25.1 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Dagaalka dowlada ee musuqa oo maraya meel xun & Hay’adaha amaanka oo digniin loo diray

Muqdisho (Caasimada Online)-Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali Afgooye, ayaa shaaca ka qaaday in isla xisaabtan adag ay wajihi doonaan dhamaan dhinacyada lagu tuhmaayo Hantida Qaranka.

Hanti dhowre Afgooye, waxa uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad badan oo ku jira liiska musuqa, hase yeeshee ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku horgeyn doonaan Maxkamada.

Waxa uu sheegay in qorshaha horyaal uu yahay in muddo seddex sano ka yar ay ku ciribtiraan musuqa ka jira dalka oo uu sheegay inuu saameeyay dhan waliba.

Hanti dhowraha Guud ee qaranka oo ka hadlaayay  kulan lagu soo bandhigaayay waxqabadka xafiiskiisa ayaa sheegay in la dagaalanka kuwa musuqa wada ay u adeegsan doonaan sharciyo adag oo ciqaab ku filan u noqon doona kuwa ku sifoobay musuqa.

Waxa uu xusay in xafiiskiisa uu hirgaliyay System cusub, kaas oo fudeeyay in lala xisaabtamo hay’ado waaweyn oo ka tirsan dowladda, sida Talisyada Nabadsugida (NISA), Xooga dalka iyo Booliska oo uu sheegay in waxa ka dhex socda uu yahay mid aan loo dulqaadan Karin.

Waxa uu madaxda Hay’adaha amaanka iyo kuwa kale ee dowlada uga digay inay gamcaha kula sii jiraan musuqa iyo boobka Hantida Qaranka.

“System-ka aan ku shaqeyn doono waxa uu waddo toosan kusoo dhigi doonaa Hay’adaha amaanka oo waxa ka dhex socda aan la amaanin iyo kuwa kale ee dowlada oo iyaguna aan la amaanin, sidii ka hor imaadana waxa ay wajaheysaa ciqaabta uu mudankooda noqon doono”

Waxa uu sheegay in ujeedka loo dhaariyay isla markaana shaqada loogu dhiibtay ay tahay dhowrista hantida qaranka ee umadda Sooaaliyeed iyo isla xisaabtanka.

Waxa uu tilmaamay in howsha ay qabanayaan ay u mari doonaan 3 waddo oo kala ah:-

1-Habka maamulka maaliyadda iyo sida loo isticmaalay.

2-Dib u eegista hayadaha qaran wajibaadka loo idmaday sida ay u gutaan shaqooyinkii loo qorsheeyay.

3-Baaris gaar ah oo lagu dabagalo qaladaadka ay soo gudbiyaan qeybaha bulshada, taasoo loo saxo sidii loogu talagalay.

Sidoo kale, Hanti dhowraha ayaa u digay mas’uuliyiin waaweyn oo uu sheegay inay dhaqan ka dhigteen musuqa kuwaasi oo ka tirsan Hay’adaha amaanka iyo xarumaha kale ee dowlada.

Haddalka Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali Afgooye, ayaa imaanaya iyadoo dhaqanka ka jira Hay’adaha amaanka iyo xarumaha dowlada uu yahay ku xadgudubka xuquuqda ciidamada iyo shaqaalaha kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaad ka taqaanaa Madaxweynaha cusub ee Soomaalida Itoobiya..?

0

Jigjiga (Caasimadda Online) – Madaxweynaha cusub ee loo magacaabay Is-maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed (Ilka-case) ayaa ah wiil dhalinyaro ah oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha xilka banneeyay.

Axmed Cabdi Maxamed waa 32 sano jir isagoo dhashay sanadkii 1986, wuxuuna kasopo jeeda Beesha Ogaadeen, gaar ahaan reer Cabdulle; waxaana loo magacaabay xilka markii uu is casilay madaxweynihii DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo cadaadis ba’an uu saarnaa muddooyinkii ugu danbeeyay.

Madaxweynaha cusub ayaa hore u ahaa wasiirka Maaliyadda, wuxuuna si weyn ugu dhowaa madaxweynaha xilka banneeyay ee Cabdi Iley, isagoo wareysigii ugu horeeyay ee uu bixiyey ku sheegay inuu ku socon doono isbedello ballaaran oo uu hore ugu dhawaaqay Cabdi Iley.

Ninka dhalinyarada ah ee noqday madaxweynaha maamulka DDSI Axmed Cabdi Maxamed wuxuu sanadkii 1986 ku dhashay degmada Garbo ee Gobolk Fiiq, wuxuuna wax ku bartay jaamacadaha Diridhaba iyo Bahardar, isagoo markii ugu horeysay magaalada Godey ka noqday madaxa Maaliyadda.

