25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Diiwaanka Musharraxiinta Puntland 2019: Cali Xaaji + Xiriirkii hore ee Al-Itixaad

Diiwaanka Musharixiinta doorashada Puntland 2019 waxaan horey ugu soo qaadaney Musharixiinta kala ah, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Siciid Cabdulaahi Dani, Faarax Cali Shire, Cabdi Faarax Siciid Juxaa, Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), todobaadkan waxaan ku soo qaadaneynaa siyaasi Cali Xaaji Warsame

Waa kuma Cali X. Warsame?

Cali Xaaji Warsame waxa uu ku dhashey deegaanka Seemade ee gobolka Mudug qiyaastii 1961 (57 jir). Waxbarashadiisa asaasiga ah waxa u ku kala qaatey magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho. Sanadkii 1990 waxa uu ka qalin jebiyey SIDAM (Somali Institute of Development Administration and Management) oo uu ka qaatey shahaadada kowaad ee B.Sc, waxaana uu bartey Maareynta Xisaabaadka.

Kadib burburkii Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre 1991, waxa Cali Xaaji Warsame Axmed kamid noqdey dadkii u soo qaxay goboladii Waqooyi bari ee haatan la isku yiraahdo Puntland.

Siyaasi Cali Xaaji Warsame waxa uu kamid ahaa dhalinyaradii ururkii islaamiga ahaa ee al-Itaxaad al-Islaami, kaas oo burburay sanadkii 2002. Odoyaashii gobolka Bari iyo siyaasiyiintii jamhaddii SSDF ayaa isla gartey sanadkii 1991 in wadaadadu ay maamulaan Dekadda Boosaaso, dadka deegaanku waxay u yaqaaneen wadaadadaas IKHWAANKA, wax aqoon ah looma lahayn jiritaanka ururka al-Itixaad al-Islaami, oo soo baxay markii ay saldhigyo ciidan samaysteen.

Cali Xaaji Warsame waxa u mar noqdey maamulaha Dekadda Boosaaso sanadkii 1991, waxaana xusid mudan in dhaqaalaha canshuurta ee dekadda ka soo xeroon jirey intiisa badan lagu difaaci jirey goboladii Waqooyi Bari ayna geli jirtey ciidamada difaaca uga jirey gobolka Mudug ee jamhadii SSDF.

Sida ay sheegayso  xogta aan helnay, wadaadadii Itaxaadku waa isku khilaafsanaayeen in canshuurta ay qaadaan badankeed la geeyo difaaca, Cali Xaaji oo ka soo jeeda gobolka Mudug ayaa kamid ahaa kuwa ku adkaa in dhaqaalaha sida odoyaashu ugu talagaleen loo maamulo, oo an waxba laga beddelin dhaqaalaha lagu bixiyo difaaca, taas oo sababtey in markii danbe laga beddelo maamulka dekadda, waxaana arrimahaasi wax iska bedeleen markii ururkii Itaxaadku isu rogeen garab hubeysan oo doonaya in ay si rasmi ah ulla waregaan talada gobolada Waqooyi Bari, taas oo fashil & dhiig daata ku dhamaatey sanadkii 1992.

Kadib dagaaladii dhex-marey ururkii al-Itaxaad al-Islaami iyo jamhaddii SSDF Cali Xaaji Warsame waxa uu kamid noqdey dadkii isaga baxay dalka, waxaana uu u wareegay Jabuuti iyo dalalka Carabaha, waxaana uu muddo kadib kamid noqdey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska.

Waxbarashadiisa sare Cali Xaaji Warsame waxa uu ku qaatey dalka Britian, waxaana shahaadada Master-ka ka qaatey American University, London, UK.

Bilowgii Siyaasadiisa

Cali Xaaji Warsame waxa uu dalka dib ugu soo laabtey si rasmi ah sanadkii 2012, kadib markii shirkadda ugu weyn Puntland ee Golis Telecom ay u dooratey in uu noqdo Maareeyaha guud ee shirkadda, shaqadaas oo isaga tegey 16 bilood kadib sababo aanu shegin darteed, laakiin loo badinayo in ay ahayd damiciisa siyaasadeed, waxaa arintaas si weyn uga xumaadey golaha sare ee shirkadda Golis, waxaa la is weydiinayaa in sababta Cali Xaaji u qaatey shaqada Golis ay ahayd meel dadka reer Puntland ka bartaan shakhsiyadiisa, isla markaana uga tallaabi karo damiciisa siyaasadeed.

Dhamaadkii sanadkii 2013 ayuu isu sharaxay xilka Madaxweynaha Puntland, siyaasi Cali Warsame Axmed waxaa uu si weyn ugu soo baxay markii Musharixiinti doorashadi 2014 ay ka dhigteen afhayeen.

Doorashadii 2014 ee Madaxweyne loo doortey Cabdiweli Cali Gaas ayuu galay kaalinta saddexaad waxaana uu sheegtaa in uu lahaa guusha Cabdiweli Cali Gaas kadib markii xildhibaanadii u codeeyey isaga oo gaarayey 16 Xildhibaan 15 kamid ah ay wareegii saddexaad codkooda siiyeen Cabdiweli Cali Gaas.

Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

Kadib guushii Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas waxa uu Cali Xaaji Warsame u magacaabey Wasiirka Waxbarashada taariikhdu markey ahayd 28 janaayo 2014, waxaana uu kamid noqdey kooxdii u horeysey ee Xukuumadda Dr Cabdiweli Cali Gaas. Waxay ahayd maalintii ay u bilaamatey shaqadii u horeysey ee arrimaha siyaasadda Puntland. Cali Xaaji Warsame waxa uu xilka kala wareegay Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo xilkaas hayey 2009-2013.

Siyaasi kasta waxa uu ku doodaa in uu wax weyn ka qabtey wasaaraddii loo magacaabey xiligiisi, laakiin waxaa la dhihi karaa ma jirin isbeddel weyn oo muuqdey sida, wax ka beddelka Waxbarashada asaasiga ah ee Xukuumadda hadda jirtaa ballan qaadey in ay lacag la’aan ka dhigeyso, kor u qaadida deeqaha waxbarasho, mideynta manaahijta kala duwan iyo arrimo kale.

Siyaasi Cali Xaaji Warsame xilka wasiirnimo kuma daahin waxaana uu hayey muddo 17 bilood ah oo keliya, markii xilka laga qaadayey waxa uu ku maqnaa dalka dibadiisa, sababta looga qaadey xilka ayuu isagu ku sheegay in uu “Kacaanii ka dheereeyey”, laakiin sida ay sheegayaan warar madax-banaan Cali Xaaji waxa uu ahaa qof si furan uga hadla shirarka xukuumadda, soo jeediya dhaliilaha jira ed isla xukuumadda, bishii feberaayo 2015 waxaa jirey shir la doonaayey in lagu qabto tuulada Godad ee koonfurta Gaalkacyo, taas oo Cali Xaaji saameyn weyn ku lahaa, loona arkaayey in uu dhisanayo awood uu ku difaacan karo doorkiisa siyaasadeed, sidoo kale Cabdiweli Cali Gaas iyo Cali Xaaji waxaa u dhexeeyey tartan hoose oo salka ku hayey awooda beeshooda dhexdeeda, taas oo Cali Xaaji doonaayey in aan Cabdiweli Cali Gaas uga awood roonaan, arrimahaas oo soo jiitamaayey tan iyo bilowgii 2015 ayaa sababey in Cali Xaaji xilkiisa waayo.

Cali Xaaji Warsame waxa uu mar kale isu sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadii 2016-2017, tartankaas Cali Xaaji guul weyn kama keenin waxaana uu helay codad aad uga yar kuwii uu helay doorashadii Puntland 2014.

Dhaliilaha loo jeediyo Cali Xaaji

Si lamid ah Musharixiintii hore aan uga hadlalney Cali Warsame Axmed waxaa loo jeediyaa dhaliilo iyo amaanba. Waxyaabaha ugu waaweyn ee dadka ka soo horjeeda siyaasadiisa ay ku dhaliilaan ayaa ah in uu yahay wadaad ka tirsanaan jirey ururo Islaami ah, Cali Xaaji oo doonaya in uu eedahaas iska fogeeyo ayaa ku jawaabey “AA LA TAHAY”, eedahaas ayaa ah kuwo aad u yar marka la eego xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya maanta marayo, ururadii Islaamiga ahaa qaarkood oo burburay iyo in uu u tartamey xafiiska u sareeya Soomaaliya.

Dhaliilaha loo jeediyey Cali Xaaji Warsame ayaa sababey bilowgii sooyaalkiisa siyaasadeed in uu iska fogeeyo gondaha iyo xididka uu ku lahaa dacwada iyo wadaadnimadiisa, taas oo uu sanadkan mar kale wax ka bedalay isla markaana u ololeeyey si ka duwan mararkii hore.

Shakhsiyadda Cali Xaaji Warsame

Cali Xaaji Warsame waa shakhsi aqoon fiican u leh diinta islaamka, waa shakhsi miisaan leh, ixtiraam badan, afmaal ah oo aan hadalka wanaagiisa iyo dhihidiisa loo tilmaamin.

Doorashada Puntland 2019

Cali Xaaji Warsame Axmed waxa uu kamid yahay musharixiin ku dhaw 20 Musharax oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland, ma ahan markii u horeysey ee Cali Xaaji isu soo sharaxo Puntland, marka la eego ololihiisi doorashada Puntland ee 2013-2014 waxaa la dhihi karaa aad ayuu uga duwan yahay kan sanadkan, marka hore waxa uu kamid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu cod dheer ee ka soo horjeeda siyaasadda Dr Cabdiweli Cali Gaas, kadib muddo ayey ku qaadatey in uu si bareer ah u sheego damaciisa doorashada 2019, laakiin xawaaraha todobaadyadii u danbeysey uu jarey ayaa muujinaya awooda ololihiisa doorashada, inkasta oo dad badan aaminsan yihiin fursadaha uu lee yahay in ay ka yar yihiin kuwii uu lahaa sanadkii 2014.

Qaar kamid ah dadka falanqeeya siyaasadda Puntland ayaa sheegaya in Cali Xaaji Warsame ay ka go’an tahay in siyaasadda Cabdiweli Cali Gaas ay meesha ka baxdo oo aan dib loo dooran, tan labaadna ay tahay in uu qayb ka noqdo haddii aanu ku guuleysan doorashada,  isbeddelka soo socda si mar kale siyaasadda dib ugu soo noqdo.

