26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Wararkii ugu dambeeyey ee mooshinka FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo Khilaafka ka dhashay Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka bilowday Magaalada Muqdisho.

Dadaallada ayaa waxa wadda xildhibaano ka tirsan Golaha Aqalka Sare iyo sidoo kale qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed, waxaana ay booqdeen Guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

Sanater, Cabdirisaaq Cismaan Xasan Guurinle, Cabdi kaafi Macallin Xasan , Cabdi Axmed Dhuxulow, Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, Cabdullaahi Cabdi Garoon ,Yuusuf Geelle Ugaas ,iyo Sanater Cabdirisaaq Axmed Cali oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa ku howlan xalinta Khilaafka ka dhex taagan xildhibaanada Golaha Shacabka iyo waliba Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa sidoo kale muuqda Khilaafka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenadiisa oo kasoo horjeedda Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Odayaal ka mid ah kuwo ugu Caansan Soomaaliya ayaa maanta booqday guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,kuwaasoo kala hadlay Khilaafka Baarlamaanka iyo waliba Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Beesha caalamka oo war ka soo saartay xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa qoraal xasaasi ah kasoo saartay xaaladda kacsan ee maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ka dhaceen shaqaaqooyin ka dhisay xarigga ay dowladda Soomaaliya ay kula kacday Mukhtaar Roobow.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in beesha caalamka ay tacsi tiiraanyo leh ka direen geerida xubin ka mid ah Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo dadkii kale ee ku dhintay rabshadaha Baydhaba ka socda, kuwaasoo qarxay markii ciidamada Itoobiya ay xireen Mukhataar Roobow, kadibna loo duuliyay Muqdisho khamiistii.

“Waxaan ka soo horjeednaa rabshadaha iyo falalka kale ee ka sii dari kara xaaladda bani’aadamnimada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka beesha caalamka, kaasoo aan lagu soo hadal qaadin xariga Roobow.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la raaco hanaankii lagu heshiiyay ee doorashada, waxaana loogu baaqey dhinacyada inay xushmeeyaan lana shaqeeyaan guddiga doorashada Koonfur Galbeed.

“Waxaan dhiirigelineynaa wada-hadal wax ku ool ah si loo xaliyo khilaafaadka siyaasadeed, lagana hortago caqabadaha kale si loo hormariyo horumarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka,” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warka kasoo baxay saaxibada beesha caalamka.

Qoraalkanka waxaa soo saarey Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM iyo the United Nations.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Ciidamada SACUUDIGA oo toogtay dad Soomaali ah

Sanca (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen Soomaali ku sugan Sacuudiga, Ciidamada Ammaanka ee ku sugan Xuduudda ay wadaagaan Boqortooyada Sacuudiga iyo Yemen ayaa toogtay Tahriibayaal Soomaali ah oo doonayay in ay u gudbaan gudaha dalkaasi.

Qofka la dilay ayaa lagu magacaabayay Axmed-Nuur Maxamed Caraaye (Afdheere), halka 4-kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta ay ku rideen Ciidamada Sacuudiga dadkaan doonayay in ay u tallaabaan Sacuudiga.

Dadkan ayaa sheegay in dhaawaca soo gaaray oo ay waayeen gurmad lagu daweeyo uu sababay in dhiig bax uu u dhinto marxuumka geeriyooday.

Tuulada dhacdadaan ka dhacday oo lagu Magacaabo Raqwah ayaa dhacda Soohdinta Dalalka Yemen iyo Sacuudiga ay wadaagaan, waxa ay gudaha usoo jirta Xuduuda Yemen.

Dadka dhaawacmay ayaa looga kala tagay goobta, waxa ay wararku sheegayaan in iyanne ay ku dhiig-baxeen Tuulada Raqwah oo ah Halka lagu tuugtay.

Sacuudiga ayaa ciidamo dheeraad ah geeyay Xuduudda uu la wadaago Yemen, waxa ayna ku xireen Silig iyo Kaamirooyin, si ay ula socdaan Dhaq-dhaqaaqa dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya.