Axmed Cabdi Maxamed wuxuu kaloo soo noqday duqa magaalada Qabri-dahare, isagoo xubin ka ah xisbiga ESPDP ee ka taliyaha dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, wuxuuna xilligan ahaa wasiirka Maaliyadda ee DDSI, iyadoo xilka madaxweynaha loogu magacaabay si KMG ah.

Cabdi Iley ayaa la sheegay in heshiiska uu la galay madaxda Itoobiya uu xilka uga degay, laakiin wuxuu sii joogi doonaa magaalada Jigjiga, isagoo sii ahaanaya guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Somali People’s Democratic Party.

JABUUTI oo war cad kasoo saartay xasuuqa muwaadiniinteeda ee Gobolka Soomaalida

Jigjiga (Caasimada Online)-Dowlada Jabuuti ayaa markii ugu horeysay ka hadashay muwaadiniin dalkeeda u dhashay oo lagu xasuuqay gudaha Magalada Diridhaba ee dhulka dowlad deegaanada Soomaalida Ethiopia.

Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in muwaadiniin kuweeda oo aan waxba galabsan lagu dilo Magalada Diridhaba.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isul wasaaraha dalkaasi Jabuuti ayaa waxaa lagu sheegay in dhiiga muwaadiniinteeda ay ku xisaabtami doonaan.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in nasiib darro ay u arki doonaan in muwadiniin sifo sharci ah ku jooga dhulka dowlad deegaanka si maalaayacni ah loo kharijiyo.

Nuqul kamid ah qoraalka Ra’isul wasaaraha ayaa ahaa “Xukuumadda Jabuuti waxa ay ka xun tahay in dhibaato intaa la’eg loo geysto muwaadiniinteena u xagaay baxay Diridhaba”

“Madaxda Dowladda Jabuuti waxay ay la xiriirtay madaxda dalkaas si loo xaqiijiyo amniga muwaadiniintena ku sugan dalkaas, waxaanu isla garanay inaan dhiiga daatay si toosa uga wadahadalno”.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in wax saameyn ah aysan ku yeelan doonin xiriirka labada dal rabshadaha ka soo cusboonaaday Magaalooyinka Waaweyn ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, hase yeeshee ay kuwada xisaabtami doonaan dhibaatooyin waliba oo dhaca.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Jabuuti ayaa ku wargelisay muwaadiniinteeda ku sugan magalada diridhabe in ay ka fogaadan goobaha ay rabshadaha ka dhacayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

[email protected]

Muxuu ahaa Wiilkii dhallinyarada ahaa ee isku gowracay Magaalada Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyeen dadka degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir wiil dhallinyaro ah ayaa isku dilay halkaas.

Wiilkaan dhallinayarad ah ayaa isku gowracay xaafadiisa oo ku taalo degmada Dharkeynley sida uu Idaacadaha Muqdisho u sheegay mid kamid ah qoyska wiilkaas.

Wiilkaan ayaa la sheegay inuu is gowracay kadib markii uu dhuunta isaga jaray Toorrey.

Wiilkaan ayaana durba dhintay maadaama uu dhuunta isaga jaray Toorrey waxaana laga war helay isagoo meyd ah.

Ninka dhalinyarada ah ee isdilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Saciid Maxamed Yabaroow, waxa ayna qoyskiisu xaqiijiyen in maalmihii ugu danbeeyay uu xaalad isku buuqa ku jiray.

Wiilkaan ayaa lasoo sheegayaa inuusan jiifan habeenadii u dambeysay iyadoo laga dareemay dhibaato iyo xanuun ku kalifayey inuusan jiifan.

Soomaaliya waxaa kusoo badanaya falalka isdilka ah, ama in ay dhibaato isu geystaan xubnaha hal qoys oo kali ah.

Dhawaan ayey aheyd markii wiil dhallinyaro ah uu isku daldalay Xaafada Kaaraan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho, isagoo kalana waxaa isna is daldalay oday kale oo ku noolaa Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

ONLF oo war kasoo saartay Madaxweynaha cusub ee loo doortay deegaanka Soomaalida Itoobiya

0

Jigjiga (Caasimadda Online) – Iyada oo galinkii danbe ee shalay uu iscasilay madaxweynihii Dowlad deegaanka Soomaalida mudane Cabdi Maxamed Cumar loona magacaabay madaxweynaha Cusub Axmed Cabdi Maxamed,oo ahaa wasiirkii maaliyadda ee nidaamkii Cabdi Maxamed Cumar, ayaa dhaliilo lasoo jeedinayaa.

