26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

“Dad doonaya in ay helaan mushaarka ka badan ayaa qeylinaya, loomana hayo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay kaga xun yihiin mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan Ubax Tahliil ayaa sheegtay in xildhibaanada qaar ay is qarinayaan iyaga oo taageersan madaxweynaha Soomaaliya balse aan sidaasi loo baahneyn, maadaama la difaacayo danta qaranka.

Waxay sheegtay in beesha ay ku matasho baarlamaanka iyo dadka degen deegaanada Galmudug inay taageersan yihiin dowladda Soomaaliya, sidaasi si lamid ahna xildhibaanada looga baahan yahay inay helaan taageerada beelahooda.

“Koley aniga Beesha Sacad ayaa isoo dooratay waa ii jeedaan Banaanka ayaan taaganahay, Tolkeygaanna u taaganahay, ninna igama daba hadli karo, Kulli beesheyda waxay raacsan tahay dowladda, Galmudug waxay raacsan tahay dowladda, waxii  ku abtirsadana waxay raacsan yihiin dowladda” ayay tiri xildhibaan Ubax.

Xildhibaan Ubax Tahliil, ayaa dhinaca kale sheegtay in loo baahan yahay in la dhowro Dastuurka dalka iyo dowlada jirta, iyada oo sheegtay dadka qeylinaya inay yihiin kuwo doonaya inay helaan wax ka badan Mushaarkooda, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaan rabnaa maanta hadduu jiro Sharci iyo dastuur aan u hogaansano dowladeena Daacadda ah, dowadeena Sharafta badan, Laguma Shaqeeyo wax mushaar ka badan, laakiin dad doonaya Mushaar ka badan ayaa qeylinaya loomana hayo”ayay hadalkeeda ku dartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Doorashada madaxweyne ee K/Galbeed oo maanta galaysa weji muhiim ah

Bayhdbao (Caasimada Online) – Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo dhaceysa 19-ka bishan ayaa maanta galaysa weji muhiim ah, kadib qoraal kasoo baxay guddiga doorashada.

Saddex ka mid ah lixda murashax ee u taagan jegada Madaxtinimada Koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta lagu wadaa in ay khudbado u jeediyaan Xildhibaanada Koonfur Galbeed, sida uu sheegay guddiga doorashada

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii soo saaray magacyada saddexda murashax ee Axada maanta laga doonayo in ay horyimaadaan Xildhibaanada.

Guddiga Doorashada ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in murashaxiinta kala ah Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Ibraahim Macalin Nuur iyo Xuseen Cismaan Xuseen ku wargelinayaan in ay horyimaadaan Xildhibaanada, si ay ugu jeediyaan khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadkooda, haddiiba la doorto.

Akhriso qoraalka Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed

Shirkii jaraa’id ee Mursal uu qabtay sabtidii oo diray hal farriin oo muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaga Golaha Shacabka ee dowladda Federal-ka ah Mudane Maxamed Mursal Shikeh Cabdiraxmaan ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay Hotel Shabeel oo uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho isaga oo qodobo badan oo xasaasi ah uga hadlay.

Gudoomiyaha qodobada uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa in la sii daayo Shiekh Mukhtaar Roobow Cali iyo in dib loo dhigo doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Hase ahaatee, qodobadaasi sida muuqata ma aha kuwo ay ka tanaasuli doonto dowladda siiba xariga Roobow.

Tan iyo markii la soo qabtay Roobow waxaa xumaaday amniga Baydhabo oo iyada oo ay ku dhinteen shacab oo uu ku jiro xildhibaan KGS ah.

Hadaba farriin noocee ah ayuu shirkiisii jaraa’id ku diray Gudoomiye Mursal?

Shirka Jaraa’id ee uu qabtay Mursal ma ahayn mid lama filan noqday hase ahaatee waxa uu muujiyey in aan wali labada qole ee is haysa aysan isu soo dhawaan.

In Gudoomiyaha ku baaqo sii deynta Mukhtaar Roobow oo waliba loo fasaxo in uu tartamo waxa ay caddeyn u tahay meesha la kala joogo iyo xasaasiyadda xiisadda taagan.

Bulshada kaliya waxaa uga soo bixi kara in sheekadu wali tahay FANAAOLE FARI KAMA QODNA oo loo baahan doono in waqti dheer la’isugu in xal laga gaaro arrimaha la’isku hayo.

Dhinaca kale xubno 135 gaara oo ka tirsan Aqalka Hoose ayaa iyaguna kulan ay magaalada Muqdisho ku qabsadeen ku sheegay in ay taageersan yihiin Madaxweynaha oo uu Mooshinka laga keenay buray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

P/land: Dhankee dabaylaha doorashadu u dhacayaan?

