26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Shirkada Kenya Airways oo maanta go’aan cusub ka soo saartay duulimaadyadii MUQDISHO iyo NAIROBI

Nairobi (Caasimada Online) – Masuuliyiinta Shirkadda Duulimaadka ee Kenya Airways ayaa soo saaray go’aan cusub oo ay sheegeen inay ugu dambeyn go’aansadeen inay bilaabaan duulimaadyo toos ah oo Muqdisho iyo Nairobi ah.

Shirkadda ayaa labo jeer waxay hakad gelisay duulimaadyo ay toos kaga bilaabi lahaayeen magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, waxaana la filayay inay bilaabaan duulimaadyadaasi bishii November iyo bartamihii bishaan.

Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz ayaa sheegay inay heshiis la galeen shirkadda ALS oo ah shirkad bixisa ceymiska iyo leysimadda duulimaadyada si loo bilaabo duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

Shirkadda Kenya Airways waxay sheegtay inay maalin kasta Duullimaad Toos ah Nairobi ka soo duulli doonto 1:00 Duhurnimo, waxayna Garoonka Aadan Cadde ku soo degi doontaa maalin kasta  saacaddu markay tahay 1:45 daqiiqo ee Duhurnimo, taasi oo lamid ah 45 daqiiqo kaliya inay u socon doonaan Muqdisho iyo Nairobi.

Sidoo kale Shirkadda ayaa sheegtay in duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi “Go and Back” ticked ahaan ku bixin doonaan 403 Dolar halka Bixin “Go” kaliya uu noqon doono 218 Doolar oo ah lacag ka badan diyaaradaha caadiga ah.

Shirkadda Kenya Airways ayaa Suuqa duulimaadyada kula dagaalameyso Shirkadda Ethiopian, Jabuuti iyo Turkish Airline oo hadda ka shaqeeya duulimaadyada Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdish
[email protected]

Sadex arrin oo laga bartay kulankii dhexmaray Kheyre iyo guddoomiye MURSAL

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan Saacado badan la qaban qaabinaayay balse socday waqti aan badneyd ayaa xalay dhexmaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Kulankaasi ayaa u muuqda mid inta badan la isku fahmay waxyaabaha looga wada hadlay, waxaana ugu weynaa xalinta arrimaha siyaasadda iyo xiisadii ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha.

Kulankaasi ayaa u muuqda mid keenaya isku soo dhawaansho guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxda sare ee dalka oo Khilaafkooda uu xoogeystay kadib markii mooshinka uu qabtay guddoomiyaha.

Waxyaabaha laga bartay kulankii Xalay waxaa kamid ah:-

1 – Is aaminaadda la’aanta labada dhinac oo keentay in shaqsi walbaa uu ka baaqsado in ruuxa kale ku booqdo xafiiskiisa, taasi oo dhalisay in meel dhexe la iskuugu yimaado.

2 – In isaga uu yahay ruux isku haya xildhibaanada mooshinka wada balse waxaa caqabad kale ka imaan doontaa marka xildhibaanadii la safnaa Guddoomiye Mursal uu qancin waayo arimaha kulanka, haddii kale ay ka hor imaan karaan.

3 – In kulanka labada masuul uu gogol xaar u ahaa kulan Mursal iyo Farmaajo dhex mari doona.

Xildhibaanada la safnaa guddoomiye Mursal ayaa la xaqiijiyay inaysan ka qeyb galin kulanka, waxaana waxyaabaha la isku soo hadal qaaday kamid ah in Guddoomiye Mursal uu ka guuro halka uu hadda degen yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada K/Galbeed

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya inuu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed oo beri ka dhaceyso magaalada Baydhabo.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana banaanka loosoo saaray ciidamadii dhawaan  dowladda Soomaaliya ay geysay magaalada Baydhabo.

Ciidamada dowladda Ethiopia iyo ciidamada maamulka ayaa sidoo kale qeyb ka ah xaqiijinta amaanka magaalada Baydhabo oo beri loo qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Maalintii shalay ayaa lasoo gabo gabeeyay dhageysiga khudbadaha ay jeedinayeen ilaa shan musharax oo ka qeyb galaysa doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Markii ugu horeysay musharax buuxiyay sharuudihii la doonayay ayaa ka maqan doorashada ka dhacaysa magaalada Baydhabo waana musharax Mukhtaar Roobow oo dowladda Soomaaliya ugu xiran magaalada Muqdisho.

Caasimadda Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

DF yaysan isaga qaldamin labada mucaarad ee Digil iyo Mirifle ee ku dheggan?

Xubno ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo ka soo jeeda deegaanada maamul gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa Muqdisho ku yeeshay shir ay ku dhalleeceeyeen falalka dowladda ka waddo mamaulkooda.

Xildhibaanada waxa ay soo saareen war-saxaafadeed qodobeysan oo ay uga hadleenn xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, farogalinta doorashada  Koonfur Galbeed iyo dhibta lagu hayo shucuubta maamulkaas.

