25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo shaaciyey dagaal ka dhan ah ILHAAN CUMAR

Wargeyska  Foreign Policy ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxa uu maanta qoray Warbixin dheer oo uu ku lafaguray Caddowtooyadda ay Sacuudiga iyo Imaaraadka u muujinayaan Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib oo ah Labada Haween ee Muslimka ee ku guuleystay inay ka mid noqdaan Kongareeska Maraykanka.

Wargeyska waxa uu Maqaalkiisa hal-ku-dheg uga dhigay: Sacuudi Careebiya oo caddeysay Dgaal ka dhan Haweenka Muslimiinta ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka.

Wargeyska waxa uu qoray in Warbaahinta, Aqoonyahanadda iyo Faallo-qorayaasha xiriirka dhow la leh Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay ku celceliyeen Eedeymaha ay u jeedinayaan Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Cabdul Al-sayid, kaasi oo ku guul-daraystay inuu Guddoomiye ka noqdo Gobalka Michigan ee dalka Maraykanka, waxayna ku eedeeyaan  inay yihiin xubno qarsoon oo ka tirsan Ururka Akhwaanul-muslimiinka oo caddow ku ah Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Axaddii la soo dhaafay, Warbaahinta Alarabiya ee ay dowladda Sacuudiga leedahay waxay daabaceen Maqaal dheer oo ay ku sheegeen inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib qeyb ka yihiin Isbahaysi u dhexeeya Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka iyo Kooxaha Islaamiyiinta ee kontoroola ama maamula Kongareeska, waa sida ay Alarabiya qortay.

Maqaalka waxa uu ku eedeeyey inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib yihiin 2 qof oo ka soo horjeeda Madaxweyne Trump, Kooxiisa Siyaasadda iyo Ficiladooda, gaar ahaan  Siyaasadiisa Dibedda ee ka bilaabanaysa Cunaqabataynta Iiraan ilaa go’doominta Ururka Akhwaanul-muslimiinka iyo dhamaan Dhaqdhaqaaqyadda Islaamka Siyaasadaysan.

Wargeyska  Foreign Policy waxa uu Tusaale kale u soo qaatay Telefishinka  MBC ee ay Dowladda Sacuudiga leedahay , kaasi oo soo qabanqaabiyey  Bandhig  Telefishin “A Talk Show”, kaasi oo looga hadlayey qoddobka ku xiriirsan Dagaalka ay Imaaraadka iyo Sacuudiga ku hayaan Labada haween ee Muslimka ah ee Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib  ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka.

Weriyaha caanka ee Amir Cadiib iyo Moataz Fatah oo ah Masaari bartay Cilmiga Siyaasadda ayaana falaanqeyn ku sameeyeen Ilhaan iyo Rashida, waxayna shegeen in Guusha Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka ay wiiqayso waxa ay ugu yeereen Guusha uu Madaxweyne Trump ka gaaray Hawlgalka uu kula dagaalamayo Kooxaha Islaamiyiinta.

Kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay hoyga MURSAL

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo kala duwan oo looga hadlayo siyaasadda Kacsan ee Soomaaliya ayaa xalay ka dhaca Guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulamaddaan ayaa waxaa ka qeyb ka ahaa Senetaro ka tirsan Aqalka Sare, waxaana ay gudoomiyaha kala hadleen sidii loo afjari lahaa Xiisadda Siyaasadeed ee xilliggaan dalka taagan iyo Khilaafka Madaxda ugu sareysa dalka.

Gudoomiye Mursal ayaa muuqda in uu helay fursado uusan helin Saacaddihii lasoo dhaafay ka dib markii, sida ay sheegeen xildhibaanada mucaaradka, uu xabsi ku guri ku noqday Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya uu ugu dambeyntii iska guuray shalay.

Dhanka kale, xildhibaanada Wasiiradda ah ayaa kulamo la qaatay gudoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka oo wali ku sugan gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya.

Gudoomiye Mursal ayaa shalay Caddeeyay in aysan waxba iska badalin Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana baarlamaanka la horgeyn doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

“Xildhibaanada BF Somalia ha qeybsadaan nimcada”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ambasador C/Salaan Xaaji oo kamid ahaa xubno horey kaga soo shaqeeyay wasaaradda arrimaha dibbadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda soo korortay.

