdiraxmaan Yariisow iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir.

Dhamaan ciidamadii u xilsaaraa sugidda ammaanka xarunta gobolka Banaadir intii uu shaqeynayay maamulkii kan ka horeeyay ayaa laga wareejiyay xarunta, waxaana qaar ka mid ah ciidamadaas, saraakiishoodii iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka ku socda baaritaano ku saabsan qaabkii loo fududeeyay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

[email protected]

DF oo ciidamo laga qaaday Muqdisho gaysay Gedo iyo qorshe culus oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo Muqdisho laga qaaday ayaa galabta laga dajiyay degamada Baardheere ee gobalka Gedo, kuwaas oo hor dhac u ah ciidamo kale oo dowladdu ay damacsantahay in ay ku daad gureyso gobolka Gedo.

Ciidamada galabta laga dajiyay Baardheere ayaa tiro ahaan gaaraya 300 askari, sida ay ogaatay Caasimada Online waxayna saraakiisha hogaaminaysa sheegeen in ay hor dhac u yihiin ciidamo kale oo lagu daabulayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado in maalmaha nasoo aadan ay gaaraan halkaas.

Ciidamada ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda dooneyso inay guud ahaan ku wada qabsato gobolka Gedo, kadibna u gudubto Jubbada Dhexe, si ay Axmed Madoobe ugu soo reebto kaliya dhowr degmo oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Talaabadaan dowladda federaalka ay ciidamada ugu dajisay Baardheere ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Wasiirka arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, uu u yeeray guddoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Maxamuud Muxumed iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ka howlgala gobalka Gedo.

Qaar ka mid ah xubnahaas ay u yeertay wasaaradda arimaha gudaha ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho sida aan xogta ku helnay, waxaana lagala hadlay xubnihii soo gaaray Muqdisho fulinta go’aano ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Xafiiska Madaxtooyada, kuwaas oo la rabo in ay ka dhaqan galaan gobolka Gedo.

Caasimada Online ayaa ogaatay in go’aanadaas ay ku jiraan qodobadaan.

1) – In guddoomiyaha gobalka uu ku dhawaaqo xil ka qaadis lagu sameeyo guddoomiyaasha afar degmo oo kala ah, Luuq, Doolow, Ceelwaaq iyo Baardheere, kuwaas oo ah degmooyinka aadka looga taageero Axmed Madoobe kana tirsan Gedo.
2) – In taliyaal cusub iyo guddoomiyaha gobalka, ay hogaamiyaan howlgal ka bilaaban doono Gedo oo lagu imaan doono Jubbooyinka, waxaana lagu wareejin doonaa Ciidamo cusub oo tababar ka soo baxay iyo saanad ciidan.
3) – Iyo in aysan fulin, kana amar qaadan Axmed Madoobe, balse ay fuliyaan amarada ka soo baxa Madaxtooyada Soomaaliya si loo badbaadiyo dalka.

Wafdigaan ayaa la filayaa in ay deg deg ugu laabtaan Gedo, islamarkaana ay dhaqan geliyaan heshiiyo iyo amaro ka soo baxay Madaxtooyada oo dagaal culus kula jirto Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Lama oga sida ay u dhaqan geli doonaan arrimahaan balse waxaa la filayaa in masuuliyiintaan ay wajahaan caqabado badan oo saameen balaaran degaanka ku yeesha.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada BF oo soo saaray go’aanno xasaasi ah (Farmaajo iyo qiyaano qaran)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya  ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen xaaladda guud ee dalka, iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee ay ugu waa weynaayeen is hortaagii lagu sameeyay madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed iyo cuna qabateynta Jubbaland.

Xildhibaanada ayaa waxay kulankooda uga hadleen mas’uuliyaddooda ku aadan arimaha ka socda dalka iyo sida ay uga gaabiyeen la xisaabtanka xukuumadda, iyagoo isku booriyay in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Xildhibaanada ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in xukuumaddu si barer ah ay u jabisay dastuurka dalka, ayna ku kacday qiyaano qaran, iyagoo soo ban dhigay qodobada ay ku eedeynayaan in ay jabiasay xukuumaddu.