Sawir noocee ah ayuu gudbiyey kulankaas?

Toddobaadkanba waxaa isa soo tarayey cabashada iyo baaqyada ka imaanayey bulshada reer Koonfur Galbeed oo aad uga gadooday dhacdooyinka Koonfur Galbeed ka soo cusboonaaday oo ay ugu weyn tahay xariggii lagula kacay Roobow.

Waxaa horey isku casilay Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyenta Cabdifataax Geesey halka uu muddo go’doonsanaa Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Farriinta ama sawirka uu bixiyey kulankii xildhibaanada ay isugu yimaadeen xubnaha baarlamaanka waxa uu ahaa in mucaaradka ku kacsan dowladda laba weji yahay oo aysan isaga qaldamin.

Wajiga Kowaad: Mucaaradkii awalba ku kacsanaa ee isugu jiray haraadigii Daamjadiid iyo xubnaha Daljir oo ay kaabayaan Kudladda Horusocod.

WAJIGA LABAAD: Beesha Digil iyo Mirifle

Mucaaradda kale waxa ay dowladda ka wajaheysaa beesha Digil iyo Mirifle waana mid ka xoog badan tan hore maadama ay TABASHO qoys jirto.

Arrintan waxaa daliil u ah sida uu cirka isugu sharreeyey qalalaasaha Baydhabo kaddib markii ay dowladda soo xirtay tartankana ka reebtay Mukhtaar Roobow Cali.

Haddii mucaaradka hore ku saleysan yahay xifaaltan siyaasadeed kan dambe waa mid xasaasiyad leh maadama ay CUQDAD riixeyso iyo TABASHO.

Dowladda maxaa la gudboon?

Dowladda waxaa la gudboon in aysan isaga qaldamin xifaaltanka kala dhexeeya kooxaha mucaaradka awalba ahaa iyo Tabashada Digil iyo Mirifle oo ay la timaado waddo ay ku qanciso uguna muujiso in aysan iyaga si gooni ah baartilmaameed ugu ahayn.

Qolada kale, waxba kuma jabna haddii ay sida jiirkii iyo mukulaashii ilaa iyo dhammaadka is eryadan!

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Dhageyso: Maxaa ka jira in mooshinkii madaxweyne Farmaajo laga tanaasulay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay in laga tanasulay mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib kulankii axaddii ay Muqdisho ku yeesheen guddoonka baarlamanka Soomaaliya, oo la sheegay in heshiis lagu gaaray.

Xildhibaan Cabdixakiim Macallin Axmed, oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweynaha ayaa idaacadda Simba ee Muqdisho u sheegay in xal iyo tanaasul uusan jirin ,islamarkaana kulamada baarlamaanka Soomaaliya marka dib loo furo looga doodi doono mooshinka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kulankii u dhaxeeyay gudoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa looga hadlay kaliya sidii loo xallin lahaa khilaafka dhexdooda ka jira, balse aan looga hadlin arrimaha mooshinka madaxweynaha.

Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya xili ay soo baxeyn warar ku aadan in xal laga gaaray mooshinkii xilka ka qaadista ee laga gudbiyay madaxweynaha dalka.

Hoos ka dhageyso codka xildhibaanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Saudi Arabia oo si caro leh ugu jawaabtay go’aankii ay gaareen Mareykanka

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa ku gacan seertay qaraarka Aqalka Senate-ka Mareykanka ee ku baaqay in Mareykanka uu soo geba gebeeyo taageerada uu siiyo dagaalka Sacuudiga ee Yemen, islamarkaana dhaxal-sugaha dalkaas ku eedeeyey dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga, ayaa lagu yiri “Boqortooyada waxay cambaareeneysaa qaraarka Aqalka Senate-ka Mareykanka oo saldhig looga dhigay eedeymo aan hubneyn, waxayna diideysaa faro-gelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha”.

Riyadh ayaa ka digtay inaysan u dulqaadan doonin waxa ay ugu yeerya xushmad darro lagu sameeyo xeerarkeeda, waxayna ku sheegtay in qaraarkan uu farriin qaldan u dirayo dadka doonaya inay khilaaf ka dhex abuuraan xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka.

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa toddobaadkii diidmo taariikhi ah u muujiyey dalka Sacuudi Carabiya oo muddo fog xulufo la ah Mareykanka, kadib markii uu ansixiyey laba sharci oo ka dhan ah.

Senate-ka ayaa meel-mariyey qaraar ku baaqaya in Mareykanka uu soo geba-gebeeyo taageeridda faro-gelinta milatariga Sacuudiga ee dagaalka sokeeyey ee Yemen, iyo qaraar kale oo lagu cambaareynayo dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Labada qaraar ayaa diidmo qayaxan ku ah siyaasadda maamulka madaxweyne Trump oo doonayey inaan la qaadin tallaabo dhaawici karta xiriirka wada-shaqeyn ee Washington iyo Riyadh.