HORSEED MEDIA TEAM

Juxa: Puntland dallaaliin siyaasadeed uma baahna

0

Garoowe (Caasimada Online) – Doorashada Puntland waxaa ka harsan maalmo qura, waxaana socda gunaanadka isi soo bandhigida musharaxiinta, iyadoo ay jiraan dhowr musharax oo si gaar ah farta loogu fiiqaayo iney doorashada kusoo bixi karaan.

Juxa oo ka mid ah musharaxiinta sida gaarka ah loo hadal hayo ayaa ka digay nooca madaxweynaha ay reer Puntland dooran doonaan 8da bisha Janaayo.

Isagoo kumanaan shacab ah la hadlaayay ayuu wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya wuxuu kaga digay reer Puntland in ay doortaan hogaamiye aan raad raac laheyn.

“Waa inuu yahay hogaamiye raad la raaco leh, waa inuu yahay hogaamiye aan la idinku soo xawilin, hogaamiye aan meel kale ka socon, oo aan boorso madoow wadan ayuu yiri Juxa.

Wuxuu Juxa si gaar ah farta ugu fiiqay siyaasiyiinta qandaraaslayaasha ah ee siyaasada ka ganacsada ,tiiyoo ay jirto in musharaxiinta doorashada Puntland ay ku jiraan rag badan oo ay fartu ku godan tahay.

“Waa inuusan ku xirneyn koox daneed, koox dulaaleed ,qandaraas wadayaal, faqwadaag iyo dhabar socod ayuu yiri musharax Juxa.

Hadalkaan ayaa toosh ku ifinaya qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada madaxtinimada Puntland oo loo arko iney dano kale iyo fikrado kale xambaarsan yihiin.

Hoos ka daawo muuqaalka Juxa

Caasimada Online
Xafiiska-Garoowe
[email protected]

Xiisad ka taagan Hiiraan iyo maleeshiyaad farumaha dagaalka isku horfadhiya

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa wali xiisad dagaal ay ka taagan tahay gobolka Hiiraan, taasi oo u dhaxeyso maleeshiyaad ku dagaalamay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka maleeshiyaadka oo salka ku haya aargoosi qabiil ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay wuxuu ka dhacayay deegaanada Hoostaga degmada Maxaas, waxaana maanta la sheegayaa inay xaalad cabsi ka taagan tahay goobihii lagu dagaalamay.

Maleeshiyaadka dagaalamay oo deegaanka wada daga, ayaa iska dilay dad dhalinyaro ah oo dagaalka aanan ku jirin, sida wararka aan ku heleyno, waxaana wali jirin cid kala dhex gashay maleeshiyaadka dagaalamaya.

Maamulka Hirshabeelle ayaa kaliga ku baaqay dagaalka in la joojiyo, kadib qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheikh Cusmaan Barre Maxamed.

Warar kale ayaa sheegaya in xiisadda dagaal ee ka taagan degmada Maxaas ay gaartay deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

La soco waxii kasoo kordhaa xiisadaasi ka taagan Maxaas.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

“MURSAL ayaa nagu ballan furay” Sidee xildhibaanadii mooshinka u tanaasuleen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sidii xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay u go’aansadeen inay ka laabtaan mooshinka.

Inkasta oo la sheegay sababo badan, oo ay ugu weyneyd inay u tanaasuleen danta qaranka, haddana xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa, in heshiis shaqsiyan ah oo uu galay Mursal ay ku qasabtay xildhibaanada inay ka tanaasulaan mooshinka.

Xildhibaan codsaday in magaciisa la shaaciyo oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Mursal la aamusiyey oo uu ku ballan furay.

“Waxaa jira tuhunno badan, balse Mursal wuu ka dhaartay inuu lacag qaatay, wax ay ahaataba, waa nagu ballan-furay dhabarka ayuuna naga toogay” ayuu yiri xildhibaanka la hadlay Caasimada Online.

Xildhibaan kale ayaa isna Caasimada Online u sheegay in marnaba aysan tanaasulin, balse haddii Mursal diiday in mooshinka horey loo sii dhaqaajiyo ay danta qasabtay inay ayagana ka haraan.

“Markii horeba ma jirin tiro nagu filan oo aan ku ridi karnay madaxweynaha, balse haddii Mursal la heshiiyey dowladda, oo labadiisa ku xigeenna ay markii horeba la safnaayeen dowladda, wax aan sameyn karno ayaan jirin” ayuu yiri.

Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa la rumeysan yahay inay ku dhow yihiin 90, hase yeeshee in la rido madaxweynaha waxay u baahan laba meelood saddex mele xubnaha laba aqal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Tuulax: Toddoba ka mid ah askarta ilaaladayda ah iyo darawalkayga ayaa dhintay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca ammaanka Maxamed Cabdullaahi Tuulax, ayaa ka hadlay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee uu ku dhaawacmay.

Tuulax oo uu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxyada, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay qaraxyada ay ku dhinteen toddoba ka mid ah askartii la socotay iyo darawalkiisa.

Hoos ka aqriso qoraalka Tuulax.

Walaalayaal ilaahay samir iyo iimaan hanaga siiyo dhamaan dadkii ku geeriyooday qarixii wuxuushnimada ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka theatre ka.