Kal walba amin taan oo kale, odayaasha dhaqanka ee beelaha reer Puntland waxay soo saaraan lixdan iyo lix xildhibaan. Kuwaas oo la waydiisto inay ka soo dhex xulaan koox musharaxiina ninkii haggaamin lahaa Puntland shanta sano ee soo socota.
In kasta oo labaatankii sano oo u dambaysay musharax walba oo guulaystaayi looga fadhiyey in nidaamka wax qaybsiga beelaha uu dadka meel uun ugaga dal-doorsho, haddana mid walba oo ka midihi dhamaadka xukunkiisa ayaa shacabku ka helayey fariinmo isku mida oo ku saabsan inaan xilligaan laga gudbi karin nidaamka beelaha. Sidaas daraadeed dib loogu noqon doono sanadkaana. Eedda ayaa inta badan dusha looga tuuro bulshada caalamka oo lagu eedeeyo in ay ka gaabiyeen door koodii. Tani maahan wax iska dhaca, ee waa mid ku talagal loo sameeyo. Maxaa yeeley waa qaabka ugu fudud ee ay aaminsan yihiin inay dib ugu soo noqon karaan. Iyaga oo haddana og in kuwii ka horeeyay aanay shaxdaani u shaqayn.
DOORASHO DHALAN ROGAN
In kasta oo doorashadii 2014kii ay ahayd doorashadii ugu horaysay ee si cad oo aan caad saarnayn cododka loogu kala gadanayey, haddana waxaad moodaa in taasi ay noqonayso wax aan mudnayn in la sheego. Kolka loo eego sida ay iminka wax u scdaan. Waa markii ugu horaysay, ee miisaanka doorashada Puntland aan saldhig looga dhigin qiyam iyo qaddiyad toona. Laakiin taas baddal keeda lacag lagu qotomiyey. Sidoo kalena waa markii ugu horaysay, ee hanti shisheeye ama sokeeye, ay dhici karto in lagu kala gato codka xildhibaanka. Dhanka kalana waa markii ugu horaysay, ee sicir barar xad-dhaaf ihi uu ku dhaco kursiga xildhibaanka codkiisa beecinaya. Siday doontaba ha ahaatee. Amaba qaabkii la doonaba wax ha loo baxshee, waxaa jira go’aan qaadasho cod-bixineed oo ay soomaalidu ku dhaqmaysey lixdankii sano ee la soo dhaafay. Taas oo ah ka xiisa dhaca ay ka xiiso dhacdo madaxda kolkaas xilka u haysa. Sabab aan illaa iminka, ogaalkey cidina aanay daraasad ku samayn.
SOOMAALIDU LABA GOOR QOF MA DOORATO.
Si la mida madaxwayne walba oo soomaaliya oo difaacanaya kursigiisa, ayaa madaxwayne Gaasna uu ku mashquulsan yahay xagsashada xilka uu hayo, isaga oo u maraya xirfad walba iyo xeelad walba. Taageera yaasha madaxwaynuhu waxa ay kuu sheegayaan inuu madaxwaynuhu haysto xajmi lacaga oo uu xildhibaano ku filan ku gadan karo iyo inuu ku guulaystey in badan oo saaxiibadiisa inuu ku soo daro golaha cusub. Sidoo kale waxay kuu sheegayaan jiritaanka balan qaadyo uu ka haysto beelo goboladooda ay mashaariic waa wayni ka socoto.
Laakiin caqabadda ugu wayn ee madaxwayne Gaas hortaagan ayaa ah, taariikh aan gayiga soomaaliyeed horay uga dhicin. Aynna adagtahay inuu isagu iminka bilaabo. Waa yaabe! soomaalidu waligeed hoggaamiye labo goor ma dooran. Laga soo bilaabo 1956 oo ahayd markii ugu horaysey ee soomaalidu hoggaan siyaasadeed doorato (daakhiliyadii Cabdullaahi Ciise) illaa imminka hoggaanka soomaalidu waxa uu ahaa one term president. Ma jiro qof ay labo goor doorteen. Cabdulaahi Ciisi, Adan Cabdulle, Cabdirashiid, Cabdiqaasim, Cabdullahi Yusuf (oo laba goora puntland iyo fadaraal) Shariif Ahmed, Hassan Shekh, Cigaal, Rayaale, Cadde Muse, Faroole, Siilaanyo iyo Shariif Hassan. Intuba waxay ahaayeen haggaamo hal term ah. Raggaan waxaa ka mid ahaa kuwo ay soomaalidu qaddarin wayn u haysay, sida Adan Cabdulle. Kuwo lacag badan u isticmaalay xagsashada kursiga, sida Hassan Shekh iyo Shariif Ahmed. Iyo kuwo geed-adayg u dhashay, sida Cabdullaahi Yusuf. Dhammaan tood waxaa reebay dhaqan-soomaali aanay cidina si fudud uga tillaabsan karin. Oo ah inaysan soomaalidu ninna labo goor dooran.
Marka laga reebo Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad iyo Cadde Muse, hal wax oo aan ka baranay doorashooyinkii hore, ayaa ah. In madaxwaynaha kursiga difaacanayaa uu kaalinta koobaad ka galo cod bixinta wareegga hore iyo kan xiga. Laakiin hadba musharraxa isaga ku xigaayi uu noqdo madaxwaynaha la doorto. Kolka uu ka faa’iidaysto dhaqan-soomaaligii ka xiisa dhaca ee aynu horay u soo sheegnay.
 