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
[email protected] 

Cabsi darteed, DF ayaa CC Shakuur u qabatay shaqo uu dhib ka mari lahaa

Dowladda Soomaaliya ayaa hor-istaagtay in siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu magaalada Muqdisho ku qabsado munaasabad uu ku xusi lahaa sanad-guuradii koowaad ee weerarkii lagu qaaday gurigiisa Muqdisho.

Weerarkaas oo dhacay 17-kii December 2017, ayaa lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa, ayada oo sidoo kalena lagu xiray Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo markii dambe lasii daayey.

Waxaa yaab lahayd in ku dhowaad saddexda milyan ee degan Muqdisho maanta loo ciqaabay loogana hor-istaagay inay goobahooda shaqo, waxbarasho ama ganasi tagaan si loo hor-istaago munusabadaas darteed.

Waxay ku tusineysaa heerka ay gaarsiisan tahay dulqaad la’aanta, kali-talisnimada iyo ka xadgudubka xoriyadda hadalka ee dowladda, iyo kaba sii daran’e cabsida ay qabto dowladda inta ay la eg tahay marka ay noqoto siyaasigan.

Aniga kama mid ahi dadka taageera Cabdiraxmaan Cabdishakuur, xaqiiqdiina waxaan ahayn Nabad iyo Nolol, balse wxaaa maskaxdeeda qaadan la’ inta ay le eg tahay dhibaatada munaasabad uu qabto Cabdiraxmaan ay gaarsiin lahayd dowladda?

Wuu hadli lahaa, dowladda ayuu dhalleeceyn lahaa, maanta oo dhan baraha bulshada sida facebook iyo twitter ayaa lagu faaqidi lahaa, kadibna berito waa la iska hilmaami lahaa, marka maxaa dhib ah oo taas ay ku noqon lahayd dowladda.

Waxa ii muuqda kaliya ayaa ah in inkasta oo dowladdan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd ee dalka so marta, haddana ay tahay dowlad aan isku kalsooneyn, oo aan lahayn dulqaad ay ku xamisho dhaliilaha loo jeedinayo, taasina waa astaam lagu garto xukun jaceylka marka dambe isku roga kali-talisnimada.

Weerarkii sanad ka hor lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu gaarsiiyey maqam sare. Ka hor wuxuu siyaasi Soomaalida ku xusuusato inuu iibiyey badda, balse dowladda iyo ficiladeeda aan laga fiirsan ayaa u rogay halyey ay ku hirtaan dhammaan inta dowladda kasoo horjeedda. Tallaabada dowladda ay maanta qaadayna waxay usii kordhisay oo kaliya maqaamkii horey loo gaarsiiyey.

Shaqo badan ayay uga baahnaan lahayd Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuu magaciisa dib u muuneeyo, oo uu ka tiro kiiska fadeexadda badda, kana gado inuu yahay siyaasi u qalma inuu dalka hoggaamiyo, balse shaqadiisa waxaa u qabtay dowladda Soomaaliya.

W/Q: Axmed Cabdullaahi Cusubow
Balcad, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Kenya ma bixin doontaa jawaabta dacwada badda oo maanta laga sugayo?

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa maanta gabi ahaanba ku eg waqtigii dowladda Kenya loo qabtay inay kaga jawaabto dacwaddii dhanka badda oo dowladda Soomaaliya ay ka gudbisay, waxaana laga sugayaa inay jawaabto la wadaagto maxkamadda Caddaaladda ee ICJ.

Bishii Febraayo ee sanadkaan maxkamadda ICJ waxay go’aamisay in la furi karo galka murun badeedka u dhaxeeyo dowladaha Kenya iyo Somalia, waxaana dhinac walbaa laga dalbaday soo dhameystirka Sheegashada badda.

kaddib dood dhexmartay Qareenada labada dhinac oo ay Maxkamadda dhegeysatay ayey kuwa Kenya u qabatay in ay soo gudbiyaan kiiskooda la xiriira muranka ay ka qabaan dacwaddan in ay Maxkamadda qaaddo iyada oo u qabatay inta u dhaxeysa 18ka June ilaa 18ka December 2018 oo maanta ku eg.

Dacwadda Badda ayaa waxaa furtay dowladdii uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, kadib markii dowladda Kenya ay ruqsad siisay shirkado shidaal sahmiya, kuwaasi oo baaritaanka ka sameynayay meel kamid ah biyaha Somalia.

Kenya ayaa ku doodday in muranka biyaha ee labada dal u dhaxeeya ay tahay in ay meel gaar ah oo aan Maxkamadda ahayn ku xalliyaan,hayeeshee Soomaaliya ayaa ka biyaddiiday, waxaana ay ku guuleysatay in Maxkamadda gasho kiisaas oo ilaa hadda taagan.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xaalka doorashada P/Land: Xeradu waa wada ulo oo mid la qaato ma leh!

Saacadda iyo Waqtiga dib ugu celi SHAN SANO kahor! Puntland waxaa meel walba ka daarneyd ama laga dhageysan jiray heestii ahayd “Xildhibaanow tusmeeyo, taabba gali is bedelkoo, uturoo dadkaagoo, Talo Yey ku seegine, soo tuur codkaagoo Cabdiweli ku taageer!”