Aniga waan fiicanahay Alxamdulilaah ilaahay ayaa naga badbaadahay waxaa ku geeriyooday 7 kamid ah askartii ila socotay iyo darawalkii ilaahay ha’unaxariisto samir iyo iimaana hanaga siiyo iyo guud ahaan ciidankii madaxtooyada oo wax yeelo kasoo gaartay.

Waxaan ka qaadaynaa falalka nuucaan oo kale dhiirigelin iyo inaan sii laba jibaarno la dagaalanka cadawga umadda soomaaliyeed.

Waxaan tacsi gaar ah u dirayaa bahda tvga Universal oo uu ka baxay cawil daahir salaad iyo intii la socotay ilaahay samir iyo iimaan hanaga siiyo.

Sawirka hoose waa gaarigii aan saarnaa iyo sida uu noqday

Alla dilaa dhinta

Maxaa wariye Cawil Daahir Salaad lagu xusuustaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee dalka jiray.

Markii uu dalka burburka galay wuxuu weriyaha ka mid ahaa dhalinyaradii isku dayay dib u soo nooleynta warbaahinta.

Wuxuu soo saari jiray mid ka mid ah wargeysyadii tirade yaraa ee gacanta lagu daabici jiray.

Sanadkii 2000 ayuu Cawil ku biiray idaacaddii iyo telefishinkii Horn Afrik oo ahayd warbaahintii ugu horreysay ee madax bannaan ee dalka ka hirgasha. Wuxuu sidoo kale qori jiray sheekooyinka gaagaaban.

Wuxuu weriyuhu caan ku ahaa barnaamijka Dood-wadaag oo looga hadli jiray arrimha bulshada iyo xaaladaha taagan.

Xaalada magaalada Muqdisho markii ay xumaatay, bartamihii sanadkii 2005 ayuu weriye Cawil dalka ka cararay isagoo u guuray qurbaha, halkaas oo uu mihnaddiisa ka sii watay. Isagoo kaddibna ku biiray telefishinka Universal oo uu barnaamijkiisii Dood-wadaag ka sii watay.

Weriye Cawil dhowrkii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu u soo wareegay, wuxuuna aaminsanaa in xaaladda dalka ay soo hagaageyso.

Weriye Cawil Daahir Salaad oo da`diisa lagu qiyaasay 45-sano-jir ayaa ka tegay xaasas iyo carruur, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

NISA oo shaaca ka qaaday goobta lala beegsanayey qaraxyadii maanta dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa soo saaray qoraalo ay kaga hadlayaan bartilmaameydka qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho.

Qoraalka Hay’adda ayaa lagu sheegay in bartilmaameydka qaraxa koowaad uu ahaa xarunta Tiyaatarka Qaranka oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen olalaha is xilqaan oo dib loogu dhisayo Tiyaatarka.

Waxaa maanta goobta ku sugnaa Shaqaalaha wasaaradda Ganacsiga oo qaarkood la sheegay in dhaawacyo fudud ay soo gaareen.

Qoraal kale oo Hay’adda ay soo saartay ayaa lagu sheegay in la qabtay ruuxii hogaaminayay qaraxyada maanta ka dhacay Muqdisho oo sida la sheegay ka dagay gaariga labaad ee ku qarxay Daljirka Dahsoon.

Khasaaraha dhimasho ee qaraxyadii Muqdisho ee maanta oo sii kordhay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo labo ahaa oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo adeegsaday labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyay.

Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku dhintay qaraxyada maanta, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan, iyadoo dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen rayid ku sugnaa goobaha qaraxyada ay ka dhaceen.

Dadka ilaa iyo hadda la aqoonsaday inay ku dhinteen qaraxyada ayaa waxaa kamid ah Wariye Cawil Daahir Salaad, Darawal gaariga u waday iyo shaqaale ka tirsan TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.

Dadka waxyeelada ay kasoo gaartay weerarkii maanta waxaa kamid ah Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax oo ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxii Labaad.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dhaawac uusoo gaaray xildhibaan Warsame Joodax oo qaar kamid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa xaqiijiyay in labo ruux oo ka dagay gaariga labaad ee qarxay gacanta lagu dhigay, waxaana mid kamid ah uu watay gacanta ciidamada ay ka wada hadlaan.

Sidoo kale waxaa jira dad badan oo rayid ah oo ay waxyeello ka soo gaartay qaraxyada maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Burbur culus oo ka muuqda waddo ay adeegsadaan madaxda DF una dhow Villa Somalia (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Burbur Xoogan ayaa ka muuqdo waddo ay inta badan adeegsadaan madaxda dowladda Soomaaliya oo dhowr Talaabo u jirta madaxtooyada Soomaaliya.

Wadada oo ah isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho ayaa burbur xoogan uu ku yimid kadib markii ay badatay wasaqda iyo biyaha lagu daadiyo wadadaasi oo inta badan ay adeegsadaan madaxda marka ay ka duulayaan garoonka Aadan Cadde.

Biyaha lagu soo daadiyo ayaa waxa ay sababeen in bartamaha isgoyska uu boholo yeesho oo ay biyaha fadhiistaan, waxa ayna boholhaasi saameyn xoogan ku yeesheen gaadiidka kala duwan ee wadadaasi isticmaala.

Sagaalkii June ee sanadkaans ii dhamaanaya ayaa wadadaasi xariga laga jaray iyadoo dhisme lagu sameeyay, mana jirin cid isku xilsaartay inay ka ilaaliso wasaqda ay dadka deegaanka kusoo shubaan.