XARGO GEEL MA WADA XAJAAN
In badan oo ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxwayna nimada Puntland ayaan orodku dhab ka ahayn. Kuwa badan oo kalana laguma aamini karo masiirka ummadda.
Arigtidayda waxaa jira dhawr musharax oo ay dhici karto inay fursad ka helaan xarig- jiid kaan, haddii la helo xuldhibaano wuxuun xeerinaya. Waxaana ugu horeeya labadii wasiir ee hore ee wasaaradda waxbarashada oo runtii labaduba ah rag horay loo tijaabiyey. Shaqadii ay ka soo qabteen wasaaraddii ay isaga dambeeyaan na uu shacabku mahadiyey. Waxaa kale oo ay si mug leh labaduba u fahansan yihiin waxa ay Puntland u jirto, sharciyadda ay ku dhisantahay iyo cidda ay wax kala dhaxeeyaan.
Wasiirkii hore ee maaliyadda, Farax Cali Shire ayaa isna leh saddex sano oo record wanaagsana, kuna saabsan maamulka maaliyadeeda. Gaar ahaan bixinta mushaaraadka. In kasta oo siyaasadda maaliyaddu ahayd qayb ka mida aragtidii madaxwaynihii xilligaas talada hayey, haddana qaabkii uu wasiirku u maamulay muddadaas magac ayay u tahay.
Waxaa isna jira nin dhalin yaraa oo gadaal uga soo biiray baratanka, dad badanina ay la dhaceen. Waa Asad Cismaan Diyaano. Asad waxa uu ka yimid hay’adda ugu wax qabadka iyo disciplinka fiican ciidammada Puntlan. Dhismaha hay’addaaas na qayb wayn ayuu ka qaatay sida la iisheegay. Laakiin, marka laga tago yaraanta da’ diisa, Asad ma lahan waayo aragnimo siyaasadeed oo lagu maamulo dal noocan oo kalaa. Waxaase laga yaabaa waaya aragnimadiisa amni inay fursad siiso.
Arin kale oo muhiima oo aan ka baranay labadii doorasho-fadaraal ee ugu dambaysey ayaa ah, in goolka koobaad ee xildhibaanka soomaaliyeed uu yahay dhaqaalo urursi. Kan labaadna uu yahay xulista ninka wanaagsan. Haddaba haddii raggaan, amase cid kale oo amaano, akhlaaq iyo waaya-ragnimo wax loogu dhiiban karo lihi, midkood ku guulaysto kaalinta labaad, xildhibaanka reer Puntland abaal wayn ayuu u galay dadka reer Puntland. Maxaa yeelay ku guulaysiga kaalinta labaad waxay soo dadajinayaa shaqaynta dhaqan-soomaaligii aan kor ku soo xusnay.
GUNNAANAD
Waxa ugu horreeye ee kuu soo baxaya marka aad doorashadaan barbar dhigto labadii doorasho ee ka horeeyey ayaa ah inay ka xamaas iyo xasarad yartahay. Marka laga reebo khilaafkii madaxda sare, oo ahaa arin uguba. Cabsida laga qabo in amaanku faraha ka baxo, ama ay doorashadu xasilooni daro siyaasadeed keento ayaa aad u yar. Arintaan fasiraado fara badan ayaa laga bixin karaa, laakiin aniga waxa ay iila muuqataa inay tahay jawi ka dhashay dhaqan-siyaasadeedka hoggaanka iminka jira. kaas oo aan ahayn nooca loo yaqaaan machiavellian oo ah madaxda wax maquunisa damaacigana ah. Si kastaba ha ahaatee, siddeeda January Puntland waxa ay yeelan doontaa hoggaan cusub. Su’aasha muhiimkaase waxaa weeye, soomaalidu ma dhaqan koodii hore ayay ku sii dhaganaan doonaan oo Gaas one term president ayuu noqon doonaa? Mise mooggaan lacagta madaxwaynaha wax difaacanaya ayaa taariikh cusub oo aysan horay u qorin dhigi doonta?
Ogow, kolka aan ku leeyahay lacag, maahan wax ku kooban madaxwaynaha kolkaas xilka haya kaligiis. Musharaxiinta kaalinta labaadi laftigoodu meesha lacag ayay ku yimaadaan. Waxaase u hiilliya dhaqan-soomaaligii aynu soo xusnay ee labo goor wax ma dooradka ahaa.

Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xildhibaano ka tirsan BF oo QORAAL xasaasi ah u diray dowladda Itoobiya (Aqri)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Badbaadada oo ah xildhibaanada Gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa warqad qoraal ah u diray safiirka dowladda Ethiopia ee Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa ka dalbaday safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya inay cadeyso doorka ay ciidamadooda ku sugan magaalada Baydhabo ku leeyihiin soo qabashadii Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo shaqada ay ka hayaan magaalada.

Warqadda oo Caasimadda Online ay heshay ayaa waxaa lagu cadeeyay inay AMISOM ay iska fogeysay inay door ku lahaayeen so qabashadii Mukhtaar Roobow, waxaana taasi ka dhashay shaki badan oo ah in ciidamada Ethiopia ee kusugan Baydhabo aysan qeyb ka aheyn AMISOM iyo Inkale.

Arintaasi ayaana keentay in Xildhibaanada ay warqadan u diraan Safiirka Ethiopia ee Somalia, waxaana warqadda ay u qorneyd sidan:-

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Arrin uu soo jeediyey xildhibaan ka hadlay kulankii taageerayaasha Farmaajo oo buuq dhalisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya ay kulan ku yeesheen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka waxay buuq ka kiciyeen kulankaasi.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah xildhibaanada diidan mooshinka ayaa soo jeediyay in guddoomiyaha baarlamaanka  iyo labadiisa ku xigeen ls iska tuuro haddii ay heshiin waayaan, maadaama sida uu sheegay ay qeyb ka yihiin khilaafka taagan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in khilaafka ka dhasha baarlamaanka uusan dhamaaneyn ilaa inta ay heshiis aheyn guddoonka baarlamaanka ay xilka sii hayaan, wuxuuna soo jeediyay in la iska tuuro seddexdooda.

“Dowladdan Labo sano ayaa u dhiman, annaga labo sano ayaa inoo dhiman, Inaan Mooshin La’aan ku dhameysano ma igu raacsan tihiin “HAA”, Guddoomiyaheena haku soo laabto halkuu ka guurey, Khilaafka wuu batay guddoomiyaha iyo kuxigeenada haddii ay heshiin waayaan seddexdooda aan isla tuurno, Runta ma rabtaan, Mursal, Muudey, iyo Mahad, saddexdooda isku mid ayay noo yihiin”.

“Buux iyo xitaa aan ku darno, haddii ay soo heshiin waayaan oo maalinta Isniinta ay noo furi waayaan baarlamaanka, aniga waxaan soo jeedinayaa inaan seddexdooda ridno oo guddoon cusub aan doorano, ninka noogu da’ weyna u dhiibano xilka”ayuu yiri Xildhibaan Dhaqtar.

Kadib xildhibaanada kale ayaa bilaabay inay ku buuqaan ama ku oriyaan, waxaana meesha ka dhashay is fahamwaa sababay inuu iska wareejiyo cod baahiyaha uu ku hadlayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada taageersan FARMAAJO oo shaaciyey tiradooda rasmig ah (Arag magacyada iyo saxiixooda)

Muqdisho (Caasimada Online)  – Xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Muqdisho ku qabtay kulan ay madaxweynaha taageero ugu muujiyeen.

Xildhibaanadan ayaa warar is khilaafsan ay kasoo baxeen tiradooda, waxaana horey u qornay inay ahaayeen 135 xildhibaan, hase yeeshee xiriir ay nala soo sameeyeen ayay ku sheegeen inay intaas ka badan yihiin oon ay gaarayaan 167 xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa Caasimada Online soo gaariyey warqad ay ku qoran yihiin magacyadooda iyo saxiixooda oo ay sheegeen inay caddeyn u tahay tiradooda rasmiga ah. Si kastaba, sida mar kasta dhacday, waxaa dhici doonta in xildhibaano badan ay sheegtaan in magacooda laga been abuurtay.