Isaga oo ka qeyb galayay barnaamij looga hadlayay xaaladdaha dalka kusoo kordhay ayuu sheegay in xaalad hadda taagan ay tahay mid aan u wanaagsan dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in horaantii mooshinka ay aheyd in la xaliyo wax walbaa.

Wuxuu Nasiib daro ku tilmaamay in Soomaaliya oo Caalamka dhan eeganayaan islamarkaana la filayay in laga gudbayo dhibatooyinkii jiray in hada laga shaqeeyo arrimo keeni kara dhib u dhac dalka ku yimaada, sida uu sheegay Ambasador C/Salaan.

Mar uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya guddoonka baarlamaanka ee hala hadlaya ayuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay arintaasi, wuxuuna sheegay in meesha ay ka cadahay inuusan jirin sharci kala saaraya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ugu baaqay inuu ka shaqeeyo qaboojinta xiisadda soo korortay oo dib u dhac keeni karta.

“Waxaa Nasiib daro ah iyadoo caalamka dhan na eegayo oo la is leeyahay armey kasoo laabtaan halkii ay jireen, in howshaan la keeno ma aheyn, waxaa kasii xun in guddoonkii baarlamaanka ay kala qeybsan yihiin, waxaa meesha ka cad in sharci kala xira inuusan jirin”ayuu yiri Amb C/Salaan.

Khilaafka ugu daran ayuu sheegay inuu u dhaxeeya dadkii la doonayay inay shacabka u adeegaan, isaga oo tilmaamay inay la mid tahay “Maroodi cows ku dul dagaalamaya” sida uu sheegay.

Wuxuu ugu dambeyn ugu baaqay dhinacyada is haya inay raadiyaan xal ka wanaagsan tan hadda ay wadaan, maadaama ay dantooda isku hayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiror: Sheeko cajiib ah oo ka dambeysa in shillinka lacagta Kenya laga beddelo sawirrada madaxdii hore

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya waxa ay daabacday Shillimaad cusub iyada oo meesha ka saartay sawiraddii madaxdii hore ee dhaganaan jiray.

Lacag Shlinka Kenya waxaa hore ugu dhaganaa saddexdii Madaxweyne ee hore u soo maray ee kala ahaa Jomo Kenyatta, Daniel Arap Moi iyo Mwai Kibaki.

Kibaki waxa uu jabiyey ballan uu galay intii aan la dooran 2002 oo uu ku sheegay in uusan sawirkiisa lacagta Kenya ku dhajin doonin.

Hase ahaatee, kaddib Dastuur cusub oo ay shacabka Kenya u codeeyeen 2010 ayaa lagu go’aansaday in lacagta lacagta aan lagu dhajin karin ama ka muuqan karin sawir qof shaqsi ah.

Ujeedka ugu weyn ayaa loo sababeeyey in bulshada Kenya ay u arkeen in shaqsiyaadkaas ay dalka is leheeysiinayaan am ula dhaqmayaan hanti ay leeyihiin oo kale.

Madaxweynaha hadda oo uu dhalay Madaxweynihii koowaad ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hadda u hogaansamay dastuurka meeshana ka saaray sawiraddii saddexdii isaga ka horreeyey.

Bangiga Kenya ayaa lacag cusub daabcay balse waxa ay ku kooban tahay shillinka iyada oo la sugayo in sidoo kale lacagta warqadda ah laga saaro sawiradda oo lagu bedelo sawiradda xayawaanada duur joogta ah sida Libaax, Maroodiga iyo kuwo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Halka lagu hayo Roobow oo la ogaaday iyo dagaal ka socda BAYDHABA

Baydhabo (Caasimada Online) – Dagaal ayaa lagu soo warramayaa inuu ka socdo magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay halkaasi oo maanta lagu xiray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur.

Dagaalka ayaa billowday saacado kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda oo garab ka helaya ciidamada Itoobiya ay xireen Roobow.