Isbadalka ka dhacay dowlad deegaanka waxaa ka hadlay Jabhadda ONLF, Cadaani Hiirmooge oo ah Afhayeenka Jabhaddaa ayaa arrintaas kala hadlay qaar kamid ah Idaacadah Muqdisho isagoo dhaliilo u jeediyey Madaxweynaha cusub .

Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uusan wax isbedel ah ku soo kordhin doonin dhibaatooyinka ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed uu leeyahay dhaqankii Cabdi Maxamuud Cumar,isla markaana uu sidoo kale ku shaqeeyo fikirka ka yimaada madaxweynihii ka horeeyey ee Cabdi Maxamuud Cumar.

Marka laga soo tago hadalka Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge(Cadaani) ayaa hadana waxaa baraha bulshada lagu dhaliilayey Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida,iyada oo lagu tilmaamay in uu yahay nin dhibaateeya Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

Laba arrin oo keentay inuu Axmed Madoobe Xalay ku hoydo Magaalada Adis Ababa

0

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubbaland Mudane Axmad Madoobe ayaa Xalay ku hoyday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarka Axmad Madoobe ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro xal u helida colaada ka jirta degaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Axmed Madoobe ayaa ah shaqsi aad looga qadariyo deegaanka isla markaana saaxiib la ah Madaxweyne Cabdi Ileey oo hadda iska casilay Xilkiisa isla markaasna lagu badalay Madaxweyne cusub .

Inta uu ku sugan yahay magaalada Adis Ababa waxaa uu la kulmi doonaa Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo saraakiisha amaanka ee dalka itoobiya ka dibna waxaa la filayaa in uu uga gudbo magaalada Jig-Jiga si uu qayb uga noqdo da’daalada lagu doonayo in xal waaro logu heli khilaafka ka jira deegaanka Ismaamulka Itoobiya.

Axmed Madoobe ayaa markii hore ujeedkiisa wuxuu ahaa inuu Abiy Ahmed kala hadlo inaan xilka laga qaadin Cabdi Iley balse nasiib darro inta uusan dhicin kulanka labada Mas’uul ayaa laga war helay inuu is casilay Cabdi Iley isla markaasna uu maamulka yeeshay Madaxweyne cusub oo ay isku xisbi yihiin.

Axmed Madoobe ayaa Jigjiga kulan kula yeelan doono ismaamulka Soomaalida Itoobiya si loo xaliyo dagaalada iyo khilaafka kala dhaxeeyo qoomiyadaha kale ee  ku nool deegaanada Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
[email protected]

Xog: Mas’uuliyiin hor leh oo lagu wado inay weyn doonaan xilalkooda (Yaa kamid ah)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya inuu socdo qorsho hor leh oo xilka looga xayuubinayo mas’uuliyiin dhowr ah oo xilal kala duwan ka hay dowlada.

Xogta aan ilaa iyo hadda ka heleyno xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegeysa in xil ka qaadis lagu sameyn doono Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Koofi, ayaa la sheegayaa in lagu bedeli doono mas’uul ka tirsan isla Hay’adda, halka isagana loo magacaabi doono xil cusub oo dhanka amaanka ah.

Mas’uuliyiinta xilalka weyn doona ayaa waxaa kamid ah Taliyaha Hay’adda dambi baarista CID, oo la sheegay inuu sababsan doono kiisas is uruursaday oo loogu xadgudbay mas’uuliyiin dhowr ah kuwaa oo la xiray warqad fasax la’aan ah.

Waxaa kamid noqon doona mas’uuliyiinka xilalka weyn doona Wasiiro ku-xigeeno la sheegay in loo heysto kiisas isdabamarin iyo Agaasimayaal dhowr ah kuwaa oo gabi ahaantooda warqadooda ay tahay mid miiska saran.

Dowlada Somalia ayaa ku guda jirta dardar galinta la dagaalanka musuqa, waxaana suuragal ah in kiisaska musuqa ay u xirmaan Wasiiro, sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan guddiga dabagalka iyo la dagaalanka musuqa.

Si kastaba ha ahaatee, talaabada lagu doonaayo in lagu bedelo mas’uuliyiintan ayaa qeyb ka noqon doonta isbedelada dhanka shaqada oo ay ku howlan tahay dowlada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Seefta Maxkamada G.Banaadir oo dusha ka saran Saraakiisha maaliyada 3 Hay’adood (Maxay kala yihiin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno illo wareedyo ka tirsan Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Maxkamadu ay ku howlan tahay xariga Saraakiil ka kala tirsan Hay’adaha Booliska, Militeriga iyo Nabadsugida Somalia.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamada Gobolka Banaadir Muuse macalin Maxamed uu amar ku bixiyay in dhammaan Saraakiisha lo ohayo cadeymaha musuqa la xiro si loo horgeeyo sharciga.