Puntland doorashadii tan ka horreeysay bulshadeedu waxa ay lahaayeen DOOKH, qaar ayaa doonayey in Cabdiraxmaan Faroole oo xilligaas ahaa Madaxweyne in dib loo doorto, halka inta badan ay rabeen, u heeseen, u ilmeeyeen, u damaashadayeen Cabdiweli Cali Gaas (Madaxeynaha hadda), oo markaas ka soo laabtay Muqdisho oo looga soo adkaaday doorashadii Madaxtinimo ee 2012.

Hase ahaatee, shan sano kaddib, Puntland yey u heeseysaa, yaa ugu cad cad, yaa mudan? Dhammaan su’aalahaas haddii aad weysiiso qof reer Puntland ah kama heleysid jawaab, kaliya inta uu madaxa ruxo ayuu kuugu jawaabayaa ‘La isma dhaamo!”

Puntland sanadkan waxaa iska soo sharraxay siyaasiyiin kor u dhaafaya 30 oo inta badan ay mushtamaca ku cusub yihiin. Laakiin, kuwa la yaqaan ee aan tirada badaneyd kuma jiro mid bulshadu xiiso u qabto ama ku tuhmayaan hoggaamin siyaasadeed iyo hiigsi sare.

KUWA CAANKA AH

1-Cabdiweli Cali Gaas

2-Siciid Deni

3-Cabdi Siciid Juxa

4-Faarax Cali Shire

5-Maxamed Siciid Xirsi (Morgan)

6-Daahir Mire Jibriil

7-Awaare

8-Saadaq Enow

9-Asad Diyaano

10-Cali Xaaji Warsame

Tiradaas kore waa kuwa ay bulshada si weyn u taqaan, hayeshee, ma jiro mid mid dhaama walow labada siyaasi ee Daahir Mire Jibriil oo ka mid ahaa aas aaseyaashii jabhaddii SSDF iyo Saadaq Enow (Aqoonhan) la oran karo xogaa waxa ay heli karaan rayyi caam wanaagsan.

Kuwa aan la aqoon iyagu xisaab ma leh oo waxaa ka mid ah Jabiye (Maalqabeen), Jibriil iyo kuwo kale.

Iyaga kama odorosi karo siyaasadooda maadama aan hore loo soo tijaabin, waana sababta keentay in aysan ilaa iyo hadda saameyn muuqata ugu lahayn ol’olaha socda.

JUXA, Cali Xaaji iyo Deni maxaa ka qaldan?

JUXA – Waa siyaasi xilal kala duwan heer Federal iyo mid maamul gobolleed soo qabtay, hase ahaatee, waxa uu ku ceeboobay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowladda Federal-ka ah marka laga yimaado in uu hawleheeda ku fashilmay hadana waxa uu dhex bartanka ka galay dagaal QABIIL kaddib markii ay is qabteen Professer Yaxye oo xog-haye joogta ah u ahaa.

Reer Puntland wax ay halkaas ku barteen dabeecaddiisa iyo sida uu u maareyn karo haddii khilaaf siyaasadeed haddii uu yimaaddo.

CALI XAAJI – Siyaasigan inta badan  wey adag tahay in la fahmo siyaasaddiisa balse waxaan shaki ku jirrin in uu ka mid yahay urur diimeedyada (Ictisaam).

Shacabka Puntland in aysan diyaar u ahayn in uu hoggaamiyo shaqsi ku lug leh urur diimeedyada dalka ka jira ee ragaadiyey siyaasadda dalka.

SICIID DENI – Waa siyaasiga loogu neceb yahay Puntland laba sababood awgeed; Ka mid ahaanshaha koox ganacsato ah oo dhiigmiirato looga yaqaan Puntland, 2, in uu yahay musharaxa ugu weyn ee ay Daam-jadiid taageerayaan.

Deni ma aha siyaasi Puntland saameyn ku leh,hase ahaatee, waxa uu wasiir ka soo noqday xukumaddii Cabdiweli Shiekh Axmed ee dowladdii Xassan Shikeh. Deni waxa uu can ku yahay in uu qeyb ka ahaa Wasiiraddii dhaawacay gadaalna ka tooktay Rai’sul Wasarihii dalka iyada oo loo ballan qaaday in isaga lagu bedeli doono.

Sidoo kale waxa uu ka mid yahay urur diimeedyada daka ka jira ee aysan shacabka Puntland dooneyn in uu hoggaamiyo.

Marka aad isku soo wada duubtay dhammaan qodobadaas, waxaa kuu soo baxaysa in xaaladda doorasho iyo ol’ole ee Puntland shacabka quus ka joogaan, badankoodna musharixiinta u arkaan “Xerada waa wada ul oo mid la qaato ma leh!”.