Xildhibaanada ayaa sheegay in xukuumaddu ay ku guul dareysatay gudashada waajibaadkii loo igmaday, sida amniga, wada shaqweyn dghex marta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, dib u habeynta qabyo tirka dastuurka dalka, hanaanka doorashooyinka, dhameystirka hey’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo garsoorka.

Xildhibaanada ayaa war-saxaafadeedkooda ki cambaareeyay ku tumashada dastuurka dalka iyo ku tagri falka awoodeed oo sida ay sheegeen xukuumaddu ay ku kaceyso, iyo sidoo kale cuna qabateynta ay saartay madaxdii hore ee dalka iyo shacabka reer Jubbaland.

Xildhibaanadu waxey sheegeen in sigaar ah ay u cambaareynayaan xanibaadii lasaaray duulimaadyadii aadi jiray magaalada Kismaayo, taas oo ay sheegeen in shacabku ay dhib weyn ku qabaan.

Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaanada oo dhameystiran

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdsiho
[email protected]

Maamulka G/Banaadir oo ka digay warar looga been abuurtay Cumar Filish

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Gobolka Banaadir Mudane Saalax Xasan Cumar ayaa beeniyey warar uu sheegay inay been abuur yihiin oo lagu faafiyay qaar ka mid ah baraha-bulshada.

Wararkaasi ayaa sida uu sheegay Saalax Dheere lagu sheegay in Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha uu ka hadlay Arrimo quseeyo shirarkii jiraa’id ee Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo Arrimaha Kismaayo.

Afhayeenka Gobolka ayaa tilmaamay in aysan jirin wax faallo ah oo arrinkaas ku aaddan oo uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed uu ku soo bandhigay baraha-bulshada iyo saxaafadda.

“Warka been abuurka ah ee sacaadihii u danbeeyey lagu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu dhaliilay Xisbiga Himilo Qaran, isla markaana uu baaq u diray Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray sida Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waa kuwo muujinaya in tiro yar ay ku hawllan yihiin kala dilka iyo kala fogeynta masuuliyiinta dalka, taas oo looga golleeyahay dano shaqsiyadeed iyo caqabadeynta horumarka.”

Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa digniin adag u diray cid kasta oo been abuur ka sameysay Maamulka iyo Howlaha Gobolka, iyadoona sharciga iyo xeerarka dalku ay ciqaab adag ka jideeyeen cid kasta oo falalkaas lagu helo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo u yeertay gudoomiyaha Gedo si loo fuliyo qorshe ka dhan ah Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka ee dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa u yeeray Guddoomiyaha Gobalka Gedo Maxamed Maxamuud Muxumed iyo Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ka howlgala Gobalka Gedo.

Wafdigaan oo qaarkood ay soo gaareen magaalada Muqdisho, ayaa lagala hadlay fulinta go’aano ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xafiiska Madaxtooyada, kuwaas oo la rabo in ay ka dhaqaan galaan Gedo.

Caasimada Online ayaa ogaatay in go’aanadaas ay ku jiraan qodobadaan.

1) – In guddoomiyaha gobalka uu ku dhawaaqo xil ka qaadis lagu sameeyo guddoomiyaasha afar degmo oo kala ah, Luuq, Doolow, Ceelwaaq iyo Baardheere, kuwaas oo ah degmooyinka aadka looga taageero Axmed Madoobe kana tirsan Gedo.
2) – In taliyaal cusub iyo guddoomiyaha gobalka, ay hogaamiyaan howlgal ka bilaaban doono Gedo oo lagu imaan doono Jubbooyinka, waxaana lagu wareejin doonaa Ciidamo cusub oo tababar ka soo baxay iyo saanad ciidan.
3) – Iyo in aysan fulin, kana amar qaadan Axmed Madoobe, balse ay fuliyaan amarada ka soo baxa Madaxtooyada Soomaaliya si loo badbaadiyo dalka.