Saraakiisha Hay’adaha amaanka ee isha lagu hayo ayaa la sheegay inay yihiin kuwa Seddexdaasi Hay’adood u qaabilsan dhanka Maaliyada oo iyagu la sheegay inay ku tagri falaan hantida ciidamada.

Saraakiisha xafiiska maaliyada ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo Booliska ayaa la xaqiijiyay in lagu hayo cadeyno kuwaa oo isugu jira Lacago, Guryo iyo Warqado muujinaaya inay isku dabamariyeen mushaaraadka bilow dhowr ah.

Waxa ay xogtu tibaaxeysaa in Saraakiisha xafiisyada Maaliyada Seddexdaasi Hay’adood ay iibsadeen guryo ka badan mid Seddex kuwaa oo laga iibsaday mushaaraadka iyo xuquuqda ciidamada Qaranka.

Musuqa ay ku kacaan Saraakiisha xafiisyada Maaliyada Hay’adaha amaanka ayaa waxaa kaalin weyn ka qaata qaar kamid ah Taliyayaasha, waxaana musuqa ceynkaasi ah difaaca Xildhibaano qaata lacago laaluush ah.

Sidoo kale, dagaalka musuqa ay wado dowlada Somalia oo sii ballaaranaaya ayaa waxaa iminka u xiran Saraakiil dhowr ah kuwaasi oo lagu helay cadeymo muujinaaya inay geesteen xadgudub hantiyadeed iyo laaluush.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili musuq ceynkaani ah ay xabsiyo ugu jiraa mas’uuliyiin ka howlgasha Wasaarado kala duwan oo ka tirsan Xukuumada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay qorsho adag oo lagula dagaalamayo Musuq maasuqa

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay kulanka sanadlaha ee xafiiska Hantidhowrka Qaranka ayaa boggaadiyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Guddoomiyaha ayaa adkeeyey baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamka lagula dagaalamayo musuqa, si looga baaqsado ku takrifalka hantida dawladda, isagoo xusay in maamulkiisu uu meel adag ka taagan yahay la dagaalanka Musuqa oo dhowr jeer caddaaladda la horgeeyey xubno lagu tuhmay musuq-maasuq oo ka tirsanaa shaqaalaha iyo madaxda Maamulka Gobolka Banaadir.

“Soomaaliya waxay horumar weyn ka gaartay sannadihii dhowaa la dagaallanka musuq-maasuqa, balse horumar masii jiri karo ilaa xidida loo siibo musuqa. Maamulka Gobolka waxaan bilownay qorsheyaal aan kula dagaalamayno musuq-maasuq si loo hirgeliyo maamul wanaag leh isla xisaabtan iyo fur-furnaan u adeegaya bulshada Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay wacyigelin baahsan oo lagula dagaalayo dhaqanka maamul xumada iyo fahamka dowladda, maadaama uu musuqmaasuqu yahay midka dalkan dib u dhigay loona baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto ciribtirkiisa, si loo sii xoojiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan maamulkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sacuudiga oo ku dhawaaqday arrin cusub oo sii kordhineysa xiisada kala dhexeysa CANADA

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ku dhawaaqday shaqo joojin ay sameyneyso Safaaradooda dalka Canada.

Shaqo joojinta ayaa la sheegay inuu ku dhawaaqay Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga oo ku duulaya amar kasoo baxay Xafiiska Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, ayaa sheegay in shaqooyinkooda Safaarada Canada ay dib u bilaabi doonaan kadib isbedelka ku imaan doona go’aan dowlada Canada ay ku faragalineyso arrimaha Sacuudiga.

Safiirka iyo Diblumaasiyiinta Sacuudiga ka joogta Safaarada Canada ayaa la sheegay in loo qabtay in 24 saac ay uga soo baxaan dalkaasi, halka Canada ay diblumaasiyiinteeda durba kala baxday Safaarada ay ku leeyihiin Riyadh.

Dowlada Sacuudiga ayaa tan iyo markii ay Dhaxalsugaha Boqortooyada u aqoonsatay  Maxamed Bin Salmaan qaaday talaabooyin lagula loolamaayo dowladaha reer galbeedka, taasi oo laga cabsi qabo in Sacuudiga ay cagaha kula gasho colaado halis galinkara amnigeeda.