Marka laga soo tago in wadadaani ay shacabka ku dhib qabaan waxa kale oo xusid mudan in amni darro ay ka dhalan karto, maadama ay sahlantahay si fudud waxyaabaha qarxa loogu aaso maadama ay burbursantahay oo ay boholo leedahay.

 

Burundi oo Soomaaliya kala baxaysa ciidamo kaddib arrin ay aad uga carrootay

Muqdisho (Caasimada online) – Dowladda Burundi ayaa shaacisay inay dhimeyso tirada ciidamada ka joogo dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Saraakiil u hadashay dowladda Burundi ayaa sheegay in ciidamadooda ka jooga Soomaaliya ay kala baxayaan qaarkood kahor bisha Febraayo ee sanadka soo socdo, sabab la xiriirta Codsi kaga yimid Midowga Africa.

Saraakiisha ma aysan shaacin codsigaasi wuxuu yahay, balse waxay sheegeen in laga doonaayo in askarta qaarkood ay dib ugu labtaan dalkooda, sida lagu sheegay qoraal uu shaaciyay afhayeen u hadlay ciidamada.

“Soomaaliya waxaa inaga joogo Ciidamo gaaraya 5,400 waaxana nahay wadanka labbaad ee ciidamada ugu badan ugu deeqay Soomaaliya marka laga soo tago Uganda , waxaana inoo qorsheysan in ilaa 1,000 kamid ah ciidamadeena aan kala soo baxno, waana codsi ay midowga Afrika inaga codsadeyn” ayuu sheegay afayeen u hadlay ciidamada difaaca ee Burundi.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyn sheegay in ciidamadooda jooga Soomaaliya la gacan bidxeeyo oo aysan lamid aheyn ciidamada kale ee ku sugan Soomaaliya, taasi oo dhalisay shaki badan.

Wuxuu sheegay in ciidamada Burundi ee Soomaaliya joogo la gacan bidixiyeey , isaga oo carabka ku dhuftay in qalabka ay ku howlgalaan uu yahay mid liita marka loo eego qalabka ciidamada kale ee AMISOM ay ku howlgalaan.

Waxaa meesha ka cad inay hadda oo la joogo waqtigii ciidamada Burundi ee jooga Soomaaliya iyo guud ahaan AMISOM laga yareyn lahaa Soomaaliya uu shaacinayo dhibaatooyinka heystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maamulka Puntland ka filo madaxweyne ah Nabad iyo Nolol, waana tan sababta

Dhawr iyo labaatan cisho ayaa inaga xiga doorashada Madaxweyne ee maamulka Puntland, doorasho noqoneysaa middii ugu xiisaha badneyd abid intii uu maamulkaas jiray.

Xiisaha waqtiga ayaa ugu wacan saameynta ay dowladda dhexe ku leedahay dhaq dhaqaaqa Garoowe ma aha mid sahlan, Imaarat ayaan isna dab yar shideyn.

Dowladda dhexe waxa ay aad ugu dadaaleysaa in ay soo saarto musharax qarsoon oo iyada ku xiran, wallow ay jiraan shaqsiyaad la tuhmayo sida Ina Diyaano, Jabiye iyo Cali Xaaji Warsame, hadana cabsi badan ayaa jirta oo ku saabsan in ay jiri karaan tiro kale oo qarsoon.

Hase ahaatee, xisaab ahaan ayaa loo sii saadaalin karaa guusha Nabad iyo Nolol iyo guuldarradooda.

GUUSHA NABAD IYO NOLOL

Dowladda dhexe waxa ay si buuxda ugu guuleysan kartaa haddii ay gacanta ku dhigto 17 xildhibaan ee Beesha Dhulbahante ku matalaa golaha wakiilada Puntland. Hadda waxaa u xil saaran arrintaas Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas ee Cabdixakiin Cabdullaahi Camey oo soo xulistooda ay aad ugu dagaalamayaan Cabdiweli Gaas.

Taas, waxaa caddeyn u ah labadii guddi ee ay soo kala saareen dhawaan oo si weyn u magic dilay maamulka 20 jirka ah oo aysan sidaas oo kale hore uga dhicin.

Si kastaba, ma caddaa in Camey ku guuleysan doono inuu dhammaan xildhibaanada beeshiisa isaga soo xulo, balse haddii ay taas dhacdo, waxay dhabarjab weyn ku tahay Cabdi Weli Gaas.

SAAMEYNTA XILDHIBAANADA DHULBAHANTE

Marka hore aan ogaanno saami qeybsiga xildhibaanada Puntland.

Miisaankaas waxaa kuu soo baxaya sida ay saameynta doorashada Madaxweyne ugu leeyihiin xildhibaanada Dhulbahante.

Caadiyan 31-ka Majeerteen iyagaa is xifaaliya oo isu kala saara Maxamuud Saleebaan iyo Majeerteen intiisa kale, kuwii xulufu la noqda 17-ka Dhulbahante ayaa mar walba ku guuleysta Madaxweynaha Puntland.

IS AFGARADKII HORE/ GENTLEMAN AGREEMENT

Maxamuud Saleebaan (Cumar Maxamuud, Cismaan Maxamuud iyo Ciise Maxamuud) waxaa hore uga dhexeeyey is afgarad ah in uu Madaxweyne noqdo shaqsi saddexdaas Ilma Saleebaan ka soo jeeda halka Ku Xigeeen uu mar walba ka soo baxo iyada oo aan lagula tartamin Dhulbahante.