Wafdigaan ayaa la filayaa in ay deg deg ugu laabtaan Gedo, islamarkaana ay dhaqan geliyaan heshiiyo iyo amaro ka soo baxay Madaxtooyada oo dagaal culus kula jirto Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Lama oga sida ay u dhaqan geli doonaan arrimahaan balse waxaa la filayaa in masuuliyiintaan ay wajahaan caqabado badan oo saameen balaaran degaanka ku yeesha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xidig oo weeraray Sheekh Shariif iyo Xasan: “Awoodda aad sheeganeysaan waxay huwan tahay qabiil”

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Cabdi Naasir Seeraar Max iyo Cabdirashiid Xidig oo horey u sheegtay in ay yihiin madaxweynayaasha maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay ka hadleen xaaladaha maamulkaasi iyo dhacdadii Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maalin ka horna laga hor istaagay magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Kismaayo C/rashiid Xiddig iyo C/naasir Seeraar ayay si weyn ugu weerarreen labada madaxweyne ee hore, isagoo sheegay inuu warkooda kasoo horeeyay oo ay hore u taageereen doorashadii sharci darrada ahayd ee Axmed Madoobe, oo aysan jirin wax ay sheegaan oo aan ahayn inay tii hore ku celiyaan oo ay been xalaaleeyaan.

Waxaa ay sheegeen  xubnahan in xaalada cakiran ee maamulka Jubbaland aysan baasin lagu shubin, iyagoona ka dalbaday madaxdii hore ee dalka soo martay in aysan la safan qaar ka mid ah dadka kismaayo isku heysta.

Cabdinaasir seerar iyo Xidig ayaa si wadajir ah u sheegay in kismaayo aysan noqon mid laga mucaarado dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekhow Farmaajo doorasho ayuu idinkaga adkaaday, mana idinka baryaayo inuu xukumo 4 sano oo xilka hayo.. awooda aad sheeganeysaan waxay huwan tahay qabiil.., taasina Soomaliya kama shaqeyneyso, shacabkana ma marin habaabin kartaan..” ayuu yiri C/rashiid Xiddig oo si cad u sheegay inay dhibaatada Jubbaland taalla ay tahay faragelinta bannaanka uga imaaneysa.

C/rashiid Xiddig ayaa ku eedeeyay Sheekh Shariif inuu rabo inuu xalaaleeyo xadgudub iyo afduub, xitaa haddii caleemo saarka Axmed Madoobe ka qeyb galana aanu waxba soo kordhin doonin.., ‘Waxaa kuu sharaf rooneyd in lagaa celiyo…” ayuu yiri.

“Madaxweynayaal ayay rabaan inay u tartamaan, waxayna taageerayaan doorasho sharci darro ah…, sharaftiinii dhulka ayey ku dhacday… Haddii doorashada uu afduubtay Axmed Madoobe aad taageertaan, Farmaajana doorasho taas la mida ayuu qabsan doonaa..” ayuu yiri C/rashiid Xiddig.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Xildhibanaadii jabhadda ka dilaacday gobolka Awdal u xirnaa oo maanta la siidaayay

Boorama (Caasimada Online) ― Warar aanu hadda helayno ayaa sheegaya in xabsiga magaalada Boorama goordhoweyd laga sii daayey Xildhibaanadii dhowaan loo xiray Jabhadii ka dilaacday deegaano ka tirsan gobolka Awdal.

Xildhibaanadan ayaa waxa maalintii khamiistii ciidamada booliska Somaliland ee Boorama, ka soo qabteen xili ay ku sugnaayen mid kamid ah huteelada ugu waaweyn magaalada, iyagoona u taxaabay xabsiga dhexe ee Boorama.

Sii-deynta xildhibaanadan ayaa daba socota dadaalo iyo waan-waan ay maalmihii u dambeeyen wadeen odayaasha beesha ay ka soo jeedan xildhibaanadan, kuwaasi oo muddo dhan 5-cisho ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Boorama.