Dhanka kale is-gaarsiinta magaalada ayaa hawada laga saaray, waxaana mararka qaar la maqlayaa is rasaaseyn dhax mareysa ciidamo taabacsan wadaadka Mukhtaar iyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wadaadka hada lagu hayo garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, loona soo wado magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in wafdooyinka qaar ee magaalada shacab fara badan ay isugu soo baxeen, kuwaas oo doonaya in wax ay ka ogaadaan waxa ka jira gudaha magaalada, ayada oo qaarkood ay carreysan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

 

Wararkii ugu dambeeyay ee Safarka madaxweyneha Eritrea ee Muqdisho

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa socoto qaban qaabadii ugu dambeeyay ee soo dhaweynta madaxweynaha dowladda Eritrea oo maanta la filayo inuu yimaado magaalada Muqdisho.

Imaanshaha madaxweynaha Eritrea ee Muqdisho ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu casuumaad u fidiyay madaxweynaha Eritrea Isias Afawerki.

Waxaa la adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho iyadoo ciidamo badan la dhigay waddooyinka magaalada Muqdisho, islamarkaana la xiray waddooyinka ugu muhiimsan magaalada.

Masuuliyiin kala duwan ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana madaxweynaha Soomaaliya la filayaa inuu garoonka kusoo dhaweeyay madaxweynaha eritrea.

Eritrea ayaa qeyb ka ah dowlaha isbadalka geeska Africa hogaaminayo , waxaana safarka madaxweynaha Eritrea kadib la filayaa inay magaalada Muqdisho yimaadaan madaxda dalalka Ethiopia iy Eritrea.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Xog: Madaxweyne Afwerki oo berri imanaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa la filayaa in berri uu booqasho rasmi ah ku yimaado magaalada Muqidsho ee caasimadda Soomaaliya, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Afwerki ayaa casuumad ka helay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida aan xogta ku helnay.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha Eritrea ayaa muddo laba maalmood ah joogi doona caasimadda Soomaaliya, waxaana uu wada-hdallo ku saabsan xiriirka labada dal la yeelan doonaa madaxweyne Farmaajo.

Xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa soo wanaagsanaanayey wixii ka dambeeyey 28-kii July, markaasi oo madaxweyne Farmaajo uu booqasho saddex maalmood qaadatay ku bixiyey magaalada Asmara.

Labada hogaamiye, oo uu wehliyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa wixii markaas ka dambeeyey saxiixday heshiisyo saddex geesood oo dhowr ah.

Soomaaliya ayaa dhinaca kale kaalin ka gaysatay in golaha ammaanka QM uu xayiraadda hubka ka qaado Eritrea, horaantii bishii November.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG: Waan waantii oo dhamaatay iyo Mursal oo mooshin laga keenayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xogo muhiim ah ku soo gaarayaan xafiiska Caasimada Online ee Muqdisho, waxaa habeenkii xalay ahaa fashilmay dadaaladdii la’isugu soo dhaweeynayey Gudoomiye Mursal iyo xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinkii Madaxweynaha ee buray.

Qaar ka mid ah xildhibaanada iyo Mursal ayaa is maandhaafay kaddib markii uu dhawr jeer uga baxay balallamo ay kala sixiideen.

Taas waxa ay dhabbaha u xaartay in gudoomiyaha baarlamaanka ka soo guuro gurigiisii xarunta Villa Somalia, isaga oo soo dagay guriga xibsigii hore loo oran jiray Daljir ee hadda ku biiray Daamjadiid.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in laga rejo dhigay Mursal oo hadda uu diyaar yahay mooshinkii lagu ridi lahaa.

Tirada xildhibaanada ka soo horjeedda mooshinka Mursal laga keenayo ayaa la sheegay inay badan tahay, waxaana mooshinkan hogaamin doona guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Cabdiweli Muudeey.

Dhinaca kale waxaa jira xildhibaano sheegaya in Mursal la ridi doono ka hor inta uusan soo laaban Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo saaka u dhoofay dalka Qadar.

Xiisadda siyaasadeed qasan ayaa bilaabatay kaddib markii uu 9-kii bishan gudoomiyaha Baarlamaanka qabtay mooshin ay tiro xildhibaana ah ka keeneen Madaxweynaha Jamhuuridda Federal-ka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Hase ahaatee, Buux oo ah xoghayaha joogta ah ee baarlamaanka ayaa warqad uu shalay soo saaray ku beeniyey in mooshinka laga keenay Madaxweynaha buray kaddib markii 14 xildhibaan sheegeen in magacooda iyo saxiixooda lagu been abuurtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Maxay Kheyre, Cawad iyo Muudeey kala kulmeen guddoomiyaha BF, Mursal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa la kulmay cadaadis maalmo ahaa iyo kulamo isdaba joog ah oo lala yeelanayay si xal looga gaaro mooshinka uu qabtay ee ka dhanka ah madaxweyne Farmaajo.

