26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

“Mursal cunada iyo biyaha ayaa laga goostay anagana tallaabo ayaan qaadeynaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka xun yihiin go’doominta lagu sameeyay guddomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaan C/Xakiin Macalin Ahmed oo kamid ahaa xildhibaanadii xalay la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay inay u dulqaadan waayeen go’doominta guddoomiyaha baarlamaanka, sidaasina ay ugu tageen.

Ugu horeyn wuxuu sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka loo diiday inay la kulmaan , balse aysan jirin cid hor istaagi karta inay la kulmaan guddoomiyahooda, islamarkaana ay xoog kaga gudbeen dhagxaan lagu gooyay hoyga guddoomiyaha.

Xildhibaan C/Xakiin ayaa tilmaamay inay talaabo qaadi doonaan, walow uusan sheegin talaabada ay qaadayaan nooca ay tahay iyo cidda ay ka qaadayaan, maadaama aysan jirin Talaabo ka weyn mooshinka ay gudbiyeen oo ay qaadi lahaayeen.

Waxa xalay la arkayay xildhibaano badan oo la kulmay Guddoomiyaha kuwaasi oo uu kamid ahaa xildhibaankii shalay galab shaaciyay in guddoomiyaha Baarlamaanka maxbuus laga dhigay.

Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa mareysa meel adag ka dib markii Xildhibaano ka tirsan Golaha ay Shacabka ay Mooshin ka keeneen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka dhageyso codkiisa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada mooshinka oo laga hor-istaagay arrin ay damacsanaayeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha loo diiday inay warbaahinta kula hadlaan Villa Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ay doonayeen inay warbaahinta kula hadlaan Villa Hargeysa, balse waxaa warbaahinta loo diiday inay gudaha u galaan madaxtooyada, sida wararka aan ku heleyno.

Villa Hargeysa ayaa ku dhextaala madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku sugan Afhayeenka baarlamaanka, iyadoo halkaasi ay doonayeen inay kaga jawaabaan warqadda kasoo baxday xafiiska xogheynta baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ay qorsheeyeen inay isaga soo baxaan madaxtooyada ayna warbaahinta kula hadlaan mid kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

“Halkee ayaad soo mareysaan, annaga diyaar ayaan u nahay inaan warbaahinta la hadalnee, Albabaabka ayaa la idinka celinayaa, marka annagaa soo baxeyso oo hoteel idiinkuugu waceyno naga warsuga”sidaasi waxaa inoo sheegay mid kamid ah xildhibaanada mooshinka gudbiyay oo aan teleefanka kula hadalnay.

Xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ayaa cirka isku shareereysa, waxaana la ogeyn sida xaalka uu noqon doono haddii sidaan xiisadda sii ahaato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dadka degan Garoowe oo muujiyey sida ay u arkaan mooshinka madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya oo uu qabtay guddoomiyaha baarlamaanka.

Banaanbaxa waxaa ka qeyb galay dadweyne aan badneyn, waxaana ay ku dhawaaqayeen inay taageersan yihiin madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo muujiyay sida ay kaga soo horjeedaan mooshinka cusub.

Dadweynaha ayaa ugu baaqay xildhibaanada mooshinka gudbiyay inay ka laabtaan mooshinka oo aysan ka shaqeyn dib ugu laabashada waxyabihii laga soo gudbay.

Dhinaha kale waxaa banaanbax lagu taageerayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, iyadoo dadweyne lamid ah kuwa ku banaanbaxay Magaalada Garowe ay ku kulmeen Baydhabo.

Banaanbaxyo waaweyn ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dadka banaanbaxayay ay ku taageerayeen madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo kasoo horjeeday mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.

Mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha ayaa maraya marxalad adag  iyadoo xoghayaha guud ee baarlamaanka uu sheegay inuu buray mooshinkaasi, kadib markii dad badan oo laga been sheegtay ay ka laabteen mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu Mursal ka ogyahay warqada xoghayaha BF ee ah in mooshinka uu jabay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo goordhow xafiiska xoghayaha guud ee Baarlamaanka laga soo saaray warqad lagu cadeynayo inuu buray mooshinkii laga keenay madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa soo baxaya in guddoomiyaha baarlamaanka uusan waxba kala socon warqadan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xoghayaha guud ee baarlamaanka ay ku kooban tahay warqadan kasoo baxday xafiiskiisa, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka la filayaa inuu arintaan ka hadlo.

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa diyaar garow ku jiray warbaahinta, waxaana hadda socota qaban qaabada la doonayo inay bahda warbaahinta ku gaaraan xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la filayaa inuu ka hadlo halka uu marayo mooshinka laga soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, iyo waxa uu ka og yahay warqadda kasoo baxday xafiiska xoghayaha guud ee Baarlamaanka.

Xiisad ayaa ka taagan siyaasadda Soomaaliya, waxaana wararka aan heleyno ay sheegayaan in xildhibaanada gudbiyay mooshinka dhankooda ay doonayaan inay warbaahinta la hadlaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mooshinkii FARMAAJO oo fashilmay kadib markii 14 xildhibaan ay ka baxeen

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xafiiska Xoghayaha Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Jamhuuriyadda uusan ansax ahayn maadaama uusan helin tiradii loogu talagalay inuu ansax ku noqdo.

Mudane Buux ayaa intaas ku daray in Hindisaha XIl ka qaadista Madaxweynaha uusan buuxin shuruudaha ku cad qodobka 92aad ee Dastuurka Farqadiisa 2aad oo dhigaysa in Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha uu ansax ku noqonayo marka ay soo gudbiyaan 1/3 (saddex meelood meel).

Warqaddan oo ay nuqul kamid ah heshay Caasimadda Online ayaa lagu caddeeyay in mooshinkaasi uusan haysan shuruudihii lagu qaban lahaa.


 

Maxaa iska badalay fikirkii xildhibaan Jeesow sideese u arkaa mooshinka cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo si weyn loogu yaqaanay difaacidda xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Jeesow, ayaa u muuqda mid ka walaacsan xiisadda ka dhalatay mooshinka, waxaana uu ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa madaxda sare ee dalka.

Xildhibaanka wuxuu sheegay inay wadaan dadaaladii lagu dhameyn lahaa xiisadda ka dhalatay mooshinka, loona xalin lahaa khilaafka sababay in mooshinkaan uu yimaado iyada oo loo turayo shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu ku baaqay in la furo kulamada baarlamaanka islamarkaana xildhibaanada baarlamaanka ay dood ku kala baxaan.

Xildhibaan Daahir, ayaa waxaa uu xusay in isaga uu dhex dhexaad ka yahay mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo muujineysa inuu mar walbaa dhinac noqon karo

Daahir Jeesow, ayaa lagu xasuustaa sida uu u difaacayay xukuumadda Soomaaliya markii wasaaradda Maaliyadda laga keenay eedeynta la xiriirta Musuq maasuqa, waxaana la ogeyn in hadda uu isbadal ku yimid fikirkiisii iyo inkale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cabdixakiin Cameey oo ka laabtay dacwadii GAAS

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa ka laabtay dacwad saaka loo ballansanaa oo uu shalay ka gudbiyey madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Cameey ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in isaga oo xeerinaya daruufaha jira uu go’aansaday in uu ka laabtay dacwadda loo ballansanaa maanta.

Warqad uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa waxa uu ku sheegay in uu ka laabtay dacwadaas.isla markaana uu u tanaasulay duruufo jira aawgeed.

Dacwadda ayaa la xiriirtay khilaaf ka dhashay Guddiga xallinta khilaafaadka ee uu dhawaan magacaabay Gaas,kaas oo uu Cameey ku dooday in aan lagala tashan.

Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa isku khilaafay Magacaabistii Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka oo uu Madaxweyne Gaas Magacaabay,sidoo kalena Cameey uu Guddi kale ka daba magacaabay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Walaaca laga qabo dib u dhaca doorashada K/G oo u xoogeystay hal arrin

Baydhabo (Caasimada Online) – Walaac xoogan ayaa laga muujinayaa in markii afaraad ay dib u dhacdo doorashada Koofur Galbeed oo seddex jeer oo hore dib u dhac uu ku yimid.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin dib u dhac markii Afaraad ku yimaada doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Doorashadaasi ayaa dib u dhacday 17 iyo 28-dii November iyo Shantii December ee sanadkaan, iyadoo haatan lagu balansan yahay inay dhacdo 19-ka Bishaan oo  Siddeed maalin ay ka harsan tahay.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayaa sidoo kale qaba walaaca dib u dhaca doorashada, iyaga oo u sababeynaya mooshinkaan cusub ee laga keenay madaxweynaha Soomaaliya.

Khilaafka cusub ee golaha shacabka iyo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga baqayaa inuu saameeyo doorashada, maadaama laga mashquulayo arrimaha Koofur Galbeed laguna mashquulayo xal u helidda mooshinka.

19-ka Bishaan ayaa la filayaa inay doorashada ka dhacdo magaalada Baydhabo, haddii aan dib looga sii dhigin, waxaana wali musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha aysan la hadlin xildhibaanada dooran lahaa.

Marka Mooshin uu yimaado sidaan oo kale waxaa istaaga dhaqdhaqaaqa iyo shaqooyinka hay’adaha kala duwan ee dalka, maadaama mar walbaa xalka mooshinka lagu mashquulo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiin ku kulmay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in siyaasiyiinta uu kula kulmay magaalada Muqdisho uu kala hadlay arrimo dhowr ah, isaga oo sheegay inay ugu weyn tahay xalinta dhibaatooyinka dalka ka jira.

Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta waaweyn ee uu la kulmay kaga mahadcelinayo dadaalada ay ugu jiraan dhameynta dhibaatooyinka qaarkood maanta ka taagan dalka Soomaaliya, sida uu kusoo qoray bartiisa Facebook.

“Waxaa maanta igu soo booqday gurigeyga siyaasiyiin waaweyn oo reer Muqdisho ah Waxaana ka wada sheegakeysannay danta guud ee dalka iyo dadka. Waan uga mahadcelinayaa dadaallada ay ugu jiraan xal u helidda mashaakilaadka maanta taagan qaarkood”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kamid ah xubnaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, waxaana uu marar badan magaalada Muqdisho ka sheegay dhaliilaha dowladda leedahay.

Waxaa haatan taagan buuq badan oo ka dhashay mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo ay u badan tahay inay arrimaha mooshinka ka wada hadleen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faarax C/Qaadir: Waa laga gudbay xiligii qoriga iyo xooga wax lagu xallin jiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Sheikh C/qaadir oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa si dad ban kaga hadlay khilaafka ka taagan golaha shacabka dhexdiisa.

Xildhibaanka oo ka qeyb galayay soo dhaweynta hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in laga gudbay xiligii awooda iyo xooga lagu xukumi jiray dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladnimada Soomaaliya laga soo maray dhibaatooyin badan oo u baahan inaan dib loogu laaban, isaga oo ka digay in dhibkii badnaa ee laga soo gudbay inaan dib dalka loogu celin.

“Ujeedada maanta aan halkaan iskuugu nimid ayaa ah inaan muujino in dalkaan uu yahay dal xor ah, dadkana wada leeyihiin, sanad ka hor dhibaato xun oo lagu weeraray C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho”.

“Dalkaan qofkii xabad lagu tuuraba hadduu iska cararayo meeshaan masoo gaarneen, waxaan jeclahay inaan fariin dhab ah u dirno dadka doonayo in xabad xalka lagu gaaro, waa laga soo gudbay waxaa, waxaan ku joognaa oo aan wada leenahay dalka, Dastuurka iyo Sharciga”ayuu yiri Faarax Sheikh C/qaadir.

Xildhibaan Faarax C/qaadir oo si toos ah kaga hadlin marxaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa sheegay inuu ka digayo in dalka dib loogu celiyo xiliyaddii adkaa ee laga soo gudbay.

Xildhibaanada ugu badan ee mucaaradka ah ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Rugta gacansiga oo go’aan aan la fileyn ka qaadatay mooshinka FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo mooshinka laga gudbiyay madaxweyne Farmaajo.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku sheegeen in xaalada soo korortay ay saameyn ku yaalan karto dhaqaalaha, maalgashiga iyo guud ahaan nolosha danyarta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada keenay mooshinka ayay ugi baaqeen inay ka laabtaan.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed waxay aad iyo aad uga walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee ku soo korortay dalka, taasi oo ugu horrayn saamayn wayn ku yeelan karta dhaqaalaha, maalgashiga iyo guud ahaan nolosha danyarta.

Waxaynu wada ognahay haddii la waayo xassilooni siyaasadeed in wax walba
xumaanayaan, kalsoonida guud iyo aaminaadda maalgashi dibadeed oo dalka ka
hirgashaana meesha ka baxayso.

Waxay noola muuqataa in arrimahan deg-degga ku socda dalka gelin karaan,
gaarsiinna karaan meel aad u liidata, rajada dib u soo kabashada dalkana ay ku keeni
karto dhaawac aan kabasha lahayn.

Sidaa awgeed, Waxaan usoo jeedinaynaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo
Xildhibaannada keenay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha in ay ka noqdaan
tallaabadan, maaddama ay wax u dhimeyso horumarka iyo geeddi socodka
siyaasadeed ee dalka.

Waxaan ku talinaynnaa in dhammaan qaybaha ay khusaysa ee xilalka kala duwan haya inay u turaan umaddaan muddada dheer dhibaatada ku soo jirtay, muujiyaana dulqaad iyo isu tanaasul, si dalku u gaaro meel ka wanaagsan meesha hadda la joogo.

D H A M MA A D

Dhageysiga dacwadda u dhaxeysa C/Welli Gaas iyo C/Xakiin Cameey oo ka bilaabaneysa Garowe

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta la filayaa in maxkamadda sare ee maamulka Puntland dhageysato dacwadda u dhaxeysa madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa oo isku qabtay magacaabidda guddiga xalinta Khilaafaadka.

C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa dacwadaan u gudbiyay maxkamadda sare ee maamulka Puntland, si ay go’aan kaga gaarto kiiskaan.

Dacwadda ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweyne ku xigeenka Puntland uu shegay inaan lagala tashan magacaabista guddiga xalinta Khilaafaadka ee uu magacaabay madaxweyne Gaas.

Maxkamadda sare ee Puntland oo dacwadda qabatay ayaa maanta u yeertay qareennada kala matalaya labada Mas’uul,waxaana loo ballansanyahay saaka 9:00AM Subaxnimo.