Xildhibanaadan oo goordhoweyd markii xabsiga laga sii daayey la hadlay warbaahinta, ayaa waxa ay sheegen in loo xiray kacdoon ay abaabuleysay beesha ay ka soo jeedaan, kuwaasi oo Jabhad ka dhana xukuumada Muuse Biixi ka abaabulayey deegaano hoos yimaada gobolka Awdal.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxay sheegen in Kacdoonkaasi ay hormuud ka ahaayeen odayaasha beeshoodu, isla markaana ay kula soo dul-dhaceen, midaasi oo sababtay in xabsiga loo taxaabo xildhibaanadan.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Boorama, Xildhibaan Maxamed Faarax Dheerayste oo ugu horeyntii isagu la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in shirqool ay soo abaabuleen Mas’uuliyiinta ugu sarreysa gobolka iyo degmada, iyo weliba odayaal ka tirsan beeshoodu ay ka dambeysay xarigooda.

Xildhibaan Dheereyste ayaa sidoo kale waxa uu luuqad adag kula hadlay Badhasaabka gobolka Awdal, oo uu ka dalbaday in uu banaanka keeno cadeymaha iyo waxyaabihii ay xabsiga ugu jireen mudada shanta cisho ah, wuxuuna yiri

“Sababihii aanu u xidhneyn oo ahaa howlo qaran, oo ahaa in reerka baahiyaadkii jirey uu si salmi ah oo aan turxaan laheyn usoo bandhigtey cabashadiisii, midaasi oo aheyd mid inbadan soo noq-noqotay, haba’se ahaate la dhageysan waayey, taasi oo ay kaliftay in kacdoon ka dhasho”.

“Kacdoonkaasina waxa hogaaminayey odayaasha reerka, odayadiina markey is-afgaran waayeen kooxdii ay hogaaminayeen, ayey yidhaahdeen xildhibaanada ayaa howsha naga fududeyn kara, kii saameyay markuu howshii dhameyn kari waayeyna oo anaga nagu soo dul-saarana, waxay noqoneysa caqabad koleyna waxaan u maleynayaa in bulshada intooda badan ay ka dharagsantahay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Odayaashii markaa lahaa ee gadh-wadeenka ka ahaa iyo ciidankii ay wateen ee meesha ay dhigteen ay is afgaran waayeen, in anaga na soo dhex-galiyaan, waa xaalad iska foolxun koley”.

“Badhasaabka iyo guddoomiyaha degmadaba iyo weliba odayada qaarkood inay gacan saar fool-xun ay yeeshaan, oo anaga wixiiba nagu soo leexiyaan, waa mid aad iyo aad uga xunahay. Badhasaabkana waxaan uga fadhinaa hadduu cadeynta keeni waayo iyo waxyaabaha uu inagu xidhay inaga, waa tuhun loo joogi doono, oo la is xisaabin doono”.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama

Wararkii ugu dambeeyey ee caleemo-saarka AXMED Madoobe oo dib u dhacday

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Kadib markii Dowladda Soomaaliya ayaa culeys badan saartay Jubbaland, lana joojiyey duulimaadyadii tagi jiray Magaalada Kismaayo, wararka soo baxayo ayaa sheegayo in dib u dhac uu ku yimid caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

26 Bishaan ayaa lagu ballansanaa in Caleema saarka Madaxweynha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka dhaco Magaalada Kismaayo  ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulkaas.

Waxaa dib loo dhigay waqtigii ay dhici laheyd Xafladda sida uu go’aan ku gaaray guddiga qaban qaabada Caleema saarka.

Illaa hadda ma jirto waqti rasmi ah oo loo qabtay inay dhacdo Xafladda, wararka ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegayo in laga yaabo inay Xafladda u dhacdo Bisha soo socoto.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xariyaad dheeri ah oo dhanka hawada ah waxa ay kusoo rogtay magaalada Kismaayo, iyadoo sheegtay in mudo seddax maalmood ah aysan wax diyaarad ah ka dagi karin magaalaada Kismaayo.

Sababta ugu weyn ee dib dhaca ku keentay xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in ay tahay xayiraada seddaxda maalin ah ee dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo.

