26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Faysal Waraabe muxuu uga carooday heshiiskii Taleex?

Dadka Soomaalida waxaa lagu yaqaan in ay ku farxaaan marka ay maqlaan in beelo dagaalamay la dhex dhigo Heshiis iyo afgarad. Marka ay sidoo kale maqlaan dagaal ka qarxay qabiilada dhexdooda, waxaa hadal hays u ah “Ilaahow Kala Qabooji.” Arrintaa caksigeed waxaa la soo shir tegay nin  Soomaalidu ay ku baratay in afka la gaaro Dir iyo daaroodba, taasoo  ay Soomaalidu ka hal qabsato marka ay rabaan inay muujiyaan arrin dabooshay dad iyo degaano badan oo Soomaalida degto. Ninkaasi Waa Faysal cali waraabe oo magaalda Hargaysa magacyo badan looga yaqaan. Magacii ugu danbeeyana ahaa Faysal 4%, ka dib markii doorashadii kal hore oo ahayd tiisii afaraad u helay  boqoliiba afar, ayaa ka soo dhex muuqday Tv Ereyal oo u muuqday mid heshiis kula ahaa Faysal aflagaadada iyo Cayda afkiisa ka soo burqanaysay. Faysal  ayaa ku eedeeyey Boqor Burhan,oo ahaa Isimkii hogaaaminayay heshiiskii la dhex dhigay beelo mudddo todobo sano ku daalamaya magaalada Taleeex, inuu wado ababul qabyaaladeed. Waxaana la yaab noqotay in werihii warka ka qaadaya aanu weydiin inuu hayo wax cadaynayaa eedda uu  usoo jeeediyay Isimka. AkhristowFaysal heshiiskii Ceel-Afweyn  isagoo qiiraysan ayuu si niyad ah usoo dhaweeyey oo ku amaanay cid walba oo qayb ka qaadatay.

Dadka Faysal taariikhdiisa hayaa waxay isla qireen in Faysal ka muraala  dilaacay in Boqor Burhan ku guulaystay in isagoo aan Maamulna kaashan uu soo afjaro colaaddii ragaadisay magaalo taariikheedka Taleex, oo muddo ka badan toddobo sano isku horfadhiyeen beelo Jufi hoose isku ah oo deggan magaaladaa. Faysal waxaa uu inta badan sheegaa inuu isagu mar walba u taagan yahy cadaalada iyo daryeel, laakiin sida muuqata waxa wax walba kala weyn qabyaaladda iyo in la yiraahdaa  Faysal baa sidaa yiri. Marar badan waxaa uu si aan dhaqanka qofka Muislimka ku haboonayn u caayaay madax, culimo, madax dhaqameed, dumar iyo dad sharaf leh oo aan luu quurin  cay iyo xag xagasho.

Mar haddi faysal ka maagay inuu dadka Muslimka ah afkiisa ka ilaaliyo, waxaa la gudboon saxaafadda Hargaysa in aanay cod baahiye u noqon ninka noocaas ah. Waxaa saxaafadda xorta laga rabaaa in ay ilaaliyaan anshaxa iyo akhlaaqda suuban ee laga filayo warbaahintooda. Haddii kale wax ay la qaybsanayaan  waxii danbi ah ee ka dhasha warka ay fidinayaan.

Ugu danbayntii waxaan raali gelin u diraynaa Boqor Burhaan oo aan geyin in been abuur iyo cay lagula duldhaco. Waxaan leenahay isaga iyo Isimadii kale ee hawsha la qabtay Jazakumullahu Khayran. Kuna Sabra in Cibaadooyinka la amaanay ay xaga sare kaga jirto heshiisiinta dad Muslim ah oo dagaalamay.

Soomaali meel ay joogtaba waxaan leenahay Tolow Colka Jooja!

Qore: Yuusuf A. Geele

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan wali rabshado looga soo horjeedo xariga musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xaafadaha magaalada Baydhabo ay wali kala xiran yihiin, iyadoo xalay la gubay goobo ganacsi oo ku yaala magaalada Baydhabo, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in cabsida darteed wali ay xiran yihiin goobaha Ganacsiga.