Ka hor inta uusan ka guurin xarunta Villa Somalia hoyga uu ka deganaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo lala yeelanayay guddoomiyaha baarlamaanka si xal looga gaaro mooshinka.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in xalay kulan aan loo kala kicin ay yeesheen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh.

Kulankaasi ayaa waxaa la doonayay in xal looga gaaro mooshinka, islamarkaana guddoomiye Mursal uu ku cadeeyo in mooshinka uu buray si loo dhabar jebiyo xildhibaanada mooshinka keenay.

Guddoomiye Mursal ayaa sida xogta aan ku heleyno wuxuu diiday dhamaan soo jeedimaha ay sameeyeen ra’iisul wasaaraha dalka iyo ku xigeenada baarlamaanka, sida ilo xog ogaal ah ay inoo sheegeen.

Waa Sababta koowaad ee dhalisay inuu isaga guuro Villa Uganda oo maalmihii ugu dambeeyay uu ku sugnaa.

Xildhibaanada baarlamaanka ee mooshinka wada ayaa shalay sheegay in guddoomiye Mursal uusan baahan doonin inta ay nool yihiin, sida uu ku dhawaaqay Axmed Macalin Fiqi oo mooshinka hor boodaya.

Xildhibaano kale oo mooshinka wada ayaa la sheegay inay leeyihiin hotelka la dajiyay guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana taasi ay sii adkeysay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cawad oo afar qodob kala hadlay boqorka Sacuudiga iyo dhismaha urur cusub

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga kula kulmay boqorka Dalka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis Al-Sacuud.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa afar arin kala hadlay boqorka Sacuudiga oo kala ahaa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood, Adkeynta amaanka gobolka, horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalalka dhaca Geeska Afrika oo ay  Soomaaliya u horreyso.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay wasiirada arrimaha Dalalka Yemen, Sudan, Masar iyo Jabuuti, isaga oo kala hadlay isbadalka gobolka Geeska Africa iyo sidii xiriirada dalalkaasi kala dhaxeeya Soomaaliya loo wanaajin lahaa.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu kulan kale la qaatay wasiirada iyo boqorka Sacuudiga kaasi oo ujeedadiisa ay aheyd sidii loo dhisi lahaa Urur ay ku mideysan yihiin Waddamada Gacanka Carbeed iyo Dalalka Afrika ee kulaala Badda Cas.

Waxaa soo wanaagsananaya Xiriirka Sacuudiga iyo Soomaaliya oo mugdi uu galay waxii ka dambeeyay markii Somalia dhexdhexaad ay ka noqotay go’doomintii lagu sameeyay Dalka Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah 
[email protected]

Yuu Mursal kula kulmay safarkii Qubrus (Cyprus)?

Istanbul (Caasimada Online) – Intii u dhaxeysay 15- 18kii bishii November ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya safar qarsoodi ah ku tagay Jaziiradda Qubrus qeybta ay maamusho Turkey, balse shaaciyay in uu dalka Turkiga u tagayo arrimo qoys, laakiin waa meesha ay ka soo billaabatay fikradda mooshinka.

Guddoomiye Mursal ayaa hotelka uu Qubrus (Cyprus) ka dagay ee Mediterranean Beach Hotel kula kulmay ku xigeenka madaxa golaha amniga qaranka dowladda Imaaraatka Ali Mohammad Hammad Al Shamsi, iyada oo ay soo if baxeyso waxyaabihii ay ka wada hadleen oo ahaa in muddo saddex bilood ah lagu rido dowladda hadda jirta, kadibna la keeno dowlad cusub oo Imaaraadka taageersan.

La-taliyaha guddoomiyaha Baarlamaanka C/Qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) horayna u ahaa ku xigeenkii NISA ayaa kulanka fududeeyay isaga sidoo kale qaatay mas’uuliyadda dhanka sirdoonka iyo habka loo fulin karo qorshahan ay imaaraadku dejiyeen.