Soomaalida Sacuudiga u tahriibto waxa ay ka tallaabaan Soohdinta Yemen iyo Sacuudiga, waxa ay ka gudbaan buuro dhaadheer, iyaga oo la kulmo Khasaare dhimasho, Dhaawac iyo qaarkood oo la qabto, kadibne loosoo celiyo Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa kordhisay Ciidamada ka howlgalaya Xuduudda Yemen ay la wadaagaan, maadaama Diyaaradooda ay duqeymo ka geystaan Dalkaasine, kana baqayaan in xubno katirsan Xuutiyiinta ay gudaha dalkooda ugu gudbaan.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
[email protected] 

Is-gaarsiinta Baydhaba oo hawada laga saaray iyo ciidamo lagu daadiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali soconaya banaanbaxyadii saaka ka bilowday magaalada Baydhabo oo galay maalintii seddexaad, iyadoo dadka ay wali ka careysan yihiin xarigii Mukhtaar Roobow.

Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa maanta ka duwan sidey ahaayeen labadii maalin ee lasoo dhaafay, maadaama ay dhagxaan la dhici jireen goobaha Ganacsiga ee ku yaala magaalada Baydhabo.

Wariyaha Caasimadda Online ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dadka ay banaanbaxyadooda si nabdoon maanta ku dhiganayaan, laakiin waxaa hawada laga saaray isgaarsiinta Teleefanada.

Ciidamo boolis iyo kuwo meletari ah ayaa lagu daadiyay magaalada si ay kaga hortagaan inay dhibaatooyin geystaan dadka shacabka ah ee banaanbaxyada dhigaya.

Ilaa maalintii Khamiista oo lasoo xiray Rooboow oo iminka Muqdisho Maxbuus ku ah ayaa waxaa Baydhabo gilgilay banaanbaxyo rabshado wato, waxaana ku geeriyooday dad badan oo uu xildhibaan Koonfur Galbeed kamid ahaa.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Saxaafada oo looga yeeray hotelka gudoomiye Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa looga yeeray hotelka uu degen yahay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan.

Wariyaasha ayaa ugu horeyn lagu balamiyay Hotel Afrik oo ku yaala Agagaarka KM4, waxaana kadib loo qaaday Hotelka Shabeell oo uu degen yahay guddoomiyaha baarlamaanka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiye Mursal la filayo inuu markii ugu horeysay uu kasoo muuqdo Warbaahinta kadib markii uu ka guuray Villa Uganda oo ku dhex taala madaxtooyada.

Waxaa la filayaa inuu warbaahinta kala hadlo xaaladda Mooshinka, xeritaanka Mukhtaar Roobow iyo banaanbaxyada rabshadaha wata ee ka taagan magaalada Baydhabo maalintii seddexaad.

La soco shirka Jaraa’id ee Guddoomiye Mursal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo Kheyre “Ma aqbali doonno in qab-qable uu nagu cabsi geliyo xukunka ayaan idinka ridaynaa”

Doxa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa diginin culus u diray xubnaha mucaaradka ku ah dowladda madaxweyne Farmaajo, isaga oo sheegay inaan lagu cabsi gelin karin “xukunka ayaan idinka rideynaa”

Khudbad uu Ra’iisul Wasaare Kheyre u jeediyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Doxa, ayuu xubnaha mucaaradka ugu yeeray qab-qableyaal doonaya inay hanjabaad wax ku helaan.

“Inta aan annaga joogno xukunka, waxaan idin balan qaadayaa in aanan aqbali doonin in nala cabsiiyo, in aan aqbali doonin in dariiqa saxda ah nagala leexiyo, in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hadaladiisa laga dareemay carro.

Hoos ka daawo Kheyre

 

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Baydhaba caawa

Baydhaba Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa wali Caawa ka jirta Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed oo maanta Xaafaddo ka mid ah ay soo galeen ciidanka dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Ciidanka Booliska Baydhabo ayaa ku guuldareystay in ay joojiyaan Banaanbaxyadda, waxaana maanta Magaalada lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Dadkii Banaanbaxyadda waday ayaa la sheegay in ay dib ugu laabteen guryahooda,maadaama ay tahay xilli habeen ah, waxaana Xaafaddaha qaar laga maqlaya rasaas goos  goos ah oo ay ridaayaan Ciidanka Booliska iyo Koox hubeysan oo taageersan Sheekh Mukhtaar Roobow.