Waxaa weli taagan doodii ka dhalatay xayiraadii la saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sh. Axmed oo loo diiday inuu u safro Magaalada Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay ku tumaneyso Dastuurka, waxayna dhaleeceyn badan kala kulmeysaa xisbiyada mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka soo hoggaamin jiray.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Mas’uuliyiin Jubbaland ka tirsan oo ku xayiran Xamar

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta Jubaland, Aadan Ibraahim Aw Xersi ayaa sheegay in mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan maamulkaas labadii maalin ee la soo dhaafay ay ku xayiran yihiin magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Aw Xirsi ayaa sheegay in dowr howlwadeen oo ka tirsan wasaaraddiisa ay ku xaniban yihiin yihiin Muqdisho, kuwaas oo howlo shaqo u joogay Caasimada.

“Dhowr hawl-wadeen oo u shaqeeya wasaaradda qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland oo qaarna shaqo u joogey qaarna u soo aadi lahaa ayaa maalintii labaad ku kala xanniban Kismaayo iyo Xamar.” ayuu yiri wasiirka qorsheynta ee maamulka Jubbaland.

Shalay ayey aheyd markii amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan maamulka hay’adda hawada lagu joojiyey dhammaan duulimaadyadii magaalada Kismaayo.

Go’aankan ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaq dhaqaaqa garoonka magaaladaasi oo hakad jira maalintii labaad.

Arrintan ayaa daba socota khilaafkii ka dhashay doorashadii Jubbaland ee dib loogu doortay Axmed Madoobe, taas oo ay ka hortimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Farmaajo oo abaal-marin ku helay heshiiskii is dhex-galka dalalka Geeska Afrika

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi, (Farmaajo) oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka, islamarkaana ka qeyb galay shirka Concodia Summit ayaa la guddoonsiyey billad hoggaan wanaag ah.

Sidoo kale waxaa abaal marintan Madaxweynaha la qeybsaday Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Saddexda mas’uul ee haatan hoggaamiya Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa billadahan ku muteystay dib u habeynta iyo is dhexgalka bulsho ee ay ka sameeyeen Bariga Afrika.

Isbedalladan ayaa soo billowday 2018-kii, iyadoo si weyn looga dareemay guud ahaan Qaaradda Africa.

Waxa kale oo uu isbedalkan horseeday soo nooleynta xiriirkii muddada go’naa ee Itoobiya iyo Eritrea, iyadoona Soomaaliya door muuqda ku laheyd dadaalladaasi.

Dowladda federaalka ah ee Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa si xoogan u xoojisay xiriirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo hadda door fir-fircoon ku leh dhaq dhaqaaqyada ka jira gobolka iyo guud ahaan dalalka caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowlada Kenya oo si adag uga jawaabtay eedeynti Jabuuti

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedeyn dhawaan uga timid dowladda Jabuuti, taasoo salka ku heysa loollanka ay labada waddan ugu jiraan xubin ka noqoshada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Jabuuti ayaa Isbuucii lasoo dhaafay Kenya ku tilmaantay waddan aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, iyadoo tusaale usoo qaadatay khilaafka xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Aadan Barre Ducaale, oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, kana mid ah saraakiisha sar saree e xisbiga talada dalka Kenya haya ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Jabuuti.

“Hadalkii kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, walaakey Maxamuud, ee uu ku sheegay in Kenya aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, waa mid nasiib darro ah, waa mid khalad ah, sababtoo ah Kenya ilaa markii ay xornimada qaadatay waxay ahayd waddan ka shaqeeya nabadda iyo xasiloonid”, ayuu yiri Aden Bare Ducaale oo Wareysi siiyay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da

Wuxuu intaasi ku daray in ilaa 40,000 oo ciidamo ay dibedda u dirtay Kenya si ay qeyb uga noqdaan nabad ilaalinta caalamka.

“Waxaan ka qeyb galnay dib u heshiisiinta waddamada Suudaanta Koonfureed, Somaaliya, Namibia, Sierra Leone, Liberia ilaa DRC. Waxaan qeyb ka nahay waddamada uu Mareykanka ka midka yahay ee dagaalka kula jira ururrada argagixisada iyo Burcad badeedda”, ayuu yiri Ducaale.