Dadka banaanbaxyada dhigayay ayaa dalbanaya in lasoo daayo Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shalay dowladda Soomaaliya ay kasoo kaxeysay magaalada Baydhabo isagoo lagu xiray Muqdisho.

Iyadoo rabshadahaasi ay ka jiraan magaalada Baydhabo ayaa kulamo looga hadlayo xaaladda kasoo korortay Koofur Galbeed waxay ka dhaceen magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay siyaasiyiin kasoo jeeda Koofur Galbeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in laamaha amaanka ee magaalada Baydhabo ay doonayaan inay ka hor tagaan dadka abaabulaya rabshada kasoo cusboonaaday magaalada Baydhabo.

Maalintii shalay dad ayaa ku dhintay kuwo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay israsaaseeyeen ciidamada ilaalada u ah Mukhtaar Roobow iyo kuwa sugaya amaanka magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Arag Sawirro: Rabshado ka bilowday Baydhabo

Baydhab (Caasimada Online) – Rabshado iyo banaanbaxyo ayaa dib kaga bilowday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo shalay ay banaanbaxyo waaweyn ay ka dhaceen.

Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa gubaya lugaha “Taayarada” baabuurta, waxaana ay dhagxaan la dhacayaan goobaha ganacsi ee furan ee ku yaala magaalada Baydhabo, sida uu ku waramayo Warimaha Caasimadda Online ee Baydhabo.

Xaaladda wali wey kacsan tahay, waxaana sidoo kale la arkayaa dadka oo ku banaanbaxaya gurigii uu deganaa Sheikh Mukhtaar Roobow ilaa madaxtooyada Koofur Galbeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas laga maqlayo xaafadaha magaalada Baydahbo, waxaana ridaya ciidamada amaanka oo la sheegay inay doonayan inay banaanbaxyada ka hor tagaan.

Leyrarkii ku shaqeynayay cad cadeeda ayay dhulka dhigeen qaar kamid ah dadka banaanbaxyada dhigaya oo careysan, waxaana jirin saaka wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo magaalada ka taagan.

Waxaa laga baqayaa inay xaaladda is badasho,  haddii aan wax laga qaban, maadaama dadka careysan ay taageersan yihiin Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Guddi dhex-dhexaadinaya FARMAAJO iyo MURSAL oo lagu dhawaaqay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xashi Cabdillaahi ayaa magacaabay guddi billaabaya xalinta khilaafka u dhaxeeya madaxda Dowladda, si gaar ahna madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa ka kooban 7 Xubnood oo laga soo xulay Xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana ay xal u raadinayaan khilaafka maalmahaan ka dhexjira madaxda ugu sareysa dalka.

Xoghayaha Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare markii uu u kuur galay xaalada cakiran ee siyaasadeed ee dalka in uu magacaabay Guddigaas.

Waxa uu sheegay in guddigaads uu guddoomiyaha Aqalka Sare ugu kalsoon yahay in ay xal waara ka gaara khilaafka Madaxda Dowladda,iyada oo aysan noqon kuwa dhinac raaca.

Magacaabista guddigan ayaa imanaysa, ayada oo Mursal uu maanta wareysi uu siiyey VOA ku sheegay in xildhibaanada keenay mooshinka ay yihiin kuwa xal raadinaya, oo aan dooneyn inay wax dumiyaan, islamarkaana ay xaq u leeyihiin inay baarlamanka wax ku saxaan.

Mar wax laga weydiiyey inay is-arkeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka hadleen mooshinka, waxa uu sheegay in baarlamanka uu ka madax banaan yahay hay’adda fulinta, sidaas darteedna uusan u baahneyn inuu mooshinka kala hadlo.

Daawo Xoghayaha Golaha Aqalka Sare

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday shan heshiis oo muhiim ah (Daawo)

Doha (Caasimada Online) – 
Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa magaalada Dooxa ku kala saxiixday shan heshiis iyo Sedex is-afgarad oo khuseeya arrimha maalgashiga, ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Guddi farsamo oo ka socda Soomaaliya iyo Qatar ayaa lagu heshiiyay in ay ka shaqeeyaan dhamaystirka heshiisyada la kala saxiixday si fulintooda loo boobsiiyo, dadka Soomaaliyeedna dhawaan u helaan faa’iidooyinka kasoo baxa.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan, oo ka warbixiyay heshiisyada ayaa sheegay in dhammaan heshiisyada ay dawladda iyo dadka Soomaaliyeed ay dani ugu jirto.

Wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha iyo wasiir ku-xigeenka maaliaydda oo qayb ka ah wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka Soomaaliya heshiiska u saxiixay.

Heshiisyada waxaa sidoo kale kamid in diyaaradda Qatar airways ay billaawdo bartamaha sannadka 2019 duullimaado ay ku imaanayso magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Baydhaba caawa

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Bayadhabo ee Xarunta ku meel gaarka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa caawa waxaa ka taagan xaalad cabsi xoogan ah, oo laga qabo in iska hor imaad uu ka dhaco gudaha magaaladaasi.

Ciidamo taabacsan Mukhtaar Rooboow ayaa waxa ay heystaan oo ay dhufeys kaga jiraan qeyb kamid ah magaalada Baydhabo iyadoo sidaas si lamid ah Booliska gaarka ahee Koonfur Galbeed Soomaaliya ay gacanta ku hayaan qeybta Madaxtooyada iyo Airoboorka Baydhabo, sida uu inoo xaqiijiyay wakiil wareedka Risaala ee Baydhabo.

Waxaa gebi ahaanba xiran wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Baydhabo kadib markii banaanbaxayaal ka careysan xiritaanka wadaadka ay isugu soo baxeyn bartamaha magaalada ayna dhagxaan dhigeen badi wadooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii maanta ka dhashay xariga Abu Mansuur ay ku dhinteen 10 ruux, 12 kalana ay dhaawacyo soo gaareen.

Khasaaraha nafeed ayaa yimid kaddib marki ay isku dhaceen ilaalada Mukhtaar Rooboow iyo taageerayaashiisa oo dhinac ah iyo ciidamada Itoobiyaanka ah ee ilaaliya xarunta madaxtooyada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo waxaa aad u buux dhaafiyey ciidamo la sheegay in Roobow ay taageersan yihiin, waxayna taasi keentay in ciidamada Itoobiya ay banaanka usoo saaraan Taangiyo, welibana bartamaha magaalada ay difaacyo ka xirtaan.

Shacabka ayaa bilaabay iney aadaan meel walbo oo ay kaga gamban karaan rasaasta, mana jirto waan waan socota.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Wareysi xasaasi ah: Mursal oo mooshinka Farmaajo iyo xariga Roobow ka hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa wareysi xasaasi ah siiyey idaacadda VOA, kaasi oo ah kiisii ugu horreeyey tan iyo markii uu aqbalay mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajao.

Isaga oo ka hadlayey mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay in xildhibaanada keenay mooshinka ay yihiin kuwa xal raadinaya, oo aan dooneyn inay wax dumiyaan, islamarkaana ay xaq u leeyihiin inay baarlamanka wax ku saxaan.

Mar wax laga weydiiyey inay is-arkeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka hadleen mooshinka, waxa uu sheegay in baarlamanka uu ka madax banaan yahay hay’adda fulinta, sidaas darteedna uusan u baahneyn inuu mooshinka kala hadlo.

Dhinaca kale, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay wixii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo oo uu sheegay inay yihiin wax uu filayey oo uu ogaa inay dhici doonaan.

Roobow ayaa sheegay inay baarayaan cidda iska leh qaladka xariga Mukhtaar Roobow, islamarkaana marka la ogaado lagula xisaabtami doono.

Mursal ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada inay ka tanaasulaan khilaafyada keeni kara dhacdooyin la mid ah kuwii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

“Carabtu waxay tiraahdaa xoog mar walba xoog kale ayuu dhalaa, marka waxaan ku baaqayaa in xal wax lagu raadiyo oo aan xoog la adeegsan” ayuu yiri.

Hoos ka dhageyso wareysiga Mursal

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaannada BF war ka soo saaray xariga Roobow

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xariga maanta loo geystay Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ahaa musharax u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa waxay si cad u sheegay inay ka xun yihiin xariga loo geystay Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa musharixiintii ugu horeysay ee is diiwaan geliyay.

Ka sokow inay cambaareeyeen xariga waxay sheegeen inay Midowga Africa u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah doorka ciidamadooda ka jooga Baydhabo ay ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow.