Dowlada Canada wali kama aysan hadal go’aankaani ka dhashay kadib caro ay Dowladda Sacuudiga ka qaaday tallaabada dowladda Canada uga hadashay xariga dadka u dhaq dhaqaaqa bulshada, waxaana ay ku tilmaamtay mid faragelin ku ah arrimaha gudaha Sacuudiga.

Si dhab ah looma saadaalinkaro sida uu noqon doono xiriirka labada dal waxaana aad looga cabsi qabaa in arrinka uu intaa kasii adkaado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

R/W Kheyre oo 2 arrin uga digay ardayda waxkabarata Jaamacadaha dalka Sudan

Khartoum (Caasimada Online)- Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo howlo shaqo u gaaray magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan ayaa booqasho ku tagay Jaamacadda Africa ee dalka Sudan.

Jaamacadaani oo ay dhigtaan arday farabadan oo Soomaali ah ayaa waxa uu Ra’isul wasaare Xasan Kheyre u jeediyay khudbad lagu dhiiri galinaayo ardayda.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ardayda uga digay inay ku dhaqmaan qabyaalad iyo in ay sumcad xumo usoo jiidan dalkooda Somalia oo ay ku matalaan Sudan.

Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre u sheegay ardayda inay ogaadan in ay mas’uul ka yihiin magaca Somalia waxa uuna ku amaanay sida ay ugu nugul yihiin waxbarashada ay uga soo socdaalen dalkooda hooyo.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaan idinkaga digayaa inaad magac xumo usoo jiidan dalkiina waxa aad tihiin Safiiro Somalia ku matalaaya dalkaan aad joogtaan waa inaad ka fogaatan qabyaalada”

Waxa uu intaa raaciyay “Waa inaad ilaalisan dalka iyo dadka idinku martigaliyay waxbarashada Sudan sida aan la socno waa dal ay ka go’an tahay inuu soo saaro dad Soomaaliyeed oo aqoon iyo karti leh”.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dowlada Sudan ku amaanay inay is garabtaagtay Somalia oo aan xiligaan laheyn Jaamacado tayo leh waxa uuna sheegay in dadka la sugaayo inay ka faa’iideystan ay yihiin dhalinyarada.

Haddalka Ra’isul wasaare Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili Jaamacada Africa ee Sudan ay noqoneyso Jaamacada ugu badan ee soo saarta Kumanaan arday oo qaarkood xilal ka haya dowlada Somalia, sida uu sheegay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Rasaas xoogan oo caawa laga maqlayo qeybo kamid ah magaalada Jigjiga

Jigjiga (Caasimada Online)-Rasaas xoogan ayaa waxaa caawa laga dhex maqlayaa gudaha magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka Soomaalida Ethiopia.

Rasaasta ayaa la sheegayaa inay ridayaan ciidammada militariga dowladda federaalka Ethiopia ee maanta la geeyay intabadan magaalada Jigjiga.

Ciidamada ayaa kala eryinaaya dhalinyaro wax boobaya oo la sheegay inaysan dadka soomaalida oo ay horey u saamaysay rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada goobahooda kula dhaqaaqay boobka.

Intabadan magaalada ayaa waxaa qariyay rasaasta ifisada ah oo heehaabeysa hawada iyo dhulka, waxaana laga cabsi qabaa in dadka deegaanka ay caawa sii xoojiyaan boobka iyo rabshadaha xiliga habbeenka ku cusub Jigjiga.

Sidoo kale, wararku waxay sidoo kale sheegayaan in shirar looga hadlayo arrimaha ammaanka ay ka socdaan dowlad deegaanka soomaalida Ethiopia.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaana muuqaneysa in isbacsi uu u dhexeeyo ciidamada Militeriga iyo dadka deegaanka oo iyagu aad u careysan.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

[email protected]

Gaadiid lagala soo goostay dhulka Soomaalida Ethiopia oo lagu qabtay Somaliland (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in deeganada maamulka Somaliland lagu qabtay gaadiid nooca waaweyn oo lagala soo goostay dhulka Soomaalida Ethiopia.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gawaari ka timid dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo dhalinyaradii waday.

Maamulka ayaa sheegay in Gaadiidkaasi oo dhowr ah ay ku qabteen deegaanada xaduudka ah ee togwajaale kuwaasi oo ay sheegen in lagala soo goostay dhulka Soomaalida.

Maxamed Muuse Diiriye oo ah Wasiir ku-xigeenka Amniga maamulka Somaliland ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku hayaan afar gaari, halka kuwo kale lagu hayo deegan kale oo aan sidaa uga suu fogen togwajaale.