Hase ahaatee, doorashada sanadkan laba sababoodba iskaashigaas Maxamuud Saleebaan iyo Dhulbahante meesha wuu uga bixi doonaa

NABAD IYO NOLOL

Dowladda dhexe waxa ay juhdi ballaaran galineysaa sidii ay u heli lahayd 17-ka Dhulbahante oo ay ugu xoojin lahayd yar yarka kale taas oo sahleysa in musharax a wataan uu soo boxo.

NO MORE MAXAMUUD SALEEBAAN

Waxaa sidoo kale iskaashigaas jebin kara dareenka kacsan ee NO MORE Maxamuud Saleebaan oo 20-kii sano ee ay Puntland jirtay hagbad ahaan isugu dhiidhiibayey, taas oo ka dhalatay in Dhulkii Dhulbahante oo dhan gacanta ka boxo, Warsangeli sii socdo, Leelkase Galmudug doonayo halka Cali Saleebaan ay Daacashi isugu biyo shubteen.

Dhammaan qodobadaas kor ku xusan waxa ay lagama maarmaan ka dhigi doontaan in sanadkan Madaxweyne Nabad iyo Nolo ah ku guuleysto xilka ugu sarreeya ee Puntland.

W/Q: Mahad Cabdullaahi Jaamac
Garoowe, Puntland, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Howlgalka RAILA: Maxaad kala socotaa qorshaha uu Odinga aqoonsiga ugu raadinayo SOMALILAND?

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga waxa uu ku jiraa halgan aan suurtagal ahayn oo uu aqoonsi ugu raadinayo Somaliland.

Odinga waxa uu horseed ka ahaa ol’olaha aqoonsiga loogu raadinayo Somaliland si ay u noqoto dal madax bannaan, waxaana loo arkaa saaxiib qiime leh marka ay timaado in Somaliland ay ka go’do Somalia.

Magacaabistiisii Midowga Africa ee ah Ergeyga sare ee horimarinta Africa waxaa si weyn looga soo dhaweeyey Hargeysa, iyaga oo rejeynaya in Odinga oo saaxiib la ahaa uu maamulka ka caawin doono sidii ay u raadsan lahayd aqoonsi.

Mr Odinga waxaa lagu waday in uu shirkii maalgashiga ee Somaliland ku qabsatay Nairobi ka noqdo marti sharaf sare.

Sida laga soo xiganayo xafiiska Somaliland ee Nairobi, shirkaas laba maalmood ahaa waa kii ugu weynaa ee ay Somaliland ku qabsato Africa halka mid noociisa oo kale ah hore loogu qabtay London.

“Waxaan u isticmaaleynaa shirkan sidii Somaliland loogu furi lahaa Kenya iyo maalgashiga wadamada Bariga Africa,” waxaa sidaas yiri ergeyga Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cumar.

“Waxaa jira meelo badan oo aan ka wada shaqeyn karno Kenya iyo wadama Bariga Africa. Waxaan dooneynaa dhoofka baayac mushtarka Kenya, halka anagana aan u iibgeyno xoolaha Kenya,” ayuu ku daray.

Waxaa sidii oo kale laga wada-hadlayey iskaashi dhexmara Dekedda Berbera iyo midda Mombasa.

Somaliland sidoo kale waxa ay dooneysaa in duullimaadyo toos ah oo Nairobi iyo Hargeysa ah ay bilowdo, sida laga soo xiganayo Baashe taas oo sare u qaadeysa isdhexgalka ganacsi ee muwaadiniinta labada dhinac.

Kenya Airways waxa ay hore u muujisay sida ay u dooneyso duulimaadyo toos ah oo ay ku tagto Hargeysa.

Dalka Kenya waxa uu raadinayaa ganacsi iyo heshiisyo siyaasadeed oo uu si toos ah ula galo Hargeysa halkii uu Muqdisho lala gali lahaa.

“Kaalaya nagala shaqeeya dhisidda dalkan weyn ee Somaliland; waxaan haysannaa fursado badan,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Yaasiin Maxamed Xiir (Faratoon).

Marka laga yimaado ganacsiga, shirkii labada maalin socday waxaa looga ol’oleeyey aqoosniga Somaliland.

Raila Odinga oo si weyn ula socday xasaasiyadda arrinta iyo gadoodka ka imaan kara dowladda Somalia waxa uu ka baaqday shirkii Somaliand ee uu ka casuunnaa.

Hase ahaatee, taas kama reebin in uu si qarsoodi ah kulan ula yeesho wafdigii Somaliland.

Mr Odinga kali kuma ah u ol’oleeynta aqoonsi raadinta Somaliland, Xoghayaha Ganacsiga ee Kenya Peter Munya ayaa isna si teel teel ah ugu ol’oleeyey kiiska Somaliland gaar ahaan xilligii uu ahaa gudoomiyaha barasaabyada Kenya.

Somaliland waxa ay ka mid tahay suuqa qaadka Kenya ugu weyn halka Munya gobolka uu ka soo jeedo ee Meru uu soo saaro Qaadka ugu Badan ee Kenya.