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inay Muqdisho u keentay Mukhtaar Roobow labo arin.

Hoos ka daawo qoraalka Xildhibaanada Baarlamaanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

War kasoo baxay guddiga doorashada K/Galbeed kaddib xarigii ROOBOW

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka doorashada iyaga oo go’aamiyey in doorashada madaxtinnimada dhaceyso 19-ka December 2018.

Arrintan waxaa ay imaaneysaa kadib markii la xiray Mukhtaar Roobow oo ka tirsanaa murashaxiinta ugu cad-cad doorashada.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka walaacsaneyd musharaxnimada Mukhtaar Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, taasi oo u muuqata hadda inay meesha ka baxday kadib markii ay gacanta kusoo dhigeen Roobow.

Taageereyaasha Roobow iyo qaar ka mid ah fallanqeeyeyaasha siyaasadda waxa ay qabaan in dowladda ay wal wal ka qabtay taageeradiisa ku xoogeysaneysa qabiilka Raxanweyn oo hogaamin karta in uu uga guuleysto doorashada.

Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka guddiga doorashada.

DF oo war rasmi ah kasoo saartay xariga ROOBOW

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo ahaa musharax u taagnaa xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Roobow la xiray kadib markii uu jebiyey laba qodob oo horey lagula heshiiyey, kuwaas oo kala ahaa:-

  • In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed.
  • In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah.

Dowladda ayaa sidoo kale ku eedeysay Roobow “Inuu billaabay inuu soo geliyo hub iyo dagaalyahanno magaalada Baydhabo, wuxuuna abaabulayey ciidan uu ugu talo galay handadaad iyo khalkhalgelin ka dhan ah amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada baydhabo, taas oo muujinaysa in aanu Mukhtaar Rooboow marnaba ka tanaasulin fikirkiisii xag-jirnimada ahaa diyaarna u yayahay in uu mar kale dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed”

Wasaaradda ayaa tiri “Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Roobow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Mukhtaar Roobow oo laga soo dejiyey MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobwo Abu Mansuur ayaa goor dhow laga soo dejiyey garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Roobow oo maanta gelinkii hore lagu xiray magaalada Baydhaba ayaa waxaa garoonka kasoo dejisay diyaarad ay leedahay shirkadda African Express, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ku sugan garoonka.

Waxaa Roobow la socday oo Baydhabo kasoo kaxeeyey ciidamo aad u badan oo kuwa dowladda Soomaaliya ah, sida aan xogta ku helnay.

Roobow ayaa kadib lagu qaaday baabuur qafilan, waxaana la wareegay ciidamada NISA, lamana yaqaan ilaa hadda halka la geeyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in halkaas ay ku dhamaatay musharaxnimadii Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mahad Salaad: FARMAAJO wuxuu rabaa inuu Itoobiya & Eritrea dalka ku qabsado

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku eedeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu doonayo inuu Soomaaliya ku qabsado ciidamada dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Mahad Salaad ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegay saddex qodob oo uu yiri waxa ay caddeyn u tahay qorshaha madaxweyne Farmaajo. Hoos ka akhriso qoraalka Mahad Salaad ee Facebook:

FARMAAJO Itoobiya iyo Eritareeya ayuu rabaa dalka in uu ku qabsado!

Madaxweyne Farmaajo eedaynta Barlamaanku usoo jeediyay in ay sax tahay uuna rabo Itoobiya iyo Eritareeya in ay xoog ugu qabtaan Soomaaliya, xoogna uu wax ku maamaulo daliil cad waxaa u ah:

  1. In uu ka tilaabsaday dastuurkii uu ku dhaartay. Golihii Shacabka ee doortay Gudoomiyihiisiina uu 72 saacdood Madaxtooyada ugu dhex xirnaa!
  2. In ciidamada Itoobiya ay maanta u afduubeen Mukhtaar Roobow. Si looga reebo doorashada Koonfur Galbeed. Meeshana uu uga soo baxo Madaxweynaha uu isagu rabo.
  3. In Madaxweynaha Eritareeyana uu maanta Mogadishu marti ugu yahay si uu ugu keeno ciidamo xoog ugu qabta Mogadishu uguna baacsado siyaasiinta ka fikirka duwan.

Duqiyow waa kaa qaldantahay ee taariikhda gadaal ugu laabo. Dalka iyo dadkana bohol haku ridin!

Mahadsanidiin
Hon. Mahad Salad

XOG: Sidee loo shirqoolay Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo loo xiray?

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay kaxeysteen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Ilo ku dhow Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in xariggiisa uu ahaa qaab shirqool ah oo laga soo shaqeeyey.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyay in ciidamada Ethiopia ee ku  sugan magaalada Baydhabo ay ka dambeeyeen falka lagu xiray Abuu Mansuur.

Waxaa ay sheegeen in Mukhtaar uu ka mid ahaa musharrixiinta Koonfur Galbeed oo lagu ballamiyay Madaxtooyada maamulkaas.

Inta badan Musharrixiinta madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ballamiyay C/Qaadir Shariif Sheekhunaa, oo ah ku simaha Madaxweynaha sidoo kalena ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Qof ka mid ah Xogheynta Abuu Mansuur ayaa sheegay in iridda madaxtooyada markii uu marayay lagala degay gaariga,kaddibna halkaas lagu jir dilay lana ka xeystay.

Magaalada Baydhaba ayaa waxaa ka socda Rabshado ka dhashay Xarigga Abuu Mansuur,waxanaa sidoo kale la sheegayaa in magaalada laga maqlayo rasaas ka dhaceysa meelaha qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Maxay ka dhiggan tahay booqashada AFWERKI ee magaalada MUQDISHO?

Madaxweynaha dalka Ereteriya mudane Isaias Afwerki ayaa saaka soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxweyne Afwerki ayaa booqasho labo maalmood qaadanaysa ku joogi doona Muqdisho, isaga oo wadahadallo la yeelan doona dhiggiisa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xiriirka Soomaaliya iyo Ereteriya

Soomaaliya waxay qayb libaaxle ka qaadatay halgankii ay dadka reer Ereteriya u galeen helidda madaxbannaanidooda. Dowladda Soomaaliya waxay dhaqaale ahaan, tababbar ahaan, iyo saanad ahaanba u taageertay jabhaddii EPLF, oo uu Madaxweyne Afwerki hoggaaminayey. Sidaasi awgeed, xiriirka labada dal waa mid soo jireen ah, waxana xusid mudan in labada shacab isu hayaan kalgacayl iyo walaaltinnimo ku qotonta danaha istaraatijiga ah ee ka dhexeeya.

Isdhexgalka dhaqaale ee gobolka

Muddooyinkii danbe waxa gobolka Geeska Afrika ka socdey dhaqdhaqaaqyo isbeddel kuwaasi oo lagu furfurayo siyaasadda gobolka. Waxaa heshiiyey waddamo badan oo ay awel colaadi dhex taalley, waxana guud ahaan dalalka Geeska Afrika isla qaateen in dantu ugu jirto inay gacmaha isqabsadaan oo iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga. Iyada oo taas laga shidaal qaadanayo ayaa madaxda dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya bilaabeen qorshe lagu xoojinayo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska, taasi oo fursad u noqonaysa ganacsatada Soomaalida iyo guud ahaan kuwa Geeska. Sidaasi aawadeed, booqashada Afwerki waxay sidoo kale qayb ka tahay sii xoojinta hindisaha isdhexgalka dhaqaale ee Geeska.

Qodobbada la filayo in laga wada hadlo

Labada Madaxweyne oo isla sannadkan labo jeer ku kulmay dalka Ereteriya, ayaa la filayaa inay dhammaystitaan wadahadalladii hore u soo socdey ee ku aaddanaa iskaashiga labada dal iyo abuuridda xiriir qotodheer oo dhexmara labada waddan. Waxa kale oo la isla soo qaadi doonaa danaha badan ee labada waddan ka dhexeeya iyo sidii midba midka kale uga taageeri lahaa dhinacyada dibloomaasiyadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Maxay ka dhigan yahay imaanshaha Afwerki?

Booqashada Madaxweyne Afwerki ee caasimadda dalka Soomaaliya waxay ka dhigan tahay qodobbada soo socda:

1. Waxay booqashadani caddayn u tahay in amniga magaalada Muqdisho uu aad uga soo raynayo maaddaama oo ay markii hore aad u adkayd in qof meeqaam sidaas u sarreeya leh uu soo booqdo caasimadda isaga oo labo maalmood joogaya.

2. Waxay muujinaysaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ereteriya oo wax badani ka dhexeeyaan in uu soo fiicnaanayo.

3. Waxay booqashadani ka marag kacaysaa furfurnaanta siyaasadda arrimaha dibedda ee dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo.

4. Waxay muujinaysaa in Soomaaliya soo ceshanayso booskii ay adduunweynaha kaga jirtey, isla markaana ay tahay dal si firfircoon uga qayb qaadanaya siyaasadda gobolka iyo guud ahaan tan caalamka.

Gebo-gebo

Ugu danbayntii, booqashada Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa la filayaa inay ka soo baxaan qodobbo miradhal ah oo waxtar u leh shacabka iyo dowladaha labada dal. Booqashadani waxay kor u qaadaysaa sumcadda magaalada Muqdisho, waxayna farriin u diraysaa adduunweynaha si loo garwaaqsado horumarka dhinaca amniga ee magaalada ka jira iyo xaqiiqada ah in dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay, door fiicanna ka ciyaarayso saaxadda siyaasadda gobolka iyo tan adduunweynaha.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sawiro: Daawo sidii maanta madaxweyne Afwerki loogu soo dhoweeyey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka.

Labada Madaxweyne ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo astaanta labada dal ay garaacayeen Ciidanka Baambayda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kumannaan shacab ah ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha caasimadda si ay u soo dhaweeyaan Madaxweyne Isaias Afwerki iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka ka dhaxeeya labada shacab.

Madaxweynaha dalka Ereteriya iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ku joogi doona dalka, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Booqashadan ayaa salka ku haysa abuuridda hannaan iskaashi iyo mid diblumaasiyadeed oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Ereteriya, iyo dardargelinta qorsheyaasha wadajirka ah ee ku aaddan amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Soodhaweynta Wafdiga Madaxweynaha dalka Ereteriya waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kenya oo xabsiga dhigtay mas’uuliyiin MAAMULKA Gedo ka tirsan iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan degmada Mandheera ayaa xabsiga dhigay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo, sida warbixinada aan ku heleyno.

Masuuliyiinta la xiray waxaa kamid ah Ibraahim Guuleed oo ah guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo iyo Korneyl Warfaa Sheikh Aadan oo kamid ah saraakiisha ciidamada ee gobolka Gedo.

Labada masuul ee xabsiga la dhigay ayaa ka ambabaxay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxaana ay kusii jeedeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida wararka soo baxaya ay sheegayaan.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Aden ayaa xaqiijiyay xeritaanka masuuliyiintaan ka tirsan maamulka gobolka Gedo, waxaana la ogeyn ujeedada dhabta ah ee ciidamada Kenya u xiraan masuuliyiinta.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in muddooyinkii ugu dambeeyay uu jiro khilaaf u dhaxeeyay ciidamada Kenya ee gobolka ku sugan iyo madaxda degmada.

Kenya ayaa gobolka Gedo  waxaa kaga sugan ciidamada ka tirsan AMISOM, waxaana ay amar la”aan ka fuliyaan howlaha ay doonaan, iyadoo aysan Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya wax jawaab ah ay ka bixiyaan arimahaan oo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Xildhibaanada mooshinka diidan maxay uga dhiggan tahay guuritaanka Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Xildhibaan Aadan Isaaq ayaa ka hadlay talaabadii uu xarunta Villa Uganda uga guuray guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh.

Wasiirka ayaa sheegay in guuritaanka guddoomiyaha baarlamaanka ee Villa Uganda ay ka dhigan tahay in dhexdhexaad uusan ka aheyn arrimaha la isku hayo, maadaama uu u guuray goob ay maamulaan Mucaaradka sida uu hadalka u dhigay.

Qoraal uu wasiirka soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:-

Waa iga su’aal;

Guddoomiyaha Baarlmaanka waxaa laga rabaa in uu ku sifoobo dhexdhexaadnimo oo uu u garsooro dhammaan xildhibaannada golaha shacabka, balse;

1- in uu xildhibaanno gaar ah la kulmo,
2- iyo in uu gurigooda u guuro.

Waxa ay muujineysaa inuusan dhexdhexaad ahayn. Marka waxaa is weydiin mudan sidee ayuu ku doonayaa inuu golaha ku hoggaamiyo, kana arrimyo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Mooshinka laga gudbiyay madaxweyne Farmaajo oo dano shaqsiyadeed ku saleysan ayaa wali wax xal ah laga gaarin, iyadoo guddoomiye Mursal oo taageero ka heysta xildhibaanada mooshinka gudbiyay uu ka guuray Madaxtooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaan Shariif Cabdalle oo xog dheeri ah ka bixiyey guurista gudoomiye Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa xogo dheeri ah ka bixiyay xiisadda siyaasadeed ee taagan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xiisadda mooshinka ay qabasho laheyd kahor inta uusan gaarin halka uu hadda taagan yahay, loona baahnaa inay ka wada shaqeeyaan guddoonka baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday guurista guddoomiyaha baarlamaanka, isaga oo sheegay in arintaasi aysan wax saameyn ah laheyn, maadaama uu sheegay inuu xaq u leeyahay inuu dagi karo halkii uu doono.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay gudbiyaan mooshin, balse loo baahnaa inta heerkaan uusan soo gaarin in qaab odaytinimo ah loo xaliyo dhibaatooyinka keenay mooshinka.

“Waxaa laga rabaa guddoomiyaha kaalintii kaga aadaneyd inuu gutaa oo wuxuu ka odayeyn karo ka odayeeyo, mooshin in la qabtaa wax weyn maaha, balse waxaa fiicneyd in marka hore xiisadda xal laga gaaro”.

“Mooshinka sida loola falgalay ayaa halkaan keentay, Lama maqleen haddii mooshika la qabto kadibna si xasilin loogo kala dabqaadi lahaa dadka wax kala tirsanaayo”ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay Khilaafka u dhaxeeyo guddoonka baarlamaanka oo labo u kala jabay, isaga oo sheegay inay yihiin dadkii xalka looga baahnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Hadaad xumaan keentaan xabad ayaan afka idinka gelinayaa waa iga digniin”

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Koofur Galbeed ayaa digniin cad u diray shacabka magaalada Baydhabo ee banaanbaxyada ka sameynaya magaalada Baydhabo gudaheeda.

Taliyaha Qeybta Booliska Koonfur Galbeed ee Gobolka Baay Korneel Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa si cad u sheegay inay toogan doonaan dadkii banaanbax aan lagu soo wargelin ciidamada ka sameeya magaalada Baydhabo.

Taliyaha ciidamada booliska ayaa sheegay in shacabka magaalada Baydhabo looga baahan yahay inay ku wargeliyaan laamaha amaanka marka ay dhigayaan banaanbax noocuu doono ha ahaadee.

Wuxuu sheegay in Ciidamada ay toogan doonaan dadka banaanbaxyada iska soo horjeeda ka sameeya magaalada Haddii aysan ku wargelin laamaha amaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkiisa ayaa u muuqda mid isaga oo careysan uu jeediyay, taasi  dhibaato kale u horseedi karta shacabka Baydhabo, haddii si qaldan loo fasirto hadalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Xukuumadda Somalia oo mooshinka Farmaajo ka soo saartay war (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isaga oo saxaafadda la hadlayay ayuu sheegay inuu buray mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya , sida uu shaaciyay xoghayaha guud ee Baarlamaanka Mr Buux.

Mahdi Guuleed, ayaa sheegay in wax sahlan aysan aheyn in xilka laga qaado madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in loo baahan yahay baaritaanka eedeymaha madaxweynaha loo jeediyay.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu xaq u leeyahay inuu isdifaaco haddii uu sax yahay mooshinka, balse xogheynta baarlamaanka ay sheegtay inuu buray mooshinka, islamarkaana meesha aysan oolin wax uu iska difaaco.

Waxaa uu sheegay in ku dhawaad ay sanad qaadan karto in xilka laga qaado Madaxweynaha, islamarkaana eedeymaha lasoo jeediyay qaarkood ay yihiin kuwo baaritaano badan qaadan kara.

Sagaalkii bishaan 92 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshin xilka qaadis ah ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana taasi ka dhashay buuq badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]