Aadan Ducaale: Soomaali baan ahay oo muwaadin ka ah Kenya, mana aqbalayo in Soomaaliya ay qaadato baddeenna

Jabuuti oo Sheegtay in Kenya aan lagu aamini karin amaanka gobolka

Aadan Ducaale ayaa dhinaca kale sheegay in Kenya ay cod aqlabiyad leh uga guuleysatay Jabuuti markii ay hanashada kursiga Afrika loogu matalayo gobolka ugu tartameen ururka Midowga Afrika gudihiisa, wuxuuna yiri: “Annagu hadda waxaan wadannaa calankii Midowga Afrika, Jabuuti waxaan ku kala baxnay codeyn, waxaan helnay 37 cod iyaguna waxay heleen 13 cod, marka waxaan leenahay walaalkeen Maxamud, oo ah nin wasiir ah oo sharaf leh, in haddii ay Jabuuti wali sii wado Ol’olahaas ay ka dhigto mid diblomaasi ah”

Aden Bare oo hadalkiisii sii watay ayaa yiri, “Hadduu leeyahay Kenya nabad galyo ma jirtana, Jabuuti iyo Eretariya ayaa is hor fadhiya dhowr iyo toban sano, miltarigoodana ay isfiirinayaan, Kenyana waa waddanka kaliya ee nabad loo soo doonto qaxootigana marti galisa, waana meesha kaliya ee lagu soo cararo. Marka haddii aad isbarbar dhigto Jabuuti iyo Kenya kee baa lagu aamni karaa amniga gobolka?”.

Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xiriirta musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi.

“Jabuuti waxa aay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti ayaa kulan la yeeshay safiirrada ka socda waddamada Ajnabiga ah ee ku sugan dalkiisa

Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay in Kenya an lagu aamni karin amniga gobolka.

“Waxa aan qabaa dal sidaas khatar u ah ma ilaalin karo danaha gobolka iyo qaarada iyo nabada guud, haddii u khilaafka si fogaadana waxa uu saamayn karaa labada dal iyo gobolkaba”.

Jabuuti ayaa wali ku adkeysaneysa inay tartanka lasii waddo Kenya marka la isla tago golaha amniga, ayna isku daydo inay ka guuleysato.

Xigasho: BBC

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Prof. Afyare Cabdi: Siyaasad lagu wadi waayey dood iyo dulqaad, laguma wadi karo jujuub iyo digdig

0

Doha (Caasimada Online) – Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ka faalooda  colaadaha iyo nabadda geeska Afrika Afyare Cabdi Cilmi ayaa ka hadlay sida dowladda Federalka u adeegsato hay’adaha dowladda.

Professor Afyare oo ka hadlayay xayiraadii xukuumadda Soomaaliya ay saartay diyaarad shalay ka qaadi laheyd garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad oo ku wajahnaa magaalada Kismaayo ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay tuduc kamid ah gabay uu tiriyay Abwaan Hadraawi oo ahaa “Wax aan degdeg jeer ku laqay- maxay shishe ii damqeen”

Afyari ayaa ka digay in si khaldan loo adeegsado hay’adaha dowladda iyadoo la iska indho-tiraya Dastuurka Dalka, waxaana uu xusay in Siyaasad lagu wadi waayey dood iyo dulqaad aan lagu wadi karin jujuub iyo digdig

QoraalkaProfessor Afyare ayaa sidan u qornaa:

Hadraawi baa yiri, “Wax aan degdeg jeer ku laqay: maxay shishe ii damqeen.” Haddii si qaldan oo siyaasadeysan loo adeegsado hey’adaha dowladda waxaa ku burburaya nidaamka iyo dowladnimada daciifka ah. Siyaasad lagu wadi waayey dood iyo dulqaad, laguma wadi karo jujuub iyo digdig.