Waxaa mudan in laga war sugo in Odinga ol’olihiisa aqoonsi raadinta Kenya ku guuleysto balse waxaa xusid mudan in uu dadaalka ka billaabayo Nairobi, dalkiisa Kenya.

Mawqifka dowladda Kenya ee madax bannaanida Soomaaliya

Sida laga soo xiganayo xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya Ababu Namwamba, Kenya wali ma soo gaarin codsi rasmi ah uu ku saabsan arrinta aqoonsiga, haddii ay timaaddo, “Waxaa lagu salleyn doonaa ruuxiyad wanaagga qaraarkii Midowga Africa ee xushmeenayey madax bannaanida iyo karaamada dalalka xubnaha ka ah.”

“Waxaan qadarin u haynaa in Soomaaliya tahay Federal iyo daris wanaagsan. Shaqada hadda socota waa in la dhiso Federal mideysan, Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah,” ayuu mas’uulka Wasaaradda Arrimaha dibedda yiri.

Si tani ku dhacdo, waa in dadka ay quseyso ee maxaliga ah, gobolka iyo bulshada caalamka ay muujiyaan sida ay u daneeynayaan, haddana waxa ay caddeeyeen diidmadooda ah aqoonsiga Somaliland.

Hadda waa mid xilli dambe ku ah Somaliland in ay hore u waddo oo ay iyadu hoggaanka u qabato dadaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

 

Jaamacad ku taal Uganda oo amar dhaqan oo yaab leh kusoo rogtay ardayda

Kampala (Caasimada Online) – Jaamacad ku taal dalka Uganda ayaa gabdhaha dhigta ogeysiis la yaab leh u soo dhajisay. Ogeysiiska waxaa laga mamnuucay xirashada goonooyinka gaagaaban, dhagaha, katiinadaha qoorta, funaanadaha ama shaararka gacmo gaabyada ah, rinjiyenta cinjiyaha iyo xirashada surwaalada iyo waxyaabo kale oo badan.

Jaraa’id maxali ah oo loo yaqaan ‘New Vision’ ayaa Khamiistii daabacay in Jaamacada Bugema ay soo saartay ogeysiiska si ay u xoojiso adkeynta ‘Dhaqan Wanaagga.’

“Ma jiro arday la soo laabanaya waxyaabaha kor ku xusan Semester-ka dambe. Dambiileyaasha waxa ay wajihi doonaan gudiga asluubta iyo tallaabo adag,” ayaa lagu yiri ogeysiiska.

“Ardayda waa in ay la soo laabtaan waxyaabaha kor ku xusan Semester-ka dambe.”

Dean-ka ardayda George Mupaghasi ayaa u sheegay Majaladda New Vision in ay xoojinayeen sharciyada oo ardayda loo sharraxo marka ay Jaamacadda ku cusub yihiin.

“Waan u sheegi jirnay ardayda sharciyadan, gaar ahaan marka soo dhaweynta loo sameeynayo laakiin niyad jabkeena, qaar ka mid ah waxa ay noqdaan dambiileyaal labis dhaqan xun,” ayuu George Mupaghasi yiri.

Bugema University waxa ay xiriir la leedahay madhabka diinta Christian-ka ah ee Seventh Day Adventist waxaana markii hore uu ahaa School diimeed ay wax ku bartaan macallimiinta iyo wadaada. Markii dambe waxa ay bilowday bixinta kuliyado kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
[email protected]

 

Taliska booliska Beledweyn oo soo saaray amaro horey u dhaqan geli waayay

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Magaaada Beledweyne ayaa soo saaray amaro cusub oo la doonayo in laga dhaqan geliyo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Amaradaasi ayaa ku wajahan dadka heysta gaadiidka lagu dahaaray muraayadaha Madow iyo mootooyinka Bajaajka ee lagu qurxiyo daahyada, kuwaasi oo ku badan magaalada Beledweyne.

Taliyaha Saldhiga Booliska Beledweyne Gaashaanle dhexe Maxamed Macow ayaa si cad u sheegay in amarkaasi la doonayo in si dhaqso ah loo dhaqan geliyo, maadaama gaadiidkaasi dhibaatooyin badan dadweynaha ay ku qabaan.

Wuxuu sheegay in Bajaajta leh daahyada iyo gaadiidka yaryar ee leh muraayadaha Madow in lagu sameeyo dhibaatooyinka ka dhanka ah amaanka, isaga oo sheegay in kooxaha burcadda ay ku dhuuman karaan.

Horay ayaa maamulka Gobolka Hiiraan iyo laamaha amniga gobolkaas ay u soo saareen amaro noocaan oo kale ah, hayeeshee ma noqon kuwo dhaqangala.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay in muddo kooban kadib ay sameyn doonaan howlgal ka dhan ah gaadiidka muraayadaha madow leh iyo mooyinka, isaga oo sheegay dadkii fuli waaya amarka in xabsiga la dhigi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo khasaaro kala duwan geystay.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay meel u dhow Tiyaatarka qaranka waxaana uu sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur gaaray goobo ku dhow dhismaha Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka ma aysan shaacin ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay, balse waxaa la xaqiijiyay inay waxyeelada ugu badan soo gaartay dad shacab ahaa oo ku sugnaa meel ku dhow albaabka koowaad ee dhanka Tiyaatarka xiga ee laga ilaaliyo madaxtooyada.