Dhammaan wadooyinka Magaalada Baydhabo ayaa xiran, meelaha qaar Korontada ayaa ka maqan, waxaana Magaalada ka taagan Jawi Cabsi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected] 

Dowladda Soomaaliya oo WAR cusub ka soo saartay xaalada Koonfur Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal kasoo saartay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed oo shalay iyo maanta magaalada Baydhabo ay ka dhaceen rabshado dad badan ay ku dhinteen.

Rabshadahan ayaa waxaa sababay carro ka dhalatay xariga dowladda Soomaaliya ay shalay magaalada uga soo kaxeysatay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo hadda ku xiran magaalada Muqdisho.

Wasaaradda amniga gudaha ayaa sheegtay inay ugu baaqeyso dhamaan Shacabka Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed ilaalinta xasilloonida iyo Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed.

Hoos ka aqriso qoraalka.

Aqri: Xildhibaano soo saaray qoraal xasaasi ah oo ka dhan Itoobiya iyo madaxa Amisom

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Badbaadinta Qaranka ee ay ku jiraan qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaalida ayaa soo saaray qoraaal xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee ka jirta magaalada Baydhabo, kaasi oo ay heshay Caasimada Online

Xildhibaanada ayaa qoraalkan, oo loo diray Midowga Afrika, QM, Mareykanka, UK iyo beesha caalamka, ku dhaliilay doorka ay AMISOM ka qaadatay falkii lagu soo xiray Mukhtaar Roobow maalintii shalay, oo ay ku tilmaameen wax aan la aqbali karin.

Waxaa sidoo kale ay cambaareeyeen safiirka Midowga Afrika iyo madaxa howlgallada AMISOM, Franseco Madeira oo ay sheegeen inuu ahaa shaqsigii bixiyey amarka lagu xiray Roobow.

Xildhibaanada ayaa si weyn u cambaareeyay Taliska AMISOM, waxayna sheegeen in ay ka baxeen dhexdhexaadnimadooda, si ula kac ahna u jabiyeen heshiiskii ay wada saxiixdeen dawladda Soomaaliya iyo Heshiiska Howlgalka Hawlgalka (SOMA).

Qodobka 8-aad ee heshiiskaan wuxuu uu qeexayaa; “AMISOM iyo xubnihiisu waa inay ka fogaadaan ficil kasta ama waxqabad kasta oo aan u dhigmin mid dhexdhexaad ah. AMISOM iyo wadamada xubnuhu ka ciidanka nabad ilaalinta waa inay ixtiraamaan sharciyada iyo xeerarka dowladda iyo dalka Soomaaliya”

Hoos ka aqriso qoraalka

Odayaasha Koonfur Galbeed oo go’aan kasoo saaray doorashada maamulka

Baydhabo (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa dalbaday in la sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo shalay dowladda Soomaaliya ay kasoo xirtay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda ee maamulka Koonfur Galbeed.

Odayaasha ayaa sheegay in banaanbaxyadda ka socda Magaalada Baydhabo ay sii socon doonaan tan iyo inta lasoo deynaayo Mukhtaar Roobow Cali.

Waxa ay sidoo kale tilmaameen in doorasho aysan ka dhicin karin 19 Bishaan Magaalada Baydhabo, hadii ay ka dhacdana wixii dhibaato ah oo ka dhasha Mas’uuliyideeda in ay qaadeyso dowladda Soomaaliya.

Odayaasha waxay ka digeen in doorasho jujuub ah oo ka dhacda Baydhaba wixii dhibaato ah ee ka yimaadda ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto dowladda Soomaaliya.

Wali xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemaya magaalada Baydhabo waxaana qeyba ka mid ah magaalada laga maqlaya rasaas Goos Goos ah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

 

Warmurtiyeed kasoo baxay kulamadii Farmaajo iyo Afwerki ee Muqdisho (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki, waxay kulamo wadatashi oo labo maalmood socday (13-kii ilaa 14-kii bisha Diseembar, 2018) ku yeesheen magaalada Muqdisho, Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxay wadahadallo ku yeesheen Villa Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyada oo si dhaw la isaga kaashanayo dhammaan dhinacyada danta u ah labada dal sida ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab.

Madaxweyneyaashu waxay ka dhawaajiyeen sida ay uga go’an tahay in la dardargeliyo iskaashiga Geeska Afrika iyada oo xoogga la saarayo iskaashiga heer gobol ee dhinacyada horumarka, horusocodka iyo barwaaqada.