By: Abdiaziz Loyal
Mogadishu, Somalia

Madaxweyne Saciid Deni oo magacaabay agaasimaha cusub ee sirdoonka Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi  (Deni) ayaa magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka maamulkaasi, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Deni ayaa xilkan u magacaabay, Mukhtaar Maxamed Xasan (Jeyte) oo horay u ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada ee maamulkaasi.

Wareegtada oo ku taariikheysneyd 23-kii bishan oo shalay ku beegneyd ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu markii uu arkay aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo uu Jeyte uu magacaabay xilkaasi.

Sidoo kale saraakiisha hay’adaha ammaanka ayaa la faray in ay la shaqeeyaan taliyaha cusub ee nabad sugida iyo sirdoonka maamulka Puntland.

Halkan hoose ka aqriso:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 93 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Datuurka Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Dowladda Farmaajo iyo R/W Kheyre iyo musuq-maasuq yaa macneyn kara (Faallo)

Magacaan yaa si cilmiyeysan u fasiri kara oo ku soo dara waxa dadka la xun oo ay ka fogaadaan.  Haddii musuq-maasuq yahay laaluush la qaato ama hantida dowladda oo la xalaashado waxaa lagu macneyn karaa inuu yahay dembi u baahan in laga hortago…laakin haddii uu yahay mucaawano la siiyay dalka ama dadka qaarkood iyadoo lagu taakuleynayo, qofki xadaa ama xoogaa ka reebta tuug ma mahan musuqna kuma jiryo, waana tabta ay ku dhaqmaan wsaaradaha dalka ka jira badankooda. Wasaarad kasta waxaa jooga SEDDAX WASIIR OO LAGA YAABO INUUSAN MIDKOODNA SHEEGI KARIN SHAQADA LOO IGMADAY ( job description)..Wasiirada qaarkood waxay dhisteen seddax qasri oo seddax magaalo ku kala yaalla, maalintii uu dalka ku soo laabtay hanti badan ma heysan, qaarkoodna waxba ma heysan. Maantana,  cidina ma weydiin weligii meeshow ka keenay hantidaas faraha badan!!!

Musuqa midki ugu xaumaa uguna khatarsanaa ayaa hadda ka hanaqaaday Xamar kaddib markii askarti joogtay kontoroolada lagu baaro baabuurta ay ka abuurteen ilo dhaqaale iyagoo ka qaata shufeerada gaadiidka dadweynaha lacag baad ah, qofkii diidana ay dilayaan waana daanyeer dhintay oon qofna loo heysan…lama haayo weli askari maxkamad loo soo taagay shufeer uu gardarro ku dilay oo la xakumay ama masu’uul ka hadlay arrintaan..waa nasiib bdarro jirta.

Waxaa  mudan in la xuso in dowladda ay u soo jeesatay inay xadeyso ama la dagaasho musuqa iyadoo adegsaneysa hindise-harciyeed loogu tala galay la dagaalanka musuqa oo naqday qayb aad u weyn ee ka mida nolosha bulshada. Qoraalkan waxaa lagala soo bixi karaa in Somalida markaad qiyaasto hab-dhaqankooda in wax ka xaaraan ah aysan jirin oo qof waliba u soo qalab qaatay siduu hanti ku heli lahaa. Caqliyadaanu iyo dareenkaanu wuxuu hirgalay ama nagu dhashay qaxii kaddib. Taas waxaa markhaati u ah in ummadaan aysan weligeed ku fikirin inay noqdaan ”materialist minded” oo waxaan ku soo barbaarnay bulsho ku qanacsan waxa ay heysato, wixi ka maqanna ay ku raadsato waddo sax ah..Markaad dhegeysato khubadaha M/weynaha iyo Wasiirada waxaa kuu soo baxaaya in musuqa uu yahay qayb ka mida nolosha caadiga ee qofka Somaliga ah una diyaara inuu adeegsado farsamo kasta ee uu ku gaaro hadafkiisa kuna heli karo waxa ka maqan.