Puntland waxaa ka dhaceya doorashada madaxtinimo billowga bisha soo socota,waxaana hadda socda ololaha doorashada iyo dhismaha Baarlamaanka Puntland ee dooran lahaa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Lama oga go’aanka ay gaari karto maxkamadda, waxaana sidoo kale la saadaalin karin sida labada dhinac ay ugu qanci doonaan go’aanka maxkamadda ay gaarto.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

Madaxweyne Al-Marsuuqi: Imaaraatku wuxuu dejiyay qorshe lagu rido Farmaajo

Waxaa shalay miiska soo fuulay mooshin muran dhaliyay oo la sheegay in laga wado Madaxwaynaha Somalia oo sida la yiri ku eedaysan ”khiyaano qaran.”

Mooshinkan ayaa waxaa riixaya kooxo dano badan ka leh, kuwaasoo sida la tuhunsan yahay ay gadaal ka taagan yihiin quwado shisheeye oo ragaadinaya soo kabashada Somalia sabab kastaba haku riixdee.

Iminka ayaa waxaa arrintaasi ka dhawaajiyay “Imaaraatku waxa uu qorsheeyey in uu kursiga iga tuuro, sidii ay Mursi u qorsheeyeen in ay u ridaan ama xitaa sida ay qorsheeyeen oo inay u tuuraan madaxweynaha Soomaaliya“ ayuu yiri Madaxwaynihii hore Munsif Almarsuuqi.

FG: Muuqaalkani hadda maaha balse waa mid si guud wax uga sheegaya faragelinta Imaaraatka ee dunida Islaamka.

Xigahso: Hadalsame Media

Go’aanka Mursal waxa uu i xasuusisay dhacdadii dhex martay Rory Stewart iyo Mullah Mustafa (Warbixin)

Maanta anigoo meel aan qof ku yara sugayay taagan ayaan mobilkayga yara eegay. Waxaan furay caasimada.com wixii ugu horreeyay oo aan arkayna waxay noqdeen Mursal oo aqbalay mooshin madaxdweynaha xilka looga qaadayo. Anoo wali yaabban si fiicanna uusan warku iigalin ayaan markale furay mise waa mid kale oo dag-dag ah. Waxyaabihii loo cuskaday mooshinka ayaa lasoo qoray. Dhaqso ayaan isha u mariyay laakiin mid aan ku qanco ma arag waayo, inkastoo ay ahayeen dhammaan qodabada la keenay waxay ahaayeen kuwo aan jeclaa in marhore madaxweynaha inta loo yeero su’aalo laga waydiiyo, haddana jid sax looma marin.
Halkii la waraysan lahaa ka dibna go’aan laga qaadan lahaa sheekadi waxay ka billaabatay xil ka qaadis iyo eedaymo meeshi ugu xumayd oo ah qiyaamo qaran. Su’aalo rax-raxan ah ayaa qalbigayga isku cariiyay. Mursal miyuusan ogayn dhibka iyo wareerka siyaasadeed ee arrintaanu keeni karto? Hadii usan dan ka lahayn taasi miyusan ogayn in 184 cod loo baahanyahay si xilka looga qaado madexweynaha? Miyuusan ogayn in tiro konton  gaarayso oo xildhibaanno ah ay dowladda xilal ka hayaan taasoo u muuqato in dowladdu ka gaashaamatay weerar noocaan ah? Sidee wax yihiin, muxuu kaka jeedaa, si kale oo uu ragga isaga dhiciyo miyuu waayay?
Anoo wali jawaab la’ ayaa waxaa igu soo dhacay sheeko aan hadda ka hor buug ka akhriyay oo uu qoray Roray Stewart oo aha siyaasi iyo dublamaasi Ingriis ah marna soo noqday xildhibaan. Stewart wuxuu aad ooga soo horjeedaa dagaalka Afqaanistaan in badanna wuu booqday. Booqashada waxaa u dheer inuu dadka shacabka ah dhex galo, tuulooyinka tago martina u noqday odayaal iyo dagaal oogayaal intaba.
Wuxuu yiri, xilli uu socdaal ku marayay meelaha fof-fog ee dalka Afqaanistaan ayaan marti u noqday mid ah ka mid odayaasha awoodda leh ee dalkaas. Meeshi odayaal iyo culimo kale ayay ku kulmeen wuxuuna marti u noqday nin la yiraahdo Mullah Mustafa oo madaxda iyo cuqaasha aagga ka mid ah. Waxaase yaab iyo argagax iyo lama filaan noqotay inuu Mullah Mustafa isku dayay inuu toogto ninki martida u ahaa. Eebbe waa badbaadiyay dhibna ma gaarin. Stewart wuxuu yiri ma waydiin sababta uu dili rabay iyo waxa uu iga rabay. Shib ayuu yiri wuuna ka tagay.
18 bilood ka dib ayuu markale booqday meeshi lana kulmay Mullah Mustafa. Waa xilli ku hobboon oo colaaddi iyo xanaaqi lasoo dhaafaye, wuxuu ku yiri maxaad igu gashay maalinti aad xabbada igu ridday. Stewart waxaa loo sheegay in Nadir Shaah oo Mullah Mustafa ay ilma adeer yihiin uu ku yiri “waxan sharad ku dhigan karaa inaadan ninkaas cad dili karin” Mullah Mustafa si uu muujiyo inuu yahay libaax aan la caraabin ayuu baas ku furay ninkii uu marti galiyay isagoo wax kale oo dan ah ka lahayn.
Waxaan is iri Mudane Mursal waxaa lagu yiri xaniinyo aad ku aqbashid mooshin Farmaajo ka dhan ma lihid isana si uu muujiyo inuu yahay libaax aan boqol geed ooga leexan ayuu yiri ii keena anaa in tusiye.
Nasiib darrada ku habsatay dalalka dagaalada daba-dheeraaday ay ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah inay madax u yihiin dadka ummad dhan masiirkeeda ama qof aan waxba galabsan naftiisa u jara “waxaan ahay ayaan ku tusi”
W/Q: Ibrahim Aden Shire

kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Mooshinka Farmajo: Maxay isku seegeen guddoomiye Mursal iyo madaxweynaha?

Todobo bilood ayaa laga joogaa markii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, waxaana xilligaas aad loogu arkay in uu u janjeero dhanka madaxweynaha iyo xukuumadda.

Sababtu waxa ay ahayd in xildhibaanada u janjeera dhanka xukuumadda, oo qaarkood ay xitaa yihiin wasiiro in ay si buuxda u taageereen guddoomiye Mursal.

Markii guddoomiyihii hore Prof Maxamed Cusmaan Jawaari uu meesha ka baxay, lana doortay Mursal, waxaa jiray eedeymo kasoo yeerayay dhinacyada dowladda kasoo horjeeda oo ah in baarlamaanka uu u gacan galay xukuumadda , islamarkaasna ay isku milmeen.

Maxay isku gafeen Farmaajo iyo Mursal ?

Dadka aftahanka ku ah siyaasadda, iyo kuwa falanqeeya, waxa ay ku tilmaamaan ‘Aqal Gal Siyaasadeed’ marka ay labo qof ku midoobaan siyaasadda, balse hadda waxaa muuqata in uu ‘furriin’ dhacay.

Dad aad u yar ayaa saadaalin karay in ay sidan wax u dhacayaan, waxaana aad la’isu weeydiinayaa waxa ay isku gafeen labada qof ee ugu sareeya dalka Soomaaliya.

Waxaan su’aashaas hor dhignay Prof Ibraahim Bursaliid oo ah falanqeeye siyaasadeed “Guddoomiyaha cusub weli waa aqbali la’yahay in loo bixi karo hannaan hay’adnimo iyo mid dowladnimo, weli waxa la filayaa in sidii xaal mastuurka ahayd wax kasta lagu dhameeyo” ayuu yiri Bursaliid oo intaas ku daray in Guddoomiye Mursal uu tirsanayo ixtiraam darro, uuna filayay in wax kasta oo dalka ka socda lagala tashado.

Marka ay halkaas taagantahay, warqad uu soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka oo uu dib ugu soo celinayay guddigii maaliyadda ee ay kala direen labadiisa ku xigeen ayuu ku sheegay in la dhawro madax banaanida baarlamaanka.

Balse Bursaliid waxa uu qabaa in farogalinta ay labada dhinacba ka imanayso, isaga oo farta ku fiiqay in guddoomiyaha uu doonayo in wax laga weeydiiyo arrimaha doorashada Koonfur Galbeed, shaqadaas oo ah mid u taalla laanta fulinta.

Markii guddigii maaliyadda ay soo saareen warbixin sheegeysa in la la’yahay malaayiin doolar oo lacag ah, jawaabta waxa ay noqotay in guddigii oo dhan la kala diro, waxaana aad loo tuhunsanyahay in xukuumadda ay arrinkaas ka dambeysay, gadaalna kasoo riixday labada guddoomiye ku xigeen. Malaha waa arrintan farogalinta uu warqadiisa ku sheegay guddoomiye Mursal.

Dad badan waxa ay aaminsanyihiin in qodobka ugu weyn ee ay isku qabteen madaxda uu yahay kan doorashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo la sheegay in guddoomiye Mursal uu doonayay in laga talogaliyo sida wax loo maamulayo.

Waxaa xaaladda uga sii daray markii dowladda federaalka ay ciidamo dheeraad ah u dirtay magaalada Baydhabo.

Sida uu qabo Prof Bursaliid, waxaa jira arrimo kale oo uu tabanayo guddoomiyaha “Tusaale marka uu guddoomiye Mursal yahay ku simaha madaxweynaha, madaxweynahana dalka ka maqanyahay, lalama dardaarmo, isagana lagama talo galiyo hawlaha ay xukuumadda qabanayso, taasna waa u cuntami weysay guddoomiyaha” ayuu yiri.

Dowlad Goboleedyada

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ma aysan qarsanin sida ay ugu faraxsanyihiin mooshinka laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mana ahan arrin si shil ah ku dhacday in mooshinka qodobada lagu qorey ee madaxweynaha lagu soo eedeeyay ay ka mid tahay in madaxweynaha uu la dagaalamayo nidaamka federaalka .

Muddo dheer ayay soo karsamaysay xaaladda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana laga war dhawrayay goorta xaaladaasi ay ku fatihi doonto caasimadda, Muqdisho.

Hadda dad badan wax la yaab ah kuma ahan in khilaafka ka dhex taagan madaxda dowladda federaalka ay qeyb ka yihiin dowlad goboleedyada.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax jawaab ah oo weli kasoo baxay madaxweynaha mooshinka laga keenay iyo guddoomiyaha baarlamaanka ee qabtay mooshinka.

Xigasho: BBC Somali

Macallinkii Bin Salmaan oo xog yaab leh ka bixiyey

Dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga ee muranka uu hareeyay, Maxamed Bin Salmaan ma ahayn nin dad badan ay ka yaqaanneen dunida ka hor inta uusan indhaha caalamka ku soo jiidanin qabashada xil uu ku helay boqornimada aabihiis, cid kalena aysan ku qabsan karin. Wariyaha laanta Afcarabiga ee BBC-da Rachid Sekkai, oo macallinka maadada ingiriiska u ahaa maxamed Bin Salmaan markii uu yaraa, ayaa ka sheekeynaya khibraddiisii la yaabka lahayd ee uu kala kulmay qasriga boqortooyada.

Horraantii sannadkii 1996-kii, anigoo bare ka ah iskuul tayo wanaagsan iyo ixtiraam weyn leh oo lagu magacaabo Al-Anjal, oo ku yaalla magaalada Jidda, ayuu taleefan ii soo dhacay.

Amiir Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sacuud, oo xilligaas ahaa duqa magaalada Riyaad ayaa si ku meel gaar ah ugu soo guuray magaalo xeebeedka dhinaca ku heysa badda cas ee Jidda, wuxuuna u baahday macallin luuqadda ingiriiska bara carruurtiisa.

Ninka mustaqbalka noqon doona boqorka Sucuudiga ayaa la soo xiriiray maamulka iskuulka waxaana si aan ka laba labeys lahayn la iigu diray qasriga boqortooyada , si aan macallin khaas ah ugu noqdo carruurta ay u dhashay xaaskiisii ugu horreysay, kuwaasoo kala ah: Amiir Turki, Amiir Nayef, Amiir Kaalid iyo dabcan Amiir Maxamed.

Darawal ayaa aqalkeyga iga qaadi jiray saacaddu marka ay tahay 07:00 subaxnimo, wuxuuna i geyn jiray iskuulka Al-AnjalI, markii aan cashirrada dhameeyo oo galabtii la gaarana wuxuu i geyn jiray qasriga.

Markii aan ka gudubno albaabbada sida weyn amaankooda loo ilaaliyo, gaariga wuxuu sii dhex mari jiray darjiimo ay ku taallo dhir cagaaran, kuwaasoo ay si joogto ah uga shaqeeyaan shaqaale ku labisan dhar cad.

Ka dib waxaan tagi jirnay meel gawaarida la dhigo oo ay ka buuxeen baabuurta noocyadooda ugu qaalisan.

Marka aan soo gaarno gudaha hore ee qasriga, waxaa i qaabili jiray agaasimaha qasriga oo lagu magacaabi jiray Mansoor El-Shahry – kaa soo ahaa nin da’ dhexaad ah oo uu saaxiib dhow la ahaa Maxamed Bin Salmaan, oo xilligaas 11 sano jir ahaa.

Taleefanka fooneeyaha ah ee ay waardiyeyaasha isticmaalaan

Maxamed wuxuu sidoo kale u muuqday inuu aad u daneyn jiray inuu wakhti la qaato ciidanka waardiyaha u ah qasriga, intii uu daneyn lahaa cashirradeyda. Maadaama uu ahaa cunuga ugu weyn walaalihiis, wuxuu u muuqday in loo oggolaan jiray sameynta wax kasta oo uu jecelyahay.

Awooddeyda ku saabsan inaan amarka macallinimada siiyo amiiradda yar yar waxay ku ekaan jirtay inta uu ka imaanayo Maxamed Bin Salmaan.

Wali waxaan xasuustaa inuu fasalka ku dhex isticmaali jiray taleefanka fooneeyaha ah ee ay isticmaalaan ciidanka waardiyeyaasha ah, kaa soo uu ka soo qaadan jiray mid ka mid ah waardiyeyaasha.

Wuxuu u siticmaali jiray inuu ku dhoho hadallo lagu qoslo oo aniga igu saabsan iyo kaftan uu la wadaagayay walaalihiis iyo waardiyeyaasha jooga dhinaca kale.

Wakhti yar gudihiis waxaan ku noqday qof u hoggaansan Maxamed iyo walaalihiisa ka yar yar. Inkastoo aan amiirrada wax ku barayay meel aan aad ugu xakameysanahay, ardaydeyda qasriga waxay ahaayeen sida kuwa iskuulka oo kale, way jeclaayeen iney wax bartaan laakiin waxay aad u daneynayeen iney sidoo kale iska ciyaaraan.

Ceeb ka timid u hogaansamid la’aanta xeerka boqortooyada

Maalin maalmaha ka mid ah, agaasimaha qasriga, Mansoor El-Shahry ayaa iga codsaday inaan la kulmo boqorka mustaqbalka, oo doonayay in macluumaad laga siiyo heerka wax barashada ee carruurtiisa. Waxaan u maleynayay in taasi ay ahayd fursadda ugu fiican ee aan ugu sheegi karo akhlaaq xumada Amiir Maxamed.

In muddo ah ayaan ku sugayay bannaanka xafiiska Amiir Salmaan, anigoo la joogay macallimiinta kale ee qoyska boqortooyada, kuwaasoo u muuqday iney iyaga yaqaanneen xeerka dhaqanka boqortooyada.

Markii uu noo yimid, macallimiintii kale waxay billaabeen iney mid mid ugu tagaan, salaamaan, gacanta ka dhunkadaan ka dibna u shegaaan macluumaadkooda.

Aniga markii la isoo gaaray, ma sameyn karin sidaas, maadaama ay nolosheyda ahayd isla sida tooda oo kale, waligey sidaasoo kale ma sameynin. Waan u tagay boqorka mustaqbalka, waan gacan qaaday si adag ayaana gacantiisa u gilgilay.

Waxaan xasuustaa in wajigiisa ay caro badan ka muuqatay, hase ahaatee ma uusan igala hadlin waxa ceebta loo arkayay ee aan sameeyay.

Ma aanan kala hadlin waxa uu Amiir Maxamed ku sameyn jiray fasalka dhexdiisa, sababtoo ah isla markaasba waxaan go’aansaday inaan ku laabto waddanka Ingiriiska.

Wax yar ka dib, Mr El-Shahry ayaa ii yimid iguna canaantay sida aan u raaci waayay xeerka dhaqan ee boqortooyada.

Marka laga reebo Amiir Khaalid, oo laga dhigay safiirka Sucuudiga ee Mareykanka, carruurta kale ee boqortooyada aan wax ku baray intooda badan waxay doorteen ineysan caan ka dhex noqonin bulshada.

Maxamed Bin Salmaan, maanta isagoo 33 sano jir ah ayuu yahay wasiirka difaaca ee Sacuudiga waana qofka ugu sokeeya ee iska leh dhaxalka boqortooyada.

Tan iyo markii uu qabtay xilka dhaxal sugaha, wuxuu sameeyay isbadallo loo baahnaa wuxuuna qaaday tallaabooyin adag oo uu ku wajahayay dadka mucaaradka ku ah boqortooyada.

Inkastoo lagu amaanay qaar ka mid ah ficilladiisa, hadana waxaa lagu cambaareeyay kuwo kale.

Arrimaha ugu waaweyn ee lagu dhaleeceeyay Maxamed Bin Salmaan waxaa ka mid ah inuu lahaa mas’uuliyadda dagaalka Yemen iyo dilkii wariye Jamaal Khaashuqji.

Xukuumadda Sucuudiga waxay maxkamadeysay 11 ruux oo loo heysto dilka Khaashuqji, waxayna beenisay in Maxamed Bin Salmaan uu ku lug lahaa falkaas.

Hadda khibraddaas aan qasriga boqortooyada Sucuudiga ku soo qaatay waa xalaqo yar oo ka mid ah xusuusta nolosheyda ee la soo dhaafay balse waxaan imika daawanayaa maamulaheygii yaraa oo hadda saameyn ku leh maamulka adduunka.

Xigasho: BBC Somali 

Mursal oo la filaayo inuu warbaahinta la hadlo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka la filayo inuu maanta la hadlay warbaahinta, sida qaar kamid ah xildhibaanadii xalay la kulmay ay shaaciyeen.

Lama oga waxyaabaha uu ka hadli doono guddoomiyaha baarlamaanka, balse waxaa la filayaa inuu ka hadlo arrimaha mooshinka iyo waxyaabaha kasoo kordhay.

Xiisad ayaa ka dhalatay kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka uu qabtay mooshin ay diyaariyiin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka hor yimid labadiisa ku xigeen.

Xalay ayaa xildhibaanadii ugu badnaa ee gudbiyay mooshinka waxay kulan la qaateen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii sida ay sheegeen ay ka boodeen Dhagxaan lagu xiray waddada loo maro xafiiska guddoomiyaha.

Xildhibaannada mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha u gudbiyay Guddoomiye Mursal ayaa sheegaya in madaxweynaha uu galay heshiisyo qatar gelinkara dalka oo aan la horgeyn golaha shacabka.

La soco waxyaabaha kasoo kordha arintaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mahad Salaad “24 Saac oo uu Mursal go’doon ahaa kadib waan u boodnay” + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo xildhibaano kale oo kamid ahaa xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay madaxweyne Farmaajo ayaa 24 saac kadib la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka gurigiisa oo ku yaala madaxtooyada lagu jaray dhagxaan badan, isaga oo sheegay inay ka boodeen dhagxaanta kadibna ay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka.

Wuxuu Nasiib darro ku tilmaamay in guddoomiyaha baarlamaanka laga hor istaago inuu la kulmo xildhibaanada mucaaradka ah, taasina ay caqabad ku tahay hanaanka dowladnimo ee dalka.

“In ka badan 24 saacadood oo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal ku go’doonsanaa gurigiisa oo ku dhexyaala Madaxtooyada Soomaaliya ayay noo suurogashay inaan u tagno kadib markii aan ka boodnay biro lagu xiray guriga uu ka dhex deganyahay Madaxtooyada”

“Waa nasiib daro runtii in sidaas loola dhaqmo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ah shaqsiga labaad ee dalka. Waxaa ii muuqda ififaalo muujinaya in dalkaani god mugdi ah lagu ridayo. Dhamaan sharciyadii yaraa ee dalkaan la iskula hayayna laga tilaabsaday. Lkn waxaan cod dheer ku leenahay yeeli mayno mana yeeli doono caburin iyo cago juglayn. Soomaaliyana in xoog lagu maamulo ma suurogeli doonto inshaa’allaah” ayuu yiri Mahad Salaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Marka la eego dastuurka, mooshinka ka dhanka ah Farmaajo ma yahay sharci?

Muqdisho (Caasimada Online) – 92 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba, Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Weli Ibraahim Mudueey iyo Mahad Cawad ayaa kasoo horjeestay, ayaga oo sheegay in sharci darro ay tahay in guddoomiyaha uu aqbalo mooshikan.

Muudey iyo Cawad ayaa sheegay in madaxweynaha aan laga keeni karin mooshin sababtuna ay tahay inaysan jirin maxkamaddii dastuuriga ahayd ee go’aanka ka gaari lahayd in sharci ahaanshaha mooshinka.

Haddaba marka la eego dastuurka mooshinkan ma yahay sharci. Sida ku cad qodobka 92-aad ee dastuurka mooshinka ma ahan sharci. Hoos ka aqriso.

Qodobka 92aad. Maxkamadeynta iyo Maamus-Ka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya 

(1) – Xil-ka-qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano-qaran, xadgudub culus oo Dastuuri ah ama ku-xadgudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(2) – Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa golaha hor-keeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, 30 DasTuurka Ku-Meel gaarka Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay.

(3) – Haddii ay go’aamiso maxkamadu inay eedayntu sal sharci leedahay, saddex dalool labo (2/3) ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha xilka ka qaadaya.

(4) – Haddii Madaxweynaha xilka lagaga qaado si waafaqsan faqradaha 1 ilaa 3 ee qodobkan, waxaa xilka madaxweyninimo la wareegaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Camey oo dacwad ka dhan ah C/Weli Gaas u gudbiyey maxkamadda sare (Aqri)

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamada Sarre Puntland ayaa lagu wadaa in ay berri dhagaysto dacwad u dhaxaysa Madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa taasi oo la xiriirta khilaafka dastuuriga ah

Ilo xogogaal ah ayaa u xaqiijiyey in Madaxwayne ku xigeenku Cabdixakiin Camey ii maxkamada u gudbiyey dacwad la xiriirta Gudiga xalinta khilaafaadka ee Madaxwayne ee Madaxwayne Gaas magacaabay isla markaana labada dhinac diyaarsadeen qareemadii difaaci lahaa

Khilaafka Maxda sare ee Puntland oo ah mid dastuuri ah ayaa maxkamada sare dhegaysan doonta madaama aysan Puntland lahayn maxkamadii dastuuriga ahayd ee kala saari lahayd khifaadka noocaan ah .

Sharci yaqaano ayaa sheegay in Maxakamada sare matali karto midda Dastuuriga ah.

Gudiiga xalinta khilafaadka ayaa 20 sano ay Puntland jirtey waxaa magacabistiisa iska lahaa Madaxweynaha isagoo la tashanaya ku xigernkiisa, musharaxiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada

Arintaan ayaa ku soo beegaysa iyadoo Manta Gudiga khilaafadka ee Madaxwayne Gaas magacaabay shaqadooda bilaabayaan.

Xigasho: Garowe Online