Xildhibaanadan oo isugu yeeray “aqlabiyadda golaha shacabka” ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin hoggaanka Madaxweynaha iyo waxqabadka xukuumadiisa uu hoggaamiyo Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Hoos ka aqriso liiska magacyada iyo saxiixda xildhibaanada

MAHAD SALAAD oo jawaab cajiib ah ka bixiyey hadalkii ka soo baxay AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii maanta kasoo baxay hoggaanka ciidamada Amisom, kaasi oo ay isaga fogeeyeen inay kaalin ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow. Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Mahad Salaad, oo uu faceook soo dhigay:-

Dharka iyo gaadiidka Midowga Afrika miyaa suuqyada magaalada Baydhabo lagu gadaa mise?!

Shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa docwo ka dhan ah Ergayga gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Fransisco Madeira u gudbiyay Gudoomiyaha Midawga Afrika Moussa Faki iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.

Dacwadaan ayaa timid kadib markii ciidamada Itoobiya ee katirsan kuwa AMISOM ee jooga magaalada Baydhabo ay maalintii Khamiista soo afduubeen Mukhtaar Roobow. Afduubkaas oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah iyo Xildhibaan katirsan Barlamaanka Koonfur Galbeed.

Iyagoo ka jawaabaya eedeyntaas ayaa saakay war saxaafadeed kasoo baxay xaafiiska Midawga Afrika waxay iskaga fogeeyeen in ay ku lug lahaayeen howl galkii lagu soo qabtay Mukhtaar Roobow iyo dhibkii ka dhashay.

Hadaba waxaa iswaydiin mudan TAANGIYADAAN ay ku buufsanyihiin magaca Midowga Afrika iyo CIIDAMADAAN labbisan dharkooda ma’ahan miyaa kuwoodii mise dharka iyo gadiidka Midowga Afrika ayaa suuqyada magaalada Baydhabo lagu gadaa?!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Keating oo shaaciyey inuu FARMAAJO mooshinka ka bad-baadi karo iyo in kale

Nairobi (Caasimada Online) – Wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Michael Keating ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Keating oo wareysi siiyey taleefishinka Jarmalka ee DW, ayaa sheegay in mooshin cod kalsooni oo Farmaajo laga keenay aanu macnaheedu ahayn xasilooni darro siyaasadeed, oo dalal badan oo caalamka ah ay taas oo kale ay ka dhacdo, sidii dalka Britain oo kale oo toddobaadkan ay ka dhacday markii xisbiga muxaafadka ay cod u qaadeen ra’iisul wasaare Theresa May.

“Si kastaba, marka aad eegto Soomaaliya, nasiib darro waa astaan muujineysa suuq siyaasadeed oo caan ku ah gacmo badan oo la isku dhaafsado lacag aan la ogeyn halka ay ka yimaadeen” ayuu yiri Keating,

Keating waxa uu sheegay in mooshinka Farmaajo uu astaan u yahay walaac ku saleysan qabyaalad iyo loolan loogu jiro kuraasta xukunka iyo sidii awoodda gacanta loogu dhigi lahaa.

“Waxaan rumeysanahy in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka bad-baadi doono mooshinkan” ayuu yiri

“Saddexdii sano ee aan joogay Soomaaliya waxaan marar badan arkay mooshino noocan oo kale ah oo laga keenay ra’iisul wasaareyaal iyo madaxweyne, marka la-yaab maaha” ayuu yiri Michael Keating oo xafiiska QM ee Soomaaliya ka tegay bishii October.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Muuqaal: Juxa oo loogu soo dhoweeyay GAROOWE

0

Garoowe (Caasimada Online)- Wuxu ahaa isu soo bax noociisa aaney mudooyinkaan arag shacabka reer Puntland. Dadka ayaa ka yimmid Mudug, Nugaal, Bari ilaa Karkaar si ay usoo dhoweeyaan musharax Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ayaa maanta dib ugu soo laabtay Garoowe, waxaana ay kumanaan shacab ah uga hor tageen daroonka diyaaraha ee Jeneraal Maxamed Abshir. Dadka ayaa tixanaa guud ahaan wadooyinka waa weyn ee magaalada Garoowe.

Juxa oo loo arko musharaxa ugu cadcad doorashada madaxtinimada ee Puntland ayaa shacabka kula hadlay fagaaraha barxada Garoowe, halkaas oo uu ka jeediyay qudbad 19 daqiiqo ah.

Juxa ayaa hadalkiisa ku bilaabay in sida ay shacabku isugu soo baxeen maanta iney muujineyso sida ay reer Puntland u doonayan iney doortaan hogaan wanaagsan, wuxuuse nasiib daro ku tilmaamay in 20 sanno kadib ay wali Puntland doorashadeeda odayaashu hagaan.

Wuxuu shacabkii isu soo baxay u balan qaaday in hadii la doorto uu shaqadiisa koowaad ka dhigi doono dhismaha xisbiyada, si doorashada xigta ay shacabku u doortaan hogaankooda.

Xiliga ay kusoo aaday doorashada Puntland ayuu musharax Juxa ku sheegay waqti aad xasaasi u ah oo uu dayacan yahay amniga Puntland, dhaqaale uusan jirin, Dowlada dhexe iyo maamuladu ay is heystaan wax badana loo baahan yahay in taxadar lagu wajaho ,waxaana uu ku baaqay in qofka la dooranaayo uu noqdo qof xogogaal ah, lasoo tijaabiyay, arrimaha taagana ka bixi kara.

Wuxuu soo hadal qaaday arrinta gobalka Sool isagoo sheegay in hadii la doorto uusan wax gor gortan ah ka galin doonin arrinta gobalkaas, wuxuu fariin u diray Muuse Biixi (Madaxweynaha Somaliland) oo uu sheegay iney ceeb ku tahay in wixii uu 30 sanno ka cabanayay uu isagu maanta ummada ku hayo.

Juxa wuxuu sheegay in hadii la doorto uu dhiso doono ciidan amni oo xoogan iyo dhaqaale la isku haleyn karo, uuna ka dhabeyn doono riyada reer Puntland, sidoo kalana uu fursad siin doono dumarka iyo dhallinyarada waxbaratay. Dadka ayaa u muuqday kuwo aad ugu riyaaqay balan qaadyada musharax Cabdi Farax Siciid Juxa.

Hoos ka daawo qudbada oo dhemeystiran

 

Caasimada Online
Xafiiska-Garoowe
[email protected]

Ilaalada la-taliyaha Mursal oo hubka laga dhigay gaadiidna lagala wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahisay Idaacadda Risaala oo kamid ah Idaacadaha Muqdisho, hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa hub ka dhigis ku samaysay la-taliyaha guddoomiyaha baarlamaanka.

C/Qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ah la-taliye sare oo ka tirsan Xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la sheegayaa, in hubka dhigis lagu sameeyay ciidamo isaga ilaalo u ahaa una diiwaan gashan dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ilaalada Jaamac looga yeeray xarunta Xisbiga oo ah taliska ciidamada Hoos tagaan, iyadoo lagu wargeliyay inay Mushaaraadkooda qaadan doonaan, balse markii halkaasi ay tageen lagu wargeliyay inay hubka dhigaan.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay inay wareejiyaan Gaari ciidan oo ahaa Cabdi Bille u diiwaan gashan dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay inay kadib goobta kasoo baxeen iyaga oo aan hubeysneen.

Sababta hub ka dhigista loogu sameyay ilaalada la taliyaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lala xiriirnayaa in ay tahay arrimo la xiriira Mooshinka laga keenaya madaxweyne Farmaajo oo uu gacanta ku hayo gudoomiyaha golaha Shacabka.

Ma cadda ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee arintaan ka dambeysay, marka laga yimaad wararka sheegaya in mooshinka dartii sidan loogu sameeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

135 xildhibaan oo go’aan ka kooban 10 qodob maanta kasoo saaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka kid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshauy magaalada Muqdisho ayaa tageero xooggan u muujiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanadan oo isugu yeeray “aqlabiyadda golaha shacabka” ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin hoggaanka Madaxweynaha iyo waxqabadka xukuumadiisa uu hoggaamiyo Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanada oo tiradooda lagu sheegay 135 xildhibaan, ayaa ugu baaqay guddoomiyaha baarlamanka in uu ka fiirsado ku adkeysiga Mooshinka oo ay ugu yeereen “mooshinka buray ee sharcidarada ah si hay’adaha dastuuriga ah looga badbaadiyo qalaalase siyaasadeed oo dowladda dib u dhac u keena, caqabadna ku noqda waajibaadkii sharcidajinta, matalaada shacabka iyo korjoogteynta hay’adda fulinta oo dhamaantood habacsanaan ku timid”

Hoos ka aqriso qoraalka ay soo saareen xildhibaanada

 

Faysal Waraabe oo mowqif aan laga fileyn ka muujiyey xariga Roobow (Dhageyso)

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow, waxa uuna ku baaqay in lasii daayo.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in sharciga ay baal marsan tahay xariga la xiray Mukhtaar Rooboow, waxa uuna carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in sharciga la dhowro, oo loo wada sinaado.

Waxa uu sheegay in uu xiranyahay maxkamad isaga oo aan la marsiin, taasi oo uu ku sheegay in ay tahay gef weyn oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gashay sareynta sharciga.

“Waan cambaareynaynaa xariga loo geystay Mukhtaar Roobow,waana ka xunahay dadka ku dhintay magaalada Baydhabo, Farmaajo waxa uu wadaa kaligiis talisnimo ee ha joojiyo, sidoo kale waxaan ka dalbanayaa Ciidamada AMISOM inay Soomaaliya isaga baxaan” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ugu dambeyntii dowladda federaalka ee Soomaaliya ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay usii daayaan Rooboow.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Aqalka Sare oo war kasoo saaray xaaladda maamulka Koonfur Galbeed (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray uga hadlay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed iyo rabshadaha ka socda magaalada Baydhaba, iyo sidoo kale dagaalka Mooyaale ee Soomaalida iyto Oromada.

Guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xaalada ka taagan magaalada Baydhabo in ay joojiyaan colaada iyo qalalaasaha ayna si nabadgelyo iyo wadahadal ah ku soo afjaraan is maandhaafka taagan si loo soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta Magaalada Baydhabo.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan mas’uuliyiinta iyo shacabka dalwad goboleedka Koonfur Galbeed in ay si wadajir ah u dhowraan Dastuurka iyo Sharciyada kale ee dawlad Goboleedka si ay u suurtagasho qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhinaca dagaalka Mooyaale, guddiga ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta deegaanadaas in ay si degdeg ah u soo farageliyaan dagaaladaas si loo joojiyo colaadaha soo noqnoqday ee deeganada kor ku xusan kuwaas oo sababay dilal, dhaawacyo, barakac iyo burbur hantiyeed.

Waxa uu Guddiga joogtada ah ee Goluhu ugu baaqay shacabka qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada in ay joojiyaan colaada ka dhex taagan kuna wada noolaadaan nabadgelyo iyo deriswanaag iyaga oo dhowraya mabaadiida iyo shuruucda caalamiga ah ee Xuquuqul Aadanaha

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhan

 

 

DEG DEG: Boqolaal ka mid ah shacabka Baydhabo oo xabsiyada lagu guray

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxa ay sheegayaan in halkaasi ay howlgal ballaaran ka fuliyeen ciidamada dowladda federaalka, K/Galbeed iyo kuwa Itoobiya.

Howlgalkan ayaa la doonayey in lagu joojiyo dibadbaxyada ka soconayey magaaladaasi, waxaana ciidanku ay xabsi dhigeen in ka badan 200 qof oo shacab ah una badan dhallinyaro dibadbaxyadan dhigayey.

Wararku waxay sheegayaan in dhammaan dadkan la xirey loo qaaday xabsiyada Baydhabo, iyadoo dhanka kale dib ay hawada ugu soo noqotay isgaarsiintii magaalada oo saacado badan maqneyd.

Wararka ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay hadda deggan tahay, dibna u furmeen xarumaha ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha.

Saraakiisha ammaanka magaalada Baydhabo weli wax war ah kama aanay bixin howlgalladan ay ciidanku ka sameeyeen magaaladaasi.

Baydhabo waxaa Maalmihii lasoo dhaafay ka jiray dibadbaxyo xooggan oo ay dhigayeen dadka shacabka ah kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya halkaasi kasoo xireen musharrax Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected] 

Daawo: Gudoomiye Mursal oo markii ugu horeysay ka hadlay go’doonkii la geliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyey in xukuumadda Soomaaliya ay go’doon gelisay oo ay ka hor-istaagtay xildhibaanada inay u yimaadaan.

“Maal-mahan dambe waxaa billowday in xildhibaanada loo diido in deegaanka aan deganahay ay usoo gudbaan, waxaan leeyahay arrintaas arrin wanaagsan maaha, Baarlamanka xor ayuu ka yahay, waana ka madax banaan yahay golaha fulinta”

“Xildhibaanada waxay xaq u leeyihiin in dhaq-dhaqooqda xor u noqdaan, waana in la ilaaliya dastuurka dalka iyo sharciga, loona ogolaadaa xildhibaanada inay xor u noqdaan dhaq-dhaqaaqooda” ayuu yiri Mursal

Mursal oo horey u degenaa dhisme ku dhex-yaalla Villa Somalia, ayaa kasoo guuray wuxuuna hadda degan yahay hotel Shabeel, oo xarun u ah xildhibaanada xisbiga UPD ee horey u kala ahaa Daljir iyo Damu-Jadiid.

Hoos ka daawo muuqaalka

Wararkii ugu dambeeyey ee rabshadaha Baydhabo iyo dad kale oo ku dhintay

Baydhabo (Caasimada Online) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii maanta ay isku dhaceen Dibaxayaal ku sugan Baydhaba ay isku Ciidamada ku sugan gudaha Magaalada.

Dibadbaxayaasha ayaa isku dayay in ay Dhagxaan ku tuuraan Kolonyo ka mid ah ciidamada la wareegay maaanka magaalada,waxaana ay ku jawaabeen Rasaas nool taas oo dhalisay dhimashada iyo dhaawac qaar ka mid ah banaanbaxayaasha.

Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online in rabashadaasi ay ka dhaceen agagaarka Guri uu Sheekh Mukhtaar Roobow ka degganaa Baydhaba iyo inta u dhaxeysa Hotel uu isna degganyahay Musharrax Maxamed Adan Ibraahim Farkeeti.

Dhinaca kale Isgaarsinta iyo Internetka ayaa dib ugu soo laabta Magaalada Baydhaba,kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay hakad ku jiray.

Rabashadii ka dhacay Baydhaba waxaa ku dhintay dad ku dhow 15 Qof,waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la sii daayo musharrax Mukhtaar Roobow Cali  islamarkaana doorashada Koofur Galbeed dib loo dhigo.

Caasimada Online
“Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Daawo: Mursal oo 5 qodob kasoo saaray doorashada K/G iyo xariga ROOBOW

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray shan qodob oo ku saabsan xariga Mukhtaar Roobow iyo xaaladda Koonfur Galbeed.

Mursal ayaa ku baaqay shanta qodob ee hoos ku qoran.

• In shacabka reer Koonfur Galbeed ay is dejiyaan, nabadda adkeeyaan, sharcigana dhowraan.

• In Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha inta lagahelayo jawi xasiloon oo ku haboon qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

• In ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka shaqeeyo dejinta iyo qancinta shacabka iyo dib u soo celinta kala danbeyntii.

• In odayaasha dhaqanka ay muujiyaan kaalinta dhaqan ee ay ku leeyihiin nabbada iyo wadajirka guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaana Shacabka Koonfur Galbeed.

• In musharaxa xiran xorayadiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan loona ogolaado in uu degaankiisii ugu laabto si nabad ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dalab culus oo gudoomiye Mursal kasoo baxay kadib shir jaraa’id uu qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo badan ku qabtay magaalada Muqdisho.

Labo arin ayaa ugu Muhiimsaneyd shirka Jaraa’id ee uu Guddoomiye Mursal ku qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ugu horeeyay xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan Koofur Galbeed iyo xariga Mukhtaar Roobow.

Guddoomiye Mursal ayaa sharci daro ku tilmaamay xariga Mukhtaar Roobow, waxaana uu sheegay in Roobow uu buuxiyay dhamaan sharuudihii musharaxnimo ee laga doonayay inuu kaga qeyb galo doorashada Koofur Galbeed.

Wuxuu Sidoo kale sheegay in Xariga Mukhtaar Roobow uu muujiyay sida loo baalmaray Dastuurka, maadaama aan loo jarin warqad lagu xerayo, taasi badalkeeda qoorta laga soo qabtay.

Guddoomiye Mursal ayaa cadeeyay in rabitaanka Shacabka Koofur Galbeed loo baahan yahay in la tixgeliyo isagoo dalbaday in dib loo dhigo doorashada, islamarkaana xal laga gaaro arimaha taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Banaanbaxyo xoogan oo ka socda degmada Bardaale

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in dad ka careysan xariga Mukhtaar Roobow ay ka bilaabeen magaalada Banaanbaxyo Rabshado wata.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa ku dhawaaqaya erayo ay ku muujinayaan sida ay u taageersan yihiin Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, islamarkaana ay kasoo horjeedaan dowladda Soomaaliya.

Muuqaalo laga soo duubay dadka banaanbaxa ka bilaabay Bardaale ayaa muujinaya iyaga oo gubaya taayadarada Gaadiidka, waxaana ay ku banaanbaxayaan xaafadaha kala duwan ee degmada Bardaale.

Waxaa la arkayay ciidamada amaanka degmada Bardaale oo rasaas ku kala ceyrinaya dadka banaanbaxa dhigaya, mana jirto khasaaro ilaa iyo hadda lasoo wariyay.

Wariyaheena magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaalada Bardaale ay lamid noqon karto tan ka taagan magaalada Baydhabo, Haddii aan wax laga qaban.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]