Madaxweyne Isaias waxa uu bogaadinayaa, soona dhaweynayaa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguma tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan.
Iyaga oo si buuxda u garawsan baahida loo qabo in la helo hannaan lagula tacaalo halista casriga ah ee argagaxisada iyo saboolnimada. Labada Madaxweyne waxay ku heshiiyeen in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka.

Labada Madaxweyne waxay isla qireen inay jiraan caqabado badan oo ay tahay inay si wadajir ah xal ugu raadiyaan. Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in ay mideeyaan taageeradooda iyo dadaalkooda wadajirka ah si loo xalliyo caqabadaha ay labada waddan si gaar ah iyo guudba u waajahayaan.

Madaxdu waxay isla garteen in iskaashi heer gobol oo waxtar leh uu muhiim u yahay ka gudubka dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagaxisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee gobolku wajahayo.

Labada Madaxweyne waxay garwaaqsan yihiin in nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed iyo gobolka guud ahaan. Isku day kasta oo lagu carqaladaynayo dardarta ka socota gobolka waxay shaki la’aan curyaaminaysaa horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhinaca nabadda iyo dib-u-heshiinta. Madaxdu waxay ka midaysan yihiin ka hortagga faafinta xog kasta oo halis ah, raad aan lahayn, siyaasadina dabada ka riixayso, waxayna dhammaan ugu baaqayaan in ay ka qayb-qaataan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha u galay Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada ay Gudaha u galeen Ciidan Itoobiyaan oo wadda gaadiidka dagaalka, kuwaasoo kasoo dhaqaaqay garoonka Magaalada Baydhabo.

Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in ciidanka ay labo dhinac kasoo galeen Magaalada, xilli ay ka socdaan Banaanbaxyo looga horjeedo ciidanka Itoobiya oo shalay xarunta Madaxtooyadda kasoo qabtay Musharax Rooboow oo ka mid ahaa Musharaxiinta Koonfur Galbeed.

Boqolaal Shacab ah ayaa ku sugan gudaha Magaalada, kuwaasoo wadda Banaanbaxyo, waxaana sidoo kale Xaafaddo ka mid ah Magaalada ku sugan Ciidamo taageersan Musharax Roobow oo hadda ku xiran Muqdisho.

Ciidanka Booliska Baydhabo ayaa ku guuldareystay in ay joojiyaan Banaanbaxyadda , waxaana maanta Magaalada lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo war kasoo saaray doorashada

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeniyay warqad been abuur ah oo baraha Bulshada la soo dhigay, taas oo lagu sheegay in xubnaha Guddiga iscasileen.

Guddiga ayaa sheegay doorashada waqtigii loo qabtay inay ku dhaceyso oo ah 19-ka Bishaan, islamarkaana aysan jirin wax arrintaas iska beddelay.

Guddiga doorashadda ayaa waxaa saaran Caddaadis xoogan oo ka imaanaya Shacabka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo waliba waxgaradka oo Codsanaya in doorashadda dib loo dhigo.

Dowladda Qatar oo shaaca ka qaaday inay dhismaha dekada Hobyo billaabayso

Doha (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti, ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay dawladdiisu bilaabayso mashruuca dhismaha dekadda Hobyo ee gobalka Mudug.

Wasiirka ayaa qorshaha billaabidda mashruucaan ka sheegay kulan gaar ah oo ay wada qaateen ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Cali Khayre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo kulanka qayb ka ahaa ayaa sheegay in wasiirka dekaduhu uu ra’iisul wasaare Khayre ka ballan qaaday in sida uga dhaqsaha badan ay u bilaabmayso dhismaha dekadda si ay uga faa’iisaystaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), ayaa bishii Jannaayo ee sannadkaan ayaa dhagax dhigay mashruuca dhismaha dekadda Hobyo, waxaana horraantii bishii July qiimayn ku tegay wadfi ay hoggaaminayo wasiirka dekadaha XFS, Maryan Aways, oo ay qayb ka ahaayeen khuburo ka socoto dalka Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Fiqi oo shaaciyey qorshe yaab leh oo uu qeyb ka yahay xarriga ROOBOW

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Macallin Fiqi ayaa war kasoo saaray xariga shalay magaalada Baydhaba loogu gaystay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay facebook, ayuu Fiqi ku sheegay in xariga Roobow “uu qeyb ka yahay heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee lala galay Ethiopia iyo Eritrea” ee xildhibaanada baarlamanka ay mooshinka ka keeneen.

Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi ee facebook oo dhameystiran.

Waxaa Baydhabo dad joogaa ii xaqiijiyeen in ciidamada Abiy Axmed ee Itoobiya ay xoog ku qafaasheen musharaxii madaxweynaha Koonfur Galbeed Mukhtaar Roobow oo guddiga doorashadu u diiwaan galiyeen ka qeybgalka tartanka doorashada madaxweynenimada K/G.

Waa ayaandarro in ciidamo ajnabi ah loo adeegsado ku xadgudubka muwaadiniin Soomaaliyeed iyo u xoog sheegshadooda.

Falkani wuxuu qeyb ka yahay heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee lala galay Ethiopia iyo Eritrea, waa midkii ay xildhibaanada qaranku ay ka sii digeen, maalinba maalinta ka danbaysa waxaa soo cadaanaya wajiga dhabta ah ee madaxda dalkeena.

Dalkaan Itoobiyaan iyo Eritreeyaan laguma qabsan karo!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Sii-hayaha madaxweynaha K/Galbeed oo war cusub soo saaray (DHAGEYSO)

Baydhabo (Caasimada Online) – Sii-hayaha Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo goor dhow ayaa ku baaqay in la joojiyo Banaanbaxyadda ka socda Magaalada Baydhabo.

Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa dhaliilay Shacabka Magaalada Baydhabo Banaanbaxyadda ka wadda ee kasoo horjeedda xiritaanka Sheekh Mukhtaar Roobow oo uu sheegay in ay yihiin kuwo yar.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in ilaaliyo Ammaanka Magaalada Baydhabo, islamarkaana la joojiyo Banaanbaxyadda ka socda Magaalada Baydhabo oo uu sheegay in ay waddaan kuwo kasoo horjeedda Ammaanka.

Banaanbaxyadda ka socda Baydhabo ayaa lagu toogtay Saakay Xildhibaan Cabdishakuur Ibraahim Yacquub.

Wali xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemaya magalada Baydhabo waxaana qeyba ka mid ah magalada laga maqlaya rasaas Goos Goos ah.

Caasimada Online
Xafiiska Byahdabo
[email protected]

Yaa toogtay xildhibaankii maanta la dilay? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilka magaalada Baydhabo loogu geystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Koonfur Galbeed islamarkaana ahaa guddoomiyihii guddiga amniga Koonfur Galbeed.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya cidda rasmi ahaan kaga dambeysay dilka xildhibaanka oo lagu magacaabayay C/Shakuur Yacquub Ibraahim oo ahaa guddoomiya Amniga ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu kamid ahaa xubno u istaagay saaka sidii xiisadda loo qaboojin lahaa, balse rasaas kaga dhacday oogada sare ee jirkiisa ayuu u dhintay, sida goobjoogayaal ay xaqiijiyeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaanka ay toogteen ciidamada booliska Koonfur Galbeed ee ka hortagayay rabshadaha ka socdo magaalada, halka wararka kale ay sheegayaan in ciidamada ilaalada u ahaa Mukhtaar Roobow ay toogteen.

Dilka Xildhibaanka, ayaa ka dhacay Nawaaxiga Saldhiga Boooliska baydhabo, kaasoo ku dhow Madaxtooyada Koonfur Galbeed, waana ta keentay shakiga ugu badan ee ah in ciidamada booliska ay toogteen.

Xaalada magaalada ayaa wali kacsan, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas ka dhaceysa xaafadda Horseed iyo agagaarka Garaash ku dhow guriga uu deganaa Mukhtaar Roobow.

Ma jiro wax war ah oo wali dowladda Soomaaliya ay kasoo saartay qalalaasaha kasoo kordhay magaalada Baydhabo oo galay maalintii Labaad.

Haddii Xasaradahan ay sii socdaan waxaa halis ku jirta doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed oo shan maalin kadib la filaayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo sida guddiga doorashada ay sheegeen.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Xaaladda Baydhabo oo sii xumaatay iyo xildhibaan ku geeriyooday rabshadaha

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inay sii xoogeysteen rabshadaha ka socdo magaalada Baydhabo ee bilowday gelinkii dambe ee shalay.

Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka koofur Galbeed uu ku geeriyooday rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo, sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo  Cabdishakuur Buule oo ka mid ahaa  Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa toogasho lagu dilay intii ay socdeen Banaanbaxyadda ka dhanka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa Maanta ah mid kacsan, waxaana jirin cid ilaa iyo hadda isku dayeysa inay xal ka gaarto xaalada cakiran iyo rabshadaha ka socda Magalada Baydhabo.

Ciidamada booliska ee magaalada Baydhabo ku sugan ayaa heegan buuxa ku jira, iyadoo ay doonayaan inay ka hor tagaan waxyeelo kale oo ka dhalata xiisada ka taagan magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

“Afwerki wuxuu magaalada Muqdisho keenay saraakiil hogaaminaysa ciidamiisa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Mucaaradsan dowladda Soomaliya islamarkaana gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka walaacsan safarka madaxweynaha Eritrea uu ku joogo magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ay soo saareen xildhibaanadan ayna warbaahinta u aqriyeen xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaano kale ayaa waxay si cad ugu sheegeen inaysan taageersaneeyn safarka Madaxweynaha Eritrea ee Muqdisho.

Waxay sheegeen in safarkiisa uu ku yimid Muqdisho, iyada oo uu Mooshin ka yaala madaxweyne Farmaajo inay ka dhigan tahay siyaasadda guracan ee ay heshiiska ku yihiin, sida ay hadalka u dhigeen.

Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay inay ka warhayaan madaxweynaha Eritrea inuusan aheyn ruux dalkiisa ka ogol dastuurka iyo Dimuqraadiyadda, sidaasi daraadeedna ay walaac ka muujinayaan safarkiisa.

Waxay ugu dambeyn qoraalkooda ku sheegeen in saraakiil Eritrean ah uu keenay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo hogaamin doono ciidamo ka socda dalkaasi oo Muqdisho imaanaya.

Dowladda Soomaaliya wali ma aysan shaacin wax heshiis rasmi ah oo ay la gashay dowladaha Ethiopia iyo Eritrea marka laga yimaado isfahamka dhex marayay seddexda dowladood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Yaa dowlada ka gaday Mursal oo hadda eediisa dusha loo saaray?

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha shacabka Cabdi Weli Muudey ayaa eed kulul kala kulmaya xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa sida ay xogo hoose ku warramayaan ku dhaliilaya Muudey in uu mas’uul ka yahay hab-dhaqanka uu la soo baxay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan maadama uu isaga uu markii hore sabab u ahaa in dowladda ku taageerto qabashada xilka gudoomiyaha baarkamaanka markii uu is-casilay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xilligii lagu jiray ol’olihii doorashada gudoomiyaha golaha shacabka waxaa jiray xubno dhawr ah oo ay xukumadda gadaal ka riixeysay sida Cabdicasiis Lagtagareen iyo kuwo kale, hase ahaatee, waxaa la xaqiijinayaa in uu Muudey ku qanciyey in Mursal yahay shaqsiga ugu mudan ee la shaqeyn kara.

Si kastaba, taas ayaa hadda ku noqotay Muudey iyo Xukumadda waji gabax kaddib markii uu Mursal uu kasoo horjeestay dowladda kuna biiray xubnaha mucaaradka ah.

Xogta ay Caasimadda Online heleyso ayaa ku warramaysa in habeenkii Salaasada ay xubno ka mid ah baarlamaanka taageersan Xukumadda ay ku canaanteen Muudey soo xulistii Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Arbacadii ayuu gudoomiyaha Baarlamaanka ka guuray gurigiisa ku yaal Villa Somalia kaddib markii la sheegay in ay Xukumadda ku cunaqabateysay muddo laba maalmood ahaa.

Lama oga halka uu ka dambeyn doono khilaafka xooggan ee ruxay siyaasadda Soomaaliya wallow la sheegayo in gudoomiyaha Baarlamaanka laga keeni doono Mooshin maadama Xukumadda ay haysato xildhibaano badan oo taageeraya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]