Mursal ayaa loo ballan qaaday qarashka ku baxaya kala qeybinta baarlamaanka iyada oo safaaradda Imaaraadku ay gawaari ugu geyn doonto hotelka oo uu iminka degay.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa xiriir la sameeyay qaar kamid ah safaaradaha reer galbeedka ee Xalane Deggan si ay magangeliyo u siiyaan guddoomiye Mursal iyo qaar kamid ah xildhibaannada haddii uu qorshahan ka fashilmo.

Qorshaha Imaaraadka ayaa hadda u muuqda mid ka rajo wanaagsan sidii hore, maadaama Mursal uu hadda gacanta ugu jiro xisbiga Daljir, kana suurtoobaan wax badan.

Waxyaabaha cabsida leh ee hadda jira ayaa ah in haddii mooshinka madaxweynaha loo waayo xildhibaano taageera, in Mursal kulan u qabto xildhibaanada mooshinka keenaya kadibna shaaciyaan inay rideen madaxweynaha, taasi oo dowladda burburin karta ama carqalad gelin karta.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

Gudoomiyaha barlamanka oo xarunta xisbigii Daljir ka dhigtay guri iyo xafiis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa maanta ka guuray gurigii iyo xafiiskii uu ka daganaa Madaxtooyada Soomaaliya waxa uuna dagay guriga ay Muqdisho ku leeyihiin xubnaha Xisbigii Daljir ee ku biiray Xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheikh.

Xildhibaano ka kala tirsanaa Daljir iyo Damul-jadiid laakiin hadda ku midoobay UPD oo ay ka mid yihiin Axmed Macalin Fiqi, Cabdisaabir Nuur Shuuriye, Mahad Maxamed Salaad, C/laahi Maxamed Nuur, Cabdiraxmaan Odawaa ayaa wadahadal ay kula jireen Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaatay muddo 3 maalin ah kaddib ugu dambayn ku guuleystay in ay ka raraan Madaxtooyada.

Warar hoose oo la xiriira guuritaanka Guddoomiye Mursal ayaa xaqiijiyay in uu meel fiican marayo qorshe ah in Mursal uu ku biiro Xisbiga Mucaaradka ah ee UPD  qorshahaas ay lacag fara badan ku bixineyso dowladda Imaaraadka.

Laga soo bilaabo markii shalay Xoghayaha Baarlamaanku sheegay in uu jabay  mooshin  9-kii bishaan ay xubno ka mid ah Golaha shacabku sheegeen in ay gudbiyeen Madaxweynaha, waxaa hoos u dhacday xiisad siyaasadeed oo taagneed labadii maalin ee ka horeysay laakiin talaabadan cusub ee Guddoomiye Mursal uu ku dhaqaaqay ayaa dad badan shaki kale ku abuurtay.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
[email protected]

Sababta uu guddoomiye MURSAL uga guuray Villa Somalia oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta ka guuray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyada oo uu wali jiro khilaafka dhinaca siyaasadda ee u dhaxeeya isaga iyo ku xigeennadiisa.

Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed Jindi, oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Guddoomiye Mursal uu degay Dhisme ku yaalla agagaarka xarunta Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Hotel Shabeel.

Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in sababta uu Guddoomiyaha u guuray ay tahay qatar dhinaca amaankiisa la xiriirta.

Waxaa uu intaas ku daray in mas’uuliyiin ka mid ah Dowladda Federaalka ah ay amaankiisa qatar geliyeen islamarkaana uu qatar galay amnigiisa.

Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in goobta hadda uu degay Guddoomiyaha Golaha shacabka uu amaankeeda suganyahay islamarkaana aysan jirin wax amnigiisa la xiriira oo ay shaki ka qabaan.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta hadalka xildhibaan Jindi ee ah in halis la geliyey nolosha guddoomiye Mursal

Muqdisho waxaa wali ka jira khilaaf u dhaxeeya Golaha Shacabka Soomaaliya kuwaas oo isku khilaafay mooshin ay ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqri: Gudoomiye Mursal oo war cusub kasoo saaray MOOSHINKA Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Barlaamanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa soo saaray waraaq xasaasi ah oo uu kaga hadlay mooshinka laga soo gudbiyey Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye Mursal ayaa si rasmi ah u sheegay inuusan Jabin mooshinkii laga gudbiyey Madaxweynaha.