Marka la macneeyo musuqa waxaa kuu soo baxaya in Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ay ku dhaqmaan musuqa kan ugu khatarsan oo ah inay jago u magacaaban qof laga yaabo inuusan awood uu ku fuliyo howlaha looga baahan yahay uusan lahayn, laakin booska uu fadhiyo ay qayb  ahaan u heleen jufadiisa, wixi uu doonana uu sameyn karo waayoo meesha uu fadhiyo iyagaa iska leh oo cidina ma weydiin karto waxa uu qabto.

Waxaan soo xasuustay waagii aan yareyn ay dhici jirtay in tuug xado dhar meel ku weran oo qoys leeyahay..kaddib marki la arkana la bursado iyadoo lagu qeylihaayo TUUGA QABTA..dadki xaafadana ay daba ordayaan…aakhirki tuugi laftiisi oo luuq meesha ku yaal ku dhuuntay ayaa soo baxaaya  oo dadki ku dhex milmaaya isago ku qeylihaya asagana TUUGA QABTA!!!

Waa meesha ay maanta arrinteenu mareyso. BAL U FIIRSO QOF MASU’UUL AH OO MEESHI AY MUDNEYD JOOGTA MA JIRTO, KII U MAGACAABAYNA WUXUU KU JIRAA MUSUQ MIDKII UGU XUMAA..HADDABA, SIDEE LOO CIRIB TIRI KARAA AAFO GAARTAY HEERKAAS? Qof waliba ha isku dayo inuu macneeyo MUSUQA.

Wixii aan khaldayna ka raalli ahaada.

W/Q: Axmad Calasow

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Somaliland oo hor istaagtay tababar uu Sheekh caan ah ku qaban lahaa Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa is-hortaagtay, isla markaana joojisay Tobabar uu qaban lahaa Sheekha caanka ah ee Maxamed Idiris, kaasi oo uu qorshuhu ahaa in lagu galo lacag dhan $10.

Jaamac Xaaji Axmed, Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay in tobabarka Sheekhaasi uu qaban lahaa ay joojisay xukuumadoodu, isagoona xusay in magaalada Hargeysa aan marnaba laga furi karin tobabaro ay xukuumadooda ka war hayn.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay oo carabkana ku adkeeyay, in ayna marnaba aqbali karin in shaqsi jiritaanka Somaliland ka soo horjeeda uu gudaheeda ku qabto tobabaro ama kulanaba.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri ” Ma Jirto wax Muxaadarro ah oo aanu joojinay, laakiin wax loogu yeedhay Tobabbar ayaanu anagu joojinay, Tababbarro aanay Dawladdu ogayna in laga furo  Magaalada ma haboona, Qofka doonaya inuu Cid tababbar u furo waa inuu soo maraa laamaha Dawladda ee ay khusayso”.

“Sheekhu hadduu siyaasad galo, sheekhu waa sheekhe waxaana lagu yaqaana in uu dadka wacdiyo, inuu masaajidada ka jeediyo muxaadarooyin, laakiin hadduu siyaasad galo oo dowladaha aflagaadeeyo, isaga laftiisu hadduu siyaasad galo hadana siyaasadii uu ka soo horjeday uu yimaado oo uu yidhaahdo tobabara ka furaya, midaasi laftigeedu lama yeelayo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Cidkasta oo qaranimada Somaliland ka soo horjeeda ama wax ka sheegta ma aqbaleyno in ay halkan tobabaro ka furaan iyo inay kulamo ku qabtaan, qaranimada Somaliland kuma joogto ‘Cayaayir’ waadna ogtihiin dalkeena halgan dheer baa loo soo galay, kumanaan dhalinyara ku dhintay, kumanaan hooyooyina ayaa asey u qaaday”.

“Haddii cidi aragtay Hargeysa oo qurux badan, iyo Somaliland oo qurux badan oo fooqaq dhaadheer iyo wadooyin qurux badan ay ka dhisanyihiin, ilaahay baanu ugu mahad-naqeynaa nabad-gelyada iyo nimcadaa nasiiyey, laakiin halgan baa loo soo maray lamana aqbalayo ninka leh qaranimada Soomaaliya waa muqadas, oo Somaliland maaha waxjirta”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa