26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Maxaa xaalka ROOBOW iyo guddoomiye MURSAL ku soo kordhay? (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho una dhaxeeyay odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayaa waxay kaga hadleen arrimo dhowr ah.

Kulanka oo ujeedadiisa ay aheyd sidii taageero loogu muujin lahaa Mukhtar Roobow Abuu Mansuur ayaa waxaa dadkii ka hadlay ay sheegeen inay ka xun yihiin xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Waxay sidoo kale sheegeen inaysan aqbaleyn in Mukhtaar Roobow laga saaro liiska musharixiinta Koofur Galbeed iyaga oo dalbaday in xoriyadiisa la siiyo, maadaama si baal marsan Sharciga loo xiray.

Xubnaha ka hadlay kulanka ayaa soo hadal qaaday go’doonka uu ku jiro guddoomiyaha baarlamaanka, iyaga oo sheegay in wax la aqbalo karo aysan aheyn go’doonka la geliyay guddoomiye Mursal.

Waxay sheegeen in guddoomiye Mursal uu yahay shaqsiga labaad ee ugu sareeyo dalka, balse lagu qasbay inuu isaga guuro madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii culeesaad la saaray.

Ugu dambeyn waxay dalbadeen in dadka kasoo jeedo Koofur Galbeed laga daayo cadaadis iyo dhibaatada lagu hayo islamarkaana Guddoomiye Mursal la siiyo fursad uu ku dhaqdhaqaaqi karo, Abuu Mansuurna lasii daayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Waalidiin buux dhaafiyay saldhiga Baydhabo maanta

Baydhabo (Caasimada Online) – Maalintii Labaad waxaa saldhiga magaalada Baydhabo buux dhaafiyay waalidiin caruurtooda lagu xiray saldhiga waxii ka dambeeyay banaanbaxyadii ka dhacayay magaalada.

Waalidiinta qaar ayaa raadinaya haween iyo caruur ka maqan oo la waayay maalin kadib markii ciidamada booliska iyo meletariga ay awood u adeegsadeen dadkii banaanbaxyada ka dhigayay magaalada Baydhabo.

Ma jirto cid waalidiinta la hadasha kana qancisa sababta caruurtooda ay u xiran yihiin, waxaana wararka ay sheegayaan in ku dhawaad 200 oo ruux ay ku xiran yihiin saldhiga magaalada Baydhabo.

Dadka Banaanaxa dhigayay ayaa ka xumaaday xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda ay Khamiistii lasoo dhaafay kasoo xirtay magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhabo lagu soo gabo gabeynayaa dhageysiga Khudbadaha ay jeedinayaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo shalay seddex musharax la dhageystay.

Labo Musharax ayaa maanta la dhageysan doonaa, waxaana maalinta Arbacada ka dhaceysa magaalada Baydhabo doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

DFS hal hadaf oo ay lahayd way gaartay balse bulshada K/G ma mudneyn ciqaab!

Boorkii waa dagay, waa la kala miirtay! Maanta Baydhabo dhawr maalmood oo ay dhibaato weyn ka jirtay taas oo salfatay nolosha Xildhibaan iyo tiro shacab ah waa dagan tahay.

Waxaa taas dheer, xassilooni daraddii siyaasadeed ee maalmahanba socotay iyadana xal ayaa laga gaaray kaddib kulan ay wada yeesheen Gudoomiyihii carreysnaa Maxamed Mursal Shikeh Cabdiraxmaan wallow uu Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyeynta isku dayey in uu uga daro kaddib markii uu is casilay.

Hase yeshee, maadama la kala miirtay, aan si miir qab ah u eegno yoolkii dowladda ee dhex fariisiyey mashaqadii toddobaadkan.

Ma guul togan mise taban ayey gaartay dowladda waa su’aal jawaabo badan balse waxaa xaqiiqo ah in ay guuleysatay.

Roobow oo xabsi ah, doorashada oo dhaceysa, gudoomiyihii uu soo laabtay iyo bulshada reer Baydhabo oo dib noloshooda u bilaabay waxa ay daliil u tahay guusha siyaasadeed ee dowladda, ogow waan ka cudur daartay in aan anigu sheego saxnaanteeda iyo qaladkeeda.

Weydiinta ugu muhiimsan ayaa hase yeshee ah, Muxuu ahaa hadafkii ugu weynaa ee ay dowladda lahayd laba wajiileyntii ay ula dhaqantay Shiekh Mukhtaar Roobow Cali?

Ka jawaabidda su’aashan waxa ay na bari doontaa in dowladda yoolkeedii gaartay balse reer Koonfur Galbeed mareen ciqaab aysan mudneyn.

Muxuu ahaa?

Dowladda tan iyo markii uu Shiikha isa soo dhiibay waxa ay ka dhex arkeysay fursad weyn maadama uu laba saddex awoodood isku darsadaty; Tiisii argagixisonimo, awoodda beeshiisa ee Baydhabo iyo taageerada dowladda.

Saddexdaas awoodood waxa ay dowladda u arkeysay in ay ku bixin karto Shariif Xassan Shiekh Aadan oo laf dhuun gashay ku ahaa.

Dabcan, taas wey u suurtagashay kaddib markii ay Roobow u muujisay in uu tartami karo oo uu xataa sameyn karo dhaq dhaqaaq ciidan oo magaalada ah si uu u cabsi galiyo Shariif Xassan oo ay bulshadu necbaayeen hadana ku awood yaraa Baydhabo.

Dowladda waxa ay ku sii cadaadisay Shariif-ka taageeridda Laftagareen iyada oo dhammaan xildhibaanadii maamulkaas keentay Muqdisho.

Shariif oo dhinac walba eegay uguna weyn tahay cabsida Roobow-ga halista ah ayaa ku qancay in uu cagaha wax ka dayo.

Taas markii ay dhacday, dowladda waxa ay la soo baxday wajigeedii dhabta ahaa iyada oo Roobow soo xirtay kana horistaagtay loolanka – SHAQADII WAAD NOO FULISAY, RAALI AHOW!

Yeelkeede, arrintaas waxaa ka gadooday shacabka Koonfur Galbeed oo aad u daneenayey Shikeha, waxa ay galeen dagaal, dibed bax ay dad badan uga dhinteen kuna curyaabiyeen isu socodkii iyo dhaqaalihii magaalada – Xaqiiq, waa dhibaato iyo ciqaab aysan bulshadaas mudneyn.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, United States

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xildhibaan Axmed Shabeel: Arrimaha socda koox gaar ah ayey fursad siinayaan

Waxaan ku talin lahaa iney madaxda dawladdu xaaladda dejiyaan, wada hadalna in la furo, khaladaadka keenay khilaafkana la saxo.

Arrimahan soconaya waxay sii kala fogeynayaan mowqifyaddii la kala taagnaa, waxayna dhiirigelin u yihiin dhammaan inta naf lacaariga ah ee neceb xasiloonida iyo horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatey.

Waxa ku farxaya bahalaha duleedka ka soo milikhsanaya ee xaasidaya horumarka ay dawladdu gaadhey isla markaana jecel iney ka faa’iideystaan khilaafka iyo burburka xukuumadda si ay u dhacaan hantida dadweynaha. Kuwaas oo aan haba yaraatee, aan dooneynin xasiloonida iyo deggenaanshaha dalka kuna shaqeeya habka maafiyonimada iyo mar walba adeegsanaya dibindaabyo ay ku dhacaan dhaqaalaha dalka.

Mana oggola xaqa waxaaney ku shaqeeya dulmi, sharci darro, qabyaalad, caddaalad la,aan, eex, sadbursi, khiyaano dhac, been abuur, daacad darro. Maadama madaxweynuhu yahay hoggaamiyihii iyo badbaadiyihii qaranka, waa in lagu qaddariyaa xilka iyo waajibaadka dastuuriga ah ee uu gudanayo loogana dambeeyaa xallinta dhibaatooyinka dalku marayo, la iskuna garabtaagaa.

Guddoonka Baarlamaanka waxa looga baahan yahay in wixii dantu ku jirto uu kala shaqeeyo madaxweynaha.

Baarlamaanku isagoo ilaalinaya shuruucda dalka, waxa looga baahan yahay inuu kala shaqeeyo xukuumadda sidii loo gaadhi lahaa nabad iyo horumar loona adkeyn lahaa midnimada iyo wadajirka baarlamaanka.

Mooshinkii laga keeney madaxweynaha wuu jabay maadaama ay tiradii buuxsami weydey. Sidaas darteed, waa in laga gudbaa. Guddoonka Baarlamaanku waa iney sida ugu dhakhsaha badan u furaan baarlamaanka si loo bilaabo hawlaha u yaalla.

Qore: Xildhibaan Ahmed Shabel

Wel-welka khilaafka BF iyo rajada guulaha dawladda!

Somaaliya Asbuucaan waxaa u kulmay welwel iyo cabsi laga qabo khilaafka u dhexeeya Xubnaha iyo Guddoonka Golaha Shacabka iyo Rajada Guulaha Dawladdu ay ka gaartay arrima Gobalka iyo kuwa Gudaha;

A – Mooshin uu qabtay Gudoomiyaha Golaha Shacabka 9 kii Bishaan ayaa dhaliyey khilaaf iyo is qab-qabsi u dhexeeya Xildhibaanada Mucaaradka iyo kuwa Muxaafitka, khilaafka oo u sii gudbay Guddoonka Golaha kadib markii Guddoomiyuhu u guuray Xarumaha Mucaaradka.

Dadka ayaa dib u xasuustay Barlamaankii Xorta ee Asmara 2007, iyaga oo filayey in wax laga bartay waaya aragnimadii laga dhaxlay 5 tii Barlamaan ee ka horeysay kan 10 aad ilaa Carte 2000.

“Haddaan guga kuu kordhaa gabow mooyee ku tarin garaad iyo waaya arag? Illeen wax ma dhaantid geed”.

Waxaa cad in Xildhibaanada qaar Shacabka ay matalaan uu ka horreeyo dhanka Wacyiga iyo Aqoonta Siyaasada ay ku matalaan.

Wel-welkaas Shacabka waxaa ka Jawaabay shalay 167 Xildhibaan oo u balan-qaaday Shacabka in Madaxweynaha ay soo doorteen uu kalsooni ku dhamaysan-doono labada sanoo ee u hartay! Mooshinkuna uu ahaa mid dhoob-dhoob ah, haddana uu buray, lagan gudbay.

B – Guulaha Rajada iyo Himilada leh ee Dawladu gaartay Asbuucaan waxaa ka mid ah:

1. Booqashadii Taariikhiga ee Muqdisho lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Eritrea Afawark, taas oo Alabaabada u furaysa Fursado: Nabadeed ee Gobalka Geeska Afrika iyo Somaaliya, Iskaashi labada Shacab iyo labada Dawladood dhinac kasta, Xiritaanka Kannaaladii Mucaaradka labada Dawladood, ka hortaga Go’doomin iyo Faragelin Shisheeye ee labada Dawladood.

2. Ka mid-noqoshada Isbahaysiga Badda Cas ee lagu asaasay Sacuudiga Asbuucaan taas oo muujinaysa Ahmiyadda iyo Dawrka Somaaliya ay ka Ciyaarayso Arrimaha Gobalka gaar ahaan Dawlaha kulaala Badda Cas iyo kuwa Geeska Afrika, waxa ayna adkaynaysaa Midnimada iyo Dawladnimada Somaaliya, waxa ayna yaraynaysaa Faragelintii Dawladaha Khaliijka.

3. Mashaariicdii ay kala saxiixdeen Dawlaha Somaaliya iyo Qatar oo gasreysa Adduun ka badan laba Bilyan$ taas oo cadaynaysa in Somasliya kasii baxayso kaalmadii Bani-aadamnimo, una gudbayso Mashaariic horumarineed iyo Wada-shaqaysi, waxa ayna kaalin wayn ka qaadanaysaa Mashaariicdaas Dhismaha Kaabiyaasha Dhaqaalaha iyo Yareynta Shaqa La’aanta Dhalinyarada, Sugida Amniga iyo Dhismaha Hay’daha Dawladda.

Hadaba waxaan ka rajaynaynaa Xildhibaanada leh Dareenka Wadaniyeed in ay Khilaafkooda dhameeyan, ayna joojiyaan Magac iyo Sumcad dilka Dalka iyo Dadka si looga wada mira dhaliyo; Rajada, Himilada iyo Hayaanka Shacabka iyo Dawlad-nimada.

W/Q: Dr. Maxamed Nuur Gacal

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Shirkii wasaaradaha kalluumeysiga ee federaalka iyo maamullada oo lasoo Gabagabeeyey

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowladda Federal-ka ah Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa maanta soo xiray shir laba maalmood magaalada Muqdisho uga socday Wasaaradaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Federal-ka ah iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga ee dowlad gobolleedyada.

Shirkan oo ay soo xaadireen inta badan Wasiitada Maamulada ayaa lagu lafa guray sidii ay Wasaaradaha u yeelan lahaayeen wada shaqeyn iyo iskaashi iyada oo ay hoggaamin doonto Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee heer Federal.

Wasiir Cabdillahi Bidhan Warsame oo shir jaraa’id uu waxyaabihii looga hadlay shirka uga hadlay ku sheegay in qodobo badan la’isla gartay oo ay ka mid yihiin sidii xeebaha looga wada ilaalin lahaa Kalluumeysiga sharci darada ah, Wasaaraduhu uga wada shaqeyn lahaayeen mashaariicda kalluumeysi ee dalka hadda laga bilaabay .

Wasiir Cabdillahi Bidhan Warsame waxa uu sidoo kale sheegay in Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraad-ka badda ee dowladda dhexe ka taageeri doonto kuwa heer dowlad gobolleed dhinaca tababarada iyada Siminaarro shaqalohooda loo keeni doono Muqdisho halka shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Federal ay safarro ku kala bixin doonaan maamulada si ay khibradooda ula  soo wadaagaan shaqaalaha kale ee dhiggooda ah.

Dhinaca kale Wasiirada maamul gobolleedyada ka socday oo intooda badan ay joogeen shirka labada maamlin socday ayaa ku ammaanay Wasiir Bidhaan shaqada kheyrul-caadiga ah ee uu qabtay intii uu Wasaaradda joogay iyo sida joogta ah ee uu xiriirka ula sameeyo.

Shirka labada labada maalin socday ee u dhexeeyey Wasaaradaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee heer Federal iyo Maamul Gobolleed ayaa ku soo aadaya xilli dhawr maalmood kahor ay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowladda dhexe saxiixday shatiyo Kalluumeysi oo heer caalami ah.

Sawiro: Mursal, Muudey iyo Mahad Cawad oo saddex qodob ku heshiiyey (Aqri)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kadib khilaaf soo jiitamayey tan iyo 8-deeddii bishan waxaa maanta Muqdisho kulan gaar ah ku yeeshay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Maxamed Mursal iyo ku-xigeennadiisa 1aad iyo 2aad. Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudeey iyo Mahad Cabdalla Cawad.

Xogta ay Caasimada Online heshay, ayaa sheegeysa in inta badan la isku afgartay qodobbadii laga wada hadlay oo ay ugu muhiimsaneyd wadashaqeynta iyo in golaha uu shaqadiisa dib u bilaabo.

Qodobbada la isku afgartay waxaa ka mid ahaa in baarlaamka isku duubnidiisa la ilaaliyo, oo looga dambeeyo guddoomiye Mursal wixii maamul iyo mas’uuliyaddiisa ah, waxaa kale oo lagu heshiiyey in ka guddoon ahaan is cafiyaan, iskana iloobaan is maandhaafka, oo weliba ay sida ugu dhaqsaha badan dib u bilaabato shaqadii golaha shacabka.

Arrintii guddiga maaliyadda ee jiritaankooda muranka ka taagnaa, waxaa la isla qaatay go’aankii guddoomiye Maxamed Mursal ee ahaa iney  guddiga shaqadooda sii-wataan.

Ugu dambeyntii, arrinka mooshinka madaxweyne Farmaajo waxaa la sheegayaa in guddoomiyaha uu dib ugu dhigay iney iska arkaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduulahi Farmaajo, xalkana uu noqon-doono wixii wada hadalkaasi ka soo baxo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Jewiga Baydhabo oo maanta aad u duwanaa maalmihii la soo dhaafay

Baydhbao (Caasimada Online) – Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa maanta wax badan ka duwaneyd saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, oo magaalada ay hareereeyeen rabshado ka dhashay xarigii maalintii Khamiista ay Dowladda Federaalka Somaliya kula kacday Murashax Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa Sabtidii xoog ku furay wadooyinka Magaalada Baydhabo, ka dib markii ay xireen taageere-yaasha Mukhtaar Roobow Cali.

Ciidamada ayaa maanta waxaa lagu arkayey wadooyinka magaalada, oo ay ka socdaan olole wadooyinka looga nadiifinayo taayeero ay bannaanbaxayaasha ku gubeen.

Sidoo kale ganacsigii magaalada ayaa mid caadi ah ku soo laabtay, iyadoo ay maanta wada furnaayeen dhammaanba goobaha ganacsi ee Baydhabo ku yaala.

Waxaa sidoo kale maanta dib loo furay goobaha waxbarasho ee magaalada.

Dhanka kale waxaa maanta Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo ka bilowday khudbadaha ay murashaxiinta u jeedinayan Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Illaa saddex murashax ayaa maanta hortagey Xildhibaanada Koonfur Galbeed, maalinta berritana waxaa lagu wadaa in ay khudbado u jeediyaan murashaxiinta kale. Jegada Madaxtinimada Koonfur Galbeed waxaa u tartameysa illaa lix murashax. Abuu Mansuur oo murashaxiinta ka mid ah ayaa Khamiistii lagu xiray Magaalada Muqdisho, markii laga qabtay Madaxtooyada Baydhabo.

Daawo: Qatar Airways oo duulimaad ka billaabaysa magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Qatar Airways, Sayid Albakar Al-baakir ayaa maanta shaaciyay in shirkaddoodu ay July 01, 2019 bilaabayso duullimaadyo toos ah oo ay uga howl gelayso magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya

Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, Cabdirisaaq Faarax Cali, ayaa sheegay in guddoomiyaha Qatar Airways uu qorshaan ku xaqiijiyay kulan isaga iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, maanta ku dhex maray magaalada Dooxa.

Safiir Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uu guddoomiyaha Qatar Airways uga mahadceliyay duullimaadka shirkaddoodu ay ka bilaabayso garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, sidoo kalana ra’iisul wasaaruhu uu shirkadaha iyo ganacsatada kale ee dalka Qatar u rajeeyay in ay maal gelin ku samaystaan dalka Soomaaliya.

Qorshaha Qatar Airways ay Muqdisho uga bilaabayso duullimaadyada tooska ah ayaa qayb ka ah hannaanka maal-gelinta ballaaran ee shirkadaha, ganacsatada iyo dawladda Qatar ay ku maal gelinayaan dalka Soomaaliya.

Dhageyso: Maxaa ka jira in wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu is-casilay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar la isla dhex-marayey baraha bulshada ayaa sheegayey in wasiirka Gaashandhiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) uu xilkaas iska-casilay.

Wararkan ayaa xoogooda soo baxay saacad un kadib markii uu is-casilay wasiirkii howlaha guud iyo guryaynta Cabdifataah Maxamed Ibraahim Geesey.

Labada wasiir ayaa kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana la sheegay in siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanadaas ay aad uga carraysan yihiin in dowladda aysan ku ixtiraamin inay kala xiriirto arrimaha maamulkaas.

Si kastaba, Wasiirka gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa goordhow been abuur ku tilmaamay wararka lagu faafiyay Baraha Bulshada ah ee in uu iska casilay xilka Wasiirka Gaashaandhigga.

Waxa uu sheegay in uusan is casili doonin, waxaana dadka Soomaaliyeed uu ugu baaqay inaysan qaadan wararka kahor imaanaya horumarka dalka ee Baraha Bulshada lagu faafinayo.

Dhageyso Codka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxkamadda G/Banaadir oo go’aan ka gaartay kiiska musuq-musuqa ee wasiir ku xigeenka A/Dibadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan ka gaartay kiiskii loo heystay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud oo muddo soo socday.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa loo heystay Afartan Qodob oo kala ah:-

1-Ku xadgudub Xatooyo Xoolo Dadweyne

2-Ku xad gudub awood xafiiseed

3-Ku daneysi shaqsiyadeed howlo Xafiiseed iyo diidid howlo Xafiiseed.

4-Ku xadgudub xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shaacisay in wax dambi ah lagu waayay wasiir ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Hanti Dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa horey sheegay in baarista Kiiska Wasiir Muqtaar ay soo bilaabatay Bilowgii Bishii April, taasoo ka dhigan iney soo socotay mudo 4 bil ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shaqaalaha hawada Somalia ee garoonka Muqdisho ka hawl gala oo qorshe laga damsac yahay ka digaya

Sida laga warqabo maamulkii hawada soomaliya ee ka hawl galayey dalka kenya muddo 25 sanno ah ayaa waxa loo soo wareejiyey magaalada Muqdisho.  Shaqaalaha ka hawl gala waxay ka kooban yihin dad soomaliyeed oo isaga yimid dhamaan goboladda dalka soomaliya. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxay ku faraxsan yihiin inay wadankooda kusoo noqdaan una shaqayaan.

Nasiib darada dhacday waxay tahay, laga soo bilaabo maalintii shaqaalaha laga soo raray kenya oo ahayd 28/03 2018 ilaa maanta in dhacdooyinka ka imanaya wasaarada gaadiidka ay khalkhal  joogto ah ku hayaan adeegii lagu ilaalinayey nabad gelyada hawada Soomaaliya sida hoos ku taxan.

  • Waxay madaxda Wasaarada Gaadiidku si joogto  ah shaqaalaha uga faafiyaan been abuur sheegaya  inay doonayaan in Nayroobi lagu celiyo. Arintaasina waa wax kama jiraan la doonayo inay lagu qariyo musuqmaasuq baahay oo madaxdu ku lugleedahay.
  • Xarumaha hagida dayaaradaha ee aduunka waa ka mamnuuc inay gudaheeda galaan cidaan shaqo ku lahayn, laakiin Wasiirka gadiidku wuxuu ka dhigtay goob warbaahineed. Wuxuu filimo ka duubaa shaqaalaha oo waajibkooda gudanaya dabadeedna ku faafiyaa facebook. Arintani waxay khatar ku tahay amaanka hawlwadeenada hawada Soomaaliya.
  • Hanjabaad iyo caga juglayn shaqaalaha uga yimaada madaxda Wasaaradda Gaadiidka.
  • Xadhig bilaa sabab ah oo shaqaalaha lagula kacay, iyadoo sidii dad argagixiso ah loo dalbanayo ciidamada NISA.
  • Ruqsad sharci daro ah oo wasiirku amarkeeda leeyahay, iyadoon la marin sida ku qoran qandaraaska shaqaaluhu la galeen hay’adda ICAO. Tusaale ahaan, Madaxii maamulka lacagta oo ah wiil soomaleed, kaas Soomaalinimo darteed Maraykanka uga soo tegey mushahar dhan 8,000 doolar  bishii si uu u caawiyo wadankiisa ayaa wasiir Oomaar ruqsadiisa la kaashaday nin Malawi u dhashay iyo naag Kenyan oo qandaraaskoodii dhamaaday. Kuwaasoo Soomaaliga meesha laga saaray qandaraas dheeri ah ku heli doona, maadaama aan la hayn qof bedela.
  • Shaqaalaha Soomaaliyeed ee hawada ka shaqeeya 80% waxay ka baxeen jaamacado, qaybtood waxay haystaan shahaadooyin sare sida Master degree iyo PHD. Nasiib daro madaxda wasaarada gaadiidku waxay door bideen inay dadkaas kala diraan, si loo waayo indho arki kara musuq maasuqa xadka dhaafay ee ay ku lug leeyihiin.
  • Guriga shaqaalahuu degan yihiin hore waxay ICAO ku bixisay lacag lagu dhiso 50 qol laakin 40 qol ayaa la dhisay halka la lunsaday lacagtii 10 qol ee hadhay iyo adeegyadii dheeraadka ahaa.
  • Shaqaalaha wax uu ugu hanjabay wasiirku in ay ka guuran guryaha ay degan yihin oo ay degan Xamar. Shaqaaluhu waxay is bedelaan habeen iyo maalin 24/7 kamana soo shaqo tegi karaan meel ka baxsan airportka maadaama AMISOM xidhto garoonka 5ta galabnimo ilaa 06:30 subixii.

Ujeedada warqadani waa qayla dhaan loo jeedinayo madaxda dawlada Soomaaliya ugu saraysa iyo waxgaradaka Soomaaliyeed. Hadaan Si dhaqso wax looga qaban dhibta wasiirka gaadiidka iyo kooxdiisu ku hayaan hawlwadeenada adeega hawada , qaranimadii waa lumi doontaa hawada Soomaaliyana waxay u gacan geli doontaa wadamada deriska ah kuwasoo mudo taamayey arintaan.

Allah mahad leh
Waa shaqalaha ka hawl gala maamulka hawada saree e soomaliyeed
Flight Information Region staff

Mahad Salaad: 5 arrimood ayaa iga soo jiitay shirkii xildhibaanada taageeray madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey kulankii shalay ay Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada taageersan madaxweynaha ee isku magacaabay “Xildhibaanada aqlabiyadda.”

Qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay bartiisa facebook, hoos ka aqriso.

Xildhibaanow hadii aad tihiin AQLABIYADDA GOLAHA waan idiin ogolnahay ee fadlan naga ogolaada in aan cod ku kala baxno!

Kulankii Xildhibaanada Nabad iyo Nolol ee maanta lagu qabtay hotel SYL inkastoo ay ku heshiin waayeen tirada dhabta ah ee meesha fadhisay in ay sheegaan. Hadana ma rabo inaan sheego nambarkooda dhabta ee kulanka joogay si aysan saaxiibadey iiga xumaan. Lkn waxaa rabaa inaan ka hadlo dhowr arimood oo isoo jiitay:

  1. 50-kii Xildhibaan ee Golaha Wasiirada ku jiray qof lagama soo tagin maanta. Xitaa kuwii xanuunsanaa waa lasoo xanbaaray.
  2. Liiska magacyadu ku qornaayeen oo hal far iyo hal qalin lagu qoray waxaana markii ugu horay mudo 28 sano ah kasoo dhex muuqday Xildhibaan waa hore iscasilay. Kaas oo ahaa Xuseen Cismaan Xuseen oo noqday Taliyihii hore Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).
  3. Xildhibaano dalka ka maqan mudo bilooyin ah, qaarkoodna caafimaad ugu maqanyihiin dalal kale oo hadana la qortay in ay kulanka joogeen!
  4. Xildhibaano waligood la yaqaanay aragtidooda kulankana aan joogin oo hadana laga been abuurtay.
  5. Dad aan Xildhibaano ahayn oo meesha fadhiyay. Mana garan ujeedada laga lahaa ilaa hada!

Isku soo wado duuboo saaxiiboyaalow hadii aad tihiin AQLABIYADDA GOLAHA waan idiin ogolnahay ee fadlan naga ogolaada in kulankii Goluhu noo qabsoomo codna aan ku kala baxno ducana waan idinkugu daraynaa waliba.

Mahadsanidiin.
Hon. Mahad Salad

Daawo: Wasiir reer Koonfur Galbeed ah oo iska casilay xukuumadda KHEYRE

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Cabdifataax Ibraahim Geesey ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay.

Geesey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay dhibaatada ay dowladda Soomaaliya ku hayso shacabka reer Koonfur Galbeed, iyo in arrimaha maamulkaas aan lagala tashan xubnaha dowladda ugu jira.

Wuxuu sheegay in isaga oo xildhibaan ah uu difaaci doono, waxna u qaban doono dadkiisa, balse uusan qeyb kasii ahaan karin dowladda.

Geesey ayaa waxa uu kasoo jeeda beesha Laysaan oo sidoo kale Mukhtaar Roobow uu ka dhashay, waana beesha ku badan ee degta magaalada Baydhaba iyo gooblka. Geesey ayaa horey u ahaan jiray guddoomiyaha gobolka Baay.

Hoos ka daawo muuqaalka 

Qarax gaari oo ka dhacay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax Gaari uu goordhow ka dhacay magaalada.

Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafadda Taleex ee degmada Hodon, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Dadka aan la hadalnay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa Gaari waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen, lama hayo faahfaahin intaasi dhaafsiisan.

Dhawaqa qaraxa oo laga maqlay Taleex ayaa ka dhacay agagaarka Masjidka Ramadaan ee degmada Hodon.

La soco waxii kusoo kordho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mukhtaar Roobow oo laga saaray liiska musharixiinta madaxweynaha K/Galbeed

0

Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada Maamulkaasi uu goor dhoweyd ku dhawaaqay in musharaxa Mukhtaar Roobow Cali laga reebay liiska Musharixiinta.

Guddiga oo ka hadlayey maalinta koowaad ee khudbad jeedinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka K/Galbeed ayay shaaciyeen in Mukhtaar Roobow laga saaray liiska musharixiinta, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xirtay.

Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaa musharixiinta buuxiyey shuruudaha Guddiga Doorshada, isagoo laba jeer la guddoonsiiyey Shahaado musharxnimo, wuxuuna bixiyey lacagta is-diiwaangelinta oo dhan 20,000 Doolar.

Maanta ayaa lagu waday inuu qeyb ka noqdo musharixiinta khudbadda u jeedineysa Baarlamaanka Maamulka K/Galbeed, iyadoo ay hadda tartanka ku soo hareen shan musharax.

Dowladda Soomaaliya ayaa awood u adeegsaday Sheekh Roobow, wuxuuna hadda u xiran yahay ciidamada amniga dowladda, iyadoo la geeyay magaalada Muqdisho, waxayna arrintan shaqaaqo dad badan ku dhinteen ka dhalisay magaalada Baydhaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoomiye Mursal oo weli ku jira go’doonkii la geliyey

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in uu wali uu ku jiro go’doon,islamarkaana wali loo diidan yahay Xildhibaanada in ay soo booqdaan Gurigiisa.

Ciidamada ammaanka ayaa weli u xiran jidka loo maro halka uu degan yahay Guddoomiyaha, waxaana wadada ka xiran tahay agagaarka KM4, gaar ahaan Barta Kontarool ee Ciidamada Amniga ku leeyihiin halka lagu magacaabo Hoolka Sahal.

Wadadaas ayaa tan iyo jimcihii aheyd mid xiran oo aan wax gaadiid ah geli karin, sidoo kalena loo diiday Xildhibaanada inay ka gudbaan, waxaa wadada ku xiran gawaarida gaashaaman iyo biro.