W/Q: Mahad Xuseen Guuleed
Gaalkacyo, Soomaalida

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 

Sawirro: Halis ka dhalatay waddooyinka dhawaan la dayactiray ee JOWHAR

Jowhar (Caasimada Online) – Maamulka Degmada Jowhar ayaa ku fashilmay dayactir ay sheegeen in lagu sameeyay qaar kamid ah waddooyinka dhexmara xaafadaha magaalada Jowhar oo caasimad u ah maamulka Hirshabeelle.

Dayactirka Waddooyinka oo dhaqaalo badan loo qorsheeyay ayaa waxaanan si wanaagsan loo sameyn laamiyada ku yaala xaafadaha magaalada Gaar ahaan wadada hormarta agagaarka saldhiga iyo madaxtooyada Hirshabeelle.

Marka uu roob da’o waxaa xerma waddooyin badan oo xaafadaha magaalada Ku yaala iyadoo uusan jirin maamul isku xilsaaray dayactirka laamiyada burbursan ee bartamaha magaalada ku yaal.

Guddoomiyaha degmada Jowhar ayaa maalmo kahor kasoo muuqday sawiro muujinayo dayactir laamiga hormara saldhiga magaalada Jowhar lagu bilaabay, balse fashil ayaa yimid kadib markii maalmo kadib gaari marayay halkii la dayactiray uu rogman gaaray.

Gaariga oo waday xamuul ayaa halis galay, waxaana uu sii dheereeyay godada laamiga bubursanaa ee dhawaan la sheegay in la dayactiray, taasi oo fashil ku ah guddoomiyaha degmada oo dhawaan isaga dayactirka kasoo dhex muuqday.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

Kulankii Kheyre iyo Mursal oo is-afgarad ku idlaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal uu caawa kulan miro-dhalay ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka dhacay Wasaaradda Tacliinta Sare sida ilo xog ogaal ah ay inoo sheegeen, kadib markii labada dhinac is-aamini waayeen, oo midba midka kale uu diiday inuu xafiiskiisa yimaado, taasi oo dhalisay in meel dhexe la isugu yimaado. Wasaaradda Tacliinta sare ayaa ku taalla agagaarka Zoobe.

Si kastaba, kulanka ayaa la sheegay in labada mas’uul ay isku raaceen mabda’ ahaan in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka. Maalmaha soo socda ayaa laga hadli doonaa tallaabooyinka la qaadi lahaa ee xiisadda siyaasadeed lagu daminayo.

“Waxaan kuu sheegayaa inuusan dhici doonin dagaal siyaasadeed oo dambe. Laakiin ma bixin karo faah-faahin intaas dheer” ayuu yiri mas’uul kulanka goobjoog u ahaa oo la hadlay Caasimada Online, kaasi oo codsaday inaan la magacaabin.

Kulanka caawa ayaan waxaan qeyb ka ahayn xildhibaanada mooshinka keenay oo u badan xubnaha mucaaradka, mana cadda waxa laga yeeli doono iyo sida loo qancin doono.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in la helo faah-faahinno dheeraad ah oo ku saabsan qodobada la isku afgartay.

Kheyre, ayaa maanta kasoo laabtay magaalada Doha ee dalka Qatar halkaasi oo uu ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyay. Ma cadda haddii Qatar ay kaalin ku leedahay kulanka caawa, inkasta oo safarka Kheyre ee Qatar uu qorshaysnaa ka hor xiisadda siyaasadeed.

Sawirka kulanka caawa ee Kheyre iyo Mursal

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

DF Soomaaliya oo shirkad uu leeyahay Matt Bryden ka mamnuucday Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba dalka ka mamnuucday Shirkadda Cilmi Baarista ee Sahan kaddib markii sida laga sheegay lagu helay falal lid ku ah amniga qaranka dalka.

Shirkaddan waxaa aasaase iyo masuul ka ah Matt Bryden oo hore uga tirsanaa kooxda Kormeerayaasha QM ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Hadaba inta laga soo gabagabeynayo baaritaanada socda waxaa la farayaa shirkadda Sahan Research in ay joojiso dhamaan shaqooyinka ay ka hayaan dalka Soomaaliya, isla markaana waxaa lagu wargalinayaa dhamaan dadka ama hay’adaha xiriirka la leh in aanay wax xiriira ama wada shaqayn ah la yeelan karin Sahan Research maadaama ay shirkadani ku kacday oo faraha kula jirto arrimaha kor ku xusan oo dhaawacaya xasiloonida dalka iyo qaranimadda Soomaaliya”

Hoos ka aqriso qoraalka

Warbixin: Yaa adkaan kara labada garab ee is-diidan ee xildhibaannada BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel-ka SYL kulan ku qabsaday xildhibaanado tiradooda kor u dhaafeyso 135 kuwaas oo muujiyey in ay taageersan yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kana soo horjeedaan mooshinka ka dhanka ah.

Dalka waxa uu ku jiray xasillooni darro siyaasadeed dhawrkii maalmood ee tagay kaddib markii 9-kii bishan uu gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan qabtay mooshin ay 92 xildhibaan ka soo gudbiyeen Madaxweynaha.

Hase ahaatee, wixii markaa ka dambeeyey xaaladda wey sii xumaaneysay iyada oo ay qaar ka mida xildhibaanada sheegeen in laga been abuurtay halka uu Mursal oo ka cabanaya in la cunaqabateeyey isaga guuray gurigii uu ka daganaa Villa Soomaaliya.

Hadaba haddii ay 135 xildhibaan tiro ka badan ay si cad u sheegeen in uu mooshinka buray oo ay garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo xukumadda sida ku cad 10 qodob oo ay war-saxaafadeed ku soo saareen, maxaan ka barran karnaa?

Tirada golaha shacabka oo laga jaray inta fariisatay 275-135= 140

Sida ku cad tirada kore waxaa meesha ka maqnaa 140 xildhibaan, inkasta oo xildhibaanada taageersan madaxweynaha ay ku doodeen inay yihiin 167. Xitaa haddii ay taa sax tahay waxaa maqan 108 xildhibaan. Sidaas darteed markaad eegto 108 ama 140-ka maqan waxaa kuu soo bexeysa in qolada Mooshinka wadaa ay xooggan yihiin oo aan la dhayalsan karin.

Sidaas daraadeed waxaan ka baran karnaa in xaajadu tahay BARBAR DHAC oo ay ku badan doonto in sheekada laga heshiiyo maadama midkoodna haysan aqlabiyadda golaha hoose oo midka kale uu kaga adkaado.

Waxaa taas xoojineysa labadii malamood ee u dambeeyey laba jeer oo uu hadlay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in xal in la gaaro aysan ahayn mid meesha ka baxsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CC Shakuur oo jawaab ka bixiyey arrintii ay maanta ku sameysay DF + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay is-hortaagii ay maanta dowladda Soomaaliya ku sameysay munaasabad baroordiiq ah oo uu maanta Muqdisho ku qabsan lahaa.

Munaasabadda ayaa lagu waday in madaxda xisbiga iyo dad kale oo ka qeyb gali lahaa munaasabadaasi ay ku xusaan sanad guuradii koowaad ee weerarkii ciidamada NISA ay ku qaadeen guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah guddoomiyaha xisbiga Wadajir.

Inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta la xiray, ayada oo inta badan wadooyinka la xiray ay ahaayeen kuwa ku dhow goobta uu ka dhacay kulanka xisbiga Wadajir.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa facebook soo dhigay muuqaal uu uga jawaabayo wixii maanta dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

 

CC Shakur oo maanta laga hor-istaagay munaasabad uu ku qaban lahaa Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay baraha bulshada ku daabaceen mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Wadajir ayaa waxaa ay ku sheegeen in ciidamada ammaanka ay is-hortaageen munaasabad baroordiiq ah oo Muqdisho ay ku qaban lahayeen.

Munaasabadda ayaa lagu waday in madaxda xisbiga iyo dad kale oo ka qeyb gali lahaa munaasabadaasi ay ku xusaan sanad guuradii koowaad ee weerarkii ciidamada NISA ay ku qaadeen guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah guddoomiyaha xisbiga Wadajir.

Weerarkaasi ayaa lagu dilay qaar ka mid ah ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayada oo sidoo kalena isaga lagu soo xray.

Mas’uuliyiinta xisbiga oo qaarkood aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in munaasabadda ay baaqatay kadib markii ciidamada amniga ay hotel-ka go’doomiyeen.

Sidoo kale inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta la xiray, ayada oo inta badan wadooyinka la xiray ay ahaayeen kuwa ku dhow goobta uu ka dhacay kulanka xisbiga Wadajir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada BF ee kasoo jeeda DIGIL iyo MIRIFLE oo soo saaray go’aano culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir deg deg ah oo xildhibaanada Digil-Mirifle ay ka yeesheen xaalada Cirka isku sii shareeraysa ee ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayey kasoo saareen war-saxaafadeed ka kooban sagaal qodob. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka.

War saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka  Soomaaliya ee Digil-Mirifle:

Shir deg deg ah oo xildhibaanada Digil-Mirifle ay ka yeesheen Xaalada Cirka isku sii shareeraysa ee ka taagan Koofurgalbeed Soomaaliya  taas oo ka dhalatey Faragelinta qaawan ay Dowladda Federaalka ku heyso Doorashada Madaxweynaha KGS iyo sidoo kale xadgudbyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, Dastuurka Dalka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Sidaas darteed Xildhibaanada waxay soo saareen War saxaafadeedkaan:

  • Ugu  horeyn Waxaan Tacsi tiraanyo leh u direynaa shacabka Koofurgalbeed geeridii ku timid  Xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Ibraahim, Alla ha u naxariistee oo ahaa  Guddoomiyihii Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Dowlad-goboleedka KGS iyo  sidoo kale shacabkii  sida aan kala sooca lahayn loogu xasuuqey magaala Baydhabo iyagoo  dhigayaa banaanbaxyo  nabadeed  oo ay ku muujinayaan Shucuurtooda iyo Xaqa ay u leeyihiin in ay  cabiraan  Ra’yiga iyo afkaarta  si ay usoo bandhigaan afkaartooda ku saabsan cida  ay ku aamini karaan Masiirkooda Siyaasadeed taas oo ah xuquuq  Dastuuri ah oo  Dastuurka federaalka soomaaliya siinayo  Muwaadininiinta Soomaaliyeed.
  • Waxaan si adag u  cambaareyneynaa afduubkii loo geystey Musharax Madaxweyne  Mukhtaar Roobow Cali oo ah  Muwaadin Soomaaliyeed taasi oo   13/12/2018 ay ciidamada AMISOM- Sector 3 gaar ahaan Ciidamada Ethiopia ka soo afduubeen xarunta Madaxtooyada Koofurgalbeed ee  Magaalada Baydhabo iyagoo ku soo wareejiyey Gacanta Hey’adda NISA.  Sidaas awgeed Waxaanu shacabka Soomaaliyeed guud ahaan  iyo gaar ahaan  Shacabka  KGS ee xad gudubka loogeystayba u  cadeyneynaa in afduubkaasi uu yahay sharci daro iyo xadgudub loo geystey dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaanna shacabka koofurgalbeed Waxaan sidoo kale ku boorineynaa  cidkasta oo ku lug lahayd falkaasi in ay ka waan toobaan in ay kula kacaan falal sharci daro ah muwaadiniinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba.
  • Waxaan sidoo kale cambaareyneynaa Ciidamada AMISOM- Sector3 gaar ahaan Ethiopia  falka ay ku  kaceen ee ah ku milmidda iyo Faragelinta siyaasadda gudaha Soomaaliya gaar ahaan Koofurgalbeed, iyo sidoo kale xadgudubka iyo falalka hubeysan ee ay kula kaceen Muwaadiinta reer Koofurgalbeed taas oo isagu jirta afduubka iyo rasaas nool oo  lagu furey shacabka  mudaaharaadayey  si ay u caburiyaan.

BAAQA XILDHIBAANADA:

Xildhibaanada ka soo jeeda Qowmiyadda  Digil iyo Mirifle ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliyeed waxay soo jeedinayaan qodobadan soo socda:

  • In la ilaaliyo Sareynta sharciga iyo ku dhaqankiisa isla markaana  loo hoggaansamo lana aqbalo Dalabkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Golaha Odayaasha Dhaqanka KGS, Xubnaha Aqalka Sare ee ka soo jeeda Koofurgalbeed Dalabaadkaasi oo ahaa in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed si loo ilaaliyo Maslaxada caamka ah, Danaha qaranka , midnimada iyo isu uurfayoobaanta shacabka soomaaliyeed islamarkaana loo  helo jawi deggan oo saamixi kara doorasho xor iyo xalaal ah.
  • In laga wada shaqeeyo sidii lagu suurtagelin lahaa heshiis siyaasadeed oo dhameystiran oo keeni karta xal ka gaaridda doorasho ay ka wada qaybgalaan dhamaan musharaxiintii shahaadooyinka qaatey.
  • In la soo daayo dadka sida sharci darada ah lagu xirey iyagoo gudanaya xuquuqooda Dastuuriga ee uu u fasaxayo Dastuurka JFS.
  • Waxaan ugu baaqeynaa Shacabka Koofurgalbeed in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida iyaga oo ku dhaqmaaya Qod. 20aad  ee Dastuurka  JFS  oo u fasaxaya in ay ka qaybqaadan karaan, abaabulan karaan banaanbaxyo  nabadeed oo ay ku cabirayaan dareenkooda iyagoo  aan cidna uga baahneyn in ay ogolaasho ka helaan. Shacabka waxa aanu Xasuusinaynaa  Xigmada “tiraahda libaax ninganey iyo nin galaday labadaba og” Maalinbaa soosocota Insha Allah  aad qalinkiina ku codeysaan oo aad si cad codkiina ugu garab istaagtaan cidii idinka mutaysata.
  • Waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqeynaa in ay joojiyaan cadaadiska iyo caga-jugleynta ay ku hayaan Guddiga Doorashada, Madaxda kumeel-gaarka ah ee maamulka iyo Xildhibaanada Baarlamanka Koofurgalbeed taas oo xadgudub ku ah xoriyaddooda Dastuuriga ah.
  • Ugu danbeyn Xildhibaanadu waxa ay si mug iyo miisaanleh ugu mahad celinayaan qofkasta oo soomaaliyeed oo damiirkiisu ka xumaaday, kana damqaday tacadiga lagula kacay bulshada reer KG. Shacabka reer koonfur galbeed, waa ay idiin ogyihiin abaalkiina. Waxaanu sidoo kale u mahadcelinaynaa hay’adaha Xuquuqul iinsaanka, iyo guud ahaanba xubnaha beesha caalamku jawaabihii ay ka bixiyeen dhacdooyinkii foosha xumaa ee lagula kacay bulshada KG.