Qaraxa labaad ayaa la maqlay ugu yaraan 20 daqiiqo kadib markii la maqlay qaraxa koowaad, waxaana qaraxa labaad uu ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Gaariga dambi ayaa ahaa SURF laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo dhacday qaraxa labaad kadib.

Gaariga Koowaad ayaa waxaa soo baxaya inuu ahaa mid lagu buufiyay astaanta ciidamada booliska, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin, waxaa sidoo kale soo baxaya in masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir ay ku dhaawacmeen qaraxyada maanta dhacay.

Waxaa wali socda tirokoobka dadka waxyeelada gaartay.

La soco waxii faahfaahina h Inshaa allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay qaraxa Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaaro badan geystay.

Lama xaqiijin ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ka dhacay agagaarka dhismaha Guriga Hooyooyinka, waxaase la arkayay uuro cirka isku shareertay iyo rasaas badan oo dhaceysay.

Qaraxa ayaa rasmi ahaan kaga dhacay goob shaax laga cabo oo ku taalo agagaarka Hooyooyinka.

Burbur xoogan ayuu geystay qaraxa oo aad u xooganaa, waxaana socda dadaalo loogu gurmayo dadka waxyeelada ay soo gaartay.

La soco faahfaahin dheeri ah.

Xildhibaanada oo shaaciyey 9 qodob oo Farmaajo iyo Kheyre ay uga bedesheen in mooshinka laga laabto

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan mooshinkii madaxweyne Farmaajo ee guddoomiyaha baarlamanka uu shalay sheegay in laga laabtay.

Qoraalkan, ayaa xildhibaanada waxay ku sheegeen in markii ay qiimeeyeen xaaladda siyaasadeed ee dalka ay u tureen isla markaana u tanaasuleen danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayna ogol yihiin in mooshinka laga laabto.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in in ka laabashada mooshinka ay  qeyb ka tahay in madaxweynaha iyo Raysal Wasaarihiisuna fuliyaan sagaal qodob.

Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran iyo sagaalka qodob ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha laga doonayo.

Faahfaahinta qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho + Sawir

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qarax ayaa la sheegay inuu ahaa baabur lagu xiray waxyaabaha qarxa, waxaana uu ka dhacay bar kontrool oo ku taalla isgoyska dabka.

Goobjoogayaal ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga qarxay uu ahaa kuwa raaxada.

Barta kontorool ee uu qaraxa uu ka dhacay ayaa la sheegay inay joogeen ciidamada dowladda Soomaaliya, balse wax dhibaato ah kama soo gaarin qaraxa.

Inta la ogyahay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Saraakiil ka tirsan dowlada ayaa sheegay in qofkii waday gaariga uu baxsaday.

sawirro laga soo qaaday gaariga qarxay ayaa muujinayay burbur soo gaaray gaariga oo nuuciisa uu yahay PREMIO.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyey mowqifkiisa ku aaddan qorshaha Abiy

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ammaanay doorka fir-fircoon ee uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, kaga jira nabadda iyo is-dhexgalka Wadamada Geeska Afrika.

Isaga oo ka hadlaya, kulan Saddex Cisha ahaa oo ay yeesheen Safiirro reer Jabuuti ah iyo Diblomaasiyiin sare, oo Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Jabuuti, ayaa wuxuu si aad ah usoo dhoweeyay is-beddelka ka jira Bariga Afrika ee uu hormuudka ka yahay Abiy Axmed.

Madaxwayne, Geelle, ayaa xusay in ay tallaabadani xal ka geysan karto shaqaaqooyinka ka dhex taagan qaar ka mid ah Qowmiyadaha ku dhaqan bariga Afrika iyo in is-afgaradka laga gaaro xaaladaha jira.

Wuxuu sidoo kale aad usoo dhoweeyay, mudane, Geelle, dedaallada jira , isagoo ka mahad celiyay dedaallada caalamiga ah ee uu wado Dr; Abiyi Axmed, ee ku aaddan Gobolka, oo ay ka mid tahay dedaalka uu ka sameeyay iyo geeddi-socodka is-dhexgalinta ah ee Jabuuti iyo Eritrea.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected] 

Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay saameynta hadalkii Kheyre ee Dooxa (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Daahir Aweys oo hadda u xiran dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay saameynta ka dhalan karta is ixtiraam la’aanta madaxda Soomaalida dhexdeeda.

Xasan Daahir, ayaa wuxuu soo hadal qaaday hadal ra’iisul wasaaraha dalka uu ka jeediyay magaalada Doha ee dalka Qatar oo ahaa inaysan cabsi galin doonin waxa uu ugu yeeray qabqable Dagaal.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxda dalka uu ka dhaxeeyo Ixtiraam lagu wada shaqeyn karo, haddii uusan jirinna wuxuu sheegay in fowdo ay halkaasi ka dhalan karto.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay baarlamaanka inay yihiin kuwoo doortay madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ansixiyay xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanada iyo madaxda ayuu sheegay inay wanaagsan tahay inay si wanaagsan u wada shaqeeyaan oo laga fogaado waxyaabaha keeni kara fowdo kale oo dalka Soomaaliya uu galo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda dhankeeda looga baahan yahay inay ixtiraam kula dhaqanto xildhibaanadii ansixiyay shalay markii lasoo dhisay.

Hoos ka daawo Khudbadda Xasan Daahir Aweys.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]