Waxaa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya laga rabo in ay ilaaliso Sharciga iyo kala dambeynta, Maadaama uu sheegay in xukuumadda Caburin ku heyso.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay baalmartay Sharciga iyo kala dambeynta.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegaya in Guddoomiyaha ay saaran tahay xayiraada, isla markaana loo diidan yahay in Xildhibaanada u tagaan.

Shalay ayay aheyd markii Guddoomiye Mursal uu ugu baaqay Xukuumadda inay xayiraada ka qaado hoygiisa, loona ogolaado Xildhibaanada inay soo booqan karaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan ka guuray xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, ka dib markii uu sheegay in xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo loo diiday in ay soo galaan xarunta Madaxtooyadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Baydhabo: Hadal jeedinta musharraxiinta Koonfur Galbeed oo billaabatay

Baydhabo (Caasimada Online) – Amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ay bilaabatay hadal jeedinta Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed.

Xildhibaanada Koofur Galbeed ayaa ku sugan hoolka ay ka bilaabatay dhageysiga khudbadaha musharixiinta Koofur Galbeed, waxaana musharax walbaa uu soo bandhigayaa waxqabadka uu la imaan doono haddii la doorto.

Xubno ka socdo dowladda Soomaaliya iyo wasiiro hore ayaa kusugan goobta kuwaasi oo goobjoog ka ah hadal jeedinta musharixiinta Koofur Galbeed oo hadda lagu koobay shan ruux.

149 xildhibaan ayaa ku sugan goobta hadal jeedinta, waxaana sidaasi si lamid ah maalinta beri ah la dhageysan doonaa Khudbadaha labo musharax oo kamid ah musharixiinta buuxsiyay sharuudaha laga doonayay.

Seddexda Musharax ee maanta khudbadaha jeedinayo ayaa kala ah 1:Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) 2:Ibraahim Macalin Nuur 3 Xuseen Cismaan Xuseen, sida ku qoran jadwalka hadal jeedinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Maalintii Mursal uu guuray waa naxay, waayo waxaan wadnay QORSHE culus”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada taageersan xukuumadda Soomaaliya ayaa xog dheeri ah ka bixiyay koox xildhibaano ah dadaal ay wadeen oo la doonayay in xiisadda mooshinka lagu xaliyo.

Isaga oo ka hadlayay kulankii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in guddoomiye Mursal uu kaga baxay balan uu horey uga qaaday oo aheyd inuu qeyb ka noqonayo xal u helidda xiisadda ka dhalatay mooshinka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in isaga iyo koox ka tirsan xildhibaanada ay ka naxeen markii guddoomiye Mursal uu ka guurey Madaxtooyada, maadaama sida uu sheegay aysan ka warheyn arintaasi.

Arin laga xumaado ayuu ku tilmaamay in xildhibaano Kooban ay meel ku heystaan sida uu hadalka u dhigay guddoomiye Mursal, isaga oo ugu baaqay inuu dib ugu soo laabto madaxtooyada.

Wuxuu soo hadal qaaday in guddoonka baarlamaanka ay ka doonayaan inay dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya xildhibaanada, maadaama sida uu sheegay iyaga ay yihiin kuwa is haya.

Ugu dambeyn wuxuu si cad u sheegay in haddii guddoonka baarlamaanka “Mursal, Mahad iyo Muudeey” ay heshiin waayaan inay qaadi doonaan Talaabo cad oo uusan sheegin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Villa Somalia oo shaacisay tirada ciidamada militariga Soomaaliya ee rasmiga ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa inay amaanka dalka kala wareegaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007.

Lataliyaha madaxweynaha ee dhanka Amniga Cabdi Siciid Muuse Cali  ayaa shaaciyay tirada ciidamada meletariga Soomaaliya ee sida saxda ah ugu diiwaan gashan dowladda Soomaaliya.

Mr Cabdi Saciid, ayaa sheegay in ciidamada maletariga Soomaaliya ay gaarayaan 9,000 “Sagaal kun”oo askari, oo si sax ah ugu diiwaan gashan dowladda Soomaaliya, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

Qoraalka Lataliyaha ayuu ku sheegay in ciidamadaasi ay leeyihiin meelo si sax ah ay ugu dhacdo mushaaraadkooda oo dowladda Soomaaliya ay si joogto ah u bixiso.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay guulo ka sameysay amaanka iyo dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliya, iyadoo ciidamada kala duwan ay helaan tababaro dheeri ah.

Cabdi Siciid, ayaa sheegay dib u habeynta Ciidamada xoogga dalka ee ka midka ahayd ololaha Madaxweyne Farmaajo uu sidiisii ku socdo islamarkaana uu isbeddel weyn ka muuqdo hadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]