Wabilahi tawfiiq

Xisbiga uu Shariif Sheekh hogaamiyo oo si rasmi loo diiwaangeliyay + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta waxa ay diiwaan geliyeen xisbiga Himilo Qaran, oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Xisbigaan ayaa ka mid noqonaya in ka badan 35 xisbi siyaasadeed, oo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ay si KMG ah shahaadooyinka xisbinimo u guddoonsiiyeen.

Xisbigaan ayaa waxaa ku jira xildhibaano iyo siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray, waxaana xisbigaan uu ka qeyb qaadan doonaan doorashada 2021 la filayo inay dalka ka dhacdo.

Sheekh Shariif ayaa la rumeysan yahay inuu mar kale madaxweyne isu soo sharxi doono kadib markii uu ku guuldarreystay doorashadii 2016, oo uu ku adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

KHEYRE oo wasiir cusub u magacaabaay xilkii uu iska casilay Cabdifataax Geesey

Muqdiso (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa durba Buuxiyay booskii shalay uu iska casilay wasiirkii Howlaha Guud iyo dub u dhiska.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa loo maacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya, sida ay baahisay wakaalada Wararka qaranka Soomaaliyeed.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka maalinimo isniin ah,wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha,Ujeedo magacaabis wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ka dib markii uu tixgeliyay laga maarmaanimada inuu buuxiyo xilka Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska oo banaanaaday”

“Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo xilka Wasiirnimo maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka u magacaabay Mudane Cabdi Aadan Hoosow, wasiirka Cusub waxaa la farayaa in sida ugu dhaqsiyaha ula wareego Xafiiskiisa waana mahadsan tihiin”.

Maalintii Shalay C/Fataax Ibraahim Geeseey ayaa iska casilay xilkaan, waxaana u sababeeyay culeesaadka siyaasadeed ee heysta Koofur Galbeed.

Waa Xilkii ugu horeeyay oo Saacado gudaheed la buuxiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aadan Barre oo dumaarka Soomaaliyeed ka dalbaday arrin aysan ogoleyn (Aqri)

Nairobi (Caasimada Online) – Aadan Barre Ducaale hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka dalbaday Dumarka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya inay ragooda u ogolaadan inuu la guursado seddex xaas oo kale.

Isaga oo ka qeyb galayay kulan ka dhacay dalka Kenya ayuu sheegay in dadka Kenyan-ka ay aamisan yihiin inay ka badan yihiin Soomaalida, taasina loo baahan yahay in meesha laga saaro.

Dadka qurbe joogta ah, Soomaalida Kenya ee xoola dhaqashada u soo galay gudaha Soomaaliya iyo dadka kale ee Miyiga jira ayuu ugu baaqay in ay ka qeybqaataan tirakoobka iskana bareejeeyaan qabiillada kale ee Kenya.

Wuxuu ka dalbaday haweenka Soomaaliyeed in Seygooda u ogolaadaan inuu seddex xaas la guursado, si sanadka dambe Afar caruur ah uu u helo, islamarkaana la kordhiyo tirada Qowmiyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Dhamaadka sanadka soo socda aya Kenya waxaa ka dhaceysa tirakoobka dadweynaha Kenya oo qowmiyad kasta la tirakoobo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
[email protected]

Mahdi Guuleed oo shaki bixiyay xildhibaanada ka keenay Farmaajo mooshin

Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka qeyb galayay kulan ka dhacay dalka Jabuuti ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha shakiga dhaliyay ee ka dambeeyay mooshinka madaxweynaha.

Kulanka looga hadlayay isbadalka gobolka oo ka dhacay magaalada Jabuuti ayaa wuxuu ka sheegay in markii hore dowladaha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ay iska kaashanayeen Ammaanka, ganacsiga iyo Siyaasadda oo Soomaaliya ay dan ugu jirto.

Wuxuu sheegay in xubnaha baarlamaanka iyo shaqsiyaadka kalaba inay fasiraad qaldan ka bixiyeen kulamadii ay lahaayeen madaxda ugu sareyso seddexda dal, balse aysan jirin heshiis rasmi ah oo ay gaareen madaxweynayaasha.

Mahdi Guueed, ayaa u sheegay dadka fasiraadda qaldan ka bixiyay kulamada madaxweynaha inay ogaadaan in dalka uu leeyahay labo gole iyo dowlad goboleedyo islamarkaana madaxweynaha kaligii inuusan ogolaan karin in hal madaxweyne ay yeeshaan dalalka Ethiopia, Somalia iyo Eritrea.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in hadii heshiis uu yahay is afgaradka Madaxda Dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretareeya ay soo bandhigi lahaayeen Madaxda Labada dal waa Ethiopia iyo Eritrea.

Shaki badan ayaa ka dhashay is afgaradka madaxda Geeska Africa waa tan keentay in xildhibaanada mooshinka ay ka gudbiyeen madaxweynaha ku cadeeyaan in heshiisyo halis gelin kara dalka uu galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]