Wuxuu xildhibaanada Baarlamaanka ku wargeliyey inuu dastuur ahaan sax yahay mooshinka isla markaasna dhawaan laga doodi doono si codka kalsoonoda loogu qaado.

Waraaqda Guddoomiye Mursal ayaa kusoo aadeyso xilli Shalay uu xoghayaha guud ee Baarlamaanka uu sheegay inuu mooshinkii jabay kadin markii laga been abuurtay saxiixa illaa 14 xildhibaan.

Xiisadda ka dhalatay mooshinka Farmaajo ayaa cirka isku sii shareertay waxaana lasoo sheegayaa inuu Guddoomiye Mursal ka guuray Xarunta Madaxtooyada isla markaasna uu dagay Hotel u dhow garoonla Diyaaradaha Aadan cadde.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda uu soo saaray guddoomiye Mursal

Gudoomiye Mursal oo ka guuray VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa ka guuray xafiiskiisa xarunta Villa Uganda oo ku dhexyaala Villa Soomaaliya, halkaasi oo maalmahaan uu ku sugnaa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya inuu u guuray mid kamid ah Hoteelada ku dhow garoonka diyaaradaha, gaar ahaan Hotel ku dhow Xarunta hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP.

Wasiirkii hore ee amniga ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka C/risaaq Cumar Maxamuud ayaa kusoo qoray Barta uu ku leeyahay Twitter-ka in guddoomiyaha baarlamaanka uu ka guurey Villa Hargeysa.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay ku adkaatay xildhibaanada ay ugu tagaan guddoomiyaha baarlamaanka, waana tan keen karta inuu ka guuro xafiiskaasi si uu fursad ugu helo la kulanka xildhibaanada mooshinka Gudbiyay.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sidee lagu helay saxiixyada xildhibaanada sheegay in laga been abuurtay (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in looga been abuurtay magacyadooda iyo saxiixooda inay qeyb ka ahaayeen mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Arintaasi ayaa sababtay in xoghayaha Guud baarlamaanka uu soo saaro warqad uu ku cadeynayo inuu buray mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha, kadib markii 14 xildhibaan laga jaray tirada xildhibaanada mooshinka horey u gudbisay.

Xildhibaanada gudbiyay mooshinka ayaa dhankooda arintaasi ka jawaabay, waxayna sheegeen in aysan jirin xildhibaano laga been abuurtay, xildhibaan walbaana uu ka laaban karo mooshinka balse aan laga aqbaleyn inuu isaga been kale sheego.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in xildhibaanada sheegay in laga been abuurtay ay horey u saxiixeen mooshin ka horeeyay midka hadda laga keenay madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana la hayay saxiixyadooda.

Mooshinkaasi ayaa ahaa mid la diyaariyay sanad ka hor, xiligaasi oo aheyd markii la weerarayay gurriga Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur, laakiin aanan sii socon, waxaana xiligaasi la helay saxiixyada qaar kamid ah xildhibaanada hadda shaaciyay in laga been abuurtay.

Warqadaha xiligaasi mooshinka lagu saxiixay ayaa waxaa hayay shaqsiyaad kamid ah xildhibaanada hadda horboodaya mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, sida xogaha aan ku heleyno.

Laakiin xildhibaanada mooshinka hadda wada ayaa sheegaya inaysan jirin cid lagu qasbay saxiixa mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, islamarkana saxiixyada aysan aheyn kuwii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: R/W KHEYRE oo gaaray Qatar & ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Qatar oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay.

Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Qatar ayaa la filayaa in uu madaxda dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo sanadkii 2017 uu sidaan oo kale uu uga qayb galay.

Dowladda Qatar ayaa ah dowladda carbeed ee xiriirka ugu weyn la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu safarkan kusoo aadayaa ayada oo xiisad siyaasadeed ay ka taagan magaalada Muqdisho, kadib markii xildhibaano ay mooshin ka keeneen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba, mooshinka ayaa hadda mugdi badan uu galay kadib markii 14 xildhibaan oo la sheegay inay ka mid ahaayeen 92-ka xildhibaan ee saxiixay mooshinka, ay sheegeen in magacooda laga been abuurtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda siyaasadeed iyo mooshinka FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa ilaa xalay kulamo gaar gaar ah ay ka dhaceen magaalada Muqdisho kuwaasi oo looga hadlayay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya.