Wasiir ku-xigeenka waxa uu sheegay inaanu jirin sabab iyo cadeymo ay ku socdeen wadayaasha gaadiidka, balse ay jireen xogo muujinaayay in gaadiid lagala soo goostay deegaanka Soomaalida ay kusoo fool leeyihiin Somaliland, sidaana ay gacanta ugu dhigeen gaadiidka.

Waxa uu sheegay in gaadiidka ay yihiin kuwo maamulka uu leeyahay balse aanu jirin sabab muujineysa inay ku socdaan gaadiidka.

Waxa uu sheegay Wasiirku in Somaliland ay adkeysay xaduudkeeda,isla markaana ay baaritaan ku hayaan gawaarida iyo dadkii ay qabteen.

Geesta kale, waxa uu sheegay inay jiraan hanta badan oo lagala soo baxsaday dhulka Soomaalida ay ka hortageen in lasoo galsho Somaliland, iminkana ay wadaan ka hortag.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Madaxweyne cusub oo loo magacaabay Dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya

0

Jigjiga (Caasimadda Online) –  Guddiga fulinta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Goordhow waxa ay Magacaabeen Madaxweyne Cusub dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya,ka dib kulan ay Maanta yeesheen.

Warar soo baxay ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu is casilay sababo la xiriira rabshadaha khasaaraha egsytay ee ka dhacay magaalooyinka Waaweyn sida Jigjiga iyo Diridhaba.

Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay u Magcaabeen Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed(Ilkacase)

Dad badan oo siyaasada la socda ayaa waxa ay qabaan in xiisadii ka jirtay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay yareyn karto isbedelka Cusub ee lagu sameeya Hoggaankii ugu sareeyey.

Magacaabistan ayaa waxa ay imaaneeysaa iyada oo muddo 3-maalmood ah xaalad cakiran ay ka taagneed Guud ahaan dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay heysato.

Sidoo kale magacaabistaan ayaa waxay kusoo aadeysaa xilli ciidamada Militariga  Itoobiya ay Maanta galeen Magaalada

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

Milateriga Itoobiya oo galay Diridhabe, Soomaalida oo ka Qaxeysa iyo Liyu Police oo banneeyay

0

Diridhabe (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in ciidamada federaalka Itoobiya ay galeen magaalooyinka Jugjiga iyo Diridhabe oo labadii maalmood ee uu danbeeyay shaqaaqooyin ku dhex marayeen Soomaalida iyo Oromada.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay gudaha u galeen labada magaalada iyadoo ay wadooyinka dhooban yihiin, waxayna la wareegeen dhismooyinka maamulka iyo goobaha dowladda, kadib markii xaaladda magaalada ay qarka u saarantay inay faraha ka baxdo.

Ciidamadii maamulka Soomaalida Itoobiya ee Liyu Police ayaa la sheegay inay isaga baxeen oo ay banneeyeen magaalada Diridhabe waxyar ka hor intii aanay ciidamada Itoobiya gelin halkaasi, waxay kaloo banneeyeen magaalada Jigjiga iyagoo loo sheegay inay xerooyinkooda ku ekaadaan.

Soomaalida ku nool magaalada Diridhabe ayaa la sheegay inay ka qaxayaan degaanada ay la degan yihiin Oromada iyo qowmiyadaha kale, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in xaaladda magaalada ay kacsan tahay.

Faragelinta ciidamada Itoobiya ayaa bilaabatay galabta iyadoo ciidamo badan oo wata diyaarado helikobtar ah iyo qalab culus, waxayna arrintan ka dambeysay wadahadal maamulka Soomaalida Itoobiya iyo dowladda Federaalka ugu dhammaaday magaalada Jigjiga oo la sheegay inuu maamulka DDSI codsaday ciidamo federaal ah.

Caasimada Online
Xafiiska Diridhabe
[email protected]

Sagaal ruux oo reer Jabuuti ah oo Diridhaba lagu dilay

0

Diridhaba  (Caasimadda Online) – Ugu yaraan sagaal qof oo u dhalatay dalka Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay isku dhacyadii qowmiyadaha ku salaysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, sida ay dad goob joogeyaal ah u sheegeen BBC.

Iskudhacyadan cusub ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qalalaasihii Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhanka kalana wararku waxa ay sheegayaan in dhibaatadu ay u talowday dhinaca dalka Jabuuti halkaasna lagu dhaawacay labo ruux oo Oromo ah, sida uu BBC-da u talaiyaha booliiska ee dalka Jabuuti Cabdullaahi Cabdi.

Taliyuhu wuxuu sheegay in gacanta lagu dhigay dadkii weerarkaas qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Diridhaba  
[email protected]

Dagaalka musuq maasuqa ee dowladda oo cirka galay & taliyayaal ciidan oo la xiray

0

Muqdisho (Caasimadda Online)-Gaashaanle Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha Ciidanka Boliska saldhiga degmada Wartanabadda iyo Alifle Cabdi Cumar Isaaq taliyaha Baarista Dambiyada Saldhiga iyo Kormeera Labaada Cabdifitaax Maxamuud Cabdi oo ka tirsana Ciidamada saldhiga degmada ayaa lagu soo eedeeyay in ay qaateen lacag laauush ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa amartay in raggan lasoo xiro, waxaana durbadiiba lagu wareejiyay Maxkamadda Ciidamada.

Warkan waxaa baahisay Warbaahinta Dowladda, waxa ayna u muuqataa inxoowli uu ku socdo nidaamka Dowladdu ay sheegtay in ay musuqa kula dagaalamayso, inkasta oo dhaliilo badan loo jeedinayo.

Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa markii ay soo gaartay eedda ka dhanka ah eedeysanayaasha, waxa ay maalin kadib horgeeyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xeer Ilaalinta ayaa weydiisatay garsoorayaasha in la xiro si’ ay u soo dhameystiraan cadeymaha eedda loo heysto Gaashaanle Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha Boliska saldhiga degmada Wartanabadda iyo labada askari ee kala tirsanaa saldhiga degmada Warta-nabadda.

Waa markii Sedexaad tan iyo Sabtigii Dowladdu ay qaaday tillaabo Musuq la dirir ah.

Kiiska musuqa wasaarada dibadda oo lugaha la galay wasiir Axmed Ciise Cawad

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kiiska dacwadda musuqmaasuqa ah ee loo heysto Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa lugaha la galay Wasiirka Wasaaraddasi Axmed Ciise Cawad.

Sida ay sheegeyso xog ay heshay mareegta Caasimadda online, kiiskan oo soo taagnaa muddo ka badan 4 bilood ayaa salka ku haya dhaqaale si xun loo maamulay iyo ku takri fal awoodeed, waxaana wasiir ku xigeenka uu ahaa qofka kiiskan ugu weyn ee loo haysto, maadaama uu ahaa qofka ku sugan xarunta Wasaaradda oo maamulka gacanta ku hayey.

Wasiir ku xigeenka Mukhtaar Mahad ayaa ka hor yimid baaritaan ay waday hay’adda Hanti dhowrka guud oo xafiisyada maamulka calaamado ku dhejisay, taasoo caddeyneysa in baaritaan socdo oo aan la furi karin khasnadaha iyo xafiisyada baaritaanku ka socdo, laakiin wasiir ku xigeenka ayaa la sheegay inuu jebiyay amarkaasi, taasoo xaaladda uga sii dartay.

Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa ku doodaya inuu ku shaqenayay Amarka wasiirka Arimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, isla markaana aanu wax u gaara isagu ku dhaqaaqin, taasoo kiiskan lugaha u soo gelisay wasiirka, iyadoo laga cabsi qabo inay xaaladda sii cakirto.

Wasiir ku xigeenka oo la isku dayey in la xiro kadib markii loo soo jaray amar maxkamadeed, ayaa xaaladiisu weli cakiran tahay markii qaab aan habooneyn ay ciidamo boolis ah u damceen inay qabtaan, taasoo uu soo dhex galay Ra’iisal wasaare Kheyre, laakiin waxaa saxaafadda la hadlay Xeer ilaaliyaha iyo hanti dhowrka oo eedeyn musuqmaasuq ah u jeediyey Wasiirku ku xigeenka.

Warkii kasoo baxay xalay Wasaaradda Arrimaha dibadda oo si weyn loogu eedeeyay falkii lagula kacay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo tallaabada ay qaadeen Hanti dhowrka iyo xeer ilaaliyaha ayaa si cad u muujiyey in mas’uuliyiinta wasaaradda Arrimaha dibadda ay u dhan yihiin kiiskan, marka laga reebo wasiiru dowlaha wasaaradda C/qaadir Axmed Kheyr oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha, kaasoo u muuqda inuu xilli hore u shaqeeyo sida wasiir.

Is-mari waaga ka taagan kiiskan ayaa ah kii ugu horeeyay ee mas’uul heerkiisu yahay wasiir ku xigeen xil haya lagu soo oogo dacwad musuq ah, waxaana dadka qaarkii ay sheegayaan in arrintani ku dhammaan doono xil ka qaadis.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Meydadka Soomaali la jar jaray oo laga helay kaniisad ku taal magaalada Jigjiga

Jigjiga (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xiisada ka taagan deegaanka Soomaalida Ethiopia kadib markii ciidamada maamulka iyo kuwa dowlada ay bilaabeen inay kala badbaadiyan Soomaalida iyo Oromada.

War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ilaa iyo Meydka 8 qof oo Soomaali ah laga helay Degmada 6-aad ee magaalada JigJiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Meydadkaan ayaa la sheegay in laga dhex helay Kaniisad laga raray dadka Oromada ah waxaana lasoo sheegayaa inay dileen Oromada.

Meydadka qaarkood ayaa waxaa ka muuqda mindiyo iyo jug culus oo loo geystay taasi oo sababtay geerida dadka qaar.

Dadka kunool Magaalada Jigjiga oo qaarkood la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dadkaasi qaarkooda la jarjaray isla markaana aan la aqoonsan karin oogada jirkooda.

Meydadkaan ayaa la sheegay inay soo saaren Ciidamada Liyuu Boolis oo Saaka gudaha u galay Kaniisadda oo dadkii Oromadda ahaa ay xalay ka baxeen.

Meydadka Soomaalida ee laga soo saaray Kaniisada ayaa waxaa ku jira Haween, Carruur iyo Dhalinyaro u muuqda in lagu qabsaday rabshadaha.

Arrintaani ayaa timid xilli shalay iyo maanta ay degan tahay Xaaladda magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

[email protected]

Video: Faroole oo sheegay goorta dadkiisa ay Xamar dib ugu laaban doonaan

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Dhawaan Raisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo hoggaaminaya wafdi ballaaran ayaa booqasho ku tagay M/Gobolleedka Puntland.

RW Xassan Cali Kheyre  si weyn ayaa loogu soo dhaweeyey Garoowe iyo magaalooyinkii kale ee uu booqday isaga oo kula kulmay madaxda M/Puntland iyo shacabkaba.

Raisul Wasaaraha dadkii soo dhaweeyey waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole oo tusay qol uu ku tilmaamay ‘Qolkii Taariikhda”.

Faroole waxa uu RW Xassan iyo madaxdii kale ee la socotay mid mid u tusay sawirro taariikhi ah oo ay ku jireen hoggaamiyeyaashii saldanooyinkii hore ee gayigga Soomaalida ka talin jiray sida Boqor Cismaan , Suldaan Cali Yusuf Keynadiid, Suldaan Cali Shire iyo halgamaayaal aad loo jeclaa sida xubnihii SYL iyo Cumar Samatar.

Waxaa sawirrada oo ku dhaganaa gurigiisa sidoo kale ku jiray madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya Aadan Cabdille Cismaan, boqorkii Abyssinia Najashe iyo halyeeyo kale.

Haddaba sawirka xiisaha dhaliyey waxa uu ahaa mid laga qaaday magaalada Xamar ama Muqdisho oo qadiimi ah.

Halkaa marka uu marayey ayaa waxa uu madaxweynihii hore ee Puntland sidoo kalena ah xubin ka mid ah Aqalka Sare ee  dowladda Federal-ka ah  ayaa waxa uu yiri-

Waagii dhaweed Xamar aan tagay, munashiibiyada la iga casumay, waxaan ku iri Xamar baan soo dhexmarayoo meel nool kuma arag, meesha hadda aad nagu casumeysaan waa meel cusub oo aad dhisteen laakiin Xamar bey ku taal, Xamarweyney ku taalaa, Xamar, Xamar, toddobaddii degmo ee Xamar koorkoodii waakaa, Xamarweyne iyo Shingaani meeshey iska galaan, soo hadda ka garanmeysaan wax, halkaas Barqash Area soo garan meysaan, Gurigii Barqash, wixuunuba soo garan meysaan.

Ayaantii waxan ku yiri adiga [Kheyre] hadda ku oran maayee, adigu dadkii dagaalka sokeeye galay ma ahide, raggii waa weynaa baa meesha fadh fadhiyaye aan qaar aqoonayo, Xamar oo saasaa idinka rabnaa haddii kale idinku soo noqon meyno. [Raiusl Wasaaraha waxa uu yiri waa run isaga oo qoslaya!

Hadaba waxaa su’aal mudan waxa uu ula jeedo Faroole hadalka ah ‘Xamar oo saasaa idinka rabnaa haddii kale idinku soo noqon meyno?”

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]