Kulamada ka dhacay Villa Somalia ayaa xooga lagu saaray sidii loo xalin lahaa mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xalinta arintaan ku biiray siyaasiyiin xilal kala duwan horey dalka uga soo qabtay.

Kulamada ugu badan ayaa u dhaxeeyay xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha golaha wasiirada ah ee baarlamaanka ku jiro, waxaana loo xilsaaray qaarkood kala furfurida xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.

Warar Caasimadda Online heleyso ayaa sheegaya in xildhibaanada sida adag ugu taagan mooshinka ay gaarayaan ilaa 50 xildhibaan inta kalana ay yihiin kuwo aan  la isku haleyn karin, sida xildhibaanada qaar ay inoo sheegeen.

Xildhibaanada sida adag mooshinka u riixaya ayaa sheegay in xildhibaanada sheegay in laga been abuuray magacyadooda ay ka baqeen caga jugleyn lagu sameeyay, balse aysan jirin cid ka been sheegtay.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa dhankooda kulamo kala duwan yeelanaya, waxaana ay ka tashanayaan sidii aan loo kala dhantaali laheyn, waxaana ay doonayaan in dood adag laga yeesho mooshinka.

Kulamada kala duwan ee isdiidaya ayaa sii kordhin kara xiisadda ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaase wali socda kala xodxodashada xildhibaanada baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ciidamada amaanka oo gacanta ku dhigay gaari iyo walxo qaraxa + Sawirro

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa iyo gaari la doonayay in lagu xiro.

Wasiirka amniga Koofur Galbeed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay qabteen bambaanooyin iyo gaarigii waday oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Koofur Galbeed.

Gaariga ayaa la sheegay inuu ka yimid baadiyaha magaalada Baydhabo, iyada oo la doonayay in lagu weerarao goobaha dadweynaha ku badan yihiin, sida uu sheegay wasiirka amniga Koofur Galbeed.

Xasan Maxamed Xuseen Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, ayaa sheegay wadayaasha gaariga & bambooyinka in gacanta lagu haayo, islamarkaana uu aad ugu mahadcelinaayo sarkaalka qabtay shaqadaasi, maadaama qaraxyadaasi la qorsheynaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socdo qaban qaabada doorashada koofur Galbeed waxaana wasiirka amniga uu sheegay inay adkeynayaan amaanka magaalada inta doorashada ay ka dhaceyso.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Xafiiska KHEYRE oo laga bilaabay olole xoogan oo ku aadan mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xildhibaanada baarlamanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ay ku adkeysanayaan sii socoshada mooshinka ayaa xafiiska ra’iisul wasaaraha waxaa laga bilaabay barnaamijyo lagu taageerayo madaxweynaha.

Maalintii shalay waxaa Muqdisho ka dhacay kulan laga soo abaabulay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo taageero loogu muujinayay madaxweynaha Soomaaliya, balse qaar kamid ah odayaashii dhaqanka ee la doonayay inay arimahaasi difaacaan ayaa diiday inay hadlaan.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa odayaal dhaqameed iyo xubnaha taageersan xukuumadda ka joojiyay inay la hadlaan warbaahinta qaar ee magaalada Muqdisho oo mucaarad ku ah xukuumadda.

Taa badalkeeda waxaa odayaasha lagu amrayay inay la hadlaan xarumaha warbaahineed ee dhaqaalaha laga siiyo xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka, iyadoo ay kasoo muuqdeen Idaacadaha iyo Tv-yada Qaar.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in siyaasiyiin badan xitaa lagu qasbay inay warbaahinta la hadlaan iyaga oo taageero u muujinaya madaxweynaha Soomaaliya, waxaana laga abaabulaa xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Nabadoono ka qeyb galay kulan shalay ka dhacay Hotel SYL ayaa sheegay inaysan la hadli karin warbaahinta qaar, balse waxay xaqiijiyeen in abaabulka barnaamijka uu ka yimid dhanka xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]